Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Moscow)-Madxaf ku yaalla magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa laga helay kaaarka aqoonsiga ah ee ay qaataan askarta basaaska ah, kaasi oo uu isticmaali jiray, Vladamir Putin oo xilligaasi u basaasi jiray dalkii la oran jiray Jarmalka Bari. Putin oo hadda ah madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sannadihii 1980-meeyadii si qarsoodi ah uga howl gali jiray magaalada Dresden, isagoo basaas u ahaa hay’adda KGB oo dhanka amniga u qaabilsaneyd maamulkii midowga Soviet. Hase ahaatee waxa uu isticmaali jiray kaar aqoonsi oo muujinaya inuu ahaa askari ka tirsan hay’adda Stasi, oo ahayd laanta dhinaca ammaanka ee jamhuuriyaddii shuuciga ahayd ee horay loo oran jiray Jarmalka Bari. Kaarkiisa aqoonsiga ee uu ugu shaqeyn jiray hay’adda Stasi ayaa la helay iyadoo cilmi baaris lagu sameynayo xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay hay’adaha KGB iyo Stasi. Mr Putin oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan KGB ayaa kaarkan aqoonsiga ah helay sannadkii 1985-kii. Waxaa loo siiyay si uu ugu shaqeeyo hay’adda Stasi, balse waxaa suuragal ah in uusan iyaga u basaasi jirin. Bayaan ay dhawaan soo saartay hay’ad uruurisa taariikhda hay’addii la oran jiray Stasi ayaa lagu sheegay in Mr Putin kaarkaas loo siiyay in uu fuliyo howlaha KGB, arrintaasi na ay qeyb ka ahayd wada shaqeyn dhex mari jirtay labada hay’adood. Sida dhabta ah, magaca Stasi wuxuu ahaa naaneys ay lahayd wasaaradda amniga qaranka ee xukuumaddii Jarmalka bari. Mr Putin, oo ku dhashay magaalada Leningrad (oo hadda loo yaqaanno St Petersburg), ayaa Jarmalka bari loo diray sannadkii 1985-kii, xilligaas oo uu ahaa 33 sano jir. Waxa uu howsha basaasnimada ah halkaasi ka hayay tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, xiligaasi oo ay xukuumaddii jarmalka bari ku burburtay mudaharaadyo looga soo horjeeday oo lagu taageerayay Dimuqraadiyadda. Kaarkiisa aqoonsiga ee Stasi waxaa la cusbooneysiin jiray saddexdii biloodba hal mar, sida ay muujiyeen shaabadaha ku yaalla kaaarka dushiisa. Balse ma cadda sababta uu kaarkiisa uga tagay goobta lagu keydiyo feylasha Stasi ee magaalada Dresden. 5-tii bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, wuxuu goob joog u ahaa dad mudaharaadeyaal ah oo la wareegay xarunta dhexe ee ay hay’adda Stasi ku laheyd magaalada Dresden, iyadoo ciidammadii ammaanka ee uu ka tirsanaa ay qarka u saarnaayeen in ay rasaas ku furan shacabka. Bishii Nofeembar ee isla sannadkaas ayey mudaharaadeyaasha bariga Baarliin dumiyeen darbigii Baarliin. Mr Putin ayaa xilligaas si fiican ugu hadli jiray luuqadda Jarmalka, wuxuuna sheegay in uu si shakhsi ah u dajiyay dadkii mudaharaadayay ee hareereeyay xarunta hay’adda KGB, isagoo markaas siinayay digniin ah in meeshaasi ay ahayd dhul uu leeyahay midowga Soviet. Intii uu waday howshii uu KGB uga hayay magaalada Dresden, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay darajada ciidan ee laba-xiddigle korneyl. Sannadkii 1989-kii, xukuumaddii shuuciga ahayd ee jarmalka bari ayaa Putin abaal marin ku siisay sidii uu daacadda ugu ahaa ciidammada milatariga ee qaranka, sida lagu qoray barta internet-ka ee Kremlin. Markii uu ku laabtay Ruushka, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay inuu noqdo madaxa hay’adda amniga ee federaalka, taasi oo baddashay hay’adda horay loo oran jiray KGB. Wuxuu madaxweynaha dalka Ruushka noqday sannadkii 2000. Bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, Mr Putin wuxuu shaaca ka qaaday in shaqadii sirdoonka ee uu u hayay hay’adda KGB ay qeyb ka ahaayeen macluumaad basaas ah oo “si sharci darro ah loo aruuriyay”. Isagoo ka hadlayay Telefishinka Qaranka ee Ruushka ayuu sheegay in dadkii wax u basaasi jiray KGB ay ahaayeen dad “tayo gooni ah leh, si gaar ah wax u go’aamiya, isla markaana dabeecad gaar ah leh”. Putin ma wuxuu basaas u ahaa Midowgii soviet ee Ruushka mise iyaga ayuu basaasi jiray? Heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray hay’adaha KGB iyo Stasi, oo ay BBC-da aragtay ayaa muujinayay in KGB ay 30 askari u joogeen Jarmalka Bari, kuwaasi oo si toos ah ula shaqeyn jiray hay’adda Stasi. Afhayeen u hadlay bogga Internet-ka ee Kremlin oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa dadka ku baraarujiyay kaarka aqoonsiga ee Mr Putin uu horay u isticmaali jiray. “KGB iyo Stasi waxay ahaayeen hay’ado sirdoon oo lamaane ah, sidaas awgeed ma garan kartid sababta ay kaararka noocaas ah u kala badasheen”, ayuu yidhi. Source
  2. Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa fartay murashixiinta u tartamaya xilka madaxwetinimada inay xakameeyaan hubka iyo ilaalada faraha badan ee ay kusoo daynayaan magaalada gudaheed. Wasiirka [...] Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: ▪ Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan. ▪ Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali). ▪ Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise. ▪ Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan. Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali). Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise. Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post Muqdisho Office The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare appeared first on Puntland Post.
  5. Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Cali Xasan Cabdallah oo muddo 10 sano ah ay sheegeen inuu ka mid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab. Cali Xasan Cabdallahi waxa ayAl-shabaab u yaqaaneen Cali Muhaajir, waxaana uu ugu dambeyn go’aansadey inuu Jubbaland isku dhiibo. Saraakiil u hadashay ciidanka Jubbaland ayaa sheegay iney soo dhoweeyeen Cali Xasan, iyaga oo sidoo kale ugu baaqay xubnaha kale ee Al-shabaab iney isku diibaan Jubbaland. Cali ayaa isna dhankiisa sheegay in muddo kadib uu si iskiisa ah u go’aansaday inuu uga soo baxo Xarakada Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamadda Darajada Kowaaad ee ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab. C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed ayaa qeyb ka ahaa qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. C/qaadir oo 41 jir ahaa kuna dhashey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku lug lahaa sahminta iyo diyaarinta qaraxyada, waxaana kamid ah qaraxyadii ka dhacay hotel Wehliye, 13 bishii March 2017 ayna ku dhinteen 10 ruux 17 kalena ay ku dhawacmeen. Warbixin uu diyaariyey TV-ga qaranka, ayaa muujineysa kaamirada qarsoon oo toos u duubtay mid ka mid ah qaraxyadii uu fuliyey oo dhacaya. Hoos ka daawo.
  7. Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Daacish. NISA ayaa sheegtay in ruuxa ay qabteen uu Daacish u qaabilsanaa soo xero gelinta xubnaha cusub ee kooxdaas iyo sidoo kale faafinta wararkooda. “Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Ururka Daacish ayaa si weyn ugu xooggan deegaannada Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala. Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargaysa) Xisbiga KULMIYE oo ku caanbaxay muddooyinkii danbe in Xisbiga looga caydhiyo masuuliyiinta ka aragti duwanaada hoggaanka ayaa markale shaaciyay In Xisbiga laga saaray saddex xubnood Oo siyaasiyiin Ah . Hoos ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargaysa) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay Cashuurta Xukuumaddu saartay Telefeeshinada. Hoos ka DAAWO Source
  10. Wasiirkii hore ee duulista hawada iyo garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda [...] Source
  11. Isimada Puntland, ayaa bayaanka kasoo saaray doorashooyinka kusoo wajahan Puntland Halkaan hoose ka akhhriso In la wada-qaato masuuliyad wadareed, cidkasta ay xil iska saarto sidii [...] Source
  12. MOGADISHU (Reuters) – The mastermind of militant car bombs that killed 26 people and injured nearly 40 others in Mogadishu in 2017 was executed in Somalia on Monday, the prosecutor of the military court said. Abdulle Bule said al Shabaab member Abdikadir Abukar was convicted of being behind a hotel bombing that killed 10, one near the ministry of sport that killed nine, and a car bomb near an Italian restaurant in the capital that killed seven. Al Shabaab wants to overthrow the weak, U.N.-backed Somali government and impose strict Islamic law. It has steadily been losing territory since African Union peacekeepers arrived a decade ago, but still carries out frequent bombings in the capital. At least 13 people were killed and 17 wounded in a car bomb attack claimed by the al Qaeda-linked group close to the president’s residence in Mogadishu on Saturday. Reporting by Abdi Sheikh; Editing by Clement Uwiringiyimana and Alison Williams for Reuters
  13. Burundi has opposed calls by the African Union (AU) to scale back its troops in Somalia serving as part of the African peacekeeping mission. Instead, Burundi has thrown back a counter offer instead asking the AU to task other African nations with withdrawing a proportionate number of soldiers. This has set up new battle lines between the east African nation and the African Union who already have tense relations. Burundi army spokesman Colonel Floribert Biyereke on Sunday said that the military would ask the government to argue for a proportionate number of troops be withdrawn from each AU member country, rather than solely Burundian soldiers. The AU has called on Burundi to ease its hard line stance on dissent and talk with its exiled opposition. Burundi is the second biggest contributor to the 21,500 strong peacekeeping force with 5,400 soldiers, behind Uganda with 6,200 but ahead of Djibouti, Kenya and Ethiopia. The African Union is gradually scaling back its Amisom force as Somalia’s nascent armed forces are trained and deployed to replace them. Amisom was first deployed in 2007 to support Somalia’s fragile internationally-backed government and fight Al-Shabaab jihadists blamed for scores of bloody attacks. A key consequence of an eventual troop drawdown is financial. Participation in Amisom is a valuable source of hard currency, and the scale back is likely to have a big impact on Burundi, every quarter, the AU pays it around $18 million. That represents a major source of foreign currency for Burundi, which has seen funding from the European Union suspended over human rights issues. Burundi soldiers also earn much less once they return from serving with Amisom, and an AU official who asked not to be named said they were poorly equipped, and thus logical candidates for the first phase of departures. Source: CGTN Africa
  14. Hooyo Suldaano Muuse Caddow, waxay ka mid ahayd Macalimiinta Soomaaliyeed ee mudada dheer waqtigooda u huray waxbarista, iyo kobcinta garaadka dadka Soomaaliyeed ee waxbaranaya. Halganka Nolosheeda iyo hamiga wayn ay ka laheyd soo saarista Bulsho waxbaratay oo leh maskax nadiif ah ayaa waxaa hor istaagay Al-Shabaab oo Qarax ku dilay 22-kii Bishaan December, xili ay u socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka tirsanayd. Hooyo Suldaano in ka badan 10-sano ayay ka shaqaynaysay howlaha Waxbarashada, iyadoo waqtiga uga badan ay ahayd Macallim waxbara Ubadka Soomaaliyeed. Waxay muddo dheer ka soo shaqaysay oo macallim ay ka ahayd Machadyo kala duwan oo ku yaala magaalooyinka Maka iyo Madiina ee dalka Sacuudiga. Sidoo kale waxay macallim ka soo noqotay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala dalka, sida ay inoo sheegeen dadkii ay aadka isku garanayeen Suldaano Allaha u naxariistee. 2015-kii ayay Suldaano Muuse ku biirtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dib loo howlgaliyay 2014-kii. Waxay haatan sidoo kale la shaqaynaysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida uu sheegay saygeeda Eng. Axmed Calasow. Alla ha unaxariistee Hooyo Suldaano waxay xilligaan ahayd Madaxa qaybta Tababarrada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana waxayd ahayd Macalimad dhigta luuqada English-ka. Suldaano Muuse Caddow da’deeda waxay ahayd 54, sano jir, waxayna ku dhalatay Gobalka Shabeellaha Hoose Sanadka markuu ahaa 1964-tii. Waxbarashadeeda Hoose, Dhexe iyo Sare waxay ku qaadatay Magaalooyinka Golwayn, Marka iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Sido kale degree-ga koowaad ee Jaamacadd waxay ka qaadatay Universiti Putra Malaysia (UPM) waxayna ka baxday kuliyadda luuqadaha. Shaadada master-ka ee heerka labaad ee Jaamacadda waxay ka qaadatay Lincoln University oo ku taala dalka Malaysia, iyadoo baratay cilmiga maaraynta Ganacsiga. Waxay ahayd Hooyo dhashay Saddex caruur ah, waxaana haatan ay ifka uga tagtay oo kaliya Hal wiil oo ay dhashay iyo labo caruur ah oo uu dhalay. “Waxay ahayd qof naxariis badan, oo aad uga war haysa dadka ay isku shaqada yihiin duruufaha iyo culaysyada ay dareemayaan, sidoo kale aad ayay ugu fir fircoonayd shaqada, waxayna ahayd qof aad iyo aad u jecel horumarka iyo isbadalka,” Sidaasi waxaa Radio Muqdisho u sheegay qof ka mid ah dadkii ay isla shaqaynayeen. W/D Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar
  15. Macalin ka tirsanaa macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ayaa saakay lagu toogtay agagaarka Haanta-dheer ee dagmada Dayniile. Maxamed Axmed Oongooye oo ah macalinka la toogtay waxaana la dilay kadib markii gaari uu watay lagu joojiyay halkaasi, waxaana dad goobjoogayaal ah tilmaameen in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay. Dilkan ayaa waxaa geystay dhaliyaro bastoolado ku hubaysanaa, waxa ayna isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, Oon-gooye waxaa uu ifka uga tagay seddex caruura iyo mid uurka lagu sido. Macalinka ayaa ahaa wiil dhalin yara ah oo 30 ku jira ah sida ay Goobjoog news u sheegeen qaar ka mid ah asxaabtiisa. Maxamed Axmed , waxbarashadiisa ilaa heerka dugsiga sare waxaa uu ku soo qaatay dalka Kenya, waxaa uu waddan-ka ku soo laabta sanadkii 2014-kii, waxaa uuna heerka 1aad jaamacada ka bilaabay jaamacada Horn of Africa ee magaalada Muqdisho, waxaa uuna ka baxay 2017kii, isaga oo bilaabay inuu jaamacada Horn of Africa iyo jaamacado kale uu ka bilaabay luqadda Ingiriiska, waxaa kale uuna ka tirsanaa wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Issimada Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa bayaan afar qodob ah ka soo saaray doorashada. Issimada ayaa sheegay in ay doonayaan in doorashada Puntland ku dhacdo si dagan oo xasiloon, isla markaana musauuliyada amnigu ay tahay masuuliyad wadareed cid kasta oo reer Puntland looga baahan yahay in ay ka shaqeyso. Sidoo kale Issimada Puntland ayaa sheegay in ay markasta la socon doonaan xaalada doorashada tan iyo inta ay ka dhamaanayso. Bayaanka ay Issimada Puntland ka soo saareen doorashada oo warbaahinta u akhriyay Suldaan Bashiir Muuse ayaa kala ahaa. In la wada-qaato masuuliyad wadareed, cidkasta ay xil iska saarto sidii loo heli lahaa doorashado ku dhacda nabad iyo xasilooni. In Guddiga xalinta khilaafaadka lagu aamino in ay soo ansixiyaan soona saaraan xildhibaaanadii beeluhu soo xusheen, Issimudan soo saxiixeen. In musharaxiin yihiin masuuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saaran yahay la shaqeynta Guddiga doorashada iyo laamaha amniga. In taliyaasha amniga ay masuul ka yihiin amniga guud, musharaxiintu ay u siman yihiin. Kulanka Issimada Puntland ka soo saareen bayaanka ayaa daba socday kulamo ay horey ula qaateen musharaxiinta Puntland oo cabashooyin ka qabay Guddiga khilaafaadka iyo amniga doorashada. PUNTLAND POST The post Garowe: Issimada Puntland oo bayaan ka soo saaray doorashada appeared first on Puntland Post.
  17. Waxaa meel wagaansan maraya dhismaha Dekedda Garacad oo uu dhawaan dhegax dhiga Madaxweynaha dowladda Puntland mudane Cabdiwali Cali Gaas . Dhismaha Dekedda Garacad ayaa bilaabatay [...] Source
  18. Maxkamada Darajada koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday nin lagu eedeeyay in uu ka [...] Source
  19. Wasiirkii hore ee duulista hawada iyo garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. Xaflad ballaaran oo masharuxu ku shaacinayay go’aankiisa oo lagu qabtay Garowe, ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal qof oo ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan, Isimada soo jireenka ah ee Puntland iyo masuuliyiin katirsan golaha wasiiradda. Dadkii xaflada ka hadlay, ayaa musharaxa ku ammaanay inuu yahay shakhsi muwaadin ah oo ay ku weyn yahay Puntlandernimada wax badan oo horumar ahna kasoo qabtay Puntland. Waxaa kale oo lagu ammaanay inuu yahay masuul ay ka go’antahay xoraynta gobolka Sool iyo midnimada Puntland uuna mudan yahay in xilkaan loo doorto. Caaqil Axmed Hoolif, oo kamid ah caaqilada gobolka Sool, ayaa sheegay in uu magaalada Laascaanood ugasoo safray si uu ugasoo qeyb galo musharaxnimada Axmed Karaash, si uu u umujiyo kalsooni buuxda uu ku qabo Axmed Karaash in uu yahay nin soo celin kara haybadii iyo sharafkii gobolka Sool lahaa ayna ku garab istaagayaan tilaabadaas. Isimada Puntland oo kalmado kooban ka jeediyay madasha, ayaa musharaxa ugu duceeyay inuu xilkaan ku guulaysto haddii uu kheyr ugu jiro, waxayna siiyeen dardaaran culus oo ku saabsan xilka uu utartamayo. Musharax Axmed Karaash oo qudbad dheer ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka intii uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo wasiirkii duulista hawada Puntland, isagoo sheegay shaqooyinkii uu kasoo qabtay inay maanta si wacan uga muuqdaan Puntland. Axmed Karaash ayaa tilmaamay haddii uu ku guulaysto xilkaan inuu ka shaqeyndoono difaaca Puntland, wadajirka iyo isku keenida shacabka. Waxaa uu balanqaaday xitaa haddii uu ku guulaysan waayo inuu ahaandoono odey reer Puntland ah oo halganka halkiisa kasii wada. Axmed Karaash ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee katirsan xukuumada Puntland ee iskusoo sharaxa xilkaan, waana markii labaad oo uu xilkan u tartamayo. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo ku dhawaaqay musharrax madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu sii daayo Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, sida ay sheegtay idaacadda Risaala ee Muqdisho. Roobow ayaa ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii uu Baydhabo ka bilaabay Olole ku aadan Musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed. Roobow ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana soo xiristiisa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallo ay u socdaan madaxda sare ee dowladda iyo siyaasiyiinta dowladda ugu jira beesha Digil iyo Mirifle ee uu kasoo jeedo Roobow. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay Caasimada Online la xiriirtay ayaa sheegay inaysan ka war-hayn qorshe lagu sii daynayo Roobow oo go’aan laga gaaray, balse waxa qireen inuu jiro dadaalka ay wadaan siyaasiyiinta ku beesha ah. Hoos ka dhageyso warbixinta idaacadda Risaala https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/War-Feysal-iyo-Roobwo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Villa Soomaaliya ayaa Xasan Daahir Aweys ka qaadey Qalabkii isgaarsiinta ee uu ka isticmaali jiray BarahaBulshada. Xasan Daahir Aweys ayaa waahadaanba wuxuu sitoosa oo LIVE [...] Source