-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dab geystay khasaare hantiyadeed ayaa maanta ka kacay dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qof Goob jooge ah ayaa u sheegay Goobjoog in dabkan uu ka kacay Koronto gurigaa ku jirtay, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo. Waxaa gubtay dhammaan agabkii yaallay halka dabka uu ka kacay, iyadoo dabdamisyada Shirkadda Hormuud ku guuleysteen in dabka damiyaan inta aanu usoo gudbin qeybaha hoose ee dhismaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GOOBJOOGE-DABKA-BAKAARAHA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay isbadalka dhaqaalaha ee gobolka Geeska Africa iyo maalgashi lagu sameeyo dekadaha Soomaliya iyo Jabuuti. Mar uu ka hadlayay horumarinta dekadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu sheegay in dowladda Jabuuti Waligeed ay taageersaneyd inay hesho dekado ay tartan la gasho si suuq wanaagsan loogu helo bariga Africa. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sheegay in Tartanka dhinaca Dekadaha ah uusan saameyn badan ku lahayn Dekadaha dalka Jabuuti islamarkaana u waanagsanyahay Gobolka. Dowladda uu madaxweynaha ka yahay ayuu sheegay inay soo dhaweyneyso tartan maalgashi oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah, taasina ay dhalineyso in loo kala hormaro kuwa wanaagsan. Tartanka dalalka deriska ah ay ugu jiraan suuqa weyn ee Ethiopia ayuu sheegay in Jabuuti ay halkeedii hore ka taagantahay tartankana soo dhaweyneyso. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay Madaxweyne Geelle dib u heshiisiinta Eritrea iyo Jabuuti isaga oo sheegay in dhawaan ay kulmi doonaan Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal,kana hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
The standing committee of Somalia’s Upper House chamber of Federal Parliament held Tuesday in Mogadishu. During the sitting, the Senate’s chairman, Abdi Hashi Abdullahi has briefed the senators about his recent working visit to Kismayo city, the interim capital of Jubbaland state. The speaker paid a trip to Jubbaland and held talks with state president, Ahmed Madobe over the current political rift between the central government and regional administrations. The Senate is working around the clock to solve the deadlock and restore the cooperation between the two sides as the country on the path for recovery after decades of conflict. The post Senate’s standing committee holds meeting in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
The office of the Banadir governor who also doubles up as the mayor of Mogadishu municipality has suspended Yaqshid district commissioner, Ahmed Mohamed Hassan Gedow. Letter from the governor’s office signed by the deputy mayor for finance, Hussein Mohamed Nur has suspended the district official citing financial mismanagement case. Yaqshid deputy district commissioner was instructed to immediately take over as acting capacity in the letter. The suspended official is out of the country for an official trip. The developments come following the absence of Governor Mohamed Omar Osman from office. Engineer Yarisow is outside the country for an official visit that took weeks. On September this year, the Banadir deputy governor has similarly suspended Hamar-Weyn district commissioners, Omar Sharif Jeg for using an appropriatee language towards the government and the police force. The post Yaqshid district commissioner suspended over financial mismanagement appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden oo maalmahan caasimada Muqdisho u joogto ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ayaa ciyaartii labaad loo qorsheeyay waxaa ay 3-1 kaga adkaadeen wiilasha Madabacada Qaranka. Kulankii kowaad ee saaxiibtinimo xidigaha Som United waxa ay guul daro 1-0 kala kulmeen dhiggooda Muqdisho United inkasta oo ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan xirfad wanaagsan. “Waan ku faraxsanahay natiijada kasoo baxday kulanka,balse yoolka aan caruurtan u keenay wadanka kaliya ma ahan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ee waa in ay bartaan dhaqankooda iyo dalka ay iyaga lee yihiin” waxaa sidaas wariyaha Goobjoog u sheegay Maxamed Cabdiqaadir oo ah layliyaha Som United. Qeybta kowaad kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen wiilasha Som United waxaana ciyaartan kasoo qeyb galay wafdiga kooxdan iyo taageerayaal aad u tiro badan. Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka ciyaartooyda Madbacada Qaranka ayaa helay gool ku laad,balse natijada ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku qaateyn kooxda Som Unied ee ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden. “Kooxda iminka way la qabsatay ku dheelista garoomada dalka qof walbo ayaa jecel guusha anagana dadka oo dhan ayaa ina soo eegaya maadaam aanu nahay koox ka ciyaarta horyaalka 4aad ee Sweden”waxaa sidaas Gooboog Sports u sheegay Yaasir Maxamed Maxamuud oo ka mid ah wafdiga kooxda horayna ugu soo ciyaaray xulka qaranka kubbadda cagta Soomaaliya. Wiilasha Som United iminka waxaa u haray laba ciyaareed,iyagoo la dheelidoona kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Muqdisho City Club oo magacaan qaadatay 25-November 2018 horayna waxaa la oran jiray Banaadir Sports Club. 26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United 28-12-2018-Som United VS Muqdisho City “Waan ku faraxsanahay in sanadka sii dhamaanaya ee 2018 aan caasimada u imaado horomarin iyo is dhaxgal bulsho waxaan sugi la ahay kulanka adag ee dhex maridoona ciyaartooyda Som United iyo L.L.P Jeenyo ee aan horay ugu mid ahaa dadkii kusoo baxay dibna usoo nooleeyay”waxaa sidaas inoo sheegay Bashiri Cilmi Maxamed Bashiir (Jeenyo) oo ah madaxda wafdiga Som United horayna ugu soo dheelay L.L.P Jeenyo iyo xulka qaranka dalka. Isku soo wada duub safarka Som United ee caasimada ayaa ku eg 30-December 2018 waxayna noqonaysaa kooxdii Saddexaad oo wadanka imaaday sanadkan sii dhamaanaya 2018. Hlakan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Som United VS Madbacada Qaranka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore shaacisay inay heshiis la gashay shirkado Kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha kuwaasi oo la siiyay Ruqsad ay kaga kaluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya. Wargeyska Quartz oo xarumo ku leh Washington iyo London ayaa warbixin dheer oo looga hadlayo heshiiskaasi daabacay, waxaana inta badan warbixinta ay la xiriirta saameynta ka dhalan karta heshiiskaasi. Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in rajada dowladda Soomaaliya ay tahay in koror uu ku yimaado dhaqaalaha Soomaaliya, balse ay jiraan halis kale oo heshiiskaasi ku hoos duugan. Maraakiibtaasi oo bishan bilaabay inay ka jilaabtaan Badda Somalia ayaa waxaa loo fasaxay inay ka hawl-galaan ilaa 24 nautical miles oo u dhiganta 44-KM, si loo ilaaliyo hawlgalladda kalluumeysiga. Haliska Koowaad ee ku duugan arrintaan ayaa lagu sheegay inay tahay inay dib usoo labo kacleyn karaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasi oo weerari kara maraakiibtaan maadaama ay og yihiin halka ay ka howlgalayaan. Warbixinta ayaa lagu sheegay inaysan cadeyn xadiga Kaluumeysi ee ay sameyn karaan maraakibtaan bishii ama sanadkii, balse waxaa loo ogol yahay in muddo sanad ah ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya. Halista Labaad ayaa lagu sheegay in Marakiibtaan ay la imaan karaan maraakiib ka qaad weyn kuwa lagula heshiiyay inay muddo sanad ah kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Ururada shaqaalaha iyo dadka u oleelaya bulshada rayidka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay dibadbaxyo loo wada dhan yahay oo lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir. Dadkan waxay codsanayaan inuu xilka ka dego madaxweynha isla markaasna la sameeyo dowlad kumeel gaar ah. Waxay qorsheynayaan inay dibadbaxyo ka dhigaan agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartuum. Dhaqaatirta Suudaan ayaa Isniintii dibadbaxyo ka dhigay dalkaasi, waxayna ka qeyb yihiin dadka ka careysan qiimaha shidaalka iyo rootiga oo sare u kacay. Isniintii, madaxweyne Cumar Al Bashiir ayaa ballan qaaday inuu isbaddallo dhab ah sameyn doono isla markaasna uu wax ka qaban doono nolosha dadka reer Suudaan. Wuxuu madaxweynaha ka digay tallaabooyinka khalkhalga horseedi karo. Dalka Suudaan waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday bannaanbaxyo ay dadweynaha kaga soo horjeedaan qiimaha rootiga iyo shidaalka oo sare u kacay. Waxaana dibadbaxa ku dhintay tiro dad ah. Source
-
(SLT-Tell Aviva)-Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay qorsheeneyso dagaal buuxa oo ay ku qaaddo Suuriya, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalkaas. Wargeyska ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweyne Trump ciidamadiisa uga saarayo Syria uu ku qasbay Israel inay wajahdo joogitaanka Iran ee dalkaas. Wargeyska ayaa kasoo xigtay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman isaga oo leh “Bixitaanka ciidamada Mareykanka waxay sare u qaadday suurta-galnimada ah dagaal baaxad weyn oo ka dhaca waqooyiga, haddii ay noqon lahayd Lebanon ama Syria.” Lieberman ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay sare u qaadi doonto niyadda madaxweyne Bashar Al-Assad iyo xulufadiisa Iran iyo kooxda Xizbullah. Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ayaa kasoo xigtay khabiir miltari oo Russian ah, Yuri Liamin inuu yiri “Hadalka Lieberman, Iran kama soo qaadi karto mid la iska yiri” Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria. Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish. Source
-
(SLT-Garoowe)-Waxaa aad loo hadal hayey sanadkan in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke isu soo taagi doono doorashada Madaxweyne ee Puntland. Cumar oo ah Senator ka mid ah Aqalka Sare, ayaa ku jira siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda ay gadh-wadeynka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre. Waxaa aad loo saadaalinayey in sanadkan uu Garowe loolanka ka socda ka qeybgali doono maadama uu ku fashilmay doorashadii 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo. Halkaas ayaa la qabay in uu saldhigan doono si uu awooddiisa siyaasadeed ee uu ku saameyn karo Villa Somalia ugu yeesho. Cumar Cabdirashiid waxaa la wada ogyahay in u gacan saar weyn la leeyahay Imaaraadka oo lagu tilmaamo in uu yahay DILAALKOODA Soomaaliya iyo Geeska Africa. Maxaa ka reebay doorashada? Sida xoge hoose lagu heley Cumar Cabdirashiid iyo Imaaraadka shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Dubai ayaa lagu kala dooran siiyey laba midkood; 1 – Halagugu taageero doorashada Puntland, 2 – Ama doorashada 2021-ka Soomaaliya. Ilo wareedyada waxa ay xaqiijiyeen in Cumar Cabdirashiid doortay doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo 2021-ka, oo booska Puntland loo daayey Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni kii guuleystay. Siyaasiyiinta ugu cad cad ee qorshaha kowaad iyo Labaad u ah Imaaraadka ee Puntland waa Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni. Ma hubna in taageerada Imaaraadka wax u tari doono Cumar Cabdirashiid, waxaana jirtay in malaayiin dollar oo ay ku bixiyeen sanaddii 2017 ay waxba tari weysay. Source
-
(SLT-London)-“Waxaan maalin walba arkaa dhibaatada ay maraan hooyooyinka,” ayey tiri Jenni Lee oo ah hooyo si kali nimo ah ku soo korisay carruurteeda. “Waxan ka howlgalaa xarun ay ku nool yihiin dad sabool ah, halganka ay hooyooyinka wajahaan maalin walba ma ahan mid sahlan.” Jenni ayaa barteeda Facebook-ga ku soo qortay farriin ay ku dhiiragelinayso waalidiinta kale. “Waxan rabay in dadka ay ogaadaan inay jiraan dad kale oo fahansan, ayna ogaadaan inaysan kaligood ahayn.” . Carruurta Jenni ayaa waxa ay kala jiraan 12 sanno, 15, 16 iyo 21 sanno, waxayna sheegtay in hadda ay nolosha u fududaatay. Jenni ayaa ayaa dadka ku taxan barteeda facebook-ga la wadaagtay geeraar dheer oo ay uga hadlayso carruurteeda. “Waxay guriga la imaadaan warqado ku saabsan safarka iskuulka oo u baahan lacag, marka waa inaan lacag ka dayansado asxaabta.” “Maalmaha aan qarash fiican haynin waxaan ku mashquulin jiray cunnooyin fudud.” “Waxaad iigu imaaddeen sarriirtayda saqdii dhexe habeenkii, anigoo oynaya oo isku dayaya inaan seexdo.” “Xasuusta Markii aan soo lugayn jirnay, idinkoo iskuulka ka soo baxay, maxaa yeelay ma aanan awoodin inaan Bas idin saaro.” “Marka aan idin geeyo xeebta, waxaan idiin oggolaan jiray inaad dabaalataan. waayo waxaan rabay inaad faraxdaan.” “Mar walba oo aad u baahatan labis wanaagsan, waxaan soo jeedi jiray habeenkii oo dhan, si aan idiinku helo dharka aad jeceshihiin, maxaa yeelay ma doonaynin inay dadka idinku qoslaan.” “Marka la igu casuumo xafladaha habeenkii, waxaan dooran jiray inaan guriga idinla joogo, maxaa yeelay waxaad u baahneydeen xasillooni iyo in lacag la idiin keydiyo.” “Waxaan si qarsooni ah qolkiina usoo geli jiray habeenkii waxaana ku fadhiisan jiray sarriirta, ma jirin wax aan raadinayey balse waxaan rabay inan ogaado inaad fiicantihiin. Waxaan jeclahay inaan idin daawado xilliga aad hurdaysaan.” “Marka aan dareemo inaan guul daraystay, waxaad i dareensiisaan jacayl.” “Ujeedadayda ayaad tihiin, waxaad tihiin jacaylkayga rasmiga ah, waxaadna tihiin ujeedada aan subax walba u kaco.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C.raxmaan C/Shakuur oo kamid ah xubnaha Mucaaradka ayaa walaac xoogan ka muujinaya xaaladaha amaan ee dalka Soomaaliya hadda ku sugan yahay iyo halista Imaan karta. C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in halis ka daran Al Shabaab ay muuqaneyso inay kasoo socoto Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay qaabkii ay Al Shabaab ku dhasheen kadib faragelintii Ethiopia ee 2006. Sanadkii 2006 ayuu sheegay in dowladda Mareykanka ay taageertay dowladda Ethiopia, waxaana uu sheegay in culeeskii xiligaasi jiray ay ka dhasheen AL Shabaab, laakiin hadda waxaa muuqata halis kale oo ka daran. “Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dawlada Maraykanka ayaa gadaal ka taagneed. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay ka dhalato” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Khatarta badan ee hadda Muuqata ayaa ah dagaalka u dhaxeeya Al Shabaab iyo Kooxda Daacish oo hadda ka bilowday gobolada Gedo iyo Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay xaalada Soomaaliya ee xilligan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in faragelintii dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya sanadkii 2016 ay ka dhalatay in Al-Shabaab sameysmeen. Waxaa uu sheegay in cabsi weyn uu ka qabo in natiijo ka daran Al-Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya, taasoo uux usay in saan-saanteeda muuqato. Ma sheegin natiijadaas iyo halka ay ku qotonto, balse biyaha dhaca warkiisa ayaa ahaa heshiiska saddex geesoodka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee is dhex galka ah. “Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dowladda Mareykanka ayaa gadaal ka taagneed. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay ka dhalato”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Inta badan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhaliilo ugu soo jeediya dowladda Federaalka baraha bulshada, hadana waxaa uu aad ula kulmaa falcelino aad u kulul ee dadka ra’yigiisa ka soo horjeeda. Source
-
(SLT-Asmara)-Wasiirka Macdinta iyo Tamarta Eritrea General Sibhat Efrem ayaa la sheegay inuu dhaawacay shaqsi aan haybtiisa la garan, dhaawac culus oo soo gaadhay dartiina dibadda loola cararay. Dowladda Eritrea inkasta oo ay si rasmi ah uga hadlin dhawaca wasiir Efrem loo geystay haddana Danjiraha Eritrea u fadhiya Japan Danjire Istifaanoos Afawarqii oo cambaareeyey dhaawaca loo geystay wasiirka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray inuu u rajeeynayo caafimaad degdeg dhaawacana uu degdeg uga bogsado. “Sibhaat waxaan u rajeeynayaa caafimaad waxaanna si weyn u cambaareynayaa ayuu yiri falka ay dadka fuleyga ah geysteen.” BBC-da oo isku dayday iney arrintaan xog dheeraad ah ka hesho oo la xidhiidhay dowladda Eritrea uma suuragelin iney wax xog ah ka hesho dhanka Asmara. Wasiirka ayaa lagu dhaawacay xilli uu marayey meel ku dhaw guri uu ka degganaa magaalada Asmara shaqsiga weerarka geystayna uu ahaa nin mudda badan meel ugu gabbanayey, waxayna hay’adaha amniga ee Eritrea sheegeen shaqsigii wasiirka dhaawacay iney gacanta ku soo dhigeen. General Sibhaat wuxuu muddo 19 sano ah uu soo ahaa wasiirka gaashaandhigga Eretria, sanadihii ugu horreeyey ee ay Eritrea xornimada ka qaadatay Itoobiyana wuxuu soo ahaa duqa magaalada Asmara ahna wasiirka Caafimaadka. General Sibhaat oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu awoodda badan xisbiga haya talda dalka Eritrea ee EPLF wuxuu sida oo kale xubin uu ka yahay xafiiska siyaasadda dalkaasi laga hoggaamiyo. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay hirgeliso ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda dalkaasi oo ay kamid yihiin wasiirada, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalkaasi. Ciidammadan oo loogu magacdray ilaalada Jamhuuriyadda ayaa dhamesytay tababar gaar ah oo loogu diyaariyay sidii saraakiisha sarsare ee dowladda iyo qoysaskooda ay uga difaaci lahaayeen cid walba oo dhibaato la damacsan. ”Ciidammadan waxaa ay qeyb ka yihiin laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya, waxaana ay dhoowri doonaan sareeynta sharciga” waxaa sidaasi lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Ciidankan oo ah milateri si gaar ah u tababaran ayaa loo xil saaray in khatar walba ay ka difaacaan madaxda ugu sareysa Itoobiya. Waxaa ay lixdii bilood ee la soo dhaafay qaateen tababar dheeraad ah, waxaana haatan loo diyaariyay hub casri ah oo ay ku howlgalaan. Dhoolatus ay soo bandhigeen ciidankan oo uu ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen tababarkii ay qaateen iyo qaabka ay ugu diyaarsanyihiin shaqada loo igmaday. Bishii Oktoobar ee sannadkan ayay aheyd markii ciidamo gadooday ay gudaha ugu galeen madaxtooyada Itoobiya, kuwaasi oo dalbanayay mushaar kordhin, hasa yeeshe Abiy Axmed oo la kulmay ciidankaasi ayaa jimicsi la sameeyay si uu u dejiyo xaaladda. Mar uu ka hadlayay barlamaanka dalkiisa ayuu Abiy Axmed waxaa uu sheegay in ciidankaasi ay doonayeen inay dilaan isaga, waxaana markii dambe la xukumay qaar kamid ah ciidammadii sameeyay gadoodka. Bishii Juun ee isla sannadkan ayay aheyd markii ra’iisul wasaare Abiy uu ka ”badbaaday shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo” xili uu ka khudbeenayay goob fagaara ah oo ku taala magaalada Addis ababa. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa u jawaabay xildhibaano dhawaan sheegay in laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Guddoomiye Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in xildhibaanada Jubbaland laga masaafuriyay magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland. Xildhibaan Khadiijo Kuwait ayaa maalmo ka hor ka sheegtay magaalada Muqdisho in nafteeda ay kala soo baxday magaalada Kismaayo kadib markii dil loogu hanjabay, waxaana ay sheegtay inay ka horyimaadeen qodobo la doonayay in dastuurka laga badalo. Waxaa kale oo xildhibaan Khadiijo ay sheegtay in beelaha qaar lagu takooro deegaanada Jubbaland, iyadoo caga jugleyn ay kala kulmaan xubnaha ku matala maamulka sare ee Jubbaland. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan eedahaas ay yihiin waxba kama jiraan Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee Maamulka Jubaland ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan. Waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan Beelo si gaar ah loo takooro isaga oo sidoo kale sheegay in Maamulka iyo dadka degaannada Jubaland ay si wadajir ah u shaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Aqoonyahanno iyo falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa aragti kala duwan ka bixiyey waxa sababay in xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ay dib uga laabtaan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Waxa ay qaarkood sheegeen in sababtaasi laga yaabo iney tahay u turista dalka iyo dadka. Halka aqoonyahannadan qaarkood ay sheegeen iney tahay guul darro siyaasadeed oo soo wajahday xildhibaannadii mooshinka waday. Dhowaan xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka oo mooshin ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sababta ay dib uga laabteen mooshinkaa ay tahay u turista shacabka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dedaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisad ka dhaxeysa beello wada dega deegaanno ku dhow degmada Maxaas ee gobolkaasi. Degmada Maxaas waxaa ku sugan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo waxgarad aad u badan. Guddoomiye Dabageed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ulajeedka ay degmada Maxaas u joogaan tahay ka shaqeynta nabadda dadka walaalaha ah ee deriska ah. Waxa uu tilmaamay in maanta ay ballansan yihiin waxgaradka dhanka Galmudug, islamarkaana laga wadahadli doono waxa dhacay. “Wiilashu iney dhintaan faa’ido ma ahan, waxaan u joognaa inaan nabadeyno dadkan walaalaha ah ee is gaaray” ayuu yiri guddoomiyaha. Beello isku haya arrimo dhul ayaa dhowaan ku dagaallamay deegaanka Dudun Cad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkasi ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Buulo-burte ( Sh. M. Network )-Wafdi ka socda dowlad goboleedka HirShabelle ayaa saaka ku wajahan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Wafigan oo isugu jira Xildhibaano iyo mas’uul sar sare oo ka tirsan maamulkaasi ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Ujeedka wafdigani ayaa ah ka qeyb galka munaasabad xil wareejin ah oo ka dhaceysa gudaha degmadaasi. Munaasabaddani ayaa waxaa xilalka kula kala wareegaya guddooomiyaha cusub ee Buulo-burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi iyo guddoomiyihii hore ee degmadaasi Cabdi Daahir Guur (Karoore). Dhinaca kale waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka degmada Buul-burte, iyadoona saaka Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagu arkayo magaaladaasi. 19-kii bishan ayey aheyd markii isbedal lagu sameeyay maamulka degmadaasi, kadib Wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee HirShabelle. The post Wafdi ka socda HirShabelle Oo ku wajahan degmada Buulo-burte appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidamada booliska Puntland, kadib markii todobaadkan ay soo gaareen Puntland wafdi kasocda dowladda faderaalka Soomaaliya oo tirakoobaya ciidamada [...] Source
-
Marko (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan ciidamada dowladda ay la wareegeen ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay go’doomiyeen degmadaasi. Xaalad aad u adag ayaa ka taagan degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaasi. Saneter Axmed Macalin Cumar oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay go’doon geliyeen dhamaan waddooyinka gala degmada Marko taasi oo xaalad adag gelisay shacabka degmada. Wuxuu Sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay go’aan ka qaadato arrimaha halista ku keenaya shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in xaalad adag oo dhanka Noloshada ay haysato Shacabka ku nool Magaaladaasi. Magaalada Marka ayaa dhawaan waxaa la wareegeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya, iyadoona halkaasi ay ka saareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baladweyne ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Hiiraan Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horreyn Nabadoonka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay wax badan ka qabatay gudaha dalka. Nabadoon Dacar ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan, lana shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay u turaan shacabkooda, kana shaqeeyaan danta guud ee Qaranka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Hiiraaan-1.mp3 The post Nabadoon Dacar “Wax badan ayey qabatay DFS” appeared first on Shabelle. View the full article