-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mandheera (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hor leh oo ciidamada Kenya lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya. Wararka ka imaanaya degmada Mandheera ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska Kenya. Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 2 askari ay ku dishay weerarka islamarkaana ay ku dhaawacday sedax kale. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab oo ay soo dhigeen warbaahinta taageerta ayaa lagu yiri “Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen gudaha degmada Mandheera ee NFD waxay ku dileen 2 askari oo katirsan dowladda Kenya sedax kalane dhaawacyo ayaa gaaray.” Dhinaca kale warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaysa saraakiil katirsan Maamulka Mandheere ayaa sheegtay in Afar sarkaal ku dhaawacmeen kadib markii Bambaano lagu weeraray isku imaatin ay ciidamadu ku sugnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
(SLT-London)Waxaa lagu jiraa waqtig sanad kasta ay qiimaynta ugu badan warbaahinta kubbada cagtu ka sameeyaan ciyaartoydii ama kooxihii ugu bandhiga fiicnaa wuxuuna Sky Sports soo saaray tobanka xidig ee ay u aqoonsadeen in ay sanadkan 2018 ugu fiicnaayeen kubbada cagta England. Sky Sports oo haysta xuquuqda baahinta kulamada premier league inta ugu badan ayaa haya xogta ciyaartoyda iyo waliba bandhiga ay soo sameeyeen oo muuqaal iyo xogba lagu hayo waxayna ugu danbayn isku ururiyeen xogta qiimayntooda tobanka xidig ee Premier League ugu fiican. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta Sky Sports uu ku soo saaray tobanka xidig ee sanadkan dhamaadka ee 2018 ugu fiicnaa Premier League iyo mid kastaaba kaalinta uu ku jiro. Halkan kaga bogo liiska iyo faah faahintiisa. Wilfried Zaha (Crystal Palace) Haddii aanu dhamaadkii xili ciyaareedkii hore kuna beegnayd horaantii sanadkan 2018 uuna Wilfried Zaha soo bandhigin qaab ciyaareedkii layaabka lahaa waxay maanta Crystal Palace ku jiri lahayd heerka labaad ee kubbada cagta England. Zaha ayaa lagu tilmaamay in uu yahay xidiga Premier league ugu fiican ee aan ka tirsanayn lixda kooxood ee Premier league ugu waa wayn mana jiro xidig kale oo kaalintan ku haystaa, laakiin taas badalkeeda waxa uu noqday xidiga tobnaad ee guud ahaan premier league oo dhan ugu fiican. Zaha ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waa wayn ee Premier league gaar ahaan kooxaha Tottenham iyo Liverpool laakiin waxa uu wali ka ciyaarayaa kooxda Crystal Palace waxaana la filayaa in waqti aan fogayn ay koox wayni qiimo sare ku dalban doonto. Zaha ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu gambiska iyo xawaaraha badan Premier league kaas oo dhibaato badan ku abuuray difaacyada kooxaha ka soo horjeeda wuxuuna qiimaynta Sky Sports kaga soo baxay kaalinta 10 aad ee ciyaartoyda sanadkan 2018 ugu fiican Premier league. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) Aubameyang ayaa bishii January ee horaantii sanadkan waxay Arsenal kula soo wareegtay £60 milyan gini kadib markii uu kooxda Brussia Dortmund ku qanciyay in waqtigiisii Germany uu soo dhmaaaday wuxuuna xidiga reer Gabon noqday mid muhiimad wayn u yeeshay kooxdiisa Gunners. Tayada Aubameyang waxaa la ogaa isaga oo aan Premier league soo gaadhin waxaana hore ugu dagaalamayay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo dhan laakiin markii ay kooxaha yurub hoos u dhigeen dadaalkii ay Aubameyang ku doonayeen ayay Gunners si wayn ugu guulaysatay. Aubameyang ayaa 20 gool oo Premier league ah soo dhaliyay 29 kii kulan uu sanadkan u soo ciyaaray Arsenal taas oo muujinaysa in uu ka mid yahay gool dhaliyaasha ugu halista badan horyaalka Premier league. Aubameyang ayaa noqday xidig 9 aad ee Premier league ugu fiican sanadkan 2018 ee qiimaynta khaaska ah ee uu Sky Sports soo saaray. Source
-
(SLT-Baydhabo)Hay’adda Ka-hortagga Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa warbixin dheer ka qortay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Baydhabo iyadoo warbixintana cinwaan ugaga dhigtey “K/Galbeed: Madaxweyne la caleemo-saaray iyo Xiisad Holacday”. Warbixintan ayaa qoraalkeeda lagu bilaabay in 19kii December ay xildhibaano daalan ee Maamulka KoofurGalbeed u doorteen Cabdicasis Maxamed Laftagareen madaxweyne codeyn khilaaf badan uu hareeyay taasoo sal u noqon karta amni darro cusub. ICG ayaa aaminsan in uusan Laftagareen uusan doorashadan ku guuleysan lahayn haddii uusan ka heli lahayn kaalmo dowlada federalka,kadib markii ay ugaga faa’ideysay inay xabsiga dhigto musharaxii la tartami lahaa Muqtaar Roobow oo hore ugaga mid ahaa madaxda Al-Shabaab isla maraana ciidamo Itoobiyaan ah dhigtey deegaanada ay is lahayd dowladu inuu kacdoon ka bilaaban karo. “Halista ay farogelinta dowlada federalka ku sameysay doorashada Koofurgalbed waa wajiyo badan tahay iyadoo xirtey Roobow,Laftagareena ka dhigtey Madaxweyne taasoo ah mid dhinac ah marka la fiiriyo awood qeybsiga inkastoo labada ninba ay ka soo wadajeedaan Beesha Raxanweyn, hase yeeshee Roobow ayaa ka soo jeeda beel weyn oo saameyn weyn leh.”ayaa lagu yiri warbixintan. Sidoo kale warbixinta ayaa taabatay dowlada Itoobiya waxaana lagu sheegay in Dowlada Federalka ay abuurtay dareen naceyb ah oo loo qabo dowlada Itoobiya maadaama ay ku gacan siisay dowlada. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in xariga Muqtaar Roobow uu sababi karo in hogaamiyaasha Alshabaab aysan ku soo dhiiran inay dagaalka joojiyaan maadaama uu xabsi u dambeynayo. “Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay ayaa waxa uu ka soo jeedaa gobolka Bakool isagoo ka dhashay beesha Leesaan waxa uu ka mid yahay Islaamiyiinta caanka ah ee Sharciga Islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana Khabiir ka soo qeyb galay Dagaalki Afganistan ee looga soo horjeeday Ciidankii Midowgii Soofiyeeti, wuxuuna markii dambe waqti kooban maamulayey Hay’ad Samafal Islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey.”ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixintan ayaa loogaga hadlay halgankii uu soo maray Muqtaar Roobow iyadoo lagu xusay in uu diiday amaro uu siiyay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Godane ee ahaa markii la qabsanayay magaalada Baydhabo inuu laayo dhamaan siyaasiyiinta balse Muqtaar Roobow wuu diiday oo waxa uu waddo ay ku baxsadaan siiyay siyaasiyiinta ay isku beesha ka soo jeedeen. “Waa ay cadeyd in Dowlada Federalka aysan marnaba qorshaheedu ahayn in Roobow uu door ku yeesho siyaasada Soomaaliya,waxay ku dhiirigelisay inuu tartanka doorashada ka qeybgalo dhamaadkii sanadkii hore balse waxay dooneysay inay ku baabi’iso mustaqbalka Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Sharif Hassan Sheekh Aadan.”ayaa warbixinta ay daabacday hay’ada ICG ka mid ahayd. Hay’ada ICG ayaa qoraalkeedii waxa ay ku sheegtay in Shariif Xasan uu isku casilay markii uu dareemay culeyska badan,waxaana la rumeysnaa in uu Roobow ku guuleysanayo doorashada, balse markii uu tegey Shariif Xasan ayay dowlada Federalka jeebka dambe kala soo baxday musharax kale oo ciyaartay shax horleh. ICG ayaa aaminsan in fursad ay ahayd in Muqtaar Roobow uu noqdo Madaxweyne taasoo gacan ka geysan kartay in dagaalamayaasha ku jira Alshabaab uu ka dhaadhiciyo inay hubka dhigaan oo ay ku soo biiraan dowlada, balse hadda ay furantay albaab kale oo ah in dadka taageersan Roobow inay dib duurka u galaan oo ay halgankoodii dib u bilaabaan. Hay’ada ICG ayaa warbixinteeda ku soo gunaanuuday in dalka Soomaaliya uu ka dhex bilaaban doono tartan Islaamiyiinta iyo Cilmaaniyiinta u dhexeeya iyadoo xustay in dowlada federalka ay qeyb ka yihiin ururo diimeed sida Ala Sheikh, Dam al-Jaddid iyo Al-I’tisam. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-251218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
The newly minted Somaliland Finance minister, Sa’ad Ali Shire, presented the 2019 budget to the Somaliland parliament. The budget having already received the approval of the Council of the Ministers, with the abstention of two members, contained several controversial measures. The most controversial measure in the proposed 2019 Budget saw a new levy or tariffs on the media in Somaliland. According to the budget, Somaliland’s independent television stations, journals and internet websites will have to pay an increased or new annual fee to register. Some of the propose new fees are as high as $10.000 US per annum. These taxes appear to be, according to analysts, beyond the financial capabilities of many of Somaliland’s vibrant and vocal media. The new measures have drawn the ire of both the Somaliland media, non-state organizations and human rights activist. According to these bodies, the proposed new levies are an attack on the freedom of the press in Somaliland. In another development, the Somaliland House of Representatives’, (whose mandate has expired), Economic and Finance sub-committee has removed the new tariffs on the media from the proposed 2019 budget. The Economic and Finance sub-committee has also removed or amended several new tariffs pertaining to the ministries of Fisheries and Livestock, Rural Development and Transport. The proposed 2019 Somaliland Budget contains an increase in spending on Agriculture, Education, Employment, Health, Public Works and Rural Development. Along with the usual hefty slices for Defence and Security, Presidency, Finance, Interior and other vital state bodies, there is a surprising increase for Somaliland’s “expired” parliament and extra funding for future national and local elections. In a departure from previous Somaliland budgets, Minister Sa’ad has included a new measure to fund the safety of the food and medicine imported into the country. The proposed 2019 Budget will be sent back the administration along with changes and amendments suggested by the Somaliland legislature Qaran News
-
Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayey, murashaxnimada madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas), oo mar kale u tartamaya doorashada madaxtinimada sannadka 2019, ayaa caawo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen haweenka ku nool gobolka Nugaal, ayaa lagu bogaadiyay waxqabadkii madaxweynaha 5-tii sano ee uu xilka hayay,waxaana sidoo kale lagu muujinayay taageero ku aaddan murashaxnimada Dr Gaas ee doorashada soo socota. Haweenkii soo xaadiray munaasabadda oo ruxayay sawirrada madaxweynaha, ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayan in dib loo doorto mudane Cabdiweli Maxamed Cali, oo mar kale u taagan qabashada hoggaanka Puntland ee doorashada ku muddaysan 8-da jennaayo 2019. Faadumo Axmed Nuur oo kulanka ka hadashay, ayaa sheegtay, in mudadii uu xilka hayay madaxweyne Gaas uu Puntland ka hirgeliyay mashaariic ballaaran,islamarkaana haatan ay socdan qaar kale oo uu dhammaystiri doono haddii mar kale la doorto. Marwo Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay, in ay haweenku ay taageersan yihiin, in Puntland uu hoggaanka u sii hayo mudane Gaas,si loo dhammays tiro mashaariicda socota. Dhinaca kale, Xaawo Maxamed Siciid(Gacmey) oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay, in madaxweyne Gaas uu mudanyahay 5 sano iyo ka badanba in dib loo doorto,maadaama sida ay sheegtay hore loo soo tijaabiyay waxqabadkiisa iyo mashaariicda uu fuliyay. Dhammaan haweeenkii munaasabadda ka soo qeyb galay ayaa cod midaysan ku taageeray murashaxnimada Dr Cabdiweli Maxamed Cali,waxaana ay dalbadeen in mar kale la doorto oo uu dalka sii hoggaamiyo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Haweenka Nugaal oo ku baaqay in mar kale la doorto madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda China ayaa shaaca ka qaaday arrin aan horey loo shaacin oo qeyb ka ah heshiiska kalluumeysi ee ay la gaartay dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in heshiiska uu qeyb ka yahay in maraakiibta China loo oggolaaday in ay Hub soo qaadan karaan si haddii ay la kulmaan weerarrada Burcad Badeedda isaga difaacaan. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay Bisha soo socota billaabi doonto ka kalluumeysiga Xeebaha Soomaaliya kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya ruqsad u siisay. Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii la soo dhaafay waxaa ay Ruqsad kalluumeysi siisay Sharikado ka badan 30 Markab oo ka kalluumeysan kara biyaha Somaaliya. Heshiiska labada dal ay wada galeen ayaa waxaa ka mid ah in Maraakiibtaas ay muddo sanad ah ka kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya dibna loogu cusbooneysiin karo sanad kale. Hay’adaha ka faallooda Amaanka Badaha ayaa sheegaya in sanadkii la soo dhaafay ee 2017 ay Burcad Badeedda Soomaalida geysteen weerarro ka badan sanadkii ka horreeyay ee 2016kii. Heshiiskan ayey dowladda Federaalka ah u aragtaa soo jiidashada Maalgashatada iyo Kalluumeysatada Caalamiga ah, taas oo iyana qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka Toddobaalaha ah ee tubta arrimaha bulshada oo maanta uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka. Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallim ee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxar Cadde ee degmada Hiliwaa. Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo. Amarka tubta arrimaha bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda. The post RW Khayre oo amaro dul-dhigay shirkadaha Nadaafada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hiiraan (Sh.M.Network) – Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu dib uga qarxay degaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Labo maleyshiyo beeleed ayaa salka ku haya lahaanshiyaha Dhul ay isku haystaan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu keenay dagaalka, oo soo kala gaarey labada dhinac. Wararkii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya inay socdaal dedaalo la doonayo in xal loogu helo dagaalkaan halkaasi kusoo laab-laabtay. Xaalada degaanada lagu dagaalamay ayaa haatan mid degan, inkasta dadka degaanka ay soo warinayaa inay ka cabsi qabaan inay dib ubilaabato is-rasaasaynta. Dagaalkaan ayaa imaanaya xili uu degmada Maxaas ku sugan yahay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdi uu horkacayo oo ku baxay colaad halkaasi horey uga jirtay. The post Dagaal beeleed dib uga qarxay degaano hoostaga G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-251218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Shirka toddobaalaha ah ee tubta Arrimaha Bulshada oo maanta uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka. Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallim ee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxara Cadde ee degmada Hiliwaa. Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo. Ugu dambeyn, Amarka Tubta Arrimaha Bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirrada DF ay Muqdisho ku yeesheen oo laga soo Saaray Amar Culus appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Turkey ayaa maanta sheegtay inay ka go’an tahay in ay cagta mariso ciidamada Kurdish-ka dalka Suuriya, sida ay qortay wakaaladda wararka AP. Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa weriyayaasha u sheegay in “haddii Tukey ay tiraahdo waan galaynaa, waa ay galaysaa” Toddobaadyadii tagay, Turkey ayaa ku hanjabeysay inay billaabi doonto howlgal cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdishka, oo ayaga oo xulafaysanaya ciidamada Mareykanka ka adkaaday kooxda Daacish ee waqooyiga iyo bariga Syria. Ankara ayaa ciidamada Kurdish-ka u aragtay argagixiso, sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin kooxaha fallaagada Kurdish-ka ee gudaha dalka Turkiga. Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykaka uu ka saarayo Suuriya, kadib markii uu qadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey “ay leedahay awood ay kaligeed wax uga qabato Daacish” waxaana uu cambaareeey France oo sheegtay inay ciidamadeeda kusii hayn doonto Suuriya inkasta oo uu jiro go’aanka Mareykanka. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Warbixin dheer oo ay soo saareen Gudiiga Caalamiga ah ee badbaadada ee magacooda loosoo gaabiyo IRC ayaa lagu sheegay dalalka sannadka soo socda ee 2019 laga cabsi-qabo inay abaaro ku dhuftaan. Guddiga IRC ayaa shaxda 10-ka dal ee laga cabsi qabo inay abaaruhu ku dhuftaan soo bandhiga dhammaadka sanad kasta, waxayna ku baaqdaa in loo sii diyaar-garoobo si looga gaashaanto. Tobanka dal ee ay IRC soo bandhigay sanadkan sii dhamaanaya, waxaa ka mid noqotay Somalia, waxayna sheegeen in roobab badan oo dhulka Soomaalida ka da’i jiray ay baaqdeen, taasina ay ka dhalan karto abaar xoogan. Dalalka kale ee ay sheegeen in iyagana laga baqdin-qabo inay abaaruhu ku dhufataan ayaa kala ah; Yemen, Koonfurta Suudaan, Afghanistan, Nageria, Valenzuela iyo Suuriya. Dhanka kale, Hay’addo Caalami ah ayaa ku baaqay in loo sii diyaar-garoobo abaar Soomaaliya ku dhufato, iyagoo ka qiyaas qaadanaya waxyaabaha sababay abaaraha kusoo laab laabtay dhulka Soomaalida. Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay la sheegay inay xaaladeeda dhanka abaaraha kasoo raynayso, balse baaqan ayaa mar kale soo celiyay baqdin laga qabo abaaro ku dhufta. PUNTLAND POST The post Somalia oo ka mid noqotay Tiro dalal ah oo laga baqdin-qabo inay abaaro ku dhuftaan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Caaqil Maxamuud Nuux, oo ka mid ahaa Jabhada Kornayl Caarre ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Ceel-Afweyn. Caaqilku waxa uu sheegay in ujeedka uu ugu biiray Jabhadda ay ahayd in la saxo Tabasho ay ka qabaan Xukuumadda madaxweyne Biixi, balse haatan jabhadda ayuu sheegay in Soomaaliya ku lug leelatay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
New York (Caasimada Online) – Farshaxanka Amiin Caamir oo sanad walba siiya shaqsiga ugu wax qabadka badan bulshada Soomaaliyeed aqoonsiga (Shaqsiga Sanadka) ayaa sanadkan 2018 ku abaal mariyay wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cisman (Baalle). Sida farshaxanka Amiin Caamir uu sheegay, Ambassador Abukar Daahir Cismaan intii uu joogay wuxuu qabtay shaqo aan hore loog baran safiiradii ka horreeyay tan iyo burburkii dowladdii dhexe. Safiirka ayaa sare u qaaday xoojinta qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna si karti iyo aqoon ku jirto u difaacaa mar walba dalka aynu wada jecelnahay ee Soomaaliya, wuxuu ku guulaystay inuu badello aragtida ay Soomaaliya ka haysteen dalal badan. Waxaa sidoo kale uu si geesinimo leh uu golaha ammaanka QM ugu gudbiyey dhowr dacwo oo ka dhan ah faro-gelinta Imaaraadka Carabta ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya. Amb. Abuukar ayaa ku guuleystay sidii ay Soomaaliya xubin buuxda uga noqon lahayd Ururka Xuquqal Insaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo Soomaaliya ku guuleysatay xubinimo buuxda bishii Oktober 12, 2018. Amb. Abukar ayaa hadda dadaalo badan ugn jira sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Xubnaha Golaha Ammaanka ee ka kooban 15-ka waddan. Dadweyne badan oo dhanka facebook uga jawaabay sawirka Amiin Caamir, ayaa bogaadin u diray Amb. Abukar Daahir Cismaan, uguna baaqay in uu halkaa ka sii wado shaqada uu hayo qaranka Soomaaliyeed, waxayna uga mahad celiyeen dadaalada uu ugu jiro soo celinta sharafta qaranimada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda ka-hortagga Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa waxay warbixin ka qortay mansabkiisii Al-shabaab ee Mukhtaar Roobow, isku-soo-dhiibistiisii Dowladda Federaalka Soomaaliya, murashaxnimadiisa madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed iyo xariga ay Dowladda Soomaaliya kaga hor-joogsatay hankiisii madaxnimo. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay: “Koonfur Galbeed: madaxweyne la caleemo-saaray iyo xiisad oloshay”, waxa lagu xusay in bishan 19-dii ay xildhibaanadda deegaanka ee Koonfur Galbeed u doorteen C/Casiis Maxamed “Lafta-gareen” inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed, doorasho kulul oo baahin karta deganaansho la’aan cusub, waa sida lagu qoray warbixinta. Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda ICG ayaa qoray warbixintaasi oo biyo-dhaceeda u muuqato falaanqeynta dhacdooyinka ku xiriirsan doorashadaasi iyo xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, kaasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka reebtay tartankii doorashadii madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta waxaa lagu muujiyey inuusan C/Casiis Lafta-gareen oo horey xildhibaan iyo wasiir soo noqday inuusan doorashadaasi ku guuleysan kari lahayn dowladda federaalka Soomaaliya la’aanteeda. Warbixinta ICG waxay kaloo ka hadashay soo-dhaweyntii dowladda federaalka Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow iyo murashaxnimadiisa doorashadda Koonfur Galbeed, taasi oo ICG sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya markii hore murashaxnimadda Mukhtaar Roobow uga dan lahayd in lagu bara-bixiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee is-casilay, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda waxay wax ka bedeshay shaxdii Mukhtaar Roobow, kadib, markii ay muuqatay in laga yaabo inuu ka guuleysto murashaxii lafta-gareen, waa sida ICG hadalka u dhigtay. Fara-gelintii dowladda federaalka Soomaaliya ee doorashadii Koonfur Galbeed waxay ICG ku tilmaamtay mid ay dowladda federaalka Soomaaliya muhiimad ku siinayso in nidaamka maxaliga ee awood-qeybsiga lala qeybsado islaamiyiinta muxaafidka ah. Docda kale, Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay waxa uu ka mid yahay islaamiyiinta caanka ah ee sharciga islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana khabiir ka so oqeyb galay dagaalki Afghanistan ee looga soo horjeeday ciiddankii midowgii Soofiyeeti, wuxuuna marki idambe waqti kooban maamulayey hay’ad samafal islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey. Warbixinta oo aad u dheer waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan jirin tartan haatan u dhexeeya siyaasiyiinta islaamiga ah iyo kuwo cilmaaniyiinta, oo ay ugu waa weyn yihiin kooxaha Ala Sheekh, Dam Al-Jadiid iyo Al-Ictisaam, waa sida ICG qortay. Ugu dambeyn, Warbixinta waxay saadaalisay in tartanka kooxahaasi aad loo dareemi doono marka la gaaro doorashadda la qorsheynayo inay Somalia ka qabsoonto sannadka 2021-ka. PUNTLAND PSOT The post Hay’ada ICG oo Warbixin Qoto-dheer ka Qortay Doorashadii Baydhabo iyo Mukhtaar Roobow appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xukuumadda taladda dalka haysa muddadii sannadka ahayd waxyaabaha la taaban karo ee u qaboomay iyo waxyaabaha ay ku liidato, waxaanu tilmaamay inay jiraan waxyaabo ay Xukuumaddihii ka horeeyey ay kaga wanaagsnayeen. Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya waxyaabaha la taaban karo ee Sannadkan sii galabanaya ay qabatay Xukuumaddani ayaa yidhi “Xukuumaddan muddo sannad ah ayey taladda dalka haysay, muddadaas sannadka ah waxaa la odhan karo ee ay wax ka qabatay waxaa ka mid ah hantida umadda ee qarankani lahaa oo waxyaabo dib loogu soo celiyey gacantii Dawladda, sida haamihii shidaalka, Barkinkii Madaarada iyo Raasigii, waxayna ahayd in hanti badan oo qarankani lahaa, umaddana ka dhaxaysay in cid gaar ahi ilaa hadda hayso, markaas iyana waa muhiim in gacanta Dawladda dib loogu soo celiyo hantida Qaranku lahaa ee Xukuumaddii hore lunsatay, waxaa kale oo aan Xukuumaddan uga mahadnaqayaa sugida iyo tirikoobka Shaqaalaha Dawladda”. Xildhibaan Maxamed Saalax mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiiradda ayaa yidhi “Runtii muddo sannad ah ayuu Madaxweynuhu xilka Madaxweyne hayey oo uu taladda dalka maamulaayey, laakiin waxaad mooda in waxyaabihii laga filaayey aanay Xukuumaddiisu qaban, maxaa yeelay waxaa muuqata in Wasiiraddiisi ama Golihiisa Xukuumaddu aanay wada socon, waxaana muuqata inay habrasho jirto, oo ay Madaxweynaha ka baqayaan, run ahaana qof baqayaa ama habrasho ku jirtaa inuu wax qabtaa aad bay u adag tahay, waxaa Madaxweynaha laga rabaa inuu Wasiiraddiisa ama Masuuliyiintiisa uu dirtay uu aamino, oo uu la xisaabtamo, maxaa yeelay hawlo badan oo ay iyagu qaban lahaayeen ama ay ka hadli lahaayeen ayuu Madaxweynuhu ka hadlayaa, taasina maaha arin wanaagsan,runtii aad baa loo dhaliila oo saluug looga muujiya nidaamka xulashada ee Madaxweynuhu ku soo xushay Xukuumaddiisa, ee haddii la doonayo inay wax hagaagan Madaxweynaha waxa la gudboon inuu sameeyo isku shandhayn lagu wada qanacsan yahay, oo aan dhinac ka rarnayn, ”. Xildhibaan Maxamed Salaax mar uu ka hadlaayey Siyaasayada Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Xukuumaddan Muuse Biixi iyadoo aan la kulmin Mucaaradad adag baa haddana nidaamkeeda iyo hanaankeeda dawladnimo halkii loo baahna aanay gaadhsiisnayn, maxaa yeelay waxaa muuqata in aad loogu wada qanacsanaa Shirkii ka dhacay Wajaale, Madaxweynayaashii hore waxay la kulmi jireen dhiggooda, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Maamulka Somalida Itoobiya, waxaana odhan karaa Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda iyo Dublamaasiyadii la inooga baahnaa ayaa meesha ka maqan, ee Madaxweynaha wax kasta oo khaldan inuu saxo ayaa looga baahan yahay” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda ka-hortagga xasaradaha caalamiga ee ICG waxay warbixin dheer ka qortay shaqsiyadda Mukhtaar Roobow, mansabkiisii Al-Shabaab, isku-soo-dhiibistiisii dowladda Soomaaliya, murashaxnimadiisa madaxweynenimo ee Koonfur Galbeedlabeed iyo xariga ay dowladda federaalka Soomaaliya kaga hor joogsatay hankiisa madaxtinimo. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay: “Koonfur Galbeed: madaxweyne la caleemo-saaray iyo xiisad oloshay”, waxa lagu xusay in bishan 19-dii ay xildhibaanadda deegaanka ee Koonfur Galbeed u doorteen C/Casiis Maxamed “Lafta-gareen” inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed, doorasho kulul oo baahin karta deganaansho la’aan cusub, waa sida lagu qoray warbixinta. Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda ICG ayaa qoray warbixintaasi oo biyo-dhaceeda u muuqato falaanqeynta dhacdooyinka ku xiriirsan doorashadaasi iyo xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, kaasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka reebtay tartankii doorashadii madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta waxaa lagu muujiyey inuusan C/Casiis Lafta-gareen oo horey xildhibaan iyo wasiir soo noqday inuusan doorashadaasi ku guuleysan kari lahayn dowladda federaalka Soomaaliya la’aanteeda. Warbixinta ICG waxay kaloo ka hadashay soo-dhaweyntii dowladda federaalka Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow iyo murashaxnimadiisa doorashadda Koonfur Galbeed, taasi oo ICG sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya markii hore murashaxnimadda Mukhtaar Roobow uga dan lahayd in lagu bara-bixiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee is-casilay, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda waxay wax ka bedeshay shaxdii Mukhtaar Roobow, kadib, markii ay muuqatay in laga yaabo inuu ka guuleysto murashaxii lafta-gareen, waa sida ICG hadalka u dhigtay. Faragelintii dowladda federaalka Soomaaliya ee doorashadii Koonfur Galbeed waxay ICG ku tilmaamtay mid ay dowladda federaalka Soomaaliya muhiimad ku siinayso in nidaamka maxaliga ee awood-qeybsiga lala qeybsado islaamiyiinta muxaafidka ah. Docda kale, Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay waxa uu ka mid yahay islaamiyiinta caanka ah ee sharciga islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana khabiir ka so oqeyb galay dagaalki Afghanistan ee looga soo horjeeday ciiddankii midowgii Soofiyeeti, wuxuuna marki idambe waqti kooban maamulayey hay’ad samafal islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey. Warbixinta oo aad u dheer waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan jirin tartan haatan u dhexeeya siyaasiyiinta islaamiga ah iyo kuwo cilmaaniyiinta, oo ay ugu waa weyn yihiin kooxaha Ala Sheekh, Dam Al-Jadiid iyo Al-Ictisaam, waa sida ICG qortay. Warbixinta waxay saadaalisay in tartanka kooxahaasi aad loo dareemi doono marka la gaaro doorashadda la qorsheynayo inay Somalia ka qabsoonto sannadka 2021-ka. Xigasho: ICG