Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa muuqata inay siyaasadda ku kala durkeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, oo ay halgan siyaasadeed oo xoogan u soo wada galeen in Madaxweyne Biixi iyo xisbigiisa KULMIYE, ku guulaystaan doorashadii kal hore dalka ka dhacday. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa toddobaadkan qormo uu ku qoray shabakadda wararka ee Somaliland Chronicle, wuxuu ku duray hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku eedeeyay inuu ka leexday waxyaabihii uu xisbiga KULMIYE ku ololeeyay doorashadii madaxtooyada ee 2017. Madaxweyne Biixi iyo Macalin Samatar, waxa saaxiibtinimadooda siyaasadeed hore loogu qeexay xumbo deg deg u gudhi doonta, iyadoo laga shidaal qaadanayo sida deg-dega ah ee ay isugu milmeen siyaasad ahaan iyagoon aqoon sal balaadhan hore isugu lahayn. Axmed Ismaaciil Samatar, waxa lagu tilmaamaa nin calool xaadhan oo aan qarsan dareenka uu qabo iyo aragtidiisa siyaasadeed, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa nin fudud oo si aan hubsiimo lahayn u dhex gala badweynta siyaasadda, una jeediya cidda aanu hoggaamintooda la dhacsanayn eeddo siyaasadeed oo aanu ka fiirsan. Inkastoo uu yahay macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka Maraykanka ee horumaray, haddana waxa ay dad badani u arkaan inaanu la haysan wacyiga siyaasadda gudaha ee Somaliland. Madaxweyne Biixi, ayay isna saaxiibadii ku tilmaamaan hoggaamiye aan iloobin ninka ay maalin uun siyaasad isku seegaan amaba si uun uga horyimaada jidka uu u marayo damaciisa hoggaamineed. Wuxuu caan ku yahay isna inaanu qarsan Karin dareenka uu shakhsi ama koox siyaasadeed ka aaminsanyahay. Inkastoo uu Madaxweyne Biixi yahay nin furfuran oo kaftan iyo dood badan, haddana saaxiibadii waxa ay ku sheegaan inaanu jeclayn cidda hoggaamintiisa ama aragtiisa siyaasadeed ka hortimaada. Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa sida uu uga takhalusay saaxiibkiisii mudada dheer ee Jaamac Shabeel oo eeddo kala duwan oo uu xukuumadiisa u jeediyay ku waayay xilkii xisbiga KULMIYE. Inkastoo uu Professor Samatar leeyahay miisaan siyasadeed oo culus, haddana waxa suurtogal ah in Professor Axmed Ismaaciil Samatar, mari doono halkii uu maray Jaamac-Shabeel, oo ay qormadan uu ku dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi sabab u noqon doonto inuu lumo isfahamkii siyaasadeed ee isaga iyo Madaxweyne Biixi. Si kastaba ha ahaate , waxa uu ifaafalaheedu muuqdaa hirdan siyaasadeed oo u bilaabmi doona Madaxweyne Muuse Biixi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, waana kuwan qodobada uu Samatar ku eedeeyay Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday dalka. Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah. Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood. Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah). Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka. Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Ciidanka Shabaab badankiis waa dhallinyaro Soomaaliyeed. Waa dhallinyaro uu gabay Qarankoodu. Waa dhallinyaro ku dhashay ama ku barbaaray iyada oo uu maqan yahay Qaran suga amnigooda. Waayay Dowlad siisa adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad. Aan helin Hey’ado u abuura fursado shaqo. Aan arag adeeg garsoor oo cidda ku xad gudubta uu isaga qaban karo. Waa dhallinyaro loo diiday nidaam u suurta geliya in ay codkooda ku cabbiraan doorasho degaan iyo mid Qaran oo hadba qofka ama xibsiga ay doonayaan ay ku taageeraan. Waa dhallinyaro uu Qaran burburka nagu dhacay u diiday nabad iyo nololba. Intaas oo dhan waxay noqotay in iyaga loo daayo in ay is dabbaraan. Waxay ka mid yihiin malaayiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dacdarreysan. Qaarkood waxay ka qeyb galeen dagaallada noocyada kala duwan ee dalka ka dhacay. Qaar kale waxay noqdeen burcad badeed. In badan ay iyaga oo qax ah ayay badaha isku qaadeeen kuwaas oo qaar badani ay ku naf weyeen. Qaarkood ay xeryo qaxooti oo aad u nolol adag ay ku qaateen tobannaan sano. Qaar badan lagu soo dhoweeyay xabsiyo dalal shisheeye. Intooda dadaashay ee Ilaaheey u suurta geliyay in ay xaalad adag ay wax ku bartaan, in yar oo nasiib leh ayaa shaqo heshay. Inta kale ayaga oo shahaaddo Jaamacadeed ama laba haysta ayay ku shaqo la’ yihiin dalka gudihiisa. Waxaas oo dhan waxaa sabab u ah Qaran burburka dalka ka dhacay. Kaas oo aanay wax mas’uuliyad ah ku lahayn dhallinyarada maanta joogtaa. Meesha Bannaan Buuxi Kaalintii ay gabtay Dowladda Soomaaliya oo hawada ka maqnayd ugu yaraan toban sano, waxaa u loollamay in ay buuxiyaan kooxo kala duwan. Qaarkood waa wadaaddo ay qaarkood isku dayeen in ay wax ka qabtaan baahida waxbarashada. Qaar kalena sugidda amniga iyo garsoorka. Waxaa iskaashaday wadaaddo ay qaarkood qabaan afkaar aad u durugsan iyo kooxo ajnebi ah oo dalalkooda dembiyo ka soo galay oo gabbaad iyo markii dambe saldhig ka dhigtay dalkeenna. Kooxda dambe sababta ay dalkeenna u xusheen waxay ahayd in ay ka faa’iideystaan maqnaashaha awood Dowladeed oo ka hor istaagta. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo arka caddaalad darrada ku haysata dalkooda gudihiisa ee Soomaali ama ajnebi u gaystay, maqla caddaalad darrada ku dhacaysa muslimiin ku sugan degaanno kale oo caalamka ah, waxaa loo jeedsiiyay in sida keliya ee caddaalad ay ku heli karaan ay tahay qori caaraddiis. Waxaa la tusay in ay sidaas guul ku gaari karaan. Haddii lacalla ay militeri ahaan ku guuleysan waayaanna aakhiro Allah ku abaal marin doono Jannada. Dhallinyrada ku jira howlgalka noocaas ah, waxaa ku goobtay amni darro joogta ah iyo caddaalad darro la deristay. Cidda keliya oo wax u sheegtaana waxay ku akhrineysaa afkaar xag jir ah, midka keliya oo wax siiyaana wuxuu siinayaa tababbar sida qof ama wadar-qof loo dilo iyo aaladdii lagu dili lahaa. Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah in Qaranku uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ubadkiisa ee xagga sugidda amniga, barbaarinta iyo ka ilaalinta in niman caalamka la doondoonayaa ay u helaan in ay u noqdaan macallimiin lagu daydo. Caddaalad-darro Bulsho Waxaa colaadda Shabaab sii soofeeyay caddaalad-darrada bulsho ee Soomaalida dhexdeeda ah ee lidka ku ah diinta Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah sida dadka lagu takooro dhalashadooda iyo dulmiga saami qeybsiga siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkii lagu hayo. Dulmigaas oo mar kastaba ka jiray dalka Soomaaliya wuxuu ugu sii darnaa tobankii sano ee xigay burburka Dowladda. Doodda Shabaab waxaa iyaguna qiil u doonay falal xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidammo ajnebi ah ama wakiilladoodu ay ka geysteen dalka Soomaaliya gudihiisa xilliyo kala duwan. Dowladdii ay fashilaaddeeda iyo maqnaashaheedu eeddaas geysteen, marka ay hadda soo naaxdo, ee ay billowdo in ay isku daydo in ay amniga sugto caddaaladna raadiso, sax ma tahay in ay isla dhallinyaradii at gabtay ay ku tilmaanto dembiilayaal? Weliba dembiilayaa ay tahay in la laayo ama la soo qabqabto si mid-mid loogu toogto? Marka dhallinyarada noocaas ah la wajahayo, maxaa Qaranka la gudboon? Wadahadal, Qarax-joojin iyo Is-af-garad Waxay iigu muuqataa intii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ku jira laga horgeyn lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ah, oo markaa ay dhallinyarada Soomaaliyeed isku dhammaan lahayd, in ay waajib tahay in laga fekero in la helo hab loo kala badbaadin karo dhallinyarada. Waxaan ognahay in isu geyn dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaan karto cudud Soomaaliyeed, ayada oo isla markaasna la xaqiijinayo in khatarta Shabaab laga badbaado amaba dhammaanteed la soo afjaro. Waan ogahay oo waa wax sahlan in afka laga sheego, xaqiijintuse ma sahlana. Laakiin waa ayo qofka u haysta in Qaran burburka nagu dhacay xal loo helo in ay tahay howl sahlan? Xalku kuma imaanayo in annaga oo aan si cad uga doodin, aragna sida ay xal u keeni karto aan soo minguurinno siyaasadda dalal kale ay Shabaab kula dhaqmaan. Shabaab badankeed waa Soomaali. Cidda uga badan ee ay dilaan waa Soomaali. Cidda ay nabad iyo horumar ka hortaagan yihiin waa Soomaali. Waxaa waajib nagu ah in aan helno hab aan ku qanacsan nahay in aan wakhtiga ugu yar ku gaari karno in aan dhibkooda ka gudubno, iyagana inta ugu badan aan ku badbaadin karno maaddaama ay mas’uuliyadi naga saaran tahay oo ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu Qaranku gabay. Aragtideydu waxay tahay in si dhab ah looga shaqeeyo in Shabaab lala galo wadahadal ujeeddadiisu ay tahay in lagu soo xero geliyo intooda Soomaalida ah. Waan ogahay in ay Dowladda hadda jirta iyo Dowlado ka horreeyay ay ku baaqeen in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafin doono. Laakiin waa kala laba in idaacadaha laga sheego in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafinayo iyo in si dhab ah looga shaqeeyo in dhallinyarada Shabaab ku jirta la helo waalidkood iyo walaalkood, la helo “Shiyuukhdii” wax bartay, in la helo saaxiibbadood. In intaas oo dhan lala kaashado in ay badbaadiyaan naftooda iyo tan walaalahooda Soomaaliyeed. In marka lagu qanciyo in ay soo laabtaan, haddana si tifatiran loogu sheego sida ay u soo laaban karaan iyo meesha ay ku laabanayaan. In loo diyaariyo barnaamijyo u abuuraya fursado. Intaa wixii ka dambeeya in ay helaan xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee datruurku uu u oggolaanayo. In Madaxda al Shabaab ee Soomaalida ah lala furo wadahadal si qoto dheer oo miisaaman looga fekeray, ujeeddaduna ay tahay in marka hore la gaaro xabbad iyo qarax-joojin marka xigtana lagu gaaro is afgarasho si loo kala badbaado loogana wada qeyb qaato dib-u-dhiska dalka. Dulucda qoraalkeygu waa in aan xakameyno carada ay nagu khasbayaan wiilasha isku dhex qarxinaya shacabka dhexdiisa ee leynaya dad ehelkooda ah oo aan waxba galabsan welibana aanay aqoon. Waa in aan fahamnaa una xanuunsannaa midka isqarxinaya laftiisa ee naftiisu ay xabbadda la qiimaha noqotay. Waa in aan ka fekernaa in aan isaga badbaadinno, si ay bulshaduna uga badbaaddo. Tallaabo wax ay tarto mooyee aan waxba dhimenyn oo laga billaabi karo waxay tahay in marka hore ay Dowladdu joojiso toogashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ka tirsan ee xabsiyada ku jira. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. (SLT-Muqdisho) Shir jaraa’id oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ku qabtay Madaxtooyada ayuu ku sheegay in uusan guddoomiyaha baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya. Warkan ka soo baxay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa yimid kadib markii kulan ay caawa ku yeesheen Madaxtooyada xildhibaano badan oo taageersan Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo u badnaa xildhibaano ku jira golaha wasiirada dowlada federalka. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku macneeyay sababta aan laga keeni karin mooshin Madaxweynaha in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah. Sidoo kale shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federalka Mahad Cabdalla Cawad isagoo sidoo kale ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharci ahayn. Guddoomiye ku xigeennada Baarlamanka waxay sheegeen in Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana uu qaadi doono guddoomiye Mursal, iyaguna aysan wax shaqo ah ku lahayn dhibaatada uu dalka u horseedo. Labada Guddoomiye ku xigeen ayaa ku dooday inaan la qaban karin mooshin madaxweyne inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah. “Maadaama aysan jirin Maxkamad dastuuri ah Guddoomiye Mursal isagaa yaqaana halkii uu la aadi lahaa mooshinka uu qabtay, waana uga dignay arrintaas inta uusan qaban” ayuu yidhi Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka. Xaalada dalka ayaa waxa ay hadda gashay qalalaase siyaasadeed oo aan la hubin halka uu ku dambeyn doono. Source
  4. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow oo caawa ah wariyaasha kula hadlay xarunta Villa Hargeysa ee uu baarlamaanka guddiyadiisa ay ku shaqeeyaan ayaa sheegay in laga been abuurtay islamarkaasina aanay saxiixin mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed iyo Xildhibaanad Guda Axmed Cali ayaa sheegay in ay tahay wax kama jiraan in ay saxiixeen mooshinka madaxweyne Farmaajo laga keenay. Labadaasi Xildhibaan ayaa waxa ay sheegeen in ay maxkmad la tiigsan doonaan cid kasta oo ku been abuurtay islamarkaasina magacyadooda ku been sheegay. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin maanta ka soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hoos ka Dhageeyso Codadka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Xildhibaano-Laga-been-Abuurtay-Cod-Sax-ah_.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano” waa nalaga been abuurtay mana saxiixin Mooshinka Madaxweyne Farmaajo” appeared first on Puntland Post.
  5. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa goordhow muujiyay fikirkooda la xariira mooshinkii ay ka soo gudbiyeen xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo. Golaha iskaashiga ayaa shir ay ku yeesheen Taleefonka waxa ay kaga hadleen Mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Golaha ayaa taageeray mooshinkaasi iyaga oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay hogaaminta dalka Soomaaliya. Hoos ka Aqriso warqada ay soo saareen oo noqol kamid ah PP soo gaartay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post AKHRISO: Golaha iskaashiga oo taageeray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  6. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa caawa laga dareemayaa abaabulo balaaran oo ku aadan dibad baxyo lagu wado in ay bari ka dhacaan magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaabulaya dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeedo mooshinkii ay soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Dibad baxayaasha ayaa socod ku mari doono qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho iyaga oo ugu dambeeyn isugu tagi doono xarunta ciyaaraha ee Studio Koonis Degmada Cabdicasiis ee Muqdisho. Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dibad baxyadaasi ka qeeybgalaan islamarkaasina ka hadlaan sida ay u arkaan mooshinka laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya ayaa mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dibad baxyo looga soo horjeedo Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka dhacaya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-09122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( Sh.M.Network):- Kadib Shir jaraa’id oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Soomaaliyeed Cabdiweli Ibraahim Muudey ku qabtay Magaakada Muqdisho ayuu ku sheegay in uusan guddoomiyaha baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa Madasha uu shirka jara’id ku qabtay oo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaano badan oo taageersan Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku macneeyay sababta aan laga keeni karin mooshin Madaxweynaha in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah. Dhinaciisa shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federalka Mahad Cabdalla Cawad isagoo sidoo kale ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharci ahayn. Waxaana Guddoomiye ku xigeenadu hoosta ka xariiqeen in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana uu qaadi doono guddoomiye Mursal islamarkaana iyagu aysan ku raacsaneen. The post Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Balan Dumar oo Kadda Loob Raga ka danbey Hee ba la yidhi ? Waa tii Dameeri Dhaan-raacdaydu dhami ku haddaqayaan Isbedel-ba socod iyo waxa la mid ah ee . Waa kana isbedelkii aad sheegaysen kii ka danbeyey isaguna is bedelka kale weeyan ah ee Soo dhaweeya . Maanta iyo Itoobiya ,Degaanka Oromiya . Ahmed Abiya Itoobiya . Ismaaciil Cumar Guele DJabuuti . Cumar Al-Bashir Sudan. Ma markale Ayuu Axmed Abiya Itoobiya ku dhaqaaqo isbedel kale ? Sidee ayey kula tahay Adiga? waa inta ku doodaysa Itoobiya Isbedel ka dhacay iyo waa uu ku socdaa in kasto xaladaheed hoose maalin walib dhibaato iyo mudahaarad aan kala go,oo lahayn ka jiro waa ta ileen soomalida inta aan wax ka bararan degini ku xoog xoogsanyaan inta kor ku xusey ee. Waxa ii cad Itoobiya in ay geed-dheer iyo mid gaaban u koreyso Danteeda gaar ahaaneed qof caqli leh waa fahmi kara wadanka guunka laakiin hiin-raac waa u sacab tumaya . Filo Berrina Kenya Tanzsani Ugand oo iyaganna gaar loo la faqaayo. Waxan Xasuustay Heestu qaadi jiray Mohamed Axmed Kuluc odhan jirtay Ha ku daalin jeedal hadad jamato Geed adag aanad ahayn wax ku jara jibin mayso gacantu. Qofku haduu waxa uu idhisa ku arko uun uu waxa ku Cabirro waa sidii odhaadii hore loo yidhi ee ahayd ” indho ku gaaradle ” sideed ba indho-ku garaad lah waxab umma kordhaan waayo wax uu arko uun ayuu wax ku qaadanaya oo kaliya . Dadka aaminsan in isbedel itoobiya ka dhaca oo xaga nadamka Dawlada ahi uu bedel karro geedka Afrika oo dhan Ummadaha ku Nool iyo Nadamaakood, Dawaldeed iyo siyaasadeed, Dhaqaale waa kuwo ah indho ku gaaradle ee aan ahayn caqli , Aqoon ku garaadle iyo xigmad maalba. Hadii Shimbir meel ka duusho cabirkooda gaarasho , fahan, aqooned aragti ba, waxa weeye ,all duushay shimbirtu laakiin ma fahmi karayaan waa duuli jirtay waana debcigeeda iyo habka ay u socoto inteed badan kunna gaadho meel fog iyo meel dhowba . Waxa kuwo inta maanta ka dhiganaya af-macaansaneydi Itoobiya ayaa isbedel ku dhawaaqday balse aan iyagu u iswediin karrin Adigu maxa kaga shan iyo toban ah ?Itoobiya iyo isbedelkeed adigu maxaad ugu debecsanan weyday dantaad ee aad Danta Dadka kale u jeceshay rixinteeda aanad waxba ku lahayn inaad ka sheekaysi mooyane. Sidda iga baxday Soomalida sideedba danteeda waa ka daalan tahay balse ta Danta Dadka kale waa jeceshay inay ku mashquusho wakhti iyo juhdi badana geeliso u muraaqeedkeed waxan waxba ugu jirin ugunna jilayn. Gabbo-gabadii Waxa laga haya AU Naxariisto Abwaan Suldaan Timcad : Midigtaad waxay xoogsatay ba ka maydha gaajada,e . Markad aanad lahayn looma kuulo maanka waligay. Mogaabada Hashada ka Roon May-dhanaan kale, e . Alle Ha innaga dhigo kuwo Dantooda ku foogana waxa kabuhu inagag I’dlaadeen iftiiminta ta Danta dadka kale ee. Abokor Mohamud . abokorm@hotmail.co.uk Bolton United Kingdom. Waa Billahi Towfiiq Qaran News
  10. Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeeystay mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa sheegay in uu sharci daro yahay mooshinkaasi. Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka ay u sheegeen in xiligaan aan loo baahneyn mooshin islamarkaasina loo baahanyahay in mooshinkaasi laga fiirsado. Waxa ay sheegeen in gudoomiyaha uu ka biyo diiday taladoodii islamarkaasina uu go’aan si iskiis ah uu u gaaray oo uusan matalin gudoonka Baarlamaanka. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka soo gudbiyay gudoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulamo iska soo horjeedo ayaa caawa ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay leeyihiin Xildhibaano iyo masuuliyiin dowlada katirsan. Hoos ka Dhageeyso Codadka Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Muudeey-iyo-Cawad-Sax-ah-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo ka horyimid Mooshinka madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Labadan mas’uul oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan. Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka. “Waxaa muuqata in Mursal uu ku deg degay aqbalaadda mooshinkan, waxaana muuqata in uu xanaaqsanaa, mana naqaan waxa uu ka xanaaqsanaa, waxaan leenahay xanaaqa kasoo noqo” ayuu yiri Muudeey. Mahad Cawad ayaa isna sheegay in Mursal ay u sheegeen in mooshikan uu yahay sharci-darro, oo uusan aqbalin, balse uu ka diiday kuna adkeystay aqbalaadda mooshinka. Waxa ay sheegeen in dhibaatadii iyo qalalaasihii ka dhashaa arrintan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono guddoomiye Mursal, maadaama uu qaatay go’aan jahwareer gelinaya dalka. Hoos ka daawo shirka jaraa’id Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Saacado ka hor guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda socda shir xasaasi ah oo lagu gudbinayo mooshin weerar celis ah. Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka socda shir deg deg ah ay leeyihiin xildhibanada taageersan madaxweynaha kuwaas oo la filayo inay gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Xildhibaanadan ayaa ah badankood ah wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiiro dowlayaal ka tirsan xukuumadda Kheyre. Lama garanayo ilaa iyo xiligan tirada xildhibaanada mooshinka ka keenaya guddoomiye Mursal, waxaase arrintan ka shaqeynaya guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey iyo Mahad Cawad. Mooshinka ayaa la filayaa inuu aqbalo Muudeey. Sidoo kale, Muudeey iyo Cawad ayaa la filayaa inay goordhow qabtaan shir jaraa’id oo ku sheegi doonaan in mooshinka madaxweynaha iyo tallaabada Mursal ay yihiin sharci-darro. Xiisadda siyaasadeed ayaa kacsan, iyadoo aan la ogeyn sida xaalka uu noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Baydhabo (Sh.M.Network) – Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo xubnaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxay go’aan kaga gaareen xil-haynta ku simaha Madaxwaynaha. Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xilka haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan Aadan ayaa murashaxiin waxay su’aal geliyeen sharciyadiisa. Guddiga ayaa cadeeyay in Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Koonfur Galbeed uu xilka sii hayn doono inta laga soo dooranayo Madaxwaynah cusub doorashada loo balansan yahay inay dhacdo 19-ka bishaan. Lama ogga hadii Guddiga awood usiinayo go’aanka ay qaateen Dastuurka xili Murashaxiinta oo sheegay in xil haynta Maye oo ku ekeed 8-dii bishaan aanan la saadaalin karin mowqifka ay ka qaadan karaan go’aanka Guddiga. The post Guddiga doorashada KG oo ka hadlay xil haynta ku simaha Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya ee gudbiyay mooshinka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay mooshinkaasi ay soo gudbiyeen. Xildhibaanada ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo oo gudan waayay hoowshii loo egmaday islamarkaasina ay garoowsadeen in ay keenaan mooshin xil ka tuuris ah. Xildhibaanada oo wariyaasha goordhow kula hadlay Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay mooshin u soo gudbiyeen. Hoos ka Dhageeyso Codadka Xildhibaanada https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Xildhibaanada.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo Warbaahinta la hadlay appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey u fadhin doonta Soomaaliya Elin Bargithe rognlie. Danjire Elin Bargithe rognlie ayaa sheegtay inay sii laba laabi doonta adkeynta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Norway. Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo goobjoog ka ahaa munaasabada uu madaxweynuhu warqadaha ka guddoomay safiirka dalka norway ayaa ka hadlay. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey gabadha la yiraahdo Elin Bargithe rognlie,madaxweynaha iyo safiirku waxay ka wada hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo sii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Axmed Ciise Cawad. Sidoo kale,Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Soomaaliya,waxayna Dowladda Norwey madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed si aad ah ugu ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray. The post MD Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay safiir cusub appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada hawlaha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu maanta deeganka Caro weyn oo ka tirsan deeganka Buuhuudle ayaa waxaa uu maanta soo dhaweeyey ciidamo ka soo goostey mucaaridka Buuhoodle oo tiradoodu ka badneyd 200 askari isla markaana wata gadiid dagaal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Warar hadda naga soo gaaraya madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kulan deg deg ah uu hadda u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha soo kordha oo ku aadan mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lagama heli karo xog faah faahsan hayeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre ay aad uga hadlayaan arimahaasi iyo waxa laga yeelayo. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gudbiyay mooshin ka dhan madaxweynaha Soomaali Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lama oga halka ay ku dambeeyn doonto mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre oo kulan deg deg ah leh appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-09122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Warbixin laga diyaariyay maxaa hor-taagan dhismaha dekedda labaad ee magaalada Burco iyo ballan-qaadkii Madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigii ololaha uu ku marayay magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo uga yimid xoghayaha gobolka Awdal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2018, Magaalada Gabiley. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay madaxdhaqameedka dalka, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha nabadgalyada, dib u dhiska dalka iyo wada jirka bulshada Somaliland, kana soo jeeday saldanad soo jireen ah oo facweyn. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  22. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ay usoo gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo. Mooshinka ayaa ah hindisaha xil ka qaadista madaxweynaha. Halkan hoose ka akhirso: Source