Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-07122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya Waa Go.aan Hor Leh Oo Beesha Caalamku Wadato Intaan Ka Warhayo M/weyne Farmaajo Ma Rabin Wadahadal Warkiistoona Halka M/weyne Muuse Biixi Doonayey Todobaadkan Inuu Si Rasmiga G/Wasiirada U Hordhigo Joojinta Wadahadalkii Somaliya Kala Dhexeeyey Laakiin Waxa Yimi Go.aan Cusub Oo Dunidu Riixayso Kaas Oo Farmaajo na Hogaan Soo Sudhay Muuse Halkuu Ku Socday Ka Joojiyey Go.aanka Wadahadalka Sidaan u Arko iyo Wax La Laysla Soo Horfadhiisan Doono Dabcan Dawlada Federaalka Somaliya Waxay Miiska La Iman Doontaa Waxeedii Ay Akhriyi Jirtay Ee Ahaa Midnimada Somaliya Waa Muqadis iyo Somali Oo Dhan Ayaa Is Dishay Dawlada Somaliland Waxay Miiska La Iman Doontaa Warkeedii Cadaa Ee ahaa Qaranimada iyo Gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland Waa Muqadis La Taabtaan Ah Halkaas Markay Gaadho Beesha Caalamku Doorkeeda Ayey Qaadan.Doonta Waxay Go.aan Dhex ah Ku Odhan Doontaa Shacabka Somaliland Ku Nool Afti Hala Waydiiyo Go.aankaas Marka Ergada Dhexdhexaadinta Dunidu Rido Waxay Beesha Caalamku Odhan Doonta Ka Heshiiya Waqtiga Munaasibka Ee Aad Aftida La Qaban Karo Mar Labaad Waxa Fooda Gelindoona Labada Ergo Ee Somaliland iyo Somaliya Ergada Somaliya Waxay Soo Jeedin Doonaan Toban Sano Kadib In La Qabto Aftida Ee Laga Qaadidoono Shacabka Dhulka Somaliland Ku Dhaqan Halkaas Ayey Ku Adkaysayn Doonaan 10 Sano Ergada Somaliland Ayaa iyagu Soo Jeedin Doona in Aftida La Qabto 5 Sano Kadib Halkaas Ayaa Laysu Mari Waayi Doona Mar Labaad Ayaa Ergada Beesha Caalamka Ayaa Arinka Dib ULa Wareegi Doona Arinta Mudaynta Aftida Kuwaas Labada Ergo Meel Dhexe Isu Keeni Doona Soo Jeedintooda Waxayna Soo Saari Doonaan Go.aan Dhexe Oo ah in Afti Laga Qaado Shacabka Somaliland Oo La Qabto Mudo 6 Sano Ama 7 Sano Guddahood ah Halkaas Ayaa Arinka Wadahadaladu Ku Ururi Doonaan Xog Kooban iyo Aragtidayda Kooban Wadahadaladani Ma Noqon.Doonaan Sidii Shirarkii Turkiga Ee Sheeko Xariirada ahaa Ee Labada Cisho Lagu Kala Kici jiray Waa Laysku Raagi Doona Todobaado iyo Bilo Ba Waana Lays Jafi Doonaa Laakiin Aakhirka Waxaa Kasoo Bixi Go.aan Kama Dambays Ah Oo Duniduna Hirgelintiisa Gacanta Ku Hayso Hawshan Waxa Beesha Caalamka Ku Meteli Doona U.S Ambassador Of Somalia Donald Yamamato U.N Repersentive Of Somalia Nicolas Haysom E.U. Ambassador Of Somalia Veronique Lorenzo IGAD General Secretary Amb Cali Guye Martigeliye M/weyne Ismaaciil.Cumar Gelle Beesha Caalamka Dulqaadkii Muranka Labada Qaybood Wuu Kasoo Dhamaaday Waxana Lagu Kala Bixi Doona 51% Per cent Doonista Shacabka C/qani Ismaaciil Maxamed (Foodcadde) Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani maha kuwo ay leedahay shabakadani xuquuqda qoraalka waxa iska leh qoraha ku xusan Qaran News
  3. Musharax Madaxweyne Puntland 2019 mudane Cali Xaaji Warsame ayaa ka hadlay guddiyadii iskhilaafsanaa ee ay soo kala magacaabeen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa . Cali Xaaji ayaa [...] Source
  4. Garowe (Caasimada Online) – Garyaqaanka Guud ee mamulka Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa. Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka, oo uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Garowe. War kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo lagu tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa. Qodobada 80 iyo 81 ee Dastuurka maamulka Puntland ayuu sheegay inay cadeynayaan awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland. Wuxuu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu leeyahay awooda magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka maamulka, maadaama uu yahay madaxweynaha talada haya. Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka Guud ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Shirkii Nabadeynta beelaha Bah-hararsame iyo Qayaad ee ka socday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa lagu gaaray heshiis rasmi ah oo ka kooban 7 qodob. Shirkan ayaa dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia u xil-saartay guddi ka kooban 25 xubnood oo ay weheliyaan ergo min 21qof ah oo ka kala socotay labada beelood ee colaaddu u dhexaysay,waxaana ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan: 1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood . 2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad. 3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed. 4:Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya . 5:Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxay in ay bixiso 200 oo Halaad iyo $48,000 oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood . 6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood . 6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) . 7:In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba . Shirka heshiisiinta beelaha Qayaad iyo Bah-hararsame oo socday in ka badan 20 cisho ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah isimada ugu faca-weyn geyiga Soomaalida oo ay ku jiraan Islaan Ciise Islaan Maxaamed iyo garaadka guud ee dowlad degaanka Soomaalida,garaad Kulmiye garaad Maxamed garaad Dool garaad Wiil waal,waxaana sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaatay madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cagjar. Dagaallo qaraar oo 21-kii ilaa 23-kii bishii October ee sannadkaan ka dhacay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa geystay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh kaasoo kala gaaray labada beelood oo halkaasi ku dagaallamay,hase yeeshe isimada Dhaqanka Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida ayaa si deg deg ah uga hawlgalay joojinta colaaddaasi oo marar horena soo noq-noqotay. PUNTLAND POST The post Heshiis rasmi ah oo laga gaaray colaaddii Dhummay appeared first on Puntland Post.
  6. Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa iska diiday qaraar uu hormuud ka ahaa Mareykanka kaas oo lagu hor istaagayey sawaariikhda ay Xamaas u rido dhanka Isr’ail. Cod loo qaaday waxaa tageeray 87 halka ay diideen 57, waxaana ka aamusay 33, sidaasi ayaana lagu diiday qaraarka, waxaa laga rabay aqlabaiyadda saddex meel. Safiirka Israa’il u fadhiya qaramada midoobey Danny Danon ayaa sheegay in qorshaha la afduubey halka xarakada Xasaas ay ku tilmaantay mid dharbaaxo ku ah maamulka Trump. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa caddeeyay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub. Qaraal Jimcaha maanta ah ka soo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu caddeeyay in madaxweyne ku xigeenku uusan awood u lahayn magacaabista guddigaasi,haddii uusan u wakiilan madaxweynuhu,ama uusan dalka ka maqneyn. PUNTLAND POST The post Garyaqaanka G ee Puntland oo war ka soo saaray magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka appeared first on Puntland Post.
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Dalka Soomaaliya. Axmed Madoobe, wuxuu ka hadlay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay hanaankii dowladinimo ee dalka, isagoo tilmaamay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo badbaadin kara dalka. Isaga oo u muuqday inuu weerarayo hogaanka dalka ayuu sheegay in shaqsiyaad dibadda ka yimid oo heysta Baasaboorada dalal kale aysan badbaadin karin dalka Soomaaliya, maadaama aysan muddo ku nooleyn. Dadka Badbaadin kara Soomaaliya ayuu shaaciyay inay yihiin dadkii aan dalka ka bixin 30-kii sano ee dalka uu burburka ku jiray, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto. “Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo u baahan in loo naxo, waxaa loo baahan yahay in loo turo, waxaa garan kara halkaan ka nimid dadkii dalka joogay, Waxaan oran karaa ma garanayo xaaladda aan joogno qof socoto ku yimid” “Waxaa loo baahan yahay isu tanaasul, laga odayeeyo dalka iyo xaaladda uu ku jiro, iyadoo la fiirinayo wadanka halka uu ku yimid iyo sidii loo wanaajin lahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe. Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqday in uu dhaliil uga dhigaayay Madaxda ugu sareysa Soomaaliya oo ah kuwo qurbo joog ah, islamarkaana 30-kii sano ee ugu dambeeyay kunoolaa dalka dibadiisa. Caaimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. Kismaayo (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa baaq ujeediyay madaxda maamulada. Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku tartarsiiyay Madaxwayneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka inay wax kasta ka horumariyaan danta Ummadda iyo dalka, si loo gaaro horumar iyo nabad-gelyo. Isaga oo sii hadlaya ayuu Gudoomiyuhu cod dheer ku sheegay in sidoo kale looga fadhiyo hogaamiyaasha in mid kasta oo dhamaantooda kamid ah uu muujiyo tanaasul, islamarkaana ay iska ilaabaan danahooda gaarka ah. Hadalkaan kasoo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa imaanaya xili uu shalay gaarey xarun goboleedka Jubadda Hoose, halkaasi oo xalay kulamo gaar-gaar ah kula yeeshay hogaanka maamul goboleedkaan. Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jira sidii loo dhameyn lahaa mad-madowga siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowlada iyo maamulada, kaasi oo umuuqda mid qarka usaarna in la xaliyo. The post Cabdi Xaashi oo fariin udiray madaxda maamulada appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan diyaarado dagaal oo duqaymo ka fuliyay degaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka ayaa intaas ku daraya in duqaynta lala beegsaday Saldhigyo ay xarakada Al-Shabaab ku lahayd tuulooyinkaasi oo qiyastii 6 KM dhinaca Koonfur-galbeed uga beegan degmada Afgooye. Ma cadda khasaaraha dhabta ah oo ay geysteen duqaymahaasi, oo dadka degaanka soo sheegayaan inay ahaayeen kuwa culus. Illo wareedyo madaxa banaan ayaa xaqiijinaya in mid kamid diyaaradaha weerarka cirka ah fuliyay oo kusoo degtay Sabiid iyo Caanoole ay wateen labo ruux. Mudooyinkiii dambe Mareykanka ayaa sarre uqaaday howlgalada uu ka fulinayo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku bartilmaameed-sanayo xerooyinka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab. The post Diyaarado duqayn ka fuliyay Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-07122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Kismaayo (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa wuxuu soo dhaweeyay dadaalada Aqalka sare ee ku aadan xal u helista khilaafka dowlada iyo maamuladda. Hadalkaan ayuu Axmed Madoobe ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweeyay wafdi ka socday Aqalka Sare oo uu horkacayay Gudoomiye Cabdi Xaashi, oo shalay gaarey magaalada Kismaayo. Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo afjaro khilaafka, islamarkaana Aqalka Sare uu ku guuleysto waan-waanta uu wado. Lama oga hadii uu gudoomiyaha Aqalka Sare uu ku guuleysan karo xalinta khilaafkaan kaasi oo ay horey ugu fashilmeen Guddigii uu usaarey Gollaha ee ka koobnaa Tobbanka xubnood ee loo diray degaanada maamulada. The post Jubbaland oo soo dhaweysay dadaalada Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, qayb weyna ka qaatay ololihii uu Madaxweyne Muuse Biixi u galay doorashadii kal hore Somaliland ka dhacday, ayaa si adag u dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo dhisay xukuumadiisa, waxaanu ku eedeeyay inuu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa inuu soo dhiso xukuumad kooban, taas bedelkeedna wuxuu sheegay in Madaxweynuhu dib ugu laabtay aragti uu sheegay inay gabowday oo ah in la buun-buuniyo magacaabista. Ustaad Samatar, oo degen dalka Maraykanka oo uu ka yahay macalin jaamacadaha dalkaas ka dhiga xidhiidhka caalamiga ah, wuxuu qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda iyo qaybta Somaliland. Wuxuu Axmed Ismaaciil Samatar, ka sokow isbedelada uu waddo Dr. Abiy Axmed ka hadlay xaaladda Somaliland iyo hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Professor Samatar, wuxuu ka hadlay doorashadii Somaliland iyo guushii xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in guushaas KULMIYE ka gaadhay doorashadaas kal hore iyo farxadii taageerayaashiisa hadhaysay ay u muuqato mid cimrigeedu soo koobnaanayo. Wuxuu sheegay in dareenka rajada sare lahaa ee la qabay ay ku salaysnayd shanti tiir ee lagu saleeyay ololihii xisbiga KULMIYE “oo kala ah” ayuu yidhi “Xoojinta is haysashada bulshada, dhaqaajinta korriin dhaqaale oo ay la socoto ilaalinta deegaanka, dib u dhiska hay’adaha waxbarasho, wax ka qabashada caafimaadka dadwaynaha, iyo dib u cusboonaysiinta xidhiidhka caalamiga ah—- wuu uumi baxayaa.” Ayuu yidhi qoraalka Samatar. “Sidaasdarteed” ayuu ku yidhi Macalinku qoraalkiisa, “Waxa cad in dhamaan dadku ay galeen waxa ay u yaqaaniin reer Somaliland Amakaag iyo yaab.” Professor Axmed Ismaaciil Samatar, isagoo soo bandhigaya qodobada shacabka ku keenay warwarka waxa uu tiriyay qodobadan. Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday Somaliland. Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah. Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood. Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah). Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka. Biixi waxa uu si u bogis mudan, oo go’aan adayg ah u yareeyey musuqii fadeexadda ahaa ee dakhliga dawladda lagu samaynayey, gaar ahaan ay wadeen masuuliyiinta sare ee dawladdu. Si kastaba ha ahaato ee, raadka ka dhashay koritaan la’aanta dhaqaale, sicir bararka, qiima dhaca lacagta Somaliland, heerka aadka u khatarta badan ee shaqo la’aanta dhalinyaradu maraysaa waxa ay ifafaale fool xun u tahay dhaqaale la’aanta mustaqbalka ka soo muuqda. Abaaraha isdaba joogga ah, iyo engaga dhulkii ku dhacay, waxa uu Somaliland ku keenay in dad aad u tiro badan oo ah dadkii baadiyuhu ay u soo guuraan magaalooyinka waaweyn ee tirada yar. Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor. Inkasta oo ay deriskeeda iyo meelaha ka sii durugsanba ka socdaan isbedello yaab leh oo isa soo tarayaa, haddana Somaliland waxa ay ku jirtaa xaalad lignaan iyo qaangaadhinimo la’aan ah oo ka haysata dhinaca fahamka waxyaabaha adkeeyey aqoonsiga, iyo sida oo kale ka faa’iidaysiga, isbedellada Istaraatijiga ah ee socda. Ma jiro wax caddaynaya in wasaaradda waxbarashada iyo xitaa wasaaradda caafimaadka dadweynaha la siiyey mudnaantii sare iyo dib u habayntii ay mid kastaa gaarkeeda ugu baahnayd. Waxa ay dunida casriga ah oo dhami ka midaysantay aaminsanaanta ah in mudnaansiintan muhiimka ah ee labadan hay’adood ay aasaas u noqonayso soo saarista raasamaal dad oo tayadoodu aad u sarrayso. Labada xisbi mucaarad waxa ay noqdeen ma dhalays , waxa aanay u muuqdaan in aanay illaa imika awoodin in ay keenaan dhaliil lafagur iyo raynrayn abuuraysa oo rayid ah. waxaaba intaas sii dheer, xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI oo helay boqolkiiba 43 tirada codadka guud, in uu weli ka dul barooranayo jabkii gaadhay. In ka badan sannad oo laga joogo doorashadii, WADDANI muu muujin wax calaamad ah oo muujinaya in uu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh – Kaas oo awood u leh in uu si adag u sii haysto taageerayaashiisa tirada badan, dibna u ceebtiro aragtidiisa ku aaddan Somaliland, si uu ugu guulaysto in uu muwaadiniin badan oo dheeraad ah dhinaciisa u soo jiido, isuguna diyaariyo tartanka soo socda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa jawaab siiyay musharixiinta Puntland ee sheega inay dagaal ku qabsan doonaan deegaanada Sool iyo Sanaag oo labada dhinac ay isku hayaan. Wasiirka Biyaha Somaliland Suleymaan Yuusuf Cali ayaa si adag kaga jawaabay hadaladii ugu dambeeyay ee kasoo yeeray qaar kamid ah musharixiinta Puntland ee sheegay inay dagaal ku qabsan doonaan Sool iyo Sanaag. Wasiirka ayaa kaga digay musharixiinta la tartameysa Cabdi Welli Gaas inay ku halqabsadaan inay la wareegi doonaan deegaanada Sool iyo Sanaag oo marar badan ay ku dagaalameen. Wuxuu sheegay inaysan arintaasi ka soconeynin deegaanadaasi oo Somaliland ay maamusho, sida uu hadalka dhigay, waxaa kale uu sheegay in ciidamada difaaca Somaliland ku fulan yihiin xaqiijinta amaanka deegaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in musharixiintaasi ay marin habaabinayaan shacabka maadaama aysan ku dhicin inay la wareegaan deegaanada Sool iyo Sanaag, sida uu hadalka u yiri. “Somaliland ayaa gacanta ku heysa SOOL iyo Sanaag, inay meelaha ka qeyliyaan ayay awoodaan Puntland-na wey og tahay inaysan ku dhicin dagaal, Mid kasta oo yimaada sidaas ayuu ugu halqabsanayay Sool iyo Sanaag, waan ku fulinahay inaan difaacno goboladaa”ayuu yiri Wasiirka Biyaha Somaliland. Musharixiin badan ayaa ka sheegay deegaanada Puntland inay furimo dagaal ka dhigi doonaan deegaanada Somaliland kaga sugan tahay gobolada Sool iyo Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la filayaa maalinta Isniinta soo socota oo taariiqda ay ku beegan tahay 10 December inuu kusoo laabto magaalada Muqdisho. Imaanshahiisa magaalada Muqdisho ayaa xogaha aan heleyno waxay sheegayaan inay la xiriirta xuska sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay maalintii ciidamada amaanka ay weerareen guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho. Qaban qaabada munaasabada baroordiiqda ah oo la filayo inuu ka qeyb galo ayaa ka socoto magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb gali doona baroordiiqda si uu kaga hadlo waxa ku dhacay iyo sanad kadib waxii loo qabtay. Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in Si dadban uu dhaqaalo ugu bixiyay soo dhaweyntiisa maalinta Isniinta, waxaana uu dhaqaalahaasi siiyay qaar kamid ah warbaahinta magaalada Muqdisho. Idaacado kooban oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa laga bilaabay baahinta ogeysiis la xiriira iyo taageerayaasha xisbiga ay ka qeyb galaan soo dhaweyntiisa, waxaana laga leeyahay labo ujeedo. Ujeedada koowaad ee laga leeyahay ayaa ah in lagu faano haddii taageerayaal badan ay yimaadaan, si nabad ahna kaga qeyb galayaan soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Ujeedada labaad ayaa ah in haddii laga carqaladeeyo dadweynaha inuu ka dhigo Kiis ah in loo diiday wuxuu xaq u lahaa muwaadin ahaan, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay ka warheleen ujeedada laga leeyahay arintaan, waxaana ay ka feejigan yihiin dadweyne badan oo carqaladeeya amaanka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyabaha qarxa iyo dhaqaalo badan oo la doonayay in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah. Ciidamada amaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in baaritaano iyo xogo la helay kadib gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in xarumaha waxbarashada iyo goobaha ay ku kulmaan dadweynaha lagu weeraro. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xogtaan kadib markii ay dadweynaha lasoo wadaageen, taasina ay dhalisay in laga hortago inta shacabka aan la waxyeeleen. Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Jigjiga Maxamed Cali Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii ka haray maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ay ka dambeeyaan falkaan ayna doonayeen inay waxyeeleeyaan shacabka deegaanka. Ujeedada ka dambeysa falkaan ayuu sheegay inay tahay wiiqitanka nabad galyada iyo horumarka deegaanka, sida uu sheegayna ay ka hortagi doonaan dad walbaa oo falalkaasi abaabula. “Waxaa la qorsheeyay fal la doonayay in laga fuliyo Jigjiga, Axmed Mahad Colow Ilka case ayaa hogaaminayay, waxaa la doonayay in meelaha bulshada ku badan tahay la qarxiyo si dadka loogu dhibaato, anagoo iskaashaneyno Shacabka iyo laamaha amaanka ayaan ka hortagnay, waana la fashiliyay qorshaha”. “Qorshaha wuxuu ahaa mid lacag badan lagu bixiyay, waxaa la doonayay in dhaqaalo la siiyo dadka qaraxyada fuliya, waxaa ka dambeeyay haraadigii xukuumadii hore oo deegaanka burburiyay, waxayna doonayeen maadaama nidaamkoodii xumaa meesha ka baxay inay dadka dhibaateeyaan”ayuu yiri Taliyaha booliska Jigjiga. Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay inay dib dambe ka shaacin doonaan dhaqaalaha malaayiinta gaaraya ee la doonayay in qaraxyada lagu bixiyo. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  17. Waqtigan aan joogno dalka Soomaaliya waxaa moodaa in laga maarmay hal-beeg sax iyo khalad ahaa, waana KHATAR! KHatar, aad u weyn oo dhaawac ku ah jiritaanka dhaqanka, xeerarka nolosha iyo cahdiga (dastuurka) dadku dhigto salkeeduna yahay burbur hor leh oo halis ku ah jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya! Ma aha mid qarsoon in madadx-weynaha dowladda federal-ka Max’ed Farmaajo iyo r’iisal wazaaraha Xasan KHayre ay labaduba ku shaqayniyaan xeer ka baxasan xayndaabka dastuurka Soomaaliyeed, waana nasiib daro weyn oo soo noqnoqonaysay mudooyinkaan dambe ilaa xilligii Xasan SHiikh Max’ud, waxaana muuqata in nin kasta u doonayo inuu dadka iyo dalka ku maamulo madaxiisa, waxaadna moodaa inay hilmaansanyihiin ama aysan garanba in dastuurka iyo qaynuunka ummad leedahay ujeeddadiisa u weyn ay tahay in laga gaashaanto in qofka mas’uliyadda loo dhiibayo uu madaxiisa iyo siday qof ahaan la tahay ku maamulo dalka iyo ummaddu. Waxaan aad ugu faraxsanaa in Max’ed Cusmaan Jawaari laga qaado Af-hayeenimmadii barlamanka, run ahaantiina waxay ahayd tallaabo aad loogu baahnaa, hasa yeeshee sida hadda muuqata arrintu ma ahayn in wax laga qabto ama wax laga bedelo ku tumashadii dastuurka iyo musuqmaasuqii hareeyay golaha shacabka xilligii Jawaari, Waxayana arrinta hadaa maraysaa Ka Daroo Dibi Dhal!…. KHayre iyo Farmaajo waxay la noqotay inay keensadaan Af-Hayeen waxay iyagu rabaan qaynuunka dalka ka dhiga, sida muuqatana arrintaas waxba ugama suuro gelin aan ahayn inay xiisad siyaasadeed oo hor leh ay dalka geliyeen, waxaana arrin lala yaabo ah in madaxda dowladda ay waxaas oo dhan ugu qiimaysanyihiin guulo siyaasadeed oo ay gaareen. Sida hadda muuqata dowladda waxay siyaasad ka dhigatay mu’aamaraad in loo mareego hadba meeshii ay dan ka yeelato sidii ay tahay dowlad shisheeye oo aan dalka lahayn!…Waa qaabkii ay u adeegsatay Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad, waa qaabkii ay u adeegsatay SHariif Xasan SHiikh Aadan, uma jeedo inaan taageersannahay siyaasaddii nimankaas, laakiin giddigood waxaa xilka looga qaaday qaab khayaano, wax is-daba marin, dad isku diris ah iyo musuqmaasuq aan waxba loo aabo yeelayn! Ilaa iyo hadda Gal-Mudug waa degi la’dahay, kaaga daranee mar walba waa heshiinayaan hadana waa la dhex gelayaa!… Waa qaab dhagar iyo khayaano ah! Waana qaabka ay hadda Farmaajo iyo KHeyre ku kala direen Guddigii Maaliyadda ee Golaha SHacabka. Dowladda waxay u timid maamulo goboleedo ku dhisan oo ku taagan qodob sharci ah, qodob dastuuri ah, qodob ummadda ku heshiisay oo laysku raacay si ku-meel- gaar ah, walina sugayay in dadka Soomaaliyeed u codeeyaan, dowladdu meeshii ay ka shaqayn lahayd inay dardar geliso sidii loo suuro gelin lahaa in loo codeeyo dastuurka iyo nidaamka federalism-ka waxay hawsheedii ka bilowday inay dagaal aan la sugayn oo siyaasadeed dalkii geliso, Cabdi-Xakiim Cabdullaahi Cameey, siyaasadda uu hadda la dhex joogo Puntland waa qayb ka mid ah siyaasadahaas. Waqtigan la joogo Xukuumadda Federal-ka maxay ka wadaa magaallada Baydhabo?! Ciidamo aan ujeeddadooda la cadayn bay xukuumaddu geysay, maamulka Koonfur Galbeedna uusan codsan keenistooda, SHiikh Mukhtaar Roobow bay xukumadda federal-ka is hor taagtay inuu madaxnimmada maamulkaas u tartamo iyadoo aan sheegayn sababta! Al-SHabaab inuu ahaa waa lagu ogaa, waa lala heshiiyay, waliba cafis baa loo fidiyay, maxaa cusub oo is bedelay? Dagaal-Oogayaashii, burburka dalka maanta ka jira u sababta ahaa baa xil-dhibaano noqday, oo waziiro noqday, maxay iyaga iyo Roobow ku kala duwanyihiin? isagaaba cafis loo fidiyay. Cameey muddo dheer buu wuxuu ku sugnaa hotel ku yaala magaallada Muqdisho isagoo soo cidleeyay xafiiskiisii iyadoo aan la sheegin sababaha uu u joogay halkaas, hasa yeeshee waxaa jiray warar soo baxayay oo kala duwan laakiin ku midaysnaa inuu marti Sharaf u ahaa madax-weynaha iyo ra’iisal wazaarha isla markaasna ay isla meel dhigeen talooyin ku aaddan siday suuro gal u noqon lahayd in doorashada Puntland ee soo socota madaxda imaanaysa ay noqdaan kuwo iyaga ay keeneen isagana (Cameey) uu noqdo marinkii lagu gaari lahaa taas! Hadalkaas horay u soo baxay iyo dhaqanka uu Cabdi-Xakiim Cameey kala yimid Muqdisho waxaan shaki ku jirin inay is macnayniyaan, Cameey, markii hore wuxuu ka bilaabay ama uu taagnaa inaysan jirin wax maamul goboleed la yiraahdo, waxa jirana ay yihiin “Harraadi” sida uu hadalka u yiri, hasa ahaatee hadda waxay maraysaa inuu harraadigii ku qabsado guddiyadii khilaafaadka doorashada, tallaabadan cusub ee ku qabsashada ah waxaad moodaa inuu u arkay marin gaaban oo ka bilaabi karayo qorshaha barnaamijkii uu kala yimid Muqdisho, laakin wuxuusan garan in maamulka Puntland, iyo maamul gobleeddada kalaba dastuuri yihiin oo waliba uu isaguna sidaas madax ku ahaa, wuxuna sida muqata u soo bowdyo qaawistay inuu dumiyo maamul ummadda Soomaaliyeed leedahay oo isaga ammaano ku ahaa, oo u soo bareeray inuu hagardaameeyo. Itoobiya ayaa ka dambaysa qorshaha duminta M/Goboleeddada! Guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ka shaqeeyaan sidii ay horay uga socon lahaayeen meesha ay maanta soo gaareen. Maamul goboleedada, hankii loo qabay kama muuqdo, siiba Puntland oo ay shantii sano oo u dambaysay ay ku habsatay balaayo aan horay u soo marin nooceeda. Maamul-goboleeddadu waxay ahaayeen xubinta keliya ee muddooyinkaan dambe xukuumadda federal-ka ah ku xakamaynaysay inay u hoggansanto dastuurka dalka inkastoo ay xukuumaddu ku xad-gudubtay qaybo ka mid ah xuquuqdii dastuuriga ahaa ee maamul goboleeddada, hadana markii ay xukuumaddu barlamankii ka dhigtay fadhiid aan waxba ku toornayn waxaa in badan cadaadis ku hayay maamul-goboleeddada, waxaana loo baahanayahay in shacabku intaas garto oo ay taageero buuxdo siiyaan maamul goboleeddada, iyagoo mar kasta taageeradooda ku salayniya dastuurka dalka. Waxaa fiiro gaar ah u baahan iyo qeexitaan inaan shacabku wax ku qiimayn dalalka shisheeyaha ah taageradooda siyaasadeed iyo taageero la’aantooda, maxaa yeelay taageerrada Itoobiya ay taageerayso dowladda Soomaaliyeed ama maamul goboleed ma ah mid wax laga weydiinayo ama loogu danayniyo qof Soomaali ah, ayaamahan waxaa aad u socda warar lagu jah-wareerinayo dad-weynaha oo la leeyahay maamul goboleeddadii dowladihii aduunka baa diiday!…oo hadday diideenna?! Waxaa arrin lagu qosla ah in xukuumadda Soomaaliya arrintan ay ku macnayso horumar ay ka gaartay xagga xiriirka ay la leedahay dalalka shisheeyaha ah laakiin ay runtu tahay in Itoobiya oo ka hor tegaysa jiritaanka awood siyaasadeed oo diida karta ama wax ka oran karta heshiisyada qarsoodiga ah ee ay ka saxiixatay Farmaajo ay iyadu kala shaqaynayso xukuumadda burburinta maamul goboleeddada!… madaxda maamul goboleeddada oo uu ugu horeeyo Cabdi Xakiim Cameey iyaguna waa inay intaas gartaan oo aysan ummadda mar labaad burbur dib ugu celin!…Cabsi iyo fuleynimana xaaldda dalka ka jirta boos ugma bannaana, waxayna ku quruxsanayd Cameey inuu is cazilo oo xukuummadda federal-ka ku biiro isagoo aan qalqal iyo xiisad gelin ammaannadii ay ummaddu u dhiibatay…xil-dhibaannada cusubna ha ka digtoonaadaan ragga Itoobiya iyo Farmaajo ay soo maal gashteen! W/Q:Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaag ah oo ay tahay inan kaga dayano ama ka barano reer-galbeedka, kuwaasoo ah waxyaabaha u sahalay inay horumar iyo Nabad ku noolaadan, dunidana hoggamiye ka noqdaan. Aan halkan kusoo koobo shan ka mid waxyaabo ay tahay inan ka barano reer-galbeedka. 1) Cilmiga iyo sida loo barto Dhabcan, dunida horumartay waqtigan waxaa leysku qiimeeyo ayaa ah maxaa taqaanaa oo aad cilmi u leedahay. Waxaanba xisaabta ku jirin halqabsiga Soomaalida ee ah YAA TAHAY! Waxaanna kawada dheregsanahay in reer galbeedka si aad ugu horumareen cilmiga maaddiga. Waa muhiim inan ka barano . Tusaale ahaan, waxaan ka baran karnaa cilmiga bini-aadamka, tikniloojiyada, siyaasadda IWM. Sido kale Ku saleynta cilmiga howl kasta oo la qabanayo iyo sida cilmiyeysan ee dhibaatooyinka loo xalliyo. Waa dhab, in dunida oo dhan cilmiga la wada barto, laakin sidee loo bartaa cilmiga maaddiga iyo habka loogu bedelo camal, waxaan u baahanahay inan ka barano reer-galbeedka. Maxaa yeelay iyaga ayaa cilmiga maaddiga camal u bedelay. 2) Nidaamka. Waddamada galbeedka, wax walba waa nidaam. Ma jirto howl bilaa nidaam ah. Shaqsi kasta wuxuu ogyahay halka uu wax ka bilaabayo iyo meesha uu ku dhameynayo. Ma arkeysid, sida qof inta iska soo tooso dhahaya, “ war saakay xageen qabtaa”. Carruur iyo cirroolle waxay leeyihiin nidaam dowladda u dejisay oo lagu hago noloshooda. Waxaa kasii fajac badan badan, xayawaanka iyo dhirtana hab iyaga u gaar ah oo lagu maamulaa jira. Gaadiidka dad weynaha waqtigooda kama dib dhici karaan kamana soo hormari karaan. 3) Qorshe Dejinta. Shaqo ma qabtaan reer galbeedka illaa waa mid qorsheysan. Tobanka sano ee socda ama ka badan Dowladda waxaa u degsan wixii ay qaban laheyd. Shaqsiga caadiga ah waxaa u qorsheysan sanaddaha foodda kusoo haya wuxuu qabsan lahaa iyo halka uu tiigsan lahaa. Si loo gaaro qorshahaas maalin walba ayaa laga shaqeeyaa. Waa hubaal qof kasta qofka uu ka qorsho badanyahay waa ka horreeyaa nolosha. 4) Karaameynta nolosha bini-aadamka Galbeedka qof kasta oo ku nool wuxuu xaq u leeyahay inuu helo amaan, hooy uu seexdo, cunto uu ku noolaado, caafimaad iyo waxbarasho. Intaas waa aasaaska nolosha. Waxaana waajib iska saaray dowladda. Mana jirto cid muran gelisa. Waxaa laga soo horjeeda qofka inuu gaajoodo, waxbarasho la’aan ku dhacdo, caafimad darrana u dhinto. Si qofka dadka ula mid noqdo waa inuu helaa intaas. 5) Dadka dhan waxaa ka sarreeya qaanuunka Ninki xoog leh bay xaajo u toostaa kama jirto galbeedka. Qaanuunka ayaa ugu sarreeya oo loo hoggaansanyahay. Shacabka waa lawada simanyahay. Ma jirto cid cid kale ka sarreeysa. Shaqsigaa doonto ahaw midabkaa doontana yeelo. Qaaanuunka wixii kasoo harana, dadka tartan bay u galayaan, sida, xilqabashada, shaqooyinka IWM. Dunida seddexaad, sida Afrika qaanuunka dadna wuu ka sarreeyaa dadna wuu ka hooseeyaa. Si kale haddan u dhaho, sharciga dadna wuu qabtaa, qaar kalena xisaabtaba uguma jiro. Waana waxa kala duway labada qaarad. 6) Xorriyadda Hadalka Galbeedka, qofku wuxuu xor u yahay inuu ra’yigiis cabbiro, dareenkiisana muujiyo. Cidduu doono ayuu qofka cambaareyn karaa, dhaleeceynna u jeedin karaa. Ma jirto cabsi ama cid ka reebeysa. Muhiimaddu, waa inay dhab kaa tahay sharcigana dhowrto. Dhankeenana, cidina intay dhiirato dhab wax uma sheegi karto. Dhanka kale, reer-galbeedka waxay leeyihiin waxyaabo kaloo xun oo ay tahay inan iska ilaalino. Qormadeyda tan xigta ayaan ku eegi doonnaa Insha Allaha. W/Q Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com
  19. Nin aan dhul marin dhaayo malaha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan kusoo wareegay shanta qaaradood ee Adduunka, waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana lasoo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka baxay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markaad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaallo-sokeeye, ayna saddex bilood gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican oo samatabixiya. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheegtay, Nabi Muuse oo uga digaya, iyo hardankii adkaa ee dhexmaray, waxayna kuu tusaaleyneysaa masiirka Diktaytar kaste oo u awood sheegta shacabkiisa, iskuna taago Allihii abuuray. Waxaan tegay magaalada barakeysan ee Makah. Muuqaalkeedii iigu cajiibsanaa wuxuu ahaa maalinkii carafo. Dhowr milyan oo xujeey ah ayaa Buurta isugu timid. Gacmaha ayay isdhaafsanayeen iyagoo isi salaamaya, waxaana ka muuqday isjaceyl walaaltinnimo. Ma kala garan kartid jinsiyadahooda oo waxay ku wada labisanyihiin dhar cadcad, waxayna ku wada hadlayaan carabi jajab ah, mid kastena wuxuu dareemayaa in uu Alle toos ugu xiranyahay oo uu ka mid yahay martidiisa. Waxaan tegay magaalada Istanbuul oo aheed saldhigga boqortooyaddii Cusmaaniyiinta ahna halka ay iska galaan xadaaradda galbeedka iyo tan bariga, waxaana booqday goobo taariikhi ah sida qasrigii dowladdii Cusmaaniyiinta, Hagia Sophia iyo Masjidka Suldaan Axmad. Waxaan u dalxiisay magaalada taariikhiga ah ee Qarnaadah oo aheed caasimadda boqortooyadii Andalus iyo magaalada Ishbiiliya oo aheed Taajkii boqortooyada, labada magaalo hadda waa la asal-dooriyay, balse markaad dhex mareyso waxaad xusuus kula noolaaneysaa boqortooyadii Andalus, sababihii burburiyay iyo waaqica qaraar ee muslimiintu ka dhaxleen burburkeeda. Waxaan tegay magaalada Paris oo saldhig u ah xadaaradda Faransiiska. Sirta ka dambeyso quruxda magaalada waa waddada Avenue-des Champs-Elysees oo ah waddo lagu qurxiyay nalal cajiib ah, ayna ku teedsanyihiin geedo qurux badan, dukaammo, hoteello iyo maqaayado caalami ah. Intii aan joogay Faransiiska waxaan u dlaxiisay Jasiiradda Mont-Saint-Michel oo ay ku taallo Buur ka mid ah kuwa ugu quruxsan caalamka. Jasiiraddaan oo xeebta ka fog hal Kiiloowmitir waxaa ku nool 44 qof kaliya, waxaysa sanad kaste marti-gelisaa saddex milyan oo dalxiiseyaal ah. Safarkeygan waxaan tegay magaalada Fiyeena ee dalka Austria oo hooyo u ah aqoonyahanno, qorayaal iyo abwaanada ugu caansan taarikhda Yurub. Intii aan joogay Fiyeena waxan booqday guriga ay magaalada ka deganeed Amiina Al-Muftii oo aheed Basaasaddii carbeed ee sirdoonka Yuhuudda ugu caansaneyd. Waxan tegay Denmark, waxaana galay maktabadda Dokk1 ee magaalada Aarhus oo ah maktabad dadweyne oo ay yaallaan in ka badan 220,000 oo buug. Maktabadda waxaa xiiso gooni ah usii yeelaya in ay qarka u saarantahay wabiga Aarhus. Waxaa taas iiga cajiibsaned maktabad Aadane ah(Human Library) oo ku taallay maagalada Copenhagen, halkudhiggeeduna ahaa “Buug ha aqrisan, ee qof aqriso” waxaana dhoobnaa dad khubaro ah oo wax u sharxaya dad u yimid in ay iyaga aqristaan. Waxaan booqday magaalada Tromso ee dalka Norway. Xilliga xagaaga oo aan ku beegmay magaalada qorraxdu kama dhicin laba bilood oo xiriir ah, waxayna muslimiintu su’aalo iska weydiinayeen sidii ay u Soomayaan. Intii aan joogay Norway waxaan ku indha-doogsaday iftiinka Aurora oo ah iftiin dabiici ah oo uu cirku yeelanayo isku dhafka midabbo qurux badan oo isugu jira Cagaar, Madoow, Dahabi, Jaalle, Basali, Gaduud iyo Buluug. Safarkeyga waxaan tegay magaalada London, waxaana booqday madxafyada caanka ah, Tower of London, Tower Bridge, London Eye, qasriga Buckingham, Beeraha dalxiiska, iyo saacadda Big Ben oo summad u ah Waqtiga Adduunka. Intii aan Ingiriiska joogay waxaan galay maktabadda Birmingham. Waa maktabad mucjiso ah, qaab-dhismeedkeeda gudaha ah ayaadba ku mashquuleysaa inta aadan gaarin 400,000 oo buugaag ah oo maktabadda taalla. Meelihii ugu quruxda badnaa ee aan tegay waxaa ka mid ah maagalada Sydney ee dalka Australia, oo ah xarun ganacsi, dhaqaalo iyo ilbaxnimo. Magaalada waxaa ku hareereysan Wabiyo, beeraha qaranka, beerta Cinabka, Matxafka qaranka ee Badda, iyo xeebta Bondi ee leh carro quruxsan oo leh midab dahabi ah. Socdaalkeyga waxaan ku tegay magaalada Kuala-Lumpur ee dalka Malaysiya. Waa caasimad faqri aheed oo isu bedeshay magaalo warshadeed leh suuqyo casri ah iyo dhismooyin dhaadheer oo ay ugu horreeyaan Petronas Twin Towers ama KLCC, oo ah dhismoyaal mataano ah oo ku yaalla faras-magaalaha, uuna kiiba ka koobanyahay 88-dabaq, waxayna mataanahaani leeyihiin buundo-cireed la isaga kala goosho. Dalxiiskii daarahaan kadib, waxaan kasoo dukaameystay daarta Suria KLCC oo jaar la ah mataanahan, ayna ku yaallaan Matxafyo, shirkado, Supermarketyo iyo Maqaayado caalami ah. Siddeedii galabnimo ayaan tagay waddada Jalan-Alor oo ay isku ciriiriniyaan macaamiil halkaas u timid in ay ka cunteeyaan maqaayado ku teedsan waddada oo iibiya cuntooyinka badda ee ugu caansan Aasiya. Galabkaas waxaan cagta soo mariyay Beera Ubaxyada, Beerta Xayawaanadda iyo Beerta Balambaalista, waxaana dalxiiskeygii Kuala Lampur kusoo afjaray Beerta Shimbiraha oo ay ku noolyihiin boqolaal nuuc oo shimbiro ah. Maalinkii xigtay ayaan safar dhulka ah ku galay Singabuur oo ah magaalo cajiib ah. Intii aan Singabuur joogay qalbigeygu wuxuu ka maseyrsanaa in Soomaaliya iyo Singabuur oo iyagoo faqri wada ah xuriyadda kala qaatay 1960 iyo 1960 ay maanta Soomaaliya ku jirto caalamka saddexaad, halka ay Singabuur safka hore uga jirto caalamka horumaray, ayna tahay xarunta saddexaad ee dhaqaalaha Adduunka. Caqligeyguna wuxuu isweydiinayay sababta Sangabuur oo nus qarni ka hor aheed magaalo qashin-qub ah ay maanta sidaan ugu qurux badantahay, waxaanse xusuustay in Singabuur maanta loo yaqaanno “magaalada ganaaxa”, oo ciqaab la dul dhigayo qof kaste oo dhaqan-xumo ku kaca, oo xitaa qofkii xanjo lagu arko lagu ganaaxayo $5,500 ama xasbi hal sano ah, maadaama ay xanjadu wax u dhibeyso bilicda magaalada. Digniinnada ganaaxa ah ee meel kaste ku dheggan waxay kuu sheegayaan in quruxda Sangabuur aan baryo lagu keenin, aysa ka dhalatay sharci loo simanyahay oo helay awood dhaqan-gelisa; iyo maal-gashi lagu sameeyay maskaxda muwaadiniinta. Waxaan tegay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaan booqday goobo taariikhi ah sida derbiga weyn ee sumadda u ah shiinaha. Waxaan booqday waddada Nanjing ee magaalda Shanghai oo ah waddada ugu dheer caalamka ee laga dukaameysto, ayna xarumo ku leeyihiin dukaammada, hoteellada iyo maqaayadaha Shiinaha iyo Aasiyaba ugu caansan, ayna maalinkii soo booqdaan ku dhowaad hal milyan oo qof. Intii aan Shiinaha joogay waxaan tegay Maktabadda Zhangshuge ee magaalada Yangzhou. Waa maktabad cajiib ah oo Reflectionka kasoo laabanayo buugaagta ee dhulka ku dhacayo uu kuu sawirayo in aad ku dhex lugeyneyso webi buugaag ah. Socdaalkeygii Kooriyada-waqooyi dalxiis ma aheyn ee wuxuu ahaa booqasho aan ugu tegay dad ku jira xasbi dowladed. Shacabkaasi waxay dulmaneyaal u yihiin nidaamka diktaytarka ah ee Kim Jong-un. Muwaadinku dalka kama bixi karo amar la’aan, Taleefan dibadda kama wici karo mana lagasoo wici karo, Kumbiyuutarna ma iibsan karo isaga oo aan ogolaansho ka heysan Boliiska. Shacabka dalkaas oo ku dhow 26-milyan waa ka mamnuuc Internetku, waxaase isticmaalo dad ka yar Kun qof oo ah madaxda dowladda, xitaa shaqaalaha riyadka looma ogola. Dalkii iigu saameynta badnaa safarkeyga wuxuu ahaa Jabaan, oo aan kusoo arkay wax badan oo ay igu adagtahay in aan qoraal ku sheego. Reer Jabaan waxay cunaan wax kaste, waxayna cuubudaan wax walba, laakiin aqoonta, akhlaaqda, dadnimada iyo insaaniyadda way uga horeeyaan caalamka kale, oo waxaadba maleyneysaa in ay sii marayaan 2050-ka. Maalin Isniin ah oo ay saacaddu aheed 07:00 aroornimo ayaan diyaasad uga safaray magaalada Tokyo ee dalka Jabaan, waxaan hawada kusii jirnay 8-saacadood, waxaana 4:30 galabnimo ee maalinkii Axadda ee maalinkaas ka horreeysay ka degnay garoonka magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka!! BAL ISWEYDII SABABTA!! Safarkeyga kahor, caloosha ayaa i huri jirtay markaan arko carruur guryo la’aan ah oo ku hurdeysa derbiyada Muqdisho, waxaysa dadkaasi caadi ila noqdeen markaan tegay magaalada New-York ee Mareykanka, oo ay ku noolyihiin in ka badan 73,000 oo guryo la’aan ah. New-York waxaa kasii daran magaalada Manila ee caasimadda Filibbiin oo 26% dadka ku nool ay yihiin derbijiif aan guryo laheyn. Waligeey kuma fikirn in ay jirto meel Muqdisho ka amni xun, waxaanse tegay magaalada Detroit ee dalka mareykanka. Labo ka mid ah boqolkii qof(2%) ee magaaladaas ku nool waxaa lagula kacay dil, dhac ama kufsi, waxaana caadi ka ah in maalin kaste agtaada lagu dilo tobaneeye qof, waxaase kasii daran magaalada Rio-de-Janeiro ee dalka Braziil oo ay adagtahay in aad bannaanka ulasoo baxdo Moobeelkada. Intii aan Mareykanka joogay waxaan tegay magaalada Silicon-Valley oo ah xarunta Tiknoolojiyadda caalamka, oo saldhig u ah shirkadaha dunida ku beddelay halabuurkooda, sida Microsoft, Apple, Google, Facebook, Twitter iyo boqolaal kale. Waxaan rajeynayaa in aad igula raaxeysatay safarkaan oo aanan ku xusin meelo badan oo tegay, oo ay kamid tahay Buundada Capilano ee dalka Canada oo ah halka aan taaganahay sawirka hoose, loona yaqaanno Buundada iloowshaha, maadaama ay ku hilmaamsiineyso wax kaste oo aad xusuusneyd. Gunaanadkii, waxaa ii dhiman in aan kuu sheego in aanan waligeey dalka ka bixin oo aanan dibadda uga safrin Soomaaliya, waayo waxaan heystaa Baasaboor Soomaali ah oo aanan dal kaste ku tegi karin. Yeelkeede, waxaan heystaa Buug iyo Internet oo ah Baasaboor caalami ah oo aan aqoonsaneyn xuduudaha, safaaraduhuna aysan diidi karin, una baahneyn in Fiiso la iigu dhufto, aana ku mari karo dalalka caalamka aniga oo joogo gurigeyda iyo dalkeyga hooyo. Waxaan fursaddaan uga faa’iideysanayaa in aan nafteenna ku tarbiyeyno aqriska, safarka iyo in ay markaste baarto wax aysan ogeyn. Waxaa qoray: Xuseen Sabriye Gmail: Husseinsabrie@gmail.com Facebook: www.facebook.com/dhibac
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-06122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Inta Badan Schoolada ka jira wadanka waxa u shaqeeya basas kuwaas oo ardayda ka durugsan schoolka usoo qaada barrada schoolka ,haddaba suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay schooladu ma kawar Qabaan baddqabka ardaydooda se ma lasocdaan cidda ay ku aaminayaan ardayda intaa tirro leeg ee maganta u ah ,waalidkoodna u wakiishay wakhtiga inta ugu badana iyaga la qaata. Se waalidka soo kalihinaya ilmihiisa eek u dadaalaya in aan basku katagin xilli horena waddada usii joogsanaya ,ilmahan uu dhalay xaalada u galo marku ka tago .Dhibaatooyin badan ayay kala kulmaan ardaydu basaska qaadaya iyaga dhexdooda ayaa dhib ka dhacaa ninkan baska kuwadaana iska daadi mooye masuuliyad kale iskama saaro tirro kabadan intii loogu talo galay ayay ku saaraan way raseeyaan sida alaabta, hablo taagan ayaad arkysaa oo kolba markuu Basku istaago madaxa la dhacaya biraha gaadhiga xawaaraha gaadhiga oo aad usareeya ayaa iyana dhibta sii kordhisay, afxumo iyo cay ayay ka bartaan caruurtu waayo inta baddan dad akhlaaqdoodu dhisantahay maaha. Tirro Maleh inta jeer ee shill galeen baabuurta qaada ardydaa yaryar. Waxa kale oo Nasiib Darro ah In ay ula Baxeen Naanayso Liita oo aan u qalmin ubaxa wadanka in loogu yeedho sida Dhagaaxaan, Sallool iwm . Haddaba waxan kula talinaya maamulka schoolada iyo waalidkaba arintaa inay u dhug yeeshaan kolay inbadan oo waalidka ah way ka warqabaan se meel ay wax ka bilaabaan ayay garan laayihiin , Waxan kusoo koobaya dhawr arimood : 1. In guddida waalidka iyo schoolku kawar qabaan hadba cidda loo dhiibayo ilmaha 2. In loo xilsaaro shirkad ama is kaashato basasley ah lagulana xisaabtamo , 3. Dirrawalo nadiif ah oo aan afxumayn allena garanaya in loo xullo caruurta inay qaadaan Alla mahadleh by :maxamed xassan Ibrahim(jamhuuriya) ibnuhhassan150@gmail.com Source