-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE Multi-million-dollar project to construct schools in refugee camps and host communities launched in Ethiopia The project is part of a US$15m grant from the Education Cannot Wait global fund dedicated to education in emergencies and humanitarian crisis and will benefit 12,000 children ADDIS ABABA, Ethiopia, December 10, 2018/ — A project to construct schools in refugee camps and host communities in Gambella and Benishangul-Gumuz regions in Ethiopia has been launched. Part of a US$15 million two-year investment in refugee education in Ethiopia by Education Cannot Wait, the project will construct three new inclusive model secondary schools, 41 classrooms in eight secondary schools, and 84 classrooms in four primary schools. About 12,000 children from refugee camps and the surrounding host communities – half of them girls – are expected to benefit. “This project represents a significant step in our efforts to provide children in refugee camps and host communities, the opportunity to learn and reach for their fullest potential,” says UNICEF Representative in Ethiopia Gillian Mellsop. “Education offers children the best pathway to a better life and no child should to be denied that opportunity regardless of their present circumstances.” The project will result in 3,600 children being enrolled in secondary school and 8,400 in primary school. The schools are expected to be ready in time for the 2019-2020 academic year. Each new school will be fully equipped with furniture, laboratories, libraries, teachers’ offices, and gendersegregated latrines. “Ethiopia has a history of generosity in hosting refugees. The international community must play its part and support Ethiopia’s efforts for children and youth uprooted by conflict and violence to fulfill their right to quality education and ensure they can learn and thrive,” says Yasmine Sherif, Director of Education Cannot Wait. The project will boost gross enrollment numbers in both regions. Currently, secondary school gross enrollment in host communities in Benishangul-Gumuz is 33 per cent and 66 per cent in the Gambella Region. The numbers are significantly lower among refugees at 8 per cent and 13 per cent in Benishangul-Gumuz and Gambella respectively. In addition to school construction, Education Cannot Wait is improving the quality of education by providing school improvement grants, teaching and learning materials plus improving the capacity of teachers to deliver quality and inclusive education. These efforts are benefitting both host and refugee communities thereby enhancing the gradual integration of refugee education services into the national education system. Key project partners include the Ministry of Education, the Administration for Refugee and Returnee Affairs, UNICEF, and the United Nations High Commission for Refugees. Distributed by APO Group on behalf of UNICEF Ethiopia. SOURCE UNICEF Ethiopia Qaran News
-
(SLT-Riyadh)-Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in aanay u soo gacan gelin doonin xukuumadda Turkiga dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shir jaraa’iid uu ku qabtay magaalada Riyaadh ka sheegay in aysan muwaadiniintooda u dhiibi doonin cid kale. “Ma dhiibi doono muwaadiniintayada” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al Jubeyr. Caadil ayaa dhaleeceeyay sida Turkiga uu macluumaadka ula wadaagay boqortooyada Sucuudiga. Source
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar xoogan ka fuliyay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay in lagu qaaday Saldhig Ciidamada Booliska Somaliland ay ku leeyihiin magaaladaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo muddo qaatay, la’iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan ay ka dambeeyeen saraakiil iyo askar horay uga goosatay maamulka Somaliland. Balse saraakiil ka tirsan kuwa maamulkaasi oo ka hadlay weerarkan ayaa ku eedeeyay dhanka maamulka Punntland. Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, balse Ciidanka Somaliland ayaa howlgallo ka bilaabay ghudaha magaalada Laascaanood gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya. The post Rag hubeysan Oo weerar ka fuliyay M/ Laascaanood appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato ururada midowga shaqaalaha iyo shaqaalaha dalkaasi si loo dajiyo rabshadaha dhawaan ka dhacay magaalada Paris iyo magaalooyin dowr ah. Kulan maanta uu madaxweynaha Faransiiska la qaadanayo ururada shaqaalaha ayaa la filaya in shaaca looga qaado tallaaboyin looga hortagayo rabshadaha. Dadka uu kulanka la qaadan doono Macron waxaa kamid dad matalaya ilaa shan ururada shaqaalaha iyo saddexda kamid ah ha’yadaha shaqaalaha. Dalka Faransiiska waxaa hareeyay dibadbaxyo qalalaase wata oo ay wadeen dad kasoo horjeedo canshuurta shidaalka dalkaasi oo sare loo qaaday. Ku dhawaad 50 baabuur ayaa dab la qabadsiiyay markii ay dibadbaxyada socdeenImage caption: Ku dhawaad 50 baabuur ayaa dab la qabadsiiyay markii ay dibadbaxyada socdeen Ku dhawaad dad gaarayo 136,000 qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyada maalmihii lasoo dhaafay. Meelaha sida ba’an ay u saameeyeen rabshadaha waxaa kamid ah magaalada Paris, burbur ayaa soo gaaray qaar kamid ah dhismooyinka magaalada. Wasiirka maaliyadda dalkaasi, Bruno Le Maire ayaa ku tilmaamay dibadbaxyada ‘masiibo ka dhan ah ganacsiga iyo dhaqaalaha’. Source
-
Waa kooxdii labaad oo qurbajoog ah oo booqasho iyo indha dheyn u tagta garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho oo ay dowlada la wareegtay saddex bil ka hor waxaana socodaalkooda ku wehlinyay gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho iyo madaxda hogaaminaysay kooxda qurbajoogta soomaaliyeed ee dalka Australia. Gudoomiyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Xuseen Xarakow ayaa sheegay in sanadkan soo aadan ay jecelyihiin garoonka oo la dhigay cowska macalimka in ay ku ciyaaraan iyagana ay diyaar u yihiin in ay doorkaaga ka qeyb qaadashada dib u dayctirka. Gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Eng.Yariisow) oo qeyb ka ahaa booqashada garoonka Stadium Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro farqi weyn tan iyo kolkii ay dowlada la wareegtay tuulada ciyaaraha qurbajoogtana looga baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska garoonka iyo goobaha taariikhiga. Qaar ka mid ah dhalinyarada ku koray qurbaha ayaa inoogu waramay dareenkooda,iyagoo sheegay in ay ku farax sanyihiin imitaanka Stadium Muqdisho oo ay marar badan ka arkeyn barbaraha bulshada. Waxaan ka mid ahaa ciyaaryahanadii kusoo ciyaaray tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho maanta waxaan dareemayaa xasuustii uu lahaa garoonka waxaana u Mahad celinaynaa cid Walbo oo kaalin ka qaadatay dib usoo celintiisa anagana waxaan diyaar u nahay in ciyaarno doorkeena waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cali Xuseen oo tababaraha kooxda Melbourne horayna ugu soo ciyaaray kooxda bada iyo Gobolka Banaadir. Gudoomiyaha degmada Warta-nabada Saynab Xaabsay ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada ay ka sugayaan in garoonka lagu bilaawo ciyaaro saaxiibtinimo si ay usoo noqoto kalsoonida dhalinyarada xiisanaysa in ay stadium Muqdisho oo lagu ciyaarayo. Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Booqashadooda Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib markii mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya laga gudbiyay maalintii shalay islamarkaana uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka waxaa bilowday kala qeybsanaan baarlamaanka dhexdiisa ah. Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in mooshinka uu salka ku hayo dano shaqsiyadeed oo aysan ku jirin danta qaranka Soomaaliya, waxaana mooshinka uu qabtay guddoomiye Mursal uu ka dhigan tahay heerka uu gaaray Khilaafka. Sidoo kale waxaa dadka la socdo arrimaha mooshinada ay sheegayaan in arintaan ay timid kadib markii la isku qabtay danaha Shaqsiyaadka u dhaxeeya, waxaana xaaladda ay adkaatay markii la isku fahmi waayay arrimaha Koofur Galbeed iyo Kordhinta Qandaraasyo socda. Xeel dheerayaasha ayaa sheegaya in mooshinka xiligaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya uu sababi karo seddex arimood oo kala ah:- 1 Inay Joogsadaan dhamaan Shaqada Hay’adaha kala duwan ee dowladda Gaar ahaan golaha Shacabka oo howlo badan ay u yaalaan. 2 In dhaqaalo ay ku bixiyaan labada dhinac xalinta iyo taageero u helidda Mooshinka, dhaqaalahaasi oo ah mid ummadad Soomaaliyeed ka wada dhaxeeyo. 3 In qalqal amaan uu kusoo kordho magaalada Muqdisho, iyadoo laga faa’ideysanayo buuqa siyaasadeed ee jira sida marar badan dhacday. Waxaa hadda muuqata in xildhibaano badan ay gudbiyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana guddoonka ay durba ku kala qeybsameen arinta mooshinka. Waxaa meesha ka baxaya guddoonka dhexdhexaadnimadooda, maadaama weerar iyo difaac ay kala noqdeen, iyadoo ay adkaan doonto dhinac walbaa inuu baarlamaanka ku wargeliyo shir dhacaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dibadbaxani oo ah mid ballaaran ayaa waxaa saaka uu ka bilowday gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Banaanbaxa ayaa ah mid looga soo horjeedo Mooshin la sheegay in laga gudbiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee M/ Muqdisho. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya Erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, Qaran dumis dooni meyno iyo kuwa kale. Waxaana dadweynahan lagu arkayaa qeybo ka mid ah Waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo Sodonka ee magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, inkastoo Mooshinkaasi ay sharci darro ku tilmaameen guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya. The post Dibadbax ka dhan ah Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo Oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jordan ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahad Maxamed Guuleed Khadar, ayaa dalka Jordan kula kulmay xoghayaha amniga gudaha Maraykanka, Kirstjen Nielsen. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo xoghayaha amniga gudaha Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimaha khuseeya labada dal gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo taageerada dawladda Maraykanka ee dib-u-habaynta ciidaanka. Dhanka kale, waxaa galabta lasoo gebagebeeyay shirkii amniga ee lagu qabtay magaalada Aqaba ee dalka Jordan. “Waxaa si guul ah noogu soo idlaaday shirkii uu marti geliyay boqorka Jordan iskaashiga caalamka ee la dagaalanka kooxaha nabad diidka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Kulanka Aqaba ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan. The post Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo La Kulmay Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-101218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Banaanbaxyo Ballaaran ayaa waxa uu ka socdaa Saaka qeybo Ka mid ah Magaalada Muqdisho. Banaanbaxyadaan ayaa waxaa lagu taageeyaa madaxwnaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dibad baxayaasha ay socod ku marayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho. Boorar ay ku xardhabyiin sawirka madaxweynaha Soomaaliya iyo erayo lagu taageerayo ayeey wataan dadkaasi dibad baca dhigaya. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa wadooyinka ciidamada Booliska Soomaaliya. Dibad baxaan ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Soomaaliya Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay Mooshin ka soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne Farmaaajo oo ka socdo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay waxbo kala socon mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo ee uu qabtay guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Mahad Cawad ayaa sheegay in aanay jirin maxkamad Dastuuri ah islamarkaana mooshinkaasi aanu qabsoomi karin. Guddoomiyaha ayuu sheegay iney talooyin badan siiyeen hase ahaatee uu ka diidey. Waxa uu tilmaamay in arrintan ay horseed u noqon doonto kala fogaansho ku saabsan xildhibaannada golaha shacabka ah dhexdooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad-Cabdalla-Cawad-Goluhu-horay-waxa-ay-Goaan-uga-gaaren-in-aan-la-qaban.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa xalay waxaa ka dhacay fal lagu dilay dad rayid ahaa kuwo kalena lagu dhaawacay. Falkaan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho. 3 Ruux ayaa la dilay oo dhamaantood ahaa rag waxaana la dhaawacay labo ruux oo kale oo mid kamid ah ay aheyd ruux haweeyneey. Falkaasi dilka ahaa ayaa daba socdo is qab qabsi dhul halkaasi ku yaalo oo ay isku heeysteen dadka la dilay iyo ruuxa wax dilay. Meeydadka sadaxdaaasi ruux ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da ee Muqdisho. Maamulka Degmada Kaaraan oo aan la ayaa diiday in ay ka hadlaan falkaasi. Xasan Maxmed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, walow aan la soo bandhigin xildhibaanada saxiixay mooshinka. Mooshinka ayaa socday labadii habeen ee ugu dambeysay, waxaana xiisadda ay adkaatay markii kulamo la isku fahmi waayay ay ka dhaceen Villa Soomaaliya, maadaama sharuudo adag la is hordhigay. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in mooshinkaan ay isku bahaysteen xildhibaano badan, iyadoo ujeedada ay tahay fariin loo dirayo madaxweynaha. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa qabtay mooshinkaan kadib markii uu waayay ujeedo isku soo dhawaansho iyo wada shaqeyn dhexmarta isaga, ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, waxaana arrinta ugu weyn ee la isku hayo ay tahay arrinta Koonfur Galbeed, waxaana xildhibaanada ugu badan ee saxiixay mooshinka ay kasoo jeedaan deegaankaas. Xildhibaanada baarlamaanka Qaarkood ayaa sheegay in mooshinka ay gudbiyeen ay ka doonayaan inay ku qalqal geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo muddo labo sano ku dhow aanan laga keenin wax mooshin ah. “Way adag tahay in la helo laba meelood saddex meel xildhibaanada labada aqal, sidaas darteed madaxweynaha xilka sahal loogama qaadi karo, balse waa inaan farrin dirnaa” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin. Mooshinkaan ayaa ka dhigan awood muujinta guddoonka baarlamaanka, waxaana arrimaha ugu badan ee la isku hayo ay tahay Doorashada Koonfur Galbeed iyo qorshaha musharixiinta qaar la doonayo in doorashada looga reebo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay sameynayaan shacabka magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Banaanbaxa oo ku bilowday dhalinyaro Kooban ayaa is qabsaday meelo kale oo badan, waxaana la sheegayaa inay dadka ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay. Dadka banaanaxa dhigaya ayaa u muuqdo kuwo lasoo abaabulay, waxaana la qorsheynayaa inay ku kulmaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, sida wararka aan ku heleyno. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay dadka ka dambeeya abaabulka banaanbaxayaasha, waxaana ay ka gaabsadeen inay warbaahinta la hadlaan. Qaar kamid ah guddoomiyaasha Degmooyinka ayaa xalay fariimo u diray dadka madaxda u ah abaabulka Banaanbaxyada, waxaana la filayaa in banaanbaxyada ay sii xoogeystaan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey mooshinka ka dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Qoraal ay soo saareen, oo arrintan ku saabsan waxaa uu u qornaa: Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed waxay walaac adag ka muujinayaan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka oo sii cakirmeysa, kana soo dareysay bilihii la soo dhaafay. Goluhu wuxuu si taxdar badan uga dooday qodobada Dastuuriga ah ee lagu soo eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya. Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa go’aankan Dastuuriga ah ee Golaha Baarlamanka Soomaaliyeed uga gilgisheen siyaasadda guracan ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo, taas oo sababtay khal khal gelin siyaasadeed ee ku aadan Dowlad Goboleedyada curdanka ah iyo kuwo kaleba. Waxaa si bareer iyo ula kac ah hogaanka dalku uga leexday la dagaalankii argagixisada taas oo sababtay in Shabaab iyo Daacish (ISIL) ay shacabka iyo ganacsatada ku soo roogaan lacago baad ah, taas oo cidii ka hortimaadana si bareer ah toogasho loola beegsado. Goluhu wuxuu uga baaqayaa Baarlamanka Soomaaliyeed iyo Aqalka Sare oo ka Wakiil ah Dowlad Goboleedyada in ay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah ayagoo u maraya sifo waafaqsan Dastuurka Dalka. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in danta gaarka ah laga hormariyo ilaalinta danta guud, ayadoo si toos ah loo abaarayo xal u helidda siyaasadda murugsan iyo hogaanka weecday ee loo han weynaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hal qof ayaa inta la xaqiijiyay ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay rasaas ay xalay is-weydaarsadeen dabley weerartay taliska qeybta Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo ilaaladii saldhigaasi. . Qofka dhintay oo la sheegay in uu ka tirsanaa dableyda weerarka qaadday ayaa markii hore dhaawac culus soo gaaray,wuxuuna geeriyooday saacado kadib sida ay sheegeen goobjoogayaal. Sidoo kale qofka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in uu ahaa askari ka tirsan ilaalada saldhiga Booliiska ee magaalada Laascaanood. Dableyda weerarka qaaday oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobta isaga baxsaday PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay weerar xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay muddo isbuucyo ah kadib baahiyay magacyada labo kamid ah dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay wadaadka C/Welli Cilmi Yare. Qoraal lagu baahiyay baraha lagu faafiyo wararka Al Shabaab ayaa la sheegay in weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ku jiray dadkii ka dambeeyay nin lagu magacaabo Cumar Cabdullahi Ciise oo 40 jir ahaa, kana soo jeeday Beesha Daarood. Ruuxa labaad ayaa Al Shabaab waxay magaciisa ku sheegay in la dhihi jiray Maxamed Sh.Nuur Maxamed oo ka soo jeeday Beesha Raxanweyn, waxaana uu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee xarunta galay. Dadka ku dhintay weerarkaasi oo gaarayay 20 ruux waxaa kujiray wadaadkii xerta ku hayay koofurta Magaalada Gaalkacyo, walow Al Shabaab aysan shaacin magacyada ragga kale ee weerarka ka dambeeyay. Al Shabaab ayaa horey u baahiyay magacyada, Qabiilada iyo codadka dadka ay sheegaan inay ka dambeeyaan weerarada abaabulan ee lagu qaado magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Ciidamada Galmudug ayaa horey maalintii weerarka dhacay shaaciyay inay qabteen mid kamid ah raggii weerarka ka dambeeyay isaga oo dhaawac ah. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Boqolaal ka mid ah Bulshada Magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyey waxa ayna sheegeen in Musharax Deni yahay Shaqsi mudan in uu Hoggaamiyo Puntland. Nabadoon Xuseen Maxamuud oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay soo dhaweynta Musharrax Deni ayaa sheegay”…Qoraxda waxaan u taaganahay, oo saacado badan sugeenay waxa ay tahay in aan helno Madaxweynihii naga saari lahaa dhibka aan ku jirno, Taageero ayaa kuu nahay, waxaad mudantahay in aad xilkaas ku guuleysato”…. Musharrax Siciid Deni ayaa u mahadceliyey dhammaan dadka ka qeybgalay soo dhaweyntiisa waxa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo ka soo qabtay howlo badan….”Gaalkacyo Imaatankeeda wax igu cusub ma ahan, Xilli hadda amaankeeda ka xunyahay ayaa ka soo shaqeeyey, 1993-dii markii uu Cabdullaahi Yuusuf Gaalkacyo ka sameeyey Nabadeynta waxaa ahaa Dadkii ugu horeeyey ee Gaalkacyo ka abuuray Ganacsi kana Furay Goobo waxbarasho, Xilligaas dadka joogay ciidan ayaa u badnaa waxa ay aheyd 1994-tii”……. Musharrax Deni ayaa Sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee qeybta ka ahaa horumarka iyo Ammaanka Gaalkacyo…..”Aniga waxaa ka mid ahaa dadkii Gaalkacyo wax u qabtay Abaal ayaa ku leeyahay, Abaalkaas in aad ii gudaan ayaa rabaa oo markale aan idin qabto wax ka fiican, Cabdiweli Gaas waa idinkaga fiicanahay, Waad Ogtihiin meesha uu ka yimid, Aniga diyaar ayaa u ahay Xoojinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Waxaa kaalin ka qaadanayaa Dhismaha iyo Horumarinta Dekedda Garacad”….. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballan qaaday in uu wax ka qabanayo Nabadeynta iyo Walaaltinimada Gobolka Mudug….”Waxaa idin ballan qaadayaa Nabadda iyo Walaaltinimada Gobolka Mudug in aan waqti badan galiyo Habeen iyo Maalina u soo jeedno, Horumarka Gaalkacyo, Mudug iyo Puntland ninkii loo tilmaamayey ma ahi, wax badan ayaa ka ogahay Hadaan Guuleysto wax badan ayaa ka qabanayaa”….. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan waqti badan qaatay waxa uu la yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan faarax, waxa ay kawada hadleen guud ahaa xaaladaha Puntland iyo Doorashada Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8-da Janaayo 2019. Musharrax Siciid Deni ayaa Islaanka ugu Mahadceliyey Dadaalada iyo Nabadeynta uu wado. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharrax Siciid Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah shaqsiyaad xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasi Cali Maxamuud Faarax “Seeko” oo xildhibaan horey usoo noqday ayaa sheegay in xiligan aysan haboobeyn mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, maadaama jiraan shaqooyin kale oo horyaala dowladda. Wuxuu Siyaasiga ku eedeeyay xildhibaanada gudbiyay mooshinka inay leeyihiin dano gaar ahaaneed, waxaana uu cadeeyay inay dhamaantood wada doonayaan inay wasiiro noqdaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiligaan mooshinka la keenay ay direyso fariin aan wanaagsaneyn, maadaama dagaalka Al Shabaab iyo diyaarinta qorshaha doorashooyinka ay socdaan. “Ma aaminsani xildhibaano madaxweyne ridi kara inay mooshinkaan keeneen, waxaan isleeyahay waxay direysaa Fariin aad u xun oo xiligaan aan ku habooneyn, maadaama xiligan dowladda howlo badan ku mashquulsan tahay” “Mooshinkaan Wuxuu salka ku hayaa dano gaar ah, waxaan arkayay xildhibaano badan oo haween iyo rag ah oo mooshinka gudbiyay, xildhibaan walbaa wuxuu rabaa inuu wasiir noqdo”ayuu yiri Cali Seeko. Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya mooshinka ka dhanka Madaxweyne Farmaajo ee uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal. Dadka falaanqeeya siyaasadda ayaa intooda badan waxa ay soo bandhigeen sadex sababood oo ka danbeeya mooshinkan. 1-Dowlado shisheeye oo u ciil cunay dowladda Nabad iyo Nolol, iyadoona mooshinkan uu yimid kaddib 24 saac markii Guddoomiyaha Baarlamaanku uu shirar albaabadu u xiran yihiin la kala qaatay Safiirada Sucuudiga iyo UK ee ku sugan Muqidsho. Sucuudiga ayaan la dhacsanayn siyaasada arrimaha dibadda Soomaaliya ee u janjeerta Qatar iyo Turkiga, halka Safiirka Ingiriiska uu ka shaqeynayey sidii shirkado dalkiisa ah loogu wareejin lahaa baaritaanka shidaalka Soomaaliya, arrinkas oo ay dowladdu ka madax adeygtay maadama shirkadaha ingiriiska ay saami aad u hooseeya ku doonayaan qodista shidaalka Soomaaliya. 2-Mooshinkan waa farriin iyo hanjabaad shisheeye oo loo diray Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa, kaddib markii ay ka dhaga adeygtay qorshaha lagu doonayo in Mukhtaar Roobow uu qabto xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed, arrinkan oo ay ka soo horjeesteen Farmaajo iyo Khayre, iyadoona dowladda Ingiriisku ay ku adkaysatay musharaxnimadiisa, lana aaminsan yahay in lacagta uu isku sharaxay ay bixinayaan dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga. 3-Wasiiradii hore ee uu casilay Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre bilihii la soo dhaafay ayaa hor boodaya mooshinka sida ka muuqata sawirada kulanka lala qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, arrinkaas oo muujinaya in uu jiro isbahaysi u dhexeeya xildhibaanadii mucaaradka ah iyo kuwo xilal doon ah, waxaana macquul ah in tirada xildhibaanada moshinka keenay ay aad u yaraadaan haddii la meeleeyo, kaddib makii ay Villa Somalia bilowdo dadaalo dab damis ah oo lagu soo afmeerayo mooshinkan. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo magacyadooda lagu lifaaqay mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saxiixyadooda laga been abuurtay. Xildhibannadan oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay magacyadooda oo lagu xusay mooshinka, waxayna sheegeen in ay sharci la tiigsan doonaan dadkii ka dambeeyay arrintan. XIldhibaan Sheekh Shaacir iyo Xildhibaan Huddo oo kamid ahaa XIldhibaannada laga been abuurtay ayaa intaas ku daray in maanta dalka uusan u baahnayn carqalad iyo qad, loona baahanyahay in shacab iyo dowladba in gacmaha la is qabsado. Mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo sii jiitamayay muddooyin bilo ah ayaa sii xoogeystay maanta keddib markii Guddoomiyaha Barlamaanka uu ku biiray dadka ka biya diidan siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay gudbiyey mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mooshinka ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka, sidoo kalena heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Si kastaba Caasimada Online ayaa ogaatay in dhammaan eedeymahaas aysan ahayn waxa dhabta ah ee madaxweynaha lagu haysto islamarkaana ay tahay arrin ka baxsan kana weyn gacanta Soomaalida. Sida aan xogta ku heleyno, mooshinka ayaa waxaa ka dambeeya, abaabulkiisana leh, islamarkaana qarashka ku baxaya dhiibaya xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa maalmahan ka shaqeynayey mooshinka, waxaana jira xiriir laga dhex-waday guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Tuhunka weyn ayaa soo baxay sabtidii, markii guddoomiyaha baarlamanka uu Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Mohamed Khayaat. Sidoo kale la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan la kulmay xubno ka tirsan sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale jirta in mooshinka uu yahay mid aan cusbeyn, oo intiisa badan la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaas oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey. Inta badan qodobada mooshinka loo cuskadaya sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr oo cusub, oo xaaladda daagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hal caqabad oo aan lagu gudbi karin ayaa hor-istaagtay qorshe laga damacsanaa guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal, ka hor inta uusan aqbalin mooshin ka dhan ah madaxweynaha. Kulamo ay yeesheen madaxda dowladda iyo labada ku xigeen ee guddoomiyaha baarlamanka, ka hor inta aan la shaacin mooshinka madaxweynaha, ayaa looga hadlay sidii laga yeeli lahaa go’aankii uu Mursal kusoo celiyey guddiga maaliyadda baarlamanka, oo xukuumadda ay caqabad u aragto. Guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdi Weli Muudey ayaa sii jeediyey inuu soo saaro qoraal uu kaga soo horjeesanayo Mursal, kadibna xildhibaanada taageersan xukuumadda ay billaabaan dagaal ugu dambeyn keeni kara in Mursal kursiga laga tuuro. Si kastaba, kadib wada-hadal dheer, waxaa la go’aamiyey in dagaal lagu qaado Mursal ay dhaawac xooggan gaarsiin karto sumcadda dowladda iyo aragtida ay ka qabto beesha caalamka, sababo la xiriira in dowladda horeyn ay u tuuray Jawaari. “Haddii Mursal la tuuro, waxaa caalamka uu arkayaa xukuumad dooneysay inaan lala xisaabtamin oo ay isku noqota sharci-dejin iyo sharci-fulin” ayuu yiri xildhibaan xog-ogaal u ahaa kulanka oo ku dhow Muudey. Waxaa sidoo kale la is-tusay in tallaabo ay qaaddo xukuumadda ay muujin karto in eedeymaha musuq-maasuq ay yihiin kuwa sax ah, taasina ay hogaamin karto in deeqaha caalamka laga gooyo dowladda, gaar ahaan kuwa Mareykanka, Yurub iyo Banka Adduunka. Ayada oo xaal uu marayo halkaas ayaa mooshinka madaxweynaha waxaa aqbaly Mursal, waxayna hadda u muuqataa inaan dagaal laga fursan doonin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday taliska qeybta Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dableyda ayaa qoryaha Baasuukaha iyo Kuwa AK47 ku weeraray taliska,waxaana halkaas in mudda ka socotay rasaas ay is’weydaarsanayan kooxdii weerarka qaadday iyo ciidamada amniga ee saldhigaasi joogay,sida ay Puntland Post u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan magaalada Laascaanood. Weli wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarka,waxaana goobta isaga baxsaday dableydii weerarka qaadday oo aan haybtooda la aqoonsan. Dhinaca kale waxaa isla xalay bartamaha magaalada Laascaanood lagu rasaaseeyay mid kamid ah suxufiyiinta gobolka Sool oo lagu magacaabo Mukhtaar Cabdi Jaamac. Suxufiga ayaa sheegay in koox bastoolado ku hubaysan ay soo weerareen,islamarkaana rasaas huwiyeen baabuurkiisa,balse aysan wax dhib ah ka soo gaarin,kadib markii uu baabuurka kala cararay meesha. PUNTLAND POST The post Weerar xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.