-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal ayaa go’aamiyey in Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ay shaqadooda sii wataan. Waxaa kale uu guddiga faray in guddiga soo gudbiyaan xisaab xirka 2017 iyo miisaaniyadda 2018 ka hor inta aanu sanadkan dhammaanin. Mudane Mursal ayaa laalay go’aan uu ku-xigeeenkiisa Cabdiweli Muudeey uu ku kala diray guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda 28 November 2018. Qodabada kale ee qoraalka ku jiray waxaa ka mid ahaa: In warbixinta guddiga soo gudbiyey ay soo marsiiyaan hannaanka soo gudbinta waxbixinta guddiga loo horkeeno in xukuumadda u haggaansanto shaqada guddiyada golaha shacabka ee korjoogteynta iyo isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, dhowraanna xeerhoosaadka golaha shacabka iyo shuruucda kale ee dalka. In la dhowro madax-bannaanida golaha shacabka ee baarlamaanka fedeeraalka ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah laanta sharci-dejinta dalka. Akhriso, Qoraalka Guddoomiye Mursal: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda. Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal:
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Guddi ka kooban Odayaal iyo Siyaasiyiin ayaa qodobo ka soo saaray xiisada Beeleedii ka taagneyd deegaano ka tirsan gobolka Sool. Warqad ay soo saareen xubnaha guddiga ayaa ugu horreyn Ergooyinka 2 Beelood loogu baaqay in ay abuuran jawi Nabadeed oo keeni kara is dhexgalka bulshada walaalaha ah. Sidoo kale guddigu waxa soo saaray go’aamo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa colaadaasi, iyagoona isla gartay in dhimashada 169-ka Qof laga dul qaado labada Beelood, islamarkaana qof kasta oo ka mid ah dadkaasi Rag iyo Dumar laga bixiyo min 15 kun oo doolar oo samirsiin ah, una dhiganta 50 halaad. Guddiga ayaa intaasi kud aray in magta 169-ka Qof lagu bixin doono 12 bilood gudahood oo ka bilaabaneysa bishan December ee 2018 illaa 6-da bisha December-ee 2019-ka. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Heshiis is Afgarad ah Oo laga gaaray colaadii G/ Sool appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorsho culus oo ay uga hor tageyso Siyaasiga sida weyn u mucaaradsan ee Cabdiraxaman Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu 10 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah uu imaan doono Magaalada Muqdisho isla markaasna waxaa jiro olole weyn oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan culus oo ku aadan in dib loo furo dacwadii Cabdiraxaman Cabdishakuur oo ay maxkamadda Gobolka Banaadir sheegtay inuusan wax dambi ah laheyn. Dowladda ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeysay inuu waday olole lagu doonayo in lagu burburiyo dowladnimada Soomaaliya isla markaasna uu u shaqeenayey Dowlado shisheeye. Wararka qaar oo aan lagu kalsooneyn ayaa sheegayo inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur dib u dhigi doono safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho inkastoo ay weli socdaan Farriimihii laga sii deynayey qaar ka tirsan Idaacadaha Muqdisho kuwaas oo dadka loogu sheegayey in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir uu Muqdisho imaan doono 10 Bishaan. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad ka hor gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii ay dowladda sheegtay in lagu heysto eedeymo qaranka dumis ah. Cabdiraxaman ayaa Sanadkii ugu dambeeyey debad joog ahaa wuxuuna shirar kala duwan shacabka Soomaalida kula qaadaneyey wadamo ka tirsan Yurub, Canada iyo Mareykanka. Cabdiraxmaan ayaa ah siyaasi hammi weyn ka leh inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka wuxuuna inta badan soo gudbiyaa waxyaabo uu ku mucaaradayo Dowladda . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A senior US official met President Uhuru Kenyatta at State House in Nairobi for talks on deepening bilateral ties. Assistant Secretary for Bureau of African Affairs Tibor Nagy is in Nairobi to, among other issues, discuss a strategic partnership, regional security, trade, and investment. Operations against Al Shabaab will feature in the meetings between Nagy and Kenyan Government officials. During yesterday’s meeting, President Kenyatta said Kenya and the US faced similar threats and welcomed the cooperation that the two countries had cultivated over the years in dealing with security challenges. On Wednesday, the US official met Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma. Nagy will also visit Ethiopia, Djibouti, Eritrea before flying to Stuttgart, Germany, where he will meet the United States Africa Command. The US military forces in support of the Federal Government of Somalia has continued to annihilate and degrade Al Shabaab in a series of airstrikes. In its fresh airstrike, the US hit an Al Shabaab target in Lebede on November 30, killing nine suspected militants. The post US, Kenya discuss cooperation on the fight against Al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada. Safiirka Maraykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa siday ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, wuxuu kulankii uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kula soo hadal qaaday dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Laakiin warku ma xaqiijin jawaabta uu Farmaajo ka bixiyay soo jeedinta diblomaasiga Maraykanka ah. Laakiin danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal la mid ahi kii uu ku tagay Muqdisho uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la filayo inuu mawduucan dib u bilaabista wada hadalada kala hadlo Madaxweyne Biixi. Ergo ka socota Midowga Yurub ayaa iyaguna toddobaadkan dhammaaday waxay Madaxweyne Biixi kala hadleen dib u bilaabista wada hadaladaas, isagoo Madaxweyne Biixi u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay in la bilaabo wada hadalada. Si kastaba ha ahaate, dalalka caalamka ayaa dedaal ugu jira inay kulan isugu keenaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan weli la haynin wakhti cayiman oo ay wada hadalada iyo kulamadu bilaabmi doonaan maadaama oo aanay weli kalsooni rasmi ka helin labada Madaxweyne. Qaran News
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-08122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka 31-aad ee Golaha Shacabka oo la filyey inuu maanta dhaco ayaa baaqday, kadib markii guddoonka uu joojiyey kulankaasi oo looga hadli lahaa arrimaha guddiga Maaliyadda Baaralmaanka ee la kala diray. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa kulan gaara la leh maanta xubnaha Guddiga Maaliyadda ee la kala diray, waxaana la sheegay in xal loo raadinayo Guddigan oo Guddoonku doonayo in laga gudbo, lana magacaabo Guddi cusub. Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay hore u baaqdeen kulannadii labadii toddobaad ee ugu danbeeyay ay yeelan lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka, marka laga reebo kulankii Arbacadii oo lagu ansixiyey sharciga xaq-siinta siyaasiyiinta. Waxaa weli taagan khilaafkii ka dhashay warbixintii Miisaaniyadda 2018-ka, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Ibraahi m Muudey uu kala diray Guddiga Maaliyadda, taasoo dhalisay muran ka yimid sharcinimada tallaabadaasi. Waxaa Baarlamaanka horyaala Hindisaha XeerkaHanti-dhawrka Qaranka oo akhrintii 3-aad maray, kaasoo la sheegay inay xukuumadda kasoo horjeedo ansixintiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wafdi ay horkacayaan madaxweyneyaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa gaaray magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaa halkaas ku soo dhoweeyey ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo ku-xigeenkiisa Demeke Mekonnen. Qoraal ay arrintaas ka qortay warbaahinta Itoobiya waxaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha ay goobjoog ka noqon-doonaan furitaan mashaariic horumarineed, waxaa kale oo lagu wadaa inay furaan qeybta caafimaadka ee (Jimma University medical center). Madaxda Saddexda dal ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee saddexda dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka cusub ee dhawaan ka bilaawday wadamada Geeska Afrika. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Geelle iyo Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa waxa ay ka qayb geli doonaan bandhig dhaqameedka sanadlaha ee qowmiyadaha Itoobiya ee ka dhacaya Magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya. Eritrea iyo Soomaaliya oo ka mid ah dalalka iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan la leh Itoobiya ayaa meesha ka maqan, waxaa xusid mudan in Eritrea uu yahay dalka ay ka sheeganayaan Suudaan iyo Djibouti oo ah labada dal ee maanta la casuumay. Khartuum iyo Asmara xiriirkooda ma wanaagsaneyn tan iyo intii ay xuriyadda qaadatay Eritrea, oo dal weliba mid kale waxaa uu ku eedeyn jiray in mucaaradka gabbaad u yahay, Djiboutina waxaa ay meel walba ka sheegtay in Eritrea ka heystato dhul ay qeyb ka yihiin buur iyo jaziirad. Itoobiya waxaa muuqato iney leedahay labo xulufo, iyada oo fiirsaneysa danaheeda ayey mid weliba ula dhaqantaa si gaar ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya. Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan ka qabsoomi doona Koonfur Galbeed Soomaaliya. Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka uga mahad celiyay wada shaqeynta dhow ee ay leeyihiin iyo sida ay uga go’antahay horumarka Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Guddoomiye Mursal Oo qaabilay Safiirka UK Ee Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
The security forces of Galmudug state were reported to have carried out a security operation in Dhusamareb town, the regional capital of Galgadud in central Somalia. At least 52 people, mostly youngsters have been detained during the sweep which was targeted suspected houses in the town following a tipoff. Local security authorities declined to provide further details on the mass arrest. The operation comes amidst tight security measures in place in the central city, which hosts the top leadership of Galmudug State, including President Haaf, and his cabinet. However, the state leaders are still in deadlock over the power share deal signed in Djibouti last year during IGAD brokered talks. The post Galmudug state forces conduct security operation in Dhusamareb appeared first on Shabelle. View the full article
-
https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/269814193890257/Kooxda Gobolka Banaadir ee isu diyaarinaysa ka qeyb galka tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ciyaar xiiso badan oo saaxiibtinimo la ciyaartay dhigooda Melbourne oo Sanadkii Saddexaad ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u Imaanaya dalka. Waxaa kulanka kasoo qeyb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Eng.Yariisow,Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye,,xildhibaan,Ciyaartooydii hore dalka iyo qurbajoog Gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labada koox ay soo bandhigeyn ciyaar wanaag loona baahanay in lasii wado kulamada oo kale si dhalinyarada qurbaha ku barbaaray iyo kuwa gudaha ay is bartaan. Kulanka ayaa qeybta kowaad waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen wiilasha Melbourne oo iyaga sanadkii hore 2017 xili habeen garoonka Banaadir kula dheelay xidigaha matalayay Gobolka ciyaaryahanada labada dhinac ayaa sheegay in ay kala faa’ideyn wax badan. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in madaxda dowlada ay u mahad celliyaan jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Australia sida wanaagsan ay sanad walba isku abaabulaan loona baahanyahay in ay ku daysadaan jaaliyadaha kale. Qeybta labaad ciyaarta kooxda Gobolka Banaadir ayaa heshay goolasha lagu lahaa waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay barbaro 2-2 Xasan Goodah oo ka yimid dalka Mareekanka ayaa sheegay in sanadka ay soo aadan ay iyagana sidan oo kale ay u imaandoonaan wadanka. Tababaraha kooxda Melbourne Cali Xuseen oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Bada iyo Gobolka Banaadir ayaa kulanka ka dib inoo waramay,isagoo sheegay sanadba sanadka danebeeyo uu dalka dhankasta ka horomarayo iyagana ay door wacan ka ciyaaridoonaan dib u kabashida iyo kaca ciyaaraha. Si kastaba Kooxda Melbourne waxaa u haray laba kulan waxayna la dheelidoonaan degmada Kaaraan iyo kooxda kubbadda cagta Midnimo oo ka mid u diiwan gashan xiriirka kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Muuqaal Ku Saabsan Ciyaartii Gobolka Banaadir Iyo Kooxda Melbourne W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Mudanayaal ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is-afgaradkii uu madaxweyne Farmaajo la galay dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya. Tirada xildhibaanadan gudbiyay mooshinka ayaa dhan 10-xildhibaan waxaana ay sheegeen in ay walaac ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee uu madaxweyne Farmaajo la galay dowladaha Shisheeye. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in si deg deg ah loogu baahan yahay heshiisyadadaasi in ay dood ka yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya. Heshiisyada iyo is-afgaradyada uu galay madaxweyne Farmaajo waxaa qeyb ka ah kuwo uu la galay dowladaha Ethiopia,Ertrea iyo Kenya waxaana warqadda mooshinka xildhibaanada ku xusnaa is-afgarad iyo heshiisyo uu la galay Farmaajo dowladaha Ethiopia iyo Eritrea. Farmaajo, ayaa dhawaan wuxuu eeddo u jeediyay siyaasiyiin aanu magacaabin oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan heshiisyada uu la galay Itoobiya iyo Ereteriya. Geeska Qaran News
-
Kismaayo (Caasimadda Online)-Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalmahaan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay labada golle ee maamulka Jubbaland. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ku amaanay hogaanka maamulka Jubbaland sida ay amaan la isku haleyn kara kaga dhigeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland. Wuxuu sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo inuu dareemay kala dambeyn iyo amaan la isku haleyn karo oo ka jira magaalada Kismaayo, isaga oo ugu baaqay inay sii adkeeyaan amaanka magaalada. “Waxaan ku faraxsannahay nabad-galyada taalla Kismaayo, waa mid la isku haleyn karo, waana ku amaanayaa dadkii ka shaqeeyay, shirkii halkaan ka dhacay wixii kasoo baxay wuxuu inaan ogaanno bal maxaa jira oo tabashadu tahay oo dowlad goboleedyadu ay tabanayaan oo jira” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare. Ciidamada Jubbaland ayuu sheegay inay doorweyn ka ciyaareen xaqiijinta amaanka magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay sii adkeeyaan amaanka Kismaayo. Cabdi Xaashi ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo wuxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa, labada golle ee Jubbaland iyo ururada bulshada rayidka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Genel Energy plc (LON:GENL) Ratings Coverage In total 3 analysts cover Genel Energy PLC (LON:GENL). “Buy” rating has 3, “Sell” are 0, while 0 are “Hold”. (LON:GENL) has 100% bullish analysts. 5 are the (LON:GENL)’s ratings reports on Dec 7, 2018 according to StockzIntelligence Inc. On Tuesday, November 20 JP Morgan maintained Genel Energy plc (LON:GENL) with “Overweight” rating. On Thursday, July 12 the stock of Genel Energy plc (LON:GENL) earned “Overweight” rating by JP Morgan. The company rating was maintained by JP Morgan on Wednesday, August 8. On Wednesday, August 8 the stock has “Outperform” rating by RBC Capital Markets. On Friday, June 22 the firm earned “Add” rating by Numis Securities. Listed here are Genel Energy plc (LON:GENL) PTs and latest ratings. 20/11/2018 Broker: JP Morgan Rating: Overweight Old Target: GBX 287.00 New Target: GBX 290.00 Maintain 08/08/2018 Broker: RBC Capital Markets Rating: Outperform Old Target: GBX 115.00 New Target: GBX 320.00 Upgrade 08/08/2018 Broker: JP Morgan Rating: Overweight Old Target: GBX 287.00 Maintain 12/07/2018 Broker: JP Morgan Rating: Overweight Old Target: GBX 150.00 New Target: GBX 287.00 Reiteration 22/06/2018 Broker: Numis Securities Rating: Add Old Target: GBX 290.00 Downgrade The stock increased 6.71% or GBX 11.8 during the last trading session, reaching GBX 187.6.Genel Energy plc has 1.17 million shares volume, 25.47% up from normal. GENL is and has moved 0.00% since December 7, 2017. The stock underperformed the S&P500 by 15.62%. Genel Energy plc engages in the oil and gas exploration and production activities.The company has 523.86 million GBP market cap. The firm holds interests in the Taq Taq, Tawke, Miran, Bina Bawi, Peshkabir, and Chia Surkh assets in the Kurdistan Region of Iraq, as well as exploration assets in Somaliland and Morocco.The P/E ratio is 1.72. As of December 31, 2016, it had proven and probable working interest reserves of 161 million barrels of oil equivalent. Another two news for Genel Energy plc (LON:GENL) were recently released by: Ibtimes.com on November 08, 2013 with title “Somaliland: The Oil Minister In The Breakaway Region Of Basket Case Somalia Says East Africa Is The New Middle East – International Business Times”. The other Mining.com‘s article was titled “Former BP boss is Glencore Xstrata’s new chairman – MINING.com” and released on May 08, 2014. Qaran News
-
The Jubbaland state of Somalia is satisfied with mediation efforts to end the political standoff between state administrations and federal government, first Deputy Presiden thas confirmed. Mohamud Sayid Adan was speaking during a meeting with a delegation of the upper house members in Kismayo late on Friday. “We welcome efforts by our respectful upper house representatives to end the conflict between the government institutions,” Sayid said. He added that Jubbaland administration is ready to find long-lasting solutions on the difference with Mogadishu. The speaker of the upper house of the people Abdi Hashi Abdullahi who is leading conflict resolution committee has also praised the state leaders for their commitment in the mediation process. Selected senior Somali upper house members dubbed conflict resolution committee is leading mediation efforts to end the stalemate between Villa Somalia and federal state leaders. Led by their chair President of Puntland, Abdiweli Ali Gas, the inter-state cooperation council announced the suspension of cooperation with the federal government during a meeting in the port city of Kismayo on August. The post Jubbaland hails Senate efforts to end political crisis in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo madaxa xukuumadda. Khilaafka u dhaxeeya Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali ayaa ku saleysan doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo la doonayay in lagu qabto magaalada Dhuusomareeb. Wararka ayaa sheegaya in madaxa Xukuumadda oo ka hor yimid in doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug lagu qabto Dhuusomareeb haddii aan la dooraneyn madaxweyne ku xigeen Ahlu sunna taageersan. Xaaf ayaa dhankiisa wata madaxweyne ku xigeen la dhacsan siyaasadiisa, waana tan keentay in khilaafkaan cusub uu soo kala dhex galo madaxda maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb. Khilaafkooda ayaa soo jiitamayay tan iyo markii madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilka ay ka qaadeen xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusomareeb, balse wuxuu xoogeystay markii la gaaray xiliga doorashada. Khamiistii lasoo dhaafay ayaa qorshaha uu ahaa in doorashada madaxweyne ku xigeenka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Xaaf ayaa dadaal dheer ku bixinaaya in uu Ahlu-suna uu ku qanciyo in shaqsiga uu wato uu madaxweyne ku xigeen u noqdo balse ahlu-suna ayaa ka biyo diidan rabitaanka Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in door muuqda ay ka qaadan karaan wadahadalla Soomaaliya iyo Somaliland. Nabadoon Xasan Hilowle Cismaan ( Xasan Kacaan ) oo ka ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo uu warramay Shabelle ayaa xusay in Odayaasha Dhaqanka ee K/ Soomaaliya ay si weyn uga qeyb qaadan karaan xalinta tabashada ay qabto Somaliland. Xasan Kacaan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in dadaallada ay wado ay kala kaashato Waxgaradka Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod-1-cabdiqani.mp3 The post Nabadoon Xasan Kacaan “Odayaasha Dhaqanku door weyn ayey ka qaadan karaan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland” appeared first on Shabelle. View the full article