Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa shalay Itoobiya tegay oo lagu soo dhaweeyey labada Madaxweyne ee Djibouti iyo Sudan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Al Bashiir. Ujeedka booqashada labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid laba weji leh, 1 – Ka qeybgalka Madaar cusub oo Ismaamulka Oromada magaalo ka mid ah laga furayey 2 – Xoojinta xiriirka saddexda dal. Hadaba farriin ceynkee ah ayey arrintaas u dirtay Madaxda Soomaaliya iyo Eritrea? Caadiyan wax weyn kuma jabna in Abiy Ahmed uu qaabilo hoggaamiyeyaasha labada dal ee Djibouti iyo Sudan oo ka maqnaa kulamadii saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya balse waxaa jira su’aalo badan oo is weydiin mudan. Waxaa aad loola socday is bedelka mandiqadda oo ay bartitaarayeen saddexda hoggaamiye ee kala ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isias Afwerki balse loo ol’oleenayey in lagu ballaariyo Djibouti iyo Sudan xataa Kenya. Haddii ay sidaas tahay, oo uu Ahmed kala hadlayey Ismaaciil Cumar Geelle iyo Bashiir aaway doorkii madaxda Soomaaliya iyo Eritrea, Malaga talo geliyey? Sida muuqata Abiy Ahmed waxa uu dheelayaa siyaasad uu gobolka ugu atooreenayo oo uu dhinac walba rabo in uu isaga saameynteeda yeesho taas oo shaki galin karta niyad wanaaggii lagu soo dhaweeyey is bedelka uu bilaabay markii uu talada dalka yimi. Saadaal la’aan ku gadaaman siyaasaddiisa dhabta ah Kulanka ay Madaxda Djibouti iyo Sudan Itoobiya kula yeelanayaan Raisul Wasaraha waxa ay hubanti la’aan iyo saadaal la’aan ka bixineysaa siyaasadda Abiy Ahmed maadama aan dhabtii la aqoon ujeedooyinkiisii daahsoon. Maxaa la gudboon hoggaamiyeyaasha gobolka siiba Soomaaliya? Waxaa xaqiiq ah in bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba walaac badan ka muujiyeen wejiga cusub ee aan wax badan la ogeyn ee Abiy Ahmed oo dadka qaar ugu yeereyn Itoobiya oo marsatay TURUKO ‘Make Up, taas oo jirta, hoggaanka hadda ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ka feejignaadaan wax walba oo oo berry u dhibaato u horseedi kara dalka si wanaagsanna isaga baandheeya heshiisyada iyo wada xaajoodyada ee ay yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ee u muuqda mid aan siyaasad ahaan FADHIN. Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya waxaa habboon in ay tashi qaran “National Dialogue” sameeyaan oo ay talada wax ka siiyaan bulshada qeybeheeda kale. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. New York (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa cambaareysay Gantaalo ay Xarakada Xamaas iyo Kooxaha Falstiiniyiinta ay ku tuureen Israel, ayada oo ka aamustay xasuuqa ay Yahuudda ku hayaan shacabka Falastiin. Wakiilka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay Abdullah Al-Maalami ayaa sheegay inay Sacuudiga cambaareeneyso ayna ka xun tahay Gantaaladii lagu riday dhulka Israel ay dagan tahay, mar uu ka hadlayey Shirkii Qaramada Midoobay ka hor inta aan codka loo qaadin Mashruuca Qaraarkii uu Mareykanka ku doonayey in lagu cambaareeyo Xarakada Xamaas. “Waan Cambaareyneynaa Gantaaladii lagu riday meelaha ay dagan yihiin Israa’iiliyiinta, waxaana ku baaqeynaa in la qaado tallaabooyin deg deg ah si Xabadda loo joojiyo” ayuu yiri Abdullaah. “Waan diidanahay arrin kasta oo keeneyso qas iyo Foodo dhibaatana loogu geysanayo dadka Rayidka ah, waxaana dhinacyada dhan ugu baaqeynaa in miiska wada-hadalka wax kasta lagu dhameeyo” ayuu sii raaciyey. Wuxuu carabka ku adkeeyey baahida loo qabo in si nabad ah loogu wada noolaado Bariga dhigo. Wakiilka Sacuudiga ee Qaramada Midoobay marnaba sooma hadal qaadin boqolaalka qof ee Falastiiniyiinta ah oo ay dhawaan Israa’iil ku dishay Gaza, iyadoo la ogyahay inay Israa’iil dhulkaas xoog ku qabsatay sanadkii 1967. Arrinta lala yaabay ayaa aheyd inuu si cad u sheegay inaan la aqbali karin in Israa’iil lagu dhibaateeyo Caalamka hortiisa. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan. Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada. Safiirka Maraykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa sida aan xogta ku helnay, wuxuu kulankii uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kula soo hadal qaaday dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Laakiin warku ma xaqiijin jawaabta uu Farmaajo ka bixiyay soo jeedinta diblomaasiga Maraykanka ah. Laakiin danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal la mid ahi kii uu ku tagay Muqdisho uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la filayo inuu mawduucan dib u bilaabista wada hadalada kala hadlo Madaxweyne Biixi. Ergo ka socota Midowga Yurub ayaa iyaguna toddobaadkan dhammaaday waxay Madaxweyne Biixi kala hadleen dib u bilaabista wada hadaladaas, isagoo Madaxweyne Biixi u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay in la bilaabo wada hadalada. Si kastaba ha ahaate, dalalka caalamka ayaa dedaal ugu jira inay kulan isugu keenaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan weli la haynin wakhti cayiman oo ay wada hadalada iyo kulamadu bilaabmi doonaan maadaama oo aanay weli kalsooni rasmi ka helin labada Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Soddon (30) beri kadib waxaa Puntland u beryaya waa cusub oo siyaasadeed, waxaana Garowe ka dhacaysa doorasho kale oo taariikhi ah, taas oo lagu dooran doono Madaxweyne iyo ku xigeen. In ka badan labaatan (20) musharax oo u baratamaya Madaxweyne ayaa olole adag oo ay lacag culusna weheliso ka wada deegaanada Puntland, ololaha musharaxiinta oo horayba u billowday ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanayay. Doorashadan waxaa ka muuqda waxyaabo badan oo cusub, taas oo ay kaga duwan tahay doorshooyinkii hore ee Puntland. Khilaaf Doorashadan waxaa ugub ku ah khilaaf u dhexeeya madaxda ugu sareysa Puntland ee xilku ka sii dhamaanayo, kadib markii ay kala magacaabeen labo Guddi oo khilaafaad. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa 3-dii bishan December 2018 magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo ah siddeed xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dawlada sida Gudoomiye ku-xigeenka gobalka Bari Axmed Cali Cabdullaahi Ciro, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaalada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo Burhaan Maxamud Cilmi oo ka tirsan madaxtooyadda, sidoo kale gudigaas waxaa ku jira xubno xiriir hoose la leh Madaxweyne Gaas. Saacado kadib magacaabistii Madaxweyne Gaas, waxaa isna Guddi kale magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweyne Gaas in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa marar badan muran ka dhaliyey musharaxiinta iyo madaxda xilka haysa, mana ahan sharciyan guddi ku xusan dastuurka Puntland. Musharaxiinta u tartamaya doorashada Puntland 2019 ayaa iyana ku kala aragti duwan guddigan ay kala magacaabeen Gaas iyo Camey, qaar kamid ah ayaa soo jeediyay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka, halka qaarna ay la kala safteen Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Madaxda waqtiga kasii dhamaanayo Sidoo kale waxyaabaha ku cusub doorashadan ayaa ah madaxda waqtigu kasii dhamaanayo ee Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo ilaa iyo hadda midna sheegin in uu tartamayo iyo in kale. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay kala cadaato in ay musharaxiin yihiin iyo kale, waxayna u badan tahay in labadoodu ay u kala tartami doonaan Madaxweyne iyo ku xigeen. Labadan masuul oo 5-tii sano ee la soo dhaafay hogaaminayay Puntland ayaa madax ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo, iyagoo ku fashilmay falan-qaadyadii ay horey u sameeyeen ee dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Musharax Madaxweyne ku xigeen Waxyabaaha kale ee ku cusub doorashadan waxaa kamid ah, iyadoo aan wali la arag Musharax Madaxweyne ku xigeen Puntland 2019, xili ay waxyar ka dhigan tahay doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019. Siyaasadda Puntland ee hoggaanka sare sida Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay u qeybsan tahay hanaan qabiil, laakiin waa mid la qurxiyey kumana qorna dastuurka Puntland, waana mid muujinaysa in ninkasta yaqaan xilka uu u tartamayo. Saraakiil ciidan oo musharaxiina Waxaa musharaxiinta u tartami doonta doorashada Puntland 2019, kamid ah saraakiil ciidan oo caan ah, qaarkoodna ay saameyn ku leeyihiin ciidamada Puntland. Musharaxiintaas waxaa kamid ah Gen. SiciidDheere oo horey u ahaa taliyaha guud ciidmada Puntland, Gen. Asad Cismaan Cabdulaali oo ahaa taliyaha ciidamada amaanka PSF, Gen. Khaliif Ciise Mudan oo mar soo noqday Wasiir amni Puntland horey u ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee ciidamadii cirka Soomaaliya, Gen. Maxamed Xirsi Moorgan oo mar soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga dowladii Maxamed Siyaad Barre iyo Col. Jibriil Maxamed Yussuf oo ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya. Saraakiishan ayaa doonaya in ciidamadu ay saameyn ku yeeshaan xukunka Puntland oo tobankii sano ee dambeeyay ay maamulayeen siyaasiyiin rayid ah. Amniga doorashada Amnigu waa arrinta ugu muhiimsan ee saldhiga u ah qabsoomida doorashada, sidaas oo ay tahay xukuumadda Madaxweyne Gaas wali ma magacaabin cidda masuulka ka ah amniga doorshada. Doorshadii 2014 xiligan oo kale waxaa shaqaynayay Guddi loo magacaabay amniga doorashada oo uu madax u ahaa Sareeye guud Siciid Dheere ayna kamid ahaayeen madaxda hay’adaha amniga. Hadda waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu arkayaa musharaxiin wata daagiid dagaal oo aad u badan, taas oo doorashooyinkii hore aan la ogolayn. Suxufiyiinta Bulshooyinka caalamka waxaa hagta warbaahinta oo si joogto ah wax uga beddesha siday u fikirayaan iyo go’aannada masiiriga ah ee ay gaarayaan, taasi waa sababta loo yiri wariyayaasha iyo warbaahinta xogtiina isku dheelitira. Qaar kamid suxufiyiinta Puntland ayaa si bareer ah uga mid noqday taageerayaasha qaar kamid ah musharaxiinta Puntland, iyagoo ku guda jira warbaahinta, waxayna adeeg sadaan erayo iyo luuqad aan dhexdhexaad ahayn oo ay ku hadlaan taageerayaasha kuwa tartamaya. Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa dhawaan uga digay suxufiyiinta iyo musharaxiinta in ay ku xadgudbaan madax banaanida saxaafadda. PUNTLAND POST
  5. Washington DC (Caasimada Online) – Congresswoman Ilhaan Cumar oo dhawaan loo doortay aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul u dirtay siyaasiga muxaafidka ah ee lagu magacaabo Earl Walker Jackson oo hadal cunsurinimo ah kusoo dhaweeyay ku biiritaanka haweenka muslimka ah ee Congress-ka dalkaasi. Jackson ayaa kol sii horeysay sheegay in aqalka Congress-ka dalkaasi Mareykanka uu yeelan doono muuqaal ka duwan midkii lagu yaqaanay, maadama sida uu sheegay haweenka Muslimka ah ee loo doortay aqalkaasi ay durbadiiba bilaabeyn in ay u dhaq dhaqaaqaan sida ay wax kaga badeli lahaayeen xeer hoosaadka xijaabka ka xayiraya haweenka aqalka Congresska kusoo biira. Waxa uu si gaar ah Ilhaan Cumar ugu edeeyay in ay iyadu dabada ka riixeyso in isbadalkaasi uu ku imaado aqalka Congress-ka dalkaasi. “Waxa uu aqalka u ekaan doonaa congress dal Islaam ah uu leeyahay waayoo muuqaalka guud ayaa is bedeli doono waana wax Mareykanka qiimahiisa bedeli doono” ayuu sheegay Earl Walker Jackson. Ilhaan Cumar oo ka duulaysa hadalkaasi cunsurinimada ku dheehantahay ayaa sheegtay in qiiyimka Mareykanka uusan waxba iska bedeli doonin, hadii uu is badelaayana uu noqon doono mid wanaagsan. Haweeneydaan asal ahaanta Soomaaliga ah ee laga soo doortay degmada Shanaad ee Minnesota ayaa dadaal dheer ku bixinaysa wax ka bedelka xeer hoosaadka u yaalla aqalka Congress-ka Mareykanka si loogu ogolaado in ay soo hagoogato oo ay timaheeda soo daboolato marka ay soo xaadirayso kullamada aqalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  6. The determination by the Somalia federal government to influence the outcome of the Southwest State’s presidential election has raised doubts about whether the polls will still be held on December 19 having already been postponed three times. The election was initially set for November 17, but was pushed to November 28 and then December 5, due to what the government says is lack of equipment and ballot papers. However, experts on Somalia say that the government of President Mohamed Abdullahi Farmajo is determined to get a friendly leader in Southwest State especially after the regional leaders threatened to suspend their cooperation with the centre in September. The president and his Prime Minister, Hassan Ali Khaire are backing former minster for energy and water resources, Addukaziz Andullahi Mohammed, and are opposed to the candidature of former Al Shabaab deputy leader Sheikh Mukhtar Robow. However, National Assembly Speaker Mohamed Mursal Abdirahman — who hails from Southwest — is opposed to the federal government’s interference and is demanding that Mogadishu remain neutral in the matter. Mr Abdirahman, who took over from Mohamed Osman Jawari in April, is also opposed to the deployment of more troops to Baidoa to safeguard the election, after intelligence reports revealed that Al Shabaab was planning to disrupt the polls. The three leaders met on December 3 to discuss the issues but the differences still remain. Abdirahman Abdishakur Warsame, the leader of Wadajir Party, told The EastAfrican that the challenge is that the government is determined to block Sheikh Robow from contesting but his clan wants him to do so. Sheikh Robow, who belongs to the Digil and Merifle Clan, which is the majority in Southwest, defected to the government last year after denouncing the insurgents. The national electoral body had banned Sheikh Robow from participating in the elections because of his past record but the Southwest State’s election body later cleared him. Now the government is arguing that he is yet to be cleared from the United States’ list of terrorists. Source: East African Standard
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka Diyaaradda Kenyan Airways ayaa ka hadlay arin la xiriirta in duulimaadyadooda ay ku imaanayaan magaalada Muqdisho uu qeyb ka noqon doono inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho. Kenya Airways ayaa la filayay in 5 December socdaalkeedii ugu horeeyay ku timaado Muqdisho balse ma aysan dhicin, Waxaana wareysi uu bixiyay Macharia Kamau uu ku sheegay in diyaaradda ay xooga saartay horumarka iyo safarkeeda cusub ee Nairobi iyo New York. Masuuliyiinta diyaarada Kenyan Airways ayaa sheegay in marnaba uusan qorshaha ugu jirin inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho, kaasi oo Kenya ay dhaqaalo badan ka hesho sanadkii. “Wax Khaad ah “Miraa” ma ahan ahmiyadeena socdaalkaan. Waxaan dooneynaa inaan kordhino inaan qaarno macaamiisheena ka shaqeysa Soomaaliya iyo kuwa maalgashada, arinta kale ee soo raaci karta ayaa ah inaan abuurno fursado wada shaqeyn oo maalgashadayaasha, Ganacsatada iyo dalxiisayaasha ah”ayuu yiri masuulka u hadlay Kenya Airways. Warar soo baxayay ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku qabtay ay qeyb ka aheyd in diyaaradda ay dooneyso inay Khaat keento magaalada Muqdisho, waxaana diyaarado gaar ah ay khaatka keenaan Muqdisho. Maamulka ayaa sheegay in todobo jeer ay isbuucii duulimaadyo ku tagi doonaan magaalada Muqdisho, balse hadda dib ayaa loo dhigay duulimaadyada diyaaradda ay ku imaan laheyd magaalada Muqdisho. Waxyaaba keenay dib u dhaca duulimaadyada Muqdisho waxaa qeyb ka ah nooca diyaaradeed ee ay safarkooda u adeegsan doonaan, iyadoo shirkadda ay dooneysay in diyaarad horey dowlado baddan kaga diideen u adeegsato socdaalkeeda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  8. New Delhi – An Indian Navy ship, deployed on anti- piracy operation in the Gulf of Aden, has seized arms and ammunition off the coast of Somalia in a quick operation, officials said Saturday. The ship INS Sunayna carried out the operation on Friday in which four high caliber AK-47 rifles and one Light Machine Gun, along with ammunition for these weapons were seized from a vessel, Navy officials said. INS Sunayna carried out a similar operation off the coast of Somalia last month as well. The ship detected a suspicious fishing vessel, approximately 25 nautical mile off the coast of Somalia, in the vicinity of Socotra island, following which the operation was launched, they said. “The vessel was thoroughly searched and allowed to proceed, after confiscation of the arms and ammunition, to prevent their illegal use later by the crew for piracy-related activities,” said a Navy official. “This incident reiterates the commitment of the Indian Navy towards ensuring safe seas for Indian, as well as international, seafarers in the Indian Ocean region,” he said. Source: Press Trust of India
  9. (Qardho (Puntlandi) Wasiirkii hore ee waxbarashada dowladda Puntland, Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si aan kala har lahayn loogusoo dhoweeyay magaalada Qardho ee xarunta [...] Source
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-081218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Inkasta oo arrinta ugu weyn ee Mursal ay isku qabteen xukuumadda iyo Villa Somalia taasi oo keentay inuu soo celiyo guddiga maaliyadda baarlamanka, ay la xiriirto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa haddana waxaa jira qodob kale oo muhiim oo aan la yareysan karin. Mursal waxa uu dareemay in lagu sameeyey bah-dil kadib markii xukuumadda ay adeegsatay labadiisa ku xigeen Muudeey iyo Mahad Cawad, kuwaasi oo guddiga maaliyadda BF kala diray isaga oo ku maqan dalka Turkiga. Sida muuqata Mursal waxa uu dareemay in laga soo qaaday waxba kama jiraan, oo isaga oo maqan go’aan xasaasi ah lagu gaaray gurigii uu aabaha ka ahaa. Xitaa haddii Mursal uu fikir ahaan noqon lahaa mid taageersan guddiga kal diristiisa, waxaa mar walba wax aan cuntameyn noqday in ayada oo xitaa aan la tashi lala sameyn la qaatay go’aan adag. Kaaga sii daran’e waxaa arrinta sii dhabjisay wasiirka cayaaraha ahna xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, oo sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin kala dirista guddiga. Hadalkaas ayaa u muuqda farrin loo soo dhiibay Khadiija, maadaama ay aad ugu dhowdahay ra’iisul wasaaraha, waxayna ahayd bah-dilaad iyo xushmad tirid lagu sameeyey Mursal iyo kursiga uu ka fadhiyo, waxaana qasab ku noqotay inuu jawaabo. Sida muuqata xukuumadda ayaa isku dartay xisaab qaldan, maadaama ay aamintay in Mursal uu ku raaci doono go’aanka ay gaareen Muudey iyo Cawad, kana dul booday.. Sida ay ila-tahay haddii arrintan lala sugi lahaa Mursal, xukuumadda iyo xildhibaanada ku xiranna ay u dayn lahaayeen inuu asaga go’aan ka gaaro, Mursal kuma qasbanaan lahayn inuu maanta ku dhowaaqo go’aan kasoo horjeeda xukuumadda. Waxaa xusid mudan in Mursal markii hore uu kursiga ku yimid taageero ay siiyeen xukuumadda iyo Villa Somalia, sidaas darteedna dad badan u haysteen nin aan qaadan karin go’aan aysan labadan dhinac raali ka ahayn. Haddii arrintan uu ka aamusi lahaa, wuxuu noqon lahaa qof shaqsi ahaan dhintay oo aan wax kasoo qaad lahayn, wuuna ku qasbanaa in ugu yaraan hal mar uu muujiyo inay talo ka go’do. Mursal waa la bah-dilay waana jawaabay. W/Q: Xasan Aadan Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda. Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018. Haddaba dadka Falanqeeyo Siyaasadda ayaa aaminsan inuu Guddoomiye Mursal la kulmi lahaa seddex arrin haddii uu taageeri lahaa kala dirista Guddiga Maaliyadda, waxayna kala yihiin: 1) – Mucaarad Xooggan: Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmi lahaa mucaarad xooggan oo dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka ah. Wuxuu cadaadis xooggan kala kulmi lahaa Xildhibaanada mucaaradka ee aan Beeshiisa aheyn iyo kuwa laga soo doorto Koonfur Galbeed oo ah Xildhibaano isku xiran isla markaasna leh hal mowqif. Mursal ayaa dhexda ka geli lahaa mooshin ka keenis iyo mucaarad aaad u xooggan maadaama ay xiisadaan ka dhalatay buuq iyo jahwareer siyaasadeed. 2) – Kalsoonida Beeshiisa Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa hadda Mursal u arko inuu yahay awoodda kaliya ee dowladda ugu jirto inuu yahay, haddii uu go’aanka kala dirista taageeri lahaana wuxuu weyn lahaa kalsoonida Beeshiisa. Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Mursal u arki lahaa inuu yahay nin la heysto ah isla markaasna aan laheyn go’aan uu ku Matalo dadka Soomaaliya iyo Beesha uu kasoo jeedo. Arrintaan ayaa aheyd tijaabo ay Beeshiisa ku ogaan laheyd hal beegga siyaasadeed ee Mursal iyo qaabka uu u maareyn karo haddii ay dalka soo wajahdo Khilaafka Baarlamaani ah. 3) – Xukuumadda oo uusan garab ka heli lahayn Kaliya xukuumadda iyo Mursal iskuma khilaafsano kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya balse waxaa la isku heystaa Ciidamadii dhawaan la geeyey Baydhabo iyo cadaadiska ay dowladda Soomaaliya ku heyso Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Mursal ayaa ku adkeystay in Roobow uu sharci ahaan u tartami karo Doorashada isla markaasna aysan dowladda qaadin tallaabo ka dhan ah oo doorashada looga reebayo. Haddii xataa uu Mursal taageeri lahaa kala diristii Guddiga Maaliyadda wax sumcad ah kama heli laheyn xukuumadda maadaama weli la isku heysto arrinta Roobow uuna ku adkeystay inuusan arrintaas dowladda ku taageeri karin. Mursal iyo xukuumadda ayaa ku kala tagay arrinta Roobow, waxaana fashilmay dhawr kulan oo arrintaan looga hadlayey waaba midda keentay inuu Mursal ka hor imaado kala diristii Guddiga maaliyadda ee Baalarmaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Somaliland engrossed rival powers Under the leadership of the current president of Somaliland all eyes of the world are fixated to Somaliland —not only the largest conglomerates but the most economically and militarily powerful ones yet rivals are exploring around what Somaliland has to offer them. Its untapped natural resources raging from its huge hydrocarbon deposits equated to being larger than Kuwait and the UAE combined and among its many other resources — and adding to the basket its strategic location is attracting China and the Russians. The latter over the recent years has been attempting to revive its historic relationship with people of Somaliland as it has had a military base at Berberea Port—it had complimented to providing health services to Berbera Hospital which had hugely benefited from Russian doctors. People across the country would once make a journey to this hospital to seek its world class health services. Peoples of this country have never forgotten Russia’s generosity and feel today to be indebted to them—not only inhabitants of Berbera will be exuberant to see Russia coming back to Berbera but should receive a jubilation welcome back from the society. China and Russia outlook to Somaliland leaves behind the Europe and the USA outwitting them by their outdated perspectives. China has been slowly turning most African countries to Chinese economic zones. That has in recent times seen China investing billions of dollars into the economy of African countries and providing low interest rate loans—that relegated the World Bank and IMF second to China. In the past IMF and World Bank economic policies seen African countries riddled with huge debt. China in return accessed lucrative contracts and new markets for its export industries—good examples are our nearest neighbours of Djibouti, Ethiopia and Kenya who have hugely benefited from China funded projects ranging from road and rail networks, aiding African’s industrialisation and successful oil exploration in Ethiopia. Somaliland will benefit, if attracts Russia which has been showing signs to reconnect to Somaliland —it had been once a close friend of our people. Resurgence of relation with Russia, not only the health service will benefit again but it should permeate every sector aiding to exploit its resources. In return Russia would be securing a lucrative economic contract and getting a foothold in commanding strategic location that is a vital interest in its global influences economically and militarily. The newly democratically elected president of Somaliland — has engrossed international community in his anti-corruption policies and good governance. Conversely, underperforming departmental governments lack of the capacity to run huge developmental projects and connect the country to the world. Ahmed Abdi Isse As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada gacanta ku heysa dekadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay qalab casri ah oo lagu kordhiyay dekadda magaalada Muqdisho oo si caalami ah u shaqeysa. Maareeyaha Shirkadda Albeyrak Sami Erol, wasiirka dekadaha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay munaasabadaan oo ka dhacday gudaha dekadda magaalada Muqdisho. Qalabkaan cusub ayaa la sheegay inuu wax weyn ka tari doono hagidda marakiibta iyo sidoo kale inay ka qeyb qaataan daminta dab haddii uu ka kacaa dekadda magaalada Muqdisho. Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalada Dubai waxaan ku howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh socdaalka iyo hagidda Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho. Wasiirka Dekadaha xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in arintan ay qeyb ka tahay balaarinta dekada magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com
  15. Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee dhulka Ismaamulka Soomaalida si weyn loogu soo dhaweeyay C/Kariin Sheikh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ah Saraakiisha ONLF. Waa deegaanadii uu ka bilaabay halganka Jabhadda ONLF, waxaana maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga. Madaxda Jabhadda ONLF iyo taageerayaal badan oo taageersan ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada, waxaana looga hortagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga. Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax ayaa dhawaan waxa uu Soo maray Gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah,sida Jubbaland, Galmudug iyo deegaano kale. Isaga oo ku xiran magaalada Addis Ababa waxaa cafis u fidiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana uu kadib socdaal ku tagay Kenya iyo qaar kamid ah gobolada Soomaaliya.
  16. Baydhabo (Sh.M.Network) – Murashaxiinta maamulka Koonfur Galbeed oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in sii haya Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Gollaha Wakiilada aanu sifo sharci ah ku joogin xafiiska. Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo jagada madaxwaynaha haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan, ayay sheegeen Murashaxiinta inuu mudada xileedkiisu ku ekyahay 8-da bishaan December. Bayaanka ayaa lagu shaaciyay in wixii ka dambeeya taariikhdani uu maamul goboleedkaan cagaha la galayo khal-khal dastuuri ah, sida ay hadalka udhigeen. Murashaxiinta oo kala ah; Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa ugu baaqay Gudoomiye Maye inuu xilka isaga dego ama uu Baarlamaanka horgeeyo qaar u ogolaanaya. Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in inta laga gaarayo doorashada ama laga dooranayo Madaxwayne cusub la sameeyo Golle loo dhan yahay, kaasi oo ka shaqeeya sidii ay udhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah. Ugu dambeyntii, dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay faragelin ba’an ku hayso doorashadda ayay ugu ku tartarsiiyeen inay ka joojiso islamarkaana ay umadax banaaneyso Guddiga doorashada. The post Murashaxiin baaq udiray sii haya Madaxwaynaha KG appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-081218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Madaxweynaha Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa Sabtida maanta ah dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo Badda(PMPF) ee dowladda Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 8 bishan December 2018 ee ku beegan sabtida maanta ah ayaa min hal darajo lagu dallacsiiyay taliyaha ciidanka Daraawiishta,Ex Sarreeye Guuto haatanna ah sarreeye Gaas,Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo Ex sarreeye Guuro haatanna ah Sarreeye Gaas,Cabdirisaaq Diiriye Faarax,taliyaha ciidanka badda Puntland ee(PMPF). Sarreeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax taliyaha PMPF Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland,Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la magacaabay 28 October ee sannadkan 2018,kadib markii taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland,Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) uu ku dhawaaqay inu u sharraxanyahay doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019. Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen taliyaha Daraawiishta PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo PMPF appeared first on Puntland Post.
  19. The determination by the Somalia federal government to influence the outcome of the Southwest State’s presidential election has raised doubts about whether the polls will still be held on December 19 having already been postponed three times. The election was initially set for November 17, but was pushed to November 28 and then December 5, due to what the government says is lack of equipment and ballot papers. However, experts on Somalia say that the government of President Mohamed Abdullahi Farmajo is determined to get a friendly leader in Southwest State especially after the regional leaders threatened to suspend their cooperation with the centre in September. The president and his Prime Minister, Hassan Ali Khaire are backing former minster for energy and water resources, Addukaziz Andullahi Mohammed, and are opposed to the candidature of former Al Shabaab deputy leader Sheikh Mukhtar Robow. However, National Assembly Speaker Mohamed Mursal Abdirahman — who hails from Southwest — is opposed to the federal government’s interference and is demanding that Mogadishu remain neutral in the matter. Mr Abdirahman, who took over from Mohamed Osman Jawari in April, is also opposed to the deployment of more troops to Baidoa to safeguard the election, after intelligence reports revealed that Al Shabaab was planning to disrupt the polls. The three leaders met on December 3 to discuss the issues but the differences still remain. Abdirahman Abdishakur Warsame, the leader of Wadajir Party, told The EastAfrican that the challenge is that the government is determined to block Sheikh Robow from contesting but his clan wants him to do so. Sheikh Robow, who belongs to the Digil and Merifle Clan, which is the majority in Southwest, defected to the government last year after denouncing the insurgents. The national electoral body had banned Sheikh Robow from participating in the elections because of his past record but the Southwest State’s election body later cleared him. Now the government is arguing that he is yet to be cleared from the United States’ list of terrorists. The post Row over Robow’s candidacy leaves Southwest state election in doubt appeared first on Shabelle. View the full article
  20. The speaker of the Somali lower house of the people has directed the house finance committee to return their work on Saturday. Letter from Ambassador Mohamed Mursal Sheikh office has called upon the finance, planning and accountability committee to immediately submit the financial statement of 2017 and 2019 budget before the end of the year. “ After considering the huge task awaiting the committee with limited time including the financial statement of 2017 and the approval of the next fiscal year budget, the committee should continue deliberating its work,” Ambassador Mursal said in a press statement sent to the newsrooms. He also urged those who have a different opinion on the directive to respect the constitution and the law-making organ in the government. The parliamentary speaker decision challenges earlier rule by his first deputy that dissolve the committee on November 28th for what he termed an infringement into the standing orders of the house and division within the members of the committee itself. Abdiweli Sheikh Mudey also called for the establishment of new committee members and election of its chair two weeks ago which did not happen, speaker mural was outside the country for an official trip by then. Somali parliament is not new to division and controversy since the Djibouti peace accord in the year 2000. Vote of no confidence against the top government officials including the President, Prime Minister and most recently the speaker is very common in the house but things look different under President Farmajo and PM Kheyre government. The post Somali parliament speaker reinstates finance committee appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daah-furtay kulan ku saabsan dhiirri-gelinta qoondada Haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay,odoyaal,nabaddoonno,cuqaal,haween iyo dhalinyaro,waxaana looga hadlayay sidii haweenka qoondada ay mudan yihiin looga siin lahaa siyaasadda,maadaama ay yihiin laf-dhabarta ay bulshadu ku tiirsantahay. Wasiirka wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland marwo Maryan Axmed Cali oo barnaamijkan furtay ayaa sheegtay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay welina ay waddo u qareemidda sidii haweenku ay qoondo saxa uga heli lahaayeen siyaasadda,islamarkaana uga dhex muuqan lahaayeen golayaasha dowladda,sida Baarlamanka iyo xukuumadda. Wasiiradda ayaa ku boorrisay odoyaasha dhaqanka ee xulaya xubnaha Golaha wakiilada in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii haweenka Puntland ay u heli lahaayeen qoondada ay xaqa u leeyihiin ee Baarlamanka ay haatan xulistiisu socoto,maadaama ay odoyaasha dhaqanku soo xulayaan. Sidoo kale wasiiradda ayaa farriin u dirtay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland oo ay ugu baaqday in ay mudnaan gaar ah siiyaan helidda haweenka ee qoondada ay ka mudan yihiin Baarlamanka cusub. Nabadoon Siciid Maxamed oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa isna si weyn u soo dhoweeyay hadalka wasiirka,waxaana uu sheegay in marwalba ay ka shaqeynayaan sidii Haweenku ay u heli lahaayeen xaqooda siyaasadeed,isagoo tilmaamay in ay bulshada kaalin qiimo badan ugu jiraan haweenku,aysanna suurra-gel ahayn in xaqooda Dastuuriga ah la duudsiyo. Faadumo Axmed Nuur oo urur weynaha Haweenka Puntland u qaabilsan gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku baaqday in la ilaaliyo qoondada ay gabdhaha Puntland ku leeyihiin golayaasha dowladda ee uu xaqa u siinayo Dastuurka Puntland,iyadoo isimada dhaqanka ku boorrisay in aan marnaba la illaawin doorka shariifka ah ee Haweenka Puntland ay kaga jiraan bulshada. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo furtay kulan ku saabsan qoonada Haweenka ee siyaasadda appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Munaasabad lagu xusayo ololaha 16-ka maalmood ee tacdiyada kadhanka ah haweenka oo Ururka haweenka ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia uu soo qaban-qaabiyay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadan oo ay kasoo qayb-galeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalka, Xildhibaannada Haweenka ah Golayaasha Aqalka Sare iyo kan Hoose ee baarlamaanka ku jira, haween ka kala socday ururada bulshada rayidka ah iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlayay xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, sababaha ay ku yimaadaan iyo sidii looga hortagi lahaa. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka, Abshir Maxamed Bukhaari oo xafladda furay ayaa sheegay in haweenku ay laf-dhabar u yihiin bulshada, kaalin weynna ay kasoo qaateen halgankii iyo gobonima-doonkii dalka, sidaas daraadeedna aan la aqabali karin in xad-gudub loo geysto. Sidoo kale, Guddoomiyaha ku-xigeenka ururka haweenka ee Golaha Aqalka Sare Deeqo Xasan Xuseen oo iyaduna munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka ay yihiin kuwa soo jireen ah oo dhibaato weyn ku ah bulshada, sidaa awgeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hor-tago. Waxayna hadalkeeda ku dartay, in ururka haweenka ee golaha aqalka sare ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen in la joojiyo tacdiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. Sidoo kale, qaar ka mid ah ururarda haweenka ee ka hadlay Munaasabadda ayaa si isku mid ah u sheegay in haweenka loo geysto dhibaatooyin ka dhan ah xuquuqda Aadanaha, iyagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo joojin lahaa. Ugu dambeyn, Toddobaadka ololaha xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta ayaa si weyn maalmahan looga xusayay caalamka iyo meelo badan oo dalka ah, kuwaasoo loogga gol-leeyahay in lagu joojiyay tacadiyada inta badan loo geysto haweenka iyo carruurta. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo qabtay Kulan looga hadlay Xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka iyo… appeared first on Puntland Post.
  23. TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 6AAD #_SIRTU_WAA_SUQGAYNTA 50.000.000.000$ LIBERLAND waxa laga dhisi doonaa Magaalo qurux badan oo ladago loona soo dalxiis tago waxa laga dhisi doonaa dabaqyo dhaadheer oo labaratama Dubai. Sida la shaaciyay Waxa lagu dhisi doonaa lacagdhan 50.000.000.000$ Konton bilyan oo dolar waa haaf ka lagta lagu dhisay magaalada Boqor cabdala ee ganacsiga ee Jeddah u dhaw ilaa hada shirkadaha maal gashanaya dalkan yar waxay kor u dhaafeen 70 shirkadood. Waxana kamida shirkada wayn ee [ #__The_Trump_Organization ] waana shirkada uu leeyahay Madaxwayne Maraykar Mr. Trump, Waxa kamida shirkado waaway oo carbeed, Asxaabeey hayaabina sirtu waa suuq gaynta. Magaladan waxa dagi doona dad ku dhaw nus milyan qof halka rubuc milyan kale u soo shaqo tagi doonaan oo dagan SERBIA iyo CROATIA . La soco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTA 7AAD Amb Ahmed Safiina Qaran News