Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Paris )Rai’sul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa wacad ku maray in dib boodhka uga looga jafayo sidii loo midayn laha qaranka. Hadalka rai’sul wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib dibadbaxyo waa wayn oo dalka Faransiiska ka dhacay. Kumanaan kamid ah Dadka Mudaharaada ee Dalka Faransiiska Oo kala xidhay suuqyada. Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in booliis badan oo loo daadgureeyay wadooyiinka ay gacan ka gaysteen xakamaynta rabshadihii Sabtidii ka dhacay Paris iyo magaalooyiin kale. Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Christophe Castaner ayaa ammaanay booliiska oo uu sheegay in ay xakameeyeen rabshadaha. Ku dhawaad kun mudaharaadayaal ah ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Faransiiska halkaasi oo ay ka dhigayeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeda. Dad lagu qiyaasay 125,000 oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyiinka guud ahaan dalka Faransiiska. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya qiimaha maciishadda oo ay sheegeen in ay sareeyso. Meelaha qaar waxaa isku dhacay booliiska iyo dibadbaxayaasha. Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadaxaajood ay la gasho dibadbaxayaasha si nabadda ah howshooda u wata. Madaxwayne Macron ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo shacabka Faransiiska maalmaha soo socda. Source
  2. (SLT-Boosaaso)Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay sheegayaa in habeenimadii Xalay lagu dilay magaaladaasi,Wiil dhalinyaro ahaa. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Qarshe,waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay in la khaarajiyo. Koox Bistoolado watay ayaa waxay ka dambeeyeen dilka Marxuumka iyadoo kadib gacan ku dhiiglayaasha dilka ay baxsadeen. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay goobta gaareen,markii wax yar kadib dilka dhacay,waxaana socda baaritaan ku aadan soo qabashada kooxdii dilka geystay. Marxuumkaasi ayaa ahaa ganacsade mehrad ku lahaa Magaalada Boosaaso. Dhowr mar ayaa lasoo sheegayaa in sidaan oo kale ay weerar toogasho ka dhacdo Xarunta Ganacsiga Boosaaso hadana aanan dad loo soo qaban. Sida Aan Xogaha ku helayno waxaa Dilkaan ka dambeeya Kooxda Daacish Oo Ganacsatada Lacago Badan dul dhigay kii bixin waayana ay beegsanayaan. Source
  3. (SLT-Muqdisho)Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Dowladda Britain ee Soomaliya ay ku leedahay. Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Masuuliyiintaan kala hadlay kor u qaadista Shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidamadda Millatariga. Masuuliyiinta ka Socotay Safaarada Uk ee Soomaaliya ayaa Wasiirka Difaaca Dalka u soo Bandhigay aragti ku aadan muhiimadd ay leedahay ka hortaga Askariyaynta Caruurta, iyagoona Balan qaaday in tababaro kor looga qaado Aqoonta Saraakiisha Ciidanka Millatariga iyo Shaqaalaha Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ay bixin doonaan. Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah wadamada ka taageera Soomaaliya dhinacyad amniga,dhaqaalaha dib u dhiska iyo horumarinta hanaanka dowliga ah ee dalka. Source
  4. (SLT-Hargaysa)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah, isla markaana uu xakamaynayo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda. Wareegtada Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan: “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, iyada oo Wasaaraddu ka duulayso duruufaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo hubinta halbeegyada goobaha waxbarashada ee dalka, waxa laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools). Waxa kale oo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches). Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado. Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka rejaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo tayada Waxbarashada ubadkeenna.” Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay go’aan laga qaatay xubnaha Al Shabaab ee lagu soo qabto howlgalada ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya. Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadda waxii ka dambeeyay xubnaha Al Shabaab ee howlgalada iyo dagaalka lagu soo qabto xabsiga la geyn doonin. Taliyaha oo hareerihii ay fadhiyeen saraakiil ciidan iyo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in xubnaha dagaalka lagu soo qabto ee ka tirsan Al Shabaab lagu toogan doono goobtooda. Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankiisa shaaciyay go’aankaasi ah in xubnaha Al Shabaab lagu toogto goobta lagu qabto, si looga hortago falalka amni daro ee ay geysan karaan. Arintaan ayaa u muuqata inay jawaab u tahay dilkii maalmo ka hor deegaanka Dhanaane loogu geystay taliyihii ciidamada guutada 12-ka April iyo abaanduulihiisii, waxaana la ogeyn sida loo dhaqan gelin doono. Xabsiyada Muqdisho ayaa lagu xiraa xubnaha Al Shabaab ee lasoo qabto iyaga oo ku howlan falal amniga ka hor imaanaya, waxaana ugu dambeyn qaarkood lagu sii daayaa qaab wadahadal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Markab laga leeyahay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Navy Ship Sunua, ayaa lagu soo waramayaa inuu gacanta ku dhigay markab sida sharci darro ah uga [...] Source
  7. Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya. Khilaafkan ayaa ka dhashay kala diristii guddiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay ka soo horjeystay Gudoomiyaha maarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Afhayeenka Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa diiday dalab ugu yimid Madaxda dalka ugu sareysa oo ah in uu aqbalo kala diristii guddiga Maaliyada. Kulamo waqtiyo badan qaatay ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya guddonka Golaha shacabka ,Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha. Ilo-xog ogaal ah oo ay heleyso Puntland Post ayaa sheegaya in kulamadaasi ay isku fahmi waayeen madaxda sare ee dalka islamarkaasina natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday. Warar hadda soo baxaya ayaa iyana sheegaya in masuuliyiinta guddonka Golaha shacabka qaarkood ay hadda u yeerayaan saxaafada si ay ugala hadlaan khilaafkaan soo cusboonaaday. Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo horjeeystay kala diristii guddiga Maaliyada Baarlamaanka, waxaana uu sheegay in ay aheyd mid sharci daro ah, islamarkaasna waxa uu faray guddigaasi ay shaqadooda sii wataan. PUNTLAND POST The post Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dalka oo cirka isku sii shareeray appeared first on Puntland Post.
  8. Allaha u naxariistee Aamin Axmed, oo aheyd gabar Somali-Mareykanka oo dhowaan loo doortey inay ka mid noqoto gollaha deegaanka ee Seatle-Washington ayaa ku dhimatey Shil gaari Marxuumad Aamina Axmed Ayaa Labo Bilood ka hor loo doortay xilkaan kadib doorasho ay gashay. Allaha u naxariistee marxuumada ayaa geeriyootay iyada oo ka timid kulan islamarkaasina u deg degeeysay kulan kale sida ay xaqiijiyeen dad xog ogaal ah oo PUNTLAND POST la hadlay. Waxey ahayd haweenaydii ugu horeysay ee Muslim Mareykan ah oo loo doorto gollaha deegaanka seatle. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post haweenaydii ugu horeysay ee Soomaali ah oo loo doorto gollaha deegaanka seatle oo Geeriyootay appeared first on Puntland Post.
  9. Mid kamid ah musharrixiinta Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas uu qalqal siyaasadeed ka abuuray degaannada maamulkaasi. Faarax Cali Shire oo kamid ah Musharixiinta u taagan xilka madaxwayne ee Puntland, ayaa ka hadlay Xaaladda Puntland oo xilligan uu ka Jiro Olole Siyaasadeed. “C/weli Gaas wuxuu la mid yahay Mushariixinta waxba laga weydiin maayo, Xaalada Puntland, Qofkasta waxa uu masuulka ka yahay waxa uu hayo xiliga kala Guurka” ayuu yiri musharraxan. Waxaa is soo tarayey maalmahan dambe eedda loo jeedinayo madaxweynaha Puntland, iyadoo doorashada Puntland ay ka hartay 29 cisho. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Musharax-Farax-Cali-shire-oo-Weerar-Afka-ah-ku-qaday-madaxwayne-Gaas-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhow ganacsade si weyn loo yaqaan ay ku dileen gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane), ayaa kooxaha hubeysan ee dilay waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaala Ex. Koontarool Afgooye, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen. Wararka ayaa sheegaya in kooxaha Hubeysay dileen Cabdi Biifane xili uu kasoo baxayay gurigiisa, waxayna qaateen Gaari Prado ah oo uu watay, waxaana rasaaska ku dhaawacmay Gabar u dhalay oo albaabka taagneyd. Ehelka Cabdi Biifane ayaa sheegay inuu ka ganacsan jiray dajinka noocyada kala duwan ee gaadiidka, lamana oga sababta iyo dadka ka dambeeya dilkiisa oo maanta dhacay. Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay, balse kooxaha dilka geystay ayaa ku baxsaday gaariga Marxuumka oo ay kala dageen markii ay toogteen kadib, sida ehelkiisa ay sheegeen. Dilalka Qorsheysan ayaa kadhaca magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay sameeyaan baaritaano joogto ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Koox hubeeysan ayaa goordhow Muqdisho ku dishay ganacsade caan ah oo kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho. dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan Ex-Contorol Afgooye. Koox hubeeysan ayaa dishay allaha u naxariistee Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane) oo ahaa ganacsade baabuurta ay u soo dagi jirtay. Kooxda hubeeysan ayaa dishay ganacsadahaan xili uu ku sugnaa gurigiisa iyada oo rasaasta ay ku dileena ay ku dhaawacantay gabar yar oo uu dhalay marxuumka. Sidoo kale kooxdii hubeeysaneyd ee dilka geeystay ayaa qaatay gaari Proda ah uu lahaa marxuumka ay dileen. Durba kooxdii dilka geeystay ayaa isaga baxsatay goobta ay ku dileen marxuumka waxaana durba soo gaaray goobtaasi askari katirsan ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyay. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysto shacab iyo xubno la shaqeeya dowlada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke puntland Post Muqdisho The post Ganacsade caan ah oo goordhow lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Ciidamo katirsan Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo Mareykan ah ayaa waxay weerar qorsheysan ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose. Howlgalkaan ayaa waxaa la sheegay in lagu beegsaday Guri ay ku shirsanaayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab Oo Kusugnaa Deegaanka Basra,Kumaandoosta ayaa la sheegay inay wateen Diyaarad Nuuca Qumaatiga ukacda ah. Waxaa Adag in Xog badan laga helo sida ay wax udhaceen iyo khasaaraha ka dhashay balse waxaa la xaqiijiyey in weerarka Qaar ka mid ah Xubnaha Al Shabaab iyagoo nool lasoo qabtay. Guriga la weeraray shirkana uu ka socday waxaa iska lahaa Gudoomiyaha Al Shabaab Ee Deegaanka Basra ugu magacaaban oo la yiraahdo Macalin Daahir,Saraakiisha Al Shabaab ayaan weli faah faahin soo saarin. Tuulada Afyaraani Kore Ayaana la yiraahdaa Tuulada ay wax ka dhaceen oo Hoostagta Deegaanka Basra Ee Xadka Labada Gobol Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe. Taliska Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya Ee Dallaayadaha ku booda ayaan ka warbixin howlgalkaasi iyo waxa lagu qabtay. Sikastaba ha ahaatee waxaa lasoo warinayaa in Ciidamo Badan oo Al Shabaab ah ay Saaka gudaha ugaleen Basra,taas oo aan la ogeyn waxa ay damacsan yihiin. PUNTLAND POST The post Komaandoosta Soomaaliya oo weerar ka fuliyay Gobolka Sh/Hoose appeared first on Puntland Post.
  13. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan xalay ay ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Wiil Dhalinyaro ahaa oo si weyn looga yaqaanay gudaha magaaladaasi. Raggii ka dambeeyay dilkan ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo goobta gaaray ayaa howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan weli saraakiishu ka hadlin dhacdadaasi. Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya dilka Wiilkaasi Dhalinyarada ahaa, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi. Ammaanla Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, balse mararka qaar waxaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta Dagaalyahannada Al Shabaab. The post Wiil dhalinyaro ahaa Oo xalay lagu dilay Magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Mid kamid ah sharciyaqaanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa soo dhoweeyay go’aanka guddomiyaha golaha shacabka ee ahaa in ay sii shaqeeyaan guddiga miisaaniyadda golahaas. Sharci yaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Xafiiska xeer ilaalinta gobalka Ohio ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid mudan inuu qaato gudoomiyaha golaha shacabka islamarkaana wax waliba lagu kala saaro sharciga. Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ka soo horjeestay go’ankii guddoomiye ku xigeenka golahaas uu ku kala diray guddiga miisaaniyada golaha shacabka,isagoo xusay in cidna aysan ka hor istaagi karin shaqadooda, islamarkaana aysan jirin cid sharciga ka weyn. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/SHARCI-YAQAAN-CABDIWAAXID-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Kismaayo ( Sh. M. Network)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubbaland kula kulmay ururada bulshada rayidka ah. Kullanka oo ka dhacay guriga martida Jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato, Dhalinyaro, Haween Aqoonyahano iyo xubno ka socday Jaamacadaha magaalada Kismaayo,waxaana muhiimada kulanka uu ahaa in ururada Bulshada rayidka Jubbaland aragtidooda ku biiriyaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira. Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Jubbaland diyaar u tahay iney horseed ka noqoto nabada,Federaaleynta,dib u heshiisiinta iyo is cafinta. Sidoo kale,Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay iney diyaar u yihiin iney qaataan tallooyinka guddoonka Aqalka sare,islamarkaana ay soo dhoweynayaan dadaalada lagu doonayo in la isugu soo dhoweeyo Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda dhexe. Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay wax keliya ay raadinayaan iney tahay saddex arrin oo kala ah nabad,midnimo iyo Heshiis. Wuxuuna Maamulka Jubbaland uga mahad celiyay soo dhoweynta dadaalada Xubnaha Aqalka sare iyo kalsoonida ay ka qabaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira. The post Guddoomiye Golaha Aqalka Sare Oo M/ Kismaayo kula kulmay Bulshada rayidka appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxda sare ee dalka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay gudaha xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo kan labaad ee Golaha Shacabka. Wararka ayaa sheegaya in kulamadu ay ahaayeen kuwo xiriir ah oo looga hadlay go’aankii shalay ee guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu uga hor yimid kala diridii guddiga Maaliyadda ee Golahaasi. Sidoo kale kulamadii u dambeeyay ayaa waxa ay dhexmareen labada Guddoomiye ku xigeen iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaa ka horreeyay kulan wadajir ahaa oo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiye ku xigeenada dhex maray xalay fiidki hore. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulamada la’ iskula meel dhigay qorshe ka dhan ah go’aankii guddoomiye Mursal, iyadoo loo wajahayo qaabab kala duwan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in uu jiray kulan dhexmaray guddoomiye BFS iyo labadiisa ku xigeen, iyadoo aanay kulamadaasi ka soo bixin wax natiijo ah, la’iskuna fahmi waayay. Waxaana guddoomiye ku xigeenadu ay ka soo horjeesteen go’aankii guddoomiyahooda uu dib ugu howlgaliyay guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka. Go’aankan guddoomiye Mursal ayaa ahaa mid la filaan ah, kadib markii shalay uu ku dhawaaqay in guddiga Maaliyadda BFS uu wadan karo shaqooyinkii loo igmday. The post Madaxda DFS Oo kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, C/xaashi C/laahi C/laahi iyo xubnaha uu hoggaaminayo ee gaaray Kismaayo ayaa ku guuleystay in maamulka Jubbaland lagu qanciyey xal ka gaarista khilaafka DFS. Mudane Xaashi ayaa sheegay in aan lasoo afjarin khilaafkaasi, balse uu jiro is faham, islamarkaana wadahadallo ay dhaceen. Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ayuu sheegay iney isku imaan doonaan islamarkaana soo afjari doonaan khilaafkooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARKA-KISMAAYO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-091218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Balcad (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaankaasi. Howlgalka ayaa ciidamada amaanka waxay ka sameeyeen deegaankaasi xalay xilli dambe, waxaana ujeedada ay aheyd in la ugaarsado xubno ka tirsan Al Shabaab oo xiligaasi shir uu kaga socday deegaanka Basra. Howlgalka ayaa xalay si gaar ah kaga dhacay deegaanka Afyaraani oo ah deegaan uu ku hareereysan yahay Wabiga Shabeelle, balse leh hal meel oo laga bixi karo, waxaana ciidamada oo watay diyaarad gaar ah la sheegay inay u degteen deegaanka. Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa loogu bartilmaameydsaday hooy uu ka degenaa deegaanka guddoomiyaha Al Shabaab ee deegaanka Basra, waxaana howlgalka ku dhintay rag ka tirsan Al Shabaab. Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in howlgalka lagu doonayay ruux macagiisa ay ku koobeen Macalin Daahir oo ah horjoogaha Al Shabaab ee deegaanka. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al Shabaab lagu dilay weerarka kuwo kalana nolosha lagu qabtay, sida saraakiisha dowladda ay sheegeen. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xubnaha Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, waxaana walwal uu soo wajahay dadka deegaanka oo ka baqaya in Al Shabaab aargudasho ahaan ay u beegsadaan. Caasimada Online Xafiiska Balcad Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saacadiii ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda dalka ay ka dhaceen madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo kulamadaasi ay ka dambeeyay go’aankii shalay uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka. Kulanka ugu horeeyay ayaa wuxuu u dhaxeeyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana looga hadlayay khilaafka guddoonka u dhaxeeya. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulankooda oo saacado qaatay ay isku fahmi waayeen qodobadii ay ka wada hadlayeen, waxaana la sheegayaa inay ku kala boodeen kulanka. Kadib waxaa kulan saacado kale qaatay wada yeeshay labada Guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka oo wali ku adkeysanaya in kala derista guddiga maaliyadda ay tahay mid sax ah. Kulankooda kadib waxaa ay la kulmeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeen waxyaabaha ay go’aan ku gaareen guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Sidoo kale C/Welli Sheikh Muudeey iyo Mahad Cawad ayaa xalay la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo isla arintan kala hadlay, waxaana muuqata xiisad cusub oo guddoonka baarlamaanka u dhaxeysa. Waxaa soo baxaya in labo go’aan mid uu soo bixi doono kaasi oo xildhibaanada ay qaadan karaan oo kala ah, in guddoomiye Mursal mooshin looga hormaro, ama in madaxweynaha Soomaaliya xildhibaanada ay ka keenaan Mooshin ay ku saleynayaan isbadalka geeska Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Istanbul (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Turkey Mr Erdogan ayaa jeediyay khudbad kale oo uu kaga hadlayay arrimo badan, waxaana uu si cad u sheegay in dhibaatada amaan iyo mida dhaqaale ee taala dalalka Yurub inaysan sabab u aheyn Muslimiinta iyo dadka tahriibka ah, balse shacabka Reer Yurub ay ka dambeeyaan. “Amni darada iyo dhaqaalaha ay jecel yihiin kama aysan bilaaban inay xumaadaan marka Muhaajiriinta ama Muslimiinta u tageen, laakiin muwaadiniintooda ayaa u wacan”sidaasi ayuu Erdogan oo Banaanbax dad badan ka qeyb galeen ka hadlayay. Isaga oo ka hadlayay sida uu uga walaacsan yahay arintaan, ayuu sheegay in muuqaalka Dibad baxayaasha Yellow Vest uu muujiyay in Dalalka Yurub ku guul dareysteen Dimuqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo xorriyadda. Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ay geysteen dibad baxayaasha iyo dhibaatada ciidamada u geysteen inta ay banaanbaxayeen, iyadoo loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo waxyaabo kale, waxaana dibad baxa uu ka dhacay dalka France. 700 oo kamid ah banaanbaxayaasha ayaa lagu xiray magaalada Paris ee dalka Faransiiska maalintii shalay, waxaana booliska ay adeegsanayeen agabka looga hortago banaanbaxa. Hadalkiisa ayaa u muuqda in dadka muhaajiriinta ah ee tagay dalalka Yurub inaysan dhibaato ku heyn, balse shacabka u dhashay dalalka Yurub ay yihiin dhibaatada amni daro iyo midda dhaqaale ee dalalka Yurub. Caasimada Online Xafiiska Turkey Caasimada@live.com
  22. Yaa ka danbeeyay Guuldaradii & Fashilkii Xukumada Muuse Biixi ka raacay Shirkii Maalgashiga Somaliland ee Nairobi Shirkii maal-gashiga Somaliland ee Xukumada Somaliland ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay. Shirkan ayaa Xuukumada Somaliland si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo oo kala ahaa Wasiirada,arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa ka maquurtay casuumad ay Somaliland u fidisay. Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay diideen shirka,Iyagoo ka cabsi qabay in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Somalia ee Farmaajo hogaamiyo, oo hadda ay Dawlada Kenya ay aad isugu dhow yihiin. Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka Maalgelinta Somaliland ee Nairobi waxaa intaas dheeraa in dhamaan diblomaasiyiinta wadamada Caalamka u fadhiya Nairobi ay ka gaws adaygeen inay shirka tagaan. Waxaa sidoo kale meesha ka madhneyn khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Xukumada Somaliland ay xaaladda uga sii dartay. inkastoo Xukumada Somaliland intaan shirku qabsoomin si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso In kastoo Warbaahinta Caalamiga & Ta maxalliga aysan inta badan soo hadal qaadin Maxsuulkii ama Natiijadii shirka laga filaayey iyo siday wax u dhaceen Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday in wakiilkii hore ee QM ee Midowga Afrika Haile Menkerios uu yimaado Soomaaliya, oo uu la kulmo madaxda dalka. Haile Menkerios, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Eritrea, ayaa qorshihiisu ahaa inuu yabooho inuu dhex-dhexaadiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab. Si kastaba, mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa waxaa codsi uga yimid madaxwenaha Eritrea Isaias Afwerki oo diidanaa in la qaabilo Haile Menkerios oo mucaarad xooggan ku ah dowladda Eritrea. Inkasta oo Afwerki iyo Haile Menkerios ay iska dhinac dagaalameen dagaalkii xoreynta ee lala galay Ethiopia, kadibna Haile Menkerios uu noqday safiirkii Eritrea ee Itoobiya, kadibna QM, waxa ugu dambeyn isku dhacay labada nin. Haile Menkerios ayaa hadda si dibad joog ahaan ah ugu nool Addis-Ababa. Sidaas darteed, ayaa ayada oo la tix-gelinayo codsiga Afwerki, waxa ay dowladda Soomaaliya ka mamnuucday Haile Menkerios inuu cag soo dhigo Soomaaliya, si aan loo carqaladeyn xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Asmara iyo Mogadishu. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaki ka qabta in Haile Menkerios ay aqbali karto kooxda Al-Shabaab maadaama uu xiriir la leeyahay QM, oo Shabaab ay u aragto qeyb ka mid ah “cadowgeeda reer galbeedka.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Soomaaliya iyo Nigeria oo kaalimaha hore ka galay waddamada ugu argagixisada badan Caalamka Dalalka Nigeria iyo Soomaaliya ayaa kaalinta 1-aad iyo midda 2-aad uga jira waddamada ay sannadka 2018-ka ka dheceen falalka ugu badan ee la xiriira argagixisanimada ee guud ahaan qaaradda Afrika. Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda ganacsiga iyo nabadda ee saldhiggeedu yahay waddanka Australia. Qiimeynta caalamiga ah ee lagu sameeyay heerka argagixisannimada ayaa dalka Nigeria kaalinta saddexaad ka galiyay 138 dal oo ka tirsan adduunka. Waddankan oo ah kan ugu shacabka badan qaaradda Afrika ayaa ku xigsaday dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan oo adduunka ugu horreeya dhinaca argagixisada. Nigeria waxaa ku xigay dalalka Suuriya iyo Baakistaan, halka Soomaaliya ay sare ugu soo kacday heerka dalalka ay saameynta ugu badan ka soo gaarto falalka argagixsannimada. Dalalka kala ah Hindiya, Yemen, Masar iyo Philipines ayaa sida ay isugu xigaan u kala galay kaalmaha 7-aad ilaa 10-aad. Kooxda Boko Xaraam ee fadhigeedu yahay Nigeria iyo Kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka howl gasha ayaa loo aqoonsaday iney ka mid yihiin afarta kooxood ee ugu halista badan caalamka. 10-ka dal ee ugu argagixisada badan qaaradda Africa: Nigeria Soomaaliya Masar Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo Liibiya Sudaanta Koonfureed Afrikada Dhexe Kaamiruun Suudaan Kenya Maxay warbixintu ka sheegtay Al Shabaab? Soomaaliya ayaa taariikhda ku gashay iney sannadkii 2017-kii noqotay waddanka sare u kaca ugu badan ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyada argagixisannimada ee guud ahaan dunida. Dhimashada ay sababeen falalka argagaixsada ayaa sare u kacay ku dhawaad 93%, iyagoo noqday 1,470 dhimasho, halkii ay sannadkii ka horreeyay ee 2016-kii ka ahaayeen 762 dhimasho. Tirada dhacdooyinka la xiriira argagixisannimada ayaa sidoo kale u kordhay si xoog leh, kuwaasoo halkii ay sannadkii ka horreeyay ka ahaayeen 248 dhacdo noqday 369 dhacdo, taasoo ah koror 49% ah. Inta badan falalka argagxisada ee ka dhacayay Soomaaliya ayaa lagu shegay kuwo ay geysaneysay kooxda Al Shabaab oo qura, taasoo mas’uul ka ahayd 92% oo ka mid ah dhimashooyinka ka dhashay falalka la xiriira argagixsannimada ee dhacay sannadkii 2017-kii. Kooxda kaliya ee marki laga soo tago Al Shabaab Soomaaliya ka geysatay falalaka argagaixisannimada ayaa lagu sheegay iney ahayd Jabhadda bariga Afrika, oo mas’uul ka ahayd 25 dhimasho oo sannadkii 2017-kii ka dhacday Soomaaliya. Qaran News
  25. Qorshe Masuuliyiin sarsare oo Mareykan ahi ka dhex wadaan Muuse Biixi & Farmaajo Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan. Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada. Safiirka Maraykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa sida aan xogta ku helnay, wuxuu kulankii uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kula soo hadal qaaday dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Laakiin warku ma xaqiijin jawaabta uu Farmaajo ka bixiyay soo jeedinta diblomaasiga Maraykanka ah. Laakiin danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal la mid ahi kii uu ku tagay Muqdisho uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la filayo inuu mawduucan dib u bilaabista wada hadalada kala hadlo Madaxweyne Biixi. Ergo ka socota Midowga Yurub ayaa iyaguna toddobaadkan dhammaaday waxay Madaxweyne Biixi kala hadleen dib u bilaabista wada hadaladaas, isagoo Madaxweyne Biixi u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay in la bilaabo wada hadalada. Si kastaba ha ahaate, dalalka caalamka ayaa dedaal ugu jira inay kulan isugu keenaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan weli la haynin wakhti cayiman oo ay wada hadalada iyo kulamadu bilaabmi doonaan maadaama oo aanay weli kalsooni rasmi ka helin labada Madaxweyne. Qaran News