-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay Wakiilkii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom ee ahaa in aan laga rabin dalka, kana sii shaqeyn karin. Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu u yeelay sida ay Soomaaliya dalbatay oo ahaa in laga beddelo Haysom. Hase ahaatee Yuusuf Garaad ayaa sheegay in taas bedelkeed aan loo baahneyn in dowladda Soomaaliya ay is mahadiso, taasoo ugala jeeday go’aankeeda iyo sida ay rabtay inuu u meel maray. “Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso, Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo” ayuu ku ku yidhi Yuusuf Garaad. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka dowladda Soomaaliya dalka uga eriday, una adeegsatay erayga (Persona Non Grata), taasoo aanay aheyn in loo adeegsado shaqaalaha Qaramada Midoobey, maadaama aanay Qaramada Midoobey aheyn dal, diblomaasiyiinteedana u baahneyn aqoonsi. Source
-
Hargeysa ( Sh. M. Network )-Abwaan Xasan Dhuxul (Laab Saalax) oo ah Aas’aasay Kooxda Xidigaha Geeska oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Somaliland caburin xoogan uu ku hayo Warbaahinta iyo Fanka ka jira deegaanada maamulkaasi. Abwaan Laab Saalax ayaa tilmaamay in ay Hargeysa xilliyada habeenkii ah dhac baahsan loogu geysto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay Ciidamada Boolisku aysan waxba ka qabanin dhibaatadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Abwaanka ayaa ka dhawaajiyay in mamaulka S/land uu dagaal kula jiro shacabka Hargeysa, islamarkaana loo adeegsanayo awooda maamulkaasi. Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan xarig iyo handadaad kula dhaqaaqa dadka ka soo horjeeda maamulkaasi. The post Abwaan Laab Saalax Oo eedeyn u jeediyay Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayay Warbaahinta ayaa marka hore Hambalyo u diray xubnaha cusub ee guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi oo shalay lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Madaxweyne Gaas ayaa ka dalbaday guddoonka cusub in ay ka shaqeeyaan qabsoomida doorashada Madaxweyne ee Puntland. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in doorashadaasi la qaban doono 8 bishan oo ku beegan Taaladada soo socota. In ka badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkaasi, kuwaas olole xoogan haatan ka wada deegaanada maamulkaasi. The post Madaxweyne Gaas Oo fariin u diray golaha wakiilada P/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa kordhiyay tirada ciidamada kaga sugan deegaanada Jubbada Hoose, kuwaasi oo dhawaan howlgal Wadajir ah qaadi doono. Saraakiisha ciidamada u hadashay ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo qorshaha howgalka ciidamada ay ka sameynayaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka JUbbada Hoose. Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Mooraal Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aaga Baar Sanguuni ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii ugu badnaa iyo qalabkooda, kuwaasi oo dhawaan howlgal Wadajir ah bilaabaya. Wuxuu sidoo kale sheegay inay guulo ka gaareen howlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano hoostaga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Dhawaanahaan Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga suganyihiin maamulkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa si cad u sheegay inaysan ku qanacsaneyn hanaanka uu dib u heshiisinta Kaxandhaale u marayo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo daah furay gogol nabadeed ayaa cadeeyay inay ka go’an tahay inay dib u heshiisiin dhab ah dhex marto beelihii ku dagaalamay Kaxandhaale, waxaase ka hor yimid qaar kamid ah odayaasha dhaqanka. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay sababta ay kaga hor yimaadeen gogosha uu fidiyay wasiirka arrimaha gudaha inay tahay in wasiirka uu ka qeyb galiyay wadahadalka dad aan matalaad ku laheyn beelaha dagaalamay. Waxaa kale oo odayaasha ay sheegeen inay taageerayaan wadahadal siinta dhinacyada dagaalamay, balse wasiir uusan casuumin odayaasha dhaqanka ee lahaa xalinta rasmiga ah, sida ay sheegeen. Dowladda Soomaaliya ayay ka dalbadeen inay arimahaasi wax ka qabato, maadaama odayaasha saxda ah aysan ka qeyb aheyn wadahadalada furmay. Wasiirka ayaa dhawaan ay u suuro gali weysay inuu tago deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu maleeshiyaad ay ku dagaalameen, waxaana odayaasha dhankooda ay wadaan dadaalo nabadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Soomaalia iyo inay xadidaan Duqeymaha lala beegsado Dagaalamayaasha Alshabaab. Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciiddamadda Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka. Madaxweyne Trump markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciiddamo dheeraad ah u soo diray Somalia , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan Duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya. Sarkaal la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay hawlgaladaasi gaabis noqdeen, tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis xilka ka degay bishii hore. Dhinaca kale, Saraakiil hore iyo Khubaro ka tirsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda oo la hadlay Tleefishinka NBC News waxay sheegeen inuu qorshahaasi abuuri karo Khataro ka timaado Ururadda Alqaacida, Daacish iyo kuwa kale. Source
-
Garowe (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ilaa xalay ay ka dhacayeen magaalada, kulamadaasi oo ay yeelanayaan musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in musharixiinta ay bilaabeen inay kala xod xotaan xildhibaanada sameynaya doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana xilkaasi u taagan inka badan 25 Musharax. Xalay siyaasiyiinta ku sugan magaalada Garowe ma aysan seexan, waxaana socda loolan adag oo ka dhex bilowday qaar kamid ah musharixiinta doonaysa xilka madaxweynaha maamulka Puntland. Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay musharixiinta isbadal doonka ah, waxaana la sheegay inay jireen dhaqdhaqaaqyo badan oo ay sameynayeen musharixiintaasi. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa shalay doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenka, waxaana natiijada ay muujisay in musharixiinta isbadal doonka ah ay heleen kuraasta guddoonka qaarkood Helida Mucaaradka ay heleen kuraasta ugu sareyso guddoonka baarlamaanka ayaa ka dhigeysa inay heli karaan xildhibaanadii codadkooda siiyay guddoonka baarlamaanka. Madaxweyne Gaas oo seddex jeer u horey u sheegay inuusan tartami doonin ayaa kamid ah musharixiinta doorashada 8 Janaayo tartameysa, waxaana uu dareemayaa colees weyn oo kaga imaanaya musharixiinta la tartameysa iyo siyaasiyiin aan tartanka ku jirin. Dhinaca waxaa maanta la filayaa in guddoonka baarlamaanka Puntland ay soo saareen magacyada guddiga ka shaqeynaya doorashada madaxweynaha maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, xoghayaha guud ee QM, António Guterres ayaa wada-hadal la yeeshay madaxda sare ee Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Sida aan xogta ku helnay, xogahayaha guud ee QM António Guterres, ayaa saddex good soo wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kala hadlay in dib loo soo celiyo Haysom, islamarkaana qaladaadka dowladda ay ka tirsaneyso si kale ama wada-hadal lagu xaliyo oo la saxo. Si kastaba, codsigaas ayaa la sheegay in Farmaajo uu ku gacan seeray, una caddeeyey Guterres in go’aanka Soomaaliya uu yahay mid aan kasoo noqasho lahayn, oo ku yimid si aan fududeyn oo aad loogu fiirsaday. Sida aan xogta ku helnay, waxyaabaha dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Haysom ku haysato arrimo ka ballaaran warqaddii uu soo saaray ee la xiriirtay dhacdooyinka Baydhabo, balse uu gaystay xadgudubyo ka dhan ah madax banaanida dalka. “Waxaa jira hadallo gef ah oo uu sheegay iyo warqado dhowr ah oo Haysom uu qoray oo ka dhan ah qarannimada dalka, oo dowladda aad uga careysiiyey, waana la caddeeyey Guterres arrintaas” Waxaa sidaas yiri il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Caasimada Online. Qaladaadka uu galay Haysom, ee dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres, ayaa waxaa ka mid ah; xiriiro uu la sameynayey gobollada dalka sida Somaliland, wasiiro ka tirsan dowladda oo uu si aan sharciga waafaqsaneyn uu ula xiriiray, iyo waraaqo Amnesty International uu u diray oo uu dowladda ku eedeeyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah. Guterres oo markii saddexaad uguna dambeysay Farmaajo taleefon kula hadlay jimcihii, ayaa la sheegay inuu ka quustay inuu beddelo go’aanka Farmaajo, islamarkaana garwaaqsaday in arrinta aysan xal kale lahayn, oo aan ka ahayn in la beddelo Haysom. Eedymaha loo haysto Haysom, oo aan si faah-faahsan u qornay markii la cayriyey, halkan ka aqriso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Guinea)-Xidhiidhka kubadda Cagta ee dalka Guinea ayaa hooyada dhashay laacibka Manchester United qadka dhexe uga dheela ee Paul Pogba u magacaawday safiirka kooxda Kubadda Cagta haweenka ee dalkaasi. Magacaabista Yeo Moriba ayaa imanaysa kadib markii ay kulan wada qaateen iyada iyo Mamadou Antonio Souare oo ah madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta ee dalkaasi. Souare ayaa ku raja weyn in Paul Pogba iyo mataanayaasha la dhashay ee Florentin iyo Mathias ay hooyadood ka caawin doonaan shaqadeeda cusub. Moriba qudheeda ayaa waxa ay ka mid ahaan jirtay kooxda haweenka qaranka ee Guinea. “Waxa aan ku faraxsanahay tallaabada ay qaadeen xiriirka Kubadda Cagta iyo madaxweynahooda ayay tiri Moriba,” Florentin iyo Mathias oo labaduba u soo cayaaray kooxda Syli Nationale ayaa waxa ay ku dhasheen dalka Guinea ka hor inta Moriba aysan u guurin Faransiiska oo ah halka Paul Pogba ku dhashay. Florentin ayaa markii ugu dambeeysay u cayaarayay kooxda Genclerbirligi oo ka dhisan dalka Turkiga, halka Mathias oo ah weeraryahan uu haatan u dheelo naadiga Tours oo ka dhisan dalka Fransiiska. Kooxda Qaranka Haweenka ee Guinea ayaanan waligood usoo gudbin Koobka Qaramada Afrika iyo Olimbikadaba. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday fariisin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Biyo Dageenka ee degmadaasi. Dagaalyahanno la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa soo qaaday weerarkaasi, waxaan xigay dagaal fool fool ah oo ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Mas’uuliiyiin ka tirsan maamulka degmada Heliwaa oo la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladda baaritaano kooban ay ka sameeyeen gudaha degmadaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-050119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
António Guterres, xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay in ay hey’addan dowliga ah mas’uuliyad ka saaran tahay xasiloonida Soomaaliya. “Xogheyaha guud waxaa uu si xoogan ugu howlan yahay sidii Soomaaliga uga caawin lahaa dadaallada ku aadan iney hesho nabad, xasilooni iyo barwaaqo” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal jimcihii ka soo baxay xafiiskiisa. Arrintan ayaa timid kadib markii uu sheegay inuu wakiil cusub u soo magacabai-doono Soomaaliya kadib markii ay Villa Somalia iska diiday wada-shaqeynta Nicholas Haysom. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sida ay qortay NBC, Mareykanka ayaa qorsheynaha inuu yareeyo weerarada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa uu sababta ku sheegay inay qabteen madaxda kooxda, tani waxaa ay qeyb ka tahay qorshaha Turmp ee lagu dhimayo ciidamada ka jooga caalamka. Go’aanka sababaha uu u qaatay waxaa ka mid ah, in Al-shabaab haddii ay khatar ku yihiin dowladda Soomaaliya iyo dalalka dariska in aaney ka dhigneyn inay khatar toos ah ku yihiin Mareykanka. Qorashaha micnahiisa waa in la yareyn doono ciidamada la dagaalanka argigisada, xooggana la saari-doono Russia iyo China. Sanadkii tagay, Mareykanka ilaa 47 jeer ayey duqeeyeen Al-shabaab halka 2017-kii ay aheyd 37. Mareykanka waxaa kale oo gudaha Soomaaliya ka jooga ilaa 500 oo qaabilsan tababarka iyo arrimo kale. Qorshahan cusub waxaa ku jira in CIA-da lagu wareejin-doono wixii duqeyn ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Warabixian ay dhawaan soo saareyn koox u dooda xuquuqda aadanaha oo dalka Britain fadhigoodu yahay, ayaa lagu sheegay in 4.5 milyan qof oo Somali ah ay u baahan yihiin in si deg-deg ah gargar loo gaarsiiyo ka hor inta xaaladooda xumaan oo ay macluul isku beddelin. Warbixintaan ayaa waxaa lagu sheegay in kala bar tiradaas ay yihiin carruur halka ku dhawaad barka kalana ay yihiin dad da’a ah oo aanan adkeysi fara badan u lahayn inay ku noolaadaan xaaladahaa abaareed ee ka jira Somalia. Sidoo kale, Waxay ka digeen in Somalia ay Sannadkan abaaro xoooggan oo galaafta nolosha Somali badan ay ku dhufan karto, maadama roobab badan oo ka da’i jiray geyiga Somalia ay baaqdeen. Dhanka kale, Warbixintaan waxaa lagu xusay in 2.6 kamid ah tirada guud ee 4.5 ah ay yihiin dad barakacayaal ah, ayna mudan tahay in Gargaar deg-deg ah lala gaaro si xaaladdooda sii xumaaneysa wax lagaga qabto. ”Haweenka, Caruurta, iyo dadka da’da ah ayaa u badan dadka ay halista ugu badan ay saameysay, waxaana jirta in nafaqo la’aan baahsan ay ka jirto Soomaaliya oo afar meelood meel kamid ah Soomaalida ay ku noolyihiin xaaladaahaasi aan ka hadalnay,” ayaa lagu sheegay warbixintaas. Ugu dambeyn, Waxay hay’aduhu waxay u baaqeen in gargaar dhaqo ah lala gaaro Soamlia, si bay yiraahdeen lagaga hortago abaarta Soomaaliya lagaga cabsi qabo. PUNTLAND POST The post Abaaro laga baqdin qabo inay sanadkan ku dhuftaan Somalia iyo Qaylo-dhaan la diray appeared first on Puntland Post.
-
Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Mareykanka ay ka wadaan gudaha Somaila, kuwaasoo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab, isla markaana ay kala bixi doonaan ciidamadooda Somalia, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhaw Aqalka Cad. Laba sarkaal oo ka mid ah maamulka sare ee Aqalka Cad ayaa Warbaahinta la wadaagay in Mareykanku uu ka fikirayo sidii uu ciidamada ka joogo dalka Somalia kala soo bixi lahaa, sidaa si la mid ahna uu u dhimi lahaa duqeynta ay Soomaaliya ka fuliyaan. ”Halista inaga soo wajihi karta Islaamiyiinta Somalia ka dagaalama waa mid yar, waxaana duqeymo ku dilnay madaxdii ugu sarreysay marar badan, xilligan waxaa la joogaa markii gabi ahaan aan ciidamadeenan kala soo bixi lahayn Somalia,” ayay warbaahinta gaar ahaan NBC u sheegeen xubnahaas ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka. Sidoo kale, saraakiishaas ma aysan sheegin xilliga rasmiga ah ee ciidanka Mareykanka laga saarayo Somalia, balse waxay u muuqataa inay waqti qaadanayso, maadaama weli ay awood yar tahay Dowladda Soomaaliya. Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in ciidammada ka joogo Suuriya uu kala soo bixi doono, kaddib markii uu sheegay inay guul ka gaareytn la dagaalanka Ururka Daacish oo muddo badan ka dagaalamayay dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Ugu dambeyn, Ciidamada Mareykanka ee Jooga Somalia ayaa waxay saldhig weyn ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo weerarro cirka ah oo ay ku dileen xubno badan oo Al-shabaab ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post MAREYKANKA: Waxaan qorsheynaynaa inaan ciidamadeeda kala baxo gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay oo sheegtay inay bedelayso ergaygii hore ee Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Somalia ay cayrisay ergaygii QM ee Somalia uga wakiilka ahaa ee Nicholas Haysom. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud uu dhawaan u soo magacaabi doono Somalia wakiil cusub oo badali doono Danjire Haysom. Xoghayaha Guud ee Qaramada Antonio Guterres ayaa aqbalay Go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay Wakiilkoodii u joogay Soomaaliya ee Nicholas Haysom. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka xun yihiin falkii ay Dowladda Federaalka Somalia ku eriday Ergayga, balse uu icholas Haysom yahay shaqi ay ku kalsoon yihiin oo khibrad leh. War-saxaafadeedka QM ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka dowladda ay u jartay wakiilkoodii Somalia u joogay ee ah (Persona Non Grata) uusan qaban hay’adaha QM, sidoo kalena loo isticmaali karin sida uu qabo heshiiska dublamaasiyadeed ee Vienna. Qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada, Antonio Guterres oo aad u dheeraa ayaa lagu xusay in QM sii wadi doonto Taageeraada dadka Soomaaliyeed, si dhibaatooyinka ay muddada lasoo daalaa-dhacayeen ay uga bixi lahaayeen. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ergaygii QM ee ay eryeen uu dhawr jeer ku kacay xad-gudubyo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyagujna ay u dul-qaadan waayeen falalkaas ka baxan hannaanka dublamaasiyadeed ee Dunida. Ugu dambeyn, Si kastaba go’aankii Dowladda Somalia ay o1-dii bishan dalka uga eriday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa dad badan is-weydiinayeen waxa ka dhalan kara halka kuwo kale ay taageereen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo Shaaca ka Qaadday inay Beddelayso Wakiilkeedii Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu dhimo kaalintii uu ku lahaa Soomaaliya iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NBC News oo soo xiganaya saraakiil sare. Tallaabadan ayaa saldhig looga dhigay qiimeyn uu saameyey maamulka Trump oo muujisay, in inkasta oo Al-Shabaab ay halis ku yihiin dowladda Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, haddana aysan halis toos ah ku hayn Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha la hadlay taleefishinka NBC News. Si kastaba, afhayeenka waaxda gaashnaadhigga Mareykanka, Candice Tresch ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “waxba iskama beddelin siyaasadda Mareykanka ee howl-gallada Soomaaliya, waana sii wadi doonnaa taageerada dowladda Al-Shabaab iyo beegsiga lagu wiiqayo Al-Shabaab.” Markii uu xukunka qabtay, Trump ayaa kordhiyey ciidamada ka jooga Soomaaliya, ee caawiya dowladda federaalka, islamarkaana duqeymaha beegsiga Al-Shabaab ka fuliyey deegaanada ay kooxdaas joogto. Hase yeeshee, kadib talo-bixin ka timid xoghayihii difaaca ee is-casilay Jim Mattis, waxaa milatariga uu yareeyey howl-galkii Soomaaliya, sida uu sarkaal sare u sheegay NBC News. Qeyb ka mid ah sababaha loo yareeyey howl-galka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay xubno badan oo sare ka dileen kooxda Al-Shabaab. “Waxaan dhihi lahaa bartilmaameedyadii ayaa naga dhammaanaya” ayuu yiri sarkaalka. Qorshaha cusub ayaa ah in ciidamada Mareykanka ee kooban laga soo saaro Soomaaliya, islamarkaana howl-galka duqeymaha lagu wareejiyo hay’adda sirdoona dhexe ee CIA-da. Pentagon-ka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ka joogaan 500 oo askari. Inkasta oo CIA-da fulin karto duqeymo, haddana waxaa meesha ka baxaya ciidamadii hagi jiray duqeymaha, sidoo kalena weerarada qaar ee dhulka ku caawin jiray ciidamada kumaandooska Soomaaliya. Militariga Mareykanka ayaa Soomaaliya waxa uu sanadii 2018 ka fuliyey 47 duqeyn, taasi oo ka badan 35-kii duqeyn ee ay fuliyeen 2017. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Awdheegle (Caasimada Online) – Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya ciidamo Mareykan ah oo galay degmada Awdheegle, ayada Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ay laba sheeko oo kala duwan shacabka u sheegeen. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ajnabi oo xulufu ah ay isku dayeen inay kooxdaas ka qabsadaan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegtay in dagaallo culus ay habeenkii jimcaha ku dhaxmareen dagaal-yahannada Al-Shabaab iyo ciidamo Mareykan ah oo ay la socdaan kuwa Soomaali ah. “Ciidamada huwanta ah ayaa waxa ay diyaarado uga soo degeen duleedka degmada Awdheegle kadibna iyagoo lugeynaya ayay qaab Infenteri ah ku galeen magaalada balse mar qura ayay xabaddu meel walba uga bilaabatay” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay si adag uga hor tageen weerarka ay ciidamada shirkadda Bancroft ee Soomaalida iyo ciidamada Mareykanka ku qaadeen degmada Awdheegle, kuna qasbeen in ay ka cararaan magaalada. Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa si kale u dhigtay howl-galkan, waxayna sheegtay in lagu laayay xubno ka mid ahaa Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay maleeshiyo ka tirsan kooxdaas. Madaxmed Ibraahim Barre, guddoomiyaha Gobolka Shabeelleda hoose, oo ay warbahainta soo xigatay, ayaa sheegay in uu Ciidanku ay bur-buriyeen goobihii ay Al-Shabaab kasoo maleegi jireen weerarrada iyo qaraxyada oo ku yaalla isla Degmada Aw-dheegle. “Tirada guud hadda ma hayno, laakiin Xalay markuu howl-galku dhacay illaa Afar meyd ah ayaa meesha yaallay, laakiinse tira ka badan ayaa jirta oo qaar xitaa lagu soo qabtay ayaa jira, dhaawacooda way la baxeen oo duurka ayay la galeen, ayuu yiri Guddoomiyhu. Guddoomiyaha Shabeellada hoose ayaa intaa ku daray in ay dib kasoo sheegi doonaan tirade dhabta ah ee ay Ciidanku dileen iyo xubnaha ay soo qabteen, howl-galkana uu kusoo dhammaaday guul iyo sidii loogu tala galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dubai (Caasimada Online) – Suuqa saamiyada Dubai ayaa maalinkii ugu dambeysay ee sanadii 2018 xirmay, ayada oo uu luumiyey 25% qiimahiisa, taasi oo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa ee suuqa, tan iyo xasaradihii dhaqaale ee dunida ka dhacay toban sano ka hor. Dalxiiska iyo iyo iibka guryaha ayaa si gaar aad u liitay, sanadikii 2018. Hoos u dhaca suuqa dhaqaalaha Dubai, ayaa ka mid ahaa kuwii ugu xumaa ee gaara dalalka Khaliijka iyo Carabta, ayada oo ay jiraan astaamo muujinaya in dhaqaalaha ilaha badan ku tiirsan ee Imaaraadka uu hoos u dhacayo. “Wax soo saarka mashiinada dhaqaajiya dhaqaalaha Imaaraadka ee ah; hantida ma guurtada iyo ganacsiga ayaa ahaa kuwa liita” waxaa sidaas yiri M.R. Raghu oo ah madaxa xarunta climb baarista maaliyadda Kuwait ee Markaz. Hase yeeshee xaaladda uma xumeyn sida sanadii 2008, markaasi oo suuqa saamiyada Dubai uu gaaray khasaare dhan 72% kadib markii xasaradihii dhaqaale ee dunida ay dhibaatooyin deymo la xiriira ku kiciyeen Imaaraadka. Suuqa saamiyada Qatar, ayaa aad uga wanaagsanaa Imaaraadka, waxaana uu dalalka carabta ku hogaaminayey dhammaadkii sanadka faa’iido 21% ah, inkasta oo muddo 18 bilood ah dalkaas uu ku jiro go’doon ay saareen dalalka deriska la ah ee uu hogaamiyo Sacuudiga. Dhaqaalaha suuqa Abu Dhabi ayaa isna koror 10% ku dhameystay sanadkii 2018. Suuqa saamiyada ugu weyn dunida carabta ee Sacuudiga ayaa sanadka ku dhameystay faa’iido 8.3% ah, inkasta oo bishii October uu asiibay hoos u dhacii ugu xumaa muddo saddex sano ah kadib markii weriye Jamaal Khaashuqji lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. “2018 waxa uu suuqa saamiyada Sacuudiga u ahaa sanad aan xasilooneyn, wuxuu ku bilowday si xooggan hase yeeshee hubanti la’aan siyaasadeed ayaa sababtay inuu dhibco badan lumiyo” ayuu Raghu u sheegay AFP. Sababaha ugu weyn ee khasaaraha suuqa saamiyada Dubai ayaa ah ayada oo uu hoos u dhacay iibka hantida ma guurtada ah, oo ay ugu wacan tahay dalabka oo hoos u dhacay iyo guryo ka badan kuwii loo baahnaa oo la dhisay. Iibka guryaha, oo ah 13% dhaqaalaha Dubai ayaa hoos u dhacayey tan iyo sanadii 2014, hase yeeshee wuxuu xoogaystay 2018-kii. Rubacii saddexaad ee sanadkii 2018, oo kaliya, ayaa qiimaha guryaha eee Dubai waxay hoos u dhaceen 7.4%, sida uu sheegay Bankiga dhexe ee Dubai. Saamiyada shirkadda Emaar, oo ah tan ugu weyn ee dhismaha ee bariga dhexe ayaa lumisay ku dhowaad bar qiimaheeda. Dhaqaalaha guud ee Dubai, oo aan ku xirneyn iibka saalidda ayaa la filayaa in sanadkii 2018 uu koray kaliya 2.3%, taasi oo ka yar 2.8% sanadkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Dhacdadii DFS dalka uga eriday 01/01/2019 wakiilkii QM ee Nicholas Heysom, ayaa ku soo beegmaysa dhacdo isla bisha iyo ayaantaas oo kale 01/01/1967, uu allaha u naxariistee duqii Magaalada Gaalkacyo uga eryay hay’ad samafaleed oo laga lahaa wadanka Maraeykanka. Dhacdadaan ayaa timid marka dadka shacabka Galkacyo ka muujiyeem diidmo iyo dareen ku aadan, hab dhaqanka hay’adaas oo faraha la gashay in dhalintii dooriso ayadoo keentay dhaqannadii reer Galbeedka wadanka. Xiligaas oo ay dadku aad uga shakisanaayeen Gaallada iyo dhaqamadooda in ay ka dooriyaan ubadkooda. Hay’adu shaqada ay u timid ayaa ahaa dhismaha dhowr iskool, oo uu ugu horeeyay in ay qaybo cusub ku daraan dugsiga Bardacad, oo xiligaas uu ka dhisnaa qaybta hore, ee wayadii danbe ahayd dugsiga hoose. Sidoo kalena waxaa ku jiray in ay tuullada Bacaadwayn oo dhinaca waqooyi ka xigta laga furo dugsi hoose. Hay’adu waxa ay daganayd guryo ku yaalay halka loo yaqaanau xeradii Daraawiishta, oo waagii danbe ciidanka Daraawiishta saldhiga u ahayd. Waxa ay hay’adu xiriir la yeelatay dhalinyaradii magaalada ee waxbarashada u oomanayd, ayagoo bilaabay in ay xaflado muusik iyo qoobka ciyaar ah ku qabtaan xaruntooda, khaas ahaan markii la soo gaaray xiligii Kirismaska. Akhbaartaas markay ku fiday magaalada, ayaa waxaa la soo gaaray habeenkii sanadka cusbaa 01/01/1967-dii. Habenkaas ayaa dhalinyaro ka mid ahayd xisbigii Great-ka ku soo wargasheen allaha u naxariistee duqii Gaalkacyo, Xusseen Ciid, in khaskii ugu wayna oo khamri, music iyo qoob ka ciyaari xaruntii hay’ada ka jiro, dhalintii baladkuna inbadan xertaas ku biireen. Xusseen Ciid markii akhbaartu soo gaartay, ayuu toos u soo aaday xaruntii, asagoo diidaya in la aqoonsado. Goobtii ayuu soo gaaray wax walba oo socdayna indhihiisuu ku arkay. Dhalintii oo ku jirta dabaaldagii, wixii loo dhigayna raqay, ayuu goob joog u noqday. Subaxii markuu waagu baryay ayuu golihii deegaanka Gaalkacyo shir degdeg ah u qabtay, isagoo u soo bandhigay wixii xalay uu soo arkay, iyo warbixinadii awal soo gaaray. Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa la isku raacay in sii joogitaanka hay’adani wax dan ah ugu jirin bulshada Gaalkacyo, dhalintoodana ka badbaadsadaan Gaallada. Duqii Gaalkacyo waxuu ku dhawaaqay go’aankii goluhu qaatay hay’adiina waxaa 01/01/1967-dii laga eryay Gobalka Mudug in ay ka shaqayso, ugana baxdo Gaalkacyo 24saac. Go’aankii waxaa loo diray dowladdii dhexe oo xiligaas uu RW ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xusseen, oo awalba soo diray hay’adaas in Gobolka Mudug waxbarashada ka caawiso. Muqdisho markii warbixintaas gaadhay ayaa waxaa soo hadlay RW Cabdirisaq Xaaji, asagoo xusaya in baahi loo qabay dhisida iskoollada, muhiimna ahayd in ay hay’adu dhamaystirto dhismayaashii ay balanqaaday. Duqii Magaalada ayaa ku wargashay RW Cabdirisaaq, khatarta ka wayn ee ay hay’adani u leedahay bulshada Gaalkacyo, aysanna ka laabanayn go’aanka ay qaateen. Arinta ku aadan hawlihii dhismayaasha iskoolada ahaa ee ay fulin lahayd Hay’adaanna ay ayagu waa reer Gaalkacyoodde dhabarka u ridanayaan, canshuurtoodana ku dhisanayaan iskooladooda. Rw Cabdirisaaq ayaa hadalkiisii kusoo afxiray, ‘’Wan idinkula xisaabtamaynaa haddaad ka soo bixi waydaan, waxa aad balanqadeen’’. Isla sanadkiiba canshuurtii reer Gaalkacyo waxaa laga dhisay iskoolka Bardacad qaybta dhexe iyo dugsiga hoose ee Bacaadwayn. Hay’adii iyo sharkeediina meeshaas ayay ku dhamaatay. Tani waxa ay noqotay waxyaaba lagu xasuusto allaha u naxariisto Xusseen Ciid iyo go’aamaduu qaatay intuu duqa magaallada Gaalkavyo ahaa. Sidoo kale waa cashar muujinaya Soomaalidu haddii ay rabto in ay waxqabsato in ay qabsan karto, haddii ay hesho dad kartideedii leh, una daacad ah waxa ay qabanayaan. Markaan u soo laabto in badan oo walaac ka muujiyay eryidda Nicholas Haysom, sidii kadabkoodu go’ayo, Soomaalida maanta ayaa ka waxtar badan tii 1967-kii haddii ayrabaan in ay waxqabsadaan, baryana wadan laguma dhiso, ee waa in naf iyo maalba loo huraa. Canshuurta Gaalkacyo haddi iskooladeedii lagu dhisayay 1967, maanta maalmul gobaleed dhan ayaan musqul dhisan Karin, oo leh hay’adbaan rabnaa in ay noo dhisto, ayadoo canshuurtii dadkana bangiyo lagu shubanayo, sidii wax ninkaasi shaqaystay. Dhaqanada noocaas ah weeye dowladnimada Soomaaliya waxa hortaagan, Soomaalina la rabo in ay ka wantowdo. W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid muciid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in seddex arin darteed uu dowladda Soomaaliya ugu taageeri waayay go’aankii ay ka qaadatay Nicholas Haysom. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay waxyaabaha keenay inuu taageeri waayo go’aanka dowladda Soomaaliya dalka uga eriday Danjire Nicholas Haysom. Qoraalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa u qornaa sida Hoose:- Saaxibkey ayaa i waydiiyey maxaad u taageeri waysay go’aanka lagu eryey Ergeyga Qaramada Midoobay. Sow ma ogid in Somaaliya ay Soomaali leedahay oo dal madax banaan nahay. Waxaan ku iri haa waan ogohay, laakiin sedex sabab ayaan u taageeri waayey 1- Hadii Soomaaliya ay Soomaali leedahay, shacabka reer Koonfur Galbeed ee la laayey waa Soomaali. Ninkuna wax kale dawlada ma waydiinin ee maxaa shacabkaas lagu dilay ayuu ka dooday. 2- Hadii u isagu Ajnabi yahay, taangiga Itoobiya ee Shacabka Baydhabo lagu dilay waa Ajnabi kale. Ajnabiga wax dilaya ka aamus ama taageer, kii maxaa loo dilay yirina ka qayli isma qabato. 3- Tan madaxbanaaninada, hadii madaxda qarankeena iyo xuduudaha dalkeena ay AMISOM ilaaliso oo Heysom markii la soo magacaabay ee uu dalka imaanayey, dawladeena lagala tashan, salaan sharafna uu ciidanka AMISOM ka qaatay, immigration isaga u gaar ahna uu ka soo degey, Madaxweynaheena warqado aqoonsi u dhiibanin, ciidan Qaramada Midoobay ka socdaahina ay ilaaliyaan xagee madaxbanaanida taalaa. Sow marka hore In dayaca sidaas na baday in wax laga qabto maaha. Ma filaayo in isaga iyo kuwa la midka ah wax looga qaban karo warqad sedex sadar ku qoran iyo mudaaharaad meelo laga abaabulay. Saaxibow anigu waxaanba u haystaa in qoraalka uu Heysom dawlada u diray uu ku doonayey in uu iyaga wax la qabto oo uu lahaa war nimanyahow baxarkaan ayaad ku jirtaane, isi sanceeya oo dhooqada lugaha kala baxa. Laakiin sida muuqata qolo aan u furi doonin ayaa kooxda talada haysa u rartay. Heysom ha tago ama ha joogo, su’aalaha iyo doodaha warqada ku qoran ee taciga xuquuqda bani’aadamka ka hadlaya kuwo haraya maaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
30-kii Deseembar 2018, Wakiilka qaramada midoobay ayaa warqad soo saaray. Ku socoto dowladda somalia, gaar ahaan wasaaradda arrimaha amniga. Dhaleeceyn iyo dhoocaar baa ku xusnaa. 12 Su’aalo taxan sidii imtixaan jaamacadeed baa ku sadareysnaa. Fajac iyo amankaag bay igu noqotay. Waxaan is iri ma macalin baa arday su’aalo weydiinaya?. Ma madaxweynihii dalkaa? Mayee, waa madaxii qaramada midoobay ee Soomaaliya wakiilka uga ahaa. Gardarranaa oo garxumaa ninkaas! Ma warbaa yaal! Anigoo ciileysan baan iska carraaabay. Illaa goormaa gaaladu Soomaaliya gumeysaneysaa su’aal aheyd baan isku tuuray. Saa jawaabti geed dheer aan laaci karin iiga shareertay! Cabbaar haddii ay kasoo wareegatay, baan barteeda Facebook booqday, mise dowladda soomaaliya ee dalka ka ceyrisay safiirka UN-ka baan qacdiiba indhaha ku dhuftay. Ma rumeysan, maxaa yeelay filan waa bay igu aheyd. Si fiican baan u aqriyay. Hadal macquul baa meesha iiga muuqday, mise warqadda maba shaabadeysana!, shakigii baa shab igu yiri. Ma sii fadhin, warkan cadeyntiisa ayaan ugu tub iyo ceel joogsaday. Sidii canug wax uga dhumeen ciidda baan u raadiyay. Asxaab akhbaaraha aad ula socda, ayaan is maqalnay. Si lamid ah warqaddii unbay arkeen. Si baan ugu faraxsanaa, si kalena waan u walaacsanaa. Wareer cawo waa loo waa bariistaa ayaan warkeyga kusoo koobay. Wixii dhab u jirana cakaaruu imaan. In door haddii la joogay, akhbaar kalaa iisoo dhacday. Xaqiijinta warqadi bay aheyd, walaaci I hayay la iiga haatiyay. Ashqaraar bay ila aheyd. “Goormuu beer lafo yeeshay”, baan is iri. Maankayga waan ku hashiisiin waayay, in madax Soomaali ah inay mas’uul qaramada midoobe dalka ka masaafurin karaan, wallow madaxdan, madaxdi hore aheyn,haddana maladeedu meel fogbay joogtay. Soomaali badan bay la noqotay sida in maalin xorriyad oo kale tahay, 30 sano kadib. Awood soo laabatay baa muuqatay. Madaxdi hore madaxd ka duwan baa la yiqiinsaday. Gunnimo aad ku dhergantahay gobonnimo gaajo ah ayaa dhaanta baa lagu alalaasay. Nickolas Heysom, rugcadaa UN-ka magac ku leh buu ahaaye. waddamo badana ayuu ergay kasoo noqday. laakin, cawo kasta ciid ma ahoo, Soomaaliya ayaa cashar loogu dhigay. Himilo iyo rajo cusub ayaa imaantinkiisa iyo eryiddiisa ka dhalatay. Go’aanku wuxuu ahaa mid xaraar ah .Geesi mooyee giiraale loogama fadhin. Ogow geesinmaduna waa inyar oo aad cagaha dhulka ku heysid. mararka qaarna guushu waxay kasoo go’daa isbiimeynta. Ma is tiri tiibaa dhacday?! Waxaase taas kasii darnaa, warbaahinnadii caalamka ugu carrabka dheeraa baa cinwaan ka dhigtay ”Dowladda Soomaaliya oo ceyrisay safiirkii UN-ka”? Oo maxay u ceyrin weyday? Ma gunnimaa weligeed la hoos joogayaa?. Maamuus iyo magac baa caalamka kasoo noqday. arrin sheeko iyo shaahid toona soo marin bay noqotay. Karaamada bini-aadamka waa shey qaali ah. Ilaahbaa qur’aanka nooga tilmaamay. Ma ahan mid lagu baayici karo beeso yar. Waa baahanahay baqtiga looma cuno. Soomaalida waxaa lagu yiqaannaa qab iyo isla weyni marka ay timaado shisheeye, laakin qabyaalad baa qabkii ka qaaday, oo kala ququbay, dunidana loogu quursaday. Wa billow fiican bedel u noqon kara bahdilaaddii la soo maray. Waa go’aan fiican caalamka tusi kara in Soomaaliya gobonnimo dooratay. Waa cashir ergada imaan doonto maanka ku heyn doonto. Inyar oo madaxda dowladda uurka ka neceb mooyee, inta badan waa lasoo dhoweeyay. Maxaase xigi doona? Bal dhowr! W/Q Abdinasir Safaana Email: safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu sheegay in xoghayaha Guud uu aqlabalay Go’aanka Dowladda Federaalka ay ka qaadatay Wakiilkii gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom,kaasoo ahaa inaan dalka laga rabin kana sii shaqeyn Karin (persona non grata). Wuxuuna Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres sheegay inuu soo magacaabayo Wakiil cusub oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Xoghayaha Guud wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabay Mr. Haysom,islamarkaana uu ahaa shaqsi khibrad leh oo la ixtiraamo lehna door hoggaamineed oo muhiim ah. Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda ee (Persona Non Grata) aanay qaban xubnaha Qaramada Midoobey, loona isticmaali karin shaqaalaha UN-ka, sida uu qabo heshiiska Diblomaasiyadda ee Vienna ee 1961, balse arrintaas ay tahay mid loo adeegsado wadamada, sidoo kalena aanay Qaramada Midoobey aheyn dal. Waxaa uu xusay in dadka mas’uuliyiinta ee Qaramada Midoobey aanay u baahneyn aqoonsi, kuna hoos shaqeeyaan oo kaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed kaalmaha hore kaga jiraan dalalka baahiyaha weyn u qaba taageerida Qaramada Midoobay,waxayna Qaramada Midoobay shaacisay iney sida ugu haboon u gudaneyso fulinta taageeradeeda Soomaaliya The post QM oo aqbashay go’aankii Dowladda Federaalka ay ku ceyrisay Wakiilkeeda Somalia appeared first on Shabelle. View the full article