-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo waxa uu kula kumay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo kamid ahaa waftigii ka qayb galay caleemo saarkii madaxweynaha Koonfur Galbeed. Farmaajo iyo Karaash ayaa ka wadahadlay sidii loo hagaa jin lahaa xiriirka dowladda federalka iyo Maamulka Puntland oo mudoo yinkii udambeeyay aan wanaagsanayn . Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay haladlkii ka soo yeeray madaxweyne Siciid C/lhaahi Deni ee ahaa in uu raacayo Dastuurka Puntland iyo waxa uu ka qabo xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland . Tan iyo intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Puntland C/wali Cali Gaas ,waxaa aad uxumaa xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ,waxayna maamul goboleedyadu ay dowladda ku dhaliilayeen in ay baal martay Dastuurkii dalka ayna xaqirtay xuquuqdii maamul goboleeedyada . Caleema saarkii madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa waxaan ka qayb galin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Jubbaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan 10-ruux oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab maanta ku dhex-maray deegaan ku dhaw Daynuunaay oo u dhexeysa Baydhabo iyo Buur-haaba. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta aya asheegay inay arkeen dhimashada iyo dhaawac ciidammo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena ay ku arkeen goobta lagu dagaalamay laba gaari oo kuwa ciidanka ah oo la gubay. Dagaalka ayaa Qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya ah oo ku socday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub kala duwan oo dhawaqiisa laga maqlayay deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu dagaalku ka dhacay. “Waxaan arkay dhimashada tiro badan Toban ruux oo u badan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ka tirsanaa, waxaana sidoo kale arkay dhaawacyo badan oo lasii waday,” ayuu u sheegay warbahainta mid ka mid ah dadka deegaanka oo intaas ku daray in tiro shacab ah ay waxyeello kasoo gaartay dagaalka. Sidoo kale, Tiro dhaawacyo ah oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa la geeyay xarunta ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed, halkaasoo lagu daweynayo, balse taliska ciidamadu ma sheegin tirada dhaawacyada lasoo gaarsiiyay. Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab sheegtay inay dagaalkaas ku dileen in ka badan 57 askari oo Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen, inkastoo aysan sheegin khasaarihii dhankooda kasoo gaaray dagaalka oo ahaa mid culus. Ugu dambeyn, Inkstoo aysan Taliska Ciidanka AMISOM ka hadlin khasaaraha uu dhaliyay dagaalka maanta ku dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa Ururka Al-shabaab dulleedka Baydhabo, ayaa haddana wuxuu imaanayaa xilli laba casho ka hor ay Baydhabo ka dhacday caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee maamulkaas C/casiis Lafta-gareen. PUNTLAND POST The post Dagaal khasaara fara badan dhaliyay oo ka Dhacay Deegaanka Daynuunay ee Gobolka Bay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa lagu waramayaa inay ku dhawaaceen Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada degmada Hodan ee gobolka Banaadir qaybo kamid ah degmadaasi. Gudoomiyaha oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Hadafow ayaa la sheegay inay rasaasta ka haleeshay qaybaha sare ee Jirdkiisa, isaga oo loola cararay goobaha caafimaadka, halkaasi oo lagu dhabiibayo. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawaca Gudoomiye Xuseen uu yahay mid halis ah, maadaama dhowr xabadood ay haleeshay. Kooxihii falkaan ka dambeeyay ayaa lasoo wariyay inay ka baxsadeen goobta ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amniga. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo ku aadan toogashadda lagu dhaawacmay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada kamid ah degmadaasi. The post Kooxo hubeysan oo dhaawacay mas’uul ka tirsan D/Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa (PP) ─ Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa maanta oo Jimco ah meel-mariyay sharci cusub oo Qaxootiga ku nool dalkaas siinaya xuquuqo dheeri ah oo ay ka mid tahay inay ka shaqeynsan karaan gudaha dalkaas. Sharcigan ayaa waxaa qodobbada ku xusan ka mid ah; In Qaxootiga dalkaas ku nool ay xaq u leeyihiin in Itoobiya ka shaqeystaan iyo in carruurtoodu ay wax ka bartaan iskuulada dowladdu ay leedahay, In Qoxootiga Itoobiya ku nool ay ku dhex-safri karaan gudaha dalkaas oo ay tegi karaan meel walba oo ay doonaan, halka markii hore ay xeryawha ku jiri jireen. Waddanka Itoobiya ayaa axaa ku nool qoxooti ka badan hal milyan oo ay ku jiraan Soomaali fara badan, waxaana sidoo kale xeryaha Qoxootiga dalkaas ku jira laba milyan oo qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo deegaannadoodii uga soo barakacay siyaabo kala duwan. Sidoo kale, Sharcigan la ansixiyay ayaa waxaa ayiday inta badan Xubnaha baarlamaanka Itoobiya, inkastoo ay jiraan xildhibaanno yar oo kasoo hor-jeestay, kuwaasoo sheegay inay ka walaacsan yihiin inay la wareegaan gabi ahaan shaqooyinka Itoobiya. Tallaabadan ayaa waxay dhabbaha u xaaraysaa in dadka Qoxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaas. Iyadoo Qoxootiga Itoobiya ku nool ay soo dhaweeyeen sharcigan cusub ee u ogolaanaya inay ka shaqeynsan karaan meel walba oo ay doonaan. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay albaabada u furaysaa inay ka baxaan ku tiirsanaanta ay ku tiirsan yihiin hay’adaha qoxootiga caawiya ee dalkaas ka shaqeeya, iyagoo heli doona dhaqaale ka badan midka ay hadda helaan. Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee Qaaradda Afrika ku yaalla ee ay ku nool yihiin Afrika ugu badan marka laga yimaado Uganda, waxaana inta badan qoxootiga ku nool ay u badan yihiin kuwo ka cararay Coladaha ka taagan dalalka dariska ah oo ay ka mid tahay Somalia. Qaar ka mid ah Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Itoobiya oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan sharcigan ay maanta ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya, taasoo ay xuseen inay suuro-gelinayso inay u shaqo tagaan meel ka baxsan xeryaha qoxootiga ee ay muddada dheer ku noolaayeen. Ugu dambeyn, Sharciga Qoxootig ee la ansixiyay ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu baarlamaanka Itoobiya meel-mariyay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa isbedellada uu la yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahmed. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Itoobiya oo Ansixiyay Sharci Xuquuq Dheeri ah u Ogolaanaya Qoxootiga appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galabeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay dhaawacyo badan oo ciidan Itoobiyaan ah. Ciidankan ayaa ku soo dhaawacmay dagaal saaka ka dhacay inta u dhexaysa dagmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo oo halkaasi ku dhaxmaray Al-Shabaab iyo ciidanka Itoobiyaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca lageeyay xarunta taliska Amisom ee magaalada Baydhabo, si looga dabiibo dhaawacyada ay qabaan. Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dhawacyada hase yeeshee waxaa la sheegay in dhowr baabuur lagu geeyey. Dhanka kale ciidamo Itoobiyaan ah oo gurmad ugu socday halka dagaalku saaka ka dhacay yaa la kulmay miinooyin waddada lagu saasay, waxaana xigay dagaal toos ah sida ay ku waramayaan dadka deegaanka. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ciidamada Itoobiya ay ka dishay 57 askari. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya markii jabka uu gaaray ay dhibaato u gaysteen dad shacab ah oo ka agdhawaa halka dagaalku ka dhacay oo ay sheegeen in ay ahaayeen beeralay iyo xoola dhaqato. Ciidanka Amisom ayaa dhibaato gaarsiiya shacabka Soomaaliyeed marka ay dhibaato kala kulmaan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo Amisom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
بسم الله الرحمن الرحيم اللهم ولي أمورنا خيارنا و لا تولي امورنا شرارنا يا رب العالمين. MAXAA UARAYA?? MARYA ALOOL/ MELEESHIYA?? Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay aabo baha badan leh oo bahina bah la baaxad ahayn lana baahi ahayn. Waxaanu ilaah ku abaalariyaa sidaa uu ugu qasooraa Waxaana ku waajib ah in bahina saloogin sida xeedhada loo wadaagayo. Waxaa ku waajib ah inaanu bahna bah u maqal. Waxaa ku waajib ah inuu bahaha wax boobaya kuwa laba gacmoodinaya kuwa hoosta wax ka siibaya kuwa meel laba bahood fadhiisanlahayd keligood fadhiistay iyo kuwa debada meeraya oo meel ay maraanba waayay iyo qaar weligoodba quus ahaa inuu cadaalad ku simo. Tabashada Bahda West Burco Clan: Beeshani si mug iyo miisaan leh aya gacan libaax ugu shirtay Waxaa ka soo baxay go’aan Gobolada oo dhan laga soo dhaweeyay oo lagu amaanay. Waxay samaysteen Guddi hormood ah oo loo xilsaaray inay la kulmaan ugu horrayn Madaxweynaha JSL. ayaga oo kala hadlidoona murtidii 8 qodob ee la goaamiyay. DAREENKA KA DHASAHY INUU MADAXWEYNUHU LA SHIRIWAAYO GUDDIDII SHIKRA LAGA MAGAACAABAY EE UU LA SHIRO QAYB KA MID BULSHADII SOO MAGACAWDAY. Kulankani wuxuu bulshadii West Burco Clan ugu muuqday inaan madaxweynuhu shirkii Bahda West Burco Clan , guddidii la magacaabay iyo go’aamadii ka soo baxay aanu midna tixgelin u hayn. Shirkan balaadhani ay madaxdhaqameedku hogaaminayaan wuxuu cilmi ku fadhiyilahaa ayada oo ay Madaxweyanha iyo Guddidii Bahda West Burco Clan is mariwaayeen. Taasina sida la sheegay may dhicin waayo Guddidu way hadashay ayaga oo aad u diidan sida madaxeynuhu tasarrufay. Haddaba halkee sartu ka qudhuntay? Ma madax dhaqameedka ayaa ka dulbooday Guddiddi sharafta weyn lahayd ee shirka taariikhig ah laga magacaabay? Ma madaxweynaha JSL ayaa guddida diidanoo sidan doortay? Taasi waxay keentay in bahda West Burco Clan ay madaxweynaha ka qaataan dareen ah : TAA DOONTAAN MAAHA EE WAA TAAN DOONAA. Waxaa run ah in awoodda fulineed ee qaranak ay madaxweynaha gaar u tahay. Ha yeeshee waxay bahaha somalilaand oo dhami ka simanyihiin isu tanaasulka iyo isqancinta: Xikmadda eebeheen siiyay bulshada JSL waxay salka ku haysaa: WAAR YAADHAHEEN ITAAL KEENNI WAA KAA SIDAASAANA WAX IIGULA MUUQDAAN EE MAXAY IDINLA TAAHAy. Waxaa hubaal ah in qof waliba isga oo raaliya oo qanacsan uu albaabka ka bixilahaa. Xikmadddan Waata Somaliland ku caana maashay ee ay cidwalba dheertahay ee ay dhiidhiwalba kaga baxdo. Dhibaatooyinka Jira: Shirkii gudidaa sharafta mudan la iska baydhiyay waxaa loo qaatay iska horkeen bahdan West Burco Clan. Mujaahidkii weynaa ee Maxamed Abdilqaadir ma dhabaa Caarruu ku beeray? WAR HASHU MAANKAYGI GADEE MA MAANSAARBAY LIQDAY . SIDEEBAAN U RUMAYSTAA: Madaxweynaha JSL Mudane Muse Bixi Abdi oo ka mid ahaa sarakiishii dalkan naftooda u horay ee dhib waliba ka soo martay ee dhaqanka ummaddiisa aan cidi uga aqoon badnayn ee aan arkay isaga oo hadalku ku dhego oo ilmo iska duugaya markuu ka sheekaynayo mujaahidiinta shaheedday Iyo goobaha la isku weeraray. Ayaa mabda’ ka dhigtay kala dhawayso bahahan aad sidii waalidkood xilkooda ilaah ku saaray . Hadday dhab tahay WAA IF IYO AAKHIRO SEEG ,HADDII KALENA WAXBA KU QAADANMAYSO XALINTOODU. Ma waxaan rumaystaa kala qaybsanaantii SNM ta iyo dhacdooyin ka dambeeyay ayaa raadad kaaga sii hadhsanyihiin adiga oo ah Madaxweynaha JSL?. Maxay tilmaamaysaa,Madaxweyne, Mujaahidkii weynaa ee Casayr Abdilqadir baa Jabhaddii Caarre taageeray waqti JSL u halgamayso ictiraaf raadin?? Isfahamkii axsaabta siyaasadeed maxaa adkeeyay?. Madaxweyne ninka ka soo horjeesta ee xikmaddan hoose ku qanciwaayaa isagaa xun dibna aan wax loo weydiinayn. Haddii se ay adiga oo Madaxweyna ay kugu adkaato inaad bahahan ilaahay madaxda kaaga dhigay aad sidan oo kale u qanciso oo aad ficiltanto ama aad hansalba ka qaadiweydo WAXAAN ISLEEYAHAY WAA WAX QARANIMADEENAN CURDINKA AH EE CADAWGA BADAN LEH AAD U WIIQIKARTA. Waa inaad qofwalba uga baqasho badataa ilaalinta danta qaran ee JSL. Taageero igu filan , dood iyo dagaalba, waan haystaa oo cidii I raaciweydana dani igama hayso cilmi iyo caqlitoona kuma fadhido. Xikmaddan hoose waa mid eebeheen inagu guulaystay. “WAAR YAADHAHEEN WAXAA I WEYDIISEEN WAA WAXAA ITAAL KEENINA WAA KAA, SIDAASAANA WAX IIGULA MUUQDAAN EE MAXAY IDINLA TAHAY” Madaxweyne bal xikmaddan sare MAAD ku tijaabi Guddida West Burco Clan ee lagu soo magaacaabay shirkii baalaadhnaa ee taariikhiga ahaa ee Gacan libaax. Waxaan filayaa in dhibaatooyinka jira ay dhamaantood hal u tahay. Waxaanan filayaa inaan waddadaa waddo aan ahayn aan xal waara lagu gaadhayn. Waxaan filayaa wasiiro cusub oo la magacaabo ama si kale hoos hoos oo rag loola kulmaa inaanay manta waxba tarayn. Wa billahi towfiiq. Xil. Hussein Ismail Yusuf Source
-
Guddoomiyaha WADDANI oo la hadlaayey Idaacadda BBC qeybteeda Af Soomaali ga ayaa waxa uu yidhi: Somaliland talo wadaag baa lagu waday, waana ayaan darro in laba Xisbi yidhaahdaan anaga ayaa Doorasho qabsanayna, arrintaasina waxa ay dhaawac ku keeni doontaa midnimada iyo wada-jirka shacbiga. Waxay dhaawac weyn ku keeni doontaa xasiloonida iyo nabad-gelyada dalka. Waxaana ay taasi ku tusinaysaa in Somaliland u socoto xaggii keli talisnimada. Laba Xisbi haddii ay go’aansadaan in ay 50% ka tashadaan dadka waxa iman doonta markaana in la kala tashado. Xisbiga WADDANI na noqon maayo daawade in laba Xisbi ay dalka Doorasho ka qabsadaan. Source
-
Gedo (Sh.M.Network) – In ka badan 300 Barakacyaal oo horleh ayaa gaarey degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Bakaracyaashaan oo halkaaso dib udejin loogu sameeyay ayaa wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolasho ah. Mid kamid ah dadka kusoo barakacay degmada Buurdhuubo oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa codsaday in gargaar deg deg lala soo gaaro. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/DF.mp3 The post Xaalada Barakacyaasha Buurdhuubo oo laga deyriyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Cameron)Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières MSF ayaa waxa ay sheegtay in kumannaan qof ay isaga qaxeen waqooyi bari waddanka Nigeria iyagoo u cararay dalka dariska ah ee Cameroon, kaddib markii uu Isniintii halkaasi ka dhacay weerrar argagixiso. Sida ay sheegayso hay’adda MSF, 8000 oo qof ayaa waxa ay isaga carareen magaalada Rann ee gobolka Borno kaddib markii ay halkaasi la wareegeen maleeshiyaadka. Bayaan ay soo saartay Arbacadii ayaa MSF waxa ay ku sheegtay in dadkii weerrarka ka badbaaday ay bilaabeen inay lug ku soo gaaraan magaalada Bodo ee waqooyiga dalka Cameroon, kaddib weerrarkii Isniintii. Dadkaas ayaa soo qaxay kaddib markii maleeshiyaadka ku sugan magaalada Rann ay gubeen guryo iyo bakhaaradda cuntada lagu kaydiyo. Macluul daran oo ka taagan dalka Ma ay kala cadda in weerrarka uu soo qaaday garab ka tirsan ururka Boko Xaraam ee gacansaarka la leh Daacish ama in kooxda kale ee uu hogaamiyo Abuubakar Sheekau. Walow milaterigu uu sheegay inuu magaaladaasi dib u qabsaday maalintii Talaadadii, haddana MSF waxa ay rumaysan tahay in tirada qaxootiga ay gaari doonto 15,000 oo qof. Magaalada Rann, oo hoy u ah dadka gudaha ka soo barakacay ee dalkaasi ayaa dhowr jeer la weerraray sanadkii tegay. Maleeshiyaadka ayaa bishii Maarso waxa ay dileen saddex qof oo ka tirsan howlwadeennada gargaarka halka ay saddex kalana afduubteen; kuwaas oo laba ka mid ah ay markii dambe dileen. Magaalada Rann ayaa waxaa markale la bartilmaameedsaday bishii Diseembar ee sanadkii aynu ka soo gudubnay. Source
-
(SLT-Washington)Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u dhigay safar ay gudoomiyaha aqalka Kongarees-ka maalmaha soo socda ku tegi lahayd magaalada Brussels iyo dalalka Afgaanistaan iyo Masar, waxaa uuna go’aankaasi sabab uga dhigay hakinta ku timid qayba ka mid ah adeegyadda dowladda. “waxaan hubaa in dib u dhigista xafladan xiriirka dadweynaha ah ay tahay mid munaasab ah” Madaxweyne Trump ayaa sidaasi ku sheegay warqad uu qoray. Mrs Pelosi ayaa ugu baaqday Madaxweyne Trump habeenkii Arbacadda in uu dib u dhigo khudbadda sanadlaha ah ee dadweynaha Maraykanka uu u jeediyo marka la fiiriyo ismari waaga siyaasadeed. Tallaabadan uu Madaxweyne Trump qaaday ayaa ku soo aadaysa maaliinkii 27-aad oo qaar ka mid ah adeegyadda dowladda ay xiran yihiin. Madaxweynahan ka tirsan xisbiga Jamhuurigga ayaa doonaya in aqalka Kongareeska uu meelmariyoo $5.7bn oo doolar oo ah dhaqaale lagu dhiso darbi dhexmara xadka Mareykanka iyo Mexico, hasayeeshee waxaa arrintaasi diiday Dimuqraadiyiinta. Dib u dhigista safarka gudoomiyaha Aqalka Wakiillada ee Xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo ifbaxday wax ka yar saacad ka hor inta aysan safarkaasi u amba bixin, sida ay ku waramayaan warbaahiinta Maraykanka. Warqadda safarka lagu joojiyay ayaa waxaa barta bulshada ay ku kulanto ee Twitter soo dhigay, afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders. “waxaan dareemayaa in xilligan hadda la joogo ay wanaagsaan lahayd in aad Washington ila joogtoo oo aan ka wada xaajoonno kana qayb qaadatid dhaqdhaqaaqa lagu xoojinayo ammniga xadka laguna soo afjarayo khilaafka taagan,” waxaa sidaas warqada ku qoray Mr Trump. “waxaan rajeynayaa in mardhaw aan kulmi doono oo aan ugu dambeeyntii eegi doono xududahayaga furan ee khatarta wajahaya ee koonfuurta, inagoo dareen gaar ah siinayna, maalgelinayna siinaynana ahmiyadda amaan ee ay leedahay.” Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ayaa waxaa uu warbaahinta dalkaasi u sheegay in madaxweynaha ay u suuragashay in uu hakiyo safarkii ay Mrs Pelosi iyo wefdi ka socda aqalka Kongareeska ay ku tegi lahayeen dibadda sababtoo ah waxay isticmaali lahayeen diyaarad uu milatariga leeyahay. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in 9 ruux ay usoo xireen tuhun ku aadan inay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaaday Hoteelka DusitD2 ee ku yaala Galbeedka magaalada Nairobi. Sirdoonka Kenya ayaa dadka lasoo xiray weydiiyay su’aalo ku aadan doorka ay ku lahaayeen, inkasta oo aysan wali soo bandhigin magacyadda shaqsiyaadka ku jira gacanta hay’addaha nabad-gelyada. Ku dhawaad 21 ruux ayaa la sheegay inay ku geeryootay weerarkaas lagu beegsaday Hoteelka, kaas oo ay mas’uuliyadiisa dhabarka ay saaratay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Booliska ayaa shalay tilmaamay in gudaha Hoteelka ay kasoo saareen haraadiga waxyaabaha qarxa, xili xukuumadu ay ku goodisay inay jawaab deg deg ah ay ka bixinayso duulaanka kooxda Al-Shabaab. Alshabaab ayaa weeraro ka geysta gudaha dalka Kenya,balse weerarkii hotelka Dust D2 ee todobaadkan ayaa ku soo beegmay sanad guuradii 3aad weerarkii Ceel cade oo lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa Milatariga dalka Kenya. The post Kenya oo 9 qof uxirtay weerarkii Hoteelka Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Sida ay ku waramayaa illo degaanka ah, waxaa degaanka Ceel-baraf oo hoos-taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay dilal salka ku haya Aannooyin qabiil. Illaa iyo Lix qof ayaa la tilmaamay in xalay lagu dilay halkaas, iyadda oo la dhaawacmay shan kale. Wararka ayaa intaas ku daraya inay taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaan, iyadda oo ay socoto isku hub-uruursasho. Hasa yeeshee, waxaa barbar socda dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo oo ka kala imaaanaya dhinacyo kala duwan. Wafdi ka socda dowlada dhexe ee Soomaaliya oo kasoo kicitamay dhinaca degmada Mahadaay ayaa la sheegayaa inay halkaasi kusii jeedaan. Ma jiro wax war ah, oo ku aadan dilalkaan salka ku hayo Aanooyinka qabiil ee udhaxeeya labo Maleyshiyo beleed, oo kasoo baxay illaa iyo haatan maamulka HirShabelle iyo midka gobolka. The post Xiisad ka taagan Degaan hoostaga gobolka Sh/Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-18012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay 57 askari ka dileen ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom, meydadkana gacanta ku hayaan kadib weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhano iyo Buur-hakaba. Weerarka oo ku bilawday qarax Miino oo ciidanka Itoobiya lagula eegtay aagga Buundo Madow ayaa haleelay gaari nuuca xamabaara ciidanka. Waxay sheegeen Shabaab in sidoo kale khasaare dhaawac ah gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya, islamarkaana ilaa Todobo gaadiidka dagaalka ah ay la wareegeen. Ururka Al Shabaab gaar ahaan guutada jugta culus ayaa ku faanay inay madaafiic ay ku garaaceen saldhigga ciidanka Itoobiya ee Degmada Buurhakaba, halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen ciidan gurmad ah. Ciidanka la weeraray oo gurmadyo kala duwan ay soo kala gaareen ayaa bilaabay hawlgal ay ku raadinayaan Shabaabkii weerarka la eegtay, waxayna doonayaan inay ka aar gutaan Shabaab. Ilaa hadda saraakiisha Itoobiya weli kama aanay hadlin weerarkan Mintidiinta Al Shabaab ay ku sheegteen inay ku dileen 57 askari. Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidanka dowladda Itoobiya ee Qaraxa lala beegsaday. Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda waxa ay u dhigaan qaraxyada Miinooyinka ee waxyeelada gaarsiiya Ciidankaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar dabagal ah ku qaaday Kolanyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya iyo milatariga Soomaaliya oo marayay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay. Weerarka oo ku bilowday qarax nooca Miinada ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay iska hor-imaad toos ah oo dhex-martay labada dhinac, taasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab oo baraha ay ku leedahay Internet-ka uga hadashay dagaalkaan ayaa sheegatay inay weerarkaan jidgalka ah ay ku dishay ku dhawaad 57 kamid ah ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM. Illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka gobolka ee hoos-yimaada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Kolanyada la wareeray ayaa kasoo baxday xero ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba, iyaga oo kusoo wajahnaa magaalada Baydhabo ee xarun KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed. The post Dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Baay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Addis-ababa) Qaxootiga ku nool Itoobiya Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanayo qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah. Waxyaabaha ku xusan hindise-sharciyeedka waxaa kamid in dad qaxootiga ee ku nool xeryaha qaxootiga inay xaq u leeyihiin in dalkaasi laga shaqaaleysiiyo iyo in carruurtooda ay wax ka bartan Iskuulada dowladda. Hindise Sharciyeedka ayaa dhigaya in qaxootiga ay helayaan xoriyad ah inay tegi karaan meel kasta oo Itoobiya ka tirsan oo ay ka bixi karaan xeryaha. Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan milyan qof oo kasoo qaxay dalalka deriska halka 2 milyan qof oo kasoo barakacay gudaha dalka ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga. Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibaanno aanan tiradoodu badneyn inkastoo qaar kamid ah ay muujinayaan walaaca ah in qaxootiga ay la wareegi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay dadka Itoobiyaanka ah ee aanan wax shaqo heysan. Waxaana la filaya in tallaabadan ay waddada u xaarto qorshaha dowladda Itoobiya ay ku dooneyso in dadka qaxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaasi. Source
-
(SLT-Nairobi)Laanta dembi baarista ee kenya ayaa maalin kahor ku howlanaa uruurinta xogta iyo faahfaahinta labo kamid ah ragi weeraray dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi. Warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa kusoo waranatay in raggii weerarka geystay lagu kala magacaabo Eric Kinyanjui oo 26 sano jir ah iyo Farouk, kuwaasi oo la sheegay inay kasoo kala jeedaan deegaanada Kiambu iyo Nyeri. Eric Kinyanjui, ayaa la sheegay in uu ka yimid tuulada Ngecha oo ka tirsan deegaanka Limuru halka Farouk-na la sheegay in isna in uu ku dhashay oo uu ku koray isku raranka Majengo ee magaalada Nyeri. Booliska ayaa shegay in ragii weerarka geystay ay jeebabkooda ka soo saareen dukumiintiyo u muuqday in xogtooda laga helay, waxaana ay dowladdu shegtay inay kamid ahaayeen shantii nin ee shalay lagu toogtay gudaha hoteelka DusitD2. Inkastoo warbaahinta maxaliga ee Kenya ay sheegtay in la helay maclumaadka qaar kamid ah raggii weerarka geystay ayaa haddana waxaan la ogeyn fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan raggii kale ee iyaguna ka qeyb qaatay weerarka. Ali Salim Gichunge oo loo yaqaano Farouk ayaa la sheegay in uusan u muuqan qof xiriir la leh koxaha mintidiinta, waxaana dadkii yaqiinay ay shegeen in uu ahaa qof iska caadi ah oo ku noolaa noolal dhexaad. Dariska xaafaddii uu deganaa ee Ruaka ayaa Farouk ku tilmaamay in uu ahaa qof iska caadi ah, balse waxa uu caan ku ahaa oo lagu yaqaanay gaarigiisa oo uu ka dhageysan jiray miyuusik cod dheer. Waxa uu xaafadaan oo ku taalla ismaamulka Kiambu ku noolaa tan iyo 21-kii Maarso ee sannadii tagay. Waxay dhawaan qaateen diinta Islaamka, waxaana la aaminsan yahay in ay qaateen mabda’a Al-Shabaab. Askari ka tirsan baaraayasha kiiska ragga weerarka geystay ayaa sheegay in labadooduba la aaminsan yahay inay tageen Somaaliya halkaas oo ay uga mid nqodeen ururka Al-Shabaab. Ugu yaraan 21 qof ayaa naftooda ku waayay, halka tobaneeyo kalena uu dhaawac ka soo gaaray weerarka. Ciidammada gaarka ah ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Israaiil ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa samata bixinta dadkii ku jiray gudaha dhismaha DusitD2 oo dowladdu ay sheegtay in laga soo badbaadiyay in ka badan 700 oo qof. Source