-
Content Count
214,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
According to the International Monetary Fund IMF report, Somalia’s economy is recovering, and the GDP growth is projected at 3.1 percent and end-year inflation at 3.5 percent. However, further efforts are needed to secure economic resilience and reduce poverty in the horn of the Africa nation. The report released on Tuesday dubbed “IMF Management of the First Review under the Staff-Monitored Program with Somalia” said that since 2017, growth has rebounded, inflation has slowed, and the trade deficit has narrowed. “For 2018, The exchange rate has remained stable. But further efforts are needed to improve economic conditions, increase employment and make a significant reduction in poverty,” IMF said in an online report. The international financial institution has called upon the development and humanitarian partners to closely work with the Somali authorities on enhancing the country’s resilience. The IMF also praised efforts by the federal government to improve domestic revenue mobilization saying an increase of 31 percent revenue collection has been registered since last year. “Data through November 2018 show that domestic revenue reached $161 million (31 percent higher than the same period in 2017), and the overall cash fiscal position was in surplus by $8 million. New budget support grants from the EU and the World Bank are increasing grant revenues and providing further support for reforms and social transfers. Staff commends the authorities for their concerted efforts to improve domestic revenue mobilization,” IMF said. Washington based bank also called upon the government of Somalia to embark on the reforming and developing the financial sector mainly in the central bank and mobile money sector as soon as possible to curb money laundering crimes that impact on the downfall of the recuperating economy. “Staff urges the rapid implementation of planned changes to the organizational and governance structure of the Central Bank of Somalia. Staff urges the authorities to bring the mobile money sector under its supervisory and regulatory umbrella as soon as possible. Finally, compliance with anti‑money laundering and combatting the financing of terrorism (AML/CFT) regulations must be improved, and identified gaps in the framework addressed,” IMF added. View the full article
-
The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmaajo, arrived in Doha yesterday for a working visit. The President of Somalia and the accompanying delegation were welcomed upon arrival at Hamad International Airport by the Minister of Transport and Communications, Jassim bin Saif Al Sulaiti; Qatar’s Ambassador to Somalia, Hassan bin Hamza Asad Hashim; and Somali Ambassador to the State of Qatar, Abdul Razak Farah Ali. Somali president held talks with the Emir of Qatar Tamim Bin Hamad Al Thani at the statehouse in Doha and discussed a range of issues pertaining the bilateral relations. Qatar donated $200 million last year to construct main highways linking Mogadishu to Afgoye and Jowhar, a key project that contributes to the country’s rebuilding process. View the full article
-
The regional parliament of the Southwest state of Somalia has unanimously approved the new cabinet on Wednesday. Out of 124 MPs present at the parliament during the meeting, only one lawmaker rejected to endorse the new regional cabinet recently unveiled by the state leader, Abdiaziz Hassan Mohamed alias Laftagareen. The speaker of the regional assembly, Abdikadir Sharif Shekhuna Maye who was chairing the meeting announced the approval of the cabinet in the seventh session of the 2nd assembly meeting. The new cabinet members composed of 25 ministers and their deputies were later sworn in to assume their offices. Regional state leader, Abdiaziz Laftagareen thanked members of the regional assembly for the approval of his new cabinet. Laftagareen urged the parliament to collaborate with his administration so as to fulfill its duties to the public and promote good service delivery. He was elected into office in December last year has pledged to improve security, provide free education and better health care while fostering reconciliation among various warring parties in his state administration. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-27022019.mp3 View the full article
-
Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka. Warbixin ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%. IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan. Hay’adda fadhigeedu yahay Washington, ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 2017 uu dhaqaalaha sare u kacayay, sicir bararka hoos u dhacayay sidoo kalena heerka is dhaafsiga ganacsiga ee tabanna uu sii yaraanayay. Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017. $8 Milyan oo doollar ayaa ku korodhay xilli xisaabeedkii 2018, marka la dhinac dhigo xilli xisaabeedkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa sheegtay in ciidamadadeed ay maanta soo rideen laba diyaarad dagaal oo India ay leedahay, kuwaas oo soo galay xuduudeeda dhulka lagu muransan yahay ee Kashmir. Major General Asif Ghafoor oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa sheegay in sidoo kale la qabtay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaradaha kadib markii diyaaraddiisa ay kusoo dhacday qeybta Pakistan ay maamusho ee Kashmir. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay India oo ku saabsan sheegashada Pakistan inkasta oo warbaahinta India ay ilo-wareedyo militari kasoo xigteen in wax duuliye ah uusan ka maqneyn India. Hadalka kasoo baxa Pakistan ayaa imanaya ayada oo India ay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay ka hor-tageen saddex diyaarad oo Pakistan ay leedahay oo kusoo xadgudbay xuduudeeda Kashmir, dibna ay u celiyeen. Dhacdadan ayaa timid saacado kadib markii Pakistan ay sheegtay in afar qof lagu dilay hoobiyeyaal ay ciidamada India kusoo tureen xadka milatari ee labada dhinac. India ayaa talaadadii sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan. Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari. Dhacdooyinkan ayaa dagaal qarka u saaraya labada dal ee Nuclear-ka ku hubeysan ee India iyo Pakistan. VOA
-
Dadka loo diiday soo dhaweynta Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa sheegaya in dad shacab ah loo diiidayn in Garoonka diyaarada ku soo ku weeyaan Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig. Ciidamada Jubbaland ayaa kala eryey dad shacab ah oo ku sugnaa banaanka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Xidig, oo la sheegay in uu u sharaxan yahay Madaxweynaha Jubbaland. Masuuliyiinta Jubbaland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin sababta, Xildhibaan Xidig oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya loogu diiday soo dhaweynta. Arrinta ayaa ku soo aadaysa iyadoo xalay Guddiga amniga Jubbaland soo saareen amaro ka dhan ah musharixiinta, kuwaas oo ay kamid ahaayeen inaysan musharaxiiintu sameysan karin ilaalo u gaar ah,isla markaana amnigooda uu damaanad qaadayo maamulka Jubbaland. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorshuhu yahay in doorasho madaxtinimo ka dhacdo bisha Agoosto ee sanadkan 2019. PUNTLAND POST The post Kismaayo: shacab loo diiday in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan Xidig appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaciyay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay amaanka kala wareegi karaan ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay taliska AMISOM iyo wasiirka amniga xukuumadda ayaa lagu shaaciyay in ciidamada AMISOM ay muddo ka shaqeynayeen Soomaaliya 12kii sano ee lasoo dhaafay haddana ay wadaan diyaar garowga sidii dalka ay kaga bixi lahaayeen. Taliyaha AMISOM ahna wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa shaaciyay in ciidamada meletariga Soomaaliya ay gaarayaan 20,000 oo askari islamarkaana ay amaanka la wareegi karaan. Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay dhankiisa inuu ka mahad celinayo ciidamada AMISOM dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya. Ciidamada Dowladda ayuu sheegay in loo tababaro sidii ay amaanka kala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM isaga oo sheegay in hadda tababar ay heleen ciidamada Dowladda Soomaaliy. Taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ay gaarayaan inka badan 20 kun oo meletari isaga oo ku daray maleeshiyaad beeleedyada la dagaalamaya Alshabaab. Wuxuu sheegay in dhamaan ciidamadaasi ay diyaar u yihiin inay la wareegaan amaanka dalka. Caasimadda online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dooxa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa maanta lagu wadaa inuu Kulan gaar ah la yeesho Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow meel-mariyay golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Illaa 124 Mudane ayaa soo xaadiray Fadhigan, iyadoona uu goobjoog ahaa Madaxweynaha K/ Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen. Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumadda cusub, waxaa u codeeyay 123 Mudane, halka uu diiday 1 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka. Intaasi kadib golaha wasiirada cusub ayaa la dhaariyay, si ay ugada galaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Ugu dambeyn madaxweyne Lafta-Garen oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa uga mahadceliyay baarlamaanka meel-marinta golihiisa wasiirada. View the full article
-
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa agab isboorti iyo daawo gaar siiyay Xarunta Barbaarinta Caruurta Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Taliyaha xarunta Barbaarinta Caruurta Cali Xirsi Bare Cali gaab ayaa maamulka Gobolka Banaadir uga mahad celiyay sida ay u garab taaganyihiin caruurtaan agoonta ah waxa uuna ka codsaday in ay mar walbo garab tagnaadaan si loo horomariyo mustaqbalka caruurtan. “Hadii aanu nahay maamulka isboortiga Gobolka Banaadir waxa aan diyaar u nahay in horomarino xirfadlayaasha halka ku sugan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan ciyaartooy badan oo matali kara xulka qaranka dalka”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. Dowladda waxa ay waqti ku bixisay gacan ku haynta iyo bar baarinta xarunta barbaarinta Caruurta ee booliska waxaana markii aad booqato aad kuu soo jiidanaya qaabka wanaagsan ee loo dayac tiray. Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) oo ah taliyaha xarunta barbaarinta caruurta booliska mar uu la hadlay Goobjoog bishii Janaayo 2019 waxa uu qeexay in ay tartamo kala duwan ay u qabtaan caruurta waxaana xarunta loogu diyaariyay garoomada kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga. Caruurta ku sugan Xarunta waxaa lagu barbaariyaa casharrada la xiriira wadaniyadda badanaa waxaa ay qaataan Casharro kala duwan oo ay ugu weyntahay in ay noqdaan jiil ku soo hano qaado gacan dowladeed si qarannimada dalka ay ugu noqdaan difaac. Basmo Caamir Shakeeti oo ah guddoomiye ku xigeynka arimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadashay waxa ay sheegtay iyada oo wakiil ka ah maamulka Gobolka ay diyaar u yihiin garab istaagida iyo ka war qabida xaalada caruurta agoonta ciidanka boolsika. Si kastaba Xarunta Agoonta ciidamada Booliska ayaa la dhisay 05-May 2018 iyada iminka lagu xanaaneeyo caruurtii ay ka geeriyoodeen Ciidanka Booliska. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, ayna ku dileen dagaalyahano iyo saraaki ka tirsan Al-shabaab Howlgalka ayaa laga fuliyay deegaanada Orantan, Masaaro Jabis, Dhiri Maadle, Miir cado, Garxamud, Wab Galeey iyo Afar Irdood oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan halkaasi oo la sheegay in ay saldhigyo ku lahayeen Al-shabaab Saldhigyadii Al-shabaab ayaa lagu burburiyay howlgalka sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Taliyaha guutada 5Aad qeybta 27Aad ee ciidanka Xoogga Dalka G/sare Faarax ayaa sheegay in howlgalo laga fuliyay deegaano hoostaga gobolka Hiiraan lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab Kornel Faarax Kooshin waxa uu sheegay in howlgalka Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 40 dagaalame iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab Ugu dambeynti Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalka looga gubay 3 gadiid oo ah kuwa dagaalka. PUNTLAND POST The post DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay 40 dagaalame oo Al-shabaab ah appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan ayaa shaacisay inay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Hindiya, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi. Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho. Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka Hindiya. Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka Hindaya. Dowladda Hindiya ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi. Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso. Source
-
Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay waqooyiga M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka koowaad ayaa waxaa loo geystay wiil 12 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Xaaji C/rashiid Faarax, kaas oo uu dilkiisu ka dhacay xaafadda Israac ee magaaladaasi. Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay wiilkaasi yar, kuwaas oo la sheegayay in ay doonayeen in ay ka qaataan Mobile uu watay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah. Sidoo kale waxaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka. Dabley hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen ninkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe ku geeriyooday isbitaalka. Dhacdooyinkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay falal ammaan dari ay ka dhacayeen degmada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta maamulka Puntland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad galay. Shirka waxaaa diirada lagu saarayaa dhismaha golayaasha deegaanka, Dhab u heshiisiinta iyo xal u helida dhibaatada barakacayaasha. Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye oo shirka ka hadlay waxuu sheegay iny ka wada hadlayaan madaxda heer Qaran iyo heer dowld Goboleed sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha meesha ugu muhiimsa ee xal ka imaanayana ay tahay ilaa heer degmo la sameeyo qorsho isku xiran oo shirkaan ay qeyb ka tahay. Shirka Madasha waxaa kale oo qeyb ka ah xubna ka socda hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka kuwaas oo warbixinno ka bixinaya marxalada barakacayaasha. Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo xiro maalinka berrita ah lagana soo saaro qorshaha saddexda bil ee soo aadan ee xasilinta, dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo dhab u heshiinta heer Qaran ilaa heer gobol. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu magacaabay guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland, kaasi oo aan wali la shaacin. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu xilkaasi u dhiibay ruux la aamisan yahay in ku adkaaneyso inuu dhex dhexaad ka dhaceyso, maadaama uu keensaday madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa Muuqata in durba uu bilaabay Axmed Madoobe inuu abaabulo sidii markale uu xilka Jubbaland markii seddexaad dib ugu soo laaban lahaa, isaga oo keenay guddoomiye isaga taageersan. Sidoo kale wuxuu bilaabay inuu cadaadiyo musharixiinta ku sugan magaalada Kismaayo oo la rumeysan inuu Axmed Madoobe awood ku heysto marka la eego dhanka ciidamada iyo fulinta amarada uu soo saaro. Axmed Madoobe ma wanaagsana xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya waxaana jira howlo badan oo qabyo u ah, taasi oo caqabad ku noqon doonto sii socoshada howlahaa haddii aanan markale lasoo dooran. Wuxuu taageero ka heystaa dowladda Kenya oo la rumeysan yahay inay ku ilaashato danaha ay ka leedahay deegaanada Jubbaland, waxaana la sheegaa in khilaafkii dhawaan soo if baxay ee Kenya iyo Somalia in isaga madaxii uu ku yimid. Waa Madaxweynaha ugu waqtiga dheer madaxda maamul goboleedyada wuxuuna xilkaasi hayaa tan iyo sanadkii 2013. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in ay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka India, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi. Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho. Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka India. Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka India. Dowladda India ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi. Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo India ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay taageerida horumarka dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Khudbad uu Wakiilka xafiiska UK ku leedahay Somaliland Mr. Stuart Brown ka jeediyey shirweynahii dhalinyarada Somaliland ee dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in iyadoo ay hore dawladda Britain u taageeri jirtay waxbarashadda Somaliland in hadana ay imika sii xoojinayso. “Xukuumada Ingiriisku waxay taageero ka gaysataa dhinaca waxbarashada goboladda Sool iyo Sanaag, oo loo soo mariyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF). Annagoo si dhaw ula shaqayna wasaaradda waxbarashada Somaliland, una fududayna helitaanka fursado waxbarasho dhalinyarada la’aanteed taageeradan aan fursado waxbarasho u suurtowdeen”ayuu yidhi Mr. Brown. Mr. Brown, ayaa sidoo kale shaaciyay inuu bisha dambe xafiiskiisu bilaabayo imtixaan loo gelayo deeqo waxbarasho oo jaamacadaha UK bilaabi doonaan. Waxaanu yidhi, “Sidoo kale, xukuumada Ingiriisku sannad walba waxay qabataa fursado deeqo waxbarasho lagu siinayo ardayda Somaliland. Waxaanan rejaynayaa in aan bisha dambe imtixaan ka qaadno ardayda nasiibka u yeelata deeqahaa waxbarasho. Waxaanan u rejaynayaa nasiib wanaagsan dhamaan inta ka qayb qaadan doonta imtixaanka”. Source
-
Guddiga amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray amarro ku aaddan doorashooyinka dhowaan la filayo iney ka dhacaan Jubbaland. Qoraal kasoo baxay gudiga ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu damaanad qaadayo ammaanka guud ee musharraxiinta maamulkaasi. Waxaa loo diiday musharraxiinta in ay sameystaan ilaalo gaar ah si aanu amniga qalqal u gelin, sidoo kalena musharraxiinta aan ku sugneyn gudaha deegaannada Jubbaland waxaa laga dalbaday iney soo wargeliyaan maamulka si amnigooda loo sugo. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa ka hadlay dab qabsaday galabta Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Waxaanu tilmaamay in dabkaasi la xakameeyey. “Galabta waxa dab ka dilaacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta,dabkaasi wax dhibaato ah oo nafeed kama dhalan, waxa markiiba u soo gurmaday Ciidanka Dabdamiska oo bakhtiiyey,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo caawa ay shir jaraa’id wada jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha. Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu tilmaamay in aanay waxba jirin war sheegayey in Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wasaaradda Warfaafintu gubatay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dabka ka kacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta loo xil-saaray baadhitaankeeda Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye. Source
