Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar. General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Qatar oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen Gawaaridaan Gaashaman. S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu Shacabka Soomaaliya ka difaaco Cadowga, waxa uuna sheegay in Gacanta Xoogga Dalka uu ka bixi doonin Gadiidkaan gaashaman. Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe) ayaa ka Mahadceliyay taageerada Gaadiidka gaashaman oo Dowladda Qatar u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka oo baahi weyn loo qabay. The post Qatar Oo Gaadiid Ciidan ugu deeqday Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeda ugu tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Talaadadii ka dhacay Dusit2d hotel ee magaalada Nairobi. Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka uu ku leeyahay madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku sheegay madaxweyne Farmaajo in uu khadka telfoonka kula xiriiray madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta,una muujiyay in ay Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al Shabaab. Weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas ayaa Talaadadii lagu qaaday Dusit2d hotel kaas oo geystay khasaara gaaraya ilaa 21 qof,19 kale waa la la’layahay,iyadoo 700 oo qof laga soo badbaadiyay weerarkaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la hadlay dhiggiisa dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-17012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo xeer-ilaaliyaha guud. Waxaa uu sidoo kale magacaabay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal kale. Mudane Biixi waxaa uu gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar) u magacaabey guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ee derejada koowaad ee gobollada galbeedka. Sidoo kale, Gaashaanle dhexe Yaasiin Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabey Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somaliland. Xogtan oo ay heshay Goobjoog News ayaa waxaa sidoo kale uu magacaabey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xeer-ilaaliyaal iyo garsoorayaal ciidan; L/Xidigle, Xasan Abiib Cumar, garsoore ka tiraan maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad. L/Xidigle, Jimcaale Jaamac Muxumed, garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad. L/Xidigle, Xasan Cige Jaamac, garsoore ka tirsan maxkamada Ciidamada ee derjeada koowaad. Gaashaanle Axmed Saalax Cabdi, Ku-Xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Maxkamada Ciidamada Somaliland Gaashaanle Siciid Cali Cilmi, Xeer ilaaliye maxkamadda ciidamada Somaliland Xiddigle, Cabdillaahi Maxamed Axmed, Xeer ilaaliye Maxkamadda ciidamada Somaliland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa xirtay nin la tuhunsan yahay inuu taageero kooxda Daacish, oo sida la tuhmayo qorsheynayey inuu gantaallada lidka taankiyada ku weeraro Aqalka Cad ee Mareykanka. Ninkan oo lagu magacaabo Hasher Jallan Taheb oo degan magaalada Cumming ee gobolka Georgia, ayaa wakiilada FBI-da waxay arbacadii ku xireen meel u dhow magaalada Atlanta. Waxa uu wajahayaa dacwad federal oo ah inuu isku dayey inuu burburiyo ama waxyeeleeyo dhisme ay leedahay dowladda Mareykanka, isaga oo adeegsnayaa waxyaabaha qarxa. FBI-da ayaa xirtay Hasher Jallan Taheb isaga oo isku dayay inuu baabuurkiisa waxyaabaha qarxa uga bedesho nin si qarsoodi ah ugu shaqeynayey FBI-da. Baarayaasha ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin wax tilmaam ah oo muujinaya in Taheb uu ka tirsan yahay urur argagixiso. Sida ay sheegtay dowladda, qof yaqaana Taheb ayaa booliska u dusiyey sanadkii tagey in Taheb uu noqday xagjir, islamarkaana qorsheynayey inuu safro. Booliska ayaa kadib ku war-geliyey FBI-da, waxaana Taheb sida la tuhunsan yahay uu wakiil ka tirsan FBI-da oo qof kale isaga dhigay u sheegay inuu doonayo inuu iibiyo baabuurkiisa, si uu helo lacag uu ku aado dhulka ay maamuusho kooxda Daacish. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu wakiilka u sheegay inuu doonayey inuu weeraro Aqalka Cad, Taallada Statue Liberty, iyo Taalla Lincoln Memorial. Xigasho: VOA
  6. Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliland & Xisbiga Kulmiye oo loo wadwado Xilka wasiiru-dawlaha Awqaafta & Arimaha Diinta Soomaaliya Sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta Madaxa banaan Xildhibaan Saleebaan Cawed Cali Bukhaari oo ka tirsan Barlamaanka Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye ayaa beryahan danbe la hadal hayaa in qadiyadiisu (Damaciisu) u gudubtay Magaalada Muqdisho halkaas oo la sheegay in Xubno ka tirsan Xukumada Farmaajo & Barlamaanka Somalia u wadwadaan Xil wasiiru-dawle oo uu hore u diiday Xeer ilaaliyihii Xilka laga qaadey Ibraahin Iidle Saleebaan oo ay isku Ardaa Hoose ka soo jeedaan. Xildhibaan Saleebaan Bukhaari oo degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ka mida xubnaha badiyaaba Beeshiisu u metala,Xukumada Muuse Biixi,Barlamaanka & Xisbiga Kulmiye,Islamarkaana aad wax ula soo boobay Xukumadii waqtigeedu dhamaadey ee Siilanyo,Tan Muuse Biixina isku mawqif ahaayeen intii ka horeysay Mudooyinka danbe ee Damacan Somaliya ku soo kordhay oo uu u dhaqaaqey Jiho khaldan inkastoo uu weli Filim Kartoon u dhigaayo Muuse Biixi sidii nin la Jaal ah. Xildhibaan Bukhaari ayaa la sheegay inuu aad u quudaraynayo loona wadwado Xilka Wasiiru-dawlaha Wasaarada Diinta & Awqaafta Soomaaliya oo ah Wasaarada ay maraan,islamarkaana maamusha Deeqaha Buurbuuran ee Dawladaha Carbeed ee Qaniga ah & Hayadaha kale ee Muslimiinta Caalamku siiyaan Soomaaliya.Sidoo kale waxay wasaaradani maamushaa Arimaha Xujaajta oo lacag badan laga macaasho & Sadaqooyin kale oo dad muxsiniin ahi bixiyaan Balse Qiyaas ahaan Boqolkiiba Todobaatan la leexsado,Lagana Taajiro ,Arimahaa & Kuwo kale oo qarsoon ayaa la filayaa inu Xildhibaan Bukhaari ku doortay Xilkan. Geesta kalena Saleebaan Bukhaar oo xukumadii Siilanyo waxooga Faraguudkood ah u daadin jirtay ayey beryahan danbe tan & intii Xukumada Muuse Biixi Talada qabatay wajahay Lacag La’aan & Busaarad weyn maadaba uu fahmi la’yahay sidii Handaraabka Muuse looga gudbo. Ku darsoo,Xildhibaan Bukhaari ayaa Maalmahan waxaa laysla dhexmarayaa inay ka soo ugaamayaan Weedho Cataw & Cabasho u badan oo muujinaya in Albaabada laga xidhay Markii Fartiisa subaga lagu dhuqay. Isku soo wada duuboo Saleebaan Bukhaari oo hore ugu tirsanaan jiray Kooxaha Waxdada Soomaaliya ayaa khibrad dururgsan u leh casharo badan oo ku saabsan Dheefta & Macmaanku Jihaday ka jiraan iyo weliba sida loogu nacamleeyo ama loogu biiro hadba kooxdii dhaqaale lagu tuhmo ama wax gacanta ku haysa. Qaran News
  7. Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar. General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Qatar oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen Gawaaridaan Gaashaman. S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu Shacabka Soomaaliya ka difaaco Cadowga, waxa uuna sheegay in Gacanta Xoogga Dalka uu ka bixi doonin Gadiidkaan gaashaman. Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe) ayaa ka Mahadceliyay taageerada Gaadiidka gaashaman oo Dowladda Qatar u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka oo baahi weyn loo qabay. Source: goobjoog.com
  8. Turkey’s Interior Minister Suleyman Soylu met with his Somali security minister on Wednesday in Ankara. Security Minister Abukar Hassan Islow arrived in the Turkish capital to hold “important and productive” official talks with Turkish authorities. He was welcomed by Soylu and his delegation. “We are striving to bring the two countries’ bilateral relations to a better level — from development assistance to humanitarian aid and cooperation in security,” Soylu said. Both ministers also expressed their satisfaction on the realization of bilateral agreements signed between Somalia and Turkey in 2018. Soylu hailed the relations with Somalia, saying Turkey regards them as “fraternal rather than diplomatic”. “The history of our relations will be written in golden letters,” he added. ‘Somali people won’t forget’ Islow for his part said the Somali people will never forget Turkey being the first country to help them tackle the humanitarian crisis during the 2011 drought. “We have had a difficult time and our friends didn’t let us down. It’s impossible for us to forget that and it is Allah who will reward all the good we have received,” he added. Islow also said his country is ready to reach out if there would be a day when Turkey needs help, and invited Soylu to visit Somalia. Upon the invitation, Soylu said he will visit the East African nation after March. The post Turkey and Somalia agree to boost security cooperation appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Dawlada kenya oo shaacisay inay heshay Magacyada dadkii weeraray Hotelka Nairobi Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay heshay magacyada dadkii weeraray hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen qaar kamid ah ragga weerarka geystay Baasabooradooda, islamarkaana halkaasi ay ka ogaadeen magacyada dadka weerarka geystay. Laamaha amaanka ayaa sheegay inay baadhitaanka marka uu dhamaado kadib ay soo bandhigi doonaan dadka weerarka geystay magacyadooda iyo halka ay wadanka Kenya ka galeen,sida warbixinta ay ku sheegeen. Laakiin waxay sheegeen inay ogaadeen magacyada labo kamid ah dadka weerarka geystay waxaana la sheegay in midka koowaad magaciisa uu yahay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa shalay sheegay inay qaban doonaan cid walbaa oo raad ku yeelata weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo sheegay inay doonayaan inay amaan ku wada noolaadaan. “Cid kastaa oo taageertay, dhaqaalo ku taageertay, soo dhaweysay waa la qaban doonaa, mana la aqbalayo inay nagu dhex dhuuntaan”ayuu yidhi Kenyatta oo ka hadlayay weerarkii ka dhacay xaafadda Westland. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen inay kaga jawaabayeen aqoonsiga madaxweynaha Mareykanka uu aqoonsaday in magaalada Qudus tahay caasimada Yahuuda. Qaran News
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la sheegay in lagu wargeliyay xogta weerarkii Shabaab ay ku qaadeen talaadadii Hotel wayn oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sirdoonka reer Galbeed, ayaa sheegay Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay dowladda Kenya inay u sheegeen macluumaad ku saabsan inuu jiro weerar Shabaab ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya. Waxa ay sheegeen reer Galbeed in dowladda Kenya sidoo kale lagu wargeliyay suurtagalnimada weeraro Shabaab ay ka fuliyaan goobihii lagu dhigaayay dhalashada Sanadka 2019. Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Reer Galbeedka, ayaa sheegay Dowladda Kenya inay dhagaha ka furaysatay arrintaasi oo jawaab aysan ku celin reer Galbeedkii siiyay xogtaasi. Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in Saraakiisha ugu sarreysa Ciidanka Kenya dhowr jeer loo gudbiyay xogta ku aaddan weerarkan oo ay Reer Galbeedka la socdeen laakiin aan feejignaan laga qaadan sidaasna ku dhacay. Sarkaal ka mid ah Sirdoonka Kenya ayaa isaguna The Guardian u xaqiijiyay in qorshaha weerarka ay heleen laakiin Al Shabaab ay beddeleen halkii uu bartilmaameedku ahaa. Sarkaal kale oo ka mid ah Sirdoonka Kenya ayaa isna AP u sheegay in xogta weerarka la hayay laakiin Hay’addaha Sirdoonka Kenya ay ku wareersanaayeen halka lala beegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.comm
  11. Guddiga dhismaha garoonka kubada cagta Mire Awaare Studium ee Garoowe ayaa maanta soo bandhigay lacagta ay uruuriyeen tan iyo markii guddigaasi loo magacaabay taakuleynta garoonka. Guddigu waxay soo bandhigeen lacag ka badan $183,000 Dollar, taasoo la qorshaynayo in lagu bilaabo wejiga kowaad ee dhismaha garoonka,waxaana lacagta bixiyay dad kala duwan oo u badan mas’uuliyiin iyo ganacsato,inkastoo weli la la’yahay lacago kale oo ay ballan qaadeen qaar kamid ah murashixiintii u tartamay xilka madaxweynaha Puntland iyo shakhsiyaad kaleba. Warqad uu guddigu soo saaray ayaa lagu caddeeyay shaxanka dhammaan mas’uuliyiintii,ganacsatadii,murashixiintii iyo shakhsiyaadkii kale ee bixiyay lacagta,iyadoo guddigu ay dadka weli harsan ee ballan qaadyada sameeyay ay ka codsadeen in ay ka dhabeeyaan ballanqaadyadooda. PUNTLAND POST The post Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare oo soo bandhigay lacagihii soo gaaray appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad caawa ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu caleema saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siineyso maamulka Koonfur Galbeed arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo baahinta adeegyada dadweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyntii waxa uu uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamuud Yuusuf Muuro oo ahaa halgamaa ka tirsanaa ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa shakhsi u huray naftiisa iyo waqtigiisa sidii Soomaaliya ay isaga tuuri lahayd heeryadii gumeystaha. Intaas keddib, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed masuuliyadda loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxweynaha cusub hawlaha muhiimka ah ee horyaalla maamulkiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sidii loo dardargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya. “Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. Haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan. Waxaan rajaynayaa sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.” “Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin dowlanimadan iyo qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.” Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wali ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed. The post Dowladda Federaalka oo xoojineysa wada shaqeynta Dowlad Goboleedyada appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Kenyan troops destroyed a Hormuud Telecom communication mast located in Ali Buley located on Somalia’s border with Kenya this week, disrupting communication in the area. The village is located some 30 kilometers west of Afmadow district in Lower Jubba region, south of Somalia. The company said KDF tortured of a staff member during the total destruction of the mast that led to service disruption to over 30,000 people in Dif, Gariley and Dhuya-Garon. “The villagers can’t access their basic needs via our services like EVC Plus,” said Hormuud Telecom in a Twitter post. Imam Omar Moalim, an elder in Mogadishu has condemned the destruction of Hormuud Telecom communication mast by KDF and paralyzing mobile communication in the area. Hormuud Telecom Somalia Inc. is a privately held leading telecommunications company based in Mogadishu, the Somali capital. The post KDF destroys Hormuud telecom mast on Somali border appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Dowladda Qadar ayaa ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya 68 kamid ah gaadiidka gaashaaman ee dagaalka. Munaasabad ka dhacday gudaha dekadda magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkan kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana goobjoog ka haa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidamaada xooga iyo saraakiil ka socotay dalka Qadar. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo gaadiidkan dagaalka gudoomay ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan dowladda Qadar taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowladda. Sidoo kale Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Indha-qarshe ayaa u mahadceliyay dowladda Qadar, wuxuuna sheegay in gadiidkan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan. Masuuliyiin ka socday dowladda Qadar ayaa sheegay in gaadiidkan gaashaaman ee ay ugu deeqeen dowladda Soomaaliya loogu tala-galay in ciidanka Soomaaliya kula dagaalamaan ururada argagixisada ah. Maahan markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay dalal shisheeye ugu deeqaan gaadiid dagaal, dhowr jeer oo horre ayaa lagu wareejiayay gaadiid dagaal. PUNTLAND POST The post Qadar oo gaadiid dagaal ku wareejisay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad xalay ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu caleema saaray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siineyso maamulka Koonfur Galbeed arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo baahinta adeegyada dadweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyntii waxa uu uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamuud Yuusuf Muuro oo ahaa halgamaa ka tirsanaa ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa shakhsi u huray naftiisa iyo waqtigiisa sidii Soomaaliya ay isaga tuuri lahayd heeryadii gumeystaha. Intaas keddib, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed masuuliyadda loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxweynaha cusub hawlaha muhiimka ah ee horyaalla maamulkiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sidii loo dardargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya. “Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. Haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan. Waxaan rajaynayaa sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.” “Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin dowlanimadan iyo qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.” Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wali ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Farmaajo “Waxaan sare u qaadi doonaa wada-shaqeynta maamul goboleedyada” appeared first on Puntland Post.
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Dhowr iyo toban saacadood oo cabsi, argagax iyo sugnaasho la’aan ah kaddib Robert iyo Patrick iyo qaar kaloo iyagoo kale ah ayaa ugu dambeyn laga soo badbaadiyey dhismaha DuSitD2 ee magaalada Nairobi, halkaasoo weerar argagaxisanimo lagu qaaday casarkii Talaadada. Waxaan kula kulmay albaabka DuSitD2 hotel ee 14 Riverside Drive. Waxay iiga sheekeeyeen wixii ay u soo joogeen dhowr iyo tobanka saacadood ee ay dhismaha rasaasta iyo qaraxyada ka socdeen ay ku dhex xayirnaayeen. “Waxaan iska dhigay sidii wax dhintay oo kale. Waan joojiyay inaan nolol ka fekero,” ayuu yiri Patrick oo sidoo kale lagu naaneyso Pat. “Markuu habeenku dumay, waxaan bilaabay inaan duceysto illaa laga gaaray 4am subaxnimadii (Arbacada) markaasoo aan maqlay dhawaqa askarta oo dadka badbaaday u sheegeysa inay soo baxaan si loo samatabixiyo. Laakiin, sida badiyaa dhacdaba, Pat ma uusan aaminin dhawaqa— oo wuxuu u maleynayey kooxdii weerarka waday oo iska dhigeysa askar si ay dadka u khaldaan. Wuxuuse markii dambe aqoonsaday qaab hadalka lahjadda ay adeegsanayeen askarta taasoo keentay inuu bannaanka u soo baxo ugu dambeyn. Mid kasta oo ka mid ah wuxuu leeyahay sheeko gaar ah: Kamau, oo 41 jir ah wuxuu sugayey wareysi shaqo uu filayey inay noqon doonto tii noloshiisa horumar u horseedi lahayd, hase yeeshee kursigii uu ku sugayey wareysiga shaqo (job interview) waxaa beddelay inuu ku dhuunto musqusha [suuliga] illaa ugu dambeyn uu indhaha saaray mid ka mid ah argagixisadii oo rasaas ku ridaya dadkii kala firxanayey. Weerarkan qofba si buu u taabtay. Waxaa dadka naftooda qaaliga ku waayey ka mid ah Feysal Axmed iyo Cabdalla Daahir, oo ah labo nin oo dhalinyaro ah oo Soomaalida Kenya ka mid ah, kana shaqeynayey mashruuc dib u dhis iyo horumarin loogu sameynayo Soomaaliya. Labada saaxiib waxay markaa wada sugayeen qado ay ka dalbadeen maqaayadda, waxayna ku wada dhinteen isla goobtaa. Waxaa kaloo ku jira James Odour oo ah wariye sports iyo ciyaaryahan kubbada cagta, haddana u shaqeynayey shirkadda LG. SHEEKADA SILVIA Goobta meydadka la dhigo ee Chiromo, Silvia oo 30 jir ah ayaa baadi goobeysay saaxiibkeed (ay is guursan rabeen) oo maalmo kahor uun ka yimid Australia. Wuxuu qol ka degey hotelka DuSitD2. Daqiiqada weerarku dhacayo ayey khadka telefoonka ku wada hadlayeen, waxaase kala gooyey dhawaqa jugtii u horreysay. Wixii markaa ka dambeeyayna wax war ah kama aysan helin. “Markii aan imid halkan [qolka meydka] waxaa la i tusay dharkii laga saaray dhammaan dadkii la keenay goobta. Waxaan aqoonsaday dharkiisa. Welina la iima oggolaan inaan arko meydka.” ayey ii sheegtay. Isla markiiba waxa soo galay koox hal qoys ka kooban. Iyaguna sida Silvia, ayey raadinayaan qof ehelkooda ah oo loo maleynayo inuu geeriyooday. Waxaase saraakiisha qeybta meydadka maamusha ay u sheegeen in kaliya booliska loo oggol yahay inay gudaha galaan, meydkana ku wareejiyaan ciddii ehel u ah kaliya marka si rasmi ah loo xaqiijiyo aqoonsiga qofka geeriyooday iyo dadka sheeganaya inay ehel yihiin intuba. Qof kasta oo ka mid ah dadkan wuxuu lahaa rajo iyo nolol uu doonayey inuu meel gaarsiiyo. Qaar waxay ahaayeen aabbeyaal, sey iyo saaxiibo la jecel yahay. Mid kastana wuxuu cidleeyay dad iyo guri laga jeclaa!!! Waxaa Qoray: Abdalle Ahmed Mumin
  17. Guddiga dhismaha garoonka kubada cagta Mirre Awaare ee Garowe, ayaa maanta soo bandhigay dhaqaalihii soo galay tan iyo markii guddigas la magacaabay sanadkii hore. Guddigu [...] Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddiga golaha guurtida Somaliland u xil saareen ka soo tallo-bixinta muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka waxa ay la kulmeen guddiga doorashooyinka Somaliland. Guddiga doorashooyinka ayaa waxa ay saaka subixii hore kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida, ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha lagaga wada hadlay. Guddigan ayaa waxa ay shalay kulan la yeesheen saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimaha muddo kordhinta. Waxa jira muran ka taagan xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo u dhexeeya xisbiyadda KULMIYE UCID oo dhinac ah iyo xisbiga WADDANI dhinac ah iyada oo WADDANI uu doonayo in la kala diro komishanka halka labada xisbi ee kalana ay ku adkaysanayaan in komishankani uu qabto doorashada soo socota. Cabdicassis Maxamed Samaale ayaa sidan ka sheegay mar shalay wax laga waydiiyay kulan xisbiga KULMIYE la yeeshay Golaha Guurtida waxaana uu yidhi “Anagu waxa aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid qaran oo lagu ammaanay Doorashadii Madaxtooyadda ee ay qabteen, waajibkoodii ayayna guteen, cid kala diri kartaana ma jirto oo sharci siiyay in ay kala dirto. Sabab lagu kala diraana ma taallo, waxaana aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid madax bannaan sida loo soo xulo shuruucdeena ayay ku qoran tahay.” Dhankiisa xisbiga WADDANI kama hadal kulankii ay shalay la yeesheen golaha guurtida Somaliland. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday 68 gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kadib munaasabad ka dhacday dekada magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil amaan oo dowladda Qatar ka socotay, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Munaasad kooban oo ka dhacday dekada magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ay ku kala wareegeen gaadiidka gaashaaman. Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo gaadiidkaan ka gudoomay dowladda Qatar ayaa sheegay inay kaga mahadcelinayaan dowladda Qatar taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowlada. Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in gadiidkaan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan, isaga oo sheegay inay ka mahadcelinayaan taageerada dowladda Qatar. Saraakiil ka socotay dowladda Qatar ayaa dhankooda sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Faarax Jaamac Cali waa arday 20 snano jir ah oo sanadkii hore ee 2018 dhammeeyay fasalka shanaad ee dugsiga hoose, hase ahaa imika ma hayo fasal uu waxbarashadiisa ku sii wato. Faarax wuxuu ku nool yahay tuulada Ceel La-helay, oo 92 km dhanka bari kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, tuuladani waxa ay dhibaato ka haysataa adeegyadda aasaasiga ah ee ay ugu mihiimsan yihiin waxbarashada iyo caafimaadku. Faarax Jaamac Cali waxa uu ka warramaya sidii uu wax ku bartay muddadii shanta sanno aheyd ee uu waxbaranayay waxaanu yidhi “Dhagax ayaan ku fadhiisan jiray, waanse ku qanacsanaa inaan wax ku barto, laakiin dhibka hadda jira waa meel aan u sii dhaafo ayaanan ba haysan oo fasal ma jiro” Sidaasi oo ay tahay wiilkan iyo ardayda kale ee ay isku fasalka ahaayeenba iyaga oo geedkaasi hoostiisa wax ku baranayay mudada intaas le’eg waxaa uu geedka hoostiisi isu badelay fasal ay soo galeen ardaydii kale ee soo baxday iyagana ma jirto meel kale oo ay uga gudbaan si ay u gaalan fasalka kan xiga ee lixaad. Geedkan oo ah ka kaliya ee ku yaalla tuuladan waxaa hoostiisa wax loogu dhigaa arday tiradoodu dhan tahay 80-arday, waxaana wax lagu baraa labada gelin ee maalintii, waxayna fasalkii oo ka kooban 20 arday wax bartaa hal saac iyo 45 daqiiqo, ardaydan ayaa isugu jira 30 gabdhood iyo 50 wiil. Cali Carab Yuusuf oo ka mid ah macallimiinta wax bara ardaydaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in aanu jirin wax dhisme ah oo ardayda wax lagu bari karo oo ku yaalla tuulada, sidaas darteedna ay sanadkii 2012-kii hindiseen in geedka hoostiisa ay wax ugu dhigaan ardayda. Cali Carab Yuusuf kana mida barayaasha ardaydan geedka hoostiisa wax ku barata ayaa sheegay in geedka kaliya ee tuuladani ku yaala uu yahay midka ay ubadkani wax ku baraan waxaanu yidhi “Degaankani waa dhul qallalan, geedo badan ma laha, geedkan oo galool ah ayaana ah midka keliya ee hadda ku yaalla meesha, shan fasal ayaan ku dhignaa oo ardayda ay isu beddelaan gelinka hore iyo kan danbe, halka fasalkii lixaad ardaydii u gudubtay aan wakhti loo hayn,” Dadka deegaankani ku nooli tiro ahaan waxa ay dhan yihiin 500 oo qoys, badina ubadka qoysaskani waa kuwo danyara oo dadkoodu ay ku xoola beeleen abaarihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay, Hooyo Xaliimo Faarax Xasan waxay ka mid tahay waalidiinta ku nool tuuladan 8-ka mida 12 carruura oo ay dhashay ayaa wax ka barta geedkan hoostiisa. “Carruurtu si wanaagsan ayay wax noogu bartaan, wax lacag ahna nalagama qaado, carruurteyda kan ugu sarreeya wuxuu dhigtaa fasalka shanaad, kan u hooseeyana fasalka koowaad,” ayay tidhi hooyo Xaliimo. Waalidiinta iyaga ayaa carruurtooda u iibiya agabka waxbarashada sida buugaagta iyo qalimada, mana laha dhar gaar ah oo ay carruurtu wax ku bartaan. Saddex macallin ayaa wax bara ardayda, waxaana ay wasaaradda waxbarashada ee Somaliland mushahar siisaa hal macallin oo keliya, labada kalena waxay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah. Source
  21. (SLT-Nairobi)-Booliska Kenya ayaa aqoonsaday labo ka mid ah raggii fuliyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaddib markii la soo afjaray howlgal qaatay 19 saacadood. Kaamirooyina qarsoon ee CCTV ayaa soo bandhigay dableyda hubeysan oo qaarkood wajiyadooda la garanayay, waxaana markii howlgalka soo dhamaaday oo la dilay jeebabkooda laga helay aqoonsigooda. Labada dabley ee la aqoonsaday ayaa la sheegay inay ahaayeen Kenyan dhowaan soo Muslimay. Baarayaashu waxay ku mashquulsanaayeen sidii ay u heli lahaayeen faah faahin buuxda, waxaana mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Sidoo kale Booliska ayaa raadinaya nin lagu arkay Kaamirada CCTV, kaasoo la qadeynayay lixda nin ee ka qeyb qaadatay weerarka, agagaarka maqaayad ku taal wadada Limuru, saacado ka hor weerarka. Khabiiro kala duwan oo reer Galbeed iyo Kenyan isugu jira ayaa baaraya faraha labada nin ee lagu dilay howlgalka Hotelka DusitD2, sidoo kale waxaa kooxo khubaro loo diray deegaanada ay ka soo jeedaan, si heybtooda oo dhameystiran loo helo. Labada nin ee u dhashay Kenyanka ayaa la sheegay inay Soomaaliya aadeen oo ay tababar la soo qaateen Al-Shabaab, kaddib markii ay Diinta Islaamka qaateen. Source
  22. (SLT-China)-Arrimo badan oo la xidhiidha Nolosha Aadamaha ayaa waxa si laxaad leh ugu muuqataa Tiknoolajiyada, Dalka China ayaa waxa uu ka mid yahay Dalalka Ugu horreeya dhinaca wax soo saarka Tiknoolajiyada waxaana dalkaasi laga hirgeliyay arrin cajiib oo ah in Ardayda wax ka barata Dugsiyada dalkaasi loo sameeyay direys gaar ah oo sheegaya xilliga uu ardaygu soo galay Dugsiga iyo waliba xilliga uu ka baxay. Close up fashion shirt on hangers on shelf in cloth store Direyskan ayaa waxa ku jira laba kaadh oo yaryar oo si toos ah ula shaqaynaya Qalab iyo Kamarado ku xidhan Albaabka Dugsiga, sidoo kalena waxa uu qalabkaasi xaqiijinayaa wajiga Ardayga iyo inuu yahay ardaygii direyskaa lahaa iyo in kale. Sida lagu baahiyay Golobal Times Direyskan ayaa waxay ardaydu isticmaalayaan laba sanadood, sababaha loo sameeyeyna waa in lagula dagaalamo habsanka faraha badan ee Ardayda iyo Muranka ka dhasha habsankaasi. Shirkadda soo saartay Direyskani oo magaceeda la yidhaahdo Guizhou Guanyu ayaa waxay sheegtay in direyskani ardaydu meydhan karaan 500 oo jeer, sidoo kalena waxay shirkadu xaqiijisay in direyskan ay isticmaali karaan ardayda ku nool meelaha heer kulkoodu aadka u sareeyo, direyskan ayaa waxa kale oo uu ximmili karaa kuleylka xaddigiisu yahay 150 degree. Source
  23. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa degmada Dhoobley kaga dhowaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, isaga oo sheegay in ay gaari doonaan ciidanka maamulkiisa deegaannada gacantooda ka maqan. Axmed Madoobe ayaa sheegay iney gaari doonaan degmooyin ay ka mid tahay Bu’aale oo ah xarunta Jubbaland, halkaasi oo sanado badan ay haystaan Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay iney ka go’an tahay xoreynta deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye. Ciidamada ayuu faray iney ilaaliyaan shacabka, sidoo kalena aysan dhabarka soo aaddin Al-shabaab. Waxaan Bilaabaynaa Howlgal Dib u Xoreyn Ah, ciidamadu ha ilaaliyaan shacabka, cadowgana ha iska celiyaan, Dhoobley waa meeshii aan ka bilownay halgankii dheeraa wuuna soconayaa Jubbaland ayaa isku diyaarineysa howlgal ballaaran oo ay ku dooneyso iney Al-shabaab kaga saarto Jubbooyinka iyo Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com