Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mid kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa rajo ka muujiyey in xilligan ay isku soo dhowaadaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada. Idiris Sheekh Xasan oo ku sugan dalka Finland ayaa sheegay in hadda ay muuqato astaan muujineysa iney madaxda Soomaalida isku meel uga soo jeedsanayaan ka shaqeynta aayaha dalka. Idiris ayaa sheegay in caleema saarkii madaxweynaha Puntlad lagala kulmay waxyaabo aan horey loo fileyn, kuwaasi oo ah iney isku soo dhowaadaan madaxdii dowlad goboleedyada qaar ee khilaafka kala dhaxeeyey DFS. Waxaa hadda muuqata rajo wanaagsna, waayo waxa haray waxay ahaayeen Xaaf iyo Axmed Madoobe, ma haystaan garab kale, iyaguna wadahadal ayeey doorbideen Bisha March ee sanadkaan ayaa la filayaa in si rasmi ah u wada xaajoodaan madaxda dowladda federaalka iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyada, si loo helo xasilooni siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Venezuela)-Xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan gudaha waddanka Venezuela ayaa halis ugu jira iney isu rogaan kuwo caalami ah, maadaama ay dalalka ugu quwadda weyn caalamka kala taageersan yihiin dowladda iyo mucaaradka dalkaas. Iyadoo Arbacadii ay mudaharaadyo lagu dalbanayay inuu is casilo madaxweyne Nicolas Maduro isu baddaleen qalalaase, hoggaamiyaha garabka mucaaradka ugu caansan ee lagu magacaabo Juan Guaido ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaas. Waxa uu durba taageero ka helay Mareykanka, Canada iyo qaar ka mid ah waddamada awoodda leh ee dariska la ah Venezuela sida Brazil, Colombia iyo Argentina. Midowga Yurub wuxuu ku baaqay in dalkaas laga sameeyo doorashooyin hor leh, waxa uuna sidoo kale taageero u muujiyay golaha wakiillada qaranka ee uu hogaamiyo Mr Guaido. Hase ahaatee dalal koox ah oo taageersan madaxweyne Nicolas Maduro waxaa ka mid ah dalalka awoodda badan ee kala ah Ruushka iyo Shiinaha. Maalintii khamiista ahayd, xukuumadda Moscow waxay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhawaaqa Guaido uu isugu magacaabay xilka madaxweynaha, waxayna arrintaas ku tilmaantay “mid si toos ah u horseedeysa in sharciga lagu tunto oo la banneysto daadinta dhiigga”. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan ka digeynaa tallaabada noocaas ah ee qallafsan, taasoo horseedi karta cawaaqib aad u xun”. Dhanka kale, isla maalintii khamiista ahayd, af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Hua Chunying ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Shiinuhu uu ka soo hor jeedo faragalinta shisheeye ee ku lifaaqan xiisadaha ka aloosan dalka Venezuela. “Shiinuhu wuxuu taageersan yahay dadaallada ay dowladda Venezuela ugu jirto iney ku ilaaliso qaranimadeeda iyo madaxbannaanideeda isla markaana kusoo celineyso xasiloonida”, ayuu yiri Hua Chunying. Dalalka Turkiga, Iiran, Mexico, Cuba iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageero middaas la mid ah u muujiyay madaxweyne Maduro. Balse waxay u badan tahay in xiisaddu ay isu baddali karto mid caalami ah, maadaama saraakiisha dalalka Venezuela iyo Mareykanka ay hadallo kul kulul hawada isu marsiiyeen. Wax yar ka dib markii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sheegay inuu Guaido u aqoonsan yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela, madaxweyne Maduro ayaa ku dhawaaqay inuu xiriirkii diblomaasiyadeed gabi ahaanba u jaray Mareykanka. Source
  3. Guuddiga doorashada Puntland ayaa waxa ay Baarlamaanka uga warbixiyeen howlihii u qabsoomay guddiga mudadii ay shaqada hayeen . Xoghayaha guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka [...] Source
  4. mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ah usoo jeediyay in aan lagu fiirsan ciidanka Kenya dhibaatada ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaannada Jubbaland. Axmed Macallin Cumar Nadir iyo Axmed Cabdi Xafiid Bulsho oo kamid ah Senator-ada laga soo doortay Jubballand ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lagula xisaabtamo tacaddiyada ay geystaan oo aysan jirin cid wax iska weydiisa. Waxa ay shegeen in goobo badan oo ganacsi ay bur buriyeen iyadoo howlgallo aysan jirin taas oo xad gudub ku ah arimaha bini’aadannimada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/SENATORADA-AQALKA-SARE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Taliya ciidanka Uganda ee Soomaaliya Brig. Gen. Michael Kabango ayaa todobaadkan booqday goobaha ay ciidamada Uganda ka joogaan Barawe iyo Maryan Gubay, si uu u hubiyo qaabka shaqo. Ciidamada uu booqday waxaa ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM, gaar ahaan Sector I, ee fadhigoodu yahay shabeellada hoose. “Ha luminina xiriirka aad la leedihiin bulshada”, Kabango ayaa sidaasi ku yiri ciidamada mar uu u khudbeynayey. Kabango ayaa intaasi raaciyey “Al-Shabaab waxaa ay wajahayaan dhibaato maaliyadeed mar haddii magaalooyinkii xeebta ahaa oo ay lacago ka heli jireen ay dowladda qabsatay. Waxaa ay dadka u dhigtaan jid-gooyo iyaga oo lacago baad ah ka qaato”. Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa 6,223 oo ciidan. Uganda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya waxaa ay ka howl-galaan Sector 1 oo ka kooban Gobolkan Banadir (Mogadishu), iyo labada shabeelle midda dhexe iyo midda hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ugu baaqay shacabka Soomalaiyeed in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland ay ka shaqeyn doonto, sidii la’isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed, loona dhameyn lahaa tabashooyinka jira. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay isu tanaasul iyo wada shaqeyn, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay kulan is afgarad ah madaxweynaha DFS iyo madaxda maamul goboleed ay ku yeesheen M/ Garoowe ee xarunta Puntland. The post Deni Oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Nairobi (PP) ─ Booliiska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox dhalinyaro ah oo loo qorayay Al-shabaab, kaddib hawl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya. Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in dhalinyarada la qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar, isla markaana ay ku hawllanaayeen abaabul ay doonaayeen inay ugu biiraan xoogagga kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta Somalia. Taliyaha booliiska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaradaan lagu soo qabtay deegaanno ay ka mid yihiin kuwa Waqooyi-bari Kenya iyo kuwo kale oo ku yaalla maamullada kale ee Kenya. “Dhallinyarada aan qabannay waxay ahaayeen kuwo wax-bartay, waana kuwo aan haysan wax shaqooyin ah,” ayuu yiri taliyaha oo xusay inay filayaan in baaga-muudadu ay sabab u tahay inay u doorteen inay Kooxda Al-shabaab ugu biiraan. Sidoo kale, Wuxuu sheegay inay ku raad-jooggaan xubno la aaminsan yahay inay qaabilsan yihiin qorista dhallinyarada ku biiraysa Al-shabaab oo Kenya ku sugan, inkastoo uusan sheegin magacyadooda iyo goobaha ay tuhmayaan inay ku sugan yihiin. Hadalka taliyaha booliiska Kenya ayaa wuxuu imaanayaa xilli toddobaadkii ka hora ay kooxda Al-shabaab weerar khasaare badan geystay ku qaadeen hoteel ku yaalla deegaanka Westland ee magaalada Nairobi, kaasoo ka mid noqoday weerarradii ugu khasaaraba badnaa ee Kooxda Al-shabaab ay ku qaado Kenya. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sannadihii ugu dambeeyay dagaalyahanno ka helaysay dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood dib ugu laabtay Kenya kaddib markii ay cadaadis kala kulmeen Al-shabaab iyo kuwo kale oo dagaallada ku dhintay. PUNTLAND POST The post Dhallinyaro Doonayay inay ka mid Noqdaan Ururka Al-shabaab oo Gacanta lagu Dhigay appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka waxaa shir guddoominayya Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka tamarta iyo kheyradka biyaha, masuuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isalwasaaraha, wasaaradda Qorsheynta iyo wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel Bangiga aduunka ayaa kulan ku soo bandhigay qiimeyn laga sameeyay dhulka qalalan ama aanu wabiga marin ee dalka iyo dadka nool sida ugu wanaagsan ee ay uga faaiidaysaan karaan biyaha iyo beeraha oo bangigu ugu talagalay mashruuc ay ka baxayso 42 milyan oo doolar. Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowladda federaalka Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ( Qaloocoow) waxa uu sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay dalka. “waa lacago lagu fulinayo mashruuc Beero, xoolo iyo biyo oo isla socdo oo dalka oo dhan ah. qeybtiisii hore waxaa laga fuliyay Somaliland waxaa ku xigtay Puntland hadana waxa laga fulinaya dhammaan dowlad goboleedyada kale, waa mid muhiimad weyn leh waxaana uu wax ka taraya beeraha roobka lagu falo iyo biya celinta” ayuu yirri Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Wakiilka Bangiga Aduunka Hugh Riddel waxa uu tilmaamay mashruucaan inuu taageero soo kabashada bulshada ku nool dhulka aanu wabiga marin. “Mashruucani waa mid muhiim ah bulshada una wanaagsan, dadku waa ay fahmayaan muhiimada biyuhu u leeyihiin iyo caqabadaha ka heysta heer bulsho, waxay wax ka qabanayaan hantida bulshada sida barkadaha, baliyada iyo biya xereenada, mashruucaan waxaa uu ka biloowday Soomaliland iyo Puntland, Soomaaliya waxa ay samaynaysaa hormar dhinaca maamulka maaliyada ah iyo daqliga waxaan dareemaynaa kalsooni waxaan maalgalinaynaa wax badan, waxaan balaarinaynaa mashruucaan waxaana gaarsiinaynaa Galmudug iyo Koofur galbeed si ay u soo kabtaan, mustaqbalka dhowna waxaan u dhaqaaqaynaa Hirshabeelle iyo Jubbaland” ayuu yirri Wakiilka Bangiga Aduunka La’aanta keydadka biyaha roobka xiliga uu da’ayo si looga faa’iidaysto waqtiga roob la’aanta waa mid ka mid ah caqabadaha haysta dadka ku nool miyiga waxaana mashruucani uu noqon karaa mid wax ka tara helida keydadka biyaha hadii uu u hirgalo sida loogu talagalay 5 sano ee soo socota oo uu mashruucani soconayo. The post Bangiga Aduunka Oo wada mashaariic looga faa’iideysanayo biyaha appeared first on Shabelle. View the full article
  9. London (Caasimada Online)-Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni. Madaxweynaha Uganda ayaa u gafay dowladda Soomaaliya, waxaana dadka falanqeeya siyaasadda Africa ay ku sheegeen inuu yahay mid gaf weyn ku ah qaranimada Soomaaliya. Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis oo falanqeeya siyaasadda geeska Africa ayaa sheegay in hadalkaasi uu muujiyay waxyaabihii ay sanado badan ka digi jireen aqoonyahanada Soomaaliyeed. “Madaxweynaha warkiisa wuu cadaa, wuxuuna cadeynaayay waxaan sanado badan dalka ka qoreynay, sababtoo ah horey ayaan u sheegnay in magaalooyin qaar aysan iska warheyn, waxaana meesha ka muuqata in labo dowladood oo isla socdo ay ka jiraan magaalooyinka Muqdisho”. “Al Shabaab iyo dowladda ayaa isla maamula Muqdisho, sababtoo ah Al shabaab Canshuur ayay ka qaadaan Bakaaraha dowladdana wey ka qaadaa, waxaana meesha ka muuqata labo dowladood oo is barbar socda”. “Madaxweynaha Uganda dowladda Soomaaliya wax talaabo ah kama qaadi karto, sababtoo ah wuxuu kamid yahay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, ciidanka ugu badan ayaa ka jooga Uganda awood ayuuna leeyahay”. “Madaxweynaha Uganda ma ahan nin loo babac dhigo karo, sidii Nicholay Haysom, dowladda Soomaaliya waxay sameyn kartaa inay si hoose ula hadasho, laakiin ma ii muuqato talaabo cad oo ay ka qaadi karto, haddii ay ku dhaqaaqaana cawaaqib xun ayaa ka dhalan doona” ayuu yiri Mr Ingisiis. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Lafta Gareen ayaa intii uusan ka amba bixin magaalada Garoowe waxa uu kulan la qaatay shacabka Koonfur Galbeed [...] Source
  11. Jowhar ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Weerarkan oo loo adeegsaday Bamgacmeed ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday barkoontarool oo Ciidamada HirShabelle ay ku leeyihiin waqooyiga magaaladaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoona ay xigtay rasaas xoogan oo laga maqlay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa maamulka HirShabelle oo aan la xariinay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaaan weerarkaaasi Dhinaca kale wararka naga soo soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay weerar qorsheysan lagu qaaday fariisin Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Rag hubeysan ayaa la sheegay in illaa labo Bamgacmeed ay kuu tureen fariisin Ciidanku ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Biyo Kulule oo ka tirsan magaaladaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse weerarka kdiba Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka sameeyay M/ Boosaaso, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weeraradan, balse waxaa aalaaba dusha u rita Al Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya. The post Weeraro xoogan Oo ka kala dhacay Sh/ Dhexe iyo Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Kampala (PP) ─ Dood weyn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo baraha bulshada qabsaday, kaasoo uu ku sheegay Somalia aysa ka jirin dowlad gabi ahaan waddanka maamusha. Hadalkan ayuu Museveni ku sheegay khubad uu u jeedinayay hay’adaha garsoorka dalkiisa, waxaana jiray waddamo kale oo uu sheegay inaysan ka jirin dowlado awood leh, balse uu diiday inuu magacyadooda xuso sababo la xiriira dhanka dublamaasiyadda. “Waxaa jira dalal badan oo aanay ka jirin dowlado awood leh, waxaanan u soo qaadan karnaa tusaale Somalia,” ayuu yiri Museveni oo intaas ku daray inuusan jecelayn inuu carrabka ku dhufto Waddamada kale ee la midka ah Somalia. Hadalka Museveni ayaa dhaliyay caro, waxaana saacaddihii lasoo dhaafay bulshadda Soomaaliyeed ay u muuqdeen kuwo si weyn u cambaareynaayay hadalka Madaxweynaha dalka Uganda. Sidoo kale, Warbaahinta Mucaaradka Uganda ayaa iyana dhankooda si weyn u cambaareeyay hadalka Madaxweyne Museveni uu ka sheegay Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamaayay hadal gef iyo meel-ka-dhac ku ah Somalia oo ay ku sugan yihiin ciidammo ka socda Uganda. Ma ahan markii ugu horreysay oo uu sheego madaxweynaha Uganda inaysan Somalia ka jirin dowlad awood leh, balse hadalkii shalay ayaa noqday mid ka duwan kuwii ka horreeyay, maadaama xilligan Somalia ay u muuqato dal soo kabanaya. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Museveni oo ay dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan mid meel-ka-dhac ku ah Ummadda Soomaaliyeed, sidaas oo ay tahayna ay ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan ay ka hawlgalaan ilaha dhaqaalaha dalka sida Garoonka iyo Dekedda iyo iyagoo ilaaliya xarunta madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia. Ugu dambeyn, Uganda ayaa waxaa Somalia ka jooga ciidammo gaaraya 6,223 oo askari, kuwaasoo ka tirsan hawlaha Midowga Afrka ee AMISOM, waana dalkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo ciidammo keena Somalia sannadkii 2007-dii oo Muqdisho ay ahayd goob colaadeed. PUNTLAND POST The post Caro ka dhalatay hadal uu Madaxweynaha Uganda ku duray Dowladnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-290119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ku kulmeen madaxa xukuumada Galmudug iyo xubno ka socday dowlad goboleedyada. Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno matalayay Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, waxaana ay la kulmeen madaxa xukuumadda Galmudug. Qaar kamid ah xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay inay madaxa xukuumadda kala hadleen arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso dhameynta xiisadda ka dhex taagan madaxda Galmudug. Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay sidii sida Wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa dhamaan maamulada dhameynta Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalooyinka Galmudug. “Waxaa kulan aad u muhiim ah la qaadaney annaga oo ah Madax ka kala socotay Dowlad goboleedyada Soomaaliya sida : Galmudug ,Jubbaland ,Hirshabelle ,South west Madaxa xukuumada Galmudug state Sheikh Mohamed Shaakir Ali Hassan waxa uuna kusoo dhamaaday kulankeena is afgarad waxa uuna u badnaa tusaaleyn ,kala warqaadasho iyo waano”sidaasi waxaa shaaciyay mid kamid ah xubnaha ka qeyb galay kulanka. Senetor C/raxmaan Faroole ayaa horey madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xaliyaan khilaafka Galmudug, maadaama iyaga ay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  15. Somaliland: National Elections Commission Offers Resignation To President Hargeisa, (Qaran new)- The Somaliland National Elections Commission (NEC) has offered it’s resignation to President Muse Bihi Abdi. According to reliable sources in the presidency, the commission met with the president on Friday and tendered it’s resignation. There has been no official confirmation from the presidency as to whether the offer was made, or whether it was accepted or rejected. The commission which has been the subject of severe division between the three Somaliland political parties, Kulmiye, Waddani and UCID, appears to have finally succumbed to pressure from the public. The Somaliland National Elections (NEC) which recently stated it’s inability to hold the parliamentary and local elections slated for March 2019, has been widely criticized for it’s abject failure to prepare for those postponed elections. The withdrawal of support and co-operation by the Waddani party appears to have played a significant role in the offer to resign. The commission’s tenure was to have expired in November, 2019, ahead of the proposed parliamentary and local elections rescheduled for December, 2019. It is not clear, at the time of writing whether this offer to resign is genuine or an attempt by the commission to gain backing from the presidency. It is also not clear, whether all or some of the members of the current commission will be re-nominated by the administration and the political parties in Somaliland. Qaran News
  16. President Bihi has not Gain any Tangible Change President Muse has been ruling the country for almost one year and two months, but still he has not yet accomplished any factual task. So far, he did not achieve any major breakthrough tasks that the Somaliland people expected from him. Goal settings and goal achievements are easier if you make a plan for a path to follow so the goal can be accomplished. President Bihi has not yet shown any signs of a plan to follow in accomplishing the presidential successful goals. The first expectation that the Somaliland people had is for the president to conduct the House of Representative and Local government election on time with as a free and fair election, and as a first test he failed. The previous government assigned the elections on March 29, 2019. As long as Somaliland claims the multiparty system and democracy, it is mandatory to conduct the elections through representative and other institutions like Local Councillors. Democratic government must be conducted through representatives. Elections make a fundamental contribution to democratic governance. Secondly, he appointed a fledgling cabinet. In the modern society, the cabinets must be experienced, competence and capable. Two-third of his cabinets are young and barely have skills with public policy and administration. Government civil servant needs to have public sector knowledge. Most key minister did not even work public sector at all. Some of them were used to work narcotic drugs like Khat and some of them used to work odd jobs overseas. Somaliland does not need 32 cabinets ministers. Our population is not more than 4 million; therefore, Somaliland people cannot ably to have more than 5 cabinets minister. Somaliland cannot avoid paying their salaries for 32 cabinet ministers. As we know, our neighbouring country, Ethiopia has a population that is approximately 107 million; according to worldometers in the year of 2018. Ethiopia’s cabinet ministers are 55, and half of them are women whereas President Bihi only appointed two women to his cabinets. Thirdly, for the seven years that President Siilaanyo nominally had power, Somaliland had been a power vacuum and non-elected members took the power. President Siilaanyo did not rule the nation, but his tribal nephews and his wife were proxy and ruled the nation. The wealth of the nation fell in the hands of the corrupted ministers; the election of the Houses as well as president was postponed without dire circumstances such as a wide war, internal instability, and serious natural disasters. The Somaliland people have been waiting from the president and appointed the Truth and Reconciliation Commission. The commission must be assigned to find the facts that what happened during previous governments. For example, what was wrong with the timing of the conductions of the President Elections and reasons behind the extension of the Presidents’ terms for two years without proving any dire circumstances happening? Why do the House of Representatives have longer terms that were non-assigned by the constitution? Why does the House of Elders become the monarchy and inherent institutions whereas it was known that the constitution limited their terms to 6 years? What was the reason behind the first lady’s business in the country while the Somaliland constitution clearly states Article 85: Matters in which the President and the Vice-President are not allowed? The President and the Vice-President and their spouses shall not engage in any business activities during their term of office. Why some ministers have took the public property that could and would not have an authority or power for approved the ownership by president, Vice president, the chairperson of the parliament to any person. In a democratic society the governments provide affordable housings to those who cannot afford the market rent. Most of the developed countries set up and facilities for the low income household rent-geared-to-income subsidy; in contrast, the current President and his preceded have been exhilarated to award the government houses to the big businesses owners and its political cronies. Because of the corruption, nepotism and lack of employment, every year thousands of the Somaliland youth have been killed by human traffic in the Europe and Mediterranean Sea since the Kulmiye party held power. Seems to me, the current president Mr. Muse Bihi Abdi does not have the ability and competent to tackle the huge task ahead for him and at the same time will not gain any tangible job so far. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab yaab leh ka bixiyey hadalkii madaxweynaha Uganada Yoweri Museveni ugu gafay dadka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo taageeray islamarkaana sheegay inuu sax yahay. Museveni ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa. Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya, waxaana dad badan ay arkeen tani inay tahay arrin ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu diido. Si kastaba, Mahad Salaad ayaa u muuqda inuu uga faa’iideysanayo arrintan loolanka iyo dagaalka siyaasadeed ee uu ku hayo xukuumadda Nabad iyo Nolol. Hoos ka aqriso jawaabta Mahad Salaad uu soo dhigag faceboob Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN! Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa yiri: Waxaa jira waddamo badan oo aan lahayn dawlad. Way joogaan, laakiin ma haystaan ​​hay’ado abaabulan oo maamula, Soomaaliya ayaana mid kamid ah kuwaas! Tani waxay daliil cad u tahay siyaasad xumida Nabad iyo Nolol iyo faham la’aanta ka heysata siyaasada arimaha dibeda iyo loolanka siyaasadeed ee kajira Geeska Africa oo u baahan in si foojigan oo miyir qabta looga baaraan dago, si aan loogu dhicin qorsheyaasha iyo danaha isdiidan ee quwadaha waaweyn iyo kuwa Geeska Africa ee ku wajahan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN sidaas daraadeed waxaan kugula talinaynaa Mudane Madaxweyne in dalkaan iyo dadkaan loo turo, lagana daayo siyaasadaan qar iska tuurnimada ah ee aad ku maamulaysaan! #وما_خفي_أعظم. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  18. Waxaa magaalada Garowe ka dhacay shirar sulux ah oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Federal-ka ah iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah. Shirkaas waxa uu daba socday calaameemo saarkii Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdullahi Siciid Deni laba habeen kahor Garoowe loogu sameeyey. Sida ay Soomaalida oo dhan qabtay, xafladdaas waxa ay ahayd fursad qaali ah oo looga faa’iideysan karo isu keenidda madaxda Soomaalida ee is khilaafsanaa. Waxaa qabsoomay laba kulan oo lagu turxaan bixiyey inihii khilaafka taas oo u muuqata in bilo ugu yaraan laga nasan doono. Hase ahaatee, hal shaqsi ayaa faa’iidada ugu badan ka helay shirkaas waana hogaamiyaha maamulka Kismaayo ku kooban Axmed Madoobe. Axmed Madoobe waxa uu ahaa mid aan cago badan ku taagneyd oo ay dowladda ka shaqeeneysay sidii ay u dhaafin lahayd maamulka Jubbaland ee uu la dagay. Hase ahaatee, waxa ay u muuqataa in is afgaradkan uu ku helay fursad oo uu xoogaa inta waqtiga uga dhiman ku nafiso. Haddii heshiis la gaaro, waxaa suurta-gal ah in dowladda Axmed Madoobe is-fahmaan, taasi oo xukunka usii dheereyn kartaa hogaamiyaha Jubaland. Axmed Madoobe ayaa dhowr mar isku dayey in isaga iyo dowladda la dhex-galo, isaga oo wafti ka socda Soomaalida Kenya ay kasoo ergeeyeen marii ay dhowaan yimaadeen Muqdisho. Si kastaba waxaa se is weydiin mudan, Axmed Madoobe ma yahay mid la aamini karo? Waxaa hubaal ah in ay adkaan doonto in Madoobe lagu aamino in uu doorasho nadboon ka qabto Kismaayo marka waqtigiisa dhamaamdo ama uu si wanaagsan ula shaqeeyo dowladda. Walow ay neefta ka soo fuqday, hadana waxaa hubaal ah in dowladda ay si gaar ah arrintaas u fiirin doonto oo aysan ku kadsoomi doonin laba wajiile nimadiisa. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Keligi-taliska da’da ah ee Yuweri Mussaveni oo muddo 30 sano kabadan xukun keligistalis ah (Dictatorship) ku haysta talada waddankiisa Uganda ayaa meel fagaare ah ka sheegay in Dalka Soomaaliya yahay waddan aan dowlad lahayn oo baylah ah. Yuweri oo aan xushmayn Diblomaasiyasadda iyo xiriirka waddamada qaarkood ayaa sidan oo kale dhowr jeer ugu gefay diblomaasiyadda islamarkaana madal ka aflagaadeeyey dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidaas oo kale Askari saaqid ah oo haysta derajada Gaashaanle sare kana tirsan howlgalka nabad-illaalinta AMISOM oo Soomaaliya ka bilowday 2007 ayaa u sheegay Wargeyska foreignpolicy.com in Soomaaliya lamid tahay adiga oo Doofaar nadiifinaya islamarka aad nadiifisana Wasaqoobaya. Isugeynta Weerarka iyo gefka Diblomaasiyadeed ee Keligitaiska Yuweri Musaveni iyo Askartiisu kuhayaan sumacadda dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxa ay u muuqdaan kuwo si wadajir ah oo ku talagal ah loo abaabulayo waxaana suuragal ah in Mussaveni uu ka gubanayo isbeddelka dhinaca ganacsiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya gaareyso iyo xiriirka ganacsi iyo siyaasadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Yuweri waxa uu kaqaybqaatay laba afgembi oo lagu riday laba madaxweyne kaddibna waxa uu si xoog ah ku qabsaday dalka iyo dadka Uganda oo ah waddan xiran oo aan bad lahayn isaga oo markii lixaad u sharraxan in uu qabto xilka madaxweynaha, waxa uu dalka ku haystaa jabhaddiisii Dhaqdhaqaaqa wax iska-caabinta Qaranka (National Resistance Movement) taas oo u sameystay sanadkii 1986, balse uu u diiwaangashaday xisbi siyaasadeed. Mar la weydiiyey Yuweri xilliga uu talada kadegayo ama ku celinayo xukun rayid ah waxa uu yiri: “Sidee ayaan uga tegayaa Moos/Muus aan beeray ama tallaalay oo billaabay in uu miro dhalo” sidaas waxa uu u sheegay BBC World News Musaaveni waxa uu kadhashay qoys Sabool ah waxa uu ku soo koray dibjirnimo iyo aqoon la’aan, markii uu kaqaybgelayey ridista xukunkii Iiddi Amiin waxa uu isugu yeeri jiray in uu dalka xoreynayo balse markii uu qabsaday waxa ay dadka Uganda ugu yeereen Keligi talis macangag ah oo aan marna rabin in la la tartamo oo doorasho madaxbannaan kadhacdo Uganda. Dadka Uganda Waxa ay kunool yihiin heerka ugu hooseeya ee xariiqa Saboolnimada caalamiga ah iyada oo qofka Uganda quuto lacag kahooseysa laba dollar (2) maalinkii, waxaana 3.4 Milyan oo qof oo Uganda u dhashay ay ku nool yihiin saboonimo aad u xun sidaas oo kale warbaahinta iyo dadka siyaasadda ayaa cabbursan muddo 30 sano ah, waxa uu dil iyo musaafurin isugu daraa hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Ciidanka Uganda waxa ay kamid yihiin ciidamada ugu liita ee bariga Afrika dhinaca xuquuqda aadanaha iyo xushmeynta xeerka caalamiga ah ee illaalinta nabadgelyada Qofka, sanadkii 2011 tobonaan qof oo katirsan taageerayaasha hoggaamiyaha jabhadda isbeddeldoonka Uganda Kizza Besigye ayaa geeriyooday kaddib ciidanka Nabadgelyada oo kufuray rasaas. Sida lagu qoray warbixinta xuquuqda aadana ee Uganda 2017, December-2017 waxa uu Baarlamaanka ka ansixiyey in Dastuurka laga saaro qodobada xadeynaya da’da madaxweynuhu haddii uu gaaro uusan hayn Karin xilka ama uusan u tartami kari. 23-June-2017 ciidanka UPDF iyo UPF waxa ay toogteen oo dileen Erasmus Irumba oo ahaa qof u ololeeya xuquuqda aadanaha, kaddibna waxa ay dowladdu diidday in la baaro, waxa kale oo lagu qoray warbixinta xuquuqda aadanaha ee Uganda 2017 in ciidanku dowladdu maraanmaro oo jirdilo qof walba oo loo arko in uu kahor iman karo madaxweyne Yuweri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xafladdii lagu caleemo saaray Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne xilka ka badalay ayaa sheegay in uu diyaar ula ahaan doono hoggaanka cusub talo iyo wax walba oo ay uga baahdaan. Cabdiweli Gaas waxa uu sidoo kale hadal sarbeeb ah ku riday Deni oo uu u sheegay “In uusan noqon doonin Madaxweyne kursiga kula fadhiya”, balse mid wixii uu uga baahdo aan ka hagran. Hadalkaas waxaa loo fasirtay dhowr macno balse waxaa iga soo baxay laba arrin oo ay dhici karto in aan lagu baraarugsaneyn. 1 – Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole oo isna madasha ka hadlay ayaa marar badan dagaal hoose ku qaaday Gaas oo ay si weyn isu hayeen. Faroole iyo Gaas shanti sano ee u dambeeyey waxa ay ahaayeen laba siyaasi oo aan hadalada isaga turin oo isla tagay ilaa iyo sagxadda hoose. Hadalkii Gaas waxaa loo fasiran karay in uu ula jeeday aniga sida Faroole kursiga kugu qabsan maayo oo talada kugu qabsan maayo. Marka la sii fasiro hadalkaas waxa uu u dhacayaa tuhun ka jiray in Faroole ku lug lahaa ol’olihii uu ku soo baxay Madaxweyne Deno oo Gaas na leeyahay anigii aan kala fogeyn ayaa ka maaro waayey ma adigoo oo uu ku caawiyey ayaa ka fadhiyaya? 1 – Xassan Sheekh Waxaa jira dadka kale oo iyana qabi kara in Xassan Shikeh Maxamuud uu u sarbeebay hadalkaas. Xassan Shikeh Maxamuud oo looga guuleystay doorashadii 2017 ayaa wax ka yar laba sano ugu soo laabtay Muqdisho oo ka furay xisbi siyaasadeed oo dhalleeceyn ku billaabay dowladda Farmaajo. Dad badan ayaa rumeysan inay ahayd in Xasan Sheekh waqti siiyo dowladda, oo ay wax ku qabato, balse uusan dagaal siyaasadee dku bilaabin ayada oo xitaa aan laba sano dhameysan Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas waxaa dhici karta in hadalkaas noqon karo kii ugu dambeeyey ee uu ku saameeyo siyaasadda Soomaalida islamarkaana uu in muddo ah ka maqnaan doono. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay Saldhigga Milatari ee ay ka dhiseyso Berbera, howlaha uu qabanayo, qandaraaska lagu dhisayo iyo sharikadda dhiseysa. Qoraallo diblmaasiyadeed oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka oo ay heleen Warbaahinta Carabta ayaa muujinaya in Saldhiggaasi wajigiisa 1aad la furayo Bisha August ee sanadkan. Qandaraaska dhismaha Saldhigga Milatari oo lagu rakibayo Raadaar,sidoo kalena leh Bosteejo Tareen oo isku xirta Dekadda Berbera iyo saldhigga ayaa waxaa ku guuleystay sharikad fadhigeedu yahay Dubai oo lagu magacaabo Divers Marin Contracting LLC. Sharikadda Dowladda Imaaraadka ayaa bixisay lacag gaareysa $100 Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo lagu dhisayo saldhigga Miltariga Imaaraadka. Warqadaha waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah in Raadaarrada Saldhigga lagala soconayo dhaq dhaqaaqa Badda cas sidoo kalena Diyaaradaha dalalka daneynaya Geeska Afrika loo oggolaan doono in ay Saldhigga ku nastaan. Waxa kale oo ku jira warbixinta in Imaaraadka uu tababarayo 15,000 oo Ciidamada Maamulka Somaliland ah, kuwaas oo uu ballanqaaday. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  22. Axmed Silaanyo 80 cod ayaa la yidhi waa lagaaga helay. H.Jeclo reer qudha may caayin, dhul gariirna kumuu dhicin waxaana doorashadii danbe la galay iyadoo umadiiba Kulmiye ah. Jeegaan, Jeegaan, Jeegaaan hoonkiibaa nagaga dhagay. Tolow cabaadka ma joojina oo Xisbigii Wadani meel adag ayuu kaga hayaa oo imikaba Muuse waa ku jiqe ma tageeraa?. East Burco Clan iyo H.Awal waa dad inala dhashay raguna wax uu isku qabtaa aduunkiina muu rogman maalintuu Wadani dhacaye mucaaradad caqliga gasha ma la nimaadna. ?. Caydu waa hubka nin awood waayay ee cayda ma joojiina?. Lacagtii Xisbiga ma ururinaa, dadkana ma soo jiidana. West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan Lagaaga murmi maayo ee isagoo kuu xaajasan umada kalena saaxiibo maad ku yeelan, mise kaas oo weliba aanad niyad badan u haynin ayuunbaad ku sayixi, umada kalana way kaaga tegi ileyn waa Qoladaadiiye. Waa talo aad u culus hadaad diido u diyaar garow. Garxajiska aad sheegayso laftiisa oo kala dhaqaajiya oo Danley noqda. Jin Dagaageyga oo kolba 300 soo qadeysiiya. Sida caadada ah Jilib kasta oo Jin Dagaageygiisa difaacda. Muuse Biixi iyo raga laga cabanayo oo doqoniimada iyo asqada ka faaiideysta oo ninkii ay Xiniinyo ku arkaana fogeeya, Daaquudadana soo xareysta. Iyo adigoo Baroor iyo cay mediaha la dhex taagnada. Igaba dhan. Source
  23. Hogaamiyaha Kalitaliyaha ah mar baan taageera markaasina waxay tahay wuxuu kor usoo qaada hanka beelaha laga tiradda badan yahay ama la hayb sooco, waxaanu u dhiibaa xilalka ugu waaweyn. Sababtuna waxay u arkeen inay tahay dadka kaliya ee aan kursigoodda gungureen ee ay wada shaqaysan karaan. Hadii hogaamiyeyaasha kale intaas kaga dayan lahaayeen dhulka Soomaalidu barwaaqo iyo horumar bay gaadhi lahaayeen, balse inkaasta haysataa waa sii fogeynta beelahaasi lagu sheego inay tiro yar yihiin. Source
  24. Xasuustaydu waa mid soo celcelisa inbadan waayahaan isla soo marnay isaga. Haa waxan isla soo marnay waayo’ badan wanaag iyo walbahaarba leh. Calafku waa halkiisee Wayne wuxuu ii dooray isaga dookhaygana wuu noqday dadka wuu iiga duwanaa, waayo waa lammaanahaan nolosha la wadaagi jiray een carruurtan iftiinkayga noqotayna u dhalay. Nolol been iyo ballan burin ku dhisnayn ayaanu ku noolayn muddo badan. Waa arooryo hore dadku waxay wada tageen shaqadoodii mid kastaa hawshii u taalay ayuu u kallahay. Isaguna sidaas si la mid ah ayuu uga soo jarmaadday gurigiisa si uu u soo guto hawl maalmeedkii u taalay intuu dalka joogay. Carruurtuna ka hor isaga ayey u baxeen dugsiyadoodii. Hadduu iga sii maqnaa 3 saacaaddood oo toban la’ waxa igu soo dhacay Alleen aan kala go’ lahayn! Si baraadla’ baan u qabtay. “Haloow….Haloow, xaaskii Deeq miyaa?” Ayuu nin aanan codkiisa garanayni igu yidhi. “Haa” Haddaan ugu werceliyeyna, wuxuu ii sheegay in uu Deeq isagoo shaqadiisii ku jira uu Koomo galay oo hadal iyo huguntoona lahayn cisbitaalkana loola cararay. Naxdin ayaan fadhiistay haddana kacay, wareegay gurigii marba qol baan galaa waxan ka soo qaadayeyna garanwaayey! Shaydaankaan iska naaray haddana Bisinkaa cugsaday. Cid lamaan hadline horaan gaadhiga ka soo kaxaystay. Waddadu cidhiidhi badanaa ma anigaa la i eeganayaa!? Saacad buuxdaan ku soo jiray jidka. Cisbitaalkii ayaan imi anigoo harraad, daal, naxdini ii dhammaatay. Waan soo dul istaagay, mise waabuu neef tuurayaa! Markeliya ayaan quus qaatay. Waxan isku maaweeliyey in uu Eebbe isaga leeyahay adduunkanna uu keenay noolaysiin karo dilina karo. Waxan go’aansaday in aan u sheego arrinkan dhiillada leh reerkayagii iyo reerkaanu xididka noqonnay. Way i soo gaadheen intii i soo gaadhi karaysay. Deeq hal maalin ayuu ku jiray cisbitaalka. Eebbe mahaddii koomadii wuu ka soo baxay. Dadka wuu kala garanayaa hase yeeshee awood badan ma laha, shaybaadhkii la mariyey wuxuu sheegay in uu wadne xannuun ku soo booday! hadda se’ wuxuu go’aan ku gaadhay in loo qaado dhinacaa iyo guriga. Anigu waxaan jeclaa in uu ku jiro cisbitaalka hase yeeshee markuu ku adkaystay waxan ku qasbanaa inaan ogolaado. Xummadda haysaa umay ogolaan inuu dhinaca dhulka saaro, fadhiisto ama uu qaato wax cunno ah. Cunno kamay degin cabitaanna hadalkiisa daa! “Jihada ii jeediyaa.” ayuu hadalkiisu ahaa. Waan u adkaysan kari waayey xannuunka uu ku jiro Haddana waxaan isku maaweelinayey inaan rumaysnaado wixii Eebbe keenay ee uu qoray oon marnaba la dhaafayn. Carruutaydana sidaa si la mida ayaan u maaweeliyey. Haddii aanu baxnaaninnay laba caano maal, tii Eebbaa u timi naftiina way ka baxday. Waanu samirnay kana samirnay isaga. Waayo haddii wax kasta aanu samaynno marnaba ma soo celinkarno isaga. Ballaayadu maalinna ma qaddo, hadba maalinba meelbay dul yuururtaa. Dakharo badanna ku dhufataa. Maantaba waa maalin madow, oo gabal baa u dhacay reerkaygii. Tani waxa marag ka ah madasha la joogo, cidina ka maqnayn. Waxaa loo fadhiyaa waa geeridiisa berrina gogol laabkiisa. Waa gole murugo badani ka muuqato. Waa la maydhay lana aasay isaga xaggii loo badnaana waa la geeyey. Godka loo nuur waa la galbiyey gurigiisii aakhirana waa la geeyey. Eebbe ha u naxariisto. Hadday ka soo wareegtay 4 billood iyo tobon habeen ganbadiina aan dhigay, odayaal cummaadaysani ha i soo bookhdaan. Waxad mooddaa inay ii tirinayeen intaan ganbada siday! Soo dhawayn ka dib, arrinkay u socdeen ha ii furfuraan.” Duco qabtaad ahayde ma doonayno inaad reerka ka baxdo wanaag badaneey dee waxan doonaynaa maanta inaad Deeqii ku deeqay ee ina wada deeqay walaalkiisii Dahab aad maantaba ooridiisa noqoto oo uu carruurtana u noqdo aabbohoodii labaad dayacnna arki maayaan debadii Degeneey.” Ayey hadalkii iigu furfureen! Anigoo yaaban ayaan ugu hal celiyey weliba odhaahdooda ka murugaysan, “Waxan ka marag kacayaa in aanay arki doonin dayac, markay arrintani timaado waa mar aan ka dafiray, indhahana ka daboolay dayrkii noloshayda naftaydana u diidday korinta ubadkayga tani se’ dhici mayso. Anigaaba tan naftayda ka ogolaanayn.” Markay arkeen in uu go’aankaygu isbeddel lahayn ayey iska carraabeen iyagoo ii ducaynaya ilayn qasab iguma lahee! Haa wuu dhintay isagu adduunkanna wuu ka tegay balse aniga iyo carruurtaydaba wuu nala noolyahay iyo weliba dadkooda, wadnahaygana wuu ku dhex noolyahay oo wuu warraabiyaa. Jacaylkiisu wuxuu noo ahaa sida; geed ka soo baxay carro si fiican loo warraabiyey lagana saaray wax kastoo sadhaydhsan. Jacaylkiisu ma aha mid shaashoon doona, shillintana laga guri doono weligii, ma arag anigu intaan noolaa aabbe la mid ah mana arki doono, ma ilaabi doono siduu noo wada jeclaa ma ilaabi doono siduu ubadka iila korin jirin ee uu u koolkoolin jiray marnaba aanuu u dhibsan jirin. Ma ilaabi doono siduu iila shaqayn jiray ee uu iila caawin jiray shaqada guriga, ma ilaabi doono siduu reerkooda iyo kaayagaba u soo dhawayn jiray iskuna xidhi jiray. Ma ilaabi doono siduu ii dhagaysan jiray marka aan u sheekaynayo. Ma ilaabi doono siduu u ilaalin jiray farxaddayda geedkii jacaylka, is taakulaynta, istiirinta, istoosinta ku dhisnaa waa mid ka beeran dhammaan xubnaha jidhkayga. Sayigayga oo keliya muu ahayn waxa kaluu ii ahaa; tusaale tolmoon oo aan ku daydo, walaal wanaaga wehel u ah, saaxiib iga samato bixiya wax waloo sadhaysan. Deeq wuxuu nala joogay muddo ka badnayn saddex billood intuu dalka hooyo joogay. Saddexdaa billood se’ waxay ii ahayd soddon sanno in aanu wada noolayn. Weligii xanaf ima taabsiin xanaajinna hadalkeeda daa’. Saddexdayda carruur ahi waxay iila mid yihiin soddon ubada. Muu iman jirin weligii isagoo wax cusub noo sida mooyee, ma ilaabi doono siduu ubadka ugu ahaa macallin iyo weliba tabbobare. Hal maalin hadduu naga maqnaado waxay noo ahayd malaayiin maalmood inuu naga maqnaa! Beddelkii, maya! Ma ogoli in aan isaga debedii guursado. Eebboow jannadaada nagu kulansii dhammaantayo. Amiin….Amiin. W.Q: Faadumo Buuni Hargeysa,Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
  25. Ilo wareedyo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka qaranku ay kulan fool ka fool ah la yeesheen madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, kulankaasi oo ay codsadeen gudiga doorashooyinku waxa uu daarnaa is casilaad ay gudigu doonayaan in ay dhawaan ku dhawaaqaan, taasi oo ay wararku sheegayaan in ay gudiga doorashooyinku madaxweynaha u soo bandhigeen in ay doonayaan in ayna carqalad ku noqon doorashooyin dalka ka qabsooma, taasi oo ay sheegeen in ay cadaadis xoogan kala kulmayaan dadweynaha reer Somaliland oo ka codsaday in ay xilka baneeyaan oo dalka bad baadiyaan madaama oo aan xisbiyada tartamaaya ayna raali kuwada ahayn. Kulankani dhex maray madaxweynaha iyo gudiga doorashooyinka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Somaliland, waxana ay wararku sheegayaan in madaxweynahu uu arintaasi aad uga xumaaday kulana taliyay in ay arintaasi aad uga soo fikiraan oo ayna ku deg degin. Dhanka kale dadweynaha ku dhaqan caasimada iyo dadka siyaasada Somaliland la socda ee ku kala sugan gobolada dalka ayaa arinta is casilaada ay damacsanyihiin gudiga doorashooyinku aad u soo dhaweeyay. Waxana hubaal ah hadii ay gudiga doorashooyinku ku adkaystaan is casilaadooda in ay noqon doonto Somaliland mid uu waa cusubi u soo baxay Qaran News