-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Sida laga soo xigtay agaasimaha mukhaabaraatka qaranka Mareykanka Dan Coats, kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS ayaa wali amarta kumanaan dagaalamayaal ah oo ku sugan gudaha Ciraaq iyo Suuriya waxa ayna xambarsan yihiin fikrado khatar ah inkasta oo dhulal badan laga qabsaday. Hadalkiisan ayaa kasoo horjeeda hadal uu dhawaan sheegay madaxweyne Trump oo ahaa in kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS laga adkaaday uuna taasi u coskaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya. Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Coats in madaxweyne Trump uu sumcad ku helay inuu caalamka ka dhigayo goob nabdoon uuna la kulmayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, isago oo ku shaaciyay bartiisa twiterka in halistii nuklerka ay dhammaatay. Balse Mr Coats ayaa u sheegay gudiga mukhaabaraatka Mareykanka in Kuuriyada Waqooyi ay ku dadaaleyso inay heysato hubkeeda sida ba’an wax u gumaado iyo in ay awood u yeelato soo saarida hub badan. Balse waxa uusan xusin ayaa ah wax halis ah oo ka imaanaya dhanka muhaajiriinta sida sharcidarrada ah ugasoo galaya Mareykanka waddanka Mexico. Mr Trump ayaa ku qasbay in la xiro laamaha xukuumadda Mareykanka kaddib markii congareska uu kasoo horjeestay bixinta qarashka lagu dhisayo gidaarka xadka Mareykanka iyo Mexico kaasi oo Trump uu ku sheegay inuu muhiim u yahay ammniga qaranka. Waxaana wali suuragal ah in madaxweyne Trump uu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran haddii aanan heshiis laga gaarin bartahama bisha February. Source
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa ayna isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada. Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo. The post RW Khayre Oo la kulmay madaxweynaha Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwiat Danjire Cabdullahi Odawa ayaa garay caasimadda dalkaasi ee Kuwait City. Danjire Danjire Cabdullahi Odawa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Madax ka socotay waasiirka arrimaha dibadda Wadanka kuwait Sheekh Khalid Alfarasi iyo mas’uuliyiin kaleoo ay kamid ahaayeen ahayeen 19 safiiro oo ka kala socday wadamada Africa Iyo Carabta. Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee kuwait oo uu hor kacayay siihayaha safaaradda Abiib Muusa Faraax,aqoon yahano iyo qaar kamid ah jaaliyadda SOomaaliyeed ee kunool dalkasi ayaa kamid ahaa soo dhaweynta danjiraha. Danjire Cabdullahi Odawa ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshey madaxda dalkaasi Kuwait,iyo diblomaasiyiin kale,si loo dardargeliyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya SOomaaliya iyo Kuwait oo ay mas’uuliyadiisu tahay. Sidoo kale wuxuu niyad wanaag iyo dhiirogelin u muujiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kuonool,kuwaasi oo safiirka ka sugaya sidii ay u heli lahaayeen adeegyadii muwaadiniintu ay uga baahnaayeen safaaraddooda. The post Safiirka Soomaliya u fadhiya kuwait Oo gaaray dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-300119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Khartoum)-Masuuliyiinta dalka Sudan ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo dhammaan maxaabiistii la xir xiray intii ay socdeen dibadbaxyo dawladda looga soo horjeeday. Amarka lagu siidaynayo maxaabiista ayaa waxaa bixiyey madaxa Nabadsugidda iyo ammaanka dalkaas, Salah Ghosh, sida war qoraal ah uu ku sheegay wasiirka warfaafinta. Mana jirto wax siidaynta dadkaas lagu sababeeyey. In kabadan 1,000 qof ayaa lagusoo warramayaa in loo xirxiray dibadbaxyadii daalkaas ka dhacay ee bilowday bishii December. Madaxweyne Omar al-Bashir ayaa qalalaasaha ku eedeeyey in ay ka dambeeyey dad shisheeye ah iyo sidoo kale kooxda fallaagada ah ee ka dagaallanta gobolka Darfur. Dhanka kale dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in booliiska shaqaaqada ka hortaga ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Khartoum ay adeegsadeen gaaska dadka ilmaysiiya si ay u kala eryaan tobonaan qof oo maalintii talaadada ahayd dibadbaxyo ka dhigayey degmada Burri. Dibadbaxyo dawladda looga soo horjeedo ayaa sidoo kale ka dhacay magaalada caasimadda u dhow ee Omdurman iyo magaalada Badda Cas kutaal ee Port Sudan. Dibadbaxyada ayaa bilowday kaddib markii hoos loo dhigay gunnooyinkii lagu kabi jiray rootiga iyo shidaalka, hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen caro looga soo horjeestay xukunka 30 jirsaday ee madaxweynaha dalkaas. Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya in dad ka badan 40 qof ay ku dhinteen iskudhacyo dhex maray ciidamada ammaanka iyo shacabkii dibadbaxa dhigayey. Tifaftiraha BBC Afrika, Will Ross ayaa sheegaya in aanay u badnayn in tallaabadani ay raalli galiso dibadbaxayaasha. Carada dibadbaxayaasha dawladda kasoo horjeeda ayaa sii kordhaysa mana jirto caalamad muujinaysa in dibadbaxyadaas ay joogsan karaan ayuu intaas kudaray. Dadka la xir xiray ayaa waxaa kamid ahaa hoggaamiyeyaal mucaarad ah, dadka arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa iyo saxafiyiin. Dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegaya in tallabadani ay timid kadib markii Salah Ghosh uu booqday xabsi kuyaal magaalada Khartoum. Madaxweyne Bashir ayaa ka garaabay dhibaatooyinka dalkiisa kajira, hase ahaatee waxa uu sheegay in saxaafaddu ay buunbuunisay. Source
-
(SLT-Tehraan)-Caasimadda dalka Iiraan waxaa laga mamnuucay dadweynaha dalkaasi inay Eeyga ay ku dhex wataan gudaha magaalada Tehraan, waa tallaabo la doonayo in looga hortaggo in dadka dalkaasi ay Eeyga ku xannaaneystaan guryahooda. Taliyaha booliska Tehraan, Xuseen Raxiimi ayaa sheegay in xafiiska dacwad oogaha guud ee dalkaasi uu u ogolaaday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka lagu arko iyagoo Eeygooda ku dhex wata meelaha ay dadka isugu yimaadaan sida gooba loo damaashaad tego. ‘Cabsi iyo walwal’ Taliyaha ayaa wakaaladda wararka ee Young Journalists Club u sheegay in la mamnuucay in dadka ay dhaqdaan Eeyga taas oo cabsi iyo walwal ku reebtay qaar kamid ah shacabka dalkaasi. Janaraal Raxiimi waxaa uu sheegay in sharcigan uu sidoo kale mamnuucaya in Eeyga ay dadka ku dhex wataan baabuurkooda. “Waxaa mamnuuc ah in Eeyga aad ku dhex wadato baabuurkaaga, haddii laguugu arko arrintaasi, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa dadka iska leh baabuurkaasi” ayuu yiri taliyaha booliska Tehraan. Waxaa Jamhuuriyadda Islaamiga ee Kacaanka Iiraan ka taagna khilaaf tan iyo sannadkii 1979-kii kaas oo ku saabsan in dadka ay guryahooda ku xannaaneysan karaan Eeyga ama ay ku wadan karaan goobaha dadka ay isugu yimaadaan, waxaana marar badan dhacday in dadka qaar laga hor istaago in Eeyga guryahooda ay ku heysan karaan. Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan ayaa rumeysan in Eeyga uu yahay ‘Nijaaso’ isla markaasna dadka xannaaneysta u arkaa inay yihiin dad taabacsan dhaqanka reer galbeedka. Wasaaradda dhaqanka iyo arrimaha diinta ayaa sannadkii 2010-kii ka mamnuucday warbaahinta Iiraan in xayeeysiinta ay kusoo bandhigaan muuqallada ama sawirrada xayawaanka Eeyga. Shan sanno ka hor xubnaha baarlamaanka Iiraan waxay wadeen hindise sharciyeed dhigaya in dadka lagu arko iyagoo Eey ku dhex wata waddooyinka magaalada la ganaaxo sidoo kalena la karbaasho. Source
-
(SLT-BaydhaboWasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka dhacday Gobolka Baay 24-kii bishan, kaasoo lagu qaaday saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan 75KM u jirta Baydhabo. Sida ay shaacisay Warbaahinta dowladda Itoobiya EBC duqeynta oo socotay 44 daqiiqo ayaa laga fuliyay saldhigga deegaanka Buur Haybe, waxaana lagu dilay 35 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay aheyd tii ugu waqtiga dheereyd ee Itoobiya ay qaado. Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM, inkastoo ay jiraan Ciidamo kale oo ka madax banaan howlgalka AMISOM, kuwaasoo saldhigyo ku leh Gobolada dalka Soomaaliya. Duqeyntan ayaa wararku sheegayaan inay jawaab u aheyd weerarkii 18-kii bishan lagu qaaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan la socdeen duleedka magaalada Buurhakaba. Al-Shabaab ayaa sheegtay in askar fara badan ay ka dileen Ciidamada Itoobiya, kuna furteen saanad ciidan. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay labo dooni oo aad loo buux-dhaafshay ku degeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti. Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman waxa uu tilmaamay inay Doonyaha degay ku sii jeedeen dalka Yemen oo albaab laga galo u ah dalalka Gacanka Carabeed, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan rajo ka qabaan inay ka heli doonaan Shaqo iyo nolol wacan. Ciiddanka Jandermariiga ee dalka Jabuuti oo sameeyey gurmad, waxay soo heleen 2 nin oo ka badbaaday shilkaasi iyo maydadka 5 Tahriibe. Mid ka mid ah dadka la badbaadiyey oo 18-jir ah ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay 130 Rakaab la socdeen Doonidii u ula socday, balse uusan war ka haynin tirada Tahriibayaashii la socday doonida kale ee degtay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo u badan odayaal iyo aqoonyahano lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee dalka ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni. Iyadoo dhiibanayay aragtidooda ayaa shacabka magaalada Muqdisho waxay isku raaceen in madaxweynaha Uganda uu hilmaamay abaalkii ay u gashay dowladii dhexe ee Soomaaliya, oo u tababartay Musaveni ciidamadii ugu badnaa. Sidoo kale dadkii lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ayaa sheegay in madaxweynihii Soomaaliya uu abaal weyn u galay Musaveni kadib markii uu ka celiyay dowlado badan oo xiligaasi doonayay inay weeraraan Uganda. Shacabka ayaa isku raacay in madaxweynaha dalka Uganda uu ku abaal dhacay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaan aysan ka fileyn inuu sidaasi u hadli doono, maadaama ay Soomaali abaal u gashay Uganda. Qaar kamid ah shacabka ka qeyb galayay aragti ururuunka ayaa isku raacay in nidaamka dowladeed ee Soomaaliya uu liito, balse hadda ay wax badan iska badaleen dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka dhageyso aragtida shacabka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/FOX.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Britain)-Hogaamiyaasha Midowga Yurub ayaa meesha ka saaray iskudayga ay Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ku rabto in ay mar kale dib ugala xaajooto ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub bisha March. Baarlamaanka Britain ayaa Talaadadi shalay ansixiyay codi ay ay Theresa May Midowga Yurub uga codsatay in ay dib uga wada shaqeeyaan heshiiska Brexit gaar ahaan xuduuda Ireland. Laakin afhayeen u hadlay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa gaashaanka ku dhuftay iskuday walba oo dib loogu furayo wada-hadaladi dhamaaday ee Midowga Yurub iyo Britain. Iyadoo aanan xal laga gaadhin heshiis ay labada dhinac ka gaaran qaabka ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub, Britain waxaa kusii dheeran doono dariiqa ay u mareyso ka bixista Midowga. Source
-
Taageerayaasha kooxda dowaladda hosee ee Muqdisho City Club ayaa qabtay xaflad lagu abaal marinayay ciyaartooydii ugu wax qabadka badneyd sanadkii lasoo dhaafay dhinaca kubbadda cagta iyo Kolayga iyo ka guurida magacii hore ee Banaadir SC. Guddomiyaha kooxda dowladda hose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay heerka ay iminka taagan tahay kooxda ay ku timid is jaceylka iyo wanaaga ka dhaxeeyo maamulka,ciyaartooyda,taageerayaasha tan iyo kolkii uu la wareegay hogaaminta kooxdan ay soo hooysay guulaha waaweyn oo dhinac ka qeybgalka tartamdda gudaha iyo dibada. Guddoomiyaasha kooxaha kubbadda cagta oo iyagana qeyb ka ahaa kulanka ayaa bogaadiyay maamulka kooxda Muqdisho City Club fikiradaha cusub ee sanad waliba soo bandhigaan iyago taageerayaashooda waxayna tilmaameyn in ay wax badan kaga dayandoonaan dhinacyada horomarka iyo dhiiri gelinta. Xogyaha Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Axmed Xassan Yalaxow ayaa sheegay tan iyo markii ay la wareegeyn kooxda Muqdisho City Club ay da’daal u galeyn sidii lagu soo celin lahaa waxyaabihii aasiga u ahaa naadiga iyo iskaashii kala dhaxeeyay kooxaha kale ee caasimadaha caalaamka ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin garab istaagida iyo ka warqabida xirfadlayaasha ku ciyaara magaca dowaladda hose ee Muqdisho City Club. Taageerayaasha kooxda Muqdisho city Club ayaa sidan u abaal mariyay xidigahooda Daafcii ugu Wanaagsanaa Axmed Cabdullahi Cabdi (Baanoow) Qadkii dhexe ugu Wanaagsanaa-Cali Cumar Cali (Cali Yare) Weerarkii ugu fiicnaa-Cabdiqaadir Aadan Eenow Goolkii ugu fiicnaa-Xassan Maxmed Aadan (Xassan Santos) Da’yarkii ugu fiicnaa-Zakariye Maxamed Cabdi Xidiga sanadkan ama (Player of the Year)-Cabdiraxmaan Mahad Ciise 25-November 2018-ayay aheyd markii uu Maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay kooxda Muqdisho City Club hadaba maxay tahay hadafyada ay heegsanayaan maamulka,tabarayaasha,laaciibtiinta iyo taageerayaasha kooxdan dhinacyada gudaha iyo dibada waxaa inoo sharxaya Guddomiyaha kooxda dowladda hose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh Halkan Ka Daawo Warbixintaa Oo Dhameystiran W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka John Bolton ayaa u digay Xeer Ilaaliyaha dalka Venezuella, isaga oo sheegay in cidhib xumo uu la kulmi doono, ka dib markii xeer Ilaaliyuhu uu sheegay in uu Maxkamadda Sare ee dalka ka codsaday in hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido uuna dalka ka bixin. Fariin dhinaca twitterka ah ayaa John Bolton uu ku yidhi “Waan dhaleeceynaynaa hanjabaadaha Xeer Ilaaliyihii hore ee Venezuela ee aan sharciga ku fadhiyin uu u geysanayo madaxweyne Juan Guaido. Bolton waxa uu intaas ku daray inay cirib xumo u dambeynayso kuwa isku daya in ay mijo xaabiyaan dimoqraadiyadda, isla markaana waxyeelleeyaan Guaido. Xeer Ilaaliyaha Guud ee VenezuellaTaariq Williab Saab ayaa sidoo kale maxkamadda ka codsaday inay xayirto koontoonyinka dhinaca maaliyadda ee Mr. Guaido, xilli uu xeer ilaaliyuhu bilaabay baaris lagu sameynayo dhaqdhaqaaqyada Mr. Guaido ee uu kaga soo horjeedo Madaxweynaha dawladda shuuciga ah, Nicolas Maduro. Source
-
Ciidamada cirka Itoobiya ayaa sheegay in ay Al-shabaab u gesyteen duqeyn cirka ah oo socotay 44 daqiiqo, taasi oo ka dhacday Buur Haybe oo 75 km bariga ka xigta Baydhabo. Qoraal ka soo baxay wasaaradda gashaandhigga Itoobiya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 35 ka tirsan Al-shabaab, duqeynta waxaa ay dhacday 24-ka Janaayo. Isla qoraalka waxaa lagu sheegay in madaxa howl-gallada Al-shabaab ee aaggaas Abbu Cusmaan iyo nin kale oo aan magaciisa la sheegin oo mas’uul ka ahaa miinooyinka in lagu dilay duqeynta, waxaa la burburiyey 4 gaari militari iyo 5 hubka waa weyn ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay howlgalka ciidamada Jubbaland ka wadaan deegaanada Jubbooyinka. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka dalbanayo in laga gudbo arinta caanka lagu noqday ee ah in maalin kastaa laga tacsiyeeyo dadka ku dhinta weerarada Al shabaab. Wuxuu sheegay in taa badalkeeda loo baahan yahay in Al shabaab lagu weeraro deegaanada ay joogaan, islamarkaana taasi ay ka qasaaro yaraan doonta marka iyaga lasoo weeraro, sida uu sheegay. “Waxaan u rabnaa inaan u diyaar garowno dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, Waxaa u baanahay tacsi uun inaan ku jirin oo aan ka gudubno oo aan ficil la nimaado, waxaan oranayaa dowladu tacsida faraha badan aan iska deyno aan howlgalo, waan hubaan inta inooga dhimato fadhiga inaysan socod nooga dhimaneyn.”ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhinaca kale Axmed Madoobe, ayaa ka hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in dagaalka Axmed Madoobe uu iclaamiyay inuu doonayo in doorasho aysan ka dhicin deegaanada maamulkaasi. Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in doorashada ay dhaceyso waqtiga loo qorsheeyay islamarkaana aysan shaqo isku laheyn doorashada iyo howlgalka ciidamada sameynayaan “Waxaan maalmahaan maqlayay Axmed Madoobe dagaal ayuu galay, wuxuuna rabaa doorashada inaysan dhicin oo la yiraahdo dagaal baa lagu jiraa doorasho ma dhaceyso, taasi ma dhaceyso, gacantaan waan ku codeyneynaa gacantaana waan ku dagaalameynaa, doorashada Jubbaland wey dhaceysaa, dagaalka iyo doorashada iskuma xirna”. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Kulan degdeg ah oo magaalada Jigjiga ku yeesheen laamaha ammaanka ee Somali State iyo sidoo kale kuwa dowladda federaalka Itoobiya ayaa lagu go’aamiyey arrimo dhowr ah. Ugu horreyn, waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Jigjiga wixii ka dambeeyey habeenkii 10-ka fiidnimo, sidoo kalena aan la qaban karin shirar aanu maamulka ogeyn. Sidoo kale, waxaa la go’aamiyey in aad loo adkeeyo ammaanka xarumaha ganacsiga ee sida gaarka ah loo leeyahay. Hadalkaan waxaa warbaahinta u sheegay C/laahi Maxamed oo ah ku xigeenka madaxa amniga ee Somali State. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Bandow.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan looga hadlayay sidii laysgu furi lahaa waddooyinka degmooyinka gobolka Gedo ayaa lagu qabtay Magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Kulankaan waxaa ka qeybgalay laamaha ammaanka Gobolka iyo kuwa degmada Garbahaarey, kulankan oo uu guddoominayey Maxamuud Sayid Aden oo ah Madaxweyne ku xigeenka Kowaad ee Jubbaland ayaa lagu soo qaaday sidii la isugu furi lahaa waddooyinka u xiran Al-shabaab. Maxamuud Sayid Aden oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in kulankaasi la isku af gartey xoojinta ammaanka degmooyinka Gobolka Gedo iyo sidii la isugu furi lahaa waddooyinka kala xiran. Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday xubno wafdi ah oo ka socday hay’adda UNDP oo uu tilmaamay kulan ay la qaateen in ay isku af garteen sidii maamulka Gedo looga taageeri lahaa arrimaha amaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Maxamuud-Sayid-Aden-oo-Garbaharey-ku-Qabtey-kulan-Amaanka-Gobolka-looga-tashanayey.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay hadal kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Uganda, kaasi oo ahaa in Soomaaliya aanay ka jirin dowlad. Shacabkan oo lasoo hadlay Goobjoog ayaa sheegay qaarkood iney ka xun yihiin hadalkaasi, islamarkaana dowladda dhexe looga baahan yahay in jawaab degdeg ah ka bixiso si ay u ilaaliso qarannimada Soomaaliya. Qaar kale oo shacabkan ka mid ah ayaa qaba in hadalkaasi uu ku saxan yahay madaxweynaha Uganda, sababtuna waxa ay ku sheegeen iney tahay awood la’aanta dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in ay dowladda isku tashato oo ay iska saarto ciidamada shisheeye ee ay ugu horreeyaan kuwa Uganda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/ARAGTIDA-SHACABKA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan C/raxmaan Daqare oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog, waxa uu kaga hadlay arrimo ku aadan hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Uganda ee ahaa in Soomaaliya aanay ka jirin dowladnimo. Waxa uu sheegay Daqare in hadalkaan iyo kuwo ka xunba laga sugayey madaxeynaha Uganda, balse wuxuu tilmaamay in uu caddeeyey nabadda Soomaaliya iney dhib ku tahay. Daqare ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya laga sugayo iney arrintaasi jawaab cad oo geesnimo leh ka qaadato. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/AQOONYAHAN-CABDIRAXMAN-DAQARE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Injineer Xasan Sahal oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa isaga oo u warammay Goobjoog waxa uu sheegay in wax natiijo ah aysan kasoo bixi doonin kulanka la filayo in bil kadib magaalada Garoowe ku yeeshaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee arrintaasi ay tahay in weli ay jiraan maamullo aad uga soo horjeeda dowladda, xalkana aanu imaan karin illaa isbedallo la helo. Xasan ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay hadda tahay mid aad ugu bisil isku soo dhowaanshiyaha, balse maamullada aysan arrintaasi rabin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/SIYAASI-XASAN-SAHAL-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa rajo ka muujiyey in la xalliyo tabashada ay dowlad goboleedyada qaar ka qabaan dowladda federaalka Soomaaliya. Farmaajo ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Garoowe oo shalay uu kasoo laabtay ay kulamo yeesheen madaxda maamul goboleedyada, ayna isla garteen in wax walbo la xalliyo. Waxa uu sheegay in bisha soo aaddan ee March bartamaheeda ay dib ugu noqon doonaan magaalada Garoowe, halkaasi oo wadahadallo ku yeelan doonaan. Wadahadalladaasi ayuu sheegay in natiijadooda ay rajeynayaan iney noqoto sidii loo sii amba qaadi lahaa howlihii wadashaqeyned ee hakaday. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Cod-farmaajo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sheekada nin Somaliland u dhashay oo si “caddaalad darro ah” loogu daldalay Dalka UK+Sawirro Maxamuud Mataan, oo si caddaaalad daro ah loo daldalay Safia Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali. Inta badan Soomaalida Britain tegtay, ayaa halkaasi gaarey wixii ka dambeeyay sanadka markii uu ahaa 1990-kii, Safiyana ma qiyaasi karin in Soomaalida ay halkaasi ku sugnayeen muddo gaareysa boqol sano. Sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain. Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa. Aad baan uga argagaxay, haddana way i soo jiidatey sheekada. Saacadihii ka dhinnaa habeenkaa waxey sheekadan ka dhex baarney wixii laga hayo aaladda wax lagu baadi goobo ee Internet-ka ee Google, innagoo isku dayeyna inaan ogaano xogta iyo warbixinada ku saabsan sheekadan murugada leh. Markaan sii aqriyaba sheekada Mataan, waxaan ogaanay taariikhda dheer ee ay leeyihiin dadkayga ku nool Britain. Markii aan ku soo dhex barbaarayey, qoysaska Soomaaliyeed dhexdooda, kuwaas oo xooggoodu yimid halkan sanadihii sagaashameeyadii “1990-kii” illaa iyo labaddii kun “2000”, ma maqal qof soo hadal qaadayo in Soomaalidu joogeen in ka badan qarni, oo arrintaasi waxba kama ogayn. Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff. Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii. Butetown, waxaa sidoo kale loo yaqaanay Tiger Bay ama The Docks. Waxey aheyd goob ay ku nool yihiin dad kala dhaqamo ah, taas oo mahadeeda ay lahaayeen badmaxiintii, kuwaasoo halkaasi u tagey iney ka xoogsadaan, kana kala yimid qeybo kala duwan oo ah goobihii ay ka talineysay boqortooyadii Britain – oo ay kamid ahayd Somaliland. Soomaaligii ugu horeeyey ee yimid Cardiff waxaa la diiwaan galiyey inta la og yahay qarnigii labaatanaad, ka gadaal markii la furey Kanaalka Suez. Ha yeeshee way yaraayeen illaa iyo intii laga soo gaarayey 1914-kii, markii uu bilawday dagaalkii koowaad ee dunida, waxaa kordhay baahida loo qabo dadka xoogga leh, si loogga faa’iideysto xooggooda shaqooyinka adeegga ku saleysan. Ragga ayaa ka shaqeyn jirey maraakiibta ganacsiga kala daabusha, kuwaas oo matoorradooda ay isticmaali jireen dhuxusha. Waxey awood u heleen raggani iney shaqeystaan, oo lacagihii ay heleen dib ugu diraan dalkoodii, adduunyadana goobo kala duwan oo badan ay arkaan. Raggani waxey ahaayeen dad reer guuraa ah, wax dhib ah kuma aysan qabin safarka ku saleysan guur guuridda. Waxaa jirta maah maah Soomaaliyeed oo oraneysa “Nimaan dhul marin, dhaayo ma leh,”. Intii lagu guda jirey sanadihii dagaalka koobaad ee dunida, 1914 illaa iyo 1918-kii, Warsame aabihii iyo Soomaalidii kale ee ay badmaaxiinta isla ahaayeen way hodmeen, sida ay sameeyeen kuwii kale ee tegay Yemen, iyo qeybaha kale ee dunida ee hoos tegi jiray boqortooyada Britain. Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii dagaalka, waxaa dib u soo noqday badmaaxiin badan oo Britain u dhashay, waxey sidoo kale u baahdeen shaqo. Taasina waxay sababtay in markii ugu horreysay ay billawdaan dibedbaxyo midib takoor ku salaysan oo ka dhacay Cardiff iyo Liverpool. Raggii caddaanka ee shaqo doonka ahaa waxay weerar ku ekeeyeen dadkii madoobaa iyo guryihii ay ku noolaayeen, ayey tiri Nadifa Maxamed, oo ah qoraa asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeddo balse British ah, taasoo ka shaqeyneysa sidii ay usoo saari laheyd buug ka hadlaya Maxamuud Mataan, “halka Soomaalidii, iyo madowgii kale ee ku dhaqnaa goobtii uu weerarka ka dhacay ay iska caabiyeen kuwii soo weerarey”. Waxaa muuqatey in weerarka kadib dadkii qaarkood ay isaga tagaan goobtaasi, laakiin kuwa kale ayaa ku harey goobtii, kuna adkeystay iney sidoodii usii noolaadaan, waloow shaqooyinkii la heli jirey ay hoos u dhaceen. “Noolaanshaha Cardiff, waxey badey badmaaxiintii ajnebiga ahayd iney ku ekaadaan guryo ay lahaayeen shirkadihii maraakiibta, kuna hoos noolaadaan nidaam kudhisan faquuq, kaasoo xadiday fursadaha shaqo ee ay heli karayeen, goobaha ay tagi kari lahaayeen,” sida ay sheegtay Nadifa Maxamed. Mahamed Muse Warsame oo Cardiff ku nool “Inkastoo ay noolashu adkayd, waxey halkaasi ka abuurteen noolol hor leh, taas oo ka dhalatay goobaha ay degganaayeen dadka dhaqamada kala duwan leh. Waxey sameysteen maqaayada, masaajido, iskuullo ku dhisan nidaamka Islaamiga ah, iyo hanaan ay isku garab qabtaan. Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaaray sanadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashey maammulkii Somaliland ee Britain hoostegi jiray ee sanadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulashadiisa, ayuu helay shaqo markab. Sanadkii 1945-tii waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabar 17 sano jir ah oo kasoo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood kadibna wayba is guursadeen. Tacadiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya “xitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa. Labadan qof ee is calmadey waxey dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday iney helaan goob ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay. Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani ma wada nooleen. Lily Volpert waxey ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay kuxirtaan maraakiibta. Xilli fiid ah 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig baxday, oo goorta loogga gooyey sakiin. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka. Ciidanka booliiska ayaa su’aalo weeydiiyey dad badan, oo uu ku jirey Mataan. Wuxuu u sheegay inaanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jirey shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tagey gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska. Laakiin ma jirin qof laga heli karo cadeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa. Qof u dhashay dalka Jamica, oo la yiraahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo kasii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofi iyo jaakatna aan xirneyn. Ha yeeshee Mataan ma uusan laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xirnaa koofiyad iyo jaakat. Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass. Mataan waxaa la xirey markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatey Volpert ayaa balan qaadey £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbiso warka arrintaasi la xiriira. Markii la gaarey maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo kasii baxaya dukaanka markii ay saacadu aheyd 8.15 fiidnimo. Booliiska qaarennadii difaacayay Mataan waxay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhamaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag, iyo weliba in gabar 12 sano jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan uusan meesha tegin maalintaas. Qoys ku noolaa Tiger Bay, 1939 Waxaa sidoo kale nasiib darro ahayd in xitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn”. Mataan waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay dil,Waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla Cardiff 3-dii September, 1952-dii. Harold Cover, oo ahaa ninkii ku marqaati furay Mataan, ayaa muddo kadib la xirey, isagoo lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu isku dayey inuu gabadhiisa qoorta ka gooyo isagoo adeegsanaya sakiin, halka Taher Gass, oo ahaa isagana ninkii lagu tilmaamay inuu ku sugnaa dukaanka uu dilka ka dhacay, lagu soo oogay dambi ah inuu qof toorrey ku dilay, balse wax dambi waa lagu waayay. Xaaskii Mataan, Laura, looma sheegin markii la dilayey ninkeedii, waxayna ogaatay mar ay booqatay xabsigii uu ku xirnaa. Markaas kaddibna iyada waxaa u billawday dadaal sanado badan socday oo ahaa sidii ay ku caddeyn lahayd in ninkeeda uusan gelin dembiga loo daldalay. “Wuxuu hubay in la ogaan doono in meel un ay wax iska daba-mareen, afka Ingriiska si wanaagsan kuma hadli Karin, balse waxaa ku celcelinayay “qof dumar ah ma dilin”, sidaasi ayay Laura u sheegtay wargeysaka The Independent sanadkii 1997-dii. “Ilaa maalintii ugu dambeysay waxaan aaminsanaa inay sii deyn doonaan, laakiin ma aaney sameyn, oo wey daldaleen. Markii falkaasi daldalaada ay ku kaceen kaddib, waxaan isku xirey qolkeygii anigoo ay i wehliyaan caruurteedii, muddo dheerna waxaan u maleyn jiray inaan mar un arki doono, wuxuu ahaa nin wanaagsan iyo aabe wacan, badda ayuu ka shaqeysan jiray, si uu noolol u kasbado, markii dambena wuu iska dhaafay, oo wuxuu ii sheegay inuu rabay inuu la joogo carruutiisa intay ka korayaan,” Dukaanka uu dilka ka dhacay Isku daygii ugu horeeyey ee ay qoysku ku doonayeen in xukunkii dhacey la baabi’iyo waa laga diidey, laakiin kiiskani wuxuu noqday kii ugu horeeyey oo loo gudbiyo guddiga dib u eegiska kiisaska ee la dhisay sanadkii 1990-kii. Ugu danbeyntii xukunkii waa la buriyey sanadka markii uu ahaa 1998-dii. Lord Justice Rose ayaa ku tilmaamey kiiskani “mid ay caddahay inuu khaldanaa,” isagoo sheegay in ay meesha ka maqanayd wax cadeyn ah oo Mataan la xiriirinayay inuu isaga dilay Lily Volpert. Qoyskii Maxamuud Mataan ayaa waxaa loo xukumay magdhaw gaaraya 1.4 million oo giniga Ingriiska ah, Waa markii ugu horeysay oo ay wasaaradda arrimaha gudaha Ingiriiska magdhaw siiso qoyska qof si qald ah loo daldalay. Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimtay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen. Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasey qabuuraha Cardiff. Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray “caddaalad darro ayaa lagu dilay” Qaran News
-
Imaaraadka (UAE) oo lacag ku bixinaya olole ka dhan ah Qatar oo cajiib ah+Qadarka la siinayo qofkiiba+Halka lagu bixinaayo Dibad baxayaal BEEN abuur ah oo ka dhan ah dalka Qadar ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobe ee New York. Dibad baxahaas, oo la rumeysan yahay inay Imaaraadka Carabta abaabuleen, waxaa shaqsigii lagu siiyey boqo dollar iyada oo ujeedku ahaa in dalkaas lagu kiciyo olole ka dhan ah. Mudaharaadkaas BEEN abuurka ah waxaa fashiliyey dibad baxe qeyb ka ahaa. Dibad baxahaas waxa uu majaladda The Independent u sheegay in uu arkay qoraal Facebook la soo dhigay akoon uu ka shakiyey oo ugu baaqayey dadka dagan Brooklyn, oo ka tirsan New York, in ay soo qaataan calamo oo ay si nabadeed xarunta UN-ta ugu mudaharaadaan. Haweeneyda ayaa intaas ugu dartay majaladda Ingiriiska laga leeyahay in markii hore baaqa dibad baxa aan lagu soo darin magaca Qadar, balse markii ay timid ay ogaataan in si cad a muuqatay in looga soo horjeedo wadanka gacanka ku yaal. Dibad baxayaasha sida ay sheegtay waxaa ku jiray dad ku hadlayey afka French-ga iyada oo xaqiijisay in la siiyey $100 midkiiba, loona dhiibay boodhadh ka dhan ah Qadar. Haweeneyda oo aan magaceeda la sheegin ayaa sheegtay in ay 40 qof ahaayeen balse markii ay yimaadeen xarunta UN-ta ay ku soo biireen 40 kale oo wata boodhadhka ka dhan ah Qadar. Waxa ay haweeneyda la wadaagtay The Independent farriin uu soo diray qof u muuqday abaabulaha oo ahayd gabadh magaceedu yahay Nezha Tagmouti. “Waxaan qaban qaabinayaa dhacdo lagu taageerayo nabadda dunida,” ayey qortay Tagmouti. “Waxaa jiri doona heeso, khudbado nabadda ah oo lagu qaban doono United Nations-ka hortiisa. “Waxaan u baahanahayey dad dheeraad ah oo dhageysta khudbadaha, u sacbiya oo haysta dhammaan calamada aduunka. Kuwan dheeriga ah waxaa la siin doonaa $100 midkiiba.” Diblomaasi Qadar u dhashay ayaa u sheegay The Independent: “Qadar wali waxaa ku socda olole beegsi ah oo lagu waxyeeleynayo sumcadeeda si looga qaado xuquuqdeeda martigalinta Kooba Aduunka ee 2022.” Haweeneyda abaabushay dibad baxan ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay ka dambeeysay isla bannaan bixii looga soo horjeeday Qadar ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Britain. Qadar waxa ay is hayaan wadamada Khaliijka oo ay horboodeyso Sacuudi Careebiya waxa ayna cilaaqaadka kala goosteen 2017. Qaran News
-
Warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International ee la xiriirtay jaantuska musuq maasuqa aduunka ayey Soomaaliya markale ka gashay booska ugu hooseeya. Daraasadda ayaa lagu sheegay in 2018-kii dalalka aduunka wax horumar ah sameyn iyada oo ay wali hoggaanka daahfurnaanta iyo musuq maasuq la’aanta u hayso Denmark. Soomaaliya ilaa iyo inta la xusuusto, dhowr iyo tobankii sano ee tagay, waxa ay hoggaamineysay ama kaalinta kowaad uga jirtay dalalka ugu musuqa xun. Shanta wadan ee ugu hoseeya wxaa ka mid ah Sudan, North Korea, South Sudan, Suuriya iyo Soomaaliya. Hadaba, maxaan ka baran karnaa in Soomaaliya wali ugu horreeyso dalalka ugu TUUGADA badan? Rajo badan ayaa laga qabay markii hore Xukumadda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre in ay wax ka qabato musuqa hareeyey dalka balse waxaa soo baxday in weli aan taas lagu guuleysan. Daraasadda Transparency waxa ay daliil u tahay in Soomaaliya wali sideedii ay tahay balse waxaa xaqiiqo ah, wallow aysan jirin kaalin ka hooseysa halka ay hadda ku jirto haddii si baahsan loo baari lahaa in musuqa ay suurta-gal ahayd in heerkan kan xun yahay. Tusaale, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wali waxaa ku maqan oo uu xisaab celin ku sameyn waayey 42m oo meel ay martay la waayey. Dhammaan wasaardaha, xafiiska Ra’iiusul Wasaare Kheyre waa kuwo uu musuqu hareeyey taas oo ka dhigan niyad jab shacab. Waxaa jira dadaallo badan oo xukuumadda Kheyre ay sheegtay inay sameysay si musuq maasuqa loo ciribtiro, hase yeeshee waxaa muuqata laba mid. In sheegashadaas aysan jirin oo ay been tahay, ama inay sax tahay laakiin dadaalka loo baahan yahay in lasii badiyo, oo aysan ku filneyn in Soomaaliya aysan liiskan horumar ka sameyso. Sidoo kale, waxaa macquul ah in dadaalka xukuumadda uu jiro balse ay dalalka kale ee kaalimaha hoose galay ay kasii dadaal badan yihiin Soomaaliya, taasi ooh or-istaageysa in liiska ay sare uga kacdo Soomaaliya. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dawladda Saudi Arabia oo war Cusub & macluumaad xasaasiya ka soo saartay dhoofka Xoolaha Somalida Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaaliya laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay. Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaaliya ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka. Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama. Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan. “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaaliya, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.” ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraanta ka dhalan karta xoolaha Soomaaliya ee la joojiyey Qaran News