Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Boorama)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ayaa waxa uu soo dhaweeyay in shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE lagu qabtay magaalada Boorama, waxaanu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado. Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac. Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel. “Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “Waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay’adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lagu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. “Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. “Waxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lagula tacaalayo caqabadaha ku gudban horumarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework) Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul. The post DFS iyo hay’addaha samafal oo dalbaday 1 bilyan oo gargaar ah appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Waxaa baraha bulshada ka socda xujo-fur, taas oo dadka ay isku xujeynayaan in uu qof kasta soo dhigo sawir toban sanno ka hor ah, balse arrinta layaabka leh ayaa ah waxyaabaha aan innaba isbaddalin tobankaasi sano. Dadka ku nool dunida qeybaheeda kala duwan ayaa baraha bulshada soo dhigayay sawirro toban sano ka hor ah, iyagoo ugu magac daray #10yearChallenge, laakiin waxaa iska cad in adduunka uusan wali isbedelin. Marka la eego waddamo badan, waxaa wali haya talada madaxdii hogaamineysay waddamadaasi tobbankii sanno ee lasoo dhaafay. Waxay isugu jiraan kuwo ka badbaaday rabshado, kuwo isbddal ku sameeyay dastuurka iyo kuwo ku guuleystay doorashooyin ku celis ah. Inkasta oo isbeddello badan ay ka dhaceen dunida, gaar ahaan marxaladaha siyasadeed ayaa haddana waxay ahayeen kuwo ku dhagganaa hoggaanka tobankii sano ee la soo dhaafay. Tusaale ahaan, dalka Switzerland waxaa tobankii sanno la soo dhaafay ay yeelatay toban madaxweyne oo kala duwa oo dalkaasi soo maray, waxaana ugu wacan dastuurka dalkaasi oo dhigaya in madaxweynaha uusan hal sanno ka badan sii hayn karin hoggaanka dalka. Faysal Cali Waraabe – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland. Sanadkii 2000 wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga mucaaradka ee UCID halka guddomiyaha xisbiga loo doortay sannadkii 2001-dii. Labo jeer oo hore ayuu u tartamay doorashooyinkii madaxweynaha Somaliland ee sannadihii 2003-dii iyo 2010-kii oo ku guuldareystay. Siyaasigan ayaa weli ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID. Aadan Barre Ducaale – Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Sanadkii 2007-dii, ayaa markii ugu horeysay loo doortay inuu xildhibaan ka noqdo degmada Dhuujis ee ismaamulka Gaarisa. Bartamihii sanadkii 2008-dii, madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa u magacaabay ku xiigeenka wasiirka xannaanada xoolaha, isagoo markaasi matalayay xisbiga ODM. Sanadihii 2013-kii iyo 2017-kii ayaa waxaa markale loo doortay xildibaanka bartamaha magaalada Gaarisa. Sidaas awgeed 10-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa xildhibaan. Ismaaciil Cumar Geele – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Wuxuu talada dalka Jabuuti la wareegay sannadkii 1999-kii ka dib markii uu ku guuleystay doorashooyin dalkaasi ka dhacay. Ismaciil ayaa saddex jeer oo kale loo doortay jagada madaxtinimo, waxayna kala ahaayeen sannadihii 2005-tii, 2011-kii iyo 2016-kii. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha dalladda ay ku mideysan yihiin xisbiyada bah-wadaagta ah ee UNP. Waxyaabo kale oo dabiici ah ayaa is baddalay, waxaana tusaale u ah heer kulka dunida oo sii kordhay 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Source: BBC Source
  4. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku dul ooyey xafladdii arooskiisa ayada oo dadka qaarkood ay sheegeen inuu la ooyey “jaceylka uu xaaskiisa Ilhaan u qabo”. Sadiiq Cabdinaasir oo wareysi siiyey BBC Somali ayaa sheegay inuu la ooyey farxad darteed iyo hanashada xaaskiisa. “Qof walbo bini’aadam ah oo qalbi leh maalin ayuu ooyaa, waxaan la ooyay farxad darteed, sida ay qoyskeeyga uga soo qeyb galeen xaflada arooskeyga iyo inaan hantiyay qofkaan dunida ugu jeclaa”, ayuu yiri Sadiiq Cabdinasir oo BBC-da la hadlay. Waxay ahayd habeen xasuus ku reebtay dadka ka soo jeeda gobolka Mudug oo arrintan siyaabo kala duwan uga falceliyay qaarkood ayaa waxayba aaminsanihin in reer Mudug ay yihin dad aanan lagu aqoonin calool jileec. “Wiilka wuxuu la ooyay jaceeyl uu u qabo xaaskiisa, laakiin waxay ahayd inuu qarsado oo markay isku soo haraan uu iyada kali ah u u muujiyo jaceylkiisa, reer Muduga laguma ogeyn calool jileecaas” ayuu yiri Cabdirisaaq Dhilood oo Garoowe jooga. Hoos ka dhageyso wareysiga BBC Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay qunsulka cusub ee dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland Shamsudiin Axmed. Wasiir Faratoon ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid isbarasho ah oo lagu sii adkaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Source
  6. Hal ruux ayaa ku dhintay,laba kalena waa ku dhaawacmeen, dab ka dhashay haan nooca gaaska keydisa oo duhurnimadii maanta ku qaraxday, meherad ku taalla bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Goobjoogayaal ku sugan Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay, in haantu qaraxday kadib markii ay haleeshay xabad uu riday askari ka tirsan ciidamada Puntland oo qof shacab ah ay is-af dhaafeen, islamarkaana uu dab qabsaday gudaha meheradda. Askarigii falka geystay oo goobta ka baxsaday, ayaa gacanta lagu soo dhigay,wuxuuna haatan ku xiranyahay saldhiga dhexe ee Garoowe,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dab ka kacay Garoowe oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxa sharci-darro ku tilmaamay muddo kordhin ay maanta golaha guurtidu u sameeyeen golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Hal qof ayaa ku dhintay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay Maqaaxi cunto oo ku taalay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland [...] Source
  9. (SLT-London)-Baarlamaanka UK ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha dalkaasi Soomaaliya iyo ku dhowaad laba sano kadib doorashadii madaxweynaha maamulkaasi Soomaaliya Farmaajo waxa iska beddelay dalkan dagaaladu aafeeyeen. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8-dii February sannadkii 2017 ay shacabka Soomaaliya rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha ballan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed. “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yidhaahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tidhi warbixintani. Waxa ay intaasi raacisay “Roobow waxa la xidhay 13-kii December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xadhiga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xadhigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inuu abuuray culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin caydhitna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka waddamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxa ay warbixintu sheegtay in guul uu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo gaadhaa ku xiran tahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun marka laga hadlayo weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1-deedii kooxda Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nairobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaadhnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka UK waxay sidoo kale taabatay xidhiidhka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii uu xukunka qabtay Farmaajo, oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo illaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo illaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiirka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tidhi. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tidhi warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigta March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye oo si farshaxamaysan gacantiisa ku farsameeyey astaanta Jamhuuriyadda Somaliland oo ka samaysan bir. Madaxweynuhu waxa uu muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye ku bogaadiyey sida uu xilka iskaga saaray inuu farsameeyo astaanta qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inuu sii wado dedaalkiisa siina horumariyo fikirka cusub ee uu la yimi. Waxaanu madaxweynuhu u muujiyey muwaadinkaas in uu isaga iyo inta la midka ahba ee la timaada hal abuur la barbar taagan yahay dhiirrigelinta afkaarta cusub ee ay la yimaaddaan muwaadiniinta qaranka Somaliland u dhashay ee maskaxdooda tuujiya. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Tan iyo Doraad markii ay Masuuliyiinta ama hogaanka sare ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iclaamiyeen in Shirweynihii lixaad ee Golaha dhexe ee Kulmiye lagu qaban doono Caasimadda Gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxa isasoo taraya lafo gur iyo falanqayno ku saabsan sababta halkaasi loo geeyay iyo ujeedada ka dambaysa. Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Xisbiga Kulmiye gudihiisa ayaa daaha ka rogay in ujeedada ugu weyn ee loo geeyay in Shirweynihii Lixaad ee Kulmiye sanadkan loo qoondeeyo inuu ka qabsoomo Boorama ay ugu horayso cabsi laga qabo inuu buuq ka dhasho qorshe ay Madaxtooyaddu wadato oo ay badhi taarayso oo la doonayo in si ku meelgaadh ah loogu sii cumaamadayo Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, kaasi oo mudo sanad ah la sheegay in Gudoomiye Ku meel gaadha loogu dooranayo Xisbiga KULMIYE, Walow warar hoose ay sheegayaan inaan shirkan Boorama ka dhacaya isbadel la taaban karo lagu samayn doonin Xisbiga balse dib loogu riixayo shir kale, marka laga yimaado boosas banaan oo la sheegay in la buuxinayo oo qudha. Warar kale ayaa sheegaya in Guux weyn uu ka dhex oogan Yahay Xisbiga Kulmiye Gudahiisa islamarkaana ay soo shaacbaxayso in Taageerayaasha Kulmiye, rag iyo Dumarba ku kala aragti duwan yihiin in si Ku meel gaadh ah loogu magacaabo Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere. Taageerayaal badan ayaa qaba inuu fikirkani qaldan yahay oo uu Xisbiga Halis galin karo halka kuwa kalena ay u sacabo tumayaan oo ay u arkaan fikirkaasi ka qudha ee Xisbiga badbaadin kara, meeshana ka saari kara xantii hore u jirtay ee ahayd inay laba deegaan uuni Xisbiga qoriga iskugu dhiibaan. Sidoo kale waxa jira kala qaybsaan weyn oo Xisbiga Gudihiisa ka jirta taasi oo ay Qaar ka mid ahi la doonayaan in si rasmi ah Booska Gudoomiyaha Kulmiye loogu magacaabo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo in muddo ah Booskan Quudaraynayay, halka kuwa kalena ay fikir kale qabaan. Garabada Dhalinyaradda iyo Haweenka Xisbiga Kulmiye ayaa si weyn saacadihii la soo dhaafay u falanqaynayay Ujeedada Shirweynihii Lixaad ee Kulmiye loogu door biday inuu Doorkan ka qabsoomo Boorama iyo qaabka uu shirkaasi ku soo afmeermi doono iyadoo aad looga walaacsan yahay Qurbajoog badan oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ka tirsani sida ay u soo haleeli doonaan ee ay u iman doonaan Shirka iyo waxa laga yeeli doono, iyo iclaamkan deg degga ahi saamaynta uu ku yeeshay kasoo qayb galkooda. Source
  12. (SLT-Seattle)-Maalqabeenka caanka ah ee Bill Gates oo ah maal-qabeenka labaad ee uu hantida badan Dunida ayaa waxa laga qaaday Sawir xili uu ku jiray Kuyuu isla-markaana uu wax ka iibsanayay Maqaaxi lagu iibiyo Humburger-ka iyo cuntooyinka fudud oo ku taala Magaalada Seattle ee Dalkaasi Maraykanka. Arrinta sababtay in Sawirkaasi la qaadaa dhigo ayaa waxa ay tahay in maal-qabeenka hantida u haysto lagu qiyaaso 95.5 Billion oo Dollar uu wax ka iibsanyay maqaaxi ay dadka caadiga ah ee dakhligoogu dhexdhexaadka yahay ay wax ka cunaan uu ka iibsanayay Humberger uu cuno, isagoo kuyuu u galay iibsiga cuntadaasi, isla-markaana sugayey Dadka ka horreeyay intay iibsanayaan Cuntadaasi. Sida lagu baahiyay Wargeyska Daily Mail Qiimaha Humbergarkaasi ayaa waxa uu ahaa 7.68$ oo kaliya waxa aanu ka iibsanyay maqaaxida magaceeda la yidhaahdo Dick’s Drive In. Dad aad u tira badan ayaa waxa ay u bogeen nolosha fudud ee uu ku nool yahay Bill Gates iyo sida aanu ugu kibrin hantidiisa isla-markaana uu uga duwan yahay sida maalqabeenada qaarkood ee mar kaliya kumanaan kun oo Dollar ku bixiya cunto yar oo fudud. Sawirkan ayaa waxa ugu horayn ku baahiyay baraha bulshada nin magaciisa la yidhaahdo Mike Gallus oo hore ugu shaqayn jiray Shirkadda Microsoft ee Bil Gates aasaasay, waxa aanu ku hambalyeeyay Bill Gates sida wanaagsan oo aanu ugu kibrin hantidiisa. Source
  13. Xog-cusub:Ethiopian Airlines oo hakisay duulimaadyadii Muqdisho+Qof raaci lahaa oo lagu qabtay walxaha Qarxa Sharikadda diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airline, ayaa la sheegayaa in ay hakad kooban gelisay duullimaadyadeedii Muqdisho iyo Addis Ababa. Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii nin u dhashay dalka Koonfur Afrika lagu qabtay boorso uu watay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu doonayay in uu ula dhoofo magaalada Addis Ababa. Boorsada ninkaas ayey ciidamada ammaanka ka heleen gaaska dadka ka ilmeysiiya, sidoo kalena loo adeegsan karo qaraxyada, waxaana markii ay ciidanka qabteen kaddib la wareegay ciidamo ajannabi ah. Ninkan ayaa waxaa hadda ku socda baadhitaan la xidhiidha walxaha gaaska ah ee qarxi kara oo uu damacsanaa in uu la raaco diyaaradda. Maamulka Ethiopian Airlines ayaa maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo weydiistay in uu faah faahiyo waxa ninkaasi ahaa iyo walxaha laga shakiyay ee lagu qabtay. Sharikadda diyaaradaha Itoobiya ayaa Soomaaliya ka shaqa billowday bishii November ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana duullimaadkaasi billowday 40 sano kaddib. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay nin ajnabi ah oo laga shakiyey oo sabtidii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Oomaar oo wareysi siiyey VOA, ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu yahay nin ajnabi ah oo gudaha Soomaaliya ka shaqeyenayey muddo, balse uusan shegei karin dhalashadiisa ilaa laga soo geba gebeeyo baaritaan ku socda. Si kastaba Oomaar waxa uu sheegay in ninkan uu kasoo jeedo dalalka reer galbeedka, islamarkaana u safrayey mid ka mid ah dalalka Yurub, isaga oo raaci alaha diyaaradda Ethiopian Airlines. Wasiirka ayaa sheegay in boorso uu ninkan saaran lahaa xamuulka diyaaradda (Cargo) uu ku ritay gasacad ay ku jireen walxo looga shakiyey inay yihiin kuwa qarxa, balse markii dambe aan noqon. Waxa uu sheegay in markii la weydiiyey uu shaaca ka qaaday inuu markii uu Soomaaliya imanayey uu watay, islamarkaana uu doonayey inuu dib ugula laabto dalkiisa. Oomaar ayaa dhinaca kale sheegay in ammaanka garoonka uusan marnaba halis galin islamarkaana ninkan lagu qabtay bartii ugu horreysay ee baaritaan, ayada oo baaritaano kale ay u dhinnaayeen. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/d5599055-ecd5-4345-a7a8-54dde8aca5ba_16k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xalay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan gobolkaasi. Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaa ku bur buriyeen Dhismihii, agabkii yeelay iyo Anteennadii shirkadda intaba, ciidamada ayaa bur burinta xarunta u adeegsaday Miino ama walxaha qarxa. Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley. Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn sida lagu soo waramayo qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xiriirka isgaarsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay waxaana Deegaannadaasi ka mid ah: Calibuley, Diif, Dhuyac-garoon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo jubbada Hoose. Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soo tago isticmaalka isgaarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah o oka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo la xiriira tacaddiyadan ay geysanayaan ciidanka Keyna oo qeyb ka Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. The post Ciidamada Kenya Oo burburiyay xarun ay laheyd Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Isu daran u wadda daran, ka u daran intaw daran, kala daran ka ug6u daran, ku darmaday ka noo daran, isaguna isuba daran, naftii-suna u daran tahay, ka daraha ka sii daray,ma cid baw daraanayn, ummaday-su wadda daran. kaa si waa Faysal Zaad, oo sidda cinjirka la kala jiid-jiido, mawqif iyo mab’da midna aan ku socon. bal la yaabka jira, wixii hore soo dhaaf oo waxay noqona-yaan jano, ee bal waakii heshiis uu la galay Waddani, inta uu soo saxeexay, in laba qodob oo kala ah:- (a) Laba xubnood loogu daro Mucaaridka, waa Ururka uu hor boodo ee uu ku magacaabo Ucid iyo (b) Xusbiga Waddaniye, oo mid xubno dheeraad ah, laga siiyo Komishan ku sheega meesha walaaqaday, ee maamulka askarta u adeega’e. (c) Qodobka kale oo isna ah in la kala diro siday u dhan yihiin, kuwani wax ka xun intii hore bay soo wadaane, waa in la yidhaaho wadadda caba. Qofka aan qawlka lahayni, ee ujeedo badanka ahi, waa ruux ku raad gadanaaya arimo kale oo u qarsoon, ilaa intuu taa dhul sugaayo-na, wuxu isku qariyaa ciiro, oo wuxu iska dhigaa mid u daacad ah, dalka iyo dadka. marka uu hello ama gaadho halkii u darayd-na, ee carrabka loo qooyo, sidiisii buu isku laba rogaa kii uu heshiiska la galay, ilayn waxa shaqaynaaya, waxoogaaggii gacanta loo saaraye. Hadaba kan saddex wajiilaha ah ee Faysal Zaad, waa nin bilaa mawqif ah, oo ku shaqeeya kolba waxa loo dhiibo, mana aha sidda uu ku sheekeeyo ee ah, danta Somaliland baan ka taliyaa, iyo wax uu ku sheego isu tanaasil, taas oo ah huf iyo been aanay wax-ba ka jirin. Xikmad Somaliyeed, oo ku jirta suugaan-teena dhanka heesaha lagu luuqeeyo, weliba ciyaarta loo yagaano saylacaa-wigga, baa waxa ka mid ah, ereyo sheegaaya in uu qofku meel isi soo taago, ee aanu sidda carsaan-yadda badda kolba dhan isku qaadin, waxay tahay murti-daasi ” Shimbiri laba geed, ma wadda guratee, idina laba guri mid uun dega”. Faysal Zaad waxan leeyahay, ummadu ku bartay, adna waad is og-tahay, in ay madaxnimo inta cirku kuu jiro, ay saddex laab (Squarely Cubic),kaaga sii fog tahay, waana kii Siilaanyo Saacadahii “UFTa” Waa saqdda dhexe, ku lahaa ummadu sankay kaa qabsatay, oo ku dooni-mayno bay ku tidhi. Waxa uu sidaa kuu lahaana, may ahayn wax kale, ee wuxu arkay, ayaantuu wax ma hayo ku yidhaaho-na in aad guudka uga baxdo, markuu khaati kaa joog-sado ee aad indhaha isku soo qabato-na, waa kii kuu tuuri jirey, waxa aad eeday ee halkaa kugu jilib-xidhay, siddii hal iib ah, oo sayladda la keenay, si aanay u baxsan. Hawlka karantiyo, hilaac-yadda gu’ga, iskuma heshide, mid uun ku hagaag, oo miduun ku hab-dhabo. Waxad tahay saxar dabayli kolba dhinac u tuurayso’e. markaad guri hoostii aad hesiis ku soo gasho-ba, debedda markaad u soo baxdo, af kale baad ku hadlay-saaye, mar kee baad waalan tahay ama sax tahay,? ma mucaarid baad tahay mise muxaafid? Dhankee loo raacaa? Wadaadkan carrabka la’ ( Waa Faysal Zaade) wax weyn baa ka siya? ee Sheekh Rusheeye u geeya, ha furdaamiyo’e kuwa ka daba ceeshaw ( Sidda Ramaax), oo isna leh sifihii islaantii tidhi ” Allaw Dooro Ruqsay”. Markuu u galay Mr Zaad weeyee, isna xaal-kiisu waa ” Dooni-yahay waa kugu wadda jirnaa nala jab. Midda kale, Wuxu isku maaweeliyaa, gudoomiye baad u tahay Xusbi, ee miyaanu cid-naba la tashan? Miyaan taladda lala lahayn? Markii hore-ba isaga oo bacaadka haysta, baa Illaah u saaray Jamaal Cali Xuseen in uu soo baxo. Ma Is weydiiyeen weli kuwa dadka u haystaa , horta haba isi soo sharaxee, dhanka maskaxdda ma ka caafimaad qabaa? oo ruux fayaw ma yahay Faysal Zaad? Qofkan miyaan xaal-ba qaban? Waxa hubaal ah, in ay wax weyni, oo aan dawadeedda la hayni ay ku qaloocan yihiin, kaas oo ah hunguri hamuun dhaafay. Hungrina qofka is yidhaaha qabo, waa mid isaga ka sii daran, waayo waxa joojin kara oo keliya, wax uu afka geliyo, meel kale oo loo badh-baadhayaa ma jirto, ee ruuxa bahal-kaasi qaataa wuu la god galaa. waxan ku soo xidhay qoraalkan, kuwa Faysal Zaad ka sugaaya in uu wax helaw, been baad isu sheegteen, ee inta goori-goor tahay, ka dhaqaaq, haddii kale inta yar ee loo soo tuuro la burburi, oo yuu intaasna kaa qadin. N.B Dooni-Yahay Waa Kugu Wadda Jirnaa Nala Jab. Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
  17. Muse Bixi. Siyaasada qaldan ee muuse biixi uu waado, waxaan halkan ka cadeey nayaa, inuu u badheedhey,,labo baa isku kay qaban wayey, shaqooyinka hoose iyo mashruucaydana reerkeygaan siinayaa, reeraha somalilanda waan la shiriyaa , ma dadkaa walan mise muusaa walan? Waxaa hubaala in muuse bixi u, uu ku guuro tallo ka go,da, qaar ka midda reerkiisa, waan yaabsanahey , maanuu arkeyn waxa sarkiila, iyo mashuruucyo ee uu reerkiisa ku taagey, hadey tahey wasarada iyo agaasiiiimayaasha, iyo marayaha, qarkood iyo shaqaalaha banka dalka somalilaand. Kuwaas aan soo sheegey oo ah qaar reerkiisa ka iida ayaa muuse ku yidhada sidaas ku soco, waa kuwa , ku yidhaada beelaha Somaliland qaar ka miida waa cadowgaaga, waliba gaar ahan garxjis. Hadaba muuse waxaan u sheegayaa siyaasadu sidaas maha, waar dowlad aay reerkaaga oo qudha shaqooyinka hayaan, ma shaqeeyneyso, waxaasina waxey keenta sanadaha damabe inuu dalku ku burburo, waar jooji dadkan taladda khaldan ku siinaya ee reerkaaga, somalialnd oodhan adigaa mideen kara hadaad , dadka u caddaalad fasho, hadey tahey , maxakmada waxa ka dhaca, iyo xidhista dadka la iska xidhaayo, iyo dhamaan waxyaabo badan, iyo dayac tiyo, badan oo aay ku dhaqamaan dadbadan oo , maxakmada ka shaqeyea iyo policeka Somaliland oo caddalad aan sameen,. Ta kale jooJi inaad iska xidho qof waloo kula hadla ama waxa ku sooqara, anagu waxaan dooneynaa inaad dalka u fasho cadalaad, waar xishoood, oo ilaahey ka baqa. Haweenka Somaliland ma heeytsaan cafimaad, waxaa ku wadda dhinta caruurta markey ummulayaan. howlo badan baa ku yaala , walahi hadaad intaas saxi weydo, waxaan kugu balan qaadeynaa inaan habeen malinba , u hiilineyno bulshada Somaliland ee dulman. waxaa qorey fuaad maxamed qawdhan. arimaha bulshada London mr_qawdhan@hotmail.co.uk 00447383135563 Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Booliis iyo Milatari, waxaana dagaalkan uu yimid kadib muran ku dhexmaray suuqa degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey saddex qof, iyadoo Saddex kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo khasaaraha uu intaan ka badan karo. Goobta dagaalkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo kala dhexgalay askartii dagaallantay. Ganacsatada qaar ayaa garab ka mid ah ciidamada dagaalamay ku sheegay burcad dooneysay inay suuqa ka qaataan lacag baad ah, ayna ugu yeereen ciidamada amniga, sidaasna uu dagaalka ku billowday. Maamulka degmada Kaaraan weli kama hadlin dagaalka. Degmada Kaaraan ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Rajada fiicani waxay mar kasta ka wanaagsantahay wax aad haysto isla markaas, Somaliland waxay 27 sano ku soo jirtay beri ayaa ka wanaagsanaan doonta maanta iyadoo aan loo samayn ama la hayn qorshe horumarineed oo la hiigsanayo balse ay qabeen oo qudha shacabku yididiilo ah wanaag waa danbeeyaa. Hargeisa waa Caasimad Somaliland wax ku nool dad ka badan 1.5 million (hal malyan iyo badh) oo shacab ah , dadkaasi waxay noloshoodu u qaybsantahay Sadex dabaqadood oo midna aanay mid shaqo ku lahayn amse aanay ka war qabin. Qaybta kowaad waa dad isugu jira Siyaasiin (politicians ) maal qabeeno ku noqday xoolaha umada iyo Ganacsato (Bussiness men) ay heshiis yihiin Dawlad cashuurtna si fiican u bixiya balse aan ka fikirin danta shacabka iyo awooda wax iibsi ee qofka miskiinka ah , waxaana ka dhexeyeeya xidhiidh adag oo ah ” dhibane yeelkiise inoo qaybi dheefta”. Qaybta labaad waa shaqaalaha u kala dareera goobaha dawlad iyo kuwa Ganacsiga , waxayna bixiyaan labad ugu muhiimsan noloshooda oo ah Wakhti(Time) badan oo aanay wax u qalma helin, waxay bixiyaan maskaxdooda hadana dhiiri gelin ma helaan (Motivation) xaaldooduna waa “hadii aan la geeryoon gugu waa da’aayaa”. Qaybta sadexaad waa halka ugu hoosaysa dhaqaale ahaan ,aqoon ahaan, caafimad ahaan iyo shaqo ahaanba , waxayna bulshada ka noqonayaan 50 % bulshada , Sadexda waqti ka ugu badani wuxuu helaa laba jeer , waa qadaa ma dhergaan aan la maqal codkiisa . Dadka noocaas ahi waxay quutal yoomka ka raadsadaan kaaryoomo ay soo saarteen in yaroo Cadar ah , Kabo yar_yar , Dharka Nooca loo yaqaano Huudhaydhka , Sharabaado yar_yar , Makiinado iyo Cidiyo guro , Garmaan iyo wax yaalkale oo aas’aasiya bay bariiska kala soo baxaan. Qaar kalena waxay ku maararoobaan in ay kariyaan cuntooyin jaban sida Bariis iyo Baasto ama Shaah si ay ugu deberaan nolol maalmeedka iyo duruufaha haysta Xaaladooduna waa ” dhibka laguma waaree waa laga dhamaadaa”. Nasiib daro dadka noocaas ah baa maalin walba Suuqyada Hargisa wax laga qaadaa cashuur labad gelin ah , ha lag qaadee hadana maalin kast wax lagula kacaa dulmi cad iyo khasaare joogto ah, hantidoodna wax laga dhigaa qaar la qubo iyo qaar la qaato , sharcigu uma hiiliyo ,suxufina uma hadlo , waa dhibaneyaal ku nool dhulkoodii. 21 lagu qasaaray ,ayaa ah kuwo calooshooda u shaqaysataal ah balse aan marna ka fikirin dhibka haysta dadkooda iyo maskiinta tuur ku xamaalotada ah . Ugu danbayn waxaan soo jeedin lahaa Qaranimadu waa dalad (umbrella) uu hadhsado muwaadinku , difaac iyo daryeelna u ah , sidaa awgeed dadkaa masaakiinta ah hala daryeelo , meelo hala dejiyo ay ku ganacsadaan ama ku xamashan oo ku haboon waxay u baahanyihiin. Wa billahi tawfiiq. W/Q: Kayse Abdullahi Dhisaaye Qaran News
  20. Kampala ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska dalka Uganda ayaa lagu armay in ay xoojiyaan ammaanka magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, si ay ugu hortagaan weeraro laga cabsi qabo in Dagaalyahannada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Uganda. Ciidanka gaarka ah ee ilaalada Dalxiisayaasha Uganda lagu wargaliyay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay si weyn uga taxadaraan goobaha ay dadku ku badany ihiin, sida hoteelada iyo meelaha kale ee loo Dalxiis tago. Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Kenya Mr Luke Owoyesigyire ayaa sheegay in haatan ay diyaariyeen Askar badan oo ka mid ah Ciidamadooda, si ay u xoojiyaan ammaanka goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay diyaar u yihiin ilaalinta amniga guud ee Uganda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan wax walibo qatar dalkooda. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli todobaadkii hore Al Shabaabay ay weerar ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. The post Uganda Oo ka feejigan Weeraro kaga yimaada Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  21. The Federal Government of Somalia and aid agencies operating in the country have today launched the 2019 Humanitarian Response Plan (HRP) and called on donors to provide sufficient and early funding to sustain aid operations in Somalia in 2019. The response plan seeks $1.08 billion to provide life-saving assistance and livelihood support to 3.4 million Somalis affected by conflict, climatic shocks, and displacement across the country. The improvements in the food security situation due to good 2018 Gu showers of rain, the sustained humanitarian response throughout 2018 and a more focused definition of needs have resulted in a 32 percent decline in the number of people in need of humanitarian assistance, from 6.2 million in 2018 down to 4.2 million in 2019. However, continued conflict and climatic shocks threaten to reverse these gains. In addition, humanitarian needs remain above the pre-crisis level from two years ago. Over 1.5 million people, mainly IDPs and rural populations, face acute levels of food insecurity (IPC 3 and above) and require immediate assistance for their survival. Malnutrition rates across the country have remained persistently high. Over 2.6 million people are internally displaced persons (IDPs) and live in difficult circumstances, are highly vulnerable and in need of multiple basic services and protection. “Unless aid agencies can sustain the aid operation or immediately scale it up in some worst drought-hit areas early in the year, the progress made thus far is under severe threat, as Somalia remains in the grip of one of the most complex and long-standing crises in the world. Climatic shocks such as the recent poor Deyr rains coupled with the cumulative effects of years of the ongoing conflict and the resultant displacements continue to cause suffering and destroy people’s livelihoods,” said Peter de Clercq, the Humanitarian Coordinator for Somalia. “I urge the international community to continue providing early and sufficient humanitarian funding. Alongside life-saving support, a substantial investment in resilience-building and development solutions will be critical to ultimately end need and allow people to fend for themselves with dignity.” The Federal Government of Somalia applauded aid agencies for prioritizing saving lives and ending need through community resilience-building. “This year’s response plan clearly articulates the government’s position that humanitarian needs in Somalia cannot be addressed by the delivery of life-saving assistance alone and it recognises that there are opportunities for development actors to contribute to strengthened resilience of Somalis,” said Mr. Hamza Said Hamza, the Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management. “I call on donors to also prioritize programmes that tackle structural and chronic development challenges in Somalia. We are committed to work with all partners to move ahead with implementing durable solutions through the Resilience and Recovery Framework for Somalia, while the humanitarian response plan focuses on the immediate needs of the most vulnerable – IDPs, host communities, returnees to Somalia and refugees from neighbouring countries.” Despite operational challenges, insecurity and access restraints, aid agencies reached an average of three million people every month with life-saving assistance in 2018. The 2019 HRP targets 3.4 million people, or 81 per cent of the 4.2 million people in need of assistance; and the HRP financial requirements were reduced from $1.5 billion in 2018 to $1.08 billion this year, also in light of increasing engagement of resilience and development actors. Guided by the Humanitarian Country Team’s Centrality of Protection Strategy for 2018-2019, the humanitarian operations will focus on four core strategic objectives: providing life-saving assistance, nutrition, protection and resilience support to the most vulnerable. The post $1.08 billion required to support 3.4 million Somalis appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Booliis iyo Milatari, waxaana dagaalkan uu yimid kadib muran ku dhexmaray suuqa degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Hal qof, iyadoo Saddex kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo khasaaraha uu intaan ka badan karo. Goobta dagaalkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo kala dhexgalay askartii dagaallantay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho ( Sh. M Network )-Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso degmada Kaaraanee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in maanta Rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda ay wiil dhalinyaro ahaa ku dileen gudaha degmadaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Xaaji, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ardayda wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla M/ Muqdisho. Dilkan ayaa yimid, kadib markii Marxuumka iyo Raggaasi ay ku murmeen Mobile Gacanta ah oo uu watay, kadibna rasaas ay ku fureen uu u dhintay Ardaygaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kooxahaasi ay horay uga sii qaateen Mobile-kii uu watay Marxuumka. Sidoo kale waxaa saacadihii ugu dambeeyay dilal kale oo ahaa kuwa qorsheysan ay ka dhaceen isla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo loo geystay 2 Qof oo la sheegay in ay ahayeen Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. Dilka Askartan ayaa baraqanimadii maanta ka dhacay Xaafadda Halima Hiiti ee degmadaasi. Dhinaca kale xiriiro ay la sameysay Shabelle maamulka degmada Kaaraan, gaar ahaan guddoomiyaha degmadaasi C/fitaax Nuur Cali Yaanyo ayaa diiday in uu ka hadlo dhacdooyinkaasi is xig xigay ee maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Guddoomiye Yaanyo ayaa inta badan ka hadlin dhibaatooyinka shacabka ku dhaqaan Kaaraan loogu geysto gudaha degmadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli muddooyinkii dambe ay taagneyd cabasho xoogan oo dhinaca amniga ay ka muujinayeen shacabka degmadaasi. The post Ku dhawaad 5 Qof Oo lagu dilay degmada Kaaraan appeared first on Shabelle. View the full article