-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa degan kaddib markii ciidammada militariga Itoobiya ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga iyo guud ahaan goobaha Muhiimka ah ee Jigjiga. Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Jigjiga ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay Saakay xilli hore Ammaanka magaalada la wareegeen, waxaana sidoo kale Ciidamadaasi Ammaanka la sugaya Ciidamada Booliska. Milatariga Itoobiya ayaa inta badan looga baran in ay soo dhexgalaan magaalooyinka, waxaana la sheegay in ay kasoo guureen xeradii ay ka deganaayeen duleedka Jigjiga. Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda isla markaasna magaalada ay hadda xasiloontahay. Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Shalay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabiley qunsul cusub oo la sheegay inuu Dawladda Itoobiya u fadhiyi doona Magaalada Garoowe, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Jen. Mabratu Waldo Aragay. Jen. Mabratu ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ka beddelaya qunsulkii hore Asmalaash oo muddo 13 sanno hayey xafiiskaasi. Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo toddobaadkan lagu caleema-saaray magaalada Garoowe ayaa sheegay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna waddaagaan soohdimo muhiima ah, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay dar-dargelinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Warbaahinta uu soo gaadhsiiyay xafiiska Madaxweynaha Puntland. Gabagabadii, qulsulka cusub ee Itoobiya, ayaa ka mahad naqay sida Madaxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Itoobiya. Tallaabada Itoobiya Qunsulku ugu Magacowday Maamulka Puntland oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, ayaa ah arrin Dad badan su’aal ka qabaan, maaddaama oo Puntland aanay ahayn Maamul ka Madax-bannaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla-markaana Itoobiya uu Safiir u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa laba Toddobaad ka hor waxay Safiir cusub u soo Magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo hore Itoobiya Safiir uga soo noqday Dalal ay Jabuuti ka mid tahay. Source
-
Waxaan arkay Soomaali badan oo ka xajiimooday hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha uganda museveni, laakiin runtii anigi hadalkaas wuxuu iila muuqday mid dhiiro galin ah oo ubaahan inaan cashir kabarano. Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay (AUN) Mohamed siyaad bare kadib, soomaliya mayeelan dowlad oo waxa ay aheed waddan uu burbur ku yimid dowladnimadiisa. Marka aan sidaas leeyahay waxaan ulajeedaa in soomaliya ay dhumisay dhamaan sifaadkii looga baahnaa dal leh dowlad. Wadanka markuu leeyahay dowlad waxaa laga rabaa inuu buuxiyo sifaadkaan hoos ku xusan; Wadankaas waa inuu awood uleeyahay inuu difaaco madax banaanidiisa dhuleed, waa inuu awood uleeyahay inuu cadawga ka difaaco xuduudihiisa, waa inuu leeyahay ciidan qaran oo difaaci karo shacabkiisa, waa inuu yahay mid siin karo shacabkiisa adeegi ay ubaahnaayeen hadeey ahaan laheed caafimaad, waxbarasho iyo etc. waa inuu yahay mid awood uleh uruurinta canshuurta dalka oo idil. intaas iyo in kabadan ayaa laga rabaa dowlad. Hadaba waxaa isweydiin mudan dowladda somaliya maleedahay sifaadkaas aan kor kusoo xusay. Jawaabtu waa maya,sidaan ognahay soomaliya maleh ciidan qaran oo difaaci karo xuduudaha dalka, oo waxaan aragnaa in maalin walbo ay ciidamada dowladdaha dariska ah ay iska soo talaabaan xuduudaheena,waxaan aragnaa in ciidamada kenya ay shacab masaakiin ah duqaymo kulaayaan gobolka gedo,mana jirto dowlad ka hadasho dhibaatada lagu hayo dadkaas,waxaan aragnaa in ciidamo shisheeya ay ilaaliyaan madaxdeena,waxaan aragnaa in meelihi ugu miihiimsanaa dalka uu shisheeya maamulo,waxaan aragnaa in mushaarka ciidankeena ay dalal shisheeya bixiyaan. Markaan xaqiiqda usoo noqono oo aan katagno caadifada iyo laablakaca beenta ah waxaa noo muuqdo in soomaliya aysan waxbo faraha kuheyn, in soomaliya ay tahay dal fashilmay oo ay fashiliyeen dadkiisa. marka maxaa nala gudboon hadaan soomali nahay, waxaa nala gudboon inaan xaqiiqda wajahno, inaan garano in dowladnimadu tahay waxa kaliya ee aan kusoo ceshan karno sharafkeeni umadeed. Qof walbo oo ay lixjeclo kahayso dalkiisa,rabana inuu arko soomaliya oo leh dowlad xoogan; waxaa laga rabaa inuu qayb kanoqdo dhismaha wadankiisa,waxaa laga rabaa inuu bixiyo canshuuraadki looga baahnaa si dowladdu uhesho ila dhaqaale,waxaa laga rabaa inuu kamid noqdo ciidanka dalka,waxaa laga rabaa inuu abuuro fikir ganacsi oo dalka iyo dadkaba faa’ido uleh,waxaa laga rabaa inuu yahay qof naftiisa hormariyay,waxna bartay dadka kalana waxbaray,waxaa laga rabaa inuu dalkiisa daacad ugu shaqeeyo, musuq maasuqana kafogaado,waxaa laga rabaa inuu noqdo qof si mas’uuliyad ay kudheehantahay udoorto hogaanki dalka lagu aamini lahaa.Hadii dad badan sidaan ufakiraan ficilna kudaraan,waxaan yeelan doona wadan dhisan oo leh dowlad xoogan. DALKAADA WAX KU BİİRİ HADAAD JECESHAHAY. W/Q. Abdikarim Abdullah Email: waweyneyare@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Buugani wuxuu noqon doonaa Laba majale, kaas oo la magac bixi doona ” Qalooc iyo Qarsoodi ” Buugani wuxuu diirada saari doonaa dhamaan dheefihii iyo dhiilooyinkii dalka ka dhacay mudo xileedkii Xukuumadii hore ee kulmiye dalka hagaysay oo aheyd taariikhdii ( 26/6/ 2010 – 13/11/2017) . Buugani wuxuu Toojka ku ifin doonaa ummaddana u soo bandhigi doonaa marxaladihii ay soo martay Caqiidadii siyaasadeed ee Xisbiga kulmiye dalka ku qabsaday iyo curyaamintii Geedi-socodkii dimuqraadiyadeed ee Somaalilaan, Kuy’e Buugan majaladiisa koowaad wuxuu kuu kala haadin doona, kuna hufi doonaa cutubyadiisa kala duwan qodobadan hoos ku taxan : 1- Musuq-maasuqii iyo maalurursigii lagu sameeyey maareyntii maganta,moorada iyo midhihii dawladnimo, waxaana uu buugani gol-jilicda ka yara gujin doonaa Khaayimiintii awooda dawladnimo helay ee ku tagri falay hantidii ummadda, jileyaashii qarsoonaa iyo gafeneyaashii ku dhegay naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa. 2- Buugu wuxuu qodobeyn doonaa si wax looga barto Cadaalad daradii iyo ceebihii dhacay, dhacdooyinkii maareyntooda lagu fashilmay iyo dhiilooyinkii dhabta ahaa ee dalka ka dhacay mudadaas. Boobkii dhulkii danta guud iyo siyaabihii loogu tagri falay hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ummaddu wada laheyd 3- Buugu wuxuu iftiimin doonaa hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada JSL, ma hadhooyinkii iyo raadadkii foosha xumaa ee doogta iyo diifta lahaa ee dadka iyo dalkaba ku reebay qabyaaladan duluca furatay ee maanta dalka ku bacrintay. 4- Buugani Wuxuu halbeeg iyo cabir saari doona dhaawicii iyo dhiig bixii gaadhay magacsamaantii dawladnimada Somaalilaan oo maanta weetaysan. 5- Buugani wuxuu bayaamin doonaa caro-qaad kii shir beeleedyada iyo soo bacrimintii qabyaaladan duluca furatay ee ku saleysan is-xulafeysiga la magac baxay Jeegaanta malaasan. 6- Buugu wuxu duri doonaa Siyaasad xumadii Jeegaameysneyd ee soo ifbaxday doorashada dabadeed taas oo dalka ku reebtay Colaado Siyaasadeed, Cadaawe degamsan iyo isu jabhadeynta maanta dalka ka bilaabantay. 7- Buugu wuxuu soohi doonaa xagal daacii ku dhacay Dimuqraadiyadii JSL ee aanu Kulmiye weelkeeda sii tolin, laakiin uu curyaamiyey kuna fashilmay waajibaadkii ka saarnaa geedi socodkii iyo hanaankii dimuqraadiyeed ee lagu taamayey mudada dheer.” Sida doorashooyinka wada mudo dhaafay ee waqtigooda lagu qaban waayey.” 8- Buugu wuxuu hoga tusaaleyn doonaa dagaalkii qaawanaa ee Jamaal Ali Xuseen lagaga reebay Musharaxnimadii uu xaqa u lahaa ee uu ka sharaxnaa Xisbiga Ucid. 9- Buugu wuxuu bayaamin doona mudo kordhintii la caadeystay iyo khiyaamooyinkii ku gedaamnaa Doorashadii Madaxtooyada ee 2017 ee la qabyaaladeeyey taas oo ay ummaddu wada daalacatay doorashadii madaxtooyada in aan marna xisbi loo codeyn ee qolada loo codeeyey. qaanuunkii dhisme siyaasadeedkii dimuqraadiga ahaana loo bedelay qabiil, codkii muwaadinka xorta ahaana la isireeyey oo qabiil uu la tegay muskiisii iyo miscirirtii uu rabay, arintana waxaa markhaati iyo marag kuugu filan doorashadii ugu danbeysay ee dalka ka dhacday. 10- Wuxuu buugu caadka iyo ciirada saaran ka qaadi doonaa Qarada Siyaasadeed iyo jiritaanka qaanuunada qabyaaladeysan ee Xisbiyada Somalilaan, gaar ahaan xisbiga kulmiye : Waxaa la wada ogsoon yahay in “Cod doorasho oo qabaa’il ku xulofoobaan ay ka dhigan tahay, in dadka intiisa kale ganafka la geliyo si aanay weligood kuriga u haleelin oo aanay wadanka madax uga noqon iyada oo adeegsanaayo qabyaalad qaawan. 11-Buugu wuxuu daaha ka feydi doonaa Malaayiinkii doolar ee lagu lunsaday Mashaariicda Biyo gelinta Caasimada Hargeisa, Sahaminta macdanta iyo shidaalka dalka, xaqulqalinkii, la qaybsaday, qasriyadii iyo sheerarkii la dhaafsaday wereejinta Dekeda Berbera, Saldhiga Ciidamada ee Berbera iyo Madaarkii Berbera. 12- Buugu wuxuu bayaamin doonaa Qaloocii galay Qorshe howleedyadii horumarinta iyo higsiga qaranka ee ku mudaysnaa 2012 – 2016 iyo mashaariicdii maamul daadejinta ee Dawladaha hoose ee la magac baxay GPLJ ( Joint programmes ) ku waas oo wada hagaasay oo fadhiid noqday. 13- Buugani isaga oo bud-dhig iyo baleysin uga dhigaaya Cadaalad daradii iyo Ceebihii dalka ka dhacay wuxuu ummadda u soo bandhigi doonaa caaqidadihii Siyaasadeed ee xukuumadii hore ee kulmiye in ay ku saleysneyd oo keliya hab-dhaqanka Xulafeysan ( Clan politics ) iyo jifooyin qabiil si loo jumladeysto dhamaan joharadii ummaddu wada laheyd oo dhan. 14-Buugani wuxuu lafaguris hufan, xigasho iyo xog koobid ku eegi doonaa hababkii qalooca iyo qarsoodiga ahaa ee lagu qaybiyey deeqihii debedaha sida kuwii waxbarashada iyo mashaariicdii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka sida Caafimaadka, biyaha, beeraha, iyo tamartaba. 15- Buugani isaga oo markhaati iyo maragyo soo qaadanaya wuxuu daaha ka feydi doonaa qusumkii iyo qoontii lagu qaybsaday mansabka, maganta, moorada iyo dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka oo dhan ee wax ka tari lahaa korodhka dhaqaalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada. 16- Buugani wuxuu ururin doonaa, keydina doonaa oo weeleyn doonaa wixii ina soo maray dhib iyo dheefba si ay dhaxal iyo dhito inoogu noqoto. 17- Buugani waxaa uu argagax iyo oofwareen ku ridi doonaa inta runta iyo xaqa daboosha sida jileyaashii qarsoonaa ee dalka dhacay. 18- Buugan lama yool habaabin karo waana dhab in uu gagabin doono intii doobin jirtay ee ku dibirtay xaq-daradda iyo xoolihii ummadda baahan 19- Buugani wuxuu qiimeyn iyo saadaalin buuxda ku sameyn doonaa Caqiidada Siyaasadeed ee Kulmiyaha cusub laga filanaayo sanadaha soo socda. 20- Summadda Buugu waxay noqon doontaa ( Dab liq -ISBN -10-17 ) Waxaan Saaxiibkay Mr A. Omar ku hambalyeynayaa Buugan oo uu soo bandhigi doono dhawaan sanadkan gudihiisa. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax-banaan Intensive ED BD PA United kingdom Qaran News
-
Shil Gaadhi oo ka dhacay Biriijka Kala jab ayaa sababay Dhimasho Laba qof ah. Alle haw naxariisto oo janadda ha geeyo Labadaas marxuun. Booyad Shidaal u siday Ceerigaabo ayaa ku dhacday Biriijka Kala jab ka dib markii ay ka dhacday Biriijka. Shilalka Gaadiidka ayaa inta badan waxa sabab u noqda waddooyinka ay marayaan oo dhaawac ama Burbur ku dhaco, dayac ka yimaada darawalka iyo isdhaafka degdega ah ee inta badan ay sammeeyaan darawaliintu, Ku hadalka telefoonka, Cabista iyo cunista kala duwan, sidaa awgeed dawladda Waxaan ugu baaqayaa in shilalka gaadiidka ka hor la sammeeyo oo lala kaashado ciidamadda Waddooyinka si loo hubiyo Darawaliintu innay buuxiyeen sifihii darawalnimo. Sidoo kale in la sammeeyo Hay’ad gaar ah oo ka shaqaysa wacyi galinta shilalka gaadiidka iyo ka hortagooda. Shilalka gaadiidku Maalinkasta waxay sababaan dhimasho, dhaawac, iyo burbur maaliyadeed oo badan. Warbaahinta uu ka mid yahay Khaalid Foodhaadhi oo hore wax uga diyaariyay waxaan ka codsan lahaa inuu sanadkasta bilkasta uu warbixino dhammaystiran ka sammeeyo kuwaasoo xalkooda wata. Haddii aad gaadhi waddatid ka taxadir shilalka Gaadiidka ee sida joogtadda ah u dhaca Allena waxaan ka baryaynaa inuu innaga nabad geliyo dhibka gaadiidka. Rakad Mxd Sultan Qaran News
-
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog),oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Doorashada aanay dhici karin iyada oo aan waxba laga qaban lix arimood, oo kala ah Komishanka, Saami qaybsiga, Tirikoobka, kala xadaynta Gobolada iyo Degmooyinka, Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo in la bixiyo lacagta Doorashada. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Komishanka iyo Doorashada ayaa yidhi “Xisbiga Waddani wuxuu helay boqolkiiba dhawr iyo afartan, halka Xisbiga Kulmiyena uu helay boqolkiiba dhawr iyo kontan, halka Xisbiga UCIDna uu helay boqolkiiba afar, sidaas oo ay tahay Xisbiga Waddani wuxuu si cad u soo bandhigay xil gudusho la’aanta Komishanka, iyo cadaalada darada ay sameeyeen, sidaas darteed in Doorasho dambe ka xaqsooraan Komishankani maaha, taasna Xisbiga Waddani xaq buu u leeyahay, sida uu Xisbiga Kulmiye uu ugu doodayey in Komishanka laga bedelo wakhtigii Daahir Rayaale ayuu Xisbiga Waddanina ugu doodayaa, markaas Madaxweynuhu iyo Xisbigiisa Kulmiye markii ay Mucaaradka ahaayeen siday u diidaayeen Komishanka, ayuu Waddanina u diidan yahay,Madaxweyne Komishan aad cadaalad daro ka tirsatay adigoo Mucaarad ah, kadibna laga bedellay, ciddina ka yeeli mayso Komishan xaqsoor, garsoor iyo cadaalad aan lagu ogeyn inay sii joogaan, ta kale haddii nin uu Basboorkiisku dhacayo bisha kow iyo tobonaad, haddana uu yidhaahdo bisha laba iyo tobanaad ayaan dhoofayaa waa wax lagu qoslo, ee waa in Komishan is leeg oo waliba ku saleeysan habka boqolayd oo Doorashadii sidii loo kala helay lagu saleeya, waxaana wanaagsan in Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani min saddex xubnood keenaan, Xisbiga UCID-na uu uu keena hal xubin, madaama laga cod badnaa, laakiin Doorasho ay Komishankani qaban karaan ma jirto”. Xidhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Saami qaybsiga, tirikoobka, iyo Doorashada ayaa yidhi “Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay xukuntay in Doorashada lagu galo Saami qaybsi, waxaana haboon in marka hore guud ahaan Shacabka reer Somaliland loo sameeyo tirikoobo, isla markaana kala xadayntii Gobolada la sameeyo, oo waliba Diiwaangelinta Doorashadana la sameeyo, maxaa yeelay dad badan oo aan Doorashadii hore ka qayb galin iyo kuwa aan qaangaadhin ayaa jira, marka qodobadan la helo iyana waa muhiiim, waxaa kale oo iyana daruuri ah in la helo lacagtii Beesha Caalamka, gaar ahaan Wadamada Somaliland Doorashooyinka ka caawiya”. Xidhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Gobolka Maroodijeex ayaa yidhi “Gobolka Maroodijeex waa Gobolka ugu dadka badan, uguna cododka badan, maxaa yeelay ilaa laba milyan oo qof ayaa ku nool, waana labaatan kursi oo qudha, waxaana odhan karaa Gobolka Maroodijeex uu ku dulman yahay Kuraasta Wakiilada, oo xittaa Gobolada kale halka lagaga soo baxo todoba boqol oo cod, Maroodijeex dhawr kun oo cod baa lagu dhacay, in wax laga jaro iska daa’ ee waxay u baahan tahay in wax loogu kordhiyo.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegatay markii xilka loo dhiibay guddoomiye Yariisow ayaa weeraray siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa xanaaqsan inay dafiraan waxqabadka xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inaysan u muuqan waxqabadka dowladda. Sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka qabatay horumarinta deegaanka. “Mudane Guddoomiye Waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkeyn,siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed”ayuu yiri Mr Guuleed. Mahdi Guuleed ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wax badan ka qabato horumarinta deegaanka iyo gobolada dalka Soomaaliya, isaga oo amaanay waxqabadka uu xalay soo bandhigay guddoomiye Yariisow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-raiisul-Wasaare-ku-xigeenka.mp3Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Five people are dead and about 130 missing off the coast of Djibouti after two boats carrying migrants capsized, the UN migration agency said on Tuesday. The incident occurred about 30 minutes after the overloaded boats set off in heavy seas from Godoria on the Horn of Africa nation’s northeast coastline, according to the International Organisation for Migration (IOM). “After being alerted by local residents, a team of gendarmerie gathered this afternoon near the reported site of the disaster and discovered two survivors as well as the remains of three women and two men,” IOM said in a statement. One survivor estimated there were 130 people on his boat but was not able to say the number of passengers on the other vessel. “The coast guard was also alerted and launched search and rescue operations. Those operations are still underway with two patrol boats,” said the statement. MIGRANTS Located across the Bab el-Mandeb strait from war-torn Yemen and next to volatile Somalia and Ethiopia, Djibouti has in recent years become a transit point for migrants heading to find work on the Arabian Peninsula. The region of Obock, from where the boat set off, is unusual in that it sees people passing in both directions: Boatloads of Yemeni refugees fleeing war cross vessels carrying African migrants seeking better opportunities. The IOM runs a centre in Obock helping migrants seeking to flee the conflict in Yemen. In 2017 some 2,900 people, mostly Somalis and Ethiopians, passed through from Yemen, a year that saw about 100,000 migrants head into the troubled country. “The number of new arrivals arriving in Yemen has been continuously increasing since 2012, despite the deepened insecurity and violence following the war that erupted in March 2015. Arrivals peaked in 2016 when over 117,000 arrived in Yemen,” the IOM said in its 2018-2020 regional migration response plan. FAMINE This migration comes despite Yemen is home to one of the world’s worst humanitarian crises. UN officials say 80 percent of the population — 24 million people — are in need of aid and nearly 10 million are just one step away from famine. IOM said that most of the journey migrants take to Yemen is by foot, walking across the scorching desert regions of eastern Ethiopia, Djibouti and northern Somalia. Once they arrive in Yemen they face torture, blackmail, sexual abuse or forced labour. The strategic sea crossing has repeatedly proven perilous. Last year, at least 30 migrants from Somalia and Ethiopia believed to be headed for Djibouti drowned when their boat capsized off the coast of Yemen amid reports of gunfire being used against those on board. In August 2017, dozens of migrants from Somalia and Ethiopia died after human traffickers forced them off two Yemen-bound boats and into the sea. The post 5 dead, 130 missing as two migrant boats sink off Djibouti appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni. Kadib Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa waxay ku sheegtay in loo baahan yahay in hadalka madaxweynaha dalka Uganda loo qaato canaan oo aan loo qaadan mid dhibaato ku ah dowladda Soomaaliya. Waxay sheegtay in hadalka kasoo baxay madaxweynaha Uganda aan looga falcelin sidii talaabo looga qaadi lahaa, dalal ama Hay’addo qalad ka galay dalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigay. Waxay sheegtay in Uganda ay dhiig u daadisay nabad galyada Soomaaliya, islamarkaana ay wali ilaaliyaan hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya. Waxay sheegtay in ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu badan ee dalka jooga, islamarkaana aan lagu dagdagin jawaabta la siinayo madaxweyne Yuweri Musaveni.
-
Kuwaiti Deputy Prime Minister and Foreign Minister Sheikh Sabah Al-Khaled Al-Hamad Al-Sabah on Tuesday received credentials of the newly-appointed Somali Ambassador to Kuwait Mohamed Abdullahi Adwa. During a meeting in his office, Sheikh Sabah Al-Khaled expressed his best wishes to the newly appointed Ambassador and hoped that the diplomat will continue to bolster bilateral relations between the two nations. The meetings were attended by Deputy Foreign Minister Khaled Al-Jarallah, Assistant Foreign Minister for Protocols Ambassador Dhari Al-Ajran, Acting Assistant Foreign Minister for the Office of Deputy Prime Minister and Foreign Minister Ambassador Saleh Al-Loughani and a number of officials of the Ministry of Foreign Affairs. The post Kuwaiti Deputy PM receives the newly-appointed ambassador of Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay wakiilada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku wargelisay in heshiis laga gaadhi doono is-mariwaaga ka taagan doorashada golaha wakiilada. Inkastoo ay golaha guurtidu dhawaan golaha wakiilada u sameeyeen muddo kordhin, go’aamiyeena in doorashadu qabsoonto December 2019, haddana waxa weli taagan khilaaf ku saabsan cidda doorashada qabanaysa iyo weliba ka qayb galkeeda. Xisbiga Waddani ayaa sheegay inaanay ka qab geli doonin doorasho ay maamulayaan guddiga doorashooyinka ee hadda talada haya, labada xisbi ee kulmiye iyo UCID waxay iyaguna sheegeen inay diyaar u yihiin inay doorashada ka qayb galaan. Guddiga doorashada ee wakhtigan ayaa waxa uu wakhtigoodu ku eegyahay November 2019. Hase yeeshee, warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in madaxtooyada Somaliland ay laba weji oo kala duwan kula xidhiidhay dalalka beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee Kenya. Wuxuu warku sheegay in madaxtooyadu dalalkan kula xidhiidhay qoraal ay u dirtay iyo weliba telefoono, waxaanay ku wargeliyeen in sida ugu dhaqsaha badan heshiis looga gaadhi doono arrimaha doorashada golaha wakiilada. Warku ma sheegin nooca heshiis ee ay xukuumadu rabto in lagu dhammeeyo khilaafkan, waxase ay madaxtooyadu dalalkan u balan qaaday inay maqli doonaan war cusub oo ku saabsan heshiis laga gaadhay khilaafkaas oo hakiyay wada shaqayntii saddexda xisbi iyo weliba wada shaqaynta guddiga doorashooyinka iyo xisbiga ugu balaadhan mucaaradka ee Waddani. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ciidamada dowladda Soomaaliya awood u leeyihiin difaaca dalkooda. isaga oo ka hadlayay howlgalka AMISOM iyo suurtagalnimada in ay ka bixin karaan xiligan dalka Soomaaliya ayuu sheegay in dedaal dheeraad ah la galiyay sidii loo dhisi lahaa ciidamada dowladda, haddii ay ahaan lahaayeen Militari iyo Booliis intaba, isaga oo sheegay in la dardar galiyo ka bixxintaan ciidamada AMISOM. ”AMISOM iyo dowladdaha kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya waxaa ay dadaal u galleen sidii loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliya, hadda waxaa muuqata in ay karaan oo ay awood u leeyihiin difaaca dalkooda, waayo waxa la dagaalamaya dowladdo ma’aha oo diyaarado iyo gantaalo sita” ayuu yidhi madaxweyne Geelle. Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay iskutashi ballaaran oo ku aadan ciidanada dowladda Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda, “Waxaan isleeyahay waa wakhtigii ay dawladda Soomaaliya la dhiibi lahaa masuuliyadda, dalku weligii kuma tiirsanaan doono ciidamo shisheeye oo dalal shisheeye ka socda.” Djibouti ayaa ah dalka ay ciidamada ugu yari ka joogaan AMISOM, waxaanu Madaxweyne Geele aaminsanyahay in la soo dedejiyo qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya. Source
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has thanked Kenya for being Somalia’s number one strategic partner in the ongoing transformation of the Horn of Africa country. Prime Minister Khaire said the strong partnership between the two countries is good for the stability and progress of the East African region. The Prime Minister was speaking Tuesday at State House, Nairobi, when he delivered a goodwill and condolence message to President Kenyatta from President Mohammed Abdullahi Mohamed of Somalia following the recent terrorist attack at Riverside Drive. The PM said his country appreciates the key role played by Kenya in the stabilization and reconstruction of their nation. He commended President Kenyatta, saying he is a true champion of Somalia’s transformation. “Your Excellency, you are our champion in the transformation of Somalia and we request you to continue leading in the efforts of reconstructing our nation,” said PM Khaire. The Prime Minister assured President Kenyatta that Somalia stands in solidarity with Kenya in the fight against terrorism and violent extremism. He said the terror attack at the DusitD2 complex has only strengthened the resolve for the two countries to defeat terrorism and violent extremism. The Premier congratulated Kenya’s security agents for the swift and professional action that saved lives of many Kenyans and visitors. He said Somalia is on the positive trajectory as it strives to build on the gains made in securing the nation by the AMISON forces by coming up with a new constitution, getting new currency as well as building strong security institutions which are key to both economic and social stability of the country. The Prime Minister said Somalia currently hosts over 50,000 Kenyans working in various sectors of the economy, adding that the country has improved its purchasing power and the investment environment through various development programmes. He said the reconstruction of Somalia has seen its education, health and other community development programmes taking off, giving the country opportunity to negotiate with international lenders such as the World Bank and the International Monetary Fund. “The reconstruction of the country and the ongoing programmes in economic development will help us reduce poverty and greatly contribute to our efforts to combat terrorism and violent extremism,” the Prime Minister said. President Kenyatta thanked the Somali leadership for their support and solidarity following the Riverside attack and their commitment to continue working with Kenya in the fight against terrorism. The President expressed his delight to learn that Somalia is on the positive trajectory, economically, socially and in its relations with global partners. “This is proof that Kenya’s efforts have not gone to waste,” said the President. President Kenyatta assured the Somali Prime Minister that Kenya will continue to support international efforts to stabilize and reconstruct Somalia. Present were Chief Administrative Secretary in the Ministry of Foreign Affairs Ababu Namwamba, Somali Ambassador to Kenya Mohamud Amed Nur and the Deputy Head of Somali Mission Ali Mohamed Sheikh. The post Somali PM meets with Kenyan President Uhuru Kenyatta appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga ( Sh. M. Network )-Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ka taagan tahay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xiisada ayaa salka ku heysa khilaaf dhinaca maamulka ah oo u dhexeeya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ahaa ku rasaaseeyay magaalada Jigjiga, iyadoo ay ku dhinteen illaa labo Qof oo rayid ahaa. Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda fara gelin ay sheegeen in dowladda federaalka Itoobiya ay ku heyso ismaamulka Soomaalida dalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyay xaafado ka tirsan Jigjiga, si ay uga hortagaan rabshadaha magaaladaasi. The post Xiisad xoogan Oo weli ka taagan magaalada Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa ku balansan in ay wada dheelaan koobka Somali Super oo gogol xaar u ah furshada tartamadda kol ciyaareedka 2018-2019 09-May 2018-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa ku gulaystay horyaalka Somali Premier League oo markii kowaad laga dhaqan geliyay dalka waxayna sidoo kale ku hanteyn markii labaad oo xariir ah waxaana u qaaday tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). 18-October 2018-Kooxda Mqudisho City ayaa ku guulaystay koobka sanadaha ah ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxayna ka qaaday xidigaha Horseed,balse magaca ahaan waxa ay ku hanteyn Banadir Sports Club. 25-November 2018-Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda hoose xamar ama Muqdisho aCity Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha. 29-December 2018-koobka Somali Super waxaa 1-0 ku hantay xidigaha kooxda Elman,iyagoona kaga guulaystay naadiga Dekedda waxaana gool ku laad loo dhigay waqtigaa u dhaliyay Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) oo u iminka u dheelaya kooxda Horseed. Tababare Xuseen Mabalangu tan iyo 13-May 2015 markii uu qabtay jagada kooxda Mqudisho wali kama uusan guulaysan kooxda Dekeda tartamadii kala duwanaa ay isla ciyaareen,isagoo ku wajahay tababarayaasha kala ah Cabdi Wali Maxamed Maxamuud iyo Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). Caadil Nuur Cali ayaa wajahaya kooxdiisa hore ee Muqdisho City Club,isagoo iminka ka tirsan naadiga xafidanaysa horyaalka. Goolhaye Saciid Aweys Cali ayaa isna ka hor imaanaya kooxdiisii hore ee Dekedda waxaana xidigan lagu soo iibsaday Lacag dhan 100,000,000 Milyan oo Shilling Soomali ah. Is Araga Kooxaha Banaadir SC VS Dekedda 26/06/2012 Dekedda1:1 Banadir S.C 03/01/2014 Dekedda 2:4 Banadir SC 04/03/2014 Banadir SC 2:1 Dekedda 29/01/2015 Dekedda 0:2 Banadir SC 13/05/2015 Banadir SC 0:1 Dekedda 22/02/2016 Dekedda 1:1 Banadir SC 11/05/2016 Banaadir SC 0:0 Dekedda 09/03/2017 Dekedda 1:0 Banaadir SC 19/02/2018Dekedda SC1: 0 Banaadir S.C 16/04/2018 Banaadir SC 0:0Dekedda SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Somalia Super Cup 2018 Kooxaha:-Dekedda VS Muqdisho City Club Tariikhda:-30-01-2019 Maalinta:-Arbaco Saacada:-3:45pm Garoonka:-Banaadir Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Jabuuti ( Sh. M. Network )-Hay’adda QM u qaabilsan dhanka socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in shan muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirto ay ku dhinteen Jabuuti, kadib markii labo Doomood oo ay saarnaayeen ay kula dageen xeebaha dalkaasi. Sidoo kale IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay 5 Qof, halka 130 Qof oo kale la la’yahay, waxaana shilkan uu ka dhacay xeebta Godoria ee dalka Jabuuti . Muhaajiriintan oo u badnaa Soomaali ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen dhinaca dalka Yemen. Ciidamada ilaalada xeebaha ee Jabuuti ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan muhaajiriinta ku qaraqmay gudaha badda. Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Africa ayaa safaro halis ah ku gala xeebaha dalal badan, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub. The post Muhaajiriin Soomaali ah Oo ku dhintay xeebaha Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Shir deg deg ah oo ay yeesheen hay’addaha Amniga dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa magaalada Jigjiga wixii ka danbeeya 10:00 Habeenimo Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in wixii xiligaa ka danbeeya aan la ogoleyn inay socdaan dadka iyo waliba gaadiidka si loo adkeeyo Ammaanka Nabadgaliyadda Magaalada Jigjiga. Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ah ku-xigeenka madaxa Nabadgaliyadda iyo Caddaaladda degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale la mamnuucay qabashada shirarka aysan ogeyn dowladda ay isugu yimadaan dadka. Bandowgan ayaa yimid kaddib markii ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya. Rabshaddaha ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Qowmiyaddaha Soomaalida iyo waliba Amxaaradda ee dalka Itoobiya. Source
-
The Puntland Ministry of Women Development and Family Affairs in collaboration with the UNFPA, opened in Garowe, a conference on women’s obstacles, particularly in terms of economy, health, and political participation. The conference was attended by; UNFPA officials, UNSOM, embassies Finland, Sweden, Switzerland, officials of Uppsala University in Sweden, members of local and international NGOs, former first lady of Puntland, Drs Hodan Saeed Isse and other honorable guests. Minister of Women Development and Family Affairs, Mrs. Maryan Ahmed Ali emphasized the purpose of the conference, saying it is debating topics on women’s barriers to economic, health and political roles and how to overcome obstacles. The minister also highlighted the 2018 Ministry’s achievements, including 100 girls received free scholarships and established 6 centres for the care of women abused. PUNTLAND POST The post Puntland Ministry of Women opens a conference on women’s obstacles appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan Eng Faysal Cali Waraabe uu weeraray qaar kamid ah dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa arintaasi waxaa ka hadlay xildhibaanada golaha Deegaanka ee Laascaano. Xildhibaan Nuuridiin oo kasoo jeeda deegaanada Puntland kana mid ah golaha deegaanka magaalada Laascaano ayaa si caro leh kaga jawaabay hadalka Eng Faysal Cali Waraabe, isaga oo ku tilmaamay ruux ka shaqeeya dhibaateynta iyo kala fogeynta shacabka. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa marar badan weeraray Boqor Burhaan iyo madaxda maamulka Puntland, isaga oo dhaliilo badan u jeedin jiray, waxaana xildhibaanka ka tirsan golaha deegaanka ka muuqday caro badan. Wuxuu sheegay in Faysal Cali Waraabe marba dhinac la safan yahay, islamarkaana aan lagu kalsoonaan karin taageeradiisa, wuxuu sidoo kale sheegay inuu yahay ruux basaasnimo ku shaqeyn jiray xiligii dowladii dhexe, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu kaga digay Guddoomiyaha xisbiga Ucid inuu joojiyo hadalada naceybka badan dhalin kara. Hoos ka dhageyso codka Nuuradiin oo kamid ah golaha deegaanka magaalada Laascaano. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Xildhibaan-Nuuradiin-oo-kamid-ah-Golaha-Deegaan-laascaanood-War-Puntland-Waa-sax.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland ayaa ka hadashay xaaladda caafimaad ee wasiirka wasaaraddasi Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Halkan hoose ka akriso war qoraal ah oo soo saaray afhayeenka wasaaradaasi: Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Ku Suganyahay Xaalad Caafimaad Midii Ugu Wanaagsanayd, Dhib Iyo Xanuun Laga Dayriyo Midna Mahayo, Mana Yaalo Lamana Dhigin Cisbitaaladda Hargeisa Ku Yaal, Wax Dhakhtar Loo Dhigaana Mahayaan, Kaliyaata Hargab Fudud Ayaa Haleelay, Hoygiisa Magaaladda Hargeisa Ka Degnyahay Ayuu Jooga, Nasasho Iyo Fasax Ayuu Ku Jiraa. Maahan In La Is Barbardhigo Labadda Wasiir Ee Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud, Wasiirka Caafimaad Isaga Xanuun Adag Oo Culus Ayaa Ku Dhuftay, Wasiirka Hawlaha Guud Isaga Hargab Yar Ayaa Haleelay Imikana Wuu Badqabaa, Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Golaha Wasiiradda, Golaha Wakiiladda, Guurtida Cid Aan Soo Booqan Majirto, Mana Hayo Xanuun Weyn Oo Madaxweyne Usoo Booqdaa, Wuu Caafimaad Qabaa Wasiirku. Waxaanu Ka Xunahay Ereyadda Deelqaafka Leh Ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Hawadda Soo Mariyeen, Ayaan Daro Iyo Anshax Xumo Weeyi In Wax Laga Dayo Oo Xanuuna Lagu Sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, Isla Markaan Loo Sahadiyo Xanuun Aan Hayn, Cidii Tiri Warkaas Iyadda Ayey Ku Maqantahay. Xisbiga Waddani Waxa Uyaala Inay Buuxiyaan Kaalinta Mucaaradnimo Ee Ay Baneeyaan, Waxaana Uguba In Ay Habaaraan Isla Markaan Xanuun Iyo Dhibaato Usahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda, Gudoomiyaha Anshaxa Xisbaga Waddani Ee Maanta Ereyadaasi Kasoo Yeedhaan Waa Abaal-laawe Ayaan Daran, Waanu Ka Xunahay Inuu Noqdo Dhallankii Hoyadii Ilamaha Baray. Warbaahinta Madaxa Banaan Waxaan Ugu Baaqeynaa Inay Ka Waantawdo Wararka Been Abuurka Ee Ay Baahinayso, Waanu Ka Xunahay In Aad Siyaasadeysaan Qof Xanuunsanaya Isla Markaana Ay Ka Dayaan Iskudir Iyo Burabugaando. Maaha Madaxbanaasho Warbaahineed Cayda Iyo Qadaf Lagula Kacayo Madaxda Qaranka. C/raxmaan C/laahi Wirdaani Agaasimaha Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Goboladda ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL. Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlayay kulamadii is afgaradka ahaa ee ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa shaaciyay in meesha laga saaray khilaafkii in muddo ahaa u dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa intaasi ku daray in tabashooyinka weli jira lagu dhameyn doono bisha soo socota ee Feybaraayo. Sidoo kaler Madaxweynaha JFS ayaa u mahadceliyay madaxda Puntland oo suura galiyay kulamadaasi, waxaana uu uu tilmaamay in door muuqda ay ka qaateen dadaalladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-cabdiqani-.mp3 The post Madaxweynaha JFS Oo u mahadceliyay Puntland appeared first on Shabelle. View the full article