Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bujumbura (PP) ─ Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tagay dalka Burundi ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban toddoba qodob, kuwaasoo diiradda lagu saaray hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Waxaana bayaanka uu u qornaa sidan. 1. Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal. 2. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi. 3. Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada. 4. Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab. 5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta. 6. Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo qorshaha kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM. 7. Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya. Ugu dambeyn, Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Burundi ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo uu dalkaas ku tago tan iyo markii xilka uu qabtay, waxaana Burundi Soomaaliya ka joogan kumannaan Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post War-murtiyeed ay wadajir u soo saareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee soo bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran, kaas oo socon doona Sedex Maalin. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulanka, waxaana kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Wakiilo ka socda Maamul goboleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir. Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Natiijooyinka kasoo baxay Shirar dib u heshiisiin ah oo hore loogu qabtay qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyo Gobalka Banaadir. Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa wada tashiyo la yeelatay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Bartamihii sanadkii tagay 2018, iyadoo kaashaneysa Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir. 14-Wada tashi ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhuusamareen, Jowhar iyo Baydhabo, waxaana ka qeyb galay in ka badan 700-qof, iyadoona Talooyinkooda la qoray dad kor u dhaafaya 250-qof, oo qaarkood soo jeediyay Siyaasad cad oo lagu wajihi karo Dib u heshiisiinta Bulsho, oo u gogol xaareysa in dadka wax kala tabanaya ay iscafiyaan. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdixaashi Cabdulaahi, ayaa ku amaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye Waqtiga uu galiyay howlaha dib-u-heshisiinta mudadii uu xilka hayay, isagoona kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay Shirka kasoo saaraan waxyaabo faa’iido u ah Dhab-u-Hesheesiinta Umadda. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dastuurka XFS Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdulaahi Xamuud, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal iyo Masuuliyiin kale ayaa ka mid ah Masuuliyiinta ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta Dhab-u-heshisiinta Qaran. The post Shirweyne Qaran oo ka furmay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Maansada Murti-maal oo soo baxday 18.2.2019. Waxay diiradda fogaan aragga ku daah-qaadaysa waydiimaha taagan iyo webintii tagtada dharaarihii inna dhaafay. Sheegmada iyo warinta maansada ayaa tebinaysa taariikh, hordhac, waano, heshiis, midnimo, wada shaqeyn iyo is ahaansho qarannimo. Hadaba, saaxiibbayaal ila dhugta qaybo ka mid ah Maansada Murti-maal. Waana sidatan: Midh Abwaan Ku Tashaa, Haddii Uunku Dhageysto, Adduunkoo dhan hagtee, Rashiidow Alif Maanso, Hal-abuur Isir Weeye, Ku Aroora Hideysi, Anna Heedhe Dhankayga, Dhaxalkii Labo Awga, Aslantii Murti-maalka, Agabkii Hiddaheenna, Aflow, Cabdi Warfaa Iyo, Amma Hadalwanaajiyo, Aw Xaadhiyo, Baadcade, Ina Mire, Qamaan Bulxan, Gaariye, Afgudhiyiyo, Axmed Iyo Hadraawiyo, Sayidka Iyo Af-Qalooc, Inta Curisa Suugaan, Xeer-beegti Idilkeed, Geeraar Ku ibbo-furay… Afar kalena Saaxiib, Asaarka Dhaqanka Iyo, Allaylehe Samaantiyo, Is Abaabul Mideynta, Iska Naarka Ibleyska, Ixtiraamka Xil qaadka, Is Ahaansho Xaq-dhawrta, Dib Amqaalka Dareenka, Abti Dawlad Adkeynta, Adigoon ku fogaanin, Alkumaadda u fiirso, Eraygayga ka dheeho, Fasiraadda Ararta, Afeeftiyo hummaaga, Asalkiyo wanaagga.. Askum kii Cabbanaanta, Ku Ujuuro shaqeysta, Arag Kii Habqankiisa Axaddiyo Isniinta, Sabtida Iyo Allaylka, Tirsiga Iyo Aloolka, Ku Aroorka habeenka, Ku Afmeeray dharaarta.. Akram kooxda maqiiqan, Iyo Aadyar Dhaqaaqa, Asbax kii Ummadeyda, Adhaxdeeda Ka dayrshay, Abshir kii dabshigaaga, Is Aqool Kala geynta, Iyo Awliyo diidka, Ama Awga collaadda, Ka Arkaaya dantiisa.. Abyan Iyo Warmoogow, Labo Eef Afmiishaar Iyo Uufaneys Madhan, Alwadkiisa Jaan Iyo, Guntintiyo Urugadda, Gurgurshaa Aqoonliyo, Odayadu Ma Dheegtaan…. Kol kalena Arbow Maqal, Kobta Aragti Maalkiyo, Agihii Hal-beeg Qaran, Hawl Lagu Asteeyaa, La arkaa Is Diidmada, Oo Fulinno Hawleed, Iyo Talo Gorfeynteed, Amma Nooca Loo Qaban, Muran Iyo Is maan-dhaaf, Lagu Oogsadaa Goor, Aniga Iyo aniga iyo, Awood Jiidashadu Iman.. Kol allooska hadeer, Isa Seegga Silloon, Waa La Awday Halkii, Halkii Aaxdu Ku Tiil, Abhin baa Ka Danbeysoo, Ologgii la Yiqiiniyo, La Adkee Dantii Qaran…. Curiye: Jamal A. Muse, Agaasimaha Guud ee W. H. Biyaha JSL. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World ayaa maanta marsadda Berbera ku soo kordhisay saddex Wiish oo cusub oo loogu talogalay hawlaha Rarista iyo rogista baddeecadaha ku soo xidha dekeddaas. Cali Xasan Cali (Cawaale) oo ka tirsan Guddida Agaasinka Dekedda Berbera, ayaa tilmaamay in labadii sannadood ee u dambeeyey ay dekeddu ku tallaabsatay horumar ballaadhan, gaar ahaan dhinaca tababarida shaqaalaha iyo qalabka dekeddu ku shaqeyso. Waxaanu intaas ku daray in la geliyey dekedda Berbera lacag gaadhaysa 17 Milyan oo doolar. Cali Xasan waxa kaloo uu tilmaamay in saddexdan wiish ay kor u qaadi doonaan saacadaha dekeddu shaqeyso xiligga xagaaga waxaanu xusay inay hore u shaqeyn jireen 12 saacadood, imikase ay shaqeyn karaan illaa 22 saacadood. Sidoo kalena wuxuu caddeeyey in saddexdan wiish ay ku baxday 10 milyan iyo 400 oo kun oo doolar, isla markaana ay cusub yihiin. Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cabdilaahi Cabdi Xasan-mataan ayaa sheegay in qalabkan cusub ee dekedda lagu soo kordhiyey uu wax weyn ka tarayo horumarinta adeegyada marsadda. Source
  5. Ceelbuur (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in amar ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan deegaano ka tirsan degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud. Dadka shacabka ee ku nool Bari ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen amarka ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ah in ay bixiyaan lacag ama xoolo, taasi keentay in dadka ay diidaan. Deegaanada arintan ay ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Xiindheere iyo Ceel Garaas oo dhamaantooda hoostaga degmada ceel buur ee Gobalka Galgaduud. Ilo wareedyo ayaa sheegay in dadka diiday in ay bixiyaan lacago iyo xoolo ay weydiisteen Al-Shabaab la xiray. Dadka la xiray ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa ku dhawaad boqol qof. Al-Shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan dadka Shacabka ah ee ku nool Bari Gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiska Jowhar Caasimada@live.com
  6. (SLT-Muqdisho)-Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in saddex askari looga dilay duqeyn Al-shabaab ay ku bartilmaameedsadeen horaantii todobaadka saldhigga Balli –Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose. Christopher P. Karns oo ah afhayeenka taliska Mareykanka ee Africom ayaa u sheegay wakaallada wararka u faafisa China ee Xinhua in Al-shabaab faafiyeen warar uu ku tilmaamay dacaayad been abuur ah, iyaga oo sheegtay in ay dileen Askar Maryekan ah. Al-shabaab ayaa iyagu sheegay madaafiic ay ku weerarreen saldhig Mareykanku ku leeyihiin garoonka Balli –Doogle ku dileen Sasddex Askari oo Mareykan ah. Mareykanka, AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waayadii ugu danbeeyay xoojiyay howlgalo cirka iyo dhulka ah oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeya ee taageeradda militari siiya. Source
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Jabuuti ayaa gacan ka gaysan doonta dhismaha waddada isku xidha Boorama iyo Jabuuti sida uu sheegay wasiirka Qorshaynta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Ayaa Kaqeyb Galay Shirka Sanadlaha ah ee Awqaafta kaas Oo ku saabsanaa “Icjaasul Qur’an” oo Lagu Qabtay dalka Ciraaq. Kulankaan ayaa waxaa isugu yimid qaar kamid ah Madax ka socotay Wadamada Islaamka Iyo Culumaa’udiinka Dunida Islaaamka. Shirkaan oo si heer Caalami ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo dalalka Islaamka u qaabilsan Arrimaha Awqaaafta iyo Diinta, waxaana ugu dambeyn soo xiray Sheikh Calaamatu Dr Cabdiladiif Al-Hamiim. Shirkaan ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, iyadoona Wafdiga dowladda Somalia ee uu hoggaaminayo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Madaxda iyo Culumada kale ee ka socday dalalka Islaamka. The post Wasiirka Awqaafta XFS oo shir uga qeyb galay Ciraaq appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhaliilay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in xilligaan ay aad u la dagaalamaan xurridda hadalka oo uu sheegay in dad badan laga hor-istaagay. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta ay dowladdu caburisay oo aysan hadli karin,isaga oo xusay in aan waqtigaan dowlada sidaasi looga baahneyn. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay waajib ka saaran tahay helitaanka xaquuqda Dastuuriga ah ee muwaadinka xaqa uu u leeyahay. “Runtii xilligaan xurriyadda hadalka waxa ay mareysaa meeshii ugu xumeyd,balse ay la wadaageen madaxda Dowladda si loo yareeyo caburiska lagu haayo Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta Madaxda banaan ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligii uu talada dalka hayay waxaa lagu eedeynayay in uu caburin ku haayay siyaasiyiinta iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed,waxaana la xiray dhowr mar wariyeyaal iyo Idaacaddo ku yaalla Magalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/jaja.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhagyesato The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee bulshada ku waaniya is-cafinta iyo walaalnimada ayaa Arbacada berri ah ee ku beegan 20 bishan Febraayo 2019 ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Sheekha oo ku caan ah barnaamij la baxay “Cafi walaalkaa” oo bulshada lagu wacyi-geliyo ayaa waayadan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka waday barnaamijkaasi, dad badani ka faa’iidaysteen. Mr Kenyaawi ayaa Puntland u imanaya wacyi-gelin ku saabsan barnaamijkiisa cafiska ee uu hore uga sameeyay magaalada Muqdisho waxaana u qorshaysan in uu maalinta jimcaha ee 22 bishan Febraayo 2019 garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee magaalada Garoowe kula hadlo shacab weynaha caasimadda Puntland islamarkaana ku waaniyo in ay is-cafiyaan. PUNTLAND POST The post Sheekh Kenyaawi oo berri ku soo wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  14. Saddex ka tirsan golaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland ayaa Talaadada maanta ah xilka la wareegay. Wasiirada xilka la wareegay ayaa kala ah; wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Jaamac Faarax Muuse iyo Wasiirka Ganacsiga, Cabdullaahi Cabdi Xirsi. Munaasabado kala duwan, oo lagu qabtay xarumaha wasaaradahaasi, oo ay xilka kula wareegeen wasiirada cusub, ayaa waxaa goob joog ahaa guddiga arrimaha xil-wareejinta ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland. Sidoo kale, maalmaha soo socda ayaa la filayaa, in xubnaha harsan ee wasiirada cusub ay xilka si rasmi ah ula wareega. PUNTLAND POST The post Qaar kamid wasiirada cusub ee Puntland oo maanta xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn casuumaad ah rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib dadaal socday muddo ku dhow sanad. Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Hargeysa. Bulshadda kunool degaanada maamulka Somaliland ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu ka mamnuucay Madaxda dowlad goboleedyadda in ay taggaan dalalka dariska la ah Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland. Isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay kaalin xooggan ka qaaday in Itoobiya ay albaabada ka xirato maamullada ka jira Somaliland, ayada oo toos ula macaamileysa xukuumadda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  16. Munaasabado kala duwan oo manta lagu qabtay xarumaha dhexe ee qaar kamid ah wasaaradaha dawladda Puntland ayey xilalkii kula wareegeen Wasiirka cusub ee wasaaradda Amniga [...] Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa ka waramay dareenkooda u aaddan khilaafka ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Kenya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (SMN) – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa ku dhaawaaqay lacag loogu talagalay Mashaariic hormarineed oo lagu kaalmeynayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lacagtani oo gaaraysa 14 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ayaa la sheegay in lagu xoojin doono nabadeynta, barakayaasha,dib u heshiisiinta iyo hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada dalka. Kulan ay si wada jir ah u shir guddoomiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soomaliya Peter De Clerq ayaa lagu soo bandhigay hanaan la’isku raacsan yahay oo lagu filin doono mashaariicdaasi. Sanduuqa nabadeynta Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2009-kii Soomaaliya ku caawiyay lacag garaysa 45 Milyan oo dollarka Mareykanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha QM ay ku taageereyso Soomaaliya. The post QM Oo 14 Miyan ugu deeqday dowladda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa waxa uu sheegay in dib u dhac ku yimi qabsoomidii shirka golaha dhaxe ee xisbigaas, waxaanu ka hadlay sababta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Muqdisho)-Qarax la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo marayey wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo qaraxan ka dhashay, iyadoo goobta ay gaadheen ciidamada ammaanka oo howl-gallo wada. Ma jirto faah-faahin kale oo qaraxan laga bixiyey, hase ahaatee wadadan ayaa maalmahan dambe waxaa kusoo noq-noqday qaraxyada sidan oo kale ah. Source
  21. Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka ganacsada ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay kaga dhawaaqeen in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, sababo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya. Guddiga ganacsatada qaadka ayaa sheegay in qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya ay iminka u wareejiyeen dalka Itoobiya, haatan wixii ka dambeeyana ganacsiga qaadka uu halkaas u wareegay. Go’aanka ganacsatada ayaa aad looga war dhowrayay maalmihii la soo dhaafay. Guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka Qooje Maxamuud ayaa shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen qaadka ,islamarkaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Kenya dhawaan ay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, lana baxday safiirkeedii joogay magalada Muqdisho halka kii Soomaaliya u joogay dalkaasina dib u soo celisay. Waxaa isa soo taraya muranka xuduud badeedka ee u dhaxeeya labada dal kaas oo sii xoogeystay markii Soomaaliya shirkadihii shidaal-sahminta ka sameeyay Soomaaliya ay shir kula yeelatay London si ay ugu soo bandhigaan baaritaanadii ay sameeyeen iyo meelaha uu ku jiro shidaalka. Qaran News
  22. Qarax la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo marayey wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo qaraxan ka dhashay, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada ammaanka oo howlgallo wada. Ma jirto faah faahin kale oo qaraxan laga bixiyey, hase ahaatee wadadan ayaa maalmahan dambe waxaa kusoo noq-noqday qaraxyada sidan oo kale ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Uganda Musevini oo wiilkiisa u magaacaabay Xil aad u sareeya Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wilkiisa u magacaabay xilka labaad ee ugu sarreeyo militariga dalkaasi. Janaraal Kainerugaba Muhoozi ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka baddali doono aabihiis Yoweri Museven oo 81 jir ah balse waxaa uu beeniyay inuu damacsan yahay inuu siyaasadda ku biro. Lixdii sano ee ugu dambeeysay,Janaraal Muhoozi waxaa la dalacsiiyay ilaa saddex jeer, hadda waxaa loo magacaabay ninka labaad ee ugu sarreeyo militariga Uganda, waxaa hadda ka sarreeyaa oo kaliya ah aabihiis Yoweri Museveni oo ah madaxa ciidammada qalabka sida. Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha dhanka howlgalada gaarka ah. Waxaa sidoo kale xilalka la dalacsiiyay in ka badan 2,000 sarkaal oo ka ag dhaw janaraal Muhoozi. Qaran News
  24. Carwada bandhigga cuntada ee (Gulfood Expo) oo sanadkiiba mar laqabto ayaa si rasmi ah uga furantay Dubai. Waxa uu bandhiggan socon doonaa illaa 22-ka bishan, iyadoo uu furay wasiirka ganacsiga ee dalka Imaaraadka, Sheekh Hamdan Bin Rashid. Waxaa bandhiggan kasoo qeybgalaya ilaa Shan Kun oo shirkadood, kuwaasi oo halkaa kusoo bandhigaya cuntooyin iyo cabitaanno kala duwan. Soomaaliya waxaa bandhiggan kumatalaya illaa 40 shirkadood oo soo bandhigaya cuntooyinka dalka, iyo badeecadaha sida weyn uu dalka caanka ugu yahay sida Mooska, Liinta, Sisinta, Qumbaha iyo kuwo kale oo badan. Hay’adda Geel ayaa fududeysay in ay ganacsatada Soomaaliyeed halkaasi kusoobandhigaan wax soo-saarkooda, iyadoo dalagyada dalka u raadineysa in suuq wanaagsan ay helaan, ganacsatada ku dhiirogelineysa iney kordhiyaan wax soo-saarkooda. Ms. Charlee Doom waa sarkaal ka tirsan USAID, kana mid ah madaxda GEEL, waxa ay sheegtay in ulajeedka GEEL ay tahaysidii ay u kaalmeyn lahaayeen beeraleyda Soomaaliyeed si ay u kordhiyaan wax soo-saarkooda, looguna heli lahaa suuqyo loo iibgeeyo. Carwadan oo ah mid aad u xiiso badan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya waxa ay sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Nairobi (Caasimadda Online) – Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa saaka qoreysa in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xaalada la dejiyo, khilaafka taaganna si hoose lagu dhameeyo, si looga arinsado wixii dhacay todobaadkan. Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ay qorsheyneyso iney soo gaarta magaalada Muqdisho, si ay xaalada ugala hadasho madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomalaiya. Munica Juma oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany, ayaa qorsheheda ahaa iney maanta soo gaarto Caasimada dalka, balse waxaa arintaas ka hor istaagay baarlamaanka dalka Kenya. Kulanka Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa su’aalo lagu weydiin doonaa wasiirka arimaha dibada Kenya, kaasi oo ku aadan khilaafka Siyaasadeed ee xilligaan soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya. Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya Katoo Metito oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in sababta ay u yeereen Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ay tahay waxa ay kala socota muranka deplomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wax laga weydiin doono Khilaafka sii xumaanaya ee dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta la filayay in ay ka doodaan Miisaaniyada sanadkan ee dowlada Kenya, inkastoo arintaasi dib loo dhigay. Khilaafkan deplomaasiyadeed ayaa mar kale cirka isku shareeray, iyadoona arintan in badan ay ka hadleen siyaasiyiinta falanqeeya arimaha deplomaasiyadeed.. Caasimada Online Xafiska Nairobi Caasimada@live.com