-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho. Raggani oo gaarayay illaa labo ayaa waxaa la sheegay in dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaiya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay Toogteen mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi, kadib markii uu diiday in uu hubka dhigo. Sidoo kale Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay wiil kale oo dhalinyaro ah, kuna hubeysnaa Bastoolad, kaas oo la rumeysan yahay in uu wax ka geystay dilkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona howlgalkan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kulan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku dhex nool gudaha iyo weliba duleedka magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka soo qebgalay wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xamse Siciid Xamse iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow. Wasiirka oo furay kulanka ayaa yiri “Nus Malyuun Barakayaanlka ah ayaa ku ku nool gudaha magaalada Muqdisho iyo waliba daafaha magaalada, waa nasiib daro inaan si wada jir ah aan uga qeyb qaadan weyno sidii looga saari laha barakacnimada, ayada oon dowladda federaka looga fadhiyo in doorka ugu weyn ka qaadato sidii dadkan barakacanimada ku nool in mustaqbaka dhaw laga saro” Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri “Waxaa la sheegaa in magaalada Muqdisho ay ku noolyihiin Nus Malyan dad ah oo barakacayaal ah iyo daafaheeda maahan mid xaqiiq ahl, waxaan dareemayaa iney ka badan yihiin, waayo m ajiro ruux sameeyey tira koob sax ah, magaalada ma xamili karto barakacayaal intaas dhan, waxa ay u bahan yihiin in la xaliyo wax ka horeeyo la xallin lahaa majiraan, qofka soo barakacay waxa uu leeyahay xaq la siman midka ay leeyihiin dadka aan baraca aheyn, waxa uu u baahan yahay inuu helo hooy, biyo nadiif ah ,musqul, waxbarasho, caafimaad iyo wax waliba oo nolosha aas aas u ah”. Dhanka kale guddoomiyaha gobalka Banaadir Injineer Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo asagana qeyb ahaa kulanka looga hadalayey sidii xal loogu heli lahaa barakacayaasha Soomaaliyeed mustaqbaalka dhaw ayaa yiri “Maanta waxaan daah fureynaa barnaamijka xal u helidda barakacayaasha oo aan in badan soo wadnay juhdi badana galinay mudo 12 bilooda ah sidii dadkeena barakacayaashaa ay u heli lahaayeen xuquuq dhan mida ay heystaan dadka kale iyo badbaadaba, runtii annaga gobalka Banaadir waxaa naga go’an shacabka in loo adeego si ayaguna waajibaadkooda u gutaan, sidii loo gaari lahaa waxaan in badan soo wadnay wadatashiyo ku aadan arrintaan oo aan la qaadanay dadka ay quseyso shacabkuna ugu horeeyo, waxaana ka soo baxay barnaamijkan aan maanta daah fureyno oo ah sidii xal waara loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah, waxaa loo bahan yahay in laga yeesho siyaasad furan oo shacabka dadka barakayaashaa iyo hay’adaha caalamigaa ay nala ogyihiin in la helo, siyaasadaas hadana waa mid dhameys tiran oo taabanaysa meelo badan ayna ugu horeyso in xal loo helo dadka.barakacayaasha ah maahan in la dawado, waa mawaadiniin Soomaaliyeed waxa ayna leeyihiin xaqa mawaadin waliba oo Soomaaliya uu leeyahay shacabka waa lagu yaqaanay in walalahood ay soo dhaweystaan” Ugu danbeen guddoomiya maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in uu qorsheynayo in shanta sano ee soo socota aan laga helin caasimada Muqdisho iyo duleekeeda ruux barakac ah dadka ay wada helaan nolol siman Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay waxaa dalka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday macalimiin iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo badankooda ku barbaaray qurbaha,iyagoo ka kala yimid wadamo badan oo yurub ah waxayn arinta dhiiri gelin weyn u noqotay ciyaaraha gudaha iyo kooxaha ka dhisan Soomaaliya. 18-December 2018-Caasimada Muqdisho waxaa soo gaaray kooxda kubbadda cagta Som United oo ah naadi Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka afaraad ee wadanka Sweden yoolkooda ugu weynaa waxa u ahaa is-dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ogaadaan is badalka ka jira Soomaaliya si dhalinyaradda ku dhashay qurbaha loo tuso dalkooda hooyo. “Aniga oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden Goobjoog waxaan ugu mahad celinaynaa barnamijyadii quruxda badnaa ee aad ka samayseen socdaalkii kowaad ee Som United taas oo si weyn usoo jiidatay waaladiin badan oo caruur badan ku dhalay qurbaha markii ay daawadeen habka loo sameeyay barnaamijkii ku saabsanaa safarka kooxda Som United waxaa is badalay dareenkooda waxayna iminka qorshaynaynaa in ay dalka ku soo laabtaan””waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Axmed Xassan Xarabi Xidig oo ah qurbajoog ka yimid wadanka Sweden iminkana ku sugan caasimada Muqdisho. 26-December 2018-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United,Khayre ayaa dhageestay fikirka dhalinyarada ku koray qurbaha ee ku aadan horomarinta wadanka,isagoo si guud mahad celin ugu diray dhamaan kooxihii qurbajoogta ee sanadkii tagay 2018 dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka. “Sheekada ugu weyn ee maal mahan ka jirta Sweden waa ka hadlida safarkii taariikhiga ahaa ee kooxda Som United sanadkii dhamaaday 2018 ay ku imaadeen caasimada Muqdisho iyo qaabka wanaagsan ay u soo dhaweeyeen madaxdda dowladda iyo qurbajoogta kasoo laabtay Sweden”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga ugu waramay Axmed Xassan Xarabi Xidig oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden. Si kastaba maamulka kooxda Som United waxa ay balanqaadeen in sanadaha soo aadan ay booqan-doonaan dhamaan gobolada dalka si dhalinyarada ku koray Sweden ay u bartaan dhaqanka dalkooda hooyo Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysiga Axmed Xassan Xarabi Xidig W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-La-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka jaawaabay hadalkii dhawaan ka soo baxay dowladda Kenya ee ku aadanaa in Raggii weeraray magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi ay wateen Hub ay laheyd dowladda federaalka Soomaaliya. La-taliyaha ayaa marka hore sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana DFS ay ka xun tahay weerarkaasi. Sidoo kale Cabdi Siciid Muuse ayaa warka ka soo yeeray laamaha amniga Kenya ku tilmaamay mid aan sax aheyn. Waxaana uu xusay in madaxda Kenya ay u sheegeen in qofka wareysiga bixiyay uu shaaciyay war aan la xaqiijin, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn la-taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Raggii weeraray todobaadkii la soo dhaafay hoteel-ka DusitD2 ay ahaayeen Muwaadiniin Kenyaan ah oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, islamarkaana hubka ay wateen laga heli karo meelkasto. The post Soomaaliya Oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran ayaynu nahaye Booliska inoo qurxiya ma Qadafbaa walal ? Oday Cabdi Haybe oo aanu isku WADDANI nahay wuxuu yidhi “ Fadal Ha la ixtiraamo”. Ma hiil Boolisba? ma hiil Taliya? ma hiil Samanaa?! Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad waa dhab waa ciidamo aan qaadan mushahar ku filan, ma helaan tababar iyo imkaaniyaadkii ciidan dhaqaalaha Dalka awgii iyo qorshe dhammaystiran oo aan marna loo dejin. In kasta oo ay ku ammaanan yihiin dadaalka ay mujiyeen hadana in badan ayaa ka dhiman oo ay ugu wayntahay dib-u eegis kor iyo hoosba ah in la sameeyo. Maanta Burco Askari Boolis ah ayaa rasaas uu furay Dhib iyo dhaawac gaysatay, qaylada Xabsiyadeena ka taagan waynu ognahay hadana Dadka qaar ayaan arkaa leh Booliska yaan la soo hadal qaadin! Waar Adeer aynu wax hagaajisano oo Booliskeena siduu yahay ka sii qurxino oo Saxiibka Dadweynaha ka dhigno ma qadafbaa? Maya maha walal Kii u arkaa waa yeelkii: Anigoo Ixtiraamaya waxaan Saxaafadda ku arkaayay Oday Cabdi Haybe oo leh “Taliye Fadal ha la daayo “. Oday Cabdi Haybe Waan garanwaayay sababta uu sidaa u leeyahay, Fadal Guri uu leeyahay ma jooge xil Qaran ayuu hayaa, in la faleeyo lagu dhaliilo wixii ka qaloocdana waa daw iyo gar . Hiilka Cabdi Haybe waxaan garan waayay waa mid halkee ah . Ma mid Boolis difaac ahba? ma mid Taliye Fadal ahba mise waa mid Samane Difaac ah ? Aniga ka iigu xiga hadduu wax qaribo qofka ugu horeeeya ee ku qaylinaaya ayaan ahay . Wasiirkaygii Axmed Faarax ayaan ugu qayla badnaaba waayo Kala aragti ayaanu ahayn … Anigu ta Oday Cabdi Haybe mid ka duwan ayaan qabaa oo ah . Madaxweyne adigoo mahadsan habaynta Ciidanka Booliska ku noqo qayladoodu dami waydaye, Madaxweyne maraa waaxid Taliye Fadalna mid dhaama ku badal Hadad Jeclaysatay guul wadayntiisana dee Iska hayso kuwii ka horeeyayba way haysteene. Sawirkan Sare waa mar ciidamadda Boolisku Iga xidheen Huteel Maansoor: Mala 20-ba hal Mar igu dagay iyadoo ay igu filayd gaadhiga soo fool.. Wakhtigaas waxa ila socday Jamaal Cali Xuseen oo aanu Saxiib dhaw nahay . Tusan Qaran News
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-230119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii ku dilay Xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, waxaa la sheegay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen, xilli uu ka soo baxayay gurigiisa. Xilliga la tooganayay ayaa la sheegay inuu watay gaari, waxaana markii dambe kooxdii hubeysneyd ka baxsatay goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii ka dambeysay dilka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera. Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada Hawl-wadaag. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mar wlaba la maqlo in loo bahaan yahay dowlad awood leh oo dadka gacan adag ku qabata, balse taas ay tahay arrin halis ah. Xasan Sheekh oo u muuqda inuu duraya madaxda dowladda ee hadda xilka haya ayaa sheegay in aan la baahneyn shaqsiyaad dalka xoog iyo awood ku qabsada, hase yeeshee loo baahan yahay sharci iyo qaanuun adag. “Runtii waan ognahay inaan maqalno waxaa loo baahan yahay dowlad adag, balse xaqiiqda ayaa ah in halka aan maanta joogno ay ka dhalatay dowlad adag oo isku dayday inay xoogw ax ku maamusho” “Shaqsiyaad awood wax ku maamula iyo beelo ama shacab la dhibaateeyo awoodna la adeegsado dowlad laguma noqdo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu aad u dhaliilayay siyaasada madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata inuu sii xoojiyey weerarkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Cadow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The president of Hirshabelle state, Mohamed Abdi Ware has carried out major cabinet shake-up on Tuesday. President Ware’s new line-up has affected 12 ministries including youth and sports, agriculture, communication, Justice and Humanitarian and fisheries. All the new cabinet members in the reshuffle are members of the state regional assembly. This reshuffle has not affected the ministries of Interior, security, planning, and finance. The leader of the regional state earlier said he will carry out reshuffle to get a competent cabinet to deal with challenges in the state topped by the security and the social services sector. Hirshabelle state is the youngest federal state formed on 2016 by the administration led by the former President of Somalia Hassan Sheikh. The post Hirshabelle state president makes cabinet reshuffle after political standoff appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay sarkaal ka tirsanaa xafiiska hanti dhowrka qaranka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa xaafadda albarako ee degmada Hodon. Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa sarkaalka ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa, waxaana la toogtay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqada, sida masuuliyiinta wasaaradda ay sheegeen. Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, oo ka tirsan xafiiska Hanti dhowrka qaranka ayaa xiliga la tooganayay wuxuu saarnaa gaarigiisa, waxaana dilka kadib kooxaha hubeysan ay isaga baxsadeen halka dilka uu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, waxaana ay kasoo qaadeen Meydka Cabdi Madoobe oo la dhigay xarunta Dambi baarista Soomaaliya si baaritaan loogu sameeyo. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilka ayaa sheegay in Cabdi Madoobe uu kamid ahaa dad u shaqeeya Xafiiska Hanti dhowrka qaranka, waxaana markii hore soo baxday inuu kamid ahaa wasaaradda arrimaha gudaha. Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada H/wadaag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The first phase of the reconciliation process in the Southwest State of Somalia has been finalized, authorities said on Wednesday. An event to mark the end of the first phase of the reconciliation was held in Baidoa city with attendance of key people, top state leaders, including President Abdulaziz Lafta-Garen. Somalia’s national assembly speaker, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, Federal, and regional lawmakers were reported to have participated in the well-organized ceremony After taking the oath of office last month, Southwest State president, Abdulaziz Lafta Gareen has been working on ways to end the crisis began prior to December election. At least 15 unarmed civilians have been shot dead by security forces and hundreds detained during violence sparked by the arrest of Mukhtar Robow in Baidoa town. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has recently visited the town and called on the local elders to play role in the reconciliation and collaborate with the new president. The post National assembly speaker attends an event in Baidoa town appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kooxda kubbadda cagta Heegan ayaa ku guulaystay koob lagu xusay Allah Naxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV oo u dhintay qaraxyo ka dhacay agagaarka tiyaatarka qaranka 22-December 2018 waxaana xidigaha Heegan 2-1 ka adkaadeen kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club,waxaase tartankan ka qeyb galay kooxaha kala ah Heegan,Muqdisho City Club,Elman iyo L.L.P Jeenyo. Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ah la taliyaha isboortiga Gobolka Banaadir ayaa u mahad ceiyay dhamaan kooxihii ka qeyb galay tartankii lagu xusay wariye Cawil Daahir Salaad oo maalimihii lasoo dhaafay ka socday garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis,isagoo sheegay in loo baahanyahay in marwalbo xuso dadkii usoo shaqeeyay wadanka dhinac kasto ay bulshada ugu jiraan. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in koobkan ahaa mid lagu xusay mid ka mid haldooradii warbaahinta dalka soo maray marwalbana sidan oo kale ay xusidoonaan xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Qaar ka mid ah maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda ayaa in la hadlay kulan ka dib,iyagoo u mahad celiyay kooxahii ay la ciyaareen tartankii loo dhigay,dhinaca kale waxa ay tacsi u direen qoyskii uu ka baxay Cawil Daahir Salaad iyo dadkii kale ee ku dhintay qarxayadii ka dhacay agagaarka tiyaartaka qaranka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in wali la xasuusaynayo wanaagii iyo wax tartarkii uu lahaa wariye Cawil Daahir Salaad loona baahan yahay in loo duceeyay,geesta kale gudoomiye Yariisow waxa uu u mahad celiyay dhamaan dadkii kasooo shaqeeyay koobkii qiimaha lahaa ee lasoo gababaeeyay caasimada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan koobii lagu xusay Allah Naxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku soo dhaweeyay Danjiraha Cusub ee Dowladda Masar u fadhin doona Dalkeena Soomaaliya. Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo hadal Kooban ka jeediyay Munaasabadda Soo dhaweynta Danjire Mudane Maxamed Ibrahim oo ah Safiirka Cusub Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Masar ay uga mahad celinayaan Taageerada ay mar kasta siiso Soomaaliya. “Waxaa maanta xafiiska iigu soo booqday Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr oo aan ka wadahadalnay mataaneynta Qaahira iyo Muqdisho iyo horumarka Caasimada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow. Danjire Maxamed Ibraahim Naasir ayaa sheegay dhankiisa inuu ku faraxsan yahay soo Booqashada Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar islamarkaana uu ku dadaali doono ka shaqeynta Xiriirka Shacabka Masar iyo kan Soomaaliya. Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr waxaa booqashadiisa ku wehliyay Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Tamer Safwat. El.mahdy. The post Guddoomiye Yariisow Oo la Kulmay Danjiraha Cusub Ee Masar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in qaar kamid ah hubkii lagu weeraray Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ku yaala in ay laheyd dowladda Federaalka Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in 3 kamid ah qoryihii 5-ta ahaa oo ay kooxihii weerarka ku qaaday hoteelkaasi ay wateen hub ay leedahay dowlada Soomaaliya. Saraakiisha ayaa u sheegay Wargeyska in baaritaano ay sameeyeen ay arintaasi ku ogaadeen. “Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay 14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay Wargeyska Daily Nation. Dhinaca kale waxaa warkaan beeniyay dowlada Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse oo ah la tiliyaha dhanka amniga ee maaxweynaha Soomaaliya ayaa arintaasi ku tilmaamay mid aan waxba kajirin, waxaa uu sheegay in Kenya aanay heeynin cadeymo lagu kalsoonaan karo. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Dhowr jeer oo hore ayaa dowlada Soomaaliya lagu eedeeyay in hubka dowlada uu gacanta u galo Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Kenya oo sheegtay in hubkii lagu weeraray Dusit D2 ay laheyd DFS iyo dowlada oo beenisay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo ( Sh. M. Network)-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howgal Miino saaris ah ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Qooqaani iyo nawaaxigiisa ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa Shabelle u sheegay in ay ku guuleysteen in ay saaraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay halkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in uu sii socon doono howlgalkan inta laga xaqiijinayo amniga deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah ka waday gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. The post Howlgal Miino saaris ah Oo laga sameeyay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article