Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa faray golihiisa wasiirrada inay xil wareejintooda goob joog ka ahaadaan guddi korjoogto ah oo kala ah, agaasimaha guud ee madaxtooyada, xisaabiyaha [...] Source
  2. Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii dowladda Kenya ay amartay in ka baxo dalkeeda. Diyaarad siday safiirka, islamarkaana ay la socdeen marwada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka soo degtay garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahan ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay war shalay ka soo baxay dowladda dalkaasi. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la fiyaa in ay jawaab cad ka bixiyaan tallaabadaasi The post Safiirka Soomaaliya ee Kenya Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Minesotta (SMN) – Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Soomaali badan oo ku nool gobolka Minesotta ee dalkaasi ay u safreen dalalka Soomaaliya, Siiriya iyo Ciraaq, si ay ugu biiraan kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka dagaalama dalalkaasi. Warbixinta ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in 45 ruux oo ahaa Soomaali ku nool Mareykanka in ay uga tageen dalkaasi,si ay uga mid noqdaan dagaalyahannada Al Shabaab iyo kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya. Sidoo kale FBI-da Mareykanka ayaa warbixintan ku xustay in tobanaan kale oo Soomaali ah la xiray, iyagoo qorsheenaya in ay ka safraan dalkaasI,si ay u taageeraan kooxaha loogu yeero argagixisada. Saraakiisha ammaanka ee gobolka Minisota ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin Soomaalida ku nool gobolkaasi ee inta badan xiriirka la sameeya Xarakada Al Shabaab oo dagaal xoogan ay kula jirto dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgalladiisa dhinaca cirka ah ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo eedeyn u jeediyay Soomaalida Minesotta appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), safiirkii dowladda Soomaaliya ee Kenya ayaa goordhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaraadaha magaaladda Muqdisho. Diyaaradda uu la socday Taraan waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Somaliya & Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo xalay soo gaaray Nairobi, islamarkaana u soo gudbaayay Muqdisho. Dowladda kenya ayaa Denjire Tarsan ku Amartay in dalkeeda isaga baxo kadib markii uu xumaaday Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Soomaaliya oo ay sheegtay in ay kusoo xad-gudubtay hantida dadka reer Kenya. Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay safiirkii Soomaaliya Kenya u fadhiyay. Puntland Post The post Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray appeared first on Puntland Post.
  5. Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dagaalka oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay in uu ka qarxay deegaanka Kulmis-Yarey ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona barakac xoogan uu ka bilowday halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Dagaal beeleed xoogan Oo ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo go’aanka ay qaadatay Kenya ee ay ku sheeganeyso dhul-badeedka Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday inay siyaasadda ku kala duwanaan karaan isaga iyo madaxda ugu sarreysay dowladda ee Farmaajo iyo Kheyre, balse difaaca dalka uu yahay muqaddas. Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad ee facebook SIYAASADA WAAN KU KALA ARAGTI DUWANAAN KARNAA LKN DIFAACIDA DALKA WAA MUQADAS. Inkastoo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ay ku fashilmeen maareynta siyaasada arimaha dibedda Soomaaliya mudadii labada sano ahayd ee ay xukunka joogeen. Ayna soo galeen dagaalo siyaasadeed oo qaanada cadowga koobaad ee Soomaaliya lagu galiyay dowlado badan oo saaxiib iyo siyaasad wadaag la’ ahaa Soomaaliya kahor 8dii February 2017, maantana aanan lahayn hal dowlad oo Soomaaliya saaxiib la’ ah oo iskeena garabtaagta marka ay nasoo foodsaarto culaysyo nuucaan oo kale ah! Haddana sidaas oo ay tahay, waxaa waajib nagu wada ah dhamaanteen in aan meel iska dhigno farqiga siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, una istaagno difaacida midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Sababtoo ah waxa aan ku kala aragti duwanahay waa siyaasada majara habowsan iyo habdhaqanka hoggaanka dalka, lkn dalku waa hanti aan wada leenahay, qof walibana ay waajib ku tahay in uu dhinaciisa ka difaaco. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa dowlada Kenya in ay ixtiraamto midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, dhowrtana deris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada dowladood. Ayna ka waantowdo faragelinta arimaha gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ugu baaqeynaa in aysan u hoggaansamin cadaadiska iyo cago-jugleynta dowlada Kenya aysana gorgortan ka gelin taako dhulkeena kamid ah. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa dib u dhaca doorashada golaha wakiilada ku tilmaamay mid siyaasi ah loona baahan yahay in shacbiga Somaliland ay ka tashadaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada. Waxa uu guddoomiye ku xigeenku sheegay in aanu golaha wakiiladu awood u lahayn inuu qaybiyo arimaha saami qaybsiga oo uu ku tilmaamay arin siyaasadeed, waxaanu ugu baaqay xukuumada iyo guud ahaan dadka Somaliland in arinta dib u eegis xoog badan lagu sameeyo. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa sidan u sheegay waraysi dheer oo laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay wax kaga waydiisay guddoomiye ku xigeenka sababta ay u samayn waayeen xeerkii lagu soo dooran lahaa golahii iyaga badali lahaa. Waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay guddoomiye ku xigeenku uu yidhi “Haddii ay arintaasi xeer ahaan u xanibantahay waxaynu odhan lahayn golaha wakiiladu lug ayuu ku leeyahay dib u dhaca doorashada, laakiin xeerkas horena waa loo cadeeyay imikana waan cadaynayaaye xeer ahaan uma xanibna siyaasad ahaan ayuu u xaniban yahay, golaha wakiiladu go’aan kama gaadhi karo mana qaybin karo mana ku heshiin karo inuu isagu sameeyo saami qaybsigii lagu soo dooranaayay arintani waa arin soo jireen ah oo labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay laga hadlaayay ilaa wakhtigii Cigaal jirtay, wakhtigii Rayaale jirtay, wakhtigii Axmed Siilaanyo jirtay arintaasina waxay ahayd waar kuraastan baarlamaanka ee maanta lagu fadhiyo si cadaalad ah looma fadhiyee si cadaalad ah loo qaybsado. Guddoomiye ku xigeen Axmed Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Hadaba cadaaladii marka lagu dhaqaaqayo noocee aynu u qaybsanaa, sida tabashada weyn laga muujiyay waa sidii lixdankii 33 kii kursi oo lagu dhuftay 2 iyo badh oo markaas 82 noqday, qaacidadaas cabasho ayaa laga keenay, qaacidooyinka kale ee yaalayna waa kii golihii inaga horeeyay lagu soo doortay oo qabaa’il ku salaysnaa , qaacido kale ayaa iyaduna odhanaysa tirakoob hala qaado dadka dalka ku nool si rasmi ah haloo tiro koobo dabadeedna hala soo saaro kursiga baarlamaanka Somaliland imisa ayuu joogaa, oo kursiga marka lanbarkiisa la heli la yidhaahdo Awdal imisaa iska diiwaangaliyay, Maroodi-jeex waa imisa, Togdheer waa imisa oo Sool waa imisa, wali taas laguma heshiin, golaha wakiiladu horena waa uu u cadeeyay imikana waanu cadaynaynaa arintan in saamiga la qaybsadaa, goluhu waxa uu yidhi arintaas saami qaybsiga goluhu awood uma laha uu ku qaybiyee qaranku talo guud ha ka yeesho oo halaysugu yimaado oo caqabadaha jira iyo dooda jirta iyo gobal walba waxa ay doodiisu tahay hasoo bandhigo, haddii odayaasheenii xigmada badnaa ee caqliga badnaa ee cilmiga badnaa ee caqiidada wanaagsanaa ay sameeyeen haykalkan dawladnimo ee aynu dhawr iyo labaatanka sano ku dhaqmaynay, maanta bal aqoontii jaamacadaynu intaas ka soo baxaynaa, dadkii da’da yaraa ayaa siyaasadii soo galay,rag aanay waayo aragnimadoodu kaba yarayn odayaashaas ayaa taladii haya, maanta maalintii aynu wax qaybsan lahayn miyaynaan joogin.” Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka mareykanka ayaa faafiyay warbixin ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin 4 kamid ah maal qabeenadii u dhashay wadanka Sucudiga ee loo xidhay la xidhiidha Musuq maasuqa kuwaas oo dhawaan lagusii daayey lacago madax furasho ah. Warbixinta Bloomberg ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dadkii la xidhay intii ay soconeysay xamladii loogu magac daray “ka hortagga musuq maasuqa” ay xabsiga kasoo beexen iyagoo qarka usaaran inay fuqaro noqdan marka loo fiiriyo hantidi ay lahaayeen markii ay xabsiga galayeen. Raggan oo ka koobna 87 qof oo hantiilayaal ah ayaa lagu xidhay Hotelka Retez Karliton ee ku yaala magaalada Riyadh, halkaas oo ciidanka Amaanka maamulka Aala Sucud ay ku waardiyeynayen illaa markii dambe qaar iyaga kamid ah ay lacagahooda isku furteen. Max’med Bin Salmaan ayaa la wareegay kala badh saamiyada shirkadaha waaweyn ee ganacsatadan waxaana kamid ah ninka maalqabeenka ah ee lagu magacaabo Waliid Bin Dalaal oo warbixintu sheegayso in uu qarka usaaranyahay ceyrtoobid. Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale la wareegay shirkaddi qaabilsaneyd dayactirka Xaramka Makka, wuxuuna xabsiga dhigay milkiilayashii shirkaddaa. Tan iyo markii uu Salman kusoo biiray hoggaanka dalka Sacuudiga waxay cabsi weyn soo wajahday maalqabeenada dalka Sacuudiga iyo Amiiro badan kuwsoo oo la dhigay xabsi halka qaar kalana laga xayiray Hantidii ay lahaayeen. Maxamed Bil Salman ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad u fudud isla markaasna go’aansado inuu meesha ka saaro cid kasta oo uu u arko inay halis ku tahay hoggaankiisa Sacuudiga. Source
  9. Riydh (SMN) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa marti galineysa shir lagu qaban doono magaalada Riyadh oo lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay xukuumadda Riyadh ayaa waxaa ka qeyb gali doona wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo madax ka socota Isutaga Imaaraadka Carabta oo ka wada hadli doona khilaafka siyaasadeed ee labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka ka eryiday shirkadda DP World,taasi oo ka dambeysay markii shirkaddaasi ay kala hadashay Somaliland in ay dhisato dekedda magaalada Berbera ee maamulkaasi. Sidoo kale xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku shareeray markii ciidanka Booliiska garoonka Aadan Cade ay gacanta ku dhigeen boorso ay ku jirtay malaayiin Dollar oo ay siday diyaarad ka timid magaalada Dubai. Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa iska kaashan jiray dhinacyada ganacsiga iyo milatariga,waxaana magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen xero ay ku tababari jireen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya. The post Sacuudiga oo dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Muqdisho)-Safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkeeda. Diyaaradda siday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Seynab oo maalmahan ku sugneyd Nairobi. Sidoo kale waxaa diyaaradda la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo gaadhay Nairobi, isagoo ka soo laabtay dalka Sweden. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay Safiirkii Soomaaliya, wada tashina ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaadhay, kaddib markii wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeneyso inay xidhiidhka u jartay Soomaaliya, iyagoo ku andacooneysa in dowladda Federaalka in xaraashtay shidaalka dhul badeedka dhaca xuduuda Kenya. Source
  11. (SLT-Burundi)-Danjiraha Dalka Burundi ee magaalada Addis Ababa Dieudonne Ndabarushimana, ayaa ka hadlay qorshaha Kun kamid ah Ciidanka Burundi lagaga saarayo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay tahay mid beegsi gaar ah loogu hayo dowladiisa. Waxa uu sheegay iney wadadaan dadaalo ku aadan sidii loo hakin lahaa in dhamaadka bishan Soomaaliya laga saaro Kun askari oo ka socota dowladda Burundi, taa bedelkeedna askartaas la saarayo ay noqoto mid ay wada qeybsadaan dhamaan dowladdaha Ciidamadooda ay ku suganyihiin Soomaaliya. Dowladda Burundi ayaa 14kii bishan xubin ka noqotay Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo saddexdii Sanaba mar la doorto, Isagoo sheegay in xubinimadaas ay ka taageereyso iney ku guuleystaan doodooda Sharciga ee arinkan ku wajahayaan. ”waa si wanaagsan in Ciidanka Amisom laga saaro Soomaaliya, maadaama uu dalka ka soo kabanayo dhibaatooyinkii dhinaca amniga, balse maxaa qorshahan ku kaliyeelay dowladda Burundi, hadii Kun askari la saarayo wadan walba tiro halaga soo qaado, wada bixista waan ogolnahay, balse beegsiga gaarka ee nalagu hayo ayaan diidanahay” ayuu yidhi Dieudonne Ndabarushimana. Midowga Afrika ayaa bishii December sanadkii 2017, dalkan ka saaray Kun askari oo kamid ah Amisom, askartaas waxa ay ka wada socdeen dhamaan dalalka Amisom ku jira, balse qorshahan cusub waxaa lagu koobay oo kaliya Burundi, waana taa mida lagu qancin la’yahay xukuumada Burundi. Source
  12. (SLT-Malta)-Madixii Shirkadda O & P ports ee shaqo-wadaagta yihiin Shirkadda DP Workd ee maamusha Dekedda magaalladda Bosaaso, Paul Anthony Ramosa ayaa la filayaa in berri subax lagu aaso magaalladda Marsakaba ee dalka uu u dhashay ee Malta. Hadal ka soo baxay Qoyskiisa ayaa lagu sheegay in maydkiisa Khamiistii hore la geeyey dalka Malta, si loogu aaso. Qoyska waxay u mahad celiyeen Warbaahinadda sida ay u xushmeeyeen Arrimaha Khaaska ee Qoyskiisa muddadii ay ku jireen xilligan adag, waa sida ay hadalka u dhigeen. Paul Anthony Ramosa waxaa bishan 4-dii lagu dilay meel ku dhow Dekedda magaalada Bosaaso ee maamul gobolleedka Puntland. Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Soomaaliya. Source
  13. (SLT-Chicago)-Nin shaqada laga eryay ayaa toogasho ku dilay shan qof waxuuna dhaawacay dhowr askari oo soo gaaray goobta shaqada looga tirayay kuwaasi oo badbaadinayay dadkii uu rasaasta la dhacay. Ninkan oo hubeysnaa ayaa la dilay kaddib markii ay rasaas isdhaafsadeen booliiska. Shanta qof ee uu dilay ayaana haatan la shaaciyay magacyadooda. Israsaaseynta ayaa ka dhacay shirkad ku taalla xaafada Aurora oo 40 mayl u jirta galbeedka Chicago. Booliiska ayaa ku sheegay ninka dilka geystay Gary Martin, oo da’diisu ay ahayd 45, waxuuna 15 sanno ka shaqeynayay shirkadda Henry Pratt. Madaxa booliiska xaafada Aurora Kristen Ziman ayaa sheegay in ninka laga shakiyay uu isi soo hubeeyay kaddibna uu kasoo qeybgalay shir shaqada looga tirayay. Booliiska ayaa sheegay magacyadan: Russell Beyer Vicente Juarez Clayton Parks Josh Pinkard Trevor Wehner Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ku sugnaa qolki looga dhawaaqay in ninkan shaqada lagaga caydhiyay, halka midka afaraad iyo kan shanaadna ay ku jireen qol kale. Qoyska ninkaan ayaa u sheegay wargeyska The Chicago Sun-Times in ninkaan uu ka welwelay shaqada laga eryayay. Steve Spizewski, oo daris la ahaa Martin, ayaa wargeyskan u sheegay inuu u ahaa saaxiib uuna usoo tacsiyeeyay xilligii ay dhimatay hooyadiis oo uu aad u murugeysnaa. Saraakiisha ayaa si degdeg ah uga hortegay ninkan dilka geystay oo ku hubeysna qori isagoo rasaas la dhacay dadkii goobta ku sugna. Saddex booliis ah ayaa la toogtay xilli ay doonayeen inay dadka kasoo samatabixiyaan dhismaha weerarku ka dhacay. Ninkan ayaa booliisku ugu dambeyn waxay ku hareereeyay dhismaha muddo 90 daqiiqo ah kadibna waa ay toogteen. Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa kaddib maalin uun xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay weerarkii toogasho ee ka dhacay iskuul ku yaalla Florida kaasi oo galaaftay nolosha 17 qof. Source
  14. Munaasibad lagu soo dhawaynayay hogaanka cusub ee Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Cusub ee Dawlada Puntland Dr siciid C/laahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed [...] Source
  15. (SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa sheegtey inay u yeedhey safiirkeeda Soomaaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fartey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho. Kenya ayaa sheegtey in ay ka cadheysan tahay sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka. Talabadaas ayey Kenya ku tilmaantey mid aan loo sineyn, ceeb iyo sharci darana ah in la maroorsado qeyraadka Kenya, waxaana ay sheegtey Kenya in talabadaas aysan jawaab la,aan ahaaneyn isla markaana ay bixin doonto jawaab u dhiganta talaabada loogu gefey dadka reer Kenya iyo qeyraadkooda. Qoraalkan oo ka koobnaa 15 qodob ayaa waxaa kaloo ay ku sheegtey dowlada Kenya in ay arrintan 6dii bishan kala hadashey Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya iyadoo ku wargelisey in shirka London lagu soo gudbinayo dhul badeed ay Kenya leedahay iyagoo ka dalbadey in dhulkaas laga saaro meelaha la soo bandhigaayo shidaalkooda. Safiirka Soomaaliya ayey sheegeen inuu u xaqiijiyey inuu heley fariintooda isla markaana jawaab deg deg ah oo walaaltinimo ay ka fishaan, sidoo kale Kenya waxa ay sheegtey in ay safiirkeeda Soomaaliya isna uu u gudbiyey cabashadooda dowlada federaalka balse aan waxba laga qaban. Source
  16. Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan argagixisada ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer. Kooxaha argigixisada ayaa [...] Source
  17. FAALLO: Maxaa ka dhalan kara xidhiidhka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya? Soomaaliya Dhinaca Soomaaliya iyo xukuumadda talada haysa hadda, waxay u tahay tijaabo siyaasadeed, taas oo kaga timi mid ka mid ah waddamadii ay ahayeen saaxiibbada dhow. Waxay noqon doontaa soo celinta xidhiidhkaas in uu qaato wakhti, maaddaama ay xukuumaddani in badan dhisaysay wakhti badanna gelisay dhisitaanka saaxiibtinimada dawladaha deriska. Kenya ayaa noqon doonta ugu yaraan meel ay gabbaad ka dhigtaan cid kasta oo ka soo horjeedda xukuumaddan, tan oo ay in badan Kenya waddankeeda ka baacsanaysay siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumadda maadama uu xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ahaa mid ku dhisan is fahan siyaasaddeed. Kenya Haddii aan eegno saamaynta uu yeelaanayo xidhiidhka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaad mooddaa in Kenya ay wajihid oonto cidhiidhi ganacsi iyo mid siyaasaddeedba. Siyaasadda aan ka hadlaayo ayaa ah in Kenya ay weyn doonto metaladdii ay Soomaaliya kaga gudbanayd, taas oo inta badan ahayd meesha ay beesha caalaamku ka hagijireen siyaasadda iyo deeqaha Soomaaliay. Dhinaca kale, Kenya waxay Soomaaliya ku qabtay ganacsi badan, kaas oo maalin kasta kordhinaayay dakhliga Kenya, hoosna u dhigaayay kan Soomaaliya. Ugu dambayntii waxaad moodda in ay tahay faa’iido ay in badan Soomaaliya sugaysay oo Afka ka soo gashay. W/Q: Cumar Rodol Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan, oo shalay ay dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg dalkeeda uga baxo, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Wararka aan ka heleyno garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in diyaaradda siday Tarsan ay goor dhow soo cago dhigatay garoonka, waxaana muuqata in Tarsan uusan kadib dhicin waqtigii 24-ka saac ahaa ee loo qabtay inuu kaga baxo Kenya. Tarsan ayaa waxaa diyaaradda la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku sugneyd Nairobi ayada oo kasoo laabatay safari caalami ah oo ay dhowr dal kusoo bixisay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo galay Nairobi, isla markaana Transit ku ahaa magaalada, isaga oo kasoo laabtay dalka Sweden. Tarsan ayaa shalay looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya. Kenya ayaa sidoo kale u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo oo isna loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Jamaal Cali Xuseen Iyo Sheeko Taabanaysa Cidhib Xumadda Ay Sababto Markhaati Beenaalaha Iyo Caadilka Xukunka Qalooca Rida “Haddii Ay Adiga Ku Seegto,Ubadkaaga Dhaafi Mayso”. “Kuwan Cadaaladda Loo Dhiibay Ee Xaqdaradda Qof Ugu Sameynaya Iyagoo Hebel Kale U Hiilinaya, Weliba Waxa La Yidhi Haddaad Adigu Badbaadana …” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus Somaliland Islamarkaana mudooyinka dambe sheekooyin maldahan ku soo qaata dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalka ka dhaca ayaa mar kale sheeko cajiib ah oo ku cibro qaadasho ah ku soo qaatay raadka xun ee ay If iyo Aakhiraba ku keento ninka Markhaati beenaalaha fura iyo Caadilka Xukunka Baadilka ah ridda. Akhri Nin Beerka, Wadnaha iyo kelyuhu istaageen, Muxuu sameeyay”. Qisooyinka inaga dhex dhaca Waxay marwalba hogatusaale u yihiin nolosheena. Sheekadan kooban een idinla wadaagayaa waa mid Ku haboon maantoo Jimce ah. Nin baa doraad iiga sheekeeyey. Nin xanuusanaya oo cisbitaalka jiifa ayaa kelyahiisii in yari shaqaynaysayoo la filayaay inay fadhiistaan, wadna xanuun xun wuu leeyahaa, beerkuna sidoo kale. Xaaladiisa caafimaad ayeey dhakhtaraddii ka dayriyeen. Ninkii ayaa kolkuu xaaladiisii arkay u yeedhay dhakhtarkii Oo ku yidhi waxaad iigu yeedhaa Ninka hebel la yidhaa Oo telefoonkiisa hebel kale weydii. Adigu dhakhtarkii wuxuu helay hebelkii uu raadinaayey ee ninka xanuusanayaa u diray. Kolkii uu la hadlay ayuu dhakharkii u sheegay in hebel Oo xanuusanayaa raadinayo, dhakhtarkana uu jiifo. Dhakhtarkii ayuu weydiiyey sida Ninka loo hayo. Dhakhtarkii Oo aan ogeyn xidhiidhka labada nin ka dhexeeya una haysta inuu ehelkii yahay ayaa ku nuuxnuuxsaday oo u sharaxay sida kelyaha, beerka, iyo wadnahaba looga hayo ninkaasi. Xaguu dhakhtarkii ka filaayey inuu naxo Oo soo cararo Oo Ninka dhakhtarka Ugu yimaado ayuu ninkii ku jawaabay; ” Maanshallah kol haddii Ilaahay ducaddii Iga aqbalay Oo intii aan ku duceystayba uu maanta u jiifo” Dhakhtarkii Oo Ilaahay fajac u keenay ayaa weydiiyey sababta ku keliftay ee uu hadalkaasi u yidhi. Ninkii ayaa ku jawaabay; ” Dhakhtaroow ninkan ku soo diray ayaa kitaab beenaale markhaati ugu furay nin kale Oo Iga qaaday guriga yaroo oon lahaa iyadoo halkii wixii aan sanado badan u shaqaysanayey ay ku qaateen caruurtaydiina ugu guri waayey. Maanta markuu ogaaday inuu dhimanayo ayuu aayar uun rabaa inaan saamaxo. Nin Dhakhtarka ahaana halkii buu ka cago jiiday isagoo labadda dhaban haysta. Odhan mayno waa sax, odhan mayno waa qalad. Laakiin waa hogatusaale in aynaan markhaati beena isu furin, cidna cid kale lugta u jiidin, xaqdarana qof Ugu sameeynin, xaqdaradana laga aamusin.Aakhiradana ha loo tudho, dadkana ruux lagu jiro Ilaahaybaa oge is dhowra weliba kuwan ummadda xaqoodii gacanta ku haya, kuwa baayacmusheriga iyo siyaasadda isu khiyaamaynaya, kuwan cadaaladda loo dhiibay, kuwan xaqdaradda qof Ugu sameynaya iyagoo hebel kale u hiilinaya, weliba waxa la yidhi haddaad adigu badbaadana dhashaada ayeey sugtaa; waar cuqubadda la gelayo halaga digtoonaado dhinac kastaba. Jimce mubaarak. Qaran News
  20. Qoryooley (SMN) – Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmadaasi. Sida ay shabeelle u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay guddoomiyaha Qoryooley, ku xigeenkiisa, xoghayaha degmadaasi iyo taliyaha Booliska degmada Afgooye oo ku sugnaa xerada la weeraray. Dhaawacyada mas’uuliyiintan ayaa isla xalay loo soo qaaday gudaha magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada halkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. The post Dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaabab kala duwan kaga hadlay aragtidooda ku aadan go’aankii dowladda Kenya ay kasoo saartay arrimaha Soomaaliya iyo u yeeritaanka Safiirkii ka joogay magaalada Muqdisho. Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayay aragtiyada ugu badan ku dhiibteen, waxaana qaarkood ay soo bandhigeen hanaanka ay doonayaan Shacabka Soomaaliyeed in dowladda Soomaaliga kaga jawaabto go’aanka Kenya. Qaar kamid ah dadka aragtidooda ayaa waxay ku sheegeen inay doonayaan in dowladda Soomaaliya ay Kenya ugu Jawaabto lixdan qodob oo kale ah:- 1 – In Soomaaliya aysan gorgortan ka geleyn buqcadaha shidaalkeeda. 2 – In muran xadeedka badda aaney Soomaaliya aqbalayn luuq-luuq ee Maxkamadda ICJ lagu kala baxo. 3 – Haddii Kenya ay ixtiraami weyso madaxbananida daleed, dhuleed iyo tan dadeed ee Soomaaliya xiriirka diplomaasiyadda hoos loo dhigo, haddii ay waantoobi weysana loo jaro. 4 – Ganacsiga qaadka in laga mamnuuco guud ahaan dalka. 5 – Hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya in lagu qasbo inay ka guuraan Nairobi ayna Muqdisho ama mel Soomaaliya ogol oo ku dhow degaan. 6 – Ciidanka Kenya ee Amisom in dalkooda ay ku laabtaan. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda inay aad kaga xumaadeen hadalka kasoo baxay dowladda Kenya, waxaana la sugayaa jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso go’aanka dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Nairobi (SMN) – Madaxda sare ee dalka ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay warkii ka soo baxay dowladda Kenya ee ku aadanaa arrimaha shidaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankani diirada lagu saaray go’aanka laga qaadanayo dowladda Kenya oo shaacisay in Soomaaliya ay iibgeysay shidaal ku jira dhulkeeda, kadib shirkii todobadii bishan ka dhacay magaalada Lodon ee xarunta dalka Ingiriiska. Madaxda Qaranka ayaa ka fakiraya jawaabta laga bixinayo hadalkaasi, maadaama dowladda Kenya ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya M/Muqdisho. Dhanka kale Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Shabelle ayaa ugu baaqay DFS in ay go’aan deg-deg ah ka qaaadato dalka Kenya. Ugaaska ayaa sheegay in dowladda Kenya ay wado daan daansi ka dhan ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Madaxda Qaranka Oo kulan ka yeeshay hadalkii Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subax ee Idaacadda Goobjoog 17-02-2019, waxaana warkeenna maanta akhrinaya wariyaheena C/salaan Cali Xueen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAR-SUBAX-17.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article