Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,987
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (SMN) – Ciidmada badda maamulka Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PMPF ayaa maanta gacanta ku soo dhigay illaa 8 Doonyood oo lagu Tahriibinayay dad ku sii jeeday dalka Yemen. Doonyahan ayaa la sheegay in ay qaab Sharci darro ah uga Tahriibinayeen Xeebaha maamulkaasi dad isugu jiray Soomaali iyo Oromo. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay dagaalka uu maamulkiisu kula jiro Tahriibka. Horay dowlad goboleedka Puntland ayaa uga digtay in laga tariibo deegaanadeeda, sababo la xariira dhanka amniga. Hakan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-09032019.mp3 View the full article
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Jubaland ee la tartamaya Axmed Madoobe ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin oo loogu magac daray “GOLAHA ISBADAL DOONKA MUSHARAXIINTA JUBALAND”, waxayna soo saareen qodobo ku saabsan doorashada Jubaland. Hoos ka aqriso Warmurtiyeed: Hab raaca Doorashada heer Baarlamaan iyo Tan Madaxweynaha Jubaland 2019: Murashaxiintu Waxay si wadajir ah u sameeyeen Golaha Musharixiinta isbaddel doonka Jubbaland 2019 kaas oo ay ku mideysan yihiin musharixiinta u taagan kursiga Madaxweynaha Jubbaland ee 2019. Si loo helo matalaad rasmi ah Golahu wuxuu isku raacay in habraaca Doorashadu noqdo mid Daah furan xor iyo xalaal ah kana madax banaan faragelin ka timaada murashaxiinta ku tartamaya kuraasta madaxweynenimada, Tan Baarlamaanka iyo faragelin kale meel kasta oo ay ka timaado: Goluhu wuxu si wadajir ah u soo jeedinayaa in Dhamaan Murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya ay wada tashi iyo isla Ogol ka gaaraan Qodobada iyo Habraaca Doorashada: 1: Wada tashiga dhamaan murashaxiinta Kadib waa in si degdeg ah loo Magacaabo Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ugu danbeyn bishan march 2019: 2: Shaqada iyo Awooda Gudiga Doorashada ayaa noqoneysa secretariat ( Xoghayn) lagu soo ururiyo liiska Xildhibaanada odayaasha dhaqanka ee rasmiga ahi soo xulen oo kaliya: 3: Gudiga Doorashada iyo xududuhu malaha Awood wax ka bedel Diidmo iyo ku daris liiska odoyaasha Dhaqanka ee rasmiga ahi usoo gudbiyaan: 4: Shaqada Gudiga Doorashada iyo Xuduudahu waxay ku egtahay marka ay dhaariyaan dhamaan 75ta xildhibaan ama 2/3 xubnaha Baarlamaanka Jubaland oo lamid ah 56 xildhibaan: 6: Marka la dhaariyo Xubnaha Baarlamaanka Dhamaan habraaca Doorashada waxaa la wareegaya Golaha Baarlamaanka cusub, Xubinta ugu dada wayn Golaha Baarlamaanka Cusub ayaa shir gudoon kmg ah noqonaya inta laga dooranayo Gudoomiyaha rasmiga iyo labadiisa ku xigeen: 7: Gudoomiyaha ku meelgaarka ee Baarlamaanka ayaa golaha Baarlamaanka ka dhex magacaabaya Gudiga Doorashada ee Gudoomiyaha rasmiga ee Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa Isagoo ka ansixinaya golaha Baarlamaanka: 8: Marka la doorto Gudoomiyaha Golaha iyo ku xigeenadiisa waxaa hogaanka Doorashada la Wareegaya Gudoomiyaha rasmiga ee Golaha Baarlamaanka , wuxuuna markale golaha ka ansixinayaa Gudiga Doorashada Madaxweynaha oo ahaan kara gudigii hore ee Baarlamaanka laga magacaabay ama kuwo cusub mar kale ayaana golaha laga Ansixinaya 9: Gudiga Doorashada ee Baarlamaanku ansixiyay waxay dejinayaan shuruudaha iyo dhamaan Hab raaca Doorashada Madaxweynaha ilaa Codeynta iyo ku dhawaaqida natiijada doorasha: 10: Iyadoo la raacayo habraacii loo maray Dhismoha Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ayaa la dhisayaa gudiga xalinta khilaafaadka: 11: Shaqada iyo awooda gudigu waa inay xaliyaan wixi khilaaf dacwo ama is daba Marin ah ee Doorashada ku saabsan: 12: Waxayna ilaalinayan sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqaneedka saxda ah Kaas oo noqonaya halka loo noqonayo hadii khilaaf yimaado, Gudigu malaha awood wax lagaga bedeli karo sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqameedka rasmiga ah: 13: Si looga fogaado Abuuritaanka Odoyaal dhaqameed aan rasmi ahayn, awoodna u lahayn soo xulitaanka Baarlamaanka Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya waxay si wada ogol ah u hubinayaan liiska Odoyaal dhaqameedka rasmiga ee Beel kasta usoo xulaya xubnaha Baarlamaanka ee Beeshiisa: 14: Odoyaal dhaqameedyada ku jira liiska 135ta oday dhaqameed ee Layaqaano oo kaliya ayaa Beelahooda usoo xulaya Baarlamaanka: 15: Beelaha aan 135ta oday dhaqameed matalaad ku lahayn waxaa usoo xulaya Oday dhaqameedka beeshaas u matala deegaanada Jubaland ee laysla yaqaano waana in si wada ogol ah murashaxiintu isula ogolaadan: 16: Odoy dhaqameed kasta isagoo la tashanaya Nabadoonada beeshiisa wuxu gudiga doorasha iyo xuduudaha usoo gudbinayaa Magacyada xubnaha Beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Jubbaland: 17: Oday dhaqameed kasta wuxu gudiga Doorashada iyo Xuduudaha usoo gudbinayaa Hal Magac/ halkii Kursi: 18: Gudiga waxaa ka reeban inay qabtaan magacyo dheeri ka ah kuraasta Beel waliba ku leedahay Baarlamaanka: (Tusaale beeshii Hal xubin ku leh Baarlamaanka waxay gudiga u gudbineysaa Hal magac oo kaliya) 19: Gudiga Doorashadu kama qaban karo Oday dhaqameedkii u soo gudbiya magacyo ka badan tirada kuraasta beeshiisa: 20: Oday dhaqameed kasta liiska magacyada ee beeshiisu usoo xulatay Baarlamaanka wuxu ka sameynayaa 6 Nuqul/copy oo lakala siinayo A: Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha B: Wasaarada arrimaha Gudaha Dowlada federalka: C: urur goboleedka IGAD: D: International Communitiga: E: Golaha murashaxiinta Jubaland: F: iyo midka Odaygu la hadhayo: 21: Amniga iyo Dhaqdhaqaaqyada Murashaxiinta heer Baarlamaan iyo Madaxtooyo murashaxiintu iyagoo ilaaliyaan Amniga, Xasiloonida iyo midnimada bulshada Jubbaland waa inay lahaadaan dhaqdhaqaaq xor ah oo ay ololahooda si nabad ah ugaga sameystaan Dhamaan deegaanada Jubaland iyo meeshii kalee ay rabaan waxaana ka reeban is hortaag iyo cabudhin: 22: Murashaxintu Waxay xaq u leeyihiin inay la kulmaan qeybaha bulshada, Xubnaha Baarlamaanka iyo Ciidi kale ay rabaan: 23: Murashaxiintu Waxay xor u yihiin inay qabsadaan kulamo goortay rabaan kuna qabsadaan goobtay rabaan: 24: Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya waa inay u sinaadaan Xuquuqda, Awooda, Talada iyo Tasiilaadka : 25: Saxaafada madaxa banaan iyo Televisionka Jubaland waa inay si loo siman yahay ugu adeego dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya: 26: Amniga Habraaca Ololaha Doorashada codeynta iyo hoolka Doorashadu ka dhacayso waa inay sugaan ciidamo ka kooban Jubaland,SNA iyo ciidamo isku jir ah oo ka socda Wadamada kala duwan ee Qeybaha Amisom: 27: Si looga fogaado wax is daba marin, is hortaag iyo cabudhin loona helo daahfurnaan lagu wada kalsoonaan karo Habraaca Doorashada bilow ilaa dhamaad waa inay goob joog iyo kor joogto ka ahaadaan Xubno kakala socda A:Dowlada Federaalka wasarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka B: IGAD C: international community D: Iyo Amisom 28: jidwalka habraaca Doorashada: A: maadaama Gudiga Doorashada iyo Xuduuduhu aad uga Dib dhacay xiligii la magacaabi lahaa waa In degdeg loo magacaabaa bishan March 2019: B: xildhibaanada Jubaland waa In la soo xulaa ugu danbeyn 15/4/2019 C: Gudoonka Golaha Baarlamaanka Jubaland waa In la doorto ugu danbeyn 15/6/2019 D: Doorashada Madaxweynaha waa inay dhacdaa ugu danbeyn bisha August 15th 2019: 29: Canbaareyn: Golaha Isbedel Doonka Jubaland 2019 wuxuu canbaareynayaa falkii 27/2/2019 lagu hor istaagay taageerayaasha murashax ahna xildhibaan laga soo doorto Gobolada Jubaland, Taasoo sababtay In Murashaxu lugeeyo Airporka kismaayo ilaa magaalada Kismayo oo isu jira 15km, Waxaan ka digeynaa inay dhacdo iskuday kasta oo lagu cabudhinaayo ololaha Murashaxiinta Doorashada Jubaland iyo taageerayaashooda: 30: Golaha Isbedel doonka Jubaland wuxuu bogaadinayaa sidii degenaanta lahayd ee Murashaxa iyo taageerayaashiisu uga fal celiyeen sidii guracneyd ee loola dhaqmay: 31: Dhamaan shacabka Jubaland waxan ugu baaqeynaa ilaalinta Amniga iyo inay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga iyo habsami u socodka xulitaanka Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha Cc: Dowlada Federaalka Cc: Dowlad Goboledka jubaland Cc: Odoyaasha Dhaqanka Jubaland Cc: Dhamaan Beelaha Jubaland Cc: Urur Goboleedka IGAD Cc: International Communitiga Cc: Dhamaan murashaxiinta Heer Baarlamaan iyo Madaxweynaha:
  4. Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Sh/dhexe ku dilay haweeney la sheegay iney ka shaqeynaysa Maqaayad Halkaasi ku taalla. Naciimo Axmed Cali oo ah eedada gabadhan la dilay ayaa u sheegtay Goobjoog in askarigii wax dilay uu baxsaday, iyadoo dhanka kale shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay dibadbaxyo dhigeen. Sidoo kale, Naciimo ayaa sheegtay in markii uu askarigan wax dilay uu tagay saldhig ku yaalla Ceel-macaan oo uu isaga ka tirsanaa una sheegay ciidankii halkaasi joogay inuu gabar dilay, goobtana isaga dhaqaajiyey iyadoo aan la qaban. Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-macaan ayaa dalbaday in degdeg lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha lana saaro maxkamad. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/NACIIMO-AXMED-CALI-CEEL-MACAAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Tariikh nololeedkii Suldaan Bashiir Muuse Koonte. Allaha u naxariistee 1966dii wuxuu ku dhashay degmada Ufeyn ee gobolka Bari. Dugsiga hoose/dhexe wuxuu ku dhameeyey iskuulka hoose [...] Source
  6. Maamulka deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo soo gurmado qoysas hor leh oo ku barakacay deegaankaasi. Maxamuud Xaashi Cali, guddoomiyaha waaxda Koowaad ee Garasbaaley oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ku dhowaad 300 qoys ay soo gaareen halkaa, kuwaasi oo ka yimid degmooyin kale oo Muqdisho ah. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadkan ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah, ayna ka muuqato xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Sidoo kale, Xaashi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir in wax loo qabto dadkan barakacayaasha ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-GARASBAALEY-MAXAMUUD-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta howlgal ballaaran ka wadaan deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellaha Hoose. Ciidanka ayaa ku faafay qaar ka mid ah xaafadaha deegaankan, balse lama sheegin cid ay kusoo qabteen howlgalkan. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa u sheegay Goobjoog in ay ku raad-joogaan rag ka mid ah Al-shabaab oo xalay weerar ka geystay deegaanka Buulo-mareer. Dagaalkii xalay dhacay waxa uu ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday rasaas culus, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Muuse-Cabaas-Cusmaan-Howlgalka-Buula-mareere.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Rasmi Ah Furmay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Ciidamada Badda ee Puntland ee loo yaqaan (PMPF) ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha bari ee Puntland waxa ay ku soo qab qabteen ilaa iyo [...] Source
  10. Garowe (Punlandi) Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamid, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa ka dalbaday dowladda [...] Source
  11. Ciidamada PMPF oo ku jira howgal tahriib Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa howlgalo ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso ku soo qaqtay qalab ay sheegeen in loo adeegsan Jiray tahriibka dadka. Ciidmada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howgal ay wadeen ka gaareen guulo waaweyn, ayna ku soo qabteen qalab badan oo isugu jira saxiimado iyo matooro dadka lagu tahriibiyo, balse ciidamadu ma aysan sheegin cid ay ku soo qabteen qalabkan. Dhanka kale Taliyaha ciidmada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo goob-joog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigayay saxiimadaha iyo matoorada la qabtay ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in lagu la dagaalamo tahriibinta dadka. Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa balan qaaday in la xoojin doono howlgalada lagu la dagaalamo dadka si sharci darada ah uga ganacsada tahriibka dadka, waxuuna ammaan u jeediyay ciidamada Badda Puntland (PMPF). Xeebaha gobolka Bari ee Puntland waxaa ka dhoofa tahriibayaal u badan Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeda dalalka Khaliijka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Badda Puntland oo qabtay qalabka wax lagu tahriibiyo appeared first on Puntland Post.
  12. Heavily armed militants were reported to have launched a daring attack on Somali army base in Lower Shabelle region on Saturday, residents said. The ambush raid which occurred in Bula-Mareer area has sparked hours-long gunfight between Somali military and the Al-Shabaab fighters that inflicted casualties on both sides. Sources said Somali soldiers fought off the attackers and pushed them back from the area during the heavy exchange of gunfire. Somali military is yet to comment on the attack. Al-Shabaab has stepped up attacks in the country, targeting Somali government buildings, military bases belonging to the SNA and African Union peacekeepers, known as AMISOM. View the full article
  13. Workeneh Gebeyehu oo ka tirsanaa Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayna aad sxiib u yihiin Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa loo magacaabay Madaxa ugu sareeya UN Headquarters [...] Source
  14. Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in laba gabdhood oo midi da,deeda lagu sheegay 6 sano jir lagu kufsaday degmada [...] Source
  15. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee haween-weynaha 8March oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa. Waxaana munaasibadaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada Boos Mire Maxamed iyo ciyaaraha, Shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi oo iyadu halkaasi ka jeedisay hadal ayaa sheegtay in haweenka Somaliland ay ku talaabsadeen horumar muuqda islamarkaana waxa ay door-weyn ka ciyaaraan ilaalinta iyo wadajirka bulshada reer Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu soo xidhay munaasibada xuska 8march ayaa haween weynaha reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 8 March, waxaanu ugu baaqay Haweenku inay ka qayb qaataan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ilaalinta qarannimada Somaliland. Source
  16. Garaad Cabdilaahi Gaaraad Maxamuud oo kamid ah wax garadka Puntland ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilka Isimada Puntland oo ah wax aan [...] Source
  17. Haweenka Islaamku waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed ee nolosha bulshadooda. Haddaba Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya. waxaana ka mid ahaa haween noqday hormuudka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka,Caafimaadka, Beeraha Falasafadda,Xiddigiska iyo Farshaxanka. Shalay oo ku beegnayd 8-da Maarso waxaa oo asteeyay maalinta haweenka adduunka ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso balse qoraalkeennan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka soo maray ee taariikhda dunidan aynu joogno raadka kaga tagay si loogu daydo:- LABANA OF CORDOBA: Waxa ay noolayd qarnigii 10aad waxaana ay kufiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka Joometeriga iyo Aljebrada Waxaana ay qarnigii 10aad noqotay xoghayihii gaarka ahaa ee dawladdii Ummaawiyiinta u fadhiyay dalka Isbaanishka , xilkaas weynna waxa u igmaday Khaliifkii xilligaas maamulayay dawladdii Islaamiga ahayd ee Ummaawiyiinta kaasi oo ahaa Khaliif Al-Xakam-kiilabaad. FATIMA AL-FIHRI: Waxa ay qarnigii 8aad ku dhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tunisia waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Fatima waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record). MARIAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xiddigiska waana gabadha hindistay ama ikhtiraacday waxa loo yaqaanno (Astrolabes) kaasi oo ah qalab si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah ama xiddigiyayaasha ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Mariam ayaa xilliga ay ikhtiraacday qalabkan Astrolabes-ka waxa ay ku sugnayd Magaalada Aleppo ee dalka Syria taasi oo hadda ku taalla waqooyiga dalkaas, Mariam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Aleppo oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-ʻIjliyy al-Asturlabi. AMINA ZARA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada (military strategy) waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan. Ugu dambayntii waxa habboon in haweenka Islaamku ay ku daydaan haweenkii Islaamka ee bulshadooda,diintooda iyo naftoodaba wax taray sida kuwa aynu kasoo hadalnay iskana dhaafaan khiyaaliga reer galbeedka ee hanka gabadhaba kusoo koobay inay u noolaato sida ninka oo kale. W/Q: Muxiyadin Maxmamud Xusen The post Qaar kamida Haweenkii Islaamka ee Taariikhda Dunida wax kusoo kordhiyay appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay goorta aaska qaran loo sameynayo wasiirkii hore Dastuurka xukuumada Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jabriil. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi oo saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyiinta ugu sareyso dalka ay ka qeyb gali doonaan aaska Wasiirka. C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday magaalada magaalada Dubai ee Isku taga Imaaraatka Carabta, waxaana uu noqonayaa wasiirkii labaad ee geeriyooda inta xilka uu hayo Xasan Cali Kheyre. Guddi ka kooban wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xil saaray qaban qaabada aaska C/raxmaan Xoosh Jabriil, waxaana qorshaha uu yahay in maalinta beri ah aas loo sameeyo Marxuumka. Maanta ayaa la filayay in aaska la sameeyo, balse wasiir ku xigeenka Dastuurka ayaa sheegay in meydka la filayay inuu maanta yimaado balse aysan dhicin, sida uu hadalka u dhigay. Xasan Cali Kheyre ayaa aaska wasiirka dartii dib u dhigay safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi ay kaga horeeyaan xubno hordhac u ah safarka uu ku tagayo magaalada Kismaayo. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda ayaa qeyb ka ah guddiga ka shaqeynayo qaban qaabada aaska Marxuum Xoosh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa jiray dad badan oo laxaad kooda ku waayay dagaaladii sookeeye ee dalka ka dhacay [...] Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal ayaa faro-gelin ku sameeyay arrimaha dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Halkan Hoose ka DAAWO Source
  21. Hargyasa (Somalilandtoday)-Kulan wadatashi ah oo ay si wada jira u qaban-qaabiyeen Xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland u qaabilsan nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee qaran iyo hay’adda UNICEF ayaa lagu qabtay magaaladda hargaysa. Kulankan oo lagag wada hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka ayaa waxa kasoo qayb galay xubno ka kala socday wasaaradaha ay hawshani qusayso, xubno ka socday bulshada rayidka ah ,ganacsatada , masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF iyo Guddomiyaha barnaamijka nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakariye Daahir Cige. Barnaamijkan ayaa diirada lagu saarayay qiimaynta raashinka nafaqaysan ee laga heli karo Somaliland iyo sidii looga wacyi gelin lahaa laamaha hay’addaha kala duwan ee ay khusayso iyo shacaka Somaliland. Kulan oo hal maalin qaatay ayaa loo balamay kulamo badan oo kor loogu qaadayo barnaamijka nafaqaynta caruurta iyada oo lala kaashanaayo wasaaradaha ay hawshani qusayso. Source
  22. Boosaaso (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo iyo hub sharci daro ahaa, kadib markii baaritaan ay ka sameeyeen xeebaha ku teedsan magaalada Boosaaso. Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sheegay inay qabteen ku dhawaad 10 doonyood oo qaarkood loo adeegsan jiray tahriibinta dadka doonaya inay gaaraan Yemen si ay Sacuudiga kaga sii gudbaan. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen Muxidiin Axmed Muuse ayaa isaga oo saxaafadda la hadlayay wuxuu sheegay in sidoo kale la qabtay hub sharci daro ahaa oo dadka wax tahriibaya ay adeegsan jireen. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgalkaasi ku jireen muddo saacado ah, iyadoo ciidamada ay ka hor tageen dadka wax tahriibiya iyo hubka sida sharci darada loo adeegsado. Magaalada Boosaaso ayaa ah halka ay inta badan ka baxaan doonyaha ay raacaan dadka u tahriibaya dalka Yaman oo u badan dad Itoobiyaan ah, doonyahan ayaana mararka qaar dadka ay wadaan ku daadiya badda halka mararka qaarna ay qalibmaan.
  23. Somali Police are interrogating three people arrested after an IED went off in a house in northern Mogadishu. According to sources, a homemade bomb exploded while being assembled on Friday evening. The explosion which occurred in Deynile district has caused damage to the house but no one reportedly injured by the blast. Police say owners of the house and a man who rented a room are being questioned. The move comes barely two days after Vehicle Borne Improvised explosive devices (VBIED) hit a checkpoint near the country’s national theatre. The blast caused the death of five people and injured nine others. Al-Shabaab which once controlled the city has claimed the responsibility for the attack. The group carries out deadly attacks in major towns including Mogadishu and armed raids on military bases manned by Somali army and troops from the African Union. Somali forces backed by continental forces dislodged the group from Mogadishu in 2011. View the full article
  24. A man who was asking for directions to Somalia has been arrested in Mandera on suspicion that he was on his way to join Al-Shabaab militants. Backstone Agaro, 53, will remain in police custody for seven days as investigations on whether he is linked to terror cells are conducted. Mandera Resident Magistrate Dancun Mtai allowed the Anti-Terror Police Unit (ATPU) to investigate the suspect as they requested in a sworn affidavit. Elijah Nakeel, an officer attached to ATPU, in a sworn affidavit said they suspect Mr Agaro to be a Shabaab spy. The suspect was arrested on March 6 after alighting from a bus in Mandera town at about 10pm. “The suspect came into Mandera from Garissa aboard a Tawakal company bus and immediately after alighting he inquired for directions to Somalia,” reads the affidavit. The officer told the court that the suspect was found in possession of a note book in which more than a hundred towns he had visited were listed. “He did not have a mobile phone which we suspected he hid or [in order to hide his] movements from security agencies,” Mr Nakeel said in the affidavit. ATPU maintained the man is suspected to be a Shabaab spy doing surveillance in the region and the country at large to aid the terror cell in carrying out attacks. In response, Mr Agaro said he was a carpenter who had been invited into Mandera by friends to join them at construction sites. “I was asking for a place to sleep and not the direction to Somalia because we arrived in town at night and I was new here,” he said. Mr Agaro, who is from Vihiga County, said his family lives in Nairobi’s Mbotela estate and that he travelled first to Garissa before going to Mandera. But he could not explain why he had a note book with names of Kenyan towns and places he has visited. View the full article
  25. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa General Thomas D Waldhauser ayaa sheegay in qorshaha Mareykanku ku doonayo inuu dhimo ciidankiisa qaaradda jooga aysan saameyn ku yeelan doonin hawl-gallada lagula dagaallamayo argagixisada ku sugan waddamada Soomaaliya iyo Liibiya halkaasoo duqeymaha Mareykanku ku beegsado kooxahaas. General Thomas D Waldhauser, oo sidoo kale ah madaxa taliska Mareykanka ee Africa ayaa ka dhawaajiyey in 300 oo askari la dhimi doono bisha June ee sannadka 2020 oo ah wajiga 1aad ee ciidan dhimista isagoo intaas ku daray inuusan hubin wajiga 2aad ee ciidan dhimista. Wasaaradda Gashaandhigga ee Pentagonka ayaa ku baaqday dhimista ciidanka Mareykanka ee Africa qeybna ka ah qorsheyaasha dib diiradda loogu saarayo tartanka quwadaha waaweyn ee Ruusha iyo China lagula jiro. Laakiin dhimista ciidamada ayaa dhalisay walaac ay ka muujiyeen xubnaha congresska Mareykanka kuwaasoo su’aal ka keenay inay arrintani keeni karto koror argagixiso oo qaaradda kasoo if-baxa. Waldhauser ayaa u sheegay sharci-dejiyaasha in saraakiisha Mareykanku ay si hoose u eegayaan saameyn kasta oo suurtagal ah ee isbeddelkani keeni karo, isagoo ku celceliyey in dib loo dhigayo ciidan dhimis mustaqbalka ah haddii ay dhibaato noqoto wejigaan 1aad. Qiyaastii ciidanka Mareykanka ee jooga qaaradda Africa ayaa lagu sheegay 6,000 oo askari iyadoo ciidankaas 4,000 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin saldhigga Mareykanku ku leeyahay dalka Djibouti. Qiyaas ahaan ciidanka Mareykan ee jooga Soomaaliya waa 500 oo askari halkaasoo ciidanka Mareykanku ay kordhiyeen duqeynta xagga cirka ah ee lagu beegsanayo xarrakada Alshabaab oo xiriirka la leh ururka Alqaeda waana ururka hadda ka geysta gobolka qasaaraha ugu ba’an. Horraantii sannadkan, Mareykanku waxay ku qaadeen Alshabaab 24 weerar oo xagga cirka ah—horey waxay Mareykanku u fuliyeen in ka badan kala bar weerarro xagga cirka ah sannadkii hore. Taliska Mareykanka ee Africa waxay sheegeen in duqeymaha Mareykanka ay ku qaadeen Alshabaab ay uga dileen 236 dagaalyahan. Waxaa Iyana jirta ku dhawaad 338 dagaalyahan oo la dilay 2018. Source: goobjoog.com