-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee soo baxaya, ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawacaba ay kordheen. Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof. Khasaaraha ayaa la rumeysan yahay inuu ka badnaan karo intaas, waxaana weli isa soo taraya wararka la xiriira khasaaraha. Qaraxyada ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ayaa ahaa laba qarax oo ay u dhaxeysay ugu yaraan saacad iyo bar, waxaana sidoo kale jira rasaas xooggan iyo weerar ay qaadeen koox Shabaab ah. Dadka ugu badan ee waxyeelado soo gaartay oo Shacab maraayay wadada kuwaasoo Qaarkood ay Saarnaayeen Gaadiidka Dadweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Qarax labaad oo culus ayaa caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Weerarka oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa la sheegay in uu dhacay inta u dhaxeysa isgoyska KM 4 iyo Hotel-ka Naasa Hablood 1. Qaraxaan ayaa imaanaya iyada oo mid kale uu ka dhacay nawaaxiga Hotel-ka Maka Al Mukarama ee caasimada. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaasi oo la xaqiijiyey in ay ku geeryoodeen 5 qof oo shacab ah, iyada oo dhaawac uu intaasi ka badan yahay. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Somaliland: Berbera Corridor Inaugurated Hargeisa,(Qaran news)- The Somaliland President Muse Bihi Ahmed, accompanied by the President of the Somali Region of the Federal Republic of Ethiopia, Mustafa Mohamed Omar, have together inaugurated the construction of the new road which link the port of Berbera to the Somaliland-Ethiopian border town of Wajale. The road known as the Berbera Corridor which is funded by the Abu Dhabi Development Fund, will be over 250 kilometres long and will have seven major bridges. There will also be a 21 kilometre bypass to the Somaliland capital, Hargeisa. Speaking at the groundbreaking ceremony, President Bihi traced the historical economic ties between Somalialand and Ethiopia, as well as, the ancient sea faring commercial ties with the former Trucial States, now the United Arab Emirates. Goods from the Ethiopian hinterland were brought over land to the ports of Berbera and Seylac and then on by dhows to Aden and as far as Muscat and Dubai. President Muse Bihi Abdi included in his remarks the economic potential of the Berbera corridor in creating jobs and developing the trading opportunities in Somaliland, Ethiopia and the United Arab Emirates. Also speaking at the ceremony, the President of the Somali Region of the Federal Republic of Ethiopia, Mustafa Mohamed Omer, paid homage to the ties between all the Somali people in region, culturally, socially and economically. The president declared the Berbera Corridor will bring these ties even closer. Speaking on behalf of the Abu Dhabi Development, deputy-Director General, Syed Khalifa, highlighted the potential of the Berbera Corridor along with the development of the Port of Berbera by DP World. The construction of the road is expected to take up to 22 months and will also link with a new civilian airport in Berbera. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxii caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa laga soo wariyey agagaarka Hotel-ka Hilaac oo ku dhegan Hotel Maka Al Mukarama. Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey weerarka lagu dilay 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hotel Maka Al Mukarama. Illaa iyo haatan laamaha amaanka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya kama aysan hadlin falkaan. Hoos ka daawo sawiradda qaraxa View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni ayaa shaaca ka qaaday nooca gaarigii caawa ku qarxay agagaarka hotelka Maka A-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa nocoa xamuulka islamarkaana ay saarnaayeen dhowr fuusto oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, sida ilo amni ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ujeedada kooxda Al-Shabaab oo qaraxa fulisay ayaa la sheegay inay ahayd inay sameeyaan burburka ugu xooggan oo ay awoodaan, maadaama goobta ay ku yaallaan hotello badan. Shabaabka ayaa la sheegay in qorshahoodu ahaa in marka qaraxa uu dhaco, aaladaha qarxa ay kasoo buuxiyeen fuustooyinka ay ku firxadaan waddada iyo dhismooyinka, si khasaraha ugu xooggan oo ay awoodaan ay u gaystaan. Waxaa illaa iyo hadda lasoo werinayaa inuu jiro burbur aad u xooggan oo ka muuqda goobta qaraxa uu ka dhacay iyo dhismooyinka ka ag dhow. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac badan, inkasta oo weli aan la hayn tiro rasmi ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa midkii ugu xooganaa ee bilooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay kadib markii gaariga qarxay iyo ruuxii waday ay soo gaareen goob lagu baarayay gaadiidka oo u dhow Saldhiga degmada Waaberi oo saaran wadada Maka Al Mukarama. Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga ay eryanayeen ciidamada amaanka, waxaana markaasi ruux rayid ahaa lagu dilay dalcada xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana kadib la sheegay inuu goobta ku qarxay gaariga. Gaari labaad ayaa yaala goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay uu ka dhacay caawa, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diiday inay goobta dhaawacyada ka qaadaan, maadaama shaki kale uu jiro. Dad badan ayaa ku go’doonsan dhismayaal goobta ku yaala, waxaana dadka waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay dhismayasha oo qaarkood la sheegay inay ku dumeen. Marka qaraxa uu dhacayay aad ayay mashquul ua heyd goobta, waxaana socday baaritaanka gaadiidka doonaya inay u gudbaan dhanka Dabka. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wararka hor-dhac ah ayaa sheegaya in shan qof ay ku dhinteen, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen qarax culus oo caawa lagu weeraray Hoteel lagu magacaabo Hilaal UK oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, iyadoo goobta uu qaraxaani ka dhacay weli laga maqlayo rasaas dhacaysa. Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyadii ugu waaweynaa ee caasimadda Somalia ka dhaca, waxaana burburay dhismayaal u dhaw halka uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegyaan in sidoo kale kooxo hubeysna oo daba socday qaraxa uu saameyn ku yeeshay Hoteelka Maka Al-mukarama oo aan ku dhaw hoteelka la weeraray, iyadoo dad badan ay ku xayiran yihiin labada hoteel ee dariska ah. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u fara badan, iyadoo caawa ay ahayd habeen Jimco ah oo dadka inta badan ay magaalada u soo baxaan, waxaana agagaarka hotel Maka Al-Mukarama inta badan la dhigtaa gaadiidka. Dhanka kale, Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaadiid badan oo goobta yaallay iyo dhismayaal ganacsi ay gubanayaan, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo ciidamada ammaaka Dowladda Somalia. Qaraxyada noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa intooda badan mas’uulyadooda sheegata Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu ma mid yahay kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho. Ugu dambeyn, Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin qaraxa iyo weerarka daba socday ee caawa ka dhacay Maka Al-Mukarama oo ah waddo aad u mashquul badan, iyadoo weerarkan uu imaanayo iyadoo ay maanta ciidamada Dowladda Somalia la wareegeen saldhig muhiim ahaa oo ay ka guureen ciidamada AMISOM. Wixii kusoo kordha weerarkan, waxaad kala socon doontaan Puntland Post PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu qaaday Hoteel ku Yaala Wadada Maka Al-Mukarama, Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ayaa isku gadaamay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana gabi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqii dadweynaha ee wadada Maka Al Mukarama. Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka hotel Maka Al Mukarama, waxaana dad ugu badan ay waxyeelo kasoo gaartay Dhismaha Maqaayada Hillaac UK iyo hotel Wardheer oo ku dhow Maka Al Mukarama. Muuqaal laga duubay daarta dheer ee SOMNET oo ku dhegen saldhiga Degmada Waaberi ayaa muujinaya khasaaro badan oo dadka rayidka ah kasoo gaaray qaraxa caawa dhacay oo aad u xooganaa. Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay, waxaana qaraxa kadib ciidamada amaanka ay fureen rasaas badan oo qalqal gelisay dadka shacabka ah. Xaalada ayaa wali adag waxaana la ogaan karin wararka rasmi ah ee weerarka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Deg-deg-Qarax-Maka-Almukarama.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaaqiisa aad looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir. Waxaa adag in la helo xogta dhabta ah ee Qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka yimid dhanka Dabka kuna sii jeeday KM4, balse ku qarxay agagaarka hotelka Maka Al Mukarama. Dadka ugu badan ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen maqaayada Hillaac UK oo ku dhow Maka Al Mukarama, maadaama gaariga la sheegay in goobta uu ku qarxay. Dad badan ayaa ku xayiran dhismayaasha qaar, waxaana lagu waramayaa in laga baqayo in dhismaha uu ku dumay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in goobta ay aad mashquul u aheyd marka qaraxa uu dhacayay, waxaana saf dheer ku jiray gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, maadaama ay baaritaano wadeen ciidamada amaanka. La soco waxii kusoo kordhaa Insha alah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimaadA@live.com
-
A powerful explosion was heard in the heart of Mogadishu on Thursday night, at around 9:00 p.m. local time, witnesses said. The deafening blast happened when a car laden with explosives detonated outside Hilaac UK hotel along the busy Makka Al-Mukarama road in the capital. The car bomb explosion was followed by sustained gunfire by the hotel security guards. The details of the casualties are still sketchy. Developing story, more soon. View the full article
-
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow laga maqlay jugta qarax aad u xoogan. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Hoteelka Makka Al Mukarama ee Muqdisho. Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan. Waxaa jira qasaarooyin kala duwan uu qaraxaasi geeystay. Dad ayaa ku go’doonsan Hoteelka uu qqaraxaka dhacay. Faah faahinta qaraxa dib kala soco insha allah Puntland Post Muqdisho The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo aad looga maqlay dhawaaqiisa magaalada Muqdisho. Dhawaaqa qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay degmooyin ka fog halka uu ka dhacay, waxaana wararka ay sheegayaan inuu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Al Mukarama. Waxaa adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Qarax aad u xoogan ayaa caawa waxa uu ka dhacay magaalada caasiamda ah ee Muqdisho. Warar horudhac ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel Maka Al-Mukarama ee u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay qaraxa, wallow aan la cami karin sababo ku aadan xiliga oo habeen ah awgeed. Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa kusii qul-qulaya halka uu qaraxu ka dhacay si ay u soo daabulaan dadka wax ku noqday weerarkaasi. Wixii soo kordha kala soco halkaan radioshabelle.com View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay dhagax dhiga waddada isku xidhaysa Berbera ilaa Wajaale. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay dhagax dhiga maanta loo sameeyey waddadan isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dhagax dhiga mashruucan oo aan hirgelin hadana dabaal deg loo muujiyo. Ugu horayn Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Horta wadadda Berbera Ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ilaa 9 sanadood baa la hadal hayey. Runtiina aad bay muhiim tahay in la sameeyo. Dunida kale kolkay wax dhamaadaan baa loo dabaal degaa laakiin xageena kolkaynu dhagax dhignaba xaflad baynu samaysanaa. Malaha inagu wax qabadkaba waxaynu u naqaan kolkaa dhagax meel la soo dhigo, Waxay ka dhigan tahay adigoo xaflad sameystay kolkaad dherigii dabka saartay. Yeelkadeede. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay laba wajiilaynta Wasiirka horumarinta maaliyada waxaanu yidhi “Sownigii moodaayey inuu wasiirka Horumarinta Maaliyadu inagu yidhi dhawaan kol wax laga weydiiyey Saldhiga Milateriga ee Imaaraadku dhisayo ee Berbera in aanay wax kiro ah ka qaadanaynin oo badelkeeda dhami uu yahay in ay Imaaradku inoo dhisaan Wadadda Wajaale ilaa Berbera. Hadda isla wasiirka laftigiisa ayaa xiligii dhagax dhiga dekadda yidhi ” Itoobiya ayaa 19% leh Oo $80 million ee dollar qaybteeda ah waxay ku dhisaysaa wadadda Wajaale iyo Berbera, Hadda waagii dawladda Siilaanyo ee aan Dekadda Berbera intaan la bixina ka hor waxa laynoo sheegay in wadadda Berbera ilaa Wajaale ay inoo dhisi doonaan European Union. Horta dawladnimadda ma xafladayn baynu u haysanaa, mise shicibkaa waxqabad looga dhigaa? Cadceeda wax sacab qariyo way ka weyn tahay. Dadkan bilaa biyaha ah ee bilaa shaqadda ah ee mar walba canshuurihii cirka lagu geynayo, xafladdo indho sarcaad ah Ma qaadi karo. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa intaas raaciyey “Kolkaa wadaddan Togwajaale ee noqotay Xaawa leh, yaa maalgelinaya? Marna Saldhiga ayaa lagu badeshay marna Itoobiya ayaa 19% ku maalgelinaysa ayaa hore laynoogu sheegaye; teebaa run ah. Madaxweynaha da’da yar DDS ee Itoobiya isagu soo dhaweyn iyo qadarin ayuu inaga mudan yahay ee aynu iska hubino uun inaan sawir lala galaynin. Walee Wajaale ilaa Berbera war baa yaala. Shacabku yaanay qiiro muxaafadnimo iyo mid mucaaradnimo ina qaadine wax badan baa ina horyaala mana xuma in suaalo lays weydiiyo. Allow sahal amuuraha. Source
-
(SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad, xiilli ay sii kordhayso xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan dalalka Pakistan iyo Hindiya. Wasiirka ayaa la sheegay in Farriin Khaas ah oo uu ka wado Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salamaan gaadhsiin doono Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imraan Khaasn. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan, Shaah Maxamuud Qureyshi oo isagana maanta ka hadlay Telefishinka Geo TV ayaa sheegay inay Dowladda Pakistan isku diyaarinayaan sidii dib loogu celin lahaa Duuliyihii u dhashay dalka Hindiya ee shalay Diyaaradiisa Dagaalka ay Ciiddanka Cirka ee Pakistan soo rideen. Wasiirka waxa uu sheegay inay Duuliyihii ku celin doonaan dalkiisa, haddii ay taasi horseedayso in laga badbaado dagaal kale. Sidoo kale, Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu Ra’isul-wasaare Cimraan Khaan uu diyaar u yahay inuu dhigiisa dalka Hindiya, Narendara Moodi khadka Telefoonka kula hadlo, si looga wada shaqeeyo Nabadda. Wararka kale ee Dagaalka Pakistan iyo Hindiyo ku saabsan waxay sheegayaan inay Labada Ciiddan saaka muddo kooban isku rasaaseeyeen xuduudka Gobalka lagu murunsan yahay ee Kashmiir, hal maalin kadib, markii ay Labada dowladood ee haysta Hubka Nukliyeerka iska soo rideen Diyaarado Dagaal. Dowladaha Maraykanka, Shiinaha iyo kuwa kale ee ugu awoodda badan Caalamka waxay ku booriyeen Dowladaha Pakistan iyo Hindiya inay is-xakameeyeen. Xiisadda Colaadeed ee labadaasi waddan ayaa sare u kacday, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Hindiya duqeyn ka geysteen gudaha Pakistan. Duqeyntaasi ayaa u muuqatay mid ay Hindiya kaga celinaysay Is-qarxintii bishan 14-dii ka dhacday Gobalka Jaamu-Kashmiir, laguna dilay ugu yaraan 40 Askari oo Hindi ah. Source
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay siyaasadda diiwaan gelinta aqoonsiga dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa wasiirradu dood dheer kadib waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda diiwan gelinta aqoonsiga dad-weynaha oo hagaysa nakhshadaynta, sharciyaynta, hir-gelinta iyo maamulka diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadwaynaha iyada oo laga faa’iidaysanayo teknoolajiyadda casriga ah. Ujeedada diiwaan gelinta aqooniga dad-weynaha ayaa ah in la sameeyo xog-dhigis aqoonsi heer qaran taas oo lagu kaydiyo xogta aasaasiga ah ee dad-weynaha si loo hayo dhammaan xogta mawaadiniinta Soomaaliyeed. Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka dawada iyo hay’adda nidaam u samaynta dawada, siyaasadda qaran ee kobcinta awoodaha dawladaha hoose, heshiiska wada-shaqaynta maaliyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, Samaynta hay’adda maal-gelinta ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe, heshiiska hidda dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo midka dabiiciga ah. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiiska wada-shaqaynta maaliyadeed ee ay horey u galeen Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan ayaa lagu ansixiyey kulankii maanta ee golaha, kaasi oo sidoo kale lagu meel-mariyey siyaasadda diiwaan gelinta aqoonsiga dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa wasiirradu dood dheer kadib waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda diiwan gelinta aqoonsiga dad-weynaha oo hagaysa nakhshadaynta, sharciyaynta, hir-gelinta iyo maamulka diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadwaynaha iyada oo laga faa’iidaysanayo teknoolajiyadda casriga ah. Ujeedada diiwaan gelinta aqooniga dad-weynaha ayaa ah in la sameeyo xog-dhigis aqoonsi heer qaran taas oo lagu kaydiyo xogta aasaasiga ah ee dad-weynaha si loo hayo dhammaan xogta mawaadiniinta Soomaaliyeed. Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka dawada iyo hay’adda nidaam u samaynta dawada, siyaasadda qaran ee kobcinta awoodaha dawladaha hoose, Samaynta hay’adda maal-gelinta ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe, heshiiska hidda dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo midka dabiiciga ah.
-
(SLT-Addis Ababa)-Ra’iisul waasaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa waxa uu qabanayaa casuumaad casha sharaf ah oo looga golleeyahay in lagu aruuriyo lacag gaadhaysa ilaa 1 bilyan oo doollar, taasoo lagu samaynayo mashruucyo dhanka dhismaha waddooyinka ah. Saraakiisha ayaa sheegay in tikidhada casuumaadda lagu iibsan doono lacag ka badan 175,000 oo doollar, balse weli lagama bixinin faahfaahin dheeraad ah. Waxaa la rajaynayaa in arrintan uu soo jiidan doonto maalgaliyeyaal ajanabi ah oo dhaqaale faro badan bixin kara. Waxaa la shaaciyey muuqaal uu ra’iisul wasaaraha ku qeexayay qorsheyaashiisa ku aaddan dhanka horumarinta. Ra’iisulwasaare Abiy, waxaa uu iibiyey saacaddiisa oo uu qiimaheeda ahaa 175,000 oo doolar, xilli lacag loo aruurinayey mashruuc lagu dhisayo wado 100 km ah oo ku taala koonfurta caasimadda Addisababa. Waa kuma Abiy Axmed? Abiy, ayaa awoodda dalka qabtay ka dib muddo 3 sanno ah oo ay socdeen dibadbaxyo ay hoggmaaminyeen qowmiyadda Oromo. Ra’iisulwasaarah oo ka soo jeeda qowmiyaddan, ayaa isku dayey inuu horseedo isbadello badan, isagoo heshiis nabadeed la sixiixday dalka dariskooda ah ee Eretariya. Isbadelladan ayaa soo jiitay malaayiin maalgashadeyaal ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka bariga dhexe. Source
-
Dhibaatada reer Somaliland ugu waaweyn ee dalka Ka taagan markaana WAXAY Ka soo fushaa kolba Xukuumaddii joogta oo mar walba wax Dan gaara KU fooggan oon Ka turjumayn baahiyihii jiray ee ay macaluusha iyo biyo laaanta, qabyaaladda , kootooyinka, reer isku xeerka, foolxumooyinka maamul dhan iyo beenta shacabka Xukuumaddii mar walba u sheegayso ay soo cel celinayso Barnaamijkii la lahaa waa lagu shaqaynayaa oo la Iska tuurayo, distoorkii in badan Xukuumaddii jebiyeen oo sidii loo sii wadayo SIDA Guurtida dhaxaltooyada laga dhigay DOORASHO Ka waqtigiisii dhaafaa waxaa soo dhan kana yimaaddaann xagga SHACABKA iyo boqolaal Qaxii kale oo WADANKU dhabarka kaga jabay WAXAY Ka soo fulaan xagga. Xukuumadda waxaan imika la dirayaa ama isdiray Abwaaniin yidhi waxaan u tegaynaa gobolada dalka si Shacabka Kala qaybsan xagga u sinaanta Dawlad iyo Xukuumadaba si aan isugu keenno oo u midayno. Waa Arin guud oo odhaahda iyo Gogol dhig ayaan muuqanayaan wacan laakiin Haddaad xagga aasaaska iyo sida xaqiiqada wadanka wax u jiraan aan laga soo bilaabin Wuxuu noqonayaa odoyaal iska minjo baxsaday midhana Ka dhalanmaayaan. Waayo runtii DADKA reer Somaliland ma qaybsana ee waxaa qaybsan DADKA siyaasadda Somaliland hogaamiya . Markaana odayadu intaanay KU horayn shacabka aan waxba isu qabin waa Inay Xukuumadda iyo Madaxweynaha KU horeeeyaan oo qodobada soo socda ee wadanka Ka Jira ee la isku hayo Kala soo hadlaan Madaxweynaha oo goaankiisa Madaxweynaha sitaan haddii kale Abwaanadu CUDURKA FARDAHA KU DHACAY(SIYAASIINTA)AYEY DAMEEERAHA KA GUBAYAAN. 1- Dawlad iyo Xukuumad Saamiqaybsi Caddaaladda u dhaw uu Ka Jira waa in la helaa. 2- Doorashooyin xalaala oo lagu wada kalsoonyey Xisbiyadu waa in la helaa oon kushubasho lahayn. 3- Komishan Madaxbanaan oo Dad aan Xukuumadi u yeedhinayn oo seddexda Xusbi si is leeg ugu jiraan waa in la helaa. 4- dad kootooyinka loo xidhaa waa in la Xaaraantimeeyaa. 5- gobolada dalka iyo shaqaalaha iyo adeegyada waa in si lagu kalsoonyey oo ISU dheelli tiran waa in la helaa. 6- waa in dadweynuhu markaa Cashuurta boqolokiiba sagaashan ay bixiyaan. 7- iyo wixii la mida Abwaanadu way ogyihiin in DADKA reer Somaliland Inay siday YAHUUDDU Gidaarka Madaxa ula DHACAAN Inay iyaguna qabyaaladda Caabudaan laakiin shacabku hadday Madaxweyne Wacan helaan oon Kala qaybqaybinayn iyagu way hagaagayaan ee Abwaanadu waa inaanay ilduufin ee waa Inay Madaxweynuhu hadduu u qabsoomo shacabku reer Somaliland way qabsoomo. Sh. Mohamed Bashe qoranebashe@gmail.com Source
-
Markasta oo uu madaxweyne khudbadda jeedinayo waxaa meesha ka baxda inuu madaxweynuhu khudbadd qodobaysan ujeediyo bulshadda iyadoo qodobadaas uu soo diyaarinsanyo oo warqad ku soo qoranayo si aan khudbadii uga noqon kaftan,maddaalo ama waqti lumis. tusaale ahaan tariikhdu markaya ahayd 09/12/2018 Mar uu madxweynuhu booqday cisbitaalka guud ee magaalada hargiesa isagoo la hadlaya bulshadda haddalo uu goobtaa ka yidhi iska daa dadkii goobta jooge waxaa hadlkaa ku qoslay madxweynaha laftarkiisa oo hadlkaa yidhi taasina maaha haykala madaxweyne ama haykal dawladdnimo. Mar madaxweynuhu khudbad uu ka jeedinyay fagaare ay iskugu soo urureen dadweyne aad ubaddan oo ku soo dhaweeyay magaalada Boorama waxa uu ka jeediyay khudbad ay ka cadhoodeen dadweynaha goboladda bariga oo kuu amaanyo goboladda galbeedka Somaliland isagoo madaxweynuhu labadaba uu isagu madaxweyne uyahay oo labadaba waa bari iyo galbeed bee laga soo doortay. Hadaba markaynu usoo daadagno dulucda maqaalkeena waxaanu madxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu soo gudbinaynaa in marka uu khudbadd jeedinayo uu isticmaalo haykalaka madaxweynenimo isagoo soo qodobaysanya waxa uu bulshadda ujeedinayo si aan cidina udhibsan oo uu marka hore uga soo baaraan daggo. W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi shine Source
-
Markaad dhugato nuqulkii heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen sanadkii 9/5/2016 -Waxaa isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee ” Memorandum Of Understand ” uu cadeynayaa in mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday oo hada xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen uun balan qaad. Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah: 1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah ( 5 reach stackers) 3 Tareele oo containarada qaada ( 3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda . 2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada ( 7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo aan weli la sheegin waqtiga la dhisi doono. 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine balanqaad bay ahaayeen. Waxaa kaaga sii daran arinta sare Khiyaamooyinka maldahan ee maalkii shacabka Soomaaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn qaado aan qaatee, kula lihi iyo kaa lihi, Boowe ! Waxaa ummadda u cadaatay in : 1- Kiradii Saldhiga Ciidamada Berbera uu jeeb khaldan ku dhacday, Laakiin ummadda loogu sheekeeyey in aynu mashariic dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ?? 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in ay ku dhacdo shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. 4- $30 Million oo ururka midowga yurub ay ku balan qaadeen in ay ku bixin doonaan wadda Berbera iyo Wajaale isku xidhi doonta ayaa maanta lagu dhagax dhigayaa Wadadii Berbera Corridor oo ummadda lagu jaahwareerinayaa waase la arki doonaa halka ay ku danbeyso iyo goorta la bilaabi lana dhameyn doono maadaama aan heshiiska lasyla meel dhigin qaybsigii la qeybsan lahaa lacagta guud ee M ashruuca Berbera Corridor ku bixi doonta Itoobiyana aynu xaalkeeda ka dheregsanahay. Waxaa Xukuumadu carabkeeda ummadda ugu celcelisay kuna canqarisay sanadadii la soo dhaafay oo dhan in Balaadhinta Dekeda Berbera laba bilood gudahood lagu dhisi doono, lamana dhisin ilaa iyo maantana waxba kama soo naaso cada oo dalkii wuu dhacan yahay oo dulmi ayuu ku jiraa. Waxaa la wada ogyahay in dawlada imaaraatigu ay itoobiya ku maalgeliso lacago faro badan oo gaadhaya $3.Billion doolar halka ay inaga inoo quudhi la yihiin lacagtaa yar ee ay ku balan qaadeen inay Dekeda Berbera ku maalgelinayaan. Khatarta Dahsoon ee Somaliland hada ku iman kartaa waxaa weeye in ay Ciidamadooda soo dejiyaan Saldhiga Berbera dhawaan kadibna shacabka Somaliland ay ku cabudhiyaan. Fiiro Gaar ah : Kadib markuu aqoon yahanka Somaliland sameeyeen cilmi baadhis cokan waxay isku raaceen in heshiiskani khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal, iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Kismaayo (SMN) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gudoomiyay kulanka golaha wasiirada maamulkaasi. Kulanka oo warbixino looga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha maamulkaasi ayaa waxaa kasoo ka qayb galay Saraakiisha Ciidamada iyo guddiga shaqada iyo shaqaalaha. Ugu horeyn, waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed. Taliyayaasha ayaa la faray in dhamaan ciidamada ay ku shaqeeyaan awaamiirta sarakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna. Golahu wuxuu isku raacay in shaqaalaha dowlada aysan ka qayb gali karin ololaha doorashooyinka isla markana cidii lagu helo laga qaadi doono talaabo sharci ah. Jubbaland ayaa isku diyaarineysa doorashada madaxtinimada, taasi oo la filayo in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-28022019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub ayaa mar kale soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, bilo kadib markii uu kasoo goostay isbahaysiga madax goboleedyada lana saaxiibay dowladda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu ka dhashay ballamihii dowladda ay kula heshiisay Waare, oo qaar badan oo ka mid ah aan la fulin. Ilo-wareedyada aan xogtan ka helnay oo ku dhow Waare, ayaa sheegay in arrintan ugu weyn ee la isku qabtay ay tahay maamulka HirShabelle oo waayay qoondadii dhaqaalaha ee uu ka heli jirey dowlada federaalka, oo la joojiyey kadib bilo ay socdeen. Sida aan xogta ku helnay, Waare ayaa u sheegay qaar ka mid xildhibaanada HirShabelle in dowlada federalka uusan ka helin ballanqaadyadii ay hore ugu fidisay iyo heshiiskii ay gaareen oo ahaa in maamulka HirShabelle la siiyo dhaqaale joogto ah. Arrintan ayaa hoggaamisay in xildibaanada HirShabelle aysan muddo saddex bil helin wax mushahar ah. Dad xog-ogaal ah oo arrintan la socda ayaa Caasimada Online u sheegay in maadaama uu burburay golehii dowlad goboleedyada, aysan dowladda hadda ahmiyad u arkin inay lacag kusii bixiso taageerada madaxweyne Waare. Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda dhaqaale badan ay uga baxday doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, halka sidoo kalena iminka ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii ay u heli lahayd taageerada maamulka Jubbaland. Waare ayaa markii uu heshiiska la galay dowladda wuxuu yiri hadal can baxay oo ahaa “Laba goor ayaan dhiman doonaa, haddii inta saaxiibadey waayey dowladdana ay heshiiska igaga baxdo” Sida ay wararka sheegayaan, Warae ayaa isku dayaya weli inuu si hosoe dowladda ugu cadaadiyo inaysan heshiiska ka bixin ka hor inta uusan si rasmi ah u sheegin in lagu ballan-furay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com