Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiyada mucaarada ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay guud ahaanba sharcigii dalka ay gacanteeda ku qaadatay isla markaasna masuuliyiintii qaranka iyo shaqaalihii dawladuba ay si aan gabasho lahayn ay u noqdeen xisbiga Kulmiye,laguna arkay shirkii golaha dhexe ee xisbigaas. Masuuliyiinta ay dhaliilaha xisbiyada mucaaradka u soo jeediyeen waxa kow ka ahaa hantidhawrkii qaranka, xeer ilaaliye ku xigeenka, xisaabiyaha guud ee dawlada, taliyaha ciidamada booliska, gaasimayaal iyo shaqaale dawladeed. Mucaaradku waxay madaxweyne Muuse biixi ku dhaliileen in sharcigii uu ku tuntay xiligii uu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo dhamaan dhacdooyinkan ay ka dhacayeen hortiisa. Ugu horayntii afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa” Sodonkaas sano ee ay Somaliland madaxa la gashay waa markii ugu horaysay ee xisbi xibiyada dalka ka mid ah oo shir qabsanaaya in shaqaalii dawlada agaasime guud,agaasime waaxeed iyo shaqaale hoosaadba in haayadii dawlada ee adeega umadda u qaabilsanaa inay cidla ahaayeen, waxa eekayd maadaama oo uu hanaankaasi furmay in madaxweynaa dalku uu haayada shaqaalaha ka codsado maalmaha qaran ee fasaxa ah in lagu daro maalmaha uu shirka Kulmiye qabsanaayo sida ciida, maalinta shaqaalaha aduunka, maalinta xuska nabiga CSW ee dastuurku qeexayo inay tana ku darsadaan, sababta aan taas u leeyahayna waa cidii adeega qabanaysay ee sharcigu qeexayay ee shaqaale,maamul iyo madax lahaaba waxay ku jeeniqaarteen waxa la yidhaahdo calanka Kulmiye waa dhaawac weyn oo gaadhay sharafta haybada iyo hanaanka haayadaha qaranka ka dhaxeeya.” Afhayeen Barkhad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa tusaale idiinku filan jananka ciidanka booliska, darajada sudhan waa sareeye gaas waxa uu masuul ka yahay amniga, madaxweynaha iyo muwaadinka waxa uu masuul ka yahay amniga mucaaradka lagama xishoon haybada ninkaas odayga ah saaran ee qaranka uu dhexda ugu yahay waxa uu dhex fadhiyaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, baritoolana waxa dhacaysa in shirka Waddani iyo Ucid la yidhaahdo kaalay waxa laga hadlayaa maaha qofnimadiisa waa darajooyinka ku taxan ee uu qaranka ku matalaayo,hadii la yidhaahdo amniga madaxweynaha ayuu ilaalinayaa waad ka warqabtaan oo 900 oo nin ayaa la yidhaahdaa ciidanka ilaalada madaxweynaha oo ka bajad badan sadex wasaaradood oo u xilsaaran ilaalinta amniga madaxweynaha, waxay ahayd hadii uu safarka ku jiray oo uu tagay inuu dhawro haybada qaranka oo uu banaanka ka istaago shirkaas laakiin may dhicin,wax ka muuqda xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Somaliland waa waaxdii garsoorka oo ku jeeniqaaran calankii Kulmiye dhex fadhiyana golahii dhexe ee Kulmiye waana haayadii labaad ee ay iyadana dhibaati soo gaadhay, halkan waxaad ku arkaysaan xisaabiyahii guud ee qaranka oo isaguna Kulmiye dhex jooga,waxaad halkan ku aragtaan agaasimihii wasaarada qoyska, waxa ku xiga guddoomiyahii ka hortaga aafooyinka, waxaad ka warqabteen in Muuse Biixi oo madaxweynaha dalka ah uu ku olloleeyay balanteenu waa saraynta sharciga markuu dila jogayna waxa uu lahaa waxa idabrayaa waa dastuurka dalka iyo sharciga, waxa uu shir u qabtay agaasimayaasha guud ee dalka oo uu yidhi shaqaale ayaad tihiine siyaasad ma gali kartaan agaasimayaashiisii oo astaantii xisbiga sitaana hortiisa ayay fadhiyaan, iyamuu sax yahay ama qaldan yahay madaxweynuu, halkan waxa fadhiya waa hanti dhawrii qaranka oo isagana aad wada arkaysaan haayadaha dawlada hadii Kulmiye sidaas u bahdilaayo oo ay dhibaatooyinkaasi jirayaan, waxa ka soo salag leh saadaashaada lama garanaayo.” Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa dhankiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaan ka hadlayaa sharcidaradii ugu weynayd ee abid intuu dalkani jiray dhacday iinay ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu qabsanaayay, hore waxaan u ogayan in Kulmiye ina baray caadooyin iyo dhaqamo ku cusub saaxada siyaasada, waxa kale oo hore aynu u ogayn Kulmiye waxa uu ina baray intaas dalka uu haystay waxyaabaha ay shacbigani ka faaideen oo kow ay ka tahay sicirbararka, busaarada,shaqo la’aanta, dhaqaale la’aan tiirkii ugu danbeeyay oo ah sharciga inuu isna maanta gacanta ku qaatay, hore waxyanu ollolihii u ogayn in garsoorayaal ka tirsan maxkmada ay u olloleeyeen xisbiga Kulmiye oo iyaga oo astaantii xisbiga xidhan ay fagaarayaal ka hadlayeen iyaga oo u ollolaynaaya xisbiga Kulmiye, waxa raali ka ahaa oo ku dhiirinayay hogaanka xisbiga Kulmiye, shacbigu dood badan ayuu ka keenay oo waa kii dacweeyay cid dhag jalaq u siisayna ma jirto, maalinba waxbaa u suurto galaayay Kulmiye oo uu shacbiga ku eegayay tii ugu danbaysay shalay ayuu qaaday oo haayadii xeerarka ku aas aasnaa ama aan loo ogolayn inay siyaasada ku milmaan inaan ka dhex aragnay iyaga oo shirkii dhex fadhiya oo astaantii xisbiga Kulmiye isku duubay.” Yuufuf Kayse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Ninkaas xilkiisa gudanaaya waa hantidhawrkii guud ee qaranka,waad arkaysaan sida uu isugu jeeniqaaray calankii astaanta xisbiga Kulmiye,sharcigu uma ogola in xisbi siyaasadeed uu ku milmo si dadban iyo si cad labadaba, halkaas waxa ka cad inuu yahay xisbiga Kulmiye golaha dhexe meesha waxa tagaayay golaha dhexe uun, sidee uu dhex u noqon karaa markaas,waxa igaga sii daran xeerka tacabka la galiyay iyo haayada uu madaxda ka yahay ee uu baabiyay aad ayaanu uga xunahay, xeer ilaalinta xubno ka mid ah ayaan halkan ku aragnaa,xisaabiyii guud ee qaranka isaguna waan arkaynaa, guddoomihii bangiga ayaan isagana arkaynay iyo agaasimihii guud ee baanka, tani waxay tilmaamaysaa dalkan waxii la odhan jiray sharcigu inuu meesha ka baxay, xisbiga Kulmiye gacantuu ku qaatay kubadii la yidhi lugta ku ciyaar.” Qaran News
  2. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu si gaar ah u dhaliilay nidaamka hogaamineed ee Madaxweynaha. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed Siilaanyo, weynu ogeyn inay iyadu sabab u ahayd dhibaatooyinka dalka ka taagan, sida sicir bararka, maceeshada qaaliga ah, boobka hantida umadda, sumcadii Somaliland Caalamku ku lahayd oo hoos u dhac ku yimid iyo maamulkii Hawada oo lala wareegay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddana ilaa hadda waxba kamay qaban, oo dhabihii ay Xukuumaddii hore martay ayey iyana martay”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne sharaftaadu waxay ku jirtay inaaad si daacadnimo leh umadda ugu adeegto, Madaxweyne waxaa laga filaayey umaddan Doorashadu kala fogeeysay inaad isku soo dhaweeyso, oo uu midnimadooda iyo isku duubnidooda ka taliyo, Madaxweynaha waxaa laga filaayey inuu si siman oo cadaaladi ku jirto ugu adeego dalka iyo dadkaba, laakiin Madaxweynaha hogaaminta dalka iyo xilka ugu sareeya ee qaranka looguma dooran inuu Gobolada dalka kala qaybiyo, Madaxweynaha xilkiisa ugu sareeya looguma dooran inuu hadba Gobolka uu joogo uu amaano, Gobolada dalkena uu wax ka sheego,ee Madaxweyne hogaaminta umaddu maaha in dadkii oo dhibaataysan, iyo abaaro jira inaad xaafadaada aad Madaxtooyo maaliyiin doolar ku baxayaan ka dhisato, ee Madaxweyne hogaamintaadii waxay noqotay in dadkii oo la dhibaatoonaya aafooyinka sicir-bararka iyo abaaraha inaad haddana kala qaybiso, xaafadana aad Madaxtooyo ka dhisato, ee Madaxweyne waxaa kula gudboon in maaliyiinka doolar ee aad ku dhisanayso Madaxtooyada inaad umadda dhibaataysan aad ku caawiso,waxaa kula gudboon inay umaddu ku sinaanato, oo aanad kala jecelaysan, ee Madaxweyne dib iskugu noqo, khaladaadkaagana dib u sax, oo umadda daacadnimo, sinaan iyo cadalaad ugu adeeg, odhaah si yar oo fudud afkaaga uga soo baxdayna ha ku kala qaybin umadda, Doorashadii Madaxtooyada inkasta oo dhaliilo badani ka soo baxeen, haddana waa laga soo gudbay, hadda lama joogo wakhtigii ololaha, ee waxaa la jooga wakhtigii umadda wax loo qaban lahaa”. Source
  3. Hargeysa (SMN)- Madaxweynaha dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xalay ku hoyday caasimada Somaliland ee Hargeysa,wuxuuna halkaasi kulamo kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. U jedka uu Hargeysa u yimid madaxweyne Cagjar ayaa lagu sheegay in uu maanta ka qeyb gali doono dhagax dhiga wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Tog Wajaale. Wadadan oo dhex marta deegaanada labada maamul ayaa qorshaha dhismaheeda waxaa iska kaashanaya mas’uuliyiinta labada dhinac. Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu isbadal ku dhacay maamulka dhulka Soomaalida waxaa soo hagaagayay xiriirka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida. Dhawaan ayey aheyd markii labada madaxweyne ay isugu yimaadeen magaalada Wajaaleiyagoo xiligaasi kawada hadlay arimo ku saabsan sidii loo sii wanaajin lahaa arimaha ganacsiga iyo isdhexgalka labada bulsho. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Xisbiya mucaarada ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay guud ahaanba sharcigii dalka ay gacanteeda ku qaadatay isla markaasna masuuliyiintii qaranka iyo shaqaalihii dawladuba ay si aan gabasho lahayn ay u noqdeen xisbiga Kulmiye,laguna arkay shirkii golaha dhexe ee xisbigaas. Masuuliyiinta ay dhaliilaha xisbiyada mucaaradka u soo jeediyeen waxa kow ka ahaa hantidhawrkii qaranka, xeer ilaaliye ku xigeenka, xisaabiyaha guud ee dawlada, taliyaha ciidamada booliska, gaasimayaal iyo shaqaale dawladeed. Mucaaradku waxay madaxweyne Muuse biixi ku dhaliileen in sharcigii uu ku tuntay xiligii uu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo dhamaan dhacdooyinkan ay ka dhacayeen hortiisa. Ugu horayntii afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa” Sodonkaas sano ee ay Somaliland madaxa la gashay waa markii ugu horaysay ee xisbi xibiyada dalka ka mid ah oo shir qabsanaaya in shaqaalii dawlada agaasime guud,agaasime waaxeed iyo shaqaale hoosaadba in haayadii dawlada ee adeega umadda u qaabilsanaa inay cidla ahaayeen, waxa eekayd maadaama oo uu hanaankaasi furmay in madaxweynaa dalku uu haayada shaqaalaha ka codsado maalmaha qaran ee fasaxa ah in lagu daro maalmaha uu shirka Kulmiye qabsanaayo sida ciida, maalinta shaqaalaha aduunka, maalinta xuska nabiga CSW ee dastuurku qeexayo inay tana ku darsadaan, sababta aan taas u leeyahayna waa cidii adeega qabanaysay ee sharcigu qeexayay ee shaqaale,maamul iyo madax lahaaba waxay ku jeeniqaarteen waxa la yidhaahdo calanka Kulmiye waa dhaawac weyn oo gaadhay sharafta haybada iyo hanaanka haayadaha qaranka ka dhaxeeya.” Afhayeen Barkhad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa tusaale idiinku filan jananka ciidanka booliska, darajada sudhan waa sareeye gaas waxa uu masuul ka yahay amniga, madaxweynaha iyo muwaadinka waxa uu masuul ka yahay amniga mucaaradka lagama xishoon haybada ninkaas odayga ah saaran ee qaranka uu dhexda ugu yahay waxa uu dhex fadhiyaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, baritoolana waxa dhacaysa in shirka Waddani iyo Ucid la yidhaahdo kaalay waxa laga hadlayaa maaha qofnimadiisa waa darajooyinka ku taxan ee uu qaranka ku matalaayo,hadii la yidhaahdo amniga madaxweynaha ayuu ilaalinayaa waad ka warqabtaan oo 900 oo nin ayaa la yidhaahdaa ciidanka ilaalada madaxweynaha oo ka bajad badan sadex wasaaradood oo u xilsaaran ilaalinta amniga madaxweynaha, waxay ahayd hadii uu safarka ku jiray oo uu tagay inuu dhawro haybada qaranka oo uu banaanka ka istaago shirkaas laakiin may dhicin,wax ka muuqda xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Somaliland waa waaxdii garsoorka oo ku jeeniqaaran calankii Kulmiye dhex fadhiyana golahii dhexe ee Kulmiye waana haayadii labaad ee ay iyadana dhibaati soo gaadhay, halkan waxaad ku arkaysaan xisaabiyahii guud ee qaranka oo isaguna Kulmiye dhex jooga,waxaad halkan ku aragtaan agaasimihii wasaarada qoyska, waxa ku xiga guddoomiyahii ka hortaga aafooyinka, waxaad ka warqabteen in Muuse Biixi oo madaxweynaha dalka ah uu ku olloleeyay balanteenu waa saraynta sharciga markuu dila jogayna waxa uu lahaa waxa idabrayaa waa dastuurka dalka iyo sharciga, waxa uu shir u qabtay agaasimayaasha guud ee dalka oo uu yidhi shaqaale ayaad tihiine siyaasad ma gali kartaan agaasimayaashiisii oo astaantii xisbiga sitaana hortiisa ayay fadhiyaan, iyamuu sax yahay ama qaldan yahay madaxweynuu, halkan waxa fadhiya waa hanti dhawrii qaranka oo isagana aad wada arkaysaan haayadaha dawlada hadii Kulmiye sidaas u bahdilaayo oo ay dhibaatooyinkaasi jirayaan, waxa ka soo salag leh saadaashaada lama garanaayo.” Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa dhankiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaan ka hadlayaa sharcidaradii ugu weynayd ee abid intuu dalkani jiray dhacday iinay ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu qabsanaayay, hore waxaan u ogayan in Kulmiye ina baray caadooyin iyo dhaqamo ku cusub saaxada siyaasada, waxa kale oo hore aynu u ogayn Kulmiye waxa uu ina baray intaas dalka uu haystay waxyaabaha ay shacbigani ka faaideen oo kow ay ka tahay sicirbararka, busaarada,shaqo la’aanta, dhaqaale la’aan tiirkii ugu danbeeyay oo ah sharciga inuu isna maanta gacanta ku qaatay, hore waxyanu ollolihii u ogayn in garsoorayaal ka tirsan maxkmada ay u olloleeyeen xisbiga Kulmiye oo iyaga oo astaantii xisbiga xidhan ay fagaarayaal ka hadlayeen iyaga oo u ollolaynaaya xisbiga Kulmiye, waxa raali ka ahaa oo ku dhiirinayay hogaanka xisbiga Kulmiye, shacbigu dood badan ayuu ka keenay oo waa kii dacweeyay cid dhag jalaq u siisayna ma jirto, maalinba waxbaa u suurto galaayay Kulmiye oo uu shacbiga ku eegayay tii ugu danbaysay shalay ayuu qaaday oo haayadii xeerarka ku aas aasnaa ama aan loo ogolayn inay siyaasada ku milmaan inaan ka dhex aragnay iyaga oo shirkii dhex fadhiya oo astaantii xisbiga Kulmiye isku duubay.” Yuufuf Kayse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Ninkaas xilkiisa gudanaaya waa hantidhawrkii guud ee qaranka,waad arkaysaan sida uu isugu jeeniqaaray calankii astaanta xisbiga Kulmiye,sharcigu uma ogola in xisbi siyaasadeed uu ku milmo si dadban iyo si cad labadaba, halkaas waxa ka cad inuu yahay xisbiga Kulmiye golaha dhexe meesha waxa tagaayay golaha dhexe uun, sidee uu dhex u noqon karaa markaas,waxa igaga sii daran xeerka tacabka la galiyay iyo haayada uu madaxda ka yahay ee uu baabiyay aad ayaanu uga xunahay, xeer ilaalinta xubno ka mid ah ayaan halkan ku aragnaa,xisaabiyii guud ee qaranka isaguna waan arkaynaa, guddoomihii bangiga ayaan isagana arkaynay iyo agaasimihii guud ee baanka, tani waxay tilmaamaysaa dalkan waxii la odhan jiray sharcigu inuu meesha ka baxay, xisbiga Kulmiye gacantuu ku qaatay kubadii la yidhi lugta ku ciyaar.” Source
  5. (SLT-Doha)-Amiirka dalkaQatar Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thaani ayaa ku dhawaaqay inay Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan ku taageeri doonaan lacag dhan 73 million oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 20 Milyan oo doollarka Mareykanka Amiirka waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay Kulan uu Madaxweyne Farmaajo shalay galab kula yeeshay Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dooxa. Amiirka Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo waxay kaloo kulankooda kaga wada haleen Xoojinta Xidhiidhka Wax-wada-qabsi ee labada dal iyo qaababka loo horumarin karo inay iska kaashadaan qeybaha kala duwan ee Dhaqaalaha Horumarka, Amniga iyo Siyaasadda. Kulankaasi waxaa kaloo dib loogu eegay Horumarka dalka Soomaaliya, taasi oo dhabaha u xaadhay inuu Amiirka Qatar taageero Dhaqaale ku bixiyo Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan 2019-ka. Si kastaba ha ahaatee, waa safarkii 3-aad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii. Xukuumadda Somaliland oo si weyn u taageerta Imaaraadka Carabta ayaa faro-madhan ka taagan taageeradeed. Xukuumadda Somaliland oo si weyn u taageerta Imaaraadka Carabta ayaa faro-madhan ka taagan taageeradeed. Source
  6. Nairobi (SMN)- Xilli ay dowladda Kenya ku adkeysaneyso boobka bareerka oo ay ku hunguriyeyneyso biyaha Soomaaliya iyo qeyraadka dalka ayaa waxaa wasiirka arimaha dibada Kenya Monica Juma ku hadaaqday in cadeymo muujinaya lahaanshaha badda Soomaaliyeed oo Kenya damaacineyso. “Waxaan xubno katirsan golaha amaanka Qaramada Midobay iyo gudiga nada iyo amaanka ee ururka Midawga Africa la wadaagnay cadeymaheena arrinta la iskuhayo si ay xaaladda il gaar ah ugu yeeshaan” ayey tiri wasiirka arimaha dibada ee dowladda Kenya ee duulaanka ku ah qeyraadka dhex ceegaaga badda ugu dheer qaarada ee Africa ee Soomaliya. Sidokale waxa ay sheegtay in cadeymahaasi oo ah kuwo been abuur ah ay lawadaageen wakiiladda Ingiriiska ka iyo Faransiiska u qaabilsan xukuumadda Nairobi. Dowladda federalka ee Soomaliya ayaa horay u beenisay hadal kasoo yeeray Kenya oo ku aadanaa in Soomaaliya ay shirkii London iibgeysay qeybo kamida badooda,waxaana dowlada Kenya loogu baaqay in ay ilaaliso darisnimada iyo xariirka labada wadan. View the full article
  7. (SLT-Delhi)-Hindiya ayaa ka dalbatay Pakistan inay sii deyso duuliyihii diyaaraddii la soo riday, kaddib markii dowladda Pakistan ay soo bandhigtay muuqaalka duuliyaha la qabtay. Xiisada u dhaxeysa labada dal ee leh Hubka Nukliyeerka ayaa cirka isku shareeray, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda isu bedesho dagaal. Diyaaradaha dagaalka Pakistan ayaa soo riday labo ka mid ah diyaaradaha dagaalka Kenya, iyadoo mid ka mid ah diyaaradda Hindiya ay ku dhacday dhulka Pakistan ay maamusho. Hindiya ayaa sheegtay in la la’yahay mid ka mid ah duuliyeyaasheeda oo lagu magacaabo Abhi Annand, kaasoo mar dambe ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta Pakistan. Ninkan ayaa laga soo qabtay meel keyn ah, waxaana jirdil u geystay dadweynaha degan Kashmir qeybta Pakistan, hase ahaatee waxaa markii dambe soo badbaadiyay Ciidamada Pakistan oo lagu ammaanay sida ay ula dhaqmeen. Duuliyahan ayaa ka soo muuqday muuqaal uu wajiga ka xirnaa, balse Wasaaradda Warfaafinta Pakistan ayaa ka saartay muuqaalkaas, waxaana markii dambe la soo bandhigay muuqaal isagoo wajiga furan oo aan wax dhaawac ka muuqan, isla markaana uu shaah cabayay. Mareykanka iyo dalalka kale ee xulafada la ah ayaa ugu baaqay Hindiya iyo Pakistan inay xiisada dejiyaan oo aanay xaalada uga sii darin. Source
  8. (SLT-Malta)-Maxkamad ku taalla dalka Malta ayaa ku xukuntay Muwaadin Soomaali ah oo dalkaas qaxootinimo ku joogo hal sano oo xadhig ah iyo ganaax dhan labo kun oo Yuro ah kadib markii ay ku heshay dambi ah inuu isku dayay inuu qaniino askari u soo waday saldhigga Booliska. Cabdiqani Cumar Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada tahriibka ku tegey dalka Malta ayaa loo soo gudbiyay ciidamada Booliska inuu rabshad ka dhex wado maqaayad ku taalla Marsalfron dalka Malta, waxayna askartii tagtay baarka ay la kulmeen ninkan dhalinyarada ah iyo nin kale oo khilaaf soo kala dhex galay. Booliska ayaa ku amray Cabdiqani inuu u raaco saldhigga hase yeeshee Cabdiqani oo xiligaasi aan caadi ahayn oo la sheegay inuu sarkhaansanaa ayaa la dagaalamay ciidamada isagoo la sheegay in uu isku dayay inuu qaniino mid ka mid ah ciidamada. Sida lagu daabacay wargeyska Malta Today garsoorihii maxkamada dhagaysatay dacwada loo haystay Cabdiqani Cumar Cabdulaahi ayaa ku dhowaaqay go’aanka maxkamad taasoo noqotay hal sano oo xarig ah iyo inuu ganaax dhan 2000 oo Yuro ah. Source
  9. Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu gaaray madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Mustafa Maxamuud Cagjar. Safarka madaxweynaha deegaanka Soomaalida ayaa daba socda qorshe maanta lagu dhagax dhigayo wadada isku xirta magaalada Berbera iyo degmada Wajaale, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii Imaaraatka uu kula waregay dekada magaalada Berbera. Dhagax dhiga maanta waxaa ka qeyb galaya madax Ethiopia mataleysa, xubno ka socdo Imaaraatka carabta iyo masuuliyiinta maamulka Somaliland, sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka SOmaliland, Sida xogta aan ku heleyno mashruucaan waa qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya bixinayaa Midowga Yurub, iyadoo Imaaraatka uu bixinayo dhaqaalaha kale, waxaana la sheegay in maanta la dhagax dhigayo. Heshiiskaan sida dhaqsiyaha badan loogu dhisayo wadada isku xirta Wajaale iyo Berbera ayaa ka dambeeyay safar dhawaan uu Imaaraatka ku tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Somaliland ayaa dhawaan qodobo cusub hordhigtay Imaaraatka Carabta waxaana la sheegayaa in maamulka cusub ee madaxweyne Biixi inaysan ku qanacsaneyn qodobadii hore loogu saxiixay dekada Berbera. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  10. (SLT-Sweden)-Qof u shaqeeya shirkad Sweden laga leeyahay oo ka shaqaysa tiknoolajiyadda ayaa la xidhay isaga oo looga shakisan yahay in uu u basaasayay Ruushka. Qofkan aan magaciisa la shaacinin ayaa salaasadii laga xidhay magaalada Stockholm, sida ay saraakiishu sheegeen. Daniel Stenling oo madax ka ah waaxda qaabilsan ka hortagga basaasidda ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in qofka la hayo uu shaqaale u noqday sarkaal basaas ah oo dalka Ruushka u dhashay kaas oo dalka u jooga dublamaasi ahaan. Warbaahinta Sweden ayaa baahisay muuqaal lagu sheegay qofka laga shakisan yahay oo makhaayad laga sii wado. Qofka laga shakisan yahay ayaa hayay ” shaqo la yaqaanno in sirdoonka ajaaniibtu ay daneeyaan”, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, balse faahfaahin lagama sii bixinin. “Waxaa laga shakisan yahay in fal dambiyeedkan uu soo socday tan iyo sannadkii 2017kii,” ayay intaas ku sii dareen. Qof goob jooge ah oo warbaahinta Sweden ay soo xigatay ayaa sheegay in booliiska Sweden ee loo yaqaanno Sapo ay galeen makhaayad ka dibna isku hareereeyeen labo ruux oo cuntaynaya. Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in labada ruuxba la isla xiray balse qofka labaad la sii daayay ka dib markii uu sheegay xasaanad dublamaasiyadeed. Daniel ayaa sheegay in halista soo wajahday ay tahay middii ugu darnayd muddo sanooyin ah. Source
  11. Beledweyne (SMN)- Taliyaha Saldhiga booliska Degmada Beledweyne gaashanle Maxamed Macoow Xalane oo Warbaahinta lahadlayey ayaa uga digay dad uu sheegay in ay qashin ku shubaan wabiga in ay ka waan tooban Ficiladasi. Gaashaanle Xalane ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin Wabigu in uu Noqdo meel wasaqeysan, halkii looga Faa’iidaysan lahaa siyaabo kale oo bulshada anfaceysa Gaashanle Maxamed Macoow Xalane ayaa sheegay hada wixii ka danbeeya in talaabo laga qaadi doono dadka qashinka ku shuba wabiga gaar ahaan kuwa degan wabiga dhinacyadiisa. Magalada Beledwyne ayaa waxaa dhexmara wabiga Shabelle oo Soomaaliya uga Yimaada dhinaca Itoobiya,waxaa inta badan dadka reer Beledweyne nolashooda ku tiirsan tahay wax soosaarka beeraha iyadoo aysan suurtagal noqoteen wabigaa la,aantiis tacabka Beerahaasi. View the full article
  12. (SLT-Boosaaso)-Waxaa xalay shil gaadhi ku geeriyooday alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka mid ahaa gollaha barlamaanka maamulka Puntland ee cusub. Shilka gaadhi oo ka dhacay tuulada Xange ee gobolka bari ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Saalax. Sida ay wararku sheegayaan shilka sababay dhimashada ayaa yimid ka dib markii baabuur xamuul ah uu dusha ka maray baabuurkii uu watay xildhibaanku. Alle ha u naxariistee xildhibaankan ayaa markii uu shilkaas gelayey kusoo jeedey dhinaca magaalada Bosaso. Source
  13. Muqdisho (PP) ─ Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda waddnka Burundi ay ka guuraan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Waddada Warshadaha ee Muqdisho, halkaasoo muddo ka badan shan sano u ahayd fariisin ciidan. Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM ayaa maanta tagaya Kulliyadda Jaalle Siyaad, si ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejiyo saldhiggaas oo muhiim u ah amniga qaybo ka mid ah Muqdisho. Sidoo kale, Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxay ka mid tahay saldhigyada ugu weyn ee Muqdisho ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana AMISOM ay dhawaan sheegtay inay dayactir ku sameysay maadaama dagaalladii sokeeye ay ku bur-bureen dhismayaasha Kulliyadda qaarkood. Dhanka kale, Saldhiggan ayaa noqonayaa kii saddexaad oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho oo ay ka guuraan, iyagoo horay uga guuray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib markii ay Dowladda Burundi oo ay Muqdisho ka joogaan in ka badan 5,000 oo Askari oo ka tirsan AMISOM ay ku goodisay inay ciidamadeeda oo dhan kala bixi doonto Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo ka baxaya mid ka mid ah saldhigyadoodii ugu waa-weynaa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo. Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira. Ugu dambeyn, Mashruucan waxaa laf-dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Daah-furay Masharuuc lagu Tababarayo 400-qof oo dhallinyaro ah appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Pakistan)-Waxaa heer aad u xun mareysa xiisad colaadeed oo u dhaxeysa dalalka dariska ah ee Hindiya iyo Pakistan, kuwaasoo labadooduba heystaan hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka. Hindiya ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaadday saldhigyo ay kooxo fallaago ah ku leeyihiin gudaha Pakistan, isbuucyo ka dib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, arrintaas ayaana sare u sii qaadday cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro waddamadan ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya. Ugu yaraan 42 askari oo ka tirsan booliska sida milatariga u tababaran ee dalka Hindiya ayaa lagu dilay qaraxa ismiidaaminta ahaa oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen kooxda fariisinka ku leh gudaha Pakistan ee lagu magacaabo Jayshu Muxammad. Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa xilligaas wacad ku maray in waddankiisu uu jawaab kulul ka bixin doono weerarka loo geystay ciidankooda oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dhaca muddo tobannaan sano ah. Dowladda Pakistan ayaa si kale u dhigtay howlgalka ay Talaadadii sameeyeen diyaaradaha milatariga Hindiya, iyadoo sheegtay in lagu soo xad gudbay hawada dalkeeda, gaar ahaan hawada u dhow xadka ay ku kala qeybsadeen gobolka ay isku heystaan ee Kashmiir. Waxay sheegtay in ay soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahahay Hindiya kuwaas oo soo galay hawadeeda Kashmir. Pakistan ayaa intaas ku dartay in ay xirtay mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha. Sareeye gaas Asif Ghafoor ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay ku soo dhacday dhulka ay Pakistan maamusho halka midda kalana ay ku dhacday dhulka ay Hindiya maamusho. Labadan dal ee cadowga isku ah ayaa horay gobolka Kashmiir dartiis ugu dagaallamay labo jeer tan iyo intii ay xorroyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1947-kii. Halkan waxaan ku qeexeynaa awoodda milatari ee ay kala leeyihiin labadan waddan. Miisaaniyadda Milatariga Sannadkii 2018-kii, Hindiya waxay ciidamadeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 1,400,000(Hal malyan iyo afar boqol oo kun) u qoondeysay lacag dhan afar tirilyan oo rupee, oo u dhiganta $58 bilyan oo doolar. Dhaqaalahaas ayaa ah boqolkiiba 2.1 ka mid ah dakhliga guud ee soo gala dowladda, sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah ee Istiraatiijiyadda oo magaceeda loo soo gaabiyo (IISS). Sannadkii lasoo dhaafay, Pakistan waxay ciidankeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 653,800(lix boqol konton iyo saddex kun iyo siddeed boqol) ku kharash gareysay lacag dhan 1.26 tirilyan oo rupiga Pakistan ah una dhiganta $ 11 bilyan oo doolar. Dhaqaalahaas ayaa ah 3.6 boqolkiiba oo ka mid ah dakhliga guud ee usoo xarooda dowladda. Waxay isla sannadkii 2018-kii Pakistan heshay kaalmo milatari oo uga timid dibadda, taasoo gaareysay $100 malyan oo doolar. Intii u dhaxeysay sannadihii 1993-kii iyo 2006-dii, in ka badan boqolkiiba 20 ka mid ah dhaqaalaha sannadlaha ah ee ku baxa dowladda Pakistan waxaa lagu kharash gareeyay howlaha la xiriira milatariga, sida lagu sheegay qiyaas ay sameysay hay’adda caalamiga ah ee cilmi barista nabadda, ee uu fadhigeedu yahay magaalada Stockholm. Waxay sidoo kale hay’addan sheegtay in sannadkii 2017-kii milatariga Pakistan ay ku baxday boqolkiiba 16.7 ka mid ah dhaqaalaha ay sannadkiiba kharash gareyso dowladda. Haddii la isbarbar dhigo, dhaqaalaha ku baxa milatariga dalka Hindiya wuxuu muddadaas ka hooseeyay boqolkiiba 12 ka mid ah kharashka ka baxa dowladda. Balse sannadkii 2017-kii wuxuu ahaa 9.1 bolokiiba. Gantaallada iyo hubka nuclear-ka Labada waddanba waxay heystaan gantaallada goomaha ka sameysan ee awoodda u leh iney xambaaraan hubka nuclear-ka. Hindiya waxay heysataa sagaal nooc oo ka mid ah gantaallada la isticmaali karo, waxaana ka mid ah nooc loo yaqaanno Agni-3, kaasoo gaari kara masaafe dhan 3,000km ilaa 5,000km, sida ay sheegtay xarunta qorsheynta daraasadaha caalamiga ah ee (CSIS), oo fadhigeedu yahay magaalada Washington. Gantaallada ay haysato Pakistan oo dhismahooda ay ka caawisay dowladda Shiinaha waxaa ka mid ah kuwa riddada gaaban iyo riddada dhexe oo gaari kara meel kasta oo ka mid ah Hindiya, sida ay sheegtay CSIS. Gantaallada ay Pakistan heysato waxaa ugu masaafe dheer mid lagu magacaabo Shaheen 2 oo gaari kara ilaa 2,000km. Pakistan ayaa heysata 140 ilaa 150 madax oo hubka nuclear-ka ah halka Hindiyana ay heysato 130-140 madax oo nuclear ah, sida laga soo xigtay hay’adda SIPRI. Ciidanka dhulka Hindiya waxay heysataa 1.2 milyan oo askari, kuwaasoo ay taageerayaan 3,565 oo taangiyada dagaalka ah, 3,100 oo ah gaadiidka loogu tala galay ciidanka lugta ku dagaallama, 336 gawaarida gaashaan ee saraakiisha lagu qaado ah iyo 9,719 oo ah madaafiicda goobta ee loo yaqaanno artillery-ga, sida ay sheegtay IISS. Ciidamada Pakistan oo tiradaas aad uga yar ayaa gaaraya 560,000 askari oo ay taageerayaan 2,496 taangi, 1,605 oo baabuurta gaashaaman ah iyo 4,472 madaafiicda goobta ee artillery-ga ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin 375 hoobiye. Inkastoo Hindiya ay ciidankeedu aad u badan yihiin, haddana waxay IISS sheegtay iney heystaan caqabado ay ka mid tahay rasaas yaraan. Ciidanka Cirka Hindiya waxay leedahay 127,200 oo askari, oo ciidanka cirka ah iyo 814 diyaaradood oo kuwa ciidanka iyo saadka lagu qaado ah, hase ahaatee waxay dhibaato ka heysataa dhinaca diyaaradaha dagaalka. Waxay cududdeeda inta badan u kala qeybisaa difaaca weerarrada uga imaan kara Pakistan iyo Shiinaha. Pakistan waxay heysataa 425 diyaaradood oo kuwa ciidanka iyo saadka lagu qaado ah, kuwaasoo lagu soo sameeyay Shiinaha iyo diyaaradaha Mareykanka lagu farsameeyo ee loo yaqaanno F-16. Ciidanka badda Ciidanka badda ee Hindiya ayaa si weyn uga ballaaran kuwa Pakistan, waxayna uga badan yihiin dhinac walba. Hindiya ayaa heysata hal diyaarad oo ciidanka badda lagu daabulo, 16 markab oo gujis ah 14 burburiye, 13 markab oo kuwa gantaallada tuuro ah, 106 markab oo kormeer ku sameeya xeebaha iyo 75 diyaaradood oo diyaar ah in lagu qaado ciidanka badda. Ciidanka badda ee Hindiya ayey tiradoodu gaareysaa 67,700, waxayna isugu jiraan askar iyo shaqaalaha cimilada badda. Pakistan, oo awooddeeda ciidanka badda ay aad uga hooseyso intaas ayaa leh 9 markab oo kuwa gantaallada tuuro ah, 8 markab oo gujis ah, 17 markab oo xeebaha kormeera iyo 8 diyaaradood oo loogu tala galay iney ciidamada daabulaan. Source
  16. Kismaayo (SMN)- Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay dad shacab ku dileen qeybo kamid ah magaaladaasi. Dadka la dilay oo ahaa laba ruux oo xalay guryahooda ay kala bexeen ciidamada Jubbaland ayaa meydkooda laga helay xaafada Dalxiiska ee magaalada Kismaayo. Labada ruux ayaa waxaa kamid ahaa macalin dugsi aad looga garanayay Kismaayo oo magaciisa lagu soo koobay sheikh Jihaad. Qofka kale ee la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa xalay hooygiisa xaafada Dalcada ee Kismaayo waxaa kala baxay ciidamada Jubbaland,waxaana meydka labadaasi ruux laga helay gudaha magaaladaasi. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garoow xoogan oo ku aadan doorashada madaxweyne ee maamulka Jubbaland,waxaana magaaladaasi kusii qulqulaya musharixiin u taagan kursiga madaxtooyada Jubbaland. View the full article
  17. Valletta (SMN)- Maxkamad ku taalla Jaziirada Malta ayaa xukun ku riday nin Soomaali ah oo lagu helay in uu isku dayay in uu dilo sarkaal ka tirsan booliiska Malt. Booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay bishii December ee sanadkii tagay ninka Soomaaliga ee la xukumay oo lagu magacaabo cabdiqani Cumar Cabdullaahi,kaas oo ku dhawaaday in uu tooreey ku dilo sarkaal booliis ah ool lagu magacaabo Redeemer Abdel Ghany. Sarkaalka ayaa sheegay in ninka Soomaaliga uu sarqaansanaa xiliga uu falka dhacayay isla markaana si lama filaana uu xabadka uga gaarsiiyay dhaawacyo fudud. Saraakiil ka tirsan booliiska Malta oo lagu kala magacaabo Frank Portelli, Joseph Cini, Joseph Bajada iyo Mario Azzopardi ayaa maxkamada ka hor cadeeyay in ninka Soomaaliga uu si bareer ah isugu dayay in uu dilo sarkaalka booliiska ah. Qareenada difaacayay ninka Sooamaaliga ah ayaa ku andacooday in xiligaasi uu sarqaansanaa isla markaana uusan ula kac u sameynin falkaasi,laakiin maxkamada ayaa ugu danbeyn cabdiqani Cumar Cabdullaahi oo Soomaali ah ku xukuntay halsano oo xabsi ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 2 kun oo Euro. View the full article
  18. Qoryooleey (SMN)- Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin degmadaasi. Inta uu dagaalka socday dhinacyada ayaa isku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka,waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay. Saraakaal ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo si hoose ula hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi,isagoo intaaasi ku daray in weerarkaasi sadex askari uga dhaawacmeen. Sidoo kale sarkaalkan ayaa tilmaamay in dhinaca Al-shabaab hal dhimasho iyo sadex dhaawac ah uu ka soo gaaray weerarkii ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada Hoose. Horaantii bishan ayey aheyd markii Al-shabaab weerar ay ku qaadeen degmada Qoryooleey ay ku dhaawacmeen gudoomiyihii degamadaasi,ku xigeenkiisii iyo xoghayahii degmadaasi. View the full article
  19. Garoowe (SMN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa faray dhamaan ciidamada amaanka ee maamulkiisa faraya in ay ilaalaiyaan nabad galyada guud ee deegaaanada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah ula dardaaray ciidamada booliiska Puntlad,waxaana uu sheegay in looga baahanyahay ka hortaga falalka lidiga ku ah amaanka iyo derder galinta nabadgalyada. Hadalkan ayaa madaxweyne Deni wuxuu ka sheegay taliska guud ee ciidanka booliiska Putland ee magaalada Garoowe,waxaana uu hadalkiisa kusoo aadayaa iyadoo maamulka puntland ay ka dhacaan falal amni darro,gaar ahaan gobolka Bari. Saraakiisha amaanka maamulka Puntland ayaa xoojinaya amaanka deeganada maamulkaasi,xili qeybo badan oo kmaid ah gobolka Bari la sheegay in ay ku xooganyihiin dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al-shabaab.’ View the full article
  20. Gaarisa (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku gubtay badeeco badan oo la sheegay inay ganacsato geeyeen magaalada Gaarisa, kadib markii lagu qabtay magaalada Gaarisa. Badeecada lagu gubay magaalada Gaarisa ayaa hay’adda daqli ururinta Kenya waxay ku sheegtay inay gaareyso 9 Milyan oo lacagta Kenya, waxaana la sheegay in laga yaabo inay ka badato dhaqaalaha uu ku fadhiyay raashiinka. Badeecadahan ayaa ka koobneyd 10 Tan oo Sokor ah, 587 Kartoon oo Caano Boore ah,Kartoono Saliid Caddeey ah oo aan tiradooda la sheegin iyo badeecado kale oo fara badan. Guddoomiyaha degmada Gaarisa Meru Mwangi oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in badeecadaasi ay dhanka Soomaaliya ka gashay magaalada Gaarisa, isaga oo sheegay inay sharci daro tahay wax dhacay in la geeyo dalkaasi. Sidoo kale wuxuu Mr Meru Mwangi sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in ganacsi sharci daro ah la geeyo Gaarisa iyo deegaanada kale ee Kenya, wuxuuna cadeeyay inay gubi doonaan ganacsi walbaa oo si sharci daro ah lagu geeyo gudaha Kenya. Mr Meru Mwangi, ayaa sheegay in hay’adda la socodka tayada badeecadaha ee Kenya oo baaris ku sameysay Badeecadahaasi ay ogaatay in ay dhaceen oo aysan u qalmin in uu Bani’aadamka adeegsado. Waxaa uu intaas ku daray in Ganacsatada Gaarisa ee Canshuurta bixiya ay difaaci doonaan sidaga oo intaas raaciyay in kuwa dhinaca Soomaaliya ganacsiga ka keenaya ay yihiin kuwo ka baxsanaya Canshuurta Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-280219.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallo socda oo la doonayo in dib loogu furo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo qodobo ay tahay in marka hore xal loo gaaro. Dadaalladan ayaa waxaa wada ergeyga Turkiga ee wada-hadallada Olgan Bekar iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo hadda ah agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda xalinta xasaradaha ee Center for Humanitarian Dialogue. Hya’addan ayaa fadhigeedu yahay magaalada Geneva, waxaana maal-gelisa dowladda Switzerland. Arrimaha ugu weyn ee hadda la doonayo in la xaliyo ayaa waxaa ka mid ah halka uu kulanka ka dhacayo. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa door-bidaya dalka Sweden, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale rabta in wada-hadallada ay ka dhacaan dalalka deriska la ah Soomaaliya, gara ahaan Jabuuti. Ka sokow qodobada ay isku hayaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa sidoo kale jira in dowladda federaalka ah ay dhexdeeda isku hayso ciddda ay u direyso wada-hadalalda ee matalaysa. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa door-bidaya Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan Soomaaliya, iyo aas-aasayaashii ururuka Islaax ee Soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo uu doonayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya. Faroole ayaa la sheegay in haddii dowladda ay xulato ay ka careysiin karto Somaliland, maadaama uu horey u ahaa madaxweynaha maamulka Puntland oo colaad ay kala dhaxeyso Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada online)-Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta isaga baxay xarunta Jaale Siyaad oo ku dhow wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya. Ciidamo ka socda dowladda Burundi ayaa sideedii sano ee lasoo dhaafay ayaa deganaa xarunta Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana ay halkaasi u aheyd saldhig. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay munaasabadda ka dhacday magaalada Muqdisho. Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha looga baxayo xarumaha muhiim ah ee ku yaala magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen AMISOM ayaa la sheegayaa inay qeyb ka tahay qorshaha bixitaanka AMISOM. AMISOM ayaa horey kaga baxday garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho iyo xarumo kale, waxaana la qorsheynayaa ciidamada ku sugan xarumahaasi in la geeyo goobaha ay ka baxaan ciidamada Burundi. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa kaga mahadceliyay ciidamada Burundi dadaalkooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana uu sheegay inay tahay maanta maalin kale oo taariiqi ah. Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo badan oo AMISOM loo qorsheynayo inay amaanka dalka ku wareejiyaan ciidamada xooga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com