Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Mujaahid Cali Curi oo ka mid ah mujaahidiinta reer Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Hawd ayaa waxa uu sheegay in beeshiisu ay xaal ka doonayso Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hadal dhawaan ugu jawaabay gabadh beeshooda ah oo su’aal waydiisay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Maxkamad Ku Taalla Gobolka Togdheer Oo Xukun Ku Riday 5 Askar Oo Ka Tirsan Ciidammada Booliska Somaliland Iyo Dambiyadda Loo Haysto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa amaro cusub kasoo saaray olalaha doorashada dhawaan ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo lagu soo dooranayo hogaanka maamulkaasi. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ahaa oo golaha wasiirada ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, kaasi oo looga hadlayay amaanka iyo arimo kale. Kulanka waxaa maanta ka qeyb galay saraakiisha ciidamada amaanka ee Jubbaland iyadoo warbixino laga dhageystay qaar kamid ah wasaaradaha maamulka Jubbaland. Kulanka ayaa lagu shaaciyay in golaha wasiirada Jubbaland ay isku raaceen in dhamaan ciidamada iyo saraakiisha maamulka Jubbaland aysan ka qeyb galin olalaha doorashada iyo arimaha siyaada maamulkaasi inta lagu gudo jiro arimaha doorashooyinka Jubbaland. Sidoo kale golaha maamulka Jubbaland ayaa isku raacay in dhamaan shaqaalaha maamulka Jubbaland aysan ka qeyb qaadan karin olalaha doorashada, iyadoo la shaaciyay in qofkii lagu helaa arintaasi talaabo laga qaadi doono. Wasaaradaha warbixinada laga dhageystay waxaa kamid ah wasaarada arimaha gudaha Jubbaland, waxaana Wasaarada ay ka dayrisay qaar kamid ah deegaanada Jubbaland oo ay ka jirto dhibaatooyinka ka dhashay Abaaraha iyo nafaqa daro taas oo ay Wasaaradu u gudbisay dhinacyada ku shaqada leh si wax looga qabto isla markana meelaha qaar loo diray gudiyo soo qiimeeya inta ay baahidu la egtahay. Amarkaan ayaa u muuqday mid ka dhashay safarkii dhawaan magaalada Kismaayo ay ku tageen musharax madaxweyne C/naasir Seeraar iyo xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Musfate Muxumed Cumar oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay ka wada hadleen labada madaxweyne iskaashiga ganacsi, iyo isdhex-galka labada shacbi ee walaalaha iyo deriska ah, ujeedada safarka madaxweynaha dawlad deegaanka Soomalida ayaa la xidhiidha dhagax-dhiga wadada Berbera Corridor oo maanta laga dhagax-dhigay duleedka caasimada Somaliland ee Hargeysa. Source
  5. Hargeysa-(Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Masuul ka socday Imaaraadka Carabta ayaa maanta dhagax-dhigay jidka isku xidhi doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo dhismihiisu dhawaan bilaabi doono. Dhagax-dhigga mashruuca weyn ee Berbera Corridor oo munaasibad ballaadhan loogu qabtay duleedka Bari ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Ku-xigeenka madaxa Abu dhabi Fund for Development Khaliifa Al Qubaisi, safiirrada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti u jooga Somaliland, wufuud ka socda dalal kala duwan oo dunida ah, hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne-ku-xigeenno hore oo Somaliland soo maray, wasiirro iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu dhismaha jidkani u leeyahay guud ahaan geeska Afrika iyo sida uu kor ugu qaadi doono ganacsiga iskaga kala gooshaya dalalka Itoobiya. Guddoomiye-ku-xigeenka shirkadda Abu Dhabi Fund for Development Khaliifa Al Qubaisi oo ah shirkadda ku guulaysatay dhismaha jidka Berbera Corridor oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu jidkani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya, waxana uu hoosta ka xarriiqay in jidkaas iyo mashaariic waaweyn oo ku lammaani sii kordhin doonaan istaraatiijiyadda ganacsiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in mashruuca weyn ee Berbera Corridor uu ka kooban yahay mashaariic horumarineed dhaqaalaha dalka iyo isu socodka bulshadaba faa’iido badan u leh, isla markaana ay mashruucan ku bixi doonto lacag dhan $111,000,000, (Boqol iyo kow toban milyan oo dollar), loona qorsheeyey inuu si rasmi ah u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) ee isla sannadkan 2019-ka. Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay faa’iidada ku jirta jidka Berbera Corridor, waxana uu xusay inuu kor u qaaadi doono isdhexgalkii dhaqaale iyo midkii bulsheed ee u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Jidkani waxa uu noqonayaa mid sii xoojiya, is-kaashigii taariikhiga ahaa ee dhinaca ganacsiga ee soo jireenka ahaa, waxana aannu rajaynaynaa inay korodho isdhexgalka dhaqaale marka uu mashruucani dhammaado.” Madaxweynuhu waxa uu Somaliland ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto iskaashiga dhinaca ammaanka iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, isaga oo bulshada iyo xukuumadda Somaliland-ba ku bogaadiyey inay sii kordhiyaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay Somaliland u soo jiidan lahayd bulshada caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey hadal dheer oo salka ku haya muhiimadda uu jidka Berbera Corridor u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, Itoobiya iyo guud ahaanba dalalka geeska Afrika, ayaa shaaca ka qaaday inuu mashruucani kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo midka Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dib-u-dhiska jidkani waxa uu ka labaad ka yahay mashaariicda maalgelinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland oo uu ka koobaad yahay ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, taas oo hawsheedu si fiican u socoto. Labada mashruuc marka lagu daro suuqa xorta ah (Berbera free zone) iyo garoonka madaniga ah ee Berbera, waxa ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan horumarinta shaqaalaha gobolka, kor u qaadidda isku xidhka gobolka iyo nolosha Somaliland.” Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in degenaanshaha iyo Dimuqraaddiyadda ka hirgashay Somaliland ay horseedday in laga maalgeliyo mashruucan miisanka badan, islamarkaana ay Berbera kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto tartarka ka dhexeeya dekedaha geeska Afrika, “Maalgelinta jidkani waxa uu ku yimi deggenaanshaha dalka Somaliland, Dimuqraaddiyadda ka hirgashay iyo isku duubnaanta dadka Somaliland, taas oo marka aynnu sii xoojinnoba dhaqaalaheenu sii korayo, dalalka caalamkuna ina aaminayaan, ictiraafka aynnu doonaynaana ku imanayo, jidkanina waxa uu sii xoojin doonaa inuu kor u qaado istaraatiijiyadda dhaqaale ee magaalada Berbera ee dabiiciga ah, ballaadhinta dhismaha Berbera Corridor mustaqbalka iyo inay Berbera qayb weyn ka qaadato tartanka ka dhexeeya dekedaha Geeska Afrika, waxana uu hoos u dhigayaa shaqo la’aanta dhallinyarada, marka uu baayac-mushtarku soo kordhoba waxa hoos u dhacaysa shaqo yaraanta, waxana kordhaysa mugga ganacsiga, qalabka iyo allaabta ganacsiga ee u kala gudbaysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay sidii ay usoo dhaweyn lahayd dalalka deriska iyo kuwa kale ee saaxiibka la ah Somaliland, isla markaana ay soo dhawenayso cidkasta oo diyaar u ah isticmaalka dekedda Berbera iyo goobaha kale ee Somaliland ku yaalla ee muhiimka ah. Mashruuca Berbera Corridor, ayaa ka kooban jid dhererkiisu dhan yahay 250KM, dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhisaha iyo casriyeynta madaar loogu talo galay diyaaradaha shacabka iyo mashaariic kale oo tiro badan, waxana uu socon doonaa muddo ka yar laba sanno, sida uu qorshuhu yahay. Source
  6. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar iyo masuul ka socda Imaaraadka Carabta ayaa maanta duleedka Hargeysa ka dhagax-dhigay wado laami ah oo isku xiri doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor). Mashruucan waxaa maagalinaysa dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna kamid yahay mashruuca dekadda Berbera ee shirkadda DP World, waxaana ku bixi doona sida la sheegay lacag dhan $111,000,000, (Boqol iyo kow iyo toban milyan oo dollar), waxaana loo qorsheeyey inuu si toosa u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) 2019-ka. Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar oo munaasibadii dhagax dhiga ka hadlay ayaa sharraxay faa’iidada ku jirta jidka Berbera Corridor, wuxuuna xusay inuu kor u qaaadi doono isdhexgalkii dhaqaale iyo midkii bulsheed ee u dhexeeyey dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isna munaasibadii dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in mashruucani kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha gobolka, wuxuuna sheegay inay Somaliland ka go’an tahay sidii ay usoo dhaweyn lahayd cidkasta oo diyaar u ah isticmaalka dekedda Berbera. Mashruuca Berbera Corridor ayaa sida la sheegay ka kooban wado dhererkeedu dhan yahay 250KM, dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhisaha iyo casriyeynta madaar loogu talo galay diyaaradaha shacabka. PUNTLAND POST The post Biixi iyo Cagjar oo dhagax dhigay wado isku xiri doonta Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (SNM) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Farmaajo iyo Amiirka ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar. Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee UPD ee Soomaaliya ayaa ka digay in si qaldan loo bixiyo lacag cusub oo ay dowladda Qatar u yaboohday Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa shalay ku dhowaaqday inay lacag dhan 73 milyan oo riyaalka Qatar ah, una dhiganta 20 milyan oo dollar oo ay ku taageereyso miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019. Warkan oo uu ku dhawaaqay amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yimid kadib markii uu magaalada Doha kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaan Cabdifataax Daahir, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbigaas ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku booriyey dowladda Qatar in lacag kasta oo ay Soomaaliya ugu deeqeyso ay marsiiso nidaamka maaliyadda dalka. “Waxaan soo dhoweeneynaa oo aan la dhacsannahy in Qatar ay 20 milyan oo dollar ugu deeqday dalkeena. Si kastaba, waxaan Qatar ku boorineynaa in dhammaan deeqahooda marsiiyaan nidaamka maaliyadda dalka. Lacag laga soo geliyo albaabka gadaale, waxay sii kordhineysaa xasilooni darrada Soomaaliya.” Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. We welcome and appreciate the Qatari government’s donation of 20 Million USD to our country. However, we urge the Qataris to channel all their donations through the government coffers. Backdoor drops will only destabilise Somalia further. — Abdifatah Tahir (@AbdifatahTahir) February 27, 2019 Taageeradan ayaa muhiim ah dowladda xilli ay jiraan warar sheegaya in lacag badan ay ka dhiman tahay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, ayada oo bilihii dhowaa dowladda ay wajahaysay dhaqaale xumo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Ayadoo ay Xiisad Colaadeed ka dhexeyso Labadaasi Waddan ayaa waxaa la saadaalin karin qaabka uu noqon doono Dagaalkaasi, muddada u usocon karo iyo haddii ay Labada Milliteri isku adeegsan doonaan Hubka Nukliyeerka. Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan inay Labada dowladood miisaaniyad xooggan ku bixiyaan Awoodda Milliteriga, iyadoo uu Tartan ka dhexeeyo dhimaha Milliteriga, Qalabkooda iyo Tayadooda. Machadka Caalamiga ee Daraasaadka Istaraatijiyadda ee IISS iyo Ururka Kontoroolka Hubka ee ee dalka Maraykanka waxay so osaareen tiro-koobkii ugu dambeeyey ee Awoodda Milliteri ee u dhexeysa Pakistan iyo Hindiya. Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Pakistan hawlaha Milliteriga kiu kharaj gareysay in ka badan 11 Billion oo Dollar oo u dhiganta 3.6%, halka Hindiya ku bixiso Hawlaha Difaaca lacag dhan 58 Billion oo Dollaroo u dhiganta 2.1% Tiro-koobkaasi ayaa muujinaya inay Dowladda Hindiya kharaj ka badan kan Pakistan ku bixiyaan Hawlaha Difaaca. Dalka Pakistan waxaa ku nool in ka badan 200 million oo qof, waxay leedahay Ciiddan tiradiisu dhan tahay 653,800 Askari. Milliteriga Pakistan waxay haystaan 2,496 Taangi, 1,605 Gawaarida Gaashaaman ee Ciiddanka lagu qaado, 4.472 Madaafiicda Goobta. Dalka Hindiya waxaa ku nool in ka badan 1.3 Billion oo qof, waxayna leeyihiin ciiddan ka badan 1.4 million oo qof. Dhinaca kale, Hindiya waxay haystaan in ka badan 3,565 Taangi, 336 Gawaarida Gaashaman ee Ciiddamada lagu daad-gureeyo iyo 9,719 oo Madfac. Diyaaradaha Dagalaka waxay Hindiya haystaan 814 Diyaarad, halka Pakistan leedahay 425 Diyaaradaha Dagaalka. Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya waxay leeyihiin hal markab Diyaard-xambaare ah, 16 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 13 Markab dagaal, 14 Marakiibta wax burburiya, 106 Doonyaha ilaaladda xeebaha iyo 75 Diyaaradaha Ammaanka Xeebaha iyo 67,700 Ciiddanka Mariiniska. Dalka Pakistan waxay leeyihiin 23,800 oo Ciiddanka Badda, 8 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 9 Markab, 17 Doonyaha lagu ilaaleeyo Xeebaha iyo 8 Diyaaradaha loo adeegsado ilaaladda iyo difaaca xeebaha. Ugu dambeyntii, Milliterigadalka Hindiya waxay haystaan 130 ilaa 140 Madaxyadda hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, halka Milliteriga Pakistan ay ka haystaan 140 ilaa 150 Madaxyadda hubka Nukliyeerka.
  10. Baydhabo (SMN)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta gareen, ayaa Maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiirrada maamulkaasi. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo madaxweyne Lafta gareen. Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dardar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed. Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ay ka mid Yihiin biyo yarida ,amniga, caafimaadka , waxbasharada iyo caddaaladda. Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen xildhibaannada baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha wasiirrada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya. View the full article
  11. DOHA, Feb. 27 (Xinhua) — Qatar on Wednesday decided to support Somalia’s state budget in 2019 with a total of 73 million Qatari riyals (20.05 million U.S. dollars). Emir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani received Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo at the royal palace, during which they discussed means to boost bilateral ties in various fields, according to a statement by the emir’s office. Tamim and Farmajo also reviewed developments in Somalia and other issues of mutual interest, and the emir gave orders to give 73 million Qatari riyals to shore up Somalia’s state budget. Farmajo arrived in Doha on Tuesday for a visit, whose period was not announced. His visit to the Qatari capital is his third since he assumed the presidency in war-wracked Somalia. Source: Xinhua
  12. Number of civilians who fled their homes up 30 per cent from previous year according to newly-released figures. “We’re alarmed at the sharp increase in the number of civilians forced to flee their homes in Somalia. The conflict is getting worse for civilians, making thousands more homeless. If this worrying trend continues, it could lead to catastrophe,” warned Evelyn Aero, Regional Adviser for the Norwegian Refugee Council (NRC). Over 320,000 people fled conflict and insecurity last year within Somalia, according to the Protection and Return Monitoring Network. This number is up from 202,000 people displaced in 2017. Areas hardest hit by the fighting were in the Lower Shabelle region, which is still heavily impacted today. “These families take refuge in crowded camps for displaced people in Somalia, living in flimsy shelters. They’re vulnerable to malaria, evictions, insecurity and gender-based violence. Young children are especially vulnerable to malnutrition and disease. They urgently need more aid to survive,” said Aero. Overall 2.6 million Somalis are currently displaced within the country. Besides conflict and insecurity, other causes of displacement include drought, flooding and evictions, among others. Conflict continues to cause unintentional damage to property and civilian casualties. NRC urges all parties to the conflict to respect International Humanitarian Law, and take all possible measures to protect vulnerable civilians, and reduce mass displacement. Civilians are not a target. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia seeks $1.08 billion, but so far only $67 million of this plan has been funded. If aid is not increased, some lifesaving programmes such as for food, water or health care may be cut back. NRC calls on donors and the international community to scale up their support, and respond to the plight of displaced Somali families in urgent need of aid. For more information or interviews please contact: In Nairobi: Geno Teofilo, Regional Head of Communications, geno.teofilo@nrc.no, +254 702 910 077. Global Media hotline: info@nrc.no, +47 905 62 329
  13. Muqdisho ( SMN)- Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u baneeyay kuliyada tababarka saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee Jaalle Siyaad oo ay daganaayeen in ka badan 10 sano. Munaasabad kooban oo xaruntaasi ka dhacay waxaa ka qeyb galay ra’isulwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir taliyaasha ciidamada Milatariga iyo wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira. Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya ee ka qeyb galay munsaasabada kooban ayaa sheegay in ay muhiimad badan u leedahay ciidanka xooga dalka in ay la wareegaan Kulyada Jaalle Siyaad,isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan dhinaca tababarka. Marka laga soo tago Jaamacada Umadda Soomaaliyeed iyo garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium,waa xaruntii sadexaad oo ay deganayeen ciidanka AMISOM ay la wareegto dowlada Soomaaliya. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay go’aan maxkamad ku taalla Guriceel ay ka gaartay kiiska kufsi loo gaystay gabar 14 jir ah. Hoos ka aqri qoraalka Guuleed ee Facebook:- ARIN MUDAN DIB U EEGID Anigoo ixtiraam iyo qadarin weynba u haya maxkamadda iyo culumada garsoorayaalka ah ee degmada Guraceel, taaso gashay kiiska gabadha yar ee 14ka jirka ah, ee kufsi wadareedka ay geysteen eedaysanayaasha afarta ah, ka dibna falkaas foosha xun leh muuqaal ahaan oga duubeen, waxaan oran lahaa markii si qoto dheer leh loo daawado muuqaalkii maxkamadda iyo qaabka culumadu garsoorayaalka ah ay xukunka u qaadeen una rideen, ka soo baxaya dhaliilo, dulduleelo iyo arimo aan is dabooli karin, arimahaa waxaa ka mid ah: 1. Gabadha da,deeda, qaabka loo soo waday ee goobta lagu keenay, tirada dadka falka geystay iyo waliba muuqaalka la duubay waxay culumada aheyd inay u muujiso in falkaas uu ahaa mid xoog iyo kufsi ah. 2. Sida muuqaalka maxkamadda iyo kan gabadhaba laga duubayba ay na tusayaan falku waxuu ahaa mid xoog, waayo qiraalka eedaysanayaalka qaar ee maxkamadda horteeda waxaa ku jiray: A. Mid qirtay in markii muuqaalka gabadha laga duubayey qoorta uu hayey, haddaba ma gabar raali ah ayaa xoog qoorta looga qaban lahaa. B. Mid kaloo qirtay inuu gabadha u soo qaatay Bur ama Garuun deetana ay gabadhii qeylisay, sidoo kale ma fal la isaga raali yahay ayaa bur iyo qeylo soo gashaa. Haddaba anigo sidaan horay u sheegayba qadarin u haya maxkamadda, haddana waxaan qabaa in qaabka uu xukunkaas u dhacay uusan ahayn mid dadka qancin kara, uuna mudan yahay in dib u eegid lagu sameeyo. Sidaa daraadeed waxaana maxkamadaha kala sareeya ee dowladda gobaleedka Galmudug ka codsan lahaa, una soo jeedin lahaa, inay dib u eegid iyo dib u galis ku sameeyan kiiskaas fuusha xun, ee loo geystay gabadhaa yar, ee waliba ka soo jeedda dadka laga tirada badan yahay ee ku nool deegaamada dowladda Galmudug.
  15. Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee Puntland, kuwaasi oo ka yimid deegaanka Tukaraq oo ay maalmahan ku sugnaayeen. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa u sheegay warbaahinta in sababta ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ay tahay sugista amniga iyo iney soo qabtaan dadkii kufsaday, kadibna dilay gabar yar oo 12-sano jir ahayd. Howlgalka ay ciidanku bilaabayaan ayaa loogu magac daray Caa’isha maxay galabsatay, iyadoo saraakiisha ay sheegeen iney degdeg ku qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Saraakiisha-Ciidanka-Daraawiishta-Puntland-oo-sheegay-in-Galakcyo-ay-ka-Bilaabi-Donan-Howgalo-Lagu-Xaqijinaayo-Amaanka-Magaalada-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweyne yaasha mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kala tagay shirkii uga socday magaalada Hanoi ee dalka Vietnam . Kim Jong Un iyo Donald Trump ayaa sidookale baajiyay [...] Source
  17. Garissa (SMN)- Ciidamada booliiska ee dalka Kenya ayaa dad shacab ah ka qafaashay deegaano ka tirsan magaalada Garissa ee gobalka Woqooyi Bari. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in booliiska la dagaalanka argagixisada ay dhawaan magaalada Garissa ka kaxaysteen macalin dugsi Macalinka oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay in ciidamada ay six un ula dhaqmeen markii halkaasi ay ka wadanayeen. Dadka deegaanka ayaa xusay in ciidamada booliiska ee Kenya ay jir dil,handadaad iyo dhibaatooyin kale u gayteen dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaad magaalada Garissa. Odayaasha dhaqanka ee magaalada Garissa ayaa sheegay in 12 ruux oo badankood dhalinyaro ah ay dhawaan ciidamada booliiska ka kaxaysteen magaaladaasi, kuwaa oo lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab. Kadib weerarkii qasaaraha gaystay ee lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ciidamada booliiska ay bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan rag ka tirsan Al-shabaab oo la’aaminsanyahay in ay ku dhuumaaleysanaya gudaha dalkaasi. View the full article
  18. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Abaandullaha taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, Wasiiru Dowlaha wasaaradda gaashandhigga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socday Amisom iyo Turkiga. Kooxda fanaaniinta Horseed ee Ciidanka Xogga Dalka ayaa goobta kusoo bandhigay suugaan ka hadleysay wadaniyadda. Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General; Bile Ibraahim Aadan oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda kuliyadda Jaalle Siyaad, wuxuuna sheegay in kulliyaddu ay qeyb weyn ay ka qaadatay dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa tilmaamay in ka bixitaanka Ciidanka Amisom ee kulliyaddan ay qeyb ka tahay waqtiga kala guurka ee Ciidamada Midowga Africa ee Amisom. Wasiiru Dowlaha Wasaarada gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya ay dedaal adag ay ku bixin doonto dhismaha kulliyadda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya, Mahdi Maxamed guuleed,ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Amisom muddadii ay Gacanta ku hayeen kulliyadda. Source: goobjoog.com
  19. Gaalkacyo (smn)- Howlgal ka bilaaban doona magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Waxaa loogu Magacdaray Caa,isho Maxay Galabsatay oo Loo Dilay. Ciidamo hubaysan oo katirsan kuwa loo yaqaan daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa maanta gaarey magalada Galkacyo iyagoo kasoo ruqaansaday xero ciidan oo ku taalla duleedka magalada Garowe. Taliyaha daraawiishta Puntland Cabdi Shukri iyo taliye Ku xigeenka booliska Puntland Col Cismaan Afdalow ayaa hogaaminaya ciidamadasi waxayna bilaabi doonan saacadaha soo socda howlgalo lagu soo qabanayo ragii ka danbeeyay dilkii foosha xumaa ee Caa,isho Ilyaas Aadan. Howlgaladan ayaa sidoo kale la sheegay in lagula diriri doono dhalinayarada falalka anshaxa kasoo horjeeda mararka qaar ka gaysta galkacyo. Dhanka kale urrurka bulshada rayidka ah ee maamulka Puntland oo loo yaqaano Punsa ayaa maanta ku eedeyay madaxda maamulkasi in laga gaabiyey baaritanada kiiskii gabadha islmarkana ay jiraan kiisas sidaan oo kale ah oo ka dhex dhacay Puntland hase,ahaatee aysan jirin cid wax iska weydiisa. Gudoomiyaha ururka Bulshada Puntland Feysal qaran ayaa sheegay marka ay wax dhcaan in looga hadlo kaliya baraha bulshada balse uusan jirin ficil dabayaal. Waqooyiga magalada Galkacyo horaantii Isbuucan waxaa kasoo Ifbaxday dhacdo si weyn looga argagaxay taasoo ahayd Gabar 12jir ah oo la iskugu Daray Kufsi iyo dil naxariis darro ah. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-28022018.mp3 View the full article
  21. Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ujooga Nabad ilaalinta ayaa maanta guud ahaanba isaga baxay kuliyada Jaale Siyaad oo ay mudo 10 sano ah ay ku sugnaayeen. [...] Source
  22. (SLT-Nairobi)-Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo kan Midowga Afrika u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Waxay kaloo sheegtay inay Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo Gobalka Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika u gudbiyeen khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin. “Waxaan warbixin kooban ka siinay xaalladda u dhexeysa Kenya iyo Somalia, si ay faragelin ugu soo sameeyeaan xiisadda ka dhex taagan labada Waddan” ayey tidhi Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma. Waxay kaloo sheegtay inay Kulanka ay Danjirayaasha u qabatay jimcihi la soo dhaafay ay ka mid yihiin Madaxa Ergadda Britain u joogta Kenya, Nik Hayley iyo Danjiraha Faransiiska u joogta Kenya, Aline Kuster Menager. Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma waxay shalay sheegtay inay Wasaaradeeda furtay Wada-xaajood si loo helo xal-saaxiibtinimo oo ku aadan muranka Xuduud-baddeedka ee dhawaan khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Waxayna carrabka ku dhufatay in murankaasi lagu xalin karo Wada-xaajood, waxayna rajo ka bixisay inay xal u heli doonaan murankaasi u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya Source