Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii maanta ku dhintay weerarkii xooganaa ee maanta lagu qaaday dhismaha xarumaha wasaaradaha shaqada iyo howlaha guud ee magaalada Muqdisho. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkan ugu duceeyay in Alle uu Jannadii geeyo, eheledii iyo asaxaabtii ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii wasaarradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi oo ku bilowday qaraxyo xoogan. Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Xarakada Al Shabaab. View the full article
  2. Rwanda (SMN) – Maxkamadda sare ee dalka Rwanda ayaa maanta xukuno xabsi ah ku riday 13 ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish. Sarkaal ka tirsan Rwanda ayaa sheegay in dadkaasi la horkeenay maxkamadda lagu kala xukumay xabsi u dhaxeeya toban illaa iyo shan sano. Ciidamada Booliska ee dalkaasi ayaa sheegay in ragga xukunka lagu riday ay gudaha dalkaasi ka wadeen in dhalinyaro badan ay ku biirayaan Al Shabaab iyo Daacish. Waxaana saddex ka mid ah tobankaasi ruux ay dhawaan ciidamada ammaanka ku soo qabteen howlgallo ballaaran oo ay ka fuliyeen gudaha dalkaasi. Ciidamada ayaa la sheegay in sidoo kale howlgalkaasi ay ku soo qabteen haween lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen qorshaha xagjireynta dhalinyarada. Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in ay ka hortageyso qorshaha la doonayo in qaar ka mid ah dhalinyarada dalkaasi lagu biiriyo Al Shabaab iyo Daacish. View the full article
  3. Khaliijka iyo Qorshaha daahsoon ee Soomaaliya; waa magaca buug uu qoray nin lagu magacaabo, Daljir Cabdullaahi Halgame oo xalay ku soo bandhigay, magaalada Garoowe eecaasimadda Puntland. Sida ka muuqata cinwaanka sare ee buuggan, dadka aan weli akhrisan waxay moodayaan, in uu ka hadlayo siyaasadda dalalka Khaliijka ee ku wajahan Soomaaliya, balse arrintu sidaas maaha. Dhammaan cutubyada kala duwan ee buuggan ka koobanyahay, waxaa si guud iyo si gaar ahba loogu aflagaaddeeyay, qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee loo arko in ay saamayn ku yeelan karaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee sannadka 2021-da. Siyaasiyiinta sida ba’an loogu weeraray, waxaa kamid ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo laba jeer ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wasiir iyo ra’iisul wasaareba soo noqday, islamarkaana ahaa madaxweynihii Puntland ka horreeyay Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraaga buuggan ayaa labadaas siyaasiba ku shaabbadeeyay, daba-dhilifyo qaran-dumis ah oo Imaaraadka Carabta wakiil uga ah Soomaaliya, halka uu Cumar Cabdirashiid ku gaar yeelay iibsiga qeyb kamid ah badda Soomaaliya, inkastoo uusan wax caddayn ah raacin. Sidoo kale, buugga waxaa lagu jaa’ifeeyay, siyaasadda madaxweynayaashii ka horreeyay Farmaajo ee Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud oo haatan kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumadda Farmaajo, islamarkaana hoggaamiya xisbiyo siyaasadeed oo u tabaabushaysanaya doorashada 2021-da. Waxaa intaas dheer, qormo ku xusan buugga oo iyadana si dadban loogu aflagaaddeynayo, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiya Xisbiga Wadajir kana mid ah mucaaradka xukuumadda Farmaajo, kaasoo laftiisa loo arko in uu qeyb ka noqon doono tartanka doorashada 2021-da. Dhinaca kale, buugga waxaa si qayaxan loogu caayey, madaxda dowladda goboleedyada dalka oo lagu tilmaamay “horjoogayaal beeleed” oo u kala tartamayaa in ay dalka gumaysi gacanta u geliyaan. Qoraaga oo la sheegay in uu kamid yahay taageerayaasha Villa Somalia, ayaa buuggiisan xalay u soo bandhigay qaar kamid ah ardayda wax ka barata magaalada Garoowe, waxaana la sheegayaa in uu u sii gudbi doono magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, si uu halkaasi u gaarsiiyo. Qormooyin kamid ah buugga PUNTLAND POST The post Buug lagu caayay madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Garoowe lagu soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay waddada isku xirta isgoysyadda Xoosh iyo Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa miino lala eegtay gaari Qooan ah oo la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaliya oo marayay halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhintay labo askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ka tirsan ciidamadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Boolis ah oo gurmad u fidinayay ciidamadaasi isla goobta lagula beegsaday qarax kale. Waxaa na halkaasi ku dhintay illaa 2 Qof oo uu mid ka mid ah ahaa shacab, halka ay ku dhawaaceen 3 kale oo ahaa askar ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya. Dhanaca kale weerar loo adeegsday qaraxyo miino ah ayaa ka kala dhacay waddada Warshadaha iyo Masaajidka Biimaalow ee degmadda Howlwadaag. Qaraxa ka dhacay Warshadaha ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ku sugnaa xero ku taalla agagaarka xaruntii hore ee Eveco , waxaana ku dhaawacmay illaa 2 Askari. Waxaa sidoo kale qaraxa ka dhacay agaaarka Masaajidka Biimaalow ku dhaawacmay illaa 3 ruux oo ku sugnaa Garaash lagu alxamo gawaarida. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxan oo miino ahaa la galiyay goob uu yaalo qashin fara badan. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga, basle Al Shabaab ayaa shegtay masuuliyadda qaraxyadaasi. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Beesha uu ka soo jeedo Agaasimihii maamulka iyo Lacagta ee wasaaradda warfaafinta Somaliland ee dhawaan xukuumadu xidhay ayaa si kulul uga Hadley xadhigiisa. Odayaasha iyo madax dhaqameedka beeshan ayaa waxaa ay hanjabaado kulul u direen xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyaga oo ugu baaqay inay idho cadaaladeed ku eegto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalada ee dowlada Soomaaliya oo ku taalo isgooyska Jubba ee Muqdisho. Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha xukuumada Soomaaliya ahaana xildhibaankatirssanaa Baarlamaanka Saqar Ibraahim Cabdala. Ciidamada amaanka ayaa toogtay 4 ruux oo weerarkaasi soo qaaday. Wali laamaha amniga ma faah faahin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi. Al-Shabaab ayaa maanta qaraxyo ku weeraray xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyaga oo sheegay in ay dileen masuuliyiin dowlada katirsan. Puntland Post The post Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Muqdisho iyo Wasiir ku xigeen lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxa uu ku taliyay inay muhiim tahay in la qaybsado dheefta dalka, “Salka Somaliland waa qabiilo, arrintaas qabiilku waa sal, hadday Somaliland burburtana ama yoolkay leedahay gaadhi weydo waxa ugu weyn ee ay ku burburi doontaa waa qabyaalad, wixii ina soo maray ee shalay ahaana waynu ognahay, dhibaatada ugu weyn ee imika Cabdiqaadir ka waramayayna waxay ka dhex dhacday beesha dhexe, haddana waa wax dhici kara, haddii bahasha la isku badh badhxo anigaa rababa in xuduudka Somaliland la difaaco, laakiin inay noqoto anagaa ka tashanay iyo anagaa ciidamo u dirayna, maxaynu gambadho uga tagnay ee aynu u tagnay tuko raq oo aynu ku dooranay magac keliya iyadoo Somaliland loo arko inay iyadu dhul boob wado oo go’doon lagaga dhigay Somaliland siyaasad ahaan iyo diblomaasi ahaanba, dad baa dhulka leh oo yoocada gaadhaya.” Isagoo ka hadlaya xisbiyada wuxuu yidhi “Waxa la yidhi saddex xisbi ayaa jira, saddexdii xisbina reer bay ka soo jeedaan majooratigiina iyaga ah baa la yidhi. Turubkii lagu ciyaarayayba haddii la qaybsaday waxay dadka kale ugu soo dhiiranayaan waa dhibaato.” Wuxuu Dr. Galaydh muujiyay sida uu uga warwarsanyahay in la fuliyo heshiiskii uu la galay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo waxaanu yidhi “Hadda waxaan halkan ku hayaa heshiiskii aanu la qoranay madaxweynihii hore ee weliba xisbiga KULMIYE ahaa, bal yaa qaabilsan heshiiskaas madaxweynuhu galay? yaa loo raacayaa fulintiisii. Taayadu waabay yartahay ee shuruucda iyo distoorka lagu tunto yaa ka masuul ah, waxa laga ilaalinayo ee ugu weynina waa fulinta, anigu hadda hebel joogana ka hadli maayo.” Source
  8. Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Xigeenkii wasaarada Shaqaalaha isla markaasna Xildhibaan ahaa ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa Dadkii ku dhintey Weerarkii Al-shabaab [...] Source
  9. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ay tababaro wax ku ool ah siiyeen Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya. Taliyaha AFRICOM ee Soomaaliya General Thomas Waldhauser oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa xusay in ciidamada Danab ay door weyn ku leeyihiin howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ugu tala galeen in ay qeyb weyn ka qaataan amniga dalka. Howlgalka AFRICOM ayaa sheegay in ay ballaarinayaan Ciidamada Danab oo ka qeyb qaata howlgallada qorsheysan ee uu Mareykanku ka fuliya Soomaaliya. Waxaana taliyuhu xusay in Ciidamada Kumaandooska ay gaarsiin doonaan 3,000 oo askari, kuwaas oo la geyn doono qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 500 oo askari, kuwaa oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliya qaar ka mid ah gobollada dalka. View the full article
  10. Somali militant group al-Shabab has launched yet another complex attack in the capital, Mogadishu, witnesses, and officials say. A car bomb blast rocked the Shangani district of Mogadishu early Saturday. Witnesses said the explosion targeted a building housing the ministries of Labor and of General Works, Reconstruction, and Housing. The Headquarters of Mogadishu regional police are also located in the area. A second explosion was reported minutes later in the same area. Witnesses said the explosion came from another car believed to have been used by armed gunmen. The gunmen stormed the building according to witnesses. Gunfire has been heard at the building housing the two ministries. Pictures taken by local media show some of the workers escaping through the back windows. The al-Shabab militant group claimed responsibility for the attack. Through its affiliate media, al-Shabab also claimed its fighters entered the buildings of Labor, and General Works, Reconstruction & Housing. The Somali government has not immediately commented on the attack. A Somali official who could not be named said security agencies had been expecting a major attack for a week now. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddu aanay rabin in Doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu tilmaamay inay doonayso wax kasta ay dib ugu dhigi kartana inay sameeyso. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumadda qastigeedu waa sidii aanay dalkan doorasho uga dhici lahayn, anaguna aanu u sii joogi lahayn Gole aanan dhaxal u helin, oo umadda u dhexeeya, maxaa yeelay waxaa taas caddayn u ah dhawr qodob oo kala ah Komishanka oo Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, oo ah Xisbi balaadhan, oo diiday inuu dhex ahaado, isla markaana ku baaqay in la kala diro, Xukuumaddu ma rabto in la kala diro, oo Komishan kale la soo doorto, qodobka labaad waa wakhtigii Doorashada loo asteeyey oo aan Doorasho lagu qabban karin, maxaa yeelay Komishankan hadda jooga ee la isku hayo wakhtigiisu wuxuu kaga eeg yahay laba todobaad ka hor, wakhtiga loo asteeyey qabsoomida Doorashada, markaas Komishan wakhtigii ka dhacay Doorasho ma qaban karo, waa qodobka saddexaad ee haddii xitta Komishan kale la doorto wakhtigaas kuma qaban karo Doorasho, sababtoo ah Komishanka cusubi wakhti uu wax ku qabsado ayuu u baahan yahay, waa qodobka afaraad ee mar haddi uu Golihii u batay Xisbigii taladda dalka hayey Xukuumadduna Kulmiye tahay ma rabto inay si yar oo fudud uu Golahani ku tago, Doorashana la qabto, dhammaan 82 Xildhibaan ee Golahayagu iskuma dhajinayno kuraasta, dhaxalna kumaanu helin, ee Xukuumadda ayaan rabin in aanu ka tagno, oo ay Doorasho dhacdo, waxaana ahayd in wax kasta oo qabsoomida Doorashada dib u dhigaya in mar horeba la sii qabto, laakiin daacad baan laga hayn.” Source
  12. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka mamaamulka Hir-shabeelle ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhintay labo ruux oo kale oooahaa dad shacab ah. Xildhibaanka qaraxa ku dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen wuxuuna ka tirsan yahay Baarlamaanka Hir-shabeelle. Qaraxa ayaa ku xirnaa gaariga xildhibaanka uu watay waxaana dhaawaca xildhibaanka lagu dabiibayaa mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho. Waa qaraxii 5-aad ee maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Puntland Post The post Xildhibaan ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa bangiyada dalka ku dhaliilay sida ay u adkeeyaan lacagaha ammaahda ah ee ay dhallinyaradu weydiistaan si ay ugu samaystaan maalgashi. Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay shacbiga inay xisaabaad ka furtaan bangiyada isla markaasna ay lacagtooda dhigtaan si dalku uu uga faa’idaysan karo, waxaanu Wasiir Sacad kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay Jaamacada Hargeysa oo uu kaga hadlaayay maalgashiga dalalka aan la aqoonsanayn. Wasiirka maaliyada ayaa ku canaantay jaamacadaha dalka in aanay u tabobarin dhalinyarada inay qabtaan shaqooyin gacanta laga qabanaayo ama inay curiyaan fikrado, taas badalkeedana dhalinyaradu ay wada doonayso inay xafiisyo fadhiistaan. Wasiirka maaliyada oo dhiirigalinta maalgashiga ka hadlaayaa iyo dabarka ay bangiyadu ku xidhaan lacagta la weydiisto ee amaahda ah, wuxuu yidhi “Sidee baa loo dhiirigalin karaa maalgashiga gudaha oo aan runtii u arko inuu aad iyo aad u muhiim yahay, siyaabo badan ayaa loo dhiirigalin karaa, ugu horaynta waxaynu u baahanahay in wax kasta oo aynu haysano aynu bangiyada dhigano oo xisaab ku lahaano, qof waliba waa inuu leeyhay akoon aan xisaabta dhigano, bangiga aan lacagta dhiganaana waa inuu u sahlo dadka doonaya inay dalka maalgashadaan inuu lacagta amaahiyo imika amaahdii ayaa adag, imika adiga oo dhalinyaro ah oo fikir fiican haya ayaad u tagaysaa mid ka mid ah baanankeena waxaad odhanaysaa fikirkan wanaagsan ayaan hayaa toban kun ayaan u baahanahay, waxaanan lacagtaada kuugu soo celinayaa sanad gudihii ee I amaahi, waxa laga yaabaa intaas oo shardi inuu kugu xidho, oo uu ku yidhaahdo guri keen oo dhul keen oo damiin keen oo uu shuruudo badan oo aanad kari karayn uu kugu xidho, laakiin haddii dadkuna bangiga wax dhigan lahaayeen bangiguna uu wax amaahin lahaa waxay dhiirigalin lahayd dhalinyarada fikirka haysa ee doonaya inay dalka maalgashadaan.” Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa kale oo aan ku dhiirigalin karnaa inaan samaysano sanduuq cid kastaaba ay wax gashan karto oo dalka lagu maalgaliyo ama beero ama macdan ama warshad waa meelaha dhiirigalin kara runtii. Ardayda jaamacadaha ku jirta ee ka soo baxaysaa haddii lagu dhiirigaliyo fikrado maalgashi laftigeedu maalgashiga kor ayay u qaadaysaa laakiin hadaan ku barbaarino inay dawlad uun u shaqeeyaan oo ay xafiis uun fadhiistaan taasi dhiirigalin mayso. Maalin dhexdaas ah waxaan ka qaybgalay qalinjabintii jaamacada badda waxaana ka qalinjabiyay maalintan arday baratay kaluumaysiga waxay sameeyeen codsi ay leeyihiin hanala geeyo xarunta Hargeysa kaluuna waa ay barteen, laakiin Hargeysi kaluun malaha, xafiis maxaad ka fadhiyi, waxaan lagu barbaarin marka ay jaamacada ka soo baxaan inay doon qaataan oo jilaab ama shabakad ay qaataan oo ay galaan badda oo ay kala soo baxaan markaas waxa aynu u baahanay in haayadaheena waxbarashada kuwa ugu hooseeya ama ugu sareeyaba inay wax curiyaan oo xataa waxa yar ee ay haystaan ay maalgashadaan, imika tijaarteena waaweyn nin waliba waxa uu ka bilaabay kaaryoonle, waa inyar laakiin, waxaan u baahanahay inaan ku barbaarino maskaxda dhalinyaradeena inay dadaalaan muruqooda maalaan oo wax kaydsadaan oo maalgashadaan.” Source
  14. U.S. Africa Command is aiding the buildup of a specialized commando brigade in Somalia that has emerged as a key force in the fight to reclaim territory held by al-Qaida-aligned insurgents. During a visit to Somalia this week by AFRICOM’s Gen. Thomas Waldhauser, talks with the country’s leadership centered on the progress of Somalia’s Danab (Lightning) Advanced Infantry Brigade, a military statement said. “We’ve learned the importance of factoring in cultural and region-specific considerations,” Waldhauser said in the statement. “We work closely with our Somali partners ensuring the composition of specific Danab companies is appropriate for the security sector where they’ll be employed.” When training of Danab commando units began several years ago, planners originally conceived a battalion-sized element. The effort has now expanded with a plan to build a 3,000-troop brigade spread out across six Somalia army sectors, according to AFRICOM. A Danab brigade headquarters operates about 70 miles north of Mogadishu at Camp Baledogle, where the U.S. military is expanding an airfield for operations. AFRICOM declined to detail the current troop level of the Danab forces or a timeline for when the brigade would be at full strength, citing force protection concerns. For AFRICOM, one of the challenges in Somalia — a clan-based society without a history of a functioning central government — is ensuring the security forces it trains are comprised of appropriate clan groups. “For example, it would be unwise to take a force from Jubaland and send them to Puntland to conduct operations as they may be seen as outsiders, which would not maximize effectiveness,” said Maj. Karl Wiest, an AFRICOM spokesman. Because AFRICOM’s Somali partners have prioritized “ensuring the right people are placed in the right sector, the Danab are largely perceived as effective and clan-neutral by the Somali people,” Wiest said. During the past two years, the commandos have fought to retake territory from al-Shabab, a militant group that for more than a decade has vied for control in Somalia. The Danab commandos, along with other parts of the Somali military and an international force known as the African Union Mission in Somalia, “continue to make incursions into territory previously held by al-Shabab,” AFRICOM said. The U.S. says the military effort is part of a broader approach focused on getting the Somali central government to more effectively deliver services, but the strategy faces complications since Somalia consistently ranks as one of the world’s most corrupt countries. Security analysts also have long cautioned that Somali society has a history of resisting outside attempts to impose Western-style order. Al-Shabab also has proven resilient. During the past three years, the U.S. has steadily intensified military operations in the country, with special operations troops serving as combat advisers. Somali forces have recently set up multiple combat outposts in the Lower Juba River Valley — a region that is frequently targeted by U.S. airstrikes — where they pushed Shabab fighters out of former strongholds. AFRICOM said about 1,000 previously displaced families have returned to their homes since 2017 as a result of the offensive. “We have seen incremental progress in Somalia,” Waldhauser said. “Our partners must continue to make progress in order to maintain positive momentum and maintain the hard-earned confidence of the Somali people.” The Pentagon says the U.S. now has about 500 troops in Somalia, where the pace of airstrikes has been escalating. Since 2017, AFRICOM has launched more than 100 airstrikes in Somalia, killing over 800 militants. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Axmed Ciise Cawad wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa si deg-deg ah ugu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Wasiir cawad ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo hal isbuuc gudaheed ay ku soo gasho magaalada Muqdisho. Qoraalkan laguma shaaacin u jeedada rasmiga ah ee loogu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Balse tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli safiiraddu ay ka aamustay go’aankii Trump ee ahaa in ay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights ee dalka Siiriya. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday dhismo ay wada dagan yihiin wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo tan howlaha guud oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Ciidamada dowladda ayaa goor dhow soo afjaray weerarkan, iyaga oo toogtay afar ka mid ahaa raggii soo qaaday. Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhintay weerarkani, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, ahaana xildhibaan ka tirsanaa BFS Saqar Ibraahim Cabdalla. Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud Axmed Maxamed Iimaan oo kana mid ahaa xubnaha la soo badbaadiyay ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen. Waxa uu sheegay agaasimuhu in dhammaan ay bad-qabaan shaqaalaha wasaaradaasi, marka laga reebo kuwo darbiyada ka booday oo dhaawacmay. Sidoo kale waxa uu xusay in ragga weerarka soo qaaday ay wateen dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkani, sida ay ku baabiyeen barahooda Internet-ka. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno ka tirsanaa kuwooda ay fuliyeen weerarkaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay. Xaaladd ayaaa haatan degan , waxaana goobta uu weerarku ka dhacay ku sugan ciidamada amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga agaasimaha wasaaradda howlaha guud. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/ok.mp3 View the full article
  17. On Friday, Turkey and Somalia signed a protocol on land exchange for diplomatic representation. Turkish Foreign Minister Mevlut Cavusoglu encountered with his Somali counterpart Ahmed Isse Awad, who visited Istanbul to join an emergency meeting of the Organization of the Islamic Cooperation on the battle against hate and intolerance towards Muslims in New Zealand. After the meeting, both parties contracted the protocol on land exchange for diplomatic representation. Turkey has been the main supporter of Somalia for years and has its largest embassy in Africa in Mogadishu. View the full article
  18. Five gunmen stormed into a government building in the Somali capital following a suicide car bombing at the gates on Saturday, a police officer said, in the latest attack by Islamic extremist fighters in the Horn of Africa nation. Somali security forces were fighting to neutralize the attackers and rescue public servants trapped inside the Mogadishu building, which houses the ministries of labor and works, police Capt. Mohamed Hussein said. There was no word yet on casualties. Dozens of people were believed to be inside the building at the time of the attack since Saturday is a working day in Somalia. Gunfire could be heard from inside the building as a cloud of smoke billowed from the scene, according to witnesses. Al-Shabab claimed responsibility for the ongoing attack, saying that its fighters were inside the building, which is located not far from the headquarters of the Somali intelligence agency. A similar attack targeting a busy area in Mogadishu at the end of February killed at least 24 people. That attack also began with a pair of car bombs exploding in a popular area of Mogadishu where Somalis were relaxing at restaurants. The al-Qaida-linked al-Shabab frequently carries out suicide bombings targeting public places and government offices. Hotels and restaurants are also attacked. Al-Shabab, Africa’s most active Islamic extremist group, has been fighting for years to take power and create an Islamic state in Somalia. The group continues to mount lethal attacks despite being pushed out of Mogadishu. It mostly operates from rural areas in the country’s south. African Union peacekeepers stationed in Mogadishu and elsewhere in the country have helped Somali forces to keep al-Shabab fighters at bay. The group has carried out many deadly attacks in neighboring Kenya in retaliation over Kenya’s deployment in 2011 of peacekeepers in Somalia. The U.S. military has carried out a number of deadly airstrikes in recent months against al-Shabab. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Muqdisho ayaa sheegayo in lasoo afjaray weerarkii laguy qaaday Gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya. Dableyd ka kooban 4 ilaa 5 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Wasaaradda, waxayna ku labisnaayeen Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la toogto. Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa isku dhegan, sidoo kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada. Dadka ilaa hadda sida rasmiga ah loo xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaas ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Wasaaradda, Wasiirka waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xilliga uu dhacayay weerarka Wasaaradaha shaqaalaha iyo howlaha guud. Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa tiradooda gaarayo ilaa 11 qof sida laga soo xigtay Baabuurta Gargaarka Deg deg ah ee Ambalaasta. Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka sida ay ku sheegeyn war saxaafadeed xoogaa ka hor kasoo baxay. “Ciidamada Al-Shabaab ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Wasaaradda Howlaha Guud, howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Komishanka doorashooyinka qaran ayaa waxa ay maanta kulan yahay la yeesheen golaha guurtida Somaliland oo dhawaan warqad yeedhmo ah u diray, waxaanay sheegeen in aan doorashooyinka ku qabsoomaynin wakhtigii loo asteeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in lasoo afjaray weerarkii ku bilowday qaraxyada ee Maanta lagu qaaday Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaardda Howlaha Guud. Weerarka lagu qaaday Wasaaradda oo ku bilowday laba qarax oo gaari laga soo buuxiyey ayaa waxaa kadib gudaha u galay dableyd ku hubeysan Qoryaha fudud iyo Bambooyinka Gacmaha laga tuuro. Dagaal culus iyo is rasaaseyn ka dhacday Wasaaradda dhexdeeda, ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarkaas oo qaatay ilaa 3 Saacadood. Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay weerarkaas soo afjareyn isla markaasna la toogtay dhammaan dableydii weerarka soo qaaday oo ahaa Afar ku labisan Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya. Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa hadda baaritaan ka wado Wasaaradda si loo xaqiijiyo amniga. Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay Saxaafadda usoo bandhigi doonaan meydka dableyda weerarka soo qaaday marka la xaqiijiyo Amniga Xarunta oo hadda laga wado baaritaan loo xog leh. Weli lama ogo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Wasaaradda, balse gaadiidka Gurmadka Deg deg ah ayaa sheegay inay halkaas ka qaadeyn dhaawaca dad gaarayo illaa 11 qof oo ahaa dad shacab ah. Dhismaha Wasaaradda iyo Guryaha u dhow dhow ayaa waxaa ka muuqdo burbur aad u xooggan oo dhashay qaraxyadii halkaas ka dhacay iyo rasaasta la isku dhaafsaday Gudaha Wasaaradda. Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. (SLT-Muqdisho)-War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Soomaaliya ayaa waxaa si deg deg ah loogu yeedhay Faaduma Clhi Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliye ee Magaalada Geneva. Sidoo kale Faadumo Cabdillaahi Maxamuud ayaa ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Donald Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights. Source
  23. Wasaarada arimaha diba Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Soomaaliya u fadhisa Soomaaliya magaalada Geneva ee Switzerland. Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya amb Axmed Ciise Cawas ayaa Faadumo cabdullaahi Maxamuud oo safiirka Soomaaliya magaalada Geneva ku amray in muddo ttodobaadgudihiisa ay dalka ugu soo laabato. Ma sheegin wasiirka sababta loogu yeeray safiirada hayeeshee warar ayaa sheegay in ay arintaan dabo socoto kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump ee lahaanshiyaha Israa’iil leedahay Buuraha Golan Height. Puntland Post The post Dowlada Soomaaliya oo u yeertay Safiirkeeda Geneva appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel, ayaa beeniyay in wasiirka arrimaha Dibadda dalkiisu Muqdisho tegay kadib socdaalkii uu ku yimi Hargeysa. Meskel oo la hadlay HornDiplomat ayaa sheegay in wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku sugan yahay dalkiisa oo uu shirar kaga qayb-galaayo. Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa qoray in wasiirka arrimaha Dibadda Eritrea Muqdisho ku joogo booqasho qarsoodi ah. Source
  25. By now the President should have in place a major reform package for the State’s suffocating and duplicating bureaucracy. By now the President must have shown his vision as to where he would take Puntland State. By now the President must have committed himself and his administration to a democratization process as the old clan POWER-SHARING arrangement had hit the dead-end and should be discontinued. By now the President should have inspired the people of Puntland for renewal of hope and revitalization of socio-economic life in this part of Somalia. By now the President should have cleared the confusion surrounding on how to move forward in terms of cooperation between Puntland and its international partners. By now the President should have studied the dubious P&O and DP WORLD Bosaso contract and clarified Puntland position on whether to revise the infamous contract or discard it all together. Puntlanders had never seen or shown publicly this suspicious Bosaso Port Deal with the UAE ambitious and aggressive firm, the P&O. The President needs to hire a team of highly experienced business and civil contract lawyers to look into this contract with P&O. And by the way, does President Deni have seen that contract? Nobody in Puntland, including the previous members of House of Representatives ( the Parliament), who corruptedly approved the deal, had reported seeing it.We see only slow piecemeal steps and occasional visits to various departments in Garowe, but no meaningful announcements or significant undertakings on the part of Deni Administration until to-date. If there is something you know, please share it with us. By tradition, Puntlanders are extremely patient to wait and give chance to any Puntland incoming administration, but they are anxious this time around to see bold steps and tangible results from President Deni. Too much time spent on a learning curve indicates the President is not yet ready to govern and would waste the first year of his administration as the 100 days measured in sizing up the President without achieving any major item of his election platform. Puntlanders’ eyes are on the President to deliver the goods and quickly.And one final thing: leadership doesn’t operate in the dark. It is about openess or transparency and public guideness. By Ismail Warsame Former chief of staff Puntland state of Somalia The post ROADMAP FOR PUNTLAND DENI PRESIDENCY appeared first on Puntland Post.