Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Kampala)-Iyadoo ay Xiisad Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Labada dal ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya kulankoodii ugu horreeyey bishan ku yeeshaan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Warbaahinta Maalinlaha ee PML Daily ee Uganda ayaa qortay in Labada Madaxweyne la filayo inay isku arkaan Munaasbadda Furitaanka Shirweynaha Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo bishan 12-da ilaa 13-da ka dhici doona caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo xaqjiiyey inuu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni. Sidoo kale, Liiska Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkasta oo aanay weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan. Shirweynaha loogu magac daray Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo la sheegay inay isku duween Xarunta Afrika ee Idtaraatijiyadda Hogagaminta Afrika oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Source
  2. (SLT-Preston)-Stephen Mellor wuxuu horay xabsi ugu galay dil uu bishii Febraayo ee sannadkii 1997-kii u geystay nin ay iska soo horjeedeen oo daroogada ka ganacsan jiray. Hadda oo uu xabsiga kasoo baxay wuxuu doonayaa in uu sameeyo xarun dhalinyarada looga wacyi galiyo khaladaadkii uu sameyn jiray isla markaana isaga ku hogaamiyay in uu dil geysto ka dibna xabsi galo. Isagoo qisadiisa ka sheekeynaya ayuu kasoo billaabay ilaa yaraantiisii iyo sida uu kusoo barbaaray. Waxaan ku dhashay kuna koray magaalada Preston, meel shan daqiiqo looga socdo bartamaha magaalada. Markii aan yaraa wuxuu hamigeyga ahaa in xirfaddeydu ay noqoto dab damis, laakiin nasiib darro waxaan qaaday waddo aad iyo aad uga fog taas. Hooyadey iyo aabahay dadaal dheer ayey u galeen iney wax kasta noo sameeyaan, balse awooddooda naguma filneyn waayo aad baan u tiro badneyn. Waxaan bartay in aan halgami karo dadkuna waa ay i xushmeeyn jireen aniguna waa la dagaalami jiray Sideen u sharixi karaa? 13 Jirkeyga ilaa 17 sano jirkeygii waxaan tagi jiray suuqa waxaana halkaas ku kulmi jirnay caruurta kale si aan u sameyno qorshe aan lacag ku abuuri karno. Ma jirin waddo ama jiho midna, waxey aheed wareer, maalinba malainta ka dambeeysa xaalku wuu sii adkaanayay. Ninkaan iyo kooxdiisa ayaa dadka magaalada waxaa ay ka codsan jireen in hadii magaalooyinkooda ay yimaadaan burcad kale ay la dagaalamaan. Stephen Mellor marka uu dadka la dagaalo waxaa uu dadka ka qaniini jiray dhagaha, sanka waxaana dagaalkaasi uu sababi jiray in xabsiga loo taxaabo. “Markaan yaraa Waxaan la dagaalami jiray rag badan waxaana dadku maqli jireen magaceyga, qof walbna wuu I tijaabin jiray”, ayuu yidhi. Mr Mellor hada wuxuu ka shalaynaya anolashii u soo maray wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu hagaajiyo nolasha dadka dhalinyarada ah, isagoo doonaya ineysan qaadin jidkii uu horay isaga u qaaday. Sidoo kale waxa uu rabaa in uu dadka, gaar ahaan dhalinyarada uga sheekeeyo nolashii mugdiga aheyd ee uu soo maray si aysan ugu qaldamin da’yarta maanta joogta. Source
  3. Kampala (SMN) – Madaxweynayaasha Kenya iyo somaliya uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa la filayaa in bishan march ay kulan ku yeeshaan magaalada kambala ee xarunta dalka Uganda Labada madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka qayb geli doonaan shir qaar ka mid hogaamiyayaasha qaarada afrika ay ku yeelanayaan dalka Uganda Kulanka oo looga hadlayo arimo ku saabsan horumarka qaarada ayaa waxaa ka qayb galaya madaxweynayaasha dalalka masar,south Africa,Rwanda,somaliya iyo Kenya Kenya iyo somaliya ayaa waxaa dhawaan dhex maray khilaaf la xiriira muranka lahaanshaha badda ee xadka ay wadaagaan labadda dal Waxaana khilaafka hareeyay labada dal u sababay in ay u kala yeertaan safiiradooda Kenya ayaa si weyn ugu carootay qorshe dowladda ay somaliya ee magaalada London ugu soo bandhigay qorshe ay ku iibineyso saliideeda View the full article
  4. Khartuum (SMN) – Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda. Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan wuxuushnimada ah, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  5. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xidhiidhay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta dalka Soomaaliya ee ku dhintay weerarkii ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda. Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xidhiidhka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed. Source
  6. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlay warbaahinta ayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka adag ee lagula jiro Xarakada Al Shabaab. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ka dalbaday shacabka in aysan dhexdhexaad ka noqon dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in DFS ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hotel Makka Al-Mukarrama ee M/Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Sofeysane.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-02032019.mp3 View the full article
  8. (SLT-Algeria)-Kumaan qof oo reer Algeria ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka ayagoo ka caraysan qorshaha madaxweynaha 81 jirka ah ee Abdelaziz Bouteflika uu ku doonayo in uu mar shanaad madaxtinimada dalkaas isu soo taago. Booliiska ayaa sunta dadka ka ilamysiisa u adeegsaday dad dibadbaxyo ka dhigayey magaalada caasimadda ah ee Algiers. Waxaa aad u yar in dibadbaxyo dawladda looga soo horjeedo ay ka dhacaan dalka Algeria hase ahatee dhowr mudaharaad ayaa dillaacay kadib markii la xaqiijiyey in Mr Bouteflika uu musharax yahay. Waxaa aad u yarayd in fagaareyaasha lagu arko tan iyo markii uu kusoo booday xanuunka qalalku sanadkii 2013-kii, wuxuuna haatan baadhitaano caafimaad ku marayaa dalka Switzerland. Dadweynaha oo Jamcihii socod ku dhex maray magaalada caasimadda ah ee Algiers, ayaa qaar dibadbaxayaasha kamid ah waxa ay siteen boorar ay ku qoran yihiin “iskatag macnaheedu waa iskatag”. “Labaatan sano kugu filan” ayay tiri haweeney ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, taas oo dibadbaxa ay ku weheliyeen saygeeda iyo caruurteeda. Qaar kamid ah dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuurayey meel u dhow aqalka madaxtooyada waxaana gadaal u celiyey booliiska oo ku furay sunta dadka ka ilmaysiisa. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labadaba dhinacba ay dhaawacyo jireen. Dibadbaxyo kale ayaa sidoo kale salaaddii jimcada kadib ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo kuyaal Algeria. Mr Bouteflika ayaa xukunka dalkaas qabsaday sanadkii 1999-kii wuxuuna sumcad ka helay in uu soo afjaray dagaal sokeeye oo galaaftay in kabadan 100,000 oo qof. Dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda iyo shaqo la’aanta ayaa qarxay sanadkii 2011 intii uu socday gu’gii Carabta hase ahaatee wuxuu kaga jawaabay in uu qaado xaaladdii dagdagga ahayd ee dalkaas saarnayd kudhawaad 20-ka sano, arrintaas oo ahayd dalabka koowaad ee dibadbaxayaasha. Kadib markii uu ku dhacay xanuunka stroke-ga loo yaqaan waxa uu ku guulaystay in markale dib loo doorto, mucaaradka ayaana doorashadaas qaaddacay waxa uuna kala diray hay’addii sirdoonka dalkaas, asagoo ku baddalay hay’ad asaga daacad u ah. Dadka dhaliila ayaa sheegaya in caafimaad darradiisu ay ka dhigan tahay in aanu gudan Karin waajibaadkiisa madaxweynenimo. Marka laga yimaado walaaca mucaaradka, Mr Bouteflika ayay u badan tahay in uu si ballaaran ugu guulaysto doorashada April. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo saameynta ugu badan ay kasoo gaarto dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha dadweynaha ku badan yihiin. Soomaalida la shaqeysa Hay’adaha Ajaaniibta ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo kuwa ku jira Ceymiska caafimaad ee Hay’addaha ayaa hela digniino amaan oo la siiyo ka hor inta aysan qaraxyada ka dhicin magaalada Muqdisho. Taasi waxay abuuri karta shaki badan oo la xiriira inay xog kala socdaan qaraxyada dadka rayidka ku waxyeeloobeen ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana isweydiin mudan in digniintaasi lala wadaago laamaha amaanka iyo inkale. Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ayaa u muuqda mid qorsheysan oo ujeedadiisu aheyd bartilmaameydsiga xarumaha ganacsi ee ku yaala wadadaasi gaar ahaan Hotelka Maka Al Mukarama oo siyaasiyiin badan degen yihiin. Inta badan qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa la aamisan yahay inay ka kooban yihiin kuwo ujeedooyin kala duwan laga leeyahay, Qaraxyada qaar ayaa kala ah mid siyaasadeysan, mid Argagixiso iyo mid ganacsi. Waxyaabaha laga bartay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ah in kooxda weerarka qaaday ay u socdaan mid kamid ah hoteelada burburay oo ay ku qaldameen guri dad shacab ah leeyahay. Sidoo kale waxaa laga bartay wada shaqeyn la’aanta ciidamada amaanka gaar ahaan Nabad sugiddii Booliska loo badalay iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ee Alpha Group. Ciidamada Alpha Group ayaa gabi ahaanba diiday inay howlgalka ka qeyb qaataan kadib markii saraakiisha amaanka ay isku dhaceen, taasi oo waqtiga usii dheereysay Al Shabaab inay ku sugnaadaan dhismaha dadka shacabka ah. Arinta kale ee laga bartay ayaa ah markii qaraxa uu dhacay kadib ay waxyeelo badan ka dhalatay baalayaasha korontada, iyadoo holac badan uu jiray, kaasi oo loo malaynayo in fuustooyin shidaal ah saarnaayeen gaariga qarxay. Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan waaxda dab damiska ayaa ka baran kara qaraxyada dhacaya casharo kale, maadaama aysan isla waqtigii goobta imaan gaadiidka dab damiska, waxaana wanaagsan inay meelaha halista ah ku diyaariyaan gaadiidka dab damiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Yaxye Sheikh Caamir oo kamid ah aqoonyahada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaraxyadii xooganaa ee habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho. Prof Yaxye, wuxuu sheegay in ugu horeyn uu tacsi u dirayo dhamaan ehelada dadkooda waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay. Wuxuu sheegay in walaashii oo caruurteeda adeeg usoo doonatay ay ku dhaawacantay qaraxii koowaad, isaga taasi ku micneeyay in qaraxyada aysan dadka kala sooceynin marka ay dhacaan. Mar la weydiiyay waxyaabaha keenay in Al Shabaab bartilmaameydsadaan goobaha hoteelada ayuu sheegay in ugu horeyn ay wanaagsan tahay inay iyaga ka jawaabaan, balse wuxuu sheegay in Al Shabaab iyo dowladda ay yihiin kuwo dagaal uu ka dhaxeeyo. Wuxuu sheegay in weerarkii ka dhacay Maka Al Mukarama Al Shabaab ay tahay guushooda, dhanka dowladda Soomaaliyana ay tahay fashilkooda, maadaama aysan iska difaacin weerarka Al Shabaab. “Waxii ka dhacay Maka Al Mukarama Al Shabaab waa u guul qolada kalana “Dowladda” waa u fashil, maxaa yeelay Al Shabaab waxii ay doonayeen ayay Sameeyeen dowladda waxaa laga doonayay ka hor tag iyo ka daba tag”ayuu yiri Yaxye Caamir. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax xoogan oo sababay dhimashada iyo dhaawac dad shacab ahaa iyo burbur hantiyadeed oo ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama. Caasimadad Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Waxaa todobaadkan lagu daabacay qaar kamid ah warbaahinta ka hadasha siyaasada Maraykanka qoraal loogu ololeenayo Maamulka Somaliland oo uu qoray mid kamid ah xagjirka sida weyn u taageera Israel kana soo qeyb qaatay dagaaladii Ciraaq iyo Afghanistan. Waa kuma Michael Rubin? Ninkan oo lagu magacaabo Michael Rubin ayaa horey uga soo shaqeeyey Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) isla markaana hada ka shaqeeya hay’ada [American Enterprise Institute (AEI)] oo si weyn uga shaqeysa siyaasada ka dhanka dalalka Islaamka iyo Muslimiinta, kooxdan ayaa si weyn ugu ololeeya farogelinta Maraykanka ku hayo bariga dhexe iyo waliba taageerida indho la’aanta ah ee Israel. Mr.Rubin oo kamid ahaa raggii u ololeenayey inqilaabkii dhicisoobay ee la doonayey in lagu rido Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa sidoo kale tafaftire ka ah joornaalka [Middle East Quarterly] oo lagu yaqaan muslim naceybka iyo siyaasada xagjirka ah ee Maraykanka ee ku aadan dalalka Islaamka gaar ahaan wadamada Bariga Dhexe, wuxuuna casharo looga hadlayo Bariga-dhexe kasoo jeedin jiray jaamacada labaad ee Israel [Hebrew University] oo ku taal magaalada Qudus. Neocon / “Israel lobby” Qoraagan Michael Rubin ayaa kamid ah kooxda dalka Maraykanka looga yaqaan Neocon iyo “Israel lobby” ee awooda ku dhexleh xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo si weyn ugu ololeeya Warshadaha hubka soo saara ee ka shaqeeya dagaalada joogtada ah ee uu Maraykanka ka wado caalamka. Rubin ayaa horey usoo noqday madaxa xafiiska Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka u qaabilsan dalalka Ciraaq iyo Iran sida tooska ah ulla shaqeenayey maamulkii Maraykanka u sameeyey Ciraaq markii xukunka laga tuuray Sadam Xussen, wuxuuna hada casharo la xariira dalalka Bariga-Dhexe iyo Islaamka siiyaa saraakiisha Maraykanka Somaliland Michael Rubin ayaa todobaadkan qoraal lagu daabacay warbaahinta The Hill uga hadlay warbixin uu ku weerarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya isagoona ugu baaqayey dowlada Maraykanka inay xooga saarto taageerida Maamulka Somaliland. Qoraalkan oo uu ciwaan uga dhigay [U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland] ayuu ku dooday in ay khaldan tahay siyaasada Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee xoojisay xiriirka iyo taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay “Dowlad aan jirin” oo weli aaminsan “Midnimada Wadanka Soomaaliya”. “Writing in The Hill, I argued that the United States should not channel all aid to Somalia through Mogadishu. To do so encourages corruption which can undermine Somalia’s tenuous recovery and replicates the worst of the UN’s approach to Saddam Hussein’s Iraq. And, yesterday here at AEIdeas, I argued that the United States should not commit itself to a unified Somalia and should consider instead recognizing the de facto separation between Somalia and Somaliland.” Dooda qoraalkiisa ayaa ah in Dowlada Soomaaliya ku fashilantay la dagaalanka Al Shabaab / Al Qacida, balse maamulka Somaliland uu “wax walba ku guuleystay” lana dagaalamay Al Shabaab, isagoo ku baaqay in Maraykanka uu joojiyo taageerada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in Maraykanka xafiisyo ka furto Hargeysa. Puntland Dhinaca kale qoraal labaad oo isla todobaadkan uu ku qoray shabakada hay’ada uu u shaqeeyo ee [American Enterprise Institute (AEI)] ayuu diirada ku saaray Xiisada ka dhex taagan Puntland iyo Somaliland, isagoo ku dooday in xurgufta Puntland iyo Somaliland aysan caqabad ku noqon Aqoonsiga Somaliland! “Should Puntland dispute freeze Somaliland autonomy?” (My latest for @AEIdeas and in response to points raise by @alihwarsame): https://t.co/idgAUXnAVb @AEIfdp #Somaliland #Puntland #Somalia — Michael Rubin (@mrubin1971) February 22, 2019 Michael Rubin oo u jawaabayey qoraal uu Twitter-ka qoray Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa su’aalo iska weydiiyey in xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay caqabad ku noqoto in la aqoonsado Somaliland. But, does diversity and even disputes about Somaliland’s eastern border with Puntland, one of Somalia’s federal states, undercut recognition of Somaliland as a distinct entity? Somaliland iyo Israel Somaliland ayaa horey sidan u maalgelisay siyaasiyiin ajnabi ah oo uga ololeeya dalalka reer Galbeedka mana aha markii u horeysay oo ay hogaamiyayaasha Somaliland raadinta aqoonsiga usii maraan kooxaha ama siyaasiyiinta taageera Israel ee awooda kuleh xisbiyada Maraykanka, hase yeshee siyaasada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayaa ah mid aan isbedalin. Waxaa la xasuustaa Warqadii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal uu sanadkii 1995 uu si toos ah ugu diray Raysalwasaarihii Israel ee xiligaasi Yitzhak Rabin. Warqadaasi oo uu Cigaal kaga codsaday Israel taageero iyo Aqoonsi, isagoo ku dooday in Somaliland iyo Israel ay yihiin dad walaalo ah! Maxamed Ibraahim CigaalCigaal ayaa warqadii uu Israel u diray 1995 uga hadlay cabsida uu ka qabo Islaamka kusii fidaya Bariga Afrika iyo gobalka, waxaana kamid ahaa erayadiisii: “Establishing Strategic Partnership with the State of Israel Today, however, although the West had won the cold war and the threat of communism appears to be vanishing in many parts of the world, we, in the Horn of Africa, are being threatened by a more sinister and pernicious enemy in the form of encroaching Islamic influence.” My government firmly believes that owing to this region’s strategic geopolitical importance as a result of its propinquity to the oil routes and the narrow Bab El-Mandeb entrance, as well as its proximity to the Gulf, the Middle East and the access to the Indian Ocean.” Somaliland’s concern is reinforced by the growing influence of the Saudis and the pro-Islamic Yemen, particularly ever since it had crushed and defeated the South Yemeni’s courageous attempt to forsake or renounce its union with the north. Discovering that Eritrea is not interested [in] to act asan Arab satellite, both Sana’ and Riyadh, as well as Khartoum (not to mention how pariah states like Iran and Libya are meddling into the internal affairs of my country), are now directing their efforts to force Somaliland to forfeit or withdraw its independence with the intention of installing a pro-Islamic Somali state (under a federal Somalia). This will most definitely render the control of both the north and southern coasts of the Red Sea to pro-Islamic regimes, with the exception of Eritrea and the miniature state of Djibouti which has no significance leaving the whole region to become a bed-rock for Islamic influence. In order to surmount such an onerous task my government needs the support and assistance of the State of Israel, not only to defend our nascent state from the menace of pro-Islamist dark forces, but also in terms of relief, rehabilitation and reconstruction of this devastated country. Your Obedient Servant Mohamed Ibrahim Egal President Republic of Somaliland Halkan ka akhriso Warqadii Cigaal oo dhameystiran. Walow Israel aysan kasoo jawaabin warqadii Cigaal, hadana siyaasiyiinta Somaliland ayaan weli ka daalin baaqyada ay u dirayaan Israel oo ay ku sheegeen “…Walaalaha Somaliland…”, tusaale qoraalkan hoose oo dhamaadkii sanadkii tagay lagu daabacay jariirada Israel ee The Jerusalem Post. Isla Qoraagan kasoo jeeda Somaliland ayaa markale ku xusay qoraalkiisa Warqadii Cigaal hada kahor u diray Israel ee ku muujinayey xiriirka ka dhaxeeysa Israel iyo Somaliland. Macada in ay Somaliland ku guuleysan doonto jaceylka ay u muujineyso Israel ay dhasho Aqoonsi Caalami ah oo uu Maamulka Somaliland helo, balse waxaa hubaal ah in dadaalka Maamulka Hargeysa uusan yareyn. Waxaana weligood arrintan ka hadlin Culumaa’udiinka Somaliland oo aan illaa iyo hada soo hadal qaadin siyaasada dibada ee Somaliland oo udub-dhexaad looga dhigay walaaleynta Israel iyo Hargeysa! W/Q: Maxamed Cismaan
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxaha gurmadka ayaa meydad horleh kasoo saaray burburka dhismayaasha ku yaala wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho oo qarax xoogan Al Shabaab ku weerareen. Waxaa wali goobta ka socota olole nadaafadeed iyo baadi goobka dad kale oo la tuhunsan yahay inay ku jiraan dhismayasha dhexdooda, maadaama burbur xoogan uu gaaray qaar kamid ah dhismayaasha wadada ku teedsan. Llabo ruux oo mid kamid ah uu yahay wiil dhalinyaro ah ayaa laga soo saaray burburka dhismaha Maqaayada Hillaac UK oo ku dhagan hotelka Maka Al Mukarama oo Al Shabaab ay weerareen. Waxaa goobta ka shaqeynaya gaadiidka loo yaqaan Cagafta waxaana la ogeyn sida xaalka noqon karo, maadaama sida la sheegay ay jiraan dad badan oo ehelkooda ay raadinayaan. Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen dhismayaasha Maka Al Mukarama ayaa sababay dhimashada inka badan 20 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 60 ruux, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho. Ciidamada amaanka ayay ku qaadatay ku dhawaad 17 saacadood inay soo afjaraan weerarka ka dhacay Muqdisho, waxaana Al Shabaab ay ka dhex dagaalamayeen guri ku yaala meel aan ka fogeyn hotelka Maka Al Mukarama. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in kulamo uu la yeeshay siyaasiyiin badan lagu muujiyey walaac laga qabo doorashada 2020 iyo qorshe ay dowladda rabto inay waqtiga ku korarsato. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan jirin cid aqbalaysa hal maalin oo mudo kordhin ah, islamarkaana muddadii sharciga ahayd ee hogaanka dawlada ay ka harsan tahay in ka yar labo sano. Qoraal arrintaas ku saabsan oo uu Cabdiraxmaan soo dhigay bartiisa facebook hoos ka aqri. Labadii todobaad ee ina dhaafay kulamo aan la yeeshay siyaasiyiin isugu jira madaxweynayaal dawlad Goboleedyo xilka haya iyo kuwo hore, hoggaamiyayaal Xisbi, xildhibaano labada aqal ka tirsan iyo xubno beesha caalamka ka mid ah, waxay dhamaantood si isku mid ah walaac uga qabaan qabsoomida doorashada 2020. Sababtuna waa in aysan muuqan saansaan dalka doorasho looga qabanayo. Waxaan kaloo warkeeda helaynaa in ay jiraan isku day Villa Somalia ku doonayso mudo kodhin. Ma aha in waqti la isaga lumiyo hawl aan miro dhal lahayn oo horayna u dhicin, hataana suuragal noqon doonin. Ma jirto cid aqbalaysa hal maalin oo mudo kordhin ah. Muddadii sharciga ahayd ee hogaanka dawlada waxaa ka harsan in ka yar labo sano ah, weli waxay haysataan fursad sharciyada hoggaan loo ogol yahay. Waxaan uga digaynaa isku dayga muddo kororsiga ah in uu meesha ka saarayo sharciyada iyo aqoonsiga hoggaan. Waxaa taa bedelkeeda kula talinaynaa in ay ku mashquulaan ka miro dhalinta 1- In Heshiis laga gaaro hannaanka doorashada 2020 ka. 2- In la Qabyo tiro Dastuurka ku meel gaar ka ah 3- In dib loo bilaabo wadahadalkii Somalia iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa muwaadinnimada ka xayuubisay Xamza Bin Laden, oo uu dhalay hoggaamiyihii Al-Qacida ee dhintay Sheekh Osma Bin Laden, waxaa sidaas lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha. Bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha, oo lagu daabacay wargeyska dowladda ee Um al-Qura, ayaa lagu sheegay in go’aanka dhalashada looga qaaday Xamza lagu gaaray amar boqortooyo oo soo baxay bishii November ee 2018. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa khamiistii waxay sheegtay inay hal milyan oo dollar oo abaal-marin ah ku bixineyso ciddii keenta akhbaar hoggaamin karta halka uu joogo Xamza. Xamza oo la rumyesan yahay inuu yahay 30 jir ayaa ka hor weeraradii September 11 waxa uu aabihiis la joogay Afghanistan kadibna Pakistan, markii ay ka carareen Afghanistan. Xamza oo sanaddii 2015 cod muuqaal ah lasoo duubay hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, ayaa cod dhallinyaro oo cusub siiyey kooxda, oo hogaamiyayaasheeda ay gaboobeen, si uu u dhiiri-geliyo mintidiinta. Waxa uu ku baaqay weeraro ka dhaca caasimadaha dalalka reer galbeedka iyo in looga aragudo dilkii aabihiis ee Mareykanka. Waxa uu sidoo kale ku hanjabay inuu beegsan doono Mareykanka jooga dibedda, isaga oo qabiilada Sacuudiga ku booriyey inay la midoobaan kooxa Al-Qacida ee Yemen, lana dagaalamaan Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  15. Xog:Xukunka dalka Soomaaliya waxaa isku haya Shabaab iyo Qurbejoog “Haddii la hadlana waa-af-sallax-kudheg, haddii kalana ariga jaqiiqda laga deyn maayo.” Oraah Soomaaliyeed. In kasta oo u-orodka kursiga Soomaaliya uu marxalado kala duwan soo maray oo hadba qolo isku soo qabsanaysay, waayadan waxa uu dhexyaallaa Qurbejoog iyo Alshabaab. Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, raʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto. MA DOONAYAAN IN AY U DHINTAAN DALKA AY XUKUMAYAAN? Sayid Maxammed, nin aan xaaskiisa iyo carruurtiisa xera Daraawiisha keenin, kuma aamin qabi jirin, waxna uma dirsan jirin. Itoobiya, nin aan carruurtiisa iyo xaaskiisa dalka joogin ma aaminto dhulxaaqna uma dhiibato. Waa saase, nin aan carruurba ka joogin, yuu u dhimanayaa? Maya, ha sheegin. In ay magac iyo lacag ka uruursadaan mooyee, wax kale ma leh. Weligaa maqli maysid nin ama naag qurbejoog ah oo dagaallamaya ayaa dhintay! Ma rabaan in ay ka dhintaan qabawga, dalxiiska iyo lacagta ay kala rogayaan. Taas beddelkeed, waxa ay degaan guryo dhagxaan lagu wareejiyey, hoteello shub ku meegaarsan yihiin, waxa ayna ilaalo ka dhigtaan dhallinyaro gaajaysan. Waxa uu joogaba waa inta uu shaqadaasi ku jiro, kolka ay u dhammaato horay buu ka laabanayaa. Si kale, waa dal aysan shaqo ku lahayn oo ay u soo shaqo tageen. ALSHABAAB Waa mitid xukundoon ah, waxa ayna u halgamayaan in ay waddanka u taliyaan. Nimankani, xukunkooda daacad bay u yihiin. Waa u dagaallamayaan, waa u dhimanayaan, naftoodana waa u hurayaan. Dibed ma aadaan, carruurahooda iyo reerahooda waddanka ayey ugu nool yihiin. MADAXWEYNAHA IYO AMIIRKA OO QORRAXJOOG U TAGAY Koox qorraxjoog ah ayaa mar u tagay Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in qorraxjoogta uu wax ka siiyo shaqada muushka ah, dhaqaalaha miiran iyo jagooyinka tuban. War laga waa. Haddana waxa ay u tageen Ubuu Cubayda. Isaga duurka buu ku jiraa oo shaqo iyo dhaqaale la weydiisto ma hayee, waxa ay ka codsadeen in uu qaraxyada lagu go`ayo ka daayo. Isna ju` lagama maqal. MAXAA TALO U AH REER QORROXJOOG? Waddanka waxaa ku hardamaya dawlado qaarkood ku hadla af Ingiriis, qaarkoodna ku warrama af Carabi. Wixii Ingiriiska ku hadlayey qurbejoog baa khadkooda soo xiratay, wixii af Carabi ku warramayeyna Shabaab baa khadkooda soo xiratay, sidaas awgeed, qorraxjoog oo awalba labadaasi af ku dhib qabtay, haddana adduun ay la xirato uma furna, taas darteed, waxaa u soo jeedinayaa, si ay u badbaadaan in ay heshiisiiyaan labadaasi qolo. Haddii aysan taasi dhacayn, maa la isaga dhexbaxo, oo kuwii awood roonaada, addoomo loo noqdo. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com Qaran News
  16. Waxayaabaha uu qaraxii ugu dambeeyay ee Muqdisho kaga duwanyahay kuwii hore Ciidamada dowladda ayaa fuliyay howlgal ay kula tacaalayeen weerarka Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay gaystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba. Qaraxyada Muqdisho ka dhaca waxa ay badankoodu dhici jireen waqtiyo kala duwan oo maalin ah sida subax hore duhurradii iyo galbihii. Balse qaraxii ugu dambeeyay ee xalay dhacay waxa uu kaga duwanyahay qaraxyadii kale dhowr waxyaabood. 1- Qaraxaan waxa uu dhacay xilli habeen ah oo inta badan aan muqdisho looga baran in ay qaraxyo ka dhacaan Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan. Inta badan Muqdisho loogama baranin iney qaraxyo ka dhacaan xilli habeen ah Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camirantahay, sidaas darteed ayaanay dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga. Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taas oo dareenkooda feegjignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan. Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta. 2- Mid ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday oo la qabtay isaga oo nool. Sida la wada ogyahay markii weerar uu dhaco, dadka weerarka soo qaada badnaa ma suurta gasho in nolasha lagu qabto waxaana taa badelkeeda la maqlaa in ay iyagu is qarxiyaan oo sidaaas ku dhintaan iyo in waqtiga weerarku socdo lagu dilo iska hor imaadka dhex mara ciidamada iyo kooxaha weerarka soo qaada. Haddaba weerarkii xalay dhacay, waxaa la sheegayaa in la hayo mid ka mid ah raggi soo qaaday. 3- Warbaahinta Dolwadda Soomaaliya oo looga bartay tabinta waraka weerarada ayaan markan muhiimad siinin. Inkastoo Dowladdu aysan ka hadlin sababta aan xoogga loo saarin tabinta wararka ku gedaaman weerarka, haddana waxaa muuqanaysa in warbaahinta dowladdu ay xoogga saareen sheekeeyinka caadiga ah ee maalinlaha ah, iyada oo uu wali socdo weerarkii xalay lagu soo qaaday agagaarka hoteelka Maka Al-Mukarama . Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaan sidii looga bartay usoo tabinin weerarkii xalay Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid loo baahanyahay, waxaana ay sheegayaan in tabinta wararka weerarka Al- shabaab ay dhiirri galin u tahay iyaga, hase ahaatee tallaabadan ay hadda dowladdu qaadday ay muujinayso in aan la buunbuunin dhibaatada iyo qaraxyada magaalada. Horey marka ay weeraro noocan oo kale ah u dhacaan warbaahinta Dowladda waxa ay aad xoogga u saari jirtay tabinta wararka iyo guulaha ciidamada dowladdu ka gaaraan iska caabinta kooxaha weerarka soo qaada. 4- Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaas oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen. Wararka aan ka helayno magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaadday ay galeen xaafadaha ku teedsan wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama isla markaana ay gudaha guryaha ku qabsadeen dad shacab ah, waana arrin aan horey looga baran Al-shabaab. Kooxihii weerarka fulinayay ayaa galay xaafado ay shacab ku nool yihiin Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud. Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin Qaran News
  17. “Haddii la hadlana waa-af-sallax-kudheg, haddii kalana ariga jaqiiqda laga deyn maayo.” Oraah Soomaaliyeed. In kasta oo u-orodka kursiga Soomaaliya uu marxalado kala duwan soo maray oo hadba qolo isku soo qabsanaysay, waayadan waxa uu dhexyaallaa Qurbejoog iyo Alshabaab. Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, raʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto. MA DOONAYAAN IN AY U DHINTAAN DALKA AY XUKUMAYAAN? Sayid Maxammed, nin aan xaaskiisa iyo carruurtiisa xera Daraawiisha keenin, kuma aamin qabi jirin, waxna uma dirsan jirin. Itoobiya, nin aan carruurtiisa iyo xaaskiisa dalka joogin ma aaminto dhulxaaqna uma dhiibato. Waa saase, nin aan carruurba ka joogin, yuu u dhimanayaa? Maya, ha sheegin. In ay magac iyo lacag ka uruursadaan mooyee, wax kale ma leh. Weligaa maqli maysid nin ama naag qurbejoog ah oo dagaallamaya ayaa dhintay! Ma rabaan in ay ka dhintaan qabawga, dalxiiska iyo lacagta ay kala rogayaan. Taas beddelkeed, waxa ay degaan guryo dhagxaan lagu wareejiyey, hoteello shub ku meegaarsan yihiin, waxa ayna ilaalo ka dhigtaan dhallinyaro gaajaysan. Waxa uu joogaba waa inta uu shaqadaasi ku jiro, kolka ay u dhammaato horay buu ka laabanayaa. Si kale, waa dal aysan shaqo ku lahayn oo ay u soo shaqo tageen. ALSHABAAB Waa mitid xukundoon ah, waxa ayna u halgamayaan in ay waddanka u taliyaan. Nimankani, xukunkooda daacad bay u yihiin. Waa u dagaallamayaan, waa u dhimanayaan, naftoodana waa u hurayaan. Dibed ma aadaan, carruurahooda iyo reerahooda waddanka ayey ugu nool yihiin. MADAXWEYNAHA IYO AMIIRKA OO QORRAXJOOG U TAGAY Koox qorraxjoog ah ayaa mar u tagay Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in qorraxjoogta uu wax ka siiyo shaqada muushka ah, dhaqaalaha miiran iyo jagooyinka tuban. War laga waa. Haddana waxa ay u tageen Ubuu Cubayda. Isaga duurka buu ku jiraa oo shaqo iyo dhaqaale la weydiisto ma hayee, waxa ay ka codsadeen in uu qaraxyada lagu go`ayo ka daayo. Isna ju` lagama maqal. MAXAA TALO U AH REER QORROXJOOG? Waddanka waxaa ku hardamaya dawlado qaarkood ku hadla af Ingiriis, qaarkoodna ku warrama af Carabi. Wixii Ingiriiska ku hadlayey qurbejoog baa khadkooda soo xiratay, wixii af Carabi ku warramayeyna Shabaab baa khadkooda soo xiratay, sidaas awgeed, qorraxjoog oo awalba labadaasi af ku dhib qabtay, haddana adduun ay la xirato uma furna, taas darteed, waxaa u soo jeedinayaa, si ay u badbaadaan in ay heshiisiiyaan labadaasi qolo. Haddii aysan taasi dhacayn, maa la isaga dhexbaxo, oo kuwii awood roonaada, addoomo loo noqdo. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Wasiir keenii hore ee wasaarada maaliyada Mudane Abdilaziz Mohamed Samaale oo kamid ah xisbul xaakimka Somaliland ee kulmiye oon hada dhagaystay khud-badiisii uu ka jeediyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye isagoo la dardaar mayay Madaxwayne Muuse biixi cabdi wuxuu mar iyo kabadan ku celceliyay CADAWGEENA iyo CADAWGEENA XISBIGA iyo XUKUUMADA . Mudane Wasiir Bulshada Somaliland cadaw isuma aha, Mucaaradka, Xukuumada iyo sadexda Xisbi Qaran cadaw isuma aha, kaliya loolan siyaasadeed ayaa ka dhexeeya, arintaa aad ku hadashay hadaad si qaldan u tidhi raali galin gole joog ah ka bixi, ileen waxaad tahay musuul umad dhan hagayee, hadaad aamin santahayna ood raali galin ka bixin waydana ogow inay tahay dhibic madaw oo siifiiga kuu gashay. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Qaran News
  19. Kenya oo Abuurtay Xiisad aan Hore u Jirin Ka dib shirkii ka dhacay Londan 7-dii Febraayo ee 2019-ka ee lagu soo bandhigay macluumaad (seismic data) ku saabsan shidaalka ku jira badda Soomaaliya, waxaa dawladda Kenya eriday safiirkii Soomaaliya, keediina way la soo laabatay. Kenya waxaya ku doodday in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin ku yaal dhul badeed ku yaal Kenya laakin xad la leh Soomaaliya. Shirkadda Spectrum ee soo qaban qaabisay shirka isla markaasna soo diyaarisay macluumaadka (Seismic data) shidaalka badda Soomaaliya, iyo dawladda Soomaaliya labaduba way beeniyeen hadalka ka soo yeeray dawaladda Kenya, waxayna caddeeyeen in wax la xaraashay aysan jirin, dhul-badeedka Kenya muranka galisayna uusan ku jirin macluumaadka xirmooyinka shirka London lagu soo bandhigay. Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Kenay qaadday waxay abuurtay xiisad colaadeed iyo isku dhac siyaasadeed waayo Kenya waxay damacday inay xoog iyo cadaadis kula wareegto dhul-badeed Soomaaliya leedahay taasina waxay sababtay in mucaarad iyo muxaafid Soomaaliyeed oo dhan meel ay joogaanba aya midoobaan oo hal meel uga soo wada jeestaan dhul ballaarsiga Kenya. Waxaa laga yaabaa in madaxda Kenya iska dhaa-dhiciyeen in maadaama siyaasiyiin badan oo u jan-jeera dhinaca shisheeyaha iyo madax hore oo gacan saar dhowna la leh Kenya ay deggan yihiin ama ganacsiyo ku leeyihiin waddankeeda ay kuwaas u adeegsan karto inay dawladda Soomaaliya ka dhaa-dhiciyaan danaha Kenya. Waxaa kale oo Kenya is tustay in maadaama awoodda iyo maamulka dawladda Soomaaliya uusan gaarsiisnayn dalka oo dhan,in aysan Kenya kala kulmi doonin Soomaaliya awood ciidan ama mid siyaasadeed oo ka hor istaagi kara inay xoog ama cadaadis siyaasadeed ku muquuniso dawladda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya si ay ula wareegto dhul-badeedka Soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya. Kenya Waxay Ku Hanjabtay Inay Somaliland Aqoonsanayso Hanjabaadda Kenya ee ah inay Somaliland aqoonsanayso waa taak-tiik kale oo ay doonayso inay ku cadaadiso dawladda Soomaaliya si ay ugu khasabto in si hoos-hoosay ah loo xalliyo khilaafka badda isla markaana dacwadda Soomaaliya gaysay maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah la soo celiyo. Cadaadiska iyo madax adayga noocaan ah wuxuu muujinayaa in Kenya aysan hasysan tiir sharci oo adag, kalsoonina ku qabin dacwadeeda. Haddii ay xaq ku taagan tahay oo dhul iyadu leedahay Soomaaliya sharci darro ku haysato, waxay ku kalsoonaan lahayd oo sugi lahayd go’aanka maxkamadda. Hanjabaadda noocan ah waa mid Kenya ay sharafta isaga qaadday waayo ma aha wax sharci ku taagan. Sharciga Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika labuba wuxay sugayaan midnimada iyo wada jirka dhulka iyo dadka Soomaaliya. Gaar ahaan sharciga AU-da ee 1964-tii lagu kala saxiixday Qaahira oo uu ka dambeeyay boqorkii Itoobiya, Xayle Salase, isagoo raba inuu ku xalaalaysto dhulka Soomaalida ee hadda ka tirsan Itoobiya, isna wuxuu qeexayaa in xuduudaha Afrika loo daayo sidii gumaystuhu uga tagay. Marka haddii ay Kenya isku daydo inay tumato sharcigaas waxay isku furaysaa god quraanyo (Pandora Box) waayo waxay taasi siinaysaa Soomaaliya fursad ay si nabad, diblumaasiyad, iyo dood shariyeed ah ugu doonto inay kula soo noqoto dhulka Soomaalida ee dhaca waqooyi bari Kenya (NFD). Sharciyan Kenya ma Aqoonsan Kartaa Somaliland? Waxaase is waydiin leh Kenya si sharci ah ma u aqoonsan kartaa Somaliland? Waxaa kaloo is waydiin leh maxaa ilaa iyo 1991-kii markii dawladdii Soomaaliya bur-burtay loo waayay cid aqoonsata Somaliland? Jawaabtu waxa weeye, waxaa jira sharciyo caalami ah oo qeexaya waddan waxa uu yahay, sida uu samaysmi karo, iyo sharciga u yaal ootahay in loo maro haddii waddan rabo inuu kala go’o. Sidaa awgeed hanjabaadda Kenya ee ah inay aqoonsanayso sharci kuma taagna. Haddii taasi dhacdana Soomaaliya waxaa u furan inay iyana dhulka Soomaaliyeed (NFD) ee Ingiriisku siiyay Kenya, ay iyana u aqoonsato waddan gaar ah. Tan kale, Kenya ma fahmi wayday haddii waddan aqoonsanayo Somaliland, Itoobiya iyo Ingiriika ayaa mar hore aqoonsan lahaa. Aqoonsi iyo Aqoonsi La’aan Somalilnad Mar Walba Waa Soomaali Laakiin kaba soo qaad in Kenya aqoonsato Somaliland oo safiirna u dirsato. Taasi ma waxay la macna tahay, reer Somaliland waxay ka baxayaan Soomaalinimada oo hal mar bay jinsiyad iyo isir kale noqonayaan. Maya. Taasi ma dhacayso oo reer Somaliland mar walba waa Soomaali, xataa haddii ay noqdaan dawlad gaar ah oo cid walba aqoonsato waayo Soomaalinimadu waa u dhalasho, kumana xirna magaca maamul ama deegaan. Inay Soomaalinimadu u dhalasho tahay waxaa u daliil ah Soomaalida Jabuuti, kuwa waqooyi bari Kenya, kuwa Itoobiya, iyo kuwa Soomaaliya kulligood waxay aamminsan yihiin in asalkoodu yahay Soomaali. Xiriirkooda guur, ganacsi, deegaan, iyo is dhex-galna meeshii ugu fiicnayd taariikhda Soomaaliya buu maanta marayaa. Haddii taas aan ka soo tagno, bal dib u fiiri magacyada maamul goboleedyada hadda ka jira Soomaaliya. Kan keliya ee Soomaalino sheegtay waa Somaliland. Somaliland macnaheedu waxa weeye dhulkii Soomaalida. Dadka reer Somaliland-na badankoodu waa dad nadiif ah oo Soomaalida la jecel wanaag, nabad, iyo horumar. Wax kasta oo dhib ah Soomaaliya soo gaarana iyagana wuxuu ku yeelanayaa saamayn. Sidaa awgeed haddii Soomalida dhib soo wajaho, reer Somaliland had iyo jeer hiil iyo hoo bay la garab taagan yihiin oo xataa iyagu oggolaan mayaan in Kenya xoog ku qaadato dhul Soomaaliyeed. Gabo-gabo Ugu dambayn, Kenya waxaa dega in ka badan 42 qawmiyadood (major indigenous groups) oo kala duwan, kuwaas oo leh luqado, dhaqamo, diimo, iyo muuqaallo kala duwan. Marka haddii madaxda Kenya ku fakarayaan Soomaali oo hal isir ah, isku luqad ah, isku dhaqan ah, isku diin ah, isu wada eg, baad kala jabin kartaan, miyaysan garan karin cawaaqib xumada iyo bur-burka ka dhalan kara haddii ay dhacdo in qawmiyadahooda khilaaf ama colaad soo kala dhex gasho. War iyo dhammaanti, Kenya col horti bay siyaasad ahaan u jabtay, waxaana xaqiiqa ah in damaca, sheegashada, iyo dhul ballarsiga Kenya ay waddoo uu durba mideeyay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya meel ay jooganba. waxaana laga yaabaa in taasi sababto in Kenya Lumiso dhulkii uu hore Ingiriisku ugu wareejiyay oo ilaa iyo hadda ka tirsan Kenya. Wax Badso Wax Beel Bay Leedahay Qore: Gooni Alla-Magan
  20. Muqdisho waxa ka jirra duruufo waaweyn oo amni darro oo culayskooda leh, Muqdisho waa magaallo nasiib darran, oo ayaankeed/filkeed in badan ka hadhay ! Magaalo ahaanteed uma xuma, oo shaki la’aan waa BOQORADII CARIGA ; laakiin muuqaaladda qaraxyadda ka jira ayaa sawir fool xun ku ladhay !! Saraakiisha loo rar xidhay laylinta Ciidanka Xoogga Dalka, ilaalinta Amniga Caasimadda iyo Sirdoonka Qaranku, qorshe midho dhal ah iyo siyaasadda amni oo duruufaha xaailooni darro ee weerarada argagixisadda lagaga dabaasho weli hab iyo xeelad guul dhal ah ma aysan sal-dhigin. Duruufaha nabadgalyo xumo ee caasimada hanaan iyo xeelad lagu karantiilo weli lama hayo. Markasta kooxda xagjirka ah, fal kasta oo ay soo abaabulaan sida ay rabaan ayay u fuliyaan, fulintaas na waxa ku dhinta dad rayid ah oo birimageydo ah. Haligayaasha Xamar ka hawlgala waxa ay adeegsanayaan xirfado aad u tayo sarreeya oo ka muuqdaan farshaxanimo heer Sare ah. Qaraxyadda Xamar ee sida roobka uga da’aya waa Ciqaab Wadareed Laga Dan Leeyahay !!! Samayntii iyo isbedeladii ciidamada xasilinta caasimada ayaa waxa muuqata in dedaalkii amni iyo hawlgaladii la fuliyay aanay horjoogsan weeraradii waaweynaa ee Al-shabaab. Waxaa wax laga niyad jabo ah in sirdoonka dowladdu aanu weli awood u yeelan inay sii oggaadaan qorshaha Al-shabaab, kana hortagaan haddii xitaa ay sii og yihiin aannu jirin falcelin degdeg ah. Haddii shalay madaxdda la dilayay, maanta waa rayidka ! Mar wal oo aan xasuusto Muqdisho, sawirka ugu horeeya ee maankeyga ku soo dhaca, waa qarax iyo Saamaynta nafeed iyo hantiyeed oo uu geystay. Xamar marwalba waxa ay la foolataa qarax halaag badan sababa ! Qaraxyadda aan xasuusto waxa ka mid ah Weerarkii is-goyska SOOBE, ee ay kooxda Al Shabaab fulisay ! qaraxaasi waxa uu noqday qarax aad u saamayn badan, oo quluubta ummadda Soomaaliyeed aad u gilgilay, taas oo ilaa hadda murugadeedu lala sii noolyahay. Falka is-qarxinta Al Shabaab ka fuliso gudaha caasimada waa fashilla siyaasadda Ha’aayadaha Amniga Qaranka iyo Caassimadda ee Laamaha Amaanka, Nabadsugida iyo Sirdoonka. Muqdisho waxa ay noqotay halbowlaha qaraxyadda ay fuliyaan Ururka Al Shabaab, waxa ayna sanadahan noqdeen kuwo aan xad iyo wakhti laheyn. Shaki kuma jiro in Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre ee maanta talada haysaa iyaga iyo sirdoonkeedu in ay ku fashilmeen ka hortaga qaraxyadda xoogga badan iyo dilalka joogtada ah ee bulshadda lagu ugaadhsanayo. Mushkiladaha iyo carqadaha hortaagan amniga magaalada Muqdisho ayaa koobnayn, waxaa weheliya qorshe iyo farsamo xumo haysta Ha’aayadaha Amaanka iyo Sirdoonka Qaranka, Awoodda ka hortaga falalka argagixisadda ee ciidamada oo aad u tamar liidata ayaa iyadna ah mid culayskeeda leh. Muqdisho oo wehel u ahayd sanadihii la soo dhaafay qaraxyadda iyo dilalka qorshaysan. si ugu yaraan loo yareeyo qaraxyadda, dilalka, Dhimashada, Dhaawaca, Burburka iyo Qaska kooxaha ka soo horjeedda dib u dhiska dowladnimada Somaliya, waxa lagama maarmaan ah in la cadeeyo ilaha kaalmeeya qaraxyadda, la tayeeyo wardoonka qaranka, la qalabeeyo ciidanka amaanka, la quweeyo, lana kordhiyo baadhitaanada kaantarooladda Gudaha iyo Daafaha Magaalada, Lana abuuro is-aaminid ka dhex dhalata Laamaha Nabad Sugida Booliska iyo Shacabka Caassimadda. illaahay Ha Quweeyo Awoodda iyo Kartida Ciidamadda Somaliya. illaahay ha u naxariisto intii dhimatay, qoysaskooda samir iyo iimaan ha ka Siiyo. Inta dhaawacantay na caafimaad degdeg ah ha siiyo, cadowga Somaliya Alle ha Jabiyo…Aamiin Aamiin Aamiin. W/Q: Bashiir Maxamed bashiirmaxamed653@gmail.com
  21. Stockholm (Caasimada Online) – Per Brinkemo, waa ninka qoray buug ugu magac daray Mellan Klan och Stat (Qaran iyo qabiil dhexdooda) oo ku falan qeeynayo sida Soomaalida u tahay dad qabiilka aaminsan wax kastana kaga horeeysiiya nolosha. Xiiso iguma heeyso inana faalleeyo buuggisaan, balse waxaa jirta inuu been badan soo dhoo dhoobay toos oo gebi ahaanba soomaalida ku sheegayo ineey yihiin dad aan aqoon laheyn waxna akhrin oo aan qorin. Hadaba ninka noocaas ah ayaa buuggagtiisa jaamacadaha dalkaa Sweden u ah ilo ay ka soo xigtaan raad-raaca marka ay doonayaan in ay wax ka qoraan soomaalida. Muhiimadda hadalkeeyga shaqsiyaadka noocas ah ee mooda ineey aqoon badan u leeyihiin Soomaalida ayaa oran lahaa il gaar ah ha lugu eego hana lagala doodo qurunka ay bulsheedeenna ka sheegayaan ugu yaraan sharciga loo tiigsan karo haddiiba loo baahdo. Dhulkii Soomaaliyeed ayuu tagay oo uu dharkoodiina xirtay markaas uu si aan xishood lahayn uga been sheegay. Waa halkiii laga yiri: “Ciirtaa dhama ayaa ceeyda yaqaana.” Waxaa Diyaarisay: Ikraan Cali Kaar
  22. THE ARGUMENTS FOR RECOGNITION The Legal Nature of Recognition: Old International Law settled questions of title by the tool of recognition. Theories such as “ and “ declaratory” and ” constitutive” were used to debate about the nature and function of recognition. However, in contemporary international law, recognition alone is not dispositive in determining the legal status of states. Other norms of a humanizing character have entered the process of making states. To the extent however, that recognition enables a people to internationalize their claims, it is useful. A head count of all authorities shows that the declaratory view prevails, that recognition only confirms the fact of existence of a state. It is not practical politics to refuse to recognize a state if it possesses attributes of statehood. The attributes of statehood as laid down in the Montevideo convention are a government, territory, defined population and a capacity to enter into international relations. It is evident that Somaliland possesses all attributes of statehood. It is distinct people occupy their traditional territory and the government has effective control over the population. Under these circumstances, the recognition of Somaliland is an international imperative. Conformity With International Law As indicated above, Somaliland has renounced territorial claims on other countries that the earlier Somalia had subsumed under its banner of “ Great Somalia”. It has accepted the colonial borders. As is well known, Somalia irredentism was a major source of in stability on the Horn of Africa and its removal paves the way for peace stability and prosperity in the region. Furthermore, the acceptance of colonial borders is in accordance with the African Unity “OU” policy. Fears of balkanization as a result of the recognition of Somaliland are unfounded since no new border is being created as in fact, for the first time colonial borders troubled borders are those of Somaliland. Lastly, the International Community is under Articles 55 and 56 on the UN charter. Only international attention can assist the fledgling state to stand on its own feet. Article one of the International Bill of Rights refers to the right to self-determination, as does the UN Charter in Article 1, 55 and 56. The principal questions here are however, whether the right to self-determination is applicable in Somaliland and if it is, whether it will entitle Somaliland to claim independence. There are sound reasons why the right to self-determination should be conceded to Somaliland. First , One of the reasons behind Somaliland’s assertion of Independence is the incompatibility between Northern and Southern Regions. The incompatibility arises from distinct colonial experiences, which contribute, to a unique identity. Where the reason for self-determination claims lay in historical experiences that are grounded in colonialism, there is no reason to deny the right to the people who wish to exercise it. Second, when the assertion of self-determination does not result in changes in international boundaries and does not pose a threat to inter-state peace, it ought not to be denied to achieve the short-term goal of doctrinal uniformity. Somaliland has expressly stated that it accepts the boundaries of the British Protectorate in 1960. Third, when the assertion of self-determination is more conducive to inter-state peace, its validity is strengthened manifold. It is to be noted that Somaliland has the potential of Solving Longstanding regional disputes with Ethiopia, Kenya and Djibouti, due to its acceptance of colonial borders and close ties with Ethiopia. Finally, legal right of self-determination arises upon the abuse of the political principle of self-determination. In this connection two related issues have to remembered. First , X. North “ Somaliland” had overwhelmingly reject the unified constitution in a referendum. Second, The UN, practice of conducting plebiscites prior to desalinization, as in the case of British Togo land . Under these circumstances, right to self-determination appears to be applicable to Somaliland. The exercise of such a right should also enable it to claim its independence. The Birth of Somaliland is an inevitable result of a distinct colonial experience. It is also the result of extreme economic exploitation and human suffering . The irredentist policies of Somalia also contributed to the alienation of the Somaliland population, which never acceded to the Union in the first place. While the past can not be undone, the international community has a rare opportunity to bring peace and prosperity to the Horn of Africa. By a single act of recognition, it can end the sad sage of human suffering, enhance the prospects for peace in the region by putting and end to the Great Somalia concept, and enable the people of Somaliland to reclaim their Future. ANIIS A, ESSA. Director SOMALILAND ADVOCACY GROUP WASHINGTONG DC. USA Qaran News
  23. (SLT-Hargaysa) Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) Hoos ka DAAWO Khudbadii Jimcaha ee maanta iyo qodobada Uu kaga hadlay .. Source
  24. (SLT-Muqdisho ) Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay gaystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba. Qaraxyada Muqdisho ka dhaca waxa ay badankoodu dhici jireen waqtiyo kala duwan oo maalin ah sida subax hore duhurradii iyo galbihii. Balse qaraxii ugu dambeeyay ee xalay dhacay waxa uu kaga duwanyahay qaraxyadii kale dhowr waxyaabood. 1- Qaraxaan waxa uu dhacay xilli habeen ah oo inta badan aan muqdisho looga baran in ay qaraxyo ka dhacaan Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan. Inta badan Muqdisho loogama baranin iney qaraxyo ka dhacaan xilli habeen ah Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camirantahay, sidaas darteed ayaanay dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga. Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taas oo dareenkooda feegjignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan. Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta. 2- Mid ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday oo la qabtay isaga oo nool. Sida la wada ogyahay markii weerar uu dhaco, dadka weerarka soo qaada badnaa ma suurta gasho in nolasha lagu qabto waxaana taa badelkeeda la maqlaa in ay iyagu is qarxiyaan oo sidaaas ku dhintaan iyo in waqtiga weerarku socdo lagu dilo iska hor imaadka dhex mara ciidamada iyo kooxaha weerarka soo qaada. Haddaba weerarkii xalay dhacay, waxaa la sheegayaa in la hayo mid ka mid ah raggi soo qaaday. 3- Warbaahinta Dolwadda Soomaaliya oo looga bartay tabinta waraka weerarada ayaan markan muhiimad siinin. Inkastoo Dowladdu aysan ka hadlin sababta aan xoogga loo saarin tabinta wararka ku gedaaman weerarka, haddana waxaa muuqanaysa in warbaahinta dowladdu ay xoogga saareen sheekeeyinka caadiga ah ee maalinlaha ah, iyada oo uu wali socdo weerarkii xalay lagu soo qaaday agagaarka hoteelka Maka Al-Mukarama . Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaan sidii looga bartay usoo tabinin weerarkii xalay Image captionWarbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaan sidii looga bartay usoo tabinin weerarkii xalay Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid loo baahanyahay, waxaana ay sheegayaan in tabinta wararka weerarka Al- shabaab ay dhiirri galin u tahay iyaga, hase ahaatee tallaabadan ay hadda dowladdu qaadday ay muujinayso in aan la buunbuunin dhibaatada iyo qaraxyada magaalada. Horey marka ay weeraro noocan oo kale ah u dhacaan warbaahinta Dowladda waxa ay aad xoogga u saari jirtay tabinta wararka iyo guulaha ciidamada dowladdu ka gaaraan iska caabinta kooxaha weerarka soo qaada. 4- Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaas oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen. Wararka aan ka helayno magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaadday ay galeen xaafadaha ku teedsan wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama isla markaana ay gudaha guryaha ku qabsadeen dad shacab ah, waana arrin aan horey looga baran Al-shabaab. Kooxihii weerarka fulinayay ayaa galay xaafado ay shacab ku nool yihiin Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud. Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin. Xigasho bbc Source
  25. ((SLT-Oslo) Waxa saacadihii ugu danbeyse qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalka Norway hadal ee jeedisay wasiirada maaliyada ee dalkaas oo si toos loogu weeraraaye haweenka soomaaliyeed waxaana ka jawaabay arintaas masuuliyiin kala duwan. Wasiirada maaliyada dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegtay in kororka tirada soo galootiga Norway ay sabab u tahay korarka tirada caruurta kunool noloshada saboolnimada ah. Siv Jensen ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee keenta saboolnimada ay tahay caruur badan oo ku korayo guryo waalid aan iskaafin karin(shaqeysan karin). Ayna u badanyihiin caruurta ay dhaleen waalidka soo galootiga ah. Jensen ayaa sii raacisay in 85% korarka tirada caruurta ah ee saboolnimada kunool ay yihiin ay yihiin caruur soo galootiga ah. Waa sida ay hadalka u dhigtaye. Siv Jensen ayaa tusaale ahaan usoo qaadatay dumarka soomaalida ah oo ay sheegtay inay ka shaqeeyaan 10%. Iyada oo soo xiganeyso tirokoob ay sameysay SSB ayay sheegtay in taas ay tusaale u tahay sida loogu guul dareystay isdhaxgalinta soo galootiga ee bulshada inteeda kale. Mucaaradka: Sawir qaldan ayay bixineysaa. Xisbiyada mucaaradka ayaa wasiirasda maaliyada ku eedeeyay in sawir aan sax aheyn ka bixineyso kobaca tirada caruurta ku koreyso saboolnimada. Isaga oo raaciyay in sabab ugu weyn ee ka danbeysa kororka tirada caruurta kunool saboolnimada ay tahay, inuu sii kordhay farqiga u dhaxeeyo qeybaha bulshada. Isaga oo raaciyay in taas ay tahay mid toos uga dhalatay siyaasada xisbiyada midigta ee wadanka xukumayay shantii sano ee ugu danbeysay. SSB: Siv Jensen warka ay sheegtay sax ma ahan. Rolf Aaberge oo ah cilmibaare katirsan wakaalada SSB ayaa sheegay in qaabka ay Siv Jensen u adeegsatay tirada lasoo bandhigay aysan aheyn mid sax ah. Isaga oo sheegay inuu kordhay farqiga u dhaxeeyo dadka hantida heysta iyo kuwa saboolka ah ee guud ahaan Norway. Jawaabta oo bixiyay Jonas Gahr oo ah gudoomiyaha xisbiga AP Wasiirada maaliyada dalkan Norway ayaa shaley sheegtay in kobaca tirada soo galootiga ay tahay sababta ka danbeysa kobaca tirada caruurta kunool saboolnimada. Iyada oo tusaale usoo qaadatay in 10% dumarka soomaalida ah oo qura ay ka shaqeeyaan shaqo toos ah. Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ap, Jonas Gahr Større ayaa sheegay in wasiirada maaliyadu ay si public ah u ceebeyneyso qowmiyadu gaar ah, wuxuuna raaciyay in wasiiradu ay iska indho tireyso dhibaatooyinka la xiriira kala sareynta qeybaha bulshada. Jonas Gahr ayaa sheegay in tusaale usoo qaadashada haweenka soomaalida ah iyo Siiriyiinku aysan aheyn mid haboon. Gudoomiyaha Ap ayaa sheegay: Dumarka soomaalida ah ee Norway kunool waa muwaadiniin naga mid ah anaga oo dhan. Waxaan ula dhaqmi lahaa anigu qaab xurmad leh. Dhibaatooyinkoodana waa inaan xil iska saarnaa, oo aan si public ah ceebeyn. Gudoomiyaha Ap ayaa sii raaciyay in kobaha kala sareynta bulshadu ay tahay mida keeneyso korarka tirada caruurta saboolnimada kunool. Sidaas darteedna ay tahay in dadka lacagta leh ay bixiyaan canshuur ah dheeri, laakiin dowlada ay Siv Jensen hogaamiso ay u sameysay canshuur dhaaf. Source