-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Puntland ayaa todobaadkii tegay dalkooda dib ugu celisay in ka badan 2000 kun oo qaxooti Ethiopian u badan qowmiyadda Oromada sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. Mas’uuliyiinta ayaa sheegayaa in Qaxootigan badankooda laga qabtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland xilli ay doonayeen in ay uga sii tahriiban dalalka carabta gaar ahaanna waddanka Sacuudi Carabiya. Dowladda Puntland ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ku amartay in dadkaasi dib loogu celiyo dalkoodii si looga badbaadiyo khatarta ay naftooda ku halligayan ee tahriibta maadaama ay tiro badan ku raacaan doomo iyo laashash yar yar taasoo keenta shilal khasaare geysta. Hawlgalka lagu dib loogu celinayo soogalootiga Ethiopian-ka oo bilowday todobaadkii hore ayaa weli ka socda gudaha Boosaaso iyo tuulooyinka hoostaga ee ku teedsan xeebta badda Cas. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo dib u celisay in ka badan 2000 oo Qaxooti Ethiopian ah appeared first on Puntland Post.
-
The State of Qatar strongly condemned the explosion of a car bomb in the center of Somalia’s capital Mogadishu, which led to a number of deaths and injuries. The Ministry of Foreign Affairs renewed, in a statement, Qatar’s firm stance on rejecting violence and terrorism regardless of the motives and causes. The statement expressed the condolences of the State of Qatar to the families of the victims, the government and people of Somalia, wishing the injured a speedy recovery. View the full article
-
Camaan (SMN) – Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan. Garonka Diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi Urdun waxaa ku soo dhaweyey guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasiJordan. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaa soo socon doon ilaa labo maalmood,kaasi oo looga hadli doona arrimo ay kamid yihiin qadiyadda magaalada Barakeysan ee Qudus ee reer Falstiin. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inta uu joogo wadankasi Urdun waxaa uu kulamo la qaadan doona madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi. View the full article
-
Turkey on Friday strongly condemned a terror attack in the Somali capital Mogadishu which killed at least 18 people and wounded 40 others. “We are saddened by the terrorist attack perpetrated in Mogadishu, which resulted in the loss of many lives and left others wounded,” said a Turkish Foreign Ministry statement. “We strongly condemn this terror attack and wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded, and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” the statement added. Al-Qaeda-affiliated al-Shabaab claimed responsibility for the suicide car bomb attack on a hotel in Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha dhanka amaanka ayaa sheegaya in xaalada amaan ee dalka Soomaaliya ay kasii dareyso, taasina ay ugu wacan tahay madaxda dowlada oo aanan xil weyn iska saarin amaanka. C/Salaan Guuleed taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad sugidda oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in xaalada amni daro ee Muqdisho ay noqotay mid soo laalaabata, islamarkaana ay ku badatay wadada Maka Al Mukarama. C/Salaan, ayaa sheegay in madaxda ugu sareyso dowladnimada Soomaaliya aysan xil badan iska saarin xaaladaha dhanka amaanka ee dalka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in askarta aysan awood u laheyn inay ka hor tagaan weerarada qaraxyada ah ee loo adeegsado gaadiidka, maadaama aysan heysan tababar badan oo dhanka amaanka ah. “Askari muddo ka badan 10 saac meel taagnaa oo aan aqoon wuxuu gaariga ka baarayo wey adag tahay inuu amni xaqiijiyo, askarta ma heystaan qalab ay isku difaacaan sida qalabka xabada karin, ma heystaan tababar ku filan, sidee askarigaa wax ku difaacayaa”. “Aniga masuul ayaan kasoo noqday hay’adaha amniga, waana dareemi karaa meesha dhibaatada ka jirto, dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka waa madaxda sare, maxaa yeelay madaxdu ahmiyadda koowaad ma saaraan amniga, waxaa muhiim ah in wadanka uu helo dowlad dadka difaacda, hadeysan jirana waa in la yiraahdaa cid idin difaacdaa ma jirto” ayuu yiri C/salaan Guuleed. AL Shabaab ayaa qaraxyo badan ka geystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kuwait City (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray Magaalada Kuwait City, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Dhaqaalaha Carabta, kaasi oo ka dhici doona magaaladaasi. Wasiirka ayaa ku amaanay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen. “Waxaan gaaray Magaalada Kuwait City oo aan dhawaan uga qeyb galidoono shirka dhaqaalaha Carabta. Waxaan u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo si heer sare ah iisoo dhaweeyay”ayuu yiri wasiirka. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay Hay”adda lacagta Aduunka ee IMF lagu bogaadiyey koboca dhaqaale ee Soomaaliya. View the full article
-
Wakiilka Somaliland u jooga dalka Cimaraadka, Xasan Yasiin Hirad, oo aad moodid in uu xafiiska uu hayaa ka awood badnaaday baa yidhi ” Jidka Berbera ilaa Wajaale ee loo yaqaano “Berbera Corridor” ma noqonoyo mid cusub ee waa ka jira oo la balaadhiyey, oo dib habeyn lagu sameeyay”. Wakiil, si kastaba ha noqotee, sow horumar uun ma aha? Hadaba, soo baro sida diblomaasigu hadalka u sheego. Labadii Madaxweyne, Wasiirkii Gaadiidka iyo Asxaabtii ka socotay Cimaraadka ayaad beenaalayaal ku tilmaantay. Tamartaadu ma waxay noqotay mar aad keentid niman wax ugaadhsanaya, iyo mar aad madaxdii dalka hadalkoodii jar ka tuurtid? Horta yaa wakiil kaa dhigay? Maxaad soo baratay, oo xaggee hore baad diblomaasi uga soo shaqeysay? Ma aqoon iyo xirfadbaad ku joogtaa a meesha, mise ehelnimmo? Saxiib, dalka wixii horumar u ah laguma istaago, ee kor baa loo qaadaa. Jidka haddii la balaadhiyo, oo dib u habeyn lagu sameeyo, sow Jid cusub ma aha? Ma kii horebaa mise waa mid cusub? Toddoba biiriij oo cusub baa la dhisayaa, waax cusub oo ilaa Hargeysa gaadhasa baa lagu darayaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga seddexda dhinac buu kordhinayaa. Shaqooyin cusub buu abuurayaa. Intaas oo dhan maxaa kuu diiday inaad tidhaahdid? Waar meesha soo dhaaf, Somaliland cid hawsha qabanaysa ma waayin. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahaa. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee QM ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray ehelladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi. Sidoo kale Mr Guterres ayaa ku amaanay ciidanka amniga Soomaaliya, sidii ay uga jawaabeen falkaasi. Waxaana uu intaasi raaciyay in weeraradan oo kale aysan saameyn doonin horumarada ka socda Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ugu baaqay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah isaga kaashadaan sugida ammaanka magaalada Muqdisho. View the full article
-
Korneel Shariif Roobow oo ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay qaadaneyso wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Korneel Shariif in dowladda federaalka looga baahan yahay iney la timaado siyaasad amni oo ka duwan midda hadda ay wax ku hagto. Sidoo kale, Roobow ayaa ugu baaqay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow in uu xilkaasi iska casilo, islamarkaana warqaddiisa ruqsada u geeyo ra’iisul wasaare Kheyre. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SHARIIF-ROOBOW.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United States military says it has killed 26 fighters with the al-Shabab extremist group with an airstrike in central Somalia, after a pair of strikes earlier this week killed 55. The U.S. Africa Command says the attack occurred Thursday in the Hiran region, where the others took place. The airstrike was announced shortly after Somali authorities said a deadly overnight siege by al-Shabab had ended in the capital, Mogadishu, with all attackers killed. The U.S. has dramatically increased airstrikes against the al-Qaida-linked al-Shabab, Africa’s deadliest extremist group since President Donald Trump took office. The U.S. has carried out 24 strikes this year. Authorities and experts acknowledge that it will take more than airstrikes to defeat the extremist group, which holds large parts of rural central and southern Somalia. View the full article
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has called upon the Somali public to closely cooperate with security agencies to avert terror attacks. In a televised speech, hours after Al-Shabaab attack on Maka Almukarama hotel, the prime minister sent condolences to the families of the victims. He pledged that the government will airlift those critically wounded abroad for further treatment. The prime minister reiterated his government commitment to continue rebuilding, training, and equipping the armed forces to boost security in the horn of the African country. He said more military bases would be built to accommodate the troops while ensuring the improvement of the welfare of those serving in the country’s security agencies. At least 30 people were killed and scores others were wounded when a car bomb explosion rocked the busy Maka Al Mukarama street. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiirkar Nuur ayaa faah faahin ka bixisay tirada dadkii ku dhaawacmay weerarkii xooganaa ee habeen ka hor Al Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Fowsiyo oo booqatay isbitaallada Muqdisho ayaa sheegtay in ay dhaawacyadu ay kor u dhaafayaan 80 Qof, islamarkaana ay ku jiraan kuwa halis ah. Sidoo kale waxa ay ballan qaaday in dowladdu ay garab istaagi doonto dadkaasi, islamarkaana ay u fidin doonto daryeel caafimaad. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Cabdiqani.mp3 View the full article
-
Qaar kamid ah ardayda wax ka barta mac’hadka caafimaadka Xaaji Cabdi ee magaalada Garoowe ayaa saaka codkooda ku biiriyay isu’ soo baxyada cadaaladda loogu dalbayo Caa’isha Ilyaas oo si waxashnima kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Ardayda oo socod ku maray laamiga dheer iyo barxadda caasimadda Garoowe ayaa sitay boorar ay ku xardhan yihiin ereyo lagu dalbanayo in cadaaladda la marsiiyo cid kasta ay ku caddaato jariimadii foosha xumayd ee lagula kacay Caa’isha Ilyaas. Hay’adaha Garsoorka dowladda Puntland ayay ugu baaqeen in aysan sharciga hortiisa ugu naxariisan kuwii nolosha dhaafiyay Caa’isha si loogu taamilo (cibro) qaato islamarkaana uusan falkaan oo kale u soo noq-noqon. PUNTLAND POST The post Bahda waxbarashada oo weli dalbanaya in ay cadaalad hesho caa’isha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamid ah qoyska Reer Shideeye oo lahaa guriga Al Shabaab ay galeen markii ay weerareen Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi. Abuukar Shideeye oo kamid ah qoyska ayaa sheegay in isaga uu dhaawac kasoo gaaray weerarka gaar ahaan rasaas kaga dhacday qeybaha dambe ee jirkiisa, wuxuuna sheegay in hadda xaaladiisa ay wanaagsan tahay. Sidoo kale Abuukar ayaa sheegay in qoyskooda shan kamid ah ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen islamarkaana mid kamid ah uu qabo dhaawac daran, balse afarta kale ay dhawacyo aan cusleyn ay qabaan. Abuukar Shideeye, wuxuu sheegay in qaraxa koowaad markii uu dhacay uu isku dayay inuu qeybta kore ee gurigooda uu fuulo si uu xaalada u qiimeeyo, basle ay mar kaliya ay usoo galeen ciidamada hubeysan ee ka tirsanaa Al Shabaab. Wuxuu tilmaamay in markii Al Shabaab ay gudaha guriga galeen inuu hal qol ku xiray dhamaan caruurta, balse labo kamid ah ay dhaawacyo gaareen. Dhismaha guriga ay deganaayeen ayaa gabi ahaanba burbur kadib markii ciidamadii ka dagaalamayay la sheegay inay qaraxyo ku xir xireen kadibna uu qarxay markii ugu dambeysay. Hoos ka dhageyso codka Abuukar Shideeye. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Shideeye.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Baardheere (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay inay qabsadeen deegaanka Fax faxdhuun ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay baneeyeen ciidamada dowladda Kenya oo ku sugnaa todobadii sano ee lasoo dhaafay. Ciidamadii Kenya ee isaga baxay deegaanka Faxfaxdhuun ayaa la sheegay inay aadeen dhanka iyo deegaanka Girilleey oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Al Shabaab ayaa sheegay in saacado kadib markii ay baneeyeen ciidamada Kenya ay qabsadeen deegaanka, islamarkaana ay baaritaan ku bilaabeen saldhiga ciidamada Kenya ay isaga baxeen, sida lagu sheegay qoraal Al Shabaab ay ku baahiyeen warbaahintooda. Deegaanka Faafax dhuun wuxuu kamid yahay deegaanada istiraatiijiga ah wuxuuna qiyaastii 80 Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere, waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan magaalooyinka gobolka Gedo. Ciidamada Kenya ayaa qabsaday deegaankaasi bishii Janaayo ee sanadkii 2012, waxaana xiligaasi ay kusoo faafeen deegaanada dhaca dhanka xuduuda, iyaga oo ka jawaabayay weerarada kaga imaanayay Al Shabaab. Markii dambe ciidamada Kenya ayaa qeyb ka noqday howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland, taasi oo ku aadan sababaha ciidamada Kenya ay kaga baxeen saldhigoodii deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Sweden iyo hay’adda The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD), ayaa wada dedaalo la isugu soo dhawaynayo wada hadal u furma madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Xoggo diblomaasiyadeed oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ay labaduba mabda’a ahaan aqbaleen in dib loo furo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda taagan, waxase aan weli la isla qaadan halka ay ka dhacayaan iyo wakhtiga ay qabsoomi karaan. Wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Biixi doonayo in wada hadalku ka dhaco dalka Sweden, halka uu Madaxweyne Farmaajo doonayo in wada hadalku ka dhaco dalka Djibouti. Waxaana farsamo ahaan sidii labada madaxweyne aragtiyahooda la isugu soo dhawayn lahaa ka shaqaynaysa xarunta lagu magacaabo The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD) oo ah hay’ad caalami ah. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ahaa wasiirkii khaarajiga ee xukuumadii u horaysay ee Axmed-Siilaanyo oo hadda sarkaal sare ka ah xaruntan The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD), ayaa ku hawlan sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo si dib loogu furo wada hadalada, waxaanu Dr. Maxamed sidoo kale ka shaqaynayaa in la isu soo dhaweeyo labada fikir ee kala ah in wada hadaladu Djibouti ka furmaan iyo inay Sweden ka furmaan. Waxa kale oo uu Dr. Maxamed ka shaqaynayaa in la cayimo wakhtiga ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya kulmayaan. Waxa iyaguna geesta kale socda dedaalo kale oo uu wado wadanka Turkigu, laakiin waxa dedaalada Turkiga aan taageero xoogan u hayn wadamo reer galbeed ah oo uu Maraykanku hormuud u yahay kuwaas oo door bidaya in labada madaxweyne isku arkaan Sweden amaba Ingiriiska. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay inay la shaqayso Somaliland. Michael Rubin, oo laba toddobaad gudahood maqaalkiisii labaad ee uu Somaliland ku taageerayo baahiyay, ayaa wuxuu toddobaadkan qoray maqaal ciwaankiisu yahay “Siyaasadda Maraykanka ee Afrika kama maaranto Somaliland.” Wuxuu Rubin, Madaxweyne Trump hogo tusaaleeyay inay muhiim tahay in Maraykanku si dhow ula shaqeeyo Somaliland oo uu ka furto xafiis caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Qoraalka oo aad u dheeraa, wuxuu Geeska Afrika gaar u soo turjumay qaybta uu kaga hadlayo aqoonyahanku qaddiyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Halka ay Somaliya lugaha la gashay dagaal sokeeye 1991kii, Somaliland oo uu xukunkii argagaxaa ku dhisnaa ee keligii taliye Siad Barre burburiyay, waxaay ku dhawaaqday madaxbanaani. Doodeedu waxaay ahayd mid adag: waagii gumaystaha waxaay ahayd maxmiyad Ingiriis oo ka duwan Somaliya, lehna xuduudo caalamku aqoonsan yahay. Dhamaan shanta dal ee ku jira Golaha Amaanku way aqoonsadeen xorriyadeedii 1960. Dadka reer Somaliland waxay qabaan in midnimadii ka danbaysay ay ahayd mid ay si ikhtiyaarkooda ah u galeen, si taas la mid ah ay uga baxeen [midnimada] markii Somaliya afka saartay qas iyo jaah wareer. Dadka gobolkan degani waxaay tilmaameen in mucaaradada Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanka] ee ay kaga soo horjeedo is bedel ku yimaada xuduudaha inay tahay mid aan sal adag ku fadhiyin sabata oo ah Washington, Midawga Afrika iyo bulshada caalamka guud ahaan waxaay aqoonsadeen Suudaanta Koonfureed iyo Eretriya. Xaqiiqdu waxaay tahay labadaas dal midkoodna guul maaha, balse Somaliland waxaay waa horeba cadaysay inay tahay guul. Maanta Somaliland waa 28% dhulka Somalia, iyo sadex meelood oo meel dadka Somalia. Si ka duwan Somalia, Somaliland way ka hor-istaagtay Al-Shabaab inay soo gasho dhulkeeda. Hargeysa oo ah caasimadda, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabadgelyada badan Afrika. Somaliland waxay qabatay doorashooyin lagu baratamay oo lagu ilaaliyay nidaamka casriga ah ee isha bu’da laga sawiro, waxaayna ku guulaysatay in shan jeer si nabad ah awoodda ay isugu dhiibaan tartamayaal iska soo horjeeda. Iyada oo Somaliland ay leedahay lacag u gaar ah, hadana dhaqaaleheedu wuxuu u sii koraya oo uu sii noqonaya mid aan lagu isticmaalin kaash: hal abuur maxalli ah iyo aaladda telefoonada mobaylka ah oo sida daadka u soo galay ayaa u ogolaaday xitaa shacabkeeda reer miyiga ah inay si fudud ugu ganacsadaan lacagta dhigitilka ah iyaga oo isticmaalaya mobayladooda. Dadka Maraykanka ahi waxa laga yaaba inay weli ka fekerayaan “Black Hawk Down” marka ay ka fekeraan Somaliya, balse Somaliland waxaay noqotay Sweden iyo Estonia marka aad eegtid isticmaalkeeda hal abuurka elektrooniga ah. Dhabtii, Somaliland wax walba sida saxda ah ayay u samaysay. Dabadeed, muxuu Maraykanku iskaga indho tirayaa? Xilli hoos loo dhigay miisaaniyadii, Wasaaradda Arimaha Debeddu waxaay diiday inay xitaa xafiis ka furato Hargeysa si la mid ah ka ay ku leedahay Kurdistaanta Ciraaq iyo Taywaan. Pentagon-ku [Wasaradda Gaashaandigga] dhinicisa wax xidhiidh ah lama laha dhigiisa Somaliland inkasta oo hawlgalada labada dhinac ee ka dhanka ah argagixisada iyo dagaalka Yemen ay kor u qaadayaan muhiimadda istiraajiyadeed ee Somaliland. Dhibta jirta waa sidan: awoodda ay Somaliland u leedahay inay ka hortagto xagjirka iyo argagixisad la ollogga ah Al Qaacida laga yaabee inaanay dhamaan. Somaliland waxay ku qarashgaraysaa saddex meelood oo meel miisaaniyadeeda dhinaca amniga, balse Somaliya waxaay diidan tahay in deeqaha caalamiga ah ee soo dhexmara Muqdisho la gaadhsiiyo [Somaliland]. Xaaladdu markaas waa mid daran oo keentay in ciidanka Somaliland iyo ilaalada xeebaha marka la qoranayo inay soo iibsadaan qoryohooda si ay u ilaaliyaan, nabadna uga dhigaan xeeb dhererkeedu yahay 460 Mayl, oo ay uga hortagaan in hub sharci darro ah la geliyo Yemen, una joojiyaan in Al-Shabaab ay gasho dhulkeeda balaadhan ee miyiga ah. Halka Qaramada Midoobay ay ka fudaydiyeen cunaqabatayntii hubka ee Somalia saarnayd si ciidanka nabad ilaalinta Afrika ay uga hawlgalaan, loona siiyo ciidanka Somaliya hub (kuwaas oo inta badan ka iibiya hubka xagjirka si ay xoogaa kaash ah u helana), waxaay [Qaramada Midoobay] ku sii haysaa Somaliland cunaqabatayntii hubka oo ah marka horeba mid ka dhalaatay xaaladda ay Somaliya ku shugnayd soddon sandood ka hor. Trump iyo la taliyihisa amniga, John Bolton, way ku saxan yihiin inay su’aal geliyaan deeqaha debedda. Maalgelinta bandhig lagu qabto Bulgaria ama siminaar faneed oo lagu qabto Badhtamaha Ameerika waxtar xadidan ayay leedahay. Balse halkii milyan ee doolar ee lagu maalgeliyo amniga Somaliland wuxuu u babac dhigi karaa baahi difaac isaga oo kor u qaadya qiimo ka badan ka la geliyay. Somaliland ma raadinayso taangiyo iyo diyaarado dagaal oo casri ah, balse waxaay doonaysaa hub fudud iyo doomo badda lagu ilaaaliyo. Rabitaanka gobolkani ku doonayo inuu ku maalgeliyo difaac in ka badan 15 jeer inta isbayhisga Maraykanka ee NATO ay geliyaan difaaca waxaay tusaysaa ka go’naansheheeda iyo inanay ahayn uun mid raadinaysa in laga kaabo waxay iyadu iskeed ugu guulaysan karto. Dawladda Somaliya way ka caban kartaa, balse maaha in Washington ay jilbaha u dhigato Muqdisho. Haddii uu Trump si dhab ah u doonayo inuu soo af-jaro dagaalada aan dhamaadka lahayn iyo farogelinta Maraykan ee debedda, markan waa inuu aqbalaa ee aanu iska indho tirin is-bahaysigiisa, xoojiyaa [dalalka] dimoqraadiga ah islamarkaana aqoonsadaa in xitaa markii uu ugu heer sarayeeyey, inaan Maraykan marna keligii socon.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah Culimada Somaliland, Hasayeeshee Mudo Hal sano iyo dheeraad ah ku xidhan Xabsiga ayaa xaaladiisa caafimaad laga dayrinaya. Sida ay boggeeda Facebookaga ku baahisay Gabadh uu sheekhu dhalay Jug caloosha ka soo gaadhay habeenkii ay qabanayeen Ciidamadu ayaa uu la i daran yahay, Waxaanay intaasi ku dartay in nabar caloosha ka gaadhay uu ugu daran yahay. Ilaa hadda lama gaynin Dhakhtar, Waxaana qoraalkaasi uu i dhginaa sidan: “asc ehel ,qaraabo,azxaapta iyo muslimiinta dhamaantiin waxaan idinka codsanayaan more and more duco .Abahay mcn sheekh Aden oo la xanuunsanaaya jugtii ay gaadh siiyeen RRU oo ay calooshu dilaacady halkaaxundhurta kusiman ay isku wareegtay oo ay askarta nagu soo qayliyeen inay xaaladiisu khatar gashay inay marba sii furmayso maanta abaaro 1:00 jeelka dhexe ee hargaysa iigusooduceeya inuu ilaahay ka soo furto oo iicaafiyo .cadawgaana waxaa gaystay ilaahay ka abaalmariyo Source
-
Kooxaha gurmadka ee gobolka Banaadir iyo dadweyne badan ayaa saakay waxa ay bilaabeen baadigoobka dad loo maleynayo iney ku hoos jiraan dhismayaashii ku bur-buray qaraxii habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho. Xalay ayeey ciidanka ammaanka waxa ay bur-burka dhismaha Hilaac UK kasoo saareen meydka wiil dhallinyaro ah. Waxaa jira tuhun kale oo ah in dhismayaasha bur-buray ay ku hoos jiraan dad kale, iyadoo hadana xaqiijinta arrintaasi ay socoto. Al-shabaab ayaa markii ay qaraxa fuliyeen kadib waxay galeen guri ay deganaayeen dad shacab ah oo halkaasi ka dhowaa, iyaga oo saacado badan halkaa ka dagaallamayey. Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray howlgalkaasi, waxaana ay toogteen raggii gurigaasi ka dagaallamayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Twitter –ka ee taliska Mareykanka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen maalin ka hor deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Duqeyntan ugu danbeysay oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyaan gobolka Hiiraan ayaa dhacday 28kii bishii Feberaayo, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa duqeymo horey sidan oo kale isla gobolka lagu bartilmaameedsaday xoogagga Al-shabaab. Mareykanka ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo gacan militari siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya. Marka laga soo tago tiradan danbe ee 26ka ah, taliska Mareykanka ayaa horey u sheegay in 55 dagaalyahan oo Al-shabaab ah ku dileen labo duqeyn oo is xigtay oo laga fuliyay gobolka Hiiraan. Source