-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-25032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa ku tagay maanta kormeer qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho. Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa kormeeray Wasaarada Gaashaandhiga Somalia iyo Xerada Jenaraal Gordon iyo kuwo kale, wuxuuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidan. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha uu madaxweynuhu kala hadlay saraakiishuu la kulmay ay qayb ka ahaayeen cabashada ciidamada ee mushaar la’aanta afarta bilood haysatay, taasoo ay u sii dheer-tahay in laga goostay saadkii cunno. Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamadii uu soo arkay wuxuu u sheegay inay heli doonaan wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin, isagoo ka dalbaday inay ammaanka dalka sugaan, ayna qaadaan duullaan ka dhan ah Al-shabaab. Dhanka kale, Ciidamada Koofiyad casta loo yaqaan ee madaxtooyada gaarka ka haya ayaa saakay xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku dhaw xarumaha uu madaxweynuhu booqday, iyadoo muddadii ay waddooyinku xirnaayeen ay shacabku cagahooda maalayeen. Madaxtooyada Somalia wali wax war ah kama soo saarin kormeerka saakay uu madaxweyne Farmaajo ku tagay xeryaha ciidamada, iyadoo socdaalkan loo diiday iay qayb ka noqoto warbaahinta dowladda iyo madaxa bannaan ee ka hawlgala Muqdisho. Kormeerka madaxweyne Famaajo uu maanta ku maray xeryaha ciidamada ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ciidamada dowladda sameeyeen gadood ay kaga cabanayeen mushaar iyo cunno la’aan socotay muddo afar bilood ah, inkastoo madaxda dalka ay inkireen cabashadaas. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkii hore sheegay in dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Ingiriiska ay joojiyeen malaayiin doollar oo ay ku bixin jireen mushaar ahaan ciidamada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kormeerro ku maray Xeryaha Ciidammada Dowladda appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Dad badan ayaa si adag uga falceliyay farshaxan xumo iyo dhalan gadi foolxun oo lagu sameeyay Astaantii Guud ee Qaranka Somaliland taasi oo lagu dhejiyay Miiskii Hoolka Golaha Guurtida ee uu Shalay Madaxweyne Muuse Khudbad Sannadeedka uga jeediyay labada Golle Baarlamaan. Waxay shalay si cadho leh baraha Bulshada aad loogu falanqeeyay Arintaasi kadib markii sawirada qaabka loo bahdilay lagu soo daadiyay Baraha Xidhiidhka Bulshada. Abwaanka Caanka ah ee reer Somaliland ee Xasan Daahir Weedhsame oo bartiisa Facebookga soo dhigay Sawirradda bahdilka lagu sameeyay Astaanta qaranka ayaa waxa uu soo raaciyay Qoraalkan “Miiskaa googoradda lagu sawiray haddaan sii baadho, waxaan ogaan doonaa inuu mid yar oo dhex-marayaasha amran ka mid ahi qandaraas ku qaatay. Waar nala saa’ira oo bal in yar uun na ixtiraama aan idiin ducaynee”. Dad badan oo kale ayaa ka falceliyay arintan. Source
-
Xirnaanshaha waddooyinka xilliyada cayiman iyo jidadka qaar ee ka caagan socdaalka iyo marista gaadiidka kuwaas oo sababo jira loo xirtay, waxay gocasho iyo xusuus hore gelinaysaa shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kuwaas oo waqtiyo adag lasoo kulmay. Mar kasta oo aad isasoo taagto goob ka caagan marista gaadiidka ama waddooyin muddo kooban la xayiro ku socdaalkooda, waxaad ogaaneysaa inay tahay marxaladda ugu fiican intii lagu guda-jiray geeddi-socodkii adkaa ee magaaladani soo martay. Markii uu dhamaaday qadkii cagaarnaa ee caasimadda Muqdisho u kala dhanbali jiray xero hoggaamiye kooxeed kasta uu ka taliyo dhowr iyo toban sano kahor, xirista waddooyinka qaar iyo mamnuucista socodka dadweynaha waxay ahayd mid si aan laga fursan karin ay ula kowsatay dowladdii ugu horreysay oo lagu soo dhiso dalka Kenya. Taniyo markii xukuumadda AUN Abdullahi Yuusuf Axmed ay si rasmi ah u sal-dhigatay caasimadda Muqdisho, wararka ugu waaweyn ee waagaas warbaahinta loogu dhageysiga badnaa waa haddii waddooyinku xiran yihiin iyo in kale. Waagii ku dilaaca jidadka oo furan, way adkeyd in gabbalku ugu dhaco iyada oo aan saacado kamid ah maalintaas waddooyinka la xirin. Mararka qaar, marista laamiyada waxay ahayd halis muuqata. Jidad badan ayaa cabsida laga qabo qaadistooda awgeed, waxaa qofkii ku dhiirrada loo marin jiray samir iyo iimaan. Kolkii ay dowladdu si buuxda ula wareegtay gacan-ku-heynta caasimadda Muqdisho kaddib dagaalo qaraar oo looga qaxay inta badan magaalada, wax u muuqda inay yihiin farriin iyo tusaalayaal ay iska dhaxlaan xukuumadaha isaga danbeynaya talada iyo maamulka dalka waa xirista waddooyinka. Labadii dowladood ee xilka kaga horreeyey dowladda hadda jirta waxay lahaayeen sifada ah xirista waddooyinka iyada oo aan muwaadiniinta loo sameynin ogeysiin ama aan loo sahlin hab fudud oo ay ku gaari karaan danahooda – jeer isla mar ahaantaana la hubsanayo inaysan waxba u dhimeynin awaamiirta ay dowladdu soo saartay. Maanta oo dowladnimadeennu kasoo gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd, dhaqankani wali waa sidiisii. Mana u eka mid maalin la isaga fariistay si wax la iskaga weydiiyo cawaaqibka ay ku heyso bulshada caasimadda. Sida indhahaagu maanta u qabanayaan waddo aan loo oggoleyn gaadiid rayid ah – oo kuwa ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qura loo oggol yahay inay maraan – waa meertadii shalay balse ay xukuumaddu kasoo qaadatay middii ka horreysay. Lama saadaalin karo haddii dhaqanka xirista waddooyinka xilliyada qaar uu sidaan kusii socon doono iyo in kale. Haddana su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah sababta aan xal loogu heli karin shacbiga kala duwan ee kusoo toosa qabsashada danahooda kuwaas oo mar walba oo loo sheego in waddo xiran tahay cadceedda ugu wirwira masaafada ay ku gaari karaan hadafkooda! Mar walba oo aan ka hadleyno xirnaanshaha waddooyinka, kuma saabsana sugista amniga iyo nabadsugidda qaranka. Waxay goor walba la xiriirtaa waxa ku dhacaya dadweynaha ka badan dowladda ay ku hoos nool yihiin. Qiyaas danleyda kala duwan ee ku jira shacabka sida ardayda, waayeelka, bukaan socodka iyo dhibanaha laga yaabo inuu u baahan yahay gargaarka degdegga ah kuwaas oo haddii aysan helin marin ay ku fushadaan baahidooda wax badan oo qaali ah ay uga lumi karaan sida in qof uu u dhiman karo gurmad la’aan. Hayeeshe ma ahan dowladda dhexe oo kaliya midda looga baahnaa inay baraarug u yeelato dhibta iyo rafaadka gaaraya muwaadiniinta. Bahda saxaafaddana waxay u bateen inay codbaahiyaha ka sheegaan wararka ku saabsan in waddooyinku ay xiran yihiin. Halkii ay ahayd in warbaahintu ay banaanka soo dhigto waxa ku dhici kara guud ahaan bulshada kolka ay jidadku ka xirmaan, nasiib-darro waxay qodobada warkooda ku gabagabeeyaan ma ahan markii ugu horreysay oo ay xirmaan waddooyinka qaar ee magaalada. In dowladdu ay mar walba raali-gelin ka bixiso xirnaanshaha waddooyinka, bulshadana u sheegto sida ay uga xun tahay inay hakad gelinayso isku socodkooda, waa farriimaha saameynta leh oo muwaadiniinta ku beeri kara inay dareemaan shucuur ah inay qiimo ugu fadhiyaan dowladdooda. Waana samafalka ugu hooseysa oo lagu xoojin karo xiriirka dadka iyo dowladda. Waxayna sidoo kale muwaadinka ku beeraysaa lahaansho dalnimo. Waayo qofka kusoo tala-galay inuu gaadiid usoo raaco danihiisa ee lagu yiri lugtaada maal, haddii aan loo muujin inuusan sidaas mudneyn waxay dhaawacaysaa qalbigiisa. Waxaa jirta halheys dadka Denmark ay ku sifeeyaan dalkooda oo ay ku leeyihiin; Waddankani waa meesha lagu ilaaliyo karaamadayda, waxaana ku dhex sugan noloshayda. Balse raali-gelintu mararka qaar kuma eka ereyo dabacsan iyo hadallo naxariis leh. Waxay u baahan kartaa ficilka ugu qaalisan si heerka ugu sarreysa qanacsanaanta qofka muwaadinka ah loogu hantiyo. Waana baahi kale oo muhiimad ballaaran ugu fadhisa dadweynaha Muqdisho. Sida aragtida guud ee dadka caasimadda ku nool u badatayna, way fiicnaan laheyd in dowladdu la timaado xal lagu dhinac wado waqtiyada ay xiran yihiin waddooyinka halbowlaha u ah magaalada. Tusaale ahaan, in dowladdu keento gaadiid basas waaweyn ah oo la dhigo 52 is-goys ee magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay kuwaas oo caasimadda isku dhinac dhaafa – iyaga oo sida rakaabka rayidka ah ee jidadku ka xiran yahay, waxay shacbiga u sahleysaa inay dhib yari usoo tiigsadaan danahooda. Xittaa adeegyada basaskani ha noqdaan kuwo lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa inay helaan gaadiid ay usoo raacaan baahidooda. Haddii tusaalahan iyo kuwa lamidka ah ay dowladdu fiiro gaar ah u yeelato hir-gelintooda, waxay noqoneysaa tallaabo labo goor – dowladda iyo dadweynuhu – ay wada faa’iidaan. Waayo dowladda hoose waxaa usoo xeroonaya dakhli ku-meel-gaar ah, dadkuna waqtiyadaas kooban oo jidadku ka xiran yihiin kama warwarayaan haddii ciidamo lasoo dhoobo waddooyinka iyo in kale. Haddiise sugista amniga qaranka uu keensanayo inay dhib ku mutaan muwaadiniinta, dowladdeennu kuma taagnaa hadafkii uu Thomas Jeferson, oo kamid ahaa aabayaashii helay dalnimada Maraykanka ku tilmaamay inuu yahay kan ugu weyn dowladnimada oo ah: in loo raaxeeyo muwaadiniinta iyo in lagu saacido sidii ay liibaan iyo warwar la’aan farxadi ku dheehan tahay ugu noolaan lahaayeen. Qore: Zakariya Xasan Maxamed Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda. Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay daadajinta Adeegyada si loogu dhaweeyo shacabka. “Maamulkeennu waa kii shacabka, waxaana ka go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud, si shacabka loogu adeego, marna nama baqdin gelineyso falalka ay geysanayaan Kooxaha argagixisada ee u taagan dhibaateynta shacabkeenna”. Eng. Yarisoe ayaa tilmaamay in guulo laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka. Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa daah furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay Waaxda Maaliyadda iyo Dhakhliyadda Dawladda Hoose ee Xamar, taasoo ay bixinayaan Macalimiin aqoontoodu sareyso, si tayada Howlwadeenada Waaxaha Dhakhliyada kor loogu qaado. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in yoolka Maamulka Gobolka uu yahay in shaqo weliba loogu tartamo aqoon, waxuna kula dar-daarmay Howlwadeenada in ay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay sare ugu qaadaan aqoontooda. “Waxaa naga go’an in la horumariyo aqoonta howl-wadeennada Waaxda Maaliyadda iyo Dakhliyada Dawladda Hoose, tanoo qayb ka qaadanaysa kordhinta dhakhliga, Maamul wanaagga iyo hannaan kalsooni gelinaya bulshada Caasimadda loogu adeego, loogana guuro hannaankii hore, gaar ahaan shaqaaleysiinta iyo dalacsiinta shaqaalaha cusub iyo kuwii horey u shaqaynayay”. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Dib ayaan u dhisaynaa Goobihii Danta guud ee loogu adeegi jiray Dadka appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha EU NAVFOR iyo mas’uuliyiinta Puntland Saraakiil ka socotay hawgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya (EU NAVFOR) oo uu hoggaaminayey sarkaalka ugu sarreeya hawgalkaasi Ricardo Hernandez ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso shir kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. Saraakiishan oo ka soo degay markab ku sugan xeebta ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray magaalada Boosaaso iyagoo ay dusha ka ilaalinayan diyaaradaha sahanka ee EU NAVFOR waxaana ay shir albaabadu u xiranyihiin la qaateen wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda dowladda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan oo markii kulankaas dhammaaday saxaafadda u faahfaahiyay ayaa sheegay in ujeedka u weyn ee kulanka uu ahaa isbarasho balse ay sidoo kale ka wada hadleen qodoba ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac ee Puntland iyo EU NAVFOR iyo in ay ka caawiyaan Puntland dhanka tababarka ciidanka iyo iskaashiga amniga badaha. Taliyaha hawlgalka EU NAVFOR Ricardo Hernandez oo u dhashay dalka Spain ayaa horraantii bishan Maarso xilka la wareegay isagoo socdaalkiisi ugu horreeyay ee gudaha Soomaaliya ku yimid Puntland gaar ahaanna magaalada Boosaaso. halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee wasiirka PUNTLAND POST The post Hawlgalka EU NAVFOR maxaa Puntland ka soo galay? appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa galabta duqa cusub ee degmadaasi u doortay Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo kamid ahaa 2-dii murashax ee u tartamay xilkaasi. Saahid Sayn ayaa 23-cod kaga guulaystay murashixii la tartamayey Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne oo isna helay 7-cod waxaana xumaaday 1-cod. Dhammaan 31-da xubnood ee golaha degaanka Gaalkacyo oo ay ku jiraan 2-da murashax ayaa codkooda u dhiibtay hab-qarsoodi ah. Waxaa haatan loo gudbaya doorashada guddoomiye ku xigeenka degmada oo mar dhow bilaabanaysa. PUNTLAND POST The post Saahid Sayn oo loo doortay duqa cusub ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
“Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed Cigaal Burco iyadaa isku habsaantaye Bacaadka ha fadhido.. maxay damal weyn shiteen . maxay qudhac deebiyeen . waxay dab sudheen dhirtii dhulkay midab dooriyeen bal eeg degelkii hufnaa bir iyo waxa daasad yaal bal eega dalkii xalaa waxay lafo daadiyeen “Hadraawi Waxan arkaayay Maayarka Burco Mr. Muraad oo Berbera ma jeeranaaya, kuna calaacalaya cashuuri ima soo gasho, Waxaan kaloo arkayay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Burco oo ah kuwa ugu sii liita Golayaasha degaanada Dalka oo marka horeba khayr-ku dhammeeyay oo iyaguna shir guddoonka Golaha Wakiilada la kulmay 7-sanno kadib markii la doortay iyagoo xeerarka midaynta cashuuraha ka cabanaaya. Midi waa su’aale xaggay ku maqnaayeen 7-dii sanno intay Maanta oo xilkoodi maca korodhsiimaha aha ka dhammaaday ay gab-gab leeyihiin? Midina waa Maayar Muraadka calaacalaya ee leh 2-millyan oo Dollar ayaan sannadkii oo dhan isoo gala. Muraadow Alle haku calfo intaas tariikhda ku gashay ee ah Golihii ugu liitay ee Burco soo mara. Xeer iyo cashuuri kuma dabrine itaalkiina tayo ahaan ayaa intaas aha Marka Jamhuuriyadda Golayaasha degaanka ku khasaartay waxbaad la qabtaan xoogana way idiin dheertahay idinka, waxba Berbera oo baaxad ahaan kaayar, dhisme ahaana ka kooban iyadoo aad Mallaayin ka samayn lahayd ardiyada guryaha iyo dhismayaasha Magaalada cidna haw caban. Talladu waxay gobo ku tahay cimrigaasi wuu tagaye calaacal haku sagootiyin.. Burco waxay ahayd Degmadii ugu horraysay ee Somaliland xitaa Ingiriis dago waagi maxmiyada, badi haldoorka Somaliland halkay ka soo jeedan weeye. Magaaladii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya ayay ahayd Burco xitaa Kismaanyo way ka horaysay.. Xudunta xoolaha Soomaalida ayay ahayd mushkilada haysata Burco dib ayay u guurta hore uma guurto iyadaa isku maqan iskuna mashquulsan.. Kubad Hargaysa laga soo taraarixiyo ayay Rer Burco isku dhuuxaan oo dhaawacyo isku gaadhsiiyaan. Markaa Burcoy Huuno markaad muranka dhexdiina ka soo ilbaxdaan markaas ayaynu Jamhuuriyadda iyo Gobolada Galbeedka ee Qabow waa halkii Madaxweyne Muuse Biixi aynu wax la qaybsan ka raynaa . Inta ka horraysa ciyaaraha isreeb reebka aynu Iska ciyaarno cidna yaynaan u caban.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Qaran News
-
Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed Cigaal “Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed CigaalBurco iyadaa isku habsaantaye Bacaadka ha fadhido.. maxay damal weyn shiteen . maxay qudhac deebiyeen . waxay dab sudheen dhirtii dhulkay midab dooriyeen bal eeg degelkii hufnaa bir iyo waxa daasad yaal bal eega dalkii xalaa waxay lafo daadiyeen “Hadraawi Waxan arkaayay Maayarka Burco Mr. Muraad oo Berbera ma jeeranaaya, kuna calaacalaya cashuuri ima soo gasho, Waxaan kaloo arkayay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Burco oo ah kuwa ugu sii liita Golayaasha degaanada Dalka oo marka horeba khayr-ku dhammeeyay oo iyaguna shir guddoonka Golaha Wakiilada la kulmay 7-sanno kadib markii la doortay iyagoo xeerarka midaynta cashuuraha ka cabanaaya. Midi waa su’aale xaggay ku maqnaayeen 7-dii sanno intay Maanta oo xilkoodi maca korodhsiimaha aha ka dhammaaday ay gab-gab leeyihiin? Midina waa Maayar Muraadka calaacalaya ee leh 2-millyan oo Dollar ayaan sannadkii oo dhan isoo gala. Muraadow Alle haku calfo intaas tariikhda ku gashay ee ah Golihii ugu liitay ee Burco soo mara. Xeer iyo cashuuri kuma dabrine itaalkiina tayo ahaan ayaa intaas aha Marka Jamhuuriyadda Golayaasha degaanka ku khasaartay waxbaad la qabtaan xoogana way idiin dheertahay idinka, waxba Berbera oo baaxad ahaan kaayar, dhisme ahaana ka kooban iyadoo aad Mallaayin ka samayn lahayd ardiyada guryaha iyo dhismayaasha Magaalada cidna haw caban. Talladu waxay gobo ku tahay cimrigaasi wuu tagaye calaacal haku sagootiyin.. Burco waxay ahayd Degmadii ugu horraysay ee Somaliland xitaa Ingiriis dago waagi maxmiyada, badi haldoorka Somaliland halkay ka soo jeedan weeye. Magaaladii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya ayay ahayd Burco xitaa Kismaanyo way ka horaysay.. Xudunta xoolaha Soomaalida ayay ahayd mushkilada haysata Burco dib ayay u guurta hore uma guurto iyadaa isku maqan iskuna mashquulsan.. Kubad Hargaysa laga soo taraarixiyo ayay Rer Burco isku dhuuxaan oo dhaawacyo isku gaadhsiiyaan. Markaa Burcoy Huuno markaad muranka dhexdiina ka soo ilbaxdaan markaas ayaynu Jamhuuriyadda iyo Gobolada Galbeedka ee Qabow waa halkii Madaxweyne Muuse Biixi aynu wax la qaybsan ka raynaa . Inta ka horraysa ciyaaraha isreeb reebka aynu Iska ciyaarno cidna yaynaan u caban.. Tusan . .Muniir Axmed Cigaal Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga & Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee ku taallo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Maalmahan dambe waxaa taagnaa Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan kuwaasi oo ka soo baxay furumaha dagaalka qaar ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Iyadoo arrimahaasi ay jiraan, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uu maanta tagay labadaasi Xarumood oo Saldhig u ah Ciidamada Militariga Soomaaliya. Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kala hadlay arrimaha ku aadan Ciidamada & xalkooda Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, islamarkaana Madaxweynaha uu u sheegay muhiim inay tahay qaadista dagaal ka dhan ah Shabaab. Wadooyinka ku dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga & wadada Tarabuunka ayaa loo xiray intii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guda jiray kormeerka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya & Xerada Ciidamada ee Jeneraal Gordan. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in la diiwaangeliyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, diiiwaangelintaasi oo caqabado kala duwan ay ka yimaadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kormeeray qaar kamid ah xerooyinka ciidamada ee ku yaalla Muqdisho. Goobaha uu tegay hogaamiyaha Soomaaliya waxaa kamid ah xarunta wasaarada gaashaandhiga iyo xerada Jenaraal Gordan. Madaxtooyadda illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin ujeedka kormeerka uu maanta sameeyay Farmaajo. Hasayeeshee, wararka ayaa sheegaya in ay daarneed howlgalo ay dowladdu qorsheynayso in laga fuliyo gobolada dalka kuwaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa soo gaaray Magalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu wataa ilaalo gaar ah,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Gudaha,Amniga iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal. Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyagoo la socday diyaaradii kasoo duulisay magaalada Kismaayo waxaana tiradooda lagu sheegay in ku dhow 20 nin oo si gaara u tababarran. Axmed Madoobe oo hore u yimid Muqdisho ayaa wadan wax ilaalo ah, laakiin horaantii bishii Janaayo ayuu magaalada Garowe la tegay ciidamadan, iyadoo markaasi loo diyaariyey Gawaari nooca dagaalka ah oo ay adeegsadaan. Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Axmed Madoobe ayaa Magalada Muqdisho waxa uu kulan kula qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro xalinta mad madowgii siyaasadeed soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Cabdiweli Gaas oo Madaxweyne kasoo noqday Puntland ayaa hore arrintaan uga bilaabay Soomaaliya, waxayna caadadiisa aheyd inuu Muqdisho la imaado ciidamo gaar u ah oo aad u hubeysan. Sidoo kale waxaa arrin noocaan oo kale ah sameeyey madaxweynihii hore ee Puntland Faroole oo weliba kulanka Baarlamaanka la tagay ciidamo gaar u ah oo uu kala imaaday Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo xarriyadiisa ka dib lagu waayay caddaymo la xidhiidha eedaymaha lagu xidhay. Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed ayaa goordhayd dib u helay xarriyadiisa ka dib muddo afar maalmood oo uu ku xidhnaa xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa. Wararku waxa ay sheegayaan in agaasime Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed lagu waayay caddaymo la xidhiidha eedaymaha lagu soo xidhay sidaa awgeedna xorriyadiisa dib loogu celiyay. Dad badan oo baraha bulshada wax ku qora ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhiga lagula kacay Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed. Dhan kale madax-dhaqameed iyo waxgarad reer awdal ayaa cambaareeyay xadhiga dhawaan lagula kacay Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed waxaana ku tilmaameen si gaar ah loogu beegsanayo dad gaar ah. Source
-
Qaahira (SMN) – Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa M/ Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal. Wuxuuna heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen uu ka tarjumayaa hogaanka suuban ee madaxda dalalka Soomaaliya iyo Masar si loo sii horumariyo cilaaqaadka labada dal gaar ahaan sidii Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay dowladda Masar ugu taageeri laheyd horumarinta Caafimaadka ee dhinaacyada badan leh. Wasiirada Caafimaadka Masar Drs Hala Zaid ayaa markii qalinka lagu duugay heshiiskaasi hadal gaaban ay halkaa ka jeedisay waxa ay sheegtay inay dowladeeda ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya u gudbinta waaya aragnimada iyo khibrada dhanka caafimaadka,waxayna sheegtay inay u soo diri doonto Muqdisho khubaro ah ku takhasxusay dhanka caafimaadkaka kana shaqeeya daraasad dhanka gargaarka deg-dega ah iyo dhammaan arrimaha hawlaha caafimaadka la xiriira, kuwaas oo isla maarkaana kormeera nidaamka iyo wacyiga caafimaadka dalka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya. Dhanka kale Dr. Khalid Mujahid oo ah afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiimad gaar ah siinayo in Soomaaliya laga Caawiyo Caafimaadka Guud kan Qoyska, Hooyada iyo dhallaanka. Waxaana qeybka ah gar-gaarka deg-degga iyo tababaro la xiriir adeegyada Caafimaadka sida adeegyo Iskaashi oo dhanka Caafimaadka ah oo dhaxmaro Labada dal. View the full article
-
Balcad (SMN) – Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano hoos yimaad degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Tuulooyinka Yaaqle, Shanlow, Dhagaxlow iyo deegaanka Xawaadley ayaa la sheegay in ay qabsadeen Al Shabaab, kadib markii ay ka soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dagaalayannada Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaanadaasi, iyagoo meel fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona Al Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli maalmihii dambe ciidanka DFS ay soo baneynayeen xarumo milatari, sababo la xariira Mushaar la’aan heysata ciidamadaasi. View the full article
-
maxay damal weyn shiteen . maxay qudhac deebiyeen . waxay dab sudheen dhirtii dhulkay midab dooriyeen bal eeg degelkii hufnaa bir iyo waxa daasad yaal bal eega dalkii xalaa waxay lafo daadiyeen “Hadraawi Waxan arkaayay Maayarka Burco Mr. Muraad oo Berbera ma jeeranaaya, kuna calaacalaya cashuuri ima soo gasho, Waxaan kaloo arkayay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Burco oo ah kuwa ugu sii liita Golayaasha degaanada Dalka oo marka horeba khayr-ku dhammeeyay oo iyaguna shir guddoonka Golaha Wakiilada la kulmay 7-sanno kadib markii la doortay iyagoo xeerarka midaynta cashuuraha ka cabanaaya. Midi waa su’aale xaggay ku maqnaayeen 7-dii sanno intay Maanta oo xilkoodi maca korodhsiimaha aha ka dhammaaday ay gab-gab leeyihiin? Midina waa Maayar Muraadka calaacalaya ee leh 2-millyan oo Dollar ayaan sannadkii oo dhan isoo gala. Muraadow Alle haku calfo intaas tariikhda ku gashay ee ah Golihii ugu liitay ee Burco soo mara. Xeer iyo cashuuri kuma dabrine itaalkiina tayo ahaan ayaa intaas aha Marka Jamhuuriyadda Golayaasha degaanka ku khasaartay waxbaad la qabtaan xoogana way idiin dheertahay idinka, waxba Berbera oo baaxad ahaan kaayar, dhisme ahaana ka kooban iyadoo aad Mallaayin ka samayn lahayd ardiyada guryaha iyo dhismayaasha Magaalada cidna haw caban. Talladu waxay gobo ku tahay cimrigaasi wuu tagaye calaacal haku sagootiyin.. Burco waxay ahayd Degmadii ugu horraysay ee Somaliland xitaa Ingiriis dago waagi maxmiyada, badi haldoorka Somaliland halkay ka soo jeedan weeye. Magaaladii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya ayay ahayd Burco xitaa Kismaanyo way ka horaysay.. Xudunta xoolaha Soomaalida ayay ahayd mushkilada haysata Burco dib ayay u guurta hore uma guurto iyadaa isku maqan iskuna mashquulsan.. Kubad Hargaysa laga soo taraarixiyo ayay Rer Burco isku dhuuxaan oo dhaawacyo isku gaadhsiiyaan. Markaa Burcoy Huuno markaad muranka dhexdiina ka soo ilbaxdaan markaas ayaynu Jamhuuriyadda iyo Gobolada Galbeedka ee Qabow waa halkii Madaxweyne Muuse Biixi aynu wax la qaybsan ka raynaa . Inta ka horraysa ciyaaraha isreeb reebka aynu Iska ciyaarno cidna yaynaan u caban.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Source
-
Popular Contributors
