-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaa la aasaasay 12 Abriil 1960, wuxuu soo galay dagaallo waaweyn, waxaase hadal ku kala diray Raysalwasaarihii Soomaaliya Cumar Carte Qaalib bishii Febaraayo 1991, markii jabhadaha wadanku qabsadeen ayuu ku dhawaaqay in ciidamada qalabka sida gobol kastoo ay joogaa isu dhibaan jabhadaha hubaysan. Amarkasi wuxuu ahaa jabkii ugu xumaa oo ku dhaca astaantii ugu danbaysay ee dawladnimadii Soomaaliya, maxaa ka dhashay? Waxaa ka dhashay In ciidamadii isku duubnaa intii isku gobol ama isku qabiil ahayd, intey isa soocdan hubkoodana horey u qaataan gobolladii iyo qabaa’ilkii ay ka dhasheen aadan, dagaaladii qabiilna ka qayb galaan. Tan iyo wixii markaas ka danbeeyey wadanka ciidan rasmiya oo qalab sidaa kama jirin. Maamuladdii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga aasaasay waxay ahaayeen Soomaaliland iyo Puntland waxaana ciidanka hadda jira ee ay leeyihiin lagu dhisay nidaam maleeshiyaad qabaa’ilka laga soo ururiyey, hubkooda ay la imanayaan, xeryo lagu xareeyo, kadibna tuute iyo mushahar la siiyo, ilaa wakhtigaan ciidamada labadaas maamul waxay u dhisan yihiin qaabkii maleeshiyaadkii lagu unkay, iyadoo tababaro dheeraad ah la siiyo. Markii Dawladda Federaalka ahayd ee Madaxweynaha uu ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf Axmed Muqdisho soo caga dhigtay wuxuu raacay hannaan la mid ah kii Puntland iyo Soomaaliland, wuxuuna xeryo ku ururiyey maleeshiyaadkii qabaa’ilka, iyadoo qofkastoo hor kacayey looga dhigay taliye, sidaas ayaana ciidamadda hadda jira ee DFS ay ku abuurmeen, ilaa wakhtigaasna ma jirin hannaan rasmiya oo tiro sax ah leh oo lagula socon karo. Tirakoob la’aantaasi waxay keentay in saraakiil heer dhexe ahi ay si joogta ah tirooyin aan jirin mushahar ahaan ugu qaataan, waana halka sartu ka quruntay markii dawladdaani soo jeedisay in tirakoob sax ah lagu sameeyo ciidamada, iyadoo marar horena la soo jeediyey tirakoobka casriga ah ee Biometric loo yaqaano, waxaana bilaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiwali Jaamac Gorod. Intii tirakoobka la sameeyey waxaa soo baxay fadeexado badan, tirada u diiwaan gashanayd Dawladda waxay ahayd 27 kun oo askari, waxaa soo baxay wax ka yar intaas, welina tirakoobkii socdo. Waxaa kale oo soo baxay dad shaqooyin kale haya oo u diwaan gashan ciidan, mushaharna ku qaata. Aniga nin aan saaxiib nahay oo Talyaaniga ku nool shan sano ka horna ka tagay Muqdisho ayaa ii sheegay xalay in uu u diiwaan gashanaa askari ahaan oo shantaas sano mushaharkiisii u soo dhacayey, haddase diiwaan gelintaani ka hakisay, waana arrinta igu dhalisay inaan maqaal ka qoro sheekadaan. Dawladnimada Soomaaliya waa mid ka burbursan dhinac kasta. Markastoo tallaabo wax lagu saxayo la damco in la qaado waxay u baahan tahay taxadar dheeraad ah, si dawladnimada curdinka ah ee hadda aan haysanno aan u ilaashanno. Diiwaan gelinta markii la bilaabay waxaa wakhtigaasba ka biyo diiday saraakiil wakhti badan helayey lacago ciidan diiwaanka aan ku jirin, waxayna caqabad ku noqdeen in si sax ah diwaan gelinta ciidanka loo sameeyo wakhti ku haboon, mar aan la sheekaystay qof ka mid ah dadka nidaamka diiwaan gelinta wada magaciisana ka gaabsaday sababo ammaan wuxuu ii sheegay in wakhtiyo badan marka ay ciidamada furimaha ugu tagaan si loo diiwaan geliyo caqabado ay ka mid yihiin in hawl gallo lagu maqan yahay, ama cudur daarro kale loo sheego, si markasta loo daboolo ogaanshaha tirada rasmiga ah ee ciidanka joogta goobtaas, waxay dib u dhac ku riday tirakoobkii, waxaana aysan helin mushahar kuwii aan la diwaan gelin, waana tan keentay in la arko markasta ciidan shaashadaha soo istaagaya oo leh mushahar nalama siin. Waxaa kaloo jira askar iyana la diiwaan geliyey oo aan mushahar helin, kuwaasoo aan badnayn, sarkaal ku hawlanaa diwaan gelintu wuxuu iigu sheegay arrinta inay ku dhacday lambarada xisaabaadka loogu diro oo marka computerka la gelanayo lambar ka mid ahi khaldamo, maadaama tiro badan lagu xaraynayo kaambuterka, ayse saxayaan taas. Ilaha kale ee xiisadaha ka dhashay diwaan gelintaan ka faa’iidaysanaya waa mucaradka dawladda oo iyagu u arka wax kastoo tallaabo ay dawladdu qaado fursad ay dhaliilo ugu samayn karaan, mana jirto hab rasmiya oo ay soo jeediyaan oo talo ah oo wax hagaajinaysa, waxaanay u muuqdaan inay jecelyihiin in waxa la haysto lagu kala yaaco, waxaana dadka Soomaaliyeed anfariir ku noqotoy sida mucaradku wax kastoo dan qaran ah isaga indho tiraan iyagoo keliya fiirinaya xurgufta siyaasadeed ee kala dhaxaysa madaxda markaas joogta. Talo ahaan dawladda waa u furnayd wadooyin dhowr ah, sida inay mushaharaadka ku bixiso tirooyinkii hore inta diwaan gelintu socoto, si looga gaashaanto culays fuula askariga iyo amaankaba. Waxayse ku saxsan tahay inaysan ka noqon habka diwaan gelinta oo culaysyo badan iyo goodin uga timid dhinacyo kala duwan., Waxaana muhiim ah in ay dawladdu qorshe u samayso in qaabka ciidanka dawladdu u dhisan yahay ay wax badan ka bedesho, la iskuna dhafo si meesha ay uga baxdo in weli qaababkii qabiilku lug weyn ku leeyahay ciidamada. Ugu dambeyntii, waxaan rabaa inaan iftiimiyo in askari walba oo tuute xiran uu xaq u leeyahay in la dhawro xuquuqdiisa, lagana daayo siyaasadda iyo qabiilka lagu suntayo. Waa inaan ogaannaa in isbadal kasta uu leeyahay xanuun ito culeysyo badan, balse waa inaan dowladda ku garab istaagnaa hagaajinta hannaanka ay ciidamadeenu u shaqeeyaan oo uu musuq badan ka dhex jira dhanka saadka iyo maaliyadda. Farmaajo iyo Khayre wakhti baa ku socda, shacabka Soomaaliyeedna dhiigiisa ayaa maalin walba argagixisadu daadinaysaa, mana aha in la aqbalo in 4 kun oo Shabaab ah ayay ka guuleysan la’yihiin 27 kun oo ciidankeenna ah. Waa inaan gacmaha isqabsannaa, khaladaadkeenna saxnaa, madaxdana kula xisaabtannaa waxa ay khaldaan, maaha inaan kula dagaalno waxa ay saxayaan sida arrimaha diiwaangelinta ciidamada. W/Q: Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) Kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa waxay maanta soo dhaweeysay Saraakiil kasoo goosatay Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caarre ee ku sugan deegaanada Maamulka Puntland. Saraakiishan soo gosatay ayaa waxa gobolka Sanaag kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalim Tiinbaro iyo Taliyaha qeybta saddexad ee Ciidanka qaranka ee G/Sanaag Gaashanle sarre Faysal Cabdi Bootaan. Saraakiishan kasoo goosatay Korneyl Caarre ayaa waxay tiradoodu aheyd 2-sarkaal kuwaasi oo lagu kala magacaabo Gaashaanle dhexe Cali Cabdale Saalax iyo Gaashaanle Maxamuud Cabdi Bile. Saraakiishan ayaa hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaasi oo kamid noqday markii dambe jabhad uu hogaamiyo Korneyl Caarre oo ka goosatay Somaliland, Haddase dib bey ugu soo laabteen Ciidamadoodi ay hore uga tirsanayeen ee Somaliland. Saraakiishan ayaa Waxay sheegen inay dib ugu soo laabteen dalkooga, kuwaasi ka dhawaajiyey inay sahan ku tageen jabhadaasi oo ay hadda ka keenen xog dhameystiran. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha G/Sanaag, Taliyayaasha gobolkaasi iyo weliba Saraakiishan soo guryo noqdayba waxay ugu baaqen Ciidamada la jooga Korneyl Caarre inay fadhiyadoodi kusoo laabtan iyo cutubyadey ka tirsanaayen. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.C/raxman Cirro oo booqasho ku tegey caasimadda 2aad dalka Finland+Ciduu la kulmay & waxyaabahay ka wadahadleen+Sawirro Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo booqasho saaka oo taariikhdu tahay 25ka March 2019 ku tegey caasimadda labaad ee dalka Finland ee TURKU, waxaa uu kulamo la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wadashaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku ee xisbiyada National Coalition Party , Social Democratic party and Greens party. 1. Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Magaalada ee Turku , Finland una sharaxan Golaha Baarlamaanka ee Finland doorashada bisha April ee sanadkan Elina Rantanen 2. Duqa Magaalada Turku Finland, Minna Arve 3. Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen Kulamadaas waxa goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda xubin golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku. Waxaana gudoomiyahu uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada somaliland aad ula socda, sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalka finland u fidiyo somaliland. Iyadoo Finalnd ay kaalmo badan u fidiso somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa Tb da ee somaliland laga fuliyo. Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso. Qaran News
-
Dhuuso-mareeb (Caasmada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay dhowaan gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Galmudug. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Wasiir Qarafaan socdaalkiisa uu salka ku haayo sidii hogaanka Maamulka Galmudug, gaar ahaan Xubnihii maamulka Ahlusunna looga dhaa-dhicin lahaa in ay dowladda Soomaaliya ku taageeraan sidii ay doorasho uga qaban lahayd Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, ayaa isagana ka baxay Dhuusamareeb waxa uuna gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxayna u muuqataa in uu ka tagay wafdiga u soo socda Dhuusamareeb. Madaxweyne Xaaf oo aad uga soo horjeeda qorshaha Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda in uu diidan yahay la kulanka Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, sidaasna uu uga baxay dhuusamareeb islamarkaana uu ku gaaray Gaalkacyo. Dowladda Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa sidii ay doorasha uga qaban lahayd Galmudug, balse waxaa ka hortaagan caqabado badan oo hagar daamin kara qorsahaheeda Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in muranka iyo khilaafaadka la xidhiidha arrimaha dhulku uu yahay masiibo haysata dhamaan dalka oo dhan. “Hal caqabad ah ayaa jirta oo waa khilaafaadka ka dhasha arrimaha dhulka oo sida la ogyahayna dhulku waa masiibo haysata waddanka oo dhan. Waayo dhulkan la isku haysto waa dhulkii qaranku lahaa oo dhulkii qaranka ayey dadku wada boobeen markii uu qarankii talax-gabay ee uu itaalkiisii yaraaday, kadibna iyagii (dadweynaha) ayaa isku haysta, markaa masiibada waddanka oo dhan wada haysataa waa muranka arrimaha dhulka” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Waxa kale oo Guddoomiyuhu ka warbixiyey ujeedada kulan uu la qaatey Booliska iyo bahda Garsoorka, wuxuuna yidhi: “Ujeedada ugu weyn ee kulankan waa in hay’adaha amniga, caddaaladda iyo garsoorka ee aannu madaxda u nahay ama waaxda aannu ka tirsannahay, iyadoo uu qaranku u kala qaybsan yahay waaxyo kala duwan, waxa weeyaan in aannu la fadhiisano, dhegaysanno iyo in marka ay ugu yartahay u mahadnaqno, waayo shaqo culus oo runtii ay duruuf adag ku shaqaynayaan ayey hayaan. Waxa kaloo aan tilmaamayaa in boolisku ay iyagu fuliyaan xukunnada ka soo baxa Maxkamadaha, waana hay’adda wax fulisa, markaa waxa aannu ognahay in si fiican ay u socoto.” Geesta kale Guddoomiyuhu wuxuu kula taliyey Ciidanka Booliska inay dambiyada fudud ku dhex xaliyaan saldhigyada, si culayska looga yareeyo xarumaha garsoorka iyo jeelasha Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
A Kenyan-born top Al-Shabaab commander who is believed to be responsible for conducting the El Adde attack is suspected to be among 40 militants of the terror group who were killed in an airstrike on Friday. The El Adde attack, which happened on January 15, 2016, claimed the lives of several Kenya Defence Forces soldiers and ranks as the worst military casualty Kenya has ever suffered. Security sources have revealed that Ahmed Iman Ali aka Abu Zinara, a fugitive who belongs to the terror group, is suspected to be among 40 members of Mijahideen, the Al-Qaeda group in the region, who were killed by an airstrike in Buaale town, Somalia on March 22, 2019. A security brief seen by Nairobi News, states that an unidentified aircraft, which was targeting a “building complex in Buaale town in Middle Juba, may have killed the Kenyan born terrorist and group top commander.” WANTED TERRORIST The fighter, an engineer by profession and graduate of the Jomo Kenyatta University of Agriculture and Technology, has been on the international wanted list and was in 2012 listed as a wanted terrorist by the FBI. On June 27, 2016, the militia recruiter and trainer appeared in a video propaganda called “So wait, we too are waiting with you.” The video, released by Al-Kataib, Al-Shabaab’s media wing, targeted the Kenyan military. In July 2017, Abu Zinara again appeared in another video where he issued threats to Muslims serving in Kenya’s security forces. Source: Nairobi News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-25032019.mp3 View the full article
-
Madashii Madaxweynuhu ka akhriyey khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo lagu xardhay muqaal foojari ah oo loo ekaysiiyey astaanta dasruuriga ah. Khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ee uu jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga dul akhriyey goob lagu qurxiyey muqaal foojari ah oo loo ekaysiiyey astaanta dastuuriga ah ee qaranka Somaliland, taasoo ah ceeb qaran iyo gef laga galay astaanta qaranka. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa hore u shaaciyey in hay’adaha dowladdu ay 70% isticmaalaan, isla markaana dhukumantiyada dowliga ah lagu ladho astaan khalad ah oo loo ekaysiiyey Astaanta Qaranka Somaliland. Sida ku cad qodobka 7-aad ee dastuurka Somaliland, farqaddiisa 2-aad, astaanta qaranka Somaliland waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaanna ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhexaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah. Hasa yeeshee, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo warbixin siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland taariikhdu markiin ay ahayd 2 February 2019, oo uu wargeyska Jamhuuriya hore u faafiyey warkiisa, waxa uu halkaas ku soo bandhigay farqiga u dhexeeya astaanka saxda ah ee qaranka iyo astaanta kale ee macmalka ah, taasoo uu xusay in hay’adaha dowladdu ay si xooggan u adeegsadaan. Waxa aannu runtii idinla socodsiinaynaa halkaas waxa aad ku aragtaan (labadiisa gacmood oo uu labda astaamood sare ugu qaaday) laba calaamadood oo ah astaamihii qaranka. Labadaas astaamood ee qaranka, markii aannu eegnay Hay’adaha dowladda iyo Wasaaraddaha qaranku astaanta qaranka ee ay isticmaalaan, waxa ay 70% ay isticmaalaan astaanka khaldan, markaa labadaas astaamoodba waannu gayn doonaa Golayaasha Qaranka oo dhan iyo Golaha Wasiirradaba, si loogu dhaqmo astaanta saxda ah ee aynu leenahay,” ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu. Waxa kaloo uu soo bandhigay waxyaabaha ay astaantan been-abuurka ah kaga duwan tahay astaanta saxda ah ee qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Tan (astaanta khaldan) waxa dhexda kaga qoran maaha BISINKA ee waa far Faarisi ah (luqadda lagaga hadlo dalka Iran qaybo ka mid ah waddanka Ciraaq iyo dalal kale), Allaahu akbar kagama taalo feedhaha, laakiin wax kale oo sanam ah ayaa ku yaal, waana laba arrimood oo aad iyo aad u kala duwan, laakiin waraaqaha aynu isku dirayno heer qaran waxay u badan yihiin kuwaas khaldan, taasna Insha Allaah waynu sixi doonaa.” Hasa yeeshee, hadalkaas Wasiirku waxa uu noqday biyo col-dhaanshay, kadib markii astaantaas khaladka ah ee uu hore u soo bandhigay lagu xardhay goobtii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey khudbad-sannadeedkiisa maalintii shalay, iyadoo ay halkaas wada joogeen dhammaanba hay’adaha dowliga ah ee ugu sareeya dalka Somaliland, haddii ay yihiin Golayaasha Guurtida, Wakiillada, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo madax kale oo ka socday hay’adaha dowliga ah, waxaanna ceeb qaran ahayd in Madaxweynuhu khudbad-sannadeedkiisa ka dul akhriyo goob lagu xardhay muqaal gef ku ah astaanta dastuuriga ah ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. by: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Source
-
Waxa aad maqashaa kelmed wanaagsan oo hadba inta kuraasida fadhidaa aad u adeegsato oo ah nabadgalyada hala ilaaliyo, ma nabadgalyada ayaanu ilaalinaa mise kursiga ayaanu idin ku ilaalinaa !!! Mudane Madaxwayne iyo Mudaneyaal ” M. Goleyaasha Qaranka ” waxa aad ogtihiin in mudanihii golaha guurtida ahaa ee la doortay 1997 kii ee mudo doorasheedkiisu ahayd 6 sano uu maanta fadhiyo 22 sanadood. Waxa aad og tihiin in mudanihii/marwadii Golaha Wakiilada ee la doortay 2005 ee mudo doorasheedkoodu ahaa 5 sano ay fadhiyaan 15 sanadood oo inta ay mudo doorasheedkoodii dhamaysteen laba mudo doorasheed oo kale ku darsadeen. Waxa aynu ogeyn in golayaashii deegaanada ee hore ay qaateen oo ay fadhiyeen laba mudo doorasheed halkii laga doortay mar kaliya 2002 ilaa 2012. Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii la doortay 2003 ee xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu ka talada dalka ka dagay 2010 oo aad garan kartaan inta uu mudo dhaafay. Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii ku xigay ee la doortay 2010 oo xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu talada dalka ka dagay 2017 oo aad isagana garan kartaan inta uu mudo dhaafay. Waxa aynu ognahay in goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ee xiligan fadhiya la doortay sanadkii 2012 kii ilaa maantantana ay fadhiyaan oo aad garan kartaan inta ay fadhiyaan iyo mudo dhaafkooda. Maanta aduunyada aynu ku noolahay waxa aynu ognahay in lagu kala badbaadayo ama horumar iyo xuqaaqaadka dadku leeyihiin lagu gaadhi karo iyada oo la fuliyo waxii ay umaduhu ku heshiiyeen. Waxa aan shaki inagaga jirin in horumku seeskiisu aanu ahayn daaro iyo dugsiyo la dhiso ee ay tahay sidee dadku u kala badbaadayaan ee qofwaliba mabsuud ugu noqon karaa dawladnima una arki karaa in ay dan u tahay? Taasi waxa ay ku imanaysaa sida ay ila tahay qodobadan; In Nabadgalyo la helo wax kasta oo suuragalin kara in ay burburtana laga hortago sida; 1- Sharciyada iyo nidaamkii lagu heshiiyey ee la isku aaminay oo aan loo raacin sidii la iskula gartay. 2- In laga ilaaliyo cadaw kasta oo dibadeed oo duulimaad ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada dalka. Qodobka 1aad; – Hadii aan umadu dhaqan galin oo hirgalin waxii ay ku heshiisay ee la isku aaminay oo shuruuc iyo nidaam ahaa , waxa imanaysa kalsooni daro , kala shaki iyo in aan dadku dawladnimada u arag mid danahooga wada . – Damaca siyaasiga ahi waa xuquuq ay leeyihiin muwaadiniintu , waana kuwa ugu waaweyn ee ay dawladuhu ku dumaan dadku iyaga oo xuquuqaadka kale oo dhan helaya hadii ay waayaan , sababtuna waxa ay tahay inta ay qofka ku jirto rajo uu wax ku badali karaa ma qaato ficil ku kalifaya in uu dagaalamo ama dumiyo waxa jira. Qodobka 2aad; – Isagu waa mid guud oo ka soo horjeeda dawladnimadaada iyo jiritaanka umadaada oo dibada kaaga yimaada , lagamana yaabo in uu kaa guulaysto hadii aad gufayso goldaloolooyinka lagaa heli karo oo dhan dibad iyo gudaba. ( Marka ay sidaa tahay hadii ay doonaan inta maalinba kuraasida fadhidaa in ay dadka ku yidhaahdaan nabadgalyada ilaaliya, waxa aanu leenahay nabadgalyada ilaaliya oo ka kaca kuraasida. ) Haddaba hadii aan u soo noqdo ujeedadayda iyo halka aan u socdo Somaliland waxa ay yeelatay dastuur mudo laga joogo 18 sanadood 31-May-2001, dastuurkaasi oo ay dadku ku heshiiyeen una codeeyeen oo ay ogolaadeen 97% Dastuurka dalku qaatay waxa la xasuustaa maalinta dan doorasho jirto , 130 qodob ayuu ka kooban yahay oo aan lahayn mid aad ku diido laakiin kuma shaqeyno kumana dhaqano, xeerarka la sameeyo ee ka dheegma dastuurkuna waa kuwa dan markaa joogta lagu qiyaaso intooda badani oo aan looga fikirin si qoto dheer oo mustaqbal umadeed ah. Arimahani waa kuwa keenay in ay su’aalo ka yimaadaan in dastuurka wax la iska weydiiyo, oo la yidhaahdo malaha isaga ayaa qalooca , dabcan qaladaad wuu ku jiri karaa oo waa wax binu adam sameeyay hayeeshee waxa aan is leeyahay hadii sidiisa loogu dhaqmayo oo aan xeerarkana lagu fadhiisin dano gaaban oo cidi wadato ama wakhtigaasi oo kaliya taagan wuu ina wadayaa in badan. Dulucda iyo halka aan danta u leeyahay waa nidaamka doorashooyinka dalka jamhuuriyada Somaliland oo jiitan iyo mudo dhaaf ku socda 18 kaa sanadoodba , oo xal iyo odayeyn la garab wado markii loo fulin waayey waxii lagu heshiiyey sidii uu ahaa. Xal iyo sharciga oo laga odayeeyaa hadii ay in badan ina soo saaciday maaha mid ina wadaysa , waxa aanay inagu keeni kartaa burbur Alle inaguma keeno e , oo hadii maalinba inta kuraasta fadhida ay la soo taagnaato nabadgalyada ilaali , dee waxa imanaysa adigu ilaali oo dadka u banee meesha oo nidaamkii lagu imanayey fuli. Maanta waxa aan saluugay sida uu uga hadlay iyo inta yar ee uu kaga hadlay doorashooyinka dalka oo ah halbawlaha nidaamka iyo xasiloonida dawladnimo ee dal leeyahay oo hadii la hagaajiyona dalkaasi horumarayo oo hagaagayo , hadii la hagaajin waayona halisteeda leh. Waxaana uu ka yidhi Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland intan halka hoose ku qoran; 1.6. Doorashooyinka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku. @Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
-
Beer Iskuul dhexe ( Dugsiga dhexe) ee Oodweyne iyo tuuladda beerto la yidhaaho u dhaxaysa, oo dooxa ka xigta dhanka Bidixdda, baa waxa lahaan jirey, nin mareexaan ah oo la yidhaaho ” Cali Madaxay” Waxay beer-taasi ku taalaa meel sare oo tiiro ah, sidaas awgeed roob kaste oo da’aa ( Si kaste oo uu u weyn yahay), may geli jirin biyahu. Maalin-maalmaha ka mid ah, oo uu jirde gooye ka da’ay, baa nin soo dhex maray aagaas ay ku taalo beertu, la waydiiyey, oo la yidhi, adaa dhankaa ka yimiye, beerihii daad ma galay, Wuxu ku jawaabay haa oo way galeen, misana waxa la yidhi ” Bal Ka waran beertii Cali Madaxay? Wuxu yidhi ” Adigu hadaad daad tahay beerta Cali Madxay ma geli lahayd?” Waxan uga socdaa oo aan u soo qaatay tusaalahan ” adigu-ba caqlaad leedahee, carar maxaa dhaama? ” buu yidhi wadaadkii waalaaye, Ma yawgan meesha isku urursaday, ee ay hor boodayaan labadan jaha -wareersan ee askari, baad cadaalad iyo xaq sheeg uga fadhidaan? Waxay la mid yihiin ” Daad-kaas beerta Cali madaxay galay” oo qayrul caadi ah. Waa habeenkii xalay ee tegay oo dib kuugu soo noqday. Hore baa loo yidhi ” Rag cadaalad waayaa siddii cawsha kala yaacye”, tani way iska kala dareeri doontaa” dhawaan, bishuna hortiina bay iman doontaa si dhakhso ah. Bal in aanay gari ka bixin askarta iyo daba dhilifya-doodda, kuwaas oo fandhaalo u ah lagu cuno, huntidda ummadda ee la futaynaayo, siddii muqmad Aroos, gar-gashaana aanay jirin haba-yaraatee, meel kaste oo aad maamul-koodda ka eegtid, oo aan la hayn wax cadaalad la yidhaahaa iyo garsoor, loona sinayn, ee jeegaanta aan xeer qabtaaaba jirin iyo xadhig lagu xidhaa-toona, laakiin wixii aan iyaka ahayn lagu fulinaayo, waxay ku sheegaan Distoor, kaas oo ah mid wixii aan jeegaanta ahayn loo sameeyey, daliil-kiina waa kan Muwaadin ee ku soo bood. Bal in aanay meela ka soo gelin cadaaladi iyo xaqsoor iyo wax u eeki mid-koodna, dad beelo kale ah baa loo xidh-xidhay Musuq-maasaq, (Waa sidda ay in yidhaaheene) waase beelo la iska rabo’e, haddii ay run tahay musuq-maasaq baa la dabar go’nayaa, oo aan is tus iyo ii dheh aanay ahayn, oo aan dhaaln-teed dadka loo dhigayn, Cabdiraxmaan ( waa ka War-faafinta ay ku sheegaane), waxa kuwa hanti dhawrku ay ku soo helaan, xatooyo xoolo ummadeed, taas oo loo soo gudbiyey, Xeer-ilaalinta uu leeyahay maamulka jeegaanta ee dawlad Goboleedka Soimaliland. waana la soo xisaabiyey, waxa lagu haysto. waxa uu askarigu yidhi lama xidhi karo, Cabdiraxmaan ( Waayo waa inaadeerkii), oo waxa meesha ka shaqeeya murtiddii ahayd ” Durbaan adigu Tumo ama nin ku xigaa ha kuu tumo”. hadana dam-dam been ah iyo i-araakay i-maqlaay, sawaxan hoosta ka qalaalan, oo milil jiifo, naxli iyo cuqdadi ka buuxdo, huursanayd mudo aan qiyaas lahayni, baa sidda giraantii saabka ee dhan-gedaha kale isku wadda xidhi jirtay oo kale, loo seeteeyey beelihii kale. Ruuxa maanta aan weli wax ogaani, waa mid aan xoolaha dhaamin, oo sidda askarta ah ” Laguma dhaamee dhaqaaq” oo loo ilaashado qaabkii xoolaha loo raaci jirey, ee neefka meel uga baydha dib loo soo celin jirey. waxan idin sheegayaa, qofkii u fadhiya wax Somaliland la yidhahao baa jiraw, waxad ka dhigan tahay, daayeerkii la yidhi qadhaab ka waran?, Ee ku jawaabay ” Tun-kayga iyo tagoogayga ka eeg”. ujeedo waxa weeye Somaliland wax la yidhaaho, hadeer gorayga baa ka hadaafay, ee candhuuf-tiina dib uga liqa, wax jira maaha imika’e. oo wasiirkii arimaha debedda ee Ereteriya,baabu askarigu sii faray in uu rabo isku noqosho somaliya ah. Xununal-qarqooshka Labadda Askari, ay ku dumaaleen Somaliland, qurba-siraadka bilaa sharciga ah, baan doonayaa in aan maanta shaaca idiinka qaado, maamul-koodda canda-dawlan, ee ayaan-ba-ayaanta ka damabysa ka sii darayaan, siddii ciyaartiigodod-laha ahayd ee” Dhan-walba u bood” uu xaalku hadeer u shaqaynaayo, taas oo micna-heedu yahay, wax kaa xaaranti-maysani ma jiraan, ee iska walaaqdda, idinka baa mididda daab-keedda haysta’e, waayo markii hore baanay xalaal ku iman, ee kufsi ay ku uureeyeen, siddii baanay nirig xaaraan ah ugu dhashay, markaa ma waxad ka sugaysaan, in xaaraani ay xalaal kuu dhasho, qofkii taas u fadhiyaw waxad ku riyootay been iyo munaafaqad, aan meela looga soo wareegin, waxana aad tahay doc iskaga baydh, si gaar ah loogu adeegto. Danta guud ee dalka iyo dadka ka door biday, isku xaaafad baanu ka nimi iyo rux-rux-doon dhuunta u dhintay, xil-dhaadhi wax uu boobo u bartay, siddii uu sheegaayey Xaaji Aadan Af-Qalooc (IHN) ee uu lahaa ” Waash-maan kol ay tahay, ninkii taabay meel dheregye”. tusaale u qaado, oo waxad is waydiisaa Labadan Askari ee isku sheega, Magac ay isu bixiyeen, meela aanay ka soo gelin, haddii aanay ku qaadan beri baanu xuduudda ka talawnay ( Waa Mujaahide), iyaka oo laba cumaama-dood, ay madaxa ugu duuban yihiin bay soo galeene, xagee bay ka keeneen? Maaliyadda intaa le’eg ee ay haystaan, saw boob iyo hanti umadeed maaha, haddii aad illaahay ka baqayso, oo aanay kugu abuurnayn reer hebel, oo aanad iyaka u sujuudayn, Waa shaki la’aan aan geed-na loogu soo gaban, xoolaha gacmaha ugu jiraa, in ay yihiin tii ummadda oo tuuganimo lagu dhacay. N.B Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dheregye! Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
-
(SLT-Washington)Eedeyntan ayaa dul hoganaysay labadii sano ee ugu horeysay ee madaxweynenimada Mr Trump, iyo asxaabtiisiina waxay arkeen natiijada warbixinta si ay u noqoto mid dhiirrigelisa fursadaha dib-u-doorashada. Trum ayaa aaminsan inay eedaymahaan ahaayeen kuwa been abuur ah. Ol’olihii doorashada ee madaxweyne Trump wada shaqayn ma dhex marin Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii 2016, sida ay sheegayso warbixin kooban oo Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah. Warbixintan kooban ayaanse meesha ka saarin in madaxweyne Trump uu si sharci darro ah u hor istaagay caddaaladda. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa xogtan kooban ee xildhibaannada lala wadaagay ka soo dhex saaray natiijadii ka soo baxday baaritaankii la sameeyay. Madaxweyne Trump oo arrintan ka jawaabaya ayaa Twitterka ku soo qoray “wada shaqaynna ma jirin, caddaalad la hor istaagayna ma jirin.” Trump oo baaritaanka si joogto ah ugu tilmaami jiray quraafaad ayaa Axaddii sheegay “in ay waji gabax tahay in dalku uu marxaladdan maro isaga oo ku tilmaamay “arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”. Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo. “Inkastoo aan warbixinta lagu soo gunaanadin in madaxweynuhu ambi galay, haddana lama bari yeelin,” ayuu Muller ku soo gudbiyay natiijada baadhtaankiisa. Source
-
Doha (Caasimada Onlien) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Qatar ay soo faro-gelisay xiisadda ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Qatar oo eeganeysa danaheeda gaarka ah, ay dooneyso inay wada-hadal siiso Soomaaliya iyo Kenya, si ay xal uga gaaraan muranka u dhaxeeya, Dareenka Qatar ay ku bixineyso murankan ayaa waxa uu salka ki hayaa xaqiiqda ah in Qatar ay dano ganacsi ka leedahay dhul-badeekda Soomaaliya ee Kenya ay sheegtay. Dowladda Kenya ayaa horey waxay saddex xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka Soomaaliya ee ay sheeganeyso uga iibisay shirkadda shidaalka ENI ee laga leeyahay dalka Talyaania. ENI iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriri ganacsi wadaaga. Shirkadda shidaalka dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ayaa waxa ay horey u iibsatay saamiyo ka mid ah xirmooyin shidaal badan oo shirkadda ENI ay gacanta ku dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay shirkadda ENI inay iibsatay xirmooyin shidaal ku yaalla dhul-badeed ay si sharci-darro ah ku sheeganeyso dowladda Kenya. Ma cadda, sida Qatar ay dhex-dhexaad uga noqon karto arrintan, maadaama ay ay xiriir ganacsi la leedahay shirkadda ENI oo danaynaysa in dhul-badeedka lagu muransan yahay uu noqdo mid Kenya, maadaama ay horey uga iibsatay xirmooyin shidaal. Si kastaba, haddii Soomaaliya ay ku guuleysato kiiska badda ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, waxaa meesha ka baxaya heshiiska dowladda Kenya iyo shirkadda ENI, taasi oo aan dan ugu jirin shirkadda Qatar Petroleum ee xiriirka ganacsi wadaag la leh ENI. Qatar ayaa ah dowladda saaxiibka koowaad la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo lagu tuhmayo inay gacan weyn ku lahayd doorashadii madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waa hees cusub oo si dhab-ka-hadal ah oo dareen taareen taabasho leh uga hadlaysaa xaalaadda Somaliland iyo maamulka Muuse Biixi. Heestu waxa ay leedahay “Muusow waa aad uga sii dartay oo waxa aad noqotay “Kaddare”. Waa hal-abuurkii Daaha Cabdi Gaas, waxa cod ku qaaday kooxda Dayax. Siddeetan kun bay dhiggaa Dadkani cod ku dhaafiyeen Mujaahid dal soo dhacshiyo Wax baad dheer tahay dadkana Inay kaa dhaadhacdaa Dhalliil weeyee ogow. Kuwii dalka kula dhacshiyo Kuwii dhiigga kula shubiyo Dhiggaa waa nool yahee Waxay Muusaw dhabtii Kursiga kuugu dhaariyeen Habeen isagaan ka dhixin Ka dhoofin intuu jiroo Dhulkiyo bulshadaba yaqaan. Intaa dhiman ee hadhiyo Qabyada ha dhammaystiray Runtii kuugu dhiirradeen. Sicirka dhadhamada bulshada Cirkaa dhuuniga u baxay Wixii dhakhso celin lahaa Xal bay dhawrayaan la helo. Hooyadii codka dhiibatiyo Dhallaankii ku doortay shalay Dheefiyo iska daa cuntee Dhuuniga biyo uma helaan. Dhulkuna wuu badan yahee Dhammaan Somaliland Way dhaantay markii horee Hadday sii dheellidoo Dhan baa sadbursiimadii Halkii laga dhimi lahaa Dheeraad ugu sii dartee. Dhismaha dawladdiyo sharciga Soo dhaafi Hargaysa oo Ka dhaadhici Buurta Sheekh Ilaa Dhahar iyo Taleex Gaadhsii dhan kastaba cadliga Iyadoo isu dheellitiran Dux iyo dheef haw sinmeen Xilkiyo dhadhamada bulshadu. Intaan ku dhalliili jirey Dhammaan dawladdaydi hore Adaa dhaafiyoo ka daray Qaran News
-
Nin aqoon yahan ah , oo gacan biyo ah , agtiisa fadhiya , oo daawanaaya nimcooyinka illaahay dunida ku manaystay , ayaa waxay indhihiisu qabteen DIBQALOOC gacankii biyaha ku dhacay oo hafanaaya oo sii qarqaaya , ninkii aqoonyahanka ahaa wuxuu go’aansaday in uu dibqalooca badbaadiyo , Gacantiisii buu isyidhi ku soo qabo dibqaloocii Dibqaloociina wuu qaniinay , gacantii buu kala soo booday , isaga oo aad u qaylinaaya xanuun awgii . Hadana wax yar ka bacdi ayuu isyidhi , waar miskiinkan sidaa haku eegine badbaadi . Gacantuu isyidhi ku soo qabo , DIBQALOOCII hadana mar kale ayuu qaniinay . Gacantii ayuu dib ula soo booday , isaga oo hadana qaylinaaya xanuun awgii . Hadana mar saddexaad ayuu isyidhi tijaabi , bal inaad badbaadiso naftan sii qarqaysa . Meel agtiisa ah waxa fadhiyay nin kale oo arkaayay waxa dhacay oo la socday , ninkii oo sare u qaylinaaya , ayaa waxa uu waydiiyay oo yidhi : waar ninyahaw waan arkaayay wixii kugu dhacay ee aad kala kulantay , hadaba miyaanad waxba ka baran wixii kugu dhacay , markii KOOBAAD ee aad gacantaada u fidisay bahaLkani wuu ku qaniinay , markii LABAADNA xanuunkii kula kulmay miyaad ilawday , Iminkana weli gacantaadii waad sii waddaa , ee miyaanad ka waantoobin . Ninkii aqoonyahanka ahaa , isaga oo aan dan ka gelin dhaliishii ninku u soo jeediyay , waxa uu halkii ka sii waday , hawshii ahayd , sidii uu u badbaadin lahaa DIBQALOOCII . Markii danbena wuu ku guuldaraystay in uu dibqaloocii badbaadiyo . Kabacdina xaggii ninkii kale fadhiyay ayuu u dhaqaaqay , waxaanu ku yidhi : Dabciga (dhaqanka) dibqaloocu waa inuu wax qaniino , ANIGANA dabcigaygu (dhaqankaygu) (dabeecadaydu) waa inaan wax badbaadiyo , LAAKIIN nasiib daro ayaa dhacday maanta , oo ddibqaloocii waan badbaadin kari waayay , isagaana dibqaloocu u sabab ahaa , markaa ninyahaw adigu waxaad ila doonaysaa , inaan dabciga (dabeecadda ) (dhaqanka ) dibqalooca aan qaato , oo kayga aan ka tago. Hadaba DIBQALOOC abaal gudkiisu waa qaniinyo , XISBIGII KULMIYENA shacabkii somaliland ee doortay iyo ciddii gacan soo sii sayba , wuu wada qaniinay , oo cid badbaadin karaysaa maanta ma jirto . Hadana xisbigii kulmiye wuxuu iminka doonayaa , in loo kordhiyo oo uu qaniinyooyinka sii badiyo . Suurto gal miyay tahay , ii kordhiya aan idin qaniinee. Suurto gal miyay tahay i doorta mar kale aan xoog idiin sii qaniinee . Abaal gudkii xisbiga kulmiye wuxuu noqday qaniinyooyin , uu dalkii iyo dadkiiba u geystay . Bal adba maxay kula tahay ? CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli @hotmail.co.uk Qaran News
-
30 DAQIIQO OO FAAN & BEEN AH: Ma hubo inaynu weli ku jirno Ololihii Doorashada ee Dadka Shacabka ah Xisbiga Kulmiye Beenta ugu Sheegayey si uu Codkooda u Xado. Qudbada Madaxweynuhu Shalay ka hor Akhriyey Labada Gole run ahaan waxay ahayd Qudbadii ugu LIIDATAY, ugu FAANKA Badnayd, uguna HAB-MAAMUUSKA xumeyd ee Abid uu soo jeediyo Madaxweyne Somaliland ahi “Waxaan fili waa Socod-barade’ aynu eegno kuwa Xigi doona ee Sanadaha Soo Socda”. Maxaa Khaldamay: 1) Ugu horayn Madaweynuhu wuxuu Qudbada Sanadka ka jeediyey Labada gole Hortooda, Balse wuxuu Garbaha iska Dhigay Taliyayaashii Ciidamada Qaranka, halkii ay garba joogi lahaayeen Gudoomiyayaasha Labada Gole. Maan-garanin Qorsha iyo Habmaamuuska meesha ka Socday a) Dalku Ma Dagaal buu ku jiraa?? b) Madaxweynuhu Ma Ciidamo ayuu u Qudbadaynayaa oo Dagaal-gelin buu ku jiray??? Indhaha Caalamku waa Yaabeen!!! 2) Madaxweynuhu wuxuu Qudbadaynayey 30-Daqiiqo; Qudbadiisa Bilow ilaa dhamaad Waxay ahay Faan iyo Buunbiinin Waxyaalo uu yidhi waanu qabtay, Balse aan la Arkin lana Taaban karin Badidooda “Bal Madaxweynuhu waxqabadka Wasiiradu u soo gudbiyeen dib ha ugu noqdo oo ha soo hubiyo”. 3) Madaxweynuhu Wuxuu ka Gaabsaday inuu ka hadlo waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee Shacabku ka sugayey ee kala ahaa: a) Furfurka Bulshada ku dhacay ee Daweynta u Baahnaa b) Cabashada Saami-qaybsi ee indhaha Bulshada & Caalamkuba arkayaan c) Arimaha Cabashada Gobolada Bariga ee Furista Dastuurka d) Qabsoomida Doorashooyinka Goloyaasha ee 2da Jeer la korshiyey Mudadii Sanadka ahayd ee Muuse Madaxweynaha ahaa e) Jabhadaha Hubaysan ee Dalka ka Samaysmay f) Sicir Bararka Baahsan ee Bulshada Aafeeyey g) Cabashada Garsoorka ka dhex-jira ee Garsoore kastaa Go’aanka Jeebkiisa kala soo Baxayo h) Cabudhinta Saxaafada loo diiday inay Madaxweynaha Waraystaan i) Qorshaha cad ee Soomaalilaand ka leedahay Isbedelka Geeska ka Socda j) Waxqabadkii DPW ee isu bedeley Dayactirka Dekedeenii hore iyo Weliba Jidadkeenii Hore. Tiro laguma soo koobi karo Cabashada & Tabashada Qarankan ka dhex-jirta ee Madaxweyne Muuse Xalkooda iyo Qorshahooda laga sugayey balse uu Sacab & Mushxarad isku Dhaafiyey. Waa Nasiib Xumo inuu Madaxweynuhu iska indho-tiray Waaqiciga dhabta ah ee Dalka yaal; una dhaqmay sidii Rajiimkii Mohamed Siyaad ee Sacabka iyo Jaanta qudha Maqli jirey, Soomaalidaa ku Maahmaahda “Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho”. Afhayeenka Yurub Xisbiga Waddani Qasim A Saleebaan Qaran News
-
Wax u muuqda inay yihiin kalsooni siyaasadeed middii ugu weyneyd ayaa laga dareemay booqashada uu Axmed Madoobe kusoo gaaray magaalada Muqdisho. Kuma filneyn kaliya waddooyinka magaalada oo loo xiro imaatinkiisa. Wuxuu si lagu faani karo ula soo degay guutooyin ciidamo si fiican u qalabeysan kuwaas oo hareer socday. Laba sannadood kahor markii uu imaanayay halkan, Madoobe wuxuu u muuqday sida qof caadiga. Maanta oo kaddib laba toddobaad un wax ka yar uu magaalada Kismaayo ku qaabilay R/W Kheyre, wuxuu ugu danbeyn ku yimid balan-qaadkiisii ahaa inuu imaan doono Muqdisho. Madoobe oo goor hore lumiyay saaxiibadii garabkii taagnaa, waxaa cad inuu hadda diyaar u yahay inuu micno walba oo suura-gelin kara wada-shaqeynta dowladda dhexe uu la gaaro madaxda qaranka. Hayeeshe, taasi ma ahan mid u sahlan sida loo yiri. Dib-u-raacista taxanaha dhex yaal labada dhinac wuxuu marwalba ku dhisnaa sedbursiino. Wuxuuna Madoobe marwalba – isaga oo helaya taageerada saaxiibadii ay isla aas-aaseen Golaha Iskaashiga – aad u quudarreyn jiray inuu kaalin libaax ku yeesho siyaasadda gobalka iyo tan dibadda. Sidoo kale, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya ee Kismaayo dagaal ba’an kaddib al-Shabaab ku qasbay inay isaga baxaan, Madoobe wuxuu hadiyo jeer lahaa kalsooni dheeraad ah oo aanay qabin xubnihii ay iskala tirsanaayeen Golaha. Waxa Jubbaland ay kaga duwan tahay maamullada kale waa iyada oo amnigeeda uusan ganacta ugu jirin Itoobiya, balse ay gooni u ilaashato Kenya. Hadda oo Madoobe mar kale – isaga oo xanbaarsan fikir ka duwan kii uu ka qabay dowladdan sannad kahor, uu soo gaaray caasimadda, waxaa iska cad inuusan ku qanci doonin inaan la fara-gelin taliskiisa. Taasina uu ku bixin doono micno walba oo maangal ka dhigi kara si uu ku xaqiijiyo. Balse maxay noqon karaan micnayaashaas? Khubarada ayaa aaminsan in Axmed uusan dooneyn in sida saaxiibadii hore aan si toos ah iyo mid dadban intaba aan lagu dayin is-beddelka laga yaabo inay ku timaado doorashada soo socta ee ka dhacaysa Jubbaland. Taas beddelkeeda, wuxuu ku qanacsan yahay inuu si toos isaga oo isku kalsoon uu kaga qeybgalo doorashada. Hayeeshe, dhicitaanka doorashada laftigeeda ayaa laga fahmi karaa haddii Axmed isku arko xulka kusoo bixi kara doonista NabadIyoNolol. Tallaabooyinka xigi kara kaddib kulamada uu Muqdisho kula qaatay madaxweyne Farmaajo ayaana taas laga garan doonaa. Mid kale oo waxaa jirta u furan labada dhinac, taasina waxay ku imaanaysaa is-weydaarsiga fursadaha labada dhinac ay iska dhex arki karaan. In haddaba aan lagu kala dhaqaaqin is-nabdaadin balse loo dhaadhaco gunta hoose ee iskaashiga, waxay labada dhinac mid kasta gaarkiisa u siinaysa fursad uu ma labaad ku sahmiyo wixii kaga qaldamay tagtadii hore. W/Q: Cabdijabaar Xuseen Muuse Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Finland)-Wasiir ka tirsan Dowladda Finland ayaa la sheegay in shalay la cabsi-geliyey, xilli uu ka qeyb galay Dibadbax Doorasho. Booliska ayaa sheegay in nin aan la aqoonsanin uu u hanjabay Wasiirka oo isagu baxsaday iyadoo ayna dhawaacyo soo gaadhin. Booliska ma ayna carabaabin magaca Wasiirka loo hanjabay, balse, Sawir-qaade sawiro ka soo qaaday Dibadbaxaasi ayaa sheegay in Wasiirka la cabsi-geliyey ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Finland oo lagu magacaabo Timo Soini. Wasaaradda Arrimaha Dibedda wax hadal ah kama ayna bixinin arrintaasi. Afhayeenad u hadashay Wasiir Timo Soini oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS la xidhiidhay wey ka gaabsatay inay ka hadasho dhacdadaasi. Warbaahinta iyo Booliska dalka Finland midna wax faahfaahin ah kama aysan bixinin haddii Ninka weeraray Wasiirka uu hubeysnaa, kadib hanjabaadda uu Wasiirka ku siiyey Dhacdadaasi oo ka dhacday Suuqa ku yaalla Deegaanka Korso Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Helsinki. Ciiddan ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa la sheegay inay garba-duub u xireen ninka weeraray Wasiirka, kaasi oo watay shaar madow oo ay ka muuqatay Calaamadda Koox ka soo horjeeda Muhaajiriinta ku nool dalka Finland, oo la magac baxeen Ciiddankii Odlin. Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-25032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa ku tagay maanta kormeer qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho. Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa kormeeray Wasaarada Gaashaandhiga Somalia iyo Xerada Jenaraal Gordon iyo kuwo kale, wuxuuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidan. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha uu madaxweynuhu kala hadlay saraakiishuu la kulmay ay qayb ka ahaayeen cabashada ciidamada ee mushaar la’aanta afarta bilood haysatay, taasoo ay u sii dheer-tahay in laga goostay saadkii cunno. Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamadii uu soo arkay wuxuu u sheegay inay heli doonaan wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin, isagoo ka dalbaday inay ammaanka dalka sugaan, ayna qaadaan duullaan ka dhan ah Al-shabaab. Dhanka kale, Ciidamada Koofiyad casta loo yaqaan ee madaxtooyada gaarka ka haya ayaa saakay xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku dhaw xarumaha uu madaxweynuhu booqday, iyadoo muddadii ay waddooyinku xirnaayeen ay shacabku cagahooda maalayeen. Madaxtooyada Somalia wali wax war ah kama soo saarin kormeerka saakay uu madaxweyne Farmaajo ku tagay xeryaha ciidamada, iyadoo socdaalkan loo diiday iay qayb ka noqoto warbaahinta dowladda iyo madaxa bannaan ee ka hawlgala Muqdisho. Kormeerka madaxweyne Famaajo uu maanta ku maray xeryaha ciidamada ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ciidamada dowladda sameeyeen gadood ay kaga cabanayeen mushaar iyo cunno la’aan socotay muddo afar bilood ah, inkastoo madaxda dalka ay inkireen cabashadaas. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkii hore sheegay in dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Ingiriiska ay joojiyeen malaayiin doollar oo ay ku bixin jireen mushaar ahaan ciidamada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kormeerro ku maray Xeryaha Ciidammada Dowladda appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Dad badan ayaa si adag uga falceliyay farshaxan xumo iyo dhalan gadi foolxun oo lagu sameeyay Astaantii Guud ee Qaranka Somaliland taasi oo lagu dhejiyay Miiskii Hoolka Golaha Guurtida ee uu Shalay Madaxweyne Muuse Khudbad Sannadeedka uga jeediyay labada Golle Baarlamaan. Waxay shalay si cadho leh baraha Bulshada aad loogu falanqeeyay Arintaasi kadib markii sawirada qaabka loo bahdilay lagu soo daadiyay Baraha Xidhiidhka Bulshada. Abwaanka Caanka ah ee reer Somaliland ee Xasan Daahir Weedhsame oo bartiisa Facebookga soo dhigay Sawirradda bahdilka lagu sameeyay Astaanta qaranka ayaa waxa uu soo raaciyay Qoraalkan “Miiskaa googoradda lagu sawiray haddaan sii baadho, waxaan ogaan doonaa inuu mid yar oo dhex-marayaasha amran ka mid ahi qandaraas ku qaatay. Waar nala saa’ira oo bal in yar uun na ixtiraama aan idiin ducaynee”. Dad badan oo kale ayaa ka falceliyay arintan. Source