-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sidey isu waafaqayaan goni isu taaga Somaliland iyo hanka Abiy Ahmed ee midnimada geeska Afrika . Go’aanki 18 May, 1991 lagaga dhawaaqey magalada Burco goni isu taaga Somaliland mu aheyn mid si hawl yari ku yimid ama cid gaar ah ku dhawaaqdey ee qeybaha kala duwan ee mujtamaca Somaliland wey u wada dhamaa’een sida madax dhaqmeedka, hormoodka siyaasiyinta, wax garadka, culimaa’u diinka Somaliland. Waxa ku xigtey aftidi dastuurka Somaliland ee shacabka laga qaadey, 2001 oo 97% u codeyeen goni isu taaga Somaliland. Somaliland waxey soo martey marxalado badan oo kala du duwan, sida dib u heshisiinta beelaaha walaalaha ‘ah ee reer Somaliland( Reconciliation of the conflicted tribes of Somaliland ), hub ka dhigista ( Disarmament )waxey sameeysatey dawlad ku dhisan seddexda dhadhaar ee golaha fulinta, golaha sharci dejinta iyo golaha cadaaladda, hanaanka xisbiyada badan, xoriyat al qawlka iyo doorashooyin hal qof hal cod oo si nabad gelyo iyo hufnaan u dhaca, beesha caalamkuna goob joog ka ahaayeen, mandaqadda geeska afrikana ku cusub ( kenya oo qudha aya nidaamka hal qof hal cod ku wahelisa Somaliland ) . Waxay xukuumadihi kala dambeyey ( Shan madaxwene aya si nabad gelya’ ah isu bedeley ) ka hawl galeen Ictiraaf raadinta Somaliland, iyago ku guuleystey iney ka furaan xafiisyo metala danaha Somaliland caasimadaha dawladaha qaar, sida Djibouti, Ethopia, Kenya, UAE, Ingiriiska, Mareykanka, iwm. Ictiraaf raadintu wa qodobka labaad ee ahamiyadda weyn u leh Somaliland ee ku xiga AMNIGA IYO NABAD GALYADA Somaliland. Haddaba markaan ku soo noqdo dulucda maqaalkegan, marka cilmiga siyaasadda la baranaayo, dariska kowaad waxu othanaya, siyaasaddu waxey le dahey dano joogta ah ee ma leh saaxib joogta’ah ( Xigasho, PM Churchill ). Ethiopia waxa innaga dhexeeya dano badan, sida tu amni, dhaqaale, shacab ( dadka Somaliland ka soo jeeda labada dawladood wey degaan ), shaqo abuur, daaqsimo, waraab iwm. Haddaba caqliga saliimka ee sida wax u arkaya mar walba innu xoojiyo arrimaha mooye kama suurtoodo innu wax yeleeyo. Madaxdi EPRDF ee ka horeysey prime minister Abiy Ahmed ee May, 1991 talada dalka Ethiopia la wareegey sida cadceedda ayey u arkayeen danaha labada dal ka dhexeeya ee Somaliland iyo Ethiopia laakiin mudane Prime minister Abiy Ahmed waxaad mooda innu la yimid han siyaasadeed oo dulucdeedu tahey midnimada geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Siyasadaaso’ aanu soo bandhigin qorshe cad oo tafaatiran qaab ka loo fulinaayo, balse laga ogaadey hadalo iyo wareysiyo uu saxaafadda siiyo marku la kulmaayo madaxda kale ee labada dal ee Somalia iyo Eritrea oo iyagu marnaba laga maqal midnimada uu sheegayo mudane Abiy Ahmed. Siyaasadda cusub ee mudane Abiy Ahmed waxey keentey faa’iido iyo khasaare labadaba. Faa’iidooyinku waxa weyaan: In colaadihi ka dhexeeyey dawladaha geeska Afrika sida Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal boqolaal kun ku dhinteen qaar na ku naf waayeen innu soo afjaro, dhulki Badme ee muranku ka taagnana uu Eritrea u celiyo.Ganacsiga ka dhexeeyey labada dal oo dib u bilaabmey In Somalia iyo Eritrea dib u heeshisiyo. In colaaddi ka dhexeeysey Djibouti iyo Eritrea ee muranka dhulka (Ras Dumeira ) ee Eritrea ka qabsatey Djibouti u wada hadal u socdo laakiin ilaa hadda wax xal midha dhal ah lama gaadhin. Khasaaraha waxa ka mid ah : In siyaasadan cusub ee midnimada geeska Afrika aanu mudane Ahmed Abiy si cad oo qayaxan u soo bandhigin taaso geeska Afrika ka abuurtey shaki iyo jaha wareer siyaasadeed, dhaqaale. bulsho, amini, iyado marar qaarkood ka soo baxayaan mudane Ahmed Abiy iyo Generalada ciidamadisa hadalo nuxuurkisu iftiminaya baahida ay ciidankooda badda u qabaan xeebaha balaadhan ee Somalia ee cidna ka manaafacaadsan. Diblumaasiga caanka ‘ah ee Ethiopia Birhanemeskel Abebe wuxu yidhi’’ waxaanu midnimada geeska Afrika’ u dooneyna inaanu u helno ciidanka badda saldhig military’’ ( xigasho BBC News 14 June. 2018 ) Waxa xawaarahoodu hoos u dhacey xawligi’ iyo dar darti ay hore ugu socdeen qaar ka mid aha heeshisyadi mashaaricdi ay saxeexeen madaxdi EPRDF ee ka horeysey mudane prime minister Abiy Ahmed sida saamigi 19% ee ay Ethiopia ku la heyd dekedda Berbera, waxa kalo ka maqna labada xafladood ee dhegax dhigga balaadhinta dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor mas’uulinta heer federal oo mas’uuliyadoodu tahey mashaaricda noocan ihi. Mashruuci balaadhna ee $ 24 bilion ( Lamu South Sudan Ethiopia Transport ‘’ lapsset’’ ) ee Ethiopia la gashey Kenya 2012 oo sidi u xaniban Dagaalada qawmiyadaha Ethiopia dhexdeeda ka socda iyo cabsi laga qabo innu saameeyo nabad gelyada dawladaha jaarka ah. Eng. Bashe Cabdi Gaboobe Email : gaboobe _3@ hotmail.com Qaran News
-
(SLT-Gado)-Eedeysanahan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa in mudo ah ku xidhnaa saldhigga dhexe ee degmada Garbahaareey ayadoo loo heystay dambi isugu jira dil iyo Kufsi. Ninkan ayaa ku eedeysnaa in gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Macallin Saalax oo ay da’deedu ahayd 18 sano jir uu kusaday kadibna ceenji ku dilay, waxaana falkan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yucubleey oo qiyaastii 15 KM u jira degmada Garbahaareey. 32 sano jirkan ayay Maxkamadda degmada Garbahaareey 04-tii bishan march ku riday xukun dil ah, waxaana maanta ay maxkamaddu fulisay xukunkaasi. Ninkan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaal duleedka degmada Garbahaareey, waxaana goobtii uu dilku ka dhacayay ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi iyo xubno ka socday maxkamadda cadaaladda degmada Garbahaareey. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Khayr iyo La Taliyayaashiisa, ayaa loo galbiyay madaxtooyada dowladda Itoobiya oo ay kulamo kula yeelanayaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Madaxweyne Farmaajo iyo Abiye Axmed ayaa kulan horudhac ah ku yeeshan qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Bole, waxaa ay yeelan doonaan kulan kale oo labo geesood ah oo lagaga hadlayo iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo amniga dalalka dhaca Geeska Afrika. Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Magaceeda loo soo gaabiyo FANA ayaa qortay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu horseed ka yahay aragtida nabad ku wada noolaanshaha Gobolka Geeska Afrika. Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayan in labada hoggaamiye ay isla soo qaadi doonaan sida la sheegay xaaladda kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday. Axadii la soo dhaafay waxaa magaalada Asmara kulan Saddex geesood ah ku yeeshay Hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, iyagoo ku heshiiyay sameysashada Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya. Kenya ayaa il gaar ah ku heysa waxa ka soo baxa kulankan cusub ee maanta dhexmaraya Abiye iyo Farmaajo, waxaana suura gal ah in kulankooda uu qeyb ka noqdo madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afwerki. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Isku dhacyo kooban ayaa Ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad taabacsan maamulka Puntland ku dhexmaray degaanka Gambadha oo ilaa 30km u jira magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka oo lagu sheegay mid gaadmo ah laakiin, Ciidanka Qaranka ee Somaliland ayaa ku hanjabay in aanay faraha ka laaban doonin haddii ay sii socdaan weerarrada maleeshiyaadka Puntland. Sida ay sheegayaan xogaha wargeyska Waaberi ka helay ay maleeshiyadu jidka ugu galeen ciidamo ka tirsnan Militariga Somaliland waxa ka dhashay khasaare kooban waxaana maleeshiyaadka laga qabsaday hal gaadhi. Kooxda ayaa la sheegay in uu hoggaaminayay nin u dhashay gobolka Sool oo ka mid ah maleeshiyaadka Puntland. Afhayeenka ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdidheere) oo warbaahinta kula hadlay miiska saraakiisha ee Hargeysa ayaa sheegay in dagaalladii u dhexeeyay Somaliland iyo maamulka Puntland ay u arkayeen mid uu waday nidaamkii Cabdiwali Gaas laakiin, aanay tuurtuurka maleeshiyaadku wali joogsan. “Waxa jiray waayadan dambe in dagaal nagu dhexmaray Tukaraq ciidanka Qaranka JSL iyo maamulka Puntland, dagaalkaas oo aanu u arkaynay in ay wadeen maamulkii la bedelay ee Puntland taas oo muddadan dambe ee ay dhacday doorashadii Puntland aanu filaynay in ay nala qaateen nabadda aanu ku naaloonayno ee aanu doonayno in jaarku ku wada noolaado oo nabadda sida aanu uga shaqayno uga shaqeeyaan,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Qaranka Somaliland. Waxa uu intaasi raaciyay in shalay iyo dorraadba ay dhaceen weerarro dhanka Sanaag iyo Sool ba ah “Hase yeeshee shalay (Dorraad) iyo maantaba(Shalay) waxa dhacay dagaal gaadmo ah ama itaal darro ah oo aan waxba ka qaadayn ciidanka JSL oo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag Bari iyo Sool ba. Shalay (Dorraad) waxa naloo sheegay in ay soo galeen soone ka mid ah Sanaag Bari ciidanka Qaranka ayaana baacsaday waxaanay eryadeen ilaa ay ka baxayeen xuduudda Somaliland. Maanta (Shalay) laba baabuur oo ay leeyihiin Puntland ayaa Barqadii soo weeraray ciidanka ay fadhiisimadu u yihiin Gambadha Ciidanka Qaranku si fiican buu isu daafacay waanu ka war helay labadii baabuur mid ka mid ahna waanu ka qabsanay, warka dhankooda ka imanaya waxa naloo sheegay in afar qof ka dhaawacmeen oo taliyihii ciidanka watay ka mid yahay,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenku. Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu ka digay in madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni sii wado colaadda u dhexeysa labada dhinac “Waxaanu ka digayna oo aanu ku celinayna anaga oo raacayna Istiraatijiyadda madaxweynaha JSL ku celceliyay ee ahayd in Somaliland nabad kula noolaanayso jaararka, hase yeeshee haddii ay Puntland joojin waydo waddada hore ee ay hayso ee maamulkii hore mari jiray ee kii maantuna raacay waxaanu ka bixin doona tallaabo ku haboon oo aanu maanta ciidanka Qaranka JSL cidna u daba fadhiisanayn cidna kula gorgortamayn sugidda ammaanka xuduudda Somaliland, arrintaasi haddii ay dib u dhacdo wuxuu ciidanka Qaranku qaadi doona tallaabada ku haboon,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka Ciidanka Qaranka ee Somaliland. Dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa ilaa horraantii sanadkii 2018 waxa aagga Tukaraq ku dhexmarayay dagaallo soo noqnoqday oo saamayn ku yeeshay labada dhinac iyo ammaanka Mandaqada. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dorraad ka hadlayay munaasibad lagu daahfurayay dhallinyarada carbiska Shaqo Qaran u bilawday ayaa sheegay in culays dhaqaale ay ku yeelatay xiisadda Tukaraq “ Shaqada Qaranka markii aanu aasaasaynay dhaqaalaheenu wuu yara waxay ahayd in aanu lix bilood hor qabano dib bay u dhacday. Markii aanu qorshihii u horeeyay galnay hawlo badan baa inala kulmay; mid waxay ahayd duufaankii ka dhacay Galbeedka oo culayskeeda dhaqaale yeelatay midna waxay ahayd weerarkii Puntland inagu soo qaadday oo culayskiisa yeeshay intii ka dhexeysay oo dhan dhaqaale ahaan ayaanu ula rafanaynay,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa la filaya in ay dhawaan dib u bilaabaan wada hadalka labada dhinac taas oo la filayo in ay qayb ka noqdaan joojinta colaadda labada dal. Source
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu toogtay nin kufsaday haweeneey kadibna dilay. Maxamuud Cali Xaamud ayeey Ciidamada Dowlada ku fuliyeen Dil Toogasho ah. Marxuumka ayaa horay u Kufsaday Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax. Maxkmada Garbahaareey ayaa dil toogasho ah ku riday kal hore iyada oo isla maantana fulisay. PUNTLAND POST The post Garbahaareey: Toogasho lagu fuliyay nin kufsaday haweeneey kadibna dilay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Wabarshada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe. Dhaarinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kula dar-daarmay Wasiirka in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo uu ugu adeegayo shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in uu ka feejignaado waxkasta oo hoos u dhac u keenaya shaqadiisa. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey wasiirka cusub in uu ku asturo shaqadiisa, uuna ka yeelo mid si daacada, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday. Wasiirka Wasaaradda Wabarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa noqonaya Wasiirkii ugu danbeeyey ee la dhaariyo, taasi oo macnaheedu tahay in dhammaan ay mareen Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland dhaarta dasduuriga ah. ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? Puntland Post The post Wasiirka Waxbarashada Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray Addis Ababa ,iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya. Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal oo uu ugu horeeyo Amniga iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka. Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. View the full article
-
Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in Ethiopia on Monday (March 5) on an official visit. He was received at the Bole International Airport by his host Prime Minister Abiy Ahmed. Both leaders are expected to hold talks on bilateral and regional issues. “The visit has come as part of Prime Minister Dr. Abiy Ahmed’s initiative for regional peace and security and economic integration in the Horn of Africa region,” the PM’s office noted. The Somali delegation included top government officials whiles the reception officials also included Foreign Minister Workneh Gebeyehu and Peace Minister Muferiat Kamil. Farmaajo’s last visit to Ethiopia was in February 2019 when he joined heads of government for the 32nd African Union, AU, summit. He visited last year flying to Bahir Dar in the Amhara region to join Abiy and Eritrean President Isaias Afwerki for the second edition of a tripartite summit between the three countries. He was billed to visit in February when Somaliland leader was also due in Addis Ababa. Despite official confirmation of the meeting between Farmaajo and Muse Bihi, his participation did not materialize. It is not known if the current talks will include conditions for a possible meeting with the leader of Somaliland – the semi-autonomous region of Somalia. Ethiopia and Somalia have a long history with Addis Ababa in the recent years accused of being behind instability in Somalia even though Ethiopian troops continue to serve under the AU mission, AMISOM. View the full article
-
Ciidamada Puntland ayaa sameeyey howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana lagu soo qabtay ku dhowaad 100 qof oo dhallinyaro u badan. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cowke oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in howlgalladan ahaayeen kuwo ammaanka lagu xaqiijinayey. Dhallinyarada ay soo qabteen ayuu sheegay iney ka kala tirsanaayeen ururo u gaar ah oo ay sameysteen, islamarkaana ay magaalada qalqal ku hayeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, taliye ku xigeenka ayaa sheegay in weli ay socdaan howlgalladan, oo inta amniga magaalada Gaalkacyo wax laga bedalayo ay wadi doonaan. “Dhallinyaro gaareysa 70 illaa 80 ayaan kusoo qabannay howlgalladii aan sameennay Saddexdii cisho ee lsoo dhaafay, welina waa ay socdaan, waxaan soo qabannay dhallinaro wax u dhimayey ammaanka magaalada” ayuu yiri taliyaha. Howlgalladan ay wadaan ciidamada Puntland waxaa sidoo kale dhinac socda howlgalka Caaisha Maxay Galabsatay oo lagu raadinayo cid walbo oo ku lug lahayd gabadhii yareed ee inta la kufsaday hadane lagu dilay Gaalkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (SMN) – Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdullahi Xasan oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Puntland dagaallo saaadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Sool iyo Sanaag. Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada milatariga Puntland ay weeraro ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidankooda, islamarkaana ay iska difaaceen. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku qabsadeen dagaalladaasi gaari dagaal oo ay laheyd Puntland sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/soomli.mp3 View the full article
-
Boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka Baay ayaa gaaray deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi. Cali Xuseen Cali oo ah guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dejin. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadkan sababaha ay usoo carareen ay tahay kadib markii Al-shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan. “Waxay kasoo carareen Al-shabaab oo doonaya in caruurtooda ka qaataan, waxaan dejinnay hadda deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha. Dadka xaaladooda ayaa ah mid adag, waxayna u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo isugu jira cunto, biyo iyo sidoo kale in laga caawiyo deegaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/GUDDOOMIYAHA-AWDIINLE-BAAY-CALI-XUSEEN-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Meydka suxufi Jamaal Khaashuqji ayay u badan tahay in lagu gubay gudaha guriga uu magaalada Istanbul ka degan yahay qunsulka Sacuudiga, waxaa sidaas shaaca ka qaaday baaritaan uu sameeyey taleefishinka Aljazeera. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isha ku hayey qiiq kasoo baxayey gudaha guriga qunsulka kadib markii baco ay ku jiraan xubnaha la jarjaray ee suxufiga laga soo qaaday qunsuliyadda lana keenay guriga qunsulka markii la dilay kadib. Aljazeera ayaa wareysi la yeelatay shaqaale dhisay foorno laga dhex-sameeyey guriga qunsulka oo la rumeysan yahay in meydka lagu gubay. haqaalahan ayaa sheegay in foornadan uu u dhisay si waafaqsan hab ay codsatay qunsuliyadda, oo ahaa inay noqoto mid aad hoos ugu qoto dheer islamarkaana heer kulkeeda uu gaari kaari 1,000 heerkul cabikra Celsius ah. Markii la gubay hilibka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa kadib sidoo kale foornada lagu gubay hilib xoolo oo aad u badan si loogu qariyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga, halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Source
-
Gedo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar iyo duqeymo ay ka dhaceen deegaankaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo , Waxaana dagaalka ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka ay kala kulmeen Alshabaab ay iska caabiyeen islamarkaana ay iska difaaceen weerarka Alshabaab kaga yimid. Weerarka kadib duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo waxaana duqeynta la sheegay inay khasaaro ka gaartay Alshabaab. Alshabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarka ka dhacay deegaanka Buusaar waxaana ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo ay ku weerareen deegaanka, iyadoo xubnaha dowladda ay dhankooda guulo sheegtay. Majiro wax war ah kasoo baxay dhanka madaxda dowladda ee gobolka Gedo sidoo kale majiro war kasoo baxay dhanka ciidamada Mareykanka oo duqeynmo ka fuliya gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamadda degmada Garbahaarey ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku fulisay nin la sheegay in uu kufsaday haweeney kadibna uu dilay. Aadan Siraad Maxamuud oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Garbahaarey oo la hadlay Gooboog, wuxuu sheegay in ninka la dilay lagu magacaabayey Maxamuud Cali Xaamu, uuna jiray 32 sano. Sidoo kale, waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ninkan uu qirtay falkaasi, sidaasina loogu xukumay dilka, iyadoo maantana lagu fuliyay. Arrintan waxay imaaneysaa iyadoo dhowaan magaalada Gaalkacyo ee Mudug lagu kufsaday Caaisha Ilyaas oo 12-sano jir ah, kadibna la dilay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/wareysi-gudoomiye-ku-xigeenka-garbahaarey-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay warbaainta qaranka ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxay ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada Dowladood ,labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga uu ugu horeeyo, kulankana waxuu daba socdaa kulamadii hore ay u yeesheen”. Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa waxa la filayaa in loo magacaabo afhayeenka xisbigi xaakimka KULMIYE, sidaa waxa loo xaqiijiyay wargeyska geeska afrika oo shabakadda Somalilandtoday ay warkan ka soo xigatay. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo xilal wasiirnimo oo kala ahaa Warfaafinta iyo xannaanada xoolaha ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu go’aansaday in uu u magacaabo Afhayeenka xisbiga KULMIYE, kuna daro hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir ayaa markii tallada dalka wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa safar ku tagay dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in uu hawlo waxbarasho u joogo halkaasi Source
-
Qaahira (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in ay qorshaynayaan sidii ay Soomaaliya ugu soo diri lahaayeen Quburo dhanka amniga, kuwaasi oo tababari doona ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Maxamuud Towfiiq wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Qaahira ayaa sheegay in wasiirka amniga DFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ay ka wada hadleen qorshaha ay saraakiisha dhanka amniga ugu soo dirayaan Soomaaliya, kadib madib kulan ay ku sheegeen magaaladda Qaahira ee caasimadda dalkaasi. Sidoo kale waxa uu xusay in dhiggiisa Soomaaliya uu soo dhaweeyay dowrka Masar ay haatan ka qaadaneyso hoggaanka Africa. Wasiir Tawfiiq ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in wasaaraddiisu ay taageero siin doonto ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya. Hadalkani ayaa imaanaya, xilli dhawaan madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay shir uga qeyb galeen dalka Masar. View the full article
-
(SLT-Australia)-Barnaamijka isbuuclaha ah ee lagu magacaabo The Boss series waxay BBC-du ku eegtaa taariikhda dadka hoggaamiya ganacsiyada waaweyn ee adduunka. Isbuucan waxaan la hadalnay Scott Farquhar, oo aasaasay madaxna ka ah shirkad software ah oo lagu magacaabo Atlassian. Scott Farquhar wuxuu xasuustaa sidii ay noloshiisa isku baddashay iyo wixii sababta u ahaa. Ganacsadahan u dhashay dalka Australia wuxuu qarka u saarnaa inuu markii hore ku biiro ciidanka Milatariga ee dalkiisa, kadib markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare. Laakiin warqaddii kasoo baxday wasaaradda difaaca ee Australia, ee loogu oggolaanayay inuu ku biro ciidanka ayaa ka luntay. Shirkaddooda tiknoolojiyadda hadda wuxuu qiimaheeda ku kacayaa lacag dhan $25bilyan oo doolar. Markii warqadda dib loo soo helay labo bilood ka dib, isagu wuxuu horayba usii billaabay jaamacad, wuuna ka talo baxay fikirkii hore. Warqaddaas luntay ayaa sabab u noqotay in isaga iyo ninka ay ganacsiga shirkada ku yihiin ee lagu magacaabo Mike Cannon-Brookes ay cagta saaraan waddo ay ugu dambeyn ku noqdeen bilyaneerro. Waxay noqdeen bilyaneerradii ugu horreeyay Australia ee lacagtooda ka dhaliyay shirkad Tiknoolojiyad ah. “Haddii warqaddaas aysan lumi lahayn ama xilli hore la heli lahaa, waxaa laga yaabi lahaa in arrintu ay sidaas ka duwanaan lahayd”, ayuu yidhi Scott, oo hadda ay da’diisu tahay 39 sano. Labadan nin iyagioo aan lacag sidaas u badan heysanin ayey abuureen ganacsigooda sannadkii 2002. Shirkaddooda tiknoolojiyadda hadda wuxuu qiimaheeda ku kacayaa lacag dhan $25bilyan oo doolar. Labadan nin mid walba wuxuu gooni u heystaa lacag dhan $7 bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Scott wuxuu sheegay in uu kusoo koray xaafad dadka dagan ay shaqeeyaan oo ka tirsan magaalada Sydney, sidaas awgeedna waligiis uu daneyn jiray barashada culuumta Kumbuyuutarrada. “Waxaan xasuustaa habeen aan aad u ooyay, sababtoo ajh saaxiibkay ayaan Kumbuyuutar ku arkay, anigana Kumbuyuutar kiisa oo kale ah ayaan rabay”, ayuu yidhi. Waalidkiisa ayaa markii dambe ku khasbanaaday iney u soo iibiyaan Kumbuyuutar, halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta ku saabsan Kumbuyuutarka. Source
-
(SLT-Qaahira)-Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Masar, ahna Ergayga Joogtada ee Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador C/qani Maxamed Wacays ayaa Shir-guddoominayo Kulanka Ururka Jaamacadda Carabta ee Heerka Wakiilladda Joogtadda, kaasi oo shalay ka furmay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Kulankaasi oo socon doona ilaa maanta, waxay Soomaaliya xilka Shir-guddoonka kala wareegtay Sudan oo iyadu horey u ahayd Shir-guddoonka Shirarka Jaamacadda Carabta. Shirka Wakiilladda Joogtada ee Ururka Jamaacadda Carabta uga socda Qaahira waxa uu u gogol-xaadh u yahay Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta oo maalinta Arbacadda ee berrito ka furmi doona Qaahira. Source
-
(SLT-Washington)-Kongareeska Maraykanka ayaa Isniintii shalay bilaabay baadhitaankii ugu balaarnaa oo ay ku sameenayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, qoyskiisa iyo saaxiibadiisa, kiiskan ayaa la xariira ku takrifalka awooda xafiiska Madaxweynaha masuqmaasuqa iyo jabinta sharuucda dalkaasi u yaalla. Guddiga Cadaalad u qaabilsan Kongareeska Maraykanka oo ay xiligan hogaaminayaan xisbiga mucaaridka ah ee Dimuquraadiga ayaa amaro dul dhigay 81 qof iyo hay’adood oo ay ku jiraan xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweynaha Maraykanka iyo Qoyskiisa. Jerry Nadler oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaalada oo awood weyn dalkaasi kuleh ayaa qoraalada u kala diray xubnaha Trump ku dhaw oo laga codsaday inay Guddiga kusoo wareejiyaan dokumentiyo kala gedisan, waxaana xubnaha waraaqaha loo diray kamid ah wiilasha uu dhalay Trump ee Don Jr. & Eric, waxaa isaguna ku jira wiilka uu sodoga u yahay Trump ee Jared Kushner oo ah lataliyaha sare ee Madaxweynaha iyo waliba xisaabiyihii Trump oo lagu magacaabo Allen Weisselberg. Xubnaha guddiga baaritaankan uu ku daray ayaa waxaa kamid ah hay’adaha xiriirka dhaw laleh Trump sida shirkadiisa gaarka ah & ururka NRA oo u dooda shirkadaha hubka soo saara. Qaar kamid ah dadkii horey uga soo shaqeeyey xukuumada Trump ayaa iyaguna ku jira xubnaha baaritaankan lagu daray sida; Xeer-illaaliyihii hore Jeff Sessions, Lataliye-yaashii hore ee Steve Bannon & Hope Hicks iyo madaxa WikiLeaks Julian Assange. Sidoo kale Qareenka gaarka ah ee Trump oo lagu magacaabo Jay Sekulow ayaa laga codsaday inuu xog badan kusoo wareejiyo guddiga baaritaanka wada. Dhamaan xubnahan ayaa lasiiyey inay 2 asbuuc gudahood xogta laga codsaday kusoo wareejiyaan guddiga. Xisbiga Dimuquraadiga oo bishii Janaayo ee sanadkan la wareegay aqlabiyada Kongareeska Maraykanka ayaa dardar geliyey baaritaanada ay ku wadaan xukuumada Trump iyadoo ay qaar kamid ah Xildhibaanada Dimuquraadiga ay horey uga dhawaajiyeen inay suurto-gal tahay in mustaqbalka dhaw la bilaabo kiis xilka looga xayuubinayo Trump, walow uu Madaxweynaha ku tashanayo Xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga ee iyagu heysta Aqlabiyada Aqalka Sare ee Senate-ka. Source
-
(SLT-Jubba)-Safarka Abiye Axmed iyo Isaias Afwerki isniintii shalay ku tageen dalka Sudaanta Koonfureed ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu doonayo in lagu bad-baadiyo heshiiskii horey loo dhex dhigay Dowladaasi iyo Mucaaridkeeda. Heshiiskii ay sanadkii hore wada saxiixdeen Madaxweynaha dalkaasi Salfakiir iyo Mucaaridkiisa hubeysan ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu burburo xili hada la dareemayo abaabul cusub oo militari oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda. Bishii September oo sanadkii 2018 ayey magaalada Addis Ababa ku saxiixeen heshiiska Madaxweyne Salfakiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Machar, balse waxaa iyagu jira kooxo hubeysan oo diiday inay heshiiskaasi wax ka saxiixaan kuwaasi oo todobaadkan magaalada Addis Ababa kula kulmi doona Madaxda IGAD. Bisha May ee sanadkan ayaa ah xiligii lagu heshiiyey in markale xilka Madaxweyne kuxigeenka uu qabto Machar oo hada ku sugan Khartuum, walow laga cabsi qabo kahor xiligaasi inay markale dib usoo cusboonaadaan dagaalada. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay qaraxyadii habeenkii khamiista ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed geystay. Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Howlwadeenada Caafimaadka, hey’adaha ammaanka, kuwa gurmadka degdega, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ayaa sheegay in wixii dhacay ay aheyd masiibo, isla markaana muddo 11 sanno ay soo socotay “Xaqiiqdii waa musiibo wixii dhacay, musiibadan waxay soo socotay muddo 11 sano wax hada bilowday ma ahan, wax sanadkii la soo dhaafay bilowday ma ahan, waxa aan la dagaalameyno waa Argagixiso”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Argagixisada ay la dagaalameyso horumarka, dowladnimada kobaca dhaqaalaha iyo nafta bani’aadamka, isagoo xusay in waxa ay raadsanayaan ayna aheyn dowlad kaliya, oo ay beegsanayaan shacabka. “Ciidanka Keligood wax ma qaban karaan, howshan waa howl wadareed, waa wax noo wada yaalo, hadduu yahay siyaasi, ganacsade iyo culimo, haddaan laga wada shaqeyn amniga dhexda loo xiran oo loo daayo wiilasha dhalinyarada waxay qaban karaan waa wax aad u yar”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo, Source