-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Benjamin James Fender. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida boqortooyo ee qaaliga ah ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo. Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale duwan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed. kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo. Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada, isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada. Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland Isla markaana uu guul ku dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay dhismaha ciidamada Badda ee Ethiopia iyo amarkii dhawaan kasoo baxay guddoomiye Yariisow, kaasi oo ahaa in dhulkii ciidamada Badda laga dhigayo aag safaaradeed. Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Fiqi. Waa isku kay qaban weyday! Itoobiya ciidamo bad ayey dhisanaysaa waxaana arrintaas ka kaalmaynaya Faransiiska, dhulkii ciidamada badda Soomaaliyana safaarado ayaa la siinayaa waa isku kay qaban weyday!? Dalka Soomaaliya amnigiisa ayaa laga hadlayaa iyo xoojinta AMISOM, Soomaaliyana qeyb kama ahan arrintaas sida ay ku heshiiyeen madaxweynaha Faransiiska iyo kan Kenya ayana waa isku kay qaban weyday!? Ciidamada AMISOM dhaqaale haloo raadiyo oo aan wax dagaal ah kula jirin Alshabaab mudadii labada sano aheyd ee la soo gudbey, kuwii Soomaaliyana mushaar la’aan ayey ka cabanayaan ayana waa isku kay qaban weyday!? Qorshaha muuqda waa in baddii Soomaaliya ciidamo Itoobiya ay hogaaminayso oo hor leh in la dhigo, halka AMISOM oo ciidamo mileteri iyo Boolisba leh la doonayo in ay weli sii joogaan Soomaaliya, dhaqaalana loo raadinayo. Qorshaha dawladaha deriska ah ay wadaan wuxuu u muuqdaa mid Soomaaliya lagu qabsanayo laguna xalaalaysanayo dhulkeeda iyo baddeeda, ayadoo dawladaha qaarkood ay ka faa’idaysanayaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka oo sii xumaanaya oo ay sabab u tahay habdhaqanka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya. Waxaa la joogaa xilligii la dhisi lahaa ciidamo qaran oo dalku yeesho, oo hanan kara amniga dalka, kana ilaalin kara khataraha dibadda, hadalka madaxweynaha Faransiisku wuxuu inkirayaa dal la yiraahdo Soomaaliya oo madax-banaan, oo ay tahay in arrimaha asaga khuseeya lagala tashado, Soomaaliya taladeeduna gacanta uguma jirto Kenya iyo Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhigiisi kula dhacay meel u dhow deegaanka Bali-mataan ee koonfurta magaalada Hargeysa. Wasiirka oo aan la xidhiidhnay ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo saddex qof oo kale oo la saarna gaadhigaasi ay bad qabaan balse gaadhigu aad u burburay. “Waxaanu ka nimid saaka Oodweyne waxaanan ku soconay Bali-gubadle, gaadhi Land-Cruiser oo aan saarneyn ayaa waxa uu nagula rogmaday Bali-kaliil iyo Bali-mataan dhexdooda, waxaanan aheyn aniga iyo laba Agaasime iyo dilawarka, afartayadii gaadhiga saarneyn wax sidaa u buuran nama soo gaadhin waxase burbur weyn soo gaadhay gaadhigeygii” ayuu yidhi Wasiir Qambi isagoo u waramayay Caasimada Online. Wasiirka ayaa waxa gaadhiga la saarna agaasimaha dhulka iyo guryaha ee wasaaradaasi Maxamuud Maal, agaasimaha xidhiidhka gobolada iyo saxaafada Cabdiraxmaan Wirdaani iyo Darawalkiisa Sakariye Mustafe. Wasiirka ayaa kayimid degmada Oodweyne waxana ay kusii jeeden markii uu haleelay shilkani Magaalada Bali-gubadle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ruux hubeysan uu ka geystay Masjid ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dhimashaa weerarka ay gaartay ku dhawaad 40 ruux oo ku sugnaa gudaha Masjidka weerarka uu ka dhacay, waxaana sidoo kale soo baxaya in masaajid kale uu weerar ka dhacay. Qaar kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo ku dukanayay Masaajidka, waxaana la aqoonsaday ilaa iyo hadda Afar ruux oo Soomaaliya asal ahaan kasoo jeeda. Ciidamada amaanka ayaa bandow kusoo rogay xaafada weerarka uu ka dhacay, waxaana socda baxnaaninta dadka dhaawacyada ay gaareen, kuwaasi oo la dhigay xarumo caafimaad oo magaalada ku yaala. Ciidamada amaanka ayaa durba shaaciyay in ku dhawaad afar ruux oo mid ay haweeney tahay loo qabtay weerarka ka dhacay Masaajidka Al Nuur, waxaana mid kamid ah la xaqiijiyay inuu u dhashay dalka Australia. Wali faahfaahin dhab ah lagama bixin guud ahaan khasaaraha weerarka ka dhashay, waxaana socdo baaritaan laamaha amaanka ay sameynayaan. New Zealand Mosque Shooting Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 40-qof oo Maanta salaaddii Jimcaha ku Tukanayay masjiddo ku dalka New Zealand ayaa lagu dilay toogasho, iyadoo weerarkaas lagu dhaawacay tiro kale oo dad ah. Nin hubeysna ayaa rasaas ku furay muslimiin ku ukanayay masaajiddo ku ku yaalla NZ, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay cagahooda uga baxsadeen rasaasta uu furayay ninka hubeysan. Warbaahinta dalka Australia ayaa waxay baahinaysaa in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso ah, iyadoo RW dalkaas ay sheegtay in afartan qof la dilay, lana dhaawacay tiro kale, kuwaasoo la dhigay isbitaallada si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray. Masjidka khasaaraha ugu badan ay ka dhasheen ayaa lagu magacaabaa Al-Nuur, wuxuuna ku yaalla artamaha magaalada Christchurch, iyadoo weerarkan noqonayo midkii ugu horreeyay oo muslimiinta New Zealand loogu geysto khasaare intaan le’eg. “Qofka weerarka naxdinta leh geystay wuxuu watay qori weyn oo kuwa daran-doorriga u dhaca ah, wuxuuna rasaas ku furay qof walba oo masjidka ku jiray. Maydadka dhawr qof oo dhulka yaalla ayaan arkay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii masjidka ku sugnaa. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in falkan uu ahaa mid argagax leh oo aan marna la aqbali karin. “Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu madow ee dalka New Zealand, ayay tiri Ra’iisul Wasaare Jacinda Ardern. Dhanka kale, Taliyaha booliiska NZ, Mike Bush oo isagana warbaahinta kula hadlayay goobta uu weerarkan argagaxiso ka dhacay ayaa sheegay inay illaa afar qof ay xabsiga u taxaabeen, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ku weerarka ku lug lahaayeen, inkastoo aan la ogeyn inuu ku jiro ruuxii weerarkaan ka dambeeyay iyo in kale. Booliiska ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan masaajidda dalkaas ku yaalla, waxaa kaloo ciidammo ilaaliya la geeyay goobaha waxbarashada iyo goobaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan. Ugu dambeyn, ma jirto cid sheetay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana la sheegay in afarta ee loo xiray ay isugu jiraan saddex rag ah iyo haweeney, kuwaasoo booliisku ay uga shakisan yihiin abaabulka weerarkan. PUNTLAND POST The post Muslimiin fara badan oo lagu Laayay Weerar lagu qaaday Masjido ku yaalla New Zealand appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu horay u jiray mad-madow soo kala dhexgalay DF Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, balse tan iyo wixii ka dambeeyay xafladii Garoowe uu socday wadahadalo lagu xalinaayay. Axmed Madoobe wuxuu sheegay in safarkii RW Somalia uu Kismaayo ku tagay lagu dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, isla markaana wax walba si hoose xal looga gaaray. Sidoo kale, Dhawaan ayuu sheegay Axmed Madoobe inuu Muqdisho imaan si uu kulan ula qaato Madaxweynaha Somalia, Maxamed c/llaahi Farmaajo, isla markaana ka wada-hadlaan dhameystirka iyo xalinta mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland. “Waxaan garawsaday in Madaxweyne Farmaajo aan fadhigiisa ugu tago oo aan la hadalno, mar walba annaga ayaa Dowladda wadahadal ugu baaqi jiray, balse waxaa muhiim ah in la abuuro kalsooni shacab iyo mid dowladeed. Kulankii aan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Somalia waxaan ku heshiinay in qodob-qodob loo dhameeyo khilaafkii jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhanka kale, Safarkii uu Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali kheyre ku tagay Kismaayo dad u badan siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay, kuwaasoo qaarkood sheegayay in RW Khayre uu wado olole siyaasadeed, halka qaarkood ay ka dalbadeen inuu cadeeyo mowqifka dowladda Somalia ee doorashada dhawaan ka dhacaysa Jubbaland. Ugu dambeyn, RW Somaila oo booqashadiisa uu gadaal uga biiray Taliye ku xigeenka nabad-sugidda Somalia, Fahad Yaasiin Xaaji Aadan ayaa si nabad ah kusoo dhamaatay, waxaana la dhawrayaa safarrada kale ee midkaan xigi doona. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/03/Axmed_Madoobe_DHAGEYSO.mp3 PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo sharraxay dhameynta khilaafkii Dowladda Somalia iyo Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Ceel-waaq (SMN) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duleedka magaaladda Ceelwaaq ee ka tirsan gobolka Mandera ay ku qabtay rag hub sharci daro kasoo gelinayay dalkaasi xadka Soomaaliya. Taliyaha Booliska gobolka waqooyi Bari, Maxamed Biriq ayaa shaaciyay in raggaasi tiradoodu ay gaareyso afar ruux. Mr Biriq ayaa intaasi ku daray in mid kamid ah ragga gacanta ay ku hayaan uu dhaawac kasoo gaarey is-rasaaseyn dhexmartay iyaga iyo Booliska. Taliyaha ayaa daboolka ka qaaday in ay baaritaan ku sameyn doonan qaabka ay raggaasi hubka sharci darada u soo gelin rabeen wadankaasi. Tan iyo markii horaantii sanadkaan weerar lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasoo dad badan lagu dilay, dowlada Kenya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda si ay uga hortagaan weeraro kale. View the full article
-
London (Caasimada Online)-Inkastoo wali aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday toogashada ka dhacday Masjid ku yaala xaafadda Christchurch ee New Zealand, ayaa haddana waxaa la helayaa warbixin hordhac ah oo weerarka la xiriirta. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in seddex ruux oo Somaali ah ay qeyb ka ahaayeen dadka ku dhintay weerarka, waxaana jirta dad kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka Masjidka Al Nuur. Dadka waxyeelada ay gaartay waxaa kamid ah Macalin Dugsi oo ku yaala xaafadda weerarka uu ka dhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheikh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi. Waxaa sidoo kale dadka Waxyeelada soo gaartay kamid ah ruux magaciisa lagu koobay Sheikh C/qaadir, oo ka tirsanaa Shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaalida, sida ehelada qaar laga soo xigtay. Dadka sidoo kale ku dhintay weerarka waxaa ku jira Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil lixsano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihii Aadan Diiriye oo isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce. Dowladda New Zealand wali ma aysan shaacin dadka ku dhintay kuna dhaawacmay weerarka, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 200 ruux inay Masaajidka ku dukanayeen. Ruuxa weerarka geystay ayaa LIve soo galay ka hor toogashada, waxaana uu u dhashay dalka Australia, sida wararka hordhaca ay lagu helayo. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducalle Gelle Xaaf ayaa la kulmay Saraakiisha Laanta Afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee ka howlgala Deegaanada Galmudug. Xubanaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxa ay ka kala socdeen dhamaan DegmooyinkaGalmudug, waxaana hogaaminaya Agaasimaha Laanta afaraad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Sugaal Yuusuf. Saraakiisha ayaa uga warbixiyay Xaaf qaabka ay u shaqeeyaan iyo halka ay wax u marayaan Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay bulshada reer Galmudug ugu shaqeeyana uguna fududeeyaan baahiyaha ay qabaan hadii ay tahay helitaanka Passport-ka oo kolkii hore u soo doonan jireen caasimada dalka. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inuu safar ku tagi doono magaalada Muqdisho, kaasi oo kadambeeyay kadib kulankii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa safarkii magaalada Muqdisho wuxuu la xiriiraa sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxweynaha Soomaaliya, si loo dhameeyo heshiis dhexmara dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ayuu sheegay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay inuu dhamaaday khilaafkii jiray. “Waxaa jira madmadow inta badan la sheegayay, waxaan u malaynayaa iscafis guud ayaa ka dhacay Garowe, oo madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay eray sax ayuuna ahaa, Safarka Kheyre uu ku tagay Kismaayana hoos u dhaqida madmadowga ayuu qeyb ka ahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya inuu tago Kismaayo inay ka qurux badan tahay in isaga uu yimaado magaalada Muqdisho. “Waxay noqoneynaa madaxweynaha inaan meeshiisa ugu tagno oo wax walbaa aan dhameyno, waxaana isla qaadanay in madaxweynaha inuu yimaado iyo in loo tago, inay ila wanaagsan tahay in loo tago, islamarkaana la dhameeyo waxii jiray, Kheyre wasiirada iyo xubnaha la socday anagaa dalbanay si wasaarad walbaa waxii aan ka tabaneyno loo dhameeyo”ayuu yiri Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa is qabtay sanadkii 2018, waxaana kadib dowladda ay heshiisyo la gashay maamulada qaar. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka. “Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre. Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan uu dhici doono 11 ilaa 16-ka bisha May ee soo socota. “Sannadkan imtixaanka waxaa u fadhisan doona 45 kun oo ardey, dhammaan gobollada dalka 11-16-ka bisha May ee soo socota, wasaaradda waxay soo gaba gabeysay maalintii shalay dhammaan wax kasta oo ku saabsana imtixaanka, ardeyda sannadkan ka baxeysa dugsiga sare waxay korodhay boqolkiiba 20-tan taasna waxaa ugu wacan nabadda’ayuu yiri wasiir Goodax. “Dhamma an hay’addaha kale ee dowladda waxaan ka rabnaa inay nagala qeyb qaatan ilaalinta imtixaanka sidii markii horaba noogala qeyb qaadan jireen, dowladda goboleedyada, maamulada iskuullada iyo waalidiinta waxaan ku boorinaya inay kaalintooda ka qaatan qabsoomida imtixaanka qaran”ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre. Wasaaradda waxbarashadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin laha waxbarashada dalka iyo qabsoomida imtixaanka sannadkan. Ugu dambeyn Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka codsaday Maamulada Gobolada Dalka in ay kala shaqeeyaan qabsoomidda imxitaanaadka, gaar ahaana dhanka xaqiijinta amniga. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Maamulka Jubbaland ayaa xalay magaaladda Kismaayo munaasabad sagootin ah ugu sameeyay wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka. Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka, Axmed Madoobe, madaxwaynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale ayaa xaflada ka qaybgalay. Hadalo kala duwan ayay goobta ka jeediyeen, iyaga oo balanqaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonan, isla markaana ay iska kaashan doonan dhinacyo badan. Wafdiga uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu wadaa in maanta ay dib ugu soo laabtaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-150319.mp3 View the full article
-
London (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka New Zealand ayaa sheegaya in muslimiin badan lagu dilay Masaajid ay ku dukanayeen oo ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand. Ku dhawaad 200 ruux ayaa ku dukaneysay masaajid Al Nuur ee Xaafadda Christchurch, waxaana la sheegayaa in khasaaro xoogan uu gaaray dadka ku dukanayay goobta weerarka uu ka dhacay. Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay Masaajid lagu dukanayay Salaadii Jimcaha, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray dadka ku dukanayay qeybta dambe ee masaajidka. Ruuxa weerarka geystay oo u dhashay dalka Australia ayaa la sheegay in lagu magacaabo Brenton Tarrant oo 28 Sano jir ah, waxaana weerarka ka hor la sheegay inuu damiyay korontada Masaajidka. Ciidamada ayaa isku gadaamay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana warar hordhac ah oo soo baxaya ay sheegayaa in rag Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dadka weerarka ku dhintay, kuwaasi oo xaafadda deganaa. Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa weerarka ku tilmaamtay inuu yahay mid kamid ah maalmihii Madoobaa ee dalkaasi, waxaana laamaha amaanka ay wadaan baaritaanka waxyaabaha ka dambeeyay weerarka. Wali lama shaacin tirada rasmiga ah ee waxyeelada ay kasoo gaartay weerarka ka dhacay masaajidka ku yaala dalka New Zealand. Caasimada Onlne Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in todobaadkaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho sida ay Caasimada Online u xaqiijiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Caasimada Online u sheegay Sabtida la filayo in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo gaaro magaalada Muqdisho laba sano kadib. Socdaalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sababay in dib loo dhigo furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo sameyn doonaa soo dhowayn oo ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Jabtuuti ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Soomaaliya waxa uuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo isbadalada ka socda geeska Africa, sida ay Caasimada Online u sheegayn ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu booqdo Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya hadii aysan wax iska badalin qorshaha socdaalkiisa. Madaxweyne Geelle Soomaaliya waxaa ugu dambeysay bishii February sanadkii 2017, markaas uu ka qayb galay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Socdaalkaan ayaa noqonaya 2 sano kadib safarkiisii ugu horreeyey ee Soomaaliya. Socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jirto warar sheegaya in mugdi soo kala dhax-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti kaas oo ka dhashay heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea maadaama ay Eritrea ay Jabuuti ka heysato dhul iyo Ciidan looga qabsaday dagaal ka dhacay Xuduuda labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Amni Hagaayay, Dhaqaale Kordhay….. Waddanka oo dhan dibad bax rabshado wata ayaa ka socda; shacabka in badan oo ka mid ah waddooyinka ayay xirteen, mucaaradkana warbaahinta ayay warar dhaleeceyn ah u marinayaan xisbiga talada haya, “xukuumadda ayaa ma mas’uul ah in shacabka ay dhibaato heerkaan la eg soo gaarto”. Waa Poland 1981, mushkilad cunto yari ayaa ka dilaacday dalka. Asagoo ka walaacsan mushiladda taagan, ayuu Ra’iisul Wasaariha u wacay wasiirkiisi beeraha, dalagga iyo waraabka si uu xaalka uga waraysto. RW: Xaaladda guud iyo sahayda raashinka ka waran? Wasiir: wax dhib ah ma jiraan, wax nagu filan 3.5 sanno celcelis ahaan waa noo yaallaan. RW: Ka waran bariis iyo digir? Wasiir: Wax nagu filan 3 sannadood ayaa ka yaalla labadaas. RW: Ka waran qamadiga? Wasiir: 2 sanno in nagu filan waa yaallaan. RW: ka waran sokor iyo saliid…? Wasiir: La isma weydiiyo kuwaas, qaar aan hadda soo iibinay, iyo kuwii bilihii hore ka haray ayaa yaalla. RW caro ayuu la istaagay: Oo kaalay marka shacabka dibad baxaya iyo mucaaradka buuqaya maxay u dan leeyihiin? Wasiir: Alla.. Allla… Ra’iisul Wasaare xaaladda qaranka miyaad iga waraysanaysay, midda gurigayga ayaan ka hadlayay….kk Marka mas’uuliyiinta Villa Somalia ay ka soo yeerto amni baa la sugay, dhaqaalihii baa sare u kacay, qaranimadii ayaa soo noqotay, xaaladda nooca ay ka sheekeynayaan waan ku wareeray… Kolay waa dad mas’uuliyiin ah, been kuma tuhmayo, warkoodu ma laha waa sax ee xaalad kale ayay ka hadlayaan. W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Fadeexad culus ayaa kasoo shaac baxday dalka Kenya, kadib markii la ogaaday in malaayiin dollar lagu lunsaday darbiga ay dowladda ka dhiseyso xuduudda Soomaaliya. Kenya ayaa horey ku dhawaaqday in ay darbi 700km ah ka dhisi doonto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay xuduudda u xirto isla markaana u hakiso dagaallameyaasha Al-Shabaab ee uga soo tallaabaya dhinaca Soomaaliya. Balse markii dhismaha la billaabay sannafkii 2015-kii, darbigii waxaa loo baddalay silig. Baarlamaanka Kenya ayaa hadda hor istaagay in dhaqaale dheeraad ah lagu bixiyo mashruucan, ilaa inta ay dowladdu sharraxaad ka bixineyso qaabka malaayiin lacag ah loo kharash gareeyay ilaa hadda, sida uu qoray warkeyska kasoo baxa Kenya ee The Standard. Lacag dhan Sh3.3 bilyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta ku dhawaad 35 milyan oo doolar ayaa lagu dhisay 10km oo ka mid ah siligaas xadka laga sameeyay, sida lagu sheegay warbixin la hor geeyay baarlamaanka Kenya. Marka la isbarbar dhigo lacagta baxday iyo masaafaha siliga ah ee la dhisay, waxay u muuqataa in 1km oo kasta lagu dhisay 300 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta qiyaastii 3 milyan oo doolar. Arrimahan shaaca laga qaaday ayaa ka careysiiyay xildhibaannada baarlamaanka oo dalbaday in sharraxaad buuxda la siiyo. Lacagta ilaa hadda ku baxday dhismaha darbiga siliga ah ee xadka Kenya iyo Soomaaliya, oo 10km kaliya laga hirgaliyay ayaa labalaab ka badan dhaqaalaha ay dowladda Kenya sannadkan u qoondeysay istiraatiijiyaddeeda keydka raashinka. Waxa ay sidoo kale ku dhawaad 1 milyan oo doolar ka badan tahay kharashka uu waddanka ugu talo galay inuu ku baxo adeegyada caafimaadka ee dadweynaha. Intaas waxaa sii dheer in lacagtaas ay saddex laab ka badan tahay dhaqaalaha ay Kenya miisaaniyadda sannadlaha ah ugu qoondeysay dhismaha guryo qarashkooda la awoodi karo. Xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa aaminsan suurtagalnimada in saraakiishu ay ka faa’iideysteen halista la xiriirta Al-Shabaab, si ay u boobaan dhaqaalaha dowladda. Isha: BBC Somali
-
Sannadkii 2013-ka, waqti galab ah waxaan maqalnay in kooxda al-Shabaab ay qabsatay dhismaha Westgate Mall. Xaalkuna wuxuu ahaa mid gilgilay qalbiyada Kenyaanka. Wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo al-Shabaab ay ku qabsadaan xarun ganacsi oo – Meesha ay ku taallo marka loo fiiriyo – ay adkeyd in laga filasho weerar sidaas oo kale inay kusoo qaadi karaan. Balse waxay dunida u caddeeyeen inay awoodaan. Ku dhawaad 70 qof ayaa ku dhimatay – halka tira kale oo dhaawacyo kala duwan qabana ay ka tageen. Hayeeshe, xusuusta weerarkaas wuxuu ahaa mid maalmo kusii nagaada qalbiyadii la tiiraanyeysaa. Baqa-weerarkii ay dhacdadani sababtay, waxay saadaal aan fiicneyn ku beertay rayidka. In kasta oo cabsi xooggan ay dhacdadani ku dhalisay dhammaan muwaadiniinta Kenyanka ah, haddana looma wada sinneyn xanuunka. Ehellada dadkii ku wax-yeeloobay iyo intii ku dhimatayba, waa kuwa ugu boholyowga darnaa. Balse dad iyo dowladba – siyaasi iyo suxufiba – waxaa loo muujiyay garab istaag. Waxaana si ficil ah loo dareensiiyay inaysan kaligood xanuunsaneyn. Waxaa la hir-geliyay hal-ku-dhag ol’ole ahaan loogu yeeray ‘UnitedByBlood’ #WaxaanNahayIskuDhiig. Saxaafaddu waxay si joogto ah u hir-gelinaysay aragti fog oo ah #KenyaIsOne oo looga gollahaa inaysan ku kala qeybsamin dhacdada. Waxay sidoo kale dirayeen farriin ah inaysan isku dhiibin hal musiibo – iyaga oo xusuusinaya qarannimada iyo nabadda ay ku caanamaalayaan inay kusoo bixiyeen naf iyo maal. Musiibadan oo kalana ay kaga gudbi doonaan hal-adkeysi iyo dhirranaan. Sidaas awgeed, waxay ku guuleysteen inay bulshada ka jeediyaan ka fikirka musiibada – una jeediyaan wax ka qabashadeeda. Waxaana la arkayay muwaadiniin badan oo si mutadawacnimo ah uga qeyb galayaa gurmadka loo sameynayo dhibanayaasha laga soo badbaadinayay weerarka. Waxaana la arkayay muwaadiniin hadba wixii karaankooda ah kaga qeyb noqonaya gurmadka. Qaar ayaa dhiig-bixiyaal noqday si dhaawacyada dhiig baxa u dhiman kara loogu dhiibi tiro. Geesta kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda waxay si geesinimo iyo shucuur-qarannimo xanbaarsan uga qeyb galayeen gurmadka. Waxaa qaarkood – oo xilligaas sib ba’an u diidanaa nidaam siyaasadeed ee MD Uhuru ay – si cad meel iskaga dhigeen ku kala duwanaanshahooda mabda’ ahaaneed ee kala dhaxeeya dowladda. Waxaana ay dhinac kala soo jeesteen gurmadka qaran. Qaarkood ayaa Aqalka Harambee ee looga arrimiyo Kenya kula kulmay MD Uhuru si ay dunida iyo dadkoodaba ugu caddeeyaan inay ka midaysan yihiin ficil-weerarka al-Shabaab. ‘Doorasho way timaada waana lagu kala baxaa; laakiin dalkeennu wuu jirayaa waligiis waan ku noolaaneynaa,” ayuu yiri Rail Odinga oo xilligaas hoggaaminayay Xisbiga Orange. Marka aynu ka nimaadno dunida kale jaarkeenna ah, waxaa cad in saxaafaddeenna iyo siyaasigeennuba aysan kaalintii loo baahnaa iyo ereyadii mudnaa in looga fal-celiyo musiibooyinka aysan ka bixinin. Wax caadi ah ayay iska noqotay in saxaafadeennu ay ku sinnaadaan falan-qeynta dhacdada. Mana hir-geliyaan hal-ku-dheg qaran iyo shucuur-waddaniyadeed oo midaysan si loola tacaalo mushkiladda jirta. Intooda badan waxay qododa la xiriira dhacdada iyo musiibada markaas taagan kusoo af-meeraan ma ahan markii ugu horreysay oo ay sidaas iyo sidaas wax noqdaan. Siyaasaddeenna gudaha oo wali ku jirta anba-qaadka hore ee geeddi-socodka maamul-wanaag ee dowladnimadeenna, waxay siyaasiyiinteennu badigood kala garan Karin waqti ay tahay in – dhaliil wax dhisaysa – hawada loo mariyo Xisbiga talada haya iyo waqtiga ay tahay in si midaysan loola dhinac gurmado dowladda marka ay timaado xaalad qarankeenna dhirbaaxo ku ah. In kasta oo aan la saadaalin karin goorta si midaysan mucaaradkeenna – midka hubeysan oo xalka ku baadigoobaya qoriga iyo midka dhawaaqiisu dhinbilaha ka kulul yihiin ay wadajir iskaga kaashan doonaan hal-jiheynta iyo hoga-tusaaleynta habboon – haddana, waxaa muuqata inaysan u bisleyn falsafadda kala-gooreynta iyo inaan dhibaatada taagan laga dhex fiirin dheef. Qaraxii dhawaa ee Makka al-Mukarrama wuxuu u muuqday mid kala saari kara hanka siyaasiyiinteenna qaar. Halka in badan ay gaareen inay safka hore ka galaan u gurmadka iyo u gargaarista dadkii ku wax-yeeloobay qaraxa, in yar oo kamid ah ayaa fursad ka dhex helay buunbuuninta dhacdada kuwaas oo dhaliisha ka dhigtay seef ana ka saawirin hadiyo jeer. Si kastaba, hal aan la isku diidaneyn in dhaliishu lama huraan u tahay umadaha dhismaya, haddana Siyaasiyiinteenna KAN UGU CADCAD, wuxuu ku taagan yahay ‘Qeyladii yeertaba, Qof bay qeyrkiisa ku jirtaa.’ Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid