Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Anigoo ah Mohammed Ahmed Ali iyo caruurtaydu waxaan tacsi u diraynaa walaashay Asho Ahmed Ali iyo caruuteeda geeridii naxdinta layid ee kuti marxuum Ali Haji Jama Jubadaale ( Ali Arif) oo axadii ku geeriyoodey magaalada Sheffield. Waxaan ilaaheen uga baryaynaa inuu marxuumka ilaaheen janadii fardowsa ka waraabiyo. Aamiin aamiin… Medeshi Qaran News
  2. Somaliland: President Muse Bihi Holds Discussions With UAE Deputy-Prime Minister, Sheikh Mansour Bin Zayed Dubai,(Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi Abdi and his delegation held a productive discussion with the Deputy Prime Minister of the United Arab Emirates, Sheikh Mansour Bin Zayed Al-Nahyan. Sheikh Mansour is also the Minister for the Presidency. The meeting which took place in Abu Dhabi covered several areas of mutual interest between the two parties including, strengthening the ties between Somaliland and the UAE, the security in the region, trade and investment, support for infrastructure projects, such as the Berbera Corridor highway, and the easing of the travel process between the two countries. The Somaliland delegation led by President Muse Bihi thanked the United Arab Emirates for their continued support of the Somali peoples in the region and praised the historic and enduring ties between Somaliland and the people of the UAE. Somaliland has recently provided the United Arab Emirates land for a military base, including harbour facilities, as well as, access to the Berbera Airport which has the longest runway in the Horn of Africa. Work on the base is expected to be completed towards the end of this year. Qaran News
  3. Muqdisho (PP) ─ Dadaallo ay waddeen waxgaradka Baydhabo iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kuwaasoo la doonaayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu-Mansuur] oo ku xiran Muqdisho ayaa guul-darro kusoo dhammaaday. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed ayaa wabaahinta u heegay inuu fashilmay dadaalka kaddib markii dowladda dhexe ee Somalia ay waxgaradka Baydhabo ku xujeeyeen in miiska wadahadalka la keeno Sh. Roobow, balse ay diiday. Sidoo kale, Abuu-Masuur ayaa diiday inuu ku qanco shuruudo ay Dowladda Soalia hor-dhigtay si looga siidaayo xabsiga, waxaana qayb ka ah in uusan faragalin dhacadii Baydhabo ee ay dadka badan ku dhinteen, isla markaana dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ay ka xaajoodaan. Dhanka kale, Wadaadkan ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana xiristiisii ka dhashay bannaanbayo ay ku dhinteen dad badan, kuwaasoo ka dhacay Baydhabo. Ma ahan markii ugu horreysay oo uu fashil ku yimaado dadaal la doonayo in Sheekh Roobow xabsiga looga sii daayo, waxaana wadaadkan lagu eedeeyay inuusan wax tanaasul ah ka sameyn ka mid ahaanshihii Al-shabaab oo uu ka soo baxsday. Ugu dambey, Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu Dowladda Somalia weydiiyay inay fasiraad ka bixiyaan shacbakii Baydhbao lagu dilay markii lasoo xiray Sheekh Roobow, balse DF ayaa hadalkaas uga jawaabtay inay eriday ergayga, illaa haddana ma jirto ergay ay QM u soo magacowday Somalia. PUNTLAND POST The post Qorshe la doonayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo la isku khilaafay appeared first on Puntland Post.
  4. Col. Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo hoggaamiya jabhadda la’dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay in isaga oo kaashanaya dowladda Puntland uu dagaal ku qaadi doono degaannada ay soo galeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag islamarkaana uu xabadda ka bilaabi doono gudaha magaalada Ceerigaabo sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ku hanjabay in la soo qaban doono balse caarre ayaa sheegay in isaga laftiisu uu dhowaan qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland markii dambena uu reer ahaan u siidaayey. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST The post Col. Caarre oo sheegay in uu qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland appeared first on Puntland Post.
  5. Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay 40 ruux oo kalena way ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla deegaanka Goof-guduud oo qiyaasti 30-km u jirta Baydhabo oo ah xarunta mamulka Koonfur-galbeed. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Al-shabaab, isla markaana ay ahaayeen kuwo lagu aasay dhulka, iyadoo weerarkan uu dhacay xilli uu suuqaas ka jiray mashquul. Afhayeenka maamulka Koonfur-galbeed, Nuuradiin Gacmo ayaa u sheegay wabaahinta in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo dad shacab ah lagu diay, isagoo mas’uuliyadda weerarkan dusha uga tuuray Al-shabaab. “Shan qof oo shacba ah ayaa ku dhintay qaraxyada, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen 40-qof oo kale, waxaana weerarkan loo adeegsaday miinooyin lagu aasay dhulka oo illaa fara miino ahaa,” ayuu yiri Afhayeenka oo intaas ku daray in dadka waxyeelladu ay soo gaartay ay dhammaantood ahaayeen shacab. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in suuqan uu yahay suuq ay maalin walba oo Arbaco ah isugu yimaadaan ganacsatada xoolaha ee gobolka Bay, isagoo xusay in dhibaateynta shacabka ay ku hayso Al-shabaab ay qayb ka tahay weerarkan lagu dilay dadka badan ee shacabka ah. Nabaddoon Cabdi Maxamed Isaaq oo isna la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaan uu ka mid yahay weerarada ay kooxaha nabad-diidka ah ay sida bareerka ah ula beegsadaan shacabka, isagoo maamulka Koonfur-galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugidda amniga shacabka deegaannada uu ka taliyo Koonfur-galbeed ku nool. Ugu dambeyn, Xilliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaannada Koonfur-galbeed ka jiray falal amni-darro ah, iyadoo maamulka cusub loogu baaqay inay ka shaqeeyaan ka hor-tagga weerarrada lagu dhibaateynayo shacabka ku nool deegaannadooda. PUNTLAND POST The post Qaraxyo khaaare geystay oo Maanta ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Bay appeared first on Puntland Post.
  6. Ceel-waaq (SMN) – Ciidamada Kenya ayaa lagu waramayaa in dad shacab ah ay dil iyo dhaawac ugu geysteen degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay timid markii labada qof oo watay Mooto Fekon ah si kusoo dhaceen goob ay ciidamadu ka sameysanyeen dhufeesyo. Ruuxa dhaawaca ah ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla gudaha magaaladda si xaaladiisa caafimaad oo xiligaasi liitadatay wax looga qabto. Wali arrintaan kama aysan hadlin masuuliyiinta gobolka iyo degmada, kuwaasoo hoostaga maamul goboleedka Jubbaland. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xirteen qeybo kamid ah Jidadka Muqdisho. Ciidamadaan oo ka cabanayey mushaar la’aan ayaa saacado kooban xirtay Jidka Warshahadaha gaar ahaan dhinac hormaro Wasaaradda Gaashaandhigga oo u dhow kuliyadda Jaalle Siyaad. Ciidamadaan ayaa joojiyey isticmaalka jidkaas kadib markii ay ku jareyn dhagxaan iyo birar, waxayna sheegeyn inaan dhawr bil la siin wax mushaar ah. Mid kamid ah Ciidamaadaas oo saxaafadda ay su’aalo ku waydiisay meesha ay jarteen ayaa sheegay inaysan helin wax mushaar ah muddo 4 bil ah . Askariga Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa laga dareemayey cabsi aad u weyn oo ku aadan in shaqada laga joojiyo haddi uu bulshada la wadaago inuusan mushaar qaadan afar bil, wuxuuna dhawr mar kala jaray hadalkiisa isagoo iska fiirinayey dhinacyada maadaama uu cabsi ka qabo in meesha uu xirtay loogu imaado lana xiro. Ciidamada jidka xirtay ayaa ku labisnaa Dareyska Ciidamada Militariga Soomaaliya, waxayna saacado kadib dib u fureyn jidkaas oo hadda kusoo laabtay sidii caadiga aheyd. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre Shalay sheegay inay xukuumadiisa ku guuleysatay inay mushaarka ciidamada si joogto ah u siiyaan tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Illo wareedyo ku dhow dhow Taliyaasha Ciidamada Dowladda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inaan ciidamada Dowladda qeybaha kala duwan wax mushaar ah la siin muddo afar bil ah taasoo niyad jab ku ah ciidamada Dowladda oo rajo fiican ka qabay inaysan mushaar weyn maadaama Farmaajo madaxweyne laga dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Kismaayo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir ay Kismaayo ku yeesheen wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa iyo wasiirrada wada shaqayntu kala dhexeyso ee ka tirsan dawlad gobaleedka Jubaland. Shirka Wasiirrada dhex maray oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa intiisa badan looga hadlay sidii looga gudbi lahaa madmadawga jiray ee hoos u dhigay isku xirnaanta ka dhexeysa labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn buuxda oo fududeeya gudashada waajibaadka madaxda ka saaran u adeegidda ummadda Soomaaliyeed. Kulanka intii uu socday ayaa lagu heshiiyay in dhammaan la xalliyo cabashadii jirtay iyo in labada dhinac ay yeeshaan wada shaqayn buuxda si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in wasiirrada federaalka iyo wasiirrada Jubaland laga doonayo in ay dardar-geliyaan fulinta qodobadii kasoo baxay shirkaan oo sidoo kale looga hadlay xoojinta Tababararada, iskaashiga iyo wadashaqaynta shaqaalaha Dawladda. Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku joogo magaalada Kismaayo ayaa qorshihiisa ugu wayn waxa uu ahaa in sare loo qaado midnimada, wadajirka, wada shaqaynta dawladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobaleedka Jubaland. View the full article
  9. Ceel-waaq (SMN) – Diyaarado oo aan wali la aqoonsan dalka laga leeyahay ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geystay degaano hoostaga degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay idaacada Shabelle in gantaaladda ay soo rideen diyaaradaha ay qaarkood ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan khasaaro ka dhashay weeraradaasi cirka ah, inkasta oo aanan la ogayn tiradda saxda ah. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeymahaan oo kasoo baxay masuuliyiinta gobolkaasi oo hoostaga maamulka Jubbaland. Inta badan diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa howlgalo dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanayaan goobo ay ku tuhmayaan Al-Shabaab ka fuliya gobolada hoosta Jubbaland xili mararka qaar ay dad shacab ah wax ku noqdaan. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-13032019.mp3 View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda JSL, ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya uu dusha u riddan doono cawaaqibka ka dhasha daandaansiga ay ka wadaan xuduudaha Bariga Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Telefishanka Qaranka ahna Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Maxamed Xasan Cali Weji, kaasi oo u qornaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqan u ah oo ay Xeerisaa inay Nabad kula noolaato derisyadeeda, hase ahaatee Taako dhulkeeda ka mind ah uma ogolaanayso in Nacabka daandaansiga badan ee Soomaaliya soo haweysto soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa in aanay ku duulin xudduuda Dawladda Soomaaliya, haseyeeshee ay sugayso Soohdimaheeda soo jireenka ah. Sidaas darteed, hadalka ka soo yeedhay shalay Hoggaamiyaha Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u aragnaa inuu dhalanteed iyo hawaawi ku sheeganayo gobollo ka mid ah JSL. Waxaanan la socodsiinaynaa inuu daandaansiga uu ku hayo Somaliland uu ku fashilmi doono, sidii uu horeba ugu hungoobay Cabdiweli Gaas-kii ka horreeyey. Somaliland way taqaanaa Nabadda iyo Colaada labadaba ee ha ku abshiro in Maamul-goboleedka Garoowe jab aanay ka soo waaqsan kala kulmi doonaan gardarrada joogtada ah ee ay ka wadaan dhulka Somaliland. Ugu dambayn, waxaanu Siciid Cabdilaahi Deni xasuusinaynaa in xilka loo cumaamaday xilli uu Somaliland ka dhammaaday dulqaadkii ay u laheyd Soomaaliya, waxaanu dusha u ridan doonaa cidhib-xumada ka dhalata damacooda Beenta ku dhisan.” Source
  12. (SLT-Pretoria)-Waxaa Goor dhawayd kooxo budhcad Koonfur Afrikan ah gudaha wadankaas ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaas. Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xafada Mamelodi oo hoos tegta Magaalada Pretoria, isla markaana kooxo hubeysan oo budhcad ah ay dhowr xabadood ay la dhaceen Muwaadinka Soomaaliga ah,waxaana xilliga falkan uu ka dhacaayay ku sugnaa halkaasi. Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Marxuumka lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh, kaasi oo kamid ahaa Ganacsatda Soomaalida ah ee kunool dalka Koonfur Afrika. Labda habeen kahor ayey aheyd markii wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Xuseen Muxumed Xasan sidaan oo kale loogu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Sanadkan gudihiisa lagu dilay dhowr qof oo Soomaali ah kana kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi,iyadoona weli ayna jirin cid ka hadashay dilalka arxan darada ah ee loo geysanaayo Soomaalida kunool Koonfur Afrika. Source
  13. Jamaame (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay howl-gal qorsheysan ku dishay horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, qaar kalena ay gacanta ku dhigtay. Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howl-galladaan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jammaame, iyaggoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka webiga ka galeen deegaanka Yiireey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jammaame, sida ay sheegtay dowladda. “Tiro ka mid ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay, waxaana nolosha lagu hayaa tiro badan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland lix qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen horjoogeyaal sar-sare ah ayaa laga diley maleeshiyaadka, waxaana nolosha lagu qabtay sadddex Kale. Sida ay dowladda sheegtay, horjoogeyaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe, Tima Jilic iyo Galley, kuwaas oo Malleeshiyaadka u qaabilsanaa Cabsi gelinta dadweynaha. Diyaaradaha Mareykanka oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey seddex gaari oo ay Kooxda Al-Shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay saanad ciidan iyo raggii la socday. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  14. By: Harun Maruf, VOA The Somali government is banning four types of Antonov airplanes from flying in Somali airspace, citing safety reasons. The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) says the AN-24, AN-26, AN-32 and AN-12 models will not be allowed to operate in Somali airspace after March 15. Officials say there have been no accidents involving the Soviet-era planes, but there have been “near misses.” A letter from the SCAA originally gave airline operators until February 28 to cease flights. That deadline has been extended until March 15, according to the deputy manager of SCAA, Jama Ahmed Muse. The letter says the Antonovs do not have approved maintenance centers in the East Africa region where they can be repaired. Instead, mechanics repair these planes in the airport. It also says these planes lack an air traffic collision avoidance system, and that their noise certification is “unacceptable.” “We have given [operators] until March 15, until we finish our investigation,” said Muse. “If they don’t meet the standard, we told them they will not have the permission.” A senior official with SCAA later told the Investigative Dossier, a program of VOA’s Somali Service, that the decision to revoke their permits is final. “Everybody is aware of the situation and they will have replacement planes in place. Some operators have already replaced their aircraft,” the official said. Muse says the order will affect a small number of planes that are charted by humanitarian organizations and the African Union mission in Somalia (AMISOM) to ferry cargo. Muse says one of the planes, an AN-12, already left the country and returned to Ukraine, its registered country. Somalia fully took over control of its airspace in December 2017 and transferred air traffic control from Nairobi. It had been run there by the United Nations International Civil Aviation Organization since the early 1990s Somali civil war. Officials say there are about 250 flights over Somali airspace each day, excluding arrivals and departures. The number of travelers to and from Somalia has increased in recent years. Mogadishu airport alone saw a half million travelers in 2017.
  15. Burco:(SL-T)Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Ku Guul Daraysatay Xal U Helida Sixir Bararka Iyo Bulshada Oo Dhaliilo Xoogan U Jeediyay Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Ciidammo Ka Tirsan Booliska Iyo Socdaalka Somaliland Oo Tababaro Loogu Soo Xidhay Mandheera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland gaar ahaan Tv-ga Qaranka ayaa tan iyo intii loo magacaabay in uu Agaasime ka noqdo Ruug-cadaaga wayn ee Maxamed Xasan Cali Waji ayaa markiiba waxaa laga dareemayaa is-badal xoogan oo shacabka ku nool guud ahaan dal iyo dibad-ba ay ku diirsadee. Isbadaladan ayaa ah mid lagu tayaynayo Barnaamijyada iyo wararka ka baxa Tv-ga Qaranka siddii loo abuuri lahaa kuwo kala oo ka hadlaya dhamaanta baahiyaha aasaasiyga ah ee arrimaha bulshada. Mudane Maxamed Xasan Cali “Waji” ayaa isagoo fulinay waajibaadka Xilleed ee saaran uguna faa,idaynaya aqoontiisa Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu markiiba sameeyay qorshe lagu howl galinayo dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee Tv-ga waxaa uu dib u eegis ku sameeyay barnaamij –yadii hore u bixi jiray Tv-ga siddii loo tayayan lahaa, Soo-saare iyo Tabiye kastana loo-la xisaabtami lahaa, Dhinaca kale guud ahaan shaqalaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta ayaa hal mar la jaan-qaaday Agaasimahan Cusub ee Maxamed Xasan Cali “Waji” oo intooda badan muddo dheer ay soo wadda shaqeeyeen. Talaabadan lagu dar-dargalinayo waajibaadka qaran ee wasaaradda ayaa wakhti xaadirka u muuqda mid lagu xoojiyo gudasha Xil-waajibeedka qaran ee ay haayaddani u igman tahay, Geesta kale Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda ayaa iyaguna dhankooda wadda in ay abaal-marino siiyaan qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ee ugu shaqada wanaagsan si loo dhiiri-galin howl-wadeen walba. Source
  18. Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Socdaalka wefdiga ayaa la xiriira u kuur-galka xaaladda gobolka waxaana ay kulan la qaateen maamulka gobolka Sanaag kan degmada Badhan iyo saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degaanka xilli ay halkaasi ka jirto xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka baxay magaalada Badhan ayaa sidoo kale u ruqaansaday dhinaca degmada Yubbe oo ay maalmo ka hor fariisimo ka sameysteen ciidamada Somaliland. Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa maalmaham dambe ka aloosan gobolka Sanaag kadib markii Somaliland ay ciidamo soo dhoobtay degmada Yubbe iyo tuulooyin hoosyimaada. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
  19. At least five people were killed and more than 50 others were wounded in 4 landmine blasts in Goof-Gaduud, 30-Km west of Baidoa, the interim capital of the southwest state. The regional state’s spokesman, Nuradin Yusuf told Radio Shabelle via phone that the explosions resulted from IEDs planted inside a busy livestock market in the small town. The blasts occurred as livestock traders gathered for the weekly transaction. The injured were rushed to nearby health centres in Baidoa for further treatment. The deadly attack comes as Southwest state president, Abdiasis Hassan Mohamed Lafta Gareen is paying his first visit to Diinsoor town in Bay region. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab which is fighting to topple internationally backed government still controls some areas mainly in the south despite losing large ground. View the full article
  20. The Somali government is seeking the services of a Kenyan-based currency expert seconded by the International Monetary Fund (IMF) to issue a new currency to replace the current old one. Officials told an IMF review team in a meeting last month in Nairobi that its central bank had endorsed the framework for the issuance of new currency and identified committee members who will support the process. The new currency is set to help the Central Bank of Somalia to build up a reserve buffer in its currency as it looks to set up a central payment system and strengthen regulation of the country’s banking sector. “As soon as the administrative framework for the project fund is set up, and the project funding is fully covered, we expect the IMF to assist us with a currency expert based in Nairobi to provide direct support to the Central Bank of Somalia and the currency reform project manager,” unnamed government official told the IMF. “We have stepped up efforts to reach out to donors to raise the needed funds ($41 million) for this project and also reached out the World Bank for assistance on the project fund’s administration,” he added. The first phase of the reform plan will see the Somalia government print 752.5 million new notes — starting with small denominations — which it will then exchange for the Somali shilling notes currently in circulation. In the second phase of the currency reforms, the horn of the African state will print larger denomination notes and development of independent monetary policy instruments and reserve management guidelines. The lack of secure currency and trusted payments system has made it difficult for Somalia to expand its growing business based economy. Somalia has not issued official currency notes since 1991, but Sh4.1 billion ($41 million) donor-funded currency reform plan is set to account for more than 90 percent of the money in circulation in the country. The country has been facing civil strife since the collapse of its central government in January 1991 but is now beginning to reform its governance under the federal government. View the full article
  21. Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka ayaa malayshiyaad hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ku dhexmaray dhul-bannaan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhulkaas oo labada dhinacba sheeganayan lahaanshihiisa. Saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta caafimaadka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in ilaa 6 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaallamay ay ku dhinteen dagaalkii saaka halka in ka badan 7 ruux oo kalena ku dhaawacmeen. Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ee dowladda Puntland oo kaashanaya laamaha amniga iyo waxgaradka ayaa markii dambe ku guulaystay in la kala qaado malayshiyaadkii bogcadaha ku dagaallamay. PUNTLAND POST The post Khasaaraha dagaalkii Gaalkacyo oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  22. The speaker of Somalia’s Lower House Chamber of Federal parliament, Mohamed Mursan on Wednesday returned home following a visit to Jordan and Turkey. During his stay in Jordan, the speaker has attended the 29th Arab parliament summit held in Amman and held bilateral talks with his counterparts. A number of MPs welcomed the Mursal and his delegation at Aden Adde Airport in Mogadishu, the Somali capital on Wednesday morning. The speaker’s return comes as the country’s president Mohamed Abdullahi Farmajo is in Uganda for Africa now summit 2019. View the full article
  23. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo ujeedka ay Dowladda Itoobiya ka leedahay ciidamada Badda ay sameysaneynso iyadoo aan qabin wax bad ah kadib is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa waday bilihii ugu dambeeyey dadaal ay ku dooneyso inay ku tababarto ciidamado badda ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn badda ay ku shaqeyn doonaan saldhigna ay ka dhigan doonaan maadaama aysan itoobiya laheyn bad. Iyadoo ay cabsidaas taagneyd ayaa waxaa safar olole ah Geeska Africa ku yimid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo safarkiisa markii hore kasoo bilaabay Jabuuti ka hor inta uusan booqasho ku tagin dalalka Itoobiya iyo Kenya. Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday iskaashi milatari, heshiis uu ka qayb ka yahay in dalka aan lahayn badda laga caawiyo dhismaha ciidamo badeed, xili Paris ay raadineso in ay saameyn dhaqaale ay ku yeelato dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika maadama Geeska Africa ay lug weyn ku yeelatay Dowladda Shiinaha oo rajeeneyso inay dhaqaale fiican ka sameyso halkaas. “Iskaashiga dhinaca milatari ee aan la filayn waxa uu bixinayaan jadwal howleed iyo wadada ay France uga taageeri karto Itoobiya dhismaha ciidamo badeed,” ayuu Macron ka yiri shir jaraa’id iyada isaga oo uu garab taagan yahay Abiy Axmed. “Tan iyo markii aad ra’iisul wasaare noqotay [Abiy Axmed] aragtideena ku aadan Ethiopia si dhab ah ayuu isku badashay” ayuu Macron yiri Itoobiya ayaa heshiis dhanka badda ah kula jirta dalal ku yaalla gobolka, oo Soomaaliya oo mudo ku dhaw 30 sano aysan ka jirin dowlad xooggan, ay kamid tahay. Tallaabada uu Faransiiska u qaaday inuu Itoobiya ka caawinayo Tababarka Ciidamada Badda ayaa u muuqato mid suurtagelineyso cabsida ay Soomaaliya ka qabto inay Itoobiya usoo socoto Badaheeda isla markaasna ay halkaas ka dhigan doonto Saldhigyo gaar ahaan Magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera. Marka ay Dowlad sameysaneyso Ciidamada Badda waxaa lagama maarmaan ah inay ciidamadaas helaan saldhigyo ay fariisimo ka dhigtaan, waxayna qubarada intooda badan qabaan inay Soomaaliya tahay meesha ugu dhow ay Itoobiya damci karto maadaama ay Soomaaliya tahay meel dayacan oo aan laheyn dowlad awood u leh inayi Ilaashato xuduudaheeda Dhulka, Cirka iyo Badda. Waxaa hadda tuhun weyn laga qabaa inuu Banaanka usoo baxo heshiiska la sheegay inay kala gaareyn Farmaajo iyo Abiy Ahmed kaasoo ah inay Itoobiya maalgashi ku sameysato Afar kamid ah Dekadaha Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaacin kuwa ay yihiin. Heshiiska la doonayo in Itoobiya lagu siiyo Afar Dekadood oo Soomaaliya ku yaal oo ay maalgashi ku sameysato ayaa dood badan ka dhex dhalisay Shacabka Soomaaliyeed, Mucaaradka iyo Dowladda dhexdeeda, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu Itoobiya siiyey Dekado balse ay arrinta aheyd wada hadal ku aadan inay Itoobiya maalgashi kaliya ku sameysato Dekadahaas. Tan iyo markii uu dalka Itoobiya Ra’isulwasaare ka noqday Abiy Ahmed, waxay Siyaasadda Itoobiya noqotay mid furfuran oo ay ku dooneyso inay kaalin weyn ku yeelato Mandiqadda Africa gaar ahaan Geeska Africa. Dowladda Shiinaha ayaa sanadihii ugu dambeeyey waday dadaalo ay ku dooneyso inay kula wareegto Dekadaha ku yaal Africa, waxayna hadda la kulmi doontaa cadaadis xooggan oo kaga imaanayo dowlado badan oo ay kamid tahay Faransiiska hadda soo baraarugay. Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore dhibaato xoog leh ku qabtay dhaq-dhaqaaqyada ay Imaaraadka Carabta ka wado Dekadaha Soomaaliya maadaama ay Maamulada Somaliland iyo Puntland la gashay heshiisyo loogu wareejiyey maamulka Dekadaha Berbera iyo Boosaaso. Dowladda Itoobiya ayaa kaalin weyn ku laheyd heshiiskii ay Imaaraadka Carabta kula wareegtay Dekadda iyo Garoonka DIyaaradaha ee Berbera oo noqonayo saldhig military oo ay leedahay Imaaraadka waxayna Itoobiya ku leedahay Dekadda Berbera Saami dhan 19%. Ciidamadii Badda Itoobiya ayaa burburay 1991-dii markii gobolkii ka deganaa Eritrea oo ku yaalla Badda Cas, uu ka qarxay dagaal socday 30-sano oo xorriyad u dirirnimo ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Ka Gaabsaday In Uu Ka Warbixiyo Kulan Albaabadu U Xidhnaa Oo Uu La Yeeshay Guddiga Dabagalka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source