-
Content Count
212,165 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax lagu xiray gaari ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, waddada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari Saruf ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu lahaa Taliyaha qeybta Dambi Baarista CID-da, Cumar Cabdi Cilmi, balse uusan geysan wax khasaaro ah. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo ku sugan isgoyska Shaqaalaha ayaa tegay Goobta kuwaas oo xaalada koontoroolaya, isla markaana Gaadiidka qaar wadada ka celinaya. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in qarax lagu xiray gaari uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, wadada makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in qaraxan lagu soo dhejiyey, lamana oga in halkaasi khasaare ka dhashay iyo in kale. Ciidamada ammaanka ayaa hadda waxa ay wadaan baaritaanka qaraxan, waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Huuley ee gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi a ahayd mid qorsheysan islamarkaana lagu dilay Labo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. AFRICOM ma aanay sheegin in xubnahan ay duqeynta ku dileen ahaayene saraakiil sar-sare oo Al-shabaab ah iyo in kale. Sidoo kale, AFRICOM waxa ay sheegtay in weerarkaasi aanay waxyeello kasoo gaarin dad shacab ah. Dowladda Maraykanka ayaa DFS ka caawisa howlgallada ka dhanka ah Xarakada A-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxaha kubbadda cagta Horseed iyo Dekedda ayaa leh kulanka ugu xiisaha badan todobaadkii lixaad horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019. Xidigaha Horseed kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Midnimo,Horseed waxa ay ku jirtaa kaalintaan 2-aad ee kala horeynta,iyagoo leh 11-dhibcood. Dekedda kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaatay xidigaha Elman Sports Clubwaxayna fadhiyaan booska 1-aad ee kala sareynta, iyagoo leh 13-dhibcood. Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor 20-October 2016-Maamulka Kooxda Dekedda ayaa shaqada ka joojiyay Macalin Cabdi Joon gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa badi isku raaceyn in Cabdijoon oo kooxda keenay kaalin wanaagsan,isagoo kalaamaha 4aad iyo 2-aad ku dhameysatay horyaalka Somali Premier League. 24-October 2016- War saxafadeeda kasoo baxay maamulka kooxda Dekedda ayaa lagu cadeeyay inYusuf Ali Nuur Yuuali loo magaaabay xilka macalinimo ee naadiga wuxuuna booskaa ka badlay Tababare Cabdi Joon. 14-April 2018-Macalin Cabdi Wali Maxamed (Cabdi Joon) ayaa dib ugu laabtay hogaaminta kooxda ciidan xooga dalka ee Horseed,isagoo horay u soo maamulay waxaana lagu xasuusta waqtigii uu joogay Horseed in uu soo saaray ciyaartooyda da’yar ah kuwaas kaalin wanaagsan ka qaatay tartamada maxliga ee gudaha. 30-December 2017-Tababare Cabdi Joon Baraxoow oo hogaaminaya kooxda Elman-Sports Club ayaa kooxdiisii hore Dekedda ka qaaday koobka Somali Super Cup 2017 maadaam kooxaha Dekedda iyo Elman ay sanadkaa kala hanteyn horyaalka iyo koobka Jeneraal Daa’uud. Hogaamiyaasha labada kooxda Yusuf Ali Nuur Yuuali iyo Cabdi Joon waxa ay ka mid yihiin tababarayaasha ugu wanaagsan gudaha,iyagoo u soo wada ciyaaray kooxda ugu guulaha kubbadda cgata dalka ee Elman-Sports Club. Daa Uud Tubaal,Abdi Aziiz Catoosh iyo Feysal Xaashi ayaa kooxda Dekedda kula guulaystay horyaalka Somali Premier League iyo koobka Somali Super Cup waxayna ka mid yihiin halboolayaasha safka kooxda waxayna Dekedda ku haystaan taageerayaal badan oo kala soo guurayLlpp Jeenyo. Maxamuud Cabdi Nuur iyo Xasan Cabdi Nuur ayaa iyagana ka mid ahaa safka kooxda Horseed iyagoo wajahay saaxiibadii ay waqtiga wanaagsan kusoo wada qaateyn kooxdoodii hore ee LLPP Jeenyo Football Club. #Cabdullahi Cali Bile ayaa ka hor tagaya kooxdiisa hore ee Dekedda,isagoo ka mid ahaa laaciibintii Dekedda la hantay horyaalka Somalia Premier League labadii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna iminka ka tir sanyahay kooxda Ciidanka xooga ee Horseed. Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 26/02/2018 Horseed 0:0Dekedda 21/04/2018 Dekedda 2:2 Horseed 21/02/2017 Dekedda 1:2 Horseed 11/01/2016 Dekedda 2:0Horseed 17/03/2016 Horseed 2:2Dekedda 05/01/2015 Horseed 0:1Dekedda 02/04/2015 Dekedda 4:0Horseed 17/07/2012 Horseed 2:1Dekedda 31/10/2012 Dekedda 2:2Horseed Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2018-2019 Kooxaha:-Horseed VS Dekedda Maalinta:-Khamiis Taariikhda:-14-03-2019 Saacada:-3:45pm Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°/26°C Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa diiday qorshe ay u gudbisay xukuumadda Uhurru Kenyatta kaasi oo la xiriira darbiga laga dhisayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya. Baarlamaanka ayaa diiday qorshahaasi, iyadoo xukuumada Kenya ay miiska saartay dhaqaalo gaaraya 3.5 Milyan oo lacagta Kenya ah, taasi oo loo qorsheeyay in dib loogu bilaabo dhismaha darbiga xuduuda labada dal. Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan taasi aqbaleynin, iyaga oo soo jeediyay in badalka lacagta darbigaasi lagu dhisayo lagu daro miisaaniyadda lagula dagaalamayo Al Shabaab, maadaama ay qatar weyn ku yihiin amaanka Kenya. Xukuumadda Kenya ayaa qorshaha dhismaha darbiga kala qeybinaya xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya joojisay bishii March ee sanadii 2018, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay socotay qorshaha dib u bilaabida dhismaha darbigaasi. Guddoomiyaha gobolka Maandheera ee Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbigaasi la joojiyay kadib markii ay kulmeen isaga iyo guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya. Kenya ayaa billowday dhismaha darbi kala qeybinaya Soomaaliya oo uu dhererkiisu yahay 700 km sanadkii 2013kii, iyadoo marar badan uu u joogsaday dhaqaalo xumo. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu si faah-faahsan uga hadlay cidda mas’uul ka ah muddo dhaafka doorashooyinka, waxaanu taxay caqabadaha ugu waaweyn ee ku gadaaman in doorashooyin ay dalka ka qabsoomaan iyo sida looga gudbi karo. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal dheer oo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxa uu ku yidhi: “Ruqo ninkii Lahaa Dabada Hayaa Ma Kacdo.” Ma Madaxweynaha ayaan tanaasulayn mise Mucaaradka ayaan tudhayn? Somaliland waxay soo jirtay 28 sanadood. Muddadaasi waxa la qabtay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si nabadgelyo ah. doorashooyinkaasi waxay Somaliland u soo jiideen magac iyo maamuus ay dunidu ku tixgeliso inay tahay dal dimiquraadi ah. Qormadan maanta waxaa igu kelifay; baahida bulshadu u qabto in ay ogaato cida dabada haysa qabsoomida doorashooyinka. sidaasi darteedna waxaan goostay in sida ay iila muuqato aan bulshada la wadaago, si ay taageerayaasha mucaaradka tusmo ugu noqoto, xukuumadana toosin ugu noqoto. Waa maxay caqabadaha ugu waaweyn ee doorashada hortaagani? Marka laga hadlayo caqabadaha ugu waaweyn ee hadda la isku hayo, waxa la odhan karaa waa: Saami-qaybsiga gobolada ee kuraasida Baarlamaanka, sababta oo ah waxa jirta cabasho aan weli xal laga gaadhin; qoondaynta kootada Haweenka/Beelaha laga tirada badanyahay oo aan meel la dhigin; Xeerkii doorashooyinka oo qabyo ah; Dhaqaalihii doorashada oo aan weli soo xaroon (Qaybtii Xukuumada iyo Qaadhaan bixiyayaasha) iyo Komishinka Doorashooyinka oo Waddani kalsoonidii kala noqday. Sidoo kale xisbiyada mucaaradku waxay isku raaceen in Komishinka tiradooda la kordhiyo oo (9) sagaal laga dhigo halkii ay Komishinka tiradooda (7) todobada ka ahaayeen .Waxaana si laxaad leh isugu muuqda Kulmiye iyo Waddani. Waxaa hubaal ah in intaa aan soo sheegay laga heshiin karo hadii aan meesha wax kale ku jirin. Waxa la odhan karaa in Kulmiye oo haysta xubnaha golaha wakiilada inta badan iyo Maayarada gobolada inuu u arko awoodiisa oo la wiiqayo, gaar ahaana marka uu KULMIYE maqlo diidmada Waddani ee Komishinka u fahmo in madmadaw la gelinayso sharcinimada Madaxweynihii la doortay. Xisbiga Waddani ayaa isaguna u arka in aan Madaxweynuhu tixgelin siin dacwadii ay u gudbiyeen ee ay kaga cabanayeen Komishinka Doorashooyinka, isla markaana Madaxweynaha iyo xisbigiisu ay Komishinkii dhexda u ahaa xisbiyada dhinac ka dhigeen maadaama oo aanay cabashadii marin dariiqeedii oo ahaa in Gudi loo saaro, Gudigaasina ay cabatinka Waddani ama gar ku sheegaan ama gardaro ku sheegaan, xeerka doorashooyinka, qodobka 14 faqradiisa 2aad ayaa odhanaaya “Marka arrimahaa kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go’aan ugu qaato” balse taa bedelkeeda xukuumada iyo Kulmiye way difaaceen Komishinka oo weliba yidhaahdeen abaalmarin ayaanu siinaynaa, qofka dhexda ah in dhinacyada is haya dhican ka mid ahi u doodo ama difaacaa tuhun ayay abuurtaa, sidaa darteed, Waddani shakigii ayaa ku sii kordhay oo waxay dib isu waydiiyeen sababta Komishinka isu xejinayaan Kulmiye iyo maxay ku ogyihiin, waxaanay Wadani isku qanciyeen inuu jiro qorshe KULMIYE iyo Komishanka ka dhexeeya. Soomaalidu waxay odhan jirtay “ninka wax xadaa 1 dembi ayuu leeyahay ninka wax laga xadaana 12 dembi ayuu leeyahay” oo looga jeedo tuhunka iyo shakiga ku badan qofka wax tirsanaya. Komishinku waa la eedayay laakiin dembiilayaal ma aha illaa wax ku cadaadaan. Xisbiga UCID waxay soo jeediyeen in xubnaha (9) sagaal laga dhigo isla markaana Komishinka joogaa shaqada diwaangelinta sii wado, inta aan doorashadu soo gelina hore u baneeyaan xafiiska si Komishinka Cusubi waqti uu shaqada ku barto u helo. Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyay in xubnaha (9) sagaal laga dhigo, caddaaladna loo qaybsado, isla markaana la kala diro Komishinka jooga maadaama oo ay kalsoonidii kala noqdeen. Waxay mucaaradku ku sababeeyeen in Komishanku hore xafiiska u baneeyaan, maadaama oo Komishinka iminka jooga mudo xileedkoodii uu dhamaanayo 29 Nov, 2019 oo aanay awood sharci u lahayn in ay qabtaan doorashada baarlamaanka, oo ay Guurtidu u mudaysay in ay dhacdo 13 Dec, 2019. Komishin cusubina sharci ahaan aanu doorasho ku qaban karin 13 maalmood ee u dhexeeya mudo xileed-kooda. Had iyo jeeraale, marka arimaha sharciga la isla fahmi waayo ama laba dhinac la is kala taago ee xaaladu adkaato, waxay Somaliland caado u lahayd in xal siyaasadeed laga gaadho, waxaana had iyo jeer soo dhex geli jiray, xubno sharafeed ka yimaada dhaqanka, hay’adaha madaxa banaan ama beesha caalamka oo sanadkii 2009 ku kala hagoogatay. Waqti xaadirkani lafteeda dhinacyo badan ayaa isku dayay oo ay ka mid yihiin SONSAF oo ah hay’ad madax banaan, xubno la baxay muwaadiniinta xorta ah, madaxweyne ku xigeenaddii hore, Hay’ada APD iyo beesha caalamka oo intaa culays ku saaraysay dhinacyada in ay ka heshiiyaan khilaafkooda si doorasho dalka uga qabsoonto, waxaana la isugu yimi shirar in ka badan toban jeer oo aan xalna ka soo bixin. Haddii Madaxweynihii iyo xukuumaddii talada dalka haysay aanay qaadan soo jeedintii UCID, tii Waddani iyo talooyinkii ay soo jiidiyeen waxgaradka iyo dhexdhexaadiyayaashu, isla markaana aanay talo keenin saw noqon mayso ninkii la sheegay inuu awrta xidhiidhsan intuu kii u horeeyay kii ugu danbeeyay dabada ugu xidhay, dabadeedna yidhi “Allaw jid u bixi”. Sida dhaqanku ahaan jirey hogaanka ugu sareeya Somaliland, wuxuu ixtiraami jiray wadda tashiga iyada oo dastuurku odhanayo“Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo- wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan”dhaqankuna wuxu ahaan jirey sida uu Cali Jaamac Haabiil (AHN) gabayga baroor diiqda ah ku tilmaamay “Nin kastaa markuu gees damco ee giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadalyaaba, gudoonkii la wada raaci jiray goconayaa mooyi”. Balse malaha hogaanka imiku waa wixii lagu xuman jirey ee ahaa “xaalku waa jiq ku sii, Allaa kariim! Haddaba waxaan leeyahay weli xal waa la gaadhi karaa, inaga oo ka shidaal qaadanayna xikmadii ahayd “If there is will there is a way” oo macnaheedu tahay, “Hadii doonisi jirto, dariiq waa la helaa”. Xalka waxaan u arkaa in lagu heshiin karo in meel dhexe la isugu yimaado. Gurmadkaa waxaa geli kara sadex qolo midkood haddii ay is kaashadaana waa ka sii wanaagsantahay waxaanay yihiin: – Guurtida oo sidii ay horeba u yeeli jirtay marka arini cakiranto ama dhinacyada siyaasadu is mariwaayaan ee ay u soo kala dhex geli jireen u soo kala dhex gasha, waa curad ee ugub maaha, tusaale ahaan labadii madaxweyne ee Rayaale iyo Silanyo mid walba waxa dhex martay Mucaaradka is maandhaaf oo la ismari waayay, balse Guurtida ayaa ku guntatay, xataa KULMIYE dhexdiisa way ka garnaqeen ismaandhaafkii u dhaxeeyey labo dhinac oo uu madaxweynihii hore iyo kan maanta jooga oo isku hayay arimaha xisbiga Kulmiye gudihiisa ah. Qoladda labaadna waa haldoorka bulshada ha noqdeen Abwaano, Aqoonyahano, Culimo iyo cid kasta oo bulshada dhexdeeda magac ku leh sidii mar horeba u dhacday, gaar ahaana dhex-dhexaadintii ay galeen xilligii madaxweyne Rayaale, waxaana ka mid ahaa dadkii waqtigaasi galay Sh Dirir, Abwaanada Hadraawi iyo Gaariye (AUN). Hadii intaasiba ka gaabiyaan, Beesha Caalamka oo arimaha doorashooyinka tacab badan gelisay waxay ka qaadan karaan door aad u muhiim ah, waanay dhacday sidii aan hore u soo sheegay in ay dhex galeen sannadkii 2009 markii mucaaradka iyo xukuumadii UDUB isku maandhaafeen arimihii doorashada, oo si tan Waddani ee maanta la mid ah Kulmiye ayaa xiligaa soo jeediyay in Komishinkii la kala diro iyada oo ay joogeen sanad iyo dhawr bilood, mudo xileedkoodiina ay ka hadhsantahay sadex sanadood iyo dheeraad. Weliba qoraalka Komishinkaa lagu duray ee lagu eedayay waxaa soo qoray Madaxweyne Muuse oo markaa Gudoomiye ku xigeen ka ahaa Kulmiye, Waxaanay ku dhamaatay qodobadii lixda ahaa ee caanka ahaa ee Beesha Caalamku ku dhexdhexaadisay Mucaaradka iyo Xukuumadii xiligaa, waana xalka midhihiisii maanta lagu joogo. Maantana xal way keeni karaan hadii cid ka furata la waayo. Waxay ila tahay, Saami-qaybsiga waxa u daawo ah tirokoob inta ka horaysana xal iyo isfaham waa la gaadhi karaa. Kootadana lixda gobol 12 xubnood oo lix haweenku ku tartamaan, lixna dadka laga tiradda badan yahay ku tartamaan ayaa lagu bilaabi karaa oo xal ku meel gaadh ah way u noqon kartaa. Arrinta komishankana xalkeedu waa inay hore u baxaan, sababta oo ah maalintii ay sii joogaanba waa fursad luntay, mudo-xiloodkoodiina waa gebogebo. Balse jiitanka arintani madaxweynaha garasho ha ka ahaato amaba xeelad’e waxa muuqata inay horseed u tahay in mar kale doorashadu dib u dhacdo oo la kordhiyo muddo xileedka Golaha wakiiladda. Gebagebadii, inkastoo halgankii umadu uu yahay lama taabtaan oo aan wado kale inoo u furayn xiligaa, haddana Illaah baan waxba lala ogayne, waxaan filayaa in dadka reer Somaliland igu waafaqsan yihiin, 1988 maalintii SNM dalka soo gashay ee dagaalka qadhaadh aynu kala hor nimi dawladii Kacaanka ee burbur, naf iyo maalba lihi inaga soo gaadhay, hadii aynu ogaan lahayn in Dawladii meesha ka baxayso 1991, Maxamed Siyaad Barre dhimanayo 1994, sanadahaa kooban uun ka dib, waynu iska sugi lahayn oo wixii dhib ahaa inama gaadheen. Dadka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa isku duubni, in ay ilaaliyaan nabada iyo wada noolaanshaha, duruufaha iyo maalmaha qalafsan u dulqaata, maalmo badan oo wacan ayaa danbeeya cidii calaf ku yeelata, Qabyaalada iyo naca dhexdeena aan joojino bulshada oo kala qaybsantaa wax wanaaga ma soo sido, waa cududeenii oo kala dhantaalmaysa, inta xilka joogtaa mudo xileed ayay leeyihiin oo waa wax tirsan oo qofna ku waarimaayo xilka, noloshuna guud ahaan waa ayaamo tirsan oo qofna baaqi noqonmaayo. Aan dedaalo sidii inoo roon aan Illaah waydiisano. Waa Mahadsantihiin. … Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali X. Xasan…… Source
-
Wefdiga Puntland ee tegay Xiingalool Wefdi isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Puntland oo shalay gaaray bariga gobolka sanaag ayaa saaka tegay magaalada Xingalool. Wefdiga oo u kuur-galaya xaaladda nololeed iyo tan amni ee degaannadaasi ayaa hadda kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Xiingalool. Gobolka Sanaag ayaa maalmahan laga dareemayaa xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland kadib markii ciidamada Somaliland ay fariisimo ka samaysteen degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoosyimaada. Sidoo kale Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag halkaas oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray degmada Xiingalool appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Maadaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabanaya. Waftiga Madaxweynaha oo xalay kulan la qaatay jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay saaka ambabaxeen madaarka magaalada Abu Dhabi iyaga oo ku soo waajan saacadaha soo socda magaalada Hargeysa. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa madaarka ku soo sagootiyay wasiirka wasaaradda cadaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta oo horena ugu soo dhaweeyay. Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaan la sheegin cid uu la kulmay intii uu ku sugnaa dalkaasi markaga laga reebo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Imaaraadka Carabta. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed C/casiis Laftagareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan qorsheyaal amni oo deegaannada maamulkaasi looga saarayo Al-shabaab. Wuxuu sheegay in Al-shabaab haddii aan la iska qaban ay maalin walbo waxyeello u geysan doonaan shacab aan waxbo galabsan. Waxa uu tilmaamay in maamulkooda isku diyaarinayo dagaallo ay la galaan Al-shabaab si loo badbaadiyo shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi. “Haddii aan loo diyaar garoobin oo aan la isku tashan oo aan meel looga soo wadajeedsan cadowgaasi maalin walba shacab aan waxbo galabsan ayaa ku dhammaanaya, annaga ka K/galbeed ahaan waan dedaali doonnaa, waxaan rabanaan inaan sameynno qorshe amni oo lagula dagaallamayo dhagar-qabayaalka, meel kasta oo ay joogaan looga xoreynayo shacabka” ayuu yiri madaxweynaha K/galbeed. Ugu dambeyn, madaxweynaha K/galbeed ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo iney garabsiiyaan ciidamada ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in dhibaato ay u geysteen dad shacab ah oo ku dhaqan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo iyo deegaanno ku dhow degmadaasi. Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeyn ka fuliyey 72-kii saac ee lasoo dhaafay deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmadaasi, halka sidoo kalena la sheegay in askar Kenyan ah ay qof shacab ah ku dileen degmada Ceel-waaq. Buulle Cabdi Cilmi oo ka mid ah waxgaradka degmadaasi ayaa sheegay in shacabka walwal xooggan uu soo gaaray, islamarkaana ay ka baqayaan in xaaladdu ay kasii darto. Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintan wax uga qabato, islamarkaana la joojiyo duqeynta ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-ODAY-DHAQMEED-CEELWAAQ.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Kenya ayaa war kasoo saartay dagaal ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo Al Shabaab. Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Kenya ayaa shaacisay in seddex kamid ah Al Shabaab ay ku dileen weerarka islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kamid ah ciidamada Al Shabaab. Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay hub iyo rasaas badan oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Al Shabaab ee ay kula dagaalameen deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Gedo. Afhayeenka Ciidanka difaaca Kenya Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo ku jiro howlgal Roondo ah ay weerar kala kulmeen Al Shabaab, kadibna ay dileen xubnaha ka tirsan Al Shabaab. Wuxuu sheegay in qoryaha ay gacanta ku dhigeen ay ku jiraan labo qori oo nooca AK 47 ah iyo rasaas badan oo ay lahaayeen Al Shabaabka weerarka gaadmada ah ku qaaday ciidamada Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamooda ku jira AMISOM ay heegan sare ku jiraan marwalba una diyaar garoobeen in ay ka hortagaan weerarrada AL-shabaab. Ciidanka Kenya ayaa Bishii January ee la soo dhaafay sheegay in ay dileen 7 ka mid ahaa Al-shabaab kana qabsadeen hub farabadan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Geeska,kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale. Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn yidhi “Heerkaynu maanta joogno, iskamaynu gaadhin, ee weynu u soo samirnay, xaalad kasta iyo duruuf kasta weynu kala soo dabaalanay, alxamdulilaah maantana meel wanaagsan baynu joognaa, heer fiicnaa weynu taagan nahay, inaga ayaa isku tashanay, oo qaranimadeena u tashanay, kadib markii aynu Somaliya dib ugula soo noqonay xoriyadeenii, inaga ayaa dawladnimadeena dhisanay, oo rukunada u aasanay, Dastuur baynu samaysanay, nidaamkii qabaliga ahaa ayeynu ka soo gudubnay, nidaamka Axsaabta ayeynu qaadanay, Doorashooyin kala duwan oo kala ah Doorashooyinka Madaxtooyada Wakiilada iyo Deegaanka ayeynu galnay, Caalamkuna wuu ka dharagsan yahay waanu ka war qabaa heerka aynu gaadhnay, marxaladaha aynu ka soo dabaalanay, iyo inaynu Somaliya laba dal aynu kala nahay, markaas Ictiraafka inaga dhiman goor ay noqotaba weynu heli doonaa insha allaah”. Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa wuxuu yidhi “Marka hore Somaliya laba dal baynu kala nahay, Somaliya kumaynu biirin ee weynu isku biirnay, wakhtigii aynu isku biirnayna, inagu waxaynu raadinaynay shantii Somalida, markii ay suurtagal noqon weydayna, oo dulmi iyo cadaadis badan la inoo geystay, ayeynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii, markaas waan soo dhawaynayaa mawqifka Xukuumaddu ay ka qaadatay qaabka Somaliya wada hadalkeeda loo waajahayo, waana muhiim in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loo indho badsadaa, oo Wadamo badan ay goob joog ka ahaadan mar kastana waxaa haboon inaynu Somaliya u wada hadalno sidii laba dal”. Mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa wuxuu yidhi “Dhacdo walba oo ina soo marta inaynu ku tusaale qaadano ayaa wanaagsan, iyada oo dadkeenu iskaashaado, oo xitaa ugu yaraan calaa qof uu bixiyo hal doolar, lacagtaasi wax badan bay noqonaysaa, wixii kale ee lagu dari lahaana waa lagu darayaa, Gobol kastana waxaa laga qodi lahaa dhaamam ama biyo xidheeno, si looga sii taxadiro abaaraha soo noq-noqda”. Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu tacsi u diray dhammaan wadamadii kale duwanaa ee dadkoodu saarnayeen Diyaaradii burburtay ee Itoobiya. Source
-
Siyaasiyiinta ku dhaqan deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa walaac ka muujiyey ammaanka guud ee deegaannadaasi. C/raxmaan Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiintan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu sheegay in aan la isku gudbi karin deegaannada maamulkaasi. Wuxuu tilmaamay in ammaanka laga gaabiyey in wax laga qabto, sidoo kalena ay meel adag mareyso xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Hirshabelle. Madaxa ugu sarreysa maamulka Hirshabelle ayuu ku eedeeyey ka warqabis la’aanta dadka ku nool deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SIYAASI-ABDIRAXMAAN-XUSEEN-BELEDWAYNE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidammada Qaranka Ee Bariga Sanaag Oo La Xoojiyey, Puntland Oo Ka Cabatay Hawl-gallo Xooggan Oo Ciidammadu Halkaa Ka Wadaan + Wararkii U Dambeeyay (SLT-Yubbe) – Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilaabay degaannada bariga Gobolka Sanaag, ka dib markii Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland ay rabshado amni-darro ka sameeyeen degaanno ka mid ah bariga Gobolka Sanaag. Ciidammada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan degaanka Yubbe isla-markaana isha ku haya dhaqdhaqaaqa ay wadaan Maleeshiyaadka Kornayl Caarre, ayaa Dawladdu ku samaysay xoojin, waxayna dhaqdhaqaaq ka bilaabeen degaannada bariga Gobolka Sanaag, si ay Tallaabo uga qaadaan Maleeshiyaadkaasi oo uu hoggaamiyo Kornayl Caarre, oo hawl-gallo ay amni-darro ku abuuraan ka soo qorsheeya degmada Qardho ee Maamul-gobolleedka Puntland oo ay fadhiisin ku leeyihiin. Dhaqdhaqaaqa Ciidammada Qaranku ka bilaabeen degaannada bariga Sanaag oo shaki-geliyey Maamul-gobolleedka Puntland oo sheegta Mulkiyadda dhuleed ee Bariga Sanaag, waxaanu Maamulkaasi uu Somaliland ku eedeeyay inay faro-gelinayso Puntland. Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan Maamulkiisu u dul-qaadan doonin faro-gelin uu sheegay in Somaliland ku hayso degaannada bariga Sanaag isla-markaana ay jawaab ka bixin doonaan. Balse, Dawladda Somaliland oo ka jawaabtay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa sheegtay in Ciidammada Qaranku aanay dan ka lahayn Maamulka Puntland, laakiin ay qorshaysay inay soo afjarto dhibaatooyinka amno-darro ee Maleeshiyaadka Kornayl Caarre ka sameeyaan Gudaha Somaliland, waxayna Dawladda Somaliland ugu baaqday Puntland inay dhulkeeda ka soo saarto Maleeshiyaadka uu Hoggaamiyo Kornayl Caarre, haddii kale Ciidammada Qaranku ay Maleeshiyaadkaa ugu tagi doonaan degmada Qardho ee gudaha Puntland. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Ciise-Xawar oo ka jawaabayey hadalka Madaxweynaha Punland ku sheegay in Somailand faro-gein ku hayso dhulka Maamulkiisa ayaa yidhi “Ciidammo Somaliland xukunto oo fad-qalalo ka sameeyay xuduudaha Puntland ma jiraan, markaa Madaxweyne Deni (Madaxweynaha Puntland) isagaa caddaynaya halkuu warkaasi ka soo baxay, laakiin waxaan u malaynayaa inuu ka hadlayo Gobolka Badhan ee Somaliland iyo Gobolka Sanaag oo Ciidamo naga joogaan, xoojina aanu ku samaynay, taasna waxa keenay (inaanu xoojino Ciidammada Somaliland ee Sanaag jooga), maaha in Madaxweyne Deni uu noqdo ‘Hasha Geela cunta ee haddana Cabaadda’, waxaad ogtihiin Puntland inay Maleeshiyaad fidmo-wadeyaal ah oo isku urursanayey degaanka Qardho ee Gobolka Karkaar, kuwaasi oo dhib iyo rashad ka watay degaanka Sanaag ama Sanaag-bari muddadii la soo dhaafay, waxa xaqiiq ah in degaankaasi ahaa degaanka Somaliland ugu nabdoon, wax carqalad ah ama rabshad ah oo degaankaa ka dhacayna ma jirin intii Somaliland jirtay, laakiin fidmo waxa ugu horreeyay nimankaa ay Puntland Magangalyada ka siisay deegaannadooda, khaasatan Qardho ee Gobolka Karkaar, markaa Somaliland meel Alla meeshii degaankeeda laga soo hujuumo inay jawaab waafi ah ka bixiso oo ay dhibaatadaa soo afjarto, waajib Dastuuriya ayay ku tahay.” Wasiirka Gaashaandhigga oo la waydiiyey in la xoojiyey Ciidammadii Qaranka halkaa hore fadhiisinka ugu lahaa iyo inay faro-gelin ku sameeyeen Xuduudka Puntland, ayaa ku jawaabay “Yubbe waa degmo Gobolka Sanaag ka mid ah, waxaana ka sii shisheeya degmada badhan oo Somaliland ah, xuduudka Somaliland iyo Soomaaliyana meesha uu yahay waad garanaysaan, markaa taasi wax shaki ama muran ku jiro maaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sharraxay sababta Ciidammada Qaranka geysay Xuduudka Puntland “Waxa geeyay Ciidammadu sabab-bay leedahay, Ninkaa Caarre la yidhaahdo wuxuu yimid degaannada Yubbe, wuxuu yimid degaanka Baraagaha-Qol iyo degaanno badan oo dhulkaa ka tirsan, markii dambana Ciidammada ayaa baacsaday oo wuu ka cararray, Ninkaasi wuxuu ka soo duulay Magaalada Qardho, markaa Madaxweynaha Puntland waxaan u sheegayaa Somaliland u dul-qaadan mayso, waxaan u sheegaynaa Madaxweynaha Puntland waxa ballan ah Somaliland meesha dhib kaga soo baxdo ama Qardho ha ahaato ama isku-shuban ha ahaato ama Xaafuun ha ahaatee, meeshii Cadow kaga soo duulo Somaliland ee xasilloonideeda iyo amnigeeda carqaladaynaya Somaliland jawaab waafi ayay ka bixinaysaa, Ciidammada Qarankuna heegan bay u yihiin oo waa u diyaar..” Wasiirka Gaashaandhiggu wuxuu Madaxweynaha Puntland u soo jeediyey inuu dhulkiisa ka saaro Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland isla-markaana Maleeshiyaad ku urursaday degmada Qardho ee Puntland “Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni waxaanu u sheegaynaa inaanu diyaar ula nahay wada noolaansho, Nabadgalyo, Xuduudaha oo isku furma, Labada Shacab oo is dhex-gala, dhaqaalaha oo isku furma, laakiin Caqli-gal maaha in Maleeshiyaad ku soo duula Somaliland uu Qardho ku koriyo, isagoo og dhibaatada ay ka geysanayaan degaannada Xasiloon ee Somaliland, markaa Caawa ha iska soo saaro Maleeshiyaadkaas, waxaanu ugu beddelaynaa Walaalnimo, nabadgalyo, xidhiidh wanaagsan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhaqdhaqaaqa Ciidammada Qaranku ka wadaan Bariga Gobolka Sanaag uu ku waajahan yahay Maleeshiyaadka Kornayl Caarre ee fadhiisinka ku leh gudaha Puntland “Waa Jabhadda Caarre Cidda uu hujuunkayaga ugu weyni ku waajahan yahay oo degaankaa Fidmo iyo carqalad ku haysa, inaanu soo afjarnana way naga go’an tahay. Meel kasta oo ay Fidmo nagaga soo abaabulayaan waanu ugu tagaynaa, hadday Qardho noqoto iyo hadday meel kale noqotaba, inta jabhaddaasi jirtana waa Waajib Qaran inaanu soo afjarno, wayna imanaysaa…”ayuu yidhi, Wasiirka oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho, kaasi oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay. Source
-
QM oo dalbatay in loo gurmado qaxooti ay ku jiraan Soomaali
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Ha’yadda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNCHR ayaa ku baaqday taageero caalami ah oo la siiyo ku dhawaad 1.2 Milyan oo ah qaxooti ay ku jiraan Soomaali oo ku nool dalka Uganda. Ku xigeenka madaxa ha’yadda UNCHR, Kelly Clements ayaa sheegay in dowladda Uganda ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa qaxootigaas ay Soomaalida ku jiraan ee dalkeeda ku sugan, balse ay u baahanyihiin kaalmo dheeraad ah. UNCHR ayaa xustay in qaxootiga Soomaalida ku jiraan oo ay martigalineyso dowladda Uganda ay ku jiraan caruur, waxaana intaasi ay ku dartay in caruurtaasi ay wajahayaan waxbarasho la’aan baahsan. Sidoo kale, ha’yadda ayaa ku dhawaaqday in dib u qorsheyn doonto lacag gaareysa 100,000 oo dollarka Mareykanka, oo loogu tala galay meelo kale, si ay caruurtaasi qaxootiga ah ay u helaan waxbarasho. Dowladda Uganda ayaa marti galisay kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka South Sudan, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, Burundi, Rwanda iyo Somalia, kuwaas oo degaansaday duleedka magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda. View the full article -
Muqdisho (SMN) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqi doonaan lacag gaareysa 94 Milyan, si loo hormariyo kobaca dhaqaalaha ee dalka. Garruso Ruiz oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha wadanka ayaa sheegay in uu jeedada yaboohasi lacageed ay tahay in sar u kac uu sameeyo dhaqaalo ka soo xarooda gudaha Soomaaliya. Ruiz ayaa xusay in lacagahaasi ay ku deeqeen dowladda Soomaaliya in ay ka caawin doonto dhinacyada siyaasadda amaanka iyo wax ka qabashada xaaladaha bin aadanimo ee dalka ka jira. Ugu danbeyn, wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay Midowda Yurub, isagoo sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya saaxiibada qaarada yurub. View the full article
-
(SLT-Washington)-Labada Haweenka Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ee Ilhaan Cumar oo asal ahaan Soomaali ah iyo Rashida Talayba ee asal ahaan Falastiiniyad ah, waxay si kulul u dhaliileen Hubka uu Maraykanku siiyo Sacuudiga ee loo adeegsanayo dagaalka ka socda dalka Yemen. Qoraal ay Ilhan Omar soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay inay Sacuudiga had iyo jeer heerka ugu xun ku jiraan Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, isla markaana ay mas’uul ka yihiin macluusha iyo cuddurka Koleeraha ee dadka Reer Yemen. Waxay sii raacisay inay Sacuudiga weli yihiin kuwa ugu sarreeya ee iibsada hubka lagu farsameeyo Maraykanka, waxayna Ilhan Omar is-weydiisay sababaha uu Madaxweyne Donald Trump ula dhinac noqday kuwa hubka soo saara ee ka dhanka ah dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha. Hadalkeeda waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka caawa yeelan doonaan Kulan ay kaga doodayaan Tacadiyadda ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geystaan dalka Yemen iyo sidii loo joojin lahaa hubka laga iibiyo. Bishii la soo dhaafay, Aqalka Senedka ee dalkaasi waxay u codeeyeen qaraar ku baaqay inay Maraykanka joojiyaan taageeradda dagaalka ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ka siiyaan dagaalka Yemen. Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxay tan iyo sannadkii 2015-kii hoggaamiyeen Isbahaysi Carbeed oo ka dhan ah Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan taageerto. Source
-
(SLT-Iran)-Iran waxay jawaab adag ka bixin doontaa ficil kasta oo ciidamada badda Israel ay qaadaan oo ka dhan ah maraakiibteeda shidaalka, waxaa sidaas maanta yiri wasiirka gaashaandhigga Iran. Hadalladiisa ayaa yimid toddobaad kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay in ciidamada badda Israel ay joojin karaan maraakiibta shidaalka sidda ee Iran, si loo dhaqan-geliyo cunaqabateynta Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sanadii tagtay ka baxay heshiiska Nuclear-ka Iran, wuxuuna dalkaas saaray cunaqabateyn looga gol leeyahay in lagu joojiyo dhoofinta saliidda Iran. Wasiirka difaaca Iran, Amir Hatami ayaa wakaaladda wararka dalkaas ee IRNA ay kasoo xigatay isaga oo sheegaya in Iran ay leedahay awood milatari oo ay kaga hortagto faro-gelinta Israel, islamarkaana beesha caalamka aysan aqbali dooni ficil noocan ah. Hatami ayaa sheegay in iska hor-imaad noocan oo kale ah loo arki doono “burcad badeednimo”, wuxuuna ka digay “Haddi ay dhacdo, waxaan u jawaabi doonnaa si adag” “Ciidamada hubeysan ee Iran waxay leeyihiin awood ay qadka maraakiibta dalka habka ugu wanaagsan uga ilaaliyaan halis kasta oo suurta-gal ah” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ayaa war kasoo saaray duqeyn lala eegtay ciidamo katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka SHabeelaha Hoose. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay aheyd mid ka dhacday deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose, islamarkaana lagu dilay labo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Huleey oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, waxaana lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida qoraalka lagu sheegay. Qoraalka Taliska ayaa lagu cadeeyay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, balse kaliya ay khasaaraha uu gaaray Al Shabaab. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid Istaraatijiyad ahaa, islamarkaana lagu taageerayey Ciiddanka dowladda , si culays loogu saaro Alshabaab, waa sida ay sheegteen. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas. Al Shabaab ayaa dhankooda maalin ka hor soo bandhigay agab ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo weeraray saldhiga Al Shabaab ee deegaanka Daarusalaam. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Barta Facebook ee ay bulshadu ku xidhiidho ayay soo wajahday ciladdii ugu waynayd taariikhda, iyadoo adeegyadii ugu mihiimsanaa ay cilado galeen, dadka dunida kala jooga ee isticmaalana ay adeegsan waayeen Arbacadii. Markii ugu dambaysay ee cilad baaxadan ku dhaw ay soo wajahdo waxay ahayd sannadkii 2008, markaas oo dadka isticmaala ee dunidu ay ahaayeen 150 milyan halka ay hadda bil kaste ka isticmaasho 2.3 bilyan oo ruux. Cilladan ayaa saamaysay adeegyada ugu waawayn Facebook sida labada App ee Messenger iyo WhatsApp oo fariimaha la isaga diro iyo Instagramka oo sawirrada lagu wadaago. Wali lama shaacin waxa sababay ciladdan. “Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aysan hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Facebook. “Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan”. Shirkadda oo ka jawaabaysa warar la isla dhex maray oo sheegaya in shirkaddu ay adeegga u joojisay si ay u baajiso weerar dhanka Internetka ah oo lagu soo qaaday, ayaa sheegtay in arrintu aysan sidaas ahayn. Ciladdu baaxad intee la eg ayay leedahay? Waxaa la qiyaasayaa in cilladani ay billaabatay 16:00 GMT ama 7:00 fiidnimo ee saacadda Bariga Afrika. Qaar ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaana billaabay in ay ka cawdaan in aysan waxba ku qori karin ama sawirro dadka la wadaagi karin. Dadka Instagram-ka isticmaala ayaa iyaguna awoodi waayay in ay bogga cusboonaysiistaan si ay sawirro cusub u arkaan. Source
-
(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa ku biirtey dalalka ku dhowaaqay inay dhulka dhigayaan oo ay joojinayaan isticmaalka diyaarada nooceedu yahay Boeing 737 MAX. Dalal badan oo caalamka ayaa hore ugu dhowaaqay talaabada lagu joojinayo diyaaradan kadib markii dhowaan ay mid kamid ah diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX ay ku burburtay dalka Ethiopia ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa. Wadamo ku yaalla qaarada Yurub, dalka Shiinaha iyo dalal kale ayaa hore ugu dhowaaqay inay joojnayaan isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX. Illaa iyo hadda ma jiro sabab dhab ah oo keentay burburka diyaaradan balse waxaa ka horeeyay diyaarad kale oo isla noocaas ah oo ku burburtay dalka Indonisia toddobo bil kahor waxaana ku dhintey 189 ruux,balse lama hayo wax cadeyn ah oo sheegaya in ay xiriir leeyihiin burburka labada diyaaradood. Shirkada soo saarta diyaarada Boeing 737 MAX oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa amarka uu Madaxweynaha Maraykanka ku bixiyay in la joojiyo duulimaadyadeed waxaa soo dhoweeyay shaqaalaha iyo madaxda hay’ada duulimaadyada dalka Maraykanka. Si kasta ha ahaatee shirkada Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya 371 illaa amar dambe. Sanduuqii Madoobaa ee laga ogaan ahaa sababta keentay burburka diyaaradii ku dhacday duleedka magaalada Addis Ababa ayay dowlada Ethiopia ka codsatay dalka Jarmalka inuu baadho macluumaadka ku jira. Hase yeeshee dowlada Jarmalka ayaa diiday inay baadho sanduuqaas madow iyadoo sheegtay inuu yahay mid ku cusub caalamka isla markaana xogta ku jirta ayna heli karin. Source