Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo shalay booqasho ku tegey caasimadda labaad ee dalka Finland ee TURKU, ayaa waxa uu kulamo la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wada-shaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku ee xisbiyada National Coalition Party , Social Democratic party and Greens party. Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Magaalada ee Turku , Finland una sharaxan Golaha Baarlamaanka ee Finland doorahsda bisha April ee sanadkan Elina Rantanen Duqa Magaalada Turku Finland, Minna Arve Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen Kulamadaas waxa goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda xubin golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku. Waxaana gudoomiyahu uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada somaliland aad ula socda, sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalka finland u fidiyo somaliland. Iyadoo Finalnd ay kaalmo badan u fidiso somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa Tb da ee somaliland laga fuliyo. Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso. Source
  2. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa shalay oo isniin aheyd waxaa uu saxeexay lahaanshiyaha cadawga Israa’iil ee buuraleyda Golan. Waxaa agtiisa taagnaa ra’iusl wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Trump oo hadlay saxeexa kadib ayaa sheegay in arrintan la qorsheynayey in muddo ah, dhankiisa waxaa uu Netanyahu u tilmaamay mid taariikhi ah. Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga qabsadeen dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km². Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka. Dad badan oo falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxaa ay qabaan in Trump uu sidan u sameynayo doorashada 2020-ka iyo doorashada Benjamin Netanyahu ee bisha soo socota. Source
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi, waxaa saldhiga dhexe ee Hargeysa muddo laba todobaad ah ku xidhan, Yaasir Saleebaan oo ah xidhiidhiyaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh amniga. Yaasir ayaa waxaa xidhay oo hadda gacantooda ku haya ciidamada amniga Somaliland, kaasi oo dhowr jeerna maxkamad kasoo hor muuqday, kadibna oo dib loo celshay. Sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen Caasimada Online, Yaasir ayaa loo haystaa eedeymo culus, sida khiyaamo qaran iyo bixin sir qaran oo muhiima oo uu u gudbiyey sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lagu eedeeyey inuu muddo si hoose ula shaqeynayey nabad-sugidda Soomaaliya iyo sirdoonno kale oo caalami ah, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Sidoo kale wuxuu Yaasir wada-shaqeyn dhaw la lahaa Sirdoonka iyo xafiiska Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa. Somaliland weli wax faah-faahin ah kama aysan bixin habka uu Yaasir ula shaqeynayey sirdoonka Soomaaliya iyo xogta uu u gudbiyey nooca ay tahay, haddiiba ay jirto. Yaasir Saleebaan ayaa waxa la shaqo geliyey xilligii xukumadii Siilaanyo talada haysay, waxaana markaas mar loo xidhay kadib markii lagu helay khiyaamo iyo inuu fojar-gareeyay, hab khaldanna u adeegsaday saxeexii wasiirka arimaha gudaha xilligaas Waran-cade. Si kastaba, waxaa lagu sii daayey Yaasir qaab beelaysan maadaama uu Siilaanyo oo xiligaas talada hayey adeer dhaw u ahaa, ka hor inta aan dhowaan dib loo xirin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Balcad (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada DANAB ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada DANAB ayaa la wareegay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Tooratoorow, kadib markii ay weerar ka qaadeen saldhiga ciidamada cirka ee Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa qabsaday deegaanada Godale , Cadaleey iyo deegaano dhowr ah waxaana la sheegay inay ciidamada ku hubeysnaayeen hub casri ah. Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha DHexe, halkaasi oo maalmo kahor qabsadeen ciidamada Al Shabaab. Ciidamada xooga dalka ee kusugan Shabeelaha Dhexe, ayaa sidoo kale dib u qabsaday deegaano kale oo ka tirsan degmada Balcad, waxaana la sheegay in ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay inay qeyb ka ahaayeen ciidamada dib u qabsaday deegaanada AL SHabaab ku sugnaayeen. Saraakiisha ciidamada Dowladda ee gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada Al Shabaab ay kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Nairobi)-Shirkad fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ka heshay ruqsad ay ku beeri karto dhul gaadhaya 500 Hekter oo ku yaalla dalka Kenya maandooriyaha Xashiishada. Madaxda Shirkada GoIP Global Inc, oo ka diiwaangashan suuqa loo yaqaan OTC ee magaalada New York ayaa waxa ay ku wargeliyeen saamileyda shirkada in ay heleen oggolaanshaha ama ruqsad ay xashiishada ugu beeri karaan dalka Kenya. “Kadib markii aan booqanay Kenya oo aan la kulanay madaxda dalkaas,waxaan ku faraxsanahay faa’idada ay arrintan u keeni karto shirkada.maadaama aan ku beeri karno xashiishada dhul ballaaran”ayuu yidhi madaxa shirkadan Ike Sutton horaantii bishan. Sida lagu daabacay wargeyska Daily Nation xilliga heshiiska ayaa ah muddo 25 sano ah iyadoo maandooriyaha xashiishadana sanadka oo dhan uu ka bixi karo dalka Kenya. Hase yeeshee, dowlada kenya ayaa beenisay inay bixisay ruqsadaas, waxayna ka digtey in maandooriyaha xashiishada uu kamid yahay waxyaabaha ka mamnuuca ah in dalkeeda lagu beero. Balse war ay soo saartay shirkadan ayaa lagu sheegay in si kumeelgaar ah loo siiyay fasax ayna ka heshay Wasaarada beeraha dalka Kenya. Si kasta ha ahaaatee Shirkada ka dhisan dalka Maraykanka ayaa dooneysa in xashiishka ay ku beerto dalka Kenya ay u iibgeyso wadamada Canada iyo Maraykanka oo inta badan uu fasax ka yahay isitcmaalka maandooriyaha xashiishada iyadoo daawo iyo raaxeysiba loo isticmaalo. Source
  6. (SLT-Tel Aviv)-Israa’iil ayaa fulisay weerarro ay ku bartilmaameed sanayso goobo ay Xamaas ku leedahay marinka Qaza, saacado ka dib markii gantaal uu ku soo dhacay guri ku yaalla waqooyiga Tel Aviv. Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedka ay weerareen ay ka mid ahaayeen xafiika madaxa siyaasadda ee Xamaas iyo xarunta sirdoonka ee ururkaas. Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in toddobo ruux ay ku dhaawacmeen weerarradaas. Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa mar hore ku eedeeyay in Xamaas oo Qaza maamusha ay gantaallo ku soo riday bulshada Israa’iil ee ku sugan Mishmeret, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen toddobo ruux. “Israa’iil u dulqaadan mayso arrintaas, una dulqaadan mahayo arrintaas,” ayuu yidhi Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo saxafiyiin kula hadlay magaalad Washignton, hadalkaas ayuuna sheegay intii ay socotay xafladda loo qabtay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si rasmi ah ugu aqoonsaday in Israa’iil u madaxbanaan tahay buuraha Golan Heights oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee sannadkii 1967-dii. “Israa’iil awood ayay kaga jawaabi doontaa weerarkan aan loo meeldayin,” ayuu intaas ku sii daray Netanyahu oo soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Maraykanka. Trump ayaa weerarkaas cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid nacayb ku salaysan” wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku “uu aqoonsan yahay xaqa aan gorgortanka lahayn ee Israa’iil ay u leedahay in ay is difaacdo”. Ilaa iyo hadda ma jirto koox Falastiiniyiin ah oo sheegatay in ay weerarka gantaallada ka dambaysay. Masuul Xamaas u hadlay oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay “in aysan xiiso u qabin” in ay arrintaas sameeyaan. Source
  7. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulankan oo socday saacado badan ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray arrimo ku saabsan Jubbaland iyo DFS, maadaama uu socdo qorshe lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maanta uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si uu kulamo ula qaato madaxda dalka. View the full article
  8. (SLT-Nairobi)-Booliska magaalada Mandhera ayaa loo fasaxay inay sii hayaan Nin magaciisa lagu sheegay Mahad Axmed Aadan oo 34-jir ah, laguna tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab. Garsooraha Maxkamadda Mandherea,Dakun Matay ayaa sheegay in Eedeysanaha la sii hayn karo muddo 5 maalmood, ka hor inta aan Maxkamadda la soo taagin bisha soo socota ee April kowdeeda. Eedeysnaha waxa uu Maxkamadda u sheegay inuu Kenya u yimid si uu u soo booqdo Qoyskiisa oo deggan magaalladda Mandhera. Wargeyska The Nation ayaa qoray in Eedeysanaha habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay ay Bolis ilaalo ku jirtay ku qabteen duleeka magaalladda Mandhera. Eedeysanaha, Mahad Axmed Aadan oo ah Muwaadin Somali waxa uu haystaa Aqoonsiga Kaadhka Muwaadinimada Soomaaliya oo la bixiyey bishii December 3-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii iyo Dukumentiyo kale oo muujinaya cusbooneynsiinta Qandaraas xilli kooban oo uu la soo shaqeeyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadka Rayidka ee Soomaaliya iyo Warqadda Aqoonsiga ee AMISOM oo uu Turjumaan ahaan kula soo shaqeeyey, kuna taariikheysan bishii Janaayo 20-dii ee sannadkan. Dhinaca kale, Eedeysanaha oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inuu Diyaarad ku yimid Degmadda Dhoolo, ka hor inta aanu gaadhi ku soo gelin magaalada Mandhera. Source
  9. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Qaxooti Soomaaliyeed oo dib looga soo celiyay dalka Suudaan. Qaxootigan oo gaaraya illaa 78 Qof ayaa xalay ka soo duulay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi. Lataliyaha koowaad, ahna ku simahaha danjiraha JFS ee dalka Suudaan Cismaan Axmed Maxamed ayaa muwaadiniintaasi Soomaaliyeed soo sagootiyay, kuwaas oo si iskood ah u go’aansaday in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Soomaaliya. Afar bilood kadib dadaal ay safaaraddu u gashay qaxootigan ayey ku suuragashay in dib loo soo celiyo dadkaasi. Ugu dambeyn muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  10. (SLT-Giriiga)-Raysal wasaaraha Giriigga ayaa sheegay in isaga oo diyaaraddiisa saaran oo u dabaal dagaya maalinta xoriyadda uu carqaladayn kala kulmay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga. Alexis Tsipras ayaa sheegay in diyaaraddiisa lagu qasbay inay xidaaraysato ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Turkigu ay Isniintii galeen hawada Giriigga. Raysal wasaaraha ayaa Turkiga ku eedeeyay “ficil axmuqnimo ah oo aan macno ku fadhiyin”. Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in diyaaradaha dagaalku ay samaynayeen hawlgal joogto ah. “Milatariga giriigga ayaa qabtay ciidammadii ku soo xad gudbay hawada,” ayuu yiri Alexis oo hadal ka jeedinaya jasiiradda yar ee Agathonisi oo ku taalla meel aan sidaa uga fogayn dhulwaynaha Turkiga. Maalintan qaran ayaa loo dabaal dagaa sidii ciidammada Giriiggu ay ula dagaallameen dawladdii Cusmaaniyiinta sannadkii 1821. Ra’iisulwasaaraha ayaa iswaydiiyay waxa diyaaradaha turkigu ay damacsanaayeen. Alexis ayaana intaas ku sii daray in ay ka go’antahay in uu la shaqeeyo Turkiga balse Giriiggu uu mar kaste difaaci doono sumcadda qaranka. Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dawladda Turkigu maalgaliso ayaa soo xigatay masuuliyiin sheegaya in “diyaaraduhu ay ku jireen hawlgal ay si joogto ah u sameeyaan”. Calaaqaadka labadan dal ayaan xumaa tobannaan sano waxayna isku hayaan dhul. Balse Alexis iyo madaxweyne Erdogan ayaa sameeyay dadaal ay ku doonayeen in ay ku hagaajiyaan calaaqaadka sannadkii 2017, Erdogan ayaana noqday hoggaamiyihii u horreeyay ee Turki ah ee Giriigga booqda muddo 65 sano ah. Source
  11. Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa shalay oo isniin aheyd waxaa uu saxiixay lahaanshiyaha cadawga Israel ee buuraleyda Golan. Waxaa agtiisa taagnaa ra’iusl wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Trump oo hadlay saxiixa kadib ayaa sheegay in arrintan la qorsheynayey in muddo ah, dhankiisa waxaa uu Netanyahu u tilmaamay mid taariikhi ah. Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga qabsadeen dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km². Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka. Dad badan oo falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxaa ay qabaan in Trump uu sidan u sameynayo doorashada 2020-ka iyo doorashada Benjamin Netanyahu ee bisha soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Odoyaasha iyo isimada gobolka Sanaag oo shir ku yeeshay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi ayaa hab-beeleed uga heshiiyay colaadda ka aloosan degmada Yubbe ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Shirkan oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa waxa isku horfadhiistay waxgarad iyo isimo ka soo kala jeeda beelaha galbeedka iyo bariga ee gobolka Sanaag waxaana lagu go’aamiyay in ciidamada Somaliland ee u dhashay galbeedka Ceerigaabo ay ka baxaan degmada Yubbe sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen xubno goob joog ahaa shirkaasi. Isimada dhaqanka ee ka socday bariga gobolka Sanaag ayaa shirka ka caddeeyay in aysan raalli ka ahayn joogitaanka cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland ee u dhashay beesha dhexe kuwaasoo fariisimo ku leh aga’gaarka degmada Yubbe. Taas beddelkeeda waxay ogolaadeen in cid walba oo u dhalatay bariga gobolka Sanaag ay imaan karto iyadoo aan loo eegayn calanka ay wadato iyo maamulka soo dirsaday toona. Waxgaradka iyo isimada labada dhinac ayaa qodobada ay ku heshiiyeen u bandhigay taliyaha ciidamada Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani kaasoo isaguna qoraalkii waxgaradka iyo isimada u qaaday dhinaca madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo haatan jawaab laga sugayo. Nuxurka qoraalkan ayaa soo jeedinayaa in ciidamada Somaliland ee aan u dhalan bariga gobolka Sanaag ay ka baxaan degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoos yimaada waxaana haddii uu Muuse Biixi aqbalo halkaasi ku baaqan doona dagaal ka dhex qarxa Puntland iyo Somaliland. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa wakhtigan labada dhinac ka fadhiya degmada Yubbe oo dhanka bari ka xigta Ceerigaabo waxaana ay joogan meela isu muuqda. PUNTLAND POST The post Sanaag: Xiisadda Puntland iyo Somaliland oo hab-beeleed looga heshiinayo appeared first on Puntland Post.
  13. Mandera (SMN) – Booliska magaalada Mandera ayaa baaritaan dheeraad ah ku haya ruux Soomaali ah oo looga shakiyay inuu u basaasayey Al Shabaab. Ciidamada ammaanka ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay Jimcihii la soo dhaafay, isagoo ku sugnaa duleedka magaalada Mandera oo ku dhaw xadka Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa xusay Mahad Aadan oo 34 jir si weyn loogu tuhmay in Xarakada Al Shabaab uu kala shaqeeynayay dhinaca xogaha. Maxkamadda Mandera ayaa amar ku bixisay in ciidamada Boolisku ay xabsiga ku sii hayaan ninkaasi mudo 5 maalmood ah. Ninka ay soo qabteen ciidamada Booliska ayaa ku andacooday inuusan ka tirsaneyn Al Shabaab, islamarkaana uu magaalada Mandera u yimid in soo booqdo qaar ka mid ah ehelladiisa oo ku sguan magaaladaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo la kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay arrimaha mushaaraadka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn madaxweynaha JFS ayaa sheegay in labo sano oo xiriir ah ay dowladdu ku guuleysatay bixinta Mushaaraadka Ciidanka Qalabka Sida, balse ballamo lala galay saraakiishu ay ka baxeen. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray madaxweyne Farmaajo in dowladdiisu ay garab taagan tahay ciidamada, islamarkaana ay heli doonaan xuquuqaadkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Faff.mp3 View the full article
  15. Boosaaso (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in maanta booqasho uu ku tago magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso ee G/Bari. Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyne Deni ku wehlinaya xubno ka mid ah golihiisa wasiirada iyo masuu’iiliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi. Ujeedada safarka madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa la xariirta mid ugu kuur galayo xaaladaha ka jira deegaanada maamulkiisa. Waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah uu la qaato madaxda iyo waxgaradka degmooyinka Qardho iyo Boosaaso. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu ku tagayo Saciid C/laahi Deni gobolka Bari, tan iyo markii la doortay xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland. Sidoo kale safarkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin amni ay ka jireen deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Puntland. View the full article
  16. Nairobi (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in shir looga hadlayay sidii loo sii deyn lahaa Sheikh Mukhtaar Roobow Mansuur uu kusoo idlaaday magaalada Nairobi. Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Koofur Galbeed, xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kala duwan, sida xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka ay shaaciyeen. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wasiiro hore, xubno ka tirsan IGAD iyo musharixiintii u tanaasulay Mukhtaar Roobow ay shirkaasi ka qeyb galeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Malaaq Cabdi Maxamed Isaaq oo qaraabo dhow ay yihiin Roobow. Malaaqa ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubno kale ay goobjoog ka ahaayeen shirka oo lagu heshiiyay in lagu sii daayo Mukhtaar Roobow, islamarkaana xubnaha heshiiska gaaray ay imaan doonaan magaalada Muqdisho. Malaaqa ayaa sidoo kale sheegay in Shirkaasi uu Khadka Taleefanka uu kaga qeyb galay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. “Wadahadalka Nairobi waxaa qeyb ka ahaa IGAD oo gacan seddexaad aheyd, waxaa arinta iyo ololaha ka dambeeyay kooxdii isbadal doonka aheyd ee u tanaasulay ROOBOW, dhamaan waxaa lagu heshiiyay in lasii daayo wadaadka”. “Dhamaan dadka wadahadlay waxaa lagu heshiiyay in Mukhtaar Roobow lasoo daayo, iyadoo dhamaan dadka wadahadlay ay Muqdisho imaan doonaan, kadibna ay Baydhabo tagi doonaan”ayuu yiri Malaaq Cabdi. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December ee sanadkii hore Mukhtaar Roobow kasoo xirtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay labo Qof oo ku sugnaa halka loo yaqaano Jiiro Wacbuudhan oo ka tirsan degmadaasi. Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilkaasi, kadibna ay goobta uga baxsadeen, si aayar ah. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya, kaas oo ay magaciisa ay ku sheegeen Cadaan Cali Maxamed iyo mid ka mid ahaa ilaaladiisa, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-26032019.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlayay saraakiisha ciidamada xooga ayaa shaaciyay in muddo 22 Bilood ah oo u dhiganta sanad iyo 10 bilood in dowladiisa ay si toos ah u bixineysay mushaaraadka ciidamada. Wuxuu qiray in ciidamada aysan qaadan mushaaraadkooda ku dhawaad seddex bilood isaga oo sheegay in meelo kale lagu mashquulay, balse labada sano ee u haray dowladiisa in xooga la saari doono sidii ciidamada xaqooda loo siin lahaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cadowga Dibadda ay doonayaan in Soomaaliya ay sidaan kusii jirto, islamarkaana ay taasi ugu wacan tahay goobta muhiim ah ee dalkeena uu ku yaalo. “Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u farabadan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada Soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa”. “Aduunka oo dhan waxa alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan inay ku maamulaan waana ku dagaalsan yihiin, waxaa ay heystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga oo sii hadlayey waxa uu sheegay in ujeedada ka dambeysa ay qeyb ka tahay in damiirkii Soomaalinimo aad meel iska dhigto oo waxwalba aad haa tiraahdo, sidoo kalena la iska gurto kheyraadka ku jira dalka Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu saraakiisha ciidamada ka dalbaday inay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab, isaga oo u balanqaaday in joogto loosiin doono xuquuqdooda. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Madaxweyne-Farmaajo-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Balcad (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee mushahar la’aanta ka gadoodsanaa, ayaa loo diray mushahar habeen hore, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ciidamadan ayaa la siiyey mushaharka laba bilood oo ka mid ah afarta bil ee ka maqan, sida saraakiisha ciidanka ee Saldhigga Hiilweyne ee degmada Balcad iyo Degaanka Ceelcadde ay u sheegeen Caasimada Online. Hase yeeshee, mushahar diristan ayaa soo shaac bixisay xaqiiq kale oo ku saabsan in uu been ahaa hadalkii ra’iisul wasaare Kheyre uu dhowaan sheegay, ee ahaa in ciidamada gadoodsan ay yihiin kuwa aan diiwaan gashneyn. Ciidamada mushaharka helay ayaa la sheegay inay yihiin dhammaan ciidamo u diiwaan gashnaa dowladda, oo maray hanaanka diiwaan gelinta dowladda, islamarkaana aysan jirin weli wax diiwaan gelin cusub ah oo dowladda ay sameysay. Qaar ka mid ah ciidamada diiwaan gashan, ayaa dhinaca kale sheegay inaysan weli helin wax lacag ah, hase yeeshee wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ballan-qaaday in ugu dambeyn ay heli doonaan maanta. Xaqiiqada cusub ee arrintan ay shaaca ka qaadday ayaa ah in ciidamada gadoodsan ay badankood yihiin kuwa diiwaan gashan, islamarkaana hadalkii Kheyre ee ahaa in ciidamada gadoodsan ay yihiin kuwa aan diiwaan gashneyn uu badankiis ahaa mid aan jirin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Dhuusa- Mareeb (Caasimadda Online) – Xiriirka Dowlada Federaalka ah iyo maamulka Gal-Mudug ayaa xumaa tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Xaaf labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galinta Dowlada dhexe. Dowlada Federaalka ah ayaa markaan u muuqata iney aqbashay cabashada Gal-Mudug ayna u istaagtay in arrintaas xal waara loo helo. Xiriirka liita ee labada dhinac wuxuu shaki galiyay qabsoomida doorashada Gal-Mudug ee loo balansan yahay bartamaha sanadkaan. Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Sabriye ayaa maanta tagaya Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka bilaabanayan wada hadalo lagu xalinaayo is mari-waaga Gal-Mudug. Dowlada Federaalka ah ayaa u muuqata iney hada toos u wajahaheyso xaalada Gal-Mudug. Wasiir Sabrie oo dhowaan ka hadlaayay arrimaha Gal-Mudug ayaa sheegay in xukuumadu ay fahamsan tahay ahmiyada maamulkaas ayna muhiim tahay in la helo xal uu dhinac walba qaadan karo. Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Shaakir, hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan. Villa Soomaaliya waxey dooneysa in doorashada Gal-Mudug ay waqtigeeda ku dhacdo, waxaanse la ogeyn sida ay isku fahmi doonaan wefdiga ay Dowladu maanta u dirtay Gal-Mudug iyo hogaanka maamulkaas oo mudo gadoodsanaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa la daaladhaceysa culeesaad kusoo kordhay labo sano kadib, waxaana culeesaadkaasi ay u baahan yihiin in xal waara laga gaaro ka hor doorashada 2021. Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ka cabsi qaba in doorashadii lagu balansanaa doorashadii Madaxweyne Farmaajo kadib aysan ka dhici karin dalka Soomaaliya, marka la eego howlaha badan ee Harsan iyo caqabado kusoo kordhay dowladda Soomaaliya. 1 – Amni darrada Muqdisho Culeeska dhanka amaanka ayaa ah caqabada koowaad ee kusoo kordhay dowladda Soomaaliya, waxaana kala xiran magaalada Muqdisho oo Al Shabaab ay weeraro ka fuliyaan xiliga ay qorsheeyaan. Magaalada Muqdisho waxaa kala xiran xaafadaha qaar, waxaana keenay xaaladihii dhanka amaanka ee sanadihii u dambeeyay soo kordhay, waxayna u baahan tahay in dowlada la timaado qorshe kale oo amaanka lagu xaqiijin karo. 2 – Gadoodka ciidamada Culeeska kale ee labo sano kadib kusoo kordhay dowladda Soomaaliya ayaa ah gadoodka ciidamada xooga dalka, oo ka cabanaya Mushaar la’aan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay meel wanaagsan marsiinayaan ogaanshaha ciidamada xooga dalka iyo diiwaan gelintooda, taasi oo keentay in ciidamo badan ay gadood sameeyaan. Waxay ciidamada gadooday kasoo baxeen saldhigyo badan oo ku yaala Shabeelaha Hoose iyo Shabeeaha Dhexe, waxaana taasi ay keentay in ciidamada Al Shabaab ay ku dhawaadaan deegaanadii ay baneeyeen ciidamada, iyadoo cabsida gadoodka ciidamada ka dhalatay laga dareemay magaalada Muqdisho. 3 – Dib usoo noolaanshaha Al-Shabaab Caqabada seddexaad ayaa ah in dhamaan deegaanada ay baneeyeen ciidamada dowladda Kenya iyo meelaha qaar oo ay kasoo baxeen ciidamada dowladda inay dib u qabsadeen Al Shabaab, iyadoo la og yahay dhaqaalaha iyo waqtigii ku baxay deegaanadaasi xoreyntooda. Arintaasi ayaa abuuri karta in Al Shabaab dib usoo noolaadaan, maadaama horey deegaano badan looga saaray ay hadda u muuqato inay si sahal ah dib ula wareegayaan. Culeesaadkaasi ayaa u baahan in xal laga gaaro, maadaama labo sano kadib la doonayo in dalka doorashooyin ay ka dhacaan, walow rajada doorashada qof iyo codkii ay aad u yartahay. Qataraha dhanka amaanka ayaa kusoo kordhay magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan Al Shabaab qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada online) – Wariye ka tirsan wariyaasha Villa Somalia ee Madaxweynaha u aruuriya xogaha ku saabsan waxyaabaha ay baahiyaan warbaahinta dalka ee ku saabsan wararka amniga iyo dhibaatooyin kale ee heesta shacabka Soomaaliyeed ayaa wajahaya hanjbaad iyo go’doomin ay ku sameeyeen mas’uuliyiinta Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu Madaxweynaha la wadaagay xog dhab ah oo dalka ka jirta, taas oo markii hore laga qarin jiray Madaxweyne Farmaajo. Wariyahaan iyo koox kale oo la shaqaysa oo aan markii hore fursad u heli jirin la kulanka Madaxweynaha, ayaa maalin dalbaday in Madaxweynaha uu isaga ka dhageesto waxyaabaha ay diiwaan geliyeen iyo shaqada haayaan balse waxaa meesha ka dhacday in Madaxweynaha loo gudbiyay warar markii hore aan gaari jirin oo laga qarin jiray. Wararka ayaa sheegaya in wariyahan maalmahaan uu dareemayo culees iyo in la yareeyay saameentii uu ka lahaa xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya. Weriyahan ayaa la sheegay in madaxweynaha uu ku war-geliyey dilal qorsheysan iyo qaraxyada yar-yar ee maagaalada iyo carrada shacabka eek u aadan dowladda, oo markii hore laga qarin jiray. Xubno katirsan Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia oo qariyay magacooda ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay arrintaan ka taagan Madaxtooyada Soomaaliya. Inta badan Madaxweynayaasha Soomaaliya soo maray iyo Madaxweynaha hada talada haaya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegaa in aysan si sax ah u helin wararka dalka ku saabsan oo inta badan laga qariyo, waxaana hoos dhigta Madaxda katalisa Villa Somalia waana sababta keenta in Madaxweyne kasta uusan xog ogaal ka ahayn dhacdooyin badan oo dalka ka jira iyo ra’yiga dadweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com