Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii been badane ee DPW. aniga oo weliba sii tixraacaya tixdii iyo tiraabtii laynoo laqimay sanadihii la soo dhaafay kuna bishilaaya hadal haynta maalmahan ee Berbera Corridor iyo hadaaqa bulshada bal aynu tooshka ugu yara ifino shacabkan lagu dhego barjeeyey beentii beentu saarneyd ee ay mikirifoonada kaga adimi jireen Xilwadeenadii Xukuumadihii kala danbeeyey ee kulmiye mudooyinka hoos ku taariikheysan: Yaab ! Taariikh 9/05/2016 ilaa 8/9/2017 Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa $442 million.Laakiin waxaa Dekeda gelaaya $242 Million oo qudha Kuye Xaqal qalinku wuxuu noqday $15 million kaas $10 million uu caash ahaa, $5 Milliona aynu Dekeda ku kireynay sanad kasta Lay’e Shirkada DPW waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dheer oo dhan 30 Sannadood iyo 10 kordhin ah = 40 sano Kuye’ Somaliland waxay Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekedeena oo ah 35% inta kalena oo ah 65% DPW ayaa leh. Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku qiimaysay qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya, Saldhigana mashaariic ayeynu dhaafsanay.. Kuy’e 65% Saamiga waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland Lay’e Gudida Maamuli doonta Dekadu waxay noqon doonaan 7 xubnood oo 5ni waa DPW 2na waa BPA Somaliland Kuye Shirkada cusub ee la Sameyn doono waxaa loo bixin doonaa magaceeda Berbera Port Operation Company ( BPOC) Kuye Dekedii hore ayaa laynoo qalabaynayaa Deked cusub oo 800M ahna waa laynoo dhisayaa – Goorma ? Kuye shirkadda macaash doonka ah ee DPW waxay Dekeda Berbera la wareegaysaa 1/3/2017 Kuye Shirkada cusub waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareynta Guud ee Dekeda. Lay’e Shirkada cusubi waxay kordhin doontaa cashuurta sanadkiiba mar si ay ula tar-tanto Dekedaha dalalka deriska ah Lay’e xaga sharciga (Govering law ) hadii khilaaf yimaado, waxaa laysla adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka dawlada Ingiriiska Inaas oo qodob oo laynagu dhego barjeeyey waxay wada noqdeen waxaan jirin ! Taariikh 1/3/2018 – 25/11/2018 Boowe ! Heshiiskan gogol xaadhkiisii iyo maareyntisuba wuxuu la kowsaday hadalo is burinaaya oo indho sarcaad ah ! Kuye 1/3/2018 waxa heshiis sadex geesood ah kala saxeexday JSL, DPW iyo Dawlada itoobiya Kuye Saamiyada waxaa loo kala yeelanayaa 51% DPW, 30% SL, 19% dawlada itoobiya. Laye Gudida maamuli doonta maareynta Dekedu waxay noqonysaa 9 xubnood oo 3 xubnood ayaa Somaliland yeelanaysaa Ogow hada mar kasta sheeko xariirta waxay inoogu bilaabaan in DPW marsada Berbera ku maalgelinayso lacag dhan $442 Million Kuye wejiga hore waxay DPW inoo maamulaysaa mudo sanad ah, taasoo ay marka ay ka faai’daan lacag badan wejiga labaad bilaabi doona. Hadana Kuy’e maalgashiga dhabta ah ee DPW ku balaadhinayso dekeda Berbera wuxuu noqon doonaa lacag dhan $230 Million ! Kuy’e DPW waxay Suuqa xorta ( Free Zone ) u qoondeysay in ay ku baxdo lacag dhan $25 Million ! Lay’e Dawlada Itoobiya waxay ku maalgashanaysaa mashruuca berbera corridor lacag dhan $80 Milion! Laye Shirkada DPW waxay Berbera Corridor u qoondeysay maalgelin dhan $80 Million ? Kuye guud ahaan Kharajka ku baxaaya wada Berbera Corridor waa lacag dhan $240 Million? Lay’e Somaliland oo ilaahay xaalkeeda ogyahay waxay bixin doontaa qaybteeda oo dhan $14 million Lay’e Somaliland way ka cudur daaratay lacagtaa badan oo waxay awoodaa in ay bixiso $7 million oo qudha ? Kuy’e Heshiiskii hore ee DPW ay la gashay Somaliland ayuun buu Heshiiska cusub ee itoobiyana ku saleysan yahay. Sidee loo aaminayaa Shirkada Macaashdoonka ah ee DPW hadii aanay Hirgelineyn wixii hore loogu heshiiyey ? Taariikh 25/12/2018 – 28/2/2019 Kuye Dekeda Berbera Kiradeedii Miisaaniyada laguma darin Waayo waynu sii qadimanay oo busaarad iyo abaaro ayaa dalka ka dhacay. Kuye Shirkadan hada maamusha Dekeda Berbera waxaa loo bixiyey magaceeda DPWorld Berbera – oo tii hore meeday? Kuye Xubnaha boodhka ee Shirkada DPWorld Berbera waxay ka kooban yihiin imaaraati iyo Somaliland oo keliya oo itoobiyan kuma jiraan- Yaab ! Kuye Saldhiga Berbera maynu kireyn oo waxay ku bedelanay Madaar iyo Wadada Berbera Corridor- Wadadee dee ma kab-kabka ? Yaabka Yaabkii ! Laye ururka midowga yurub ayaa isna bixinaya lacag dhan $30 million oo wada Berbera Corridor lagu dhisi doono- Waar kab kabku lacag badanaa ? Kuye Dhismaha Wadada Berbera Corridor wuxuu bilaabmi doona 15/3/ 2019 Waxaana ay ku dhamaanayasaa mudo 22 bilood ah. Kuye Wadada Berbera Corridor dhererkoodu wuxuu noqon doona 250 Km oo keliya oo kab kab wadadeenii hore ah – Yaab !! Kuye hadana wadada Berbera Corridor dhererkeedu wuxuu noqon doonaa 245 Km , 21 Km oo bay baas ah iyo 7 biriish oo cusub. kala hadal badanaa duulku !! Kuye lacagta ku baxaysa Wadada Berbera Corridor waa $111 million oo $90 million uu imaaraatigu bixin doono $21 million ingiriiska ayaa bixin doona. Waxay inoogu soo khatimeen maanta in aanay jirin wax wado cusub ah oo la inoo dhisaayo ee wadadeenii hore la inoo kab kabaayo inta barwaaqadu bilaabmayso. Gebagebo : Muxuu hadal qiimo leeyahay! mar haddii kolba filim aynu hore u daawanay laynoo shidaayo oo aan badka la soo dhigayn wixii lagu heshiiyey oo dhameystiran oo Xaliiban oo qiime sugan wata kuna mudeysan waqtiga la bilaabayo, waqtiga uu dhamaanayo iyo cida masuuliyadeeda qaadatay intaas ayaa laga la’yahay Xukuumadan Kulmiye ee kala hadleysa. Hadii aan la hirgelin Wado cusub sidee baa loo aaminayaa looguna kal soonaanayaa Heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen ?? Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  2. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa taliye iyo taliye ku-xigeen cusub u magacaabay ciidanka madaxyooyada Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland ayaa taliyaha ciidanka madaxtooyada lagu magacaabay G/dhexe Barkhad Cabdullaahi Yuusuf halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/shaanle Mu’min Cabdi Shire. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo taliye iyo ku xigeen u magacaabay ciidanka madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  3. Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea oo shir muhiim u ah gobolka ay ku yeelan doonaan. Labada mas’uul ayaa kasoo kicitamay Magaalada Addis Ababa, iyada oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu maalmahaan ku sugnaa Asdis Ababa, waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Asmara kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in saddexda mas’uul ay yeelan doonaan shir madaxeed looga hadlay arrimaha gobolka iyo sidii dalalkooda ay iskaashi u yeelan lahaayeen. Si kastaba, waxaa kulankan ka maqan oo aan looga yeerin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horey isaga iyo madaxda Eritrea iyo Ethiopia ay sameysteen isbahaysi saddex geesood ah oo dalalkooda ay isku kaashanayaan. Kulan madaxeedyadii hore oo ay ka maqnaayeen madaxda Kenya iyo Jabuuti, ayaa waxaa hadda muuqata in Kenya lagu soo daray, hase yeeshee ma cadda sababta Eritrea iyo Ethiopia ay iskaashi ula sameysanayaan Kenya keligood, maadaama iskaashigii hore ay Soomaaliya qeyb ka ahayd. Sidoo kale, kulamadan ayaa imanaya ayada oo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay islamarkaana Kenya ay raadineyso dalal ay xulafaysato, si ay dagaalka diblomaasiyeed ee Soomaaliya ugu guuleysatay. Dadka fallan-qeeya arrintan ayaa rumeysan in tani astaan u tahay in Farmaajo markii horeba ku deg degay inuu saaxiib la dhigto oo uu iska aamino dalal Soomaaliya cadow ku ah, mudana ka shaqeynayey burburkeeda. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka maqnaanshaha Farmaajo ee kulamadan ku macneeyey siyaasadda arrimaha dibedda dalka oo aan fogaan arag ah. “Sedax Geesood kale. Siyaasada Arrimaha debeda fogaan arag, dheelitirnaan, xilkasnimo iyo dan xeerin ayey u baahan tahay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Sidoo kale, Aqoonyahan la hadlay Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in kulankan uu farriin u yahay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo gooni oo riixayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika, Günter Nooke. Ugu horeyn, Günter ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka. Farmaajo iyo Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka. View the full article
  5. Waxaa baryahanba la abaabulaayay Shir lagu sheegay in Beel weynta Direed ee ku dhaqan Bariga Ethiopia ama Ethiopiàn Somali State shirkaas oo ka dhacay 28 02.2019 Adis Ababa, shirkaasi waxa kasoo muuqday ujeedooyin badan oo Siyaasadaysan oo lagu wiiqayo wada jirka iyo nabada Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kililka 5aad ee Itoobiya (Somali State). Shirkan waxa abaabulay ama qorshahiisa watay Siyaasiyiin aan u dhalan Gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo doonaya inay colaad iyo fadqalalo ka dhex abuuraan Bulshada Walaalaha ah ee ku dhaqan Deegaamada Somali State ee Dir iyo Daaroodba leh. Siyaasiyiintaasi waxay adeegsanayaan kuwii hore u kala dilay Ummada Walaalaha ee ku dhaqan Somaliland oo maanta wada noolaanshahii iyo is aaminaadii Ummadaasi ay marayso meeshii ugu hoosaysay ee ay abid gaadhay, Dal iyo Dibadbana laga dareemayo xanaftii iyo cuqdadii ay beertay hadaladii iyo isku dirkii ay Bulshada ku kala qaybinayeen Sulaadiinta afmiisharada ah ee ay adeegsanayeen Siyaasiyiinta bilaa damiirka ah ee Dal iyo Dadba silica baday. Ujeedka ugu wayn ee shirkan loo aabulay waxa ugu muhiimsan laba qodob oo aynu ka xusi karno. 1. In layska horkeeno Ummada Walaalaha ah ee Somali State ku dhaqan iyagoo Siyaasiyiinta barnaamijkan dhagaraysan wataa ay u arkayaan in culaysyada gudaha Somaliland ka haystaa ay ka khafiifanayaan oo lagu yareeyo dhawaaqyada Cadaalad doonka ah ee ay baryahanba dalbanayeen Beelo waaweyn oo Bariga iyo Galbeedka Somalilandba daga isla markaana deegaano balaadhana ka daga ismaamulka Somaalida Itoobiya, Saamayna ay ku yeelanayso Beelahaas (West Burco Clan iyo Awdal Clan), hadii xaalada amni iyo siyaasadeed ee Kililka Soomaalidu ay is badasho. 2. In Dowlada Federalka ee Itoobiya laga dhaadhiciyo in maamulka hadda jira lagu wiiqo karo hadii ummada Walalaha ah cunfi qabiil iyo shaki lagu dhex tuuro iyada oo aynu ognahay in khilaaf ka dhex oogan yahay xubno Dowlada dhexe ka tirsan iyo Maamulka Somali State. Waxa kale oo is waydiin mudan qaban qaabiyaasha shirkan dhagaraysan ee lagu sheegay shir Direed sida Suldaan Xasan iyo Buurmadow hadii ay wadaan dan Direed waxay uga bilaabi waayeen Gudaha Somaliland oo ayna isku sanbàanayn Beelaha Direed ee daga iyagoo ilaa hadda uu taagan yahan xanaftii iyo kala qaybintii ay ummada walalaha ah ay u gaysteen iyadoo imikana laba Beelood oo beesha Direedi uu muran dhuleed ka oogan yahay Gobolka Awdal ee Somaliland oo ilaa hadana aan la dhex galin oo ciidan beeloodyo is hor fadhiyaan, cida dabada ka riixaysana la ogyahay. Hadaba waxaanu usoo jeedinaÿnaa Maamulka Somali State iyo Ummada Deegaankaa Kililka 5aad dagtaba inay u dhug yeeshaan hagar daamada iyo dabinada loo soo maleegayo ee lagu soo dhex tuurayo Bulshadaa Walalaha ah, iyadoo loogu adeegayo cadowga iyo Siyaasiyiinta fashilmay ee dhagarta iyo khiyaamadu ay caadada u tahay. Alla Mahad Leh. Abdi Ismaîl Abib Antwerpen, Belgium Qaran News
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-03032019.mp3 View the full article
  7. Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacadda ku yaalla gobolka Banaadir. Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda. Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, wasiir kuxigenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed, iyo agaasimaha waaxda tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan, ayaa goob joog ka ahaa kulanka. Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale madaxda jaamacaddaha sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo. “Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacaddaha ku yaalla gobolka Banaadir,kulankeenna waxaan diirada ku saarnay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullahi Goodax Barre “Arrimaha kale ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo”ayuu intaasi ku daray wasiir Goodax. Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyadoo kaashaneysa bahda waxbarashada waxaa markasta ka go’an tayeynta waxbarashada iyo in xirfado loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ay looga baxo shaqa la’aanta. Puntland Post The post Amar lagu soo rogay Jaamacadaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Xaafad Taariikh Fac Leh Oo Ku Taalla Magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Jabuuti)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo waftidii uu hogaaminayey ee ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa samaynaya casho sharafeed balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo horumarinta caasimadda Addis Ababa ee Itoobiya. Casho sharafta ayaa lagu martiqaaday bulsho badan. Warbaahinta BBC qaybteeda dunida la hadasha ayaa baahisay in casho sharaftaas uu qof kasta oo ka qayb galaa bixinayo $ 180,000 (Boqol iyo siddeetan kun oo dollar), taas oo uu macnaheedu yahay in qofkiiba uu bixinayo $ 180,000 si uu ula casheeyo Raysalwasaaraha. Lacagtan ayaa waxay u dhigantaa shan milyan oo birr oo lacagta Itoobiya ah in qofkiiba bixinayo habeenkaas. Waxa la filayaa in halkaas lagu ururiyo lacag gaadhaysa 1 bilyan oo dollarka Maraykanka ah siloogu caawiyo horumarint caasmadda Addis Ababa. Waxa la qorsheeyay inay cashada ka qayb galaan tujaarta, diblomaasiyiinta iyo weliba madaxda hay’adaha caalamiga ah, waxaana ay Itoobiya sheegtay in talaabadan looga jeedo si loo xoojiyo in Itoobiya kelideed isku tashato halkii ay deeq shisheeye doonan lahayd. Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa ganacsatada, beesha caalamka iyo dadka caanka ah ugu baaqay inay ka qayb galaan cashadaas “Dhammaan ganacsatada, madaxda ururada caalamiga ah iyo xubnaha diblomaasiyiinta beesha caalamku waa inay ka qayb galaan casho sharaftaas.” Ayaa lagu yidhi qoraalka. BBC waxay sheegtayin Abiy Axmed uu dhawaan iibiyay saacadiisa oo uu siiyay $ 175,000 (Boqol iyo shan iyo toddobaatan kun oo dollar), mar uu ka qayb galay munaasibad loo qabtay mashruuca Ambo ee duleedka addis Ababa oo lagu ururiyay dhaqaale dhan 14 milyan dollar. Qorshahan waxa isticmaala oo caan ku ah siyaasiyiinta Maraykanka si ay murashaxnimadooda ugu urursadaan lacag ay kaga qayb galaan ololaha doorashada. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama casho noocan oo kale ah oo uu sameeyay wuxuu ku ururiyay lacag dhan 700 oo milyan oo dollar hal maalin ka dib markii uu sameeyo casho qaali ah oo qofkiiba laga qaadayay 30,000 ilaa 40,000 oo dollar (Soddon kun ilaa afartan kun oo dollar), waxaanu Raysalwasaare Abiy Axmed oo isbedelo badan oo yaab leh ka hirgeliyay Itoobiya u muuqdaa inuu doonayo inuu hoggaamin cusub oo dhinacyo badan ku soo kordhiyo qaaradda Afrika. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Somaliland iyo Kenya ay u socdaan wada hadalo ku saabsan xidhiidhka labada dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay mashruuca la dhagax dhigay, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Mashruucani waa mashruuci aynu ka rajo qabnay inuu hirgalo, oo uu meel maro, alxamadulilahaa waa taas la dhagax dhigay, waxaanu rajaynaynaa in sidii loogu tagalay uu u dhammaado, waxaanu rajaynaynaa inuu wax badan ka bedelo dhaqaalaha iyo nolosha dadkaba”. Isagoo ka hadlaya wada hadalo u socda Somaliland iyo Kenya, wuxuu Wasiirku yidhi “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan, Kenya oo qudha maaha, Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamku uu kordhayaa, aadna uu u kobcayaa, Wadamo badan xidhiidh fiican baa noo socda” Source
  12. Balcad (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe, aabe ayaa wiilkiisa ku gawracay Deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolkaasi. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in aabahan dilka wiilkiisa uu u adeegsaday Toorey uu heystay. Aabahan dilay wiilkiisa oo Sideed sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa koox diimeedka loo yaqaano Takfiir. Guddoomiyihii hore ee Tuulada Xawaadleey Cabdulle Macaan Adeerow, ayaa sheegay in Wiilka yar ee la dilay uu hilibka ka soo cunay goob lagu xusayay Ayeeyadiis oo dhimatay, isla markaana meydkiisa laga helay Wabiga dhexdiisa. Waxa uu sidoo kale uu hadalkiisa intaasi ku daray in Aabaha la dilay ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen, sidoo kalena Dugsi Quraan iyo masjid ay ku sugnaayeen Jameecada Takfiir la burburiyey. Dhacdooyinkan la xiriira inay is dilaan dadka ehelka ah ayaa ku soo batay Somaliya, iyada oo falal nuucaan oo kale ah ay horey u dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha dowladd goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso maamulkiisa . Waxa uu sheegay in ay [...] Source
  14. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je.Muxiidiin Axmed Muuse ayaa sheegay in amniga magaalada Bosaaso uu yahay mid laysku haleynkaro kadib howlgaladii ay ka sameeyeen magaalada . [...] Source
  15. Wasiirada dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Wasiirka Kaluumaysiga iyo kheyraadka bada Puntland Faarax Maxamed Cawaash iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin [...] Source
  16. (SLT-Washington)-Hay’adda FBI-da Maraykanka waxay sheegtay inay ku raad-joogaan qoraal Hanjabaad iyo Nacayb ka muuqdo oo loogu hanjabayo ” In Ilhaan Cumar la dili doono “ FBI-da waxay sheegeen in qoraalka hanjabaadda lagu qoray derbiga suulli ku yaalla kaalin shidaal, isla markaana ay baaritaan ku hayaan nin lagu magacaabo Barayn Raynis oo lagu tuhunsan yahay inuu qoray farriintaasi. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran, Halkan hoose ka DAAWO khudbadii Madaxwynuhu ka jeediyay Source
  18. Sida aynu la wada socono Somaliland waxay soo jirtay wakhti ku siman ilaa 29 sanadood 1991 -2019. Waxaa iska soo bedelay shan madaxweyne oo uu ugu danbeeyay kan iminka jooga mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxay muwaadiniinta aan ka mid ahay is waydiinayaan halka uu marayo geedigi bulshadeenu ugu jirtay in ay gaadhaan horuumar oo ay heleen aqoonsi caalami ah oo aynu ka helo beesha caalamka. Hadaba, inta aanan ka jawaabin sida aan u arko iyo aragtidayda, aan idiin soo tebiyo iswaydiintii naftayda ee ahayd oo waa kuma ninka maanta hogaanka aynu u dhiibanay ee hawshan laga sugayaa ? Dee waa mujaahidkii Muuse ee afartii madaxweyne ee ina soo marayba kaladhka haystay ee ka laalaaday. Oo waxaynu filaynay in uu inoo dhaamayo ee ma kursiguu doonayay mise wax kale ayaa inoo dhiman oo uu weli inala maaganyahay? Dee malaha waxaan is leeyahay kursiga ayuun buu u haliilayay, oo hadana waxaan is waydiiyay, oo talow muxuu ku falayay kursiga? Waxaan isugu jawaabay malaha waxoogaa reerkooda ah in uu kuraas siiyo iyo in loo damaashaado oo durbaanka loo tumo kama badnayn. Waxaanu weli leeyahay waxbaan soo wadaa, waxaana dhamaaday sanad iyo badh! Nin baa laga sheegay “Waar toltolkaaga mooyaane bal hayga jeexjeexin” aniguna waxaaaban is waydiinayaa, talow armuu uga daraa! Bal hadaba aan eegno oo dhugano wakhtigaa uu talada hayay iyo halkee joognaa? Waxaa muuqata oo uu madaxweynuhu afkiisa ku cadeeyay in aynu dunidii go’doon kaga jiro, isagoo Safarkii bariga ku guda jira oo Burco ka khudbadaynaya wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay in 30 kii sanadood ee erateriya go’doonka ku jirtay aanu go’doon ku jiro” waa yaabe muu saadaal ka wanaagsan inoo sameeyo! Mar labaad maalintii dhaweyd ee uu ka soo noqday Ethiopia wuxuu sheegay in Abi Axmed inoo badheedhay oo yidhi Somali-wayn la midooba. Waa yaabe ma raadkii arooryo ayaynu dib u raacaynaa. Dhaqaalihii hadaan eegayna waxaa dalkii ka baxaya qaylo oo waxa aan lagu kala baydhin in busaaradi ku habsatay oo sixir-bararkiina halkiisii ka soo degiwaayay. Waxaa iyaduna inugu cusbaa, dagaalo qabaa’il oo ay ku dhinteen dad ka badan 110 ruux Laascaanood iyo Ceel-afweyn, iyadoo weli qaar taagan yihiin oo aan Madaxweynaha ka dhegaystay markuu shirkii Kulmiye ka khudbadaynayay labo beelood oo isku horfadhiya galbeedka Somaliland, waar hayga hadho mujaahidiintii ayaa siyaasada gudaha fahmaya oo waa niman aad dhaqanka u yaqaan mar hadii Maxamed Kaahin oo Daakhiligii jooga ay baroortii haweeku damiwayday oo dadkeenii tarabtab isugu dhimanayo. Allaa kariim! Anigu eegay oo waxay ila tahay mudane Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu liitay intii Somaliland soo martay, waa Siyaasigii ugu hagardaamada badnaa ee madaxweyneyaashii hore caqabada ku ahaa ee ay talaabada ka rogi waayeen, maantaana himilidii iyo mustaqbalka Somaliland madaw badan ayaa isku gadaamay ee dalkii haloo feejignaado. Ibraahin Cabdi Maxamed yarea2146@gmail.com Source
  19. · Aniga oo ixtiraam weyn u haya ciidamada kala duwan ee Somaliland leedahay, una rejaynaya horumar baaxad leh, waxa aan is lahaa haddii aanu madaxwayne Biixi aqoon durugsan iyo cilmi baaxad leh u lahayn siyaasadaha arimaha dibada, arimaha gudaha, iyo arimaha dhaqaalaha dalka, waxa aan filayey in uu aqoon u leeyahay maamulka ciidamada qalbka sida ee kala duwan. Waa kala laba in aad askarinimo soo martay iyo in aad aqoon u leedahay siyaasada hagida iyo maamulka ciidamada, wali dunida kama ay dhicin in darajada ciidan ee dal u saraysa laba sarkaal wada xidhan yihiin, labadeenan taliye ee ciidamada milatariga; Nuux Ismaaciil Taani iyo booliska; Cabdilaahi Fadal Iimaan waa isku derajo waxa ayna sitaan labaduba Sareeye Gaas. Inkasta oo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida yahay masuul madani ah oo labis shacab sita, bal xukuumada waxa aan weydiinayaa dalku haddii uu galo xaalad degdeg ah labadan taliye sida ay u kala amar qaadanayaan? Waxani arrimo ciidan maaha waa aqoon korodhsi ee la socda. Amb Ahmed Safiina X/X/D/C/I/W/I/ ee Xsbiga WADDANI Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Adeega gaadiidka dadweynaha ee Dhaweeye ayaa laga joojiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo aan shaqeyn maalmihii ugu dambeeyey. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in adeeggan uusan magaalada ka shaqeyn muddo hadda toddoba cisho ku dhow. Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta adeeggan, oo ka shaqeynaya magaalooyinka kale ee Soomaaliya, looga joojiyey magaalada Muqdisho kaliya iyo cidda joojisay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dowladda Soomaaliya joojisay kadib markii la sheegay in mid ka mid ah gaadiidkaas ay ka soo dageen, kuna baxsadeen ragii dilay allaha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre. Xogtan ayaa sheegeysa in saraakiil ka tirsan wasaaradda amniga iyo taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay maamulka Shirkadda ku wargeliyeen in gaadiidkaan aysan Muqdisho ka shaqeyn karin ilaa ay keenaan dadkii ka dambeeyay dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Boqorre oo bishii hore lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir. Si kastaba, xubno kale oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya in joojintan adeeggamn aysan shaqo ku lahayn dowladda, waxayna ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Shabaabka ay adeeggan u joojiyeen sababo la xiriira xagga amnigooda, inkasta oo aysan shaacin sababahaas. Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Dhaweeye oo aan la xiriirnay waa ay diideen inay ka hadlaan sababta adeegga loo joojiyey, inkasta oo ay xaqiijiyeen inuu joogsaday balse ay ku gaabsadeen in dhowaan dib u howl-gali doono. Shirkadda Dhaweeye oo dhawaan ka shaqa bilaawday magaalada Muqdisho ayaa waxaa faa’idooyin badan ka helay dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo caddeeyey in ay si buuxda u barbar taagan yihiin Barnaamika shaqo Qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source