Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Pretoria (SMN) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa maanta ganacsade Soomaaliyeed ku dilay magaalada Pretoria ee dalka Koonfura Afrika. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Mamelodi oo ka tirsan magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh, kaas oo ay kooxdii dishay goobta isaga baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2019-ka ayaa waxa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article
  2. Diblomaasi Qatar u dhashay oo Darawalkiisa oo Soomaali ah ku mesaalay Ey & Daayeer Sida lagu baahiyay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxaya dalka Ingiriiska Ruux u dhashay dalka Qatar ayaa aflagaadeeyay darawalkiisa oo Soomaali ah, kuna tilmaamay Ey, Daayeer iyo Addoon Madow. Wargeyska ayaa daabacay in Diblumaasiga oo ah madaxa Caafimaadka ee Safaaradda Qatar ku leedahay dalka UK ayaa darawalkiisa oo Soomaali ah u muujiyay naceyb iyo Midab Takoor, waxaana la sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay Addoon Madow. Darawalka oo ah Soomaali British laguna magacaabo Maxamuud Axmed ayaa dacweeyay diblomaasiga, waxaana la sheegay in kadib dacwadiisa Diblomaasiga uu ka codsaday in uu qaato £50,000 oo laaluush ah dacwaddana uu ka laabto. Diblomaasiga u dhashay Qatar ayaa lagu magacaabaa Abdullah Ali Al-Ansari, waxaana ay is qabteen Maxamuud oo ahaa darawalkiisa, taasi oo xiisad dhalisay, waxaana Muwaadinka Soomaaliga ah shaqada laga joojiyay sanadkii 2013. Maxamuud ayaa dhowr jeer isku dayay kiiskan in uu Maxkmadda geeyo, hayeeshee dhowr jeer ay ku celiyeen Maxkamadaha London ilaa maxkamadda racfaanka ay 2015kii amartay in kiiska la gali karo. Darawalka ayaa ku dooday in intii u dhaxeysay 2007dii ilaa 2013kii uu dhowr jeer waxyeello xagga jidhka ah u geystay diblomaasigan markii dambana cay iyo shaqo ka eryid isugu daray. Sheekada Axmed iyo Maxamuud ayaa hadda uun soo shaac baxday,waxaana Maxkamadaha Ingiriiska ay ku hawllanyihiin sidii Maxamuud xaqiisa loogu dhicin lahaa. Diblimaasiga u dhashay Qatar ayaa adeegsanaya qareenno sare, waxaana uu isku dayay in kiiskan uusan gaadhin maxkamadda si hoosana loo dhameeyo. Diblomaasiga ayaa darawal kale u soo dhiibay lacagta, Maxamuudna u oggolaaday in uu shaqada ku laabto, laakiin Maxamuud ayaa sheegay in uusan shaqada ku laabaneyn lacagtana qaadaneyn ilaa uu caddaalad ka helayo. Diblomaasiga iyo safaaradda Qadar ee London ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana ay Maxkamadda amartay in kiiskan uu sii socdo. Qaran News
  3. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo paid a visit to officials from Somali national army training in Kambamba military academy in central Uganda on Tuesday. More than 100 officers are undergoing training provided by Ugandan peoples defense forces (UPDF) as part of an effort to help the Somali government rebuild its armed forces. The Somali officers who are set to conclude their training mid this year thanked the president for the rare visit. Somali head of state said he is looking forward to the return of the officers to take part in the joint operation against the armed group al-Shabaab. The president reiterated his government’s commitment to security under his leadership. Mohamed Abdullahi Farmajo is scheduled to present his closing speech at the ongoing Africa peace, integration and economic development in Kampala on Wednesday. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho ka muujiyay culeys ka heesta marista waddada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya kaas oo soo taagnaa mudo ka badan 30 cesho, sida ay Caasimada Online ogaatay Shaqaalahaan ka tirsan Wasaaradaha Dowladda, Xafiisyada Baarlamaanka labada Gole, Dowladda Hoose, Maxkamadaha iyo Ciidamada ayaa sheegay in wixii maqribka ka dambeeyo loo sheegay in aysan mari karin wadadaasi laguna joojiyay amar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Maqribka kadib ayaa marista wadadaasi waxaa loo ogol-yahay kaliya Wasiirada, Baarlamaanka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidamada Soomaaliya. Lama oga sababta arrintaan dhalisay balse waxaa la arkayay habeennadii ugu dambeeyay. “Aniga ayaa layga celiyay habeeno badan, barta Control ee Sayidka, iyo Ceel-gaabta, Ciidamadu waxay igu wargeliyeen in habeenkii wasaaradaha laga joojiyay marista wadadaan maxaa yeelay shaqo habeen ma jirto mana la ogola in halkaan la maro”, ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Dowladda oo la hadlay Caasimada Online. Sidoo kale waxaa la joojiyay dhamaan marista wadooyinka soo gala Madaxtooyada ee kala ah Dhabarka dambe ee Madaxtooyada ee Fifteen May, Caga Dhiig ama Shimbiraale iyo Wadada horumarta Godka Jilacow ee ka soo dhacda Taalada Daljirka Daahsoon. Ciidamada koofiya casta ee ku sugan barahaas Control ayaa Caasimada Online u sheegay gaari soo galaya ama ka baxaya aysan jirin 2 ka mid ah rugahaasi ciidan, halka mida kale kaliya laga bixi karo. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadda kaliya waxaa laga soo galaa kontaroolka Sayidka iyo Ceel-gaabta tan iyo wixii ka dambeeyay Qaraxyadii Madaxtooyada lagu soo weeraray Wasaaradaha amniga iyo Arimaha Gudaha. Markasta oo la wareero Villa Somalia waxaa la sii xiraa wadooyin kale oo markii hore si caadi ah loo mari jiray. Ilaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya kama hadlin arintaan, sidoo kale ma jirto wax faah faahin oo ay Dowladda Soomaaliya ka bixisay amarkaan lagu soo rogay wadada horumarta Madaxtooyada Soomaaliya. Shaqaalaha dowladda Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in go’aankaan aysan ogayn Madaxda Soomaaliya, waxay ku baaqeen in dowladda Soomaaliya ay ka qaado amarka lagu soo rogay xiliyada habeenkii ah wadadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in maanta kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM qarax lagula eegtay halkaasi. Qaraxa oo ahaa nuuaca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay marayeen halka loo yaqaano Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidanka AMISOM, balse ilo deegaanka ah ayaa sheegay in mid ka mid gawaaridooda uu haleelay qaraxaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay ka soo baxeen xero ay ku leeyihiin Arbacow, kuna soo jeedeen M/Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ceelasha Biyaha oo ku aadan qaraxaasi. Al Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro ka fuliya waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  6. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa markii labaad maanta guddoomiyay shirka jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub, kaas oo ay ka qeyb galeen golaha wasiirada maamulkaasi. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin nidaamka wadashaqaynta xukuumadda Puntland, habka xalinta khilaaf haddii uu yimaado, illaalinta sharafta , maamul wanaagga iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Deni ayaa muddooyinkan dambe kulamo la qaadanayay golihiisa wasiirada, si loo dardar galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda cusub. Sidoo kale waxa uu tan iyo markii xilkan loo doortay Saciid C/laahi Deni maamulkiisu uu waday isbdallo xoogan oo wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira deegaanada Puntland. View the full article
  7. Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo Maleeshiyo Beeleed oo isku heysta dhul ku yaalla waqooyiga magaaladaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen lix kale. Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cawke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku baxeen xiisadaasi, haatana xaaladu ay dagan tahay. Inta badan waxaa Gaalkacyo ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya maleeshiyaad hubeyan oo ku wada sugan gudaha magaaladaasi. View the full article
  8. Marka (SMN) – Odayaashandhaqanka Beesha Dabruube Maxamed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali oo Beeshooda ku matala baarlamaanka Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose. Ugu horreyn Nabadoon Maxamed Cadaan Xasan oo ka mid ah waxgaradka ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin Xildhibaanka Cabdalla, oo uu ku eedeeyay in uu kala qeybinayo Beesha. Dhankiisa Nabdoon Abuukar Maxamed Cismaan (Ceel Jaale ) ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali uusan marnaba wax u qaban beesha uu ka soo jeedo ee Dabruube Maxamed, kuna matalo baarlamaanka, balse taasi badalkeeduu garab iyo gaashaan uu unoqday Nabadoon ay Beeshu bedashay, sida uu hadlka u dhigay. Ugu dambeyn Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamed oo gabagabadii kulanka hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u gudbin doonaan cabashooda, haddii uu xildhibaanku joojin waayo dhibaatada uu ku hayo Beesha gudaheeda. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Dagane-Besha-Dabruule-Maxamed-.mp3 View the full article
  9. Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Musharixiintii isku soo taagay doorashadii bilo ka hor ka dhacday Magaalada Baydhabo isla markaasna xabsi ku jiray markii ay Doorashadad dhaceysay ayaa Maanta waxaa xarigiisa sharci darada ahaa kasoo wareegatay 90 Maalin. Haddaba waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa Xaaladaha uu soo maray Kiiska Shiikh Mukhtaar Roobow oo hadda ah Maxbuus aan helin caddaaladii uu mudnaa. Is dhiibistii Roobow 13 August 2017 ayaa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur laga soo dajiyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya markaas oo uu isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Mukhtaar ayaa waxaa la socday markii uu kasoo dagayey Garoonka Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac iyagoo diyaarad Qumaatiga u kacdo ee loo yaqaan Helicopter kasoo raacay Magaalada Xudur. Roobow ayaa lagu qanciyey inuu usoo safro Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho dowladda Soomaaliya kadib markii uu ku qanci waayey siyaasadda qalafsan ee Al-Shabaab. Roobow Abuu Mansuur iyo mowqifkiisa Al-Shabaab laba Maalin kadib imaaashiyihiisii Muqdisho 15 August 2017 Roobow Abuu Mansuur ayaa si cad usoo bandhigay mowqifkiisa ku aadan Xarakada Al-Shabaab. Wadaadka ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka uu u sheegayo inuu ka baxay Al-shabaab. Wuxuu sheegay in 5 ilaa iyo 7-sano ka hor uu ka baxay Al-shabaab, islamarkaana intaasi uu ku sugnaa duurka halkaasi uu kaga dhuumanayay Al-shabaab oo baadi goob ugu jiray. Sheikh Mukhtaar Roobow ayaa u mahad Celiyay Dowladda Soomaaliya ka dib markii ay guulo ku soo dhamaadeen Wadada hadalo mudo u socday. “Anigoo ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kana mid ahaa asaasayaashii Al-shabaab, soona noqday ku xigeenkii madaxa Alshabaab waxaan u cadeynaya dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dhan qodobada soo socda:- 1- In aan ka baxay xubina ka aheyn ururka Al-shabaab muddo 5 sano iyo 7 bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf caqiido ku qotoma oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegaynin. 2-Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in heerkan wax so gaaraan. 3- Waxaan cadeynaya inuu wadahadal noo socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan marti ugu ahay magaalada Muqdisho, wadahadal kaasna aan ka fileyno natiijo iyo isfahan wax gal noqda Inshallah. 4-Waxaan mar labaad u mahad celinaya Dowladda Soomaaliyeed , Shacabkeeda iyo Madaxdeeda sida diiran ee la iigu soo dhoweeyay Muqdisho, anaga oo rajo ka qabna inaan u gogol xaarno Nabad waarta Hadalkaan ayaa ahaa mid laga filayey Roobow oo ay horey ugu heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Fikirka Mareyknka kadib is dhiibistii Roobow August 16, 2017 Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Howlgalka Mareykanka ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay soo dhaweyneyso go’aanka Abuu Mansuur uu ku cadeeyay fikirkiisa. Waxaa qoraalka lagu sheegay in adduunka ay ahmiyad gaara u leedahay isa soo dhiibida Roobow, waxaana sidoo kale mahad gaara loo jeediyay dowlada Federaalka Somalia. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dowlada Federaal ay guulo ka gaareyso habka ay kula dhaqmeyso Kooxaha nabadiidka maadaama ay siineyso fursad ay isku soo dhiibaan. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay is garab taagi doonaan dhammaan shaqsiyaadka kasoo baxay maleeshiyaadka Al-shabaab ee iminka ku jira gacanta dowlada. Muxuu Kheyre ka yiri is dhiibista Roobow? August 31, 2017 , Ra’isul wsaaaraha xukuumada Somalia, Xasan Kheyre ayaa ka hadlay isa soo dhiibida Sheekh Mukhtaar Roobow iyo wadahadalka kala dhexeeya dowlada Federaalka. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Mukhtaar Roobow uu isku soo dhiibay dowlada Federaalka, isla markaana ay magaalada Muqdisho kasoo dajiyeen ciidamo ka tirsan dowladda. Waxa uu Kheyre beeniyay wararka sheegaya in Mukhtaar Roobow ay magaalada Muqdisho keeneen ciidamo cadaan ah, waxa uuna qiray in howsha Roobow ay tahay mid khuseysa keliya DFS. Sidoo kale Kheyre wuxuu carabka ku dhuftay inuu weli socdo wadahadalka Mukhtaar Roobow kala dhexeeya dowlada Federaalka, isla markaana uu aad ugu rajo weyn yahay in xal laga gaaro wadahadalka socda. Wuxuu sheegay Ra’isul wasaaraha dalka in markii uu soo idlaado wadahadalka ay kula jiraan Mukhtaar Roobow ay warbaahinta la wadaagi doonaan wixii natiijo ah ee kasoo baxa, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaa raaciyay in DFS ay ka faa’ideysan doonto Roobow khibarada uu u leeyahay arrimaha amniga iyo sidii looga qaadan lahaa fursada uu u leeyahay in dalka oo dhan amni laga dhigo. Sidoo kale, Kheyre ayaa cadeeyay in DFS ay ka dhabeyn doonto go’aankii ahaa inay cafin doonto Al-shabaabka isku soo dhiiba, maadaama uu khalad ka dhaco bani’aadamka. Dowladda Soomaaliya iyo Roobow oo heshiiyey Dowladda Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa heshiis wada gaaray, waxaana ugu dambeyn lagu heshiiyey in Roobow xuriyadiisa la siiyo isla markaasna uu dalka joogo isagoo xor ah. Inkastoo aan la helin waxyaabaha rasmiga ah ee lagu heshiiyey oo ahaa kuwa qarsoodi ah, haddana gadaal dambe markii Roobow Baydhabo laga soo xiray waxaana dib u kashifay Wasiirkii hore Gaashaandhigga Cabdirashiid oo la hadlay VOA. Al-Shabaab iyo mowqifkeeda Roobow Cali Dheere oo soo diray fariin la dhageysan karo muddo 38 daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi ah, ayaa sheegay in mowqifkooda uu yahay mid cad. Cali Dheere ayaa sheegay in al-Shabaab iyo Wadaadka Muqtaar Rooboow uu ka dhaxeeyay khilaaf mudo soo jiray kaas oo ku saabsan xagga caqiiqada. Cali Dheere waxa uu sheegay in khilaafka markiisa hore uu ahaa mid ka bilowday taageero uu Roobow u muujiyay Hay’addaha Gargaarka ee howlaha Samafalka ka fuliya Soomaaliya balse ay Shabaab si weyn u diidan yihiin isaga oo sheegay in kulamo qarsoodi ah uu la qaadanayay Hay’adahaasi. Cali Dheere waxa uu sidoo kale sheegay in Roobow uu gacan midig u ahaa Dowladaha Shisheeye oo ay Al-Shabaab u arkaan cadawga kusoo duulay Somalia, hase yeeshee uu Roobow ahaa mid ku adkeysanaayay rabitaankiisa. Waxa uu tilmaamay in Roobow uu isku dayay in uu laba u kala qeybiyo Shabaab balse ay taasi kasoo horjeesteen sidaana uu ku bilaabay wadahadalka dowlada Somalia ee ugu danbeyntii sababay inuu u goosto. Waxa uu tilmaamay in Roobow uu ka shaqeyn jiray sida loogu hogaansami lahaa amarada qaar ee ka imaanaayay Beesha Caalamka kuwooda jooga Somalia. Wuxuu intaasi ku daray in Muqtaar uu marar badan isku dayay shirqoolo isagoo la jooga Al-shabaab sida isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku baxay balse ay Shabaab ay uga hor tageen sidii loogu tala galay. Roobow oo Xaalad caadi ah galay Kadib heshiiska ay wada galeyn dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaa suurta gashay inuu Roobow xor u noqdo inuu tago meel kasta oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna booqday Baydhabo, Xudur, Kismaayo iyo Sacuudi Carabiya halkaas oo uu Cimro u aaday. Markaas kadib Roobow ayaa loo soo bandhigay qorshooyin ku aadan inuu isku sharaxo Doorashada Koonfur Galbeed oo ay markaas ka dhimaneyd bilooyin badan, wuxuuna go’aan ku gaaray inuu isku soo taago maadaama ay u muuqatay fursad weyn oo uu xilkaas ku heli karo. Dowladda Soomaaliya oo markii hore fasaxday Roobow ayaan wax hadal ah kasoo saarin booqashooyinka iyo Xaaladaha caadiga ah oo uu galay Roobow, sidoo kalana kama aysan hadlin Ololaha uu waday Roobow ee uu ku doonayey inuu isku sharaxo Doorashada Koonfur Galbeed waxaana muuqatay inay Dowladda Soomaaliya ku qanacsaneyd inuu Roobow xilkaas isku soo sharaxo. Roobow oo isku sharxay madaxweynaha K/Galbeed October 04, 2018: Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor, ayaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay kaga dhaawqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Roobow, ayaa mar soo noqday hogaamiyaha labaad ee ururka al-Shabaab, waxaana madaxiisa saarneyd lacag uu dul dhigay Mareykanka inkastoo markii dambe laga saaray Liiska Argagixisada. Roobow ayaa ka mid noqday murashixiin ilaa iyo 10 gaaraya oo ku baratamayey doorashada Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo. Dowladda oo Roobow u diiday inuu is sharaxo October 5, 2018, War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada amniga xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur aanu ka qeyb gali Karin doorashada madaxweynenimo ee ka dhacday maamulka Koonfur Galbeed . Qoraalka ayaa loo cuskaday in Roobow aanu buuxin shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowlada federaalka taasina ay ka reebayso in uu u tartamo doorashada Koonfur galbeed. Roobow oo qaatay shahaadada musharraxnimada KGS November 5, 2018 , Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya ayaa waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya. Dowladda oo heshiiskii uga baxay Roobow iyo C/rashiid oo kashifay October 9, 2018 , Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed, oo ahaa ninkii Muqdihso keenay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa ka hadlay dooda dowladda ay gelisay musharaxnimada Rooboow. Dowladda, ayuu ku dhaliilay iney Rooboow uga baxday balamo ay wada galeen, taasoo qeyb ka eheyd inuu isu sharixi karo doorashada Baydhabo ka dhacday. C/rashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa shaqsigii bilaabay wada hadalka dhexmaray dowladda federaalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa sheegay qaabkii loo balamay in badan oo ka mid ah in dowladda dhankeeda uusan ka fulin. Wuxuu sheegay qodobada la isku afgartay ee dhanka dowladda uu ka fuli waayay inay ka mid aheyd in si wadajir ah oo dalka iyo dadka dano ah lagu wada hawlgalo, balse arrintaasi iyo kuwa kaleba ay dowladda ka baxday. “Muqtaar Shabaab mar hore ayuu ka baxay, warkiisana wuu cadeeyay, dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga geeriyooday, marin habaabin ayaan u arkaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOA-da. Sidoo kale wuxuu qiray intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga in lagu balamay Shabaab intooda ku haboon in wadahadal lala galo, inta kalena dagaal toos ah lagu qaado, balse dowladda ayuu ku tilmaamay inay arrimahaasi meel iska dhigtay oo ay ku mashquushay siyaasadda maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020-ka. Guddiga doorashada KGS oo go’aan ka gaaray musharaxnimada Roobow November 1, 2018 Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulkaas ayaa ansixiyey illaa seddex qosob oo xasaasi ah. Guddiga ayaa si cad u sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara. Roobow oo Baydhabo laga afduubtay Markii la arkay Saameynta uu leeyahay Roobow Abuu Mansuur, Dowladda Soomaaliya waxaa ku dhalatay go’aan ah in la xiro Roobow maadaama aan awood kale lagu celin karin waxayna dowladda Soomaaliya wadatay musharaxa hadda laga dhigay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Lafta Gareen. December 13, 2018, Roobow Abuu Mansuur ayaa laga soo afduubtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed . Ilo ku dhow Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in xariggiisa uu ahaa qaab shirqool ah oo laga soo shaqeeyey, waxeyna xaqiijiyeen in ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ay ka dambeeyeen falka lagu xiray Abuu Mansuur. Waxaa ay sheegeen in Mukhtaar uu ka mid ahaa musharrixiinta Koonfur Galbeed oo lagu ballamiyay Madaxtooyada maamulkaas. Inta badan Musharrixiinta madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ballamiyay C/Qaadir Shariif Sheekhunaa, oo ahaa ku simaha Madaxweynaha sidoo kalena ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed. Qof ka mid ah Xogheynta Abuu Mansuur ayaa sheegay in iridda madaxtooyada markii uu marayay lagala degay gaariga, kaddibna halkaas lagu jir dilay lana ka xeystay. Rabshado ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo shacab la laayey: December 14, 2018: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo tobaneeyo dad shacab ah ayaa ku dhintay kaddib mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Baydhabo. Goobjoogayaal ayaa VOA-da u sheegay in geerida xildhibaan C/shakuur Yacquub Ibraahim ay timid kaddib markii ay ciidamada amniga maamulka Koonfur Galbeed isku dayeen in ay rasaas ku kala eryaan dadkii mudaaharaadayay. Wariyaha VOA-da ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay in mudaaharaadyada ay soo abaabuleen shacabka Baydhabo oo kasoo horjeedo Xariga Shiikh Mukhtaar. Dadka ayaa dalbanayay in si dag dag ah xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ay magaalada Baydhabo ku xireen ciidamo Itoobiyaan ah, loona gudbiyay magaalada Muqdisho oo uu hadda ku xiranyahay. Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay inuu jebiyay qodobo lagula heshiiyay marki uu isu soo dhiibayay dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulo isla markaana cambaareeyo falalka xagjirnimada ah iyo inuusan ku dhaqaaqin falal liddi ku ah dowladnimada Soomaaliya. Roobow ayaa laga saaray liiska musharixiinta KGS December 16, 2018, Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in Mukhtaar Roobow laga saaray liiska musharixiinta, kadib markii ay xirtay dowladda Soomaaliya. Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa musharixiinta buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorshada, isagoo laba jeer la guddoonsiiyey Shahaado musharxnimo, wuxuuna bixiyey lacagta is-diiwaangelinta oo dhammeyd 20,000 Doolar. Beesha caalamka oo soo saaray qoraal ka dhan ah xariga Roobow iyo dilkii Shacabka December 31, 2018, Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wakiil ah beesha caalamka. Qoraalka oo ku socday wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaarka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso. Waxaa qoraalka lagu sheegay in xadgudubyada ay ciidama gaysteen ay ka mid tahay dilka 15 qof oo shacab ah kuwaas oo ayaga oo dibadbaxaya lagu dilay magaalada Baydhaba 13-kii iyo 14-kii December, ayna jiraan caddeymo muujinaya xadgudubyadan. Haysom ayaa qoraalka ku sheegay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada Soomaaliya ay xushmeeyaan xeerarka dalka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka. Waxa uu dowladda ka dalbaday inay deg deg jawaab uga soo bixiso dhowr su’aalood oo ay ka mid yihiin 1 – Maxaa sharci ah oo loo adeegsaday xariga Roobow? 2 – Ciidankee ka tirsan kuwa Soomaaliya oo fuliyey xariga, kaalin intee la eg ayaysan ku lahaayeen ciidamada Itoobiya? 3 – Muxuu yahay sharciga loo adeegsaday in cafis loo fidiyo Roobow, maxayse ahaayeen shuruudaha lagula heshiiyey? 4- Maxaa tallaabo ah oo la qaaday si lo helo amar xabsiga lagu sii haayo Roobow, wax ka baxsan 48-ka saac ee xeerka dambiyada Soomaaliya? Roobow weli waa xiran yahay Maanta oo ay taariikhda tahay 13 March oo ay kasoo wareegatay Xarigii Roobow 90 maalmood, weli wuxuu ku jiraa Xabsi ku yaal Magaalada Muqdisho. Aaway Ballan qaadkii Mursal iyo Lafta Gareyn January 22, 2019, Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Somalia oo magaalada Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray in lasoo dayn doono Mukhtaar Roobow. “Waxaan adiin balan-qaadayaa in Mukhtaar Roobow lasoo deyn doono,” sidaasi ayuu Mursal u sheegay Odayaasha uu kula kulmay magaalada Baydhabo. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in rajada ay ka qabaan tani ay tahay mid meel fiican mareysa, inkasta oo uu xusay inay jiraan su’aalo badan oo horyaala oo ku saabsan mustaqbalka Roobow. “Waa lasoo dayn doonaa Mukhtaar…laakiin, miyuu qayb ka noqonayaa dowladda mise Bakaaro ayuu guri ka degayaa…waa arrimaha aan kawada hadleyno,” ayuu Mursal u sheegay wariyaasha kadib kulankaasi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu daboolka ka qaaday in xariga Afhayeenkii hore ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay dowladdu kala kulantay dhaleecay ka timid Beesha Caalamka, taasi oo ku noqotay waydiimo ku foorarta. “Wakiilkii Qaramada Midoobay [Haysom oo ay dowladu fiijisay] wuxuu xilkiisa ku waayay arrinta Roobow,” ayuu Afhayeenka hadalkiisa raaciyay, isaga oo muujinaya sida ay saaxibada caalamka uga soo horjeedaan. “Aniga iyo Laftagareen [Madaxwaynaha Koonfur Galbeed] waxaa nahay kuwa ay eegayaan dadka gobolkaan kasoo jeeda, hadii aan soo dayn wayno Mukhtaar kuraasta aan ku fadhino waa wax kale,” ayaa laga soo xigtay Mursal. Aaway Magdhowgii Shacabkii lagu laayey Baydhabo? Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal ayaa sheegay inay madaxda ugu sareyso dalka ballan qaadeyn inay magdhow ka bixinayaan dadkii lagu laayey magaalada Baydhabo intii lagu guda jiray olalaha doorashada oo ay gacma-gacmeysay xukuumada. Ma jiro illaa hadda magdhow laga bixiyey dadkii lagu laayey Magaaladaas inta laga warqabo sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladii dadkii la laayey. 3 sabab dartood, Mukhtaar Roobow waa in la difaacaa Muwaadin kasta ee Soomaaliyeed oo aaminsan Sarreynta/Talinta Sharciga kana soo horjeeda Sarreynata/Talinta Qofka waxaa waajib ku ah inuu difaaco Mudane Sheikh Mukhtar Roobow sababaha hoos ku qoran: Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga wuxuu caddeynaya in DF ay ku xadgudubtay Xuquuqda iyo Xuriyadda muwaadin Mukhtar Roobow (xitaa haddii uu yahay eedeysane) marka la fiiriyo qodobbada kala ah 15 (Xorriyadda iyo Nabadgelyada qofnimada), 33 (Go’aanno maamul oo cadaalad ah) , 34 (Xaqa Dacwada iyo Is difaaca) , 35 (Xuquuqda Eedeysanaha) ee Dastuurka KMG. Qodobbadaas ayaa ilaalinaya difaacayana xuquuqda iyo xorriyada Mukhtar Roobow iyo muwaadin kasta. Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu diido xadgudubka DFS. Haddii Shacabku ka aamuso xadgudubyada DF, waxa galaya halis nabadgelyada, xasillonida, iyo horumarka dalka Soomaaliyeed. Wax garadka Soomaaliyeed waa inuu wax ka arkaa daaha gadaashiisa oo aan lagu khaldin sheekooyin dhalanteed ah, afminsharnimo, iyo been. Horumarka dalka wuxuu ku jiraa runta, kumana jiro beenta iyo musuqmaasuq. Waa fadeexo wax garad ku doodaya in musuqmaasuqa DF la qariyo si adduunka wax noo siiyo, kaddibna la musuqmaasuqo. Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu ka mid ahaa Madaxda Ururka Maxaakiinta Islaamka, kaddibna wuxuu ku biiray Al Shabab oo uu ka soo goostay 2013. Dowladda Mareykanka ayaa 2012 madaxiisa saartay abaalmarin dhan 5 Milyan doolar si loo soo qabto ama loo soo sheego meesha uu joogo si loo khaarijiyo. Roobow wuxuu muddo 4 sano ku dhex noolaa deegaanka Koofur Galbeed, halkaaso ay ku difaacayeen ciidammo daacad u ah. Dhowr jeer ayaa Ciidammo ka tirsan Al Shabab soo weerareen, isla markaana ka badbaaday baadi goobkii Dowladda Mareykanka. 2017 ayaa Dowladda Mareykanka ka qaaday lacagtii abaal marinta aheyd, taaso albaabka u furtay in DGKG iyo DF soo dhoweeyaan Sheikh Roobow si heer sare ah, kana mid noqdo xubnihii ka soo goostay Al Shabab oo xilal xasaasi ah ka haya hay’adaha nabadsugidda iyo Garsoorka DF. Gebagabo Roobow Weli Cadaalad ma helin! Roobow Abuu Mansuur ayaa 90 cisho si sharci darro ah ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama aan lagu soo xirin waraaq maxkamadeed isla markaasna aan weli la hor geyn Maxkamad iskaba daaye uu ku xiran yahay meel gaar ah. Dadka Koonfur Galbeed waxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka uga fadhiyaan inuu Cadaalad helo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo badalay kana soo laabtay fikirkii Al-Shabaabnimo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib Safaro shaqo uu ku kala tagay dalalka Jordan iyo Turkiga. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Dalka Jordan kaga qeyb galay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta, isagoo Khudbad uu ka jeediyay madaxda Baarlamaanada Carabta ugu sheegay in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka looga baahan yahay in si wadajir ah ay u wajahaan ciribtirka Argagaxisada si looga hortago qataraha iyo xasuuqa ay ku hayaan shacabka. View the full article
  11. Baydhabo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo afar gaaraya oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Koof-Gauud Buurey oo 30 KM galbeed ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxyada oo ahaa kuwa miinooyin ah ayaa waxaa la sheegay in lagu Aasay suuq Xoolaha Nool lagu iibiyo oo ku yaalla deegaankaasi. Wararkaqaar ayaa sheegaya in marka ay qaraxyadu dhacayeen suuqu uu ahaa mid mashquul badan, islamarkaana ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah. Afhayeenka maamalka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxyadani ay ku dhinteen illaa shan Qof, kuna dhaawacmeen 40 kale, kuwaas oo dhammaan ahaa dad rayid ah. Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in dadka dhaawacmay loo soo qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Dhinaca kale Nuuradiin Gacma ayaa ka warbixiyay socdaal uu madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen maanta ku tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Socdaalkan ayaa waxa uu sheegay in madaxweynuhu ay ku wehlinayaan Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS, kuwaas oo u kuur galaya xaaladaha degmadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COd.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-13032019.mp3 View the full article
  13. (SLT-Ankara)-Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray “Kaligii taliye” iyo “khiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen. Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu “Cunsurinimo cad” kadib markii Israel uu gu yeeray dal ay leeyihii “Dadka Yahuudda ah” oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn. “Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta Instagram. Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yiri “Waxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab sooca” Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yiri “Kaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israel, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisa” ayuu yidhi Netanyahu. Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, ayada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israel. Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in lagala noqday dukumintiyo loo sameeystay dhul ay ciidamadii Badda ku lahaayeen degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho. Xeer uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhulkaasi hore u ahaa dan guud haatana la doonayo in caasimada laga dhigo mid la tartanto caalamka. Eng Yariisow ayaa hay’adaha dowlada Federaalka waxa uu ku wargeliyay in ay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan,kadib markii ay dowlada u wakiilatay maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho in uu Mas’uul ka yahay dhul bixinta iyo fasaxyada. Waxaa Xarunta la amray in laga baxo dagan Taliyaal Ciidan, Senateero, Wasiiro hore, iyo Cali Maxamed Geedi oo soo noqday Ra’isulwasaare. Sidoo kale waxaa dagan Siyaasiyiin, Ganacsato, Diplomaasiyiin iyo Dad Mas’uuliyiin ah, waxaana la filayaa inay dhammaan isaga baxaan halkaas. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Madaxda dagan Ex-Marino 1 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Madey Sheekh Nuurey Ufurow 2 – Senator Muse Suudi Yalaxow 3 – Wasiirki hore ee Gaashaandhigga, Jenral C/qaadir Diini 4 – Ra’iisul wasaarihi hore, Prof. Cali Maxamed Geeddi 5 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Faarax Axmed Cumar “Faraax Qare” 6 – Taliye xigeenkii hore ee Ciiddanka NISA, C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Somalia is seeking the services of a Nairobi-based currency expert seconded by the International Monetary Fund (IMF) as it looks to issue a new currency to replace its widely counterfeited shilling. The Horn of Africa state has not issued official currency notes since 1991 and is banking on a Sh4.1 billion ($41 million) donor-funded currency reform plan to phase out the counterfeit notes that account for more than 90 percent of the money in circulation in the country. The lack of a genuine currency and payments system has made it difficult for Kenya’s eastern neighbour to do business. The country has been facing civil strife since the collapse of its central government in January 1991 but is now beginning to reform its governance under the federal government. Mogadishu told an IMF review team in a meeting last month in Nairobi that its central bank had endorsed the framework for the issuance of new currency and identified committee members who will support the process. “As soon as the administrative framework for the project fund is set up and the project funding is fully covered, we expect the IMF to assist us with a currency expert based in Nairobi to provide direct support to the Central Bank of Somalia and the currency reform project manager,” the government told the IMF. “We have stepped up efforts to reach out to donors to raise the needed funds ($41 million) for this project and also reached out the World Bank for assistance on the project fund’s administration.” The first phase of the reform plan will see the Somalia government print 752.5 million new notes — starting with small denominations — which it will then exchange for the counterfeit Somali shilling notes currently in circulation. The new currency will also allow the Central Bank of Somalia to build up a reserve buffer in its own currency as it looks to set up a central payment system and strengthen regulation of the country’s banking sector. In the second phase of the currency reforms, Somalia will print larger denomination notes and development of independent monetary policy instruments and reserve management guidelines. Source: Business Daily Africa
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa waxa ay soo saartay Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Cabdillaahi Abokor Cismaan, taasi oo lagu sheegayo in qiimo dhimis lagu sameeyay sumada gaadiidka ee la bedelay. Haddaba aqoonyahan Yaasiin Calase oo ka mid dadka aqoonta durugsan u leh dhaqaalaha waxna ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa si cilmiyaysan u naqdiyay warqadaa uu soo saaray wasiirku, waxaanu si cad u baayaamiyay in aan wasiirku xaq u lahayn tallaabadaa uu qaaday. Aqoonyahan Yaasiin Calase ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu ku yidhi “Lacagta khidmada ah ee ay dawladu qaada sida lacagta samaynta baasaboradda, liisamadda, sumada gadiidka iyo waxii lamidka ah miyaa qiimo dhimis lagu samayn karaa? (Discount) Hadiise cashuurta ama khidmada/fee wax laga daynaayo yay tahay in ay samayso ma Wasaaradda Maaliyadda? mise wasaaradda lacagta lagu qabanaayo? Sida lacagta sumadda gadiidka oo lagu qabanaayo wasaaradda gadiidka laakiin ay qaadayso oo uruursanay Wasaaradda Maaliyadu gaar ahaan waaxda cashuuraha barigu. Mise labadooda midna wax ka badal ah oo kor dhin iyo dhimis toona masamayn karaan ee intii golaha wakiiladu ansixiyeena ayaa la qaadaya ama golaha ayaa dib looga ansixinaya? Dawladii Tukaan nin leeyahay oo marna qiimaha uu kordhinaayo marna qiimo dhimis samaynaayo ayay inaga noqotay. “Ma macdaar nin qudhii leeyahay mandhow qarankeenu? Abees.” Halkan hoose ka akhriso warqada uu soo saaray wasiirku Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Arbacoow oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta qaraxa lag maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo deegaanada ku dhow, isla markaana lala eegtay kolonyo ay la socdeeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka yimid dhinaca deegaanka Arbacow. Qaraxa kadib ayaa Ciidamadu waxa ay fureen, waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo rasaasta ay fureen intaba. Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyada oo Ciidamada AMISOM ay xireen wadada soo gasha iyo tan ka baxda goobta uu qaraxa ka dhacay. Deegaanada lu yaalla Duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay ku socdaalayaan,waxaana khasaaro kasoo gaartaa Ciidamada iyo dadka Shacabka ah ee maraya halka ay qaraxyada ka dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. For women like Halima Farah, a 56-year-old mother of six, returning to Somalia isn’t an option. “It’s a suicide mission,” she told The Washington Post. That’s because the country, which lies on the Horn of Africa between Kenya and Ethiopia, has been the site of a three-decade war — and it’s only getting worse. She fled to a refugee camp in Kenya years ago to get away from conflict. According to an article in The New York Times, the U.S. military has escalated a war against the Shabab, described as an extremist group with ties to Al Qaeda. The in-depth report by the Times reveals that the death toll resulting from unmanned drone strikes executed by the U.S. military in Somalia have reached a third record high in as many years. According to Defense Department data obtained by the Times, the air strikes pushed last year’s death toll to 326 people in 47 disclosed attacks. And this year, the war is reportedly on track to surpass those numbers, with 225 people killed during 24 disclosed strikes between January and February alone. Human rights groups like the ACLU say civilians — including children — have been killed during the strikes over the years, including during Obama’s tenure. But the Post reported that it’s hard to quantify those claims since “so much of Somalia is inaccessible amid the fighting.” Brittany Brown, chief of staff of the International Crisis Group, a nonprofit that focuses on decreasing deadly conflicts, described the war in Somalia as “on autopilot” to the Times. Brown also worked on Somalia policy at the National Security Council during both the Obama and Trump administrations. “People need to pay attention to the fact that there is this massive war going on,” she told the Times. In 2017, the White House approved a fighting expansion against the militants in Somalia. That approval removed the high-level vetting that was once required to approve strikes on the Shabab, according to the BBC. “It’s very important and very helpful for us to have little more flexibility, a little bit more timeliness, in terms of decision-making process,” General Thomas D. Waldhauser said during a news conference. “It allows us to prosecute targets in a more rapid fashion.” Another change under the Trump administration meant the number of civilian deaths would go underreported. As noted by the BBC, Trump revoked a policy put in place by Barack Obama via a 2016 executive order that required the CIA, which has carried out drone strikes in countries including Afghanistan, Pakistan, and Somalia, to publish the number of civilians killed via the strikes outside war zones. The news outlet also noted that the order “does not overturn reporting requirements on civilian deaths set for the military by Congress.” The Trump administration reportedly called the Obama executive order “superfluous” and distracting. This by no means is the first U.S. presidential administration to carry out drone strikes. It’s not even the first administration to catch public heat for it. As BBC News White House reporter Tara McKelvey noted, the Obama administration was also criticized for civilian deaths during strikes. But she says the problem has been exacerbated as the numbers are going up at an unprecedented pace. “During Mr. Obama’s eight years in office, 1,878 drone strikes were carried out, according to researchers,” McKelvey wrote. “Since Mr. Trump was elected in 2016, there have been 2,243 drone strikes. The Republican president has also made some of the operations, the ones outside of war zones, more secretive. As a result, things [are] different today: Under Mr. Trump, there are more drone strikes — and less transparency.” CNN reported earlier this month that the administration is seeking $165 billion for “Overseas Contingency Operations” in places like Afghanistan, Iraq, and Syria in a 2020 military budget; that’s a huge increase of the $69 billion it sought in 2019. “We were geared up for counterterrorism efforts in Somalia, and now there are more resources to do it, so we’re doing more of it,” Stephen Schwartz, a former U.S. ambassador to Somalia, suggested to the Times, though he said he had no current insider knowledge. “It could be there is some well-thought-out strategy behind all of this,” Schwartz added, “but I really doubt it.” Source: Teen Vogue
  19. Wararka ka imaanaya deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in suuq ku yaalla deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen dad badan lagu tuuray Bam nooca gacanta laga gano ah. Arbaco walba waxa ay dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo Tuulooyinka ku dhow isugu yimaadaan suuqan si ay u kala ganacsadaan, waxaana xilliga Bamka halkaasi lagu tuurayey la sheegay in mashquul badan uu ka jiray. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo Bamkan ka dhashay, hase ahaatee weli si rasmi ah looma hayo tirada dadka waxyeellada ay soo gaartay. Ku dhowaad 10 qof oo dhaawacyo xooggan qaba ayaa loo soo qaaday isbitaalka magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu daweynayo. Wariyaheenna C/qaadir War-cadde ayaa sheegaya in ciidanka DFS ay howlgallo ka wadaan deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WARIYAHA-BAYDHABO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland ayaa soo eegay xaaladda caafimaad ee Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaaji Cabdi Waraabe), oo maalmihii u damebeeyay xaalad caafimaad u jiifay. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa booqday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo xaalad caafimaad la soo daristay. Nabadda Somaliland ka jirta ayaa waxaa inta badan loo sababeeyaa odayaasheeda dhaqanka, oo door muhiim ah ka qaata dib u heshiisiinta beelaha iyo dhex dhexaadinta siyaasiyiinta iyo xisbiyadda is khilaafa. Xaaji Cabdi Waraabe oo 125 sano jir ah, ayaa ka mid ah odayaasha ugu caansan Somaliland, waana odayga kaliya ee aan dabadii la hadlin. Source
  21. Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka dhacay maleeshiyaad ku sugnaa waqooyiga magaaladaasi. Maleeshiyaadkan ayaa isku qabsaday dhul ku yaalla halkaasi, waxaana dagaalkan uu socday in ka badan Laba saacadood. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Labo qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay. Ciidamada xasilinta ee DFS ayaa la sheegay in markii dambe ay kala dhexgaleen maleeshiyaadkii ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo. Xaaladda guud ee halkii lagu dagaallamay waa mid aad u deggan, waxaana socota dedaallo kale oo ay wadaan waxgaradka si wadahadal loogu dhammeeyo waxa ay maleeshiyadan isku haysato. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WARIYAHA-GAALKACYO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kooxda Mogadishu City Club ayaa kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 la leh xidigaha Gaadiidka waana kulamadoodii shanaad olalahan. Naadiga Mogadishu City Club Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaatay kooxda Heegan Sports Club waxayna kulankaa wada dheeleyn 06/03/2019. Kooxda Gadiidka ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 kasoo gaartay xidigaha Jazeera Sports Club oo horay loo yaqeenay Muqdisho United. -Shantii kulan u dambeesay ay labada koox wada ciyaaraan horyaalka waxaa wada guulaystay xidigaha kooxda Mogadishu City Club,balse waxa ay magacaan kaga adkaan jireyn magacii hore ee Banaadir Sports CLUB. -Gaadiidka oo Kulankii 1-aad ka hortaygsa kooxda Mogadisho City Club tan iyo markii ay la wareegeyn maamulka Gobolka Benaadir 25-November 2018. –Cumar Caruus ayaa ka hor Imaanaya kooxdiisii hore ee Muqdisho City Club wuxuuna ka mid yahay tababarayaasha kooxda M.C.C kula guulaystay horyaalka Somalia Premier League,isagoo aan qasaarin xitaa hal kulan (Unbeaten). Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 15/03/2018 Mogadishu 3:0 Gaadiidka FC 26/04/2018 Gaadiidka 1:2 Mogadishu City Club 28/02/2017 M.C.C 2:1Gaadiidka FC 16/02/2016 Gaadiidka 0:2Mogadishu City Club 07/05/2016 M.C.C 2:1Gaadiidka FC 23/03/2015 Gaadiidka 2:1Mogadishu City Club 23/12/2014 M.C.C 1:1Gaadiidka FC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2018-2019 Kooxaha:-M.C.C VS Gaadiidka Maalinta:-Arbaco Taariikhda:-13 -03-2019 Saacada:-3:45pm Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°/26°C Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  23. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo kaashanaya waxgaradka iyo nabaddoonada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa kala dhex galay malayshiyaad hubaysan oo saaka ku dagaallamay aga’gaarka xabsiga weyn ee Gaalkacyo. Malayshiyaadka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa ku dagaallamay bogcado la isku’ khilaafay oo ku yaalla dhul-bannaan oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Puntland Col. Cismaan Xassan Cowke (Afdalow) oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo laamaha amniga oo kaashanaya waxgaradka iyo nabaddoonada Gaalkacyo ay ku guulaysteen in la joojiyo dagaalka kadib markii ay kala dhex galeen malayshiyaaadkii dagaallamay. Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 3 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaallamay halka 5 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen isagoo ka afeeftay in khasaaruhu intaa ka badan karo maadaama sida uu sheegay laga yaabo in ay jiraan dad isbitaallada loola cararay ka hor intaan mas’uuliyiintu halkaaasi gaarin. Sawirrada mas’uuliyiin iyo waxgarad gaaray halkii lagu dagaallamay PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  24. Dooxa (SMN) – Hay’adda Bisha Cas ee dalka Qatar ayaa saddex gobol oo ka mid ah Soomaaliya ka bilaabeysa wajiga sadexaad qorshe lagu hormarinayo goboladaasi. U jeedka qorshahan ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii loo caawin lahaa dadka beeraleyda ah iyo kuwa ku soo laabanaya deegaanadooda,si loogu sameeyo dib u dajin rasmi ah. Hay’adda ayaa sheegtay in wajiga sadexaad ee qorshahaasi ay ka bilaabi doonto gobollada Banaadir iyo labada Shabelle oo ay sheegtay in ay ku barakaceen kumanaan ruux oo ka cararay abaaro iyo colaado is biirsaday. Bisha Cas oo kaashaneysa saaxiibadeyda iyo beesha caalamka ayaa dadka beeraleyda ah ugu deeqi doonta 3,000 (sadex kun) oo ah agaka beeraha. Sidoo kale hay’adda ayaa xustay in ay beeraleyda siin doonto tababar ku aadan sida dhulalka loogu diyaariyo beerashada. Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1978, mana ahan markii ugu horeeysay oo qorshayaashan oo kale ay ka fulineyso Soomaaliya. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali taagan xiisadda u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo labada dhinac ay isku heystaan. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii Somaliland ay ciidamo dheeraad ah geysay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo labada maamul ay isku hayaan, waxaana ciidamada ugu badan ay geeyeen deegaanka Yubbe oo ka tirsan Sanaag. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland dhankooda ay dhaqdhaaq ka bilaaben deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana arintaasi ay abuurtay cabsi soo wajahday dhinacyada dagaalamaya. Labada maamul ayaa shalay warbaahinta isku mariyay jawaabo adag oo ku aadan xiisadda ka taagan deegaanada gobolka Sanaag, waxaana maamulka Puntland uu ku eedeeyay Somaliland Daandaansi inay ka wado gobolka Sanaag. Taliyaha Ciidamada Somaliland ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa isagana waxaa uu sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwo ilaalinaya xaduudka Somaliland oo uu sheegay inaysan aqbaleyn in lagu soo xadgudbo. Puntland ayaa Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay waxaa ay sidoo kale ku sheegtay in Somaliland ay dooneyso inay wiiqdo howlgallada Puntland ay kula dagaalameyso waxa loogu yeero argaagxisada, hayeeshee ay dul qaad muujin doonaan. Ciidamada labada maamul kaga sugan gobolka ayaa wada dhaqdhaqaaq ciidan waxaana saacad kastaa laga baqayaa inay markale ku dagaalamaan gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com