Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay fiidkii laga dareemay qaar kamid ah magaalooyinka dalka Kenya oo ay ku jirto caasimada Nairobi dhul-gariir. Deegaanada kale ee laga dareemay dhul-gariirkan oo ahaa mid aan xoog badneyn ayaa waxaa ka mid ah Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu. Dhul-gariirka ayaa la dareemay qiyaastii toddobadii fiidnimo ee xalay isagoo ilbidhiqsiyo uun socday balse waxaan laga dareemin degmooyin ka mid ah magaalada Nairobi. Sida laga soo xigtey hay’ada xisaabta culeyska dhulgariirada ayaa ku sheegtay inuu dhul gariirku gaadhayay 4.8. Sidoo kale dhul gariir laga dareemay dalka Spain isla xilligii uu ku dhuftay dalka Kenya. Dalxiisayaal ku sugan magaalooyinka xeebaha dalka Kenya sida Mombasa, Kilifi, Malindi, Lamu iyo Diani ayaa loo sheegay inay tagaan meelaha taaga ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax Khasaare ah oo ka dhashay dhulgariirka caawa laga dareemay magaalooyin ka mid ah dalka Kenya. Source
  2. Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa maanta saxiixaya lahaanshiyaha cadawga Israel ee buuraleyda Golan. Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga qabsadeen dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km². Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka. Dad badan oo falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxaa ay qabaan in Trump uu sidan u sameynayo doorashada 2020-ka iyo doorashada Benjamin Netanyahu ee bisha soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa su’aal ka keenay heshiis uu horey ula galay maamulka Somaliland, kaasi oo uu la galay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Wuxuu su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay heshiisaasi iyo cidda ay tahay in wax laga weydiiyo, maadaama muddooyinkii u dambeeyay aysan jirin cid soo hadal qaadeysay heshiiskaasi. Heshiiskaasi ayaa waxaa sanadkii 2017 magaalada Hargeysa ku gaareen isaga iyo madaxweyne Siilaanyo, balse labo sano kadib wuxuu isweydiiyay halka uu ku dambeeyay heshiiskasi. Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uusan garaneyn cidda uu kala hadlayo fulinta heshiiskaasi, maadaama tan iyo xiligaas aan lasoo hadal qaadin, balse madaxweynaha hadda talada haya ayuu sheegay inay isku xisbi yihiin Siilaanyo. Kala cadeynta howlaha iyo awoodaha shaqada oo lagu muujiyo Dastuurka ayuu sheegay in ay qayb ka qaadan karto in uu gaaro 50 sano ama 100 sano sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay inay taasina caqabad ku noqoneyso heshiiskii horey uu u galay. Qodobadii ay kala saxiixdeen Axmed Siinlaayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ka socday Maamulkii Khaatumo waxaa kamid ahaa: ka shaqeynta sugidda amniga, dhameystirka heshiiska, iyo qodobo kale. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Codka-Cali-Khaliif-Somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Qarax ka dhashay waxyaabaha dhulka lagu aaso ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah shaqaalaha Jaamacadda SIMAD. Qaraxa oo ka dhacay demagada Hodan, Muqdisho ayaa lagu waramayaa in ay kula kulmeen jidka taasi oo keentay dhaawaca darawal iyo mid kale oo ka mid ah ilaalada guddoomiyaha jaamacadda. Qaar ka tirsan shaqaalaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhaawacyada loo qaaday Isbitaalka, uuna daran yahay darawalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ku warramaya in biyo la’aan baahsan ay ka jirto gobolkaasi. Biyo la’aantan ayaa la sheegay in saamey xoogan ay ku yeelatay dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo ka hadlay dhibaatooyinkan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi in uu ka gaabiyay adeegyada dhanka bulshada ee gobolka Sanaag. Xaaladda nololeed ee haatan ka jirta gobolkan ayaa maaalmihii dambe ka dareysay, mana jirto wax gurmad ah oo ay heleen dadkaasi tabaaleysan. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayay amniga oo xalay lagu qabtay degmada Wardhiigley ee G/Banaadir.. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta degmadaasi iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed Tuulax. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee degmada Wardhiigley. Sidoo kale kulanka kadib guddoomiye Tuulax ayaa kormeer indho indheyn ah ku sameeyay xaafado ka tirsan degmadaasi. Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ka sameeyay halkaasi, kuwaas oo lagu xaqiijinayay amniga. Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro oo ay haataan ku socdaan baaritaano xoogan. Muddooyinkii la soo dhaafay maamulka gobolka Banaadir ayaa waday kulamo lagu dardar galinayo sugida amniga magaalada Muqdisho. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-25032019.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale oo la hadlayay warbaahinta ayaa dhaliilay isku dhex yaac badan oo ka dhex jira Hay’adaha amaanka, kaasi oo keenay in xaaladda amaan ee Muqdisho sii xumaato. Guddoomiye Madaale, ayaa xusay in ciidamada amaanka ay sameynayaan dadaal badan, shacabka ay ku dhib qabaan xernaanshaha wadooyinka magaalada, hadana ay wali dhacayaan qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee Al Shabaab. Wuxuu soo hadal qaaday waxyaabaha sababta u ah amni darada magaalada Muqdisho kusoo badatay maalmihii ugu dambeeyay, wuxuuna sheegay inay ugu horeyso dowladda Soomaaliya oo ka gaabisay inay weerarto Al Shabaab. Taasi ayuu sheegay inay dhalisay in Al Shabaab ay culeeska soo saaraan magaalada Muqdisho, maadaama dowladda aysan weerarin xarumaha Al Shabaab kaso abaabulaan qaraxyada labadii sano ee lasoo dhaafay. “Runtii amnidarrada magaalda waxaa sabab u ah dowladda ayaa ka gaabisay weerarada Al-Shabaab,marka iyadaa weerar lagu soo yahay culeyskana shabaab Muqdisho ayay soo saareen,laakin waxa ay u baahan tahay in cadawga meesha uu joogo loogu tago oo lagula dagaalamo” ayuu yiri Yuusuf Maxamed. Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in labo sano kadib la filayay in amaanka uu ka wanaagsanaado halka uu joogo balse aysan dhicin, waxaana uu sheegay in Shabaab deegaanadii horay looga qabsaday ay dib ugu soo laabanayaa,isla markaana ay dhiiragelin badan heleen. Hoos ka dhageyso codka Guddoomiye Madaale https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Gudoomiyii-hore-ee-Magaalada-muqdisho-Yuusuf-Xuseen-Jimcaale.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku gacan seertay xeelad ay dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya dejiyeen oo la doonayey in si farsameysan xukunka looga tuuro Axmed Madoobe, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Qorshahan oo Villa Somalia ay dowladda Kenya u jeedisay bil iyo bar ka hor, ayaa looga codsaday in ciidamada Kenya, Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ay qabtaan gobolka Jubbada Dhexe, oo inta badan Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, hase yeeshee fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Kenya. Qorshaha ay dowladda damacsaneyd, oo ay ka dhaadhicisay Itoobiya, ayaa ahaa in marka la qabto gobolka, Axmed Madoobe lagu qasbo inuu usoo guuro magaalada Bu’aale, maadaama ay tahay caasimadda maamulka Jubaland. Xeeladda arrintan ka dambeysa ayaa ahayd in Axmed Madoobe gacantiisa laga bixiyo magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale qabashada Jubbada Dhexe, oo kadib lagu xajin lahaa Gedo, ay dowladda siin lahayd inay maamusho in ka badan laba gobol oo Jubaland ah, taasi oo yareyn kartay sharciyadda Axmed Madoobe, awoodna u siin lahayd dowladda inay ku dul dhisto maamul kale, oo caasimad ay u tahay Bu’aale, haddii uu diido inuu usoo guuro Bu’aale. Kenyan-ka iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay fahmeen xeeladdan, waxaana Kenyan-ka ay sheegeen in qorshahan laga dhigo kadib doorashada Jubaland. Kenya ayaa hadda ah caqabadda iyo darbiga dowladda Soomaaliya ay ka gudbi la’dahay ,si ay meesha uga saarto Axmed Madoobe, taasi oo ku qasabtay inay la furto wada-hadallo aysan ku faraxsaneyn Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Ku-dhowaad boqol kamid ah Ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa lagu wadaa in dhawaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho waxayna ka soo hor mari doonaan Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho ku soo wajahan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhowaan imaanayo magaalada Muqdisho si loo dhameestiro heshiiskii Kismaayo ay ku gaareen DF-ka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, islamarkaana ay kulan u qaatay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kadib laga qayb gali doono shirka lagu wado in uu ka dhaco Garowe. Diyaarad gaar ah ayaa la sheegay in ay Kismaayo ka soo qaadi doonto Ciidamadaasi oo ah kuwii dhowaan Axmed Madoobe u raacay caleema-saarka Madaxweyne Deni, waxaana la dejin doonaa dhabarka dambe ee Villa Somalia halakas oo ay dagan yihiin Senataro ka soo jeeda Jubbaland kuwaas oo gurigooda ku marti gelin doona Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa markii hore Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo qaadi jiray islamarkaana ilaalin jiray Ciidaamda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, iyadoo warar aan la xaqiijin ayaa sheegayaan in uu dagi jiray Taliska NISA ee habar-qadiijo guryo ku dhax-yaalla balse hada uu doonayo Villa Somalia. Arintaan ayaa muujineysa in ay jirto Kalsooni darro u dhaxeysa hogaanka Maamulka Jubbaland iyo Madaxda DF-ka Soomaaliya kuwaas oo muddo kabadan hal-sano uu ka dhax oognaa khilaaf siyaasadeed oo aad u adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Qaahira (Caasimada Online) – Falaanqeeye u dhashay Israel oo lagu magacaabo Moshe Tardiman kuna takhasusay Taariikhda iyo Dhaqanka ayaa sheegay inay Israel sii wado dadaalkeeda Diplomaasiyadeed ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay qarka u saran tahay inay Somalia la yeeshaan Xiriir Diplomaasiyadeed, waa sida uu hadalka u dhigay. Shabakadda Wararka ee arabi21.com ee dalka Masar ayaa qortay in Moshe Tardiman hadalkaasi ku sheegay qoraal uu Aragtidiisa ka dhiibtay oo uu ku qoray Madal Gobaleed. Waxa uu tilmaamay in Qaraxyadii ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan lagu dilay 20-qof oo ay ku jireen Muwaadin Maraykan asalkiisu Yuhuudi ahaa, iyadoo ay weeraradaasi fuliyeen 5 ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab. Waxa uu intaasi ku daray inay Al-Shabaab hawlgalkaasi u qaadeen iyagoo muujinayey inay ka soo horjeedaan Tallaabadii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ugu aqoonsaday magaalladda Quddus-ta ls-haysto inay tahay Caasimadda Israel iyo in Safaaradda Maraykanka loo soo wareejiyo magaalladda Quddus-ta La-haysto. Moshe Tardiman oo ah Aasaasaha Machadka Cilmi-baarista Islaamka iyo Muslimka ee gudaha Qaaradda Afrika iyo Cilmi-baare ka tirsan Xarunta Barashadda Iiraan ee Jaamacadda University of Haifa waxa kale oo uu tilmaamay inay Al-Shabaab weerarkaasi u qaadeen Taageerida Falastiiniyiin iyo Ka-soo-horjeedka Israel. Moshe Tardiman waxa kale oo uu tilmamaay inay Somalia haatan leedahay 2 Dowladood oo kala ah Somalia iyo Somaliland, isagoo intaas ku daray inuu mid kasta makaan kala duwan ka taagan yihiin Israel, waa sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, waxa uu xusay in dadka Jewish-ka ama Yuhuudda laga masaafuriyey Somalia sannadkii 1967-kii, kadib, Dagaalkii Carabta iyo Isreal dhex maray, isla markaana ay Somalia ka mid tahay dalalka Siyaasad ahaan ka soo horjeeda Israel, balse taageersan Falastiiniyiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Dalkeena sanad kii waxa laga dhoofin jiray ku dhawaad 2,750,000 oo adhi ah + 750,000 oo geel ah + 500,000 oo Lo ah = 4,000,000 oo neef dhamaan tood waa lab oo dhadig ma’aha waana markii ay dakada iyo maxjarada Berbera u furnaayeen xoolo dhoofinta. Xoolaheenu marakay magaalada berbera soo gaadhaan waxa neefka adiga ah ku baxa 12$, Neefka geela ahna waxa ku baxa 55$, Neefka Lo’da ahna waxa ku baxa 35$, lacag taas oo kukala baxda kharashka xeroolaha berbera, maxjarka, cashuurta dawlada, iyo xamaaliga degakada berbera. Totalka Adiga = 12×2,750,000=33,000,000$ Totalka Geela = 55 × 750,000=41,250,000$ Totalka Lo’da = 35 × 500,000=17,500,000$ Marka laysu geeyo waa lacag adag oo dhan 91.750.000 Dollar hada waa kharash iyo cashuur berbera oo kaliya, cashuurhii gobalada kale dilaaliintii iyo lacagta iibka neefku way idiin hadhay. Xaga iibka wakhtiga carafada sicirka neefka Adiga ah wuxuu gaadhaa 80$ geeluna 400$ Lo’duna 350$ iibkaa sicirka xooluhu wuu dhaafaa wuuna ka yaraadaa. Totalka Adiga= 80×2,750,000=220,000,000$ Totalka Geela = 400× 750,000=300,000,000$ Totalka Lo’da = 350×500,000=175,000,000$ Tootalka iibka = 695,000,000 Dollar. Tootalka guud = 91,750,000 + 695,000,000 = 786,000,000 Dollar Waa todoba boqol iyo lix iyo sideetan MILYAN oo dollar sxb xoola dhoofinta ciyaar ciyaar iyo meel fudud hamoodin, xoolahaasu waxay kakala yimaadaan 1- %30 gobalada Somaliland 2- %30 Gobalada dhexe ee somalia 3- %40 gobalada Dawlad Deegaanka Somalida. Ilaa shalay dad badan waxay is waydiinayeen waxa aan uga jeedo WASAARADA XOOLO DHOFINTA een uga saaray wasaarada xanaanada xoolaha. Dawlad kasta oo dunida kamid ah waxa ay gaar u dhoofiso ama dhaqaale xoogan ka soo galo ayay u sameeyaan wasaarad u gaar ah, tusaale ahaan; dawladaha PATROL ka soosaara ee dhoofiya waxa ay gooni u magacaabaan wasaarada PATROL ka iyagoo leh wasaarada macdata. Dawladii Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxa ay lahaan jirtay wakaalada xoolo dhoofinta oo ka madax banaanayd wasaarada xanaanada xoolaha waxana maareeye ka ahaa Raysal wasaarihii labaad ee dawladii Madaxwayne Xassan sheekh maxamuud waa (Dr.Cabdiwali Sheekh Ahmed) oo wakhtigaa ahaa nin dhalin yaro ah, waliba wakhtigaa xoolo dhoofintu gaarka ahayd xoolaha maanta la dhoofiyo ayaa aad iyo aad ayay uga badan, xoolahaasuna imika waxay ka dhoofaan dakada Jabuuti. Kadin markaan arkay :- Wakhtigan oo maxjarada xooliha la firay, Xoolaha la dhoofinayaa ay badateen, Loona baahan yahay suuq gaynta xoolaha ee sayladaha dunida, Dakadii barberina ay xidhan tahay, Dayac wayna ka muuqdo maxjarada, arimahaas is huwan aw good ayaa curiyay TALO NO 1:- oo ahayd Aasaasida WASAARADA XOOLA DHOOFINTA. Iyo kala qaadka wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga. Inshaa alaah maqaalka kan xiga waxa aan ku sharixi doonaa dayaca aanay cidi dareen sanayn ee ka jira wadsaarada xanaanada xoolaha. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Dhawaqa qarax xoogan ayaa laga maqlay xaafadaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay xaafadda NBC, waxaana lagu waramayaa in qaraxa gaari uu haleelay. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmeen labo ruux. Waxaa kale oo qaraxa ku dhaawacmay shaqaale ka shaqeynayay maqaayad u dhow halka uu qaraxa ka dhacay, sida dadka goobjoogayaasha ah ay sheegeen. Faahfaahino kale oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu haleeyay gaari ay leedahay Jaamacadda SIMAD, waxaana ku dhaawacmay darawalkii gaariga iyo ruux kale oo la socday. Masuuliyiinta maamulka SIMAD ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan waxyeelada soo gaartay gaariga shaqaalahooda la socda. La soco waxii kusoo kordhaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Wellington (Caasimada Online) – Shabakadda Wararka Pakistan ee thenews.com.pk ayaa qortay in ra’isul wasaaraha dalkaasi, Jacinda Ardern ay wada-hadal la yeelatay nin dhallinyaro muslim ah, kaasi oo ku casuumay inay ku soo biirto ama qaadato Islaamka. Wada-hadalka dhex maray Ra’isul wasaaraha iyo ninka dhallinyarada Muslimka ah waxay dhaliyeen su’aalo xasaasi ah, haddii ay doonayso inay qaadato Islaamka. Inkastoo ay hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalka New Zealand taageero u muujiyeen mujtamaca muslimiinta, kadib, markii weerarkii Argagixisadda ee lagu qaaday Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch. Balse, Ra’isul-wasaare Jacinda Ardern waxay toogashadaasi kadib ku guuleystay ammaan ay ka heshay dhamaan Caalamka. Durbadii uu dhacay weerarkaasi kadib, waxay booqatay Masjidka, waxayna la kulantay qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen toogashadaasi. Waxaa si buuxda caalamka uu ugu ammaanay, iyadoo xiratay Xijaabka markii ay la kulmaysay qoysaska Shahiidiinta. Wada-xaajoodka dhex maray Ninka dhallinyarada Muslimka ah iyo Ra’isul wasaaraha waxa uu soo-jiidasho noqday, markii uu Ninka dhallinyarada ku casuumay inay qaadato Islaamka. Ra’isul wasaaraha si taxadar leh ayey u dhegeysatay, waxayna casuumaadiisa inay soo gasho Islaamka kaga jawaabtay dhoola-caddayn. Waxa uu Ninkii Muslimka ahaa yiri “Xaqiiqdii waxa halkan i keenay waa adiga. Waxaan oynayey maalin kasta saddexdii maalmood ee ugu dambaysay. Waxaan samaynayey hal duco oo ka timid Alle iyo inaan iraahdo waxaan doonayaa inay hoggaamiyayaasha kale awoodaan inay eegaan aqoontooda hoggaamineed. Hal rabitaan ayaa ah inaan rajeynayo inaan hal maalin soo geli doontid Islaamka, waxaana rajeynayaan inaan ku wada kulanno Janada”. Ra’isul wasaaraha New Zealand waxay iyadana ku jawaabtay: “Islaamka waxa uu ku barayaa aadanimadda, waxaana u malaynaa inaan anigu haysto taasi”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Beri baa waxaa jiray nin Darawal ahaa oo Baabuur weyn Oo uu in badan xoogsanaayey oo uu lahaa, oo wadaddii uu mari jiray meel fig ama dalacad ahayd, kolka uu figtaa marayo ayuu ninkaa Darawalka ahi ooyi jiray. Berigii danbe ayaa kirishbooygii ka bartay gaadhiga sida loo kaxeeyo, hadda waa Kirishboygii sanadaha la socday oo uu isagii gaadhigii la wareegay Oo darawal isna ka noqday. Kolkuu baabuurkii kaxeeyey kirishbooygii ayaa figtii darawlkii baray ee uu ku ooyi jiray ayuu isna kolka uu marayo ayeey bahal oohin ah oo tii darawalkii hore ka badani ka timid isna Kirishbooygii imika Darawalnimadda la wareegay. Dadkii baa Ilaahay yaab u keenay. Kuwii shidhka saarnaa ee la socday ayaa weydiiyey iyagoo ku leh ” waar maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu yidhi: ” Ninkii bahalka i baray( Darawlkii hore) ayaa halkaa kolkuu marayo ooyi jiray.” Dadkii mid ka mid ahaa oo ragga yaqaaanay ayaa yidhi; ” Waar hebeloow Darawalkii hore da’ baa heshay Oo wuu itaal gabaye, adigu sowdigii noo faani jiray maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu intuu yara qoslay yidhi; ” Oo Ma run baad Iga moodeen, sidii uun baan kolkaan dalacadaasi marayo oohini i qabanaysaa, amar Ilaahay!!” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Qaran News
  16. Muuse Biixi Xukuumadiisa Ayuu Ku Kala Qaybiyay Intii Awalba Somaliland-nimada Ku Wada Socotay. Inta uu dhab u kala qaybiyey oo xukuumad dhinac ka raran u dhisay ayuu haddana Somaliland mid ah ku dhololayaa! Hadda waa markuu qolana si toos ah ugu sedburiyey weliba xigto ahaan, qolana si dadban uga fogeeyey awooddii talo-goyneed ee waddanka dhinac kasta. Meeday midnimada uu ka hadlayaa. Meeday kalsoonidii bulshada dhexdeedu? Meeday kalsoonidii lagu qabi lahaa dawladnimadu? Ma dadka caqliyadooda ayuu caayayaa? Mise waxa uu dadkiiba ka soo qaaday inta yar ee u badan xigaalka iyo xididnimada ugu xubeeraysa ee xilalka iyo xoolaha u xidhan? “Heshiiskii uu saxeexay madaxweynihii hore ee isla Kulmiye ahaa ayaa fulintiisa yeelanaya” Prof Cali Khaliif Galaydh inuu maanta Hargeysa kaga dhex calaacalaa saw wax weyn iftiimin mayso? Hadda waa heshiiskii ka dhashay wada hadalladii muhiimka u ahaa Somaliland mid ah ee tacabka badani galay ee maamulka Somaliland iyo Khaatumo. Cali Khaliif waa uu og yahay oo garanayaa cidda fulinteeda lahayd ama leh, dhabarkaa se loo jeediyey, haddana midnimo bulsheed ayaa uunsiga loo shidayaa! Kaaf iyo kala dheeri saw na aha? Waa ka hadal-tiro waxaas oo tororog ahi iyo afka baarkiisa. Hore ayaynu u nidhi ninka in midaysnayd kala qaybiyaa isuma keeni karo in kala duwanayd. Marka laga yimaaddo ee meel la iska dhigo xanaftii doorashada, Muuse Biixi Cabdi waxa uu qof ahaan ku kala qaybiyey xukuumaddii uu soo dhisay intii awel horeba Somalilandnimada ku wada socotey, intii hore u diiddabaydna maxaa laga fili karaa? Kab ninka aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, saw ma ahayn? Ninka intii is oggolayd ee gogosha ku wada fadhidey ku kala kiciyey ma ka sugi karnaa in uu in kala duwanayd gogol loo gudboon yahay ku wada fadhiisiyo? Calaacal timo ka soo baxeen, saw ma aha? Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma kama taggana khudbaddiisu iyo indhosarcaadin aan nuxur badani ka hoosayn, waayo wixii kaleba waa hal bacaad lagu lisay haddii aanay bulshadu wada lahaansho dawladeed oo ay ku qanacsan tahay inteeda badani aanu jirin oo kii mindida daabkeeda hayeyna qurub qurub u jarjarayo, una kala qaybiyey. “Gudboonaantu way daalisaa ruuxi meel guran!” Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) ― Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore usoo bandhigtay qorshe looga jawaabayo cabashooyinka dadweynaha, qorshahan oo ahaa sanduuqyo loogu talagalay inay cabashadooda ku soo gudbiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir loogana jaawaabi doono cid walbo. Qorshahan Sanduuqa Cabashada ayaa waxa la daah-furay 14-kii bishii November ee sanadkii 2017-ka, taasi oo la sheegay in Todobaad kasta warbaahinta loo soo bandhigi doono Cabashada dadweynuhu kusoo ridaan sanduuqyadaas. Sanduuqyadan ayaa waxaa la dhigay Gobolka Banaadir, jaamacadda ummadda, taliska ciidanka maxkamadda, iyo meelo kale oo loo arkayey inay muuhiim yihiin. Haddaba su’aasha ay isweydiinayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ah xagee ayuu ku dambeeyey Sanduuqii Cabashada Dadweynuhu? Maxaase lo soo bandhigi waayey cabashooyinkii lagu ridey Sanduuqyadaas?. Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay khaati ka taaganyihiin barnaamijyada iyo qorshayaasha iidhehda ah ee markasta xukuumada Soomaaliya usoo bandhigto, iyadoo geesta kalena ku fashilantay amniga caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Umadaha dunida saaran ee kala duwan midab, diin iyo dhaqan ahaan intaba, waxaa mid kastaa gaarkiisa u heysata mushkilad aan marnaba ula mid ahayn mushaakilka kale ee nolosha kasoo foodsaara. Hadba wixii ay la nool yihiin ayaa inta ugu badan uu afkooda soo xadaa marka la xaal wareysto. Soomaalidu asal ahaan waxay dhaqan u leedahay inay isku bariidiso ‘nabad ma jiraa?’. Dabcanna jawaabta aan is-beddelka lahayn oo ay hadiyo jeer ku celceliyaan waxay tahay ‘xaalku waa Bariga Dhexe’ oo ay ula jeedaan mana sugnaan iyo kob lagu saleyn karo. Saha nolosha geeddi-socodkeennu soo maray wali la isma weydiinin haddii sida aan Bariga Dhexe uga dhigano tusaale ay dunida kalana ay nooga dhigtaan. Dhawaan waxaa qaamuuska Merriam Webster uu si rasmi ah loogu daray ereyga ‘Somalization’ oo micno ahaan loola jeedi karo ‘wax yeeshay muuqaal, ama dabeecad ama dhaqan lagu yaqaan Soomaalida yeeshay’ – iyada oo isla markaana ereyga laga eegayo dhinaca taban ama sirgaxan. Inta badan marka ay qaraxyadu dhacaan ama dagaal culus uu dhex maro dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, waxaa aalaaba loo fishaa inay ahayd mid waligeedba soo jirtay oo aan laga baaqsan Karin dhicitaankeeda. Hayeeshe, xaqiiqadu mararka qaar uma soo if baxdo sida loogu baahan yahay isla jeerkaas. Haddana, waxaa jirta in qarax walba oo dhaca – kasokow xubnaha qoysaskeenna ee ku baxaya ama ku dhaawacma dhacdooyinka – haddana, marwalba aan la moogaan Karin in muuqaal aan la jecleysanin ay naga gudbinayaan dad ahaan ku nool dal ay dunidu ku sifeyso dagaalladu googooyeen. Dowladihii KMG ahaa iyo middii dhaweyd si gaar ah ee MD Xasan waxay laheyd lix tiirar oo aas-aas u ahaa wax-qabadkeeda. Amniguna wuxuu u lahaa mudnaan sarreysa. Laakiin waxaa hadiyo jeer kala duwan mudnaanta shey loo muujiyo iyo maal-gelin dhab ah oo lagu jaado hir-gelintiisa. Waxaa muuqata in dowladda maanta ay sida kuwii hore ay si xeeldheer uga hadasho wax ka qabashada amniga, haddana aanay ku bixin ka go’naanshihii dhabta ahaa ee lagula dagaalami lahaa falalka liddiga ku ah nabad-galyada. Maalin walba oo qarax hor leh iyo weerraro kala duwan oo amnigeenna gudaha wax u dhimaya ay dhacaan, waxaa sidoo kale lumaysa sumcadda iyo sharafka aan ku leennahay caalamka. Waxayna shucuubta dunida saaran ay tusaale nool ka dhigan doonaan marka ay rabaan inay sifeeyaan waxa la yiraahdo qalalaaso iyo fowdo – iyaga oo adeegsanaya ereyga ‘somalization’. Eed badan kuma lahan mas’uulka maanta haya talada dalka inuu sidii loo baahnaa uga soo baxo sugidda amniga qarank, haddana waxaa lama huraan ah inay habeen iyo dharaarba lagu raad-joogo asbaabaha sii xoojinaya amniga lagana bixiyo fal-celin maaddi ah. Waana hubsashada in bixinta mushaharka ciidamada loo dhammeystiro askariga baqoolka cadceedda uga wirwiraya sugidda amniga qaranka. Markaas ayaa la heli karaa in – innaga oo midaysan – aan wadajir uga soo horjeedsano sumadda qaldan ee nalagu gaar yeelay. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa waxay aaminsantahay in xidhiidhkan cusub ee u bilowday Somaliland & Eritrea uu saameyn taban ku yeelan karin xidhiidhkii hore kala dhexeeyay Dowladda Jabuuti. Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey qoraal uu kaga hadlayo saamaynta uu ku yeelan karo xidhiidhkan cusub ee Eritera, xidhiidhkii hore ay ulahaayeen wadanka ay jaarka yihiin ee Jabuuti. “Xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Somaliand iyo Eritrea waa qayb ka mid ah isdhex-galka dhaqaale ee ka socda gobolka, waana mid lagu aas-aasay danaha ay wadaagaan labada dal.” “Xidhiidhka aanu la yeelanay Eritrea ma badali doono ama saamayn taban kuma yeelanayo xidhiidhka taariikhiga iyo walaaltinimada ah ee u dhaxeeya somaliland iyo Djibouti.” ayuu ku yidhi qoraalka uu ku qoray bartiisa Twitterka Liibaan Yuusuf. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Jaaliayada Puntland ee Waqooyiga Denmark oo xaruntoofu tahay Magaalda Aarhus oo Caasimada labaad ee Dalkaas ah ayaa Lacag ugu tabarucay fhismaha wadada Wadaagsin ee Gobolka [...] Source
  21. Washington DC (Caasimada Online) – Natiijada baaritaankii uu Robert Mueller ku sameeyey faro-gelintii Ruushka ee doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa lagu dhawaaqay, waxayna noqotay natiijo farxad u ah madaxweyne Donald Trump. Robert Mueller ayaa shaaca ka qaaday inuusan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in madaxweynaha ama qof ka mid ah kaaliyayaashiisa ay Ruushka kala shaqeeyeen faro-gelinta dooraashada. Warbixinta Mueller oo goor-dhow uu shaaciyey xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Mueller aysan caddeymo ku filan u helin in madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey caddaaladda, hase yeeshee sidoo kale aysan sheegi karin in madaxweynaha uusan dambi gelin. “Inkasta oo warbixinta aysan go’aamin in madaxweynaha uu dambi galay, sidoo kale kama aysan masaxin” ayuu yiri Barr oo soo xiganaya Mueller. Go’aan ka gaarista in madaxweynaha uu cadaaladda is-hortaag ku sameeyey iyo in kale ayaa waxaa Mueller uu dhaafay xeer-ilaaliyaha guud, kaasi oo sheegay inaysan jirin caddeymo ku filan oo madaxweynaha loogu eedeyn karo cadaalad is-hortaag. Barr ayaa congress-ka u gudbiyey nuxurka warbixinta, hase yeeshee xubnaha dimoqraadiga ayaa dalbanaya in lasii daayo warbixinta oo dhameystiran, waxayna sheegeen inaysan ka hari doonin illaa la isla gaaro maxkamadda sare. Natiijadan ayaa waxaa si aad ah usoo dhoweeyey taageerayaasha Trump iyo xubnaha xisbiga Jamhuuriga, waxayna niyadjab ku tahay xubnaha dimoqraadiga oo laba sano ku doodayey in Trump uu xiriir hoose la lahaa Ruushka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24032019.mp3 View the full article
  23. Bishii April 2003 ayaa laggu dhawaaqay natiijaddii doorashadii ugu horaysay ee Madaxtooyadda Somaliland, natiijadaas oo aad loo sugayay, waxaana codad aan badnayn ku guulaystay Xisbigii Udub iyo musharixiintii ka socday . Doorashadaas oo ahayd mid aad u xamaasad badan , meelaha loolanka ugu adagi ka dhacay waxaa ka mid ahaa Gobolka Togdheer , gobolkaas oo ahaa Gobolka uu kasoo jeeday Musharixii Xisbigga kulmiye , hassa yeeshee codadkii uu filayay waxaa xagal daaciyey codod fara badan oo uu xisbigii udub ka heley isla gobolkaas . Natiijadii markii laggu dhawaaqay , Xildhibaan la odhan jirey Maxamed Warsame Jiir oo baarlamaanka ka tirsan ayaa wuxuu baabuur Landcruiser ah oo uu lahaa xagga horre kagga xidhay Hangool u eeg astaanta xisbiga Udub , siyaasiyiinta reer Burcana waxay baabuurta ku qoran jireen Keligii Udub . Aduunyo waa iska war iyo sheeg sheege , maalmahaas oo xisbiga Kulmiye natiijadii diiday , waxaa af-hayeeno madaalayaala u noqday Xisbiga Udub siyaasiyiin kasoo jeeda Galbeedka Burco oo ay ugu horeeyeen , Ambasaddor Cawil Cali Ducaale , Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo Siciid Sulub , kuwaasoo mudda dheer sutidda u hayay Xisbiga kulmiye ee doorashadda lagaga guulaystay . Aduunyaddu waa hadhka labadiisa geline , Xisbiga Waddani waxaa isna codadkii uu ka filayay Goboladda Togdheer iyo Sanaag , sidii waagii 2003 la degey codadkii Xisbiga Kulmiye ka heley Bariga togdheer iyo Galbeedka Sanaag , sidii waagaasna waxaa safka horre si fiican kubadda uga ciyaaray siyaasiyiin ay ka mid yihiin , Maxamuud Xaashi , Cali Mareexaan iyo Xasan Gaafaadhi , sidaa markay tahay xisaabtu waa cadba cad u tuur , Maahmaahiihii Bulaale kuwii Maxamuud Xaashi u tuur , Laandheere nimadii Siciid Sulubna is qaadqaadkii Cali mareexaan u tuur , ereyadii Cawila kuwii gaafaadhi u tuur , Xisaabtana halkaas kusoo xidh . Haatan iyo dan . Xisbiga Waddani iyo Beesha West Burco Clan waxaa la gudboon , in ay Xisbiga dib u dhiskiisa usoo jeestaan , khuurada iyo dhalanteedkana iska dhaafaan , tallo ahaana waxaan kusoo jeedinayaa . 1- In doorashooyinka soo socda si rasmiya loogu diyaar garoobo , wixii tagay tiigsimaadkoona la iska ilaabo . 2- Gudoomiyaha Xisbigga , halagu baayac tamo , musharaxnimaduna ha inoo soo hadho . 3- Beelaha Awdal Clan , Arab , East Burco Clan , Harti iyo West Burco Clan , nin garbood ka kooban oo miidha safka horre halaga ciyaarsiiyo . 4- Siyaasadeenuna ha noqoto baqaha barri ka row , maxaa yeelay , East Burco Clan iyo West Burco Clan , Cigaal ayaa sidda kubadda ugu dhaga dhagaystay , oo marna East Burco Clan adeegsaday marna West Burco Clan adeegsaday , intii ka danbaysayna , marna Riyaale ayaa ina adeegsaday , marna Muuse . sidaa awgeed waa in ciyaartaa gacmo daaliska ah lasoo afjaraa, Habar jeclana aynaan isku sii mashquulsanaan waayo waynu isla habsaanay . W/Q: Axmed Nuur Guruje. Source
  24. May ahayn wax lala yaabo codsigii ay Itoobiya hordhigtay madaxweynihii Faransiiska ee ahaa in loo tababaro ciidan badda iyo hadalkii dhawaan uu jeediyey taliye ku xigeenka ciidanka difaaca Itoobiya oo ahaa in dalka Itoobiya yahay wadan weyn islamarkaana leh ciidamada ugu xooga badan Afrika, sidaas darteedna Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu keeney qorshe lagu dhiso ciidamada Badda dalkaan. ” Anagoo og in dalka Itoobiya aanu laheyn Badd, laakiin waxaan aad ugu dhownahay baddda Cas iyo Badweynta Hindiya. Hadda waxaan markhaati ka nahay in dalal badan muujinayaan rabitaankooda inay ciidamo badeed ka dhisaan Somalia sida Jabuuti, Eritrea iyo Puntland, marka anaga maxaa diidaya anagoo 60KM u jirna badaha Soomaaliya.” Janaraal Burhanu wuxuu ugu dambayantii sheegay. “Hogaanka Raysalwasaare Abiya Axmed waxa uu leeyahay aragti fog oo ah in la dhiso ciidamo badeed oo xoog badan kuwasoo ku hubeysan qalabka casriga ah.” Hasayeeshee damaca badd-doonka Itoobiya wuxuu sii xoogaystay markii uu maamuulkii Tigreegu ogolaaday in dalka Erateraya noqdo dal ka madaxbannaan Itoobiya inteed kale sannadkii 1993. Boqorradii Tigree ee Itoobiya xukumi jiray waxa ugu dambeeyey Boqor Teodoros oo sannadkii 1863-kii is-diley, waxaa xilkii kala wareegay Boqor Yohannes 4-aad oo dhintay sannadkii 1889. Geeridii Yohannes waxa ay soo afjartay boqortooyadii guunka ahayd ee (Axum Empire) ee soo taxnayd illaa qarnigii Caamul-fiil, wixii wakhtigaasi ka dambeeyey waxa la wareegay Boqor Mililik oo Axmaaro ahaa. Haddii aynu dib ugu noqono qoraalkeennii hore, waa taariikh soo jireen ah damaca ay Itoobiya ku doonayso dhul iyo xeeb ay Soomaalidu leedahay, marka la isku geeyo hadalkaa sare ee taliyaha iyo hadalkii ay hore u tidhi Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ee Afrika Janday Frazer oo ahayd habar aaminsan diinta Restafeeriyaanka iyo inuu shaydaan Bob Marley yahay nebi madow ayaa tidhi” in Itoobiya oo boqol Miylan ahi ay badd la’aan noqoto, xeebihii Geeska Afrikana ay dadyow tiro yari haystaan macquul maaha”. Wixii ka dambeeyey sannadkii 1869-kii ee la furay biyo-mareenka ” Suweys Kanal” waxa sii kordhay mihiimadda ay xeebaha Soomaalidu leeyihiin. Waxa taasi iyana dhinac socotay damaca Itoobiya ee helitaanka dhul iyo bad ay Soomaali leedahay. Markii ay reer Yurub qabsadeen Afrika ee ay Boqortooyadii Itoobiya ku hungowday in qaybsiga laga talogeliyo ayuu Boqor Mililik u qoray reer Yurub waraaq caan ahayd oo ku leeyahay ” haddii Yurub ay qaybsatay afrika aniguna noqon mayno daawade, gacmaha ka laabta”.Hanjabadaasi wuu kaga dhabeeyey waa kii qacdii horeba qabsaday Harar illaa Iimey oo Soomaalidu lahayd. Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhammaantood waxa ay ka sinaayeen in Soomaalidu ay ahaayeen kuwa ka tirsan Boqortooyadooda oo aanay weligood maamul yeelan. Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay. Wakhtigan aynu joognana Raysal wasaaraha cusub ee Abiya Axmed wuxuu wataa hinse qaab is-dhexgal ah ay Itoobiya si nabadgeliyo ah ay Soomaalida u liqdo. Hindisihiisa waxa saldhig u ah kelma af-gobaadsi ah ” waa in la iska iloobo colaadihii hore uga dhexayn jiray Itoobiyaanka iyo Soomaalida”. Waana siyaasaddii boqorrada oo qaab qabow loo dhigay. Markii uu ka soo laabtay safarkiisii koowaad ee Muqdisho ku tago wuxuu yidhi ” In labada ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku noqonayaan hal dal oo leh hal madaxweyne. Wuxuu sheegay in xeebtaa dheere ee Soomaaliya aanu hal marab taagnayn”. Isna waynu eegi waxa ay taariikhda Itoobiya ku xusto. Damaca dal-doonista Boqorrada Itoobiya wuu sii kala darnaa, oo qaarkood way diidanaayeen gebi ahaanba jiritaanka dhulka Soomaalida geeska afrika. Bal hadda hadalkan dhugo “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”? Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters. And there is not a Muslim country, as everyone knows”. Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’. Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”. Tan iyo xilligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad ballaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source