-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lagu xiray gaari oo maanta ka dhacay waddada Maka Al- Mukarama ee M/Muqdisho. Gaariga qarxay oo ku baakinaa agagaarka isgoyska Shaqaalaha ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa taliyaha qeybta baarista dambiyada ee CID-da. Ma jiro wax khasaare ah oo uu geystay qaraxan, marka laga reebo burbur xoogan oo soo gaaray gaariga oo ahaa Saruf . Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Qaraxani ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis dhanka Militariga ah gaar ahaana taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku joogay dalka Itoobiya. Safarka Madaxweynaha Faransiisku ku galaa-bixiyay dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu macneeyay mid uu ku xoojinayo kaalintiisa Bariga Afrika iyo xidhiidhkiisa dhaqaale, islamarkaana kaga qayb qaadanayo dadaallada reer Galbeedku iskaga caabiyayaan waddanka Shiinaha oo saamayn badan ku yeeshay Afrika. Madaxweyne Macron ayaa Jabuuti ka sheegay in aanay doonayn in bahwadaagtooda xorriyadda lagaga qaado maalgashi hadalkaas oo uu ku durayay Shiinaha. Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in uu si weyn u danaynayo Itoobiya tan iyo intii furfurnaanta siyaasadeed ka curatay waxaanu saxeexay heshiis uu Itoobiya kaga taageerayo abuurista ciidanka Badda oo ra’isal wasaare Abiy Axmed xoog saarayo sidii loo hirgelin lahaa. Madaxweyne Macron ayaa heshiis muhiim ah ku tilmaamay iskaashiga Militari ee Addis Ababa iyo Paris “Heshiiskan iskaashiga Militari oo aan hore noociisa loo gaadhin wuxuu abuuraya qaab wada shaqayneed, gaar ahaana wuxuu albaabada u furaya habka Faransiisku u caawinayo aasaasidda ciidanka Badda ee Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Macron oo ay shir jaraa’id Addis Ababa ku wada qabteen Dr Abiy Axmed. Sida ay ku warrantay warbaahinta VOA waxa kale oo heshiiska ka mid ah iskaashi dhanka ciidamada cirka ah, hawlgallo wada jir ah, fursado dhanka tababarka iyo ka iibinta saanadda ciidamada. Idaacadda Dunida la hadasha ee Faransiiska(RFI) ayaa faallo ka qortay taageerada Faransiiska ee dhismaha ciidamada Itoobiya waxaanay sheegtay in ay Dr Abiy Axmed ka go’an tahay dhismaha ciidankan, islamarkaana guddi khubaro ah u saaray dhisamaha ciidanka Badda bishii January laakiin, ay lama huraan tahay in ciidankaasi ka hawlgalo dalalka deriska ah. Warbaahinta Faransiisku waxay sheegtay in dalka Ereteriya labada dekedood ee ay degi lahaayeen ciidanka Itoobiya ee Casab iyo Masawa mid tahay fadhiisinka ciidanka badda ee Ereteriya tan kalena ay tahay saldhigga Imaaraadku kala dagaallamo Xuutiyiinta Yemen. Waxa ay intaasi raacisay in dalalka la filayo in Saldhigga Militari ee Itoobiya noqon doona yihiin Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo hadal hayntooda ku aaddan in ay Saldhig siiyaan Itoobiya xooggan tahay. Dawladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda Badda kala dirtay sanadkii 1996 kadib markii dawladda Ereteriya xorriyadda qaadatay 1991, islamarkaana Itoobiya noqotay bilaa bad. Source
-
Kampala (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay miro dhalka natiijo kasoo baxda shirka “Africa Now” ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kampala. Mudane; Madaxweyne Farmaajo, oo qudbad ka jeediyay shalay Shirkaas ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kulanka, wuxuuna ku tilmaamay mid daaha ka rogaya Taariikhda iyo barwaaqada Afrika. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Wuxuu sheegay in hadda loo baahan yahay, hoggaan dar-dargeliya isbeddelka Bulsho iyo dhaqaale ee Afrika, sidoo kalen loo baahan yahay in la yeesho mustaqbal waxtar u leh Dhallinyarada iyo Haweenka Afrika, in la fahanno isla markaana laga hortago saamaynta is-beddelka cimilladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha iyo in xal heer degmo, heer Qaran iyo heer Caalami ah loo helo caqabadaha la wadaago , sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Madaxweynaha ayaa yiri,“Hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika is-dhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ka qaarad ahaan la gaari karo himmilooyinka qaaradda haddii la xoojiyo iskaashigeenna, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dedaal dhankeenna ka yimaadda. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la huro Khibraddeenna si loogu faa’iideysto khayraadka dabiiciga , wuxuuna intaa raaciyay inaan arrinta saboolnimada aan mar danbe loo adkaysan Karin maadaama uu caalamku isu soo dhawaanayo, Qaarad kastana ay innaga horumarayso. Wuxuu sheegay in ay cid kasta mas’uuliyad ka saaran tahay dib u habaynta, horumarinta, is-dhex galka iyo kobaca dhaqaalaha Afrika,wuxuuna tilmaamay in lasoo dhaafay xilligii Dowladda wax walba laga sugi lahaa, loona baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Ganacsiga iyo muwaaddiniintu ay si dhow u wada shaqeeyaan. “Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soo jireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Afrika ay fursad u haysato inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna , sida warshadaha, isu socodka alaabada iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggan nahay Beeraha iyo dhinacyada kale ee soo jireenka ah. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo alabaabada u xirnaa ayaa Xalay wuxuu Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ku dhex maray Axmed Madoobe, Fahad Yaasiin iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulanka oo ahaa mid aad u kulul ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa markii hore si gaar ah u bilaabay Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin, inkastoo markii dambe lagama maarmaan ay noqotay in lagu soo daro Xasan Cali Kheyre Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ugu horeynba shuruud adag uga dhigay inaysan faragelin ku sameyn doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan dhici doonto. Fahad iyo Kheyre ayaa dhawr jeer ka dalbaday Axmed Madoobe inuu doorashada ka dhigo mid fur furan oo madax banaan isla markaasna ay goob joog ka ahaato Dowladda Federaalka Soomaaliya balse Axmed oo ah nin aad u adag ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin damaciisa ku aadan inuu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo ee Jubbaland. labada dhinac ayaa isku raacay in Axmed Madoobe loo madax banaaneyno doorashada ka dhici doonto Jubbaland inkastoo ay mar kasta wax is badali karaan. Tan iyo markii ay dhacday Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed oo ay hareereysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey taas keentay inuu Axmed Madoobe xirto difaac adag oo uu ku doonayo inaysan doorashada Jubbaland noqon sida middii Koonfur Galbeed. Axmed Madoobe ayaa ah hoggaamiyaha ugu adag madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna isticmaalaa awood ciidan isagoo dhawr jeer garoonka Diyaaradaha kasoo celiyey qaarna ku xiray shakhsiyaad ay dowladda u magacowday xilal Ciidan. Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan u gashay doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxayna ku guuleysatay mid kamid ah oo ah Koonfur Galbeed halka midda kale looga adkaaday, waxayna hadda loolan adag ugu jirtaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd Jubbaland. Madaxda hadda hayo talada Soomaaliya ayaa doonayo inay mar labaad u tartamaan Doorashada Koonfur Galbeed waxayna fursad fiican u arkaan inay Maamulada Dalka madax uga dhigaan shakhsiyaad ku shaqeynayo fikradooda. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-14032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdirashiid Du’caale Qanbi, ayaa gaadhigiisi kula dhacay meel u dhow deegaanka Balli-mataan ee Koonfurta magaalada Hargeysa. Wariye Xasan Galaydh oo Wasiirka la xidhiidhay ayaa uu u sheegay in isaga iyo saddex qof oo kale oo gaadhiga la saarnaa ay badqabaan balse gaadhigii aad u burburay. Wasiirka ayaa ka yimi degmada Ood-weyne waxana uu ku sii jeeday Balli-gubadle. Halkan hoose ka DAAWO wasiirka ka hadlaya shilkaasi Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee aan ku qanacsaneyn siyaasadda ay dalka ku maamusho ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi. Cabdiraxmaan oo Bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa sheegay inuu Muuse Biixi walaac ka muujiyey inaysan dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u aheyn inay soo fadhiisato miiska wadahadalka. Wuxuu sheegay inay Somaliland wado dadaal ay ku dooneyso inay wadahadal kula yeelato dowladda Federaalka Soomaaliya si looga heshiiyo Khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey Maamulka Somaliland ee doonayo inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday inay shacabka Soomaaliya u sheegto xaqiiqda wadahadalka Soomaaliya iyo cidda ay wax ka socon la’yihiin. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in isku day kasta ee wadahadal uu dhinaca dawlada Federaalka ah ka socon waayey, haatana wadanka Ghana kulan loogu balansanyahay 19 ka bishan. Wuxuu shaki ka muujiyey in madaxda dawlada Federaalka ah ay kulankaa aqbali doonaan. Waxaan ka dalbanaynaa madaxda dawlada Federaalka ah in ay shacabka Soomaaliyeed si daahfurnaan leh ula wadaagaan halka uu marayo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaana ku baaqaynaa in aan wadahadalka mar kale dib loo dhigin oo kulanka Ghana ka dhacaya laga qaybgalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Argentina)Laacibkii hore ee kubadda cagta ee reer Argentina, Diego Maradona, ayaa qirtay in uu dhalay saddex carruur ah oo haysta dhalashada dalka Kuuba, sida uu sheegay qareenkiisa. Qirashadaasi ayaa ka dhigan in Maradona oo 58 sano jir ah oo haatan ka hor Koobka Adduunka u qaaday dalka Argentina, oo mar hore inkiray in uu dhalay caruur kale oo aan ahayn kuwa ay u dhashay xaaskiisii hore, uu haatan noqonayo aabbaha rasmiga ah ee siddeed carruur ah oo ku abtirsan doono magaciisa. Matias Morla oo ah qareenka Maradona ayaa sheegay in Maradona dhawaan uu u safri doono magaalada Havana ee dalka Kuuba, si baaritaan loogu sameeyo in carruurtaasi uu isaga dhalay iyo in kale, waxa uuna dhamaadka sanadkan shaacin doonaa in isagau uu yahay aabaha rasmiga ah ee carruurtaasi ku nool dalka Kuuba. Caruurtan oo sida la sheegay uu ka dhalay laba haween ah ayaa wixii haatan ka dambeeya waxa qaadan doonaan oo ay ku abtirsan doonaan magaciisa. Maradona ayaa dalkaasi Kuuba ku noolaa intii u dhaxaysay sanaddadii 2000 iyo 2005, halkaasi oo looga daweynayay maandooriyaha Kookeynta oo uu qabatimay. Muddadii uu halkaasi joogay waxa uu saaxiib la noqday madaxweyne Fidel Castro, waxaana uu lugta ku sawirtay muuqaalka madaxweyne Castro. Maradona Cayaaryahankani hore ee kubadda cagta ayaa haatan ah tababaraha kooxda Dorados de Sinaloa ee ka dhisan dalka Mexico. Maradona ayaa haatan ka hor beeniyay in uu dhalay carruur kale oo aan ka ahayn laba gabdhood oo lagu kala magacaabo Giannina iyo Dalma, kuwaasi oo ay u dhashay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Claudia Villafañe, taa oo uu furay saandkii 2003 ka dib ku dhawaad 20 oo ay siqabeen. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu haatan qirtay in uu isaga dhalay Diego Junior oo 32 jir ah iyo Jana oo 22 jir ah, ka dib dacwad dhex martay isaga iyo carruurtaasi hooyadood. Maradona ayaa sidoo kale ah aabaha Diego Fernando oo lix sano jir ah oo ay u dhashay haweeney lagu magacaabo Veronica Ojeda. Source
-
(SLT-Falastiin)-Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa cambaareeyey go’aanka Mareykanka ee ah in hadda kadib uusan Daanta Galbeed, Marinka Gaza, iyo Buuraha Golan Heights ugu yeeri doonin “Dhul la haysto” Nabil Abu Rudeineh ayaa tallabadan ugu yeeray “sii wadidda siyaasadda cadaawadda ku dhisan ee maamulka Trump uu ku wajahayo dadka Falastiiniyiinta, si aan waafaqsaneyn qaraarada QM” Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayuu ku sheegay in isbeddelkan uu qeyb ka yahay qorshaha madaxweyne Donald Trump uu ku “baabi’inayo” qadiyadda Falastiiniyiinta. Trump ayaa la filayaa in bilaha soo socda uu shaaca ka qaado qorshihiisa nabadda ee Israel iyo Falastiin, inkasta oo hoggaanka Falastiiniyiinta ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Washington, kadib markii Trump uu 2017-kii magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel. Falasiiniyiinta ayaa rumeysan in qorshaha Trump ee soo socda uu u xaglin doono Israel. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa arrintan ugu yeertay isbeddel xagga erey bixinta oo kaliya, balse aysan ahayn isbeddel siyaasadeed. Israel ayaa Golan Heights, Daanta Galbeed, Bariga Jerusalem iyo Marinka Gaza ku qabsatay Dagaalkii Lixda Malamood ee sanaddii 1967-kii. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa uu wajihi doonaa halis dhaqaale oo xooggan, oo sababi karta in ciidamada badan ay ka baxaan Soomaaliya, kadib go’aan kasoo baxay maamulka madaxweyne Trump ee dalka Mareykanka. Trump oo ku dhowaaqay miisaaniyadda dowladdiisa ee sanadda 2020, ayaa waxaa ku jiri dhimis xooggan oo lagu sameynayo lacagta Mareykanka uu ku caawiyo howl-galka Amisom ee Soomaaliya. Qorshaha Trump ayaa ah inuu dhimso 65% lacagta Mareykanka uu ku bixiyo Amisom. Lacagtaas oo iminka ah sanadii 254 milyan oo dollar, ayaa waxaa laga soo reebi doonaa kaliya 90 milyan oo dollar. Qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in sanadaha xiga la joojiyo lacagtaas gebigeed. Go’aanka Trump ayaa xaaladda kusii xumeyn doonta Amisom, oo markii horeba wajahaysay dhimis 20% oo ka timid Midowga Yurub. Dhowaan ayaa waxaa taagnaa muran xooggan oo u dhaxeeyay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika, oo ku saabsan in la yareeyo ciidamada. Burundi, oo ciidamo kun askari ah laga dhimay iyo sidoo kale Uganada oo wajahaysa ayaa aad uga hor yimid, kuna hanjabay inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya. Ururka Midowga Afrika oo inta badan ku tiirsan dhaqaalaha Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa qasab ku ah inuu ciidamada dhimo ama ka yareeyo mushaharka marka ay lacagta yaraato. Ciidamada Amisom oo markii ay imanayeen Soomaaliya qaadan jiray bishii 1500 oo dollar askarigiiba, ayaa hadda sidii lacagta looga jarayey qaata 825 dollar. Haddii sanadka xiga lacagta Mareykanka ay 65% hoos u dhacdo, waxaa qasab noqon doonto in kumanaan askari oo kale oo Amisom ah dalka laga saaro. Dalalka Yurub iyo Mareykanka ayaa toban sano kadib garwaaqsaday in Amisom aysan waxba kusoo kordhin Soomaaliya, waxayna ka fakarayaan qorshooyin kale oo ay Soomaaliya ku caawin karaan. Source
-
Kooxaha kubaada cagta Muqdisho City iyo Gadiidka ayaa wada dheelaya kulamadii 5aad horyaalka Somalia Premier Leagaue 2018-2019. Qeybta 1aad labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse xidigaha Mogadishu City Club ayaa dhaliyay labo gool waxaana u ansixiyay xidigaha kala ah Ciise Cabdiqaadir iyo Qeys Cabdulle Macalin. Markii leysku soo laabtay qeybta labaad labada koox ayaa sameeyay fursado badan oo goolal ah,balse kooxda Gadiidka ayaa heshay gool waxaana u dhaliyay ciyaaryaha Yaxye Ibraahim oo qadka dhexe ka ciyaara. “Waxaan waqti ku bixinaynaa in aan boos wanaagsan kaga dhamaysano horyaalka 2018-2019 tani waa qeyn ka mid ah kubbadda cagta,yoolkeena waa in aan soo bandhignaa ciyaar ku dheehan farsamo”waxaa Goobjoog Sports u sheegay Xuseen Yuusuf Dabaaso oo ka mid ah kooxda Gadiidka. “Waxaan ku sii dhawaanaynaa kaalamaha sare ee horyaalka iminka wax walbo waa ay is badaleen anaguna waan ku qanac sanahay guushan”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Xuseen Balangu oo layliyaha kooxda Muqdisho City Club. Kulanka waxaa garsoore ka ahaa Maxamed Nuur Mixidiin,Calanhayaha 1aad waxa uu ahaa Nuur Cabdi Maxamed,halka calanhayaha 2aad uu ahaa Liibaan Xiirey. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Kooxaha Muqdisho City Club Iyo Gaadiidka Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa isu diyaarinaya in mar kale dib u furmaan wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee hakadka ku jiray labadii sano ee la soo dhaafay. Dowladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday arrintaas,waxaana ay dowladda Turkiga isku dayday in ay marti geliso shirkaas. Maadxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shirkii Xisbigiisa Kulmiye ee lagu qabtay Boorama ka sheegay in Somaliland aysan oggoleyn Turkiga sidoo kalena muhiim tahay in dalal kale lagu soo daro. Dowladd Turkiga ayaa dhexdhexaadinta ku soo dartay dalalka Sweden,UK iyo Mareykanka,waxaana la isku afgartay in shirkaasi uu ka dhoco dalka Ghana. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in shirkaasi uu 19ka Bishan ka furmayo Dalka Ghana,waxaase uu rajo xumo ka muujiyay in dowladda Federaalka ah aqbasho iyo in kale. Muuse ayaa sheegay in dhowr jeer beesha Caalamka dhexdhexaadin isku dayday laakiin dhinaca dowladda Federaalka ah ay ka socon weysay. Waxaa kale oo uu sheegay in Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu soo jeediyay in wadahadallada ka dhacaan Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika. Laakiin ay dowladda Soomaaliya diidday, sidoo kalena ceyrisay ergeygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub in Soomaaliya iyo Somaliland uu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Turkiga, iyadoo Safiirkii hore Olgan Bekir u soo magacawday inuu noqdo Ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somali National Army (SNA) and local forces backed by international partners killed 16 al-Shabab militants in an operation in the country’s southern region on Wednesday, officials said on Thursday. Abdi Nur Ibrahim, Jubaland spokesman for security told journalists that an offensive was carried out by SNA and Jubaland forces along with foreign partners in an area between Bar Sanguni and Jamame in Somalia’s southern Lower Juba region. Local residents said that the two warring sides exchanged huge gunfire. “Heavily armed forces attacked al-Shabab militants in the town, both engaged fierce fighting,” Dubad Ga’al, a resident told the media by phone. Meanwhile, on Wednesday afternoon, Kenya Defense Forces (KDF) operating under African Union Mission in Somalia (AMISOM) killed three al-Shabab militants and captured one in a gunfight in the Somali border town of Bura Hache. Paul Njuguna, KDF spokesman, said the incident took place at about 2 p.m. as soldiers patrolled the area in the northern region. Somali security forces backed by AMISOM ousted al-Shabab from the capital Mogadishu in August 2011, but the terror group is still in control of several areas in southern Somalia and capable of conducting attacks. View the full article
-
UN Secretary-General Antonio Guterres on Wednesday announced the appointment of Parfait Onanga-Anyanga of Gabon as his special envoy for the Horn of Africa. Onanga-Anyanga brings with him extensive experience with the United Nations, having served most recently as the secretary-general’s special representative for the Central African Republic and head of the UN peacekeeping mission in the country, said Guterres’ spokesman Stephane Dujarric. Onanga-Anyanga was educated in France and Gabon. Born in 1960, he is married with three children. Onanga-Anyanga served as the Coordinator of the United Nations Headquarters response to the Boko Haram Crisis. Prior to this, he was Head of the United Nations Office in Burundi (BNUB) and System-Wide Senior Coordinator on Burundi (2012-2014). From 2007 to 2012, he was the Director of the Office of the United Nations Deputy Secretary-General. Previously, Onanga-Anyanga was Special Adviser to the President of the sixtieth and sixty-first sessions of the United Nations General Assembly (2005-2007) as well as Chef de Cabinet to the President of the fifty-ninth session of the General Assembly (2004-2005). From 1998 to 2004, he held a variety of political and managerial positions at the Preparatory Commission of the Comprehensive Nuclear-Test-Ban Treaty Organization in Vienna and New York. Earlier in his career, he was acting Secretary of the United Nations Standing Advisory Committee for Security Questions in Central Africa and served as First Counsellor for Disarmament and Political Affairs at the Permanent Mission of Gabon to the United Nations in New York. Onanga-Anyanga holds a post-graduate degree in political science from Paris 1 Pantheon-Sorbonne University and a master’s degree in sociology from l’Université Omar Bongo in Libreville. Born in 1960, he is married with three children. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku sheegay in isaga oo garab ka helaya maamulka Puntland uu dagaal culus kusoo qaadi doono deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo xukuumada Somaaliland dhawaan geysay ciidamo badan. Kornayl Caarre ayaa waxa uu hoggaamiya jabhadd la dagaalanta Somaliland oo ku sugan magaalada Qardho. Korney Caarre ayaa sidoo kale markii ugu horreysay sheegay in uu dhawaan gacanta kusoo dhigay wasiirka gaashaandhiga Somaliland, hasa ahaate uu kusii daayay ehelnimo. Caarre ayaa horay uga tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Somaliland, hasa ahaate isaga goostay kuna dhawaaqay jabhad la magac baxday dib u xoreynta Somaliland. Dhageyso Codka Col. Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caarre) https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Col.-Caarre.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somali prime minister, Hassan Ali Khaire held meeting with Jubbaland state leader Ahmed Madobe in the southern port city of Kismayo on Wednesday night. The talks focused on ways to restore the cooperation between the Federal government and the Federal State that halted last year after regional leaders cut ties with Mogadishu. Sources revealed to Radio Shabelle that both sides agreed to bring an end to the standoff and resume the efforts to stabilize the country and move forward. The PM accompanied by a number of cabinet members and army officials are in Jubbaland state for the past two days on a mission to resolve the political stalemate. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax lagu xiray gaari ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, waddada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari Saruf ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu lahaa Taliyaha qeybta Dambi Baarista CID-da, Cumar Cabdi Cilmi, balse uusan geysan wax khasaaro ah. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo ku sugan isgoyska Shaqaalaha ayaa tegay Goobta kuwaas oo xaalada koontoroolaya, isla markaana Gaadiidka qaar wadada ka celinaya. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in qarax lagu xiray gaari uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, wadada makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in qaraxan lagu soo dhejiyey, lamana oga in halkaasi khasaare ka dhashay iyo in kale. Ciidamada ammaanka ayaa hadda waxa ay wadaan baaritaanka qaraxan, waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Huuley ee gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi a ahayd mid qorsheysan islamarkaana lagu dilay Labo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. AFRICOM ma aanay sheegin in xubnahan ay duqeynta ku dileen ahaayene saraakiil sar-sare oo Al-shabaab ah iyo in kale. Sidoo kale, AFRICOM waxa ay sheegtay in weerarkaasi aanay waxyeello kasoo gaarin dad shacab ah. Dowladda Maraykanka ayaa DFS ka caawisa howlgallada ka dhanka ah Xarakada A-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxaha kubbadda cagta Horseed iyo Dekedda ayaa leh kulanka ugu xiisaha badan todobaadkii lixaad horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019. Xidigaha Horseed kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Midnimo,Horseed waxa ay ku jirtaa kaalintaan 2-aad ee kala horeynta,iyagoo leh 11-dhibcood. Dekedda kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaatay xidigaha Elman Sports Clubwaxayna fadhiyaan booska 1-aad ee kala sareynta, iyagoo leh 13-dhibcood. Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor 20-October 2016-Maamulka Kooxda Dekedda ayaa shaqada ka joojiyay Macalin Cabdi Joon gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa badi isku raaceyn in Cabdijoon oo kooxda keenay kaalin wanaagsan,isagoo kalaamaha 4aad iyo 2-aad ku dhameysatay horyaalka Somali Premier League. 24-October 2016- War saxafadeeda kasoo baxay maamulka kooxda Dekedda ayaa lagu cadeeyay inYusuf Ali Nuur Yuuali loo magaaabay xilka macalinimo ee naadiga wuxuuna booskaa ka badlay Tababare Cabdi Joon. 14-April 2018-Macalin Cabdi Wali Maxamed (Cabdi Joon) ayaa dib ugu laabtay hogaaminta kooxda ciidan xooga dalka ee Horseed,isagoo horay u soo maamulay waxaana lagu xasuusta waqtigii uu joogay Horseed in uu soo saaray ciyaartooyda da’yar ah kuwaas kaalin wanaagsan ka qaatay tartamada maxliga ee gudaha. 30-December 2017-Tababare Cabdi Joon Baraxoow oo hogaaminaya kooxda Elman-Sports Club ayaa kooxdiisii hore Dekedda ka qaaday koobka Somali Super Cup 2017 maadaam kooxaha Dekedda iyo Elman ay sanadkaa kala hanteyn horyaalka iyo koobka Jeneraal Daa’uud. Hogaamiyaasha labada kooxda Yusuf Ali Nuur Yuuali iyo Cabdi Joon waxa ay ka mid yihiin tababarayaasha ugu wanaagsan gudaha,iyagoo u soo wada ciyaaray kooxda ugu guulaha kubbadda cgata dalka ee Elman-Sports Club. Daa Uud Tubaal,Abdi Aziiz Catoosh iyo Feysal Xaashi ayaa kooxda Dekedda kula guulaystay horyaalka Somali Premier League iyo koobka Somali Super Cup waxayna ka mid yihiin halboolayaasha safka kooxda waxayna Dekedda ku haystaan taageerayaal badan oo kala soo guurayLlpp Jeenyo. Maxamuud Cabdi Nuur iyo Xasan Cabdi Nuur ayaa iyagana ka mid ahaa safka kooxda Horseed iyagoo wajahay saaxiibadii ay waqtiga wanaagsan kusoo wada qaateyn kooxdoodii hore ee LLPP Jeenyo Football Club. #Cabdullahi Cali Bile ayaa ka hor tagaya kooxdiisa hore ee Dekedda,isagoo ka mid ahaa laaciibintii Dekedda la hantay horyaalka Somalia Premier League labadii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna iminka ka tir sanyahay kooxda Ciidanka xooga ee Horseed. Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 26/02/2018 Horseed 0:0Dekedda 21/04/2018 Dekedda 2:2 Horseed 21/02/2017 Dekedda 1:2 Horseed 11/01/2016 Dekedda 2:0Horseed 17/03/2016 Horseed 2:2Dekedda 05/01/2015 Horseed 0:1Dekedda 02/04/2015 Dekedda 4:0Horseed 17/07/2012 Horseed 2:1Dekedda 31/10/2012 Dekedda 2:2Horseed Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2018-2019 Kooxaha:-Horseed VS Dekedda Maalinta:-Khamiis Taariikhda:-14-03-2019 Saacada:-3:45pm Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°/26°C Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa diiday qorshe ay u gudbisay xukuumadda Uhurru Kenyatta kaasi oo la xiriira darbiga laga dhisayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya. Baarlamaanka ayaa diiday qorshahaasi, iyadoo xukuumada Kenya ay miiska saartay dhaqaalo gaaraya 3.5 Milyan oo lacagta Kenya ah, taasi oo loo qorsheeyay in dib loogu bilaabo dhismaha darbiga xuduuda labada dal. Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan taasi aqbaleynin, iyaga oo soo jeediyay in badalka lacagta darbigaasi lagu dhisayo lagu daro miisaaniyadda lagula dagaalamayo Al Shabaab, maadaama ay qatar weyn ku yihiin amaanka Kenya. Xukuumadda Kenya ayaa qorshaha dhismaha darbiga kala qeybinaya xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya joojisay bishii March ee sanadii 2018, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay socotay qorshaha dib u bilaabida dhismaha darbigaasi. Guddoomiyaha gobolka Maandheera ee Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbigaasi la joojiyay kadib markii ay kulmeen isaga iyo guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya. Kenya ayaa billowday dhismaha darbi kala qeybinaya Soomaaliya oo uu dhererkiisu yahay 700 km sanadkii 2013kii, iyadoo marar badan uu u joogsaday dhaqaalo xumo. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com