Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa bookhasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Masar. Ujeedka bookhashada ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho xidhiidhka Masar iyo Somaliland. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf ayaa u mahadceliyay dawladda Masar “Waxaanu si aad ah ugu mahadcelinayna dawladda iyo dadka Masar sida diirran ee ay noo soo dhaweeyeen,” Ayuu yidhi Mudane Liibaan oo qoraal socdaalkan ku saabsan ku baahiyay boggiisa Twitter-ka. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in uu kulan la qaatay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika qaabilsan, kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee amuuraha Afrika iyo masuul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas ku daray in ujeedka socdaalkoodu yahay dardar gelinta xidhiidhka Somaliland iyo Masar ee dhinacyada iskaashiga: Waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo ammaanka. sidoo kalena ay si weyn u falanqeeyeen doorka dawladda Masar ka ciyaarayso Geeska Afrika. Source
  2. Imtixaanka shahaadiga Puntland 2018 Garoowe Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa mar kale shaacisay in la beddelay, jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa lagu sheegay in mar kale la beddelay, jadwalkii imtixaanka shahaadiga ah, kadib markii cabashooyin la xiriira heer-kulka bisha May ay ka yimaadeen qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada Puntland ee ku yaalla gacanka Cadmeed. “Ka dib markii cabsho ugu timi madaxda dugsiyada ku yaal gacanka cadmeed ee puntland, cabshadaas oo ku saabsanayd heerkulka bisha Maay, Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ,waxay garowsadeen xaalada heerkul ee magaalooyinka ku yaal gacanka cadmeed kulan ayeesheen ka dib, waxay soo saareen go’aan ku saabsan xilliga la qaadaayo imtixaanka caamka ah ee Puntland” ayaa qoraalka lagu yiri. Jadwalka imtixaanka Shahaadiga ah, oo wasaaraddu hore u shaacisay in uu bilaabanayo 25 May uuna ku egyahay 30 May, ayaa hadda loo qorsheeyay in uu bilowdo 18 May, islamarkaana uu dhammaado 23 isla May 2019,taasi oo u dhigan in asbuuc laga jaray wakhtiga jadwalkii hore. “Xilliga imtixaan qaadistu: 18-23 May 2019, hadaba waxaa lagu warelinayaa hawlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee ka hawlgal dhammaan goobaha waxbarashada ee dawlada Puntlaan inay ku dhaqmaan go’aankaan sare ku xusan,iyagoo tixgelinayaa dhammaystirka Muqararka waxbarasho, qaadista imtixaannada naqliga ah iyo diyaarinta goobaha imtixaanka caamka lagu qaadayo” ayaa qoraalku raaciyay. Wasaaradda ayaa xustay in sannadkaan la adkeeyay imtixaanka maaddooyinka cilmiga Computer-ka iyo siyaasadda,si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqarrarkii loo dejiyay, waxaana macallimiinta iyo ardayda lagu amray in ay maaddooyinkaas xoojiyaan. “Maaddooyinka ICT iyo Government and Politics wax wayn ayaa laga bedelay imtixaankooda waana la xoojiyay si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqararkii la dejiyay. haddaba waxaa la farayaa aradayda iyo macallimiintaba in ay maadooyinkaas ula dhaqmaan sida maadooyinka kale”. Dowladda Puntland ayaa sannad walba imtixaan midaysan ka qaadda, ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare guud ahaan degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Wakhtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo la beddelay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Qaramada midoobay iyo ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabooyin wax ku ool ah ay ka qaadeen dhalinyarada ka Tahriibta qaar ka mid ah dalalka ku yaala geeska Afrika. IOM ayaa sheegtay in sannadkii tagay in ka badan 2,500 Tahriibayaal Itoobiyaan ah ka caawisay in ay dalkooda dib ugu soo celiso, iyadoo qaar ka mid Muhaajiriintaasi loo sameeyay barnaamijyo wacyo gelin ah. Qaar ka mid ah Muhaajiriinta dib loo soo celiyey ayaa helay adeegyo caafimaad oo lagu sameeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. QM iyo Midowga Yurub ayaa hoosta xariiqay in fursado ay u abuureen qaar ka mid ah dhalinyarada u Tahriibta dalalka ku yaalla qaaradda Yurub oo ay kala kulmaan dhibaatooyin badan. Inta badan Muhaajiriinta geeska Afrika ayaa ka soo jeeda dalalka Itoobiya,Sudan,Soomaaliya iyo Jabuuti oo la sheego in qaar badan oo ka mid ay waxyeelo ka soo gaarto safarka halista ah ee dhinaca badda. Ugu dambeyn Julia Hartlieb oo ka tirsan saraakiisha hay,adda Muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in u jeedka loo sameeyay barnaamijkaasi uu yahay badbaadinta nolosha dhalinyaro badan oo ka soo jeeda dalalka geeska Afrika. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Degmada Hodan ee Gobalka banaadir, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga qarxay uu yahay nooca ay Soomaalida u taqaano Sarufta. Gaariga qarxay ayaa socday waddada u dhow Km4, halka looga laabto isgoyska Taleex, waxaana qaraxa lagu xiray oo ahaa mid xoog leh uu dhaliyey inuu dab qabsado gaariga, isla markaana uu waxyeello gaarsiiyo dhowr gaari oo wadadda marayey oo uu ka mid yahay Gaari Caasi (Mini-Bus) oo aad ugu dhowaa gaariga qarxay. Dabka ayaa cirka isku shareeray iyadoo dadweynaha goobta ka dhowaa ay u gurmadeen dadkii gawaarida ku xayirantay, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah. Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa darawalkii waday inuu ku dhintay, waxaa kale oo dad shacab ay ku dhinteen gaari Homy ah oo wadada maraayay. Saraakiil ka tirsan Hay,addaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay qaraxa dhacay inay ku dhinteen afar ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan dadkii watay gaariga qarxay. Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa sida la xaqiijiyey darawalkii waday gaariga Homy-da ah iyo qaar ka tirsan shacabkii gaariga saarnaa. Gaariga qarxay ayaa waxaa waday Wiil dhallinyaro ah oo ku dhintay Qaraxa, waxaana sidoo kale la saarnaa nin awoowe u ahaa oo la sheegay inuu dhaawacmay.
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta kulan albaabadu u xidhnayeen Xafiiskiisa Kula Qaatay Siyaasiinta xilalka ka haya Somaliland ay isku beesha yihiin. Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, isagoo ka ladlayay kulan maanta aqalka baarlamaanka Somaliland ku dhex maray, guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, wasiirka gaashaandhigga Ciise Axmed Xawar, wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koorre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Garoowe (SMN)- Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa gaaray Magaalada Garoowe, waxaana magaaladaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin Katirsan Wasaaradda qorsheynta Puntland. Wasiir Jamaal oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garowe r ayaa sheegey in uu u tagey Garowe sidii ay dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka Soomaaliya uga wada shaqeyn lahaayeen arrimaha qorsheynta qaranka “. Mudada Kooban ee uu wasiirka sii joogi doono magalaada Garowe waxa uu kulamo Kala duwan la qaadan doonaa madaxda wasaarada qorsheynta Puntland iyagoo kawada arinsan doona Sida ugu haboon ee loo dardargalin karo arrimaha qorsheynta qaranka. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa xukuumadda Dhexe iyo maamul goboledyadda. View the full article
  7. Magaalada Doxa ee dalka Qatar waxaa ku kulmay ciyaartooydii hore Soomaaliya Xasan Cafif Yaxya (Faraska Cad) Bashir Fox Mohamed iyo safiirkii hore Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Kenya iminkana ah gudoomiyaha xisbiga isbaheysiga Somaliyeed Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) kana mid ah xubin ka tirsan xariirka ciyaaraha Golf-ka. Maalmihii lasoo dhaafay ciyaaryahankii hore xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed Xasan Cafiif Yaxya (Faraska Cad) waxa uu Magaalada Doxa kula kulmayay mas’uuliyeen iyo siyaasiyiin ka socota Soomaaliya,iyagoo dhambaal hambalyo iyo bogaadin gaarsiiinayay isaga iyo wiilkaasa Akram Cafiif ka dib markii uu wadanka Qadar uu la hantay koobka qaramada qaarada Asia 2019. 02-Febraayo 2019-Akram Cafiif ayaa xulka kubadda cagta dalka Qatar kula guulaystay Koobka Qaramada Asia Akram ayaa ahaa laacibka ugu wanaagsan safka Qatar, isaga baasay 11 ka mid ah 19-ka gool ee xulkaas ay ka dhaliyeen koobkii ka dhacay wadanka Imaaraadka Carabta laacib Akram waxaa dhalay Xasan Cafif Yaxya oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya inta u dhaxeysay 1972-ki ilaa 1980-ki. “Waxaan kaaga mahad celinaynaa adiga iyo qoyskaaga guushii taariikhiga aheyd uu wiilkaaga la gaaray wadanka Qatar qof walba oo Soomaali ayaa ku farxay horomarkaas muuqda uu gaaray waxaan idin rajaynayaa in aad iftiin u noqotaan qoysaska kasoo jeeda Isboortiga Soomaaliya”Waxaa Goobjoog Sports u sheegay Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko). 28-Febraayo 2019-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo howlo shaqo u joogay Magaalada Doxa ee dalka Qadar waxa uu kula kulmay ciyaartooydii hore Soomaaliya ee kala ahaa Bashiir Fox iyo Xasan Cafiif,Madaxweyne Farmaaho waxa uu Xasan Cafif iyo wiilkiisa Akram Cafiif uga Mahad celiyay sharfta ay u soo hoyeen magaca Soomaaliya maadam Akram horantii Febraayo xulka Qatar kula guulaystay koobka qaramada Aasia ee ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta. “Bilooyin ka hor ayaan la shaqeeyay Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) waa shaqsi aad u jecel dhiiri gelintada ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee dheela nuucyada kala gedisan isboortig waxaan lee yahay Mahadsanid Mudane” waxaa sidaas goorsii horeesay Goobjoog Sports ugu waramay agaasimaha Astaan Sports Maxamed Cabdi Muudey. Maxamed Farmaajo ayaa bishii April 2018 casuumada u diray ciyaartoydii hore dalka ee kala ahaa Maxamed Ismaaciil,Bashiir Jeenyo iyo Xasan Cafiif yoolkaa safarkaa si ay ugu qeyb galaan una dhiiri gelinayaan xidigihii Da’yarta 17-jira ee kaalinta ka galay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay Magaalada Bujunbura ee wadanka Burundi. “Waxaa uu inoo ahaa socdaal taariikh ah madaxweyne Farmaajo waxa uu ina soo xasuusiyay waqtiyadii aan anaga u ciyaaraynay xulka,runtii wixii ka dhacay Burundi waxa ay inoo aheyd waxa aan marna iloobin waxaana ku mahadsan cid Walbo oo kasoo shaqaysay da’yarteena meeshaas ina gaarsiiyay gaar ahaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta” Waxaan Goobjoog Sports ugu waramay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ahaa xulka qaranka Somalia. Si kastaba Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar sannadii 1996-dii wuxuuna iminka ka mid yahay xirfadlayaasha ugu wanaagsan ee kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulanka Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo Xasan Cafiif W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Kismaayo (SMN)- Ha’yadda qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca muhaajiriinta ee IOM ayaa maamulka magaalada Kismaayo ku wareejiyay xarun wax lagu barto,ceel biyood iyo meel ay ku shiraan dadka deegaanka. Mashaariicdan horumarined oo ay hirgalisay ha’yadda IOM ayaa waxaa dhaqaale badan ku taageeray ururka midowga yurub iyo dowladda Japan. Munaasabad kooban oo xariga looga jaray xarumahaasi waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha gudaha,iyo madaxda magaalada Kismaayo oo bogaadiyaya mashaariicda ha’yadda IOM. Iskuulka xariga laga jaray ayaa lagu magacabaa Tayo,waxaana horay uu dhimsihiisa uga koobnaa laba qol,laakiin ha’yadda IOM ayaa balaarisay iskuulkaasi,si ay boqolaal arday ah uga faaideystaan Ugu danbeyn Ha’yadda IOM ayaa inta badan mashaariic horumarineed ka sameysa deegaanada maamulka Jubbaland,waxaana maanta ay daah fureen xarumo muhiim u ah maamulka degmada Kismaayo. Dhageyso codka:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Mutawakil-Hay-Adda-I-OM.mp3 View the full article
  9. Qarax ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho,walina ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo bexeysa. Qaraxa ayaa ahaa mid gaari lagu xiray,waxaana hada halkaasi ku gubanaya gaariga qarxay. Wadooyinka soo gala halka ay wax ka dhaceen ayaa la xiray,waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya. Halkan kala soco faahfaahinta qaraxaasi. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan. Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari marayey meel u dhow isgoyska Taleex, gaar ahaan kasoo horjeedka Xaruntii hore ee Premier Bank ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro naf iyo maal leh. Sida Caasimadda Online loo xaqiijiyey gaariga lagu xiray qaraxa ayaa gubanayo, sidoo kalana waxaa Meesha ku gubanayo gaari kale oo marayey halka uu Qaraxa ka dhacay. Goobjooge ku sugan meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegayo inuu indhihiisa ku arkay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dad kale oo ay dhibaato kasoo gaartay Qaraxa. Waxaa illaa hadda gubanayo laba Baabuur oo ay dhibaato kasoo gaartay Qaraxa oo uu mid kamid ah yahay midkii Qaraxa lagu xiray lamana ogo ilaa hadda qofka wadatay. Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa ninkii waday Gaariga Qaraxa lagu xiray, mana aysan noo suurtagelin inaan helno magaciisa iyo Shaqadiisa. Magaalada Muqdisho waxaxa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badanayey Qaraxyada dadka loogu xirayo Gawaarida, waxayna arrintaan keentay inay dadka intooda badan iska dhigaan gawaarida gaarka loo leeyahay. Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxa Muqdisho ka dhacay kala soco Caasimadda Online. Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay in u jeedka socdaalkiisa Dhuuamareeb uu yahay sidii kulamo uu ula qaadan lahaa madaxda Galmudug,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka. Inta uu ku guda jiro booqashadiisa caasimadda Galmudug wasiir Sabriye ayaa la kulmi doona madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Galmudug Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan. Ugu danbeyn kulamada dhexmari doona wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda ugu sareysa Galmudug ayaa inta badan looga hadli doonaa doorashooyinka maamulkaasi iyo goorta ay qabsoomi doonaan. Dhinaca kale amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana inta badan wadooyinka waawyn ee magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo amaanka xaqiijinaya. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-26032019.mp3 View the full article
  13. Yaaq Baraawe (Caasimadda Online) – Maxkamad taabacsan Xarakada Al-Shabaab ayaa markale xukunno dilal ah ku ridday illaa Shan qof oo ay ku eedeeyeen inay Jawaasiis u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya. Toogashadaan oo ka dhacday meel fagaaro ah oo ku taalo Deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal kamid ah dadka halkaas ku nool. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Shantaan nin ee lagu eedeeyey inay Basaasiin u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hor qirteen Maxkamadda dambiga lagu soo eedeeyey. Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa xukunka Shantaan qof uga dhawaaqay fagaaraha ay toogashada ka dhaceysay . Magacyada Shanta qof oo ay Al-Shabaab toogteen ayaa lagu kala sheegay: 1) Aadan Muuday Maxamad 2) Ayuub Xasan Maxamed 3) Maxamed Isxaaq Xasan 4) Maxamuud Cabdi Isxaaq 5) Cabdi Maxamad Isxaaq. Ma ahan markii ugu horreysay oo deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ay ka dhacaan xukunno dil ah oo lagu fulinayo dad ay Shabaab ku eedeysay inay jawaasiis u ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo dowlado kale . Caasimada Onlien Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  14. A delegation from the federal government of Somalia has arrived in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state on Tuesday. The delegation led by Interior Minister, Abdi Mohamed Sabriye was welcomed by state leaders including president Ahmed Gelle Haaf and chief cabinet, Sheikh Mohamed Shakir. The two sides are holding talks that focus on the upcoming state elections in which the federal government and the state administrations are divided on its timetable. The Federal Government has backed down Galmudug state leaders call to delay the regional presidential elections and wants the polls to be conducted on its stipulated time. The Interior Minister and his team are also expected to visit Adado and Herale in a bid to resolve tribal disputes that affected the area in the past weeks. View the full article
  15. Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, Mike Pence ayaa eedeyn kala dul-dhacay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka. Mike Pence oo khudbad ka jeedinayay kulan uu soo qaban-qaabiyey ururka Yahuudda Mareykanka ee AIPAC, ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay kala sooc iyo isir naceyb ku dhex waddo Mareykanka. Isaga oo aan magaceeda ku dhawaaqin ayuu sheegay in ay ku daali doonto in Mareykanka uu Israel necbaado, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Israel aysan lahayn xiriir kaliya ee a yihiin hal qoys. Waxaa uu Mike soo jeediyay in Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga awoodda badan ee xiriirka arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Mareykanka. Mike Pence ayaa ku biiray xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee doonaya in Ilhaan Cumar laga saaro guddiga xiriirka arrimaha dibadda oo ay xubin ka tahay. Guddigan ayaa jaangooya siyaasadda dibadda Mareykanka ee golaha Wakiilada Mareykanka, waxaana ay toos ula shaqeeyaan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Ilhaan ayaa dhowr jeer cambaareysay deegaameynta ay Israel ka waddo dhulka Falastiin, waxaa kale oo ay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Mareykanka uusan ahayn meel dalal gaar ah lagu naasnuujiyo. Caasimada Onlien Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  16. (SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa ka hor-timid go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Isniintii dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul ay leedahay Israel. Sacuudiga ayaa cambaareeyey tallaabadaas, kuna sheegay mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah. “Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’aanka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel” ayaa lagu yidhi bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. Golan weli waa “dhul Carbeed Syria oo la haysto”, islamarkaana aqoonsiga ah in Israel ay leedahay “waxa uu xadgudub ku yahay xeerka QM iyo qaraarada caalamiga ah” ayaa lagu yidhi bayaanka. “Tani waxa ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doontaa hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xasiloonida gobolka” ayaa lagu yidhi bayaanka. Golaha Ammaanka QM iyo maamulladii hore ee Mareykanka ayaa mar walba u arkay Golan dhul la haysto, oo dib usoo celintiisa ay qeyb ka noqon lahayd wada-xaajood buuxa oo heshiis nabadeed ay ku gaadhaan Israel iyo Syria. Israa’iil ayaa dhulka Golan Heights ku qabsatay Dagaalkii 1967-kii ee Carabta iyo Israel, waxayna dhulkeeda ku darsatay 1981-kii. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Golaha Barlamaanka Somaliland, gaar ahaan golaha Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2019, Magaalada Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Golaha Barlamaanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Shir Balaadhan oo uu Guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ka qeyb galeen madax iyo masuuliyiin ka socota Hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha samofalka ee Somaliland ku sugan, madaxda qaar kamid ah hay’adaha madaxa bannaan iyo wasiirro xukuumadda katirsan, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen in ka badan 30 Hay’addood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Samafalka ee dalka ka hawlgala, ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad iyo taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada bariga Jamhuuriyadda Somaliland oo xaalad abaareed iyo mid biyo la’aaneediba ay ka jiraan. Guddoomiyaha hay’adda Udiyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, Mudane Faysal Cali Sheekh oo isagu ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan biyo la’aanta wakhtigan soo food saartay gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxana uu xusay in wakhtigan la gaadhay xilligii Kulaylka ee Kaliisha, dadka deegaanadaas ku noolina ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, iyadoo baahida ugu darani ay tahay biyaha. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa shaaca sheegay in Xaaladda biyo la’aaneed ee ka taagan Gobolada Bariga Somaliland ay tahay mid u baahan in loo sameeyo gurmad deg deg ah oo oo ballaadhan. Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Qorshaynta iyo Arrimaha gudaha oo iyaguna kulankaasi ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay dedaal balaadhan ku bixin doonaan wixii kala gudboon, ka wasaarad ahaan, waxaana ay hogo-tusaaleeyeen qaabka ugu fudud ee dadkaasi loogu gurman karo. Qaar kamida Hay’addihii kasoo qeyb galay shirkaasi oo iyaguna hadalka qaatay, waxa ay sheegeen qorshayaasha waxtarka leh ee uga meel yaala Gurmadkaasi loo samaynayo dadka ku nool Gobollada Bariga Somaliland ee ay soo wajahday xaalada biyo la’aaneed, waxaana ay isla goobtaasi kaga dhawaaqeen waxtarkooda ugu horreeya ee ay kaga qeyb qaadanayan gurmadka deg dega ah. Ugu danbayntiina waxaa Shirkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana uu daboolka ka qaaday qeylo dhaanta biyo la’aaneed ee Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana uu sheegay inay Xukuumadda ka go’an tahay sidii biyo deg deg ah loo gaadh siin lahaa dadkaasi, isaga oo ku dhawaaqay in hadda la diraayo Booyado biyo ah islamarkaana ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan gargaarka. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxaa uu baaq u diray Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay oo uu ugu baaqay inay deg deg uga soo jawaabaan baaqa qeylo dhaanta biyo la’aaneed ee Gobolada Bariga. Source
  19. (SLT-Washington)-Madaxweyne Ku-xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ayaa ku biiray dagaalka afka ah ee ka dhanka Haweeneyda asalkeeda Soomaaliga yahay ee katirsan Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar. Mike Pence ayaa tallo ahaan u soo jeediyay in Xildhibaan Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga xidhiidhka dibadda ee Golaha aqalka hoose ee Mareykanka, isagoo arintaasna sabab uga dhigay inay dadka Mareykanka ka dhex bilowday isir neceyb iyo kala sooc. Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo hadal ka jeediyay kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Israa’iliyiinta Mareykanka ee AIPAC ayaa ku eedeeyay Ilhaan inay wado sidii ay u kala fogeyn laheyd Mareykanka iyo Israa’iil. “Waxey ku dadaaleysaa sidii Mareykanka uu u necbaan lahaa Israa’iil, waxaase u sheegayaa in labada dal aysan laheyn xiriir oo kaliya, balse ay yihiin hal qoys” ayuu yidhi Pence. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniinta shalay ku dhawaaqay in si rasmi ah uu ugu aqoonsan yahay buuraha Golan Heights in ay leedahay Israel, xilli Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay aqalka cad ee Mareykanka. Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer cambaareysay deegaameynta ay Israa’iilka ka wado dhulka ay xoogga ku heysato ee reer Falastiin, waxaa kale oo ay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Mareykanka aanu ahayn meel dalal gaar ah lagu naasnuujiyo. Source
  20. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay oo isniin aheyd kormeel ku tagay dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey isaga fogeeyey guul-darradiisa amniga, isaga oo ciidamada xoogga dalka dusha ka saaray ama madax furasho ka dhigtay guul-darrooyinka amniga gaar ahaan ka soo bixid la’aantiisa balantii aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano gudahood. Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo”. Madaxweynaha ayaa sii faah-faahiyey waxa ay ku wada hadleen“ Waxaa tiraahdeen ciidankan waa duruufeysan yahay muddo dheer mushaar ma qaadan, dhibaatooyin badan buu qabaa, maxaa ku iraahdaa rasaas la’aan iyo hub la’aan ayaa jirta haddii intaas la xaliyo, oo duruufaheenna, waajibaadkeenna waa gudaneynaa”. Isaga oo intaas raaciyey “Halkan waxaan idiin kugu imid in aan is wareysanno, oo is xog wareysanno’, annaga wixii aad noo dirteen oo ahaa duruufihiinna in aan meel saarno oo ay kow ka aheyd mushaaraadka, raashiinka oo taxane ah, oo aanan aheyn sida aan taqaaneen wax talan-taalli ah ama bil dhaaf aanan aheyn, oo aad noqotaan saraakiil suga ama ciidan suga mushaarkooda, xuquuqdooda, waqtigii loogu talo-galayna ay qaataan, waajibaadkaas ayaad na saarteen, oo waxaa tiraahdeen, innagana waan ka soo baxeynaa in aan cadawga ummada Soomaaliyeed ka dulqaadno, intaas ma xusuusataan? (Ciidamada “Haaa”), Farmaajo waxaa uu soo qaatay sheeko dhex martay isaga iyo saraakiisha 2011-kii “Weliba saraakiishii markaas joogtay waxaan u sheegay, waxaan la wadaagay khibradeyda 7 sano ka hor markii aan ra’isul wasaare noqday, oo Shabaabka madaxtooyada hoosteeda iyo baar bulsho ay joogeen in duruufahaan aad sheegteen oo ay qabeen, oo markaas taliyeyaashii aan u yeeray iyo AMISOM, oo weliba ay sheegeen, in aad sheegteen oo ah in haddii duruufahaas la xalliyo in muddo 3 bilood ah ay Xamar kaga saaraayaan Al-shabaab, ilaahayey waa noo fududeeyeen waxaan xaqiijiyey bil walbo iyada oo aan horay loo arag in ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha xuquuqdooda helaan bil walba, waqtogooda ay helaan iyo raashinkooda iyagana waajibaadkooda waa guteen, waana ka adkaadeen Shabaab, magaalada Muqdishana waa ka xureeyeen”. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata“Hadda, markii aan balanta kala qaadaneynay waxaan idiinku iri, labo sano armey idiinki yar tahay? Waxaa igu tiraahdeen dareeska qaado iclaami dagaal, 2 sano dalka waan ku xureyneynaa, haddii aad ka soo baxdo waajibaadkaada, maanta waxaan halkan la taaganahay marka, labadii sano marka laga reebo 3dii bilood oo howlo kale ay bilowdeen si joogta ah ma heleyseen raashinkiinna iyo mushaaraadkiina? Ciidanka: Haa.”. Isaga oo su’aalo weydiinaya waxaa uu yiri “Ciidamada qalabka sida oo aad taliyeyaasha u tihiin bil walba ma u helayeen? Ciidanka: Haa. “Haddee ogaada, wax horay loo arkey ma aheyn, waana waxa aad iga fileyseen aniga..laakin waxaan ku guuleysannay balantii dhankeenna in aan fulinno, aan idiin weydiiyo marka; Labadii sano adinka Shabaab maka xureyseen dalka?! Ciidanka: Aamusnaan! Farmaajo: Maka Xureyseen?! Ciidanka: Maya. Farmaajo: Marka ma la oran karaa taliyeyaashii waagaas joogay(2011-kii ula jeedaa” ayaa idiinka balan fiicnaa, oo wagaas Xamar ka xureeyey, oo igu yiri, 3 bil ayaan ku xureyneynaa, ma idiinka balan fiicnaayeen? Ciidanka: Haa. Dhanka kale, agaasimaha xarunta Hiraal, Xuseen Sheekh Macallin Maxamuud oo arrintan kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegay “ Arrinta uu madaxweyne Farmaajo sameeyey waa mas’uuliyad ka carar ama waxa ay Banaadirigu dhahaan ‘waa lagu kaarto baxay”, ciidanku arrintaas ma qabato, In Shabaab laga adkaado ma aha wax u gaar ah ciidanka xoogga dalka, ee waa mid u taalo xukuumad, goleyaal iyo inay raali isaga yihiin dadka ay khuseyso. Waxaa la gudbooneyn isaga oo aan cidna eedin ama ku riixin inuu sheego gaabiska jira, mas’uuliyadda guul-darrada amniguna uu qaado, kadibna uu xal raadiyo. Sida ku qoran qodobka 90aad ee dastuurka KMG ah, Madaxweynaha waa taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, waana wax aan la fahmi karin sida hadda uu isaga fogeynayo balantii uu ka baxay ee aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beelaha Daarood ayaa maanta waxaa hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Boqorka ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali [...] Source
  22. A mother and her four children were killed in Dhagax Madow, Somali region in Ethiopia on Tuesday after an object suspected to be ordnance exploded. According to the residents who spoke to BBC Somali service, the blast which also injured four other people took place on Monday evening. A relative of the victims who also confirmed the incident said the family was using a metal liked object as a crushing tool ( pestle) when the explosion occurred. The device which is believed to be a remnant of 1977 Somali-Ethiopia war has been used by the family of seven unknowingly before it exploded killing five of them. The father and a child survived. Somalia and Ethiopia fought from July 1977 and March 1978 over the disputed Ethiopian region of Ogaden. The mines used during the war by both sides still believed to be in the area once occupied by the Somali military before international community intervention in favor of Ethiopia. View the full article
  23. Wasiir Sabriye iyo madaxda Galmudg, Dhuusamareeb Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Wafdigan waxaa hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Sabriye, waxayna u socdeen wada hadalo lagu xalinayo is mari-waaga Galmudug iyo dowladda dhexe. Wasiir Sabriye ayaa la kulmi doona Madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Shaakir, hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan. Dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa xiriir koodu xumaa tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweyne Xaaf, labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galin uu sheegay ay ku hayso dowladda dhexe. Dowlada Federaalka ayaa markaan u muuqata iney aqbashay cabashada Galmudug ayna u istaagtay in arrintaas xal waara loo helo. Xiriirka liita ee labada dhinac wuxuu shaki galiyay qabsoomida doorashada Galmudug ee loo balansan yahay bartamaha sanadkaan. Dowlada Federaalka ayaa u muuqata inay hadda toos u wajahaheyso xaalada Galmudug. Wasiir Sabrie oo dhowaan ka hadlayay arrimaha Galmudug ayaa sheegay in xukuumadu ay fahamsan tahay ahmiyada maamulkaas ayna muhiim tahay in la helo xal uu dhinac walba qaadan karo. Villa Soomaaliya waxay dooneysa in doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, waxaanse la ogeyn sida ay isku fahmi doonaan wafdiga ay dowladdu maanta u dirtay Galmudug iyo hogaanka maamulkaas oo muddo gadoodsanaa. PUNTLAND POST The post Dhuusamareeb: Wada hadal u bilowday Federaalka iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.
  24. Al-Shabaab has claimed responsibility for the murder of two people in Mogadishu’s Kaaraan district on Monday night. Several people who were suspected to be linked to an attack that happened in Banaadir region were arrested during an operation on Tuesday morning. Armed men had attacked an officer in the district last. They killed his companion and injured him. The two were attacked in a movie theater which was not far from the polices station. Somali forces carried out an operation on locations within Kaaraan District. Youth who were suspected to be behind the attack were arrested. The suspects were headed to Kaaraan police station for investigation. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. Through social media, they gave out details of the attack and named casualties. View the full article
  25. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxtooyada magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud waxaa kulan gaar ah uu kaga socdaa madaxweynaha Galmudug, madaxa xukuumadda iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Kulankaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii wasiirka arrimaha xukuumadda Soomaaliya uu gaaray magaalada Dhuusomareeb, iyadoo halkaasi uu u tagay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug. Kulanka ka dhacay magaalada Dhuuromareeb ayaa hordhac wuxuu u yahay kulamo la filayo inay magaalada ku yeeshaan maalmaha soo socda masuuliyiinta maamulka Galmudug. Wadahadalada ayaa intooda badan waxaa diirada lagu saarayaa in heshiis rasmi ah laga gaaro waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ay isku khilaafsanaayeen Dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug. Galmudug ayaa ka hortimid qorshaha dowladda Soomaaliya damacsan tahay oo ah in bisha July doorasho ay ka dhacdo Galmudug, iyadoo madaxda Galmudug ay doonayaan in doorashada qabsoonto seddex sano kadib.