Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Hirshabelle State ayaa u muuqata in xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe uu aad usii xumaaday kadib markii ay soo bandhigeen tabashayin cadaalad darro ay ku heeyso dowladda federaalka Soomaaliya. Maamulka Hirshabelle oo horay uga tirsanaa isbaheeysigii maamul goboleedyada dalka ee saluugsanaa dowladda dhexe ayaa horey isaga baxday isbaheeysigii ay ku mideeysnaayeen, waxeyna mas’uuliyiinta Hirshabelle cadeeyeen in ay lasafan yihiin dowladda dhexe . Hishiisyo fara badan oo aan waxba ka suuro galin ayaa kala dhaxeeyay dowladda dhexe, sida mas’uuliyiin Hirshabelle kamida ay u xaqiijiyiin Caasimadda Online. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo muuqday khilaafka u dhaxeeya Hirshabelle iyo dowladda dhexe kagadaal markii wasiirka madaxtooyada Hirshabelle uu warbaahinta u xaqiijiyay in cadaalad darro lagu haayo maamulkooda ,wuxuuna sidoo kale uu sheegay wasiirka in ay dhawaan furi doonaan dekadda ceel macaan, garoonka Cisaleey, sidoo kale waxa uu ku goodiyay in ay xiri doonaan xuduudda ay gobalka banaadir la leeyihiin maamulkooda. Khilaafka ayaa soo if baxay markii shir kasocday Muqdisho loogana hadlayay gar gaarka masiibooyinka uu isaga baxay wasiirkii wakiilka ahaa Hirshabelle. Shirar badan oo ay qabatay dowladda dhexe laguna wadaagayay mashaariicda dalka ayeey Hirshabelle sheegtay in aan waxba laga siin sida uu sheegay wasiir katirsan maamulka Hirshabelle. Madaxda ugu sareeysa dalka ayaa u muuqda in ay ka gaabiyeen hoowlihii ay ka sugayeen shacabka ku dhaqan hirshabelle oo maalmihii lasoo dhafay baraha bulshada ku soo bandhigaayay eedaha ay u qabaan dowladda dhexe . Lataliyaha sare ee madaxweynaha Hirshabelle Xasan C/qaadir Muudey ayaa malmahan bartiisa facbooka kusoo daabacayay dhibaatada ay ka tirsanayaan dowladda dhexe iyo cadaalad darada sida gaarka ah loogu haayo maamulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Mali) Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen Ra’iisul Wasaarihii dalka Maali iyo dhamaan xubnihiisii Golaha Wasiirada, kadib markii dalkaasi Maali ay ku bateen falalka la xiriira amnidarrada taas oo ay walaac ka muujiyeen Shacabka dalkaas. Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqata ah ayaa lagu laayay dalka Mali markii uu qarxay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee ku nool halkaasi. Kulan ay yeesheen Arbacadii la soo dhaafay ee todobaadkaan Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Maali ayaa waxaa ay Ra’iisul Wasaare Soumeylou Boubeye Maiga iyo Golihiisa Wasiirada ay ka gudbiyeen mooshin ku saabsan kalsooni kala noqoashada taas oo ugu dambeyn keentay inay is casilaan. Xubnaha Baarlamaanka dalka Maali ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ku eedeeyeen in uu ku guul dareystay wax ka qabashada xaalada amniga taasina ay dhibaato ku tahay Shacabka dalka Maali. Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Maali Abuu Bakar ayaa dhankiisa sheegay inuu warqadda iscasilaadda ka guddoomaay ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan golahiisa wasiirada,isla markaana dhawaan lasoo magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub marka wadatashiyo lala yeesho axsaabta siyaasadda ee dalkaasi. Source
  3. (SLT-Burco) Proff Axmed Ismaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa Barnaamij Dood Ah ku qabtay Burco . Hoos DAAWO. Source
  4. Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ayaa xalay kulan qarsoodiya ku yeeshay waddanka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu shalay gaaray madaxweyne Biixi, halka madaxweyne Deni uu hore u sii joogay. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo Arbacadii u safri lahaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa u baaqday kulanka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonaan karo. Labada mas’uul ayaa xalay ku kulmay shir qarsoodiya oo aad warbaahinta looga ilaaliyay, inkastoo aan si faahfaahin loo ogayn qodoba ay ka wada-hadleen iyo in ay ku heshiiyeen midna. Sidoo kale, kadib markii uu soo baxay warka sheegaya kulankooda ayaa sida aan xogta ku helnay labada dhinacba si weyn uga caroodeen, waxaana ay xiriiro la sameeyeen qaar kamid ah suxufiyiinta iyo warbaahinta aadka loo akhristo oo ay u ballan qaadeen lacago, in ay warkan beeniyaan. Madaxweynaha Puntland ayaa jimcaha maanta ka soo dhoofay magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga UAE, isagoo u safray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu ka furmayo shir u dhexeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland ayaa isna weli ku sugan waddanka Imaraaadka, iyadoo la filayo in uu dib ugu laabto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Biixi iyo Deni oo kulan qarsoodiya ku yeeshay dalka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  5. Ku: Raysal Wasaare Hassan Ali Khaire Og: Madaxwene Mohamed Abdullahi Farmajo Ujeedo: Hadalkii Gafka ahaa ee Wasiir Goodax Barre Mudane Raysal Wasaare, Puntland waa Gobol [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Safarka madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, waxaana safarkaan uu yahay mid deg deg madaxweynaha uu kaga baxay dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa safaro ku tagay dalka Sacuudiga, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo balanqaadyo badan ka helay. Safarka maanta uu madaxweynaha uu ugu baxay Sacuudiga ayaanan horey loo shaacin, waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii casuumaad deg deg ah uu ka helay boqortooyada Sacuudiga. Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa culeesyo badan oo dhaqaalo iyo mid bulsho dareentay bilihii ugu dambeeyay, waxaana culeeska ugu badan uu kala kulmayaa xubnaha mucaaradaka dowladda. Dowladda Sacuudiga ayaa taageero badan u fidisay dowladda Soomaaliya, balse xiriirka ayaa xumaaday markii khilaaf uu soo kala dhex galay madaxda Carabta. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Dowladda Puntland ayaa xalay saqdii dhexe magaalada Garowe soo gaarsiiyay shan kamid ah dadkii ku lugtaa kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha [...] Source
  8. Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa dib ugu celiyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku dhawaad 50 ruux oo muhaajiriin ahaa kuwaasi oo si iskood ah isku diiwaan geliyay in dib loogu celiyo dalkooda. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa shaacisay in dadkaasi dalkooda dib loogu celiyay, kadib markii ay dalbadeen in la celiyo, waxana laga dhoofiyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Puntland ayaa sheegtay in dhamaan dadkaasi la marsiiyay nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta Muhaajiriinta, islamarkaana iyaga oo raali ah laga celiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Waxay ka koobnaayeen Rag, Dumar iyo Caruur tiro ahaan gaarayay 50 ruux, sida masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha ay warbaahinta u sheegeen. Muhaajireentaan u dhalatay Ethiopia ayaa ka xoogsan jiray gudaha Puntland sida ay sheegtay wasaarada arimaha Gudaha, haatana waxay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo sidaasna ay u dhoofeen. Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soogalootiga Ethiopian-ka ee u badan qowmiyadda Oromada, balse dhinaca kale muhaajiriinta Oromada ayaa weli ku soo galaya gudaha Puntland.
  9. Eritrea has deployed troops to along the border area with Sudan whose long time leader, al-Bashir, was deposed in a military coup and subsequently arrested, according to Eritrean Press(EP) report on Thursday. The source also added that Eritrea has denied entry for non-Eritreans along the Omhajer-Humera border crossings which was opened this year. It is unclear why Eritrea is now closing its door but EP reported that the restrictions are only from the Eritrean side which means that Eritreans entry to Ethiopia is not restricted by the Ethiopian government. Ethiopia and Eritrea are expected to sign a comprehensive agreement in a range of areas. Ethiopian state media outlets did not report about the recent development along Omhajer-Humera border at this writing. Source borkena Qaran News
  10. Somaliland: President Muse Bihi On A Brief Visit To UAE Dubai, (Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi is currently on a brief visit to the United Arab Emirates. The visit is expected to last a few days and will include discussion with Emirate officials on areas of mutual interest. According to informed sources, President Muse Bihi will conclude agreements pertaining to the UAE military base in Berbera, which is almost completed and scheduled to be opened around the middle of this year. Other areas of discussion include the recently inaugurated Berbera Corridor and the continuing development of the Berbera port. The President was accompanied by the Somaliland Foreign Minister, Prof. Yasin Mohamud Haji Hir “Faraton”, other senior officials. Qaran News
  11. G/dhexe Axmed Abshir Axmed (jaraale) Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in xabsi-guri la geliyay taliye xigeenkii hore ee Booliiska gobolka Bari, G/dhexe Axmed Abshir Axmed (jaraale) oo sida la sheegay ku eedaysan arrima kala duwan. Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland ayaa maalmo ka hor weeraray guriga sarkaalkan oo lagu eedaynayo in uu hub dowladdu leedahay gurigiisa geystay mudadii uu xillka hayey, iyo sidoo kale in uu hub sharci-darro ah la soo degay, sida ay sheegeen saraakiil ciidan. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, taliyaal ciidan, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ku guulaystay in ay kala qaadan ilaalada sarkaalkan iyo ciidamo Booliis ah oo gurigiisa hareereeyay,iyadoo ay rasaas is weydaarsadeen labada dhinac balse aan wax khasaare ah ka dhalan. Guddi dhex-dhexaad ah oo arrintan loo saaray ayaa la sheegayaa in ay guriga sarkaalkan ka heleen ilaa 30 qori oo isagu sheegtay in uu leehay, balse waa lagala wareegay, waxaana lagu amray mudada baaritaanku socdo in uusan gurigiisa ka bixi Karin. Dhinaca kale, waxay ku soo aadday laba maalmood kadib markii dowladda Puntland mamnuucday, soo dejinta, dhoofinta, iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada, islamarkaana amartay in aan wax hub ah lala geli Karin garoomada diyaaradaha iyo dekedda magaaalada Boosaaso. Xubno ka tirsan guddiga hawshan ku jira ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in weli uu socdo baaritaan la xiriira arrimaha lagu eedeyanayo G/dhexe Jaraale oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka ahna, ku simaha taliyaha Booliiska gobolka Bari ka hor intaan xilka laga qaadin 23 Maarso ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Puntland: Sarkaal ciidan oo xabsi-guri la geliyay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN):–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa ayaa shalay guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo ay usoo gudbisay wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed. Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka. Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed. View the full article
  13. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa abaalmarin guddoonsiiyey Shacabka, Maamulka iyo Booliiska Warta Nabada oo gacan ku siiyey Ciidanka Ammaanka soo qabashada dhagarqabe Bombo tuuray. Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay shacabka kaalinta wanaagsan ee ka qaadanayaan sugidda amniga, isagoo xusay in abaalmarintan ay ugu talagaleen in lagu dhiirigaliyo bulshada maadaama ay ka soo baxeen kaalintooda ku addan nabadgelyada. “Qof walba oo gacan ka geystay soo qabashada argagixisada waxuu mudan yahay abaalmarin, bacdamaa ay badbaadiyeen nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, tani waa bilow waxaana ku dhiirigelinayaa shacabku inay qaataan doorkooda sugidda amniga fartana ku fiiqaan dadka dhagarta u maleegaya”. Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Ciidanka ammaanka in shacabka saaxiib lala noqdo, si ay ugu kalsoonaadaan ciidanka loona helo wadashaqay buuxda, taasoo qeyb ka qaadanaysa in ciidanku ay helaan xogaha dhagarqabayaasha ku dhex dhuumanaya shacabka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuuleed (Khadar) oo munaasabadda abaalmarinta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in isku xirnaanta shacabka iyo Boolisku ay muhiim u tahay sugidda ammaanka Caasimadda, waxuna uga mahadceliyey shacabka Degmada Warta-Nabadda wada-shaqeynta dhow ee la leeyihiin Ciidanka Booliska. Ugu dambeyn, Munaasabaddan oo bilad sharaf lagu guddoonsiinayey dadkii kaalinta ka qaatay soo qabashada dhagar-qabaha Bombada tuuray ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyeyaasha Ciidanka, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran iyo heer gobol ah. PUNTLAND POST The post Maamulka iyo Dadweynaha Degmo ka tirsan Muqisho oo la guddoonsiiyay Abaal-marino appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (PP) ─ Taliyihii hore ee Qeybta 27-aad ee xoogga Somalia, Jen. Jeneral Maxamuud Maxamed Macalin [Koronto] ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho iyo hadal ay jeediyeen Cali Maxamed Geedi ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Salaad Cali Jeelle. Jen. Koronto ayaa waxa uu ku tilmaamay Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle kuwo aan matalin shacabka magaalada Muqdisho. Jen Koronto ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u hadlay dowladda aanay aheyn dad matala dadka Banaadir ee ay yihiin kuwo horay u kala qeybiyay dadka oo taariikhdooda la haayo. “Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle waa nimanka kala qeybiyay dadka Banaadir oo horay uga soo fashilmay dalka inay maanta dowladda u hadlaan waa nasiib darro, dadkaas Banaadir kuma qancaan inay ku hadlaan oo ay ku soo horkacaan, waxay abuureysa waxyaabo horay loo iloobay in la soo xusuusto, Madaxweynaha waxaa loo qaadanayaa inuu raalli ka yahay, nimankaas mama talaan dadka Banaadir waa dad taariikhdooda qoran tahay oo dhibaatooyin u geystay dadkaan,” ayuu yiri Jen. Koronto. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxa uu ku dhashay Madaxweyne Farmaajo magaalada Muqdisho,waxaa lagu dhex doortay Muqdisho waa Madaxweynihii ugu nasiib badnaa waana Muqdushaawi.” Sidoo kale, mar uu ka hadlayay waajibaadka Madaxweynaha Somalia ayuu sheegay in Madaxweynaha loo dhiibay Baarlamaan dhisan iyo ciidan dhisan, ayna habboon tahay inuu isku hayo Baarlamaanka iyo ciidamadaba uuna ka soo baxo godka uu isku qarinayo. “Talo ayaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha oo ah in uu soo farogeliyo khilaafka ka dhex jira Baarlamaanka iyo ciidamada Qaranka oo lagu tilmaamay qabiil,” hadalkiisa ku daray Jeneraalka. Wuxuuna raaciyay. “Madaxweynaha waa taliyaha guud ee qaranka waxaana ciidanka maamulaya dad kale oo aan sharci u haysan.” Ugu dambeyn, Jen Koronto ayaa sidoo kale waxa uu ka shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday culummaa’uddiin ka hadashay banaanbax la sheegay inuu ka dhacayo Muqdisho iyo weliba qaar kamid ah duubabka dhaqanka. Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka Jen. Maxamuud Maxamed Macallin Koronto https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/04/Jeneraal_Koronto_Muqdisho_Somalia.mp3 PUNTLAND POST The post Jeneraal jawaab kulul ka bixiay hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Baay (SMN):–Maxkamadda Xarakada Alshabaab ee Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Baay iyo Bakool ayaa xukun ku fulisay Ruux ay Maxkamadu ku eedeysay in uu kufsi ugeystay qof dumar ah. Fagaare kuyaal deegaanka Dalandoolle ee gobolka Baay ayaa shalay gelinkii dambe lagu Tacziiray wiil 16 sana jir ah oo lagu magacaabo Ibraahim Nuuroow Isxaaq. Qaadiga Maxkamadda oo xukunka goob fagaare ah ka akhrinayay ayaa sheegay in Ibraahim oo aan horay guur soomarin uu kufsaday mid kamida dumarka ku dhaqan deegaanka Dalandoole. Ninkanay Alshabaabku ku eedeyeen falka Zinada ah ayaa lagu dhuftay 100 Jeydal waxaana laga masaafuriyay deegaankii uu falka Zinada ah ka geystay. Maxkamadaha Alshabaab ayaa inta badan Xukuno kala duwan ku fuliya dad ay usoo qabtaan eedeymo kala duwan, iyagoo inta badan Xukunadaasi ku fuliya goobo fagaare ah oo la iskugu keeno Dadweyne farabadan. View the full article
  16. Muqdisho (SMN):–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry. Wadahadalka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida. Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar. View the full article
  17. Madaxda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa kulan uga furmayaa Magaalada Nairobi, kulankasoo lagu waday inuu dhaco Sabtida beri ahsyaa [...] Source
  18. Muhaajiriintii shalay la celiyay 18 April 2019 Boosaaso Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa shalay dib u celisay in ka badan 50 ruux oo muhaajiriin Ethiopian ah, kadib markii ay iskood isu’ diiwaan-geliyeen in dalkooda lagu celiyo. Dadkan ayaa laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso, waxaana laga dejiyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. Wasaaradda ayaa sheegtay in dadkan oo ka koobnaa rag, dumar iyo carruur, la mariyay nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta muhaajiriinta, islamarkaana ay dhammaantood raalli ku ahaayeen in dalkooda loo celiyo. Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soogalootiga Ethiopian-ka ee u badan qowmiyadda Oromada, balse dhinaca kale muhaajiriinta Oromada ayaa weli ku soo qul-qulaya gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo dib u celisay muhaajiriin Ethiopian ah appeared first on Puntland Post.
  19. Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Waxaa ku sugan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubbaland, waxaana ay halkaasi ka wadaan abaabul iyo kulamo kala duwan. Kulamada masuuliyiintaan ayaa waxaa qeyb ka ah kulamo ay la qaadanayaan madaxda wadamada caalamka oo ku sugan magaalada Nairobi, waxaana doorweyn ku leh arintaan hogaanka dowladda Kenya. Madaxda maamulada Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa la filayaa inay ku biiraan kulamada ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay kulamo la qaadanayaan beesha caalamka. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay kulamo ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulamadaasi ay walaac badan ay gelliyeen madaxda dowladda. Dhamaan madaxda maamul goboleedyada hadda wax xiriir wanaagsan ah kalama dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, marka laga reebo hogaanka Koofur Galbeed, waxaana ugu dambeeyay madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmo ku sugnaa magaalada Muqdisho oo xiriir isku soo dhawaansho la sameeyay madaxda dowlada. Axmed Madoobe ayaa Isniintii safar aan horey loo shaacin kaga duulay magaalada Kismaayo isaga oo gaaray magaalada Nairobi, waxaana lagu waramayaa in Axmed Madoobe uu walaac badan ka muujinayo dhaqan gelinta heshiisyadii uu la galay dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Waare ayaa meel cidla ah kusoo dhacay, kadib markii loo dhaqan gelin waayay heshiisyo badan oo uu la galay dowladda Soomaaliya, waxaana hadda aad u sii xumaanaya xiriirka kala dhaxeeya dowladda. Sidaasi oo kale waxaa xumaaday xiriirka Puntland iyo dowladda, kadib markii madaxweyne Deni uu ka carooday in shir abaabulkiisa ay lahaayeen oo ka dhici lahaa magaalada Garowe loo wareejiyay Muqdisho, kaasi oo ugu dambeyn baaqday. Madaxweynaha Koofur Galbeed oo kaliya ayaa xiriir uu kala dhaxeeyaa dowladda Soomaaliya, maadaama iyaga ay geeyeen magaalada Baydhabo,halkaasi oo ugu dambeyn lagu doortay. Walaaca ugu badan ee shirka Nairobi laga muujinayo ayaa ah in madaxda maamul goboleedyada ay ku midoobaan markale, islamarkaana sanadaha u haray dowladda dhexe ay sameystaan isbaheysi cusub. Walaaca kale ee laga qabo ayaa ah inay xiriir toos ah la sameystaan madaxda ay la kulmayaan, si ay kaga maarmaan dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Laamaha amaanka dowladda Somaaliya ayaa wali baadi goobaha dadkii ka dambeeyay dil wadareed dad rayid ah loogu geystay magaalada Muqdisho labo habeen ka hor. Dilka ayaa waxaa ka dambeeyay Kooxo hubeysan oo la sheegay in aano qabiil ay kala dhaxeysay dadka lagu laayay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wali ciidamada amaanka aysan soo qaban dadkii ka dambeeyay. Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay inaysan wali gacanta kusoo dhigin dadkii ka dambeeyay dilka dadka rayidka ah, balse laamaha amaanka ay ku howlan yihiin sidii dadkaasi loosoo qaban lahaa. Afhayeenka wuxuu sidoo kale sheegay in dadka dilka fuliyay markii ay falka geysteen inay ka baxsadeen Magaalada, waxaana loo malaynayaa inay u baxeen dhanka gobolka SHabeelaha Hoose. Ehelada dadka lagu laayay degmada Wadajir ayaa xaqiijiyay in falka uu la xiriiro aano qabiil oo ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana falkaan uu noqonayaa mid saameyn ku reebay dadka ehelkooda la laayay. Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin sida ay qoraalka kaga soo saareen dadkii bajaajlayaasha ahaa oo iyaga oo banaanbaxaya laga xeray degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Hay’adaha amniga ayaa ku howlan sidii dadkaasi loosoo qaban lahaa, waxaana xalay baaritaano laga sameeyay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku weeraray Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah taageerayaasha dowladda, isaga oo ku eedeeyey inuu ka aamuso dhibaatooyinka ay dowladda ku hayso shacabka iyo xadgudubyada ay gaysato. Hoos ka aqriso qoraalka. SHEEKH NUUR BAARUUD WALI KAMA HADLIN: 1. Dhiibistii Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). 2. Kumanaanka shacabka ah ee sida joogtada ah maalin walba loogu xasuuqayo magaalada Mogadishu. 3. Canshuurta laga qaado islaanta yaanyada suuqa ku gada ee lagu laaluushayo dad hoteelo jiifa ee aan shaqo dowladeed haynin! FG: Sheekh Nuur wuxuu kamid ahaa shaqsiyaadka ku qornaa liiska lacag bixinta Bangiga Dhaxe usoo gudbiyay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee lacago aan la sheegin waxa ay yihiin iyo sababta loo bixiyo bil walba lagu siiyo dad isugu jira siyaasiin, culimo, odoyaal iyo dhalinyaro aan xilal dowladda ka hayn lkn baraha bulshada ka difaaca Nabad iyo Nolol! Haddaba, cidii shaki uga jiray Sheekh Nuur, waa kaasaa maanta Telefishinka qaranka lasoo taagan qabyaalada iyo kala qaybinta bulshada reer Mogadishu ee si fiican ha u arkeen. Sheekha cayn meyno, ceebayna meyno ee waxaan ugu duceynaynaa ducadii Rasuulkeena NNKH: اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عِلْمٍ لَا يَنْفَعُ وَمِنْ قَلْبٍ لَا يَخْشَعُ وَمِنْ نَفْسٍ لَا تَشْبَعُ. Ilaahow waxaan kaa magan galnay Cilmi aan lagu faa’iidin. Qalbi aan cabsan iyo Naf aan dhergin. Aamiin. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa diiday in ay ka qeyb galaan Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu Muqdisho ka furmo maanta oo ah 19-ka bisha April. Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa la sheegay in ay diideen in ay aqbalaan Casuumadda uu u diray qaarkood, waxaana ay ku xireen Shuruud. Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ku kala sugan Nairobi iyo Dubai, waxaana muuqata in uu baaqday Shirkii lagu waday in uu dhaco maanta. Ilo ku dhow Madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in shirka ay iska diideen Madaxda Puntland iyo Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Shuruud ku xiray in uu ka qeyb galo Shirka, waxaana Galmudug ay sheegtay in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin, Maadaama horay aan loo fulin heshiisyaddii lagu gaaray Garowe bilowgii Sanadkaan. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka biya diiday in shirkaan Garowe laga soo wareejiyo oo Muqdisho lagu qabto Maadaama horay uu ballanku ahaa in lagu qabto Kulanka Garowe oo la iclaamiyay bilowgii Sanadkaan. Ma cadda in shirka dib loo waqtiyeyn doono iyo inuu sidaas ku fashilmay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online ka helayso caasimada dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa sheegaya in xalay ay halkaas kulan ku yeeshen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, Muuse Biixi iyo Saciid Deni. Kulanka ayaa ka dhacay Hotelka Ascott Park ee magaalada Dubai, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in Biixi iyo Deni ay kawada hadleen xiisada colaadeed ee ka dhex taagan labada Maamul, iyagoo isku afgartayna inay ilaaliyan heshiiska xabad joojinta iyo in laga fogaado waxkasta oo markale colaad ka abuuri kara labada dhinaca. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanayd oo diyaarinaysay qorshahan ay xalay ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Biixi iyo dhigiisa Puntland Deni. Kulankan ayaa ahaa mid qarsoodi ah, oo ilaa hadda aysan cadeyn arrimaha kale ee ay kawada hadleen Labadan Madaxweyne, iyada oo ay jiraan kulamo kale oo ay u balameen si ay uga wada-hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa nabad waarta. Wixii kasoo kordha Kulankan kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com