-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-25032019.mp3 View the full article
-
Madashii Madaxweynuhu ka akhriyey khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo lagu xardhay muqaal foojari ah oo loo ekaysiiyey astaanta dasruuriga ah. Khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ee uu jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga dul akhriyey goob lagu qurxiyey muqaal foojari ah oo loo ekaysiiyey astaanta dastuuriga ah ee qaranka Somaliland, taasoo ah ceeb qaran iyo gef laga galay astaanta qaranka. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa hore u shaaciyey in hay’adaha dowladdu ay 70% isticmaalaan, isla markaana dhukumantiyada dowliga ah lagu ladho astaan khalad ah oo loo ekaysiiyey Astaanta Qaranka Somaliland. Sida ku cad qodobka 7-aad ee dastuurka Somaliland, farqaddiisa 2-aad, astaanta qaranka Somaliland waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaanna ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhexaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah. Hasa yeeshee, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo warbixin siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland taariikhdu markiin ay ahayd 2 February 2019, oo uu wargeyska Jamhuuriya hore u faafiyey warkiisa, waxa uu halkaas ku soo bandhigay farqiga u dhexeeya astaanka saxda ah ee qaranka iyo astaanta kale ee macmalka ah, taasoo uu xusay in hay’adaha dowladdu ay si xooggan u adeegsadaan. Waxa aannu runtii idinla socodsiinaynaa halkaas waxa aad ku aragtaan (labadiisa gacmood oo uu labda astaamood sare ugu qaaday) laba calaamadood oo ah astaamihii qaranka. Labadaas astaamood ee qaranka, markii aannu eegnay Hay’adaha dowladda iyo Wasaaraddaha qaranku astaanta qaranka ee ay isticmaalaan, waxa ay 70% ay isticmaalaan astaanka khaldan, markaa labadaas astaamoodba waannu gayn doonaa Golayaasha Qaranka oo dhan iyo Golaha Wasiirradaba, si loogu dhaqmo astaanta saxda ah ee aynu leenahay,” ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu. Waxa kaloo uu soo bandhigay waxyaabaha ay astaantan been-abuurka ah kaga duwan tahay astaanta saxda ah ee qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Tan (astaanta khaldan) waxa dhexda kaga qoran maaha BISINKA ee waa far Faarisi ah (luqadda lagaga hadlo dalka Iran qaybo ka mid ah waddanka Ciraaq iyo dalal kale), Allaahu akbar kagama taalo feedhaha, laakiin wax kale oo sanam ah ayaa ku yaal, waana laba arrimood oo aad iyo aad u kala duwan, laakiin waraaqaha aynu isku dirayno heer qaran waxay u badan yihiin kuwaas khaldan, taasna Insha Allaah waynu sixi doonaa.” Hasa yeeshee, hadalkaas Wasiirku waxa uu noqday biyo col-dhaanshay, kadib markii astaantaas khaladka ah ee uu hore u soo bandhigay lagu xardhay goobtii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey khudbad-sannadeedkiisa maalintii shalay, iyadoo ay halkaas wada joogeen dhammaanba hay’adaha dowliga ah ee ugu sareeya dalka Somaliland, haddii ay yihiin Golayaasha Guurtida, Wakiillada, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo madax kale oo ka socday hay’adaha dowliga ah, waxaanna ceeb qaran ahayd in Madaxweynuhu khudbad-sannadeedkiisa ka dul akhriyo goob lagu xardhay muqaal gef ku ah astaanta dastuuriga ah ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. by: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Source
-
Waxa aad maqashaa kelmed wanaagsan oo hadba inta kuraasida fadhidaa aad u adeegsato oo ah nabadgalyada hala ilaaliyo, ma nabadgalyada ayaanu ilaalinaa mise kursiga ayaanu idin ku ilaalinaa !!! Mudane Madaxwayne iyo Mudaneyaal ” M. Goleyaasha Qaranka ” waxa aad ogtihiin in mudanihii golaha guurtida ahaa ee la doortay 1997 kii ee mudo doorasheedkiisu ahayd 6 sano uu maanta fadhiyo 22 sanadood. Waxa aad og tihiin in mudanihii/marwadii Golaha Wakiilada ee la doortay 2005 ee mudo doorasheedkoodu ahaa 5 sano ay fadhiyaan 15 sanadood oo inta ay mudo doorasheedkoodii dhamaysteen laba mudo doorasheed oo kale ku darsadeen. Waxa aynu ogeyn in golayaashii deegaanada ee hore ay qaateen oo ay fadhiyeen laba mudo doorasheed halkii laga doortay mar kaliya 2002 ilaa 2012. Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii la doortay 2003 ee xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu ka talada dalka ka dagay 2010 oo aad garan kartaan inta uu mudo dhaafay. Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii ku xigay ee la doortay 2010 oo xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu talada dalka ka dagay 2017 oo aad isagana garan kartaan inta uu mudo dhaafay. Waxa aynu ognahay in goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ee xiligan fadhiya la doortay sanadkii 2012 kii ilaa maantantana ay fadhiyaan oo aad garan kartaan inta ay fadhiyaan iyo mudo dhaafkooda. Maanta aduunyada aynu ku noolahay waxa aynu ognahay in lagu kala badbaadayo ama horumar iyo xuqaaqaadka dadku leeyihiin lagu gaadhi karo iyada oo la fuliyo waxii ay umaduhu ku heshiiyeen. Waxa aan shaki inagaga jirin in horumku seeskiisu aanu ahayn daaro iyo dugsiyo la dhiso ee ay tahay sidee dadku u kala badbaadayaan ee qofwaliba mabsuud ugu noqon karaa dawladnima una arki karaa in ay dan u tahay? Taasi waxa ay ku imanaysaa sida ay ila tahay qodobadan; In Nabadgalyo la helo wax kasta oo suuragalin kara in ay burburtana laga hortago sida; 1- Sharciyada iyo nidaamkii lagu heshiiyey ee la isku aaminay oo aan loo raacin sidii la iskula gartay. 2- In laga ilaaliyo cadaw kasta oo dibadeed oo duulimaad ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada dalka. Qodobka 1aad; – Hadii aan umadu dhaqan galin oo hirgalin waxii ay ku heshiisay ee la isku aaminay oo shuruuc iyo nidaam ahaa , waxa imanaysa kalsooni daro , kala shaki iyo in aan dadku dawladnimada u arag mid danahooga wada . – Damaca siyaasiga ahi waa xuquuq ay leeyihiin muwaadiniintu , waana kuwa ugu waaweyn ee ay dawladuhu ku dumaan dadku iyaga oo xuquuqaadka kale oo dhan helaya hadii ay waayaan , sababtuna waxa ay tahay inta ay qofka ku jirto rajo uu wax ku badali karaa ma qaato ficil ku kalifaya in uu dagaalamo ama dumiyo waxa jira. Qodobka 2aad; – Isagu waa mid guud oo ka soo horjeeda dawladnimadaada iyo jiritaanka umadaada oo dibada kaaga yimaada , lagamana yaabo in uu kaa guulaysto hadii aad gufayso goldaloolooyinka lagaa heli karo oo dhan dibad iyo gudaba. ( Marka ay sidaa tahay hadii ay doonaan inta maalinba kuraasida fadhidaa in ay dadka ku yidhaahdaan nabadgalyada ilaaliya, waxa aanu leenahay nabadgalyada ilaaliya oo ka kaca kuraasida. ) Haddaba hadii aan u soo noqdo ujeedadayda iyo halka aan u socdo Somaliland waxa ay yeelatay dastuur mudo laga joogo 18 sanadood 31-May-2001, dastuurkaasi oo ay dadku ku heshiiyeen una codeeyeen oo ay ogolaadeen 97% Dastuurka dalku qaatay waxa la xasuustaa maalinta dan doorasho jirto , 130 qodob ayuu ka kooban yahay oo aan lahayn mid aad ku diido laakiin kuma shaqeyno kumana dhaqano, xeerarka la sameeyo ee ka dheegma dastuurkuna waa kuwa dan markaa joogta lagu qiyaaso intooda badani oo aan looga fikirin si qoto dheer oo mustaqbal umadeed ah. Arimahani waa kuwa keenay in ay su’aalo ka yimaadaan in dastuurka wax la iska weydiiyo, oo la yidhaahdo malaha isaga ayaa qalooca , dabcan qaladaad wuu ku jiri karaa oo waa wax binu adam sameeyay hayeeshee waxa aan is leeyahay hadii sidiisa loogu dhaqmayo oo aan xeerarkana lagu fadhiisin dano gaaban oo cidi wadato ama wakhtigaasi oo kaliya taagan wuu ina wadayaa in badan. Dulucda iyo halka aan danta u leeyahay waa nidaamka doorashooyinka dalka jamhuuriyada Somaliland oo jiitan iyo mudo dhaaf ku socda 18 kaa sanadoodba , oo xal iyo odayeyn la garab wado markii loo fulin waayey waxii lagu heshiiyey sidii uu ahaa. Xal iyo sharciga oo laga odayeeyaa hadii ay in badan ina soo saaciday maaha mid ina wadaysa , waxa aanay inagu keeni kartaa burbur Alle inaguma keeno e , oo hadii maalinba inta kuraasta fadhida ay la soo taagnaato nabadgalyada ilaali , dee waxa imanaysa adigu ilaali oo dadka u banee meesha oo nidaamkii lagu imanayey fuli. Maanta waxa aan saluugay sida uu uga hadlay iyo inta yar ee uu kaga hadlay doorashooyinka dalka oo ah halbawlaha nidaamka iyo xasiloonida dawladnimo ee dal leeyahay oo hadii la hagaajiyona dalkaasi horumarayo oo hagaagayo , hadii la hagaajin waayona halisteeda leh. Waxaana uu ka yidhi Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland intan halka hoose ku qoran; 1.6. Doorashooyinka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku. @Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
-
Beer Iskuul dhexe ( Dugsiga dhexe) ee Oodweyne iyo tuuladda beerto la yidhaaho u dhaxaysa, oo dooxa ka xigta dhanka Bidixdda, baa waxa lahaan jirey, nin mareexaan ah oo la yidhaaho ” Cali Madaxay” Waxay beer-taasi ku taalaa meel sare oo tiiro ah, sidaas awgeed roob kaste oo da’aa ( Si kaste oo uu u weyn yahay), may geli jirin biyahu. Maalin-maalmaha ka mid ah, oo uu jirde gooye ka da’ay, baa nin soo dhex maray aagaas ay ku taalo beertu, la waydiiyey, oo la yidhi, adaa dhankaa ka yimiye, beerihii daad ma galay, Wuxu ku jawaabay haa oo way galeen, misana waxa la yidhi ” Bal Ka waran beertii Cali Madaxay? Wuxu yidhi ” Adigu hadaad daad tahay beerta Cali Madxay ma geli lahayd?” Waxan uga socdaa oo aan u soo qaatay tusaalahan ” adigu-ba caqlaad leedahee, carar maxaa dhaama? ” buu yidhi wadaadkii waalaaye, Ma yawgan meesha isku urursaday, ee ay hor boodayaan labadan jaha -wareersan ee askari, baad cadaalad iyo xaq sheeg uga fadhidaan? Waxay la mid yihiin ” Daad-kaas beerta Cali madaxay galay” oo qayrul caadi ah. Waa habeenkii xalay ee tegay oo dib kuugu soo noqday. Hore baa loo yidhi ” Rag cadaalad waayaa siddii cawsha kala yaacye”, tani way iska kala dareeri doontaa” dhawaan, bishuna hortiina bay iman doontaa si dhakhso ah. Bal in aanay gari ka bixin askarta iyo daba dhilifya-doodda, kuwaas oo fandhaalo u ah lagu cuno, huntidda ummadda ee la futaynaayo, siddii muqmad Aroos, gar-gashaana aanay jirin haba-yaraatee, meel kaste oo aad maamul-koodda ka eegtid, oo aan la hayn wax cadaalad la yidhaahaa iyo garsoor, loona sinayn, ee jeegaanta aan xeer qabtaaaba jirin iyo xadhig lagu xidhaa-toona, laakiin wixii aan iyaka ahayn lagu fulinaayo, waxay ku sheegaan Distoor, kaas oo ah mid wixii aan jeegaanta ahayn loo sameeyey, daliil-kiina waa kan Muwaadin ee ku soo bood. Bal in aanay meela ka soo gelin cadaaladi iyo xaqsoor iyo wax u eeki mid-koodna, dad beelo kale ah baa loo xidh-xidhay Musuq-maasaq, (Waa sidda ay in yidhaaheene) waase beelo la iska rabo’e, haddii ay run tahay musuq-maasaq baa la dabar go’nayaa, oo aan is tus iyo ii dheh aanay ahayn, oo aan dhaaln-teed dadka loo dhigayn, Cabdiraxmaan ( waa ka War-faafinta ay ku sheegaane), waxa kuwa hanti dhawrku ay ku soo helaan, xatooyo xoolo ummadeed, taas oo loo soo gudbiyey, Xeer-ilaalinta uu leeyahay maamulka jeegaanta ee dawlad Goboleedka Soimaliland. waana la soo xisaabiyey, waxa lagu haysto. waxa uu askarigu yidhi lama xidhi karo, Cabdiraxmaan ( Waayo waa inaadeerkii), oo waxa meesha ka shaqeeya murtiddii ahayd ” Durbaan adigu Tumo ama nin ku xigaa ha kuu tumo”. hadana dam-dam been ah iyo i-araakay i-maqlaay, sawaxan hoosta ka qalaalan, oo milil jiifo, naxli iyo cuqdadi ka buuxdo, huursanayd mudo aan qiyaas lahayni, baa sidda giraantii saabka ee dhan-gedaha kale isku wadda xidhi jirtay oo kale, loo seeteeyey beelihii kale. Ruuxa maanta aan weli wax ogaani, waa mid aan xoolaha dhaamin, oo sidda askarta ah ” Laguma dhaamee dhaqaaq” oo loo ilaashado qaabkii xoolaha loo raaci jirey, ee neefka meel uga baydha dib loo soo celin jirey. waxan idin sheegayaa, qofkii u fadhiya wax Somaliland la yidhahao baa jiraw, waxad ka dhigan tahay, daayeerkii la yidhi qadhaab ka waran?, Ee ku jawaabay ” Tun-kayga iyo tagoogayga ka eeg”. ujeedo waxa weeye Somaliland wax la yidhaaho, hadeer gorayga baa ka hadaafay, ee candhuuf-tiina dib uga liqa, wax jira maaha imika’e. oo wasiirkii arimaha debedda ee Ereteriya,baabu askarigu sii faray in uu rabo isku noqosho somaliya ah. Xununal-qarqooshka Labadda Askari, ay ku dumaaleen Somaliland, qurba-siraadka bilaa sharciga ah, baan doonayaa in aan maanta shaaca idiinka qaado, maamul-koodda canda-dawlan, ee ayaan-ba-ayaanta ka damabysa ka sii darayaan, siddii ciyaartiigodod-laha ahayd ee” Dhan-walba u bood” uu xaalku hadeer u shaqaynaayo, taas oo micna-heedu yahay, wax kaa xaaranti-maysani ma jiraan, ee iska walaaqdda, idinka baa mididda daab-keedda haysta’e, waayo markii hore baanay xalaal ku iman, ee kufsi ay ku uureeyeen, siddii baanay nirig xaaraan ah ugu dhashay, markaa ma waxad ka sugaysaan, in xaaraani ay xalaal kuu dhasho, qofkii taas u fadhiyaw waxad ku riyootay been iyo munaafaqad, aan meela looga soo wareegin, waxana aad tahay doc iskaga baydh, si gaar ah loogu adeegto. Danta guud ee dalka iyo dadka ka door biday, isku xaaafad baanu ka nimi iyo rux-rux-doon dhuunta u dhintay, xil-dhaadhi wax uu boobo u bartay, siddii uu sheegaayey Xaaji Aadan Af-Qalooc (IHN) ee uu lahaa ” Waash-maan kol ay tahay, ninkii taabay meel dheregye”. tusaale u qaado, oo waxad is waydiisaa Labadan Askari ee isku sheega, Magac ay isu bixiyeen, meela aanay ka soo gelin, haddii aanay ku qaadan beri baanu xuduudda ka talawnay ( Waa Mujaahide), iyaka oo laba cumaama-dood, ay madaxa ugu duuban yihiin bay soo galeene, xagee bay ka keeneen? Maaliyadda intaa le’eg ee ay haystaan, saw boob iyo hanti umadeed maaha, haddii aad illaahay ka baqayso, oo aanay kugu abuurnayn reer hebel, oo aanad iyaka u sujuudayn, Waa shaki la’aan aan geed-na loogu soo gaban, xoolaha gacmaha ugu jiraa, in ay yihiin tii ummadda oo tuuganimo lagu dhacay. N.B Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dheregye! Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
-
(SLT-Washington)Eedeyntan ayaa dul hoganaysay labadii sano ee ugu horeysay ee madaxweynenimada Mr Trump, iyo asxaabtiisiina waxay arkeen natiijada warbixinta si ay u noqoto mid dhiirrigelisa fursadaha dib-u-doorashada. Trum ayaa aaminsan inay eedaymahaan ahaayeen kuwa been abuur ah. Ol’olihii doorashada ee madaxweyne Trump wada shaqayn ma dhex marin Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii 2016, sida ay sheegayso warbixin kooban oo Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah. Warbixintan kooban ayaanse meesha ka saarin in madaxweyne Trump uu si sharci darro ah u hor istaagay caddaaladda. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa xogtan kooban ee xildhibaannada lala wadaagay ka soo dhex saaray natiijadii ka soo baxday baaritaankii la sameeyay. Madaxweyne Trump oo arrintan ka jawaabaya ayaa Twitterka ku soo qoray “wada shaqaynna ma jirin, caddaalad la hor istaagayna ma jirin.” Trump oo baaritaanka si joogto ah ugu tilmaami jiray quraafaad ayaa Axaddii sheegay “in ay waji gabax tahay in dalku uu marxaladdan maro isaga oo ku tilmaamay “arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”. Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo. “Inkastoo aan warbixinta lagu soo gunaanadin in madaxweynuhu ambi galay, haddana lama bari yeelin,” ayuu Muller ku soo gudbiyay natiijada baadhtaankiisa. Source
-
Doha (Caasimada Onlien) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Qatar ay soo faro-gelisay xiisadda ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Qatar oo eeganeysa danaheeda gaarka ah, ay dooneyso inay wada-hadal siiso Soomaaliya iyo Kenya, si ay xal uga gaaraan muranka u dhaxeeya, Dareenka Qatar ay ku bixineyso murankan ayaa waxa uu salka ki hayaa xaqiiqda ah in Qatar ay dano ganacsi ka leedahay dhul-badeekda Soomaaliya ee Kenya ay sheegtay. Dowladda Kenya ayaa horey waxay saddex xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka Soomaaliya ee ay sheeganeyso uga iibisay shirkadda shidaalka ENI ee laga leeyahay dalka Talyaania. ENI iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriri ganacsi wadaaga. Shirkadda shidaalka dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ayaa waxa ay horey u iibsatay saamiyo ka mid ah xirmooyin shidaal badan oo shirkadda ENI ay gacanta ku dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay shirkadda ENI inay iibsatay xirmooyin shidaal ku yaalla dhul-badeed ay si sharci-darro ah ku sheeganeyso dowladda Kenya. Ma cadda, sida Qatar ay dhex-dhexaad uga noqon karto arrintan, maadaama ay ay xiriir ganacsi la leedahay shirkadda ENI oo danaynaysa in dhul-badeedka lagu muransan yahay uu noqdo mid Kenya, maadaama ay horey uga iibsatay xirmooyin shidaal. Si kastaba, haddii Soomaaliya ay ku guuleysato kiiska badda ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, waxaa meesha ka baxaya heshiiska dowladda Kenya iyo shirkadda ENI, taasi oo aan dan ugu jirin shirkadda Qatar Petroleum ee xiriirka ganacsi wadaag la leh ENI. Qatar ayaa ah dowladda saaxiibka koowaad la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo lagu tuhmayo inay gacan weyn ku lahayd doorashadii madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waa hees cusub oo si dhab-ka-hadal ah oo dareen taareen taabasho leh uga hadlaysaa xaalaadda Somaliland iyo maamulka Muuse Biixi. Heestu waxa ay leedahay “Muusow waa aad uga sii dartay oo waxa aad noqotay “Kaddare”. Waa hal-abuurkii Daaha Cabdi Gaas, waxa cod ku qaaday kooxda Dayax. Siddeetan kun bay dhiggaa Dadkani cod ku dhaafiyeen Mujaahid dal soo dhacshiyo Wax baad dheer tahay dadkana Inay kaa dhaadhacdaa Dhalliil weeyee ogow. Kuwii dalka kula dhacshiyo Kuwii dhiigga kula shubiyo Dhiggaa waa nool yahee Waxay Muusaw dhabtii Kursiga kuugu dhaariyeen Habeen isagaan ka dhixin Ka dhoofin intuu jiroo Dhulkiyo bulshadaba yaqaan. Intaa dhiman ee hadhiyo Qabyada ha dhammaystiray Runtii kuugu dhiirradeen. Sicirka dhadhamada bulshada Cirkaa dhuuniga u baxay Wixii dhakhso celin lahaa Xal bay dhawrayaan la helo. Hooyadii codka dhiibatiyo Dhallaankii ku doortay shalay Dheefiyo iska daa cuntee Dhuuniga biyo uma helaan. Dhulkuna wuu badan yahee Dhammaan Somaliland Way dhaantay markii horee Hadday sii dheellidoo Dhan baa sadbursiimadii Halkii laga dhimi lahaa Dheeraad ugu sii dartee. Dhismaha dawladdiyo sharciga Soo dhaafi Hargaysa oo Ka dhaadhici Buurta Sheekh Ilaa Dhahar iyo Taleex Gaadhsii dhan kastaba cadliga Iyadoo isu dheellitiran Dux iyo dheef haw sinmeen Xilkiyo dhadhamada bulshadu. Intaan ku dhalliili jirey Dhammaan dawladdaydi hore Adaa dhaafiyoo ka daray Qaran News
-
Nin aqoon yahan ah , oo gacan biyo ah , agtiisa fadhiya , oo daawanaaya nimcooyinka illaahay dunida ku manaystay , ayaa waxay indhihiisu qabteen DIBQALOOC gacankii biyaha ku dhacay oo hafanaaya oo sii qarqaaya , ninkii aqoonyahanka ahaa wuxuu go’aansaday in uu dibqalooca badbaadiyo , Gacantiisii buu isyidhi ku soo qabo dibqaloocii Dibqaloociina wuu qaniinay , gacantii buu kala soo booday , isaga oo aad u qaylinaaya xanuun awgii . Hadana wax yar ka bacdi ayuu isyidhi , waar miskiinkan sidaa haku eegine badbaadi . Gacantuu isyidhi ku soo qabo , DIBQALOOCII hadana mar kale ayuu qaniinay . Gacantii ayuu dib ula soo booday , isaga oo hadana qaylinaaya xanuun awgii . Hadana mar saddexaad ayuu isyidhi tijaabi , bal inaad badbaadiso naftan sii qarqaysa . Meel agtiisa ah waxa fadhiyay nin kale oo arkaayay waxa dhacay oo la socday , ninkii oo sare u qaylinaaya , ayaa waxa uu waydiiyay oo yidhi : waar ninyahaw waan arkaayay wixii kugu dhacay ee aad kala kulantay , hadaba miyaanad waxba ka baran wixii kugu dhacay , markii KOOBAAD ee aad gacantaada u fidisay bahaLkani wuu ku qaniinay , markii LABAADNA xanuunkii kula kulmay miyaad ilawday , Iminkana weli gacantaadii waad sii waddaa , ee miyaanad ka waantoobin . Ninkii aqoonyahanka ahaa , isaga oo aan dan ka gelin dhaliishii ninku u soo jeediyay , waxa uu halkii ka sii waday , hawshii ahayd , sidii uu u badbaadin lahaa DIBQALOOCII . Markii danbena wuu ku guuldaraystay in uu dibqaloocii badbaadiyo . Kabacdina xaggii ninkii kale fadhiyay ayuu u dhaqaaqay , waxaanu ku yidhi : Dabciga (dhaqanka) dibqaloocu waa inuu wax qaniino , ANIGANA dabcigaygu (dhaqankaygu) (dabeecadaydu) waa inaan wax badbaadiyo , LAAKIIN nasiib daro ayaa dhacday maanta , oo ddibqaloocii waan badbaadin kari waayay , isagaana dibqaloocu u sabab ahaa , markaa ninyahaw adigu waxaad ila doonaysaa , inaan dabciga (dabeecadda ) (dhaqanka ) dibqalooca aan qaato , oo kayga aan ka tago. Hadaba DIBQALOOC abaal gudkiisu waa qaniinyo , XISBIGII KULMIYENA shacabkii somaliland ee doortay iyo ciddii gacan soo sii sayba , wuu wada qaniinay , oo cid badbaadin karaysaa maanta ma jirto . Hadana xisbigii kulmiye wuxuu iminka doonayaa , in loo kordhiyo oo uu qaniinyooyinka sii badiyo . Suurto gal miyay tahay , ii kordhiya aan idin qaniinee. Suurto gal miyay tahay i doorta mar kale aan xoog idiin sii qaniinee . Abaal gudkii xisbiga kulmiye wuxuu noqday qaniinyooyin , uu dalkii iyo dadkiiba u geystay . Bal adba maxay kula tahay ? CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli @hotmail.co.uk Qaran News
-
30 DAQIIQO OO FAAN & BEEN AH: Ma hubo inaynu weli ku jirno Ololihii Doorashada ee Dadka Shacabka ah Xisbiga Kulmiye Beenta ugu Sheegayey si uu Codkooda u Xado. Qudbada Madaxweynuhu Shalay ka hor Akhriyey Labada Gole run ahaan waxay ahayd Qudbadii ugu LIIDATAY, ugu FAANKA Badnayd, uguna HAB-MAAMUUSKA xumeyd ee Abid uu soo jeediyo Madaxweyne Somaliland ahi “Waxaan fili waa Socod-barade’ aynu eegno kuwa Xigi doona ee Sanadaha Soo Socda”. Maxaa Khaldamay: 1) Ugu horayn Madaweynuhu wuxuu Qudbada Sanadka ka jeediyey Labada gole Hortooda, Balse wuxuu Garbaha iska Dhigay Taliyayaashii Ciidamada Qaranka, halkii ay garba joogi lahaayeen Gudoomiyayaasha Labada Gole. Maan-garanin Qorsha iyo Habmaamuuska meesha ka Socday a) Dalku Ma Dagaal buu ku jiraa?? b) Madaxweynuhu Ma Ciidamo ayuu u Qudbadaynayaa oo Dagaal-gelin buu ku jiray??? Indhaha Caalamku waa Yaabeen!!! 2) Madaxweynuhu wuxuu Qudbadaynayey 30-Daqiiqo; Qudbadiisa Bilow ilaa dhamaad Waxay ahay Faan iyo Buunbiinin Waxyaalo uu yidhi waanu qabtay, Balse aan la Arkin lana Taaban karin Badidooda “Bal Madaxweynuhu waxqabadka Wasiiradu u soo gudbiyeen dib ha ugu noqdo oo ha soo hubiyo”. 3) Madaxweynuhu Wuxuu ka Gaabsaday inuu ka hadlo waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee Shacabku ka sugayey ee kala ahaa: a) Furfurka Bulshada ku dhacay ee Daweynta u Baahnaa b) Cabashada Saami-qaybsi ee indhaha Bulshada & Caalamkuba arkayaan c) Arimaha Cabashada Gobolada Bariga ee Furista Dastuurka d) Qabsoomida Doorashooyinka Goloyaasha ee 2da Jeer la korshiyey Mudadii Sanadka ahayd ee Muuse Madaxweynaha ahaa e) Jabhadaha Hubaysan ee Dalka ka Samaysmay f) Sicir Bararka Baahsan ee Bulshada Aafeeyey g) Cabashada Garsoorka ka dhex-jira ee Garsoore kastaa Go’aanka Jeebkiisa kala soo Baxayo h) Cabudhinta Saxaafada loo diiday inay Madaxweynaha Waraystaan i) Qorshaha cad ee Soomaalilaand ka leedahay Isbedelka Geeska ka Socda j) Waxqabadkii DPW ee isu bedeley Dayactirka Dekedeenii hore iyo Weliba Jidadkeenii Hore. Tiro laguma soo koobi karo Cabashada & Tabashada Qarankan ka dhex-jirta ee Madaxweyne Muuse Xalkooda iyo Qorshahooda laga sugayey balse uu Sacab & Mushxarad isku Dhaafiyey. Waa Nasiib Xumo inuu Madaxweynuhu iska indho-tiray Waaqiciga dhabta ah ee Dalka yaal; una dhaqmay sidii Rajiimkii Mohamed Siyaad ee Sacabka iyo Jaanta qudha Maqli jirey, Soomaalidaa ku Maahmaahda “Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho”. Afhayeenka Yurub Xisbiga Waddani Qasim A Saleebaan Qaran News
-
Wax u muuqda inay yihiin kalsooni siyaasadeed middii ugu weyneyd ayaa laga dareemay booqashada uu Axmed Madoobe kusoo gaaray magaalada Muqdisho. Kuma filneyn kaliya waddooyinka magaalada oo loo xiro imaatinkiisa. Wuxuu si lagu faani karo ula soo degay guutooyin ciidamo si fiican u qalabeysan kuwaas oo hareer socday. Laba sannadood kahor markii uu imaanayay halkan, Madoobe wuxuu u muuqday sida qof caadiga. Maanta oo kaddib laba toddobaad un wax ka yar uu magaalada Kismaayo ku qaabilay R/W Kheyre, wuxuu ugu danbeyn ku yimid balan-qaadkiisii ahaa inuu imaan doono Muqdisho. Madoobe oo goor hore lumiyay saaxiibadii garabkii taagnaa, waxaa cad inuu hadda diyaar u yahay inuu micno walba oo suura-gelin kara wada-shaqeynta dowladda dhexe uu la gaaro madaxda qaranka. Hayeeshe, taasi ma ahan mid u sahlan sida loo yiri. Dib-u-raacista taxanaha dhex yaal labada dhinac wuxuu marwalba ku dhisnaa sedbursiino. Wuxuuna Madoobe marwalba – isaga oo helaya taageerada saaxiibadii ay isla aas-aaseen Golaha Iskaashiga – aad u quudarreyn jiray inuu kaalin libaax ku yeesho siyaasadda gobalka iyo tan dibadda. Sidoo kale, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya ee Kismaayo dagaal ba’an kaddib al-Shabaab ku qasbay inay isaga baxaan, Madoobe wuxuu hadiyo jeer lahaa kalsooni dheeraad ah oo aanay qabin xubnihii ay iskala tirsanaayeen Golaha. Waxa Jubbaland ay kaga duwan tahay maamullada kale waa iyada oo amnigeeda uusan ganacta ugu jirin Itoobiya, balse ay gooni u ilaashato Kenya. Hadda oo Madoobe mar kale – isaga oo xanbaarsan fikir ka duwan kii uu ka qabay dowladdan sannad kahor, uu soo gaaray caasimadda, waxaa iska cad inuusan ku qanci doonin inaan la fara-gelin taliskiisa. Taasina uu ku bixin doono micno walba oo maangal ka dhigi kara si uu ku xaqiijiyo. Balse maxay noqon karaan micnayaashaas? Khubarada ayaa aaminsan in Axmed uusan dooneyn in sida saaxiibadii hore aan si toos ah iyo mid dadban intaba aan lagu dayin is-beddelka laga yaabo inay ku timaado doorashada soo socta ee ka dhacaysa Jubbaland. Taas beddelkeeda, wuxuu ku qanacsan yahay inuu si toos isaga oo isku kalsoon uu kaga qeybgalo doorashada. Hayeeshe, dhicitaanka doorashada laftigeeda ayaa laga fahmi karaa haddii Axmed isku arko xulka kusoo bixi kara doonista NabadIyoNolol. Tallaabooyinka xigi kara kaddib kulamada uu Muqdisho kula qaatay madaxweyne Farmaajo ayaana taas laga garan doonaa. Mid kale oo waxaa jirta u furan labada dhinac, taasina waxay ku imaanaysaa is-weydaarsiga fursadaha labada dhinac ay iska dhex arki karaan. In haddaba aan lagu kala dhaqaaqin is-nabdaadin balse loo dhaadhaco gunta hoose ee iskaashiga, waxay labada dhinac mid kasta gaarkiisa u siinaysa fursad uu ma labaad ku sahmiyo wixii kaga qaldamay tagtadii hore. W/Q: Cabdijabaar Xuseen Muuse Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Finland)-Wasiir ka tirsan Dowladda Finland ayaa la sheegay in shalay la cabsi-geliyey, xilli uu ka qeyb galay Dibadbax Doorasho. Booliska ayaa sheegay in nin aan la aqoonsanin uu u hanjabay Wasiirka oo isagu baxsaday iyadoo ayna dhawaacyo soo gaadhin. Booliska ma ayna carabaabin magaca Wasiirka loo hanjabay, balse, Sawir-qaade sawiro ka soo qaaday Dibadbaxaasi ayaa sheegay in Wasiirka la cabsi-geliyey ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Finland oo lagu magacaabo Timo Soini. Wasaaradda Arrimaha Dibedda wax hadal ah kama ayna bixinin arrintaasi. Afhayeenad u hadashay Wasiir Timo Soini oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS la xidhiidhay wey ka gaabsatay inay ka hadasho dhacdadaasi. Warbaahinta iyo Booliska dalka Finland midna wax faahfaahin ah kama aysan bixinin haddii Ninka weeraray Wasiirka uu hubeysnaa, kadib hanjabaadda uu Wasiirka ku siiyey Dhacdadaasi oo ka dhacday Suuqa ku yaalla Deegaanka Korso Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Helsinki. Ciiddan ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa la sheegay inay garba-duub u xireen ninka weeraray Wasiirka, kaasi oo watay shaar madow oo ay ka muuqatay Calaamadda Koox ka soo horjeeda Muhaajiriinta ku nool dalka Finland, oo la magac baxeen Ciiddankii Odlin. Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-25032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa ku tagay maanta kormeer qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho. Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa kormeeray Wasaarada Gaashaandhiga Somalia iyo Xerada Jenaraal Gordon iyo kuwo kale, wuxuuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidan. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha uu madaxweynuhu kala hadlay saraakiishuu la kulmay ay qayb ka ahaayeen cabashada ciidamada ee mushaar la’aanta afarta bilood haysatay, taasoo ay u sii dheer-tahay in laga goostay saadkii cunno. Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamadii uu soo arkay wuxuu u sheegay inay heli doonaan wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin, isagoo ka dalbaday inay ammaanka dalka sugaan, ayna qaadaan duullaan ka dhan ah Al-shabaab. Dhanka kale, Ciidamada Koofiyad casta loo yaqaan ee madaxtooyada gaarka ka haya ayaa saakay xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku dhaw xarumaha uu madaxweynuhu booqday, iyadoo muddadii ay waddooyinku xirnaayeen ay shacabku cagahooda maalayeen. Madaxtooyada Somalia wali wax war ah kama soo saarin kormeerka saakay uu madaxweyne Farmaajo ku tagay xeryaha ciidamada, iyadoo socdaalkan loo diiday iay qayb ka noqoto warbaahinta dowladda iyo madaxa bannaan ee ka hawlgala Muqdisho. Kormeerka madaxweyne Famaajo uu maanta ku maray xeryaha ciidamada ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ciidamada dowladda sameeyeen gadood ay kaga cabanayeen mushaar iyo cunno la’aan socotay muddo afar bilood ah, inkastoo madaxda dalka ay inkireen cabashadaas. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkii hore sheegay in dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Ingiriiska ay joojiyeen malaayiin doollar oo ay ku bixin jireen mushaar ahaan ciidamada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kormeerro ku maray Xeryaha Ciidammada Dowladda appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Dad badan ayaa si adag uga falceliyay farshaxan xumo iyo dhalan gadi foolxun oo lagu sameeyay Astaantii Guud ee Qaranka Somaliland taasi oo lagu dhejiyay Miiskii Hoolka Golaha Guurtida ee uu Shalay Madaxweyne Muuse Khudbad Sannadeedka uga jeediyay labada Golle Baarlamaan. Waxay shalay si cadho leh baraha Bulshada aad loogu falanqeeyay Arintaasi kadib markii sawirada qaabka loo bahdilay lagu soo daadiyay Baraha Xidhiidhka Bulshada. Abwaanka Caanka ah ee reer Somaliland ee Xasan Daahir Weedhsame oo bartiisa Facebookga soo dhigay Sawirradda bahdilka lagu sameeyay Astaanta qaranka ayaa waxa uu soo raaciyay Qoraalkan “Miiskaa googoradda lagu sawiray haddaan sii baadho, waxaan ogaan doonaa inuu mid yar oo dhex-marayaasha amran ka mid ahi qandaraas ku qaatay. Waar nala saa’ira oo bal in yar uun na ixtiraama aan idiin ducaynee”. Dad badan oo kale ayaa ka falceliyay arintan. Source
-
Xirnaanshaha waddooyinka xilliyada cayiman iyo jidadka qaar ee ka caagan socdaalka iyo marista gaadiidka kuwaas oo sababo jira loo xirtay, waxay gocasho iyo xusuus hore gelinaysaa shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kuwaas oo waqtiyo adag lasoo kulmay. Mar kasta oo aad isasoo taagto goob ka caagan marista gaadiidka ama waddooyin muddo kooban la xayiro ku socdaalkooda, waxaad ogaaneysaa inay tahay marxaladda ugu fiican intii lagu guda-jiray geeddi-socodkii adkaa ee magaaladani soo martay. Markii uu dhamaaday qadkii cagaarnaa ee caasimadda Muqdisho u kala dhanbali jiray xero hoggaamiye kooxeed kasta uu ka taliyo dhowr iyo toban sano kahor, xirista waddooyinka qaar iyo mamnuucista socodka dadweynaha waxay ahayd mid si aan laga fursan karin ay ula kowsatay dowladdii ugu horreysay oo lagu soo dhiso dalka Kenya. Taniyo markii xukuumadda AUN Abdullahi Yuusuf Axmed ay si rasmi ah u sal-dhigatay caasimadda Muqdisho, wararka ugu waaweyn ee waagaas warbaahinta loogu dhageysiga badnaa waa haddii waddooyinku xiran yihiin iyo in kale. Waagii ku dilaaca jidadka oo furan, way adkeyd in gabbalku ugu dhaco iyada oo aan saacado kamid ah maalintaas waddooyinka la xirin. Mararka qaar, marista laamiyada waxay ahayd halis muuqata. Jidad badan ayaa cabsida laga qabo qaadistooda awgeed, waxaa qofkii ku dhiirrada loo marin jiray samir iyo iimaan. Kolkii ay dowladdu si buuxda ula wareegtay gacan-ku-heynta caasimadda Muqdisho kaddib dagaalo qaraar oo looga qaxay inta badan magaalada, wax u muuqda inay yihiin farriin iyo tusaalayaal ay iska dhaxlaan xukuumadaha isaga danbeynaya talada iyo maamulka dalka waa xirista waddooyinka. Labadii dowladood ee xilka kaga horreeyey dowladda hadda jirta waxay lahaayeen sifada ah xirista waddooyinka iyada oo aan muwaadiniinta loo sameynin ogeysiin ama aan loo sahlin hab fudud oo ay ku gaari karaan danahooda – jeer isla mar ahaantaana la hubsanayo inaysan waxba u dhimeynin awaamiirta ay dowladdu soo saartay. Maanta oo dowladnimadeennu kasoo gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd, dhaqankani wali waa sidiisii. Mana u eka mid maalin la isaga fariistay si wax la iskaga weydiiyo cawaaqibka ay ku heyso bulshada caasimadda. Sida indhahaagu maanta u qabanayaan waddo aan loo oggoleyn gaadiid rayid ah – oo kuwa ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qura loo oggol yahay inay maraan – waa meertadii shalay balse ay xukuumaddu kasoo qaadatay middii ka horreysay. Lama saadaalin karo haddii dhaqanka xirista waddooyinka xilliyada qaar uu sidaan kusii socon doono iyo in kale. Haddana su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah sababta aan xal loogu heli karin shacbiga kala duwan ee kusoo toosa qabsashada danahooda kuwaas oo mar walba oo loo sheego in waddo xiran tahay cadceedda ugu wirwira masaafada ay ku gaari karaan hadafkooda! Mar walba oo aan ka hadleyno xirnaanshaha waddooyinka, kuma saabsana sugista amniga iyo nabadsugidda qaranka. Waxay goor walba la xiriirtaa waxa ku dhacaya dadweynaha ka badan dowladda ay ku hoos nool yihiin. Qiyaas danleyda kala duwan ee ku jira shacabka sida ardayda, waayeelka, bukaan socodka iyo dhibanaha laga yaabo inuu u baahan yahay gargaarka degdegga ah kuwaas oo haddii aysan helin marin ay ku fushadaan baahidooda wax badan oo qaali ah ay uga lumi karaan sida in qof uu u dhiman karo gurmad la’aan. Hayeeshe ma ahan dowladda dhexe oo kaliya midda looga baahnaa inay baraarug u yeelato dhibta iyo rafaadka gaaraya muwaadiniinta. Bahda saxaafaddana waxay u bateen inay codbaahiyaha ka sheegaan wararka ku saabsan in waddooyinku ay xiran yihiin. Halkii ay ahayd in warbaahintu ay banaanka soo dhigto waxa ku dhici kara guud ahaan bulshada kolka ay jidadku ka xirmaan, nasiib-darro waxay qodobada warkooda ku gabagabeeyaan ma ahan markii ugu horreysay oo ay xirmaan waddooyinka qaar ee magaalada. In dowladdu ay mar walba raali-gelin ka bixiso xirnaanshaha waddooyinka, bulshadana u sheegto sida ay uga xun tahay inay hakad gelinayso isku socodkooda, waa farriimaha saameynta leh oo muwaadiniinta ku beeri kara inay dareemaan shucuur ah inay qiimo ugu fadhiyaan dowladdooda. Waana samafalka ugu hooseysa oo lagu xoojin karo xiriirka dadka iyo dowladda. Waxayna sidoo kale muwaadinka ku beeraysaa lahaansho dalnimo. Waayo qofka kusoo tala-galay inuu gaadiid usoo raaco danihiisa ee lagu yiri lugtaada maal, haddii aan loo muujin inuusan sidaas mudneyn waxay dhaawacaysaa qalbigiisa. Waxaa jirta halheys dadka Denmark ay ku sifeeyaan dalkooda oo ay ku leeyihiin; Waddankani waa meesha lagu ilaaliyo karaamadayda, waxaana ku dhex sugan noloshayda. Balse raali-gelintu mararka qaar kuma eka ereyo dabacsan iyo hadallo naxariis leh. Waxay u baahan kartaa ficilka ugu qaalisan si heerka ugu sarreysa qanacsanaanta qofka muwaadinka ah loogu hantiyo. Waana baahi kale oo muhiimad ballaaran ugu fadhisa dadweynaha Muqdisho. Sida aragtida guud ee dadka caasimadda ku nool u badatayna, way fiicnaan laheyd in dowladdu la timaado xal lagu dhinac wado waqtiyada ay xiran yihiin waddooyinka halbowlaha u ah magaalada. Tusaale ahaan, in dowladdu keento gaadiid basas waaweyn ah oo la dhigo 52 is-goys ee magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay kuwaas oo caasimadda isku dhinac dhaafa – iyaga oo sida rakaabka rayidka ah ee jidadku ka xiran yahay, waxay shacbiga u sahleysaa inay dhib yari usoo tiigsadaan danahooda. Xittaa adeegyada basaskani ha noqdaan kuwo lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa inay helaan gaadiid ay usoo raacaan baahidooda. Haddii tusaalahan iyo kuwa lamidka ah ay dowladdu fiiro gaar ah u yeelato hir-gelintooda, waxay noqoneysaa tallaabo labo goor – dowladda iyo dadweynuhu – ay wada faa’iidaan. Waayo dowladda hoose waxaa usoo xeroonaya dakhli ku-meel-gaar ah, dadkuna waqtiyadaas kooban oo jidadku ka xiran yihiin kama warwarayaan haddii ciidamo lasoo dhoobo waddooyinka iyo in kale. Haddiise sugista amniga qaranka uu keensanayo inay dhib ku mutaan muwaadiniinta, dowladdeennu kuma taagnaa hadafkii uu Thomas Jeferson, oo kamid ahaa aabayaashii helay dalnimada Maraykanka ku tilmaamay inuu yahay kan ugu weyn dowladnimada oo ah: in loo raaxeeyo muwaadiniinta iyo in lagu saacido sidii ay liibaan iyo warwar la’aan farxadi ku dheehan tahay ugu noolaan lahaayeen. Qore: Zakariya Xasan Maxamed Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda. Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay daadajinta Adeegyada si loogu dhaweeyo shacabka. “Maamulkeennu waa kii shacabka, waxaana ka go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud, si shacabka loogu adeego, marna nama baqdin gelineyso falalka ay geysanayaan Kooxaha argagixisada ee u taagan dhibaateynta shacabkeenna”. Eng. Yarisoe ayaa tilmaamay in guulo laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka. Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa daah furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay Waaxda Maaliyadda iyo Dhakhliyadda Dawladda Hoose ee Xamar, taasoo ay bixinayaan Macalimiin aqoontoodu sareyso, si tayada Howlwadeenada Waaxaha Dhakhliyada kor loogu qaado. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in yoolka Maamulka Gobolka uu yahay in shaqo weliba loogu tartamo aqoon, waxuna kula dar-daarmay Howlwadeenada in ay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay sare ugu qaadaan aqoontooda. “Waxaa naga go’an in la horumariyo aqoonta howl-wadeennada Waaxda Maaliyadda iyo Dakhliyada Dawladda Hoose, tanoo qayb ka qaadanaysa kordhinta dhakhliga, Maamul wanaagga iyo hannaan kalsooni gelinaya bulshada Caasimadda loogu adeego, loogana guuro hannaankii hore, gaar ahaan shaqaaleysiinta iyo dalacsiinta shaqaalaha cusub iyo kuwii horey u shaqaynayay”. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Dib ayaan u dhisaynaa Goobihii Danta guud ee loogu adeegi jiray Dadka appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha EU NAVFOR iyo mas’uuliyiinta Puntland Saraakiil ka socotay hawgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya (EU NAVFOR) oo uu hoggaaminayey sarkaalka ugu sarreeya hawgalkaasi Ricardo Hernandez ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso shir kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. Saraakiishan oo ka soo degay markab ku sugan xeebta ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray magaalada Boosaaso iyagoo ay dusha ka ilaalinayan diyaaradaha sahanka ee EU NAVFOR waxaana ay shir albaabadu u xiranyihiin la qaateen wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda dowladda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan oo markii kulankaas dhammaaday saxaafadda u faahfaahiyay ayaa sheegay in ujeedka u weyn ee kulanka uu ahaa isbarasho balse ay sidoo kale ka wada hadleen qodoba ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac ee Puntland iyo EU NAVFOR iyo in ay ka caawiyaan Puntland dhanka tababarka ciidanka iyo iskaashiga amniga badaha. Taliyaha hawlgalka EU NAVFOR Ricardo Hernandez oo u dhashay dalka Spain ayaa horraantii bishan Maarso xilka la wareegay isagoo socdaalkiisi ugu horreeyay ee gudaha Soomaaliya ku yimid Puntland gaar ahaanna magaalada Boosaaso. halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee wasiirka PUNTLAND POST The post Hawlgalka EU NAVFOR maxaa Puntland ka soo galay? appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa galabta duqa cusub ee degmadaasi u doortay Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo kamid ahaa 2-dii murashax ee u tartamay xilkaasi. Saahid Sayn ayaa 23-cod kaga guulaystay murashixii la tartamayey Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne oo isna helay 7-cod waxaana xumaaday 1-cod. Dhammaan 31-da xubnood ee golaha degaanka Gaalkacyo oo ay ku jiraan 2-da murashax ayaa codkooda u dhiibtay hab-qarsoodi ah. Waxaa haatan loo gudbaya doorashada guddoomiye ku xigeenka degmada oo mar dhow bilaabanaysa. PUNTLAND POST The post Saahid Sayn oo loo doortay duqa cusub ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.