Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A member of SIMAD University staff was confirmed dead and another wounded in a roadside bomb explosion in Mogadishu on Monday morning. “The dead staff member was a Driver and the injured was a security guard, no lecturers got harm in the explosion,” said SIMAD University in a statement on its Twitter handle. The University said it is mourning for the death of the late Staff member Mohamed Jeylani who fell victim in a landmine explosion in Mogadishu which took place at Black sea area. “We extend our “get well soon”prayers to Hussein Ahmed Mohamed another staff member who got wounded,” it added. No group has so far claimed responsibility for the bomb attack which was the latest in a series of blasts in the city, some claimed by Al-Shabaab. View the full article
  2. Warsheekh (Caasimada Online) – Culumaa’uddiinka degmada Warsheekh ee cilmiga iyo diinka loo do onto, kana tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa cabasho iyo qeyla dhaan ka muujiyay dhalinyaro mudooyinkii danbe u baashaal iyo damaashaad tegayay xeebta degmadaasi oo ah meel indhaha u roon, isla markaana laga dhisay hoteel habeenadii muusik iyo heeso laga shido. Sheekh C/raxmaan Macallin Axmed Sheekh Cabdi Celi oo ah dhasha Sheekha xushmada ku dhex leh culumada qaadariyada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ayaa fariin qeyla dhaan ah kasoo saaray dhalinyarada u damaashaad taga degmada Warsheekh. Sheekha ayaa sheegay in ay indhaha ka qabsan waayeen wax uu ku sheegay macsi illaahey xarimahay, isla markaana degmada Warsheekh lagu bartay fidinta diinta iyo in cilmi loo soo doonto. “Haddaan nahay culumadii Warsheekh ee diinka loo soo doonto, waa u fiirsan weynay, waxaa beryahaan nagu soo badanay dad badan oo Xamar kasoo yaacayo oo leh dalxiis ayaa u soconaa, oo leh rag iyo dumar qaawan, waxaana indhaha ka qabsan weynay macsi dhalinyaradaasi iyo fasahaad ay noo soo rareen” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan oo sheegay in culumada Warsheekh ay yihiin culumao tusbaxyo haysato, cida wax ka qaban kartana ay tahay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdi Waare iyo madaxweyne Farmaajo maadaama kitaabka Illaahey ay ku dhaarteen in ay wax ka qabtaan fahasaadka kasoo cusboonaaday degmadaasi diinka iyo cilmiga loo doonto. Wuxuu sheegay Sheekh C/raxmaan in masjidkii caanka ahaa ee Sheekh Abiikar Mixraar oo ku yaal xeebta Warsheekh, biyaha baddana dhinacyada ka garaaca in habeenadii ay ku dul caweeyaan, iyagoo wixii ay doonaan ku fuliya, halka qaarkood ay iyagoo qaawan sawiro usoo aadaan. Qeyla dhaantaan ayaa ka danbeysay markii halkaasi hotel laga dhisay, milkiilaha hotellkana uu dhalinyarada maalinta khamiista iyo jimcaha uu dhalinyarada iyo fannaaniinta ka kaxeeya Muqdisho si uu hotelkiisa ganacsi ugu sameeyo, waxaana ay kasoo duubaan muuqaalo anshax iyo diin ahaan u wanaagsaneyn, culumada Warsheekhna ay arrintaasi u arkaan mid sumcad xumo ku ah degmada oo ah meel diinka iyo cilmiga loo soo doonto. Degmada Warsheekh waxay magaalada Muqdisho dhinaca bari kaga beegan tahay 60 km, halkaasi oo caan ku ah in cilmiga iyo diinka loo aado, kana soo aflaxeen culumaa’uddiin magac ku dhex leh bulshada, waxaana sanad walba loo tagaa siyaaradda caalimka weyn ee Sheekh Cabdi Celi oo dariiqada qaadiriyada gobolka Africa iyo Carabta si weyn looga yaqaan. Caasimada Online Xafiiska Warsheekh Caasimada@live.com
  3. MUDANEYAAL NABADGALYADA ILAALIYA !!! =============================== Waxa aad maqashaa kelmed wanaagsan oo hadba inta kuraasida fadhidaa aad u adeegsato oo ah nabadgalyada hala ilaaliyo , ma nabadgalyada ayaanu ilaalinaa mise kursiga ayaanu idin ku ilaalinaa !!! Mudane Madaxwayne iyo Mudaneyaal ” M. Goleyaasha Qaranka ” waxa aad ogtihiin in mudanihii golaha guurtida ahaa ee la doortay 1997 kii ee mudo doorasheedkiisu ahayd 6 sano uu maanta fadhiyo 22 sanadood. Waxa aad og tihiin in mudanihii/marwadii Golaha Wakiilada ee la doortay 2005 ee mudo doorasheedkoodu ahaa 5 sano ay fadhiyaan 15 sanadood oo inta ay mudo doorasheedkoodii dhamaysteen laba mudo doorasheed oo kale ku darsadeen. Waxa aynu ogeyn in golayaashii deegaanada ee hore ay qaateen oo ay fadhiyeen laba mudo doorasheed halkii laga doortay mar kaliya 2002 ilaa 2012. Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii la doortay 2003 ee xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu ka talada dalka ka dagay 2010 oo aad garan kartaan inta uu mudo dhaafay. Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii ku xigay ee la doortay 2010 oo xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu talada dalka ka dagay 2017 oo aad isagana garan kartaan inta uu mudo dhaafay. Waxa aynu ognahay in goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ee xiligan fadhiya la doortay sanadkii 2012 kii ilaa maantantana ay fadhiyaan oo aad garan kartaan inta ay fadhiyaan iyo mudo dhaafkooda. Maanta aduunyada aynu ku noolahay waxa aynu ognahay in lagu kala badbaadayo ama horumar iyo xuqaaqaadka dadku leeyihiin lagu gaadhi karo iyada oo la fuliyo waxii ay umaduhu ku heshiiyeen. Waxa aan shaki inagaga jirin in horumku seeskiisu aanu ahayn daaro iyo dugsiyo la dhiso ee ay tahay sidee dadku u kala badbaadayaan ee qofwaliba mabsuud ugu noqon karaa dawladnima una arki karaa in ay dan u tahay? Taasi waxa ay ku imanaysaa sida ay ila tahay qodobadan; In Nabadgalyo la helo wax kasta oo suuragalin kara in ay burburtana laga hortago sida; 1- Sharciyada iyo nidaamkii lagu heshiiyey ee la isku aaminay oo aan loo raacin sidii la iskula gartay. 2- In laga ilaaliyo cadaw kasta oo dibadeed oo duulimaad ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada dalka. Qodobka 1aad; – Hadii aan umadu dhaqan galin oo hirgalin waxii ay ku heshiisay ee la isku aaminay oo shuruuc iyo nidaam ahaa , waxa imanaysa kalsooni daro , kala shaki iyo in aan dadku dawladnimada u arag mid danahooga wada . – Damaca siyaasiga ahi waa xuquuq ay leeyihiin muwaadiniintu , waana kuwa ugu waaweyn ee ay dawladuhu ku dumaan dadku iyaga oo xuquuqaadka kale oo dhan helaya hadii ay waayaan , sababtuna waxa ay tahay inta ay qofka ku jirto rajo uu wax ku badali karaa ma qaato ficil ku kalifaya in uu dagaalamo ama dumiyo waxa jira. Qodobka 2aad; – Isagu waa mid guud oo ka soo horjeeda dawladnimadaada iyo jiritaanka umadaada oo dibada kaaga yimaada , lagamana yaabo in uu kaa guulaysto hadii aad gufayso goldaloolooyinka lagaa heli karo oo dhan dibad iyo gudaba. ( Marka ay sidaa tahay hadii ay doonaan inta maalinba kuraasida fadhidaa in ay dadka ku yidhaahdaan nabadgalyada ilaaliya, waxa aanu leenahay nabadgalyada ilaaliya oo ka kaca kuraasida. ) Haddaba hadii aan u soo noqdo ujeedadayda iyo halka aan u socdo Somaliland waxa ay yeelatay dastuur mudo laga joogo 18 sanadood 31-May-2001, dastuurkaasi oo ay dadku ku heshiiyeen una codeeyeen oo ay ogolaadeen 97% . Dastuurka dalku qaatay waxa la xasuustaa maalinta dan doorasho jirto , 130 qodob ayuu ka kooban yahay oo aan lahayn mid aad ku diido laakiin kuma shaqeyno kumana dhaqano, xeerarka la sameeyo ee ka dheegma dastuurkuna waa kuwa dan markaa joogta lagu qiyaaso intooda badani oo aan looga fikirin si qoto dheer oo mustaqbal umadeed ah. Arimahani waa kuwa keenay in ay su’aalo ka yimaadaan in dastuurka wax la iska weydiiyo, oo la yidhaahdo malaha isaga ayaa qalooca , dabcan qaladaad wuu ku jiri karaa oo waa wax binu adam sameeyay hayeeshee waxa aan is leeyahay hadii sidiisa loogu dhaqmayo oo aan xeerarkana lagu fadhiisin dano gaaban oo cidi wadato ama wakhtigaasi oo kaliya taagan wuu ina wadayaa in badan. Dulucda iyo halka aan danta u leeyahay waa nidaamka doorashooyinka dalka jamhuuriyada Somaliland oo jiitan iyo mudo dhaaf ku socda 18 kaa sanadoodba , oo xal iyo odayeyn la garab wado markii loo fulin waayey waxii lagu heshiiyey sidii uu ahaa. Xal iyo sharciga oo laga odayeeyaa hadii ay in badan ina soo saaciday maaha mid ina wadaysa , waxa aanay inagu keeni kartaa burbur Alle inaguma keeno e , oo hadii maalinba inta kuraasta fadhida ay la soo taagnaato nabadgalyada ilaali , dee waxa imanaysa adigu ilaali oo dadka u banee meesha oo nidaamkii lagu imanayey fuli. Maanta waxa aan saluugay sida uu uga hadlay iyo inta yar ee uu kaga hadlay doorashooyinka dalka oo ah halbawlaha nidaamka iyo xasiloonida dawladnimo ee dal leeyahay oo hadii la hagaajiyona dalkaasi horumarayo oo hagaagayo , hadii la hagaajin waayona halisteeda leh. Waxaana uu ka yidhi Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland intan halka hoose ku qoran; 1.6. Doorashooyinka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku. @Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
  4. Waxa laga soo weriyay ra iisal wasaarihii ingiriiska churchil :(( runtu waa mid qaali ah , sidaa awgeed waa inaynu ku ilaalinaa ciidan xoog badan oo hareeraha kaga xeernaa oo been badan huwinaa )) . hadalkaa waxa lamid ah , kii uu ku celcelin jiray wasiirkii barobagaandada (warfaafinta) ee hitler << been sheeg oo hadana been sheeg ilaa iyo inta ay dadku beentaada rumaysanayaan >> Hadaba iminka waxaad la mooddaa in siyaasiyiintu dhaqankaa qaadatay (been sheeg) oo ay shicibka doonayaan inay beenta run uga dhigaan (riyo beena ku seexiyaan ) . Siyaasiyiinta ssomaliland na waxay doonayaan inay dadka ku qanciyaan beentaa ay sheegayaan , runna uga dhigaan . Siyaasaduna caynkaa maaha ay khaladka ay ka fahmeen ee siyaasaddu waxa weeye wax qabad iyo adeeg bulsho . Siyaasaddu maaha in been shacabka lagu hogaamiyo ,siyaasaddu maaha in biriijyo beena oo aan tiirar lahayn la dhiso , waxaad arkaysaa qaar sheegaaya been aan raad iyo sal toonna lahayn , waxaad ka cadhoonaysaa marka aad aragto qaar beentii ay sheegayeen rumaystay oo marka lagu soo qabto , isaga oo qawlalada ka xunbaynaaya warbaahinta inta uu isa soo hortaago , difaacaaya weliba beentiisii oo hadalo iska wada daba imanaaya ku hadlaayo . markaasaa waxad isway diinaysaa : waar qofkanu miyaanu is maqlayn isagaaba is kashifaayee . Waxaynu aragnay siyaasi ( mas uul ) musuq maasuq lagu xidhay oo maxkamaddu denbigii ku heshay oo la xidhay oo hadana layska soo daayay … Waxaynu kaloo aragnay mid kale oo denbi lagu hayo oo layska soo daayay . tolow hadaba macaaladdaa bugta ? maxuumadahaa caykan ah ? ma dawlad nimadaa sidan ah ? xaggay wax si ka yihiin ? xaggay wax ka khaldan yihiin ? waa maxay sida tani ? siyaasaddu ma been wax ku maamul baa ? ma been sheeg baa ? Siyaasiyiintu dhib wayn bay shicibka ku hayaan – musuqmaasuq – niyad jebin – kala ee xasho – qabyaalad – kala qaybin – sharci ku tumasho – awooddii oo ay ku adeeganayaan – cashuur toodii oo ay urur sanayaan – caddaalad darro – faqri – rajo xumo . Hadaba beenta iyo qori is maris nimadu weligeed socon mayso , taakhdana dib u raaca . Codkii laydi n ku doortay ayaa laydin ku ridi doonaa ee ogaada . wixii laydin ku aaminay ee laydiin dhiibtay na , waa laydin kala xisaab tami doonaa …. taana ogaada … Beenta aad sheegay saanna ma rumay sanayno TAANA OGAADA . waanu idn baranay … eeb TAANA OGAADA … WABI AL LAAHI ALTAWFIIQ CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
  5. An overnight extraordinary meeting was held in Mogadishu to discuss the deteriorating security situation in long-chaotic capital. The deputy Benadir governor on security affairs, Mohamed Tulah has chaired the meeting with the attendance of Wardhigley district commissioner and security officials. The officials at the gathering discussed on ways to enhance the security and avert the attacks and killing by the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab militants. Separately, Somali government forces have carried out a massive operation in the district and arrested several people on suspicion of having links to Al-Shabaab. The city has been beset by car bombings and gun attacks against government buildings in the past few months amid a heavy presence of police on the main streets. View the full article
  6. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho. Xubo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Axmed Madoobe garoonka Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa watay ciidamo gaar ah ayaa ka soo dagay garoonka Aadan cadde ee Muqdisho. Waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu kulan la qaato madaxda dowlada Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa hore u balan qaaday in uu imaanayo Muqdisho tan iyo markii la xaliyay qilaafkii dowlada iyo jubbaland markii Ra’isilwasaare Kheyre uu tagay Kismaayo. Dowlada Soomaaliya ayaa ku cadaadineeysa Axmed madoobe in uu san isku soo sharixin jagadada madaxtinimo ee maamulkaasi hayeeshee Axmed Madoobe ayaa doonaya in markale uu qabto xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  7. Saraakiil sare oo ka socota hawgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Boosaaso kula shirsan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland sida ay xaqiijiyeen xubno ka warhaya shirkaasi. Wefdiga saraakiisha oo ka socda hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan the European Union Naval Force ATALANTA (EU NAVFOR) ayaa ka soo degay markab dagaal oo xeebta ku sugan waxaana ay saaka aroortiii soo galeen magaalada Boosaaso iyagoo ay dusha sare ka waardiyeynayaan diyaaradaha sahanka. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa haatan shir uga socda garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso inkastoo aan faahfaahin laga hayn qodobada ay ka wada-hadlayaan labada dhinac. Faahfaahinta kala soco Puntland post The post Shir diyaarado lagu waardiyeynayo oo ka socda magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  8. Iyadoo kooxaha ugu hanshada badan ku guulaysiga horyaalka Somalia Premier League sanadihii lasoo dhaafay ay wada ciyaaridoonaan kulan oo aad u adag oo ka tirsan horyaalka ayaa hadan waxaa isha lagu hayaa bandhiga kabtankii kooxda Mogadishu City Club Daadir Amiin Cali oo ka hor imaanaya kooxdiisii hore. 08-August 2018-kabtankii hore Banaadir Sports Club Daadir Amiin Ali ayaa kooxdiisii hore ee Muqdisho City u ciyaaray kulankii u danbeeyay wuxuuna xiligaa ka horyimid,isla naadiga uu iminka ku suganyahay ee Elman taageerayaasha Muqdisho City Club ayaa aad u jeclaa xirfadyahanka. “Daadir Amiin Ali waxa uu ka mid ahaa halboolayaashii soo maray sanadihii lasoo dhaafay cidna kuma fikiraynin in uu naga dhaqaaqayo,balse tani waxa ay ka mid ah go’aanada ay gaaraan ciyaartooyda caanka ah anagoo isku duuban waxaan u rajaynaynaa in uu horomar wanaagsan la gaaro kooxdiisa Elman-Sports Club”waxaa Goobjoog Sports u sheegay guddomiyaha Mogadisho City Club Abukar Maxamed Sheekh. August 2018-Daadir Amiin Cali ayaa ka mid noqday Safka kooxdiisii hore ee Mogadisho City intaa uu ku sugnaa waxaa u suura gashay in uu kula guulaysto 2-jeer oo horyaalka Somalia Premier League sanadihii 2013-2016, iyagoo ku qaaday (Unbeaten) sidoo kale waxa uu la hantay 2-jeer oo koobka Jeneraal Daa’uud intii u dhaxaysa 2011 iyo 2018. “Sababta ugu weyn uu halkan u yimid Daadir Amiin waxaa ka mid jecel uu qabo anagana si wanaagsan ayaan u soo dhawaynay wuxuu ka mid yahay ciyaartooyda ugu saraysa dalka waxaan ka filaynaa tariikhihii iyo waqtiyadii wanaagsanaa uu lasoo qaatay kooxdiisa hore mid ka saraysa in uu ku sameeyo halkan sanadaha soo aadan”waxaa Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha Elman-Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar. 27-November 2018-Qoraal lagu soo bandhigay barta internetka ee kooxda Elman ayaa lagu qeexay in kabtankii hore Banaadir Sports Club Daadir Amiin Cali oo soo caga dhigatay naadiga jaalayaasha ee Elman waxaan kusoo biiritaankiisa aad usoo dhaaweeyay saaxiibadiisa iyo taageerayaasha cusub. “Way mahadsanyihiin guud ahaan Muqdisho City Club waxaan u hayaa xushmada iyo qadarin kubbadda cagta waqti kasta waxaa ka dhaca is badal tani waa qeyb ka mid ah waan jecelahay horomarka kooxdaydii hore,balse iminka waxaa ku jiraa waayo kale oo cajiib ah”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay kabtankii hore M.C.C Daadir Amiin Ali . Source: goobjoog.com
  9. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Waxaa soconeysa diyaarinta soo dhoweynta madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo uu la kulmi doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Ulajeedka socdaalkiisan ayaa ah sidii loo dhammeystiri lahaa xallinta mad-madowga ka dhex jiray DFS iyo dowlad goboleedka Jubbaland. DFS iyo Jubbaland waxaa ka dhaxeeyey khilaaf xooggan, hase ahaatee safarkii Kheyre ku tagay Kismaayo ayaa lagu xalliyey khilaafkaas. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Kooxaha ugu guulaha kubbadda cagta Soomaaliya 25-sano lasoo dhaafay ee kala ah Elman iyo Muqdisho City Club ayaa ku balansan garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis,iyagoo wada dheelidoona kulankii 33-aad horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019. Xidigaha Elman kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 3-2 kaga badiyeen Jazeera Sports Club halka Muqdisho City ay iyagana 4-2 ku garaaceyn dhigooda Madbacada Qaranka. Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor Anwar Sayid Cali oo ka tirsan Elman ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka,isagoo leh 6-gool waxaana kaalinta 2-aad ku jira laacibka reer Kenya ee isna ka mid ah M.C.C Marcel Odhiambo wuxuuna xidigan dhaliyay ilaa 5-gool,Anwar Shakuunda waa laacibka difaacanaya kabta dahabka gool dhalinta horyaalka Soomaaliya. Hogaamiyaasha labada koox ee kala ah Al Hagi Muumin oo kasoo jeeda Ghana iyo Mbalngu Hussein oo isna u dhashay dalka Uganad ayaa kulankoodii 1-aad is wajahaya horyaalka Somalia Premier League. 08-August 2018-kabtankii hore Banaadir SC Daadir Amiin Cali ayaa kooxdiisii hore ee Muqdisho City u ciyaaray kulankii u danbeeyay wuxuuna xiligaa ka horyimid,isla kooxda uu iminka ku suganyahay ee Elman taageerayaasha Muqdisho City ayaa aad u jeclaa xirfadyahan xidigoodii hore. 23-August 2018-Kooxda Elman ayaa gashay is badal maamul waxaana guddomiyaha kooxda loo magacaabay laacibkii hore kooxda Horseed Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) tan iyo kolkii uu kooxda la wareegay waxa ay gashay is badal sareeya. 14-September 2018-Al Xaaji Abuubakar Muumin oo ah layliyaha kooxda Elman kana soo jeeda dalka Ghana ayaa la wareegay laylinta Elman,isagoo iminka la qabsaday horyaalka Soomaaliya iyo tartamada kubbadda cagta gudaha. 17-November 2018-Goolyahii hore kooxda Muqdisho City Aweys Xaaji Amiin ayaa isna kasoo hayaamay Safka M.C.C,isagoo dalab ka helay Elman waxaana macquul ah in kusoo bilaawdo safka kooxda Elman kulan ay la balansantahay naadigisii hore Muqdisho City Club. 25-November 2018- Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose ee Muqdisho City Club waxaana magacan qaatay xidigaha kooxda Banaadir Sports Club oo ka mid ah kooxaha ugu guulaha horyaalka Soomaaliya. 27-November 2018-Qoraal lagu soo bandhigay baraha bulshada ee kooxda Elman ayaa lagu qeexay in kabtankii hore M.M.C Daadir Amiin Cali oo soo caga dhigatay naadiga jaalayaasha waxaan kusoo biiritaankiisa aad usoo dhaaweeyay taageerayaashiisa. Is Aragii U Dambeeyay Labada Koox 12/04/2018 Mogadishu City Club 4:2 Elman FC 13/02/2018 Elman FC 2:6Mogadishu City Club 24/03/2017 Muqdisho City Club 0:1 Elman FC 25/11/2016 Elman FC 1:2 Muqdisho City Club 22/03/2016 Elman FC 1:1 Muqdisho City Club 14/01/2016 Muqdisho City Club 2:1 Elman FC 13/04/2015 Elman FC 0:0 Muqdisho City Club 22/01/2015 Muqdisho City Club 1:1 Elman FC 21/02/2014 Muqdisho City Club 0: 0 Elman FC 12/11/2013 Elman FC 1:3 Muqdisho City Club 02/07/2012 Elman FC 1:1 Muqdisho City Club 18/10/2012 Muqdisho City Club 1:2 Elman FC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 Kooxaha-Elman SC VS Muqdisho City Club Tariikhda:-25-03-2019 Maalinta:-Isniin Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°27° Garoonka: – Banaadir Stadium Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray waddooyin badan oo gala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa loo diiday inay adeegsadaan waddooyinka ciidamada ay xireen, waxaana goobaha xiran kamid ah isgoyska Soobe, Banaadir KM4 iyo goobo kale oo badan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka sheegay magaalada Kismaayo inuu safar ku imaanayo magaalada Muqdisho, islamarkaana uu kulamo la qaadan doono ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka si loo dhameystiro heshiis dhexmaraya Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay la socdaan ciidamo badan oo lagu qiyaasay inka badan 10 askari, kuwaasi oo aad u hubeysan, waxaana magaalada Muqdisho kaga soo horeeyay wafdi hordhac u ahaa socdaalkiisa oo saraakiil sirdoon ay ku jiraan. Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha dalka, ra’iisul wasaaraha, ku simaha NISA iyo xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Caddaysay Sababta Ay U Xidhayso Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon Iyo Dambiyada Loo Haysto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland lagu qabto doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenka golahaasi. Guddiga arrintan u xilsaaran ayaa ku wargeliyey 31-ka xubnood ee shalay loo xulay iney noqdaan golaha deegaanka Gaalkacyo in ay maanta doorashadan gelayaan. Waxaa jira musharraxiin dhowr ah oo u taagan xilka guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenkiisa. Sidoo kale, doorashadan waxaa xigi doona doorashada duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Saahid Maxamuud Xaaji Sayn Xildhibaannada cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo oo shalay lagu dhawaaqay ayaa gelinka dambe ee maanta dooranaya guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa Doorashada guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Gaalkacyo oo xiisa gaara leh waxaa u tartamaya 2 murashax oo kala ah Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne iyo Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn. Xildhibaannada wax dooranaya ayaa ka kooban 31 xubnood oo 6 kamid ah haween yihiin kuwaasoo go’aamin doona cidda noqonaysa duqa Gaalkacyo. Balse dadka sida hoose ula socda arrimaha doorashadan ayaa duqa cusub ee Gaalkacyo u saadaalinaya Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn inkastoo laga war sugayo natiijada ka soo baxda doorashada. 2-da murashax Dhegaweyne iyo Xaaji Sayn ayaa loollan adag ugu jira ol’olaha doorashada waxaana la sheegaya in ilaa xalay ay kulamo kala duwan la qaadanayeen xubnaha golaha degaanka. PUNTLAND POST The post Yaa loo saadaalinayaa duqa cusub ee Gaalkacyo? appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Jibriil ayaa waxaa uu saaka ku dhawaaqey in xukuumadda Somaliland ay go,aansatey inay ruqsadii isgaadhsiinta kala noqoto laba shirkadood uu jabiyey qodobadii heshiiska lagula galay. Wasiirka ayaa sheegay in labadan shirkadood oo kala ah NationLink iyo Africa Online kadib markii ay bixin waayeen cashuurtii isgaadhsiinta. Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=ChSLhidAu0U Source
  16. Ciidanka DFS ayaa waxay howlgal ballaaran xalay ka fuliyeen xaafaddoo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa xooggiisa wuxuu ka dhacay laanta Barwaaqo illaa Laanta Saddexaad, waxaana lagu soo qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo meel fagaare ah la isugu geeyey. Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalkan dadka lagu qabtay u badnaayeen dhallinyaro deggan xaafadahaasi, kuwaasi oo qaarkood baaritaan kadib lasii daayey, halka kuwo kalena la sheegay in loo gudbiyey saldhigga Furayaasha ee degmadaasi. Ma jirto wax faah faahin ah oo howlgalkan ay ka bixiyeen maamulka degmada Warta Nabadda iyo sidoo kale saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi hoggaamineysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo xalay ka hadlayay munaasibad ay qabsatay Jaamacadda Golis ayaa waxaa uu beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahintu oo sheegaya in la xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxay gaari Qooqan ah oo goor dhow ku qarxay xaafadda MBC degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gaarigan oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen illaa labo Askari oo ka mid ah ciidankii saarnaa gaarigaasi. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho ayaa sheegay in dhaawicii Askarta loo qaaday xarun caafimaad. Sidoo kale waxa uu intaasi kiu daray in meesha ay wax ka dhaceen ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Maalmihii gu dambeeyay waxaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho weerarada loo adeegsanayo qaraxyada lagu xiro gawaarida. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  19. Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka cabanaya mushaar la’aan Afar bil ah, iyaga oo ka hadlay baahida ay qabaan. Qaar ka mid ah ciidankan oo warbaahinta la hadlay ayaa hanjabay in 48-saac gudahood haddii aanay madaxda DFS degdeg uga jawaabin arrintaasi ay isaga soo bixi doonaan magaaladaasi. Waxa ay sheegeen sidoo kale in aanay helin raashiinkii ay garaam ahaan u qaadan jireen ciidankan oo ay xitaa waayeen waxa ay cunaan. “Muddo 48-saac haddii aanay dowladda uga soo jawaabin baahida haysa ciidamada waan faarujin doonnaa degmada, waxaana mas’uul ka ah madaxda dowladda” sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe. Waxaa maalmahan dambe soo badanaya askarta xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aan iyo raashiin la’aan, xilli xukuumadda federaalka ay sheegtay iney bixisay mushaaraadka ciidanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Moscow)-Labo diyaaradood oo milatariga Ruushku ay leeyihiin ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee ugu wayn dalka Venezuela, kuwaas oo la sheegay in ay wadaan ciidammo iyo qalab badan. Diyaaradaha ayaa loo diray “si ay u fuliyaan qandaraas milatari” sida ay ku warramay wakaaladda wararka ee Sputnik oo Ruushka laga leeyahay. Javier Mayorca oo ah saxafi reer Venezuela ayaa Twitterka ku soo qoray in uu arkay 100 askari iyo qalab 35 tan ah oo diyaarado laga soo dajinayo. Ruushka ayaa wakhti dheer xulafo la ahaa dalka Venezuela, dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika ayayna amaahiyeen balaayiin doolar, waxayna garab qabteen shirkadaha shidaalka iyo milatariga Venezuela. Ruushka ayaa dhanka kalana si wayn uga soo horjeedsaday cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dawladda Venezuela ee uu madaxweynaha ka yahay Nicolás Maduro. Source
  21. (SLT-Washington)-Ol’olihii doorashada ee madaxweyne Trump wada shaqayn ma dhex marin Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii 2016, sida ay sheegayso warbixin kooban oo Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah. Warbixintan kooban ayaanse meesha ka saarin in madaxweyne Trump uu si sharci darro ah u hor istaagay caddaaladda. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa xogtan kooban ee xildhibaannada lala wadaagay ka soo dhex saaray natiijadii ka soo baxday baaritaankii la sameeyay. Madaxweyne Trump oo arrintan ka jawaabaya ayaa Twitterka ku soo qoray “wada shaqaynna ma jirin, caddaalad la hor istaagayna ma jirin.” Trump oo baaritaanka si joogto ah ugu tilmaami jiray quraafaad ayaa Axaddii sheegay “in ay waji gabax tahay in dalku uu marxaladdan maro isaga oo ku tilmaamay “arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”. Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo. “Inkastoo aan warbixinta lagu soo gunaanadin in madaxweynuhu ambi galay, haddana lama bari yeelin,” ayuu Muller ku soo gudbiyay natiijada baaritaankiisa. Source
  22. (SLT-Nairobi)-Macallin dhiga maaddooyinka Saayniska oo ka soo jeeda dhulka miyiga ee dalka Kenya oo mushaarka uu qaato intiisa badan muddo ku soo caawinayey dadka saboolka ah ayaa ku guuleystay abaalmarin lacageed oo dhan 1 milyan oo doolar (£760,000 oo gini) oo la guddoonsiiyo sanad walba macallinka ugu mudan caalamka. Macallin Peter Tabichi oo aaminsan madhabta kirishtanka ee katooligga wuxuu ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ee macallimiinta 2019-ka. Peter waxaa si weyn looga ammaanay isla markaana guusha uu gaaray qayb weyn ku leh fasallo ay ardaydu buux dhaafiyeen iyo buugaagta manhajka oo aan jirin sida uu waxbaridda ardayda ugu soo dulqaatay uguna guuleystay. Wuxuuna aad u jecel yahay maaddooyinka uu dhiga ee saayniska iney dadku aqoon dheeraad ah u yeeshaan si ay mustaqbalkooda u dhisaan isaga oo aaminsan “Saaynisku inuu yahay waddada loo maro”. Abaalmarinta waxaa lagu iclaamiyey munaasabad lagu qabtay Dubai, waxaana Peter loo aqoonsaday inuu yahay macallin “ka go’naasho leh” oo u taagan inuu wax ka beddelo noolasha dadka saboolka ah ee ku nool deegaanka Rift Valley ee dalka Kenya. Abaalmarinta lacageed ee la guddoonsiiyeyna 80% wuxuu ku deeqay in wax looga qabto dadka saboolka ah gaar ahaanna dugsiga sare ee Keriko oo ku yaalla tuulada Pwani gobolka Nakuru, lacagtaasina lagu iibiyo dharka ay ardaydu dugsiyada u xidhaan (uniform) iyo buugaagta manaahjita. Macallinkan 36 jirka ah hammigiisu wuxuu yahay inuu maaddooyinka saayniska gaar ahaanna xisaabta iyo fiisiksi uu bulshada ku dhiirrageliyo isga oo hammigiisa ku koobneen Kenya balse gaarsiisan ilaa heer qaradeed. Guusha macallin Peter ayaa lagu sheegay iney tahay mid ididiilo wanaagsan ku abuureyso jiilka waxbartay ee dhalinyarada ah ee ku nool dalka Kenya iyo qaaradda Afrika intaba. Source
  23. (SLT-Israa’iil)-Afhayeen u hadlay Hay’adda Adeegga Xabsiyadda ee Israa’iil ayaa xaqiijiyey in 2 ka mid ah Ilaaladda Xabsiyadda lagu dhawaacay weerar ay getsyeen Maxaabiis ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Ilaamiga XAMAAS ee Reer Falastiin. Weerarkaasi ayaa la shegay inuu ka dhacay Xabsiga Ketziyot oo ku yaalla Koonfurta Israel, iyadoo ugu yaraan 2 Askarta Ilaaladda la dhaawacay, una baahan yihiin Daryeel Caafimaad. 11 Maxbuus ayaa iyagana la dhaawacay, inkastoo aan la sheegin qaabkii ay u dhaawacmeen iyo in rasaas lagu furay, markii ay Tooreyda ku dhaawceen Ilaaladda Xabsiga. Toddobaadkii hore, Maxaabiista XAMAAS ee ku xiran Xabsiyadda isreal waxay dhigeen Dibadbax, iyagoo dab qabadsiiyey qaar ka mid ah Joodarayaashii yaallay Xabsiga, kadib, markii ay Maamulka Xabsiyadda mamnuuceen inay Maxaabiista isticmaalaan Telefoonadda Mobayladda. Source
  24. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha hore ee maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in uu burburay heshiiskii ay la galeen Somaliland. Cali Khaliif ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu hareer maray heshiiskii Khaatuma ay la gashay madaxaweynihii hore ee maamulka S/land Axmed Siilaanyo. Waxaana uu ayaan darro ku tilmaamay burbur uu sheegay in uu ku yimid heshiiska labadaasi dhinac. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COD-TURKI-SOMALILAND.mp3 View the full article
  25. (SLT-Congo)-Koox caalami ah oo gargaarka ka shaqeysa ayaa sheegtay in 58 kiis o cusub oo cudurka ebolaha ah laga helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo todobaadkii tagay – waana tiraddii ugu badneyd ee muddo todobaad ah la soo wariyo sanadkan. Hey’adda IRC ayaa sheegtay in tirada saxda ah ay intaasi ka badan karto, iyadoo ay ugu wacantahay in dadku aysan soo sheegin kiisas dhacay, sababo la xiriira aminaad darri iyo amaanka. Hey’addan ayaa intaasi ku dartay in tirada dadka ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inuu cudurkaasi soo ritay ay ka badantahay Kun qof, uuna sii socon karo faafista cudurka sanad kale. Hey’addan ayaa sheegtay inay aheyd todoba bilood ka dib markii uu bilowday dilaacay cudurkan in tiradu ay hoos u dhacdo oo aysan kordhin. Hey’adda waxey sheegtay in arrintan ay astaan u tahay, inkastoo dadaal xoog leh lagu bixiyay hadana in joogsiga faafista cudurku uusan dhaweyn. Source