Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa laga billaabo bisha Luuliyo ee sanadkan wuxuu aad u dhimayaa lacagaha uu magdhaw ahaanta usiiyo dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, sida uu qoray wargeyska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya. Warbaahinta Kenya ayaa sheegeysa in wasaaradda Maaliyadda Kenya ay dhintay miisaaniyadda Ciidamada dowladda taas oo laga fahmi karo in Kenya ay billaabeyso la bixidda Ciidankeeda jooga Soomaaliya. Kenya ayaa sida uu sheegaya wargeyskani waxa ay fileysaa in Midowga Yurub ay ka hesho ku dhawaad 49.5 milyan oo doolar, lacagtaa oo u dhiganta mid boqolkiiba 41.17 ka yar lagactii magdhaw ahaan Kenya loo siiyay sanadkan, taa oo gaareysay 84.12 milyan oo doolar. Sidoo kale waxaa la filayaa in laga billaabo bisha Luuliyo ee sanadka 2020-ka, Midowga Yurub uu lacagahaasi gaarsiin doono 34.65 milyan oo doolar, iyadoo sanadka xigana la gaarsiinayo 29.69 milyan oo doolar. Dowladda Kenya ayaa sanadkan Midowga Yurub ka dooneysa lacago badan oo magdhaw ah marka loo eego kharashkii loo qoondeyay afartii sano ee la soo dhaafay. Wasaaradda maaliyadda Kenya ayaa toddobadii bilood ee la soo dhaafay Midowga Yurub ka heshay lacago magdhaw ah oo ka dhigan boqolkiiba 44.2 kharashkii dowladda Kenya ay sanadkan u qoondeysay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya. Kenya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga 4,000 oo Askari kuwaas oo 2011kii oggolaansho la’aan soo galay Soomaaliya, sanadkii 2012kiina ku biiray Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda. Caasiimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN):-Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay iska-kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga dhigo gobolka Geeska Africa meel xasiloon. Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Kenya maalintii shalay kadib kulan labo maalmood qaatey oo ka dhacay magaaladda Washington. Mareykanka ayaa bogaadiyay kaalinta Kenya ay ka qaadanayso xasilinta Soomaaliya, iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo mudo 10 sano ah ka socda dalka. Kenya iyo Mareykanka ayaa sidoo kale ku heshiiyay iyagoo kaashanaya Gollaha amaanka in xayiraado la saaro Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka dagaalamaya Soomaaliya, si loo wiiqo awoodooda. View the full article
  3. Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo keenay in shir [...] Source
  4. Xildhibaan Siciid Diiri oo horay uga soo mid noqday Baarlamaanka Puntland ayaa dhaan Dabagaale ku tilmaamay shirka ka socda magaalada Garoowe, waxaan uu eedeen ujeediyay [...] Source
  5. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi uuu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaan kaga sii horeeyay Jamaal Xaashi Tuure oo ka tirsan xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Tan iyo markii dib loo doortay guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab iyo xubanaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya 15-November 2018 waxa ay balanqdeen in ay horomarinta kubbadda cagta la gaarsiindoono guuda ahaan Soomaaliya si loo helo kooxo iyo xulka qaran oo aad u adag . “Socdaalkeena ugu weyn ee Puntland waxa uu ku saabsanyahay in aan soo kormeerno xafiisyada xiriirka kubbadda cagta iyo garoomada ka dibna hadii aan waqti u helno in aan la kulano madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni si aan ula wadaago qorshaha horomarinta kubbadda cagta Puntland”waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdiqani Saciid Carab guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Socdaalka Puntland oo ku joogo guddoomiye Cabdiqani waxaa ku wehliya Cabdi Cusman Daameey oo ah madaxa suuqgeenta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda iyo injineero qiimaya garoomada kubbadda cagta maamulka Puntland si ciyaartooyda ay u helaan goobo wanaagsan ay ku dheelaan kubbadda cagta. “Guddoomiye ku soo dhaawoow Puntland imaatinkaaga waxa uu inoo yahay mid aan aan u aragno in aan sii dardargelino wada shaqeynta horomarinta ku dhisan ee xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan maamulkeena Puntland waxaanse filaynaa in booqashadaada ay inoo noqoto mid aan ku tiigsano himilooyinka aan lee nahay mustaqbalka dhaw”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro). 7dii bil ee lasoo dhaafay waxaa maamul Goboleedyada gaaray wafuud kala duwan oo ka socotay xiriirka kubbadda cagta dalka,iyagoo soo daraaseenayay baahida iyo caqbadaha haysta xiriirada kubbadda cagta maamul Goboleedyada. “2018-2021 waxaa qaadanay qorshaha horomarinta kubbadda cagta guud ahaan wadanka iyo in aan gaarsiino dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel ciyaaritsa kubbadda cagta fursahada ay u baahanyihiin sida dhisiada garoomada casriga ee lagu dheelo iyo qalabyada lagu ciyaaro tartamada”waxaa Goobjoog sidaas ugu waramay Cabdullahi Sheikh Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. 08-April 2019 Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kuwaas si wanaagsan loo qalabeeyay waxayna ka mid tahay balanqaadyadii uu sameeyeen madaxda xiriirka. Si kastaba bahda ciyaaraha Puntland ayaa madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ka sugaya in ay ka dhabeeyaan balanqaadyada iyo ajandayaasha ay u imaadeen Puntland,iyagoo kula dardaarmay in xailyaan baahida ay qabaan dhalinyarada jecel ciyaaritsa kubbadda cagta ee ku nool deegaanada maamulka Puntland. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Kenya and the United States agreed on Wednesday to take a series of steps to deepen their economic ties, promote opportunities for US businesses and enhance their joint efforts to “degrade Al-Shabaab.” The initiatives were announced in a statement issued by the two countries at the conclusion of their two-day “bilateral strategic dialogue” in Washington. The statement, however, offered few details on new undertakings resulting from the discussions led by Foreign Minister Monica Juma and senior State Department officials. In regard to security matters, for example, the statement said “the United States commended the sacrifice of the Kenya Defence Forces in Somalia,” but it used general terms only to describe future initiatives. It added, “Both sides committed to enhance counterterrorism, defense, and maritime surveillance security cooperation through intelligence sharing and capacity building. It also said, “The two governments reaffirmed their commitment to degrade Al-Shabaab and agreed to work with UN Security Council partners to sanction Al-Shabaab and other terror groups operating in the Horn of Africa.” TRADE In the economic sphere, Kenya and the US said they would “accelerate bilateral talks to expand cargo opportunities” under the existing Open Skies Agreement between the countries. The statement also made reference to a pair of projects being launched by the US Trade and Development Agency and intended to help US companies invest in Kenya. The US trade agency will soon host meetings between Kenyan officials and US business executives, focused on emergency management and communications systems. “The visit occurs as the government of Kenya seeks to upgrade the country’s emergency communications systems and improve responses to natural disasters in remote areas,” the trade agency said in a separate statement. “US companies have cutting-edge technologies that can meet these needs, which will be featured throughout the visit.” PROCUREMENT Kenyan officials will also go to Washington to learn about the trade agency’s Global Procurement Initiative. It seeks to assist public procurement entities in developing countries to better determine the full costs of goods and services over the entire life cycle of a contract. “This leads to smarter, longer-term investments with overall savings to the government, and also levels the playing field for US firms in international tenders,” the US trade agency said. Wednesday’s announcement on the outcome of the bilateral strategic talks contained a pledge to “maximize Kenya’s use of trade benefits under the African Growth and Opportunity Act, and explore a future bilateral trade and investment framework.” The two countries also agreed to continue talks on proposed US business investments in infrastructure projects in Kenya, including projects to modernize the Kenyan government’s telecommunications network. OTHER PROJECTS The statement noted US commendation of Kenya’s commitment to establishing a National Public Health Institute. Kenya’s launch of a Coast Guard Service was also lauded by the US side. That move will help develop the “blue economy” and “safeguard a free, open, and prosperous Indian Ocean region,” the joint statement said. The two countries signed an updated “Security Governance Joint Country Action Plan” to enhance bilateral cooperation on anti-corruption efforts, the statement added, but it gave no details on what those efforts would involve. Kenya’s announced commitment to register all refugees also won praise from the US in the joint statement. The announcement added that the US will work with Kenya to help ensure that refugees have access to health care, education, and jobs. The statement was silent, however, on Kenya’s reported decision to shut down the 28-year-old Dadaab refugee complex that currently hosts more than 200,000 Somali refugees. View the full article
  7. Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waqtiga la qaban doono shirka deyn cafinta Soomaaliya. Wuxuu sheegay in shirkaasi la qaban doono horraanta sanadka soo socda ee 2020-ka, Muddo Lix bil ahna la kor-joogteyn doono Soomaaliya. Dhanka kale, wasiir Bayle ayaa sharaxaad ka bixiyey sida lacagaha loogu kala leeyahay Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/COD-BEYLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. The US has accused the United Arab Emirates of interference in several Arab countries, including Somalia, fuelling conflict and disputes. United States Senator, who is also the chairman of the Senate Foreign Relations Committee, said his country is keeping an eye on UAE’s role in the current violence in Libya, Sudan, and Somalia. A new report on the security situation in Africa has revealed the interference of the United Arab Emirates has caused mistrust between the countries and affected East Africa regional integration. The UAE has recently signed port agreements with two regional states in Somalia, a move that further deepened political crisis in the Horn of Africa nation, according to the report. Somali government stood a neutral position on the Gulf diplomatic row in 2017 and rebuffed pressure to cut off ties with Qatar. View the full article
  9. Shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii shanaad, waxaan laysku mari la,yahay qaar kamid ah qodobadii laga doodayay. Madaxda [...] Source
  10. Magaalada Kismaayo iyo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland wali waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Jubaland ee dhowaan la dooran doono. Read More
  11. Daraasad ay sameysay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu ogaaday in baraha internetka ee wasaaradaha dawladda ay intooda badan ku qoran yihiin af Ingiriisi, halka afka Soomaaliga uu yahay afka labaad. Daraasaddan oo la sameeyay bishii Diseembar 2018 ayaa sheegeysa in 18 ka mid ah baraha internetka ee 26ka wasaaradood ay af Ingiriisi ku qoran yihiin, halka 12 kaliya ay leeyihiin qeyb Soomaali ah. Iyadoo Wasaaradda Boostada ay tahay wasaaradda kaliya ee website-keeda uu leeyahay qeyb af Carabi ah, inkastoo wasaaradaha qaarkood uu tarjumidda markaasba sameynayo google, taas oo aan ahayn tarjumaad sax ah. Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa wasaaradaha inay soo dhammeystiraan xogaha u saaran barahooda si shacabka Soomaaliyeed ula socon karaan waxqabadkooda. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka UK u fadhiyay magaaladda Muqdisho, Ben Fender ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka, xilli labada dhinac uu shir uga socdo magaalada Garoowe. Ben Fedner oo waraysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inuu rajaynayo in iskaashi uu dhexmaro dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ah oo lagu heshiiyo dhamaystirka dastuurka, doorashada, amniga iyo qaybsiga khayraadka. Dowladda UK ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo Mareykanka uu ku jiro oo madaxda ku shirsan Garoowe ku cadaadinaya inaysan halkaas kasoo tagin ayaga oo aan heshiis gaarin. Waxa uu sidoo kale ka hadlay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Sir ma ahan, in Uk iyo beesha caalamku ay ka xumaadeen sidii loo maareeyay eryidii Haysom, Waxaan dareenay in sidaas ayan ahayd in sidaas ula dhaqmaan hay’ad ay iskaashi ka dhaxeeyo” ayuu yiri Safiirka “Waxaan soo dhawaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan Qaramada Midoobay u magacowdo Ergaygeedii Soomaaliya, balse waxaa jira hannaan loo maro shaqaalaysiinta, waxaan filayaa in howshaasi meel fiican marayso ” ayuu sii raaciyay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa kalmad ku saabsan lix tallo oo muhiim ku ah inta aad sooman tahay waxa soo jeedinaya Sheekh Maxamed Cumar Dirir ee ka faaiidaysi wanaagsan Source
  14. Heavily armed Al-Shabab militants were reported to have launched a daring assault on a military base belonging to Somali government forces stationed in Barire town, located in Lower Shabelle. The fighters encountered a fierce resistance they tried to storm the army outpost, which was recently recaptured by Somali government troops backed by AU soldiers. The attack occurred Wednesday evening. A local resident confirmed to Radio Shabelle that the Al-Shabaab combatants attacked the village from different directions the onset of the night as people gather in their homes to breaking their fasting. The commanders of the troops in the area say they have beefed up security following the take-over and vowed to continue flushing out Al-Shabab from its remaining strongholds in Lower Shabelle region. View the full article
  15. Teachers Service Commission on Wednesday transfers a number of non-local teachers from Mandera East, a temporary measure to assure them safety, a week after suspected Al-Shabaab militants raided several villages. Source: Hiiraan Online
  16. A film is to explore the mystery death of a Scottish backpacker who is said to have been shot by a gang Somali pirates. Source: Hiiraan Online
  17. SEATTLE — Three Somali women working for Amazon near Minneapolis have accused the company of creating a hostile environment for Muslim workers and of retaliating against them for protesting their work conditions, according to a filing submitted this week to federal regulators. Source: Hiiraan Online
  18. On the same day former Minneapolis police officer Mohamed Noor was convicted last week of fatally shooting an unarmed civilian, another young Somali-American was graduating from the Minneapolis Police Academy. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa eedaymihii ugu cuslaa u jeediyay xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Senator Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay inaanay somaliand wax fursad ahi ugu jirin in Hargeysa ay ka soo wada dagaan Farmaajo iyo Abiy Ahmed. Senator Mustafe Maxamuud Qodax ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga jawaabay hada la soo yeedhay raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya oo ku saabsanaa in somaliland ay fursad u ahayd inay wada yimaadaan hogaamiyeyaasha somaliya iyo Itoobiya. Senator Mustafe Maxamuud Qodax ayaa hadalkiisa ku bilaabay:- Fursad noocee ah ayaa Somaliland ugu jirtay inay raysalwasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne farmaajo ka degaan Egal international airport? Raysal wasaare Abiy Axmed u daa nin dhalinyaro ah oo si weyn uga dhexmuuqda madaxda Africa ee kursiga jecel, shakina kuma jiro inuu sameeyay geesinimo iyo Kudhac dhabbaha u xaadhay isbedello iyo daahfur siyaasadeed (political breakthrough) oo wax weyn ka bedelay hab-nololeedka siyaasadeed ee bariga Africa. aniga oo ku salaynaya aragtidayda siyaasadeed ee xal-u-helida arimaha Soomaaliya iyo Somaliland, iima muuqdo wax wanaag ah oo ka dhalan lahaa booqashadaas, waxaanan ku sababaynayaa arimahan soo socda: 1- arinta soomaaliya iyo Somaliland waa mid u baahan diyaar garaw dhab ah oo labada dhinacba u heensaystaan wadahadalo fool ka-fool ah iyo ka go’ naansho siyaasadeed oo xal u noqon kara is mari waaga, iyadoo hindisaha booqashadanina uu u ekaa mid kayimi Raysalwasaaraha dalka Ethiopia islamarkaana aanu jirin qorshe dawlada soomaaliya (all the Somali political stakeholders) isku raacsanaayeen sida; waxyaabaha somaliland looga tanaasuli karo iyo wixii lamid ah. 2- inta badan dadka reer somaliland oo dawlada madaxweyne Farmaajo u arka inay la gashay dagaal cad oo dhinaca siyaasada iyo bulshadaba ah; sida warqadii kasoo baxday wasaarada qorshaynta ee qaadhaan bixiyayaasha lagaga dalbanayay inaanay wax gargaar ah oon soomaaliya soo marin somaliland la siinin, qaabkii ay dawlada soomaaliya u waajahday arrintii DP world iyo arimo kale oo dawlada soomaaliya u samaynaysay si aamusnaan ah laakiin maxsuulka laga dheehanayey arimo awood sheegasho ah oo dawlada soomaaliya ay ka samaynaysay fagaarayaasha siyaasadda ee caalamiga ah, taasoo batrool kusii shubaysay kala fogaanshaha labada dhinac. 3-madaxweynaha somaliland oo ah madaxweyne shacabku doortay suurogal umay ahayn inuu sidaa dhibta yar ugu soo dhaweeyo hargeysa madaxweynaha soomaaliya oo isagu booqasho ku tagayey gobolada woqooyi. Arimahaas iyo qaar kale oo aanan halkan kusoo koobi karin awgood ayaanay booqashadaasi natiijo wanaagsan u keenteen. Waxbyaabaha ka dhalan kari lahaa hadday dhacdo booqashadaasi aniga aragtidayda gaaban: A- in madaxweyne muuse biixi wajihi lahaa kacdoon dadweyne. B- in xisbiyada mucaaradka somaliland ay suurogal ahaan lahayd inay ku qaadaan dagaal hubaysan. C- iyo inuu xumaado xidhiidhka u dhexeeya Ethiopia iyo somaliland kadib marka Abiy Axmed laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Hargeysa iyadoo qiiqa taayirada gubanayaa magaalada hadheeyeen, taasoon marna raali galiseen ninka ugu awooda Badan madaxda bariga iyo badhtamaha Africa. Shin malaha haddaynu arintan ku kala aragti duwanahay waxa meelo badan oo anynu isku aragti ka nahay Wa billaahi tawfiiq Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Prof Axmed Ismaaciil Samater iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Somaliland la wada leeyahay, waxaanu sheegay Prof Samater ayaa sheegay in Somaliland la wada leeyahay, halka uu dhigiisa Prof Cali Khaliif-na sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay. Ugu Horayn Prof Samater oo arrintaasi ka hadlaya ayaa sheegay sidan “Somaliland waa la wada leeyahay anniga Jawaabtaydu , markaa maxaan u odhan karaa waa la wada leeyahay inta aanan u iman waxa dhiman dee horeba waa loo sheegay degmada meel ayey ku taalaa calaamadsan oo la yaqaano oo la yidhaah-do Somaliland .” Waxaanu intaasi ku sii daray “Waxanu wada leenahay gobanimadii Somaliland ay heshay ee loogu dhawaaqay bishii Juun 26 1960-kii afartii qof ee saxeexayna Magac-yadooda waa la yaqaanayoo Somaliland ballaadhkeeda ayey ka yimadeen afartii qof ee saxeexay, dhanka labaadna waxaan leeyahay haddii la wada leeyahay haddana wax badan ayaa dhiman , dadka xasuusan waaya wixii soo maray xusuusan waaya waxay isku kelifaan inay ku cel-celiyaan uun khaladaadiikii taariikhda ay kusoo mareen yeynaa sidaas noqonin Somaliland yaanay inaga beenoobin ee dadaalka hala kordhiyo.”Ayuu yidhi Samater Dhanka kalene Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay oo inta la isku raacay la yidhi Somaliland aynu dhisno “Anniga xusuustaytu hadduusan khaldanayn waar meel la isku raacay oo Somaliland ayaanu wada dhisanaa oo dalka ayaa la kala goynayaa dhukmanti jira annigu ma ogi , waan-ba maqalay meel annoo fadhiya lagaga khudbadaynayo Cali Khaliif-kan inala fadhiya ayaa wax ka saxeexay waar ma saxeexin .” Isagoo haddalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray “Waar geel didii loogama hadho haddii aynu xisaabtamayno waar si dhab ah aynu u xisaabtano , waar Distuurka maxaa ku yaal waar Distoorku wax-yi maaha waar aan dib u eegno waar wixii danteena ah aan ka eegano , waar Distoorka nin kale igama sheegan karro qabiil igama sheegan karro , haddii uu iga sheektana waxba iskuma nihin , Distoorkaana ma qaadanayo Somaliland kama mid noqonayo .” Ugu Dambeyn Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa haddalkiisa kusoo afmaaray “Waxaan ku hiranaynaa waa wax wada lahaansha loo siman yahay, hadda looma sina haddaan wax wada lahaanshii loo sinayn , tii qabiilka ahayd ee qaraxa ahayd ee wax lagu qabysadayna meesha ma taal .” Source
  22. aqristayaasha ku xeran Goobjoog News waxaan idin soo aruurinay dhacdooyinkii ugu waaweynaaa ciyaaraha Soomaaliya horayna waxaa idinku soo bandhigay saddexdii bil ee ka horeesay bisha April ee 2019. 01-April 2019-Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya dhismaha iyo heerka uu iminka marayo garoonka kubbadda cagta ee Dr Ayub Stadium ee Magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in garoonka la saaro cowska macmilka. 02-April 2019-Laacibka reer Kenya ee weerar ugu dheela kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Marcel Odhimabo ayaa lagu doonsiiyay abaal marinta xidigii ugu Wanaagsanaa kooxda dowaldda hoose wuxuuna u mahad celiyay maamulka iyo taageerayaasha Muqdisho City Club. 03-April 2019-Xoghayaha naadiga Muqdisho City Club Maxamed Cumar Xaashi ay kooxdiisa u guddoomay ruqsada ka mid noqosahada xiriirka Soomaaliyeed ee teeniska dheere. 04-April 2019-Cabdiraxmaan Xaamud oo ay da’diisa tahay 14 sano jir ayaa ku guuleystay abaal marinta Jack petchey award kadib markii uu kaalinta labaad uu ka galay tartanka Watford Open Graded Meetings 2019 da’da ka yar 15 sano. 05- April 2019-Orodyahan Cabdinuur Maxamed Garaad oo u tartamayay degmada Kaaraan ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka sanadlaha ah ee Muqdisho Marathon, isagoo ka guulaystay ciyaartooy badan oo ka socotay degmooyinka Gobolka Banaadir. 06-April 2019- Madax waynaha Maamulka puntland Saciid Cabdillahi Deni ayaa dhagax dhigay garoon kubada cagta oo ay yeelanayso magaalada bosaso maadama garoonki hore uu noqday xaafado dhexdood waxaa goob joog ka ahaa dhagax dhiga mas’uuliyeen ka socotay xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland. 07-April 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaal mariyay ciyaartooydii kaalamaha hore ka galay Muqdisho Marathon oo ay ka galeeen wiilal iyo gabdho oo ka kala socday 17degmo. 08-April 2019 Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kaas oo si wanaagsan loo qalabeeyay. 10-April 2019-Magaalada Muqdisho waxaa kulan kuwada qaatay safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye waxayna ka hadlaan horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga Soomaaliya. 11-April 2019-Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa degmada Xamar Jajab kusoo xeray tartan u socday32 iskuul waxaana qabsoomida tartanka lahaa maamulka idacaada ciyaaraha Goolfm. 12-April 2019-Maamulka isboortiga Gobolka Banaadir ayaa degmada Warta Nabada kusoo xeray tartan u socday dugsiyada sare ee degmada Warta Nabadda waxaana ciyartii kama dambeysta usoo daawaso tagay bulshada deegaanka,iyagoo si heer sare uga ka helay xirafada dhalinyaradii ka qeybgashay intii uu socday. 13-April 2019-Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka horyaalka heerka 2aad waxaana Fiinaalka soo wada tiigsaday kooxaha kala ah FC Mudane iyo FC Dareeel waxaana koobkii quruxda badnaa hantay xidigaha FC Mudan. 14 April 2019-Goolhiyii hore kooxaha Horseed iyo Madbacada Qaranka iminka ah guddomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje ayaa ka qeybgalay shirka goolhayaasha oo sanadka la qabto bisha April waxaana sanadkan lasoo bandhigay. 15-April 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa wareegto kasoo baxda xafiiskiisa lagu qeexay in guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland loo magacaabay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo horay u ahaa tababarihii kooxda Puntland ee intii u dhaxaysay sanadihii 2016-2017,isagoo kooxda u qaaday koobkii 1aad ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadii 2016. 16-April 2019-Oradyahan Cabdi Daa’uud Rooble oo ka mid ah ciyaartooy u diiwaangashan Xiriir ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka oradka dheer ee ka dhacay Denmark. 17-April 2019-Garsoorayaasha kubadda cagta Soomaaliya oo bilaabay ssticmaalka alada GPS lagu ogaanayo fay-qabka iyo heerka tababarka waxaana qalabka loo yaqanaa (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS),iyado dhawaan laga hergeliyay qaarada Afrika. 18-April 2019-Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Canada kula kulmay ciyaartooydii hore xulka qaranka Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtar Cuti) iyo Maxamed Xaaji wuxuuna xilidhabaanka casuumada uu ka helay bahda isboortiga ee ku nool wadanka Canada. 19-April 2019-Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay shirwaynaha 28-aad ee Qaaradda Afrika waxaana Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir Xiriirka cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah xiriirada sida weyn loogu amaano cayaaraha fudud ee 800 KM. 20-April 2019-Gudoomiyaha kooxd Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje oo safar shaqo ku joogay dalka Finland ayaa la kulmay ciyaartooydii hore kooxda ee ku nool qurbaha,isagoo la wadaagay horomarka ay Elman samaysay sanadihii lasoo dhaafay iyo in ay kaalin ka qaataan doorkooda horomarinta Ciyaartooydii kulanka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Gaduudow,Aweys Winkey Dacayey, Nuune, Muse, Baasuuke Siidka, 21-April 2019-Xiriirka kubbadda cagta oo tababar u soo xeray garsoorayaasha heerarka kala duwan tabarkan intii uu socday waxaa lagu baranayay isbadalada ku yimid shuruucda dhinaca garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida iyo adeegsiga aalada casriga ah ee loo yaqaano GPS. 22-April 2019-Xidigihii saddexlayda bishii December 2018 ka dhaliyay xulka Jabuuti Feysal Axmed Xasan kana mid ahaa ciyaartooydii dalka u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka ayaa si rasmi ugu mid noqday naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaana saxiixan laacibkan isha ku hayay kooxaha waaweyn ee dalka. 23-April 2019-Kooxda Halgan United ayaa markii labaaad oo xiriir ah waxa ay ku guulaysatay tartanka ciyaaraha kubadda cagta Soomaalida ee Ameerika tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay 20kooxood oo ka kala yimid magaalooyin ku yaal wadammada Mareykanka iyo Canada. 24-April 2019-Kooxda North London oo ka dhisan dalka UKayaa ku guulaystay ciyaaraha Old Boysoo sanadkan lagu qabtay dalka Finland waxaana tartanka ka qeybgalay ilaa 111 koox waxaana kooxda North Londan hogaaminyay guddomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Garooje. 25-April 2019-Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa ciyaartooydii Soomaaliya u imaaday sanadkii laso dhaafay 2018 ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada ayaa kulankii ugu horeeyay uu kasoo Muuqday horyaalka Soomaaliya qaatay calaamada casaanka,inkastoo xidigan uu taageerayaasha kooxd dowladda hoose ee Muqdisho City Club uu ka raali geliyay falkaas. 26-April 2019- Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa gaartay gushii ugu horeesay ka dib markii ay 4-2 kaga adkaatay dhigeeda Ekero IK. 27-April 2019- Deegaanada Soomaalida degto ee dalka Kenya ayaa looga dhawaaqay xul kubadda ah oo markii ugu horreysay ka qeyb geli doono ciyaaraha horyaalka qaran ee Kenya. Xulkan oo loogu magac daray ‘Northern Wanderers’ ayaa la filaya inay dhaqan geliyaan qorshahooda ah inay soo bandhigaan ciyaar heer qaran ah isla markaasna ay fursad u siiyaan dhalinyarada gobolka si ay xirfaddooda guul uga gaaraan. 28-April 2019-Tababaraha Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) ayaa markale sheegay in ay kooxdiisa ay u qalanto in sanadkii saddexaad oo xariir ah in ay ku guulaysan karto horyaalka. 29-April 2019-Kulan ay isugu yimaadeen dhamaan ciyaartoyda kala duwan ee kooxaha heerka 1aad heerka 2aad iyo heerka 3aad ee Jubaland ayaa ka dhacay garoonka Waamo ee magaalada Kismaayo u jadeeda kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay la shaqeeynta Xiriirka kubbadda cagta Jubaland waxayna bogaadiyeen horomarada ay wadaan madaxda xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland. Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhacdooyinka Bisha April 2019 30-April 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo soo saaray isku aadka tartanka Iskuulada waxaana sanadkan ka qeybgalaya ilaa 14-iskuul Ciyaartooydii kasoo baxday tartanka waxa ay Sanadkii lasoo dhaafay 2018 Soomaaliya gaarsiiyeen fiinalaha tartanka da’yarta Afrika. Halkan Ka Daawo Dhacdooyinka Bisha April 2019 Oo Ay Goobjoog Diyaarisay Xogta Waxa ay gaar u tahay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinl39@gmail.com Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Col. Cumar Maxamuud Nimcaale ayaa madaxweyne Biixi u soo jeediyay inuu qaabilo Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliya haddii ay mar danbe damcaan inay Somaliland yimaadaan. Oday Cumar Maxamuud Nimcaale ayaa ku tilmaamay Somaliland inay ku sugan tahay xaalad adag loona baahan yahay in la gaadhsiiyo madaxbanaani buuxda, waxaanu madaxweynaha mar labaad u soo jeediyay inuu awoodiisa isugu geeyo arimaha dibada iyo ciidamada milatariga. Col. Cumar Maxamuud Nimcaale oo u waramaayay Geeska Afrika ayaa u soo jeediyay madaxweynaha inuu dhagaysto Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay la socdaan, waxaanu rajo weyn ka muujiyay dhex dhexaadin uu galo raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abby Ahmed, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Waxaan jeclahay had iyo goor waxii ku saabsan aqoonsiga Somaliland waxaan jeclahay inaan wax ka idhaahdo, sababta oo ah waxa kaliyaata ee aan aduunka maanta ugu jeclahay waxa weeye in Somaliland la ictiraafo, Somaliland maanta waxay ku jirtaa gunimo inkasta oo horumar wanaagsan la sameeyay oo la wado, oo warshado iyo wadooyinba la sameeyay hadana nolol kasta oo wanaagsan waxaanay u soconayn gun hadaad tahay kuu dhadhami mayso. Markaas raysal wasaarahan Itobiya iyo Farmaajo oo Hargeysa iman lahaa ayaa dib loo celiyay anigu waxaan qabaa sida dad badan oo reer Somaliland ah ay ka qabaan in aan la celin, ayay ila tahay, waxay ahayd in la eego nimankani waxay la socdaan aniga waxa igu sii adkeeyay inay yimaadaan wararka faraha badan ee aan ka maqlay raysal wasaaraha Itoobiya waa nin jecel oo ku magac baxay in dawladaha Geeska Afrika inay nolol ku wada noolaadaan oo heshiis ku wada noolaadaan oo aanay colaadi ka jirin ee uu gacanta isku wada saaro, waana ninka tuuladii Baadhama la odhan jiray ee kumanaanku kaga dhinteen iyaga iyo Eratariya si ay nabadi u dhalato ku celiyay ee gacanta ka saaray Eratariya, markaas waxaan anigu qaatayba in aanu iska yimaadeene inuu Farmaajo ka dhaadhiciyay colaada Somaliland iyo Somaliya waxa ka wanaagsan wax wada qabsi, iska horimaadna waxba lagu kala heli maayo, markaas inuu ka dhaadhiciyay inay ka fiican tahay inay heshiiyaan.” Waxa uu sheegay Cumar Nimcaale inay la tahay inay raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliya Farmaajo isla qaateen in Somaliland waxay ku dhegantahay oo madaxbanaani ah loo daayo “ haddii cidi kula talisay madaxweynaha oo ay yidhaahdeen Farmaajo hadduu socdo dadkaa inagu kacaaya dad ku kacaaya ma jiraan, reer Somaliland waa ay ogyihiin in meelo badan la tagay oo meelo badan lagu wada hadlay markaas hadal ma diidana, Somaliland ayaa inagu kacaysaa waa qalad, haddii uu leeyahay waxa loo aqoonsanayaa haduu Farmaajo Hargeysa yimaado in Somaliland ay tahay gobal Somaliya ka mid ah taasna waa uu ku qaldan yahay ninka taladaas bixiyay ,hadalka waxaan ku soo gaabinayaa madaxweyne maalintii lagu doortay waanigii gurigaaga ku kulanay laba wax ayaan kugula taliyay wax alle iyo waxii ay Somaliland awood leedahay waxii ay dhaqaale leedahay meel kale ha marin ee laba wax gali, kow xornimo oo ictiraaf ku keen oo wufuud badan dir oo Yurub,Amerika iyo Afrikaba gaala baxa, talabaadna waxay ahayd ciidamada qalabka sida gaar ahaan milatariga wax aad hayso gali, imikana tiibaan ku leeyahay haddii fursad kale ay timaado oo raysal wasaarahaas Itoobiya anigu waan ku kalsoonahaye iyo Farmaajo ay yidhaahdaan aan nimaadno waxaan ku leeyahay umadda reer Somaliland sidaas ayay kaa rabaan.” Source
  24. (SLT-Yemen)-Cusbitaal ku yaala Masar iyo Saraakiil ka tirsan Safaarada Yemen ay ku leedahay Qaahira, ayaa ku hawlan iibinta xubno bani’aadam 2014-kii waxaana ku jiray boqolaal bukaan iyo didaaliin ka soo kala jeeda Yemen iyo Masar, sida lagu ogaaday baadhis ay Aljazeera samaysay. Waraysiyo iyo Documentiyo ay heshay Aljazeera, ayaa baadhista waxa ay muujisay saraakiil ku bixiyey waraaqo been abuur ah in dad ay ku heleen amaro ay ku bixiyeen xubnahaasi bani’aadam. Ganacsigan xubnaha bani’aadamka ayaa khatar ku ah dadka saboolka ah ee Yemen oo doonaya inay u socdaalaan Masar si ay u iibiyaan Kali si ay u helaan dakhli ay ku sii noolaadaan, ugu yaraan in mudo ah. Mid ka mid ah Yemenidani waa Axmed, kaas oo 2014-kii u sheegay saaxiibkii inuu ka helay xabad kaliya $5,000 dollar. Oo uu ogolaaday, una duulay qaahira. Inkastoo aanay yemen xiligaasi ahayn meesha dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ugu daran aduunku ay ka jiraan ee aanu dagaalku burburin boqolkiiba 80 shacabkeeda. Balse waxay ahayd dalka ugu saboolsan bariga dhexe, qayb ahaana shacabku ay sabool yihiin. Gudaha Yemen, iibinta xubnaha qofku maaha sharci daro. Balse dalka Masar in xubnaha qofka la iibiyaa waa sharci daro. Nabil al-Fadhil, oo ah madaxa ururka Yementa ee la dagaalama ka ganacsiga xubnaha banidaamaka ayaa sheegay in ay cadeeyeen 1,000 kiis oo xubno la iibiyey ah, balse ay intaasi ka badan yihiin oo ay yihiin tobonaan kun. “Kunkii aanu waraysanayba, 900 ayaa iibiyey kalyahooda – kadibna waxaanu ku noqonay yemen oo dilaaliintu ay raadinayaan dhibanayaal cusub,” sidaasi waxa yidhi al-Fadhil oo Aljazeera u waramayey dhamaadkii 2018. Source
  25. (SLT-Ottawa)-Asia Bibi oo ah Haweenay Kiristaan ah oo u dhalatay Dalka Pakistan, ayaa gaadhay dalka Kanada oo ay ka heshay Magangalyo. Haweenaydan ayaa sanadihii u dambeeyay oo dhan deris la ahayd Cabsi ay ka qabtay in la dilo, ka dib markii Dadka Muslimiinta ah ee Dalkaa ku nooli ku eedeeyeen inay Cayday Nebiyullaahi Muxamed (CSW). Asia Noreen oo loo yaqanay – Asia Bibi ayaa meel qarsoodi ah lagu hayey intii loo diyaarinayey Safarka ay Dalka Pakistan kaga qaxaysay, si ay ugu dhoofto Kanada oo ay Gaadhay, sida Warbaahinta Caalamku baahisay Arbacada shalay. Bibi ayaa Maxkamadda sare ee Pakistan ku xukuntay Xabsi, laakiin Looyarkeedii lawyer Saif ul Malook ayaa sheegay in gaadhay Dalka Kanada, halkaasi oo Qoyskeeda, gaar ahaan Labadeeda hablood garteen inay si nabadgalyo ah ugu noolaan karto. Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa bishii October ee sannadkii 2018 laashay Xukunkii Bibi ee ahaa xadhigga, waxayna arrintaasi Dalka Pakistan ka abuurtay Mudaharaaddo Rabshado watay. Wakhtigaa waxa Dawladda Pakistan Xidhay Khadim Hussain Rizvi oo ka mid ah Culimada Mayalka adage e Dalkaasi, kana mid ah Xisbiga Tehreek-e-Labbaik (TLP), ka dib markii lagu eedeeyay inuu abaabulay Dibad-baxyo lagaga soo horjeeday xukunka Bibi ee Maxkamaddu laashay, wixii intaa ka dambeeyayna waxa Dawladda xidh-xidhay Tobannaan Taageerayaasha Wadaadkaasi ah oo iyaguna Rabshado sameeyay. Source