Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulankii ugu horeeyey ee kalfadhiga 5aad. Ajendaha ayaa lagu sheegay in warbixin laga dhageysanayo guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, iyaga oo ka warbixin doona 10 qodobka ee ay soo gabagabeeyeen. Waxaa xusid mudan in aqalka sare aanu weli furin, labada aqal waxaa horyaalla arrimo badan oo ay ka yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal cusub oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooyle ee gobolka Sh/ Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhigyo Ciidamada dowladda ay kuy leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Kabtan Laas iyo Gaawirow ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la soo dhoobay isgoysyada qaar, iyagoona dib u celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kan gaarka loo leeyahay intaba. Ujeedada loo xiran waddooyinkan lama shaacin, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la xariirto arrintan kulan maanta ay leeyihiin xildhibaanada Golaha Shacabka. Kulankan oo ahaa kii koowaad ee Kalfadhiga shanaad BFS ayey Xildhibaanadu uga hadli doonaan qodobo dhowr ah, maadaama ay dib uga soo laabteen fasaxii ay ku jireen. 27-kii bishan ayey ahey markii madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu daah-furay Kalfadhiga, kadib munaasabad ka dhacday M/Muqdisho. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-30032019.mp3 View the full article
  5. Mogadishu Mogadishu once known as the pearl of Indian Ocean, it is the capital city of Somalia, largest and most populous city in the nation. The city’s peacefulness is tantamount that the entire nation is in a tranquil. Sad to say, our capital is accustomed to regular attacks and explosions. If you type the word “Mogadishu” or “Somalia” into the Google, you will instantly see violent news such as “Al-Shabaab attack in Somali capital kills at least 10” and ” Somalia’s Al-Shabaab militants attack ministry” from the major news sites in the globe; The Washington post, CNN, Reuters, Aljazeera, The Guardian and so on. 8th February 2017, President Farmaajo came to power; the president’s election triumph was widely applauded and welcomed. Upon word of his election, celebrations rocked the entire country; the people thrilled as they born again. The president stoutly pledged at many occasions that his government would defeat Al-shabaab with in two-year period. It was a noble decision, although; it was seemed a far-fetched to some people. Two years on, Mogadishu is bleeding and suffering, the people are in regular fear, condolences and miserable condition. Our much-beloved ones perish in these regular banes. The explosions are incessantly blasting and we learn nothing. Alshabaab is regularly attacking us, and what disheartens the commune is that the terrorists get less retaliation from the government, government’s security reconnaissance and intelligence is feeble. Al-Shabaab have the courage to attack the government buildings and kill senior government officials as it happened March 23, let alone the civilians and private hotels. It is just one example out of many; that is indicating Mogadishu’s volatile security. Not a single high-ranking security official is being sacked or resigned due to failure or negligence, so far, except district police commissioners who were fired but many people described the change as naive since the failed ministries are on duty. The government has long been criticized by the community and this is signaling that the security complaint of the people fall on deaf ears. This is also undoubtedly pointing the presence of vast corruption, negligence and nepotism in the security authorities. The public see that Mogadishu’s security has been deteriorating and the question are many asking is the reason behind the worsening. I have the curiosity to dig deeper the main hurdles and the obstacles of Mogadishu’s peace. The Mogadishu’s peace obstructions are multitudinous. The major barrier is mercenary trader who benefited the anarchy and lawlessness. Moreover, these traders are backers, financers and sponsors of the anarchism. They hinder any step towards peace and progress; it is because they will broke if rule of law is fully install. The incontestable obstacle is; the security cooperation between the members of the public and police forces is not meritoriously working. The civilians and security authorities are quarantining one other and this will ease the denotations to increase. Public-government security collaboration is what we dearth. People are highly eager of security betterment but they do not work closely with government; the other way around, they work with Al-shabaab and pay extortion owing to the fear of peril and targeting. Penetration from overseas enemies might exist, which is may be a part and parcel of Mogadishu’s security jeopardy and Somalia at large. To be honest, not any one can firmly prove and explain how these outsiders create insecurity and chaos in our country. To be fair, cronyism and negligence are lucid stumbling blocks to the security; People have the opinion that federal government of Somalia has less heed towards security; it is because the no retaliation the terrorist encounter from the government. This administration has shown us a fight against corruption and nepotism and the people sturdily cheered but still, it is eminently exist in the administration. Certain high-ranking security officials stay in the power in a cronyism and corruption way, and this is a part and parcel of the bungling; Friendship bond overpowered the public security is what elevated the lack of accountability in the security sector. Somali nationals are anguishing; they do not need rhetoric words and eloquent speeches any more, they need a tangible action and fulfilment to get peace and to live without hostile aggression. It is fact-based that we are confronting suicide bombers who are ruthlessly perishing their lives and it is true that it is hard to overcome such kind of attackers but the only technique we can defeat them is to have the traits of commitment, solidarity and vigilance. It is significant to establish a better collaboration between the public and security authorities and without police-community Corporation nothing is rectifying rather, the instability will endure. Government must retaliate Al-Shabaab to defend the lives of the people. If the terrorist face regular attacks from government and civilians combined, their assaults into the civilians would be tenuous. The serving security official must be qualified, committed and expert in security sector. The government of Somalia must come up with comprehensive security strategies to combat and to eliminate the terrorists. By: Mohamed Aidarus Mohamud maidarus111@gmail.com The post Mogadishu’s security is worse off, wherefore? appeared first on Puntland Post.
  6. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi uu dhowaaan uu daahfuray madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageysanaya Guddiga dib u eegista dastuurka dalka oo baryihii ugu dambeeysay arimo la xariiro dib u eegista dastuurka waday. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo ansixinta hindise sharciyeed badan oo loo soo gudbiyay. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray isgooysyada muhiimka ah ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka QM u qortay ashtako ka dhan safarkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu qoray wargeyska East Africa Business Week. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay si gaar ah uga carrootay in Imaaraadka Carabta ay Muuse Biixi ku qaabileen calanka Somaliland iyo ayada oo heesta astaanka qaranka Somaliland loo tumay. Sida wargeyska qoray, dowladda Soomaaliya ayaa warqaddeeda ku sheegtay in la macaamilka Imaaraadka Carabta eee Somaliland uu xadgudub ku yahay madax bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Wakiilka Somaliland ee Kenya, Cumar Baashe oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Haddii aan nahay Somaliland waan ka xunnahay ashtakada ay dowladda Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka ee QM ee ku aadan safarkii uu madaxweyne Muuse Biixi dhowaan ku tagay Imaaraadka Carabta” “Waxaan doonayaa inaan ku celiyo in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay iyo dowlad si dimoqraadi ah loo doortay. Somaliland waa ay u madax banaan tahay in la macaamisho dalalka kale, umana baahna fasaxa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Baashe. “Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa inaan beesha caalamka kala hadalno sidii aan u heli lahayn aqoonsi iyo madax banaani rasmi ah” Dowladda Soomaaliya oo ay Caasimada Online wax ka weydiisay dacwada la sheegay inay gudbisay Soomaaliya waa ay ka gaabsatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Waxaa la shaaciyay qeyb ka mid ah warbixintii isbuucaan la sugayay ee ku aadanaa baaritaanka ciladda ay u dhacday diyaaraddii Ethiopian Airlines Boeings 737 Max8 ee bil ka hor ku dhacday dalka Itoobiya taas oo ay ku dhinteen dad lagu sheeay 157 ruux oo isugu jira rakaan iyo shaqaale. Shilka diyaaraddan ayaa ku cilad noqotay middii sannadkii 2018 ku dhacday bannaanka caasimadda dalka Mareysia ee Jakarta taas oo ay laheyd shirkadda Lion Air islamarkaana ay ku wada dhinteen dhamaan rakaabka iyo shaqaalihii saarnaa. Ciladda ayaa lagu sheegay mid ka timid sistam la daaray kaas oo jawiga u toosin lahaa diyaaradda, balse bilcaksi galiyay diyaaradda khalkhal, sababayna in ay dhulka afka aadiso. Nooca diyaaraddan ayaa caalamka dhac laga mamnuucan kadib shilkii Itoobiya, waxaana islamarkiiba soo shaac´baxday in cilad dhanka diyaaradda ah ay jirto. Warar iminka soo shaac baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in durba lagu bilaabay dacwad shirkadda sameysay diyaaradda taas oo ay gudbinayaan ehelada dadka ku dhintay diyaaradahan. Dacwadda ayaa laga gudbiyay gudaha dalka Mareykanka. Ethiopian Airlines @flyethiopian Accident Bulletin no. 6 Issued on March 11, 2019 at 01:40 PM Local Time The Digital Flight Data Recorder(DFDR) and Cockpit Voice Recorder(CVR) of ET302 have been Recovered. Qaran News
  9. Xoghaya guud ee QM oo magacaabay ku-simaha ku-xigeenka ergeyga Somalia Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Mr Conway oo hadda ah mas’uul ka tirsan hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan. Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya, Mahad Cawad ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxeysa, hase yeeshee magaalooyinka kale ee dalka ay kala leeyihiin qabiilo. “Soomaaliyey aan runta isu sheegno, Soomaali waxaa ka dhaxeeya kaliya calanka bulugga ah iyo Xamar, inta kale waxaa kala leh qoysas” ayuu yiri Mahad Cawad oo ka hadlay kulan lagu qabtay hotel Royal ee magaalada Muqdisho. “Lama kala sheegan karo Xamar iyo calanka, waxay muujinayaan ficil midow, waxa kaliya ee lagu midoobay waa labadaas” ayuu yiri Mahad Cawad, oo ay u sacaba tumeen qaar ka mid ah dadkii dhageysanayey. Mahad Cawad ayaa sheegay in Muqdisho ay muujisay inaysan u kala duwaneyn qofka ka yimaada Baay ama Bakool ama Sanaad” ayuu sii raaciyey Mahad Cawad. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan Soomaalida oo idil ay isugu yimaadaan Muqdisho ay astaan u tahay in Soomaali isku soo noqotay, oo laga soo bogsanayo kala qob-qobkii. Hoos ka daawo Mahad Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Masar ayaa u muuqataa inay beddeleyso siyaasaddeedii ku aadaneyd Somaliland iyo midnimada Soomaaliya sida uu sheegay Rashiid Cabdi, oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika ee hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG). Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa safar shaqo ku tagay dhowaan dalka Masar, isagoo kulano la yeeshay dhigiisa dalka Masar iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Masar. Wafdigan Somaliland ka socday ayaa sidoo kale waxay kulamo la qaaten Saraakiil kamida kaaliyeyaasha dawladda Masar u qaabilsan dalalka Afrika iyo Geeska Afrikaba, iyagoo kulamo la qaatey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga dawladda Masar, oo uu hogaaminayay Gen. Jamal Xigasi, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda iskaashiga dibadda iyo horumarinta ee Masar. Rashiid Cabdi ayaa booqashada waftigan ku macneeyey mid muujineysa is-beddel ku yimid siyaasaddii arrimaha dibedda Masar. “Is-beddelka Masar ee ku wajahan Somaliland waa mid aad muhiim u ah. Qaahira waxay caadiyan ahayd codka ugu xooggan ee carbeed ee kasoo horjeeda burburka Sooomaaliya, waxay doorbidi jirtay dowlad dhexe oo Soomaaliyeed, oo ay rumeysned inay ku caabin karto Ethiopia.” Ayuu yiri Rashiid Cabdi. Kulamada waftiga Somaliland iyo dowladda Masar, ayaa waxaa la sheegaya inay kaso baxeen in labadda dowladood ee Somaliland iyo Masar ay iska kaashadaan dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, horumarinta dhaqaalaha iyo dhanka amniga. Masar ayaa qeyb ka ah xulufada dalalka Carbeed ee go’doominta galiyey dalka Qatar, oo dowladda Soomaaliya ay aad isugu dhow yihiin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Dulmar Guud Rubuc sanadeedkii u dambeeyay 2018 waxaa sii kordhayay dilalka toogashada ah iyo kuwa bombada dhajiska ah ee Kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay hoos u dhaceen tirada weerarada tooska ah lala beegsado dowladda iyo fadhiyada ciidammada ay bahda yihiin. Ifafaalahaanu wuxuu soo billawday horaantii sanadka, taasoo muujineyso hoos-u-dhaca tirada weerarrada tooska ah iyo kororka tirada dilalka qorsheysan iyo qaraxyada. Waxay kooxdu u muuqataa inay u sii xuub-siibaneyso taktakida dagaal-magaaleedka, si ay uga raad-tirato duqaymaha hawada ee kusii kordhayey kuwaasoo wiiqay awooddeeda ay ku dhibaateyn jirtey dowladda iyo xulufadeedaba. Ololaha dilalka toogashada ah Toogashada qorshaysan ee bistooladaha loo adeegsado ayay xoogga ku saaraan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, qaasatan dhanka Woqooyi-Galbeed. Saddexdii bilood ee ugu dambeysey ee 2018 heerka xawligoodu isma beddelin oo wuxuu la mid ahaa rubucyadii ka horreeyey isla muddadan. Ururka Dowladda Islaamiga ee Soomaaliya (DIS) [Daacishta Soomaaliya] wuxuu Muqdisho uga soo faafay dhanka buuraleyda Bariga Boosaaso oo ay ku dhuumaaleystaan, iyagoo caasimadda usoo direy ku-xigeenka Amiirkooda si uu ula socdo faafidda iyo xoogaysiga kooxda. Ku-xigeenka DIS waxaa si aan weli la fahamsaneyn loogu dilay magaalada Muqdisho; si kastaba, DIS waxaa joogitaankeeda caasimadda laga dareemay markii ay dileen ganacsato diiday inay bixiyaan canshuurta. Cabsi uga soo korortay xagga DIS inay u lumiyaan awoodda ay ku lahaayeen Caasimadda, ayaa Al-Shabaab waxay ku jawaabtay inay unugyadooda Amniyaatka iyo weliba qaar ka mid ah cutubyadooda rigliga ah ka hawl geliyaan Muqdisho, gaar ahaanna Suuqa Bakaaraha. Waxay ku hanjabtay inay baabuurta qaraxyada lagu raro u diri doonto ganacsi walba oo aqbala shuruudaha DIS. Waxayna u ballan qaadeen inay iyagu ilaalin doonaan ganacsiyadoodaas, iyagoo u qeybiyey lambarro telefoon oo ay soo wici karaan haddii ay khatar dareemaan. Macluumaadka uga yimid taleefonada ay qaybiyeen iyo weliba baaritaannadii gaar ahaan ay AS sameeyeen ayaa ka caawisey inay markiiba fahmaan siduu u shaqeeyo badanka unugyada DIS ee gudaha iyo agagaaraha Muqdisho. AS waxay muddo labo toddobaad ah si la hubo uga takhallustay dhaqdhaqaaqyadi DIS ee gudaha iyo agagaaraha magaalada Muqdisho. Is-beegsiga DIS-AS ee Muqdisho, ayaa AS ka mashquuliyay beegsigii ay ku wadi lahaayeen DFS xilligan. Si kastaba, awoodaha dheeraadka ah ee ay kusoo daadisey Caasimadda waxaa macnaheedu yahay inay dilalka toogashada ahi kasii socon doonaan degaankan. Ololaha qaraxyada Si la mid ah ololaha dilalka toogashada ah, ayuu ololaha qaraxuna ugu koobnaa Muqdisho balse kusii faafay dhanka Woqooyi-Galbeed ee Caasimadda. Waxay taasi tilmaameysaa inay AS leedahay ciidan tayo leh oo Amniyaat ah oo ka hawlgala degaannada Woqooyi-Galbeed ka xiga Muqdisho. AS waxay isku dayeysaa inay go’doomiso ciidammada ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo jidadka qaraxyada macmalka (IED) ah u dhigaysa baabuurta milateriga, halkaasoo ay bishii Disembar 2018 ku dishay taliyihii ugu sarreeyey ciidanka XDS Qeybta 12 Abriil. Kooxdu weli wey waddaa ku-daadinta qaraxyada macmalka ah ee jid-xeebeedka ku fidsan jihada Koofur-Galbeed ka xigta caasimadda. Rubuci ugu dambeeyey ee 2018 wuxuu ahaa mid ay qaraxyadu kordheen 235% markii la barbar dhigo rubucii ugu horeeyey ee isla sanadkaas. Tani waxay si cad uga jawaabeysaa kordhinta weerarada cirka ah ee diyaaradaha Mareykanka ee lala beegsanayo dhaqdhaqaaqyadooda milateri. Kooxdu waxay u muuqataa inay beddeleyso muuqooda si ay isugu diyaariyaan xaqiiqada cusub ee goobta dagaalka una yareeyaan sida weerarrada hawadu u saameeyeen awooddooda shaqo. Adeegsiga awood milateri toos ah Markii ugu horreysey sanadka 2018, ayey ciidammada xulufadu ku guuleysteen inay AS/DIS ku qaadaan weerarro toos ah, kuwaaso ka badnaa kuwa ay AS ku qaadi kartey ciidanka xulufada. Weeraro oo ay qaadeen ciidanka Puntland ee Woqooyi-Bari dalka illaa kuwa Jubbaland ee Koofurta, AS waxaa inta badan lagu koobay is-difaac. Waxaa dagaallo uga guuleystay ciidammada qabiillada iyo kuwa Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena hoggaamiye ayaa si gaadmo ah looga dilay gobolka Koofur-Galbeed. Duqeynta cirka ahi waxay AS ku adkeysey inay adeegsato hubabkeeda cuscuslaa iyo weliba daabulidda ciidankeeda, taasoo siisey ciidanka gobollada fursad aysan hore u heysan jirin. Gabagabo Kaalmada laga helay duqaynta cirka ah ee ciidammada xulufada ayaa ciidanka DFS/DGS/AMISOM u suuro gelisey inay AS kala wareegaan awoodda milateri rubucii ugu dambeeyey ee 2018; AS waxaa lagu qasbay inay yareyso dhaqdhaqaaqyadeedi milateri ee miyiga. Si kastaba ha ahaatee, si ay uga jawaabto qasaarahaas ayey iyana noloshii ku adkeysay degaannada ay dowladdu ka taliso, iyadoo qaraxyada macmalka ah ku xirtay jidadki waaweynaa ee sahayda, una beddelatay dagaal magaalo. Gudaha Muqdisho, AS waxay kusii yeelatay kalsooni badan kaddib markii ay ganacsatada gudaha siisey ximaayad aysan ka heli jirin DFS. Mashinkii ay ugu talogashay iska caabbinta DIS ayey kooxdu usii adeegsan doontaa ballaarinta ololaheeda dagaal magaaleedkeeda. Dowladda iyo xulufadeeda waxay u baahnaan doonaan inay si aad ah u maalgeliyaan ilaalinta magaalada iyo inay ximaayad siiyaan shacabka, haddii kale waxay qatar ugu jiraan inay gacantooda kasii baxdo caasimaddu. Warbixintan waxaa diyaariyey machadka daarsaadka amniga ee Hiraal Institute
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad ee golaha Shacabka, iyadoo ay horyaalaan shaqooyin badan. Kulanka maanta ee xildhibaanada ayaa sida qaar kamid ah xildhibaanada ay xaqiijiyeen wuxuu ku saabsan yahay dhageysiga warbixin ay soo gudbinayaan guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka. Xubnaha Guddiga ka tirsan ayaa shaaciyay inay xildhibaanada golaha shacabka la wadaagi doonaan waxyaabaha ay qabteen muddooyinkii u dambeeyay halka uu marayo qorshaha dib u eegista Dastuurka. Xildhibaanada waxaa horyaala shaqooyin badan iyo ka doodista ajandayaal ay kamid yihiin dardar gelinta Shuruucda doorashooyinka, sharciyada axsaabta iyo arimo kale, sida uu dhawaan sheegay guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaano badan oo kamid ah baarlamaanka ayaa horey u dalbaday dib u furida kalfadhiyada baarlamaanka, iyaga oo sheegay in kalfadhigaan uu noqon doono mid lagula xisaabtamo madaxda dowladda. Xaaladda amaan ee dalka oo aad usii xumaatay maalmihii ugu dambeeyay ayaa laga war dhowrayaa xildhibaanada inay kula xisaabtami doonaan hay’adaha ay quseyso. Waxaa qaarkood ay baraha Bulshada kaga hadlaan amaanka iyo dhaliilaha ay leeyihiin laamaha amniga, iyada oo laga sugayo xildhibaanada inay la xisaabtamaan dadka ka masuulka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Dadku hadday is dhahaan sheega cid dembi ama qarax faraha kula jirta, ma sheegi karaan!. Sababtoo ah, askariga nabad sugida ah ama kan bilayska caadiga ah ayaaba markay doonaan Al-Shabaab ah. Dad badan oo soo sheegay meelo ay qarax ku arkeen ayaa la dilay, isla daqiiqaddihii ay warka geeyeen. Waxaana Al-Shabaab warka u gudbiyey isla askarigii ay warka u sheegeen. Dowlada waxaa la tuhunsan yahay inay ku dhex jiraan Shabaab badan, Dhamaan qaybaha dowlada, sida Xildhibaannada, askarta iyo taliyaashooda, wasiirada, nabadsugida iyo xataa guud ahaan shaqaala weynnaha dowlada. Marka sideebuu qof shacabi isugu aamini karaa khatarta intaa le’eg?. Al-Shabaab-nimadu waa mabda qalbiga hurda oo caqiiqado adag ku dhisan, Qofka Al-Shabaabka ahi, isagoo muuquu doono leh ayuu meel walba joogaa, Waxaanna xaqiiqo ah inay danahooda siday rabaan iyo midabkay doonaan ku fushan karaan, Waxaa sidoo kale xaqiiqo labaad ah in qaraxa iyo dilalka argagixisadu ay ku baxdo malaayiin doolar. Afkaarta Alshaabnimada wadaadaddii inoo fatwooday ayaynnu weli casharada iyo maxaadirooyinka miinaysan ka marsannaa. XALKU WAXA WEEYE: Ilaa uu qofka shacabka ahi helayo damaanad ah in aan magaciisa Al-Shabaab loo gudbinayn, waxba kama qabsoomi karaan horumar laga gaadho amaanka Xamar ama dalka. Dowladu horta waa in ay dhug u lahaato in ay khatarta intaa le’egi jirto. Qofka bilayska loo shaqaallaysiinayo waa in uu noqdo qof la og-yahay in aannu Al-Shabaab ahayn ama afkaartooda aaminsanayn. Taasina wakhti badan bay qaadansa, Tabtaas oo kale waa in la helo ciidamo qaran oo cid walba leh una badan dhulalka aan Al-Shabaabnimadu ugxama dhigan. Dhamaantoodna waa in hal mar la wada beddelo. Sidoo kale, waa in la helo sharcigii ciqaabta askarta iyo kala danbaynta bilayska, hadduu jirona waa in gacan bira lagu fuliyo. Waxaa kaloo loo baahannahay nabad-sugid qalaad oo lagu kalsooyahay oo dalka ka caawisa xaga nabad-sugidda iyo basaasnimada sida dalka turkiga oo ka le in la kaashado. Isla markaana dad sirdoon ah Soomaalida u taba-bara. Askarta bilayska waa in ay helaan mushahar ku filan, dallacaad, taba-bar, magdhow iyo xuquuq caafimaad oo dhamaystiran oo eex ka nasahan. Intaa waxa raaca, xeerka ciqaabta argagixida iyo jeelashii lagu xidhxidhi lahaa waa in ay jiraan. Qofka Al-Shabaabka ah ee la qabto, haddii berri la sii daynnayo maxay taraysaa, halkiisii buu ka miisayaaye. Sidoo kale waa in aan qofku hadduu Al-Shabaab kamid noqday ama xataa uu maalin taageeray waa in aan la aaminin. Wadaaddadii tan iyo koob iyo sagaashankii fatwoonnayey waa in danbiilayaal qaran loo aqoonsaddo, haddii ay ka toobad keeneenna waa in liiska madow (black-list) lagu qoro oon waxba loo dirsan, lagana dhegaysan. Kuwa weli fatwada wadana waa in la qaqabto oo la xidhxidho, waayo, wadaaddadii afkaartan qalaaad dibadda kasoo waariday ayaa weli Culumo inoo ah. Gebagebaddii intaas iyo ino kale oo badan haddii daacad laga noqdo waxbaa hagaagi lahaa, haddii kalese, waa riwaayad iyo biyo col-dhaanshay. W/Q: Abdirizak Xiddig Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada ayaa si adag uga hadlay Masuuliyiin lagu xidhay musuq-maasuq oo damiin uu ku sii daayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. “Sharcigu wuxuu dhigayaa qofka musuq-maasuq lagu soo eeddeeyo in aanu lahayn wax damaanad ah, laakiin hore ayaaba loo sii daayey kuwiii Hanti-dhawruhu ku soo xidhay foojaradii liisamada lafta ah, oo waliba lagu helayo musuqa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana Saldhigyada ka sii daayey, oo damanaad ahaan Maxkamadaha kaga sii daayey, mar haddii dad iyagoo dambigii lagu caddeeyey oo Hanti-dhawruhu soo xidhay la sii daayey, oo damanaad aanu sharcigu ogolayn lagu sii daayey, eeddaha musuq-maasuq ee labada Wasiir lagu soo oogay haddii ay dhab noqoto, haddii xitta la xidho waa la iska sii daynayaa, mar haddii ilaa hadda cid loo xidhay musuq-maasuq, oo xukun musuq-maasuq lagu qaaday aanay jirin, oo kuwii loo xidhay ee lagu caddeeyey la sii daayey” Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Gaane ayaa Xukuumadda Biixi ku eedayey inay ka musuq badantahay xukuumadahii hore ee Somaliland, waxaanu ka dhawaajiyey in musuq-maasuqu Xukuumada biixi uu ka noqday wax caadiya. “Musuq-maasuqu wuxuu noqday wax iska caadiya oo Xukuumaddu aanay dambi culusba u arag, walina lama arag Xukuumad ka tirsan Caalamka oo Musuq-maasuqa dalkeeda loo xalaalayey, haddii musuq-maasuqa la xalaaleeyo waa boobku ha socdo, sharciguna yaanu socon, laakiin cid kasta oo hantida umadda musuq-maasuqada wasiir ha noqdo ama masuul kale ha noqdee waxay ahayd in si adag loola dhaqmo, oo sharcigu wuxuu dhigayo in lagu qaado, si cid kastaaba ay uga feejignaado musuqa, laakiin haddii talaabo laga qaadi waayo, cid kastaaba wey ku dhiiranaysaa musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Sheekaddii Geelayagga…W/Q Axmed Nuur Guruje Noloshii baadiyaha ee u muuqata inn ay hadda sii dhamaanaysaa waxay ahayd nolol han iyo hal-abuur leh , dadkuna noloshiisa si wanaagsan uga wada hadlo hadba wixii lasii gudboonaada . Hawl maalmeedka laf-dhabarta u ahaa nolosha waagaas ee xoolo dhaqatadana waxaa laggu dhex wadi jirey kaftan iyo xifaale hadba marka dhacdi timaadaba la is waydaarsado . Hadaba dulucda sheekadan aynu u gonda degnee ,badhtamihii qarnigii horre ama 50 kii , ayaa sidda sheekadani inagu soo gaadhey xili Jiilaala geelal xaafaddu lahayd lagga soo aruuriyey dhulka Hawdka loo yaqaano ee Daroor kor kagga beegan , waxaana loo soo arooriyey Dooxyadda Debis oo waagaas lagga cabi jirey. Markii Geelashi cabeen ayaa meel dhexe , labba qaalmood geelashii kaga lumeen , ka dibna hadii la doon doonay waa la waayay , geelashii ay ka lumeena lama joojine waxay ku fuleen meeshii ay kasoo arooreen . Dabeeto nin gabyaa ahaa oo arrintaa ka faaidaystay , ayaa isagoo nimanka waagaas geelasha waday , isagoo dacaayadaynaya wuxuu yidhi :- Ninkii dhaqasho geel doonayaa , wuu dhix dhixiyaaye , Dhubato iyo tuurtiyo ilaa dhinacyadii tuurta , dharaar bay intaa wada marsheen sidda dhanbaalkiiye , dhangaday ku feedheen , sidii maal lasoo dhacaye , ***** kagga tageen qaalmihii dhogorta xiisnaaye , Dhulka waxaa u caanoo u maray raabsi baa dhibaye , Dadka lagga dhacyaa iyo isagga dhawr ka qala aaba , Dharartaan hilib geel la cunin waa dhoma’ayaane , Jeeroo col dhaamaa u kaco dhaayin celinteedda , Dhoobada tubnaa iyo hablaha badi ka dhiibnaaba , waa u dhaxal la’aan Cali ninkii dhaqo yidhaa geele . Source
  17. Markay labada qof ee is guursaday ay aqalgalaan, waxay labada qof la soo baxaan hab-dhaqanka rasmiga ah ee a lahaayeen. Labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan labadan qof, ayaa mid kasta loo xambaariyaa dardaaran uu kula dhaqmo xaaskiisa. Gabadhu waxa ay hore u soo maqashay amma dhagaheeda ka batay halku-dhigii odhan jiray” naagi god ha kaaga jirto ama gunti rageed”. Halka ninkuna uu soo maqali jiray halku-dhigii odhan jiray” naag baa rag is-dhaafisay”. Mid kastaa dhankiisa ayuu aaminsanaa in haddii uu helo uu barwaaqo ceegaagta cagaha la galayo, balse arrintu waxa ay is beddeshaa marka guriga la isugu tago, oo qof kasta dhaqankiisa la arko. Bal aynu eegno dardaarnada loo xambaariyo labada is-calfaday. Waxa kale oo jira dardaaran dhinaca wanaagsan ah, balse waxa ka badan inta xun. Dardaaranka gabadha loo soo laqimo Weligii yaanu ka dareemin inaad jeceshahay Ogow oo maamul mushaharkiisa iyo wixii dakhli soo gala Ha isu-jilcin, oo hadalka yaannu kaaga dambayn Reerkaaga yaanu maamulin, adigu ha kuu daba-fadhisto wixii go’aan laga gaadhayo Wakhtiga guriga uu imanayo adigu go’aankeeda yeelo Hadaad markasta magaciisa ugu yeedho, doqon ayaad noqon oo waxa la odhan way jeceshahay, markaa waa inaad tidhaa” eeyaahe, xaaji”. Hadday hablo badan walaalo yihiin, gurigaaga waa inay kaaga dambeeyaan, oo aanay ninkaaga guriga ugu talin. Isha ku hay hooyadii, oo islaamuhu waa fidno socota. Ileyn waa”soo yuucane”. Haddii uu guriga kuugu keeno, la soco way kuu basaasi oo inankeeda ayay kuu sheegi wixii kaa xumaada. Markuu wax ku weydiiyo ugu jawaab” maxay dee, hadal badanaa, maxaad rabtaa, kuma haleelayo, qaylo badanaa, yuus badanaa IWM. Dardaaranka ninka loo laqimo Naagta ha is barin, yaanay kaa gacan-sarayn Hadaad jeclaato, way kugu tuman, ileyn waa naag oo masuuliyad laguma ogee. U muuji ad-adayg. Ragannimudu waxa ay ku jirtaa ad-adkaanta Naagtu jiljilayc yaanay kaa dareemin, ileyn nin adayg ayaa lagu ogaa. Hadalka ha barin, waayahaaga ha u sheegin, ha la tashan, haddii kale guntaada ayey ogaan. Marna magaceeda ha ugu yeedhin, ku dheh ” naayahe, xaajiyo, dee kumee. Markay carruur kuu dhasho ugu yeedh ” aabo tii idin dhashay meeday, waar hooyadiin u yeedha”. Hadday xanuunsato, dhakhtar tag ku dhe, ha kaxayn sidii caruurta. Ileyn nin waa lagaga fiican yahay inuu naag dabo socde. Hadday tilifoon kugula soo hadasho, adoo shaqada jooga, indhaha kaga dhac, oo ku dheh maxaad ila soo hadashay?, markaan guriga joogo i-weydii wixii aad rabto, waayo waxa ay rabtaa inay ogaato meeshaad joogta, oo ku maamusho. Weligaa yaanay ogaan musharkaaga, haddii kale way kaa qaadi, oo iyadaa kuu maamuli. Labadii qof oo soo dhegaystay dardaarankii doonayana inay ku dhaqmaan, ayaa gurigii isugu iminaya, oo xaalkii ayaa cirka isku shareeraya, ileyn waa la isku soo diray, oo markii hore heshiis ayey ahaayeen. Nin ayaa la weydiiyey miyaad jeceshahay naagtaadu inay dhimato, maya ayuu yidhi, sababta ayaa la weydiiyey. Wuxuu yidhi” inaan farxad u dhinto ayaan ka baqayaa”. Waayo wuxuu ku dhaqmay dardaarankii hore loogu soo laqimay. Ugu dambayntii tallo: Waxaan kula talin lahaa gabadha iyo ninku inay iska iloobaan dardaaranka xun ee gurigooda burburinaya, oo ay ka qaataan wixii iyaga anfacay, wixii dardaaran la soo siiyay. Bulshadeenu waxa ay leedahay dhaqan fiican iyo mid xunba. Markaa talooyinka lagu soo xambaariyey ka qaado wixii dan aad moodo ama inta fiican ee gurigiina dhisaysa. Bilowga hore talada ma diidi kartid oo waad isku dhacaysaan reerka aad kala jeedaan, markii ka dhegaysta, ka dib wixii faa’ido leh ka qaata. Waa tii hore loo yidhi” Naag nimaan u sabarini kama ilmo dhalo” Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.co Source
  18. Su’aalaha la iska waydiinaya waxay tahay meesha laga dhisayo oo ah Cisbitaalkii Qadiimiga aha ee Ingiriiskii ka dhisay oo dhismayaal badan ku yaallaan, taas oo mustaqbalka cisbitaalku ka maarmi doonin. dhismayaasha ku yaalla oo lacag ku dhow sodon kun lagu burburinayo, taas oo wax kale looga faa’iidaysan lahaa haday tahay dhismaha la burburinayo iyo dhaqaalaha ku baxayaba. Miyaa loo waayey dhul banaan oo dhismaha cusub laga hirgaliyo inta dhul cisbitaal leeyahay laga dhisayo ama dhismahaasi hore la duminayo ee lacag ku baxayso. Waxa kale ee la is waydiinayaa shirkadda dhisaysa oo wali la shaacin tartanna loo galin, waxa kale oo dhismaha maktabada la socota makhaayad iyo goobo lagu jimicsado iyo qayb beero ah, qaybaha ganacsiga ee maktabada ku lamaan ma dawladaa leh mise dad shicib ah. Lacagta ku baxaysa maktabadaasi waxay dhan tahay afar boqol iyo sodon kun oo dollar (waa dhismo la dhisayo iyo dhisme la burburinayo lacagta ku baxaysa), boqol kun dawlada hoose ee Gabiley bixinaysa, laba boqolna wasaarada waxbarashada, konton kun nin ganacsade ah, inta soo hadhayna qaadhaan baa lagu soo ururinayaa. Wasaarada waxbarashada ee bixinaysa labada boqol ee dollar, waxa ka aradan waxbarashada gobolka oo kormeerka waxbarashadda ee gobolka Gabiley waxay la’ yihiin dhaqaalihii ay shaqadooda ku fulin lahaayeen, taasina waxay keentay in ardayda laga ururiyo min hal dollar si kormeerka waxbarashda dugsiyada ee gobolka loogu fuliyo. Su’aalahaasi waa su’aalaha dadku iska waydinayaan dhismaha maktabadda Gabiley National Library oo baryahan la waday, taas oo la dhagax dhigay bishii February 20-keedii oo lagu beegan maalinta dhalinyaradda Somaliland Source
  19. (SLT-Hargaysa) Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa wer wer ka muujiyay cashuuro Xukuumadda Muuse Biixi koradhsiimo badan ku samaysay. Hoos ka DAAWO. Source
  20. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa taliyeyaal cusub magacaabay qaar ka mid ah ciidamada somaliland. Warar rasmi ah oo ay Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale “Afgaduud”kaas oo loo magacaabay abaanduulaha ciidamada qaranka somaliland. Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada u magacaabay gaashaanle sare Muuse Cilmi oo markii hore ka mid ahaa saraakiisha ciidamada qaranka. madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidookale xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada asluubta somaliland sareeye Guuto Xudhuun isaga oo taliyaha ciidankaas u magacaabay sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf oo hore u ahaa abaan duulaha ciidamada qaranka. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka sirdoonka somaliland Jaamac Maxamed Bootaan(Ciro) isaga oo u magacaabay Xuseen Xasan Guuleed(Kenyatti) oo hore u soo qabtay xilkan. Madaxtooyada somaliland ayaan si rasmi ah u shaacin taliyeyaashan ciidamada ee uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source