Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qarax nuuciisa uu yahay midka la hoos geliyo Baabuurta ayaa goor dhaw oo duhurnimadan ah wuxuu ka dhacay isgoyska KM-4 gaar ahaan meel u dhaw Aargada. Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa haleelay Gaari HILUX oo ay wateen labo mid ka mid ah uu ahaa iyo Ajnabi. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay qaraxan inay ku dhaawacmeen labadii ruux ayagoo sheegay in ninka Ajinabiga ah uu u dhashay dalka Turkiga waxaana la sheegay inuu yahay Injineer iyo nin kale oo Somali ah oo gaariga ku waday. Dhaawaca raggan ayaa la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula dabiibayo. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo halka gaarigan lagula soo xiray qaraxa iyo qofka bartilmaameedka ahaa. Waa qarixii ugu horeeyay ee nuuciisa ka dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya.. Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan.. Wa-bilalahi Tawfiiq.. Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
  3. W. Q. Axmed Yuusuf Ducaale Xaajiga Alla ha u naxariisto, Qoyskuu ka baxay, Qaranka Somaliland iyo soomaali intey geeridiisu taabatayba Eebeheen samir iyo imaan hakasiiyo .Sideynu u xasuusanaynaa bir kumaan goyne aan usoo jeediyo wasiirka hawwlaha guud iyo guryeyenta mayorka iyo golaha degaanka hgsa, in ay dhul danta guud ah ugu deeqaan; Miidaan-naba Kdeedka Xaaji Cabdi kariim Xuseen ee HGSA ( Haji Abdulkareem Husein square of peace) (Miidaan Alxaag Cabdi Kareem Husein Li-Salaam).​ Banaankaasi doog ha lagu beero, koraasi sibidh ah oo kala fogfog halagu beero laydh ha la geliyo haddii ay suura gal noqotana badhtamka gidaar aan sidaa u sii dheerayn oo 2 ama 3dex jaranjaro leh oo aad u kooban, laguna qorey taariikhdiisa oo kooban ha lagu darro. kalg​acalkaan u hayey Marxuumka intaas ayaan ku muujiyey soo jeedinteydana waa waxii alla kaga duwaa mus uu liyiinta aan magac *****. Qaran News
  4. Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo todobaadkan ku saabsan shirkii magaalada Garoowe, waxaa marti ku ag gudoomiyaha dagllada bulshada rayidka ah ee Garoowe, Faysal Axmed Warsame. Read More
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in maanta kulan deg-deg ah ay iskugu imaaden Golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo ay ku eegayeen xariga xildhibaan Dhakool. Kulankan ayaa waxa si gaara iskugu yimid Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ku falan-qeynayey xariga ay ciidamada Somaliland kula kaceen Xildhibaan Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanada golahooda. Guddigan ayaa waxay sheegen in qaabka loo maray xariga xildhibaan Dhakool inuu yahay mid baal-marsan sharciga, iyaga oo Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqey in sida ugu dhakhsaha badan xabsiga uga sii daayan xildhibaanka. Guddiga Joogtada ah ee kulanka deg-dega ah iskugu yimid, waxa kale oo ay ka hor-yimaaden dalab uga imaaday Madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo ku aadanaa in xasanaada xildhibanimo laga qaado xildhibaan Dhakool, si ay u xalaashato xarigiisa. Xildhibaan Dhakool ayaa shalay waxa la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa iyada oo uu Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex uu iska diiday dhageysiga dacwada lagu soo eedeyay xildhibaanka. Guddoomiyaha Maxkamada G/Maroodi-jeex, Cabdi Qawdhan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siday xasanaada xildhibaanimo uga qaadi laheyd xildhibaan Dhakool, taasi oo ay ku xalaashaneyso xarigiisa sharci-darada ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. AFP Qatar has urged Saudi Arabia to remove “obstacles and restrictions” for its residents wishing to perform the hajj pilgrimage, as the two Gulf neighbours remain locked in a bitter diplomatic dispute. The call late Thursday follows Saudi Arabia, home to Islam’s holiest cities of Mecca and Medina, announcing electronic registration for Qatar residents to allow them to perform the Umrah or minor pilgrimage during the holy month of Ramadan. Qataris and foreign residents of the Gulf state would then be allowed to land at Jeddah or Medina airports, said a statement carried by the official Saudi Press Agency on Tuesday. BARRIERS But Qatar’s National Human Rights Committee said the new measure was “nominal” and insufficient, as air travel remained blocked and the only border post has been shut for almost two years. Its Ministry of Islamic Affairs, meanwhile, called on Saudi authorities “to lift all obstacles and restrictions imposed on Qatari citizens and residents wishing to perform their religious rituals.” ALSO READ Economy will test S.Africa’s Ramaphosa afresh Economy will test S.Africa’s Ramaphosa afresh How money, guns and brides fuel South Sudan’s cattle wars How money, guns and brides fuel South Sudan’s cattle wars ICC’s judgement in doubt over Bashir visit to Jordan ICC’s judgement in doubt over Bashir visit to Jordan Ban the boogie: Juba shuts nightclubs Ban the boogie: Juba shuts nightclubs The travel restrictions mean Qatari religious tour operators are unable to travel to Saudi Arabia to make the necessary arrangements for pilgrims, like other countries, the ministry said. The ministry also called for the removal of “discriminatory” measures against Qataris and residents of the Gulf state. Some 12,000 Qataris performed hajj in September 2016, but months later Saudi Arabia and its allies cut ties with Qatar and imposed a blockade over its alleged support for radical Islamic groups. A few dozen Qatari pilgrims have travelled independently to Saudi Arabia over the past two years, when the Saudis briefly opened the only border post between the two countries for pilgrims. The East African Qaran News
  7. Garoowe, May, 12, 2019: Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda [...] Source
  8. Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay agagaarka xaafadda Taleex ee degmada Hodan. Read More
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Gaari lagu dhejiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay inta u dhaxeysa agagaarka Isgoyska Taleex iyo km4 ee Wadada Maka Al-Mukarama. Gaariga ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ahaa nooca loo yaqaano Hilux uu qarxay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Taleex,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ku dhaawacmay Nin u dhashay wadanka Turkiga oo saarnaa,sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo Soomaali ah. Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka Turkiga u dhashay ee qaraxaasi ku dhaawacmay uu Injineer ahaa,waxaana gurmad u sameeyey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta gaaray. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaasi oo xiray halkaasi,waxaana muddo kooban hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka Wadada,hayeeshee markii dambe dib ayuu u soo laabtay. Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay bilaabay bisha Barakeysan ee Ramadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN ) – Degmooyinka Wadajir iyo Waabari oo ku wada jira Group-ka C ayaa caawa ku baratami doona tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa labo degmo oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, islamarkaana marar badan ka qeyb qaatay tartan aqooneedka faca weyne ee Idaacadda Shabelle. Sidoo kale Wadajir iyo Waabari ayaa ah degmooyin ku fir firicoon dhinaca waxbarashada, waxaana tartamayaashoodu ay haatan muujinayaan dadaal xoogan. Labadaani degmo ayaa u dambeeya Groupka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Xalay oo ay wada kulmeen deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud iyo degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay galeen barbar dhac. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola. View the full article
  11. Kismaayo (SMN) – Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad Beyle oo u warramay Shabelle ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sudaan Beyle ayaa sheegay in Madaxweynahu uusan rabin in doorasho xaq ah ay ka dhacdo deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu xusay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo in markale loo soo doorto hoggaanka Jubbaland, taasina ay tahay sababta uu hor istaagayo Musharraxiinta ka qeyb galeysa doorashada dowlad goboleedkaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in ay dhac dodoorashada Madaxweynaha Jubbaland, taas oo qaban qaabadeeda lagu dareemayo magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-120519-sx.mp3 View the full article
  13. Maxkamada Darajada Kowaad ee magaalada Garowe ayaa maanta dil toogasho ah ku xakuntay, saddex ka mid ah 10 nin oo loo heystay in ay ka danbeeyeen kufsi iyo dil loo geystay Caasha Ilyaas Aden oo aheyd gabar 12 sano jir ah. Read More
  14. Somali National Army (SNA) has said its troops have killed 15 al-Shabaab militants in confrontation with Somali army in Middle Shabelle region. The commander of the 27th battalion of Somali National Army (SNA), Mohamed Ahmed Teredishe said the troops defeated al-Shabaab fighters in deadly battle which took place on Saturday. He stated they destroyed al-Shabaab bases during the operations against the group’s fighters in the region. The commander called on the public to collaborate with forces in the fight against al-Shabaab fighters. Al-Shabaab has not commented on the destruction of its bases in Middle Shabelle region. In recent Months, Somali forces backed by African Union Mission in Somalia (AMISOM) have stepped up offensives against al-Shabaab in Lower and Middle Shabelle regions. The forces had successfully managed to take control of two villages in Lower Shabelle region last month following covert operations to annihilate the group. The allied forces hope to force out al-Shabaab fighters ahead of AMISOM exit. View the full article
  15. Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay sharraxaad ka bixisay sababtii ay u joojiyeen duullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iaga goosi jiray, iyadoo ku sheegtay inay la xiriirto arrimo ammaan. Agaasimaha hay’ada duullimaadka rayidka ah ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa ku sheegay sababta oo joojiyay duullimaadkii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi arrimo la xiriira amniga. Gilbert oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in duulimaadyadaas la hakiyay illaa horraanta bisha Ogoosto ee sannadkan 2019-ka, intaas wixii ka dambeeyana dib u eegis lagu sameyn doono, si looga gaaro go’aan ah in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa iyo in gebi ahaanba la joojiyo. Xukumadda Kenya ayaa dorraad joojisay duullimaadyadii tooska ah ee isaga gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaraduhu ay sii mari doonaan garoonka diyaaradaha Wajeer si baaritaanno loogu sameeyo alaabooyinka ay wadaan iyo rakaabka. Dowaldda Somalia ayaa waxay ku tilmaamtay go’aankaas mid siyaasadeed oo aan lagu sheegi karin mid amni, inkastoo aysan jirin weli wax go’aan ah oo ay dowladda Somalia ka qaadatay tallaabadaas, iyadoo Kenya uu si toos ah uga yimaadeen Jaadka ama Qaadka oo si aad ah looga cuno Somalia. Sidoo kale, waa markii labaad oo Dowladda Kenya ay joojiso duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana sanadkii 2016-kii Kenya ay ku bixisay amar in duulimadka tooska ah la joojiyo, isla markaana diyaarada ka timaadda Muqdisho lagu baaro Wajeer. Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa waxaa laga sugayaa inay jawaab ka bixiso go’aanka dowladda Kenya ay ku joojisay duullimaadyada toos ah iyo sidoo kale inay ka hadasho sababihii keenay in Kenya ay heshiiskii horay looga gaaray uga baxdo. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo sharraxday sababtii ay u hakisay duulimaadkii tooska ahaa ee Nairobi appeared first on Puntland Post.
  16. A regional in Puntland sentenced 3 men to death for the rape and murder of a 12-year-old girl, Aisha Ilyas Adan in Galkayo city early this year. The court in Garowe, the Federal State’s capital has cleared seven others who were found not guilty of involving in the case, according to the judges. Aisha Ilyas Aden disappeared on Feb 24 this year and her dead body was found the following day, strangled and sexually assaulted outside her house. The rape has been on the rise in Mudug region in the past few months as local authorities blamed for doing enough to stop sexual harassment against women. View the full article
  17. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogay shirkii Wada-tashiga madaxda Soomaaliyeed. Sagootinta wefdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu noqday magaalada Muqdisho kadib markii uu fashil ku dhammaaday shirkii Wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee Garoowe lagu qabtay. Halkaan ka eeg sawirada saagootinta PUNTLAND POST The post Deni oo Garoowe ka saagootiyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa afur u sameeyey bulshada muslimka ah ee dalka Itoobiya. Raysal Wasaaruhu wuxuu la wadaagay Muslimiintii uu la afuray qiimaha ay leedahay Nabada, Midnimada, Is-cafinta, Isa-saamaxa bisha barakaysan ee ramadaan loo baahan yahay. Sida lagu baahiyey war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed. Kaas oo sidoo kale bulshada muslimiinta ah ugu baaqay inay ka qaybqaataan dedaal iyo olole loogu jiro in dalka Ethiopia laga sameeyo olole nadaafadeed oo lagu nadiifinayo deegaanka inta lagu gudo jiro bishan barakaysan ee Ramadaan. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa diiday cod ay u soo gudbiyeen xeer ilaalinta Somaliland oo ka ka dalbatay in xasaanada ay ka qaadaan Xildhibaan Maxamed Dhakool. Guddida ayaa ku baaqay in xorriyadiisii loo soo celiyo xildhibaanka. Guddida ayaa amaanay go’aankii Maxkabadda gobolka maroodi-jeex maalintii shalay ku diiday ka garniqida dacwadda loo haysto xildhibaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Hargeysa (PP) ─ Shir ay Magalada Hargeysa ku yeesheen maanta guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada maamulka Somaliland, ayaa waxay ku diideen in xasanaanadda laga qaado xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland. Guddiga ayaa xeer-ilaalinta Somaliland waxay u soo gudbisay in xasaanadda lagala laabto xildhibaanka, balse guddiga ayaa dalabkaas ka biya-diiday, isla markaana dalbaday in xildhibaanka xorriyadiisa dib loogu soo celiyo. Sidoo kale, guddiga ayaa ammaanay go’aankii uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi-jeex uu ku diiday inuu qaado dacwada xildhibaan Dhakool, isagoo xusay in xildhibaan xasaanad leh uusan dacwadiisa qaadi karin. Mudane Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa dhawr casho ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxaana loo haystaa hadal uu siiyay warbaahinta oo uu ku sheegay in 18-ka May aysan ahayn maalin qaran, laakiinse ay tahay maalin u gaar ah ururka SNM. Dhanka kale, Xarigga xildhibaanka ayaa wuxuu buuq iyo gacan ka hadal ka dhaliyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo uu kasoo jeedo, iyadoo xalay laga maqlay magaaladaas rasaas xoog badan. Ugu dambeyn, Xarigga xildhibaanka ayaa lagu sheegay mid aan sharciga u dhigan Somaliland waafaqsanayn, maadaama uu xildhibaanku xasaanad leeyahay, isla markaana gurigiisa lagala soo baxay iyadoo aanay maxkamadi xukumin xariggiisa. PUNTLAND POST The post Guddi diiday inay Xasaanadda kala laabtaan Xildhibaan dhawaan lagu xiray Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  21. The Commander of the joint security forces in Galkayo, the capital of central Mudug region Major Khalif Nur Shil succumbs to his injuries on Sunday morning, medical officials confirmed. Shil was admitted to hospital following an attack by unknown gunmen last night as he left a mosque. Al-Shabaab has claimed responsibility for the assassination, which was the first in the divided city since the start of this ongoing Holy Month of Ramadan. Galmudug and Puntland states have formed the combined force with the support of Somali Federal Government and the UN last year to curb the insecurity incidents in the town. View the full article
  22. Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwada ay xeer-ilaalinta Puntland ku soo oogtay toban nin oo ku eedaysnaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan. Guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal Cabdinuur Jaamac Xuseen oo go’aanka ku dhawaaqay ayaa xukun dil toogasho ah ku riday saddex kamid ah eedaysanayaasha oo kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Saddexdaasi nin oo xeer ilaalintu ku soo eedaysay in ay kufsi wadareed u gaysteen kadibna ay dileen Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar aan qaangaarin islamarkaana ay khal-khal gelin amni iyo sumcad-dil u keeneen dowladda Puntland. Sidoo kale maxkamadda ayaa amartay in xorriyadooda dib loo siiyo todobada eedaysane oo kale kadib markii ay sheegtay in aan wax caddayma ah loo helin kiiska lagu eedeeyay. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Xukunka maxkamadda Garoowe ee kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  23. Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaaa jawaab ka bixiyay hadallada wasiirrada madaxweyne Biixi kaga falceliyeen dooddii xisbiga WADDANI ee xaaladda degdegga ah waxaanu sheegay in hadalladaasi ahaayeen kuwo muujinaya tayo xumada wasiirrada madaxweyne Biixi. Waxa uu si gaar ah uga jawaabay hadallada wasiir Cabdillaahi Abokor oo uu tilmaamay in shaqadiisii dayacantay isna ku mashquulsan yahay hadallo shakhsi weerar ah oo meeqaamka wasiirnimo aad uga hooseeya. Xoghaye Khadar ayaa yidhi “Mashaakilaadka ugu waaweyn ee maanta dalkeena ka jira waxa ka mid ah shilalka gaadiidka; haddii aad eegto warbixintii boolisku soo saareen sanadkii 2017 waxa shil baabuur inagaga dhintay 2,585 oo qof. Waa arrin masiibo ah. Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor(wasiirka gaadiidka) sanadkii koobaad ee uu joogay ee 2018 arrintaasi xoog bay u korodhay 3,457 qof ayaa shil gaadhi inagaga dhintay. Sababta shilalka baabuurtu u dhacaan waa wax caan ah oo la yaqaan saddex wax baana ugu muhiimsan oo dawladda laga doonaya oo wasaaradda u xilsaaran shaqadeeda tahay oo laga doonaya:- Waa in la hubiyo waddada baabuurku maraya in ay tahay mid leh tayadii uu baabuur dulmari lahaa; Qofka gaadhiga wadaa waa in uu leeyahay masuuliyaddii iyo garashadii xirfadda wadenimo ee ah in uu gaadhiga wado; In gaadhiga waddada maraya leeyahay caafimaad qabkii uu waddada ku mari lahaa.” Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in aanay saddexdaa arrimood iyo kuwa kale ee shilalka sababa aanay waxba ka qaban wasaaradda ku shaqada leh marka laga reebo maalmo dadka liisamadooda la eego oo waddooyinka cidhiidhi galiya laakiin, ay tahay sida xirfadda wadeyaasha loo hubiya tahay habka lagu bixiyo liisanka iyo imtixaanka laga qaado dadka la siinayo. Xoghaye Khadar ayaa intaasi raaciyay in wasiirkii masuuliyaddiisu ahayd wax ka qabashada shilalka baabuurtu ka sheekaynayo waxyaabo raqiis ah iyo shakhsi weerar “Nasiib darro wasiirkii arrinta u xilsaarna Muxuu ka sheekaynaya? Muxuu ku mashquulsan yahay? Wuxuu ka sheekaynaya hebel gurigiisa biyo looma doonto, wuxuu ka sheekaynaya hebel carruurtiisii ayuu igala baxsaday, wuxuu ka sheekaynaya hebel waxaas iyo waxaasa xilka looga qaaday, miyaanay ahayn wax aad iyo aad uga hooseeya waxa aynu ka filayno qof wasiir ah xaggee buu ku arkay reer dhan oo harraadan oo nin gurigiisa u biyo doonanaya, runtii waa waxyaabaha ayaan darrada ah ee muujinaya tayo xumada dawladda Muuse Biixi, waxaas oo dhanna marka la isku soo ururiyo waxay jawaab inaga siinayaan iyo sawir cad hoggaaminta madaxweynaheena maanta xilka haya, wasiir aan kartidii lahayn aqoontii lahayn farsamadii lahayn uu dadka dhimanaya ku badbaadin lahaa arrimahaasi waa wax aad iyo aad ugu hooseeya heerka wasiirnimo in aynu halkaas tagnana maaha waa in aynu kor u hadalno waa in aynu siyaasad iyo qorsheyaal ka hadalno maaha in aynu siyaasadda shakhsiyadayno,” ayuu yidhi xoghaye Khadar, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Garoowe(SL=T) Maxkamada Gobolka Nugaal Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Ragii Ku Eedeaysanaa Dilkii Marxuumada Caasha Ilyaas Oo Dil Iyo Kufsi Loogu Gaysatay Gaalkacayo Source