Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The UN Central Emergency Response Fund (CERF) and the Somalia Humanitarian Fund (SHF) on Monday released a total of 45.7 million U.S. dollars to scale up life-saving assistance in Somalia. Mark Lowcock, UN Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs and Emergency Relief Coordinator, said the 12 million dollars of CERF allocation will boost the response in the worst affected parts of northern Somalia, where 823,000 people are facing severe food insecurity. “These allocations will enable humanitarian agencies in Somalia to deliver urgently needed food, clean water, health care, and education support in the shortest possible time in areas where needs are the highest,” Lowcock said in a statement. The UN said 33.7 million dollars of SHF allocation will scale up protection, education and shelter support in northern Somalia, and other life-saving activities in central and southern Somalia. The SHF is a multi-donor country-based pooled mechanism created in 2010 to allocate funding for the most urgent life-saving interventions in Somalia. It is managed by the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. It said most of the funding will go to national and international non-governmental organizations, while 700,000 dollars will go to the UN Humanitarian Air Service, which helps move essential humanitarian goods and personnel. According to the UN, more than 4.2 million people are in need of urgent humanitarian assistance this year, including 900,000 acutely malnourished children. Lowcock said the funds will be used for food assistance in Awdal and Woqooyi Galbeed regions, and nutrition, health, and water and sanitation and hygiene programmes in Sool, Sanaag, and Bari regions. “We will prioritize delivery to children, women, the elderly, and people living with disabilities, who have suffered terribly as drought and conflict continue to drive the crisis in Somalia,” he added. George Conway, the acting humanitarian coordinator for Somalia said support from CERF and the SHF will enable aid organizations to scale up and sustain life-saving assistance in the worst-affected areas in the country as the Jilaal (dry season) persists. “This allocation is critical, but further generous donor funding will be needed to sustain aid operations and support recovery across Somalia,” said Conway. Food security situation in Somalia has deteriorated, particularly in the north, and in some central parts of the country due to poor Deyr seasonal rains, the lingering effects of the 2016/2017 drought, conflict, displacement and evictions despite improvements in the humanitarian situation in 2018, said the UN. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa si kulul u beeniyay in xukuumaddu gacanta ku hayso waaran ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo la sheegay in dawladda Jabuuti dacwaynayso. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa kana hadlay arrimaha doorashooyinka ayay wariyeyaashu waydiiyeen arrinta sida weyn loo hadal hayay ee ganacsade Ina Geelle waxaanu sheegay in arrintaasi la been abuuray meelna lagaga dhacay ganacsadaha. Waxa uu sheegay in aanay hayn waaran “Ma haynaba arrinkaas, anigu arrinkaas ma hayno wasiirka Daakhiliga aniga ah oo dee aniga ayuu iigu hor iman lahaa, arrinkaasi waa la been abuuraya, ganacsadahaana meel baa lagaga dhacaya, waaran wax la yidhaa oo aanu hayno oo Axmed Cismaan Geelle loo soo gooyay ma hayno, cidda sheegaysana waa cid sheeko abuur iyo arrimo kale iyo ujeedooyin kale leh,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin. Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Ciidamada dowladda Yemen ayaa Isniintii shalay shaaciyay in ay gobolka Daalic ee koonfurta dalkaasi ku dileen tiro Afrikaan ah oo u dagaallamayey malayshiyaadka Xuutiyiinta. Bogga September.net ee ku hadla Afka ciidamada dalka Yemen ayaa sheegay in dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada iyo malayshiyaadka Xuutiyiinta ay 5-tii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayeen magaalooyinka Mariis iyo Dumta oo ku yaalla waqooyiga gobolka Daalic ee dalkaasi. Dagaalka xooggiisa ayaa weli ka socda magaalada Dumta oo ku taalla buuraleyda Naasiriya ee istiraatiijiga ah halkaasoo gacan-ku-haynteeda si weyn loogu loollamayo. Bogga September ayaa sheegaya in dagaalkaasi Xuutiyiinta lagu gaarsiiyay khasaare 267 oo dhimasho iyo dhaawaca kuwaasoo ay ku jiraan Afrikaan ka garab-dagaallamayey September ayaa sidoo kale sheegaya in dadka la dilay uu ku jiro hoggaamiye sare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Ibraahim Aqrac iyo 30 Soomaaliya oo ka garab-dagaallamayey Xuutiyiinta Yemen kadib markii ay askareeyeen. Sida uu boggan sheegayo kooxda Xuutiyiinta ayaa mushahar siiya malayshiyaad Afrikan ah oo u dhashay Soomaaliya si ay uga garab dagaallaman isagoo xusay in looga faa’idaystay duruufaaha nololeed ee ay ku jiraan. Halkaan ka akhriso warbixinta oo Carabiya PUNTLAND POST The post 30 Askari oo Soomaaliya oo lagu dilay dalka Yemen appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaarigii ugu weynaa oo lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa, kadib howlgal laga sameeyay gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa gaarigaan ku qabtay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose, deegaankaasi oo 40 KM dhanka Koofur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho. Gaariga oo ahaa Booyad ayaa la sheegay in lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa la sheegay in la damacsanaa in weerar looga geysto magaalada Muqdisho, sida xogaha lagu helayo. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka oo heystay xog dhanka sirdoonka ah ay gaariga booyadda ah ku qabteen deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in la qabtay dadkii ku howlanaa diyaarinta qaraxa. Deegaanka ayaa ciidamada dowladda waxay la wareegeen saacado ka hor, kadib markii ciidamada Kumaandooska ay ka qeyb qaateen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaankaasi iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa la hadal hayay booyadda lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana magaalada ka jirtay cabsi dhanka amaanka ah, iyadoo baaritaano ay bilaabeen laamaha amaanka. Sirdoonka reer Galbeed ayaa digniinaha dhanka amaanka la wadaaga shaqaalaha garoonka diyaaradaha qaarkood, waxaana hadda jirta cabsi laga qabo weeraro Al Shabaab ka fulin karaan magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa dhigtay isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana ay baaritaan ku sameynayaan gaadiidka kasoo gudbaya meelaha loo ogol yahay in gaadiidka dadweynaha ay adeegsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan amaanka magaalada Muqdisho, weerarada Al Shabaab ka geystaan Hirshabeelle iyo gadoodka ciidamada dowladda. Madaxweyne Waare, ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada dowladda ee dhawaan gadoodka sameeyay ay wateen hub aad u badan, isaga oo la yaabay in ciidamo wata hubkaasi badan ay ka adkaan waayaan Al Shabaab. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya uu u gudbiyay hanaanka lagu xaqiijin karo amaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana loo baahan yahay dhaqan gelinta talooyinka dhanka amaanka. Sidoo kale wuxuu cadeeyay in amaanka magaalada Muqdisho iyo amaanka Hirshabeelle ay isku xiran yihiin, islamarkaana loo baahan yahay in amaanka si wadajir ah loo adkeeyo si looga guuleysto Al Shabaab. Ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan sameeyay gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan ku dhacday muddo afar bilood ah, walow markii dambe la qanciyay kadib markii wasiiro ay tageen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waare wuxuu sheegay in ciidamada amaanka ay iska kaashan karaan adkeynta amaanka, dowladdana looga baahan yahay inay dhiiri geliso ciidamada si looga guuleysto Ururka Al Shabaab. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Hubkii cuslaa iyo Ciidamadii faraha badnaa ee ka soo muuqday Telefishinnada iyo baraha bulshada iyada oo ay heystaan Reer Hirshabeelle, Al-shabaabna dhulka heystaan ay tahay wax aan sax ahayn Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Shalay oo isniin ahayd waxaa furmay kalfadhigii 5aad ee Aqalka sare kasoo Dastuuri ahaan laga doonayay Madaxweynuhu inuu Furo kalfadhiga, laakiin Daqiiqaduhii u dambeeyey ayuu [...] Source
  7. Kulankii Afraad ee ay yeesheen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo, intii u dhaxeysay 30ka Maarso ilaa 1da Abriil 2019. Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud iyo agaasime-waaxeedyada iyo farsamo yaqaannada wasaaradaha. Shirku intuu socday waxaa lagu falanqeeyey arrimo badan oo muhiim ah, go’aamadii ka soo baxayna waa sida hoos ku xusan:- Imtixaanaadka Xogta waxbarashada ee gobolada dalka, sida Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, waxaa u xilsaaran Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada. T) Arday kasta oo imtixaanka shahaadiga ah ku galay gobolada, kana gudbay, waxa uu shahaadada dugsiga sare ka qaadanayaa Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedkiisa. J) Arday kasta oo gala imtixaanka dowladda kana gudba, wuxuu xaq u leeyhay helitaanka shahaadadiisa isaga oo aan lagu xireyn shuruudo kale. X) Waxaa la soo dhoweeyey go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee la xiriiray in aan Jaamacadaha dalka loo ogolaan arday aan wadan shahaadada dowladda. KH) Waxaa la go’aamiyay dhismaha iyo hawl-galinta guddiga imtixaanaadka qaranka hor sannadka 2020. D) Laga billaabo sannad dugsiyeedka 2019/2020, imtixaanka fasallada 8aad iyo 12aad ee shahaadiga ah waxaa qaadi doona shahaadadana bixin doona wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha heer dowlad goboleed oo kaliya. Horumarinta macallinka Siyaasadda iyo habraaca maamulka iyo tababarka macallinka waxaa masuul ka ah wasaaradda waxbarashada iyada oo la tashanaysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada iyo daneeyeyaasha waxbarashada. Waxaa la isla qaatay in laqaado talaabooyin lagu tobabarayo macalimiinta iyo tayayntooda. T) Jaangoynta mushaarka macallinka Soomaaliyeed waxaa lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan wasiirada waxbarashada ee heer federaal & heer dowlad goboleed. J) Arimaha la xiriira macallimiinta waxaa masuuliyada iska leh wasaaradaha heer dowlad goboleed, halka doorka wasaaradda federaalku uu noqonayo daba gal iyo hubin. X) Shirku waxa uu soo jeediyey in baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan nidaam canshuureed oo lagu taageerayo waxbarashada. Mashaariicda waxbarashada Waxaa la isku raacay in mashaariicda waxbarasho ee ay bixiyaan qaaraan bixiyayaasha taageera Soomaaliya in lasoo marsiiyo wasaaradda waxbarashada federaalka loona qorsheeyo si cadaalad ah oo ku salaysan baahiyaha kala duwan ee dalka iyada oo la tashanaysa wasaaradaha dowlad goboleedyada si waafaqsan qodobka 8aad ee isfahamkii la galay September 19, 2016. T) Wasiirada waxbarashada heer federal iyo heer dowlad goboleed waxa ay isu raaceen in mashaariicda waxbarasho ee dalka aan lagu salayn doonin nidaamkii 3da qaybood ee Somaliland, Puntland iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxaa maanta la filayaa in uu yimaado wafti uu hoggaaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha dalka jabuuti Xassan Cumar Burhaan iyo saraakiil kale oo dhinaca ammaanka ah. Illaa hadda ma cadda Ujeedada dhabta ah ee waftigan u imanaayo magaalada Hargeysa balse waxaa uu imaanshaha waftigani ku soo beegmayaa xilli ay taagan tahay xiisad adag oo u dhaxeysa Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle. Sidoo kale warar ayaa waxa ay sheegayaan waftigan uu ka Hargeysa ku imanayo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Jabuuti. Dhan kale waxa jira digniino soo baxay oo la xidhiidha xiisadda Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo la sheegay in loo jaray waaran qabasho ah. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Dab xoog leh ayaa ka kacay xaafada isku raran ah oo ay degan yihiin dad barakacayaal ah abaaro 4:30-kii Habeenimo. Laba qof ayaa dhintay mid kaleba wuu dhaawacmay ka dib markii dad qabsaday xaafad isku raran ah oo ay degan yihiin dad barakacayaal ahi, oo ku taala bariga magaalada Hargeysa, oo la yidhaa Istaanbuul. Dimashada iyo dhaawacaba waxa xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed, waxaanuu xusay in khasaare hantiyeed jiro. Illaa hadda ma cadda sababta dhalisay dabkan. Source
  10. Cape Town (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda South Africa ayaa lagu sheegay inay si kulul u cambaareynayso weerarada iyo dilalka dadka Soomaalida ah loogu geysto gudaha dalkaasi. Hay’adaha amniga dalka South Africa ayaa lagu amray inay si deg deg ah cadaaladda u horkeenaan kooxaha gaangistarada ee ka dambeeyay dilalka arxan darrada ah ee loo geysto dadka soo galootiga ah, oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku jireen. Afhayeenka booliska South Africa ayaa sheegay in tacadiyadda iyo dilalka ay noqdeen kuwa joogto ah, oo ka dhacaya inta badan degaanada fog, oo aysan joojin ciidamada, halkaasi oo lagu beegsado goobo ganacsi oo Soomaali leeyihiin. Maalintii Arbacada ee lasoo dhaafay ayaa ku dhawaad 400 oo ajnabi African ah maciin biday inay naftooda ku bdbadiyaan masjid ku yaalla magaaladda Duran, iyagoo kasoo cararay tuulooyinka ay gaangistarada dadka ku leynayaan. Dalka South Africa ayaa martigelinaya malaayiin kasoo jeeda dalalka Africa, oo ay kamid yihiin kuwa u dhashay Mozambique, Zimbabwe, Somalia, Ethiopia iyo Malawi. Weerarada ka dhanka ah dadkan ajnabiga ah oo ay geysanayaan madow ku beeran baceybka soogalootiga ayaa sii kordhayay sanadihii lasoo dhafaay, iyadoo dhalainyaro badan oo Soomaali ah lagu dhex dilay meheradahooda ganacsi. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Waxaa maanta magaalada Hargeysa kusoo wajahan Wefdi ka socda Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska. Wafdigan lagu wado inay yimaadan caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa u badan safiiro kasocda wadamadaas, iyaga oo aan weli wax-faahfaahin laga helin intay ka koobanyihiin wafdigan. Ujeedada wefdigan ayaa ah sidii arrimaha doorashada Somaliland ugala hadli lahaayen xisbiyad iyo Xukuumad Somaliland, kuwaasi oo xoog ku saari doona sidii doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaankuba ay wakhtigooga ku qabsoomi lahaayen. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in ujeedka Wafdigan aysan ka madhneyn arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Si kastaba, Wafdigan maanta iman doona Magaalada Hargeysa, ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu xisbiga Waddani shaaciyey inay isku fahmi waayen arrimaha doorashooyinka xisbul xaakimka KULMIYE Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Agaasimihii guud ee hore ee wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland Prof Cabdi Cali Jaamac hore iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay arrinta muranka badan dhalisay ee ganacsade Axmed Geelle oo la sheegay inay dawladda Jabuuti u soo dirtay waaran qabasho ah. Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa facebook oo ka hadlay arrintan waxa uu ku yidhi “Arrinka Ganacsade Geelle iyo M/weyne Geelle. Muxu ku keenay Ina Cumar Geelle booqashada iyo ictiraafka Muqdisho ayaa leh, Hargeysana aqoonsiga waan kala dagaalamayaa, lugna soo dhigi maayo, maxaa yeelay taasi waxbay u taraysaa!!! haddana, dhinaca kale, wax kasta ha ii fuliso Somaliland, xataa hadday tahay in loo dhiibo ganacsatadeena!!! Qodobka labaad, haddi ay sax tahay sidaan maqlay, waxa la isku hayaa waa adduun ama ganacsi lacageed; ma fahmi karo anigu nin madaxweyne ah oo baayacmushtar ah. Qodobka saddexaad, qofku mar haddii aanu wax soo dilin ama danbi bani’ aadam oo foolxun soo gelin, ma jirto dawlad adduunka ah oo kaa yeelaysa qofkaasi lacag baan ku leeyahay ee ii soo qabta, gaar ahaan lacag siyaasiyiin ku lug leeyihiin; hadduu muwaadin yahayna hadalkiisa daa; Dastuurkeena way ku caddahay taasi; madaxda Djibouti iyo Somaliland ba ha loo sheego in aanay lacagtu muhiim ahayn; bani’aadamka ayaa ka qaalisan; ma karaamaysna lacagtu; ha dhacdo lacagtu iyo dadka jeceliba!!! Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.” Source
  13. Kulankii sedexaad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulanka ayaa Sidoo kale Goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Habdhowraha golaha iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka. xubnaha gudiga joogtada ayaa kulanka kaga hadlay dejinta Ajendayaasha Kulamada soo socda ee kal-fadhigan 5aad golaha iyo shuruucda muhiimka ah ee golaha hortabinta u leh. Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulanka markii uu soo gaba gaboobay ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga hadleen sidoo kalena ay falanqeeyeen dejinta iyo u diyaar garowga sidii loo dejin lahaa Ajendayaasha Kulamada la filayo in fadhigan ay u qabsoomaan golaha. Waxaa uu sidoo kale xog-hayuhu uu sheegay in xoogga la saarayo ilaalinta waqtiga kulamada Barlamaanka taasi oo si aad ah loo adkeyn Doono maadaama labo Kulan oo kal-fafhigan 5aad ay u baaqdeen kooram la’aan Xillibaanadda ah si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejineed ee golaha shacabka. Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaare Dr Abiy Axmed muddada halka sano uu xilka soo hayey tallaabbooyin wax ku ool ah ayuu qaaday, haddana dadbaa ku dhaliilaya iney weli jiraan howla waxqabad u baahan oo Raisul wasaaraha hortyaallo. Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo ay haatan hal sano u buuxsantay waxaa dalka Itoobiya ka socday isbeddello dhinacya badan taabanaya. Isbeddellada oo weli halkooda ka socda haddana waxaa jira cabsi aad u weyn oo laga muujinaya xaaladaha si isdaba joogga dalka uga dhacaya oo ay ka mid yihiin dagaallada ka dhex dhaca qowmiyadaha dalkaasi ku nool. Maalma ka horna Ra’isul wasaaraha oo warbaahinta kala hadlay shacabka dalkaasi ayaa digniin adag u diray cid allaale ciddii fal sharci darra ah ka waddo dalka gudahiisa inay dowladda tillaabbo sharci ka qaadeyso. Haddaba Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo hal sana hoggaanka dalka soo hayey wuxuu xafiiskiisa uu ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay xaaladda dalka uu ku sugan yahay, wuxuuna kaga hadlay waxa halka sano u qabsoomay iyo caqabadaha halka sano hortaagnaa inuu isbeddellada uu doonayey uu si xowli ah uu ku socdo. Sarreynta sharciga Dr Abiy Axmed oo wax laga weydiiyey sarreynta sharciga hirgelintiisa iney xukumaddiisa dhibaato kala kulantay taasina ay sababtay dhimasho iyo barakac aad u badan oo dhan walba ka dhacay. Ra’isal wasaaraha mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Sarreynta sharciga howla aad u badan ayaa noo qabsoomay inkasta oo ay jiraan arrima qaarkood oo u baahan wakhti badan in la geliyo balse aanu billaawnay” “Tusaalooyinka wanaagsan ee aan soo qaadan karno waxaa ka mid ah sarreynta sharciga sida aan uga hirgelinnay deegaanka Soomaalida, deegaankaasi oo ku sugnaa xaalad dalka intiisa kale ka duwan” “Deegaankaasi wuxuu sameeystay 30,000 oo askari oo hubeysan haddii ay dowladda dhexe faregelin inta ay ku sameyso ay xukumaddi jirtay beddeli leheenna waxaaba dhici laheyd inuu deegaankaasi sawirka guud uu dalka Itoobiya leeyahay uu beddeli lahaa” ayuu yiri. “Tallaabbooyinka aan ku hirgelinnay sarreynta sharcigana waxay sababtay iney dowladda gacanta ku soo dhagto 47 qof oo faldambiyeedyo kala duwan deegaankaasi ka geystay” “Deegaanka Soomaalidana maanta wuxuu ka mid yahay deegaannada ugu deggan marka loo fiiriyo sidi hore uu ahaan jiray. Taasina waxay ka mid tahay tallaabbooyinka aan qaadnay si buuxdana ugu guuleysannay sanadkii hore” ayuu yiri Ra’isal Wasaare Dr Abiy Axmed. “Sida oo kale dhibaatooyin ka dhacay qayba kala duwan oo dalka ka mid ah dadkii ku lug lahaa oo ay tiradooda 1,000 kor u dhaafeyso dacwad ayaa lagu soo oogay oo maxkamadeyntooda ayaa socota. Laba qof oo dil ku geystay magaalada Shaashamanne ee deegaanka Oromadana xabsi daa’im ayaa lagu xukumay.” Lahaanshaha Magaalada Addis Ababa Muddooyinki ugu dambeeyey waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacayey isku dhacyo salka ku hayo lahaanshaha caasimadda Addis Ababa oo ay qowmiyadda Oromada wadday ilaa haddana socday. Ra’sal wasaare Dr Abiy Axmed mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri arrinta sheegashada dhulka marka ugu horreyso waxaa loo baahan yahay inaan fahanno dastuurka waxa uu ka yiri cid walbana waxaa loo baahan yahay iney taa maskaxda ku hayso. “Dhulka dowladda ayaa iska leh qodob dastuuri ah ayaana si cad u dhigaya, marka su’aal kasta oo la xiriirto dhulka waxaan ku maareyneynaa si waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federalka Itoobiya”. ayuu yiri Arrinta xuquuqda dhulka ee u dhaxeysa maamulka magaalada Addis Ababa iyo Deegaanka Oromada si aan xal waara uga raadinno waxaan u saarnay guddi heer qaran ah oo arrintan xal waara u raadiya. “Ciddii dana siyaasadeed oo gaar ah ku dhex wadato arrintanna waxaan u sheegayaa iney gacmaha kala baxaan ka hor inta uu sharcigu qaban” ayuu yiri. Mideynta ururrada ka wada tirsan xisbiga hoggaamiya waddanka Itoobiya ee EPRDF mar uu ka hadlayeyna wuxuu Ra’isal wasaaraha sheegay in loo saaray guddi arrintan si kama dambeys ah u soo darso xilliga ugu horreeya ee ay warbixintooda diyaar noqota ay soo hordhigayaan shirweynaha xisbiga. Ra’isal wasaaraha oo si kooban uga jawaabay waxaa uu yiri “ururka qowmiyadda Oromada ee ODP iyo Ururka qowmiyadda Amxaarada ADP wararka sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay waxba kama jiraan, sida ay sabab ugu noqdeen inuu dalka Itoobiya isbeddel siyaasadeed uu ka dhaco mustaqbalka dalkana waa ay ka wada shaqeeynayaan iyaga oo ka wada tirsan xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF”. DR Abiy Axmed mar uu ka hadlayey iskudhacyada qomiyadaha dalka Itoobiya ee sii badanaya waxaa uu sheegay iney dad gaaraya 3 milyan oo qof ay ku barakaceen colaado qowmiyadaha ka dhex dhacay. Halki sano ee aan xilka soo hayey 1.5 milyan ku dhawaad ayaa deegaannadooda ka qaxday halka 1.5 milyan ee harayna ay xerooyin ku sii jireen xilliga xilka la ii magacaabay. Aniga oo si kooban uga jawabayo waxaan dhisnay wasaarad la yirahdo wasaaradda Nabadda oo ku shaqa leh iney dalka gudahiisa nabad ku soo dabbaasho waxaa inaga nala gudboon waxaa weeyey wasaaradda inaan dhinac walba ka taakuleyno inaga oo kaashaneyno shucuubta dalka iyo hoggaamiyeyaasha diimaha iyo dhaqanka. Khilaafka u dhxeeya deegaanka Tigreega iyo Xukumaddiisa Xaqiiqda markaan ka hadalno wey jiraan khilaaf inoo dhaxeeya anaga iyo xukumadda Tigreega laakiin waxa aan isku khilaafsannahay waa waxyaaba yaryar ah oo aan filayo in mustaqbalka la xaalliyo, balse waxaan ka wada shaqeeynaa danaha guud ee dalka iyo deegaanka Tigreeda. Tigreega oo keli ahna ma aha ayuu yiri deegaannada aan waxyaabaha qaar isku khilaafsannahay waxaa ka mid ah Oromada. Benishaangul , Tigreega iwm. Waana ku faraxsanahay inuu maanta deegaan weliba wixii uu raba inuu nagu taageero wixi aan ku kala duwannahayna uu nagu khilaafo muddada sanadka ah fufurnaanta siyaasadeed ee aan dalka ka hirgelinnay ayuu ka mid yahay” ayuu yiri. Source
  15. (SLT-Riyadh)-Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa daldashay haweenay Nigeria u dhalatay oo lagu helay inay daroogo ka ganacsanaysay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa warbaahinta dawladda. Haweenaydan ayaa lala daldalay laba nin oo reer Pakistan ah iyo nin kale oo Yaman u dhashay. Xukunkan dilka ah ayaa lagu fuliyay magaalada barakaysan ee Maanta Isniintii. Sacuudiga ayaa sannadkan xukun dil ah ku fuliyay dad kor u dhaafaya 53 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa ka dhago adaygtay caddaadiska ay saareen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, iyaga oo ka dalbanayay in ay meesha ka saarto xukunka dilka ah, Sacuudiga ayaana sheegay in dilku uu dambiyada yareeyo. Source
  16. (SLT-Minneapolis)-Waxaa shalay billaabaneysa xulista xeer-beegtida maxkamadda sarkaal Soomaali-Mareykan ah oo horey uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, kaasi oo dilay haweeney u dhalatay dalka Australia oo aan hubeysneyn kadib markii ay wacday lambarka 911, si ay ugu war-geliso isku day kufsi. Maxamed Nuur oo 33 jir ah ayaa waxaa bishii July ee 2017 lagu soo oogay dacwad la xiriirta dhimashada Justine Ruszczyk Damond. Kiiskan ayaa soo jiitay dareenka caalamka, waxaana shaqadeeda ku weysay madaxii booliska Minneapolis. Dacwad-oogayaasha ayaa Maxamed Nuur ku soo oogay saddex dacwad oo kala ah, dil heerka labaad oo ula kaca ah, dil heerka saddexaad ah iyo dil heerka labaad oo aan ku talo-galay ahayn. Waxay sheegeen inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Maxamed uu wajahayey halis ku qasbi kartay inuu awood dhimasho leh isticmaalo. Dacwad-oogayaasha ayaa qasab ay tahay in caddeeyaan in Maxamed uu u fal-celiyey si aan qiil lahayn, markii uu toogtay Damond oo ahayd 40 jir isku haysatay dhalshooyinka Mareykanka iyo Australia. Qareenada Maxamed Nuur ayaa qorsheynaya inay ku doodaan inuu si qiil leh awood u isticmaalay, isaga oo naftiisa difaacaya. Maxamed Nuur ayaa diiday inuu la hadlo baarayaasha, islamarkaana qareenadiisa ayaan weli caddeynin inuu maxkamadda ka hor marqaati furi doono iyo in kale. Xeer-beegtida ay suurta-galka tahay in la xusho maanta, ayaa la siin doonaa tababar kooban, ayada oo xulshadana ay xigi doonto. Source
  17. (SLT-Ankara)-Saraakiisha Maraykanka oo la hadlay dhigooda dalka Turkiga waxay ku wargeliyeen inaan Shixnado kale oo dheeraad ah oo Diyaaradaha F35 loo soo diri doonin Turkiga. Tallaabadan ayaa timid, kadib marki ay Dowladda Turkiga ku adkeysatay in aanay ka laaban doonin Gantaalladda S400 ee ay Raashiya ka iibsanayaan. Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu si cad ugu gacan saydhay shuruudaha ay Maraykanka ku xidheen in laga iibiyo Diyaaradaha Dagaalka ee F35, kuwaasi oo aanu Raadaarku qaban karin. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Kafasoglu ayaa la filayaa inuu Madaxda Maraykanka kala hadlo arrintaasi, kadib, marka uu toddobaadkan booqasho ku tago magaalada Washington, oo uu ka furmi doono Shirweynaha Wasiiradda Difaaca ee Dowladaha xubnaha ka ah Isbahaysiga Millateri ee NATO. Source
  18. Muqdisho (SMN) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey ) guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan oo ka hadleysay Aqalka Sare ayaa shaaca ka qaaday in labada gole ee BFS ay uga xayiran yihiin howlo fara badan oo ku aadan arrimaha doorashooyinka ee sanada 2020-ka. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in labada Aqal looga fadhiyo meel marinta sharuucyadii lagu hagi lahaa doorashooyinkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay hadii ay ku heshiiyaan siyaasiyiinta, islamarkaana la dhameystiro dastuurka ay ka guddi ahaan qaban karaan doorasho qof iyo cod ah. Hadalkan ayey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ka jeedisay munaasabadda furitaanka Kalfadhiga shanaad ee golaha Aqalka Sare oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho. View the full article
  19. (SLT-Algeria)-Madaxweynaha waayeelka ah ee dalka Aljeeriya Cabdicasiis Bouteflika ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo ka hor 28ka bishan April , sida ay baahisay Wakaalada wararka ee APS ee dalkaasi. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waxaa lagu yidhi, in madaxweynuhu uu qaadi doono tallaabooyin lagu hubinayo in hay’adaha dowladu ay sii shaqayeen xiligi kala guurka. Iscasilaada madaxweynaha ayaa imaanaysa ka dib markii Taliyaha millaeriga dalka Aljeeriya Gen.Ahmed Gaid Salah uu ku baaqay in Baarlamaanka wadankaasi ay xilka ka qaadaan Madaxweynaha oo uu sheegay aanu gudan karin shaqadiisa. Tan iyo badhtamihii bishii Feberaayo shacabka Aljeeriay ayaa dhigayay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo in Madaxweyne Bouteflika oo ah 82 sanno jir uu markii 5aad xilka u tartamo doorashadii la qorsheeyey inay dhacdo bisha soo socota ee April. Sida uu dhigayo dastuurka wadankaasi, waxaa bedeli doonaa madaxweynaha iscasilay guddoomiyaha aqalka ee barlamaanka, kaasi oo xilka hayn doona muddo 90 maalmood, kadibna waxaa la qaban doonaa doorasho madaxtinimo. Cabdicasiis Bouteflika waxaa uu dalkaasi Aljeeriya soo xukumayay ilaa 1999kii, waxaa lagu xasuusan doonaa inuu soo afjaray dagaalkii dhiiga badani ku daatay ee u dhexeeyay milateriga wadankaasi iyo xisbiyadii Islaamiga ah. Source
  20. New York (SMN) – Hay’adda Gargaarka degdega ee Qaramada Midoobey [UNOCHA] iyo sanduuqa bini’aadanimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 45.7 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo abaar ka jirta gobollo ku yaalla waqooyiga dalka Soomaaliya. Mark Lowcock, oo ah kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani-aadamnimada iyo Iskuduwaha Gargaarka Degdegga ah, ayaa sheegay in 12 milyan oo doolar oo kamida lacagtaan loogu talo galay in si degdeg ah looga jawaabo cunno yari baahsan oo ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Lowcock ayaa intaasi ku daray in dad gaaraya 823,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan, kuwaasoo u baahan inay helaan gurmad degdeg ah oo raashiin iyo biyo nadiif ah isagu jira. “Yaboohan lacageed waaxay awood u siin doontaa hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya in ay cunto iyo biyo nadiif ah, iyo daryeel caafimaad iyo taageero waxbarasho waqtiga ugu gaaban ay gaarsiiyaan meelaha ay baahidu ka jirto,” Lowcock ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo saaray. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in kabadan 4.2 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah sannadkan, oo ay ku jiraan 900,000 carruur ay nafaqo-xumo ba’an hayso. Lowcock wuxuu sheegay in lacagta loo isticmaali doono gargaarka cuntada ee gobollada Awdal iyo Woqooyi Galbeed, iyo nafaqada, caafimaadka, iyo biyaha iyo fayadhowrka iyo nadaafadda ee gobollada Sool, Sanaag iyo Bari. “Waxaan mudnaan siin doonaa carruurta, haweenka, waayeelka, iyo dadka naafada ah, kuwaas oo si xun u dhibaateeyey abaarta iyo iskahorimaadyadu ka jira waqooyiga Soomaaliya,” ayuu raaciyay Lowcock. Xaaladda sugnaan la’aanta cuntada ee Soomaaliya ayaa ka sii daraysaa, gaar ahaan waqooyiga, iyo qaybo ka mid ah bartamaha dalka sababtuna tahay roobabka xilliga Deyrta oo si wanaagsan u da’in. View the full article
  21. Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaarayaG/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ay ka sii dartay xaaladda biyo la’aaneed ee gobolkaasi. Meelaha ugu daran ee haatan xaaladaha nololeed ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Farmojawaaley iyo kuwa kale oo dhacay gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka xoogan ee ka jira halkaasi. Waxaana uu sheegay in halkii Foosto oo biyo ah la kala siisanayo lacag dhan 10 Dollar oo u dhiganta 250 kun oo shilinka Soomaaliga ah. Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta Hiiraan ayaa waxaa loo sababeynayaa guritaanka Wabiga Shabelle oo ay ku tiirsanaayeen dadka ku dhaqan gobolkaasi. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaraaha XFS Xasan Cali Khayre oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay tira koobka Ciidamada dowladda oo ay wado xukuumaddiisa. Waxa uu sheegay in haatan la diiwaan galiyay illaa 16203 Askari oo ka mid ah Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xuusay in Ciidamadaasi ay si toos musharaadkooda u qaataan, islamarkaana bil weliba ay ugu soo dhacdo Akoono ay leeyihiin. Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay ra’iisul wasaaruhu in weli uu socda tirakoobka, islamarkaana uu marayo meel wanaagsan. Tallaabadan ayuu sheegay in qeyb ay ka tahay dib u habeen ay dowladda federaalka ku sameyneyso Ciidamadeeda. Bilihii la soo dhaafay DFS ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waday qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo Ciidamada Qaranka, dibna loogu soo nooleynayo sharaftii ay lahaayeen bariisaamaadkii, si dalku uu u yeeshay Ciidan awood leh. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) -Waxaa maanta lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka, kaas oo uu ka Geeriyooday Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo 23-kii February ee sanadkan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir. Guddiga doorashooyinka Qaranka ma shaacin tirada musharraxiinta u tartameysa Kursigaasi. Balse wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha tartamaya uu ku jiro mid ka mid ah Caruurtii uu dhalay Xildhibaanka Geeriyooday. Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqore ayaa ka mid ah guddiga difaaca BFS, waxaana uu door fiican ka soo qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-02042019.mp3 View the full article