Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlay soo celinta xidhiidhkii labada dal ee xumaaday. Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay ku sheegtay in iyada iyo dhiggeeda Soomaaliya ka wada hadleen sidii xidhiidhka labada dal uu si caadi ah ugu soo laaban lahaa. Waxaa ay sheegtay inay ka wada hadleen xaaladii ka dhashay xidhiidhka labada dal iyo walaacii Kenya ka qabtay shirkii Shidaalka London ka dhacay 7 February ee sannadkan. Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ku heshiiyeen sidii dib loo soo celin lahaa Safiiradii labada dal, ugana laaban lahaayeen goobtooda shaqo. Ma jirto wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ka soo saartay kulankan labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mugdi soo kala dhex galay, wixii ka dambeeyay markii Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay xaraashtay xidhmooyin ku yaalla dhul xuduudka ay leedahay, waxaana dalkeeda ka eriday Safiirkii Soomaaliya, una yeedhatay safiirkeedii Muqdisho. Source
  2. Somaliland: European Union Delegation Meets Political, Social & Community Organisation. The European Union delegation which consisted of ambassadors from Denmark, Sweden, Finland, UK and also from Switzerland, which had been on a visit to Somaliland the past few days, have held discussions with various groups from the Somaliland political arena. The delegation which had already met with President Muse Bihi Abdi, also conducted extensive discussions with officials from Somaliland’s three political parties, the confederation of non-governmental agencies, SONSAF, and the Somaliland National Elections Commission (NEC). These discussions were to ascertain the current status on the preparation for the parliamentary and local elections scheduled for December 2019, just eight months away. The EU delegation stressed to their Somaliland counterparts the need to hold these elections and to resist the temptation to extend the mandate for these bodies. The EU provides the majority of the funds and the logistic support for elections in Somaliland. Meanwhile , in a separate meeting in Hargeisa, senior officials from the three political parties, Kulmiye, Waddani and UCID have been meeting to hammer out a consensus on the issues blocking the holding of parliamentary and local elections. The main stumbling block is the current NEC. Waddani and UCID would like to see the current commission disbanded, since their mandate expires before the December elections, whilst Kulmiye would like to see an extension for the current commission until after the scheduled elections in December, 2019. As of yet, no agreement has been reached. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Wardi oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ayaa Khadra Maxamud Dhicis waxa ay u diideen in ay ku foolato Gudaha Isbitaalka sida ay shegeen qaar kamid ah dadkii xilligaas ku sugnaa gudaha isbitaalka. Khadro ayaa iyadoo ay fool heyso waxa ay timid Isbitaalka waxaana ay dhaqaatiirta u Sheegtay in ay fool tahay sidaa daraadeedna ay u baahan tahay in ay ka umuliyaan Dhaqaatiirta, laakiin Nasiib darro Maamulka Isbitaalka ayaa Khadro u sheegay in ay bixso lacag dhan $20 (labaatan dolar). Khadro oo ka dhalatay qoys dan yar ah ayaa dhaqaatiirta ka codsatay in aysan heysan lacagtan laakiin hadii lagama maar maan ay tahay ay bixin doonto lacagtan ay Sheegteen Maamulka Isbitaalka Wardi. Khadro waxa lagu wargeliyay in aysan Macquul aheyn iyadoo aan bixin lacagtan in aysan ku riyoon in ay ku umusho Isbitaalka waxaana lagu amray in ay kabaxdo gudaha isbitaalka. Khadro oo murugeysan ayaa Banaanka u soo baxday kadibna waxa ay ku foolatay Afaafka hore ee Isbitaalka waxaana u gurmaday qaar kamid ah dad weynaha ka ag dhawaa goobta uu Isbitaalka ku yaalo. Inkastoo Dhaqaatiirta Isbitaalka ay dafireen arrintan, hadana waxaan qadka kula xiriirnay xubno ka tirsan ehelka Qadra oo I noo sheegay in ay runtahay in Gabadhooda lacag lagu xijeeyay . Dhacdadan ayaa noqotay mid ay siweyn u hadal hayaan Bulshada ku dhaqan Gobalka Banaadir,waana arrin fadeexad ku ah Isbitaalka, islamarkaana ka soo horjeedda Sharciga u degan bahda Caafimaadka. Isbitaalkan ayaa waxaa lacag ku bixiya hay’ado Caalami ah oo ay kamid tahay Hay’adda IMO, waxaana inta badan uu Isbitaalkan yahay mid lacag laga qaado Dumarka ku foosha, kuwa uurka leh oo howllo Caafimaad u yimaada Isbitaalka. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa si kulul u canbaareeyay dhacdadii xanuunka badneyd oo ay la kulantay hooyo Khadra Maxamud Dhicisow. Waxaa uu sheegay in Xaaladeeda Caafimaad ay wanaagsan tahay hadda, islamarkaana lala xisaabtami doonaan Cidii ka dambeysay falkii lagu waxyeelayay. Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir sheegay in sharciga lala tiigsan doono maamulka Hospital Wardi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Abdirahman-Omar-Osman-Eng.-Yarisow-was-live.mp3W/Q: Ahmed Hassan Ibrahim Axmedxasan79@gmail.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddida Beelaha West Burco Clan ayaa si kulul uga hadley khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Dawlada Jabuuti. Madax-dhaqameedka ayaa taageero buuxda u Muujiyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Saladiinta iyo cuqaasha Beesha Arab Dhan kale madax-dhaqameedka ayaa arrintan ku tilmaamay cabudhin iyo cago jugleyn waxaana ay xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqeen in ay mawqif cad iska taagto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Hurdadii Madaxda Carbeed! W/Q: Sh. C/raxmaan Bashiir Turjume: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase) Waxa ay I waydiiyeen sababta madaxda carbeed ugu dhex luloodaan (Gam’aan) shirar madaxeedyada Carbeed ee ay isugu yimaaddaan. Waxaan leeyahay: “Hurdadu waxa ay daliil cad u tahay jidhka oo daal badani ku yimaaddo oo u baahda nasasho. Wakhtiga hurdada ee qofku hurdo u baahan yahay cilmiyan waa habeenka, waxaana u daliil ah Qur’aankeenna Kariimka ah oo innoogu tilmaamay aayado dhawr ah. Ilaahay waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: “Waxaanu Habeenka idiinka dhignay mid Hu’ ah”, mar kale Aayad ayaa ahayd: “Waxaanu Hurdadiina ka yeelnay mid aan ku nasataan oo aad raaxo ku heshaan”. Laakiin maalintu waxa ay leedahay shaqo jidheed iyo nololeed. Ilaahay SWT waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: “Waxaanu Maalinka idiinka yeelnay Mid aad ku shaqaysataan (Macaashtaan)”. Kuwani (Madaxda Carabta) waxa ay ku dhex seexdeen wakhtigii shaqada ee maalinta ahayd maxaa yeelay ma seexdaan wakhtiga ay nasan lahaayeen ee seexan lahaayeen. Nafahoodana ma siiyaan raaxo nafsi ah iyo mid jidheed toona. Miyaanay wax lala yaabo ahayn in nin Madaxweyne ahi shir-madaxeed ku dhex seexdo. Kani waa Madaxweynaha Tuuniisiya Essebsi, oo maxaanu ugu dhex seexanayn shirka maadaama uu yahay nin da’diisu 90-jir tahay?!, Waxa marka horeba khalad ah in uu halkan joogo, goobta ku habboonayd waxa ay ahayd in uu Cisbitaalka Guud yaallo iyo goobaha lagu daryeelo dadka da’da ah. Mana ahayn in isagoo kale ay daryeel ka sugaan dawlado iyo shucuubta carbeed. Waxa ay ku dhex seexdaan shir-weynayaasha, waxa ka mid ahaa mid shirka ku dhex seexday isaga iyo wasiirkiisiiba, waa kuwii Jabuuti ka socday, maxaa yeelay waxa ay ogyihiin in aanay faa’iido lahayn dhagaysiga khudbadaha ay isu jeedinayaan. Hogaamiyayaasha carbeed ee wakhtigani waxa ay yidhaahdaan wax aanay samaynayn. Wax cusub ma hayaan sidii caadada u ahayd, sababta oo ah maba aha dad marka horeba samayn kara arrimo cusub oo kedis ah!. Ma aha kuwo doodo adag ka gala waaqaca dhabta ah ee siyaasiga ah ee hor yaalla. Sidaa darteed sidii caadada u ahayd waa ay iska dhex seexanayaan shirka. Madaxdan carbeed waa kuwo da’ ah oo gaboobay. Goobtii ku habboonayd maaha goobtani ee waxa ay u baahnaayeen guryaha lagu xanaaneeyo dadka da’da ah ee gaboobay ee u baahan ilaalinta gaarka ah iyo daryeelka joogtada ah. Waxa ay dhammaantood dhaafeen da’dii ku habboonayd in qofku ku shaqeeyo. Caqligii shaqayn lahaa baa joogsaday. Jidhkii waa uu talax gabay oo dhaqdhaqaaqii ku habboonaa ma leh. Iyada oo ay dhammaan taasi jirto haddana waa kuwan imanaya ee soo xaadiraya shir-madaxeedyada waaweyn iyaga oo aan qajilaad iyo jixinjix lahayn, Waa kuwaa dhex seexday!!. Maxaa daciifka ka dhigay madaxda carbeed?, “Waa ay cunaan waanay seexdaan. Waxa ay ku socdaan mar walba gawaadhi casri ah oo raaxo. Waxa ay fadhiyaan wakhtigooda oo dhan xafiisyo waaweyn oo raaxo ah, waxaanay si xisaab la’aan ah u cabbaan qaxwaha. Waxa ay cunaan timir badan. Sidaasi ayuu jidhkoodii u noqday mid buuran caqligoodiina u yaraaday miisaan ahaan. Jidh aan dhaqdhaqaaq samaynayn oo aan xarako lahayni waa mid caajis ah oo liita. Caajiskuna waa ka keenaya hurdada iyo in qofku seexdo. Laakiin hurdadu waa laba nooc. Mid caafimaad ah iyo mid cudur ah. Tan caafimaadka ahi waa mid wakhtigeeda ku xidhan balse tan dambe ee xanuunka ahi waa mid caajisnimada iyo daalka ku timid. Dalalkan galbeedka waxaan ku arkaa marka ay madaxdoodu shirarka isugu imanayaan iyaga oo dhaqdhaqaaq badani ka muuqdo miiska wada hadalka. Gacan qaad diirran iyo firfircooni aan kala joogsi lahayn. Firfircooni caqli ah oo aan isgaagayn. Khudbado iyo go’aamo aan daal lahayn. Khudbado culus oo ay madaxda isku timaad u akhriyaan si aan cabsi lahayn. Halkan galbeedka kulamadu waa kuwo shaqo iyo wax soo saar, halka shirarka Carabtu ka yihiin dalxiis iyo hurdo, sidaa darteed qof shaqo diyaar u ahi ma seexdo ama ma luloodo waxaanay hurdada, caajiska iyo lulmadu u timaaddaa qof aan shaqo hayn. Waxa ay I waydiiyaan maxay Hogaamiyayaasha Carbeed waraaqaha uga akhriyaan qoraal far waaweyn ku qoran”, waxaan ugu jawaabaa: “Carabtu waxba ma akhriyaan, haddii ay akhriyaana ma fahmaan, wajiyadan gaboobay waxba ma akhriyaan. Waligaa ma aragtay Madaxweyne Carbeed oo buug ka qoray xusuus qorkiisa?. Ma aragtay Madaxweyne Carbeed oo wakhtigan wax ku qora ama maqaal ku leh Majallad weyn oo la yaqaan?. Boqorka Sucuudigu awood uma laha in uu akhriyo weedh hadal ah oo isku xidhan oo macno samayn karta oo ka kooban shan kelmadood. Madaxweynaha Masar Cabdiraxmaan Al Siisi awood uma laha in uu akhriyo kelmado kooban oo Luuqaddii Faseexa ahayd ee Carbeed ah. Waxa wax loogu qoraa kelmado far waaweyn ku xardhan. Kelmad kasta waxa loogu sameeyaa xarako sida Kor dhaw, Hoos dhow iyo Godaal. Waa Jidh bilaa ruux ah”. “Dhinacan reer Galbeedka qofku marka uu ardayga yahay ee uu dhiganayo kulliyadaha daraasaadka siyaasadda waxa uu akhriyaa oo ku tababartaa khudbadaha Madaxda. Waxaanan arkay dad badan oo reer Galbeed ah oo muhiimad weyn siinaya khudbadaha Erdogan, Jamaal Cabdinaasir, Anwar Al Saadaat, Boqor Xasanka Labaad, Najmuddiin Arbakaan, laakiin ardaydeenu maxay ka bartaan kuuliyadaha daraasaadka siyaasadda?, Xaqiiqanimo waxba oo aan ka ahayn sheeko baralay”. Waxa ay I waydiiyaan sababta uu Xoghayaha guud ee Carabtu u toosin waayo qofka ku dhex seexda shirka? Waxaan ugu jawaabaa: “Masuuliyadda Xoghayaha guud ee Jaamacaddu carabtu waa in uu diyaariyo goob ku habboon hurdo fiican. Kuraasida goobta shirku waa in ay noqdaan kuwo raaxo leh oo ku habboon nasashada, Maya shaqo, tani waa shaqo aad u culus, sidoo kale shaqooyinkiisa waxa ka mid ah in goobta shirku noqoto mid leh hawo ku filan oo lagu nafisi karo oo aan ahayn goob shaqo culus lagu qaban karo. Ma awoodaan madaxda shirka ka soo qayb galaysaa in ay u dhaq-dhaqaaqaan meel kale. Waxa ay awood layaab leh u leeyihiin in ay fadhiyaan kaliya, sidaas darteed waa in ay helaan deegaan ku habboon xaaladdaasi. Way ku daysay Jaamacadda Carabtu!, iftiin soo muuqdaana ma jiro!. Waxa ay shaacisay geerideeda markii ay ka tagtay risaaladdii ay u taagnayd, muhiimaddeedii qawmiyadeed. Run buu sheegay ninkii qoray (Nabad-galyo Carabnimooy!), waxaana kaba sii fiican in ciwaan looga dhigo (Nabadgalyo Jaamacaddii Carabtaay). Raalli ahaw Cibriyeey, mar kale raalli noqo dhalanteedow!!. W/T: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase) E-mail: Maxamadkhadar@gmail.com 063-4402360 Qaran News
  6. Ardayda qalin-jebisay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jebinayeen 202 arday oo wax ka bartay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU faraceeda Garoowe. Munaasabadda qalin-jebinta waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey, guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, mas’uuliyiin ka socdey wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maamulka Jaamacadda PSU, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale. Guddoomiyaha jaamacadda PSU Pro. Maxamuud Sheikh Xaamid Maxamed oo ugu horrayn munaasabadda qalin-jebinta khudbad ka jeediyay ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardayda ka baxay kulliyadaha kala duwan ee ay ka koobantahayjaamacadda, isagoo ku boorriyay in ay ka faa’idaystay fursadaha dahabiga ah ee horyaalla, maadaama ay ka dhisan yihiin dhinacyada aqoonta, islamarkaana ay yihiin dadkii wax u bartay bulshada ee u horseedi lahaa horumar iyo barwaaqo. Wasiirk ku xigeenka waxbarashada dowladda Puntland,Mukhtaar Maxamuud Xassan oo markiisa hadalka qaatay, ayaa hambalyo kadib ardayda ku boorriyay, in ay shaqa-abuur iyo hindisayaal curis ah la yimaadan, si ay nolosha guul uga gaaraan, cilmiga ay barteenna uga faa’idaystaan, waxaana uu sheegay in dowladda Puntland mar walba ay garab taagantahay aqoon-yahannada dalka iyo dadka wax u bartay. Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay ardayda maanta qalin-jebisay, wuxuuna u mahadceliyay maamulka iyo macallimiinta jaamacadda PSU ee dadaalka iyo wakhtiga ku bixiyay kulliyadaha kala duwan ee cilmiga ardaydani barteen. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay waalidiinta u soo dhabar-adaygay in heerkan aqooneed soo gaarsiiyan ubadkooda,isagoo xusay in qaar kamid ah waalidiinta ay duruufo adag oo nololeed ka soo mareen barbaarinta iyo waxbaridda ubadkooda, si ay asaagood wax ula qeybsadaan. Mudane Dhoobo oo hadalkiisa sii wata ayaa ku boorriyay hay’adaha dowliga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo guud ahaan ganacsatada Puntland in ay fursado shaqo u abuuraan dhalinyarada waxbaratay ee ay ku jiraan kuwa maanta ka qalin-jebiyay jaamacadda PSU. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamulka Jaamacadda, waalidiinta iyo ardayda qalinjabinaysa oo ah dufcaddii 12-aad ee Jaamacadda ka baxda, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galkeeda. Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ku dhiiri-geliyey inay waddankooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, isagoo shacabka reer Puntland ugu baaqay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare, waxaana uu caddeeyay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay sidii guud ahaan waxbarashada loo horumarin lahaa. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino guddoonsiiyey, qaar kamida ardaydii qalin-jebisay iyo shakhsiyaad kale oo maamulka Jaamacaddu u gartay inay mudanyihiin, waxaana munaasabaddu ay ku soo idlaatay jawi farxadeed oo laga dheehanayay dadweynihii boqolaalka ahaa ee goobta joogay, kuwaas oo u hambalyaynayay ardayda qalin-jebisay. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post In ka badan 200 oo arday oo maanta ka qalin-jebiyay jaamacadda PSU faraceeda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Weftigii safiirrada ahaa ee ka socday Midowga Yurub ayaa maanta kulan la qaatey shir guddoonka golaha wakiillada ee baarlamaanka Somaliland, iyagoo kala hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka, gaar ahaan Kootada haweenka ee kuraasta baarlamaanka. Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa ku jirta haweenay kaliya, waxaana jira baaqyo kala duwan oo reer galbeedka iyo ururrada xuquuqda haweenku ay ku doonayaan in la kordhiyo tirada haweenka ee baarlamaanka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Jigjiga)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Dawlad Deegaanka Soomaalida, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda lala xidhiidhiyo ee FANA. Abiy ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo gabagabada shirwaynaha tobnaad ee Xisbiga oo maanta lagu soo gabogabaynayo magaalada Jigjiga. Wararka ka soo baxaya shirka ayaa sheegaya in Axmed Shide uu xajistay xilkiisii gudoomiyenimada xisbiga talada haya, halka Madaxweyne Mustafe Cumarna uu ka noqday gudoomiye ku xigeenka xisbiga. Source
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib 10 maalmood oo ku sugnaa magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu Muqdisho u tagay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga kala dhaxeeya dowladda dhexe. Waxa uu sheegay in booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra’iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen laguna gaaray heshiis. Waxaa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in booqashadiisu ay ahayd mid Tariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacyna ay guul kusoo dhamaadeen. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhinacyada ay saaran tahay masuuliyad ah sidii wixii lagu balamay iyo heshiiskii la gaaray loo dhaqan galin lahaa. Si kastaba, Axmed Madoobe ma shaacin waxa uu yahay heshiiska la gaaray. Kulamada Axmed Madoobe iyo madaxda DF aan marnaba si rasmi loo shaacin, marka laga reebo casho sharaf uu xalay u sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin safarkii Axmed Madoobe ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  10. Brunei (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa maanta cambaareeyey shareecada Islaamka ee maanta ka dhaqan gashay dalka Brunei, oo uu sheegay in ciqaabta “arxan-darrada ah” ee sharciga uu ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Sharcigan oo dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya, ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay caalamka. “Qaar ka mid ah ciqaabta uu sharcigan ogolaanayo ee dambiyada qaar waa jir dil, ficil arxan-darro, wax ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liiditaan ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenka Midowga Yurub. Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciqaabaha uu sharciga ogolaanayo ay jebinayaan xeerarka QM ee ka dhanka ah jirdilka, oo Brunei ay saxiixday ilaa sanaddii 2015. “Waa muhiim in Brunei-Darussalam ay xaqiijiso in fulinta sharcigan uusan ka hor-iman xuquuqda aadanaha, islamarkaana uu waafaqaa dhammaan waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee xuquuqda aadanaha oo ay Brunei-Darussalam qaadatay” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub. Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaabatay maanta Brunei, oo ku taalla Koonfur Bari Asia, ayaa markii ugu horreysay sharcigan ku dhowaaqday sanaddii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen kooxaha xuquuqda aadanaha. Sharciga ayaa qoraya in xukun dil ah lagu fuliyo dadka gaysta ficillada ay ka midka yihiin kufsiga, zinada, galmada laga sameeyo wixii ka baxsan xubinta taranka ragga ama dumarka, dhaca, iyo aflgaadeynta nebi Muxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Waxa uu sidoo kale sharciga qorayaa in la karbaasho dumarka iska rida ilmaha iyo in gacan laga gooyo dadka ku kaca xatooyada. Sharciga ayaa dhinaca kale dhigaya dambi tahay in caruurta dalka Brunei lagu bar-baariyo diin aan ahayn tan islaamka. Sharcigan ayaa Brunei ka dhigaya dalka kaliya ee Bariga ama Koonfurta Bari ee Asia ee si heer qaran u dhaqan-geliya ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ku biirayaa dhowr dal oo badankood ku yaalla Bariga Dhexe, sida Sacuudi Carabiya, oo shareecada looga dhaqmo. Xigasho: VOA
  11. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta sheegay maalinta sabtida ee taariikhda ku beegan tahay 6-da April uu goluhu ka doodi-doonno arrinta amniga. Mudane Mursal ayaa intaasi raaciyey in loo yeeri-doono hey’adaha ku shaqada leh amniga, isagaa oo carabka ku adkeeyey in isla xisaabtanka ay ka mid tahay waajibaadka golaha shacabka. Dhinaca kale, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka gaar ahaan guddiga joogtada aha ayaa Goobjoog News u sheegay iney jirto cabsi laga qabo in sabtida kulanka loo diido warbaahinta xorta ah iyaga oo balan-qaadey iney arrintaas ka hortagi-doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. The Kenyan government reiterated its support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somalia in a meeting of the AU Mission’s top leadership in Nairobi. Speaking to delegates, the country’s Chief Administrative Secretary in the Ministry of Foreign Affairs, Ababu Namwamba, said Somalia’s stability and prosperity would ensure sustainable peace and security in the East and Horn of Africa region. Namwamba also underscored AMISOM’s role in the maintenance of peace and the security architecture in Africa. “Kenya will not waver in her commitment to the Mission. It is Kenya’s strong desire to have a peaceful, stable and prosperous Somalia and on behalf of the Government of Kenya, I laud AMISOM for the critical role it continues to play in Somalia, particularly in the fight against Al-Shabaab; and for all the achievements it has realized to date,” Namwamba said. The pronouncement by Kenya comes in the wake of reports of tensions within AMISOM and the Kenya Defence Forces (KDF) withdrawing from bases in Somalia towards the Kenyan border. Leaders in Somalia are said to have expressed their concerns at the withdrawals saying the move leaves the country vulnerable to attacks by Al-Shabaab. Somalia has fallen victim to a string of terrorist attacks recently with at least 30 people being killed in two separate incidents in the capital Mogadishu. View the full article
  13. The 5th session of the Somali House of People has been resumed on Wednesday. The session was postponed twice due to lack of quorum by the members of the house. According to the office of the speaker, Mohamed Mursal Sheikh, the parliamentary constitutional committee presented a report to the chamber. Members of parliament from the opposition block have vowed to boycott the sitting unless the house includes in its agenda security lapse in the country mainly the capital, Mogadishu. President Mohamed Abdullahi Farmajo opened the 5th session of the House on Wednesday last week following two months of recess. View the full article
  14. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Wednesday it has developed policy guidelines on law enforcement to Jubbaland and South West states’ police forces to help modernize policing. Alusine Dumbuya, project officer in AMISOM police reform and restructuring department, said the policy documents cover issues critical to establishing a professional police force including code of conduct, transfer guidelines, human resource management, dress code, community policing, recruitment, promotion and gender equality. “These are guiding principles for the Somali Police Force that will be used effectively and efficiently to improve policing activities in the federal member states,” Dumbuya said in a statement issued in Mogadishu. The development of policy documents is part of the AU mission’s police’s grand program aimed at strengthening the capacity of the Somali police to maintain law and order in the federal member states and secure the country against al-Shabab insurgency. Other federal member states, according to the AU mission, will also receive the documents. According to the AU mission, the development of the policy guidelines was part of the ongoing implementation of the Somalia Transition Plan whose key objective is to establish a strong Somali National Security Force capable of securing the country. Mohamed Nasir Guled, Somali Police Commander in charge of Lower Jubba, said the policy documents will help professionalize Jubbaland State Police Force and improve policing services in the region. “The documents we have received today are intended to streamline policing activities and we appreciate the help provided by AMISOM,” said Gulled. View the full article
  15. Cayaaryahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa usoo gudbay fiinaalka cayaaraha orordka 1500m mitir kadib markiiuu uu ka qayb galay isreereebreebka tartanka orodka. Ciyaaryahan Cabdullaahi oo 15 bishii hore March kaalinta koowaad ka galaay cayaarihii ka dhacay dalka Jabuuti ayaa rajo wanaagsan ka qaba inuu markale bilad kasoo hoyo tartanka da’yarta Olombikada Wadamada Soonka shanaad ee ay ku midaysan yihiin dalalka geeska Afrika waana markii ugu horeesay tartanka Soonka shanaad la qabto. Maalinta berri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay afarta April 2019 ayuu cayaaryahan Cabdullaahi Jaamac u tartami doonaa bilada orodka 1500 mitir cayaaraha da’yarta Olombikada wadamada Soonka “Allah ayaa mahad iska leh wixii aan ku haminayay qeyb ka mid ah waan gaarnay,bishii lasoo dhaafay ayaa sheegay in ay iga go’an tahay in aan soo celiyay sharafkii uu dalkeena kulahaa ciyaarah fudud waxaan u mahad celinaynaa cid walba oo kaalin ka qaatay guushan”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay ciyaarayahan Cabdullaahi Jaamac. Dhanka kale Cabdirashiid Yuusuf oo ka qayb galay orodka 800 mitir ayaa ku dhammaystay kaalinta shanaad ee orodka waxayna tani ku timid dadaal ay ku bixiyeen guddiga Olimikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka ciyaaraha Fudud oo is kaashanaya. Source: goobjoog.com
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday in ay dowladda Soomaaliya isla ogaalaadeen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan. Xiriirkan ayaa go’ay 16-kii Febraayo, kadb markii Kenya ay cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi, una yeeratay safiirkeeda Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ku eedeysay inay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeed ay sheeganeyso. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma aya maanta magaalada Nairobi kula kulantay dhiggeeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, halkaasi oo ay uga wada-hadleen xiisadda ka dhex-oogan labada dal. Qoraal ay barteeda twitter soo dhigtay ayay Monica ku sheegtay in shirka si gaar ah looga hadlay walaaca dowladda Kenya ay ka qabto shirkii shidaalka Soomaaliya ee 7-dii Febraayo ka dhacay magaalada London. “Waxaan dib u xaqiijinay rabitaankeena xooggan ee ah inaan dib usoo celino xiriirka labada waddan, waxaana isku raacnay inaan tallaabada ugu horreysa ka dhigno inaan dib ugu celino safiirada labada waddan fadhiyadooda” ayey tiri Monica. Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin kulanka ka dhacay Nairobi iyo is-fahamka dowladda Kenya ay sheegtay in la gaaray. Caasimada Online Xafiiska Naiorbi caasimada@live.com
  17. Ugu horeyn hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS oo lagu bilaabay kulanka guud ee golaha shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay Xaaladda amni ee dalka iyo dhibaatooyinka kooxaha Argagaxisada ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida kooxahan nabad diidka ah looga hortagi karo ,sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo Hay’adaha amaanka ee Dalka. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa waxa uuna sheegay in dhameystirka dastuurka uu dalka muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah,waxaana dhinaca kale xukuumadda federaalka Soomaaliya uu sheegay in laga sugaayo soo gudbinta shuruucda dalka muhiimka u ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale faray guddiga Isgaarsiinta ee golaha shacabka in ay baaritaano sameeyaan oo ay warbixin ka keenaan xarumo shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo la burburiyay kuwaasoo ku yaala Qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Sidoo kale Guddiga la socodka,dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa golaha usoo gudbiyay Warbixin ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubyada 1-5-aad ee dastuurka, waxaana warbixinta golaha u aqriyay Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal. Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in arrinta dastuurka ay muhiim u tahay in lagu daro arrinta Somaliland oo muhiim u ah dhameystirka dalka. Kulanka guud ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loogu qeybiyay waxka bedelida sharciga furdooyinka,soo gudbin axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah,hindise sharciyeedka maamulka dakhliga ,Miisaaniyadda sanadka 201-9-ka,Warbixinta afar biloodlaha ah ee guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka iyo xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online heshay, ayaa sheegaysa in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ay aqbashey warqad ay u soo gudbisay dowlada Jabuuti, taasi oo aheyd in Hargeysa laga furo Dacwad ka dhan ah Ganacsade caan ka Somaliland. Sida ay sheegayso xogta ay heshay Caasimada Online, Madaxweyne Geelle ayaa warqadan Xukuumada Biixi kaga dalbaday in xayiraad lagu soo rogo hantida Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, inta ay dacwadu ku socoto. Waxaa ogolaaday warqadan oo ku qorneed Afka Faransiiska, oo shaabadeysay Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland, waxaana shaabada ugu dhuftey Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi. Warqadan waxaa iyaduna sidoo kale ogolaatey Wasaarada Cadaalada Somaliland, waxaana qalinka ugu duugay una shaanbadeeyay Agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada. Geesta kale, Warqadan waxa iyaduna canshuurtay xeer ilaalinta Somaliland, oo ku dhejisay juwanka Canshuur qaadista ee dacwada lagu dhejiyo. Si kastaba, Waxaa halkaa ka cad in warqadan dowladda Jabuuti ka timid ee dacwada ah ay xukuumada Biixi aqbashey, balse ilaa hadda aysan jirin wax waaran qabasho ah oo ay u jartay ganacsade Axmed Geelle. Halkan hoose ka akhriso warqada iyo shaabadaha ku yaalla
  19. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa beenisay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Taliska AMISOM iyo ciidamada difaaca dalkaasi oo ku saabxan howlgalka dalka Soomaaliya. Sarkaal katirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadista taageeradda howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ababu Namwamba, oo ah xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay nabada iyo amniga gobolka Geeska Africa. Sarkaalka ayaa hadalka ka sheegay shir Nairobi ay ku yeesheen taliyeyaal ka socda AMISOM iyo kuwa ciidamada dowladda Kenya kaasi oo looga hadlay howlgalka Soomaaliya iyo ka bixida ciidamada Midowga Africa. Warka kasoo baxay Kenya ayaa yimid kadib markii maalmo kahor warbaahint dalkaasi ay sheegeen inuu jiro khilaaf ka dhashay k bixidii ciidamada Kenya ee degaanno ku yaalla gobolka Gedo, sida Busar iyo Faxfaxdhuun. AMISOM ayaa walaac ka muujisay tallabadaas oo ku tilmaantay mid khatar ku ah howlgalkooda islamarkaana fursad u siinaysa Al-Shabaab inay dib ula wareegto goobihii laga saarey sanado kahor. View the full article
  20. Baydhabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmadaasi, iyaga oo iska cabin xoogan kala kulmay Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan halkaasi. Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Qansaxdheere, islamarkaana ay gubeen xarun hay’ad Samafal ay ku laheyd degmadaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xiriiro aan la sameynaya qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo Ciidamada milatariga iyo kuwa K/ Galbeed ay ka bilaabeen halkaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in bartamaha Baydhabo maanta lagu dilay wiil Bajaajle ahaa oo ka howlgalayay magaaladaasi. Dilka marxuumka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed. Sarkaal ka tirsan maamulkaasi oo diiday in codkiisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa Shabelle u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Askarigii ka dmabeeyay dilkaasi. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Iyadoo ay weli socdaan howlgallo Ciidamada dowlada ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose ayaa taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxa uu faah-faahin ka bixiyay dhaq dhaqaaqyadaasi iyo sida ay u socdaan, isaga oo tilmaamay in ay howlgalladani sii socon doonaan, inta Al Shabaab laga saaarayo goobaha ee ku sugan yihiin dalka . General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan qaraxyo lagu diyaarinayay goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya, xilli Ciidamada dowladda la shaaciyay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Kulankii labaad oo qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu qabtay xarunta golahaasi ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoomiyey kulankan, iyadoon ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen. Waxaa soo xaadiray 156 Mudane, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ajandaha kulankan ahaa dhageysiga hadal jeedinta afhayeenka Golaha Shacabka iyo warbixin la dhageystay guddiga Dastuurka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Intaasi kadib guddoomiye Mursal ayaa shaaciyay in Sabtida laga doodi doono xaaladda amniga dalka oo ay kol hore codsadeen xildhibaanada Golaha Shacabka. Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa amray guddiga isgaarsiinta in warbixin ay ka keenaaan Ciidamada Kenya dhibaatada ay ka geysteen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Ugu dambeyn xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa loo qeybiyay wax ka bedalida sharciga furdooyinka, hindise sharciyeedka maamulka daqliga iyo miisaaniyada 2019-ka. View the full article