Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Su’aashii Qarniga oo Gudoomiye Cirro ku ganay Muuse Biixi & Xukumadiisa Somaliland Haddey dhexdeeda Wadahadli weydo,Sideebay Soomaaliya ula hadlaysaa? Qaran News
  2. Todobaadkan ayey aheyd markii rag u badan xil-dhibaano iyo masuuliyiin kale shir ku qabsadeen magaalada Nairobi dalka Kenya. Kulankaan oo uu ka soo baxay qodobo dhaliil loogu jeedinayo xukumadda hada dalka hoggaamise ee horumoodka ka yahiin Khayre iyo madaxweyne Farmaajo. Dabcan muwaadiniinta noocay rabaan ha la haadaane xaq dastuuri ah ayey u leeyahiin kulamo in ay qabsadaan oo wax iska weydiiyaan xaaladda dalkooda, dhaliilano soo jeediyaan. Laakiin Kulankan Nairobi lagu qabtay iyo qadobadii ka soo baxay ee dhaliilaha lahaa ee warbaahinta lagu baahiyey anshax ahaan waxay ahaayeen qalad, waana tan sababta; Waxaa ceeb ah inta dalkii xil-dhibaanka ka aheyd ka tagtid oo waddan shisheeye tagtid in aad madaxdaada soo dhaleeceysid. Aduunkana ma jirto waddan kale oo ay sidaan ka dhacdo oo aan aheyn Soomaaliya. Waxayna marqaati ka tahay garaad xumada siyaasiin ku sheega soomaali maanta illaahey ku ibtileeyey. Waxaa marqaati kuugu filan in aysan aheyn wax aduunka kale ka dhaca, maalmo ka hor inta uusan shirkan ka dhacin magaalada Nairobi, waxaa booqasho ku joogtay dalka Irland Nancy Pelosy oo ah guddoomiyaha aqalka Congres-ka ee Maraykanka. Socdaalkeeda waxa uu ku soo aadey soo baxitaankii warbaxintii la wado sugayey ee baaraha khaaska ah ee Bob Mueller. Nuxurka warbaxintaan ku jiray oo ay warbaaahinta tabineysay lana sheegay in ay ku jiraan falal guracan oo madaxweynaha Marankanka Donald Trump ku kacay ayaa saxaafadda ka codsatay Nancy Pelosy in ay wax ka tiraahdo. Balse waxay ku jawaabtay “waddanka intaan ka soo dhuufno madaxweynaha dhaleeceyn mayno” https://cbsn.ws/2W4apfQ. Nancy waxa si fiican uga warheysaa anshax xumuda ku jirta in hoggaanka waddankaaga aad dhaleeceysid adoo dal shisheeye marti ku ah, si kasta oo aad ugu kacsan tahay. Garaadkas waa ka dhoohanyahiin soo lama oran karo kuwii Nairobi ku shiray? Sheegasho “caburin” Madaxda soomaalida ee ku shiray Nairobi waxay ku andacoodeen in aan aysan shirkaan ku qabsan karin dalka gudahiisa oo ayna daruuf ku kaliftay Nairobi in ay ku kulmaan maadaame sida ay yiraahdeen “la caburiyey”. Xasuusnow ragga sidaas leh intooda badan waa wakiilo xil-dhibaano ah oo laga sugayey dimokaraatiyadda curdunka ah daddka in ay u illaaliyaan. Laakiin qof kasta oo garaad leh warkooda markuu sii dhuuxo waxa u soo baxaysa sheegashadooda run badan in aysan ku jirin. Waa la wado ogyahay dowladda Xamar in ay ku xoogan tahay, dalkana Xamar keliya ma wado ahan oo deegano badan oo caburinta ay sheegteen uga badbaadi kareen baa jirta. Halka uu ka soo bilowday dhaqankaan ah dibadaha in layska soo dhaleeceeyo? Dhaqankaan ah in dalalka dariska ah dowladda laga soo dhaleeceeyo ma ahan mid hadda soo bilowday balse waxaa mid soo bilowday xilligii xukumaddii keli taliska aheyd. Gar bay u lahaaayeen siyaasiintii wagaas in shirarkooda in ay ku qabsadaa waddamada derisk ah dowladda ka soo dhaleeceeyaan dibadaha. Waayo xukumaddii wagaas si furan gudaha waddanka looguma dhaleeceyn karin qatar dhaf iyo maal leh awgeed. Xiliyadii burburkana daruufahii jiray baa kalifay in qolyahii isdiidanaa ay dibadaha iska soo dhaleeceeyaan shirarkooda ku qabsadaan caasimadaha deriska. Ceebteenu ma carwo la dhoofiyey noqotay? Waxaan moodeynay hadaan dadka soomaaliyeed nahay in albaabkas mar hore la xiray oo aan gaarnay waqti aan dalkeena gudahiisa ku doodi karno oo isku dhaleeceyn karno inaga oo dhibaato isku geysan, lagana soo gudbay kalsooni daradii nagu dirqin jirtay u kala oradka shisheeyaha. Dabcan kuwa maanta xukunka hayaa wax badan waa qaldeen dhaliilna waa mudan yahiin laakiin marna naguma qancin karaan mucaarad ku sheegu in arrimaheena gudaha ay ku haboontahay in looga doodo caasimadaha shisheeye. Ceebteena ay ahaato carwo gurguurto oo hadba magaalo shisheeye lagu soo bandhigo. W/Q: Warsame Elmi Elmiwar@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Heshiiska Labada xisbi ee Kulmiye Iyo UCID Go’aan siyaasadeysan oo lagu deg-degay Taladda halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinku waqtigoodi ku qabsooman,…. Shalay ayaa Labada xisbi ee Kulmiye Iyo UCID , Waxa ay shaaciyeen in uu Gabi-ahaanba uu fashilmay shirkii mudo sanad ah u socdey sadexda xisbi qaran ee Somaliland , sidaas awgeed-na ay labadda xisbi UCID iyo Kulmiye oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya oo ka kooban lix qodob, Iyadoo xisbiga WADDANI ay ka maqan-yihiin heshiishkani ay gaadheen labadaasi xisbi, taasi oo ay dhawr jeer ku kala kaceen xisbiyadu kulamo ay yeesheen, sababta uu xisbiga WADANI ugu biyo diiday markasta, kuna dooday ayaa ahayd , in marka hore la kala diro komishanka hadda shaqaynaaya iyo in la kordhiyo xubnaha komishanka doorashooyinka. Heshiiskani shalayna Maaha markii ugu horaysay ee ay yidhaahdan Ucid Iyo Kulmiye doorasho ayaanu wada galaynaa, Balse waa markii labaad laakiin Go’aan gaadhis deg-deg ah , sidoo kale marka eegto tageeradda shacabka iyo sharciyada dalkaba. Lknse suaashu waxay tahay , doorasho uu xisbi qaran ka maqan-yahay suurta-gal ma tahay inay dalka ka dhici karto, Hadaba marka loo eego Qodobada heshiiskan labada xisbi oo keliya ay galeen , Ayaa ah kuwo horseedaaya sidii doorashadu aanay ugaba dhici Lahayn Somaliland , xitaa si lagu wada kalsoon-yahay laakiin markii loo fiiryo guul-darrooyin la xidhiidha Heshiis la,aanta xisbiyadda Qaranka iyo dhinaca Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo laga rabay inuu go’aan ka qaato waxii arrimaha doorashada ku saabsan , Siiba in uu isagu tanaasul ka sameeyo. iyadoo iminka xaaladu ku sii siqayso meel aan arimaha doorashooyinka aan cidi isu joojinayn. Markaan dib ugu noqono Madaxweynayaashii Rayaale iyo Siilaanyo. markay timaado xaalad ama cakirnaaba , waxay ku ku soo dabaali jireen Garnaqsi, Talo-wadaag iyo Isu-tanaasul. Laakiin haddana markaad eegto dib-u-dhacyada iyo kordhinaha inagu soo socda, dee quruumaha dunida ayaa runtii inala yabaaya haddii aan la nimaadno “Heshiis waraabe u taag ah” . Dareenka kala duwan ee Bulshadda Somaliland waxaa uu noqonayaa heshiis siyaasadeysan oo lagu deg-degay ama arin oo loo dhameyn. Dadkuna way ka daaleen dibu-dhicid doorasho iyo muddo kordhin aan xadba lahayn. Ogow, waa xiisaha nolosha in isbedel kolba yimaado. Qaar ka mid ah dadka Somaliland waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin heshiiska cusub ee labada Xisbi oo keliya ku kooban, waxayna sheegeen in lagu degdegay iyo curyaamin doorasshooyin dalka oo waqtigoodii ka dhici lahaa. Waxay tani ina tusaysaa tabcooyinka heshiisyada u dahsoon xukuumadda Iyo danaha laga yeelan-karo dibu-dhacyada doorashooyinka Somaliland. marka la fiiriyo waqtiga doorashada ka hadhay, hawlaha qabyada ah ee ku xidhan, Ayey dadka arrimaha siyaasadda ka faallooda waxay qabaan in taasi ay ku hoos jirto in xukuumaddu ay doonayso : In doorashooyinka golayaasha degaanka iyo baarlamaanku dib u dhacaan si loogu helo muddo kordhin qorshaysan. GEBAGEBO Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi inuu awoodiisa sharci ku faro-galiyo arimaha ay doorashadu u xaniban-tahay ayna tahay isaga masuuliyadiisa in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinku. waxaase xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ka saaran yahay waa madaxweynaha inuu sugo qabsoomida doorashooyinka dalka xiligii loo qorsheeyay iyo Nidaamka doorashooyinka dimuquraadiyada loo maraayo ama ay ku salaysantahay, taasina waxa dooratay bulshada reer Somaliland, una igmaday Madaxdooda inay taabo galiyaan. waxaan leenahay “Taladda halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinka waqtigoodi ku qabsooman”. Adan Yusuf Elmi Qaran News
  4. Sababaha Fashilka Somalia: Siyaasadda Somaliweyn 4.5 iyo Nidaamka Fadaraalka Somalia waxaa loola jeedaa dhulkii iyo dadkii Somaliyeed ee dalka Talyaanigu gumaysanjiray kana xoroobay 1dii July, 1960. Laga soo bilaabo rididii kelitaliyihii Somalia, Janaraal Siyaad Barre, sannadkii 1991 waxaa shacabka Somalia soo wajahay dawlad-xumo, nabadgelyo-xumo, geeri joogto ah, barakac, macaluul, argagixiso iyo faragelin shisheeye. Arrimahaasu waxay qofkasta oo uu ku jiro damiir Somalinimo ku abuureen naxdin iyo werwer joogto ah. Marka la darso sababaha dhabta ah ee ay dawladda Somalia u fashilantay, dalkuna u degila’yahay mudada ku dhow 30 sano isla markaana ay ka taaganyihiin dhibaatooyin joogto ah ee xagga nabadgelyada iyo maamulka dawladnimada, waxaa cad inay fashilkaas ka mas’uul yihiin labada arrimood ee kala ah: Siyassadda Somaliweyn ee 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah. Siyaasadda 4.5 macnahedu waxa weeye in Somalia ay tahay dal ay wada leeyihiin 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) oo aan la kala lahayn lana kala sheegankarin sidaas daraadeedna Baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia lagu saleeyo siyaasadda 4.5 ee Somaliweyn. Siyaasadaasu waxay keentay in dadka Somalia laga faramaroojiyo dawladoodii ay iyagu u soo halgameen oo xoraysteen 1dii July 1960 isla markaana laga hoosaasiyo inay wax qabsadaan. Dadka Somalia waxaa lagu majarahabaabiyaa, lagu hoosaasiyaa laguna jaahwareeriyaa Somaliweyn riyo ah oo aan la garanayn samanka ay hirgelidoonto iyo in kale. Si 5ta Somaliyeed uga qaybgasho dawladda Somalia ayaa waxaa dadka Somalia lagu beerlaxawsadaa in Muqdisho tahay “HOOYADII SOMALIYEED”, sidaas daraadeedna aan la kala lahayn dalka iyo dawladda Somalia. Macnaha Somaliweyn waxaa uu maanta noqday figrad uu adeegsado qof raba inuu xukumo dal iyo dad aanu u dhalan si uu ugu danaysto. Maanta cashuurta Muqdisho oo qudha ayaa lagu boobaa magaca Somaliweyn (Siyaasadda 4.5) iyo nidaamka fadaraalnimada. Dhulka Somalia waxaa Taalyaanigii ka xoreeyay dadka Somalia, sida dadka Somaliland dhulkooda uga xoreeyeen Ingiriiskii, dadka Reer Jabuutina uga xoreeyeen dhulkooda Faransiiskii. Haddii Somalia iyo Somaliland kala noqdeen, maxay siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo madaxda dhaqanka Somalia ilaa maanta u garanla’yihiin inay iyaguna samaystaan dawlad ay leeyihiin si ay uga baxaan dhibaatooyinka ay ku jiraan? Goorma ayay fahmidoonaan ujeedada ka dambaysa figradda “Somaliweyn” oo ah in dawladda Somalia la dhigo raq ay wada cunaan 5ta Somaliyeed, dadka lehna laga hoosaasiyo inay aayahooda ka tashadaan, masiirkoodana gacanta ku dhigaan? Dal aan la kala lahayn lama xukumikaro, dhibaatada lagama saarikaro lamana horumarinkaro. Dal waxaa dhibaatada ka saara oo horumariya dadkiisa oo qura. Dadka ka socda Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya ee ku yimid siyaasadda 4.5 ee naftooda oo qudha matala kuna jira baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka Somalia maxay u qabtaan Somalia? Ma cashuur ayay u keenaan Somalia? Ma ciidan la dagaallama Shabaab, nabadgelyadana ka shaqeeya ayay u keenaan? Marka doorasho timaado Somalia, xagee laga soo dooranayaa? Malaayiinta doolar ee ay qaataan una dhoofiyaan dalalkii ay ka yimaadeen, miyaanay dadka Somalia xaq u lahayn in loogu sameeyo wadooyin, caafimaad, waxbarasho, nabadgelyo iwm? Dadka Somalia maxay u fahmila’yihiin in muddo ka badan rubuc qarni loo soo shaqo tago lagana hoosaasiyo inay wax qabsadaan? Maxay dadka Somalia u garanla’yihiin in dad usoo shaqo tagay oo aan cidna matalin aanay u keenayn Somaliweyn aan jirin? Qofkasta oo Somali ah wuu rabaa inay Somaliweyn run noqoto oo 5ta Somaliyeed inta ay xoroobaan is-wada raacaan dabadeedna ay Geeska Afrika ka dhalato dawlad Somaliyeed oo xoogweyn laakiin waa gacan uur ku jirta lamana garanayo inay hirgeli iyo in kale. Markaas, ma garbaa in Somalia mustaqbalkeeda ku lumiso Somaliweyn aan jirin maanta balse hugun uun ah. Somalidu waxay dhahdaa: “Midho gunti ku jira looma daadiyo midho geed saaran.” Somaliweyn waxaa dishay qabyaalad, markaas sow gar maaha in dantaada la qabsado oo la sugo samanka ay Somaliweyn hirgeli iyo in kale? Figradda Somaliweyn waa u simantahay 5ta Somaliyeed ee maaha mid ay wakiil ama mas’uul ka tahay Somalia oo qura. Gar maaha markaas in Somaliweyn lagu baaba’sho Somalia oo qura. Dadka u dhashay Somalia looma oggola inay galaaan baarlamaanada iyo xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya sababta oo ah uma dhalan. Waxaa hubaal ah in haddii dadka Somalia gacanta ku dhigilahaayeen dawladnimadooda iskuna tashanlahaayeen muddo hore ay ka bixilahaayeen dhibaatooyinka maanta haysta isla markaana ka adkaan lahaayeen Shabaab iskana saarilahaayeen ciidamada Afrikaanka ah. Carta, Imbagaati iyo dawladihii ka dambeeyayba way wada fashilmeen sababta oo ah waxay ku salaysnaayeen siyaasadda 4.5 ee Somaliweyn iyo nidaamka fadaraalka ah ee loo soo dhoofiyay Somalia. Labadaas arrimood midna dan uma aha Somalia. Kooxda u dhalatay Somaliland ee u soo shaqo tagtay Somalia kama wakiil ah mana matalaan Somaliland iyo dadkeeda. Waxay matalaan calooshooda oo qudha. Somaliland waxay leedahay dawlad matasha dadkeeda iyo dalkeeda. Kooxdaas u dhalatay Somaliland ee ku jirta baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka Somalia waxay sii kala fogaynayaan Somalia iyo Somaliland sababta oo ah ummadda Somaliland ayaa u aragta in kooxdaas siyaasad ahaan lagula dagaallamayo qaranimadeeda iyo dawladnimadeeda lagana dhigayo dad aan xaq u lahayn inay ka tashadaan aayahooda iyo masiirkooda. Sida Somalidu ugu kala baxdo 5ta Somaliyeed ayaa Carabtuna ugu kala baxdaa 18 dal oo isku Diin, Af, Dhaqan, Caado, iyo Midab ah. Sida Somalida oo kale lama garanayo goorta ay hirgelidoonto figradda: “Carabweyn”. Sidaas daraadeed, dalna ma oggola in dal kale oo Carbeed ku xad-gudbo dawladnimadiisa si uu u ilaasho masiirka iyo xornimada ummaddiisa. Ninka Reer Masar ah ma gelikaro baarlamaanka ama xukuumadda Urdun. Xataa kama noqonkaro sarkaal ciidan. Masar iyo Suuriya ayaa midoobay 1958 si ay u horseedaan “Carabweyn” laakiinse way fashilantay arrintaasu markii Suuriya ka baxday midnimadii sannadkii 1961. Somaliland iyo Somalia waxay midoobeen 1960 si ay u horseedaan Somaliweyn laakiin arrintaasu waa fashilantay markii ay kala noqdeen 1991. Haddaba, maxaa dadka Somalia waalay oo ay dawladnimadooda ugu loogeen Somaliweyn lagu danaysto maanta? Maxay u samaysanwaayeen dastuur ay leedahay Somalia oo qudha? Ma iyagaa og in Somaliland usoo moqondoonto? Ma iyagaa og in haddii Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya xorooban ay ku soo biirayaan Somalia? Ma iyagaa og in Jabuuti soo raacidoonto? Maxay dadka Somalia aayahooda iyo masiirkooda uga tashanwaayeen oo u dhisanwaayeen baarlamaan iyo dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha sida Jabuuti iyo Somaliland? Maxay masiirkooda u dhexdhigeen 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) oo aan la ogayn inay isu iman iyo in kale? Dadka Somalia miyay ka wadaninimo yaryihiin Somalida kale? Xaaladda daran ee Somalia maanta ku jirto waxaa ka faa’iida hay’adaha ajanabiga ah iyo ciidamada Afrikaanka ah oo ay ku baxdo boqolaal malaayiin dollar sannadkasta oo aan rabin in Somalia hagaagto. Dal waxaa hagaajinkara dadkiisa oo qura. Arrinta nidaamka fadaraalka iyaduna waxay curyaamisay Kala dambaynta dawladnimada Somalia isla markaana dhaawacday midnimada shacabkeeda oo u sii kala qaybsamay qabaa’il sida ay siyaasadda 4.5 u curyaamisay dawladda dhexe ee Muqdisho kana dhigtay waxaan la kala lahayn oo ku dhisan jaahwareer iyo danaystinimo Somaliweyn. Somalia dadkeedu waa isku Af, isku Diin, isku Dhaqan iyo isku Midab, sidaas darteedna uma baahna nidaam fadaraal ah sida dalkasta oo Carbeed aanu ugu baahnayn nidaam fadaraal ah. Nidaamka fadaraalka ah waxaa loogu talagalay oo u baahan dad aan Diin, Af, iyo Dhaqan wadaagin sida dalka Itoobiya. Somalia uma baahna nidaamka fadaraalka ah sababta oo ah waxaa uu kala geeyay dadkeedii wada dhashay ee walaalaha ah kuna sii kala fogeeyay qabyaalad. Bal hadda eeg Gaalkacayo oo u qaybsan laba maamul goboleed (Puntland iyo Galmudug). Waxaa Somalia yeelatay 5 madaxweyne oo aan adduunka ka jirin arrintaas oo uu u keenay nidaamka fadaraalka ah ee loo soo dhoofiyay Somalia oo la rabo in lagu burburiyo Somalia oo aanay dib dambe u soo kicin, cadowgeeda jaarkuna si fudud u qabsado. Fadaraalnimadu waxay Somalia u keentay kala dambayn la’aan iyo kala qaybinta shacabka halka siyaasadda 4.5 u keentay dal iyo dawlad aan la kala lahayn, labadaas arrimood oo ah burburka dawladnimada Somalia. Haddii aanay ummadda Somalia dhakhso uga takhalusin siyaasadda 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah oo galaaftay dawladnimadii Somalia lagama yaabo in dawlad midaysan ka dhalato Somalia oo soo celisa dawladnimadii iyo nabadgelyadii Somalia kana adkaata Shabaab sababta oo ah kuma jirto gacmo dan u ah Somalia. Waxaa habboon in dadka Somalia qabsadaan Shirweyne Qaran oo ay ku heshiiyaan isla markaana ka takhalusaan siyaasadda 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah ee curyaamiyay una horseeday dawlad aan la kala lahayn oo ku dhisan danaystinimo, kala dambayn la’aan iyo qaybsanaan. Dabadeedna dhistaan dawlad ay baarlamaankeeda, xukuumadeeda, garsoorkeeda iyo ciidamadeeda ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha. Waxaa kale oo muhiim ah in gobollada Somalia lagu soo cesho gobollo caadi ah sidii ay ahaanjireen isla markaana loo magacaabo guddoomiyayaal gobollo hoos yimaada dawladda dhexe sida ay yihiin Somaliland iyo Jabuuti. Haddii Somalia dhisato dawlad ay iyadu leedahay, waxaa hubaal ah in wada hadalada Somalia iyo Somaliland ay midho dhalaan la iskuna soo dhawaado. Kuwa maanta ku baaqaya midnimo dhexmarta Somaliland iyo Somalia waxay rabaan inay Somaliland ku ridaan godka weyn ee Somalia ku dhacday oo ah dawladnimo aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) kuna dhisan siyaasadda 4.5 iyo nidaam fadaraal ah oo keenay kala qaybin iyo kala dambayn la’aan lumisa dawladnimada. Somaliland ismay raacin 5ta Somaliyeed 1960 balse waxay is-raaceen Somalia oo qudha, waxayna wadahadal la gelaysaa marka ay dhalato dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha. Somaliweyn wax-ma-wada laha, qolo kasta iyada ayaa iska leh dhulkeeda iyo dawladnimadeeda. Somaliland waxaa leh dadkeeda oo qudha oo xoraystay. Somalia waa in dadkeeda xoraystay uu yeeshaa kana baxdaa siyaasadda 4.5 ee dawladii Somalia ka dhaxaysiisay 5ta Somaliyeed iyo fadaraalka kala irdheeyay. Somalia waxaa fashilkeeda mas’uul ka ah Siyassadda Somaliweyn ee 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah. Allaahumma Balaqtu, Wa Billaahi Towfiiq Ibrahim Hassan Gagale April 25, 2019 Show quoted text Qaran News
  5. Nairobi (Caasimada Online)- Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacaya doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana doorashadaasi ay tahay mid isha lagu wada hayo dadka ku tartami doono. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale isha ku haysa doorashada, waxaana socota kala xod xodashada Musharixiinta ku tartameysa doorashada Kismaayo, iyadoo madaxweyne Axmed Madoobe markaan uu wajahayo tartan adag. Dowladda Kenya ayaa dhankeeda Door iyo saameyn ku leh doorashada magaalada Kismaayo, maadaama ay doonayaan inuu hogaanka qabto ruux ay taageersan yihiin, iyadoo ay faragelin weyn ku hayaan deegaanada maamulka Jubbaland. Haddaba Yey yihiin Musharixiinta tartanka la gali kara Axmed Madoobe iyo saameynta dowladda Kenya? Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi, musharixiintaasi waxaa ku jira wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo ruux ay isku xisbi ahaayeen Axmed Madoobe oo magaciisa lagu koobay Sheikh Daahir, waxaana labadooda ay isku reer yihiin Axmed Madoobe. Axmed Madoobe awood ayuu ku leeyahay deegaanada Jubbooyinka, waxaana kale oo uu heystaa awood dhanka meletariga ah, dhaqaalo iyo saameyn awooda Jubbaland ah, Axmed Madoobe ayaa dhibaatooyin kale kala kulmi kara qabiilada kale wuxuuna isku dayayaa inuu dajiyo xaalada iyo culeesaadka ka heysta qabiilada kale. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si uu taageero kaga helo. Siyaasadda Soomaaliya waxaa saameyn ku leh qabiilada, waxaana Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe uu ahaa mid diirada lagu saaray tabashooyinka beelaha kale ay ka qabaan maamulka Jubbaland. Cabdirisaaq Fartaag oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, islamarkaana dhowaanahan ku caan baxay dhaliilihiisa ka dhanka ah nidaamka maaliyadda Soomaaliya, ayaa ka mid ah xubnaha rajada ka leh inay booska ka riixdaan Axmed Madoobe, Si kastaba, Fartaag, wali ma uusan cadeyn inuu musharax yahay “Waxaan go’aan qaadan doonaa seddexda ilaa afarta isbuuc ee soo socda”ayuu Yiri Mr Fartaag oo la hadlay wargeyska Daily Nation oo kasoo baxa dalka Kenya. C/Wahaab Sheikh Cabdi oo la taliye ka ah xarunta talo soo jeedinta Bariga Africa ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu culees badan ka heysto dhanka qabiilada, isaga oo garab ka helaya Kenya oo dhabarka ka taagan. “Qabiilada kale ayaa isaga kasoo horjeeda, waxay aamisan yihiin inuu helayo taageerada Kenya, laakiin haddii doorashada ay tahay mid cadaalad ah oo madax banaan wuu guul dareysan doonaa”ayuu yiri C/Wahaab. DANAHA KENYA Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa marar badan lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo cambaareyn la xiriirta dhanka ganacsiga magaalada Kismaayo. Qabiilkiisa ayaa lagu eedeeyay inay qabiilada kale ay ka leexsadeen Dhaqaalaha iyo nidaamka dowladnimada. “Kenya muddo badan ayay daneyneysay inay hagto mabaadii’da Jubbaland, Ma dooneyso in dadka colaadaha ah ay la wareegaan hoggaaminta Deegaanka”sidaa waxaa yiri Prof Macharia Munene oo ah falanqeeyo siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Golaha ku meel gaarka ah ee militariga dalka Suudaan ayaa shaaciyay in saddex kamid ah xubnihiisa ay is casileen gelinkii dambe ee Arbacadii shalay si looga jawaabo cadaadiska dibad-baxayaasha oo ku eedeeyay saddexdaasi xubnood in ay ka tirsanayeen maamulkii dhacay ee Omar al-Bashir. Xubnaha iscasilay waxaa ku jira guddoomiyihii guddiga siyaasadda ee golaha ku meel gaarka dalkaasi maamula Omar Zainal Abideen iyo laba sarkaal oo kale sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha. Isbahaysiga xorriyadda iyo isbeddelka oo kamid ah dhinacyada hoggaaminaya dibad-baxyada ka socda waddanka Suudaan ayaa durbadiiba soo dhoweeyay iscasilaadda xubnahaasi oo ay ku tilmaameen “haraaga nidaamkii hore”. Isbahaysiga ayaa sidoo kale ogolaaday in ay la fadhiistan golaha ku meel gaarka ah ee militariga maadaama sida ay sheegeen meesha ay ka baxeen xubnihii ay diiddanaayeen ee ka soo shaqeeyay nidaamkii hore. Dhinacyada kale ee kacdoonka Suudaan ayaa iyana la sheegayaa in qaarkood soo dhoweeyeen islcasilaadda saddexda xubnood ee lagu eedaynayey nidaamkii hore balse weli lama xaqiijin in ay ogolaan doonaan wada-xaajoodka militarigu ku baaqay. PUNTLAND POST The post Saddex kamid ahaa golaha maamula Suudaan oo lagu khasbay in ay iscasilaan appeared first on Puntland Post.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Xafiiskooda kulan kula qaatay xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, oo shalay soo saaray heshiis ay ka gaadhen khilaafka doorashooyinka Somaliland. Gudida Doorashooyinku kulanka ay la qaaten labadan xisbi ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnayeen oo warbaahintuna dibed joog ka aheyd, iyagoooo kaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa qabsoomida doorashooyinka. Kulankan ayaa sidoo kale si gaara looga wada hadlay Go’aankii ay shalay wada gaaren xisbiyadda Kulmiye iyo Ucid, inkastoo xisbigii Waddani uu isagu go’aankas meel adag iska taagay, kaasi oo ku baaqayna in la kala diro gudida doorashooyinka ee waqtigan. Wararka aan ka helayno kulankan ay yeeshen labadan xisbi iyo gudida doorashooyinku ayaa sheegaya inuu kusoo dhamaaday is-fahan, inkastoo guddida doorashooyinku ay walaac badan ka muujiyen maqnaashaha xisbiga Waddani, iyagoo u balamayna kulan dambe oo ay iskugu yimaadan. Dhinaca kale, Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee Waddani ayaa isagu maanta cadeeyay inaanay jirin laba xisbi oo kaligood doorasho qabsan karaa, wuxuuna ku tilmaamay mid laga xumaado in go’aanka ay gaadhen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid. Khilaafka xisbiyada u dhaxeeya ee ku aadan Doorashooyinka Somaliland ayaa ah mid in badan soo noq-noqday oo Bulshada reer Somaliland ku abuuray jahwareer, iyagoona u hanqal taagaya halkuu sal dhigan doono khilaafka ka taagan doorashooyinka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa xabsiga kasii deysay labo hablood oo u dhashay dalka Canada, kuwaasi oo asal ahaan kasoo jeeda Somaliland sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Caalamku. Labadan hablood ayaa lagu kala magacaaba Maymona Cabdi oo da’deedu tahay 28-jir iyo Karima Watts oo 24-jir ah, ayaa la xidhay saddex bilood ka hor, kuwaasi ciidamada boolisku ay kasoo qabteen guri ku yaala Hargeysa. Labadan hablood ayaa markii hore waxay ka imaaden magaalada Ottawa ee dalka Canada, hablahan ayaa waxa xarigooga ka dambeeyay kadib markii lagu eedeyay inay cabeen khamri, kaasi oo ka mamnuuc ah deeganada Somaliland. Jason Jeremias oo ka tirsan Hay’add ka shaqeysa xuquuqal insaanka oo fadhigeedu yahay New York ayaa sheegtay in Maymona Cabdi ay Somaliland u tagtay si ay gacan uga geysato dumar dhibaatooyin dhinaca Genderka ah la kulmay. Qareenka u doodayey labadan hablood ayaa wuxuu sheegay in lagu xukumay labadooba min labo sanadood iyo badh xabsi ah, balse ay midaas uga badbaaden kadib markii xariga loo iibiyey. Hooyada dhashay mid kamid ah labadan hablood ee saaxiibka ah ee u dashay dalka Canada, ayaa dhowaan ka codsatay dowlada Canada inay ka caawiso sidii hablaheeda loo sii dayn lahaa oo looguna soo celin lahaa dalkooda Canada, waxaanay tilmaantay hooyada dhashay hablahan oo la yiraahdo Fahima Hassan in dowlada Canada ay ka codsaneyso inay la xiriiraan xukuumada Somaliland oo ay kala hadlaan sidii loo sii dayn lahaa hablahaasi. “Waxaan doonayaa in gabadheyda ay timaado dalkeeda Canada. Waxay wajahday waxyaabo badan, Maymona iyo Karima ayaa labaduba waxay ku dhasheen oo ay ku koreen Ottawa-Canada, waxeyna ahaayen saaxiibo. Markii Karima hooyadeed dhimatay waxay soo raacday inantayda oo ay saaxiib ahaayen”. ayey tiri hooyada dhashay Maymona oo la hadleysay warbaahinta dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa shalay kulan la qaatay Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya Colonel Matt Munro. Kulankan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayey Wasiirka gaashaandhiga Taliyaha ciidanka Somaliland S/G Nuux Ismaaciil Taani iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada Maxamuud Cabdirisaaq iyo masuuliyiin kale oo ka kala socotay hay’ada Axiom iyo taliska ciidanka. Kulankani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan Wasiirka cusub ee waasaaradda gaashaandhiga iyo Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya, kaasi oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya dawlada ingriiska iyo Somaliland. Sidoo kale kulankan ayaa lagaga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayeynta iyo tababarada dhanka aqoonta ee ciidanka Somaliland, iyo sidii ay kaalin mug leh uga qaadan laheyd dowladda Ingiriisku dhisida aqooneed ee ciidanka iyo howl-wadeenada wasaaradda gaashaaandhiga Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Sawirkani hoos yaalaa waa mid ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan Hargeysa Somaliland oo tacadi loo gaysanaayo waxana uu aad u xulay baraha bulshada. Waxa aad la isu waydiinayaa ninka maamulkiisu waxaas samaynayaa ma Siyaad Baraa mise waa Muuse Biixi? Qaran News
  11. “Ma mucaarid baan ahay haddaan XAQQA ku maansoodo?” Erayo iga Raacay soo Dhoweyntii Madaxweyne Biixi ee Salaadiinta B. Sanaag Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Waxaa aan ka hayaa, AUN Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab),”ma xiniin yahay moodayaan muunad na la saaray, maalshiyo haddaan mililka duro, malow miyay fuuli, ma mucaarid baan ahay haddaan Xaqqa ku maansoodo?” Maansadan waxaa uu tiriyay kolkii uu arkay calankii sudhnaa Buuhoodle oo idlaaday, lana waayay wax lagu beddelo calalka. Dulucdu waxaa ay daarranayd toosin aan dalab lahayn taasoo ay tahay inuu halqafo masuul kastoo shacabka xil u haya. Kow, waxaa aan bogaadin martiqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay qayb ka mid salaadiinta Bariga Sanaag. Inkastoo dadka qaarkood u maleeyeen mid lagu kala qaybinayo reerka, dad badan ayaa u araka Madaxweynahu in uu ku fooggan yahay sidii Beeshu ugu soo dhamman lahayd ka qayb qaadashada curashada Somaaliland cusub. Isla sidaa, waxaa qaba salaadiintii oo si dhab ah u xambaaray farriintii Madaxweynaha, xilna iska saaray fulinta waxii ku soo hagaagay. Madaxweynahu, waxaa uu ku soo dhoweeyay salaadiinta, weedho ay ka mid ahaayeen: “Soddon sannadood dad kala gar-bixi waaya, oo in yariba meel ku oodnaato, innaguun (Somaali) baa la hayaa….” “Waxaa la yidhaahdaa qolada Somaaliland joogtaa, waxay doonayaan dawlad yaroo qolo leedahay, war sidaa maaha….” “Somaaliland oo aan isu dhammayn ma dhismayso, waxaa la innooga baahan yahay in Somaaliland aan wada dhisno Somaalidii kalena aan u gurmanno…” “Waxaan doonaynaa Somaaliland aynu u siman nahay, arrinkeeda, adduunkeeda, iyo taladeedaba….” Erayadu waxaa ay yididiilo geliyeen qof kastoo lexejeclo ka lahaa dalka. Haddii, ficil loo rogona, waxaa ay horseedi doonaan dhismaha Somaaliland mid ah. Arrinka, Madaxweynahu waxaa uu soo taagay meel laga sii ambaqaadi karo. Gobna xurmo ayaa deeqda. Waxaan aan ka ducaynaynaa in aanay innaga noqon sabaaladii 20ka sannadood soo jiitamaysay. Runtii, dulqaadka dadku waxaa uu marayaa gabaabsi. Waxaa aan ka mahad celinaynaa, maanta, haddii indhahii Madaxweynahu ay qabteen degaankii Bariga Sanaag. Waxaa uu ballan-qaaday gurmad loo fidiyo dadka iyo xoolaha abaarahu tabaaleeyeen. Arrintaa degaanku waxaa uu ku ilaabay, waxii hore u baaqday. Dad iyo degaanba waxaa deeqay erayadii Madaxweynaha, “hoo na waa naga intaa, hagarna waa naga Wallaahi”. Sidoo kale, waxaa aan ka mahad naqaynaa, in uu Bariga Sanaag ugu baaqay mudnaanta kowaad ee horumarinta dalka. Waxaa loo aayi doono waxii gala degaankaa. Dadkuna waxaa ay gudi doonaan abaalka qarankoodu u galay. Dhinaca kale, hadalkii Madaxweynaha, waxaa iga raacay dhowr eray oo u baahan in la is kor taago. Waxaa uu sheegay dadku in ay leeyahiin waxii ay goostaan. Sax. Ogow, muwaadinnimadu qof kasta waxaa ay u goysaa in uu dalkiisu ku helo nabad, aqoonsi, diiwaangelin, codayn, is-sharraxaad, saami qaybsi, jagooyin sare, shaqo gelin, iyo dhismaha iyo horumarinta degaankiisa. Intaaba waxaa ay yahiin xuquuq aanu marti ka noqdon karayn muwaadinku. Waxaana xil ka saaran yahay xukuumadda. Madaxweynahu waxaa kale oo uu ku tiraabay, “ciidan idin ku filan, kiinana tababara oo ay ka mid noqdaan, waa diyaar. Waana idin dhow yahay. Ciidan dadka kala badbaadiya, cadowgana ka badbaadiya.” “Maamulka in aan dhisno, markaan isla garano oo amaan uu helno badhasaabkii, badhasaab gurigiisa jooga, gaadhigiisana laga dhacayo dee siduu wax u maamulayaa, waa in laga adkeeyaa…… Ileyn xabaal buuxin maynee.” Degaanka waxaa taalla nabad. Waxbana ka ma jiraan Badhasaab gaadhigiisii laga dhacay, xaasha. Balse, warxumo tashiilka Madaxweynaha u gudbiyay eedda uu beesha u soo jeediyay, ayaa ku kala dhex jira xukuumadda iyo degaanka. Dhismaha maamulkuna ma aha in uu shuruud galo. Keliya, waxaa loo baahan yahay ku dhac iyo hagar la’aan hoos loogu daadejiyo lixda dagmo ee degaanka. Mudnaanta waxaa la siin doonaa dhismaha xafiisyo maamul, wasaarado, saldhigyo boolis, maxkamddo, iyo xabsi dhexe. Dadku iyaaga ayaa u jeellan maamulka, gacanna ka geysan doona. Sidaa awgeed, waxaa aan tebayna talo. Talo iyo iskaashi lagaga badbaado isku dhaca ka dhasha ciidamada is hor fadhiya Yubbe. Talo iyo kalsooni keenta in la aamino Ciidamda Bariga Sanaag, la qalabeeyo, loona ekayso kuwa la midka ah. Talo, in la qarameeyo waxii ka dhiman iyadoo lala tashanayo ergada salaadiinta. Gobolka, waxaa ku sugan guutooyin qaramaysan, kana soo jeeda Bariga Sanaag. Waxaa ay leeyahiin Janan, Korneello, Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo Dablay, intaba. Waxaana fadhiisimo u ah Yubbe, Carmaale, Xingalool, Ceelbuh, Badhan, Laasqorey, Ceelaayo iyo Dhahar. Hase ahaatee, ciidankaa, muddo aad u dheer, waxaa ay ku sugnaayeen dulmi iyo duudsi. Maantana, haddii la dulgeeyo ciidan wax kasti u dhan yahiin, waxaa ay dhoolatus iyo yesmo ku tahay iyaga iyo dadka degaankaba. Ciidamadaa, intooda badan waxaa lagu tilmaamo kuwa ugu fiican Gobolka. Balse, faro ku tiris ayay derajado ku gaadhay. Waxaa la iska hortaagay in ay waxbarasho saraakiil u tagaan Itoobiya. Waxaa ka reebban in uu gacantooda galo gaadiidka, hubka iyo saanadda Qaranku. Xattaa, waxaa laga lexe-jeclaystay dirayska. Waxaa ay ku dhaansadaan dameero. Saldhigga Ilaalada Xeebta ee Laasqorey, isaguna, waxaa uu ka arradan yahay wax walba, halka sadeexda saldhig ee kale ay u dhan yahiin. Waxaa ka taliya Gaashaanle, dableydii uu soo xukumi jiray qaarkood ay ka raran yihiin Gaashaanlayaal Sare. Sarkaalkaa kuma uu hadhin aqoon, waayo-aragnimo iyo karti toona. Balse waxaa reebay haybtiisa. Guutada 116aad oo ka mid ah ciidankaa, waxaa ay dhowr bilood ku kala dhex jirtay beelaha jiidda Ceelafweyn iyagoo ku lahaa magac iyo haybad. Isla markaa, waxaa ay kasbadeen kalsoonidii beelahii shaqaaqadu dhex martay. Se, waxaa aan xasuustaa, maalmahii ugu danbeeyay, waxgaradka reerku in ay ka odayeeyeen dejinta qaar ka mid ah ciidanka oo ka gadooday sida loo dayacay iyo isku filaanshaha ka shaacayay ciidamada dhiggooda ah. Waxaa, iyana, xusid mudan, maalmahii 18 May 2018, Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Laasqorey, in uu gacanta ku hayay nabadgelyada Ceerigaabo, magaala madaxda Sanaag. Nasiib-darro, rasaasta uu hawsha ku fulinayay, waxaa uu ka amaahday ciidan dhiggiisa ah. Sidoo kale, Guutada 93aad waxaa ay ku dhereran tahay Xingalool ilaa Dhahar. Waxaana ay ku filnaan lahayd sugidda nabadgelyada xuduudaha, haddii ay heli lahayd waxa ay haystaan ciidamada asaagood. Madaxweynahu waxaa uu salaadiintii u sheegay in QALBIGA la iska aamino. Sidaa darteed, waxaa habboon xukuumadda, weliba taliska ciidanka, in ay QALBIGA u sii daayaan cidankooda ku sugan Bariga fog. Suurtagal ma aha “Dudumo” in la dugsado iyo la dareensado. Qoddobada aan soo sheegay haddii ay helaan tixgelinta ay mudan yahiin, waxaa hubaal ah ciidanka qaranku in uu ka hillaaci doono xuduudaha, iyadoo aan loo sadqeyn qof keliya. Waxaa aan ognahay, xattaa ciidamada innaga soo horjeeda oo hadda beelaysan, qalbigoodu in uu u soo jeedo xaggeenna. Balse, waxaa ay la maqan yahiin gacan-bidixayntii kaga dhacday taliska ciidanka. Gunnaanad: Rasuulka Allah (NNKA) waxaa uu yidhi, “xikamaddu (talada fiican) waxaa weeye baadi ka maqan Muuminka. Meel kastoo uu ka helona, isagaa xaq u leh”. Mar kalena, waxaa uu yidhi (NNKA), “Hoggaamiye kasta waxaa ku lammaan la taliyayaal (waxgarad) nasteex u ah iyo kuwo jar ka tuura. Waxaana dhowrsoon kii uu Allah dhowrayo”. Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa todobaadkii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku wargeliyay fariin digniin ah oo uga timid Xildhibaano ka badan 100 qof . Fariintaan digniinta ah oo ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wargeliyay Guddi Xildhibaano ah, kuwaas oo wakiil ka ahaa Xildhibaano kale iyadoo Guddoomiyaha laga dalbaday in uu Jawaab deg deg ah ku soo celiyo. Fariinta digniinta ah ee ku wajahan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa aheyd in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu aqbalo Mooshin Xil ka qaadis ah oo ay saxiixeen tiro ka badan 110 Xildhibaan, kuwaas oo damacsan in ay Kalsoonadi kala noqdaan Raysal Wasaaraha Soomaaliya hadii uu diidana ay Xildhibaanada Mooshin ka keeni doonaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ama Madaxweynaha Soomaaliya. Arintaan ayaa todobaadkii hore baajisay dhowr kulan kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ka cudur daartay ku jawaab celinta Xildhibaanadii fariinta u dhiibay, isagoo u sheegay in uusan helin Jaanis uu kula shiro Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa saacadihii la soo dhaafay arintaan ogaatay, waxaana u xaqiijiyay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Xubno dhowr qof ah oo katirsan Golaha Shacabka. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa arintaan ka shiray. waxaana la sheegay in uu Guddoomiye Maxamed Mursal Madaxweynaha ku wargeliyay Mooshinka uu haayo ee ka dhanka ah Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre. Mursal ayaa la sheegay in Madaxweynaha kula taliyay in Raysal Wasaare Kheyrre baarlamaanka hortago oo uu iska difaaca Mooshinka. isagoo diyaarsanaya Wasiiradiisa iyo Saaxiibada uu ku leeyahay Golaha Shacabka. halka Madaxweynaha uu dalbaday in uu ka soo laabto safar uu ku aadayo Masar iyo Eritrea waana socdaalka uu hada ku marayo wadamo kamid ah Afrika. Lama oga sida uu u qaabilo doono Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaanadaan ku kacsan Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre. kuwaas oo doonaya in uu Raysal Wasaaraha baneeyo hey’adda fulinta maadaama uu soo joogay muddo kabadan 2 sano. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Dood Ka Yeeshay Xuduudaha Somaliland Iyo Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hindiya)-Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, Sunny Deol ayaa talaadadii ku biiray xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP). Atoorahan siyaasiga isku baddalay oo kasoo jeeda magaalada Gurdaspur, oo ka tirsan gobolka Punjab ayaa u tartami doona inuu xisbiga musharrax ugu noqdo xilka kursiga baarlamaanka, waxaana booskaas kula loollamaya Kirron kher oo kasoo jeeda Chandigarh. Jilaaga ayaa tallaabo u qaaday inuu kasoo jeesto xisbiga talada haya, isagoo raacaya raadkii aabihiis Dharmendra. “Sida uu aabahay Dharmendra ula saftay Vajpayee ayaan aniguna ula safanayaa Modi”, ayuu yidhi mar uu ka hadlayay sababta uu u qaatay go’aanka ku saabsan inuu siyaasadda ku biiro. “Wax badan ayuu Modi u qabtay dalka wuuna nasii hormarin karaa. Waddanku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye isagoo kale ah”. Sunny Deol, oo hadda 62 sano jir ah ayaa sheegay in howl walba oo uu qabanayo inta uu siyaasadda ku jiro ay noqon doonto mid qalbigiisa kasoo go’day. Wasiirka gaashaan dhigga, Nirmala Sitharaman, oo jilaagan kusoo dhaweynayay siyaasadda ayaa yidhi: “Waan ku faraxsanahay inaan xisbiga BJP kusoo dhaweeyo jilaagan caanka ah, howlkarka ah, geesiga ah, isagoo da’ yarna xirfaddiisa ay heer sare ahayd”. Hoggaamiyaha xisbiga, Piyush Goel, oo isagana dib u milicsanayay sida ay qoyska Deol usoo garab istaageen xisbigan ayaa soo hadal qaaday sida uu aabihiis isagoo xanuunsan u aqbalay inuu u tartamo kursiga baarlamaanka ee Bikaner, sannadkii 2004-kii, uuna si weyn ugu guuleystay. Sunny Deol aabihiis, Dharmendra ayaa kursiga baarlamaanka u matalayay magaalada Bikaner ee gobolka Lok Sabha, intii u dhaxeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2009-kii. Doorashadan hadda socota, Dharmendra wuxuu dhowr jeer fagaareyaasha kasoo muuqday isagoo u ol’oleynaya xaaskiisa Hema Malini, oo hadda ah xildhibaanka magaalada Mathura. Deol, waxa uu madaxweynaha xisbiga BJP oo lagu magacaabo Amit Shah la kulmay isbuucii lasoo dhaafay. Sunny Deol ayaa xirfaddiisa jilitaanka filimada ee shirkadda Bollywood-ka kusoo jiray muddo ka badan 30 sano, wuxuuna dadka filimada daawada ku reebay xasuus lama illoobaan ah. Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah Betaab, Border, Damini, Gadar iyo Ghayal. Jilaagan ayaa hadda sugaya in lasii daayo filim uu dhawaan dhameystiray oo lagu magacaabo Blank, kaasoo uu ku matalay sarkaal madax u ah ciidanka la dagaallanka argagixisada. Dhammaan 13-ka kursi ee baarlamaanka gobolka Punjab ayey doorashadooda dhici doontaa 19-ka bisha May ee soo socota, waana wajiga ugu dambeeya ee doorashada dalka Hindiya. Natiijada waxaa lagu dhawaaqi doonaa 23-ka isla bisha May, xilligaas oo la ogaan doono in Sunny Doel uu kursigaas ku guuleystay iyo inkale. Jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Govinda ayaa horay ugu biiray baarlamaanka Hindiya, inkastoo markii dambe uu ka baxay siyaasadda, isagoo u sababeeyay inay tahay meel lagu caajiso oo aan dhaqaale fiicanna laga helin. Govinda ayaa la sheegaa in uusan ka qeyb gali jirin kulamada baarlamaanka, wuxuuna sida lagu dhaliilo aqalka kasoo muuqday dhowr jeer oo kaliya. Source
  15. Hogaamiye Xirsi Xaaji Xasan wuxuu Dooddii kaga Adkaaday Maxamuud Xaashi Hogaamiye Xirsi badheedhihii uu doodda kaga qayb-galey, waxay aheyd (waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin). Ex Wasiir Maxamuud Xaashina wuxuu taagnaa halkii Nuur Xaashigii yidh: Wallaahi xayntuna ha iska-oontee inaanu runta sheegi. Saaxibayaal waxaan isku dayi doonnaa in aan falan qayn kooban ku sameeyo Dooddii xiisaha badneyd ee todobaadkan, Hargeysa lagu qabtay ee lagaga doodayey wada hadaladii Soamaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday ee hakadka galey. Somaliland ma waxay dani ugu jirtaa in ay wada hadaladaasi sii socdaan mise in halkaa lagu joojiyo? Doodan xiisaha badneyd waxa ka qayb galey Lixda siyaasi ee kala ahaa: 1: PROF Axmed Ismaacil Samatar 2: ENG Maxamed Xaashi Cilmi 3: Sucaad Carmiye 4 : PROF: Abyan 5: Ex Wasiir Maxamuud Xaashi 6: Hogaamiye Xirsi. Haddaba saaxibayaal waxaan falan qayntan ku soo koobayaa doodii dhex martay. Hogaamiye Xirsi iyo Ex Wasiir Maxamuud Xaashi sababta aan labadooda u doortay waxay tahay labadooduba waxay ka tirsanaayeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waana labada xubnood ee kaliya ee dooda ka qayb galey ee wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya ka qayb gali jiray markaa labadooduba waxay goob joog u ahaayeen sidii ay wax u dhaceen. In kasta oo afarta xubnood ee kale ee dooda ka qayb galeyba ay ahaayeen dhammaantood dad leh miisaan siyaasadeed haba ugu horeeye PRO Axmed Ismaacil Samatar sidaa darteed Ayaan u doortay in aan is bar bar dhig ku sameeyo doodii hogaamiye Xirsi iyo EX Wasiir Maxamuud Xaashi. Hogaamiye xirsi waxa uu si aan gabasho lahayn ugu dooday in xukumadii uu ka tirsnaa ee Siilaanyo ay ku saxneyd inay wada hadal la furto Somaliya iyo waliba faa’dooyin la taaban karo laga helay iyo in wada hadalada la sii wado. Doodani waxay waafaqsan tahay intii uu xirsi markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa ummda u sheegi jiray. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu ku dooday in wada hadaladii Soamliland iyo Soomaaliya ay noqdeen ma dhaleys laguna khasaarey wax faa’iido ah oo Somaliland ay ka heshayna aanu jiri wada hadalkaasi. Hadalkani waxa uukhilaafsanyahay Maxamuud Xaashi markii uu Wasiirka Duulista ahaa iyo markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa wixii uu ummada u sheegi jiray. Haddaba, marka aynu eegno doodii dhex martay labadaa Wasiir ee hore ee ka wada tirsanaa xukumadii hore xogogaalkana ahaa aynu falan qayno waxay aniga iila muuqadtaa sidan: Hogaamiye Xirsi wuxuu si geesinimo leh u difaacay mawqifkii ama rayigii uu ka rumaysnaa wada hadaladii u socday Soamaliland iyo Soomaaliya waana calaamada muujineysa in uu yahay siyaasi aan ka gabanin waxa uu rumaysan yahay waxana laga hayaa Alle ha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi doodiisii waxay ku saleys neyd sida dadka qaarkii aaminsan yahay oo ah mar haddii ay xukumadi Meesha ka baxdo Madaxwenuhuna xilka ka dago in la difaaco in aanay faa’iido ku dhex jirin isaga oo Maxamuud Xaashi isku qanciyey in aanu Siilaanyo Maanta madaxweyne aheyn isaguna aanu Wasiirkii Madaxtooyada aheyn. Sidaa darteed wuxuu isticmaaley maah maahdii aheyd (Nin bari ayaa socod ku roon) ee wixii eed ah u sii xambaari Madaxweynihii xilka ka dagay ee Siilaanyo iyo xukumadiisii oo uu ku calaamadiyey in ay Soamliland u hor seedeen wada hadalo lagu khasaarey oo ma dhaleys noqday sidoo kalena waxa ka muuqatay raali galin badan oo uu u hayey madaxweynaha hada xilka haya Mudane Muuse Biixi iyo xukamadiisaba oo iyagu shaki badan ka qaba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa qisadan soo socota . Nin oday ah, (oo xayn yar oo adhiya lahaa) ayaa maalin maal-maha ka mida, waxaa markhaati been ah, u qabsaday odaygii lahaa barkada ay xayntan adhiga ahi ka cabto oo waliba si bilaash ah ama lacag la’aan ah odayga xaynta yar haysta loogu waraabin jiray. xilliguna waa jiilaal oo biyo la‘aan badan baa jirtay xayntii yareyd-na kalkeedii-baa taagan oo waxay u sii jeedaa xaggii barkada markaasaa odaygii barkada lahaa intuu waxaan jirin sheegay amma arrin aan dhicin sheega- iyada oo meel makhaayada la wada fadhiyo ayuu yidhi: Qoodhii iyo xeradiin-ba waakan I hor fadhiyee Nuur Xaashi-ba waydiiya isaggaa markhaati goob joog ka ahaaye, Nuur Xaashi mar xayntii yareyd iyo biyo la’aantii jirtay ayuu eegay marna xaga Ilaahey buu eegay iyo markhaatiga beenta ah, ee loo qabsaday dabadeed hadalkii uu Nuur Xaashi naftiisa kula faqayey ayaa dibadda u soo baxay oo la maqley si aan ku talo gal aheyn, waxaanu yidhi: wallaahi xayntuna ha iska oontee inaanu runta sheegi. Nin oday ahaa oo goobta fadhiyey oo barkada eeryada ugu wayna lahaa ayaa dhaar iyo xilo fur ku maray oo yidhi: Nuur Xaashiyoow intaan Noolahay xayntaadu waxay ka cabeysaa barakadayda ee runta sheeg Nuur Xaashina sidii buu runta ku sheegay oo markhaatigii beenta ahaana kaga badbaaday Hadaba qisadan waxaan u soo qaaday siyaasiyiinta Soomaalida ah ee wixii ay shaley markay xilka hayeen sheegayeen wax ka duwan Maanta dadka u sheega. Qallinkii: C/risaaq Suudi Nuur Tell: 4425243 Email: suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
  16. (SLT-Hargeysa)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Cali Khaliif Galaydh Oo Loo Ogolaaday Dood Ay Ku Qabanayaan Magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Somaliland: Waddani Chair Returns After Prolonged Absence. Hargeisa,(Qaran news)-The chair of Somaliland’s main opposition party, Waddani, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” returned home after more than three months overseas. The former speaker of the Somaliland parliament, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” was given a large and warm welcome by party members and a vocal group of supporters upon his arrival in Hargeisa. Speaking to the media, Abdirahman “Cirro” spoke about the events that have taken place in Somaliland during his absence, and strongly came out against the recent deal by the two other Somaliland political parties Kulmiye and UCID. Former speaker, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” stated that Waddani is ready and willing to participate in scheduled parliamentary and local elections, but will not be forced to do so without the addressing the issues such as the current National Elections Commission (NEC), the election bill, and the distribution of parliamentary seats. The chair of Waddani, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” castigated the administration of President Muse Bihi Abdi for ruthlessness towards the certain sections of the Somaliland community including the media and the destitute. The head of Waddani, Abdirahman “Cirro” also stated his intention to hold a comprehensive press conference after conferring with senior party officials. This press conference is expected to take place within the next few days. Qaran News
  18. Somaliland: Defence Minister & Army Chief Meet UK Military Officers. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Minister of Defence, Abdiqani Mohamud Ateye “Farid” accompanied by the Somaliland Army Chief, M/General Nuh Ismail Tani, along with the head of the planning department of the ministry and other senior Army officers met with a delegation UK military officers led by Colonel Matt Munro. The UK Delegation arrived from Addis Ababa, Ethiopia, were they are based, to discuss areas of mutual interest including the training and the logistic support for the Somaliland Defence Forces. The Somaliland Defence Forces and their United Kingdom counterparts work together in the areas of training, education and capacity building. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu soo bandhigay xog ku saabsan in dhulka Soomaaliya la qaatay ayada oo aan laga war-hayn Ajandeha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa warbixin ay ka dhageysteen guddiga madaxa banaan ee xuduudaha, iyadoona Kulanka ay hortageen Xubnaha Gudigaas, waxayna warbixin siiyeen Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxbanaan ee Xuduudaha Soomaaliya Xuseen Nuur Xaashi ayaa Golaha Shacabka warbixin ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay 4tii bil ee la soo dhaafay iyo Caqabadaha ku horgudban islamarkaana caqabad ku noqon kara qorshaha afarta bil ee soo aadan. Sidoo kale waxay ka hadleen Arimaha Xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya iyagoo cadeeyay in Kenya ay dhul ballaaran gudaha Soomaaliya u soo gashay, arintaasna loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto. Guddiga Xuduudaha waxay sheegayn in Kenya ay qaateen qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo dhirirkiisu dhan yahay 476 KM, waxaa ayna shaaca ka qaadeen in taasi ay dhibaato ku tahay shacabka Soomaaliyeed, iyagoona tilmaamay in madaxda Dowladda ay la wadaageen arintaasi. Arrintan ayaa la sheegay inaysan jirin cid ku baraarugsan marka laga reebo dadweynaha ku nool dhulkan oo marar badan ka qeyliyey arrintan balse aysan jirin cid dhageysatay qeyl-dhaantooda. Ciidamo aad u badan oo ka tirsan Kenya ayaa haatan waxaa ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo dowladooda ka caawinaya inay gudaha isugu soo riixdo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-habeen-24042019vvv.mp3 View the full article
  21. Fox News host Tucker Carlson said Tuesday that Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) has “spent the rest of her life attacking” the U.S. after immigrating to the country from Somalia. Carlson’s comments came as part of a discussion of a 2017 tweet from Omar highlighting the number of Somalis killed by U.S. forces in a 1993 battle in Mogadishu. The fight was dramatized in the film “Black Hawk Down.” “Here’s someone who was brought to the United States at public defense simply because we’re a kind country that accepts a lot of refugees,” Carlson said as he interviewed Kyle Lame, a retired sergeant major who fought in Mogadishu. “And rather than being grateful for that, she’s spent the rest of her life attacking this country. Why?” The remarks are just the latest criticism from Carlson toward Omar, who has become a huge target for the right. Omar is one of the first two Muslim women elected to Congress, and has stirred controversy with comments about Israel some have viewed as anti-Semitic. She has sought to highlight the discrimination and prejudice faced by Muslims, and also came under criticism earlier this year from conservatives for remarks about the Sept. 11 attacks — including from President Trump. In the 2017 tweet about Mogadishu, Omar wrote that “thousands of Somalis” had been killed in response to another tweet that referred to the battle as the “worst terrorist attack in Somalia history.” “In his selective memory, he forgets to also mention the thousands of Somalis killed by the American forces that day!” Omar wrote, adding the hashtag #NotTodaySatan. In his selective memory, he forgets to also mention the thousands of Somalis killed by the American forces that day! #NotTodaySatan https://t.co/wrFocrZymQ — Ilhan Omar (@IlhanMN) October 16, 2017 NPR reported in 2013 that it is unclear how many Somali casualties occurred during the battle, noting “hundreds, perhaps thousands of Somalis were killed.” Eighteen American soldiers died in the fighting and dozens more were wounded after two Black Hawk helicopters were shot down flying into Mogadishu on a mission against Somali militiamen. The bodies of several U.S. solders were dragged through the streets, and the entire episode was a black eye for President Clinton’s new administration, which withdrew much of its involvement in the region. Omar fled violence in Somalia as a child and spent four years in a Kenyan refugee camp before entering the United States in 1992 — before the Mogadishu battle took place. Source: The Hill
  22. Two Canadian women jailed in Somalia and facing 40 lashes were released Tuesday, according to sources. Maymona Abdi, 28, and Karima Watts, 24, were arrested in January after police entered a house in Hargeisa, their lawyer Mubarik Mohamoud Abdi said. The women, who are originally from Ottawa, were accused of having consumed alcohol, which is illegal in Somaliland, a self-declared republic still internationally considered to be part of Somalia. New York-based human rights activist Jason Jeremias said Abdi was in Somaliland to help women facing gender-based violence. Their lawyer said they signed confessions under duress, hoping to avoid jail, but they were sentenced to 2½ months in prison and 40 lashes. “[The prosecution] did not prove before the court that they used alcohol,” their lawyer said. Conditions were awful In a statement, Maymona Abdi’s mother Fahima Hassan wrote, “Maymona and Karima were born and grew up in Ottawa, Canada, as best friends. When Karima’s mother died, she became our daughter.” Karima Watts was jailed in Somaliland on Jan. 19. She and her friend Abdi were accused of consuming alcohol and were facing 40 lashes. (Supplied) Jeremias, who has been advocating on their behalf, said both women struggled to cope in jail. “The conditions were awful,” he said. ” They didn’t understand why they were being detained — and detained for so long.” He said Abdi contracted pneumonia while in jail and was denied medical access. The women were also sometimes denied food, showers and sanitary pads he added. “They suffered physically and mentally, and they didn’t understand why this was happening to them.” Lashings very rare Ayan Mahamoud, a representative of Somaliland to the U.K., and the Commonwealth said being sentenced to lashings is rare in Somaliland. “I thought, what’s going on?” she said. “I think the last capital crime in Somaliland was in ’92, ’93.” Mahamoud said initially it was challenging for her to confirm the arrest and to get details on the status of the women. “I asked around … no one was able to tell me anything about this story,” she said. After reaching out to journalists and human rights activists in Somaliland, she connected with their lawyer who informed her about their release. Canada cautions travelers to avoid Somalia and describes the country as “extremely volatile” with the threat of domestic terrorism “high.” Global Affairs Canada said it is aware two Canadian citizens have been released and is providing consular assistance. Source: CBC Canada
  23. (SLT-Begin)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka China President Xi Jinping, kuwaas oo si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidoo kale sidii dib loogu habanayn lahaa jidka tareenka ee u dhexeeya Addis Ababa iyo Djibouti. Waxaanay labada dhinac ay is-faham guud ka yeesheen horumarinta dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo jidadka, waxaanay tilmaameen in China iyo Ethiopia-ba ay dedaal dheeraad ah ugu jiraan dhinacyada horumarka, isla markaana uu dal kasta ka jiro arimihiisa gaarka ah. Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed booqashadan uu ku joogo dalka China ayaa waxa kale oo uu kulan la qaatay madaxda shirkadda shidaalka ee dalka shiinaha. Kulanka labada mas’uul ayaa waxaay ku kala saxeexdeen heshiisyo dhinaca horumarinta ah oo gaadhaya 1.8 bilyan oo dollar, kaa oo ku saabsan horumarinta bixinta tamarta korantada iyo qaybin-teeda. Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa dowladda Itoobiya ilaa 16 beeraha warshadaha; Addis Ababa ilaa Jidka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, sida lagu sheegay war-kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa ballan-qaadey wada-shaqeyn buuxda inay la yeelato Shirkadda China gaar ahaan in ay awood u yeelato maal-galinta tamarta. Heshiiskaas waxaa dowladda Itoobiya u saxiixay oo wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed ka mid ah wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Guddiga Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa Maanta Xafiiskooda Kulan Albaabadu U Xidhnayeen Kula qaatay xisbiyadda KULMIYE iyo UCID kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo dardar galin lahaa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd. Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday go’aankii ay shalay wadda gadheen xisbiyadda UCID iyo KULMIYE sida ay labadaasi xisbi oo kaliya doorasho ku gali karaan madaama oo xisbigii WADDANI isagu taagan yahay go’aan adag oo ah in la kala diro gudida doorashooyinka ee wakhtigan. Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE ayaa loo balamay in kulan dambe ay iskugu yimadaan gudida doorashooyinka waxaana uu kulankani ku soo dhammaaday mid aan rajo fiican laga qaban sida ay doorasho dalka uga qabsoomi karto madaama oo loo baahan yahay saddexda xisbi doorashadda wada galaan. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay heshiis ay Shalay Hargeysa ku kala saxeexdeen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, kaasi oo uu ka maqnaa WADDANI. Guddoomiye Cirro oo Maanta Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ka dib Safar uu ugu maqnaa Dalka dibeddiisa, ayaa isagoo ka hadlaya heshiiska ay wada gaadheen UCID iyo KULMIYE ee ah in Komiishanka xilka hayaa sii shaqeeyo illaa muddo xileedkoodu ka dhamaanayo, Komiishanka cusub ee la sii dhisi doonana laba xubnood lagu kordhiyo ka dib doorashada, ayaa yidhi “Shalay, Xukuumadda Somaliland iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay soo saareen waxay ku sheegeen Go’aan (Heshiis), Go’aan muu ahayn kaasi, waxaynu ku macnayn karnaa oo keliya inuu ahaa shahaadadii dhimashada ee Hanaankii Dimuqraadiyadda iyo Doorashoooyinka ee Somaliland, ilaahayna ha inooga sahlo. Waxaanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha tallaabo u danaynaysa midnimada Shacabka iyo Wada-jirkooda, hase-yeeshee waa Tallaabo dil-dilaac ku keeni karta Bulshada Somaliland, waxa kale oo aanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay Somaliland sinaba uga suurto-gal ahayn in laba Xisbi yidhaahdaan annaga ayaa Somaliland sidaanu doono ka yeelayna intay gaar u tashadaan..” Guddoomiyaha WADDANI wuxuu farriin u diray Beesha Caalamka “Beesha Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Go’aankaa magacay doonaan ha u bixiyaane inaanu deedafayney oo aanaan ogolayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiga WADDANI wuxuu beesha Caalamka iyo Shacabkaba ugu sheegayaa inuu diyaar u yahay doorashooyin, siduu horeba diyaarka ugu ahaa, kuwaasi oo wakhtigoodii ku qabsooma. Waxaanu leenahay Xukuumadda iyo labada xisbi, taladi waad la ambateen, annaguna Miiskii wada-hadallada ayaanu diyaar u nahay sidii aanu awalba ugu ahayn..” Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa u muuqda kuwo si cad ula saftay xisbiyadda UCID iyo KULMIYE. Source
  25. Somaliland: Police Officers Physically Abuse Bulsho TV Reporter Khadar Macalin Deeq, a reporter from Bulsho TV based in Hargeisa was physically assaulted by several police officers whilst going about his work. The assault occurred on Sunday, and the reporter his currently in hospital suffering from wounds to his head, back and hips. Although, his condition is improving daily, as these pictures show, reporter Khadar Macallin Deeq suffered significant injuries and was taken to casualty department of Gargaar Hospital. The injuries to reporter Khadar Macallin Deeq were allegedly caused by an officer of the Traffic Police who apparently neglected to heed his duties to “serve and protect”. The Somaliland Police Force has been accused of being heavy handed in their dealings with both the members of the public and journalist. This is not the first time that a member of the Somaliland media has been physically assaulted by police officers. Despite the continued training and education provided to Somaliland Police Officers by various organisations, both public and private, such as the UNDP and Axiom International, it would seem that there are still rogue officers who are neither suited to law enforcement work nor capable of following basic policing guidelines. The Somaliland Police Force have yet to comment on this situation and the matter is awaiting adjudication. Qaran News