-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (SMN) – Maxamed Xuseen oo ka mid ah dadka deegaanka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in xaalad amni daro ay ka soo cusboonaatay gobolkaasi. Maxamed Ayaa tilmaamay in dhac baahsan dadka rayidka iyo gaadiidleyda loogu geysto inta u dhexeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxa uu cod dheer ku sheegtay in dhibaatooyinkaasi ay u sii dheer yihiin kuwa gaar ah oo lagula kaco Haweenka ku safra halkaasi Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalin ka hor dhac baahsan labo gaari loogu geystay gobolk Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ay la socdeen labo Haween ah oo la sheegay in lagula kacay tacadiyo ka dhan ah Aadanaha. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qardshe) taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa M/Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil iyo xubno ka socday Masar. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan taageerada iyo tababrada la siiyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliye Indha Qarshe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Masar ay ka qeyb qaadato taageerada iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka. Ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa waxa ay taageero kala duwan ka helaan qaar ka mid ah wadamada Caalamka, kuwaas oo siiya qalab iyo tababar intaba. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Kulanka ayaa ka dhacay hoyga magaalada Muqdisho uu ka degen yahay Sheikh Shariif, waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle. Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kula kulmay magaalada Muqdisho, waxaana ay ka wada hadleen arimo dhowr ah. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labada dhinac ay u gudbiyeen Shariif Sheikh Axmed cabashooyinka iyo culeesaadka dowladda Soomaaliya ay kala kulmeen iyo dhibaatada lagu hayo Hirshabeelle. Sheikh Shariif, ayaa sheegay inay tagi doonaan magaalada Jowhar si halkaasi loo geeyo xarun Xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran uu ka furanayo magaalada, sida wararka aan ku heleyno. Sheikh Shariif ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Shabeelaha Dhexe,waxaana uu ka warhayaa dhibaatada dowladda haatan jirta ay ku heysto maamulka Fadhiidka noqday ee Hirshabeelle. Saacadihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu Magalada Muqdisho ka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey siyaasiyiin iyo Wakiilada Beesha Caalamka eek u sugan Magalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-280419.MP3-bb.mp3 View the full article
-
Dharkenley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada ammaanka ee dowladda xalay ay ka sameeyeen degmada Dharkenley ee G/Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Ilo wareedyo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo lala xariirinayo Xarakada Al Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo howlgallo xoogan ka waday magaalada Muqdisho ayaa xoojiyay amniga guud ee Caasimadda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa ka hadlay culeesyo badan oo ka jira baarlamaanka iyo baaqashada kulamada baarlamaanka. Xildhibaanka ayaa kamid ahaa xubnaha sida weyn ula dhacsanaa hanaanka madaxda dalka ku hogaaminayaan, balse waxaa muuqata in hadda uu ka hor yimid qaabka aan la jecleysan ee madaxda xukuumadda ku maamulayaan dalka. Xildhibaan Idiris Cabdi ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanka ee ka maqan shirarka golaha islamarkaana ku sugan magaalada Muqdisho, inay yihiin kuwo qaadanaya mushaar aysan shaqeysan. Howlaha baarlamaanka ayuu sheegay inay fadhiid noqdeen, isaga oo tusaale usoo qaatay guddi uu kamid yahay oo tan iyo markii la aasasay wax shir ah iskuugu imaan, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale wuxuu ka dalbaday madaxda xukuumadda inay iska casilaan xilka ay hayaan haddii aysan shacabka Soomaaliyeed u qaban karin adeegyada ay u baahan yihiin. Wuxuu sheegay in dalalka Caalamka masuuliyiinta qaar ay xilalkooda iska casilaan marka ay kasoo daahaan kulamada baarlamaanka ugu yeero, balse Soomaaliya maalin walbaa kumanaan shacabka ah la dilo islamarkaana uusan jirin masuul xitaa lagula xisaabtamay. Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada ayuu sheegay inay sida ay hadda ku jiraan ay u dhaanto inay xilalka iska caasilaan haddii aysan shacabka waxba u qaban karin. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Idiris Cabdi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Xukuumadu-Ha-iscasisho-Sidaa-Waxaa-Yiri-Xildhibaan-idiris-Dhaqtar.-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka hadlayey shir jaraa’id ayaa dhaliil culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay ku fashilantay arrimihii loo doortay. Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga dalka isagoo tusaale u soo qaatay in ay sugi la’dahay amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya ha hor inta aan la gaarin qeybaha kale ee magaalada Muqdisho iyo gobolada ka baxsan. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in Villa Somalia ay marin-habaabisay Dastuurkii dalka iyo nidaamka Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay iyo in ay ku tumatay awood-qeybsiga beelaha islamarkaana leexsatay dhammaan deeqaha caalamku bixiyo ee lagu qaaato magaca Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in malaayiin Dollar oo magaca Soomaaliya lagu qaato aan ilaa iyo haatan la garan meel ay xukuumadda Federaalku geysay isagoo xusay in shirarka isla xisaabtanka ee deeq-bixiyaasha lagu soo bandhigo malaayiin Dollar oo Soomaaliya la siiyay balse aan soo gaarin dadkii loogu tala-galay. Mudane Deni ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay mas’uul ka tahay wada-shaqeyn xumada kala dhexaysa madaxda dowlad goboleedyada maadaama sida uu sheegay ay maroorsatay arrimihii la wadaagay oo aan wax talo ah laga siin gobolada. Isagoo sii hadlayey ayuu ku cel-celiyay in dalku uu jiho qaldan ku socdo oo wax badan xumaadeen mudadii ay xilka haysay xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu ku taliyay in si dhab ah loo wajaho xaaladda waddanka. PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Villa Somalia ku fashilantay sugidda amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya! appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah madaxda maamul goboleedyada oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in shirkaasi ay yeelanayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada. Shirka ayuu sheegay inuu yahay mid lagu xalinayo tabashooyinka ay qabaan maamul goboleedyada dalka, waxaana mid dib u heshiisiin ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Bisha soo socota ee May ayuu sheegay in shirkaasi uu ka dhici doono magaalada Garowe, waxaana uu sheegay in la filayo inay natiijo kasoo baxdo ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan. Wuxuu sheegay in shirkaasi ay ka qeyb galayaan madaxweynha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha maamul goboleedyada dalka. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa soo bandhigay qaar kamid ah tabashooyinka ay Puntland qabto, waxaana kamid ah hanaanka loo qeybiyo deeqaha Soomaaliya ka hesho dalalka caalamka. “Waxaa dhacda hab aysan raali ka aheyn Puntland marka la qeybsanayo deeqaha caalamka kasoo gaaro Soomaaliya, waxaa Puntland loo yeeraa maalinta ugu dambeysa ee shirka dhacayo, iyadoo deeqihii la qeybsaday, Shirkana waxa kasoo baxaya lasii qoray, taasi micnaheedu yahay inaan loo baahneyn Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Deni. Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday magacaabista guddoomiyaha Bank dhexe inay qeyb ka tahay cabashooyinka ay qabaan. “Mar la badalayay guddoomiyaha maxkamadda sare nin ayaa laga qaaday nin isla heybtiisii ahaa loo dhiibay, laakiin guddoomiyaha Bank Dhexe markii lasoo gaaray waxaa layiri Tartan haloo galo, waxaa loo ololeeyay in halkaasi laga saaro qof kasoo jeeda Puntland, dadkii reer Puntland tartankii ayay galeen xitaa markii ay kusoo baxeen, waxaa xilka qabtay ruux aan tartamin oo reer Puntland aan aheyn”. “Runtii cabashadaasi ayaan qabtay marar badanna hoos ayaan u dhigi jirnay, laakiin ugu dambeyn waxaan la wadaagnay dadkii ay quseysay iyo dowladaha daneeya in Soomaaliya ay hagaagto, waxaan diyaar u nahay inay wax walbaa saxmaan”ayuu ku daray hadalkiisa. Caasimada Online Xafiika Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Socodaalka Jinsiyadaha ayaa keentay barnaamij cusub oo lacag aan sharci ahayn looga qaado dad ajnabiga ah ee imanaya dalka, kaasi oo dowladda inteeda kale aysan ogeyn. Sida ku cad xog iyo caddeymo ay heshay Caasimadda Online, qaar ka tirsan Madaxda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa hirgeliyey qorshahan dadka looga qaadayo lacag aan ku jirin nidaamka lacag qabashada ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya. Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Korneel Maxamed Aadan Koofi oo horey uga tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo Mas’uul kale oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali Caadle oo ka tirsan hay’adda ayaa iska kaashaday mashruuc laga sameeyey dhaqaale aad u badan. Mashruucaas lacagta laga sameeyey, ayaa sida uu nidaamka yahay waxaa iska lahaa Wasaaradaha Caafimaadka iyo midda Maaliyadda, Balse iyadoo lagu takrifalayo awoodda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu sharciyeystay hirgelinta Mashruucaas oo lacago badan laga soo xareeyo maalin kasta. Koofi iyo C/raxmaan Caadle, ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ka dhexsamaystay kunteenar qol ah oo lagu bixiyo warqad la sheegay inay tahay hubinta Caafimaadka dadka ajaanibta ah ee kasoo dago garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International. Xafiiskaas oo ay iska kaashadeen Koofi iyo C/raxmaan Caadle, waxaa qof kasta oo ajnabi ah looga qaadaa lacag gaareyso illaa 75 dollar, sida ku cad Documentiga hoos ka muuqdo oo ay heshay Caasimada Online. Midda ugu yaabka badan ayaa ah in dadka ajaanibta ah aan la marin wax caafimaad ah, maadaama dadka mashruucaan wato aysan wax aqoon ah u laheyn Arrimaha Caafimaadka, balse waxaa la buuxiyaa waraaq taalo Xafiiska kadibna waxaa qofka laga qaadaa Lacagta, taasoo ah musuq maasuq aan geed loogu soo gamban. Midda kale oo Mashruucaan sharci darro ka dhigeyso, ayaa ah inaysan ka war qabin Wasaaradihii shaqadaan lahaa oo kala ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda. Lacagaha ruqsada iyo mida Visaha dalka Soomaaliya lagu soo galo waxaa loo shubaa akoonka Wasaarada Maaliyada, Balse lacagtaan ayaa iyadoo cadaan ah waxaa gacanta loo galiyaa Gabadh lagu magacaabo Nimco Maaxamuud, taasoo ay shaqaaleysiisteen Koofi iyo C/raxmaan Caadle. Caadle ayaa ah Nin ay is fahamsan yihiin Taliyaha ka sareeya ee Maxamed Aadan Koofi, waxaana jiro Mashaariic badan oo ay labadaan Mas’uul ka sameeyaan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxaana arrintaan ku raad joogto Shabakadda Caasimadda Online oo dhawaan soo bandhigi doonto Mashaariic kale oo si sharci darro ah loogu fuliyo hey’adan. Cabdiraxmaan Caadle ayaa waxaa dhalay Maxamed Cali Caadle oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mashruucaan ay iska kaashanayaan labadaan Mas’uul, ayaa kusoo aadayo Xilli Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay in nidaam loo sameeyey Canshuuraha iyo Daqliga Gudaha, islamarkaana aysan dhici doonin in hadda kadib la lunsado Hantida Qaranka, balse waxaa muuqato inaysan weli Wasaaradda ka adkaan Shirkado iyo Shakhsiyaad lunsado Hantida dadka Soomaaliyeed oo muddo badan kusoo jiray dhibaato. Dowladda ay hoggaanka u hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horey u ballan qaaday inay joojin doonaan Musuq maasuqa ka jira Hey’adaha Dowladda, balse waxay u muuqataa inay arrintaan ku kooban tahay kaliya meelo gaar ah balse aan weli la gaarsiin qeybaha kala duwan ee Hey’adaha Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mid kamid ah dab-demisyada cusub Xarunta dowladda hoose ee degmada Garoowe, waxaa maanta la keenayaa saddex dab-demis oo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe. Saddexda dab-demis ee loo gaday degmada Garoowe, waxaa weheliya booyad nooca waaweyn ah, waxaana lacagta lagu soo iibiyay iska kaashaday dowladda hoose iyo shirkadda isgaarsiinta Golis sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay booga dowladda hoose. Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkadda isgaarsiinta Golis ay %20 bixisay lacagtaasi halka %80 ay bixisay dowladda hoose. Caasimadda Puntland ee Garoowe, oo kamid ah magaalooyinka ugu kobaca badan Geeska Afrika, ayna si xawli ah uga socdaan dhismayaal casriya oo hoteello u badan, ayaa hore dhib uga haystay dhinac dab-demiska. PUNTLAND POST The post Saddex dab-demis oo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – QM ayaa shaaca ka qaaday magacyada shaqsiyaad iyo ururo Soomaaliyeed oo xayiraad laga saaray inay soo dalbadaan qandaraasyada hay’adda horumarinta QM ee UNDP iyo ururada kale ee QM. Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii ay talooyin usoo jeediyeen gudiga qiimeeyaan soo dalbashada qalabeynta iyo keenista adeegyada iyo badeecada u baahan yihiin xafiisyada UNDP. Cunaqabateynta UNDP ay saartay dadkaas iyo ururada waa mid looga hortagaayo xatooyo qarsoon iyo musuq maasuq lagu kacay oo shaqsiyaadkan iyo ururadan lagu eedeeyey, waxayna UNDP la wadaagtay arimahan taagan hay’ado caalami ah, deeq bixiyayaal iyo Qaramada Midoobe xafiiskiisa ugu sareeyo si talaabadan loo hirgaliyo. Xanibaada la saaray shirkadaha iyo shaqsiyaadka dambiyada lagu eedeeyey, waxaa lagala laabtay heshiisyadii lagula jiray iyo qandaraasyadii horey loo siiyey iyo lacagihii la siin rabay waxayna cunuqabateyntan saameyneysaa qof walbo oo kasoo muuqday liiska. Shirkadaha ama shaqsiyaadka laga mamnuucay inay UNDP la shaqeeyaan qaybta iibka iyo qalabeynta waxay dib u dalban karaan la shaqeyn cusub oo gudiyo kala duwan qiimeyn doonaan marka uu dhamaado mudada cunaqabateynta la saaray ku eg tahay. Shakhsiyaadka iyo Hey’adaha Soomaalida ee Liiskaan ku jiro waxay kala yihiin: Centre for Research & Policy Analysis (CERPA), waxaa lagu eedeyey Khiyaano iyo Been Abuur Halima Daud Khalif, waxaa lagu eedeyey Khiyaano We Are Women Activists (WAWA), Waxaa lagu heystaa Been-Abuur Hawa Ali Jama, Waxaa lagu helay Been-Abuur Zainab Mwazige, Waxaa lagu helay Been-Abuur Zeinab Ayan Ahmed, Waxaa lagu helay Been-Abuur Intercooperation Social Development India (ICSD), waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur Joy Elamon, waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur Mohamud Isak, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Gargaar Relief and Development Organization (GREDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Tanaad Relief & Development Organization (TARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Ali Mohamed Mohamud, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Mohamed Shukri Moallim, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Hiran HIV/AIDS Prevention and Child Protection Organization (HAPO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Abdirizak Yusuf Mohamed waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Emergency Pastoralists Assistance Group – Kenya (EPAG-K), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Abdullahi Gessey, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Youth & HIV/AIDS Network (YAHAN), waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka Mr. Mohamed Abdirahaman Jama, oo sidoo kale loo yaqaan Mr. Muhammed Abdurahman Jama, waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa mar kale in shir wada-tashi ah ku casumay, madaxda xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Shir jaraa’id oo uu xalay kaga hadlayey safarkiisi dibadda iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa madaxweynuhu kaga dhawaaqay in uu 2-da bisha May ee soocota, mar kale magaalada Garoowe ku marti-qaaday madaxda xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada shir wada-tashi ah oo looga hadli doono arrimaha labada dhinac. Sida madaxweynuhu sheegay arrimahaasi waxaa kamid ah: wada-shaqeynta xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, hirgelinta dib u-eegista Dastuurka, arrimaha Federaalismka, qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo iyo khayraadka dalka, ilaalinta awood-qeybsiga beelaha iyo in la xadido nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa sannadka 2021-ka. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa caddeeyay, in shirkan uusan noqon doonin sidii shirkii amniga Qaranka balse la isku raaci doono magac kale oo uu yeesho maadaama aan amni keliya looga hadlayn ee arrimaha kala duwan ee dalka looga arrinsan doono. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo markale shir ku casumay madaxda xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Cabdullaahi Iimaan, oo sidoo kale ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa shalay shaqada ka joojiyay Wariye Cabdifitaax Akhyaar oo katirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada. Cabdifitaax Akhyaar kama hadlin Warbaahinta sidoo kale ma jirto qoraal uu soo dhigay barahiisa Bulshada balse Agaasimaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la sheegay in uu yiri “waxaan kaaga shakiyay inaa abaabushay in wariyaasha shaqo joojin sameeyaan iyo in aad bixisay Sawiro xarunta ah laga qaaday” kadibna waxa uu Warqad ka dhigay Albaabka Wasaaradda Warfaafinta. Cabdifitaax oo ah Wiil dhalinyaro ah oo waqtigiisa u huray u shaqaynta Qaranka ayaa loo heyn wax cadayn ah, balse arintaan ayaa u muuqato dembiyo laga galaayo Shaqaalaha Dowladda. Sheekada aadka loo hadal haayo ayaa ah in Shaqaalaha aan la siinin Xuquuq hadii ay ka hadlaana shaqada laga ceyriyo waxayna arintaasi walaac ku abuurtay shaqaalo badan oo Dowladda katirsan. Dhinaca kale, Cabdullaahi Iimaan ayaa u hanjabay Wariyaasha Radio SNA ee Ciidamada Qalabka Sida isagoo u sheegay in uu shaqada ka Eryi doono hadii ay ka hadlaan Mushaar la’aanta ay wajahayaan. Inkastoo ay Wariyaashaan heysato mushaar la’aan ayna ku jiraan Marxalad aad u dag hadane qaarkood wali waxay sidii wadaan shaqada. Maalmo ka hor ayaa qaar kamid ah dhalinyarada Mushaar la’aanta wajahaya waxay ka soo laabteen Sabiib iyo Caanoole waxayna arintaan muujineysaa in ay yihiin Dhalinyaro ay shaqo ka go’antahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Jilaa caana oo guursaday gabadh soomaaliyada oo ay muddo wada socdeen Jilaaga caanka ah ee reer Britain Idiris Elba ayaa shalay ku guursaday magaalada Marrakech ee dalkaasi Marocco gabar soomaaliyeed oo ay in mudo ah wada socdeen taas oo lagu magacaabo Sabrina Dhowre. Mr. Idiris ayaa guurkan ka dhigaya kiisii saddexaad, iyadii kan kii ka horreeyay ay wada joogeen xaaskiisii labaad afar bilood oo qura, waxaana uu leeyahay labo carruur ah oo kala jira da`da 4 iyo 17 sano. Xafladda arooska ayaa ka dhacday hotelka lagu magacaabo Ksar Char Bagh ee magaalada Marrakech, waxaana ay socotay muddo saddex casho ah. Labo sano ka hor ayay aheyd markii uu lasoo banbaxay jilaagan gabadhan soomaaliyeed ee modalada ah, waxaana uu sheegay in sannadkan bilowgiisa oo nikaaxsaday. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka socday maalmihii ugu dambeeyay kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeeday dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay waddeen Madaxda maamul goboleedyadda iyo Siyaasiyiinta qaar. Saacaddihii ugu dambeeyay Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray, Madaxda maamul goboleedyadda iyo Beesha Caalamka. Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay kasoo horjeedda Nidaamka Federaalka oo beesha Caalamka ay ku bixisay dhaqaallo badan in uu dalka ka hirgalo. Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ayaa Nairobi ku qabtay Kulamadii ugu ballaaran ee ay la qaataan xubnaha taageera Soomaaliya, waxaana qaarkood ay sheegeen in dhaqaallaha loogu tala galay Soomaaliya uusan soo gaarin bilooyinkii ugu dambeeyay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxdan ay beesha caalamka ku war-geliyeen inaysan la dhacsaneyn siyaasadda iyo habka dowladda Soomaaliya ay dalka ku hoggaaminayso waqtigan. Waxa ay sheegeen inaysan muuqan in dowladda ay dalka ka hir-gelin karto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu ballan-sanaa, islamarkaana ay ku fashilantay ammaanka caasimadda Caddaadis ballaaran ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kala kulmeysa kulmado ka socdo Nairobi xilli horay Siyaasiyiin ku shiray Nairobi ay u sheegeen in dowladda Soomaaliya ee hadda jirtaa ay ku fashilantay Sugitaanka Amniga dalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda dalka uu ku sugan yahay iminka, gaar ahaan tan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Shariif Sheikh ayaa sheegay in aysan in dhaha ka fiirsa karin dalka oo sii dumaya, madaama uu sheegay in ay meel xun mareyso xaladaha kala gadisan ee dalka, sida amniga, wada sheynta maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, dhaqaalaha iyo xiriirka arimaha dibada oo uu sheegay in ay sii xumaanayaan. Shariif ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Muqdisho ay xoogeysteen bilihii ugu dambeeyay, islamarkaana loo baahan yahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay si deg deg ah wax uga qabato. Waxaa uu sheegay in ay istaageen adeegyaddii muhiimka ahaa ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana hadii ay yihiin xisbiyadda Siyaasadda ay arintaasi wax ka qaban doonaan. “Amniga Muqdisho hoos ayuu u sii dhacayaa, in magaaladna xirnaato, amni uusan jirin ma ahan wax sax ah, waa in istiraatiijiyadaas dowladda wax ka qabato, dowladda labo sano ayay wax qabanayesay, illaa iyo hadda laguma qanacsana ” ayuu yiri Shariif Axmed. “Doorashadii la soo dhaafay waxaa idin balan-qaaday in aan dowladda wax ka sheegin, balantii waa ku taaganahay, laakiin waxaa rabaa in aan idin sheego, hadda xisbi ayaa hoggaaminayaa oo aan rabaa fikirkiisa inaan idin soo gudbiyo sida uu u arko, dowladnimo waxaa asal u ah heshiis, maanta marka aad fiiriso amniga xaaladiisa, xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo xaalad bulsho, waa inaan ka hadalnaa, ugama hadleyno inaan dowladda dhaleeceyneyno, waa ognahay culeyska yaala, sida aan aaminsanahay ayaa rabnaa inaan sheego”ayuu yiri Sheekh Shariif. Hoos ka dhageyso Shariif https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Cod-shariif-liban.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex oogan dowlada Qatar iyo Villa Somalia Dawladda Qatar iyo dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex gashay xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii Qatar ay diiday codsi ka yimid dowladda Soomaaliya. Qatar ayaa diiday dalabka dowladda Soomaaliya ee ku saabsanaa inay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI ay joojiso qodis shidaal oo ay ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya isku hayaan, iyadoo ay Kenya shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay inay dhulkan muranku ka taaganyahay ka bilowdo qodis. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa saami ku leh shirkadan Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badantahay hawlgalo shidaal baadhis ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan qaaradda Afrika. Soomaaliya ayaa Qatar ka dalbatay inay ENI kala hadasho joojinta badhista shidaal ama Qatar ay kala baxdo saamiga ay ku leedahay shirkadda, haddii aysan sidaas sameyn karin. Dawladda Soomaaliya ayaa wakhti hore ku eedaysay shirkadan Talyaaniga ah ee ENI inay Kenya ka iibsatay aagag (Blocks) shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa u aragta dawladda Qatar inay muranka xuduudka badda ee Kenya iyo Soomaaliya ay la safatay Kenya maadaama oo ay shirkadda ENI ee ay Qatar saamiga ku leedahay ka bilowday dhulka lagu muransan yahay qodis, islamarkaana Qatar aysan arrintaas waxba ka qabin. Sidoo kale, Qatar oo isku dayday inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku fashilantay kadib markii Soomaaliya ay ku adkeysatay in maxkamad lagu kala baxo oo aysan arrinta badda wada-hadal ka galeyn. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khilaafka wadamada gacanka Carabta wuxuu la saftay dawladda Qatar, waxaanu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga ee UAE ay ka mid tahay inuu xiriirka u jaro dawladda Qatar. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii uhoreysay shaaca ka qaaday in Hay’adaha ajaanibka ah ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ay u kala qeybiyeen nabadgelyada deegaanadooda saddex qeybood. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Hay’adaha ajaanibku Somaliland ugu kala qeybiyeen Saddex qeybood, wuxuuna yiri: “Qolada Ajaanibka ah markaan ku idhaahdo waxa loo baahana yahay inaad tagtaan Ceerigaab, Laascaanood, waxay ka hadlaan nabadgalyo darro, subaxdii Hargeysa ayay ka shaqo tagayaan oo Boorama ayay u shaqo tagaan, way seexdaan oo markay shaqadooda dhamaystaan ayay ka yimaaddaan”. “Saddex qaybood ayay dalka u kala qaybiyeen, Waa Cagaar, Cassaan iyo Huruud, Cagaarka waxay u yaqaanaan nabadgalyo, waad tagi kartaa waadna seexan kartaa oo Maalgelin baad ku samayn kartaa, Huruudda waxay u yaqaanaan waad tagi kartaa, waad ka shaqayn kartaa, laakiin ma seexan kartid, Casaanka waxay u yaqaanaan ma tagi kartid, waxba kama samayn kartid”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Tusaale, Caynabo illaa Sanaag bari Biyahoodu waa qadhaadh, Ceel Af-weyn baa Ceelal badan laga qoday, laakiin waxa loo doonay in Ceel af-weyn biyaha looga soo qaado meel la yidhaahdo ilad oo Ceel Af-weyn 42KM u jirta, mashruucii markii la sahamiyey ee la dhameeyay, biyihii la qiyaasay in deegaanka Ilad iyo illaa Ceel Af-weyn ku filan yihiin, Beebkiina halkii la soo dhigayey ay keeneen ayaa Ceel Af-weyn la isku dilay” “Saddex jeer ayuu Mashruucaasi gubtay, Waayo? Mashruuc walba xilligiisa hadduu socon waayo wuu gubanayaa, waayo? Waa qaadhaan ay dawlado bixiyeen oo ay eegtaan, markaa waxa keliya ee aynu u baahan nahay waa nabadgalyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa talooyin muhiima usoo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna ugu baaqay Biixi inuu bulshada reer Somaliland ugu adeego cadaalad. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay wada gaaren xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, wuxuuna yiri “Go’aankan la gaaray maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan xisbiyadu ku wada socdaan in la gaaro ayaa loo baahan yahay, laakiin maaha inay kala socdaan oo kala fogaadan, Komishanka laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan-nahay ee ha la simo oo xisbiyadu ha u sinaadan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeyi, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta, maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanaya, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”. Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxtooyada Cusub ee Xukuumada Muuse Biixi ka dhisaneyso, wuxuuna yiri “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah”. “Dad ayaana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Somaliland, dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo, ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo”. “Markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, waxkasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The UAE will consolidate its position as a key transit point for Chinese exports to African and European countries under the Belt and Road Initiative (BRI) as billions of dollars in trade will pass through the region. Due to its strong potential, the China-Africa Belt and Road Initiative through the Gulf region is termed as the 21st century Silk Road, benefitting all the countries in terms of fresh investments, job creation, GDP growth and human capital development. Led by the UAE, Gulf states have already recognised the importance of African countries and invested in agriculture, ports, infrastructure, mining and other strategic sectors. Similarly, China also pumped in billions of dollars in aid, loans and investments in diverse sectors. This will further strengthen the trade on the 21st Century Silk Road. Latest figures show that bilateral trade between the Gulf and Africa increased more than nine-fold over the last two decades and in 2018 it stood at over $65 billion. The UAE-China trade reached $53 billion last year, an increase of 17 per cent. His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice-President and Prime Minister of the UAE and Ruler of Dubai, is currently visiting China to participate in Belt and Road Forum. Highlighting the strong trade ties between the Gulf countries and Africa, Knight Frank stated that the UAE has been a key contributor to the trade growth with bilateral trade growing almost 4,000 per cent over the last decade. Currently, the UAE accounts for over 50 per cent – $34 billion – of the Middle East’s trade with the African continent. The UAE is followed by Saudi Arabia with $16 billion, Kuwait with $1.7 billion, Oman with $1.5 billion and Bahrain with $700 million worth of trade. Dubai-based global ports operator DP World is a leading investor in Africa with presence in Egypt, Djibouti, Algiers, Algeria, Somaliland, Rwanda, Mozambique and Senegal. Similarly, UAE’s largest telecom operator etisalat has international operations in Morocco, Egypt, Mauritania, Mali, Gabon, Burkina Faso, Benin, Cote d’Ivoire, Togo, Niger and Central African Republic. According to fDi Markets data, the Middle East has 33 foreign direct investment (FDI) projects accounting for five per cent of total FDI into Africa, but the UAE is leading the way by a considerable distance and is the ninth largest investor in Africa with 19 FDI projects in 2017. These projects have created an estimated 74,000 jobs. Vijay Valecha, chief market analyst at Century Financial, said BRI is primarily aimed at increasing trade and stimulate the economic growth. “From the Middle East’s perspective, proposed sea route connecting China’s coastal regions to Europe via Mena region is all set to benefit this part of the world. With proposed investments of about $1 trillion, the major sectors that would benefit include ports, transportation, roads, railways, airports, and telecommunication,” he said. During last year’s Ministerial Meeting of the China-Arab States Cooperation Forum, Valecha said, China had pledged $23 billion in loans and aid to Arab states. “This would envision money flowing into building of new oil and gas pipelines, railroads, ports and other infrastructure facilities.” “The UAE is set to play a big role in China’s Silk Road initiative due to its world-class infrastructure. With over 20 per cent of Arab-China trade already coming to the UAE and more than 25 per cent Chinese exports to Arab world going through it, the UAE is naturally positioned to reap rich dividends from this initiative,” he said. “Egypt is another country that is set to benefit considering the strategic location of the Suez Canal along the maritime routes. Furthermore, cluster of projects have been announced from Chinese side which would see industrial parks being developed in Oman, Saudi Arabia, Egypt, the UAE along with other major African nations like Djibouti, Kenya and Ethiopia,” he added. Taimur Khan, research manager for Middle East at Knight Frank, said the UAE-based airlines also fly to 20 African countries facilitating commerce with the rest of the world. “A third of the world is accessible within four hours and two-thirds within eight hours of flights from Dubai International airport. Infrastructure investments and transport links not only strengthen the historic ties between Africa and the Gulf states but are crucial for the potential of Africa to be fully realised,” he said. – waheedabbas@khaleejtimes.com Qaran News
-
A US air strike killed three fighters from the Islamic State in the Somalia’s semi-autonomous Puntland region on Friday, a US military official said, two weeks after the group’s deputy leader was killed in a strike. A witness said missiles struck two wells on the outskirts of Timirshe village, some 60km southeast of Puntland’s commercial capital Bosaso. The US military has sharply stepped up its campaign of air strikes in Somalia since President Donald Trump took office, saying it has killed more than 800 militants in two years. “This air strike eliminated ISIS-Somalia members staged in a remote location in northern Somalia,” Maj. Gen. Gregg Olson, US Africa Command (AFRICOM) director of operations, said in an emailed statement on Saturday. AFRICOM also claimed responsibility for the killing of IS deputy Abdulhakim Dhuqub on April 14. Somalia has been riven by civil war and Islamist militancy since 1991 when clan warlords overthrew a dictator before turning on each other. “We heard the crash of four missiles on the outskirts of Timirshe village,” resident Ahmed Nur told Reuters by telephone. He said the wells were used by militants from both IS and their more powerful Islamist rivals al Shabaab, an al Qaeda affiliate who have been fighting Somalia’s UN-backed government for years. Al Shabaab was pushed out of the capital Mogadishu in 2011, but retains a strong presence in parts of southern and central Somalia. It has frequently clashed with the much smaller IS force in the north who are thought to number fewer than 200 fighters. A Puntland intelligence official said the air strike targeted both groups. “There are casualties and we are investigating. In recent battles al Shabaab captured three bases from IS,” he told Reuters by telephone, requesting anonymity. Source: Reuters
-
Go’aanka dowladda Kenya ee ah inay xafiis diblomaasiyadeed oo aan hoos iman safaaraddeeda Muqdisho ka furaneyso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waa astaan kale oo muujineysa fashilka siyaasadda arrimaha dibedda dowladda federaalka.. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu soo jeediyey in Githiora Philip Mundia uu aas-aaso howlgalka diblomaasiyeed ee Kenya uga wakiil noqon doona Somaliland. Githiora Philip Mundia ayaa hadda sugaya aqbalaadda madaxweyne Uhuru Kenyatta, si uu u tago Hargeysa. Wargeyska The Standard ee Kenya waxa uu tani ku macneeyey inay astaan u tahay in Nairobi ay ugu dambeyn aqoonsan doonto jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland. Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ayaan wax war ah weli kasoo saarin arirntan, oo muuqata gef ay Kenya ku sameeneyso qarannimada Soomaaliya, xilli xiisad ay u dhaxeyso labada dhinac. Waxaa sidoo kale yaab leh, in dowladda federaalka ay isha un ka daawaneysay dadaal maamulka Somaliland uu waday 10 bilood oo ahaa inuu dowladda Kenya ku qanciyo inay safaarad ku yeelato Hargeysa, kaasi oo hadda miro dhalay. Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkoodu xumaaday wixii ka dambeeyey murankii ka dhashay badda Soomaaliya, waxaana tallaabadan ay u muuqataa cadaadis aargudasho oo xukuumadda Nairobi ay saareyso Muqdisho. Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo markii ay xukunka la wareegtay waxay siyaasaddeeda arrimaha dibedda ahayd fashil uu mar walba mid kale kasii dambeeyo. Sanaddii 2017, waxay sameysay gef weyn oo ay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax ay ugu gacan gelisay dowladda Ethiopia kadib cadaadis kaga yimid Addis-Ababa. Isla sanadkaas, waxay dowladaha Carabta ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana xiriir ganacsi oo weyn uu kala dhaxeeyo ay kala safatay dowladda Qatar, oo wax dan ah aysan ku qabin Soomaaliya. Dhammaadkii 2018, waxay dalka ka cayrisay ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom kadib markii uu ka hadlay shacabkii ay ciidamada dowladda ku xasuuqeen magaalada Baydhaba. Cayrinta Haysom, ayaa waxay dhaawac dhaqaale oo culus gaarsiisay dowladda, kadib markii dalalka Yurub ay dhaqaalaha ka jarteen, taasi oo horseeday in ciidamada ay shan bilood mushahar la’aan noqdaan. La-yaab ma lahan iminka, in 10 bilood ay Somaliland dadaal ugu jirtay in Kenya ay xafiis ka furato Hargeysa, dowladdana aysan marnaba ku baraarugin, ama ay wax ka qaban weysay, welina aysan ka hadal xitaa kadib go’aankii Kenya. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid