-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da iyo waaxda amniga dibeda ayaa digniin u jeediyay saaxiibada iyo asxaabta wariyihii geeriyooday ee Jamal Khashoggi. Digniinta ayaa lagu yiri hadii ay sii wadaan shaqsiyaadkan dhaleeceynta ka dhanka ah boqortooyada ay la kulmi doonaan in la Beegsado. Qareenka lagu magacaabo Ciyaad Al-Baqdaadi oo ku nool Norway iyo Cumar Cabdi Caziiz oo ah qareen ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada in shaqsi ku nool Mareykanka oo diiday in magaciisa la sheego sababo amni ayaa la shaqeynayay wariye Jamal Khashoggi, sida laga soo xigtay Majalada Time. Raggaan ayaa si hoose ugala shaqeynayay siyaasad ay halis tahay in la galo iyo mashaariic dhanka xuquuqda aadanaha gaar ahaan dhibaatada ay boqortooyada ku heyso shacabka Sacuudiga. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in sadaxda qareen todobaadyo ka hor loo soo diray digniin dhanka amniga,maadaama ay suura gal tahay dhibaato ay kaga imaan karto Sacuudiga. Al-Baqdaadi oo ah muwaadin Falastiini ah una ololeeya xuquuqda aadana iyo qoraa qeyb ka ahaa kacdoonadii carabta sanadkii 2011-kii ayaa marar badan dhaleecayay dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Ciidanka booliska Norway ayaa 25-tii bishii April waxay ku booriyeen in uu qaato ciidan suga amnigiisa,si looga hortago in la Beegsado. Source
-
(SLT-Hargaysa)Wasiirka horumarinta biyaha somaliand Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa jawaab kulul ka bixiyey qaabkii xildhibaan dhakool uga hadlay xuska 180ka May. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraal uu baahiyey waxa uu kaga waramay muhiimada xuska 18-ka May isaga oo ganafka ku dhuftay qaabka uu xildhibaan Dhakool uga hadlay. Wasiir Koore ayaa tilmaamay inaanu garanayn sababaha keenay in wakhtigan uu xildhibaan Dhakool ka horyimaado xuska 18-ka May isaga oo ka qayb galayey 28 sanadood ee ay somaliland jirtayba. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraalkiisa ku yidhi “”Somaliland 28,sano ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sano ee la xusayey? Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin hadii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay? Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, loo dabaal dagayey. Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May. Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kast oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahy” Source
-
(SLT-Garoowe)-Taliska ciidammada Maraykanka ee Africom ayaa sheegay inay duqayn ay ka sameeyeen gobolka Bari ee maamulka Puntland ay ku dileen 13 qof oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish. Talisku wuxuu sheegay in xogo sirdoon oo ay heleen ay u suurtagalisay inay bartilmaameedsadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan kooxda Daacish, ku qarsadaan Hubka, ku tababaraan maleeshiyaadkooda. Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay inaysan jirin waxyeelo dadka shacabka ah ka soo gaartay weerarkaasi, islamarkaana ay ogolyihiin in la baaro hadii ay yimaadaan macluumaad la xidhiidha dad waxyeelo soo gaartay. Duqaynta lagu dilay maleeshiyaadka Daacish ayaa dhacday saqdii dhexe ee habeenkii Arbacada, waxayna ka dhacday ceel ku yaal degaanka Cameeyra oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari. Maraykanka ayaa weeraro cirka ah oo isdajooga waxaa ku bartilmaameedsanayaa Kooxda Daacish oo ku dhuumaalaysata buuralayd Cali Bari ee Puntland. Weeraradaas waxa ay ku dileen guddoomiye ku xigeen, ahaana madaxii dhaqaalaha ee Daacish, bishii April ee sanadkan. Source
-
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland. Dhakool ayaa shalay sheegay in maalinta 18 may aanay ahayn maalin Qaran balse ay leedahay beesha dhexe ee Somaliland. Dastuurka Somaliland ayaa dhigayaa in aan la xidhi karin Xildhibaan Baarlamaan ilaa xasaanada uu sito Laga qaado. Source
-
(SLT-Washington)-Maraykanka ayaa sheegay in uu qabtay markab xamuul ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ku eedaysay in uu meel uga dhacay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaraan. Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in markabku uu waday dhuxul dhagax, taas oo ah waxa ugu badan ee ay dibadda u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi balse Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay. Markabka ayaa markii u horraysay lagu qabtay Indonesia bishii Abriil ee sannadkii 2018. Waa markii koobaad ee Maraykanku qabto Markab Kuuriyada Waqooyi leedahay oo loo haysto in uu jabiyay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran, arrintan ayaana ku soo aadaysa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhaxeeya. Kulan ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un iyo madaxweynaha Marayanka Donald Trump ayaa dhammaaday isagoon wax heshiis ah laga gaarin bishii Feebaraayo, iyadoo Maraykanku uu ku adkaystay in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubkeeda nukliyeerka ah, Pyongyang waxay dalbatay in laga dabciyo cunaqabataynada saaran. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay labo hub hal toddodobaad gudahii, arrintaas oo si wayn loogu arkay isku day uu dalkaasi ku doonayo in uu Maraykanka cadaadis ugu saarayo is afgaranwaaga dhex yaalla. Maxaan ka ognahay Markabka? Markabkan oo la dhoho Wise Honest, ayaa markii u horraysay la qabtay sannadkii hore Maraykanka ayaana codsaday ogolaanshihii uu kula wareegi lahaa bishii Luulyo ee sannadkii 2018. Indonesia oo qabatay ayaana markabka wareejisay, haddana wuxuu ku sii jeedaa dhanka dalka Maraykanka. Maraykanka ayaa shaaciyay in ku dhawaaqidda markabkan aysan wax shuqul ah ku lahayn gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi. “Xafiiskanaga ayaa daaha ka rogay hab ay Kuuriyada Waqooyi ku dhoofinaysay dhuxul dhagax heer sare ah iyada oo dalal ajnabi ah ka iibinaysay isla markaasna qarinaysay halka uu asal ahaan ka soo jeedo markabka Wise Honest,” ayuu yidhi Geoffrey S Berman oo ah dacwad ooge Maraykan ah. “Arrintaas Kuuriyada Waqooyi uma suuragalinin in ay cunaqabataynta caalamkiga ah kaga xidaaraysato oo kali ah, balse markabka Wise Honest waxaa sidoo kale Kuuriyada Waqooyi loogu sii qaadi jiray mashiinno culculus, arrintaas oo gacan ka gaysan jirtay awoodda ay Kuuriyada Waqooyi uga xidaaraysato cunaqabataynnada saaran.” Kharashaadka lagu dayactirayay markabka Wise Honest ayaa lagu eedeeyay in loo adeegsaday lacago doolarka Maraykanka ah oo lala kaashaday bangiyo Maraykan ah oo aan ka shakisnayn, arrintaas ayaana dawladda Maraykanka fursad u siisay in ay tallaabo dhanka sharciga ka qaadaan oo dacwad ku soo oogaan. Kuuriyada Waqooyi waxaa saaran cunaqabataynno badan oo uu ku soo rogay Maraykanka iyo kuwo kale oo caalami ah, iyadoo Pyongyang loo hayso horumarinta hubkeeda nukliyeerka ah iyo gantaallada ay tijaabiso. Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi dib ma isula jaanqaadi karaan? Arrimaha ka soo cusboonaaday labada dal ayaa tilmaamaya in ay ku laabanayaan cadaawaddii ka dhaxaysay, balse ergayga Maraykanka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi Stephen Biegun ayaa hadda ku sugan Kuuriyada Koonfureed si ay uga wada hadlaan sidii dib loogu billaabi lahaa barnaamijka tirtiridda hubka nukliyeerka ah. Madaxweynaha Trump ayaa sheegay “in qofna uusan ku faraxsanayn” tibaabooyinkii hubka ee u dambeeyay. “Waan ogahay waxay doonayaan in la wada xaajoodo, waxay ka hadlayaan wada xaajood. Balse uma malaynayo in ay diyaar u yihiin wadaxaajood,” ayuu yidhi. Wuxuu noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi ka dib markii ay shireen sannadkii hore, balse inkastoo kulankaas iyo mid kale oo dabo socdayba ay dhaceen haddana wax wayn oo la taaban karo kama soo bixin marka la eego qorshaha hubka nukliyeerka ah looga tirtirayo gacanka. Sannadkii hore Kim wuxuu sheegay in uu joojin doono tijaabinta hubka nukliyeerka ah isla markaasna uusan sidoo kale ridi doonin gantaallada qaaradaha isaga kala goosha, balse dhaqdhaqaaq arrimahaas la xidhiidha ayaa sii socdaan. Waxyaabihii la taaban karay ee kulanka labada masuul ka soo baxay waxaa ka mid ah in Maraykanka loo celiyo askartii ka dhimatay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, arrintaasina hadda way joogsatay. Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka ka imaanayo deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Galmudug ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Howlgalo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Nabad sugidda iyo kuwa meletariga Soomaaliya ayaa waxay kula wareegeen deegaanada Caad Camaara iyo Ceel Huur, kadib dagaal saacado qaatay oo halkaasi ka dhacay. Dhaqdhaqaaqa Ciidamada oo xalay soo bilowday ayay ugu suuro gashay inay deegaano dhowr ah la wareegaan, waxaana la sheegay inay hadda doonayaan inay la wareegaan degmada Xarardheere. Degmada Xarardheere ayaa ah saldhiga ugu weyn ee Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Mudug, waxaana ay halkaasi maamulayeen sanado badan. Saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada DANAB ay qeyb ka yihiin howlgalka, waxaana cabsi badan ay ka taagan tahay deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin Galmudug. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koor ayaa isaga oo ku sugan Deegaanada Dawlad Deegaanka Somalida, ka jawaabay hadal kasoo baxay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, kaasi oo la xiriiray 18 May Iyo Xuskeeda. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland sanadihii ugu dambeeyay ay u dabaal dageysay xuska maalintaasi, islamarkaana aysan jirin cid hadda diidi karta xuska maalinta xoriyadda Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay in wax lala yaabo tahay in ruux ku sugnaa degaanada Somaliland uu iska dhego tiraa xuska maalinta Xorriyadda Somaliland. “Somaliland 28,sano ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sano ee la xusayey? Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin hadii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay?” ayuu yiri Wasiir Koore. “Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, loo dabaal dagayey. Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May” “Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kast oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahay” ayuu hadalkiisa kusii daray Saleebaan Cali Koore . Hadda waxaa xabsiga arintaasi loo dhigay xildhibaan Dhakool oo kamid ah xubnaha kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@Live.com
-
Dowladda Kenya ayaa qoraal shalay gelinkii dambe ay soo saartay ku joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. maanta wixii ka dambeeya Diyaaradaha ka duula Magaalada Muqdisho waxay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, halkaasi oo baaritaano lagula sameyn doono, intaasi kadibna ay Nairobi uga sii gudbi doonto. Wasiirka Duulista Hawada Somaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo xaqiijiyay warkan ayaa sheegay ilaa hadda in Dowladda Kenya aysan cadeyn sababta talaabadan ay u qaaday, balse wuxuu tilmaamay in Dowladda Somaliya ay arrintan ku heyso baaritaan dhab ah. “Waa sax warkaasi war ay soo saartay Kenya ayay ku sheegtay Diyaaradaha ka duula Muqdisho inay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, ilaa hadda sababta nalooma sheegin, balse wada hadal ayaa socda, Garoonkeena amnigiisa waa mid aad u sareeyo, ma dooneyno inaan ka hor dhacno, iyaga ayaan ka war sugeynaa”. ayuu yiri Wasiir Oomaar. Bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa jiray heshiis dhexmaray Dowladda Somaliya iyo Kenya, kaasi oo sahlay in Diyaarada ka duusha Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi xilli markii hore ay sii mari jireen Magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaas (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa war kasoo saaray duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ka fuliyeen Puntland, taasi oo laa eegtay fariisin kooxda Daacish leeyihiin. Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo xubno Daacish ka tirsan ay ku sugnaayeen oo ku yaala Buuraha Golis ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, duqeyntaasi oo dhacday Labo maalin ka hor. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasi oo buuraha ku dhuumaaleysanayay. Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu wiiqayo awooda kooxaha Al Shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama Soomaaliya. “Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay13 ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Daacish ayuu yiri Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan Africom ee Qaarada Afrika Admiral Heidi Berg. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah, isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay. Mareykanka ayaa kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo deegaanada Puntland,waxaana duqeyn 14-kii bishii April ee sannadkan ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Saadiq Warfaa iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya ,Carlo Campanille ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay labo heshiis oo waa weyn. Heshiisyada ayaa diirrada saaraya qorshaha ku aaddan horumarinta shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuurka 1,000 qoys ,iyadoo sidoo kale uu labada heshiis wax ka saxiixay madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga,Guglielmo Giordano. “Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga naga caawisay 2 milyan oo euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso in 1,000 qoys aanu meeleyn doono oo dadka liita ah.. 1,000 -ka qoys waxaan ku billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kaddibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri wasiir Saadiq Warfaa. Wasiir Warfaa, oo u mahadceliyo dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska labaad ay ku baxayso 750,000 euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka matala shaqaalaha. “Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan ugana mahadceliso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan – arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah”. ayuu raaciyay wasiir Saadiq Warfaa. Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ,Carlo Campanille ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’antahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, doorna ugu yeelan lahaayeen horumarinta bulshada. Heshiisyadan ayaa ku soo aadday xilli wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Saadiq Warfaa uu dadaal ku bixinayo horumarinta bulshada iyo in loo helo bulshada Soomaaliyeed shaqo abuur dalka ka suuragalin kara isbeddel bulsho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dunida aynu ku noolnahay Tiknoolajiyaddu waxa ay uga jirtaa dhinac waliba oo nolosha aadamaha ah ayadoo marba marka ka danbeyso ay ku tilaabsaneyso horumar aan qiyaas laheyn. Gudaha wadanka way adkeyd in muddo ah inuu adduunka wax kula qeybsado horumarka laga gaaray dhanka Tiknoolajiyadda, sababta oo ah wadanka oo ah dalka kujira soo kabasho dagaalo sokeeye oo qasabtay in hardan loo galo in la badbaadiyo nolosha. Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka yagleelmay Ganacsiyo, Talaabooyin iyo figrado ay saldhig u tahay Tiknoolajiyadda, bulshada Soomaaliyeedna ay fahmeen lana jaanqaadeen. Cawil Axmed oo ah maamulaha IRISEHUB oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegaya in dhalinyadu ay si aad ah ula qabsadeen fahamaka iyo ku shaqeynta Ganacsiyada ku dhisan Tiknoolajiyadda, waxa uuna xusay in asbuuc waliba dhalintu ay soo bandhigaan barnaamijyo cusub. ” Asbuuc waliba waxa aad social medi-yaha aad ku arkaysaa barnaamijyo cusub oo la soo kordhinaayo, waxa ay taas ku tusinaysaa in dhalintii aad u firfircoon yihiin fahmeena istmaalka iyo faaiidada Tiknoolajidda, runtii anaga waxaan ku shaqr=eynaa qaab online ah bulshadana ayagoo guryahooda jooga iney helaan waxa ay naga rabaan” Maxaa sababay in dadku fahmaan isticmaalka adeegyada ay Tiknoolajiyaddu laf dhabarka u tahay iyo in dadku ay ku dhiiradaan ku adeegashada qaabka onlinka ah, waxaa sharaxayo Maxamed Shiine oo ah aas-aasaha shirkadda Soomar oo ayadu qaab online ah wax ku iibisa. “ Aniga waxaan ahay aas- aasaha shirkadaan Soomar oo qaab online ah wax ku iibiso, dadka nala shaqeeyo waa dad aad ugu sareeyo isticmaalka Tiknoolajiyadda, waxaan u suura galinaa bulshada ayagoo guyahooda joogaan iney helaan alaabtooda,taasna waxa ay saamaxday in adeegeeno uu dad badan uu gaaro, runtii dadka hadda wax ku iibsadana aad ayeey u soo badanayaan” Inkastoo si aada ay uga muuqato isticmaalka Tiknoolajiyadda gudaha caasimadda Muqdisho shirkado caalamka laga yaqaano ay soo sal dhigteen, haddana waxaa jiro caqabado dhanka bulshada ah oo ku aadan aaminaada kalsoonida ay ku qabaan . Cabdi shakuur Fuje, waa aas-aasaha Shirkada Soomaali Deals oo ku shaqeysa qaab online ah waxa ayna iibisaa Dhulalka,Beeraha iyo kireenta Guryaha waxa uu sheegayaa wali inay yartahay kalsoonida bulshadu ay qabaan. “ Wali caqabado ayaa jiro caqabadaas oo ah in dadka markii ay arkaan warbinada aan soo galinay qadka in su,aalo badan ay naweydiiyaan, waliba waxaa u daran dadkii hore sababtoo ah ayaga maba ahan dad aad u fahamsan, lakiin dhanka kale bulshada hormar aad ah ayaa jiro,rajo aad uweyn ayaana ka qabnaa in caqabadahaan ay dhamanayaan , wax waliba oo la bilaabo waxaa jiroo caqabado ku hor gudban inay dhamaato ayaan rajaynaynaa oo maraan fogeeyn wax waliba lagu kala iibsado qaab online ah bulshaduna fahmaan” Sanadkii 2018ka Muqdisho waxaa lagu qabtay shir lagu soo bandhigayay laguna tartan siinayay shirkadaha Tiknoolajiyadda ku shaqeeya oo qaarkood ay dhalinyaro abuureen waxaana ka soo qeyb galay dad kabadan 4000 oo qof oo isu jiray Soomaali iyo Ajaanib taas oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay ugu hamuun qabaan iney ku talaabsadaan Horumar dhanka Tiknoolajiyadda, waa kanaa Cawil Axmed waxa uu ka mid ahaa dad qaban qaabiyay shirkaas waxa uu sharaxayaa ahmiyadda uu u lahaa dadka Soomaaliyeed. “ Shirkii 2018 waxaan aamin sanahay midka 2019ka uu ka casriyeeysnaan doono oo dad 4000 ahaa ka badan ay ka soo qeyb galin doonaan , shirkadaha aan uga qeyb galnay wuu yaraa hadda dadku faaiidada way arkeen waxaan rajaynaa inuu sanadkaan shirkado ay nagu soo biiri doonaan ka badan kuwii hore” Sadexdii sano ee la soo dhaafay Muqdisho waxaa ka hana qaaday dhowr isku dayo oo lagu doonayay in lagu hirgaliyo ganacsiyo iyo shirkado si guud ku shaqeynaya Tiknoolajiyadda taas oo sawir guud ka bixinaysa sida wadanka uu ugu sii socdo inuu horumar uu ka gaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadanaa duulimaadyada diyaaradaha isaga kala gudba magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Heshiiskaasi ayaa dhigayay in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay si toos ah u cago dhigtaan garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta, halkii markii hore ay mari jireen magaalada Wajeer, waxaana hadda dhamaan diyaaradaha ka baxa Muqdisho lagu sii baari doonaa magaalada Wajeer. Dowladda Soomaaliya ayaa saacado kadib go’aanka dowladda Kenya waxay war kasoo saartay waxa ay kala socdaan go’aanka dowladda Kenya iyo dhankooda go’aanka ay qaadanayaan. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warheyso go’aankaasi, islamarkaana aysan ogeyn sababta Kenya go’aankaasi u qaadatay. Wuxuu sheegay in amaan ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan, balse Go’aanka Kenya ayuu sheegay iney u malaynayaan inuu arimo kale a xiriiro. “Sida aad og thiin amaanka garoonkeena wuxuu ka sareeyaa amaanka garoomada kale, waxaan hubnaa inaysan sabab amni ay go’aankaasi u qaadan, waxyaabo kale ayaan fileynaa, waxaan sugeynaa xagooda”ayuu yiri Oomaar. “Dhamaan waxaan la xiriirnay diyaaraha toos u aadi jiray Nairobi, way heystaan aqbaarta, diyaaradaha labo nooc ayay u kala baxaan kuwo UN-ka oo mar walbaa sii mari jiray Wajeer iyo kuwa Rajaabka oo Nairobi ka dagi jiray” “Marka aan ogaano waxay doonayaan iyo sida ay howsha u joojinayaan ayaan annagana go’aan ka qaadan doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
As Uber (UBER) gears up for its debut on the public markets on Friday, ride-hailing drivers’ grievances have come under heavy focus. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo madax goboleedyada, ayaa qarka u saaran bur-bur kadib markii shalay uu meel xun gaaray, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo oo ay isku rasaaseeyeen ciidamada Jubaland iyo kuwa musharax Cabdi Naasir Seeraar ay si xooggan u saameysay shirka. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aad uga carooday falkaas islamarkaana uu madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inay soo direen Seeraar, si uu qal-qal uga abuuro Jubaland. Shirka oo shalay buuq ku dhammaaday ayaa qorshuhu ahaa in xalay afurka kadib la isku soo laabto, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inuusan dhicin kadib markii Axmed Madoobe uu iman waayey. Xiisadda cusub ee Axmed Madoobe iyo dowladda ayaa uga sii dartay shirka oo markii horeba ay hareesay xiisadda madaxweynaha Galmudug iyo dowladda federaalka, oo maalmihii uu shirka uu socday oo dhan laga hadlayey. Waxaa la ballansan yahay in maanta mar kale la isku laabto, balse ma cadda sida wax noqon doonaan, waxaana la hubin in Axmed Madoobe shirka iman doono iyo in kale, taasi oo haddii ay dhacdo inuusan iman ay u badan tahay in mar kale shirka baaqdo. Cabdi Naasir Seeraar, oo horey ugu dhowaan jiray Axmed Madoobe, haddana musharax ah ayaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, taasi oo aad uga carreysiisay Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
American airstrikes killed 13 militants affiliated with the Islamic State’s burgeoning Somalia faction, as Washington and its allies attempt to stamp out the terror group’s efforts to gain a wider foothold in North Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku dhawaaqay Mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, kadib loolan muddo adag socday. Muqdisho ayaa ku guuleysatay in lala mataaneeyo magaalada Saint Paul ee caasimadda gobolka Minnesota ee Mareykanka, kadib markii uu fashilmay dadaal ay wadeen jaaliyadda Puntland ee gobolka Minnesota, oo doonayey in Saint Paul lala mataaneeyo Garoowe. Muddo sanad ka badan ayaa waxaa dagaal xooggan galay oo mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul kasoo horjeeday jaaliyadda Puntland ee Minnesota, oo sameeyey mashruuc la magac baxay Mashruuca Mataaneynta St. Paul iyo Garoowe, horena loo oron jiray Saaxiibada Minnesota ee Puntland. Bayaan ay soo saareen sanad ka hor oo ay werisay Caasimada Online, ayay ku sheegeen in qorshaha uu yahay mid “Waqtigiisa kasoo hormaray oo aan suurtgal ahayn” Waxay sheegeen in mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul uu abaal marinayo “Magaalo hantida dadkoodii lagu dhacay, dadkoodiina lagu laayey, oo lagu qasbay inay ka qaxaan”, sida ay hadalka u dhigeen. “Xaqiiqda ayaa ah in Muqdisho ay tahay magaalo ay la dageen weeraro argagixiso, oo dhammaadkoodu aanu soo dhaweyn. Waa kasoo horjeednaa in Muqdisho iyo St. Paul la mataaneeyo. Haddii sidaas ay dhacdo waxaa ka faa’iideysan doona, kuwa taageera xagjiriinta, oo ka soo horjeeda reer galbeedka” ayay yiraahdeen ururka mashruuca Garoowe. Dagaalkan ayaa ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, waxaana Saint Paul ay garwaaqsat in Muqdisho oo ay ku nool yihiin laba milyan iyo ka badan aan lala meel dhigi karin Garoowe, oo xitaa aan dhameyn hal degmo oo ka mid ah 16-ka degmo ee Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dhaqan gelinta mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul oo guul ku soo dhammaatay Qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka. “Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed in codsigii aan u gudbiyey Mayor-ka magaalada Saint Paul ee dalka Mareykanka la soo aqbalay in Muqdisho iyo Saint Paul la mataaneeyo. Waxaan u mahadcelinayaa Golaha deegaanka oo uu xubin ka yahay Kasim Busuri, Soomalida Minnesota iyo shaqsi walba oo kaalin ka geystay” Duqa Saint Paul Melvin Carter ayaa sheegay in Mataaneynta labada magaalo ay tahay mid ku timid saaxiibtinimada labada bulsho, isagoo ku casuumay Duqa Muqdisho inuu yimaado Saint Paul si loo dar-dargeliyo mataaneynta . Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Caalamka ay sanadihii dhowaa kaalin wanaagsan ka qaadanayeen siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, tanoo kor u qaaday sumcadda ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Maxay tahay sababta Xabsiga loo dhigay Xildhibaan Dhakool ?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay xabsiga u dhigeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaan Maxamed Dhakool ayaa la sheegay inuu kamid ah xubnaha kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool, waxaana gelinkii dambe ee shalay xabsiga dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland. Xidhibaanka ayaa la sheegay in loo xiray sabab yaab leh, waxaana ciidamada ay xabsiga dhigeen kadib markii uu maalinta 18 May ku tilmaamay inaysan Somaliland u aheyn maalin qaran. Xildhibaanka ayaa xabsiga la dhigay iyadoo xasaanadda uu leeyahay lagu ixtiraamin, waxaana la ogeyn waxa ku xigi doona talaabada xeritaankiisa. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Saacadaha soo socda ay macquul tahay in Xildhibaan Dhakool loo gudbiyo Xarumaha Hay’adaha dambi-baarista ee Soomaaliland,sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magalada Hargeysa. Qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay caburin u arkaan xariga xildhibaan Dhakool. Ma jiro war kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku aadan sababaha xariga xildhibaanka iyo waxyaabaha laga yeelayo. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com -
The UN agency labour, International Labour Organisation (ILO), and the Italian Government signed a new cooperation agreement to promote decent employment, peace and resilience in building the capacity of trade unions in collaboration with the Federation of Somali Trade Unions (FESTU). Source: Hiiraan Online
-
APO Group content is copyright free and can be republished at will. World Health Organization (WHO) PRESS RELEASE WHO denounces attack on health workers and ambulance in Libyan capital In April, 3 health workers were killed in Tripoli, and numerous first-line responders have struggled to reach the wounded without being injured themselves GENEVA, Switzerland, May 9, 2019/ — The World Health Organization today condemned in the strongest terms an attack on an ambulance in Tripoli, Libya, on Wednesday 8 May, that left 3 health workers injured, one severely. “This attack on an ambulance with visible logos is a shocking and intolerable violation of international humanitarian law,” said Dr Syed Jaffar Hussain, WHO Representative in Libya. “Not only did this attack injure key personnel, but the ambulance itself was taken away, thereby depriving patients of future care.” Since the conflict in Libya escalated in early April, 11 additional ambulances have been impacted or suffered collateral damage. In April, 3 health workers were killed in Tripoli, and numerous first-line responders have struggled to reach the wounded without being injured themselves. As the conflict continues into its second month, more than 400 people have died and over 2000 have been wounded. WHO has been supporting field hospitals and field ambulance teams in Libya since the beginning of the conflict. The Organization has also deployed emergency medical teams to key referral hospitals to perform surgeries in hospitals in and around Tripoli. WHO is also providing health facilities with medical supplies, including trauma kits with medicines for war injuries. “This flagrant breach of the basic rules of warfare could jeopardize the operations of field hospitals and ambulance teams, and deter dedicated health staff from performing their life-saving duties,” said Dr Ahmed Al-Mandhari, WHO’s Regional Director for the Eastern Mediterranean. “WHO cannot accept any actions that put health workers in harm’s way. Health staff in Libya are working to save lives and must be allowed to work without additional risk to their safety or well-being.” Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO). SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay qal-qal gelineyso ammaanka deegaanada uu maamulkaas ka taliyo, islamarkaana ay ka waddoo faro-gelin. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaadeyso mas’uuliyadda dhacdadii shalay ee Garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn ka dhacday. Is-rasaaseyntaas ayaa waxay dhex-martay ciidamada ammaanka garoonka iyo Ilaalada Musharax Cabdi Nasir Seeraar, oo ka mid ah musharaxiinta la loolameysa Axmed Madoobe. Seeraar oo horay u soo noqday Afhayeenka Jubbaland ayaa si weyn ula shaqeyn jiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka hor in aysan isku dhicin, waxaana uu ka mid yahay hadda musharaxiinta. “Dowlad goboleedka Jubbaland waxay masuuliyad ka saarantahay sugidda Amniga dalka iyo dadka reer Jubbaland , mana ogolaaneyso waxkasta oo carqalad ku ah kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimo, Jubbaland waxay caddeynaysaa inay faragalin gurracan ku hayso hambsami u socodka hanaanka doorasho ee Jubbaland taas oo ay masuuliyadeeda qaadan doonto DFS fal kasta oo liddi ku ah amniga iyo dowladnimada JJubbalan” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. Dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo ayaa sidoo kale la sheegay inay buuq ka abuurtay shirka dowladda iyo dowlad goboleedyada, kadib markii Axmed Madoobe uu madaxda dowladda ku eedeeyey inay soo direen Seeraar. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuusan ka qeyb-galin kulankii ugu dambeeyey ee xalay ka dhacay Garoowe. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka
-
Abdirizak Ahmed Jama Xukuumadda iyo xisbiyada oo karaamadii ka xayuubiyey qaranka Somaliland. Laba professor oo waali cas u saaray xili aan loo fadhiyin iyo umadda oo isku ciil kaanbiyeysa halka tacabkoodii lala marayo. Waxaa hubaal ah in ay bulshada Somaliland maanta u muuqato in wadankii galay xaalad cakiran, oo ay lagama maarmaan tahay in laga wada arinsado. Aynu ku horeyno labada macalin ee waayahan wadanka dhexdiisa ka bilaabay, wax ay ugu yeedheen tabliiq siyaasi. Marka ugu horeysa labada macalin waxaa haysta dhibaato ama caado ku habsata macalimiinta- malaha qaarkood uun. Madaama ay macalimiintu inta badan wakhtigooda la qaataan dad aad ugu da’ yar ama aad uga aqoon iyo khibrad hooseeya, waxay dadka oo dhan moodaan in ay ardaydoodii yihiin, oo ay dadku ku qasban yihiin in ay iyaga dhegaystaan. Labadan macalin waxaa taa u sii dheer, in siyaasaddan ay leeyihiin dabliiq baanu ka nahay, ay iyada lafteeda ku saaqideen oo umaddu kawada war qabto waxay isla soo mareen. Waxaana la iswaydiin karaa qofku waxa uu damiin (saaqid) ku yahay, tabliiq maka noqon karaa! Waxay labaduba si wajigabax -nimo ah ugu guul daraysteen tan (siyaasadda) ay maanta ka tabliiqayaan. Iyadoo aanay jirin wax la taaban karo oo ay qarankan Somaliland ku soo darsadeen, dhib ay hore ugu geysteen mooyaane, ayey hadana waxaabay u hadlaan in midkooba Somaliland-ta dhan la miisaan yahay. Waxaad hadaladooda ku dhex arkaysaa (aniga iyo Somalilad). Cajiib! Goorma ayuu shaqsi inaga mid ahi, la miisaan noqday Somaliland-ta umadda oo dhami wada leedahay. Waxa weedhaha noocaas oo kale ah laga fili karaa qof isbidaya in uu tacab ka galay Somaliland. Inkastoo waxa aad u qabato dalkaaga ay iyaduba nusqaan ku tahay qofka sheegta ama ku faanfaana.Wixii umaddu kuu garato waa halkeeda. Labada maclin iyagu waxay Somaliland-ta taraan iska daayoo waxay umaddu ka war haysaa in aanay waxba ula hadhin sidii ay u curyaamin lahaayeen una daadifayn lahaayeen hamiga dadkooda. Wakhtigaa ay iyagu dagaalka kula jireen Somaliland, muwaadiniintii ka hortaagnaa ee Somaliland difaacayey, ayaan daro, sidooda roogag cas cas meel walba looma dhigin. Waxay ku ganacsan yihiin in ay umaddoodii wixii ay u qaban karayeen u qabteen. Intaas ayaa ku filan, waxaana kali ah ee ay rajaynayaan in ay Somaliland maalin uun dhaqaaqdo iyagoo nool. Macalimiintani wax ay inagu soo biiriyeen ma hayno. Waxa hubaal ah in lagu jiro wakhti aan waxba laga xishoon, lana xeerin.Waa wax runtii laga xishooda ah, in nin wayni umad hortood la soo istaaago aniga, aniga iyo aniga oo madhan. Sida warka lagu hayo waxay labada macalin wax kasoo barteen qaybo cilmiga dhaqaalaha ka mid ah, hadana Somaliland-taa la ciirciiraysa siday u maamulan lahayd dhaqaalaheeda yar ee ay hesho, ma aragno iyagoo leh waxaan u soo bandhigaynaa xal dhaqaale oo wadanka wax tar u leh. Muwaadin kasta oo reer Soamlaild ah, waxaa looga fadhiyaa in wxiii uu ku soo kordhin karo, waddankan cuna qabataynta noocyada badan ee dadban uu aduunwaynuhu saaray, uu ku soo kordhiyo. Umaddu waxay xusuusinaysaa labada macalin in dad badani ay garanayaan inta ay la hor tagtaan yihiin dhaliyarada Somaliland ee ay ugu yeedheen tabliiq siyaasad. Waxaa hubaal ah, oo la ogyahay in dad badani idinkaga fiican yihiin siyaasadda laakiin idinka macalinimada ayuun baa idin kilkilaynaysa. Waxaa umadda u muuqata in aad siyaasiyiin badan oo nooc walba leh aad la gasheen heshiisyo dhinacyo badan leh, kuwa gaara iyo qaar heer qaran ahba. Haddii siyaasiyiinta qaarkood ay awrtooda idinku kacsadeen, waa siyaasadan aad ku dawakhdeen iyo camaladeeda, ee ha u cadhoonina dadkiina. Wadankeenu meel fiican ayuu inoo marayaa, marka la eego itaalka shacabkeena, wax aad u badanina waa inoo hadhsan yihiin. Umaddu, Somaliland la wada leeyahay ayuu hamigoodu ka siman yahay. Waa la gaadhi hamigaa, waana lagu qasban yahay. Somaliland iyadoo aduunwaynaha xaqeedii ka baryeysa in ay iyada dhexdeedii xaquuq, cadaalad iyo sinaan iska duudsidaa ama iska baridaa, waa wax aan macno samaynayn. Caruurta ayaa bisaylkeeda gaadhay oo og manta, in aan cidina intay qof kale xaqeeda qaadato aanay ku ladayn. Hadafka ummadani leedahay waa mid ka fog halkan aynu maanta marayno. Waxaa suurto gal ah in xukuumadda maanta joogtaa ay la iman kari waydo ku dhac lagu saxayo wax kasta oo ay Somaliland kala tabanayso, laakiin mar ay ahaataba umaddan yoolkeedu waa in ay gaadho sinaan, cadaalad, walaaltino iyo qaran ul iyo diirkkeed ah. Sidaas darted, reer Somaliland meel uma hayaan, kamana mid noqon karaan, shaqsi, cid ama reerba laga yaabo in ay ku hamiyi karaan in ay inta kale xuqooda duudsiyaan. Labada macalin waa in ay fahmaan, tani (Somaliland) in ay wali tahay curdin aan gujo iyo hantaaqo xamili Karin. Iyadoo aduunwaynuhu cunaqatayn dadban ku hayo, ayey bulshowaynteeda oo u dhami ay hareeraha saf uga wada taagan yihiin, oo marka ay liicdo, ay ku noolaynayaan oo ku kabayaan maal gashi, cilmi gashi, caqli gashi iyo wax kastoo ay u heli karaan. Walaalayaal safka soo gala, waxaad wadankiina ku soo biirin kartaan, waa la idiinka fadhiyaa. Way muuqataa wakhtigan in ay jirto xukuumad tahli kari la’ in ay umadda midayso. Wakhtigan waxay umaddu guud ahaan, tabaysaa hogaan leh xirfad uu ku midayn karo shacabka walaalaha ah, si uu muwaadin kastaa danihiisa uga dhex arko wadankiisa. Wax, lagu tabco waxaa ugu qaalisan dadka oo la dhiso maskax ahaan. Waxaad moodaa, hogaanka talada hayaa in ayna u muuqan in ay taa tacab galiyaa. Balse iyagu ay horumarka u yaaqaanaan, daaro iyo dariiqyo la dhiso. Waxay umaddu u soo jeedinaysaa dawladdan sida habqanka ah hawlaheeda u gudata, in ay umadda wax waydiiyaan oo aanay talada dalka kaligood isku koobin. Waar, talada Somaliland qof iyo laba toona tunka uma ridan karaan. Waar, ma xamili kartaan miisaanka intaa leeg. Karti aad ku maarayn kartaan culayskaas bulshada uma muuqato. Waxay bulshada reer Somaliland ku soo tacabayeen wakhtiga dheer ee sideed iyo labaatanka sanadood qaatay, yeyna gacmihiina ku burburin. Xukuumadda, waxaa looga fadhiya in ay soo saarto umad isku duuban, isku jiidh ah, isku dareeen ah, iska raali ah, is ixtraamta oo qadarisa. Waxaa wax lala yaabo ah in xisbiyada qaranka iyo xukuumadu ay xal lagaga gudbo is marin waagan ay la iman kari la’ yihiin muddo labo sano ah. Waxay tani caalam siin kartaa fikrad ah, in aynaan tashan Karin, oo in aynu tashano karideeda aynaan lahayn. Qaranka Somaliland ma qabato in aad la soo horfadhidaan ma heshiin karno. Iyadoo ismarin waagan eediisu ay dhabarka u ridayaan xisbiyada iyo xukuumadduba, hadana waxuu xilka dhabta ahi saaran yahay xukuumadda. Umddu ma gaydo in garnaqsi iyo anaa gar leh lala soo hor taagnaado. Umaddu waxay xukuumadda manta joogta uga fadhidaa in ay qabsoonto doorashadu wakhtigii loo qabto. Waxa idiin yaala in aad milgaha dawladnimo ee la idiin dhiibtay aad sideeda umadda ugu ilaalisaan. Gaba gabo, Wadanku wuxuu manta taagan yahay xaalad cakiran oo u baahan in si mug leh looga wada arinsado. Meelaha wakhtigan xalka deg dega ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah: Xukuumadda iyo xisbiyadii oo wada shaqayntoodii istaagtay. Wada hadaladii xukuumadda iyo Khaatumo oo iyaguna istaagay. Dhamaan hay’adihii dawliga ahaa oo wakhtigoodii wada dhacay, Tan Madaxwaynaha ayuun baa xalaal ah, inta kale waa sahrci daro. Iyadoo hawlaha miisaankaa leh ay inoo yaalaan, in aynu ku meeraysano arimo yar-yar waa inoo doqonimo. Bulshada Somaliland waa inay toosaan oo ay ka feejignaadaan arimahan isbarkaday ee ilaa imika xal muuqda loo la’ yahay. Maanta, Somaliland muwaadiniinteeda hiil ayey uga baahan tahay. Xilka qaran, waa inuu diraa shaqsi kasta oo reer Somaliland ah. Somaliland ha la badbaadiyo maanta. Alahayoow, shacabkan Somaliland ee xariirta ah, samirkooda iyo dulqaadkooda u sii siyaadi. Aamiin. Abdirizak Ahmed Jama Calgary rizakj@yahoo.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kontoroolada Madaxtooyadda xayndaabkeeda ku yaalla, ayaa waxaa la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya, tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidankan oo aad u feejigan, islamarkaana Qoryaha la garwaaxsan ayaa lagu kordhiyay baraha Kontorool ee Sayidka, Ceel Gaabta iyo Tiyaatarka, halkaasi oo laga ilaaliyo Madaxtooyada. Gaadiidka ay wataan shaqsiyaadka ka tirsan dowladda ayaa waxa ay ku maraan Koontaroolada Madaxtooyadda ku dhaw in laga soo dago gaariga meel ka fog goobtii hore, kadibna qofka oo gacanta ku wata aqoonsiga uu u tago askarta. Saraakiisha Ciidanka Koofi Guduuda ayaa ciidanka amar ku siiyay inay rasaas ku furaan gaarigii soo dhaafa goobta ay taallo birta calaamada ah. Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya sababta loo adkeeyay ammaanka aagga Madaxtooyada inay tahay weeraro laga cabsi qabo inay geystaan Mintidiinta Al-Shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Kooxda Al Shabaab ayaa sida caadada aheyd waxa ay bisha barakeysan ee Ramadaan kordhiyaan Qaraxyada, Weerarada tooska ah ee xarumaha dowladda iyo dilalka loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com