Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa ay bilowday Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaal loo heysto in ay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo gubid loo geystay Muwaadin Soomaaliyeed. Falkaas oo Sanadkii la soo dhaafay ee 2018 ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,isla markaana loo geystay Marxuum Axmed Dowlo ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen 7 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar. Saraakiisha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka dilkaasi loo heysto ay yihiin todobo ruux oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasoo bilihii u dambeeyay ku jiray gacan laamaha ammaanka, balse maanta la guda galay dhageysiga kiiskooda. Fadhiga Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Maanta ka bilaabatay Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaasha ayaa waxaa Guddoominayay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed,waxaana weli si rasmi ah loo shaacin xiliga la soo gabagabeen doono Dhageysiga Kiiskaas. Dilkaas ayaa hadal-heyntiisa waxa ay noqotay mid gaartay guud ahaan Soomaaliya,hayeeshee dhowr bil kadib ay istaagtay waxaana maanta Maxkamada Gobolka Banaadir u fariisatay dhageysigeeda. Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku reer ah qoyska dilkaasi geystay ayaa sanadkii hore dhowr jeer isku dayay in qaab damaanad ahaan uga sii daayaan xabsiga todobada qof ee dambigaas u xiran, balse waxaa arrintaas ka hor istaagay hay’adaha Garsoorka dalka. Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc dhanka guurka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay isgosyka Dabka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in uu ahaa mid ka dhashay gaari, kaas oo ku qarxay agagaarka saldhigga degmada Booliska Waabari ee G/Banaadir. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad ay fidinayaan gaadiidka Ambalaasta. Waa qaraxii labaad oo magaalada Muqdisho ka dhacaya, iyadoona barqanimadii hore ee maanta gaari uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug uu ku qarxay agagaarka Isgoyska shaqaalaha dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. View the full article
  3. (SLT-Uganda)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay inay ka baaraan-degayaan inay Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Albashiir inay siiyaan magangelyo. Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalada Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan. “Haddii uu Albashiir naga soo codsado magangelyo uu ku joogo Uganda, taasi waa arrin uu garwaaqsan karo Madaxwyne Yoweeri Museveni” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda. Dhinaca kale Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaaladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan. Source
  4. Waxaa goordhow waddada Maka Al-mukarama ee bartamaha Muqdisho ka dhacay qaraxii 2aad muddo saacado ah kadib markii goor sii horeysay uu isla jidkaasi ka dhacay mid kale. Inta la xaqiijiyey ilaa 7 qof ayaa dhaawac ah, waxaana la sheegayaa in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay laakin uu weli gurmadka socdo. Qaraxa ayaa ka dhacaya goob lagu cunteeyo, waxaana la sheegayaa inuu qaraxa dhacay xilli qado, oo meesha ay mashquul aheyd. Wararka oo faah-faahsan, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Khasaare aan la xaqiijin ayaa ka dhashay qarax goor dhaw ka dhacay isgoyska dabka ee Muqdisho, kaasoo ku yaalla waddada maqshuulka badan ee Maka Al-Mukarama oo ay inta badan maraan madaxda Dowladda Somalia. Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobta gaaray iyagoo qaadaya khasaarihii ka dhashay Qaraxa, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu le’eg yahay. Qaraxan oo intiisa badan laga maqlay Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay, isagoo ka dhacay maqaayad ku dhaw saldhigga booliiska ee degmada Waaberi. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, sidoo kalena kama aysan hadlin hay’adaha amniga dowladda, waxaana goobta uu qaraxaan ka dhacay soo gaaray ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Somalia ah. Dhanka kale, Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo Muqdisho ka dhaca maanta oo keliya, iyadoo qaraxii hore oo ka dhacay isla waddada Maka Al-mukarama aysan jirin cid wax ku noqotay, basle ay ku gubteen laba saddex gaari oo uu ku jiro midkii qaraxa lagu soo xiray. Wixii warar ah ee ku saabsan Qaraxan waxaad kula socon donaan wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Qarax weyn oo goor-daw ka dhacay Waddada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Baladweyne (SMN) – Taliye ku xigeenka guutada shanaad ee Ciidanka Xoogga dalka qeybta Hiiraan Maxamed Cabdi Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgallo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilowdeen gobolkaasi. Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in u jeedka howlgallada ay yihiin, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab ee G/Hiiraan. Sidoo kale Maxamed Cabdi Xasan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan dhammaan deegaanada HirShabelle in ay Ciidamadu ku gacan siiyaan dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi. Al Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weli ku xoogan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimadd Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada. Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari ayaa wuxuu ka dhacay Agagaarka Saldhigga Dagmada Waaberi oo ku yaal meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Dabka. Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray gaari, wuxuuna ka dhacay iridda hore ee Maqaayadda Barwaaqo oo u dhow Xarunta Saldhigga Waaberi. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 7 qof illaa haddana lama sheegin dhimasho. Sidoo kale xog lagama helin weli cidda leh gaariga Qaraxa lagu xiray iyo haddii ay khasaaro kasoo gaartay inkastoo qaraxa ahaa mid xooggan. Qaraxaan ayaa noqonayo midkii labaad oo Maanta ka dhaco Magaalada Muqdisho, waxaana saacado ka hor Qarax ka badbaaday Taliyaha Nabadsugidda Galmudug oo gaarigiisa Qarax loogu xiray xilli uu marayey Shaqaalaha. Wixii Warar ah ee kusoo kordha qaraxaan kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab siyaabo kala duwan ay Askar ugu dileen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi. War ka soo baxay Al Shabaab, laguna baahiyay barahooda Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerar qorsheysan ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Al Shabaab ayaa magaca Askarigaasi ku sheegay Isxaaq Macalin Weyne, waxaana ay tilmaameen in ay horay uga qaateen qoray uu watay. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in dilka Askarigaasi kadib ay dagaal la galeen Ciidan Itoobiyaan ah oo gurmad u soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen. Weerar iyo dagaal toos ah oo dhexmaray labad dhinac ayey sheegeen in Ciidanka Itoobiya ay uga dileen hal Askari, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro illaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Koonfur Galbeed oo ku aadan dilka Askartaasi. Ammaanka Baydhabbo ayaa mudddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka wada Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaaladaasi. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Biixi, xoog kaga qaaday dadkii lahaa dhulka ay ka dhisayso madaxtooyada cusub. Maxamuud Saleebaan Ramaax xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID ayaa sheegay in arrintaasi uu mas’uul ka yahay madaxweyne Biixi. Dhan kale waxa si adag u naqdiay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Magaalada Berbera iyo mashaariic la sheegay in laga hirgaliyay gobolka Saaxil,Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay waddada Makka Al- Makarrama ee M/ Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah oo yiillay inta u dhexeysa isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee degmada Hodan. Wararka qaar ayaa sheegay in gaariga uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug Cabdi Dheere, kaasi oo la sheegay in qaraxa uu ka badbaaday. Khasaare hantiyadeed ayaa ka dhashay qaraxani, waxaana uu saameeyay labo gaari iyo dhismo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyay dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal lidi ku ah nabad galyada ah oo maalmihii dambe ka dhacayay Muqdisho oo ay howlagllo ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-17042019.mp3 View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Shirkad Shiinaha laga leeyahay ayaa heshiis baaxad wayn la sixiixatay Somaliland sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Ahmed Cawad. Heshiiskan ayaa dhidibada loogu taagayaa warshad sifaysa shidaalka. “Saddex shirkadood ayaa shidaal qodis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan” ayuu yidhi Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Ahmed Cawad. “Maadaama oon meel dhexe ku naalo waa meel la keeni karo shidaallada bari iyo galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo” ayuu intaas ku sii daray wasiirka. Sannadkii hore ayay Itoobiya soo saartay shidaal ka dib wakhti dheer oo ay sahan shidaal ka wadday Dawladda Deegaanka Soomaalida. Dawladda Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay inay shidaal ka heshay dalkeeda, arrimahaas oo dhan marka la eegayo warshad shidaal samaysa oo gobolka laga billaabo hadda ayaa u muuqata mid mustaqbal ifaya leh. “Waddankan aan jaarka nahay ee Itoobiya ayay shirkadaha oo dhan tartan ugu jiraan” ayuu yirdh wasiir Maxamed oo ku baraarugsan ahmiyadda suuqa 100 milyan ee qof ee ku nool dalka Itoobiya oon bad lahayn. “Wallaahay waan ku faraxnay” Mashruucan warshadda shidaalka sifaysa oo lagu wado in uu noqdo mid baaxad wayn ayaa loo arkaa in uu wax wayn ka qaban doono mashaakilka Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ka haysta shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada. Shirkaddan Shiinayska ah ayaa ogolaatay in ay waxbarasho dibadda ugu qaaddo isla markaasna shaqo siiso 300 oo ka mid ah dhallinyaraas, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland. “Qorshahaas ay shirkadda shidaal sifayntu shaqo abuurka ugu samaynayso wallaahay waan ku faraxnay waana soo dhawaynaynaa waayo dadkani waa dad dhallinyaro ah oo ku yimid mashruuca shaqo qaran, marka dhallinyaradan oo shaqo la’aan ah jaamacadana ka soo baxay aad bay u soo dhaweeyeen” ayuu yidhi Faysal Cabdi Muxumed oo ka mid ah difcada koobaad ee shaqada loo ballamiyay. Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC ku waraystay Maxamed Ahmed Cawad ayaa waydiiyay waxa heshiiska shirkaddan uu uga duwanaan karo kuwii ka horreeyay ee ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen? “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis.” waana la dhagax dhigay ayuu yidhi Cawad. Source
  13. Waxaada garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta oo da’daalo ku bixinaya horomarinta aqoonta xirfadlayaasha garsoorka ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay qalab casri ah kaas oo lagu ogaanayo fay-qabka iyo heerka tababarka waxaana qalabka loo yaqanaa (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS). Aaladan oo sanadkan laga dhaqan geliyay wadamada qaaradda Afrika ayaa loogu talo galay cayaartoyda iyo garsooryaasha si loo agaado qaybaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha ay ku liitaan mudada tababarka uu socdo, waxaana markii ugu horeesay caasimada ku isticmaalay garsoorayaasha heerarka kale duwan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Garsoorayaasha heerka kala duwan ee Xiriirka Kubbadda cagta ayaa iyaga qudhooda soo dhaweeyay horomarka iyo garab istaagida waxaad garsoorka,iyagoo sheegay in ay da’daal badan bixinayaan si ay guulo waaweyn ay ugu soo hooyeen tartamada iyo gudaha iyo Qaarada Afrika kolke ay dhex dhexaadinayaan. Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Xasan Aadan Xaaji Yabaraow (Wiish) oo isaga xilkan loo magacaabay 08-02-2019 ayaa da’daalo badan ku bixinaya kor u qaadida aqoonta iyo horomarinta garsooorayaasha dalka si ay ula jaanqaadaan dhiggooda qaaradda Afrika iyo Yurub. Macallin Maxamed Cabdulle Fare yare oo ah haysta darajada heerka koowaad ee macallinimada xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee (CAF) iyo madaxda tababarka X.K.Cagta Cabdi Cabdulle Baasaale oo casharo la xiriira isticmaalka aaladan kusoo qaatay dalka Koonfur Afrika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay si wanaagsan ula qabsadeen Garsoorayaasha dalka fahanka iyo isticmaalada qalabkan cusub ee GPS. Si kastaba Soomaaliya ayaa noqotay wadankee sideedaad ee dhaqan galiya istcimaalka aaladan waxayna tani muujinaysa sida uu garsoorka kubbadda cagta Soomaaliya dhanka kasta uga dadaalayo horomarka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Adeegsiga Aalada Garsoorayaasha Ee GPS W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Khartoum)-Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa salaasadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Ilo-wareed ku sugan xabsiga ayaa sheegay in Al-Bashiir kaligiis lagu hayo qeyb xabsiga ka mid ah oo cidlo ah, islamarkaana amnigeeda aad loo adkeeyey. Tan iyo markii ay khamiistii tagtay xukunka ka tureen militariga Sudan, Al-Bashiir ayaa waxa uu ku xabisnaa xarunta madaxtooyada oo ay ku ilaalinayeen ciidamada aad xooggan. Militariga ayaa Al-Bashiir xukunka ka tuuray kadib toddobaadyo dibad-baxyo oo isaga ka dhan ah, ayada oo dibd-baxayaasha ay tan iyo 6-dii bisha April hor deganaayaan xarunta ciidamada oo ay madaxtooyada ku dhex-taal. Axmed Cawad Bin Cawf oo ku dhowaaqay xukun ka tuurista Al-Bashiir iyo in lagu hayo goob nabdoon ayaa isna ka tagay jagadii madaxa golaha militariga ee la wareegay talada dalka Sudan, maalin un kadib markii uu xilkaas qabtay. Golaha ayaa waxaa iminka hoggaaminaya Cabdi Fatax Al-Burhan oo ballan-qaaday in doorasho ay ku dhici doonto laba sano gudahood. Source
  15. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo maanta shir guddoominayey kulanka aqalka ayaa bogaadiyey warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka ee halkaasi laga jeediyey balse waxaa uu guddigaas iyo midka doorashada ku canaantey sida aaney u waqtiyeyn jidka la marayo, jadwaleynta iyo cidda mas’uuliyad qaadaneysa. Mudane Abshir oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri “ Guddiyada madaxa bannaan ee la sameeyey ha noqdo guddiga dastuurka ama guddiga doorashooyinka ma sheegaan, ma yiraahdaan haddii caqabadahaas ama arrimahaas aan u baahanahay aanan helin ama caqabada na hortaagan aan nala kala hor wareejin mas’uuliyadda naloo igmaday naluma oga, waxaa dalka dhaqan ka noqotey inuu guddi walbo ama qof kasta yiraahdo waa mas’uuliyad wadareed, dalka mas’uuliyad wadareed ma jirto ee waxaa jirto waxqabad wadareed, waxbaa la isla qabaa, ee mas’uuliyadda cidbey dusha uga dhaceysaa…arrimaha u baahan heshiisyada siyaasadeed hal iyo labo mooyee weli laga hadal, oo aysan ku cadeen jadwal arrimahaas wax looga gaaryo, waxaa nasiib darro in dastuurkeenna uu 6 sano ku jiro dib u eegis”. Guddoomiye Abshir Axmed waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aan lagu soo darin caqabada in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka ku soo biiray aanu dhameystirmi karin. “Caqabadaha kama muuqan in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka si toos ah ugu soo biirin dastuurka inuusan noqon doonin dastuur ebyama, oo dastuur gebo-gebo ah, Soomaaliya dastuurkeeda ma dhameystirmi karo haddii aysan kasoo qeyb gelin aftideeda iyo ansixinteeda Somaliland”. Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka golaha aqalka sare Abshir Axmed waxaa uu faray laanta fulinta iney hormuud ka noqoto doonista Somaliland, si ay u dhameystiranto midnimada Soomaaliya, waxaanu balan-qaadey in ka aqal ahaan ay kaalintooda qaadan-doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Laas-geel)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobta Aasaarta qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, waxana uu soo indho-indheeyey xaaladda ay sugan tahay goobta taariikhiga ah ee dalxiiska loo tagaa. Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-da dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo ka degmada Laas-geel, ayaa gelinkii dambe ee shalay goob-goob u galay meelaha taariikhiga ah ee ku yaalla Laas-geel, waxanu indhihiisa ku arkay waxyaabaha taariikhiga ah ee halkaas ku sugan, kuwaas oo soo jiita dalxiisayaasha dunida dacalladeeda ka yimaadda. Ugu horrayn xubno kamid ah maamulka degmada Laas-gaal oo iyagu gacanta ku haya goobaha Aasaarta qadiimiga ahi taallo oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Laas-geel Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye) oo halkaa ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha taariikhiga ah ee deegaankaasi caanka ku yahay iyo weliba godad iyo dhagaxaan baaxad leh oo la filayo inay hoy iyo qasriyo u ahaayeen ummado hore halkaas u degenaa kumannaan sano ka hor. Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamud Xasan Saacid (Saajin), ayaa isaguna dhinaciisa faahfaahiyey muhiimadda ay qaranka u leedahay goobta taariikhiga ah ee Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ilaalinteeda xil weyn iska saareen, kuna wareejiyeen deyr weyn iyo laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo qayb ka ah tallaabooyinka ay ku doonayaan inay goobtan ka dhigaan meel lagu soo hirta oo ay u dhammaystiran yihiin wax kasta oo ay dadka dalxiisayaasha ahi u baahan yihiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn waxa uu u mahadnaqay guud ahaanba hay’adaha Dalxiiska iyo cidkasta oo hawshaas ku shaqo leh, gaar ahaan dadka ilaaliya goobaha Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay Somaliland caan ku tahay buqcad caan ku ah dalxiiska, islamarkaana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dalxiisku yahay Il dhaqaale oo dalka dakhli badani kasoo geli karo, islamarkaana ay Somaliland leedahay goobo badan oo loo dalxiiso, “Waxan qabaa inuu dalxiisku yahay meel aynnu dhaqaale faro badan ka heli karno oo macdanta la daydayayo iyo xoolaha aynnu dhaqanno in badan ka badan karta, haddii aynnu helno farsamadeeda, waayo waxa aynnu leenahay dhul adduunka oo dhammi yaqaanno oo dalxiiska caan ku ah oo haddii aynnu habaysanno, dadkeedii noqonno oo dadka inoo imanayaa ay inaga helaan nabad iyo wax wada-qabsi aynnu lacag badan ka helayno, oo gobollada oo dhan ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa wado olole lagu diyaarinayo banaanbax weyn oo lagu taageeri rabo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib culeys siyaasadeed oo soo wajahay. Yariisow ayaa isugu yeeray dhammaan Guddoomiyaasha iyo madaxda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, wuxuuna la qaatay kulan xasaasi ah oo looga hadlay in 17 Degmo ee Gobolka Banaadir laga soo aruuriyo dad tiro badan oo Madaxweynaha u muujiyo taageero si looga yareeyo culeyska siyaasadeed ee maalmihii dambe saarnaa. Banaanbaxaan oo lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu weynaa ee lagu taageeri doono Madaxweynaha ayaa ka dhici doono Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis, wuxuuna qorshaha yahay inuu dhaco Maalinta Berri ah ama Jimcaha inkastoo ay u badan tahay inuu Berri dhaco. Banaanbaxaan ayaa loo diyaariyey inay kasoo qeybgalaan Haweenka u diiwaan gashay Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaas oo la geeyo banaanbaxyada, sidoo kalana waxaa jiro qaar kale oo laga keeni doono xirooyinka Barakacayaasha kuwaas oo la siin doono lacago. Banaanbaxaan ayaa kusoo aadayo Xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo cadaadis kala kulmayo dhanka sugidda Amniga Muqdishi iyo dilalka loo geysanayo darawlada Bajaajyada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn. “Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. A roadside bomb struck a military convoy carrying Kenyan forces in southern Somalia on Wednesday, residents said. The remotely-controlled landmine explosion damaged one of the vehicles in the convoy which was travelling between Ras-Kamboni and Bur-Gabo areas in Lower Jubba region. The bomb attack has inflicted casualties on the Kenyan soldiers, but, the exact number of the fatalities remained unclear. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab militants claimed responsibility for the explosion, saying they killed at least 15 Kenyan defence force members and wounded several others. The militants added that the wounded and dead Kenyan soldiers were airlifted to Nairobi by a military helicopter. The African Union Mission in Somalia has not yet commented on the Al-Shabaab claims of killing 15 soldiers in the latest IED attack in the country. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xil cusub u magacaabay Nicholas Haysom wakiilkiisii gaarka ahaa u qaabilsanaa Soomaaliya, kaasi oo bilowgii sanadkaan laga ceydhiyay Muqdisho. Nicholas Haysom ayaa loo magacaabay lataliye gaar ah oo Midowga Africa ka taageeraya dadaalada dhexdhexaadinta Sudan, halkaasi oo todobaadkii lasoo dhaafay ciidamada Meletariga xilka kaga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa wariyaasha u sheegay in Nicholas Haysom uu ka taageeri doono midowga Africa wax walbaa oo uu awoodo oo lagu badbaadinayo Sudan. Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afria Muusa Faki Maxamed xilka loo magacaabay Haysom iyo in mar walbaa uu garab taagnaan doono shacabka Sudan. “Xoghayaha guud wuxuu si aad ah u sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka uu la leeyahay Midowga Afrika, wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo uu awood u leeyahay inuu ku taageero dadaalkooda,” ayuu yidhi Dujarric. Nicolas Haysom, ayaa ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse waxaa laga eryay Soomaaliya afar bilood ka hor, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha dalka. Haysom waa Qareen Koofur African ah, waxaana uu horey usoo noqday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Sudan iyo Koofurta SUdan, sidoo kale wuxuu madax ka noqday Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan. Source
  20. Somali security agencies have arrested 16 suspected al-Shabaab operatives in the capital during a security operation on Tuesday. The Deputy Commissioner of the Somali Police Force, Colonel Zakia Hussein confirmed during a press conference in Mogadishu. Colonel Zakia also said the number of other suspects is still at large adding that relevant agencies have launched investigations into the suspects already in custody and will share the outcome once complete. The Deputy Commissioner of the Somali Police Force said security apparatus have successfully disassembled inland explosive device planted along Mogadishu-Afgoye road. Meanwhile, the police arrested a suspected in Warta Nabada district in Mogadishu after he allegedly attacked security agencies with a hand grenade on Tuesday evening. Somali Police Force has intensified security operations to beef up stability in the Somali capital in the past weeks. The heads of security appeared before the House of the People on Monday to answer the security lapse experienced in the country. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa si adag u weeraray Madaxweynaha Somaliland isaga si adag uga hadlay muranka ka taagan dhulka laga dhisayo Madaxtooyadda cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Xassan Shire Cabdi, ayaa maanta shaaciyay in markii u horraysay maxkamad lagu soo oogay, shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo musuq maasuq ku eedaysan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in la qabtay ,dabadeedna dacwad maxkmadeed lagu oogay, shaqaaale ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda oo lacago dhunsaday. Sida wasiirku sheegay, shaqaalaha dacwadda lagu oogay waxaa kamid ah; madaxii cabshuuraha wasaaradda Maaliyadda ee degmada Qandala oo ku eedaysan in uu dhunsaday lacag dhan $52,000 oo Dollar. Dacwad lamid ah waxaa isna lagu oogay, madaxii canshuuraha berriga ee degmada Carmo oo ku eedaysan, in uu samaystay dukumintiyo been-abaara, si uu lacago ugu qaato. Shaqaala dacwadda laga gudbiyay oo aan magacyadooda la xusin, ayaa sida wasiirku sheegay maxkamadu xannibtay hantidoodii shakhsiga ahayd, waxaana dacwadda lagu oogay hor taalla maxkamadda oo go’aan ka gaari doonta. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Shaqaale ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dacwad lagu soo oogay appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulanka Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado kadib ka furmay xarunta golaha shacabka, waxaana kulanka maanta looga hadlayaa warbixin laga dhageysanayo guddiga doorashada madaxda banaan. Xildhibaanada ayaa inta badan kulankooda wuxuu furmayay 10:00 am, balse maanta dib u dhac labo saacadood ah ayaa ku yimid, walow markii dambe uu furmay. Shaki badan ayaa laga qabay in kulanka maanta uu furmo, maadaama xildhibaano badan la waayay, balse ugu dambeyn 141 xildhibaan ayaa xaadirtay kulanka maanta xildhibaanada ku yeelanayaan magaalada Muqdisho. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhageysanaya warbixin la sugayo guddiga doorashada madaxa banaan, waxaana guddiga laga sugayaa inay soo bandhigaan warbixin la xiriirta doorashada ka dhaceysa dalka 2020/2021. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sidoo kale waxay dhageysan doonaan warbixinta koowaad ee wax ka badalka sharciga Furdada. Kulamadii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka ayaa buuq ku bilowday, waxaana xildhibaanada horyaalo sharciyo badan oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhacaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Markäad Booqato sebsite-ka Shirkada Duulimaadka ee Fly Dubai oo aad raadsato tiket Hargeysa ah waxaa kusoo boodaya Hargeysa- Somaælia. Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliland ayaa mudooyinkaan [...] Source